Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, ayaa waxa uu labada dhinac ee isku haya ugu baaqay in deg deg u joojiyaan dagaalka. Xamza ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in maanta dhiig shacab Soomaaliyeed ku qubanayo magaalada Laascaanood, isaga oo ku baaqay in si shuruud la’aan ah lagu joojiyo colaadda, ayada oo dhinacayadu ay dhaqan-galinayaan xabad joojin. “Waxaan aad iyo aad usoo dhaweynaynaa xabad-joojinta Somaliland ku dhawaaqday iyo Garaadada oo aqbalay, waxa aan leenahay si ay xabad-joojinta caga fiican ugu joogsato, si ay u noqoto mid hirgasha waxaa lagama maarmaan ah in ciidamada laga fogeeyo meesha ay joogaan oo dadka careysana laga fogeeyo,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. “Masiibada Laascaanood ka dhacday maxaa ku macneyna. Suurta-gal ma ahan in 35 sano kadib (1988-kii wixii ka dhacay gobolada waqooyi) ay dadkii reer Waqooyi ee Soomaaliyeed ay arkaan haddana nidaamkooda oo saddexdii sameynaya oo duqeynaya, dilaya oo qixinaya.” Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ku cel-celiyay in waajib ay tahay in dagaalka la joojiyo, islamarkaana labada dhinac ay wada-hadal u bedelaan xabada ay isku ridayaan. “Carabtu maah-maah ay leeyihiin ayaa jirto oo la yiraahdo xalay iyo caawa isku eeka! waa nasiib darro, haddaan Soomaali nahay goorma ayaa ka gudbayna in xoog aan isku qancin karin meel-kastaba aan joogne. Waxa isku qancin karnaa waa in aan is hor-fariisano inaga oo walaalo ah taas kaliya isku qancin karna.” Xamza ayaa ugu dambeyntiina waxa uu bogaadiyay dadaallada kala duwan ee la isugu soo dhaweynayo dhinacyada isku haya magaalada Laascaanood, isaga oo tilmaamay in ka xukuumad ahaan ay doorkooda ka qaadan doonaan. The post R/Wasaare Xamza oo baaq deg deg ah kasoo saaray dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  2. “Dhibaatada Sool ka dhacday waxa ka masuul ah xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi, waxaana sababay siyaasad xumadeeda iyo talo xumadeeda lagumana banaysan karo Cudur daarna loo heli mayo dhiig qof Muslim ah oo ladaadiyo loomana hayo dallo kale oo loo daliishado” xil Cabdilaahi Yuusuf Axmed. Dhibaatada Sool ka dhacday waxa ka masuul ah xukuumadda Muuse Biixi, waxaana sababay siyaasad xumadeeda & talo xumadeeda..Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka S/land & Ururka KAAH Qaran News
  3. Amuurta Laascaanood weli si gurracan buu Muuse u maamulayaa, waana badheedh ee ma aha faham darro. Saladiintii uu diraayay, inta aanay dhaqaaqin ka hor buu doorkooda fashiliyay – ilmihii ka hor inta aanu dhalanin buu dhintay. Nin weyn oo wax aan jirin dadka is la soo hor taagay, oo daqiiqado gudahood ku fashilmay, wax la gu micneeyo runtii cidi ma garanayso. Nin weyn oo hadal ka dahcay waa geed qolofi ka dahcday baa la odhan jiray, laakiin geedka weyni haddii aanu marka hore qolof ba lahayn, maxaa la odhanayaa? Hadii aan fartiisa aqaanno, Muuse wuxu is lahaa Garaadada beesha Sool clan shaki ka la dhex geli, sidaas baanu hawada u mariyay warka ah in ay Garaadadii qarkood is maqleen oo wax is la garteen. Is la sababtaas darteed, ayuu Garaad Jaamac oo ahaa ka Somaliland u gu dhow, la na tuhmi karaayay, u gu degdegay in uu khuraafadka Muuse ka dhigo dambas dabayli ku dhacday. Dadka qaar uun baa ogaa, intii kale na waa ogaatay, Muuse in aanu lahayn dhaqan madaxweyne, hadal madaxweyne iyo talo madaxweyne toona. Waxa Qoray:- Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
