Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Kuraasta dhiman ee sugeysa in la buuxiyo waxaa kamid ah kursiga HOP#086. Kursigan waxaa loo diiday inuu ku fariisto Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waa kursiga qura ee seegay doorashadii dhawaan ka dhacday dalka. Guddiga doorashada ee ku-meel gaarka ah ayaa la filayaa inay kursigan doorashadiisa qabtaan, deegaan doorashadiisu waa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Waxaa si weyn ugu loolamaya tartanka kursigan Agaasime ku-xigeenkii hore ee Villa Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah nin dhalinyaro ah oo xubin muhiim ah u ahaa nidaamkii hore ee madaxweyne Farmaajo iyo Dr Maxamed Xaaji oo kamid ah bahda waxbarashada dalka. Kursigan waxaa tallo badan ku leh wasiirka waxbarashada ee dowladda Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo isagu hore ugu fadhiyay. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa waxay sheegaysa in Faarax Sheekh Cabdulqaadir uusan dhib ku qabin Dr Maxamed Xaaji iyo Cabdinuur Maxamed Axmed midkii kursiga qaata. Laakiin madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu rabaa in kursiga qaato Dr Maxamed Xaaji, sida aan xogta ku helnay. In la ogaado dhinaca uu jiro miisaanka Faarax Sheekh Cabdulqaadir waa u muhiim natiijada kursigaan, laakiin dadka ka faalloonaya kursiga HOP#086 waxa ay leeyihiin haddii kursiga si furan loogu tartamo waa fiican tahay rejada Cabdinuur Maxamed Axmed, kaasi oo heli kara garabka maaliyadeed ee Fahad iyo Farmaajo. Laakiin waxaan la hubin in kursigaan si furan loogu tartami doono, maadama la sheegayo inuu madaxweyne Xasan Sheekh aragti gaar ah ka leeyahay kursigan. Dhinaca kale, Waxaa lagu kala baxay kursigii uu hore ugu fadhiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxa uu ahaa xubin baarlamaan intii uusan madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabin kursiga ra’iisul wasaaraha dalka. Wuxuu ku fadhiyay kursiga HOP#203 oo deegaan doorashadiisu tahay magaalada Kismaayo. Dhawaan waxaa la xaqiijiyay in ra’iisul wasaaraha uu go’aansaday inuu kursiga dib ugu celiyo beesha, si ay beeshu u doorato qof kale oo kursigaas ku metela inta ka dhiman muddo xileedka baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya. Arbacadii magaalada Kismaayo waxaa ka dhacday doorashada HOP#203 waxaana kusoo baxay Xasan Hure Ugaas kadib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay. Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo xogagaal u ah kursigan, ra’iisul wasaare Xamza iyo hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe labaduba raali ayay ka ahaayeen ninka la siiyay kursigan. Xamza ka hor kursigan waxaa ku fadhisay gabadh la yiraahdo Sahro. Waa kursigii ee la buuxiyo ee kamid ah kuraasta banaanatay ee Golaha Shacabka. Dhawaan ayaa sidoo kale waxaa la doortay kursigii uu ku fadhiyay Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad. Ra’iisul Wasaaare Xamza iyo Taliye Mahad oo kamid ahaa xubnihii xisbiga Xasan Sheekh ee dhibka badan u maray kuraasta xildhibaanimada ee doorashadii dhawaan dhacday waxay hadda kamid yihiin xubnaha talada ku leh geedi socodka, waxaana hortaalla xujo ah inay door ka qaatan inuu dalku gaaro doorasho dhaanta tii u dambeysay. The post Xog: Halka uu marayo loolanka kursigii Fahad Yaasiin loo diiday iyo R/wasaare Xamza oo… appeared first on Caasimada Online.
  2. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo mar kale ka hadlay dagaalkii magaalada Laascaanood ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka, ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay. Dagaalka oo socday toddobaad, balse hakaday saddexdii maalmood ee tegay, ayaa waxaa ku dhintay illaa 60 qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 400 oo qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay dagaalladaas. Waxa uu intaas ku daray inaan laga fileyn in wixii Maxamed Siyaad Barre uu ku sameeyay magaalada Hargeysa inuu ku sameeyo magaalo kale. “Anagu sidii Siyaad Barre magaalada ma aanan duqeynin, umana doonayno in aan u duqeyno, mana nihin ciidamo cadow ah, sidii Kacaanka oo dalkooda gumaadaya, dulqaad iyo tudhaale bay sameynayaan ciidamadu, mar kasta waa lasoo weerarayaa oo xabad ku socotaa, ciidamadu walina wey dulqaadanayaan, weyna u turayaan dadkoodii,” ayuu yiri. Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu sidoo kale sheegay inay Sabtida soo socota ay isimo u dirayaan magaalada Yagoori si wada hadal looga yeesho xaalada gobolka Sool. “Isimo aan dirnay ayaa Sabtida tagaya magaalada Yagoori, inkastoo ay jiraan kooxo Isimo ah oo halkan jooga oo sharuudo wata, mase ka yeelayno sharuudahooda, Yagoori, halkaas ayuu shirku ka furmayaa, Isbitaalka Yagoori ayaa lagu shirayaa oo lagu wada hadlayaa amniga. Waxaa sugaya ciidamada Garaadada la socda, waxaan ku niri’i Isimada Laascaanood taga oo calamo-cad qaata, haddii aad dhimataan wiilasheenaba waa dhimanayeen,” ayuu yiri. Hadalka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku soo aadaya xilli dagaalka Laascaanood uu galay asbuucii labaad inkastoo uu hadda ka qaboobay sidii hore. Somaliland ayaa horey loogu eedeeyey inay shacabka layneyso ayada oo magaalada duqeyneysa, eedeyntaas oo Hargeysa ay beenisay, sheegtayna in mar kasta ciidankeeda lasoo weerarayo. The post Muuse Biixi oo ku dhowaaqay go’aan cusub oo la xiriira DAGAALKA Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa dood ka keenay go’aan dhawaan uu maamulka gobolka Banaadir uu ka hir-galiyay magaalada Muqdisho, kaasi oo sare loogu qaadayo bilicda caasimada. Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxa uu ganaax lacageed ku soo rogay xoolaha baadida ee iska dhex socda caasimadda, kuwaasi oo marka la qabto la geeyo goob loogu tala-galay kadibna haddey 24 saac gudahood kusoo doonan waayan dadkii lahaa xoolahaasi la gawracayo, islamarkaana loo qeybinayo dadka danyarta ah. Markii u horeysay ee go’aankan uu si rasmi u dhaqan-galo waxay aheyd 7-dii bishaan, ayada oo xilligaasi maamulka gobolka uu magaalada Muqdisho ku bireeyay ku dhawaad 50 neef oo kamid ah Lo’dii laga soo qabtay waddooinka magaalada. Haddaba, Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble oo arrintaan si weyn uga soo horjeestay ayaa waxa uu ku tilmaamay nasiib darro, isaga oo sheegay in Lo’da iyo xoolaha kale ee la dhaqdo ay yihiin muwaadiniin waxtarkooda la soo koobi karin, sida uu hadalka u dhigay. “Dibiga la bireynaayo ma aha ajnabi ee waa muwaadin ku nool waddankiisii hooyo. Sida barakacayaasha ayuu ka soo qaxay abaarta dalka ka jirta. Sida barakacayaasha ayuu xaq u leeyahay inuu helo daryeel (baad iyo biyo). Sida barakacayaasha ayuu xaqaa ugu leeyahay dowladdiisa,” ayuu Cali Cosoble ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. Waxa uu xusay in arrintaan uusan ku mucaaradeyn guddoomiyaha gobolka Banaadir oo amarkaan kasoo baxay, hase yeeshe uu dib u xasuusinayo in laga rabo maamulkiisa inay u gurmadaan Lo’da iyo xoolaha kale ee ay bireynayaan. “Saaxiibkey Guddoomiye Madaale ma mucaaradayo balse waxaan la socodsiinaa waajibaadka ka saaran gobolka Banadir inay ka mid yihiin sugidda amniga gobolka iyo daryeelka barkacayaasha, lo’dana wexey ka mid tahay barakacayaasha. Waxaa maamulka gobolka la idinka rabaa ineydan bireyn lo’da soo barakacday balse aad u gurmataan oo xannaaneysaan.” Waxa kale oo uu qoraalkiisa ku yiri “Lo’da iyo xoolaha kale ee la dhaqdo sida ariga, geela iyo dameeraha waa muwaadiniin aan waxtarkooda la soo koobi karin, waana noole aad u naxariis badan oo uu Ilahey noogu nimceeyay. “Lo’da xilliga barwaaqada ayadaa dadka daryeesha, xilliga abaartana ayadaa u baahan daryeel. Lo’da ku nool Muqdisho canshuurta la qaado ayey wax ku leedahay ee xaqeeda ha la siiyo.” Hadalka madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa waxa kusoo aadaya xili ay cabasho xoogan arrintaan ka muujiyeen qaar kamid ah milkiile-yaasha xoolihii looga gowracay Muqdisho, kuwaasi oo qaarkood ay sheegeen in maamulka uu ka bireeyay xoolo loo waday kawaan. The post Cali Cosoble oo dood yaab leh ka keenay go’aan ka hir-galay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  4. Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland Dr Jamac Farax Xassan ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Kalabaydh ee konfurta gobolka Sool. Wasiirka ayaa booqday cisbitaalka magaalada oo ay ka socotay hawlo culus oo lagu daryeelayay bukaano ku soo dhaawacmay dagaalka ka socda magaalada Lascaanood oo masaafo ahaan ujirta 30 Km. Wasiirka ayaa la kulmay bukaannada iyo shaqaalaha oo uu warbixino ka dhagaystay ku saabsan xaalada cisbitaalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa awooda waxqabadka cisbitaalka. Wasiir Dr Jamac Farax ayaa sidoo kale booqday goobaha ay daganyihiin dadka ka soo barakacay dagaalka waxaana ukuurgalay xaaladaha ay ku suganyihiin. Ugu danbeyn wasiirka ayaa dadka deegaanka ku amaanay kaalinta wax ku oolka ah ee ay ka gaysteen soo dhawaynta iyo martigalinta walaalahooda dagaalka ka soo barakacay, waxaana uu xusay in taageero intaas ka balaaran ubaahanyihiin, si loo yareeyo dhibaatooyinka ku hareeraysan. PUNTLAND POST The post Wasiirka Caafimaadka Puntland oo booqday degmada Kalabaydh ee Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
  5. Qaramada Midoobay ayaa codsatay in ka badan 1 bilyan oo dollar oo dhaqaale ah oo loogu talagalay gurmadka dhulgariirka Turkiga, laba maalmood kadib markii ay bilowday codsi $400-milyan ah oo loogu talagalay dadka Suuriyaanka ah. Madaxa gargaarka ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths, oo booqasho ku tagay Turkiga, usbuucii hore, ayaa sheegay in dadka ay la kulmeen dhibaatooyin aan la sheegi karin, isaga oo raaciyay: “Waa inaan garab istaagnaa dadka oo aan hubinno inay helaan taageerada ay u baahan yihiin.” Dhulgariirkii dhacay 6-dii Febraayo ayaa ilaa hadda ku dilay ugu yaraan 36,187 koonfurta Turkiga, halka maamulka dariska la ah Suuriya ay sheegeen in ay ku dhinteen 5,800 oo qof. Dadaalka samatabixinta ayaa ka socday dalka Turkiga, balse tirada dadka la soo badbaadiyay maalin walba ayaa aad u yaraaday. Turkiga ayaa balan qaaday inuu baaritaan ku sameyn doono cid kasta oo lagu tuhmo inay mas’uul ka tahay burburka dhismooyinka, wuxuuna amar ku bixiyay in xabsiga la dhigo in ka badan 100 tuhmane ah oo ay ku jiraan kuwa wax dhisa. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo dalbatay Gurmad lagu caawiyo Turkiga appeared first on Puntland Post.
