-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maxkamadda darajaa koowaad ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun ku ridday Cabdi Casiis Xuseen Nuur Musral oo lagu soo eedeeyay inuu la shaqeeyay dagaalamayaasha Al-shabaab, xilli uu ka tirsanaa xoogga dalka sida ay sheegtay Xeer ilaalintu fadhiga maxkamadda ee la hor keenay eedeysanaha. Waxyaabaha loo heysto ayaa waxaa kamid ah inuu sheegtay darajooyin uusan ka gaarin ciidanka xoogga dalka, waxaana intaas kadib ku socday baaritaanno kale duwan sida laga sheegay maxkamadda, xogtiisa saxda ayaa la helay kadib markii dowladdii hore ku dhawaaqday diiwaan gelinta ciidanka xoogga dalka. Kadib markii ay hay’adaha barista Amniga iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Ogaadeen ayuu Cabdi Casiis Xuseen Nuur Musral yahay sarkaal xogaha saraakiisha, ciidanka iyo farsamooyinka kale ee dugsiga la wadaago Alshabaab ayuu ka baxsaday isaga oo ku biiray si toos ah u galaya Al-shabaab. Maxkamadeyntiisa ayaa waxaa ay socotay Tan iyo 22 kii January Sanadkan Cabdi Casiis Xuseen Nuu oo da’diisu tahay 63 sano jir jirkan waxaana maanta maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ay ku xukuntay 15 sano oo Xabsi Ciidan ah, sida looga dhawaaqay gabagabadii fadhiga maxkamadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beesha West Burco Clan haday ka dhiidhiyeen duulaanka nalagu soo qaaday waanu soo dhawaynaynaa go,aanka ay soo saareen, suldaankii xalay lahaa Laascaanood baan aadayaa oo isimaaan wada hadalnay waxaan ku leenahay iska noqo anaga hanoo imane”….Garaad jaamac garaad ismaaciil. See insights and ads Boost post All reactions: 2Khadar Bitijoor and 1 other Qaran News
-
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gooni gooni ah la leh qaar ka mid ah madax dowladaha Afrika oo kulansan shir madaxeedka 36-aad ee Midowga Afrika ee ka socda magaalada Addis-ababa, madaxweynaha ayaa kulamo la qaatay Madaxweyneyaasha Burundi Mudane Évariste Ndayishimiye iyo Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan iyo madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame. Kulamada ayay dowladda Soomaaliya waxay ku dooneysay in codka taageerada ku biirista urur goboleedka geeska Africa ka hesho madaxda dowladahaan. Dhan kale madax ayaa ka dooday dhibaatada argagixisadu ku hayso horumarka iyo xasilloonida Qaaradda, iyadoo la isla meel dhigayo sidii loo heli lahaa qaarada oo ka caagan kooxa argagixisada. Dowladda Soomaaliya ayaa shirweynaha midowga Africa waxay la tagtay qodobo ay ka mid yihiin taageero u helida in ay ka mid noqoto xubnaha joogtada ah ee golaha amaanka, iyo in xubnaha golaha ay kala shaqeeyaan sidii ay ugu biiri la heyd suuqa bulshada geeska Africa sida lagu sheegay war saxafadeed ay daabacday warbaahinta qaranka. Madaxdweynaha ayaa intii uu joogay AdisAbaba waxa uu kulan doceed la qaatay ra’iisul wasaaraha Ethiopia abay Ahmed oo ay ka wadahadleen xooginta xiriirka labada dal iyo iska gacansiinta la dagaalanka kooxda argaxisada Al-shabab oo dhib amni ku heysa labada dal. Si la mid ah wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Haruuse ayaa la kumay qaar ka mid ah wasiiradda arrimaha dibadda dowladdaha Africa si ay Soomaaliya taageero ugu hesho ku biiristeeda iskutaga bulshada geeska Africa. Soomaaliya waxay dadaal xoogan ugu jirtaa sidii ay ugu biiri la heyd urur goboleedka geeska Africa, dhawaan waxaa dalka yimid kooxda