Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. AfCFTA’s plan is to boost intra-African trade by 60 percent by 2034 by eliminating almost all tariffs, creating an economic bloc of 1.3 billion people with a combined gross domestic product of $3.4 trillion. Source: Hiiraan Online
  2. The East African Community countries are optimistic that their economies will be boosted through the coastal port of Mogadishu in Somalia, once the war-torn Muslim state is allowed to join the community. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Ibraahim Aadan Ibraahim oo ah La-taliyaha wacyi-gelinta iyo abaabulka bulshada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo hore uga tirsaan kooxda Al-Shabaab kana soo baxay 2016-kii ayaa markii u horeysay ka warbixiyay dhacdooyin usoo joogay. Ibraahim oo wareysi gaar ah siiyay telefishanka Universal Tv ayaa waxa uu ka sheekeeyay marxaladihii kala duwana ee soo martay kooxda, gaar ahaan dhacdadii 2011-kii sahashay in Al-Shabaab ay laba saac gudahood uga baxaan magaalada Muqdisho. Waxa uu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay xilligaasi ku qasabtay in laba saac gudaheed uga baxaan Muqdisho kadib markii uu khilaaf usoo kala dhex-galay hogaamiyeyaasha kooxda iyo culeys ka fuulay dagaalkii ku socday. “Dhimashadii waa ku badatay dagaalkiina wax iska maalinle ah ayuu noqday. Warka magaalada Muqdisho laga bixi doono (Shabaab) wuxuu soo baxay 4 saac habeenimo, saacadii u dambeysay ee ka baxeen waa 6 saac waxaa u dhaxeeya laba saac,” ayuu yiri. Ibraahim ayaa waxa kale oo uu sheegay in xilliga uu soo gaaray go’aanka ka bixitaanka Muqdisho ee Al-Shabaab ay gacanta ku hayeen manhaj waxbarasho oo ay soo saari jirtay kooxda, sida uu sheegay. “Waxaan xiligaas uu warka soo baxay aan gacanta ku haynay manhaj waxbarasho oo Tarbiyada Islaamka iyo luuqada Carabiga oo ay soo saari jireen, oo sixitaankii u dambeeyay uu marayay.” Waxa uu intaas sii raaciyay “Sababta ugu weyn waa khilaafka. Madaxda waxyaabaha ay isku haysteen waxay aheyd in ninka la badelo (Godane) natiijadii inta aysan imaan ayuu xaga ka tuuray (al-Qaacida).” Sidoo kale waxa uu sheegay in Axmed Godane oo xilligaas ahaa hoggaanka u sareeya ee Shabaab uu sii xoogeystay khilaafka kala dhaxeeya hoggaamiyeyaasha kale, taasi oo keentay in ay is-ugaarsadaan dhexdooda. “Wuxuu bilaabay in uu iyagii ugaarsado, dagaalkii waa sii dheeraaday oo magaalooyinka ayaa laga sii baxay illaa iyo Baraawe, waa tii markii dambe labadii nin lagu dilay boqolaal qofna meeshii lagu xiray.” The post Arrinta aanay dad badan ogeyn ee Shabaab ku qasbay inay 2 saac uga baxaan Xamar appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay goordhow ciidamada ammaanka ka sameeyeen duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Howlgalkan oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa waxaa lagu toogtay xubin ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska Booliska Gobolka Banaadir. Warka kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in ninka la toogtay uu hubeysnaa, isla-markaana uu qorsheynayay inuu dilo askari ka tirsan ciidamada Canshuuraha oo ku sugnaa halkaasi. Sidoo kale Booliska ayaa shaaca ka qaaday in ay ka hortageen weerarka uu qorsheynayay ninkan, kadib xog ay ka heleen dadka deegaanka. “Dhagar qabahaan ayaa ciidanku ku toogteen isgooska Xaafada Tabelaha Sheekh Ibrahim, isaga oo qorsheenayay inuu dilo askari ka tirsan Ciidanka Booliska ee deegaanka gaar ahaan kuwa aruuriya canshuuraha ee dowladda Hoose, waxaana xogta dhagarahaan sahashay wada shaqeenta Ciidanka Booliska iyo Dadka Deegaanka oo ah mid wanaagsan” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska gobolka Banaadir. Booliska ayaa sidoo kale baaq u diray shacabka ku dhaqan caasimada iyo nawaaxigeeda, isaga oo ka dalbaday in wixii ay ka shakiyaan ay lasoo xiriiraan lambarka gaaban. “Muwaadin la shaqeey ciidanka Booliska oo soo wac lanbarka gaabaan ee 991 hadii aad dareento culus Amnni.” ayaa lagu yiri farriinta Booliska Soomaaliya. Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada dowladdda, gaar ahaan kuwa Booliska iyo Nabad Sugidda ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan degmooyinka gobolka Banaadir. Si kastaba, Al-Shabaab ayaa haatan culeys xoogan soo saartay, kadib markii lagu jabiyay inta badan dagaallada ka socdo gobollada dalka oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka. The post Ciidamada ammaanka oo nin hubeysan ku toogtay duleedka MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay goordhow ciidamada ammaanka ka sameeyeen duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Howlgalkan oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa waxaa lagu toogtay xubin ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska Booliska Gobolka Banaadir. Warka kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in