  6. Djibouti (Caasimada Online) – Djibouti, a small East African nation, has stepped up to provide aid to Turkey after the country was struck by twin earthquakes that caused widespread devastation. The Djibouti ambassador to Ankara has donated $1 million to the Turkish Disaster and Emergency Management (AFAD) to help with relief efforts, and a second batch of relief goods has been sent to the affected areas. In addition to the cash donation, Djibouti has also donated ten generators, six industrial projectors, 113 blankets, 100 pullovers, and 35 thermal garments, all donated by Djibouti companies. This is the second time Djibouti has offered aid to Turkey. The first donation, consisting of 120 tents, 185 kilograms of clothing, and 75 kilograms of hygiene supplies, was delivered earlier in the week. The Turkish Embassy in Djibouti stated that the government and people of Djibouti are fully committed to providing all possible assistance to help alleviate the suffering of the affected people in Turkey. The twin earthquakes that struck southern Turkey on February 6th had a devastating impact, killing at least 36,187 people and affecting more than 13 million people across 11 provinces. The earthquakes were also felt in neighboring countries such as Syria and Lebanon, and the death toll in Syria is reportedly 5,800. International aid agencies are working tirelessly to help those affected, with the United Nations appealing for more than $1 billion in funds for the Turkish relief operation. The ongoing conflict has hampered the aid effort in Syria. Many people in the rebel-held northwest feel abandoned as supplies almost invariably head to other parts of the sprawling disaster zone. Despite the challenges, aid convoys have been sent to the affected areas. In Syria, the government has approved opening two additional crossings to allow aid deliveries to reach those in need. In Turkey, heavy machinery is used to clear debris mounds blocking numerous towns and cities. The Djibouti donation will go a long way in helping to alleviate the suffering of those affected by the earthquakes. It is a reminder that in times of crisis, nations can come together to support each other and offer a helping hand. The post Djibouti donates $1 million to Turkey earthquake victims appeared first on Caasimada Online.
  7. Mogadishu (HOL) - Former Somalia President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed has described the ongoing 12-day conflict in Las Anod, the administrative capital of the Sool region, as a "great tragedy" and called for an immediate ceasefire to allow for dialogue. Source: Hiiraan Online
  8. ARLINGTON, Texas (CBSDFW.COM) - Arlington homicide detectives released a portion of surveillance video showing two suspects and a person of interest tied to the killing of Ali Ismail, 36, on Valentine's Day. Source: Hiiraan Online
  9. Las Anod (HOL) - Somaliland's President Muse Bihi Abdi announced on Thursday that traditional elders in Las Anod have accepted the ceasefire and agreed to meet with Somaliland's counterparts in Yagoori in the Sool region to end the conflict peacefully. However, Garad Jama Garad Ali, a traditional elder from Las Anod, who spoke to Gaylan Media, denied a peace meeting being organized and further accused the Somaliland government of mobilizing its forces. The discrepancy in claims between the two parties raises questions about the prospects of ending the conflict and the credibility of the parties involved. Source: Hiiraan Online
  10. Las Anod (HOL) - Somaliland's President announces a ceasefire agreement to end conflict, but a traditional elder denies it and accuses the government of mobilizing forces. The conflicting claims raise doubts about the credibility of the parties and the possibility of a peaceful resolution. Source: Hiiraan Online