xaqiijinta oo ka socday bulshada geeska si ay u hubiyaan in ay soomaaliya diyaar u tahay ku biirista suuqa ganacsiga geeska afrika. Madaxweynaha ayaa ergay gaar ah u magacaabay ka shaqeynta ku biirista geeska Africa. Dhanka kale dowladda Soomaaliyaa awoodeeda iskugu geyneysa sidii ay dalka ugu cirib tiri laheyd kooxda Al-shabaab oo Qatar ku ah amniga iyo horumarka ganacsiga, kuwaa caasimada ka geysta qaraxyo iyo dilal joogta ah. Waxayna lacago baad ah ku soo rogaan ganacsatada. Baarlamaanka Soomaaliya waxaa horyaal dhawr sharci oo ay soo Soomaaliya aaminantahay in ay u hiilinyaan ku biiristeeda geeska Africa. Waxay dadaal ku bixineysaa sidii ay maalgashadayaasha caalamka ugu dhiiran lahaayeen maalgashiga Dalka. Uruka iskaashiga geeska Africa waxaa horay ugu jiray wadamada Burundi, Kenya, Tanzania, Uganda, south Sudan, Rwanda iyo Congo. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwad culus oo ka dhan ah Xidigle Cabdicasiis Xuseen Nuur Mursal oo ah Macallin tababare ah oo ka tirsan Kuliyadda Jaalla Siyaad ee Xoogga dalka. Ninkan oo 63 sanno jir ah ayaa waxaa lagu helay inuu si hoose ula shaqeynayay Shabaab, sida ay shaacisay maxkamadda ciidamada oo soo bandhigay caddeymo dheeraad ah. Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa shaaca ka qaaday in ninkan uu sheegtay darajada Gaashaanle Sare, laakiin xilligii diiwaan-gelinta ciidamada ee dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo loo helay xidig sax ah, waxaana cadaatay in inta kale uu iska saartay. Sidoo kale waxay xeer ilaalintu intaasi ku dartay in arrintaas uu caro ka qaaday, kadibna uu sidaas ula la xertay kooxda Al-Shabaab oo uu haatan la shaqeynayay. Intaasi kadib hay’adaha baarista amniga iyo xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa waxa ay ogaadeen in Xidigle Cabdicasiis Xuseen uu xogaha saraakiisha, ciidanka iyo farsamooyinka kale ee dugsiga tababarka uu la wadaago xoogaga kooxda Al-Shabaab. Maxkamadeynta Xidigle Cabdicasiis Xuseen ayaa soo socotay tan iyo 22 kii January ee sanadkan 2023-ka, ayada oo ay maxkamaddu kiiskiisu ka yeelatay fadhiyo kala duwan Ugu dambeyn maxkamadda Ciidamada oo go’aan kasoo saartay dhageysiga kiiskan ayaa Xidigle Cabdicasiis Xuseen Nuur Musral ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu ku dhowaaqay guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida. Ma’aha sarkaalkii ugu horreeyay ee la soo taago Maxkamadda Ciidamada, laguna helo Al-Shabaabnimo, waxaana ka horreeyay Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow) oo isna ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda, balse lagu helay inuu la shaqeynayay kooxda Al-Shabaab, kaas oo horay dil toogasho ugu xukuntay Maxkamadda Ciidamada. Waxaa sidoo kale ka dambeeyay Kabtan Shariif Maxamed Barkhadle (Ayaanle) oo Al-Shabaab qaraxyada usoo gelin jiray Muqdisho, kaas oo isna lagu xukumayo toogasho. The post Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay sarkaal kale oo lagu helay Al-Shabaabnimo appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Suuriya ayaa Israaiil ku eedeysay in ay ka dambaysay weerar gantaalo ah oo lagu garaacay magaalada Dimishiq ee caasimadda dalkaasi, waxaana jira khasaare ka dhashay weerarkaas oo soo gaaray dad shacab ah. Milateriga dalkaas ayaa sheegay in shan qof ay dhinteen, ka dib markii ay gantaallo ay Israa’iil ku garaacday dhismayaal ku yaalla caasimadda iyo deegaannada ku