-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Gobolka Gardafuu ayaa booqday marsada dabiiciga ah ee deegaanka Boolimoog, oo ah marso la adeegsan jiray xili hore taasi oo qorshuhu yahay in dayactir lagu sameeyo si dhowaan ay u noqoto meel laga faaidsato oo ay ka faaidaan dadka reer Puntland. Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee deegaanka Boolimoog iyo xarumaha taariikhiga ah ee halkaasi ku yaalla, meeshan ma aheyn Dekadd dabiici ah oo keliya Balse waxaa ku yaallay Kayd Shidaal iyo Warshad farsameysa Kalluunka. Xaruntan oo ah mid Istiraatiji ah ayaa dhakhso loo dayactiri doonaa. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa booqday deegaanka Geesalay ee caanka ku ah Timirta, halkaasi oo siweyn loogu soo dhoweeyay, Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay dadka deegaanka, wuxuuna Bulshada deegaanka Geesalay ku booriyay inay horumariyaan dadaalkooda wax soo saarka beeraha gaar ahaan Timirta. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo booqday Marsada dabiiciga ah ee Booli Moog appeared first on Puntland Post.
-
Ugu yaraan 73 tahriibayaal ah ayaa lagu soo waramayaa in la la’yahay, waxaana loo malaynayaa in ay dhinteen kadib markii ay dooni kula degtay xeebaha Liibiya Talaadadii, sida lagu sheegay bogga rasmiga ah ee Twitter-ka ee Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ee Liibiya Arbacadii. 7 qof ayaa kasoo badbaaday doonta degtay, oo ay saarnaayeen ku dhawaad 80 qof, kuwaas oo la sheegay inay ka soo ambabaxeen deegaanka Qasr Alkayar, ee bariga Tripoli, iyada oo kusii jeeday Yurub, sida ay sheegtay IOM. Ilaa hadda, 11 qof oo meyd ah ayaa waxaa soo saaray bisha cas ee Liibiya iyo booliiska deegaanka, halka toddobada qof ee badbaaday ay ku jiraan isbitaal, sida ay tiri IOM. Liibiya ayaa aheyd marinka ugu weyn ee tahriibayaasha doonaya inay gaaraan Yurub iyaga oo mara marin khatar ah oo saxaraha iyo badda Mediterranean-ka ah. PUNTLAND POST The post 73 Tahriibayaal ah oo lagu la’ yahay xeebaha Liibiya appeared first on Puntland Post.
-
The Gov't of #Somaliland asserts that the military forces of rump #Somalia attacked its positions in the east today. If the authorities in Hargeisa can offer proof of this charge — say by producing captured combatants or at least some enemy corpses — it would be significant. https://t.co/RrpCeiHLn3 — Dr. J. Peter Pham (@DrJPPham) February 13, 2023 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay dib u bilowday baadii ay ka qaadi jirtay ganacsatada suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo nala soo xiriiray iyo kuwa aan la hadalnay intuba waxay sheegayaan in kooxdu bilowday xiriiro toos ah iyo dad socda oo suuqa imaanaya, kuwaas oo raba lacagihii ay hore u qaadi jireen. Sida aan xogta ku helnay hanjabaad ayaa ku jirta lacag doonista cusub ee Al-Shabaab, qaar ganacsatada kamid ah oo isku dayay inay cudur-daartan ayay kooxdu u hanjabtay sida la sheegay. Ganacsatada qaar oo ka dharagsan inay dowladda federaalka u xiran yihiin xubno ganacsato ah oo la qabtay iyaga oo Al-Shabaab lacag u sida ama siiyay ayaa isku dayay inay kooxda kala doodaan dhibta ka dhalan kara inay dhaqaale ahaan ula macaamilaan. Laakiin xubnaha ay kooxda Al-Shabaab usoo dirtay suuqa Bakaaraha ee maalmahan wareegaya ayaa ka biyo diiday in sabab cabsi dowladeed ah lacag loogu diido. