-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Diplomatic perfidy: The British taxpayers’ money funds forces indiscriminately shelling Laascaanood in Northern Somalia. London (PP News Desk) — Demonstrators today gathered in central London today to voice their concerns about the British government’s support for the break-away Somaliland Administration forces. Despite its one-Somalia policy, the British government funds Somaliland security forces shelling Laascaanood under the pretext that the district is not a part of the Federal Republic of Somalia. “UK Government must stop funding Somaliland massacres” reads one placard about the indiscriminate shelling of Laascaanood by Somaliland forces waging a secession war. “The British government’s support for Somaliland forces does not only open up old wounds but it also makes mockery of London’s role in state-building initiatives in Somalia following the end of the transition in 2012” said Ibrahim, a retired chartered accountant, who said he had come to central London from Harrow to show solidarity with the people of Laascaanood. Yesterday, the President of the Federal Republic of Somalia Dr Hassan Sheikh Mohamud called on Somaliland leaders to respect the unionist sentiments of Laascaanood people “since we are forcing unionist sentiments on people who support secession”. © Puntland Post, 2023 The post British Government Support for Somaliland Forces ‘Denounced’ appeared first on Puntland Post.
-
Xarardheere (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta toogatay 6-xubnood oo ka mid ahaa dagaalamayaashooda ku sugan duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kadib markii laga shakiyey. Sida ay xogtaan ku heshay Caasimada Online, lixda dagaalame ee la toogtay waxay ku tashadeen inay kooxda ka goostaan, laakiin waxaa ka war helay amiiradooda oo tallaabo deg deg ah ka qaaday. Lixda xubnood waxaa lagu toogtay goob fagaare ah, waxaana lagu hor dilay raggii ay horay uga tirsanaayeen oo ay ka soo goosa rabeen, si ayaguna ay ugu quus qaataan. toogashadaas ayaa maanta ka dhacday tuulo lagu magacaabo Wadaariq oo hoos tagta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo Al-Shabaab ay maamulaan. Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee aagga Xarardheere howlgallada ka wada ayaa xaqiijiyey dhacdadaan, sidoo kale dad ku nool tuulada Wadaariq oo toogashadaasi ay ka dhacday ayaa Caasimada Online la hadlay. Falkaan ay galabta sameeyeen Al-Shabaab ayaa argagax ku abuuray dadkii ku noolaa tuulada, Wadaariq waa deegaan ay ku sugan yihiin Shabaab badan oo u diyaar garoobay inay iska difaacaan duulaanka dowladda, sida ay noo sheegeen dadka ku nool deegaankaas. Qaar ka mid ah qoysaska ku nool tuuladaas Wadaariq oo hoos tagta Xarardheere waxay kooxdu ka soo barakicisay deegaano kale, si ay gabaad uga dhigtaan dadka shacabka ah oo duulaanka iyo duqeybta dowladda ay uga badbaadaan. The post Xog: Al-Shabaab oo sabab yaab leh u toogatay lix ka mid ah dagaalamayaashooda appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta khudbad aad dhinacyo badan u taabanaysay waxaa uu ka jeediyay meertada 36-aad ee kulanka shirweynaha madaxda Afrika, kaas oo ka dhacaya magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, madaxwenaha ayaa ugu horeyn u mahadceliyay madaxda. “Waad ku mahadsan tihiin fursaddan wayn ee aan idinkula hadlayo anigoo ah madaxweynaha cusub ee Soomaaliya. Xaqiiqdii, inkastoo aan ahay madaxweyne lagu doortay doorasho dhowaan ka dhacday Soomaaliya, mudnaan gaar ah ayay ii tahay inaan noqdo madaxweynihii ugu horreeyey taariikhda Soomaaliya ee labo jeer loo doortay inuu u khidmeeyo qarankiisa. Waxay arrintan iiga dhigan tahay xurmad iyo fursad gaar ah oo aan ku qaabayn karo isla markaasna aan Soomaaliya iyo dadkeenna ku gaarsiin karno mustaqbal wanaagsan, waana sababta aan markii horeba u go’aansaday inaan u tartamo xilkan culus” ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Dr.Xasan Shiikh Maxamuud. “Horumarinta xiriirkeenna waxtarka leh ee aan la leennahay Midowga Afrika iyo dhammaan dowladaha xubnaha ka ah waa mudnaan sare oo ay Soomaaliya leedahay annagoo ku rajo wayn mustaqbal barwaaqo wadaag ah, oo uu hagayo Ajandaheenna 2063. Halkudheggu wuxuu sidoo kale tilmaamayaa jiritaanka caqabado nidaami ah oo caalami ah oo ay tahay inaan si wadajir ah u wajahno si aan u xaqiijinno mustaqbalka dadkeenna iyo qarammadeenna . Waxaa caqabadaha ka mid ah la dagaallanka argagixisada caalamiga ah, la tacaalidda isbaddalka cimilada, kobcinta dhaqaalaha, abuurista shaqooyinka iyo sida maalgalinta ajandayaasha horumarineed ee adduunka sida kuwa ku xusan Ajandaha 2030 ee Horumar Waari-og ee Qaramada Midoobay.” ayuu yiri madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa sidoo kale madaxda kasoo qeybgashay shirka waxaa uu ugu baaqay in ay noqdaan kuwa isku xiran oo ilaalilaya midnimada mandiqadda lagu wada nool yahay ee qaaradda Afrika, isaga oo carabka ku dhuftay inn loo baahan yahay in si isku mid ah laga rabo in madaxda qaaradda ay u fikiraan ayna wax u wada qabsadaan,hadalkiiyaa ayaa ahaa. “Suurtagal ma aha inaan u fekerno isla markaasna u hawlgalno si keli keli ah xilligan oo adduunku noqday mid isku xiran, iyadoo caqadabaha iyo fursadaha yihiin kuwo ay saameynayaan isbaddallada dhaqaale iyo siyasadeed, kuwaas oo na wada saameynaya