  11. “Dagaalka Sokeeye ee Laascaanood xalkiisu waxa uu ka bilaabmayaa runta oo laga sheego waxa jira iyo sida ay u jiraan, ereyga qalbiga ka soo baxa ayuun baa kalsooni abuuri kara. Runtuna waxa ay tahay in Laascaanood aanay maanta u baahnayn, madal Hargeysa ah oo lagu sheekaysto iyo sawirro qurux badan oo la galo. Xisbiyada Qaranku madaxweynaha waa ay la kulmeen, waana ay siiyeen wixii xal ay u arkayeen iyo talo iyo tusaale wixii ay hayeenba. Madaxweynaha waajibkiisa ayaa ay tahay in uu keeno qorshihii colaaddaas lagu joojin lahaa, in qofku masuuliyadda saaran uu ka galgashaana, xalka ayuun bay sii fogeysaa. Aynu heshiinno iyo aynu wada hadalno oo afka laga sheego xal laguma gaadhi karo, haddii aan qorshe iyo hawl lagu darin. Maanta Madaxweynaha waxaa laga sugayaa waa in uu jeexo tubta uu doonayo in colaaddan lagu soo afjaro. Gacantiisa ayaa ay ku jirtaa oo cidi lama wadaagto, sida aanay cidi ula wadaagayn samaan iyo xumaan wixii ay taariikhdu arrintaas ka qorto “ Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi. Source
  12. Munaasabad lagu daahfurayay naadigii ugu horeeyay oo ay yeelanayaan ardayda deeqada waxabarashada ay siisay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo ay ka soo qeyb galeen wasiirka Wasaaradda waxabarashada xukuumada Soomaaliya Faarax Sheikh Abdulkadir, xildhibaano ,masuulyiinta ugu sareeysa hay’adda Hormuud Salaam Foundation, wakiilo ka socoday guud ahaan bahda waxbarashada, culimaa uwdiin araday iyo Walidiin ayaa maantay lagu qabtay Hotel Jazeera ee magaalda Muqdisho. Naadigan cusub aya waxaa ku mideeysan 120 Arday oo deeqa Waxbarasho ay siisey Hormuud Salaam Foundation iyo kuwa hada kadib ay siin doonto. Cabdulahi Nuur Cusman Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa faahfaahiyay ujeedada loo asaaasay naadigan isagoo sheegay in uu ardayda isku xiri doono isla markaana ka qeyb qaadan doono hormumarintooda iyo iska warqabkooda. Qaar ka mid ah Ardayda ay deeqa waxbarasho siisay Hormuud Salaam Foundation iyo Walidiinta ka soo qeyb galay munaasabadaan aya hay’ada uga mahad celiyey arintaan iyo isgarabtaagooda joogtada ah. Dr Maxamed Maxamuud Bideeye Gudoomiyaha midowga jaamacadaha Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Cabdullahi Galaanbe gudoomiye ku xigeenka Rugta Gancsiga iyo warshadaha soomaaliya, Cabdirashiida Cali Caynanshe oo ka mid ah masuulyiinta Shirkada Hormuud iyo xildhibaan Yuusuf Xayle oo munaasabad ka hadalay ayaa dhankiisa bogaadiyay Hormuud Salaam Foundation. Wasiirka Wasaaradda waxabarashada Xukuumada Soomaaliya Faarax Sheekh Abdulkadir oo Munaasbada soo xiray aya shegay in mar walba uu la shaqeeyna doona kuwa Bulshada gacan siiya dhanka waxbarashada iyo dhanka hormarinta oo ay ugu horeeyso Hormuud Salaam Foundation. Hormuud Salaam foundation ayaa si sanadlaha u siisa deeqo waxbarsho ardayda dhameysata dugsiyada saree e dalka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Tripoli (Caasimada Online) – Dooni ay la socdeen ku dhowaad 100 qof oo muhaajiriin ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay Talaadadii ku degtay xeebaha waddanka Liibiya. Doontan oo ay saarnaayeen muhaajriinta dlal dhowrr ah ayaa kasoo baxday deegaanka lagu magacaabo Qasr Alkayar oo ku yaalla bariga Tripoli, sida ay shaacisay Hay’adda IOM. Tahriibayaasha ayaa kusii jeeday Qaaradda Yurub, balse waxa ay ku dhammaadeen biyaha Badda, kadib markii ay la degtay doonidii ay ku safrayeen. War qoraal ah oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Twitter-ka ee Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ayaa waxaa lagu sheegay in haatan la’yahay ugu yaraan illaa 73 tahriibayaal ah oo kamid ah muhaajiriinta saarnaa doonta ku degtay xeebaha dalka Liibiya. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ilaa hadda lasoo bad-baadiyay 7 qof kamid ahaa muhaajriinta, kuwaas oo haatan ku jira isbitaal, sida ay sheegtay Hay’adda IOM. Sidoo kale waxaa lasoo saaray meydadka illaa 11 qof, kadib dadaal ay sameeyeen hay’adda Bisha Cas ee Liibiya iyo booliiska deegaanka. Dhankooda maraakiibta ilaalada xeebaha ayaa bilaabay inay raadiyaan muhaajiriinta kale ee la waayey, kuwaas oo loo maleynayo inay ku dhinteen biyaha badda. Liibiya ayaa aheyd marinka ugu weyn ee tahriibayaasha doonaya inay gaaraan Yurub iyaga oo mara marin khatar ah oo saxaraha iyo badda Mediterranean-ka ah. Inta badan muhaajiriinta kusii qul-qulaya Yurub oo u badan Afrikaan ayaa safarro halis ah ku mara badda, waxayna galaafatay nolosha tobanaan kun oo muhaajiriin ah. The post 100 muhaajiriin ah oo lagu la’yahay xeebaha Liibiya appeared first on Caasimada Online.