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa la sheegay inay heshay xogaha la xiriira rogaal celinta dhaqaale doonka ah ee Al-Shabaab. NISA waxay shalay faafisay digniin la xiriirta ganacsatada isku dayaysa inay kooxda lacag ahaan ula macaamilaan. Hay’adda Sirdoonka waxay sheegtay inay heshay xogo sheegaya in Al-Shabaab bilaabeen inay goobo cusub ugu yeeraan ganacsatada Muqdisho, waxayna NISA uga digtay dhibaatada ganacsatadaas kasoo gaari karta beegsiga lagu hayo goobahaasi. Kooxda Al-Shabaab oo waayadan laga dabciyay dagaalkii ayaa heshay fursad markale ku raadsan karto dhaqaale, waana mida keentay inay dib culeys usoo saaran ganacsatada magaalada Muqdisho. Dowladda federaalka waxaa hortaalla inay dib u bilowdo dagaalkii cusla si aanay kooxdu u helin fursad ay kusoo kabato, ganacsatada Muqdisho-na waxaa la gudboon inay dowladda kala shaqeeyaan qabashada xubnahaas dhuumashada ku aruurinaya lacagta. The post Xog: Maxaadan ogeyn oo Al-Shabaab ay ka waddaa suuqa Bakaaraha ee Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
-
“Korodhka Qiimaha Gaaska Cuntada ee soo Fool leh” W/Q Xamse Cabdiraxmaan Khayre Xoghahayaha Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska ee Xisbiga WADDANI. ” Waxaa la kordhiyay khidmada adeega dekeda Berbera ee koontaynarada Gaasta cuntada lagu karsado. Waxaa markii hore kontaynarka 20ft-ka ah laga qaadi jiray $ 532 kaas oo hadda laga dhigay $798 kaas oo lagu kordhiyay kontaynar walba $266. Waa korodh dhan 50%. Kontaynarka 40ft-ka ah ee Gaaska oo $859 markii hore la qaadi jiray ayaa isna laga dhigay $1,288 kaas oo ah korodh dhan 50%. Sidaa markay tahay waxaa dhici doonta in haanta gaaska ahi ay afka saarto $35 ilaa $ 40 dhawaanahan. Xukuumada Somaliland iyo Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska ayaa gebi ahaanba siyaasadeedii ganacsigu aanay ahayn mid iyada gacanta ugu jirta amaba u badheedhay iney cidhiidhi geliso nolosha iyo waayaha dadka reer SL ee markii horeba la il darnaa sicir-bararka, abaaraha iyo saboolnimada is barkan. Korodhka khidmadaha adeega kontayneerada (Handling Chaeges) waxaa ka horeeyay oo aan idinla wadaagnay dorraad adeeg kale oo isna soo kordhinayay $20 calaa Kontayner oo lagu sheegay adeega hubinta cayayaanada kontaynarada. Korodhka qiimaha shidaalka, korodhka cashuurta qaadka, shirkada COTNEC ee iyana tayadda cuntada iyo dawada la siiyay oo khidmado soo kordhisay ayaa usbuucan uun ahaa. Xafiiska Ganacsiga, Dalxiiska & Warshadaha Waddani ayaa si dhow ula socda arimahan oo idinla wadaagi doona warbixino waafi ah marka ay haboonaato “ Allaa Mahadleh Qaran News
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaallo iyo duqeymo xoogan oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo geystay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba. Dagaalladan ayaa soo billowday subaxnimadii Arbacada, waxayna soo gaareen illaa xalay, wuxuuna dagaalka xoogiisa uu ka dhacay deegaanka Inji oo ku yaalla xadka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka marka uu xoogeystay ay ku biireen diyaaradaha dagaalka, kuwaas oo duqeeyay aagaga ay ka dagaalamayeen xubnaha Al-Shabaab. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in diyaaraduhu duqeeyeen goobo kale bartimaameed ah oo ku yaalla deegaanka Fiidow oo u dhow aagga lagu dagaalamay. Dhanka kale ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa dib ua wareegay deegaanka Afcad oo shalay gudaha u galeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo kasoo talaabay dhanka wabiga, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal qaraar oo lagu jabiyay Al-Shabaab, sida uu shaaca ka qaaday guddoomiyaha maamulka degmada Buulo-burde. Khasaaraha ka dhashay dagaalladan iyo duqeymaha oo weli ka socdo Hiiraan ayaa sii kordhaya, waxaana jira askar dhaawacyo ah oo lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in deegaanada lagu dagaalamayo ay gaarayaan ciidan kale oo gurmad ah taas oo sii adkeyneysa xaaladda. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaaas weli ka socda duleedka degmada Jalalaqsi. Hiiraan ayaa kamid ah gobollada uu haatan ka socdo howlgalka dib xoreynta, waana gobolkii ugu horreeyay ee uu ka billowday kacdoonka looga soo horjeedo Al-Shabaab.b The post Wararkii ugu dambeeyay dagaallo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Hiiraan appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynayaasha Jabuuti Iyo Soomaliya ayaa xalay saq badhkii ku kulmay Madaarka Jabuuti waxayna ka wada hadleen sidii si wada jir ah la iskaga kaashan lahaa La dagaalanka Argagaxisada loogana wada shaqayn lahaa Nabbada. Madaxweyne Xasan ayaa ka soo laabtay Talyaaniga waxaana laga yaaba inuu jabuuti ku sii yara hakado. Qaran News
-
Nairobi, Kenya, Feb 15- Three police officers were on Tuesday killed when the vehicle they were travelling in ran over an Improvised Explosive Device (IED) in Garissa County. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Laascaanood weli colaad ayaa ka taagan, Somaliland waxaa lagu eedeynaya duqeymo xiriir ah oo si weyn u waxyeeleyay dad shacab ah, goobo caafimaad iyo kuwo cibaado. Xabad joojin ay dooratay Hargeysa ayaa dhaqan-gelin, iyada oo dhinaca dadka deegaanka u arkeen xabad-joontaas mid la rabo in lagu dumiyo ruuxiyada dagaalka, lana rabo in lagu kala furfuro midnimadooda. Weli halkaas laguma kala bixin, labada dhinac midna ma haysato natiijo wax ku ool ah. Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ayaa weli sii kordhaya. Baaqyada la xiriira nabada ayaa weli loo joogsan, laakiin su’aasha ay dad badan isweydiinaya waxay tahay maxaa ku xiran natiijada ka imaan doonta dagaalka Laascaanood. Waxaa ku bilaabeyna haddii ay adkaadan dadka deegaanka. Haddii ay adkaadan reer Laascaanood oo Somaliland si buuxda looga gacan bixiyo magaaladaas iyo deegaanada kale ee beeshaasi degto. Waxaa halkaas si weyn ugu dhawaacmi doona mashruuci gooni isku taagga. Somaliland xiisadan tijaabo weyn ayay u aragtaa, haddii ay reer Laascaanood adkaadan wax weyn ayaa u siyaadaya dadka midnimo doonta ah ee Soomaaliyeed. Balse haddii dhinaca kale adkaato Somaliland, mashruucii gooni isu-taagga waa sii xoogeysan karaa, waxa kale oo adkaan doonta in deegaano kale ku dhiiradaan inay Somaliland ka horyimaadan ama gooni isu-taagga diidaan. Sidoo kale Muuse Biixi Cabdi ayaa natiijada dagaalkan siin kartaa maalmo dheeri ah oo xafiiska uu kusii joogo. Maadaama uu dagaalkan tijaabo u yahay laba qadiyadood oo waaweyn oo ah Midnimo Soomaaliyeed iyo mid ay reer Somaliland qaarkood rabaan oo ah gooni isu-taag, farriintu waxay tahay maxaa loo huri doona dagaalkan. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo iyadu masuul ka ah ilaalinta midnimada dowladeed, mida dhuleed iyo midda umadeed ee Jamhuuriyadii Soomaaliya ee lixdankii xoroowday, weli wax la taaban karo uma quurin arrintan tijaabada culus ah. Villa Somalia waa fahamsan tahay in dooda Somaliland ay culeys yeelan doonto haddii ay ku adkaato dagaalka hadda socda, laakiin si loo khafiifiyo dooda Somaliland ee mustaqbalka dowladda dhexe ee Soomaaliya wax talo iyo tabar ah ma geysan. Somaliland weli waxay muujineysa in aanay dagaalka toos ugu soo qalab qaadan, haddana kama qaldana inuu dagaalkan tijaabo u yahay mashruucooda gooni isu-taagga. Muqdisho iyo Hargeysa sida ay qolo walba u abuurto natiijo dhankeed ah oo la xiriirta xiisadan, xoog ama xeelad middii ay noqotaba ayaa berri wax u goyn doonta marka laga wada-hadlayo dib u midow ama kala tag. Marka tahay dowlad dhexe oo ka talisa dal federaal ah, xiisadaha noocaan ah ma ahan is-xilqaan ee waxay kugu waajibinayaan aragti, go’aan iyo fulin. The post Laba arrin xasaasi ah oo midkood ku dambeyn doonto xiisadda Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Workneh Gebeyehu, the Ethiopian diplomat who has been at the helm of the Intergovernmental Authority on Development (Igad), spoke to Aggrey Mutambo on peace efforts in the region. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa xalay magacaabay guddi Qaran oo loo xilsaaray gurmadka Dhul-gariirkii ka dhacay dalka Turkiga. Guddigaan ayaa ka shaqeyn doona sidii ay u muujin lahaayeen taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la garab taagan yihiin walaalahooda Turkiga. “Ra’iisul Wasaare Xamza oo garoowsan sida Turkigu ay ugu soo gurmadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xilligii adkaa, ayaa go’aamiyey in maanta aysan ka harin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed garab istaagga caalamiga ah ee loo fidinayo dalka Turkiga oo ay ku habsatay musiibo ballaaran,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska R/Wasaaraha. Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa bayaankaan ku cadeeyey in magacaabidda guddigaan uu kala tashaday Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud. Guddi ka kooban 11-xubnood oo isugu jira wasiirro, culimo iyo aqoonyahano Soomaaliyeed ayuu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, kuwaas oo kala ah: Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka — Mudane Xasan Macallin Maxamuud Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta — Mudane Axmed Macallin Fiqi Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare — Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Bashiir Axmed Salaad Sheekh Cabdulqaadir Soomow Suldaan Cabdiqani Qorane Cumar Xasan Maxamed Axmed Maxamuud Yuusuf Axmed Shirwac Maxamed Duniya Maxamed Cali Prof. Xuseen limaan. The post R/Wasaare Xamza oo guddi u magacaabay TURKIGA appeared first on Caasimada Online.