dhammaanteen. Wadajir ayaan ku xooggan ahay in ka badan kala tag” ayuu sii raaviyay hadalkiisa. “Gunaanadkii, waxaan doonayaa inaan idinkaga mahadceliyo dhammaantiin soo dhowaynta diirran ee aad ii samayseen markii la ii doortay Madaxweynaha Soomaaliya markii labaad. Waxaa iga go’an inaan kala shaqeeyo Midowga Afrika, dowladaha xubnaha ka ah iyo dhammaan bahwadaagteenna qaalliga ah si aan uga dhigno Soomaaliya, Afrika iyo adduunka meel nabdoon, horumarsan, barwaaqo u ah muwaadiniinteenna oo idil” ayuu ku yiri gabagabadii hadalkiisa. Mahadsanidiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya goboolka Gedo ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka lagu dilay qarax ka dhacay duleedka degmada Beledxaawo ee gobolkaasi. Qaraxa oo ahaa nooca loo yaqaano miinada ayaa waxa lasoo warinaya in sarkaalka loogu xiray sariirtii uu ku jiifay. Sarkaalkan ayaa lagu magacaaba Dhamme Maxamed Aweys wuxuuna ahaa taliyihii ururka 28-aad ee ciidamada xoogga dalka. Taliyaha la dilay ayaa maalmo ka hor la wareegay xeradii ay soo banneeyeen ciidamada Gorgor ee muddada dheer ku sugnaa gobolka, kuwaasi oo halkaasi looga soo saaray amarka madaxweyne Xasan Sheekh. “Meesha ay wax ka dhaceen waa xerada ciidanka, waxay ka go’an tahay xeradu magaalada inteeda kale, dadka shacabka meel ay ka warqabi karaan waxa ka jira ma ah. Waxa nala yiri ninkii taliyaha meesha ahaa sariirtu seexanayay ayaa qarax loogu xiray, waxa nala yiri oo kale barsad uu harsanayay oo xalay ku bary ayaa loogu xiray qaraxa,” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay idaacada Shabelle. “Dagaal lagu soo qaaday iyo xabado socday majiro. Qaraxaas kaliya ayaa dhacay oo magaalada waa xiran tahay oo waa bandow, magaalada intaas ayaa ka dhacday oo halkaas qarax ayaa ka dhacay.” Sarkaalka la dilay ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in uu saaxib dhow la ahaa taliyihii hore ee Nabad-sugidda gobolka Gedo, Baakal Kooke oo isagana qarax lagu dilay daba-yaaqada sanadkii hore. Al-Shabaab ayaa sheegatay dilka sarkaalkan, iyada oo warbaahinta kooxda oo soo xiganaya saraakiil Shabaab ah ay sheegeen in uu ahaa “howl-gal si heer sare ah loo qorsheeyay”, islamarkaana ay fuliyeen ciidamadooda. Kooxdu faah-faahin intaas ka badan kama bixin dilkan miinada loo adeegsaday ee ka dhacay gudaha xerada ciidan ee ku taalla duleedka Beledxaawo. Qaraxan uu ku dhintay taliye Dhamme Maxamed Aweys ayaa durtaba waxaa kasoo baxaya tuhuno kala duwan, maadama qaraxa galaaftay noloshiisa loogu xiray sariirtiisa, isla xerada ciidanka dhexdiisa. Illaa hadda ma-jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Gedo oo ku aadan qaraxa lagu dilay taliyihii ururka 28-aad ee ciidamada xoogga dalka. Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro khasaare geysta ka fuliya gobolka Gedo, oo iyagu weli gacanta ku haya deegaano ka tirsan gobolkaasi. The post Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo ku dhintay QARAX loogu xiray sariirtiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia uga qeyb-galay meertada 36-aad ee shirweynaha ururka Midowga Afrika. Madaxweynaha ayaa khudbad dheer oo taariikhi ah ka jeediyay shirweynaha madaxda Afrika, taasi oo dhinacyo badan taabaneysa, wuxuuna ku sheegay in Soomaaliya ay ka guulaysan doonto caqabad kasta oo soo wajahda. “Waxaan nahay kuwo rejadooda fiican tahay oo rumaysan in wadajir, shaqo adag iyo ballanqaad siyaasadeed oo dhab ah, Soomaaliya ay ka guulaysan doonto caqabad kasta. Tani waa rejada aan ku seexdo habeen kasta, ku riyoodo xilliga hurdada kuna soo tooso subax allaale,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu khudbadiisa kaga hadlay arrimaha siyaasadda, dimuqraaddiyada, xiriirka saaxiibada caalamiga ah, dagaalka Al-Shabaab ee ka socda dalka iyo arrimo kale oo dhowr ah. Hoos ka aqriso khudbada madaxweynaha oo dhameystiran Madaxda Sharafta Leh, Mudanayaal iyo Marwooyin Waad ku mahadsan tihiin fursaddan wayn ee aan idinkula hadlayo anigoo ah madaxweynaha cusub ee Soomaaliya. Xaqiiqdii, inkastoo aan ahay madaxweyne lagu doortay doorasho dhowaan ka dhacday Soomaaliya, mudnaan gaar ah ayay ii tahay inaan noqdo madaxweynihii ugu horreeyey taariikhda Soomaaliya ee labo jeer loo doortay inuu u khidmeeyo qarankiisa. Waxay arrintan iiga dhigan tahay xurmad iyo fursad gaar ah oo aan ku qaabayn karo isla markaasna aan Soomaaliya iyo dadkeenna ku gaarsiin karno mustaqbal wanaagsan, waana sababta aan markii horeba u go’aansaday inaan u tartamo xilkan culus. Dhab ahaantii, ma jirto sharaf ka wayn inuu qof u adeego qarankiisa, xil kasta ha qabto e, aniga, ka Madaxweyne ahaan, waxaan ahay adeege u khidmaynaya shacab ku sifoobay adkaysi, deeqsinnimo iyo hal-abuur balse maanta wajahaya caqabado badan oo is biirsaday. Sidaas oo ay tahay, waxaan nahay kuwo rejadooda fiican tahay oo rumaysan in wadajir, shaqo adag iyo ballanqaad siyaasadeed oo dhab ah, Soomaaliya ay ka guulaysan doonto caqabad kasta. Tani waa rejada aan ku seexdo habeen kasta, ku riyoodo xilliga hurdada kuna soo tooso subax allaale. Waxaan ku kalsoon ahay in hiigsigani yahay mid aan ka dhabbayn doonno sabab la xiriirta isbaddallada cadcad ee siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale iyo amni ee aan ku hoggaaminaynno dalkeenna. Ka Madaxweyne ahaan, ahdaaftaydu waa kuwo qayaxan: Inaan ka guulaysanno argagixisada caalamiga