-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The tribunal probing the conduct of suspended Independent Electoral and Boundaries Commission commissioner Irene Masit will resume its sitting on Monday. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa goobjoog ka ahaa munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen Hanti-dhowrihii hore qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) iyo Hanti-dhoraha cusub ee Qaranka Mudane Axmed Ciise Guutaale oo dhowaan ay meel mariyeen golaha wasiirrada. Saalax Axmed Jaamac ayaa ku dheeraaday ka hadalay muuhimadda uu xafiiskaan u leeyahay bulshada Soomaaliyeed, isaga oo uga mahadceliyay Hanti-dhowrihii hore shaqadii adkeyd uu qaranka u qabtay mudadii uu joogay xafiiska, waxaana Allah uga baryay Garyaqaan Axmed Ciise Guutaale inuu la qarab galo shaqada loo idmaday ee qaranka uu u hayo. Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa tilmaamay in Xafiiska Hanti Dhowrka uu laf dhabar u yahay hannaanka, isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta maalliyadda dalka, qayb waynna uu ka yahay barnaamijka dayn cafinta ee hadda ay xukuumadda Dan-Qaran gacanta ku hayso, kaas oo maraya heer gabagabo ah, kadib dadaal dheer oo dowladdu bixisay. “Waxaynu toleynaa Weelkii iyo Agabkii suurtogelin lahaa inuu dhaco kubac dhaqaale, waxaana aasaas iyo saldhig u ah in la helo hey’ado maaliyadeed oo si hufan u maamula oo u maareeya maaliyadda dalka gacanta uu ku haayo, aan u mahadcelino aana u sacbino Hanti-dhowrihii oo muddo dheer si hufan uga soo shaqeeyay howshaa uu hayay, waxaa iyana u duceynaynaa oo soo dhownaynaa oo garab istaageynaa Hanti-dhowraha cusub oo aynu filayno inuu halkii kasii wado” ayuu yiri. Mas’uuliyiinta xilalka la kala wareegay ayaa sidoo kale munaasabadda ka sheegay muhiimadda ay leedahay isbedelka, aadna isugu hambayeeyay, Maxamed Maxamuud Afgooye ayaa muddo dheer oo ku dhow 7 sano joogay saxiifsaan, isaga oo xilka ku wareejinaya Axmed Ciise Guutaale oo ah Garyaqan iyo Saxafi xog badan ka ogaa xaaladihii dalka uu soo maray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xaaladda Caafimaad ee Madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter, oo ah 98-jir ah ayaa laga walaacsan yahay kadib markii laga saaray isbitaalka, isla markaan lagu celiyay gurigiisa, halkaas oo uu ku helayo daryeel caafimaad “waqtigiisa harsan”, sida ay Sabtidii sheegtay xarunta samafalka ee uu aas-aasay ee the Carter Center. Carter, oo ahaa madaxweynaha Mareykanka intii u dhexeysay 1977-1981 ayaa ah madaxweynaha ugu da’da weyn madaxweneyaashii hore ee nool, wuxuuna mar ku guuleystay abaal-marinta nabadda ee Nobel Peace Prize. Wuxuu deggan yahay Plains, ee gobolka Georgia, isaga iyo xaaskiisa, Rosalynn. Tuuladaas oo ah meeshii uu ku dhashay, oo uu ka ahaa beerrey lows tacbada, kahor inta aanu noqon guddoomiyaha gobolka Georgia, isaga oo markii dambe halkaas ka billaabay ololihiisa musharaxnimada madaxweynaha ee xisbigaDimuqraadiga. “Kadib dhowr jeer oo si kooban isbitaalka loo dhigay Madaxweynihii hore ee Maraykanka Jimmy Carter, maanta wuxuu go’aansaday inuu waqtigiisa u haray guriga kula qaato qoyskiisa oo uu helo daryeel caafimaad halkii uu ka heli lahaa dabiib caafimaad oo dheeri ah,” ayay Xarunta Carter ku tiri hadal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka. Sannadihii lasoo dhaafay, Carter, waxa uu helayay daaweyn isbitaal oo kala duwan, oo ay ku jiraan markii uu shaaca ka qaaday bishii Agoosto 2015 in uu qabo kansarka maskaxda oo uu sheegay in laga daaweynayo. Intii uu madaxweynaha ahaa, Carter, waxa uu sameeyay ballanqaad ku aaddan xuquuqda aadanaha iyo caddaaladda bulshada. Labadii sano ee hore ee xukunkiisa wuxuu ahaa mid loo riyaaqay, waxaana waxqabadkiisii ka mid aheyd dhexdhexaadinta heshiis nabadeed oo u dhexeeyay Israa’iil iyo Masar oo loogu magac daray Heshiiskii Camp David. Laakiin maamulkiisa waxa uu la kulmay caqabado badan – kuwaas oo ay ugu cuslayd afduubkii la haystayaashii Maraykanka ee Iran iyo isku daygii fashilmay ee lagu doonayay in lagu badbaadiyo 52 maxbuus oo Mareykan ah sannadkii 1980kii. Bishii Nofembar ee sanadkaas, musharaxa xisbiga Jamhuuriga Ronald Reagan ayaa uga adkaaday Carter codbixinta doorashadii madaxweynaha, taasoo keentay inuu xilka hayo hal xilli, isaga oo ku guuldareystay inuu dib ugu soo laabto xilka madaxweynaha dalkaas, hadda waxaa uu wajahayaa xaalad caafimaad adarri. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay inuu rabo in Ruushka looga adkaado dagaalka Ukraine, balse aanu dooneyn in la gaarsiiyo heer u uku burburo waddankaas dullaanka qaaday. Madaxweyne Macron oo la hadlayay warbaahinta Faransiiska, ayaa ku booriyay dalalka reer galbeedka inay kordhiyaan taageerada milateri ee Kyiv, wuxuuna sheegay inuu wado qorshe diyaargaroow dagaal. “Waxaan rabaa in Ruushka looga adkaado dagaalkan, oo Ukraine ay difaacato dhulkeeda,” ayuu yiri Madaxweynaha Faransiiska. Balse waxa uu diidday fekerka ah in dagaalka la gaarsiiyo ilaa gudaha Ruushka, si loo maquuniyo xukuumadda Moscow. Hadalka Macron ayaa yimid iyadoo madaxda caalamka ay isugu tageen shirkii amniga ee Munich, kaasoo laga soo saaray ballan-qaadyo lagu dardargelinayo hubka la loo dirayo Kyiv, cunaqabatayn adagna lagu soo rogo Moscow. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Faransiiska oo dalbaday in taageero milatari loo raadinayo Ukraine appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) - Two Somali government soldiers, who were reportedly among the cadre recently trained in Eritrea, killed a university student at the Bar Ubax intersection in Mogadishu on Sunday. Source: Hiiraan Online
-
The US says it has killed five al-Shabab fighters in Somalia during a joint operation with the Somali army. Source: Hiiraan Online
-
A surprise announcement, but not so surprising. The President of Djibouti, Ismaël Omar Guelleh, revealed, in early January, on Twitter, a project to build a space launch base, in partnership with the Chinese company Hong Kong Aerospace Technology. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad dhinacyo badan leh ka jeediyay meertada 36-aad ee shirka madaxda qaarada Afrika ee ka socda magaalada Addis Ababa. Xasan oo ah madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee laba jeer xafiiska loo doorto ayaa khudbadiisa ku bilaabay sida ay arrintaas isaga fursad ugu tahay iyo dhinaca kale sida ay sharaf u tahay in dalkaaga laba jeer madaxweyne ahaan ugu adeegtid adiga oo doorasho ku yimid. Warbixintan waxaa kusoo koobeyna shantii dhinac ee ugu muhiimsana khudbadii madaxweyne Xasan Sheekh ka jeediyay magaalada Addis Ababa, kuwaasi oo kala ah; 1. Rejadiisa: Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu madaxda Afrika u sheegay in dalkiisa uu dhib badan soo maray, balse dadkiisu yihiin kuwa adkeysi badan, hal-abuur leh oo deeqsinimo ku caan ah. Wuxuu sheegay in subax walba uu lasoo tooso rejo fiican oo ah in dalka uu ka bixi doono marxalada adag, uuna taas ku shaqeeyo. 2. Dagaalka Al-Shabaab: Xasan Sheekh wuxuu madaxda Afrika u sheegay in dagaalka argagixisada uu yahay bartilmaameedkiisa koowaad. Natiijada iyo horumarka laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayuu waxyar ka taabtay, isaga oo dhinaca kale sheegay in dowladiisa ay sii xoojin doonto dagaalka iyo hadafka ah in kooxaha argagixisada laga cirib-tiro Soomaaliya, Afrika iyo guud ahaan caalamka. 3. Siyaasad loo dhan yahay: Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku dheeraaday ahmiyada siyaasad loo dhan yahay inkasta uusan wax gaar ah carabaabin, haddana waxa uu sheegay in siyaasada loo dhan yahay ay wadato fursad dhaqaale iyo kalsooni bulsho, uuna arrintaas xoogga saari doono ayna kamid tahay qorshooyinkiisa u muhiimsan. 4. Daadajinta adeega dadweynaha: Iyada oo meel xasaasi ah marayo dagaalka Al-Shabaab, dhul badan kooxda laga saaray dowladduna aanay deegaanadaasi weli wax adeeg ah ka qaban ayuu madaxweynuhu madaxda Afrika ee ku shirsan Addis Ababa u sheegay inuu maamulkiisa ku howlan yahay gaadhsiinta dadweynaha ee adeega dadweynaha. 5. Afrika iyo midnimada: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu madaxda Afrika xasuusiyay in loo baahan yahay iskaashi iyo wada-shaqeyn Afrika oo dhan. Dunida waxa uu sheegay in aanay maanta jirin qolo si gaar ah u guuleysan karta, wuxuu ku baaqay guul la isla baadi-goobo oo qaarada Afrika oo dhan ah. The post Shan arrin oo muhiim ah oo ku jiray khudbadii XASAN SHEEKH ee Addis Ababa appeared first on Caasimada Online.