-
Wisil (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa war ka soo saaray dagaal culus oo shalay ka dhacay koonfurta gobolka Mudug, kaas oo lagu laayey kooxda Al-Shabaab. Bayaan ka soo baxay wasaaradda amniga Galmudug ayaa lagu shaaciyey in 75 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaal ka dhacay degaanka Qeycad ee gobolka Mudug. Warkaan waxaa lagu cadeeyey in weerarka ay qaadeen ciidanka xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo xoogagga is abaabulay ee deegaanka, isla markaana deegaano badan looga xoreeyey Al-Shabaab. Sidoo kale Galmudug ayaa xustay in kooxda la duqeeyey oo diyaaradaha dagaalka ay ka qeyb qaateen duulaanka lagu qaaday kooxda, isla markaana laga furtay hub aad u badan. “Ciidamada huwanta ah ayaa hormar weyn ka sameeyey dagaalka lagu soo afjarayo Khawaarijta ku dhuumaaleysaneysa howdka koonfureed ee gobolka Mudug,” ayaa lagu yiri warkaan caawa ka soo baxay wasaaradda amniga Galmudug. Ugu dambeyntii Galmudug ayaa saaxiibada caalamka uga mahad celisay sida ay ugu garab siiyeen dagaalkaan khasaaraha badan lagu gaarsiiyey Al-Shabaab. Waxaa lasoo bandhigay meydadka Shabaab aad u badan oo lagu dilay Qeycad ilaa Bacaadweyn, sidoo kale saraakiisha ciidamada ayaa warbaahinta u xaqiijiyey inay Al-Shabaab ka xoreeyeen Qeycad, Bacaadweyn iyo deegaano kale. Dhulkaan oo howd ah, ayaa la sheegay in kooxda Al-Shaabaab ay ku leedahay dhufeysyo waaweyn, taas oo suurtagal ka dhigtay in ay ka sii dagaalamaan maalmo badan. Hoos ka eeg bayaanka Galmudug The post Tirada Shabaabkii lagu dilay dagaalkii Mudug oo gaartay… appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa xil cusub u magacaabay madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta, kaasi oo ah hogaaminta kor-joogtadda doorashada guud ee dhawaan ka dhici doonta dalka Nigeria. Uhuru ayaa kor-joogteyn doona doorashadaasi oo dadka reer Nigeria ay u dareeri doonaan goobaha cod bixinta sida uu qorshaha uu yahay 25-ka bishaan Febraayo. Sidoo kale waxa ergada goobjoogayaasha kamid noqon doona wakiilo ka socda hay’adaha doorashada ee dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, bulshada rayidka ah, khubaro madax-banaan iyo qaybaha AU. Arrimahan ayaa dhabaha u xaaraya in si sax ah oo dhex-dhexaad ah loo qiimeeyo habka doorashada iyo soo jeedinta talooyinka hagaajinta doorashooyinka mustaqbalka ee ku saleysan natiijooyinka soo baxa. Waxaa la filaya in arrintaan ay sidoo kale muujiso wada-jirka iyo taageerada Midowga Afrika ee ku aaddan xoojinta dimuqraadiyadda, nabadda, xasiloonida iyo horumarka. Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa daba-yaaqadii sanadkii hore waxa uu sidan oo kale madaxweynaha Kenya William Ruto ugu magacaabay xilka ergeyga nabadda ee gobolka Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo gobolka Great Lakes. Ruto ayaa xiligaas waxa uu sheegay inuu Uhuru Kenyatta weydiistay in uu sii wado inuu u ololeeyo hindisaha nabadda gobolka, uuna ka aqbalay, sida uu sheegay. “Waxaan weydiistay walaalkey iga weyn madaxweyne Uhuru Kenyatta oo horey shaqo wanaagsan uga qabtay gobolladaas inuu sii wado wada-xaajoodyada isaga oo matalaya Kenya. Waxaa iga go’an in dowladda Kenya ay taageerto hindisooyinkaas, waxaana hoggaamin doonaa madaxweyne Kenyatta, waxaana doonayaa inaan uga mahad-celiyo inuu ogolaaday inuu na taageero igana caawiyo howlahaas.” The post Midowga Afrika oo xil cusub u magacaabay Uhuru Kenyatta appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Saif al-Adel, a former lieutenant colonel in the Egyptian special forces, has taken over as the new de facto leader of Al-Qaeda, according to the US State Department and the United Nations. This has significant implications for the future of the organization and its operations, as well as the broader jihadi movement. This article will provide a comprehensive overview of Saif al-Adel’s background, his involvement with Al-Qaeda, and the implications of his leadership for the organization and the broader jihadi movement. We will also examine the challenges that Al-Qaeda faces under his leadership and the potential risks that this poses to global security. Saif al-Adel: A brief overview Saif al-Adel, whose real name is Mohammed Salahuddin Zeidan, is a prominent figure in Al-Qaeda’s old guard. He has been instrumental in building the group’s operational capacity and training some of the hijackers who participated in the September 11, 2001, attack on the US, according to the US Counter Extremism