Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dagaalka gumaadka ah ee uu maamulka Somaliland ka wado magaalada Laascaanood waxa uu u dhaxeeyaa: Dadka deegaanka oo ka gadooday Dilal qorshaysan, xarig iyo tacadiyo kale-gedisan iyo maamulka Somaliland oo doonaya in ay qori caaraddiis ugu khasbaan mashruucooda gooni-goosadka ah, una hor istaagaan rabitaanka shacabka oo ah in ay qayb ka noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Gumaadka ay ciidamada maamulka Somaliland ka wadaan magaalada Laascaano iyo deegaanada hoos yimaada waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac, qax iyo burbur hantiyeed intaba. Sida la xaqiijiyey waxaa ku dhintay Dad ka badan 200 oo qof, waxaa ku dhaawacmay in kabadann 500 oo qof, waxaa dalka guduhiisa ku barakacay in ka badan 185,000 oo qof iyo 80,000 oo qaxooti ku noqday Dalka Ethopia. Guddiga gurmadka arrimaha Bini’aadantinimo ee Gobolka Sool waxa uu ku baaqayaa:- 1. In hay’adaha samafalka iyo kuwa caalamiga ahba ay gacan bini’aadantinimo ka gaystaan sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ka barakacay magaalad Laascaanood iyo Deegaanada hoos yimaada. 2. In aan la carqaladayn, lana siyaasadayn dadaalka bini’aadannimo ee socda oo aan wax shuruud iyo xannibaad ah midna lagu xirin dhaqdhaqaaqa gargaarka. 3. In dadka Reer Puntland ay labo-jibaaraan gurmadka iyo taakulaynta arrimaha bini’aadantinimada ee socda, loona fududeeyo adeegyada arrimaha bulshada, si gaara ardayda soo barakacay waa in iskuulada loo ogolaada bilaa shuruud. 4. In qiimayn dhab ah lagu sameeyo waxyeelada iyo baaxadda khasaaraha dagaalka ka dhashay, loona diro Hay’ado iyo guddiyo madax bannaan oo caalami ah (independent fact-finding mission) oo xaqiiqo raadin ah. 5. Waxaan maamulka Somaliland ugu baaqaynaa in ay joojiyaan weerarka yo gumaadka ay ku hayaan dadka shacabka ah, ciimadoodana kala baxaan guud ahaan Gobolka Sool, si gurmadka bini’aadantinimo loo gaarsiiyo dadka deegaanka. 6. Marnaba qori caaraddiis iyo jajuub laguma joojin karo kacdoon iyo rabitaan bulsho, dadka deegaankaasina waxay xaq u leeyihiin in iyaga oo xor ah oo nabad ah ay go’aan masiiri ah ka gaaraan aayahooda iyo rabitaankooda bulsho. DHAMMAAD The post War-saxaafadeed: Puntland oo ka hadashay dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa markii u horeysay si adag uga hadashay sharciga hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA, kaasi oo dhawaan uu ansixiyay baarlamaanka, ayada oo ka dalbatay madaxweynaha in uu dib u celiyo sharcigaas. Human Rights Watch ayaa sheegtay in sharciga NISA uu awood badan siinayo hay’adda, sidaas darteed waxay ugu baaqday dowladda federaalka inay xaddido awooddaha hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA. Agaasime ku-xigeenka Afrika ee hay’adda Human Rights Watch, Laetitia Bader ayaa waxa uu tilmaamay in sharciga NISA ee la meel-mariyay uu siinayo awoodaha caburinta, xariga iyo daba-galka, sida uu sheegay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxay ka dalbatay in sharcigaas uu dib ugu celiyo baarlamaanka, oo isagu markii hore soo ansixiyay, si dib u eegis loogu sameeyo, maadam ay ku jiraan waxyaabo ka hor-imaanaya xuquuqul insaanka. “Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waa in uu sharcigan dib ugu soo celiyaa baarlamaanka oo uu ku baaqaa in si adag loo eego si wax looga qabto arrimaha xuquuqul insaanka ka hor imaanaya,” ayay tiri Laetitia Bader. Human Rights Watch ayaa sheegtay in sharciga NISA ee hay’adda ka dhigaya mid 53 sano kadib sharci rasmi