  4. Guriceel (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa ka hadlay xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood, isaga oo dhinacyada isku haya halkaasi uga digay in aysan u yeeran Al-Shabaab, xilli ay Somaliland sheegtay in kooxdu qeyb ka tahay dagaalka. Qoor Qoor oo khudbad ka jeediyay munaasabad lagu caleema saaray maamulka cusub ee degmada Guriceel ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay dhib weyn kala kulantay argagixisad Al-Shabaab, ayna xiligaan aheyn in looga gacan haadiyo dhul ka nabad-galay sharkooda. “Dagaalkii dhaca waxa uu taageeri doonaa oo idinku soo hoggaamin doonaa, gacana siin doonaa Khawaariij, sidaas darteed dhibaatada ka socota Laascaanood waxa aan leenahay dhiigiin si xaaraan ah buu isugu baxay ee iska daaya,” ayuu yiri madaxweyne Qoor Qoor. Waxa uu intaasi sii raaciyay hadalkiisa “Cadawga ha iskuugu yeerina, annaga ayuu dhib nagu filan nagu hayaa.” Somaliland ayaa hore u sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay qeyb ka tahay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, ayada oo ku eedeysay in magaalada ku garaaceen madaafiic, si ay iskaga hor keenaan dadka deegaanka iyo maamulkooda, inkasta oo sheegashadaasi ay beeniyeen garaadada SSC iyo kooxda laftigeeduba. Dhinaca kale, Qoor Qoor ayaa u hambalyeeyay gudoonka cusub ee degmada Guriceel, isagoo ugu duceeyay in Eebbe la garab galo masuuliyadda culus ee loo doortay. Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu bogaadiyay wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug, oo dardar-gelisay dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka Galmudug. Hadalka madaxweynaha Galmudug ayaa imaanaya xilli uu dagaalka Laascaanood uu galay asbuucii labaad, inkasta oo uu hadda ka qaboobay sidii hore, lana soo warinayo inuu hakaday saddexdii maalmood ee tegay. Dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay illaa 60 qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 400 oo qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka. The post Qoor Qoor oo ka digay halis ka dhalan karta sheegashadii Somaliland ee dagaalka appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa shaaciyay in duqeyn ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya ay ku dileen Shan xubnood oo ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab. War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in xubnahan Shabaab-ka ah lagu dilay weerar dhinaca cirka oo ay ka fuliyeen meel u dhow degmada Bacaadweyn ee gobolka Mudug. Sida lagu sheegay qoraalka taliska, goobta duqeynta laga fuliyay ayaa qiyaastii 460KM Waqooyi-galbeed kaga beegan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Duqeyntan ayaa lagu taageeray ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo dagaal kula jira maleeshiyada Al-Shabaab, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika. Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ayaa laba maalin ka hor ku dagaalamay agagaarka Bacaadweyn, ayada oo dagaal-yahaanada kooxda laga saaray godad uga qodnaa halkaasi, sida ay saraakiisha dowladda u sheegeen warbaahinta. Taliska Mareykanka ayaa laba jibbaaray howl-galada dhinaca cirka ah ee ka dhanka Al-Shabaab, tan iyo markii ay horaantii bishaan ka aqbaleen madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Qoor-Qoor oo ka dalbaday inay sare u qaadan duqeymaha. Deegaanada Galmudug ayaa waxaa si habsami leh uga socda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay kooxda Al-Shabaab ka qabsadeen degmooyin istiraatiiji ah oo ay ku jirto degmada Xarardheere, oo sanado badan ay ka talinaysay kooxda. Militariga Mareykanka ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Al-Shabaab waxa uu ciidamada dowladda ee ku jira dagaalka ku taageerayay weerarada dhinaca cirka ah, kuwaasi oo inta badan lagu dilo dagaal-yahaano ka tirsan kooxda. The post Mareykanka oo war kasoo saaray weerar cusub oo ay ku dileen xubno Shabaab ah appeared first on Caasimada Online.