-
Magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug waxaa ka dhacay kulan looga hadlaayay amniga degmada, kaas oo ay kasoo qeybgaleen saraakiil kale duwan oo ka tirsan xoogga dalka, kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo wada koontarooli lahaa amniga guud ee magaalada iyo deegaannada hoos yimaada. Saraakiisha kulanka ka qeybgashay ayaa waxaa kamid ahaa taliyaha ciidanka lugta xoogga dalka Maxamed Tahliil Biixi iyo saraakiil kale oo qeyb ka ahaa kuwii Al-shabaab ka saaray degamada, iyadoo gabagabadii kulanka laga soo saaray qodobo ku aadan wixii looga hadlay kulanka intii uu socday looga hadlayay amniga degmada. Qodobada lasoo saaray ayaa waxaa kamid ahaa in ciidanka hubeysan ee ku sugan degamada in la xadido dhaqdhaaqa ay sameynayaan iyo in la ilaa iyo xabadaha sida micno darrada ah askarta ay u ridaan, taas oo saraakiishu sheegtay in ay abuurayso qalqal amni, waxaana ciidanka loogu baaqay in ay ilaaliyaan rasaasta. Kulanka ayaa qodobada lasoo saaray waxaa qeyb ka ah in ciidamada kale duwan ee xoogga dalka laga saaro gudaha oo ay tagaan banaanka magaalada, waxaana lagu baaqay in ciidanka ammaanka lagu reebo degmada, si ay iyagu u sugaan amniga, maadaama ay degmada ku sugan yihiin ciidamo kale duwan oo xoogga dalka ah. Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli ciidamada xoogga dalka oo taageero ka helaya kuwa Daraawiishta Galmudug iyo deegaanka ay deegaanno hoostaga Xarardheere ay ka wadaan howlgallo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo dhowr iyo toban sano kadib laga saaray magaalada oo ay ka talinayeen muddo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qaahira (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil gabar Soomaaliyeed loogu geystay magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar. Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Caasho Abuukar Ibraahim, waxaana ay kamid ahed ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata gudaha waddankaasi. Wararka ayaa sheegaya in dilka gabadhan uu geystay wiil kale oo Soomaaliyeed, kaas oo ay ugu dambeyn gacanta ku soo dhigeen ciidamada Booliska ee ka howlgala Qaahira. Dilka aayaa ka dhacay guri ay marxuumadda ka daganeyd halkaasi, waxaana la sheegay in ceeji lagu dilay, kadibna biyo lagu dhex riday, taas oo xanuun ku reebtay ehellada. Dhinaca kale qoraal kasoo baxay maamulka Iskuulka Al-Faraj ee magaalada Muqdisho, isla-markaana ay horay uga soo baxday marxuumadda ayaa ka tacsiyeeyay geerida gabadha. Maamulka ayaa sheegay in marxuumad Caasho ay dalka Masar u joogtay diyaarinta Master caafimaad ah. “Bahda Al-Faraj oo isku duuban waxa ay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Qoyska iyo Qaraabada ay kabaxday Drs Caasha Abuukar Ibraahim Hasan (Abuukar Dheere) oo ku geeriyootay wadanka Masar oo ay u joogtay diyaarinta Master caafimaad ah,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay maamulka Iskuulka Al-faraj ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale wuxuu maamulku alle uga barayey marxuumadda inuu ka waraabiyo Jannadii Firdowso, samir iyo iimaana uu ka siiyo qoyskeeda iyo qaraabadeeda. “Waxaan Alle ugu baryeynaa in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, Familka iyo qaraabada ay ka geeriyootayna Samir iyo iimaan Alle ka siyo. Iyada qabriga ilaah ha uga dhigo beer ka mid ah beeraha janada,” ayaa markae lagu yiri warsaxaafadeed ka Iskuulka Al-Faraj. Ma’aha dilkii ugu horreeyay ee muwaadin Soomaaliyeed loogu geysto Masar, waxaana jira dhacdooyin hore oo ka dhacay dalkaasi oo ay ku nool yihiin Soomaali fara badan. The post Gabar Soomaali ah oo si arxan darro ah loogu dilay Masar appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dadkii ku dhaawacmay dagaalka Laascaanood ee dhawaan la keenay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa soo raysanaya, ayada oo lagu baxnaaniyo qaar kamid ah isbtilaada magaalada Muqdisho. Dhaawacyadan ayaa waxaa lagu soo qaaday diyaarad gaar ah oo dowladda federaalka ay u dirtay, waxaana qaar kamid ah dhaawacyadan oo la hadlay warbaahinta dowladda ay sheegeen inay heleen adeeg caafimaad oo tayo leh, xaaladoodana ay aad usoo reysatay. “Waxaa la iga keenay magaalada Laascaanood oo ku dhaawacmay, waxaa ka dhaawacmay labada miskooda, jajab iyo goo’go badan ayaa isoo gaaray. Isbitaal Madiino ayaa si fiican la igu shaqeeyay oo aad iyo aad ayaa la igu soo dhaweeyay,” ayuu yiri Khaalid Cabdirashiid oo kamid ah dadkii dhaawaca ahaa ee la keenay magaalada Muqdisho. Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Markii hore qof dhaawac ah oo xataa kici kareyn oo hadli kareyn ayaa ahaa himikana waad aragta waaniga hadlaya. Wax ehel ah halkan ima joogaan waxaa igu soo dhaweeyay walaalahay Soomaaliyeed, dhakhaatiirta iyo bulshada kala duwan ee reer Muqdisho aad iyo aad ayay u mahadsan-yihiin.” Maxamed Faarax Ciise oo isaguna kamid ah dhaawaca laga keenay Laascaanood ayaa wax uu yiri “Halkan (Isbitaal Madiina) ayaa jooga aad ayaa u fiicanahay. Meeshu waa meel fiican oo hadda waa la isoo dhayay.” Agaasimaha Isbitaalka Madiino ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in labadii asbuuc ee u dambeeyay ay qabteen dhaawacyo badan oo laga keenay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo iskugu jiray kuwa fudud iyo kuwa culus. “Waxaa aad noo soo gaarayay dhaawacyada ka imaanayay dagaalka ka socda Laascaanood, guud ahaan tirada nasoo gaartay waa 32, waxayna nasoo kala gaareen saddex mar oo kala duwan. Dhaawacyada kuwa fudud iyo kuwa xaaladooda liidatay ayey iskugy jireen, illaa haddana wax dhimasho ah ma jiraan.” Dowladda federaalka Soomaaliya oo ayadu dhowr jeer diyaarado gargaar ah u dirtay magaalada Laascaanood, ayaa waxay hore u sheegtay in ay ka go’an tahay in gurmad la gaarsiiyo dadka reer Laascaanood ee dagaal kula jira xukuumadda Somaliland. The post Maxaan ka ognahay xaaladda dhaawacyadii Laascaanood ee la keenay MUQDISHO? appeared first on Caasimada Online.