yeelatay, loo isticmaalo karo caburinta mucaaradka siyaasadeed iyo warbaahinta. “Saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah waa inay soo gudbiyaan wel-welka ku saabsan sharcigan. Waa inay ku cadaadiyaan dowladda inay dib u habeyn ku sameyso sharciga si loo hubiyo inuu ixtiraamayo xuquuqda dadka, halkii uu fududeyn lahaa xad-gudubyada,” ayaa lagu yiri warbixinta Human Rights Watch. Human Rights Watch ayaa haatanba ku eedeysay hay’adda NISA inay si bareer ah u xirtay dadka ay u arkaan in ay ka soo horjeedaan iyo weriyeyaasha, kaasi oo ay sheegtay inuu ugu dambeeyay u doodaha xuquuqda saxaafadda Cabdalle Axmed Muumin. Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Somali Journalists Syndicate (SJS) Cabdalla Axmed Muumin ayaa maalintii Khamiista waxaa mar kale xiray ciidamada dowladda Soomaaliya. Qareenkiisa Cabdiraxman Xassan, oo goobjoog ahaa xilliga la xirayay Cabdalla Muumin, ayaa sheegay in markii hore ay u yimaadeen gaashaanle ka tirsan booliska Soomaaliya iyo nin dhar cad oo u sheegay Cabdalla Muumin inuu xiranyahay, xilligaasi oo uu ku sugnaa Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho. The post Hay’ad caalami ah oo Xasan Sheekh u gudbisay dalab ka dhan ah sharciga NISA appeared first on Caasimada Online.
  3. A shortage of Black-led and Black-serving social infrastructure spaces in north Etobicoke Scarborough where Somalis predominantly live has led to the creation of the Somali Centre for Culture and Recreation. Now all the group needs is a permanent location to serve the community. TVO's diversity reporter Vicky Mochama discusses the progress on that goal. Source: Hiiraan Online
  4. A shortage of Black-led and Black-serving social infrastructure spaces in north Etobicoke Scarborough where Somalis predominantly live has led to the creation of the Somali Centre for Culture and Recreation. Now all the group needs is a permanent location to serve the community. TVO's diversity reporter Vicky Mochama discusses the progress on that goal. Source: Hiiraan Online
  5. Last September, Mohamed Hassan, received 50 tickets to take youth from his non-profit organization to a Toronto Maple Leafs pre-season game. Source: Hiiraan Online
  6. "The most places where you find shelter is at the bus stops, train stations, near public buildings," he explained. Source: Hiiraan Online
  7. GREENVILLE, S.C. – Greenville Triumph SC announced on Friday the club had signed defender Hassan Gabo ahead of the 2023 USL League One season. The transaction is pending league and federation approval. Source: Hiiraan Online
  8. The remarkable rise of Wahda United, a semi-professional side built out of a burgeoning refugee population in the state of Maine Source: Hiiraan Online
  9. When Hodan Hashi saw a need in the community, she would give. That’s how her two eldest sisters remember her. Source: Hiiraan Online
  10. Dagaalka Laascaanood ayaa maanta ka bilaamay Aag cusub oo ah dhinaca Galbeedka magaalada oo dagaalladii hore aanay ka dhicin. Khasaare ayaa jira balse weli si rasmiya looma ogo. Xukuumadda Somaliland ayaa qoraal ka soo saartay dagaalka maanta ka socda Laascaanood. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu yidhi sidan: WAR-SAAFADEED Kooxaha Nabad diidka iyo Argagixisada is huwanaa ayaa saacad ka hor weerar ku soo qaaday Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood, iyagoo isticmaalaya hubka culus noocayadiisa kala duwan. Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland isagoo ilaalinaya xabad joojintii Xukuumaddu ku dhawaaqday, waxay ku sugan yihiin difaacna kaga jiraan fadhiisamadooda, masuuliyada weerarkan waxaa qaadaya kooxaha wejiyada badan ee ay ka mid yihiin kuwa nabad diidka ah iyo Argagixisada oo gabaadka ka dhiganaya shacabka iyo magaalada Laascaanood. Cabdilaahi Axmed Caarshe Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Source