ninka la toogtay uu hubeysnaa, isla-markaana uu qorsheynayay inuu dilo askari ka tirsan ciidamada Canshuuraha oo ku sugnaa halkaasi. Sidoo kale Booliska ayaa shaaca ka qaaday in ay ka hortageen weerarka uu qorsheynayay ninkan, kadib xog ay ka heleen dadka deegaanka. “Dhagar qabahaan ayaa ciidanku ku toogteen isgooska Xaafada Tabelaha Sheekh Ibrahim, isaga oo qorsheenayay inuu dilo askari ka tirsan Ciidanka Booliska ee deegaanka gaar ahaan kuwa aruuriya canshuuraha ee dowladda Hoose, waxaana xogta dhagarahaan sahashay wada shaqeenta Ciidanka Booliska iyo Dadka Deegaanka oo ah mid wanaagsan” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska gobolka Banaadir. Booliska ayaa sidoo kale baaq u diray shacabka ku dhaqan caasimada iyo nawaaxigeeda, isaga oo ka dalbaday in wixii ay ka shakiyaan ay lasoo xiriiraan lambarka gaaban. “Muwaadin la shaqeey ciidanka Booliska oo soo wac lanbarka gaabaan ee 991 hadii aad dareento culus Amnni.” ayaa lagu yiri farriinta Booliska Soomaaliya. Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada dowladdda, gaar ahaan kuwa Booliska iyo Nabad Sugidda ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan degmooyinka gobolka Banaadir. Si kastaba, Al-Shabaab ayaa haatan culeys xoogan soo saartay, kadib markii lagu jabiyay inta badan dagaallada ka socdo gobollada dalka oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka. The post Ciidamada ammaanka oo nin hubeysan ku toogtay duleedka MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  6. Bishan dhexdeeda waxa la kordhay qiimaha Shaybaadhka Dhiigga Complete Blood Count (CBC) waxa uu hore u ahaa $5 waxa hadda laga dhigay $6 dhammaan waxa kor loo qaaday Adeegga Shaybaadhada ee uu bixiyo Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, Cusbitaalka Gaarka loo leeyahay ee Gargaar Shaybaadhka Complete Blood Count (CBC) waa $7, Muqdisho Cusbitaalka Dawliga ah ee Digfeer Shaybaadhka Complete Blood Count (CBC) waa $2, waxa waajib ku ah Xukuumadda in Bulshadu hesho Adeeg Caafimaad oo qiimo jaban ah Danyartuna awoodi karto. Waxaa Qoray Mohamed Sidik – Dhamme Qaran News
  7. Addis Ababa (Caasimada Online) – Israel ayaa maanta si weyn u cambaareysay sida ba’an ee ergaygeeda looga saaray shir madaxeedka Midowga Afrika ee ka furmay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia. Waxay ku eedeysay dowladda cadawga weyn ay yihiin ee Iran in ay soo abaabushay tallaabadaas, iyada oo gacan ka helaysa dalalka Aljeeriya iyo Koonfur Afrika. Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya ilaalada oo galbinaysa ku-xigeenka agaasimaha guud ee Israel u qaabilsan Afrika, Sharon Bar-li oo ka soo baxay shirka Midowga Afrika ee ka dhacaya magaalada Addis Ababa. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Israel ayaa ku tilmaamay dhacdada maanta mid aad u daran, isagoo xusay in Bar-li uu ahaa goobjooge ka qeyb-galkiisa la aqoosan yahay, oo haysta calaamadda ka qeyb-galka shirka. “Waa wax laga xumaado in la arko Midowga Afrika oo gacanta u galay tiro yar oo ka mid ah dowladaha xagjirka ah sida Aljeeriya iyo Koonfur Afrika, kuwaasi oo uu ku jiro naceyb, ayna maamusho Iran,” ayuu yiri afhayeenka. “Dawladaha Afrika waa in ay ka hortagaan falalkan, kuwaasi oo dhaawacaya dhaqdhaqaaqa Midowga Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenku. Midowga Afrika ayaan ka jawaabin mar ay wakaaladda caalamiga ah ee AFP ay arrintan wax ka weydiisay. Afhayeenka Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, Vincent Magwenya oo la weydiiyay eedda Israel ee ah in Koonfur Afrika iyo Aljeeriya ay ka danbeysay in ergaygeeda laga ceyriyo shir madaxeedka ayaa u sheegay AFP, “Waa in ay caddeeyaan sheegashadooda.” Israel ayaa 2021-kii Midowga Afrika ka heshay maqaam goob-joogenimo kadib tobanaan sano oo ay dadaal diblomaasiyadeed ku bixisay, tallaabadaasi oo ay ka soo horjeesteen dowlado awood leh oo ay ku jiraan Koonfur Afrika iyo Aljeeriya, kuwaasi oo ku dooday in taasi ay qarineyso bayaannada Midowga Afrika ee taageeraya Falastiiniyiinta. Sannadkii hore, dood adag ayaa ka dhalatay aqoonsiga Israel ee goobjoognimada shir madaxeedka Midowga Afrika, iyadoo Falastiiniyiintu ay ku boorrriyeen in lagala laabto. Shir madaxeedkii 2022-kii ayaa hakiyay dood ku saabsan in aqoonsiga lagala laabto Israel iyo in kale, iyadoo la unkay guddi arrintan loo xilsaaray. Muranka ayaa ka dhashay markii Moussa Faki Mahamat, oo ah madaxa Guddiga Midowga Afrika uu aqbalay maqaamka goob-joognimada Israel, taasi oo dhalisay khilaaf naadir ah oo ka dhex dillaacay hay’addan qiimeysa is afgarad wadajir ah. Midowga Afrika ma uusan sheegin haddii ajandaha sanadkan ay ku jirto in dood laga yeesho maqaamka Israel ee ka qeyb-galka shir madaxeedka Midowga Afrika iyo inkale. The post Israel oo ka carootay tallaabo uu qaaday Midowga Afrika, weerar ku qaaday laba dal appeared first on Caasimada Online.