-
Sida xaaladda Laascaanood loo wajahaya aad iyo aad ayey ila fool-xuntahay, Garaadada qiimaha badan ee Sool clan way garnaqsadeen, talladoodiina way cadeeyeen, laakiin dhinaca xukuumadda Ina Biixi waxay ula dhaqmaysa Garadada si garashada iyo masuuliyadda ka fog. Madaxweynahii qarranku lahaa intuu meel fagaare ah soo istaagay, ayuu iclaamiyay magaaladii iyo xita goobtii shirku ka dhacaayay, isagoo aan wax idam ah ka helin Garaadada, waa nusqaan hogaamineed halkii ugu hoosaysay, weli ilaa haddana aan isweydiinayo waxaa noocaas ahi siday hogaamiye qarran uga suurtagasho. Xukuumadda Madaxweyne Biixi waxaa ku waajib ah in laba tallo mid yeesho: 1. Inay masuuliyadda nabadda iyo collaada labadaba dhabarka u ridato, oo ay xal nabadeed ama mid military midba ku soo dhamayso xaaladda degmada Laascanood. 2. Inay aqbasho baaqa iyo shuruudaha Garaadada Sool clan oo ah in ciidamada laga saaro carro Sool clan. Labada wax ka dhaxeeya, anigu yac-yacood aan tallo lagu gaadhi karin ayaan u haysta, xalna keeni maayan Salaadin aan jirin oo Somaliland ka tagaya. Salaadiinta Jamhuuriyadda Somaliland laba arrimoodba awood uma laha inay xal kaga keenaan collaada Laascanood. Waa mida koobaad eh, arrinta Laascanood arrin dhaqan maaha eh, waa arrin siyaasadeed, Laascanood Geel laguma kala dhicin, laba reeroodna iskuma haystaan, dil mageedna la iskuma weydiisanayo, ee waxaa la isku haya waa arrin masiiri ah oo siyaasadeed, oo taabanaysa qaddiyado is hirdinaya, Garaadadu waxay taaganyahiin anagu Somaliland ma nihin, kamana mid noqonayno. Sida darteed, Salaadiin kasta oo Garaadada hor fadhiisata awood uma laha ay ku go’aamiyaan arrimaha masiiriga ah, awood ay ciidanka kaga soo qaadan Laascanoodna malaha, awood ay Somaliland ku qanciyaan Sool clan ka mid maaha Somaliland malaha, marka waa iska wakhti lumis xalka lagu sii murginayo. Waa mida labaad eh, intii madaxweyne Muuse Biixi tallada hogaanka Jamhuuriyadda Somaliland joogay, wuxuu wiiqay awooddii Saldanada Jamhuuriyadda Somaliland, qaarbu xabsiyada dhigay, kuwii kalana talladii dhaqanka ee ay lahaayeen ayuu ka fara-maroojiyay, marka salaadiin midaysan oo go’aan gaadhi karta ma jirto, waa kuwa iyagoo kala socda midba meel hadal ka sii daynayo Ugu danbayn, xalku xukuumadda Muuse Biixi ayuu hor yaalla, yaan burush dhiiqo leh cid aan ku munaasab la marin Wa bilaahi Tawfiiq Waxaa Qoray Mohammed Abdi Hassan Diridhaba Qaran News
-
Musharax C/raxmaan Cirro oo lagu soo sagootiyey Madaarka…….
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Dr. Cabdiraxmaan Cirro ayaa lagu soo sogootiyay caasimada dalka Sweden ee Stockholm isagoo u soo ambabaxay dhanka Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa. Qaran News -
Khilaafka Siyaasiga ah waxa lagu xaliyaa xal siyaasiya, Wax door ahina ugama banaana madax dhaqameedka. Arinta laascaanoodna waxay u baahan tahay Xal siyaasiya, waxaanan cod dheer ku leeyahay waar shacabka reer Sool waa Somaliland, ciidamada jiida hore joogaa iyo deegaanada taleex iyo Xudun iyo inta u deegaanka ah ee ceerigaabo, xabad iyo xoog ciidanku kumay tagin ee heshiis siyaasiya ayay ciidanku xadka ku tageen, iskuna diiwaan galiyeen 2016kii, bud-dhigna waxa u ahaa shirkii awr boogays iyo heshiiskii Khaatumo. Tabashada reer Sool iyo heshiiskii siyaasiga ahaa Ee Khaatumo lagaga baxay ee cali khaliif galaydh, iyo dilalkii haldoorka reer Sool, oo waydiinteeda iyo ka jawaabisteedu haayadaha amniga iyo xukuumada u taalo iyo waliba khasaaraha naf iyo maalba leh ee laga baaqsan karayay ee shacabkii calankooda hoostiisa ku dacwoonayay xabada jawaabta looga dhigay iyo in kaloo badan maaha mid u taala madax dhaqameedka Somaliland, mana aha mid masuuliyadeeda uu cidkale kaga baxsan karo Madaxwayne Muuse Biixi. Hoggaan xumadu waxay ka daran tahay col iyo abaar, waxay horseeda colaado iyo qalalaase, faqri iyo dib u dhac umadeed. Intii labada dhinac ku dhimatay ilaahay ha u Naxariisto, inta dhaawacaana ilaahay ha u booga dhayo. Waa kaa dhimay oo kugu dhimay. imikana wuxuu xalku ku jiraa in madaxwaynuhu uu hormood ka noqdo Nabadaynta, garawshiyana ka bixiyo farsama xumada dhacdadan loo maamulay, wixii khasara ahna madaxa saarto, arintana aanay sii daba dheeraan ee la nabdo, geesinimo iyo garawshiyana ku waajaho Gargaarkuu dadwaynuhu lahaa wuu gabaabsiyaye Gadaal baana loo sii wadaa geeddi habaqlaaye Guubaabo maantoo kalay kula gudboontaaye. Gabayii Abdilahi Adan Samatar W/Q Mohamed Abdikarim Qaran News
-