  14. Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Larry André, ayaa ka hadlay xaaladda Laascaanood, isaga oo ku baaqay In colaadda taagan wada hadal lagu dhameeyo. Larry Andre oo u warramayey Telefishanka Dalsan, waxa uu yidhi “Laascaanood waxa adag in la helno warbixinno lagu kalsoonaan karo, waxaanu diirada xoog u saarnay oo wakhtiugu ugu badan ku bixiyey, aniga oo adeegsanaya dadka saamaynta ku leh. Saameeyeyaal kala duwan ayey leedahay xaaladdu dhanka Soomaalida iyo qaar kaleba. Colaad in la soo afjaro cidna dani uguma jirto. Arrinta waa in wada hadal lagu dhameeyo. Waxaan wada hadallo toos ah la yeeshay Hoggaamiyeyaasha dhinacyada oo dhan. Waxa kale oo jirta in xubno kale oo Beesha Caalamka ah iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diray farriintan oo kale oo ah in rabshada la joojiyo in Arrimaha lagu dhameeyo wada xaajood. Dhab ahaan cidda weerarka qaaday ee ku horreysay, cidda dembiyo gaar ah gashay oo ka dhan ah Rayidka, taasi waxa la eegi doonaa wakhti ku haboon. Haddaba waxa macno leh in colaadda la joojiyo, arrimahana wada hadal lagu dhameeyo. Farriinta aad dirayo waa joojiya colaadda, oo xaaladda wada hadal ku dhameeyo.” Source
  15. Mogadishu (HOL) - The Blue Marine Foundation has filed a complaint with the UK Financial Conduct Authority and the Bank of England's Prudential Regulation Authority against three UK insurers, accusing them of providing coverage to fishing vessels that engage in illegal, unreported and unregulated (IUU) fishing by regularly turning off their Automatic Identification System (AIS) while operating in the Indian Ocean. Source: Hiiraan Online
  16. Ururka Midowga Afrika ayaa xil cusub u magacaabay madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta, kaasi oo ah hoggaaminta kor-joogtadda doorashada guud ee dhawaan ka dhici doonta dalka Nigeria. Uhuru ayaa kor-joogteyn doona doorashadaasi oo dadka reer Nigeria ay u dareeri doonaan goobaha cod bixinta sida uu qorshaha uu yahay 25-ka bishaan February. Sidoo kale waxa ergada goobjoogayaasha kamid noqon doona wakiilo ka socda hay’adaha doorashada ee dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, bulshada rayidka ah, khubaro madax-banaan iyo qaybaha AU. Arrimahan ayaa dhabaha u xaadhaya in si sax ah oo dhex-dhexaad ah loo qiimeeyo habka doorashada iyo soo jeedinta tallooyinka hagaajinta doorashooyinka mustaqbalka ee ku saleysan natiijooyinka soo baxa. Waxaa la filaya in arrintaan ay sidoo kale muujiso wada-jirka iyo taageerada Midowga Afrika ee ku aaddan xoojinta dimuqraadiyadda, nabadda, xasiloonida iyo horumarka. Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa daba-yaaqadii sannadkii hore waxa uu sidan oo kale madaxweynaha Kenya William Ruto ugu magacaabay xilka ergeyga nabadda ee gobolka Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo gobolka Great Lakes. Ruto ayaa xilligaas waxa uu sheegay inuu Uhuru Kenyatta weydiistay in uu sii wado inuu u ololeeyo hindisaha nabadda gobolka, uuna ka aqbalay, sida uu sheegay. “Waxaan weydiistay walaalkey iga weyn madaxweyne Uhuru Kenyatta oo hore shaqo wanaagsan uga qabtay gobolladaas inuu sii wado wada-xaajoodyada isaga oo matalaya Kenya. Waxaa iga go’an in dowladda Kenya ay taageerto hindisooyinkaas, waxaana hoggaamin doonaa madaxweyne Kenyatta, waxaana doonayaa inaan uga mahad-celiyo inuu ogolaaday inuu na taageero igana caawiyo howlahaas.” Source
  17. Las Anod is a small city in North Central Somalia with a population of around five hundred thousand. It is the capital of one of the 18 regions created by the former military regime. It is mainly inhabited by the Sool clan clan that belongs to the Darod clan family and the Fiqi Shini clan that belongs to the Mogadishu Clan clan family. The city also welcomed internally displaced people from the Southwest State before Somaliland managed recently to forcefully evict all of them without justification. Source: Hiiraan Online
  18. Kulan ballaadhan oo lagu gorfaynayo nabadda iyo deggenaanshaha magaalada Laascaanood baaqna loogu dirayo shacabka reer Laascaanood ayaa maanta lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, waxana si mug leh loogu falanqeeyey sidii nabad buuxda loogu soo dabbaali lahaa magaalada Laascaanood. Kulankan oo uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi, iaugu yeedhay, islamarkaana ay kasoo qaybgaleen shirguddoonka golaha guurtida, madaxweyne-ku-xigeenno hore, xildhibaanno, siyaasiyiin, salaadiin, culimaa’udiin, , ganacsato, haween, aqoonyahan, dhallinyaro iyo badiba haldoorka iyo waxgaradka reer Somaliland, ayaa lagu lafo guray sidii talo midaysan iyo afkaar waxtar leh looga geysan lahaa soo afjaridda dhibaaatada Laascaanood, talo midaysan oo Somaliland u dhantahayna loo soo saari lahaa. Xubno kala duwan oo kamid ah haldoorka Bulshada ee munaasibadda lagu casuumay oo halkaas ka hadlay oo ay kamid yihiin maayarka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdikariin Axmed Mooge, guddoomiyaha rugta Ganacsiga, Mudane Jamaal Caydiid Ibraahim, suldaan Aadan Suldaan Faarax, guddoomiyaha dalladda ay ku midoobeen dalladda ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF, Mudane Anwar Cabdiraxmaan Warsame, Agaasimaha dalladda NAGAAD, Marwo Nafiisa Yuusuf Cismaan iyo sheekhal Beledka