  6. Laascaanood (Caasimada Online) – Waxaa si weyn looga deyrinaya xaaladda ka jirta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaasi oo ay go’doon ku jiraan dadkii ku haray magaaladaasi, oo ay isku hor-fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka. Dadka ku haray magaalada Laascaanood oo qaarkood la hadlay VOA ayaa sheegay in cuno yaraan iyo biyo la’aan xoogan ay soo wajahday, islamarkaana aysan heli karin waqti xaadirkan meelo ay wax ka iibsadaan. Inkasta oo dagaalka Laascanood uu qaboobay labadii maalmood ee lasoo dhaafay, haddana waxaa laga baqayaa xaalad bani’aadannimo, ayada oo wakiilada beesha caalamka ay ku baaqeen in si deg deg ah wax looga qabto baahiyaha dadka ay saameeyeen rabshadaha socda. “Caruur ayaa haysta oo dadkii go’doonka ku qabsaday magaalada ayaa nahay, malaha biyo, caafimaad, nabad-gelyo oo haddii dibada u baxdo waxaa ka baqeysa in ay wiifto kugu dhacdo, haddii guriga aad joogtana inuu madfac kugu dhaco. Cunto ma taallo oo adeeg iyo bakhaar furan majiro,” ayey tiri Sahra Cabdillaahi Jaamac oo kamid ah qoysaska ku haray magaalada Laascaanood oo la hadlay VOA. “Meel loo baxo malaha. Meel aad biyo ka dhaansato malaha, marka walaahi dadka meesha jooga aad iyo aad ayaa loo tacabsan yahay oo xabad ayaa soconeysa, cunto xumana waa jirta.” Farxiya Cali Jaamac oo iyaduna kamid ah dadka qoysaska ah ee dagaalka uu ku qabsaday magaalada Laascaanood ee ku go’doonsan halkaasi, ayaa waxay tiri “Anagu waxaan ahayn dadka markii horeba magaalada nolol maalmeedka ka raadsan jiray. Meel aad u baxdo majirto 11 cisho oo guri hoostii ayaa ku jirna.” “Magaalada saddexda iridood-ba waa nagala fadhiya, biyo nooma soo galaan. Dad badan oo jaar aheyn waa carareen, qaar baa lugeeyay oo qaar kale ayaa gaadhi helay. Aniga waxay iga noqotay caruurtayda yaryar inta uusan madfaca iga kala qaadin guriga iskaga jira. Markii horeba tabar maanu hayn oo nolol maalmeedkayaga waa iska raadsan jiray aheyd,” ayey hadalkeeda sii raacisay. Dagaalka Laascaanood oo socday toddobaad, balse hakaday saddexdii maalmood ee tegay, ayaa waxaa ku dhintay illaa 60 qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 400 oo qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka. The post Xaalad adag oo ka taagan magaalada Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa xalay daah-furay ololaha taakulaynta iyo gurmadka dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Tukiga, kuwaasi oo ay dhibaato baaxad weyn ka soo gaartay dhul-gariirkii dhawaan ku dhuftay dalkaas. Kulan qaaraan loogu ururinayo shacabka iyo walaalaha ee Turkiga uuna soo qaban-qaabiyey Gudddiga heer-qaran ee Ra’iisul Wasaare Xamza u magacaabay gurmadka Turkiga, ayna ka soo qeyb-galeen wasiiro, ganacsato, culimaa’udiin, madaxda dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaarha Xamza ayaa madashaas uga yaboohay lacag dhan 1-milyan oo dollar oo dowladda federaalka Soomaaliya ay ugu deeqayso walaalaha