  11. Muqdisho (Caaasimada Online) – Guddiga KMG ah ee doorashada kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ayaa maanta qabtay doorashada kursiga HOP#086, kaas oo horay loogu diiday taliyihii hore ee Nabad Sugidda Fahad Yaasiin, kadib markii la laalay doorashadiisa. Doorashada kursigan oo ay deegaan doorashadiisu aheyd Beledweyne ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho oo haatan si KMG ah loogu soo wareejiyay. Laba musharrax oo kaliya ayaa isku diiwaan-geliyay tartanka kursigan, kadib markii ay musharrxiinta kale ka biyo diideen doorashada, kuwaas oo cabasho ka keenya hannaanka loo maamulayo. Musharixiinta tegay hoolka doorashada ayaa kala ahaa Dr. Maxamed Sheekh Axmed Maxamed iyo Cabdirisaaq Bukhaari Axmed, sida uu shaaciyay guddiga doorashada. “Kursiga tirsigiisu yahay GSH#086 oo doorashadiisu ka qabsoontay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku tartamayay labada murashax ee kala ah Cabdirisaaq Bukhaari Axmed iyo Dr. Maxamed Sheikh Axmed Maxamed,” ayaa lagu yiri qoraa kasoo baxay guddiga. Inta uusan bilaaban tartanka ayaa waxaa tanaasulay Cabdirisaaq Bukhaari Axmed, waxaana kadib codeyn gacan taag ah loo qaaday musharixii kale oo soo baxay. Dr. Maxamed Sheekh Axmed Maxamed ayaa helay 98 cod, wuxuuna sidaas ku noqday xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, isaga ooo ku soo baxay kursigii Fahad Yaasiin. “Wadarta Ergada soo xaadirtay kooramka ayaa ahayd 98. Codaynta Doorashada markii la gudogalay ayaa waxaa tanaasulay Cabdirisaaq Bukhaari Axmed, sidaasna waxaa gacantaag loogu codeeyay Maxamed Sheikh Axmed Maxamed. 98 ayaa tiri HAA, mana jirin wax diiday ama ka aamusay. Sidaas ayuu Dr. Maxamed Sheikh Axmed Maxamed ku helay 98 cod oo kamid ah tirada ergada ee kooramka fadhiday, kuna noqday Guulaystaha Kursiga tirsigiisu yahay GSH#086. Waxaan Dr. Maxamed Eebbe uga baryaynaa inuu ku asturo xilka culus ee loo doortay,’ ayaa lagu yiri natiijada uu shaaciyay guddiga qabtay doorashada kursigaas. Si kastaba, waa kursigii saddexaad ee doorashadiisa la qabanayo, waxaana ka horreeyay oo horay loo soo buuxiyay kuraastii ay banneeyeen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo Taliyaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mahad Maxamed Salaad. The post Yaa kusoo baxay kursigii loo diiday Fahad Yaasiin? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  12. Dagaal ayaa goordhaweyd ka billowday galbeedka magaalada Laascaanood, kaas oo u dhexeeya dadka deegaanka iyo ciidamada Somaliland. Ciidamada Somaliland ayaa maanta weerarka ka soo qaaday dhanka galbeedka magaalada, waxaana wararku sheegayaan in uu weerarkaas qayb ka yahay Mahad Cambaashe oo ka soo jeeda deegaanka, balse daacad u ah Somaliland. Sidoo kale ciidamada Somaliland ayaa xaafadaha Laascaanood ku garaacaya duqaymo aan loo meel dayin sida ay noo sheegeen goob-joogayaal kala duwan. Dagaalka iyo duqaynta ciidamada Somaliland ka wadaan magaalada Laascaanood oo gashay todobaadkii saddexaad ayaa sababtay dhamisho, dhaawac, barakac iyo burbur, oo aad u badan. PUNTLAND POST The post Dagaal ka socda Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Buuq xoogan ayaa maanta hareeyay kulan