Boorama, Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jowhar, ayaa si isku mid ah u sharraxay muhiimadda ay leedahay in xal degdeg ah laga gaadho shaqaaqada Laascaanood, iyaga oo tilmaamay inay Laascaanood tahay tiir muhiim u ah jiritaanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga oo waxgaradka iyo shacabka reer Laascaanoodna ugu baaqay inay kaalin muuqata ka qaataan dhammaystirka arrinta Laascaanood. Siyaasi Maxamed Jaamac oo kamid ahaa xildhibaannadii golaha wakiillada ee hore oo hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey kulanka, ayaa reer Laascaanood ugu baaqay inay nabadda qiimaheeda fahmaan, waqtina geliyaan sidii loosoo celin lahaa horumarkii, ganacsigii iyo waxbarashadii ubadka reer Laascaanood oo haatan kala go’day, isaga oo xukuumaddana ku boorriyey inay sii waddo doorkeeda tudhaalaha leh ee ay gogosha nabadeed ku fidisay. Xubno kamid ah golaha wasiirrada oo ay kamid yihiin wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, warfaafinta, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Ganacsiga, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), ayaa iyaguna dhankooda ku dheeraaday qiimaha ay nabaddu leedahay, iyaga oo hoosta ka xarriiqay inay xukuumadda ka go’an tahay in wada-hadal iyo Isfahan buuxa lagu soo afjaro shaqaaqada Laascaanood, go’aanna ku gaadhay in gogol nabadeed lagu wada-hadlo. Guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud iyo talooyin badan kasoo jeediyey kulanka, ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay in xal degdeg ah laga gaadho dhibka Laascaanood, isaga oo xusay inay Laascaanood tahay udub-dhexaadka Somaliland, waxana uu yidhi,“Somaliland hore ugamay maarmin reer Sool, maanta kama maarmi karto, waana dad is dhalay oo aan meelna u kala kici karine aynu xalka wada raadino.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kulanka soo gunaanaday, ayaa Ugu horrayn muujiyey sida uu uga xun yahay shaqaaqada Laascaanood ka taagan, xukuumad ahaanna ay in badan xakameeyeen, waqti badanna geliyeen sidii xal waara loogu heli lahaa xabbadda, dedaal badanna geliyeen inaan shacabka awood loo isticmaalin, isaga oo shacabka reer Laascaanood iyo waxgaradkoodana ugu baaqay inay dedaal badan geliyaan sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa magaalada. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu carrabka ku adkeeyey in cid kasta oo ku waxyeellowday dhibaatada Laascaanood ay tahay cid Somaliland ka dhibaatooday oo ka damqanayaan, dhammaynteedana ay xil weyn iska saareen. Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay shacabka reer Somaliland yihiin kuwo midaysan, aan kala guulaysan, walaalo ah, khilaaf kastana dhexdooda ka heshiiya, ka madaxweyne ahaanna ay nabaddu tahay mudnaantiisa koowaad, waxana uu yidhi, “Reer Somaliland ma kala adkaadaan, isma xaqiraan, ninna nin ma jiidho waase walaalo is khilaafay oo khilaafka isaga iman doona, reer Sool waxan leeyahay kollay waa la heshiin doonaaye khasaaruhu ha yaraado, wada-hadalna aynu bilowno, Somaliland maanta mudnaanteedu waa nabadda, cid shuruud ku xidhi kartaana ma jirto.” Ugu dambayntii, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shacabka reer Laascaanood, madaxdooda iyo waxgaradkoodaba ugu baaqay inay nabadda iyo walaaltinimada bulshada ka shaqeeyaan, isaga oo ballanqaaday inuu dhiniciisa xil weyn iska saarayo sidii gogosha nabadda ee taalla looga soo saari lahaa qodobbo dhibaatada taagan loo Af-meera. Source
  19. Mogadishu (HOL) - The Somali government announced on Thursday that SNA forces killed over 200 Al-Shabaab militants in a battle in the Iji area of Hiiran, which is located 23 km north of Mahaday town in the Middle Shabelle region. Source: Hiiraan Online
  20. Laascaanood (Caasimada Online) – Ku dhawaad labo isbuuc waxaa magaalada Laascaanood ka taagan colaad u dhexeysa ciidamada Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo ciidan bulshada deegaanka ah oo kasoo horjeeda in ciidamada Somaliland ay sii joogaan deegaankooda. Hoggaanka Dhaqanka ee ku mideysan Golaha Dhaqanka oo ka kooban 14 qof, oo wada rag ah. Bayaan ay soo saareen ayey ku sheegeen in ay doonayaan inay Somaliland guud ahaan ba isaga baxdo dhulkooda iyo inay qeyb ka noqdaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxa ay ku doodeen aysan raalli ka ahayn in dhulkoodu uu qeyb ka noqdo Somaliland oo iyadu sheegtay inay ka go’aday Soomaaliya iyada oo ka masuul ah dhammaan dhulkii Goboladda Waqooyi la oran jiray. Xiisadda oo ka dhalatay dilal dad aan la aqoonsan ay ka geysteen magaalada iyo dibadbaxyo dabo socday ayaa gaartay heerka ugu sarreeya ee kala-fogaanshiyaha labada dhinac. Waxaa ugu dambeeyay dilka Cabditifaax Hadraawi oo dhacay 26-kii bishii December ee sannadkii tagey, kaas oo xubin ka ahaa xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani. Dibadbaxyadii ka dhashay dilkaas iyo jawaabta ciidamada booliska ayaa xiisada cirka ku sii shareeray. Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa magaalada Laascaanood ka jiray qalalaase isu baddalay dagaal toos ah oo u dhaxeeya dadka deegaanka iyo ciidamada Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Hoggaanka dhaqanka bulshada Laascaanood ayaa shirkii ugu dambeeyay ee magaalada ku yeesheen ku dalbaday in ciidamada Somaliland ka baxaan dhulkooda. Haddaba waa kuwee hoggaamiyeyaasha dadka deegaanka ee Laascaanood? Golaha Dhaqanka Golaha dhaqanka waa14 xubnood oo isugu jira sagaal garaad, 2 suldaan iyo 2 ugaas iyo Boqor. Boqorka waxaa lagu magacaabaa Cabdilaahi Axmed Cali. Waxaa jira dhowr garaad oo hormuud u ah dadka deegaanka kuwaas oo darajo ahaan kala sarreeya, dhammaantoodna waxa ay qeyb ka yihiin dagaalka socday maalmihii lasoo dhaafay. In muddo ahba waxaa si weyn loo hadal-hayay magacyada afar garaad oo ah kuwa ugu saameynta badan bulshada deegaanka. Xiriirrro kala duwan ayaan la sameynay garaaddada si aan wax badan uga ogaanno taariikhdooda. Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac Waa Garaadka ugu darajada sarreeya, uguna saameynta weyn bulshada deegaanka iyo dhaqanka ba. Garaad Jaamac ayaa hadda ah hoggaanka dhaqanka ee ugu sarreeya garaadda golaha, isagoo shir-guddoomiya kulamadooda. Garaad Jaamac Garaad Cali waxa uu magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ku dhashay sanadkii 1974. Waxa uu sanadkii 2006 garaadnimada ka dhaxlay adeerkiis Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac oo ku sime ahaa, isla sannadkaas ayaana loo caleema saaray. Garaad Jaamac oo ku abtirsada 19 garaad waxa uu aabihii Garaad Cali geeriyooday bilowgii 1985-kii, isaga oo markaas 15 jir ah oo aan weli gaarin da’da uu xilka uga dhaxli karo. Garaad Cabdiqani oo ah garaadka dhintay walaalkiis ayaa bishii May ee 1985-kii la caleemasaaray. Garaad Jaamac Garaad Cali waxa uu hadda deggan yahay guri uu ku leeyahay magaalada Laascaanood. Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Waa garaadka labaad ee ugu sarreeya garaaddada gobolka, waxa uuna hoggaanka hayaa marka uusan joogin Garaad Jaamac. Waxa uu ku abtirsadaa ilaa 8 garaad oo uu kasoo jeedo. Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan waxa uu dhashay sanadkii 1969. Aabihiis oo ahaa garaad magac weyn lahaa ayaa geeriyooday dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay. Intii ay socdeen rabshadaha Laascaanood ayaa loo gartay in uu noqdo garaadka. In muddo ah ayu uku howlanaa xallinta xiisad socotay tan iyo 2012-kii oo ay ku dhinteen in ka badan 20 qof. Waxa uu dhibaatadaas soo afjaray isagoo aan weli loo caleema saarin garaadnimada. Garaad Cabdullaahi waxa uu waxbarashada ka gaaray ilaa heer Dugsi Sare ah. Dhawaan ayaa la filayaa in la caleema saaro Garaad Cabdullaahi si uu rasmi ahaan ula wareego xilkii aabihiis. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale Kaalinta saddexaad ee garaaddada bulshada gobolka waxaa ku jira Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale oo garaadnimada uu uga horreeyay aabihiis, halkaasna uga baxay abtirsiga garaadnimo. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil waxa uu dhashay 1971-kii. Waxa uu waxbarashada ku qaatay ilaadugsi sare dalka gudihiisa waxaana uu burburkii ka dib aadey dalka debediisa. Waxa uu dalka dib ugu soo laabtay markii Garaad Ismaaciil Ducaale Guuleed geeriyoodey 2008-dii. Ka dib 2009-kii ayaa la caleemasaaray. Warar ay BBC-du heshay ayaa sheegay in Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil uu yahay ninka abaabulay dadka deegaanka ee dagaalka kula jira ciidamada Somaliland. Waxa uu soo jeediyay in madax-dhaqameedku ay ku soo xaroodaan Laascaanood. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in garaaddadu ay horkacayaan dagaalka ay qeybta ka yihiin bulshada is abaabushay. Aaan ka sheegno in la eg inta aan ka sheegaty garaad Jaamac; weydiimaha waxbarashada, caleemasaarka iyo deegaanka ee kore waa muhiim; iyo sidoo kale isha xogta ama haddii uu garaadka toos noogu sheegay xogtan Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe Durraan Waa garaadka afaraad ee ku abtirsada garaaddada soo jiray wixii ka horreeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe waxa uu dhashay sanadkii 1964. Waxa uu booska afaraad uga jiraa liiska kala sarreynta garaaddada dhaqanka, isagoo hoggaanka shirarka qabta marka ay maqan yihiin saddexda garaad ee kale. Garaad Cabdirisaaq Garaad soofe waxbarashadiisa waxa ay ahayd Dugsi Sare, ka dibna waxa uu noqday ganacsade. Waxa uu sanadihii u dambeeyey dhinaca hoggaanka dhaqanka kala shaqaynayey Aabihii isagoo ganacsigiisana sii wata. Shakhsiyaadka kale ee ugu magaca dheer odayaasha dhaqanka ee Laascaanood waxaa ka mid ah Suldaan Maxamuud Aw Seed oo saameyn ku leh dagaalka. Inta badan waxaa adag in xog rasmi ah laga helo xaaladda gudaha ee magaalada Laascaanood, sababo la xiriira amni darrada uu sababay dagaalka. Ka hor inta aysan xaaladdu isu beddelin gacan ka hadal waxaa halkaas ka dhacay dibadbaxyo rabshado watay oo daba socday dilal kusoo batay Laascaanood, kuwaasoo ay dadka deegaanku ka cabanayeen. Aaan ka sheegno in la eg inta aan ka sheegaty garaad Jaamac; weydiimaha waxbarashada, caleemasaarka iyo deegaanka ee kore waa muhiim; iyo sidoo kale isha xogta ama haddii uu garaadka toos noogu sheegay xogtan Maxaa sababay dagaalka? Laascaanood waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah magaalooyinka Soomaalida ee ay ka dhacaan dilalka ugu badan ee qorsheysan. Haddii aan waqtiga dib u celinno, 1969-kii waxaa lagu dilay magaaladan madaxweynihii labaad ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Balse laga soo laga soo bilaabo 2010-kii waxaa soo xoogeysanayay dilalka