Project. Adel’s military background and experience have made him a respected figure within Al-Qaeda, and his actions have been described as ruthless and efficient. However, some insiders argue that he is not equipped for leadership and is better suited for the organization of armed operations than the administration of a vast network of affiliates. Adel has resided in Iran since 2002 or 2003, initially under house arrest but later free enough to travel to Pakistan, according to Ali Soufan, a former FBI counter-terrorism investigator. His location in Iran raises questions about Al-Qaeda’s leadership ambitions, particularly in the face of challenges from the Islamic State group. Adel’s leadership of Al-Qaeda Saif al-Adel’s takeover as the new de facto leader of Al-Qaeda represents continuity for the organization, at least for now. However, the group has not officially declared him an “emir” due to the Taliban authorities’ sensitivity over the death of Ayman al-Zawahiri, who was killed in Kabul by a US rocket last year. Likewise, Al-Qaeda is sensitive to Adel residing in Iran, a predominantly Shiite country, as he is a Sunni Islamist. The United Nations report assessing the risks posed by Al-Qaeda suggests that Adel is the group’s “uncontested” leader, with a $10 million US bounty on his head. The report states that the pressure is now on the group to choose a strategic leader who can carefully plan deadly operations and run a jihadi network. Adel, unlike his predecessors, maintains a low profile and plans attacks from the shadows, turning Al-Qaeda into the world’s deadliest militant group. He was indicted and charged in November 1998 for his involvement in the bomb attacks on the US embassies in Tanzania and Kenya, which killed 224 civilians and wounded more than 5,000. Challenges and risks under Adel’s leadership Under Saif al-Adel’s leadership, Al-Qaeda faces several challenges and risks. Firstly, the group has lost significant ground to the Islamic State group in recent years. Adel will need to work hard to restore Al-Qaeda’s reputation as the leading jihadi group. Secondly, Adel’s location in Iran raises questions about Al-Qaeda’s relationships with other states, particularly given Iran’s predominantly Shiite population and its traditional rivalry with Sunni states. This could create tensions within the group and potentially limit its ability to operate effectively. Finally, the United States and its allies will undoubtedly increase their efforts to target Al-Qaeda under Adel’s leadership. This could lead to a new wave of drone strikes and other military operations against the group, further weakening its operational capacity and undermining its ability to launch attacks. Implications for global security Saif al-Adel’s leadership of Al-Qaeda has significant implications for global security. Al-Qaeda remains one of the most dangerous jihadi groups in the world, with a long history of deadly attacks against civilian and military targets. Under Adel’s leadership, the group will likely continue to prioritize the use of violence to achieve its goals and target a range of countries and groups that it perceives as enemies. This could include the United States, its allies in the Middle East, and other targets that Al-Qaeda perceives as symbols of Western imperialism and oppression. The international community will need to work together to counter the threat posed by Al-Qaeda under Adel’s leadership. This will require close cooperation between intelligence agencies, law enforcement agencies, and military forces worldwide and a sustained effort to counter the ideology of violent jihadism that underpins Al-Qaeda’s activities. Conclusion Saif al-Adel’s takeover as the new de facto leader of Al-Qaeda represents a significant development in the ongoing struggle against jihadi terrorism. Adel’s background, experience, and reputation within Al-Qaeda make him a formidable leader, but his location in Iran and the challenges facing the group will make his leadership difficult. The international community must remain vigilant in the face of the ongoing threat posed by Al-Qaeda under Adel’s leadership. This will require a sustained and coordinated effort to disrupt the group’s activities and counter its ideology and a continued commitment to working together to maintain global security and stability. The post Saif al-Adel takes over as leader of Al-Qaeda: What you need to know? appeared first on Caasimada Online.