Turkiga. Ganacsatada Muqdisho ayaa sidoo kale gurmadka Turkiga ugu yaboohay illaa 3-milyan oo dollar, waxaana weli socda gurmadka oo la fiyo in lacago lagu aruuriyo. Xamza ayaa waxa uu ku guubaabiyey shacabka Soomaaliyeed in ay kaalin firfircoon ka qaatan dadaallada loogu gurmanayo dadka reer Turkiye ee dhibaatadu ku habsatay, isagoo Soomaalida xasuusiyey abaalka ay ku leeyihiin shacabka iyo dowladda Turkiga. “Waxaa loo baahan yahay in shacabka, ganacsatada, culimada diinta, duubabka dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu ay ka qayb qaatan hawlaha gurmadka deg-degga ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ugu dambeyntiina wuxuu usoo jeediyey madaxda dowlad-gobaleedyada inay abaabulaan kulamo looga qeyb-qaadanayo gurmadka walaalaha Turkiga ee dhibaateysan. The post Sawirro: DF oo daah-furtay ololaha gurmadka Turkiga iyo lacagaha la yaboohay appeared first on Caasimada Online.
  8. Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhowaan marti-gelin doonta shirka madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada, sida ay Caasimada u xaqiijiyeen illo xogogaal ah. Xogta aan ka helayno shirka lagu qabanayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaysa in la filayo in uu halkaasi ka qabsoomo bisha soo socota ee March. Shirkan ay iskugu imaanayaan madaxda Soomaalida ayaa la ogeyn in madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu kasoo qeyb-gali doono, maadaama uu hore u sheegay inuu xiriirka u jarey dowladda federaalka, taasi oo ay Villa Somalia weli uga jawaabin tallaabo muuqata. Maamul goboleedka Puntland ayaa 9-ka bishii January ku dhowaaqay in hadda kadib uu u dhaqmi doono sidii dawlad madax-banaan oo kale, inta laga dhammaystirayo dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya. Puntland ayaa doodeeda xilligaas ku sheegtay “in qodobka 142 ee dastuurka federaalka uu waafaqsan yahay qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland farqadiisa 3-aad uu Puntland xuquuq u siinayo inay u dhaqanto sidii dawlad madaxbannaan.” Shirka madaxda Soomaalida ee la filayo in uu ka qabsoomo Baydhabo ayaa sidoo kale waxa uu imaanaya xilli uu madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen uu hoos u dhigay xiriirkii uu waayadii dambe la’lahaa madaxweyne Saciid Deni oo xiligaan u muuqda mid go’doon ku jira. Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa shirkoodii u dambeeyay ee u dhexeeyay dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir waxa uu daba-yaaqada sanadkii hore ka qabsoomay magaalada Muqdisho, kaasi oo laga soo saaray go’aamo ay qaarkood isku seegeen DF iyo Puntland. Si kastaba, Baydhabo ayaa dhowaan waxaa lagu soo gaba-gabeeyay shirweyne dib-u-heshiisiin oo xal looga gaaray khilaafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyay madaxweyne Lafta-gareen iyo mucaaridkiisa. The post Xog: Baydhaba oo marti-gelinaysa shirka madaxda DF iyo dowlad-goboleedyada appeared first on Caasimada Online.