ah, xoojinno siyaasad loo dhan yahay, kobcinno dhaqaalaha, isla markaasna adeegyada aasaasiga ah gaarsiinno dadkeenna u qalma in loo adeego. Madaxweynanimadaydu waxay diiradda saari doontaa dhisidda jawi lagu heli karo horumar waari-og oo baahida dadka ku salaysan, annagoo ku billaabayna sidii aan nabadda uga ilaashan lahayn ururka argagigixisada caalamiga ah ee Al-Shabaab annaga oo la kaashanaynna dhammaan bahwadaagteenna caalamiga ah. Waxaan durbaba horumar wax-ku-ool ka sameynnay qorshaheenna cusub ee dhammaystiran ee aan argagixisada Al-Shabaab kula dagaallamayno – militari ahaan, dhaqaale ahaan iyo caqiido ahaan. Dadaallada aan ka wadno jihadan waa kuwo sii xoogaysan doonno ilaa sharta argagixisada laga ciribtiro Soomaaliya, gobolka iyo qaaradda Afrika. Xoojinta siyaasad loo dhan yahay waa arrin aad muhiim u ah gaar ahaan marka la joogo qaarad kala duwan sida Afrika oo kale. Waxaa Soomaaliya ka go’an inay sii ambaqaaddo wada-hadal iyo dib u heshiisiin iyo sidoo kale dhammaystirka geeddi socodka dib u eegista dastuurka. Waxaan sidoo kale xoojinaynaa dimuqraaddiyadeenna iyo xiriirka aan la leennahay bulshada rayidka si aan u xaqiijinno in cid kastaa ay door dhab ah ah ku yeelato bulshada iyo dowladnimadeeda. Siyaasad loo dhan yahay waa aasaaska nabadda iyo xasilloonida, waxaana ku kalsoon ahay inay dhiirrigelin doonto horumar dhaqaale iyo horukac qaran oo waari og oo ka dhasha Soomaaliya iyo qaaraddeenna. Madaxda Sharafta Leh, Mudanayaal iyo Marwooyin, Hal-ku-dheggaygii doorashada ee guulaystay wuxuu ahaa “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah”. Waxay tani caddayn u tahay sida dowladdaydu si firfircoon u baadigoobayso inay xoojiso dhammaan xiriirrada ay horey ula lahayd saaxiibbada caalamiga ah iyo sidii ay cilaaqaad hor leh ula samaysan lahayd kuwo kale si aan u xaqiijinno inaan dhammaanteen wadaagno horumarka iyo barwaaqada maanta caalamka ka jira. Horumarinta xiriirkeenna waxtarka leh ee aan la leennahay Midowga Afrika iyo dhammaan dowladaha xubnaha ka ah waa mudnaan sare oo ay Soomaaliya leedahay annagoo ku rajo wayn mustaqbal barwaaqo wadaag ah, oo uu hagayo Ajandaheenna 2063. Halku-dheggu wuxuu sidoo kale tilmaamayaa jiritaanka caqabado nidaami ah oo caalami ah oo ay tahay inaan si wadajir ah u wajahno si aan u xaqiijinno mustaqbalka dadkeenna iyo qarammadeenna. Waxaa caqabadaha ka mid ah la dagaallanka argagixisada caalamiga ah, la tacaalidda isbaddalka cimilada, kobcinta dhaqaalaha, abuurista shaqooyinka iyo sida maalgalinta ajandayaasha horumarineed ee adduunka sida kuwa ku xusan Ajandaha 20230 ee Horumar Waari-og ee Qaramada Midoobay. Suurtagal ma aha inaan u fekerno isla markaasna u hawlgalno si keli keli ah xilligan oo adduunku noqday mid isku xiran, iyadoo caqadabaha iyo fursadaha yihiin kuwo ay saameynayaan isbaddallada dhaqaale iyo siyasadeed, kuwaas oo na wada saameynaya dhammaanteen. Wadajir ayaan ku xooggan ahay in ka badan kala tag. Gunaanadkii, waxaan doonayaa inaan idinkaga mahadceliyo dhammaantiin soo dhowaynta diirran ee aad ii samayseen markii la ii doortay Madaxweynaha Soomaaliya markii labaad. Waxaa iga go’an inaan kala shaqeeyo Midowga Afrika, dowladaha xubnaha ka ah iyo dhammaan bahwadaagteenna qaalliga ah si aan uga dhigno Soomaaliya, Afrika iyo adduunka meel nabdoon, horumarsan, barwaaqo u ah muwaadiniinteenna oo idil. Mahadsanidiin. The post Aqriso: Xasan Sheekh oo khudbad taariikhi ah ka jeediyay shirka madaxda Afrika appeared first on Caasimada Online.
-
Israa’iil ayaa Sabtida maanta ah cambaareysay “sida ba’an” ee ergaygeeda looga saaray shir madaxeedka Midowga Afrika, iyadoo ku eedeysay dowladda cadawga weyn ay yihiin ee Iran in ay soo abaabushay tallaabadaas iyadoo gacan ka heleysa dalalka Aljeeriya iyo Koonfur Afrika. Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya ilaalada oo galbinaysa ku xigeenka agaasimaha guud ee Israa’iil u qaabilsan Afrika, Sharon Bar-li, oo ka soo baxay shirka Midowga Afrika ee ka dhacaya magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa ku tilmaamay dhacdada mid “aad u daran”, isagoo xusay in Bar-li uu ahaa “goobjooge ka qeybgalkiisa la aqqoosan yahay, oo haysta calaamadda ka qeybgalka shirka”. “Waa wax laga xumaado in la arko Midowga Midowga Afrika oo gacanta u galay tiro yar oo ka mid ah dowladaha xagjirka ah sida Aljeeriya iyo Koonfur Afrika, kuwaasi oo uu ku jiro naceyb, ayna maamusho Iran,” ayuu yidhi afhayeenka. Dawladaha Afrika waa in ay “ka hortagaan falalkan, kuwaasi oo dhaawacaya dhaqdhaqaaqa Midowga Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika,” ayuu yidhi afhayeenku. Midowga Afrika ayaan ka jawaabin mar AFP ay arrintan wax ka weydiisay. Afhayeenka Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, Vincent Magwenya oo la weydiiyay eedda Israa’iil ee ah in Koonfur Afrika iyo Aljeeriya ay ka danbeysay in ergaygeeda laga ceydhiyo shir madaxeedka ayaa u sheegay AFP, “Waa in ay caddeeyaan sheegashadooda.” Israa’iil ayaa 2021-kii Midowga Afrika ka heshay maqaam goobjoogenimo ka dib tobanaan sanno oo ay dadaal diblomaasiyadeed ku bixisay, tallaabadaasi oo ay ka soo horjeesteen dowlado awood leh oo ay ku jiraan Koonfur Afrika iyo Aljeeriya, kuwaasi oo ku dooday in taasi ay qarineyso bayaannada Midowga Afrika ee taageeraya Falastiiniyiinta. Sannadkii hore, dood adag ayaa ka dhalatay aqoonsiga Israa’iil ee goobjoognimada shir madaxeedka Midowga Afrika, iyadoo Falastiiniyiintu ay ku boorrriyeen in lagala laabto. Shir madaxeedkii 2022-kii ayaa hakiyay dood ku saabsan in aqoonsiga lagala laabto Israa’iil iyo in kale, iyadoo la unkay guddi arrintan loo xilsaaray. Muranka ayaa ka dhashay markii Moussa Faki Mahamat, oo ah madaxa Guddiga Midowga Afrika, uu aqbalay maqaamka goobjoognimada Israa’iil, taasi oo dhalisay khilaaf naadir ah oo ka dhex dillaacay hay’addan qiimeysa is afgarad wadajir ah. Midowga Afrika ma sheegin haddii ajandaha sanadkan ay ku jirto in dood laga yeesho maqaamka Israa’iil ee ka qeybgalka shir madaxeedka Midowga Afrika. AFP Source
