Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kyiv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa booqasho lama filaan ah maanta ku tegay caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv, kahor sanad-guurada koowaad ee billowga duulaanka Ruushka ee dalkaas. Biden oo booqashadan ay u aheyd tii ugu horreysay ee uu ku tego dalkaas tan iyo billowgii dagaalka ayaa la kulmay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky. Isaga oo ka dhinac hadlay madaxweyne Zelensky kuna sugan Madaxtooyada Mariinsky, Biden ayaa dib u xusay cabsidii sanad kahor la qabay ee aheyd in ciidamada duulaanka ee Ruushka ay qabsan doonaan caasimadda Ukraine. “Sanad kadib Kyiv weli waa ay taagan tahay. Sidoo kalena Ukraine waa ay taagan tahay. Dimoqraadiyadda waa ay taagan tahay. Dadka Mareykanka iyo Dunidana waa ay idin dhinac taagan yihiin,” ayuu yiri madaxweyne Biden. Madaxweynaha Mareykanka ayaa wacad ku maray “taageero aan la loodin karin” oo Mareykanka ku difaacayo Ukarine, wuxuuna ku dhowaaqay hub dheeri ah oo dalkaas la gaarsiin doono. “Waxaan ku dhowaaqayaa keenista agab kale oo muhiim ah oo ay ku jiraan rasaasta hubka lidka diyaaradaha, lidka taankiyada iyo agab kale, si shacabka Ukraine looga badbaadiyo duqeynta,” ayuu yiri Biden. Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa soo dhoweeyey booqashada hoggaamiyaha Mareykanka ee Kyiv, oo uu ugu yeeray inay astaan u tahay sii socoshada taageerada Mareykanka sanad kadib duulaankii Ruushka. “Joseph Biden kusoo dhowow Kyiv. Booqashadaada waxay astaan aad muhiim u ah ugu tahay taageerada dhammaan shacabka Ukraine,” ayuu yiri madaxweyne Zelensky. Ujeedada booqashada Biden ee Kyiv, oo timid kahor safar la qorsheeyey inuu ku tago caasimadda Poland ee Warsaw, ayaa ah inuu hoosta ka xariiqo in Mareykanka uu diyaar u yahay inuu garab taagnaado Ukraine “muddada ay doonto ha ku qaadato” in la iska caabiyo ciidamada Ruushka. Waxay imaneysaa xilli codbixino ra’yiga ah oo la qaaday ay muujinayaan in aragtida shacabka ee ku aadan in Mareykanka iyo xulufadiisa ay hub iyo taageero dhaqaale siiyaan Ukraine ay hoos u dhacday. AFP, AP, VOA The post Sawirro: Madaxweyne Biden oo booqasho lama filaan ah ku tegay caasimada Ukraine appeared first on Caasimada Online.
  2. Madasha Siyaasadda Puntland oo ay ku midaysan yihiin hoggaamiyeyaal isbeddel-doon ah ayaa soo dhawaysay baaqii ay shalay soo saareen beesha West Burco Clan (Somaliland) ee la xiriiray colaadda Laascaanood. “Madasha Siyaasadda Puntland waxay soo dhawaynaysaa baaqa ay soo saareen salaadiinta, odayaasha iyo waxgaradka beesha West Burco Clan, waxaana madashu bogaadinaysaa goa’aannada iyo talooyinka ay soo jeediyeen. War murtiyeedka beesha West Burco Clan waxay xaqiiq cad u yihiin in beelaha walaalaha ahi doonayaan inay nabad, xasilooni iyo deris wanaag ay kuwada noolaadaan, sidaa daraadeed madashu waxay tageeraysaa go’aanada iyo talooyinka ay beeshu soo jeedisay inay tahay mida keliya ee bilow u noqon karta joojinta duulaanka Laascaanood isla markaana u horseedi karta nabadgelyo dhamaan SSC” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Madasha. Madasha Siyaasadda Puntland waxay xustay in maamulka waqooyiga ee Somaliland oo uu hoggaamiyo Muuse Biixi ka geystay magaaladda Laascaanood denbi dagaal oo sababay dhimasho, burbur iyo barakac, ayna tahay in lagu maxkamadeeyo denbiyada dagaalka gudaha iyo dibadda dalka. Madasha ayaa ugu baaqday dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada, shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in inay gacan weyn ka geystaan caawinaad mug leh oo looga baahan yahay deegamada SSC. Madashu waxay mar kale soo jeedisay in la raaco lana fuliyo go’aankii Laascaanood ee isimada iyo waxgaradka SSC ay soo saaareen 5 Febaraayo 2023. PUNTLAND POST The post Madasha Siyaasadda Puntland oo dhawaysay go’aankii West Burco Clan appeared first on Puntland Post.