  9. Attacks linked to the al-Shabaab terror group in Kenya increased by 26 per cent in 2022 and resulted in 116 fatalities. Source: Hiiraan Online
  10. Yemeni activist and Nobel laureate Tawakkol Karman deemed Arab widespread solidarity and sympathy with Türkiye amid the devastating earthquake disaster a "no surprise." Source: Hiiraan Online
  11. The number of women and children migrating from the Horn of Africa to Gulf countries through Yemen has significantly increased and is a cause of concern, according to the head of the International Organization for Migration. Source: Hiiraan Online
  12. Djibouti has donated $1 million in cash to the Turkish Disaster and Emergency Management (AFAD) and will also send a second batch of relief goods to people affected by the devastating twin earthquakes in Türkiye on Thursday night. Source: Hiiraan Online
  13. Nairobi. African countries are turning to new-generation banknotes to help curb corruption, runaway inflation and money laundering. Source: Hiiraan Online
  14. Foreign Minister Sameh Shoukry reaffirmed to the UN special envoy to the Horn of Africa Hanna Tetteh Egypt’s stance on the necessity of reaching a legally binding agreement on the filling and operation of the GERD, which takes into account the interests of all three countries - Egypt, Sudan and Ethiopia - and preserves Egypt’s water rights. Source: Hiiraan Online
  15. Egypt's Foreign Minister (FM), Sameh Shoukry met with Mohamed El Amin Soueif, the African Union's (AU) Special Envoy to Somalia and Head of the African Union Transitional Mission in Somalia (ATMIS), on the sidelines of the 42nd session of the Executive Council of the African Union. Source: Hiiraan Online
  16. The Somali government Thursday said its soldiers — backed by international partners and local clan militias — have killed upwards of 350 al-Shabab militants and wounded dozens more in different operations in the country’s south and central regions. Source: Hiiraan Online
  17. Sannadkii 1945tii ayuu Cali Cabdulle Guure ku dhashay Degmada Buulaburde ee Gobolka Hiiraan. 9 sano kaddib dhalashadiisa ayuu Cali Indhaha beelay. isagoo indho la’ ayuu Muqdisho soo galay. Hibo faneed ayaa Cali ku jirtay wuxuuna jeclaa inuu ka heeso goobaha lagu caweeyo. Sannadkii 1963dii ayuu si rasmi ah uga mid noqday dhallinyaro Radio Muqdisho laga shaqaaleysiiyey. Ragga iyo gabdhaha ay isku xilliga ahaayeen waxaa ka mid ah Axmed naaji Sacad, Farxiya Cali Faarax, Duniya, Cabdulle Raage iyo Careys Ciise. 1973 Cali wuxuu ka mid noqday kooxdii Qaranka ee Waaberi. Source: Hiiraan Online
  18. Dagaal iyo duqaymo ayaa saaka oo Jimce ah ka sii socda magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Ciidamada Somaliland ee fadhiya Gooja-cadde ayaa sida warar xaqiijinayaan weerar ku qaaday ciidamada degaanka SSC ee ku sugan gudaha Laascaanood. Hubka noocyadiisa kala duwan oo ay isu adeegsanayaan labada dhinac ayaa laga maqlayaa magaalada sida ay noo sheegeen goob-joogayaal. Ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale madaafiic iyo qoryaha waaweyn ku duqaynaya gudaha Laascaanood. PUNTLAND POST The post Dagaal iyo duqaymo ka sii socda magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  19. A US strike in Somalia killed five al-Shabaab fighters on Wednesday, US Africa Command said in a statement. The strike was carried out at the request of the Somali government and was a “collective self-defense strike,” according to AFRICOM. Source: Hiiraan Online