Atlanta (Caasimada Online) – Xaaladda Caafimaad ee Madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter, oo ah 98-jir ah ayaa laga walaacsan yahay kadib markii laga saaray isbitaalka, islamarkaan alagu celiyay gurigiisa, halkaas oo uu ku helayo daryeel caafimaad “waqtigiisa harsan”, sida ay Sabtidii sheegtay xarunta samafalka ee uu aas-aasay ee the Carter Center. Carter, oo ahaa madaxweynaha Mareykanka intii u dhexeysay 1977-1981 ayaa ah madaxweynaha ugu da’da weyn madaxweneyaashii hore ee nool, wuxuuna mar ku guuleystay abaal-marinta nabadda ee Nobel Peace Prize. Wuxuu deggan yahay Plains, ee gobolka Georgia, isaga iyo xaaskiisa, Rosalynn. Tuuladaas oo ah meeshii uu ku dhashay, oo uu ka ahaa beerrey lows tacbada, kahor inta aanu noqon guddoomiyaha gobolka Georgia, isaga oo markii dambe halkaas ka billaabay ololihiisa musharaxnimada madaxweynaha ee xisbigaDimuqraadiga. “Kadib dhowr jeer oo si kooban isbitaalka loo dhigay Madaxweynihii hore ee Maraykanka Jimmy Carter, maanta wuxuu go’aansaday inuu waqtigiisa u haray guriga kula qaato qoyskiisa oo uu helo daryeel caafimaad halkii uu ka heli lahaa dabiib caafimaad oo dheeri ah,” ayay Xarunta Carter ku tiri hadal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka. Sannadihii lasoo dhaafay, Carter, waxa uu helayay daaweyn isbitaal oo kala duwan, oo ay ku jiraan markii uu shaaca ka qaaday bishii Agoosto 2015 in uu qabo kansarka maskaxda oo uu sheegay in laga daaweynayo. Intii uu madaxweynaha ahaa, Carter, waxa uu sameeyay ballanqaad ku aaddan xuquuqda aadanaha iyo caddaaladda bulshada. Labadii sano ee hore ee xukunkiisa wuxuu ahaa mid loo riyaaqay, waxaana waxqabadkiisii ka mid aheyd dhexdhexaadinta heshiis nabadeed oo u dhexeeyay Israa’iil iyo Masar oo loogu magac daray Heshiiskii Camp David. Laakiin maamulkiisa waxa uu la kulmay caqabado badan – kuwaas oo ay ugu cuslayd afduubkii la haystayaashii Maraykanka ee Iran iyo isku daygii fashilmay ee lagu doonayay in lagu badbaadiyo 52 maxbuus oo Mareykan ah sannadkii 1980kii. Bishii Nofembar ee sanadkaas, musharaxa xisbiga Jamhuuriga Ronald Reagan ayaa uga adkaaday Carter codbixinta doorashadii madaxweynaha, taasoo keentay inuu xilka hayo hal xilli. Isha: VOA The post XAALADDA madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka oo laga walaacsan yahay appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Booliska Kenya, gaar ahaan Ismaamulka Mandheera ayaa sheegay in uu gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan dil loo geystay Haashim Cukaash Maxamed oo ah ganacsade lagu dilay bartamaha magaaladaas. Ninka dilkan loo xiray ayaa lagu magacaaba Xaajiyow Macalin Nuur, sida uu sheegtay waaxda dambi baarista ee DCI-da. Hay’adda DCI ayaa sidoo kale waxay sheegtay in weli la baadigoobayo eedeysane kale oo lagu magacaabo Axmed Macalin Cabdinuur, kaasi oo lala xiriirinayo isla dilkaan. “Waxa aan xirnay hal eedeysane oo ah Xaajiyow Maalin Nuur, waxaa lagu raad-joogaa oo la raadinayaa Axmed Maalin Cabdinuur oo rejadu tahay in gacanta lagu soo dhigo,” ayuu yiri madaxa hay’adda baarista dambiyada ee DCI-da, Gitari Muchira. Madaxa DCI-da Mander oo ay soo xigatay warbaahinta gudaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay ku raad-joogaan Cabdinuur iyo dad kale. Cabdinuur ayaa la tuhunsan yahay inuu Soomaaliya usoo gudbay fiidnimadii 1-dii bishaan kadib geeridii ganacsadaha. Booliska Kenya ayaa sheegay in ay xiriir la sameynayaan mas’uuliyiinta Soomaaliya, si loo soo qabto ninkan la tuhunsan yahay inuu u gudbay gudaha Soomaalia, si loo soo qabto loona soo gacan geliyo Kenya. Dilka Haashim oo sida uu sheegay Booliska loo adeegsaday Mindi, waxa kale oo ku dhaawacmay dhacdadaasi Cabdimaalik Cukaash Maxamed oo la dhashay marxuumka, kaasi oo hadda lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi. Si kastaba, hay’addaha amaanka Kenya iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir iyo iskaashi wada-shaqeyn, kaasi oo ku qotoma la-dagaalanka falalka argagixisada, dambiyada abaabulan iyo ka hortaga ganacsiga sharci darrada ah ee labada dhinac. The post KENYA oo Soomaaliya ka raadineysa nin loo haysto in… appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – US Secretary of State, Antony Blinken, expressed his concern that China might be considering providing arms and ammunition to Russia in its war effort in Ukraine. This news has raised alarm bells in Washington, as the US has long been concerned about China’s possible support for Russia in this conflict. This move could escalate the situation and create a more significant problem for the US. China’s possible support to Russia is familiar, as it has provided diplomatic and political support to Russia in the past. However, providing lethal support would be a severe problem, as it could have catastrophic consequences for the US-China relationship. The US has been closely monitoring China’s activities and has information suggesting China might be considering providing lethal support to Russia. Blinken warns China against lethal support to Russia US Secretary of State, Antony Blinken, has