xeeran maanta oo Axad ah. Saraakiisha ayaa sheegay in dhismo ku yaalla xaafadda Kafr Sousa ee bartamaha Dimishiq, lagu dilay afar qof oo rayid ah iyo hal askari, degmada oo ay dad badan ku nool yihiin, ayaa waxaa ku yaalla dhismo weyn oo ammaankiisa si weyn loo ilaaliyo. Israa’iil, ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan duqeynta, markii ay wax ka weeydiisay wakaaladda wararka ee Reuters, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay oo ku aadan weerarkaas. Israa’iil ayaa waxay inta badan weerartaa bartilmaameedyada Suuriya ee lala xiriirinayo Iran, iyo dagaal yahannada Xisbullah, laakiin marar dhif ah ayey qirataa weerarka ay geysato. Weerarkii Axaddii, ayaa ahaa kii ugu horreeyay tan iyo markii dhulgariir lagu qiyaasay 7.8 uu ku dhuftay waqooyi-galbeed ee dalkani, iyo sidoo kale qaybo ka mid ah dalka deriska ah ee Turkiga, 12 maalmood ka hor. Deegaanka Kafr Sousa, ayaa waxaa ku sugan xarunna u yihiin saraakiil sarsare iyo hay’adaha ammaanka, balse waxaa sidoo kale degan dad shacab ah oo ku nool dhismayaasha u dhaw dhaw xarumahan. Duqaynta – oo dhacday 00:22 wakhtiga maxaliga ah (21:22 GMT) – ayaa waxay sababtay burbur soo gaaray guryo badan, oo ku yaalla xaafadaha Dimishiq iyo meelaha kale ee u dhow, sida ay sheegeen saraakiisha Suuriya. Wasaaradda difaaca ee dalkaas, ayaa sheegtay in gantaalladan laga soo tuuray buuraha Golan Heights, oo ah dhul dhagax ah oo koonfur-galbeed ka xiga magaalada Dimishiq, oo ay Israa’iil qabsatay sannadkii 1981-kii. Kooxda la socodka xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya ee fadhigeedu yahay magaalada London, ayaa sheegtay in dhimashadu ay marayso 15 qof, oo ay ku jiraan dad rayid ah, kuwaas oo ay saameeyeen weerarrada. Weerarkani ayaa waxa uu ku soo beegantay hal bil ka dib markii Israa’iil ay weerar ku qaaday garoonka caalamiga ah ee Dimishiq, sida ay sheegeen ciidamada Suuriya, halkaas oo ay ku dileen afar qof oo ay ku jiraan laba askari sida uu sheegay mas’uul u hadlay Suuriya “Weerarkii Axaddii waa kii ugu khasaaraha badnaa ee Israa’iil ka geysato caasimadda Suuriya,” ayuu yiri Rami Abdel Rahman, madaxa kormeerayaasha. Israa’iil ayaa horay u qiratay inay bartilmaameedsato saldhigyada kooxaha mintidiinta ah ee daacadda u ah dowladda Iran Labadan dal ayaa isku ah cadow soo jireen ah, waxaana sannadihii u dambeeyay ay ku hawlanaayeen wax lagu tilmaamay “dagaal qarsoodi ah” oo ah weerarro aan la sheegan, oo midba midka kale uu ku qaado hantida, kaabayaasha dhaqaalaha iyo shacabkaba, waxaana horay u dhacay weerarro nuucaan oo kale ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ay iska kaashadeen ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Nabad Sugidda ee qaybta Waliyow Cadde oo xalay laga sameeyay gudaha degmada Waabari ee gobolka Banaadir. Howlgalkan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa maamullada degmooyinka ee qaybta Waliyow Cadde, sida Waabari, Hodan, Howlwadaag iyo Xamarjajab ee gobolka Bnaadir. Ujeedka howlgalkan ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga degmada Waabari oo ay horay uga dhaceen falal amni darro, kuwaas oo ay kamid yihiin dilal qorsheysan iyo qaraxyo. Howlgalkan ayaa waxaa loogu magac daray (Garan-waa), waxaana lagu beegsanayaa xubnaha Al-Shabaab ee ku dhex dhuumaaleysanaya gudaha magaalada Muqdisho. Inta uu socday howlgalka waxaa lagu soo qab-qabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood ay horey u wateen ciidamada ammaanka, halka kuwii la hubiyeyna lasii daayay. Guddoomiyaha maamulka degmada Waabari, Maxamed Sheekh Sayid Cali oo la hadlay warbaahinta kadib howlgalka ayaa ka warbixiyay ujeedkooda, wuxuuna shaaciyay in la baadi gaabayay dadka sameeya falalka ammaan darrida ee ku sugan gudaha degmadaasi. “Maanta waxaan halkan u joognaa inaan soo saarno garan waaga ku dhex dhuumanaayo degmada Waabari iyo doolka halkan dadka ku u gaarsanaayo,” ayuu yiri guddoomiyuhu. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in howlgalladu ay sii socon doonaan, isla-markaana la gaarsiin doono dhammaan waaxaha ay ka kooban tahay degmada Waabari. “Cawada kaliya ma’ahan waa la sii wadi doonaa maalinba waax ayaa la tegi doonaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho ka socday howlgallo ay ka wadeen ciidamada Booliska iyo kuwa NISA ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo looga hortagayo weerarada Al-Shabaab, burcadda iyo kooxaha ciyaal weerada. The post Daawo: Ciidamada Booliska iyo kuwa NISA oo howlgal culus ka sameeyay Waaberi appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Moscow)-Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay in dalka Ruushku uu galay dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada intii lagu jiray duullaanka sannadka socday ee uu Ukraine ku qaaday. Madaxweyne ku-xigeenka dalka Maraykanka Kamala Harris ayaa sheegtay in falalka Ruushka ee Ukraine la eegay caddeymaha. “waxaa ogaanay halbeegyada sharciga ah oo aan shaki ku jirin, in ay jiraan dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada” ayey tidhi Madaxweyne kuxigeenka dalka Maraykanka Kamala Harris. Sidoo kale Harris waxa ay intaas raacisay “Waxaanan u sheegayaa dhammaan kuwa dambiyadan geystay iyo madaxdooda oo ku daawanaya, in lala xisaabtami doono.” Hadalka Kamala Harris ayaa yimid xilli ay hogaamiyeyaasha dalalka reer Galbeedku ay ku kulmayaan magaalada Munich ee dalka Jarmalka si ay u qiimeeyaan xasaraddii ugu xumeyd ee Yurub ka dhacda ilaa Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Source
-
Ciidanka booliska saldhigga degaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada muqdisho ayaa toogasho ku dilay Nin ay sheegeen in uu doonay inuu toogto askari ka tirsan booliiska deegaanka. Taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa sheegay in ninka la dilay ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, dhacdada ayaa ka dhacday xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho. War ay Taliska qeybta Booliska Gobolka Banaadir ku daabaceen bartooda facebook ayay ku sheegeen in booliiska qeybta ee galasbaaley uu toogtay nin ku jiray isku day dil, ayna xogta ku caawiyeen dadka deegaanka. “ dhagar qabaha ayaa qorsheynayay inuu dilo askari katirsan ciidanka booliiska, waxaana xogta dhagrahaan sahashay wada shaqeynta ciidanka booliiska iyo dadka deegaanka” ayaa lagu yiri qoraal ka qeybta guud ee booliiska gobolka Banaadir. Dilal ka dhacay 24 ee la soo dhaafay qeybo kala duwan oo katirsan muqdisho, caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa sheegtay iney ka dambeeyeen ururka Al-shabaab. Ururka Al-Shabaab ayaa wajahaya dagaal xooggan oo ay dowladda ka wado gobolada dalka, waxayna dowladda sheegtay in Al-shabaab kala dagaalameyso dhinacyada dhaqaalaha, aragtida iyo dagaal doos ah. Source: goobjoog.com
-