  3. Kuuriyada Waqooyi ayaa laba gantaal oo kuwa ridada gaaban ah ku ridday xeebaha bari ee gacanka Kooriya, sida laga soo xigtay militariga Kuuriyada Koonfureed. Taliska Milatariga ayaa sheegay in ay si adag u cambaareynayaan labada weerar,iyagoo ku tilmaamay fal daandaansi ah. Gantaaladaasi,waxaa laga tuuray magaalo xeebeedka galbeed ee waqooyiga caasimadda Kuuriyada Waqooyi subaxnimadii maanta, sida ay bayaan ku sheegeen madaxda isku dhafka ah ee shaqaalaha Kuuriyada Koonfureed. Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in gantaaladaasi ay yihiin kuwo loogu talagalay in lagu naafeeyo garoomada diyaaradaha ee cadowga. PUNTLAND POST The post Kooriyada Waqooyi oo tijaabisay dhawr Gantaal appeared first on Puntland Post.
  4. Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa kulan la qaatay safiirka dalka Thailand u fadhiya dalka Kenya Sasirit Tantukrat iyo wafti ay hogaaminayso oo Somaliland u yimi sidii uga caawin lahaayeen Ciidanaka badda Somaliland samato-bixinta markab iyo shaqaale ay dawladda Tailand leedahay oo ku xanniban biyaha ay wadagaan Somaliland iyo Jabuuti, iyo sidii ay Somaliland iyo Thailand uga wada-shaqyan lahayeen arrimaha badaha iyo shaqaalaha dalkaasi ee ku sugan biyaha Somaliland. Taliyaha guud ee Ciidanka badda Admiral Axmed Hurre Haariye ayaa soo dhaweeyey waftigan, isla markaana sheegay inay Somaliland diyaar u tahay wada-shaqaynta iyo iskaashiga wadamada dunida ee dhinaca amaanka iyo tageerada badaha gaar ahaana shaqaalaha iyo maraakiibta waddankaasi uu ku sugan biyaha gacanka Cadmeed. Source
  5. Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo kuwa dadka deegaanka ay maanta howlgal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka sameeyeen koonfurta gobolkaasi. Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa inta u dhexeysa deegaannada Xinlabi iyo Baraag-Ciise ee Mudug. Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in nolosha lagu soo qabtay illaa 5 xubnood oo Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka maaliyadda iyo tababarada. Xubnaha lasoo qabtay ayaa la socday gaari nooca raaxada ah oo marayay halkaasi, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya. “Gaari Laylo Calaawi ah iyo shan xubnood iyo raashin 50 kiish ah ayaa gacanta lagu dhigay,” ayaa lagu war kasoo baxay dowladda Soomaaliya. Lama shaacin magacyada saraakiisha lagu soo qabtay howlgallka sidoo kalena lama baahin sawirradooda, balse dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maxkamad lasoo taagayo Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo kooxda Al-Shabaab oo ku aadan xubnaha looga qabtay koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana gobolkan si weyn looga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac. Si kastaba, howlgallada ka socda Galmudug ayaa waxaa lagu jabiyay Al-Shabaab, ayada oo looga dilay xubno tiro badan, sidoo kalena looga qabsaday magaalooyin muhiim ah. The post Ciidamada DANAB oo nolosha kusoo qabtay saraakiil ka tirsan AL-SHABAAB appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta qabtay mooshin culus oo ku saabsan xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Mooshinkan ayaa waxaa saxiixay illaa 28 mudane, kuwaas oo dalbaday in ajendaha maanta lagu soo daro kulankooda, kaas oo ay xildhibaanada kale u codeeyeen. Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo qabtay mooshinkan ayaa ka hadlay, waxaana golaha lala wadaagay warbixin guud. “Xildhibaano gaaraya 28 ayaa waxay inoo soo gudbiyeen mooshin ku saabsan in ajendaha lagu daro warbixin ku saabsan magaalada Laascaanood,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe. Aadan Madoobe oo ka hadlayay xaaladda Laascaanood ayaa sidoo kale sheegay inuu la socdo dhibaatada ka jirta gudaha magaaladaasi, isla-markaana uu ka xun yahay. “Meeshaas inuu dhib yaallo ayaan ognahay waana ka xunahay dagaal walaalo dhex maraya ayaa meeshaas ka taagan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyuhu. Intaas kadib xildhibaanada Baarlamanaanka Soomaaliya ayaa ka dooday mooshinkan, waxayna badankood cabmbaareeyeen xukuumadda Somaliland. Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ka hadlay arrintan ayaa shaaca ka qaaday in gumaadka lagu hayo shacabka Laascaanood uu mas’uuliyadeeda qaadayo Muuse Biixi. “Dadkii halkaa ku dhintay ama ku dhaawacmay lambarkooda oo tiro badan waxaa qirtay oo sheegay inuu laayey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi,” ayuu yiri xildhibaan Bidhaan. Sidoo kale Xildhibaan Sadad Maxamed Nuur oo ka hadlay mooshinkan loo gudbiyay Golaha ayaa sheegay in dhibaatada Laascaanood ay keentay dadkii laga soo raafay magaaladaas. Waxa kale oo uu ku baaqay in si deg-deg ah loogu gurmado dadka shacabka ah ee ay dhibaatada kasoo gaartay dagaallada ka socda halkaasi. “Runtii dhibka Laascaanood wuxuu ka soo billowday dadkii laga ay soo raaftay Somaliland, runtii Laascaanood dhibaa ka jira ee haloo gurmado” ayuu yiri xildhibaan Sadad Maxamed Dagaalka ka socda Laascaanood ayaa galay maalintii 15-aad, waxaana ka dhashay khasaare xoogle, waxaana dagaalka barbar socda duqeyn lagu garaacayo magaalada. The post BF Soomaaliya oo la horgeeyay Mooshin culus + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  7. Laascaanood (Caasimada Online) – Dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ayaa maanta markale dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo galay maalintii 15-aad oo xiriir ah. Dagaalkan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay weerar ay ciidanka milariga Somaliland ku qaadeen saldhig ay ciidanka deegaanka ay ku leeyihiin banaanka degmada. Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay haatan isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan. Sidoo kale waxaa dagaalka barbar socota duqeyn xoogan, ayada oo ciidamada Somaliland lagu eedeeyay inay weli madaafiic ku ridayaan Laascaanood taas oo uga sii dareysa xaalka. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalka maanta dib uga bilowday halkaasi Ma cadda khasaaraha uu geystay dagaalka haatan socdo, waxaase lasoo wariyay in madaafiicda qaar ay ku hoobteen xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah. Dagaalka Laascaanood ayaa galay todobaadkii saddexaad oo xiriir ah, wuxuuna sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh oo soo gaaray guud ahaan magaalada. Waxaa sidoo kale ka barakacay magaalada inta badan qoysaskii daganaan, kuwaas oo kor u dhaafaya kumanaan kun, sida ay shaaca ka qaaday Qaramada Midoobay. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xaalada Laascaanood, maadaama ay arrintu faraha ka baxday dhiigna uu ku daatay magaaladaasi. The post Wararkii ugu dambeeyay dagaal dib uga billowday magaalada Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  8. Tuulooyin hoostaga deegaanka Basra xilligaan dadka ku nool waxaa ay wajahaya xaalad adag oo dhanka nolosha ah, taas oo ka dhalatay abaarta ku dhufutay guud guud ahaan dalka, haba ugu darnaadaan gobolada uu maro Wabiga Shabeelle oo dadku inta badan yihiin kuwa xoolo dhaqato iyo isugu jira Beeraleey, kuwaas oo abaartu hoos u dhigtay wax soo saarkooda. Maxamed Abdulqaadir Cismaan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dhowr tuulo oo ku teedsan jiinka Wabiga ay xilligaan dadka degan wajahayaan xaalad adag oo dhanka nolosha ah, isaga oo xusay in aysan heysan wax ay cunaan ama ay cabaan, waxaana uu ugu baaq u diray hey’adaha samafalka iyo dowladda federalka in gurmad lala soo gaaro. “Deegaannnada ugu daran Cali Boonaad, Lafgod, Johorboogo iyo Jilile, Biyo iyo Baad ayaa ugu daran, qaarkood guryaha ayey joogaan oo Beeraha Muslim ayey Hurguri u galaan, oo maalin walba la xiraayaa, waxaana loo xiraayaa nafta darteeda, liinta iyo Mooska ayey iska cunaayaan beeraha islaameed, umad rafaadsan oo Baadiyo ka timid waaye, biyaha ayaa noo daran Haraad ayaa loo dhimanayaa” ayuu yiri Maxamed Abdulqaadir Cismaan oo Goobjoog News la hadlayay. Maxamed oo hadalkiisa sii wato ayaa waxaa uu sheegay in ay jiraan dad kamid ah oo u geeriyooday saameynta ka dhalatay abaarta baahsan ee ku dhufatay deegaannadaan oo ku yaalla jiinka wabiga Shabeelle, isaga oo intaas ku daray in nolosha ay aad ugu liidato, qoysaska ayuu ku tilmaamay in ay ahaayeen xoolo dhaqato ku ceyrtoobay abaarta. “Ilaa iyo hadda inta aan heyno waa 7 ruux, oo dhimatay Haraad dartiis, Jadeeco ilmaha waa ay heysaa oo nafaqo darro ayaa u sii dheer, marka dhibkaas ayaa na haayo, nolol aad u adag ayaan ku jirnaa, annaga adeeg aan helnay majirto, wax aan hysano majirto, laakiin dad oo qoraabadooda wax ka helo waa jiraan” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Maxamed Abdulqaadir Cismaan ayaa gabagabadii waxaa uu baaq u diray dowladda federalka iyo hey’adaha samafalka, isaga oo ugu baaqay in deg deg ah loola soo gaaro gurmadka ay u baahan yihiin” Madaxweynaha sharafta leh waxaan leenahay Oonka iyo rafaadka gaajada noga daran naga soo caawiya” ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa. Deegaanka Basra oo isku xirtalabada gobol ee Shabeelooyinka ahna deegaan dhul beereed ah ayaa waxaa dadka tuulooyinka hoostaga ku nool ay xilligaan ay wajahayaan abaar baahsan taas ka dhalatay dhowr xilli roobaad oo deegaanka aysan ka d’in Roobab ku filan, dadka abaarta wajahaya ayaa kuwa waayay xoolihii ay dhaqan jireen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Cilmi-baadhayaal u dhashay Kenyan ayaa helay kaneeco kasoo duushay Koonfurta Aasiya taas oo u adkaysata dawooyiinka lagu isticmaalo Afrika. Kaneecadan oo markii ugu horreysay laga helay dalka Jabuuti toban sanno ka hor, ayaa waxaa lagu arkay dalalka Itoobiya, Suudaan, Soomaaliya iyo Nigeria. Khubarrada caafimaadka waxa ay ka digayaan inay horseedi karto korodhka kiisaska kaneecada. Sannadkii hore ayay aheyd markii saynisyahanada adduunka ay sheegeen in ay hayaan caddaymo cusub oo muujinaya in nooc ka mid ah kaneecada faafisa cudurka kaneecada oo ka timid qaaradda Aasiya ay ku faafeyso qaaradda Afrika, halkaasi oo ay khatar “gaar ah” ku keeni karayso tobanaan milyan oo qof oo deggan magaalooyinka. Afrika, oo laga diiwaan geliyay in ka badan 95 % dhimashada uu sababay cudurka duumada oo gaadhay 627kun oo qof adduunka oo dhan sannadkii 2020-kii, ayaa kaneecadu waxay inta abdan ku faaftaa deegaananda miyiga fog ku yaalla oo ay ku badan tahay kaneecada Anopheles gambiae. Kaneecada Anopheles Stephensi, oo muddo dheer ahayd mid cudurka duumada ugu weyn ee ku faafiso magaalooyinka waddaamda India iyo Iran, ayaa hadda la leeyahay waxay ku tarmi kartaa meelaha biyaha lagu keydsado ee magaalooyinka, taasi oo la micno ah in ay tarmi karto xilliyada abaaruhu xitaa ay jiraan. Waxa kale oo ay u adkaysi u leedahay sunta cayayaanka lagu buufiyo ee sida caadiga ahi loo isticmaalo. Cilmi-baadhis la sameeyay 2020 ayaa lagu ogaaday in haddii nooca kaneecada ee Anopheles Stephensi ay si weyn ugu faafto Afrika, in in ka badan 126 milyan oo qof oo ku nool 44 magaalo ay halis ugu jiraan cudurka kaneecada. Source