warned China that providing lethal support to Russia in its war effort in Ukraine would be a serious problem. In an interview that aired on Sunday, Blinken stated that the US has been monitoring China’s activities closely and has information that suggests China might be considering providing lethal support to Russia. Blinken also said that he had made it clear to China’s most senior foreign policy official, Wang Yi, that this move would be a serious problem. China and Russia’s growing ties China and Russia’s partnership had grown stronger since Chinese leader Xi Jinping promised Russian President Vladimir Putin a collaboration with “no limits” when they met just weeks before Putin sent his troops into Ukraine on Feb. 24, 2022. Since then, ties between the two countries have only grown stronger. China has been providing rhetorical, political, and diplomatic support to Russia, and this has been a cause of concern for the US. Russia’s offensive in eastern Ukraine Russian forces have been on the offensive in eastern Ukraine. Putin is determined to show some progress on the battlefield as the war nears the one-year mark. The Ukrainians have been holding firm, and the Russians have suffered horrific losses in this effort. Blinken estimated that Russia has 97% of its ground troops in Ukraine. The Russians are also eager to capture more territory before Ukraine receives the more advanced weapons recently pledged by the US and its European allies. Possible consequences of China’s support to Russia Senator Lindsey Graham has warned that if China provides lethal weapons to Russia, the world should “come down hard on China.” Graham also advised Chinese leaders not to do anything rash. He emphasized that this move would be the most catastrophic thing that could happen to the US-China relationship and would change everything forever. The US ambassador to the United Nations, Linda Thomas-Greenfield, has also expressed her concern about any effort by China to arm Russia, saying that would be a red line. The post U.S. warns China over lethal arms support to Russia appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – During the 36th African Union Summit, held on 6-7 February 2023, Abshir Omar, Somalia’s Minister of Foreign Affairs, and International Cooperation, emphasized the need for Ethiopia and Somalia to unite in the fight against terrorism. The recent meeting between the heads of state of both countries in Mogadishu was a positive step towards greater collaboration and cooperation. Terrorism is a common enemy for Ethiopia and Somalia, and they stand united in their efforts to address this issue. In this article, we will explore the shared objective of these two countries in combating terrorism and the need for collaboration to address this threat effectively. Shared objective in the fight against terrorism During the 36th African Union Summit, Abshir Omar emphasized that Ethiopia and Somalia share a common objective in the fight against terrorism. He stressed that terrorism is a common enemy for both countries and not just confined to Somalia, as terrorists can easily cross-national borders. To effectively combat this threat, the leaders of front-line states such as Djibouti, Ethiopia, Kenya, and Somalia need to collaborate and agree on a common front to defeat the enemy. Omar stressed the solid relationship between Ethiopia and Somalia, describing it as the best it has ever been. He added that both countries have several common factors that bind them together and are working together to achieve these mutual goals. Collaboration in various areas The minister also noted that Ethiopia and Somalia have been working in partnership in various areas, including historical and cultural cooperation. Both countries are committed to intensifying their political, economic, and social collaboration. Omar appreciated Ethiopia’s efforts to help Somalia fight against terrorism and bring peace to the country. He emphasized the need to strengthen integration between the two countries for mutual benefit. In this regard, the recent meeting between the leaders of Djibouti, Ethiopia, Kenya, and Somalia to discuss the ongoing fight against al-Shabab militants was a positive step towards greater collaboration and cooperation. The meeting, which was held in Mogadishu, aimed to discuss ways to work together to fight against terrorism. This meeting was seen as a significant step towards greater cooperation between the front-line states. It highlighted the shared objective of these countries in combating terrorism and the need for collaboration to address this threat effectively. The post Combating terrorism together: Ethiopia and Somalia unite appeared first on Caasimada Online.