-
Waxa uu si fudud u fahmay sirta ganacsiga casriga ah: Xal u hel dhibaatooyinka taagan. Aadit Palicha oo Hindi ah ayaa muddo kooban ku gaadhay guul ganacsi oo ka yaabisay dad badan. Aadit Palicha iyo saaxiibkii Kaivalya Vohra ayaa badhtamihii 2021 sameeyay shirkad khudaarta dadka ugu geysa guryaha oo lagu magacaabo Zepto. Waxa ay ballanqaadeen in adeegooda uu muddo 10 daqiiqo ah ku geynayo khudaar kasta oo looga baahdo. Shirkadda Zepto oo haatan qiimaheedu ku dhaw yahay hal bilyan oo dollar ayaa lagu tilmaamay tan ugu kobaca ballaadhan guud ahaan Hindiya. Palicha iyo saaxiibkii Vohra ayaa intii uu socday Covid-19 billaabay inay ka baaraandegaan qorshe ganacsi. Waxa ay ku noolaayeen magaalada Mumbai ee Hindiya. “Maadaama xayiraad la soo rogay Covid-19 awgii, waxaa dadka ku adkaaday inay helaan waxyaabaha daruuriga ah. Inta badan dukaamaha caadiga ah ayaa xidhnaa, halka kuwa online-ka ah ay maalmo ku qaadan jirtay inay adeegga geeyaan guryaha,” ayuu Palicha sheegay Waxa uu sheegay in isaga iyo saaxiibkii marka ay arkeen dhibaatada taagan ay uga dhex muuqatay fursad ganacsi. “Waxaan aragnay jaarkayaga oo dhibaato badan ku qaba helitaanka khudaarta iyo adeegga kale, kadib waxaa nagu dhalatay fikrad ah in aan sameyno shirkad si degdeg ah dadkaas ku gaadhsiin karta adeegyada ay u baahan yihiin, waana sida ay ku billaabatay Zepto,” ayuu yidhi Palicha. “Ku gaadhsii 10 daqiiqo” Zepto ayaa si ka duwan shirkadaha kale waxa ay macaamiisheeda u ballanqaaday in adeegga ay dalbadaan lagu gaadhsiin doono 10 daqiiqo gudahood. “Waxaan heshiis la galnay dukaamo badan oo dalka ku yaalla, waxaana macaamiisha adeegyadooda ku gaadhsiinaa 10 daqiiqo gudahood,” ayuu Palicha sheegay. Marka uu macmiilka galo app-ka Zepto, waxaa u soo baxa noocyada kala duwan ee alaabaha, waxaana markiiba ay isku xidhaa macmiilka iyo dukaanka ugu dhaw ee haya dalabkiisa. Dukaamada ayaa ah kuwo si gaar ah loogu tababaray hawshan, waxaana dalabka lagu diyaariyaa oo qofka loogu geeyaa wax aan ka badneyn 10 daqiiqo. “Waxaa noo shaqeeya shaqaale si wanaagsan u kala yaqaana wadooyinka oo muddo aad u kooban ku gaadhi kara guryaha soo dirsada dalabaadka,” ayuu yidhi Palicha. Ka hor inta aanay billaabin shirkadda Zepto, Palicha iyo saaxiibkii ayaa tijaabiyay fursadaha iyo caqabadaha ka hor iman kara, waxaana markaa kadib ay ku dhaqaaqeen hirgelinta ganacsigaas. Shirkadda Zepto ayaa hadda ka shaqeysa magaalooyinka waaweyn ee Hindiya, waxaana u shaqeeya in ka badan kun shaqaale oo xafiisyada fadhiya iyo ku dhawaad toban kun oo qof oo adeegyada geeya guryaha. Palicha ayaa ku adkeysanaya in shirkadooda aan weli lagu tilmaami karin mid guulaysatay. “Xaqiiqadu waxa ay tahay in aan haatan ku dhawaaqi karin in shirkadda ay gaadhay guushii ugu sarreysay. Ilaa inta aan ka noqoneyno shirkad ay faa’iidadeedu ballaadhan tahay oo dadweynuhu ay saami ku leeyihiin, waan ka taxadari doonnaa in aan guul sheeganno,” ayuu yidhi 20 jirkan malaayiinta dollar haysta. Source
-
(SLT-Ankara)-Kooxaha samata bixinta ee Turkiga ayaa saddex nin ka soo saaray burburka hoostiisa, kadib 11 maalmood oo ay halkaa ku go’doonsanaayeen dhulgariirkii dalkaas ka dhacay awgii. Hakan Yasinoglu ayaa 278 saacadood ku hoos jiray dhismo gebi ahaanba dumay, waxaana Jimcihii laga soo badbaadiyay gobolka Hayat oo ah meesha uu khasaaraha ugu badan ka dhashay. Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Osman Halebiye iyo Mustafa Avci oo 34 jir ah ayaa laga soo badbaadiyay burburka ka dhacay gobolka Antakya. “Waan ka rejo belay. Tani waa arrin mucjiso ah,” ayuu yidhi Mustafa Avci aabihii oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters. Mustafa oo saacado ka hor dhulgariirka ay gabadh u dhalatay ayaa loo qaaday cisbitaal ku yaalla magaalada Mersin ee dhacda Koonfurta Turkiga. Ka hor inta aan la qaadin ayaa wicitaan muuqaal ah lagu tusay inantiisa yar. Xaaskiisa Bilge Avci oo umul ah ayaa markii uu dhacay dhulgariirka waxaa u suuragashay inay la baxsato ilmaha yar, hase yeeshee Mustafa ayaa ku xanibmay dhismaha, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah. Samata bixintan ugu dambeysay ayaa ku soo aadaysa xilli tirada dadka ku dhigtay dhulgariirkii ba’naa ee ka dhacay Turkiga iyo Suuriya ay kor u dhaaftay 41,000 oo qof. Waxaa la filayaa in tirada dhimashada ay intaa ka badan doonto. Source
-