  10. Jowhar (HOL) - The Somali National Army (SNA) killed 26 al-Shabab extremists in a security operation carried out on Monday between the El Ba'ad and Ruunirgood areas in the Middle Shabelle region. Source: Hiiraan Online
  11. (SLT-Pyongyang)-Ciidammada Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka ayaa si wadajir ah u sameeyay dhoolatus millateri, taasi oo jawaab u ahayd gantaal ah nooca riddada dheer ee Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay. Pyongyang ayaa sheegtay in tijaabadani ay digniin u ahayd Washington iyo Seoul. Kuuriyada waqooyi ayaa sidoo kale sheegtay in gantaalkii riddada dheer ee ay tijaabisay Sabtidii uu awood u leeyahay in lagu garaaco dhul weynaha Maraykanka . Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa hore ugu dhawaaqay inay dhoolatus wadajir ah sameyn doonaan bisha soo socota. Source
  12. (SLT-Laascaanood)-Maalintii 15aad oo xidhiidh ah waxaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada qaranka Somaliland iyo maleeshiyaad hubaysan oo nabad-diid ah. Dagaalka ayaa sababay dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur soo gaadhay qaar kamid ah xaafadaha shacabka iyo goobo kale oo Magaalada Laascaanood ah. Baaqyo kala duwan oo la xidhiidha joojinta dagaalka kuwaas oo ka kala yimid madaxda dhaqanka, Culimada, Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka ayaa loo diray dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Laascaanod, iyada oo ayna weli taasi dhaqan gelin. Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay laami yaraha Zoobe ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu xiray gaari nooca raaxada ah oo marayay halkaasi, wuxuuna ku qarxay Isbitaalka Aadan Cadde, sida ay sheegeen goobjoogayaal. Ma cadda shaqsiga wadatay gaariga lala bartilmaameedsaday qaraxa, balse waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo muddo kooban xiray waddadaasi. Ugu yaraan hal qof aya ku dhaawacmay qaraxan, waxaana sidoo kale jira burbur soo gaaray baabuurka lagu xiran miinada, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi geystay khasaaraha dhaawaca iyo buburka. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa waddada laami yaraha Zoobe oo ay ku yaallaan xarumo hay’adeed, isbitaallo & jaamacado. Qaraxaan ayaa qayb ka noqonayo qaraxyo kale oo horay uga dhacay Zoobe, kuwaas oo illaa iyo hadda sameyntooda laga dareemo waddadaas, maadaama ay dad badan ku dhinteen, kuwa kalen ay ku dhaawacmeen, dhismayaal badana ay ku burbureen hakaasi. Weerarkan cusub ayaa sidoo kale qayb ka noqonayo falalka ammaan dari ee haatan ka dhacaya gudaha caasimada, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay aad u kordhay. Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa haatan culeys xoogleh soo saartay caasimada, markii lagu jabiyay inta badan dagaallada culus ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Faah-faahin ku saabsan QARAX ka dhacay Zoobe appeared first on Caasimada Online.