haatan xildhibaanada Golaha Shacabka uga socdo xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, kaas oo saameyn ku yeeshay furitaanka fadhiga maanta ee Baarlamaanka Soomaaliya. Buuqa ayaa waxaa sameeyay xildhibaan gabdho u badan oo ku jira Golaha Shacabka, kuwaas oo buuq ka dhex sameeyay gudaha xarunta, kahor inta uusan bilaaban shirka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, buuqa ayaa ka dhashay arrin la xiriirta amniga, kadib markii uu soo baxay amar lagu baarayo xildhibaanada galaya gudaha xarunta. Arrintaan ayaa saameyn ku yeelatay xildhibaanada Baarlamaanka, gaar ahana kuwa dumarka, maadaama la amray in wixii alaab ah oo ay wataan sida shandada inay soo marsiiyaan qolada baaritaanka kahor inta aysan imaan hoolka Golaha Shacabka. Xildhibaano badan oo la kulmay dhacdadan ayaa marka ay soo galeen hoolka shirka ka horyimid in kulanka uu furmo, ayaga oo dalbaday in lala xisaabtamo ciddii bixisay amarka. “Waxaan rabnaa inaan ogaano cidda bixisay amarka ah in la baaro boorsooyinka dumarka xildhibaanada ah, saaka waa nagula xad-gudbay” ayey tiri Xildhibaan Faa’isa. Muuqaal ay heshay warbaahinta ayaa muujinaya haween badan oo xildhibaano ah oo taagan masraxa iyo guddoonka hortiisa, kuwaas oo si caro leh uga hadlay arrintan. Dhinaca kale hab-dhowraha Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Cabdulaahi Xasan (Nuux) oo ugu dambeyn arrintan soo farageliyay ayaa sharraxay, sida ay wax u jiraan. Nuux ayaa shaaca ka qaaday in aan si gaar ah loo bartilmaameedsan gabdhaha ku jira Baarlamanka, wuxuuna sheegay in kaliya ay tahay in wixii qalab ah lasoo marsiiyo amniga. “Muhiimadda ugu badan waxa ay aheyd hal arrin oo ku saabsaneyd in qofkii golaha imaanaya dumar kaliya ma aheyn wax quseeya ma jirin wax u gooni ah gabdhaha oo baaritaan ah,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdulaahi Xasan (Nuux). Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Muhiimaddu waxa ay aheyd qofkii wata qalab ama shandad weyn inuu tuso qolada iskaanka oo uu yiraahdo ila fiiriya,”. Ugu dmabeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan habooneyn in Baarlamaanka laga kiciyo xasarad, isla-markaana uu xildhibaanka xaq u leeyahay inuu cabashadiisa soo gudbiyo, kadibna ayaga oo kaashanaya guddoonka sare ay wax ka qaban doonaan arrintaasi. “Baarlamaanku kolka uu arko cilad ama waa inuu yiraahdo sidaasi ma haboona annaguna sidii aan habooneyn waan ka leexaneynaa waana la fal-galeynaa, ayada oo aan laheyn xasarad iyo dhawaaq,” ayuu ku soo gabagabeeyay hab-dhwworaha Golaha Shacabka. The post Buuq xooggan oo hareeyay kulanka BF ee maanta + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay koox ciyaal weero ah xalay ka geysatay qaybo ka mid ah gudaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, taas oo dhalisay walaac aad u xoogan oo soo wajahay dadka deegaanka Kooxda ciyaal weerarada ah oo ku hubeysanaa mindiyo ayaa wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Abuukar Fiidow waxa ay ku dileen xaafadda Siliga ee Towfiiq oo ka tirsan degmadaasi, waxaana marxuumka da’diisa lagu sheegay 12 sanno jir. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in wiilka yar lagu dhuftay illaa 7 mindi, kadibna uu u geeriyooday dhiig bax, ayada oo ciyaal weerarada geysatay falkan ay baxsadeen. “Canuga ciyaal weero ayaa dishay meeshaas ayey ku heleen, waa laga kala orday way jiiteen dar xumo ayey u dileen,” ayey tiri haweeney kamid ah dadka deegaanka. Sidoo kale maydka marxuum Cabdirisaaq ayaa waxaa la geeyay xarunta laanta dambi baarista ee CID-da, su baaritaan lagu sameeyo dhacdadaan. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi xanuunka badan. Yaaqshiid ayaa kamid ah degmooyinka ay ku badan yihiin kooxaha ciyaal weerada ee haatan dhibaatada ku haya shacabka ku dhaqan magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Dilkan ayaa kusoo aadayo, xilli Al-Shabaab ay shalay ku dhawaaqday in Muqdisho ay ka bilaabeyso howlgal ka dhan ah ciyaal weerada, kadib cabasho ay sheegteen inay uga timid dadka shacabka, waxayna fartay dagaalyahanadeeda inay beegsadaaan kooxahaasi. Ciyaal weerada ayaa haatan u muuqda inay markale kusoo laba kacleeyee Muqdisho, waxaana dhibaatooyinka ugu badan hadda laga soo warinayaa waqooyiga caasimada. Si kastaba, dhibaatooyinkan ayaa ah kuwa soo noq-noqday, ayada ciidamada ammaanka oo wada howlgallo culus ay maara la’yihiin wax ka qabashada amniga iyo ciyaal weerada. The post Daawo: Koox ciyaal weero ah oo wiil 12 sano jir ahaa maanta ku dilay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  15. Mogadishu (HOL) - The Somali diaspora in Washington, DC, demonstrated against the violence in the contested town of Las Anod, where more than 150 people have been killed in three weeks of clashes. Source: Hiiraan Online
  16. (SLT-Ankara)-Ciidamada dalka Turkiga ayaa hawlgal qorshaysan ka sameeyey woqooyiga dalka Syria, waxayna dileen nin lagu eedaynayey inuu ka dambeeyey qaraxii lagu hoobtay ee ka dhacay magaalada Istanbul, sida ay baahisay warbaahinta Turkigu. Wakaaladda wararka ee Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in hawlgal qorshaysan oo ay Arbacadii fuliyeen ciidamada sirdoonka ee Turkigu inay dileen Halil Menci oo ay ku tilmaameen inuu ahaa maskaxdii ka dambaysay weerarkii lagu qaaday Istanbul bishii November 13-keedii, hawlgalkan qorshaysan ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Qamishli. Ururka dusha kala socda hawlaha xuquuqda aadanaha ee Syria ee fadhigiisu yahay dalka Ingiriiska ayaa sheegay in weerar cirka ah oo ay qaadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkigu inay ku dileen qof rayid ah, isla markaana ay dhaawaceen taliye Kurdish ah. Rami Abdulrahman oo hoggaamisa guddidan kormeerka ayaa sheegtay in qofka rayidka ah ee lagu dilay weerarku inuu ahaa, shakhsi caan ku ah, dhinaca tahriibinta dadka la geeyo Turkiga. Ninkan ayaa hore isaga fogeeyey eedaha uga yimi dalka Turkiga oo ahaa, inuu dalkaas u tahriibiyey Ahlam Albashir oo ahayd haweenaydii lagu eedaynayey inay weerarka ka geysatay Istanbul. Weerarkii dhacay bishii November 13-keedii ayay ku dhinteen lix qof oo ay ku jiraan laba caruur ahi, halka ay ku dhaawacmeen illaa 80 qof oo kale. Turkiga ayaa ku eedeeyey kooxda PKK ee Kurdiyiinta, hase ahaatee kooxdaas ayaa iska fogaysay eedaha loo jeediyey. Source
  17. Hay’adaha sirdoonka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa isku diyaarinayaan in ay fuliyaan tijaabadii toddobaad ee bambooyinka nuclear-ka ah. Kuuriyada Waqooyi ayaa ilaa hadda qarxisay lix bamboo oo nuclear ah oo ay ku tijaabisay xarunteeda ku taalla dhulka hoostiisa. Kuuriyada Koonfureed ayaa baaritaan la xiriira saameynta shucaaca kiimikada ku sameyneysa in ka badan 800 oo qof oo ka soo baxsaday dhinaca Kuuriyada Waqooyi. Dadkan ayaa la sheegay in ay ku lug lahaayeen tijaabooyinkii hubka nuclear-ka ee ay Kuuriyada Waqooyi ka sameysay xarumo ku yaalla dhulka hoostiisa. Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa oggolaatay in dadkan la baaro ka dib markii ay codsigaas soo gudbisay hay’ad u doodad xuquuqda aadanaha oo fadhigeedu yahay magaalada Seol, taasoo sheegtay in dadka ku nool agagaarka xarunta nuclear-ka ay suurtagal tahay inay soo gaartay saameynta qalabka shucaaca halista ah bixiya oo kusoo dusi kara ilaha biyaha. Hay’adda ayaa aaminsan in dad ka badan nus malyan qof oo u dhashay Kuuriyada Waqooyi ay halistaas wajahayaan. Xukuumadda uu hoggaamiyo Kim Jon-un waxa ay sheegtay in ay tijaabooyinkaas u sameysay si nabad ah oo aysan cidna waxyeello kasoo gaadhin, balse seynisyahannada ayaa in muddo ahba muujinayay qeylo dhaan ku aaddan in shucaaha khatarta badan u uku faafi karo ciidda ku dhow xarunta nuclear-ka iyo ila biyaha ee ku jira dhulka. Dadka kasoo cararay Kuuriyada Waqooyi oo mar ku noolaan jiray agagaarka xarunta lagu jiraajiyay hubka wax gumaada ayaa soo tebiyay in ay arkeen cudurro qeyrul-caadi ah oo ay ku arkeen bulshadooda, hase ahaatee seynisyahannada uma suurtageli in ay caddeymo helaan. Hadda dowladda ka arrimisa Seol ayaa ku yaboohday in baadhitaannada calaamadaha shucaaca ku sameyso dhammaan 881-da qof ee u dhashay Kuuriyada Waqooyi, oo kasoo baxsaday magaalooyinka u dhow xarunta nuclear-ka. Source
  18. Nairobi (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya maanta lagula eegtay qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bare ee dalkaasi, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa oo ahaa miinada nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa haleeyay baabuur ay la socdeen afar askar oo ka tirsan Booliska Kenya oo xilligaas marayey waddada xiriirisa Gaarisa iyo xeryaha Qaxootiga Dhahaab, sida ay sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa kadib ay rasaas xoogan fureen ciidamada Kenya, gaar ahaan kuwa Booliska ee ku sugan xadka Soomaaliya. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan la askari, halka labad kalena la la’yahay, halka cirib iyo jaan ay dhigeen qaraxa kadib. George Seda, oo taliyaha ciidanka Booliska ee gobolka Waqooyi Bari, ayaa xaqiijiyay jiritaanka weerarkan, wuxuuna ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab. Taliyaha ayaa intaasi ku daray in haatan ay wadaan howlgallo balaaran, isla-markaana ay baadi goobayaan labada askari ee la waayey wuxuuna sheegay in qaraxa lagula beegsaday deegaan lagu magacaabo Hagarbul oo ku yaal inta u dhaxeysa Xerada Dhabaab & Gaarisa Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmo kahor qarax ka dhacay isla waddadaan lagu dilay saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Kenya. Waxaa sidoo kale ka horreeyay qarax kale oo ka dhacay isla duleedka Gaarisa, kaas oo isna lagu dilay 4 qof oo ay ku jireen injineero ka tirsanaa maamulka Wadooyinka Kenya. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa gudaha Kenya, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa ciidamada ammaanka ee dalkaasi The post Askar ka tirsan KENYA oo QARAX lagu dilay iyo kuwa kale la la’yahay appeared first on Caasimada Online.
  19. United States first lady Jill Biden has arrived in the country. Source: Hiiraan Online
  20. Authorities must immediately release Abdalle Ahmed Mumin Source: Hiiraan Online
  21. MOGADISHU, SOMALIA — Fighting in the area of Las Anod, in the breakaway Somaliland republic, has escalated, with medical sources now saying more than 100 people have been killed in three weeks of clashes. Source: Hiiraan Online
  22. Somali state television announced on Wednesday that 20 al-Shabaab militants were killed in an airstrike in the country's central region of Hiran. Source: Hiiraan Online