(SLT-Laascaanood)-Labadii toddobaad ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ka taagan xaalad cakiran iyo dagaallo u dhaxeeya maleeshiyaad nabadiid ah iyo ciidamada qaranka Somaliland. Xiisaddan ayaa ka billaabatay dibadbaxyo rabshado watay. Dadka deegaanka ayaa ka mudaharaadayay dilal kusoo batay magaalada, hase ahaatee dilkii ugu dambeeyay ee kacdoonka abuuray waxa uu ahaa mid loo geystay nin dhallinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdifataax Hadraawi. Dad aan heybtooda la aqoon ayaa Cabdifataax dil u geystay dabayaaqadii bishii December ee sannadkii lasoo dhaafay. Waxa uu ahaa siyaasi saameyn ku leh bulshada deegaanka, dilkiisuna waxa uu kiciyay cadho aad u weyn. Kumuu ahaa Cabdifataax Hadraawi? Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi Hadraawi waxa uu sannadkii 1979 ku dhashay degmada Wallaweyn ee gobolka Shabeelada Hoose. Aabihii Cabdullaahi Cabdi Sangub oo ka mid ahaa ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ayaa xilligaa joogay xerada Ballidoogle oo ku taalla duleedka magaalada Wallaweyn. Waxbarashada aasaasiga waxa uu ku soo qaatay gobollada Shabeellada Hoose, Shabeellada Dhexe iyo Sool, sida uu xaqiijiyey Cabdillaahi Caweer X. Xuseen oo ay isla soo barbaareen. Burburkii dawladii Soomaaliya ka dib waxa ay reerkoodu u guureen magaalada Laascaanood, halkaas oo waxbarashadiisa uu ka sii watay, waxaanu ka mid noqday ardaydii lagu bilaabay dugsiga sare ee Muuse Yuusuf, sida uu BBC-da u sheegay Faarax Diiriye Siciid, oo ahaa macallinkiisa. Hadraawi waxa uu ka mid ahaa dhallinyarada ugu firfircoon ciyaaraha kubada cagta. Naadiyadii kubbada cagta ee ugu horeeyey ayuu ku biiray isagoo kabtan u noqday naadiga Radio Laascaanood. Laascaanood waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah magaalooyinka Soomaalida ee ay ka dhacaan dilalka ugu badan ee qorsheysan. Haddii aan waqtiga dib u celinno, 1969-kii waxaa lagu dilay magaaladan madaxweynihii labaad ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Balse laga soo laga soo bilaabo 2010-kii waxaa soo xoogeysanayay dilalka shaqsiyaad deggan magaalda oo ay geysanayeen dabley aan la aqoonsan. Sannadkaan oo kaliya lix qof oo ah dad si wayn looga garanayo magaalada ayaa la khaarijiyay. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo weli ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxa dhowr jeer laga dilay hoggaamiyeyaal sar-sare, halka kuwa kale ay kasoo baxeen, waxaaana muuqata in arrintaas ay saameyn ku yeelan dhaq-dhaqaaqii guracnaa iyo awoodii kooxda. Su’aashan oo dad badan is-weydiiyan ayaa waxaa la hordhigay Ibraahim Aadan Ibraahim oo ah La-taliyaha wacyi-gelinta iyo abaabulka bulshada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Waxa uu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay weli usii jiraan ay tahay in qaab dhismeedka kooxda u sahlayo inaysan saameyn ku yeelan madaxdooda sare haddii ay meesha ka baxaan. “Hoggaanka dhimashadiisa waxa uu saameyn ku yeesha maamulka iyo nidaamka uu hogaaminayo marka uu yahay qof maamulka ku jira, qofka u yar, kan dhexe iyo ka u sareeya uu hoggaanka ku xiran yahay, ururka qaabka uu udhisan yahay sidaas ma ahan oo hoggaanka cidda aragta ayaa yar,” ayuu yiri. “Dadka shaqada haya heer degmo, heer gobol ama ciidan jabhad ha ahaado nin walba nin ayaa ka sareeya oo madax ka ah, nidaamka waa mid diyaarsan oo shaqadiisa iyo howlihiisa haysta oo dhaqaalihiisa iyo wuxuu rabo meel uu ugu hagaago haysta. Ninka hoggaamiyaha ah howshaas ayuu kormeerayaa.” Sidoo kale waxa uu tilmaamay in madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab iyo maamulada kale ee dhexdooda laheyn wada-shaqeyn toos ah, balse ay jiraan saraakiil kale oo u dhaxeysa, taasi oo keenaysa in saameyn xoogan ku yeelan weydo dhimashada qofka hoggaanka ah qaab-howleedka kooxda ama shaqadeeda. “Waxaa laga yaaba in caawa degmo uu soo galo, guddoomiyaha degmada iyo kan gobolka ma oga. Isaga oo iska shaqsi ah uu magaalada dhinaca kasoo galo oo uu iska joogo ayaa dhici karta. Dad ayaa maamula meesha oo amarka u dambeeya ee lama taabtanka ah waxaa iska leh Amniyaat-ka, iyagana kuli u xilsaaran oo iyaga iyo kuwa degmada iskuma xirna oo waa ka madax-banaan yihiin.” Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Axmed Diiriye in uu dhintay ayaa dhici karta yaa og, maadama ay yar tahay dadka arka, uuna kasoo muuqan waajibaadka ururka. Marwalba ma saameynayso dhimashada hoggaankooda sare howshuna sidaas ayay usii soconeysa maadama uusan markii horeba saameyn weyn ku laheyn.” Kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa muddooyinkii dambe dagaal culus kaga socday qeybo badan oo dalka, kaasi oo kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana looga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda. The post Maxaa kooxda Al-Shabaab u sahlay in aanay burburin xilli laga dilay madaxdoodii? appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku yeeshay kulamadoodii caadiga ahaa ayaa meelmariyay hindise-shaciyeedyo soo gaaray labada aqal, waxaana kulamadii maanta guddoomiyay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha aqallka sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane.Cabdullaahi Cumar Abshirow. Golaha aqalka sare ayaa kulankoodii maanta ku meelmariyay Xeer-hoosaadka golaha oo ay qaabayn iyo toosin ay ku sameeyeen kadib doodii Sanatorrada ee akhrintii 3-aad. ayaa intaas kadib Goluhu ansixiyeen Xeer-hoosaadka golaha oo horey usoo maray akhrinta 1-aad iyo midda 2-aad, waxaana jira mudanayaal fikirkooda ka dhiibtay sida ay u arkaan kulankii maanta ay igu yimaadeen mudanayaasha golaha aqalka sare kalfadhiga labaad kulankiis 12-aad. Golaha aqalka sare ayaa maanta akhrinta