  20. Way adag tahay In Laascaanood laga helo warbixinno lagu kalsoonaan karo, waxaan leeyahay colaadda ha la joojiyo, arrimahana wada hadal ha lagu dhameeyo” Safiirka Mareykanka u fadhiya Somalia Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Larry André, ayaa ka hadlay xaaladda Laascaanood, isaga oo ku baaqay In colaadda taagan wada hadal lagu dhameeyo. Larry Andre oo u warramayey Telefishanka Dalsan, waxa uu yidhi “Laascaanood waxa adag in la helno warbixinno lagu kalsoonaan karo, waxaanu diirada xoog u saarnay oo wakhtiugu ugu badan ku bixiyey, aniga oo adeegsanaya dadka saamaynta ku leh. Saameeyeyaal kala duwan ayey leedahay xaaladdu dhanka Soomaalida iyo qaar kaleba. Colaad in la soo afjaro cidna dani uguma jirto. Arrinta waa in wada hadal lagu dhameeyo. Waxaan wada hadallo toos ah la yeeshay Hoggaamiyeyaasha dhinacyada oo dhan. Waxa kale oo jirta in xubno kale oo Beesha Caalamka ah iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diray farriintan oo kale oo ah in rabshada la joojiyo in Arrimaha lagu dhameeyo wada xaajood. Dhab ahaan cidda weerarka qaaday ee ku horreysay, cidda dembiyo gaar ah gashay oo ka dhan ah Rayidka, taasi waxa la eegi doonaa wakhti ku haboon. Haddaba waxa macno leh in colaadda la joojiyo, arrimahana wada hadal lagu dhameeyo. Farriinta aad dirayo waa joojiya colaadda, oo xaaladda wada hadal ku dhameeyo.” Qaran News
  21. Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helaya dil xalay ay koox hubeysan ka geysatay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wararka aan helayno ayaa sheegaya in kooxda hubeysan ay magaalada Beledweyne ku dileen Cabdullaahi Xasan Cawaale (AUN) oo loo yaqaanay Toor-toor, kaasi oo ka mid ahaa ganacsatada caanka ah ee magaalada. Toor-toor ayaa la dilay xilli uu fadhiyay goob maqaaxi ah oo ku taalla xaafada Xaawo Taako, gaar ahaan laanta Nuur Xawaad ee magaalada Beledweyne, sida ay sheegeen dad goobjoog ah. Wararka ayaa intaas kusii daraya in dilka marxuumka kadib dadweynihii ku sugnaa goobta ay isku dayeen inay qabtaan raga geystay dilka, hase yeeshe kooxda ayaa la sheegay inay isaga caabiyeen dadweynaha illaa sadax bambo oo nooca gacanta laga tuuro ah, taasi oo u sahashay inay ka baxsadaan goobta. Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa dilka kadib gaaray goobta, kuwaasi oo baaritaano ka sameeyay halkaasi. Illaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka oo la xiriira dilkan, marka laga soo tago in ciidamadu ay bilaabeen baaritaano aan illaa hadda la ogeyn natiijadooda. The post Ganacsade caan ah oo xalay lagu dilay magaalada Beledweyne (Faahfaahin) appeared first on Caasimada Online.
  22. Dagaalka Sokeeye ee Laascaanood xalkiisu waxa uu ka bilaabmayaa runta oo laga sheego waxa jira iyo sida ay u jiraan, ereyga qalbiga ka soo baxa ayuun baa kalsooni abuuri kara. Runtuna waxa ay tahay in Laascaanood aanay maanta u baahnayn, madal Hargeysa ah oo lagu sheekaysto iyo sawirro qurux badan oo la galo. Xisbiyada Qaranku madaxweynaha waa ay la kulmeen, waana ay siiyeen wixii xal ay u arkayeen iyo talo iyo tusaale wixii ay hayeenba. Madaxweynaha waajibkiisa ayaa ay tahay in uu keeno qorshihii colaaddaas lagu joojin lahaa, in qofku masuuliyadda saaran uu ka galgashaana, xalka ayuun bay sii fogeysaa. Aynu heshiinno iyo aynu wada hadalno oo afka laga sheego xal laguma gaadhi karo, haddii aan qorshe iyo hawl lagu darin. Maanta Madaxweynaha waxaa laga sugayaa waa in uu jeexo tubta uu doonayo in colaaddan lagu soo afjaro. Gacantiisa ayaa ay ku jirtaa oo cidi lama wadaagto, sida aanay cidi ula wadaagayn samaan iyo xumaan wixii ay taariikhdu arrintaas ka qorto. Xoghayaha Guud Xisbigga Wadani Khadar Xuseen Cabdi . Qaran News