  8. Xalay waxa i soo gaadhaaya xogo is garab socda, oo ku saabsan mashaqada Laascaanood ka taagan: 1. Waxa la ii sheegay in ergooyinkii beelaha ee uu Muuse abaabulaayay ay ku qaybsameen qaabka hawsha loo galaayo. Belaha West Burco Clan oo u arka in aan sida wax loo wado xal ku imanayn, waa ka gacan taagteen in ay hawshaas galaan. Dagalku ma aha mid laba beelood oo deegaan wadaag ah ka dhex qarxay sidii cadiga innoo ahaan jirtay. Waa dagaal siyaasad iyo xukun ku salaysan, u na dhexeeya Xukuumadda Sl iyo kacdoonka Beelaha Sool clan, kaas oo Muuse uu argagixiso ku sheegay. Beelaha West Burco Clan ergooyinkoodi waa diideen ka qayb qaadashada ammuur aanay shuqul ku lahayn. 2. Geesta kale, iyada oo xukuumaddu ay ergooyin abaabulayso, hadana waxa garab socda abaabul ciidan oo mug leh, waxaana si dadban u caddeeyay Janan Nuux oo sidii la wada ogaa u hadlay. Buuhoodle argagixiso ayaa haysatay, imika na in ay Laascaanood ku darsadaan ayay doonayaan! Cudurka la doonaayo in ay ergadu dawayso, ee odayaasha la gu lu’goynaayo, kalmaddii sii shidi lahayd, ee darafka kale na ka sii xanaajin lahayd Nuux baa ku dooday, weliba si ku celcelis ah. Muuse iyo Nuux in ay si dhab ah isu ogyihiin qofna yaanu wax shaki ahi ka gelin. 3. Gebagabadii, waxa la ii xaqiijiyay xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland in ay hadda ku qanacsanyihiin, ka dib markii ay in badan is diidsiinaayeen, xaqiiqada ah Muuse in ay ka go’antahay in aanay doorasho nooca ay rabto ba ha noqotee Somaliland ka dhicin; sababta uu dagaalka Laascaanood u sii shidayaa na ay qayb ka tahay qorshihiisa doorasho diidka. Wixii kale ee ay yeeli lahaayeen ayay hadda qorshaynayaan, wada tashiyo ayaana u socda. Sidaas darted, mucaridka waxa aan ku hambalyaynayaa in ay riyo maalmeedkii is ka dhaafeen oo hadda xaqiiqadii u dhawaadeen. Marka ay sidaas tahay, waxa aan ka codsanayaa in ay soo saaraan mawqifkooda rasmiga ah ee mashaqada Laascaanood ka taagan ku saabsan. “Dhiigga daadanaaya waa ka xunnahay…”, ma ku filna, cid idinka siisanaysaa na ma jirto. Ilaa hadda Somaliland waxa ka jira hal mawqif siyaasadeed oo ah midka Muuse iyo Xukuumaddiisa, kaas oo ah in dagaalku sii socdo. In odayaal masaakiin ah oo masaariif u baahan la abaabulo, geesta kale na, ciidamada iyo hubka Laascaanood la gu daadgureeyo, waa qorshaha is garab socda ee Xukuumadda. Mucaaridoow, haddii aydaan qaadanin mawqif cad oo Laascaanood ku saabsan, jiritaankiinu si la hubo ayuu u micno beelayaa. Is ka aamusku siyaasadda ka mid ma aha. Muuse iyo dadka la talada ahi waxa ay moodayaan in dabka Laascaanood ka holcaaya, dadka qaxaaya iyo duminta magaaladu ay halkaas ku koobnaanayso. Waa kaas caqligoodu. Beelaha Somaliland waa in ay si gaar-gaar ah u soo saaraan mawqifkooda ku aaddan mashaqadaas. Beesha West Burco Clan ayaa u gu horaynaysa sida wararku I gu soo gaadhayaan. Waxa Qoray:- Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Inta aan u guda galin dulucda qormada aan marka hore dib u jaleecno Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiye, waa xiriir diblomaasi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiye, kaasi oo ah mid taariikhdiisa fog tahay ama fac weyn tahay. Waxaa ku soo xasuusan karnaa dawladii Cusmaaniga oo uu hogaaminaye Cusmaan oo soo gaaray koonfurta dalka Soomaaliya, taasi oo aheyd dowlad islaam ah oo ka dhisneed dalka turkiga magaalo madaxna u aheyd istanbul ayaa dawladaan ayaa soomaaliya ka talineyse ku dhawaad 300 oo sano. Xiriirkii wanaagsanaa ee u dhaxeeyay Turkiga iyo dalka waxa uu daciifay kaddib markii ay burburtay dawladii Cusmaaniyiinta lana aasaasay jamhuuriyaddii Turkiga sannadkii 1923.Turkiga waxa uu markii ugu horreysay xafiis siyaasadeed ka furtay Soomaaliya 1979, waxa uuna shaqeynayay ilaa iyo markii uu qarankii Soomaaliyeed bur-buray sanadkii 1991-kii. Mar kale ayuu xiriirku soo laabtay, waxay aheyd goor dalka dhibaato badani ka jirtay abaar iyo colaad bishi July sannadkii 2011-kii Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in macluuli ka jirto gobolada koonfureed ee Soomaaliya Bakool iyo Shabeelada Hoose. Markii dambe abaartu waxay ku fiday gobolo kale sida Shabeelada Dhexe, Dawladda dalka ka jirtay waxay aheyd ku meel gaar, awoodeeda inay ka jawaabto macaluusha ayaa iska xadidneyd, caasimadda qeybo ka mid ah waxaa ka socday dagaal toos ah, badi gobalada siiba meelaha abaabrtu aadka u saameysay waxaa gacanta ku hayay Alshabab. Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha dalka Turkige oo xilligaas Ra’iisulwasaare ahaa ayaa ku dhiiraday inuu ka soo dego Muqdisho oo loo arkayay meel halis ah, waxa uu xeradooda ugu tagay dhibbenayaashii abaarta. Waxa uu ahaa ficil dareenkiisa leh, imaantinkiisu waxay furitaan u aheyd xiriirka labada dal, dhinaca kale waxay kalsooni siisay dawladihii ka didsanaa Soomaaliya, waxaana durba bilowday in Dawlado waaweyn oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Britain iyo China ay bilaabaan inay xiriir diblomaasi la yeeshaan Soomaaliya. Sidaa darteed dawladda Turkiye waxay geed-qaaday kayntii cabsida ee ku dadneyd dalka, iyadoo Quwadaha dunida kama qarsooneyn dhibaataas, hase ahaatee kuma aysan soo deg degin wax ka qabashada dhibaatadaasi, balse mar qura waxaa lagu baraarugay dawladda Turkiga oo hawlo samafal ah ka bilowday dalka. Haddaba markii uu ka dhacay dhulgariirkii aadka u daraa Dalkaasi Turkiye ayay dunidu u gurmatay, gacan ka geysashada dhibaatadaasi ka dhacday Dalka gaar ahaan Gobolada Dalkaasi qaarkood, sidaasi awgeed Soomaaliya Masuuliyiinteeda ee uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Shacbiga iyo Madaxda Dalkaasi u diray dhambaallo tacsi ah, iyagoo u muujiyay sida ay uga xun yihiin waxa ka dhacay halkaasi, “waana la qeybsaneynaa murugada” ayay ku yiraahdeen Dhambaaladooda, waxaana dhawaan la bilaabay dhaqaale ururin la doonayo in lagula garab istaago Walaaaha Turkiye ee waxyeeladu ka soo gaartay dhulgariirka. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa daah-furay ololaha taakulaynta iyo gurmadka dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Tukiga, kuwaas oo ay dhibaato baaxad wayni ka soo gaartay dhulgariirkii dhawaan dalkaas ku dhuftay. Waxaa kulan qaaraan loogu ururinayo shacabka iyo walaalaha ee Turkiye uuna soo qabanqaabiyey Gudddiga heer qaran ee Ra’iisul Wasaare Xamse u magacaabay gurmadka Turkiga, ayna ka soo qaybgaleen Wasiiro, ganacsato, culimaa’udiin, madaxda dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaarha XFS ayaa madashaas uga yaboohay lacag dhan 1 Milyan oo Dollar oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu deeqayso walaalaha Turkiga, wuxuuna sidoo kale ku guubaabiyey shacabka Soomaaliyeed in ay kaalin firfircoon ka qaatan dadaallada loogu gurmanayo dadka reer Turkiye ee dhibaatadu ku habsatay, isagoo Soomaalida xasuusiyey abaalka ay ku leeyihiin shacabka iyo dowladda Turkiye, sidaas darteedna loo baahan yahay in shacabka, ganacsatada, culimada diinta, duubabka dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu ay ka qayb qaatan hawlaha gurmadka deg-degga ah. Waxaa kale oo uu soo jeediyey madaxda dowlad gobaleedyada inay abaabulaan kulamo looga qaybqaadanayo gurmadka walaalaha Turkiga ee dhibaateysan. Masuuliyiinta kale ee ka hadlay dhibaatada ku dhacday dalka Turkiga waxaa ka mid ah Wasiir Waxbarashada XFS Mudane Faarax Sheekh Abdulqaadir oo ka hadlaayay kaalinta uu dalkaasi ka soo qaatay gurmadka Shacbiga Soomaaliyeed ayaa yiri:- “Dalka Turkiga waxa uu noo galay abaal weyn waxaana shacabka Soomaaliyed looga bahanyahay abaal midkii lamid ah. Guddiga Qaran ee gurmadka dhul-gariirkii dhawaan ku dhuftay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga ayaa shaaciyay Akoonnada ay bulshada Soomaaliyeed uga qeyb qaada karaan gurmadka oo lacagaha ay ku soo diri karaan, kaasi oo ka kooban 11-xubnood ayaa waxaa dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre, waxaana bilowday ololaha dhaqaale uruurinta oo Xukuumadda Soomaaliya ay ku bilowday hal Milyan oo Dollar. Ganacsatada Soomaaliyeed qaar ayaa sidoo kale xalay ku yaboohay ugu yaraan 3 Milyan oo Doollar, waxaana maanta Masaajidda magaalada Muqdisho ka sii socday ololahaan oo lagu wado inuu saacadaha soo socda ka bilowdo magaalooyinka waaweyn ee gobollada dalka. Halka Maamulka Gobolka Banaadirna uu yaboohay $250.000 oo dollar ugu deeqay dhul gariirka Dalka Turkey ka dhacay, waxaa kaloo jira in Shirkadda Dahabshiil Group ay ugu deeqday 2,000,000 TL oo ah lacagta Dalka Turkiye iyo dadka walaalaheen ee ku waxyeeloobay dhulgariirkii ka dhacay türkiye oo u dhiganta 106,005.20 United States Dollar, sidoo kale ayay Jaamcadda ZamZam ugu deeqday Dalkaasi lacag dhan 50 kun oo dollar. Safiirka Dowladda Turkiye u fadhiya Soomaaliya ayaa u mahad celiyay Dowladda iyo Shacbiga Soomaaliyeed, wuxuuna yiri “Waxaan u mahadcelineynaa intii ka qeybqaadatay taakuleyta , isla markaana ka tacsiyadeyneysay dadkii ku dhintay dhul-gariirkii ka dhacay dalka Turkiga, isla markaana si wanaagsan uga qeyb qaadatay gurmadka dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirka”. Safaaradda waxay uga mahadcelinaysaa is garab istaagga iyo taageerada Soomaaliya ay u fidisay dhibanayaashii dhulgariirkii ka dhacay Turkiga, oo uu hindisay H.E. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo H.E. Xamza Cabdi Barre Raiisulwasaaradaha Xukuumadda. Dowladda Soomaaliya waxay Dowladda Turkiye ugu yaboohi doontaa lacag gaaraysa ku dhawaad 5 Milyan oo doolar, taasi oo ah wajiga 1-aad ee taakuleynta Walaalaha waxyeeladu ka soo gaartay dhulgariirkii ku dhiftay qaarka mid ah Gobolada dalkaasi. Waxaa mar kale bilaaban doono wajiga labaad ee lacag ururinta, kaasi oo ay ka qeybqaadan doonaan dhammaan Shacbiga Soomaaliyeed ee ku kala nool dalka dibaddiisa iyo gudahiisaba, taasi oo la filaayo inay ka badnaato lacagta hadda la qoondeeyay. The post Soomaaliya iyo Turkiga: 12 sano kadib xaalku waa sidee? appeared first on Caasimada Online.