labaad marsiiyay sharciga hey’adda Sirdoonka qaranka, kaas oo ay soo ansixiyeen xildhibaannada golaha shacabka oo uu soo maray, Senatorrada qaar oo ka hadlay shacriga ayaa sheegay in aysan ka muuqan doorka dowlad goboleedyada, sida uu kulanka ka sheegay Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, waxaana uu carabka ku dhuftay in sharciga loo baahan yahay in la waafajiyo nidaamka federalka ee dalku qaatay. Mudanayaasha golaha shacabka ayaa maanta kulankoodii caadiiga ahaa ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa, waxaana lagu ansixiyay laba hindise-sharciyeed oo golaha la horkeenay: Akhrinta 3-aad iyo U codeynta Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa: Akhrinta 3-aad iyo U codeynta Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed oo ay soo gudbay golaha wasiirrada xukuumadda. Xildhibaannada ayaa maanta kulankooda akhrinta koowaad ku marsiiyay Hindise Sharciyeedka Dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiga oo ay soo gudbisay wasaaradda Qorsheynta iyo hormarinta daqaalaha xukuumadda federalka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in golaha maanta uu hor yimid wasiirka wasaaradda Qorsheyn Cabdiraxmaan Maxmuud Beenabeene, isaga oo ka dalbaday golaha ay sharciga dedejiyaan. Labada aqal ayaa muddooyinkii ugu dambeeyasay waday dadajinta sharciyada muhiimadda u leh dalka, waxaana marar badan dhacday kulamada ay u baaqdaan kooram la’aan taas oo keentay in guddoonku ay ka keenaan canaan ay u jeedinayaan xildhibaannada, kulamadii maanta ayaa sidoo kale looga hadlay sidii mudanayaashu ay kaga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo musiiibadi ka dhacday dalka Turkiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal xooggan oo u dhaxeeya askar ka wada tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa galabta ka dhacay isgoyska Siinaay, waxaana ka dhashay khasaare, sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in askarta dagaalantay ay ka kala tirsan yihiin hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA iyo Ciidanka Xoogga Dalka. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Milatariga oo waddada marayay ay isku dayeen inay xoog ku maraaan kontarool ay ciidamada NISA ku leeyihiin halkaasi, kadib markii ciidanka NISA ay u diideen inay gudbaan. Ciidamada NISA ayaa bishii hore la geeyey dhammaan kontoroolada magaalada Muqdisho, ayaga oo beddelay booliska kadib markii booliska ay noqdeen kuwa musuq-maasuq badan, oo la iibsan karo, taasi oo halis gelisay amniga caasimadda. Daa goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay jiraan khasaare ka dhashay dagaalka ciidanka oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay balse weli ma cadda tirada rasmiga ah. Xaaladda ayaa haatan deggan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir oo ku aadan dagaalka. Magaalada Muqdisho waxaa marar badan ka dhaca isku dhacyo dhex mara ciidanka dowladda oo sababo kala duwan leh, waxaana ka dhasha khasaare soo kala gaara dhexdooda iyo sidoo kale dad shacab ah. The post DEG DEG: Dagaal u dhaxeeya ciidamo ka wada titrsan DF oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda iyo hindise sharciyeedka nidaamka aaliyadeed ee kheyraadka dhulka hoostiisa. kulanka oo ay soo xaadiyeen 150 xildhibaan ayaa hindise sharciyeedka hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda waxaa ogolaatay 149 mudane, halka hindise sharciga nidaamka maaliyadeed ee kheyraadka dhulka hoostiisa ay ogolaadeen 148 xildhibaan. Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow oo shir guddoominayay kulanka maanta ayaa xildhibaanada uga mahadceliyay ansixinta labada sharci. PUNTLAND POST The post Golaha Shacabka oo ansixiyay labo hindise sharciyeed appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Casimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa kulankii maanta waxa uu guddoonka ka dalbaday in loo yeero agaasimaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad. Senator Muuse Suudi ayaa waxa uu sheegay in sharciga NISA laga doodo iyada oo goobjoog uu yahay agaasimaha hay’adda, islamarkaana wax lag weydiiyo qoddobada u baahan fasiraad dheeraad ah. “Ha la hubiyo hay’addaan hana yimaado ninka agaasimaha iyo taliyaha ka ah maalmaha la hadlaayo oo goobjoog ka ahaado, yaan sibiq dadka ku galin,” ayuu yiri Senator Muuse Suudi Yalaxow. “Kaligeen in aan doodno waa iska fiican tahay laakiin waxba dhiman. Guddoomiye hay’addan inay hay’ad muhiim ah in ay tahay waa la sheegay laakiin waxay muhiim tahay haddey shaqadeedu toosan tahay, haddii shaqadeedu qaloocan tahay waa fidno.” Sidoo kale waxa uu sheegay in sharciga NISA uu golaha shacabka kasoo gudbay iyada oo dood ka taagan tahay, sidaas darteed ay tahay in si fiican ay iskaga akhriyaan mudaneyaasha golaha Aqalka Sare. “Waxaa ku jira sharcigeeda ninkaan hay’adda ka tirsan (agaasimaha) anaga naga xaasaanad badan yahay, waxaa ku taalla korkiisa lama taaban karo, lama xiri karo. Xataa maxkamadda la geynayo maxkamad qarsoodi ah ayaa lagu xukuma.” Waxa kale oo uu intaas kusii daray “Buugaan waxa ku qoran wax iska culus waaye aad ha loo akhriyo. Guddoomiye buugan xoog ha loo akhriyo, madaxda ka maqan ha timaado. Ninka hay’adda madaxda ka ah ee taliyaha guud iyo agaasimaha isku noqonaya ha fadhiyo oo ha loo sheego wixii la saxayo.” Sharciga hay’adda NISA oo ah mid muhiim ah