  14. Mogadishu (HOL) - In order to maintain security and prevent potential attacks by Al Shabaab, federal Somali and Galmudug forces have implemented a curfew in the Harardhere district of Mudug. At a recent meeting of security officials, it was decided that all traffic and social activities will be suspended from 6 pm until dawn. Additionally, all troops, except for officers on active duty, are required to remain in their barracks during the curfew. Source: Hiiraan Online
  15. Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ah ku leh xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada caasimadda ah Muqdisho, kulanka ayaa waxaa looga hadli doonaa dhowr ajende oo golaha horey uga soo gaaray wasaarado dhowr ah oo ka tirsan xukuumadda Dan-qaran. Xildhibaanka Cusub ee Xasan Hurre Ugaas , kaas oo dhawaan ku guuleystay kursiga HOP#203 oo doorashadiisa ka dhacday Magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa in maanta loo dhaariyo kursiga waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ka hor inta aan loo idman xilka. Ajendaaasha kale ee golaha maanta looga hadli doono ayaa kala ah; Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Ladagaalanka Argagixisada Qeybinta Warbixinada Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedyada kala ah A) Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha B) Socdaalka Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa shaqadoodu waxaa ay ku socotaa si derdar leh, iyaga oo Sabtidii todobaadkaan ansixiyay Hindise sharciyeedyada kala ah: Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Hindise sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee Kheyraadka dhulka hoostiisa. Source: goobjoog.com
  16. Mogadishu (HOL) - Record-high numbers of people are in need of humanitarian aid across the world, according to a press release from the United Nations. As a result, the UN Secretary-General, António Guterres, has announced the largest-ever allocation of US$250 million from the Central Emergency Response Fund (CERF) to help the most vulnerable people in some of the most forgotten crises and to stave off famine. Source: Hiiraan Online
  17. Ciidamada Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka ayaa si wadajir ah u sameeyay dhoolatus milateri ,taasi oo jawaab u ahayd gantaal ah nooca riddada dheer ee Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay, kaas oo lagu tiday Badda Japan, waxaana ka dhalatay eedeyn ay jeediyeen Washington Seoul. Pyongyang ayaa sheegtay in tijaabadani ay digniin u ahayd daandaansiga waxa ay ku sheegtay in ay wadaan dowladaha Mareykanka iyo Koonfurta Kuuriya, tijaabadaan ayaa kusoo aadaysa xilli dhowaan Waqooyigu ay tijaabiyeen gantaal ah nuuca ridda dheer qaaradaha isaga gudba, Kuuriyada waqooyi ayaa sidoo kale sheegtay in gantaalkii riddada dheer ee ay tijaabisay Sabtidii uu awood u leeyahay in lagu garaaco dhul weynaha Maraykanka, taas oo keentay in dowladda Mareykanka ay ka gaabsatay in tilaabo Milatari ay ka qaado, taas oo keeni karta adeegsiga hubabka qatarta ah. Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa horay ugu dhawaaqay inay dhoolatus wadajir ah sameyn doonaan bisha soo socota, waxaana arrintaa Pyongyang ay ku tilmaamtay daandaansi, Mareykanka iyo xulafadiisa reer Galbeedka ayaa wada wali cunaqabateynta ay ku hayaan xukuumadda uu huggaamiyo nin mayalka adag. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo ka qayb-galay dood lagu qabtay Twitter Space ayaa eedeyn culus u jeediyay Somaliland, wuxuuna sheegay in ay si buuxdo u taageerto Al-Shabaab, isla-markaana ay gacan siiso. Maxamuud Caydiid ayaa sheegay in hoggaamiyaha guud ee kooxda Al-Shabaab uu haatan xanuunsanayo, islamarkaana lagu daaweynayo magaalada Hargeysa sidoo kalena carruurta Al-Shabaab & qoysaskooda ay dagan yihiin gudaha magaaladaas, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in sirdoonka Somaliland ay koonfurta usoo gudbiyeen Aadan Suni oo uu carabka ku dhuftay in la rabo in lagu beddalo hoggaamiyaha xanuunsan ee Al-Shabaab Axmed Diiriye Cumar (Abuu Cubeyda) oo isna horay u beddalay Axmed Godane. “Hadda u dambeysee Aadan Suni Hargeysa ayey ka soo kaxeeyeen sirdoonkoodu illaa ay geeyeen Jilib, waxayna u wadaan in hoggaamiyaha Al-Shabaab uu bedallo, ninka hadda xanuunsanayo ee Hargeysa jiifo” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Puntland. Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray “Al-Shabaab la sheegayaa waa xukuumadihii Somaliland ee kala dambeeyay weeye sidiisaba ee Soomaaliya ka jira”. Caydiid oo sii hadlaya ayaa ku baaqay in lala dagaalamo xukuumadda Somaliland, isla-markaana go’doon lagu galiyo Hargeysa, isagoo sheegay la waayi doono Al-Shabaab. “Haddii xukuumaddan lasoo afjaro oo lagu soo oodo inta ay Isaaq dagan yahay waxaan kuu caddeynayaa in Al-Shabaab la waayi doono” Dhanka kale waxa uu hoosta ka xariiqay in Al-Shabaab ay 82 akoon uga furan tahay Somaliland, gaar ahaan Hargeysa, isla-markaana ay ugu soo dhacaan lacagaha ugu badan. “Akoonada marka la baarayay ee Al-Shabaab wax loo mariyo waxaa la helay 82 akoon oo Hargeysa ka furan oo ah kuwa ugu badan ee ay lacagta u marto,” ayuu markale yiri. Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka Somaliland, balse eedeyntan ayaa ku soo aadeyso, ayada oo horey xukuumadda Hargeysa ay u sheegtay Puntland iyo Al-Shabaab ay ka dagaalamayaan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. The post Puntland oo sheegtay in hogaamiyaha Shabaab uu arrin caafimaad u joogo Hargeysa appeared first on Caasimada Online.
  19. Xukuumadda Madaxweyne Siciid Deni ayaa sida la xaqiijinayo gebi ahaanba ku fashilantay bixin mushaarka iyo xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamada dowladda. Xogo lagu kalsoon yahay ayaa caddaynaya in dhaqaalihii khasnadda dowladda loo isticmaalay barnaamijka diiwaan-gelinta hubaysan ee doorashooyinka lagu muransan yahay. Shaqaalaha iyo ciidamada qaarkood oo nala soo xiriiray ayaa xaqiijiyay in aysan mudda dheer qaadan wax mushahar iyo xuquuq ah islamarkaana qofkii cabasho gudbiya shaqada laga cayrinayo. Waxaa xusid mudan in Madaxweyne Deni uu xukuumaddii ka horraysay ee Cabdiweli Gaas ku dhaliili jiray in aysan si joogta ah u bixin xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamada. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Siciid Deni oo ku fashilantay bixin xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamada appeared first on Puntland Post.
  20. When you speak about Somalia, what comes to mind is the Somali conflict affecting the Al-Shabaab that has terrorized the country and the region. However, Somalia is not just about war and the Al-Shabaab. Somalia is a treasure trove of culture and traditional beliefs. Our reporter Jjingo Francis was recently in Mogadishu to see the other side of Somalia. Source: Hiiraan Online