  10. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dolwad-goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa sii xoojiyey iskaashiga dhinaca amniga, xili uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Nabadoonada iyo odayaasha labada maamul ee Puntland iyo Galmudug ayaa kulan isugu yimid, kaasi oo uu shir-guddoomiyey Faysal Sheekh Cali oo ah guddoomiyaha gobolka Mudug. Kulankan ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ahaa taliyayaasha qaybaha booliska gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug, waxgarad, saraakiil iyo masuuliyiin kale. Waxaa looga hadlay kulankan oo muddo saacada socday xoojinta nabada, ka hortaga xirmaysiga dhulka ka caagan deegaamaynta iyo sidii loo sii amba-qaadi lahaa wada-hadaladii horay u socday ee labada dhinac. Shirkaan ayaa waxaa kasoo baxay bayaan ka kooban afar qoddob, kuwaasi oo kala ah; 1. In la isu celiyo hantida ku kala maqan labada dhinac sida Xoolaha iyo Dhulalka loona balamo wakhti cayiman. 2. In la fududeeyo lana dadajiyo bixinta magahii horay loogu heshiiyey loona balamo wakhti rasmiya. 3. In ay mamnuuc tahay xirmaysiga dhul daaqsimeedka ay ka caagan tahay deegaamaynta. 4. In wacyi-galin bulsho loo sameeyo bulshada iyo xoola dhaqatada deegaanada bariga magaalada Gaalkacyo si loo xoojiyo nabada iyo wada-jirka bulshada. Ugu dambeyntiina waxay dhinacyadu isla qaateen in kulamo kale la isugu yimaado si go’aano iyo heshiis looga gaaro xukunka la marsiinayo dhulka ka caagan deegaameynta. The post Puntland iyo Galmudug oo gaaray iskaashi cusub oo ka kooban afar qdob (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
  11. Washington (Caasimada Online) – Maamulka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa kama dambeys caddeeyey in dalka Ruushku uu galay “dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada” intii lagu jiray duullaanka sanadka socday ee uu Ukraine ku qaaday, sida ay Sabtidii sheegtay madaxweyne kuxigeenka dalka Kamala Harris. Iyada oo ka hadlaysa Shirka Amniga ee Munich ayaa Harris oo horay u soo noqotay dacwad ooge ay tiri “xaaladaha falalka Ruushka ee Ukraine waxaan eegnay caddeymaha, waxaan ogaanay halbeegyada sharciga ah oo aan shaki ku jirin, in ay jiraan dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada.” Harris ayaa intaas raacisay “Waxaanan u sheegayaa dhammaan kuwa dambiyadan geystay iyo madaxdooda oo ku daawanaya, in lala xisaabtami doono.” Go’aankan rasmiga ah, kaas oo yimid ka dib eegis xagga sharciga ah oo ay sameysay Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanku, ayaanan wax raad degdeg ah ku keenin doonin dagaalka hadda socda. Hase yeeshee, Washington ayaa rajeynaysa in arrintan ay kaalin ka geysan karto sii go’doominta madaxweyne Vladimir Putin, isla markaana ay mideyn doonto dadaalada lagula xisaabtamayo xukuumaddiisa, marka ay noqoto maxkamadaha caalamiga ah iyo dhinaca cunaqabateynada. Hadalka Kamala Harris ayaa yimid xilli ay hogaamiyeyaasha dalalka reer Galbeedku ay ku kulmayaan magaalada Munich ee dalka Jarmalka si ay u qiimeeyaan xasaraddii ugu xumeyd ee Yurub ka dhacda ilaa Dagaalkii Labaad ee Adduunka. The post Maamulka JOE BIDEN oo qaaday tallaaaba uga sii dareysa xiisadda Ruushka appeared first on Caasimada Online.
  12. Washington (Caasimada Online) – Maamulka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa kama dambeys caddeeyey in dalka Ruushku uu galay “dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada” intii lagu jiray duullaanka sanadka socday ee uu Ukraine ku qaaday, sida ay Sabtidii sheegtay madaxweyne kuxigeenka dalka Kamala Harris. Iyada oo ka hadlaysa Shirka Amniga ee Munich ayaa Harris oo horay u soo noqotay dacwad ooge ay tiri “xaaladaha falalka Ruushka ee Ukraine waxaan eegnay caddeymaha, waxaan ogaanay halbeegyada sharciga ah oo aan shaki ku jirin, in ay jiraan dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada.” Harris ayaa intaas raacisay “Waxaanan u sheegayaa dhammaan kuwa dambiyadan geystay iyo madaxdooda oo ku daawanaya, in lala xisaabtami doono.” Go’aankan rasmiga ah, kaas oo yimid ka dib eegis xagga sharciga ah oo ay sameysay Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanku, ayaanan wax raad degdeg ah ku keenin doonin dagaalka hadda socda. Hase yeeshee, Washington ayaa rajeynaysa in arrintan ay kaalin ka geysan karto sii go’doominta madaxweyne Vladimir Putin, isla markaana ay mideyn doonto dadaalada lagula xisaabtamayo xukuumaddiisa, marka ay noqoto maxkamadaha caalamiga ah iyo dhinaca cunaqabateynada. Hadalka Kamala Harris ayaa yimid xilli ay hogaamiyeyaasha dalalka reer Galbeedku ay ku kulmayaan magaalada Munich ee dalka Jarmalka si ay u qiimeeyaan xasaraddii ugu xumeyd ee Yurub ka dhacda ilaa Dagaalkii Labaad ee Adduunka. The post Maamulka JOE BIDEN oo qaaday tallaaaba uga sii dareysa xiisadda Ruushka appeared first on Caasimada Online.