ayaa toddobaad kahor la geeyay Golaha Aqalka Sare, ayada oo dhawaan uu meel-mariyay Golaha Shacabka, wuxuuna noqonaya sharcigaan kii ugu horreeyey oo ay yeelato NISA. The post Muuse Suudi oo dalbaday in Mahad Salaad horyimaado baarlamaanka + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Dagaal xoogan oo u dhaxeeya askar kawada tirsan dowladda ayaa waxaa uu ka socdaa isgoyska Siinaay, waxaana la sheegay in askarta dagaalamaysa ay yihiin kuwa ka tirsan NISA iyo kuwa kale. dhawaqa xabada ayaa laga maqliyaa qeyba kamid ah magaalada, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay in ay ciidamadaan ay dagalamayaan, ka wada tirsan dowladda federalka Soomaaliya. Dadka goobjoogayaasha ah ayaa soo sheegay in ay jiraan khasaare ka dhashay dagaalka u dhaxeeya ciidanka oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay ee ciidanka kale duwan ah. Magaalada caasimadda ah waxaa mararka qaar ka dhaca isku dhacyo dhex mara ciidanka dowladda, waxaana ka dhasha khasaare soo kala gaara dhexdooda iyo sidoo kale dad shacab ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa marka hore ka hadlay dhibaatada ka dhalatay dhul-gariirkii ku dhuftay dalka Turkiga, kaas oo sababay dhimashada kumanaan kun oo qof. Golaha oo arrintaan si qoto dheer uga hadlay ayaa sheegay in guud ahaan Soomaalida looga baahan yahay inay garab istaagaan shacabka waddanka Turkiga. Gurmadka loo fidinayo Turkiga waa in aan meel wanaagsan ka galnaa”ayuu yiri Xil. Shariif Mustafa oo kamid ah xubnah aka hadlay kulanka guud ee Golaha. Intaas kadib xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah ku ogolaaday in 20% mushaarkooda loo jaro shacabka Turkiga, si uu Golaha qayb uga noqdo gurmadka haatan socdo. Sidoo kale xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo kulankooda sii wata ayaa meel-mariyay Sarciga Nidaamka Maaliyadeed ee Kheyraadka Dhulka Hoostiisa, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda ee dowladda federaalka Soomaaliya. 148 Mudane ayaa ogolaaday sharcigan, waxaa ka aamusay laba xildhibaan, mana jirin wax diiday, sida uu shaaciyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Abshirow oo guddoomiyay kulanka maanta ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Dr Cilmi Maxamuud oo kulanka ka qayb-galay ayaa u mahadceliyay Golaha, wuxuuna sheegay sharcigan uu soo maray heerar kala duwan. Sidoo kale xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa isla maanta ansixiyay Sharciga Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddam kaas oo akhrintii saddexaad marsiiyeen Golaha. Sharcigan cusub ayaa waxaa ogolaaday illaa 49 xildhibaan, waxaana ka aamusay 1 mudane, mana jirin wax diiday, sida uu ku dhawaaqay guddoonka Baarlamaanka. The post BF oo qaaday tallaabo la xiriira TURKIGA kadibna ansixiyay sharciyo muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne Deni iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka Waa run in madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Puntland oo ka hirgeliyay Puntland nidaamka hal-qof hal-cod. Madaxweynaha ayaa u ololeeyay in nidaamkaas uu dhaqan gelin doono, waxaana dadka intiisa badan ay filayeen inuu howshaas uu dhameyn doono inta uu xilka hayo. Saddexdii degmo ee ugu horreeyay ayaa laga hirgeliyay doorashadaas, si guul ahna way ku dhamaatay. Dhammaan daneeyayaasha ayaa isku raacay habraaca doorashadaas. Sadexdaas degmo waxaa maamula kuwii ay shacabku doorteen. Dadka reer Puntland waxay filayeen in inta ka harsan degmooyinka kale la dhameystiro ka hor inta uusan dhammaan muddada xilka madaxweynaha, taasoo keeni doonta in xubnaha baarlamaanka ee dooran doona madaxweynaha ay soo doortaan shacabka. Rajadaas oo dhami waxay meesha ka baxday markii madaxweyne Deni uu bilaabay ololihiisa doorashada madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya. Madaxwaynuhu wuu isa soo sharaxay, doorashadiina kuma guulaysan. Madaxweyne Deni ayaa isku dayay in uu dib u bilaabo doorashada nidaamka hal qof iyo cod ah muddo kaddib. Markan ayay kooxda mucaaradka ahi ku eedeeyeen madaxweynaha in aanu daacad ka ahayn in doorasho xalaal ah la qabto, madaxweynuhuna uu isku dayayo in uu habkii doorashada u maareeyo si aakhirka ururkiisu (Kaah) uu gacanta sare u helo. Mucaaradku waxa kale oo ay ku andacoonayaan in sababta uu madaxweynuhu u doonayo in uu wax kaga bedelo hanaanka doorashada ay tahay in ururkiisu aanu ku guulaysan doorashadii ka dhacday sadexdii degmo ee ugu horeeyay. Taasina waxay keentay in guddoomiyihii guddiga doorashada uu is casilo, sababo la xiriira faragelin ay dowladdu ku heysay hannaanka doorashada. Inta badan ururada Puntland ayaa soo saaray bayaan ay ku dalbanayaan in madaxweyne Deni uu joojiyo hannaanka doorashada ilaa 13 qodob laga xalinayo si ay ugu qancaan, si hannaanka doorashada uu noqdo mid hufan. Dhawr toddobaad kaddib, 6 urur ayaa madaxweynaha kula heshiiyey in la fuliyo 11 ka mid ah 13 kii qodob ee hore loo shaaciyey, labada arrimood ee kale ee la xidhiidha ama u baahan isbeddel dastuuri ah oo dib loo dhigay. Labada urur ee Mideeye iyo Horseed ayaa diiday in ay aqbalaan heshiiskaas iyaga oo 6-da urur ku eedeeyay in ay heshiis musuqmaasuq ah la galeen madaxweynaha. Madaxweyne Deni ayaa halkii uu isku dayi lahaa in uu la fariisto labadaas dhinac si loo helo heshiis ay dhammaan dhinacyada ay khuseyso ay ku heshiis