Maraykanka oo Ruushku ku Eedeeyay inuu Galay Dambiyo Dagaal
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Maamulka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa kama dambeys caddeeyey in dalka Ruushku uu galay dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada intii lagu jiray duullaanka sanadka socday ee uu Ukraine ku qaaday, sida ay Sabtidii sheegtay madaxweyne kuxigeenka dalkaas haweenayda lagu magacaabo Kamala Harris. Iyada oo ka hadlaysa Shirka Amniga ee Munich ayaa Harris oo horay u soo noqotay dacwad ooge , waxaana eedeyntaan ay imaanaysaa xilli wali uu socdo dagaalka sanad iyo bar jirsaday ee dalka Ruushka uu ku qaaday dalka Ukrine, waxaana wali aan jirin isku soo dhowaasho muujinaysa in la joojiyo dagaalka ee labada dhinac. “xaaladaha falalka Ruushka ee Ukraine waxaan eegnay caddeymaha, waxaan ogaanay halbeegyada sharciga ah oo aan shaki ku jirin, in ay jiraan dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada. Waxaanan u sheegayaa dhammaan kuwa dambiyadan geystay iyo madaxdooda oo ku daawanaya, in lala xisaabtami doono.”Harris ayaa intaas raacisay. Go’aankan rasmiga ah, kaas oo yimid ka dib eegis xagga sharciga ah oo ay sameysay Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanku, ayaanan wax raad degdeg ah ku keenin doonin dagaalka hadda socda, waxaana sidoo kale aan goobta ka marneyn tartanka quwadahaan ay ku tartamayaan dowladaha soo koraya xilligaan. Hase yeeshee, Washington ayaa rajeynaysa in arrintan ay kaalin ka geysan karto sii go’doominta madaxweyne Vladimir Putin, isla markaana ay mideyn doonto dadaalada lagula xisaabtamayo xukuumaddiisa, marka ay noqoto maxkamadaha caalamiga ah iyo dhinaca cunaqabateynada, taas oo saameyn weyn ku yeelatay Buttin. Hadalka Kamala Harris ayaa yimid xilli ay hogaamiyeyaasha dalalka reer Galbeedku ay ku kulmayaan magaalada Munich ee dalka Jarmalka si ay u qiimeeyaan xasaraddii ugu xumeyd ee Yurub ka dhacda ilaa Dagaalkii Labaad ee Adduunka, dagaalka Ruusha iyo Ukrine ayaa wali ah mid aan u muuqan dhammaad ama lagu kala adkaaday. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Laascaanood (Caasimada Online) – Afhayeenka maamulka Khaatumo, Rashiid Diiriye Faarax oo wareysi siiyay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay dagaalka adag ee weli ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee waqooyiga dalka Soomaaliya. Rashiid Diiriye ayaa shaaca ka qaaday in weli Somaliland ay dhibaato ku heyso shacabka reer Sool, isla-markaana duqeyn aan loo meel-dayin ay ku garaaceyso Laascaanood. Afhayeenka ayaa kasoo horjeestay in mas’uuliyadda loo saaro beel gaar ah, wuxuuna tilmaamay in dagaalka ka socda Laascanood ay mas’uul ka yihiin afar nin oo maamulka ku jira, kuwaas oo ku kala sheegay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, wasiirka arrimaha gudaha, Maxamed Kaahin, guddoomiyaha golaha guurtiada, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo taliyaha ciidamada milatariga maamulkaasi, Generaal Nuux Taani. “Waan ka horjeedaa in beel loo nisbeeyo waa maamulka nimanka ku jira ay kamid yihiin Muuse Niixi, Maxamed Kaahin, Nuux Taani iyo Saleebaan Gaal, waxaan ka codsanayaa dowladda federaalka in loo aqoonsato dhibka ay geysteen ” ayuu yiri Rashiid Diiriye Faarax. Sidoo kale wuxuu shuruud ku xiray wada-hadal lala galo Somaliland, wuxuuna tilmaamay in taasi ay kasoo horjeedaan, isagoo shuruud ka dhigay inay ka baxaan gobollada SSC. “Ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka waxaan u sheegeynaa illaa ay ka baxaan oo ay ka tagaan gobollada SSC in wax wadahadal ah aan lala geli karin maamulkaas arxan darrada u geysanaya shacbiga Laascaanood” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyay. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayadoo weli dagaal uu ka socdo Laasaanood, kaas oo maanta dib u qarxay, waxaana barbar socota duqeyn lagu garaacayo magaaladaasi. Dagaalka Laascaanood ayaa galay todobaadkii saddexaad oo xiriir ah, kaas oo sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh oo soo gaaray guud ahaan magaalada. Waxaa sidoo kale ka barakacay magaalada inta badan qoysaskii daganaan, kuwaas oo kor u dhaafaya kumanaan kun, sida ay shaaca ka qaaday Qaramada Midoobay. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xaalada Laascaanood, maadaama ay arrintu faraha ka baxday dhiigna uu ku daatay magaaladaasi. The post Yey yihiin ‘afarta nin mas’uulka ka ah’ dagaalka LAASCAANOOD? appeared first on Caasimada Online.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Afhayeenka maamulka Khaatumo, Rashiid Diiriye Faarax oo wareysi siiyay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay dagaalka adag ee weli ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee waqooyiga dalka Soomaaliya. Rashiid Diiriye ayaa shaaca ka qaaday in weli Somaliland ay dhibaato ku heyso shacabka reer Sool, isla-markaana duqeyn aan loo meel-dayin ay ku garaaceyso Laascaanood. Afhayeenka ayaa kasoo horjeestay in mas’uuliyadda loo saaro beel gaar ah, wuxuuna tilmaamay in dagaalka ka socda Laascanood ay mas’uul ka yihiin afar nin oo maamulka ku jira, kuwaas oo ku kala sheegay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, wasiirka arrimaha gudaha, Maxamed Kaahin, guddoomiyaha golaha guurtiada, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo taliyaha ciidamada milatariga maamulkaasi, Generaal Nuux Taani. “Waan ka horjeedaa in beel loo nisbeeyo waa maamulka nimanka ku jira ay kamid yihiin Muuse Niixi, Maxamed Kaahin, Nuux Taani iyo Saleebaan Gaal, waxaan ka codsanayaa dowladda federaalka in loo aqoonsato dhibka ay geysteen ” ayuu yiri Rashiid Diiriye Faarax. Sidoo kale wuxuu shuruud ku xiray wada-hadal lala galo Somaliland, wuxuuna tilmaamay in taasi ay kasoo horjeedaan, isagoo shuruud ka dhigay inay ka baxaan gobollada SSC. “Ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka waxaan u sheegeynaa illaa ay ka baxaan oo ay ka tagaan gobollada SSC in wax wadahadal ah aan lala geli karin maamulkaas arxan darrada u geysanaya shacbiga Laascaanood” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyay. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayadoo weli dagaal uu ka socdo Laasaanood, kaas oo maanta dib u qarxay, waxaana barbar socota duqeyn lagu garaacayo magaaladaasi. Dagaalka Laascaanood ayaa galay todobaadkii saddexaad oo xiriir ah, kaas oo sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh oo soo gaaray guud ahaan magaalada. Waxaa sidoo kale ka barakacay magaalada inta badan qoysaskii daganaan, kuwaas oo kor u dhaafaya kumanaan kun, sida ay shaaca ka qaaday Qaramada Midoobay. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xaalada Laascaanood, maadaama ay arrintu faraha ka baxday dhiigna uu ku daatay magaaladaasi. The post Yey yihiin ‘afarta nin mas’uulka ka ah’ dagaalka LAASCAANOOD? appeared first on Caasimada Online.