  13. Somalia, a country that has been ravaged by conflict and political instability for more than three decades, has recently announced plans to issue new banknotes to tackle the problem of inflation and stabilize the economy Source: Hiiraan Online
  14. LasAnod (Caasimada Online) – More than 60,000 Somalis, mostly women and children have fled their homes in the past few weeks to escape the clashes and insecurity in the city of LasAnod in the Sool region. Over half of them arrived earlier this week, exhausted and traumatized, with only what they could carry. Many of these refugees have lost loved ones during the clashes or have been separated during their flight. The refugees have temporarily settled across more than 13 locations in the towns of Bookh, Galhamur, and Danot Woredasiin in the Doolo zone in Ethiopia’s Somali region. The area is extremely remote, with limited humanitarian presence. Local communities in Doolo have generously welcomed the refugees, sharing whatever resources they have. But these are quickly depleting, as an average of 1,000 people cross into Ethiopia daily. Refugees in dire need The refugees are hosted in some of the areas worst hit by the drought and the impact of climate change following five consecutive failed rainy seasons, where resources are already overstretched. With limited options, many newly arrived refugee families have resorted to sheltering in schools and other public buildings, while others have no choice but to sleep outside. Many urgently need food and nutritional support, water and sanitation facilities, and specialized support for people with specific needs. UNHCR, the UN Refugee Agency, is responding to this sudden influx and working with the Ethiopian Government’s Refugees and Returnees Services (RRS) and regional authorities, together with UN and NGO partners, to set up temporary reception centers and provide immediate life-saving aid. Relief items, including blankets, jerry cans, buckets, kitchen sets, plastic sheets, and mosquito nets, have already been distributed to over 1,000 vulnerable families. UNHCR aims to reach another 9,000 families in the coming days. Upon arrival, the refugees are medically screened and initially registered before relocation to surrounding communities or designated sites. Formal registration will be conducted at a later stage which will provide more accurate population figures. Internally displaced people Inside Somalia, more than 185,000 people have been displaced from LasAnod town and its surrounding areas since early February. Displaced families have settled in 66 sites within Somaliland, while others have crossed into the Puntland region in northern Somalia and other villages bordering Ethiopia. Through partners, UNHCR will distribute relief items to 3,000 families in targeted locations as an initial response to these internally displaced people. Cash assistance is being mobilized to reach 42,000 people for a period of three months once the security situation allows access to the area. UNHCR is calling for all parties to respect the safety of civilians and for additional funding support to meet the needs of these newly displaced people. You can also help by donating to UNHCR or any other organizations providing aid to refugees in Ethiopia and Somalia. The post More than 60,000 Somalis flee to Ethiopia to escape escalating clashes in LasAnod appeared first on Caasimada Online.
  15. Why has no government been able to find a solution for the security of Somalia’s capital? How is it possible that armed forces are still engaged in fighting in the heart of the city? Mogadishu, the capital of Somalia, has been facing serious security challenges for several years. Armed groups like Al-Shabaab have carried out numerous attacks in the city, targeting both civilians and government institutions. Despite efforts by the Somali government and its international partners to address the security situation, challenges remain. One of the main reasons for the insecurity in Mogadishu is the presence of armed groups. While the Somali government and its partners have made progress in pushing back Al-Shabaab, the group remains a significant threat to security in the city. In addition to the threat posed by armed groups, there are also issues with the security forces themselves. Corruption is a significant problem within the security sector, with some officials taking bribes or engaging in other illicit activities. This can undermine the effectiveness of the security forces and make it more difficult to establish control over the city. There are also political factors that contribute to the insecurity in Mogadishu. Addressing the security challenges in Mogadishu will require a comprehensive approach that addresses the root causes of the conflict. This could include addressing poverty and unemployment, promoting political stability and good governance, and reforming the security sector to reduce corruption and improve professionalism. Reforming the Somali security sector is crucial to addressing the ongoing insecurity challenges in the country. Addressing corruption within the security sector will require a comprehensive effort to reform the sector, including improving recruitment and training practices, ensuring that personnel is paid fairly and on time, and establishing accountability mechanisms to investigate and punish corrupt officials. Another critical area for reform is improving the professionalism of security force commanders. This could involve providing more training and resources to commanders and establishing clear guidelines and standards for their behavior. Ensuring commanders are held accountable for their actions and subject them to disciplinary action if they engage in corrupt or unprofessional behavior also helps promote professionalism and integrity in the security sector. Overall, the success of security sector reform efforts in Somalia will depend on the commitment of the government and its international partners to addressing the underlying issues that contribute to insecurity in the country. Improving the professionalism of security force commanders and the security sector as a whole will be a key component of these efforts and could help to establish greater stability and security in Somalia. Ahmed Abdullahi Kaboole is a political science graduate from Sweden’s Swedish Defence University who specializes in security and crisis analysis. Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members. The post Mogadishu’s insecurity challenges appeared first on Caasimada Online.