yahiin, waxa uu go’aansaday in uu horay u sii wado qabashada doorashada, waxaana uu ku eedeeyay labadaas urur kuwo doonaya in dib loogu laabto nidaamkii hore. Hase-yeeshee, Mucaaradku waxa ay Madaxweynaha ku eedeeyeen in uu og yahay in doorashada hal qof iyo cod ahi aanay ku qabsoomi karin muddada kooban ee ka hadhay muddo-xileedkiisa, balse ujeeddada oo dhami ay tahay in la horgeeyo qorshaha Golaha Wakiillada kulangooda ee soo socda ee bisha June. taasoo uu madaxweynuhu ka codsan lahaa in loo kordhiyo muddo xileedka si loo dhamaystiro hawsha uu bilaabay. Kooxda mucaaradka ayaa sheegay in taasi aysan ahayn wax la aqbali karo. Qorshaha ayaa ahaa in magaalada Garoowe lagu qabto doorashada maalmo ka hor, mana aysan ku guuleysan, maadaama ay kasoo horjeesteen mucaaradka. Hadda doorashada ayaa loo wareejiyay magaalooyinka kale ee ku hareeraysan Garoowe. Waxaa muuqatay in howshan doorashada aan lagu sii waddi karin marxaladda hadda lagu jiro owgeed. Hannaanka doorashada oo aysan ku heshiin dhammaan dhinacyada ay khuseyso ma keeni doondo natiijo wanaagsan oo laga filan karo. Haddaba, waxa loo baahan yahay in dawladda iyo kooxaha mucaaradkuba ay maskaxdooda ka shaqaysiiyaan oo ay la yimaadaan nidaam doorasho oo qof kastaa dareemo in ay caddaalad tahay. Sida kaliya ee ay Puntland ugu guulaysatey in ay adeegsato nidaamkii hore ee mudada dheer soo jiray ayaa ah in nidaamkaas ay ku heshiiyeen dhammaan dhinacyada ay khuseyso, waana sababta keentay in madaxweyne kastaa uu waqtigiisa dhameysto iyada oo aan la kala dhex gelin. Haddii Puntland ay ka guureyso nidaamkii hore oo ay u guureyso nidaamka cusub ee hal qof iyo cod, waa in la helaa nidaam ay dhammaan dhinacyada ay khuseyso ku heshiiyaan. Madaxweyne Deni wuxuu u baahan yahay inuu la fariisto kooxaha mucaaradka ka hor inta uusan isku dayin inuu sii wado hannaanka hadda socda. Mucaaradku waa inay aqbalaan in la joogo waqtigii laga guuri lahaa nidaamkii hore loona gudbi lahaa nidaamka cusub. Waxaan aaminsanahay in labada kooxoodba aysan wax su’aal ah ka qabin nidaamka cusub, laakiin arrinta laysku haya waa maareynta habka doorasho. Nidaamku waa inuu noqdaa mid hufan. Madaxweyne Deni waa in uu caddeeyaa in ujeeddadiisu aysan ahayn muddo kororsi, balse ay tahay in la sii wado diiwaan gelinta ilaa inta uu ka dhammaanayo muddo xileedkiisa, isla markaana la qaban doono doorashada taas oo dhammaan dhinacyada ay khuseyso isku raaceen in lagu qabto waqtigii loogu talagalay. Waxaan hubaal ah in haddii uu madaxweynuhu intaas ku dhawaaqo in kooxda mucaaridku ay dib ugu soo noqon doono caqligooda si ay xukuumadda ula saxaan habka doorashada. Qore: Mohamed Abdiqafar Haji Hussein Atlanta, Georgia, USA. The post Maxay yihiin waxyaabaha ay dawladda Puntland iyo mucaaradku isku mari la’yihiin? appeared first on Puntland Post.
-
Tan iyo markii bilowgii bishaan uu dhacay dhulgariirkii xooggaanaa ee ku dhuftay dalalka Turkiga iyo Suuriya ayaa waxaa si dabajoog ah u soo baxayay gurmadka ay arrintaan ka sameynayaan wadamada xiriirka iyo saxiibka la ah Turkiga iyo kuwa kale inta, waxaana dowladaha gurmadka bixinaya qeyb ka ah dowladda Soomaaliya oo aad saaxiib ula ah dalka Turkiga. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa daah-furay ololaha taakulaynta iyo gurmadka dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Tukiga, kuwaas oo ay dhibaato baaxad wayni ka soo gaartay dhulgariirkii dhawaan dalkaas ku dhuftay, waxaana Kulan qaaraan loogu ururinayo shacabka iyo walaalaha ee Turkiye . Xamse Cabdi Barre ayaa madashaas uga yaboohay lacag dhan 1 Milyan oo Dollar oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu deeqayso walaalaha Turkiga, wuxuuna sidoo kale ku guubaabiyey shacabka Soomaaliyeed in ay kaalin firfircoon ka qaatan dadaallada loogu gurmanayo dadka reer Turkiye ee dhibaatadu ku habsatay, bishaan markii dhacay dhulgariirka. Ganacsatada Soomaaliyeed qaar ayaa sidoo kale xalay ku yaboohay ugu yaraan 3 Milyan oo Doollar, waxaana maanta Masaajidda magaalada Muqdisho ka sii socday ololahaan oo lagu wado inuu saacadaha soo socda ka bilowdo magaalooyinka waaweyn ee gobollada dalka, waxaana dowladda Soomaaliya ay qaadanaysaa kaalinteeda kaga aadan dhulgariirkii ruxay. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhankiisa ku yaboohay $250.000 oo dollar ugu deeqay dhul gariirka Dalka Turkey ka dhacay, waxaa kaloo jira in Shirkadda Dahabshiil Group ay ugu deeqday 2,000,000 TL oo ah lacagta Dalka Turkiye iyo dadka walaalaheen ee ku waxyeeloobay dhulgariirkii ka dhacay, kaas oo ahaa taariikhda midkii ugu dhimashada badnaa ee dhacay. Safiirka Dowladda Turkiye u fadhiya Soomaaliya ayaa u mahad celiyay Dowladda iyo Shacbiga Soomaaliyeed, “Waxaan u mahadcelineynaa intii ka qeybqaadatay taakuleyta , isla markaana ka tacsiyadeyneysay dadkii ku dhintay dhul-gariirkii ka dhacay dalka Turkiga, isla markaana si wanaagsan uga qeyb qaadatay gurmadka dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirka”. Dowladda Soomaaliya waxay Dowladda Turkiye ugu yaboohi doontaa lacag gaaraysa ku dhawaad 5 Milyan oo doolar, taasi oo ah wajiga 1-aad ee taakuleynta Walaalaha waxyeeladu ka soo gaartay dhulgariirkii ku dhiftay qaarka mid ah Gobolada Dalkaasi, waxaan mar kale bilaaban doono wajiga labaad ee lacag ururinta, taas oo dhinacyo badan laga uruuri doono. Goobjoog News Source: goobjoog.com