-
Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa wali ka dhacaya dagaalka u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo kuwa deegaanka, iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordheyso saameynta uu yeelanayo, waxaana magaalada isaga baxay inta badan shacabkii ku noolaa marka laga reebo askar iyo dad faro ku tiris ah. Barakacayaal ka badan 60,000 oo reer Laascaano ah, oo u badan kuwooda jilacsan ee haweenka iyo carruur, ayaa u qaxay deegannada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay, si ay uga baxsadaan iska horimaadyo iyo falal ammaan darro oo ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Madaafiicda ay adeegsanayaan ciidamada Milatariga Somaliland ee aan loo aabayeelin ee ku dhacaya kuryaha dadka rayidka ah ayaa sababay in ay isaga baxaan guryahooda, Haweenka ayaa u sheegay shaqaalaha UNHCR, Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay, in ay iibiyeen alaabtooda, si ay u bixiyaan kharashka gaadiidka. Qoysaskaan ayaa intooda badan waxaa la dajiyay 13 goobood, oo ka tirsan magaalooyinka Bookh, Galxamur iyo Danot Woredasiin, ee aagga Doolo ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya, halkaa oo hey’addu ay ku siisay wixii gargaar ah oo loo heli karay, waxaana shaqaaluhu dalbadeen gargaar dheeraad ah oo lala soo gaaro dadkaan. Deegaannada dalka Itoobiya ee lagu soo dhoweeyay dadkaan ayaa waxaa ay yihiin kuwo sida daran u saameysay abaarta iyo saameynta isbedelka cimilada, kaddib shan xilli oo roobaad oo xiriir ah oo aanu roob da’in, iyadoo badarka iyo waxa la heli karayo ay aad u yaraadeen, taas oo sii adkeyn karta nolosha dadkaan ku tagay barakaca. Xaaladda magaaladii ay kasoo hayaameen ayaa ah mid aan sal fadhiyo la heyn waxaa wali ka dhacay dagaallo xoogga oo u dhaxeeya ciidamada Milatariga Somliland iyo kuwa deegaanka ee iska soo horjeeda maalintii 15-aad, waxaa burburay inta badan dhismayaashii magaalada goobaha caafimaadka iyo kuwa cibaadada la duqeeyay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa dhawaan ku wajahan magaalada Dubai ee waddanka UAE. Sarkaal sare oo ka tirsan Madaxtooyada ayaa noo xaqiijiyay in Siciid Deni uu maalmaha soo socda u safrayo dalkaas Imaaraadka Carabta. ” Waa xaqiiq in Madaxweyne Deni uu dhawaan u safrayo halkaas iyo Dubai balse xog intaas ka baxsan nooma sheegin” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan Madaxtooyada. Safarkiisa Dubai ayaa ku soo beegmaya xilli uu dhawaan sahmin ku soo sameeyay Marinka Guardafui oo la hadal-hayo in saldhig ciidan laga siinayo dowladda Imaaraadka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo dhawaan ku sii jeeda dalka Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud oo ku sugan dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qeybgalayo shir-madaxeedka midowga Afrika ayaa sidoo kale waxaa uu kulama dooceedyo la yeeshay madax kale duwan oo kasoo qeybgashay shirka, kuwaas oo ka kala socda wadama dhowr ah oo ku yaalla qaaradda Afrika. Madaxweynaha oo kulan la qaatay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya oo martigelinaya shirka Abay Ahmed Ali ayaa looga hadlay kulankooda arrimo dhowr ah oo quseeya dahana labada dal iyo xiriirka iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha, waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay sidii dowladda Itoobiya Soomaaliya kaga taageeri laheyd dagaalka ay kula jirto Al-shabaab. Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxaa uu kulan kula qaatay itoobiya madaxweynaha dalka Burundi Évariste Ndayishimiye iyo Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan, waxaana uu kala hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira xoojinta dagaalka lagula jiro Agigixisada caalamaiga ah iyo midda gobolka, isaga oo ka dalbaday in wadajir dagaalkeeda loogu midoobo. Waxaa Madaxweyneyaashu ku dul istaageen dhibaatada xooggan ee argagixisadu ay ku hayso horumarka iyo xasilloonida qaaradda iyagoo isla meel dhigay in la iska kaashado citirka kooxaha nabadda diidan si loo xaqiijiyo Afrika oo nabdoon, horumarsan oo barwaaqo ah, nabad iyo wadajir ay ugu noolaadaan dadkeeda oo hadda dhibaatooyin ajahaya. Kulama dooceedyadii madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka uu la yeeshay madaxda qaaradda Afrika ayaa waxaa kamid kulan uu la qaatay dhiggiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame iyaga oo iska xog wareysteen xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee ay wadaagaan labada dowladood. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud oo magaalada Addis Ababa kaga qeyb galayay shir-madaxeedka midowga Afrika ayaa khudbad uu ka jeediyay meertada 36-aad waxaa uu ku tilmaamay in loo baahan yahay in Afrika ay siwada jir ah u shaqeeyaan xilligaan oo la joogo iskaashiga adduunka ee halka qur ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa go’doon ku soo rogtay deegaanada ay Galmudug ka joogto kooxda Al-Shabaab, go’doonkaan ayaa halis geliyey nolosha kumanaan qoys oo degan dhulka ay weli Al-Shabaab ka xukumaan Galmudug. Xildhibaanada golaha shacabka ku metela qaar ka mid ah beelaha dega bariga gobolka Galgaduud ayaa maanta soo saaray qeylo dhaan ay uga cabanayaan cunaqabateynta dowladdu ay saartay dadkooda. Cunaqabateyntaan waxaa la sheegay inay saameysay dhamaan dadka ku nool degmooyinka Ceelbuur, Ceeldheer, Galhareeri, Ceelgaras ilaa Xarardheere oo qaar laga xoreeyey kooxda, qaarna ay weli joogaan. Maamulka Galmudug ayaa dowladda dhexe la qaba qorshaha ah in deegaanada ay Al-Shabaab joogaan aysan u gudbin wax sahay ah, sida raashinka, shidaalka, maciishadaha kale iyo guud ahaan wax gaadiid ah. Xildhibaan Faa’isa Maxamed Jeyte oo maanta warbaahinta la hadashay markii uu soo xirmay kulankii golaha shacabka ayaa sheegay in dhulka ay degto beesheeda ee bariga Galmudug ay dadka ku nool go’doonsan yihiin in ka badan hal bil. Xildhibaan Faa’isa ayaa sheegay in go’aankaas uu ku yimid amarka Madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana la diiday in hal gasac oo caano ah loo gudbiyo deegaanadaas oo abaar baahsan ay ka jirto. “Dadkeena ayaa loo danleeyahay, dagaal Shabaab maahan waxa socda, dadkeena oo u diyaarsan inay Shabaab iska xoreeyaan ayey dowladdu ka gaabisay, hal qof hadii uu gaajo u dhinto maxkamad ayaan isla aadi doonaa Madaxweyne, cidii bixisay amarkaas lagu cunaqabateeyey dadkeena haka laabato,” ayey tiri Xildhibaan Faa’isa Maxamed Jeyte. Degaanada ay dowladdu cunaqabateysay waxaa maamula Al-shabaab oo isku dayaya in ay ka baxsadaan dagaalka dowladda iyo duqeymaha diyaaradaha, balse waxaa halis ku jirta nolosha kumanaan shacab ah oo markii hore la daala dhacayay abaar daran oo dalka ku dhufatay. Kooxda Al-Shabaab ma ogolaha in dadkaasi ay isaga hayaamaan deegaanada lagu go’doomiyey, waxayna ka baqayaan in lagu duqeeyo hadii ay kaligood ku noqdaan dhulka ay hadda joogaan. Sicir barar xoog leh ayaa ka jira deegaanada weli ku jira gacanta Al-Shabaab, meelo kamid ah waxaa laga waayay wax la cuno, shidaal iyo biyo, kadib markii ay geli waayeen gaadiidka shidaalka iyo kuwa maciishadda intaba. Hoos ka daawo Xildhibaan Faa’iso The post Daawo: Xasan Sheekh oo lagu eedeeyey inuu go’doomiyey deegaanada beesha… appeared first on Caasimada Online.
-
Dahabshiil sends aid to earthquake victims in Turkey, Syria
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Money transfer company Dahabshiil has joined other corporates to provide help to victims of the devastating earthquake that hit Turkey and Syria by donating money to those affected. Source: Hiiraan Online