  16. One frigid night, north of St. Paul, Kamaludin Ali studied the darkened windows of a suburban strip mall. Source: Hiiraan Online
  17. London (HOL) - Yaqub Ahmed, a Somali national convicted of a gang rape in the UK, will be deported to Somalia 16 years after his arrest. A highly controversial attempt to remove him from the UK in 2018 was halted by a group of passengers on board his deportation flight. Source: Hiiraan Online
  18. President Guelleh’s silence on the Laascaanood conflict tarnishes Djibouti’s image and diminishes its role in ATMIS. Mogadishu (Editorial) — Djibouti, a troop-contributing country whose forces are a part of ATMIS in Somalia, is indirectly involved in the Laascaanood conflict on the side of the secessionist administration, Somaliland. Djibouti, both under its founding President Hassan Gouled Aptidon and under the current septuagenarian President Ismail Omar Guelleh organised several reconciliation conferences for Somalia (in 1991, 1993, 2000 and 2008). This benevolent record is at risk of being tarnished by President Guelleh, who supports Somaliland Administration stealthily due to marital ties and a political alliance. Last year, President Muse Bihi Abdi of Somaliland administration gave Guelleh’s daughter’s hand in marriage to Brigadier General Sadaq Omar Hassan of the Somali Police Force in the presence of President Hassan Sheikh Mohamud. Guelleh cannot look the other way when the Defence Minister of Somaliland Abdiqani Mohamud Ateye, who happens to belong to the same clan as Guelleh – Issa – regularly tweets about the Laascaanood conflict to mislead the world opinion. In the power-sharing system in place Somalia Issa, along with Isaq clan, belong to the Dir, and make up one of the four major clans under the 4.5 system. BBC Somali Service covered the story on the livestock Puntland sent to the Djibouti Army almost 15 years ago. Djibouti is partial to Somaliland Administration in the Laascaanood conflict. It is a destabilising factor that subtly fuels a secession war in Somalia. A country whose troops are peace-keeping forces in Somalia and that boasts about sharing with Somalia a culture and language should have been alive to the risks of diplomatic indifference due to an unjust war being waged against the sovereignty of Somalia. Both Djibouti and IGAD have an obligation to play a role in preventing a civil war, one based on inter-clan hostilities or misguided claim of sovereignty as in the case of Somaliland administration. Puntland State of Somalia federally represents Laascaanood, but chose not to escalate the conflict. Last week, it issued a statement to the effect that “Puntland State is not involved in the Laascaanood conflict”. Puntland supports the 6/2/2023 Laascaanood Declaration and commits itself to a policy that supports autonomy in territories now known as disputed territories in Northern Somalia. In 2008 Puntland State sent livestock to the Djibouti Army, then at loggerheads with the Eritrean Army over border dispute. Puntland was the only Somalia autonomous administration that showed solidarity with Djibouti whose leader now supports Somaliland secession war against Laascaanood. Guelleh is oblivious to the existential threats his Issa clansmen and clanswomen face in Ethiopia where organised, non-Somali militias regularly attack Issa-inhabited districts and villages. President Ismail Omar Guelleh’s silence over the Laascaanood conflict damages Djibouti’s role in ATMIS. In this case, silence is not golden. © Puntland Post, 2023 The post Djibouti Turns Its Back on Puntland and Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  19. ADDIS ABABA — Heavily indebted African countries are getting a raw deal from the international financial system which charges them “extortionate” interest rates, the U.N. Secretary-General Antonio Guterres said on Saturday. Source: Hiiraan Online
  20. Mogadishu (HOL) - On Saturday, Mr. Abdullahi Omar Abshir, the Second Deputy Speaker of Somalia's Lower House of Parliament, presided over a session in which several bills were read, and the draft law on immigration was approved. Lawmakers also voted to donate part of their salaries to earthquake victims in Turkey. Source: Hiiraan Online
  21. Nairobi (Caasimada Online) – Shirweyne laba maalmood magalada Nairobi ee dalka Kenya uga socday beesha Xawaadle ayaa lasoo gabagabeeyey, iyadoo laga soo saaray war-saxaafadeed dheer oo ka kooban 16 qodob. Shirkaas waxaa ka qeyb galay siyaasiyiinta beesha, haweenka, dhalinyarada, waxgaradka, Culimada iyo Ganacaatada, wuxuuna ahaa mid beeshu ay aayaheeda uga tashaneysay. Shirka waxaa loogu magac-daray shirka Marxuum Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo ka mid ahaa dadkii muhiimka ahaa eek u dhintay dagaaladii beesha Xawaadle ay la gashay kooxda Al-Shabaab. Bayaanka laga soo saaray shirkaan ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan metelaada beesha ee dowladda dhexe oo saluug uu ka jiro, dagaalka Al-Shabaab, dib u heshiisiin ka bilaabaneysa Hiiraan, dagaalka Laascaanood iyo tabasho ay beeshaan ka qabto awood qeybsiga dowlad goboleedka HirShabeelle. War-murtiyeedka kasoo baxay Shirweynaha Beesha Xawaadle waxaa ugu horeyn tacsi loogu diray dhamaan dadkii ku geeriyooday dagaallada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka dhacay gobolka Hiiraan iyo gobollada kale ee dalka. Beeshaan ayaa cadeysay tabasho ay ka qabto hanaanka uu u dhisan yahay maamulka HirShabeelle oo Madaxweyne ku xigeen iyo kuraas kale oo muhiim ah ay ku leedahay, tabashadaan oo mudo dheer ay qabtay beeshu, waxay hadda madaxda dowladda federaalka ka codsatay in la saxo waxa qaldan. Waxaa sidoo kale qodobada war murtiyeedka Beesha Xawaadle ka mid aha in Beesha ay saluugsan tahay matalada iyo xilalka ay ku leedahay dowladda dhexe. Beesha Xawaadle ayaa ku doodeysa in maqaamka ay mudan tahay ay ka hooseeyaan jagooyinka laga siiyey dowladda federaalka, waxayna beeshu ugu baaqday madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Xamse Barre in ay si deg deg ah wax uga qabtaan tabashada beesha. Beesha Xawaadle ayaa sidoo kale ku baaqday in deg deg loo joojiyo dagaalada ka socda magaalada Laascaanood ee u dhaxeeya Somalilad iyo beesha degta gobolka Sool, isla markaama lagu dhameeyo wax walba miiska wadahalka. Qodob ka mid ah war-saxaafadeedkaan wuxuu xusayaa in guddoomiye Cali Jeyte ay beeshu u aqoonsatay halyey ku suntay geesinimo, iyadoo tacsi loogu diray dhamaan dadkii ku shahiiday dagaaladii dhacay oo Nabadoon Cilmi Hagar Guure uu ku jiro. Hoos ka akhriso bayaanka oo dhameystiran: The post Shirkii beesha Xawaadle oo laga soo saaray qodobo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  22. Mogadishu (HOL) - Two units of Somali government security services clashed at the main intersection near Sinai market, an open-air produce market in Mogadishu, on Saturday, resulting in at least two soldiers being seriously wounded and road closures in the area. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay si faah-faahsan uga hadlay sharciyada cusub ee dowladda federaalka, kuwaasi oo qaarkood dhaliyay dood badan. Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in sharciyada cusub ee dowladda federaalka ay sameeynayso ay yihiin kuwo ilaalinaya danaha guud ee dalka, sidaas darteedna ay muhiim u yihiin dowladnimada Soomaaliya. “Sharciyada cusub ee dowladdu sameyneyso waa kuwo ilaalinaya danaha guud ee dalka, qaanuunka dal iyo dibadba waa na ilaalinayaa, qofka Soomaaliga ah naftiisa iyo xoolahiisa buu ilaalinayaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay dooda iyo hadal-haynta ka dhalatay sharciyada cusub ee la horgeeyay baarlamaanka, wuxuuna sheegay in dowladnimada ay ku dhisan tahay sharciyada ayna tahay in midaas fahmaan bulshada, oo ayada lagu dhowrayo xeerarkaasi. “Baryahaan xeerar badan oo ganacsiga, dhaqaalaha iyo amniga quseeya ayaa baarlamaanka qaar ka doodayay qaar marsiiyay oo qaarna weli sugaya. Baarlamaanka un ma ahan xataa qaar banaan ka qeylinaya ayaa jira. Xoriyad ayaa leedahay waxaa xoriyad ku leedahay inta dadka kale xoriyadooda ilaashan tahay, sharciguna taas ayuu jideynaya.” “Maalin walba ninka jooga caqligiisa naguma filna ee waxay dowladdu nagu ilaalin kartaa qawaaniin joogto ah oo ka dambe iyo ka kasii dambeeya u joogo ayay nagu ilaalin karta. Qawaaniinta in hantida qofka Soomaaliga ah lagu qabsado ayay ka ilaalinee.” Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa. “Adduunka waxay dowlad ahaan kula dhaqma hadba inta uu qanuunkaaga la’egyahay. Haddaad qaanuun iyo nidaam laheyn wax ka celinaya malahan sidii la rabo ayaa laga yeelaya.” Ugu dambeyntiina waxa uu ka codsaday dadka Soomaaliyeed in dowladda ay ku garab istaagan sidii ay u yeelan lahaayeen sharciyo ilaalinaya muwaadiniinta iyo sharafta dowladnimada. “Hadduu qaloocday farta ku fiiqa oo meeshaan ayuu ka qaldan yahay dhaha waa la bedela, wax boqolkiiba boqol sax ah wax Ilaahay keenay ayaa ka jira, waa la hormarin karaa, sidaas darteed aan dulqaadano oo ogolaano in dalka qawaaniin yeesho si dowlad u yeesho, dowladiisuna u awood badnaato.” The post Daawo: Madaxweyne Xasan oo ka hadlay sharciyadda cusub ee DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  24. LasAnod (Caasimada Online) – According to residents, the city of LasAnod in northern Somalia has been hit by a deadly artillery shelling that killed at least ten civilians and injured several others on Saturday. The shelling also caused significant damage to buildings in the area. LasAnod has been witnessing heavy fighting between Somaliland forces and residents who reject their presence in the city for the past two weeks. Somaliland forces stationed on the outskirts of the town have been accused of being responsible for the recent attack. Targeting of SSC elders’ residence According to residents, the Somaliland forces targeted the residence of SSC (Sool, Sanaag, and Cayn) elders in the town. However, the elders escaped without any casualties. Aaqil Abdirisaaq Mohamed Hassan (Falalug), the SSC spokesperson, accused Somaliland of bombing the town with mortars daily with the intention of massacring the people. He reiterated that peace talks between SSC and Somaliland are only possible if Somaliland forces leave LasAnod town. He also denied the arrival of any delegations from Hargeisa, Somaliland’s administrative capital. Displaced population The United Nations’ emergency response agency reported that over 185,000 people had been displaced from their homes due to clashes in a disputed border town in Somaliland. Women and children make up an estimated 89% of the displaced population, with many seeking shelter under trees or inside schools that have been forced to shut down due to the violence. Additionally, more than 60,000 people have fled to Ethiopia’s Somali region to escape the violence, with an average of 1,000 people crossing into Ethiopia daily. The conflict in LasAnod Somaliland has long been regarded as a model of stability in a chaotic region, having declared its independence from Somalia in 1991. Despite being recognized internationally, recent months have seen a surge in political unrest, culminating in deadly violence between government forces and pro-Somalia militias in the contested town of LasAnod. Rooted in the region’s struggle for statehood and recognition, Somaliland claimed independence from Somalia in 1991 but has never been recognized internationally. The region’s relative stability and economic progress have been seen as a beacon of hope in an otherwise chaotic region. However, its quest for statehood has yet to be recognized, leaving it poor and isolated. The latest fighting in Somaliland erupted in the contested town of LasAnod on February 6, with both Somaliland and neighboring Puntland claiming control over the area. The latest violence in LasAnod comes amid growing calls for peace talks to end the conflict in the Sool region. Somalia President Hassan Sheikh Mohamud has been calling for an amicable solution to the current conflict triggered by the assassination of a young politician from LasAnod. The post Ten civilians killed in deadly artillery shelling in LasAnod appeared first on Caasimada Online.