-
Click here to read more about this article Qaran News
-
Madaxwaynaha Somaliland ayaa ku casuumay, haldoorka, wax-garadka, aqoonyahanka, culimada diinta iyo odayaasha dhaqanka kulan maalinta berri ah ka qabsoomi doona qasriga madaxtooyada ee magaalada Hargeysa. Tirada dadka ka qayb-galaya ayaa la sheegay inay yihiin 400 (afar boqol) oo qof. Ilo-wareedyo xogogaal ah ayaa ii sheegay in lagaga hadli doono nabadgeliyada, walaalnimada iyo wax-wada-lahaanshaha shacabka Somaliland, isla markaana farriin loogu dirayo xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Source
-
Jalalaqsi (Caasimada Online) – Dadka is abaabulay ee deegaanka oo taageero ka helaya ciidanka dowladda ayaa maanta kooxda Al-Shabaab kula dagaalamay deegaano hoos taga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Dagaaalkaas ayaa yimid kadib markii ay dadka deegaanku ka war heleen in Al-Shabaab ka soo talaabay dhanka galbeed ee webiga Shabeelle ay u gudbayaan deegaanada dhaca bariga wabiga Shabeelle ee gobolka Hiiraan. Dagaalka oo markii hore ka dhex-qarxay dadka reer Miyiga ah ee hubka qaatay iyo kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa dib uga biiray ciidanka xoogga dalka oo ka baxay degmada Jalalaqsi, waxaana halkaas maanta ka dhacay dagaal aad u culus. Guddoomiyaha degmada Maxaas ayaa Idacadda VOA u sheegay inay dagaal culus maanta la galeen kooxda, isla markaana deegaanadii lagu dagaalamay ay ka xoreeyeen oo hadda ay ku sugan yihiin ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka. Deegaanada Inji iyo Afcad ayaa sidoo kale maanta dagaallada ugu culus ay ku dhex-mareen ciidanka dib u xoreynta deegaanka iyo kooxda Al-Shabaab, ugu yaraan todoba qof oo dad shacab ah ay ku jiraan ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen dagaalkaas. Sarkaal lagu magacaabo Bashiir Mukhtaar oo ka tirsan qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta u sheegay inay ka hortageen Shabaab-kii doonayey inay wabiga ka soo talaabaan. “Waxay doonayeen inay wabiga dhinaca bari uga soo gudbaan, laakiin waan ka hortagnay, si adag ayaan isaga difaacnay, dagaal culus kadibna halkii ay ka yimaadeen ayey dib ugu laabteen,” ayuu yiri Bashiir. Mar la weydiiyey sababta ay dhinaca bari ee wabiga ay uga soo gudbayaan, maadaama dhinaca galbeed ay ka xigaan, ayuu sheegay in kooxdu ay dooneyso inay galaan howda u dhaxeeya gobollada Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe, halkaas oo ay aaminsan yihiin inay mudo ka dagaalami karaan, balse wuxuu sheegay inay u diidan yihiin inay ka soo talaabaan wabiga. Deegaanada dhaca bariga gobolka Hiiraan ayaa mar hore laga xoreeyey Al-Shabaab, gobolkaas waxaa kala bara wabiga Shabeelle, waxayna kooxdu joogtaa deegaanada dhaca galbeedka wabiga Shabeelle, halkaas oo weli wax howlgallo ah aysan ka bilaaban. Dagaalka ugu culus ayaa hadda Al-Shabaab uga socda koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo saacadihii lasoo dhaafay tobanaan Shabaab ah lagu dilay, kuwaas oo meydadkooda lasoo bandhigay, sidoo kale deegaano badan oo Mudug ay ka joogeen ayaa laga xoreeyey Al-Shabaab. The post Qorshe ay Shabaab ku kala jirayeen Galgaduud iyo Sh/Dhexe oo maanta fashilmay appeared first on Caasimada Online.