shaqsiyaad deggan magaalda oo ay geysanayeen dabley aan la aqoonsan. Sanadkaan oo kaliya lix qof oo ah dad si wayn looga garanayo magaalada ayaa la khaarijiyay. Qofkii ugu dmabeeyay ee la dilo ka hor inta aysan bilaaban xiisaddan ayaa ahaa Cabdifitaax Hadraawi, kaasoo ahaa nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ahaa siyaasi. Dilkiisa ayaa kiciyay dareenka shacabka magaalada, kaas oo horseeday dibadbaxyo si nabad ah ku bilowday balse markii dambe isu beddelay kuwo dhimasho sababay ka dib markii isku dhac uu ka dhex dhashay booliska iyo dibad baxayaasha. Ila iyo hadda inta aan xaqiijinay dibadbaxyadaas waxaa ku dhintay shan ruux 9 kalena waa ay ku dhaawacmeen. Isha: BBC SOMALI The post Maxaad ka taqaan afarta nin ee hoggaaminaya kacdoonka Laascaanood? appeared first on Caasimada Online.
  21. “Heeyaa” featuring Cabdinuur Alaale is the latest single from Dur-Dur Band on their album, “The Berlin Session,” set to release on Outhere Records on March 3, 2023. This album marks the first full ensemble recording from Somalia since the golden era of Mogadishu came to a halt thirty years prior. Source: Hiiraan Online
  22. Mogadishu (Caasimada Online) – As part of its ongoing commitment to help Somalia achieve stability and security in the region, the U.S. Africa Command carried out a collective self-defense strike in Somalia on February 15, 2023, to support the Somali National Army in its fight against al-Shabab. This military operation, which took place in a remote area near Bacadweyne, approximately 460 km northwest of Mogadishu, resulted in the death of five al-Shabab fighters. It was a significant blow to the terrorist organization, which remains the largest and most deadly al-Qaeda network in the world. The Somali National Army, with the assistance of local forces and international partners, has been engaged in intense fighting against al-Shabab across several regions of Somalia. On Thursday, the joint forces killed over 200 al-Shabab terrorists in the Iji area, located about 23 km from the Mahaday district in the Middle Shabelle region. The joint forces arrested some captives during the operation and recovered 300 weapons, medicine, and food supplies. Four commanders were among the militants killed in the fight, while some others sustained injuries. In addition to the fighting in the Middle Shabelle region, the Somali National Army also pursued operations in other regions, including Hiiraan in HirShabelle State, Mudug in Galmudug State, and the lower Jubba region in Jubaland State. These operations resulted in losing five SNA soldiers who were martyred, while seven others sustained injuries. The casualties remind us of the high stakes involved in the fight against terrorism in Somalia. Somali President Hassan Sheikh Mohamud has clarified that his strategy to mobilize society against international terrorism involves economic reform, social and political reconciliation, and religious tolerance. The Federal Government of Somalia is committed to comprehensively addressing its security challenges, and military actions are just one part of this effort. The U.S. is one of the countries providing humanitarian aid, stabilization efforts, economic development, and military assistance to the Federal Government of Somalia in its ongoing campaign. U.S. Africa Command plays a vital role in this effort by training, advising, and assisting partner forces to help give them the tools they need to defeat al-Shabab. The partnership with the U.S. has been a significant boost to the capacity of the Somali National Army in their fight against al-Shabab. Somalia remains central to stability and security in all of East Africa. The efforts of the Somali National Army, with the support of local and international partners, have resulted in significant gains against al-Shabab. However, the terrorist organization remains a threat to the security of Somalia and the wider region. In conclusion, the U.S. Africa Command self-defense strike against al-Shabab in Somalia is a testament to the commitment of the U.S. and its African partners to support the Federal Government of Somalia’s efforts to achieve stability and security in the region. It is also a reminder that military actions alone cannot solve Somalia’s security challenges. A comprehensive approach that includes economic reform, social and political reconciliation and religious tolerance is essential to achieving lasting peace and stability in the country. The post U.S. Africa Command and Somali National Army strike blow to al-Shabab militants appeared first on Caasimada Online.
  23. Mogadishu (HOL) - The UN World Food Programme, with support from the King Salman Humanitarian Aid and Relief Center (KSrelief) and the UK's Foreign, Commonwealth & Development Office (FCDO), has launched a project to provide life-saving food assistance to 130,000 people in three districts in Somalia. Source: Hiiraan Online
  24. Mogadishu (HOL) - The UN World Food Programme, with support from the King Salman Humanitarian Aid and Relief Center (KSrelief) and the UK's Foreign, Commonwealth & Development Office (FCDO), has launched a project to provide life-saving food assistance to 130,000 people in three districts in Somalia. Source: Hiiraan Online