-
Sheekh Shariif oo war kasoo saaray go’aanka beesha Garxajis
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa soo saaray qoraal uu ku soo dhaweynayo bayaan ka soo baxay beesha West Burco Clan oo ku saabsanaa xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood. Sheekh Shariif ayaa bogaadiyey go’aannadii kasoo baxay beesha, isagoo aad u amaanay talooyinka lagu soo jeediyey war-murtiyeedkii beesha West Burco Clan. “Maanta oo taariikhdu ay tahay 19-ka Feb. 2023 waxaan si buuxda u soo dhawaynayaa war-murtiyeedka ka soo baxay Salaadiinta, odayaasha iyo waxgaradka beesha West Burco Clan, waxaana bogaadinayaa go’aannada iyo talooyinka ay soo jeediyeen,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Qoraalka Shariifka ayaa intaas ku sii daray, “Go’aanada ka soo baxay beesha West Burco Clan waxay tusaale cad u yihiin in beelaha walaalaha ahi doonayaan inay nabad kuwada noolaadaan, sidaa awgeed waxaan ku kalsoonahay go’aanada iyo talooyinka ay beeshu soo jeedisay inay fursad siinayso nabadda iyo wada-noolaanshaha dadka walaalaha ah.” Sheekh Shariif ayaa dhinacyada ay ku dagaalamaya Laascaanood wuxuu ugu baaqay inay maqlaan oo u hoggaansamaan go’aanada ka soo baxay salaadiinta beesha West Burco Clan, isagoo xusuusiyey fadliga bilaha lagu jiro iyo dhibaatada colaada. “Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada ay qusayso inay maqlaan baaqa salaadiinta, odayaasha iyo waxgaradka beesha West Burco Clan, ayna baajiyaan daadashada dhiiga iyadoo lagu jiro bilaha xurmada leh ee diinteenu adkaysay xaaraantinnimada daadinta dhiigga qofka Muslimka ah,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Beesha West Burco Clan ee Somaliland oo maanta bayaan soo saartay ayaa dagaalka Laascaanood ku eedeysay Muuse Biixi, iyadoo sheegtay in aysan qaadi karin masuuliyadda waxa uu Muuse Biixi ka wado Laascaanood. “Beesh West Burco Clan waxa ay go’aansatay in aysan ka qaybgelin, kana mid ahayn ergada uu sheegay Muuse Biixi inuu u dirayo Laascaanood sababta oo ah ma qaadi karno kalsoonida inuu aqbalayo go’aamada ay ergadu gaadho, annaga oo ku xisaabtamayna aanu jirin jawi nabadeed oo lagu wada-hadli karo,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay beesha West Burco Clan. Isimada gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa maanta war cusub kasoo saaray wada-hadalka ay ku baaqday Somaliland iyo ergada Isimida ah ee uu maamulka Muuse Biixi u dirayo. Garaadada dhaqanka ee Laascaanood ayaa sheegay in aysan u imaan karin ergo ka socota Somaliland, iyagoo soo dhaweeyey go’aanadii maanta kasoo baxay beesha West Burco Clan ee ku sheegeen inay ka baxeen ergada Muuse Biixi uu sheegay in uu Laascaanood u dirayo. The post Sheekh Shariif oo war kasoo saaray go’aanka beesha West Burco Clan appeared first on Caasimada Online.