-
Geneva (Caasimada Online) – The International Organization for Migration (IOM) has expressed concerns over the increased numbers of women and children migrating from the Horn of Africa to Gulf countries through Yemen. The Director General of IOM, Antonio Vitorino, stated that the Eastern Migration Route, the treacherous journey taken by people from Ethiopia, Somalia, and Djibouti, has seen a 64% increase in the past year. Most of those seeking a better livelihood are women with children and children traveling alone. Climate change has been identified as one of the main drivers of this increased migration. Increase in vulnerability In the past, women and children often opted out of this dangerous journey through the desert, mostly made on foot. Men would usually leave their families behind and make the trek in the hope of finding jobs and sending money back home. However, the number of migrants is rising, placing pressure on the vulnerable migrants who are now more susceptible to criminal gangs along the route. They require protection against rape, violence, traffickers, and smugglers. The United Nations’ migration organization needs to improve awareness of the dangers of this journey and provide assistance to the migrants. Primary healthcare and other services should be offered to the migrants. In some cases, they should be returned to their countries of origin. Last year, IOM returned 2,700 migrants voluntarily to Ethiopia and provided post-arrival assistance to support them in moving back to their regions of origin. Challenges in Libya The migration of people from West Africa through Libya to Europe is also a concern, particularly those detained in Libya. The IOM strives to get more migrants into voluntary return programs to reduce the number of people in detention. However, this is difficult because the number of migrants who want to return is much higher than the available flights from Libya. The factors that lead to increased migration, such as climate change and conflict, need to be addressed to reduce the number of people moving away from their homes. Migrants should pursue legal migration routes. Although the process is complicated and cumbersome, it is much safer than the life-threatening conditions along illegal routes. Conclusion The increased migration of women and children from the Horn of Africa to Gulf countries through Yemen is a significant concern. The vulnerability of these migrants must be addressed by providing them with awareness and assistance. Additionally, the factors that lead to increased migration must be addressed to reduce the number of people moving away from their homes. Migrants should pursue legal migration routes, and the international community must work together to ensure the safety of those seeking a better livelihood. The post Horn of Africa migration on the rise, says UN official appeared first on Caasimada Online.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa galabta ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaas oo waxyeelo u geystay dad isugu jira askar iyo shacab. Mas’uuliyadda qaraxan waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab, wuxuuna qaraxu ka dhacay goob maqaayad ah, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday qaraxaas, halka shan askari iyo laba qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen, sida ay goobjoogayaashu noo xaqiijiyeen. Qofka ku geeriyooday qaraxaas ayaa ahaa haweeneydii maqaayadda laheyd, halkaas waxaa ku sugnaa askar badan, waxaana dhaawacmay ugu yaraan shan askari oo ciidanka Puntland ka tirsan iyo laba qof oo shacab ah. Qaraxa ayaa la sheegay lagu sii diyaariyey maqaayadda, saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in isla maqaayadaas gudaheeda maanta laga soo saaray qarax kale. Qaraxa laga soo saaray maqaayadda ayaa ku aasnaa dhulka, balse midka qarxay ee khasaaraha geystay ayaa lagu diyaariyey meel kore, taasi waxay sababtay in la arki waayo intii uu baaritaanku socday oo markii dambe ay miinadaasi dadka ku qaraxdo. Saqafka kore ee maqaayadda ayaa la saaray qaraxa, wuxuuna galaaftay nolosha haweeneydii maqaayadda laheyd, iyadoo todoba qof oo kale oo shan askar tahay lagu dabiibayo goobaha caafimaadka ee magaalada Boosaaso. Sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, maqaayadda la qarxiyey ayaa waxaa aad u fariisa jiray oo Shaaha ka cabi jiray ciidamada ammaanka Puntland oo meel u dhow maqaayadda saldhig ku leh. The post Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Puntland iyo Shabaab oo sheegatay appeared first on Caasimada Online.
