Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Draft Law Grants Abusive Agency Broad Powers of Detention, Surveillance Source: Hiiraan Online
  2. WASHINGTON — One year after Russia invaded Ukraine, aid-dependent Somalia is still feeling the effects, as escalating prices for wheat and the long-running regional drought put millions at risk of starvation. Source: Hiiraan Online
  3. Dhibaatada Soomaalidu ay ku qabaan Dal-ku-galka Kenya Ka hadlidda dhibta ka taagan qaadashada dal-ku-galka Kenya ayaa soo cusboonaatay kadib markii warqad dowladda Soomaaliya ay ku tilmaantay been-abuur lagu faafiyay baraha bulshada. Warqad ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo warqadda been-abuurk ah daba socotay ayaa lagu xusay in dowladda Soomaaliya ay ka filanayso dowladda Kenya in ay muwaadiniinta Soomaaliyeed fiisaha ku siin doonto sidii heshiisku ahaa. Heshiiska laga filayo in ay Kenya kasoo baxdo wuxuu dhacay kulan bishii todobaad ee sanadkii hore ay labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ku yeesheen aqalka madaxtooyada ee Kenya. Heshiiskaas waxaa Soomaaliya loogu ballan qaaday sahal u helidda fiisaha dal-ku-galka Kenya, hase ahaatee, weli muwaadiniin badan oo Soomaali ah ayaa cabasho isa soo taraysay ka muujiyay helitaanka dal-ku-galka Kenya. Cabashada shacabka Soomaaliyeed Shirkadaha soosaara fiisooyinka, jarana tikidhada diyaaradaha ayaa ka mid ah dadka cabanaya. Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo leh ganacsi Soomaalida usoo saari jiray dal-ku-galyada Kenya wuxuu BBC-da u sheegay in uu dareemay isbedel weyn oo ku yimid helista fiisaha Kenya. “Waxaan dareennay bishii sagaalaad illaa iyo hadda. Culays waxaa jira dhanka fiisaha Kenya ah” ayuu yiri. Maxamed wuxuu sheegay in mudaddii fiisaha lagu heli jiray ay korortay, ” awal waxaa lagu heli jiray sadex illaa shan maalmood, hadda illaa bil iyo toban beri ayaa lagu helaa” ayuu yiri. Taas waxaa sii dheer, ayuu yiri, in qarashkii lagu heli jiray uu sarakac laba jibaar ah ku yimid, “markii hore waxay ahayd 250 Doolarka Maraykanka ah, hadeer waxaa lagu helaa 450 illaa 500 oo doolarka Maraykanka ah” ayuu Maxamed sheegay isagoo xusay in sidaas ooy tahay aanan la hubin in fiisada la helayaba. Maadaama Soomaaliya aysan ku ool safaarado caalami ah, amni xumada jirta awgeed, Soomaalidu waxay adeega fiisaha ka doonataa dalalka deriska Soomaaliya la ah sida Kenya. Dadka Kenya taga waxay isugu jiraan dad baahiyo kala duwan qaba. Tiro aad u badan oo dadkaas ah waxay dibadda u doontaan adeegyo caafimaad taas oo ku qasabta in ay Kenya marka hore tagaan si ay safaaradaha wadamada ay ku jeedaan fiisa uga raadsadaan. Dad waxaa jira baahiya kala duwan qabay oo markii ay ku adkaatay in ay fiisaha Kenya helaan iska dhaafay iyada dhan. Dadka ay fiisadu kasoo daahday, dabadeedna isakaba dhaafay waxaa ka mid ah Cabdinuur Axmed Maxamed oo caafimaad u socday. Wuxuu sheegay in uu siduu u raadinayay fiisaha uu ka quustay, “mudo laba bilood ah waan sugaayay…aad ay u daahday, waxaan ka badashay taraafal agensigii ee wax ii dalbaayay, hadana mid kalaan u wareegsaday, adiga akhiirankii waan waayay” ayuu yiri. Qarash ka baxay iyo iska-daba-wareeg dheer kadib, Cabdinuur wuxuu sheegay in uu go’aansaday in uu iskaba dhaafay Kenya aadisteeda. Baahida caafimaad waxaa soo raaca baahiyo kale oo ku qasbaya muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay Kenya tagaan. Cabdiweli Axmed Xuseen wuxuu ka mid yahay arday ka baxday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka heshay dalka Talyaaniga. Cabdiweli iyo ardaydii la socotay waxay ku qasbanaayeen in ay safaaradda Talyaaniga ee Kenya tagaan halkaas oo xogtooda waxbarasho ay tiilay, fiisana laga siin lahaa. Hasayeeshee, Cabdiweli wuxuu BBC-da u sheegay in ay taas adkaatay “markii aan tagnay goobaha taraafal agensiga ee xareeya fiisayaasha wadanka keenya, waa ay noo suurtageli weysay in aan fiisihii helno, weliba waqti dheer ayay nagu qaadatay” ayuu yiri. Isagoo ka hadlaya quustu inta ay gaarsiisnayd Cabduweli wuxuu yiri “qaar ka mid ah taraafal agensiyada waxay si cad noogu sheegeen in aysan soo saari kerin fiisaha”. Wuxuu intaas ku daray in haddii la isku dayo, loo sheegay, in mudo bil ka badan ay qaadanayso soo bixista fiisaha. Waqtiga ayaa ardayda cariiri ku ahaa maadaama jaamacadaha ay u socdeen laga rabay in ay mudo kooban gudaheed iska diiwaangeliyaan. Cabdiweli wuxuu sheegay in laga rabay in bisha Oktoobar Kenya ay joogaan si ay fiisaha waxbarashada, oo ku ekaa billawga bisha Nofeembar, ay u qaataan. Mar BBC-du ay weydiisay in haddii ay bisha loo qabtay sugi lahaayeen ay heli lahaayeen wuxuu yiri “halka bilba maysan jirin damaanad qaad sax ah, …marka waan ku kalsoonaan weynay”. Ardaydu maadaama waqti uu ku socday, oo sanadkaan haddii ay tegi waayaan sanad kale ay dib-u-dhici lahaayeen, waxay ku qasbanaadeen in ay jid kale helaan. Cabwdiweli oo ka sheekeynaya arintaan wuxuu yiri “markii dambe waxay dani nagu qasabtay in aan tagno safaaradda Talyaaniga waax yar ooy ku leedahay magaalada Muqdisho, aana u sheegno in aanan heli karin fiisaha dalka Talyaaniga, waqtiguna uu na hayo, sidaas ayay cudurdaar noogu sameeyeen safaaradda Muqdisho ee Talyaaniga, iyaga ayaana qaaday baasabooradeennii, geeyayna Nayroobi. Sidaasna fiisihii, waxaan ku helnay, waxbarasho ee Talyaaniga, waana ka kaaftoonnay in aan aadno Kenya”. Heshiiska iyo xiriirka soo laabtay Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ma uusan wanaagsanayn. Hase ahaatee, doorashadii Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud kadib waxaa soo muuqatay rajo ah in xiriirku soo wanaagsanaanayo. In ka yar laba bilood markii uu Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud talada kusoo laabtay ayuu casuumad rasmi ah, oo soconaysay laba maalmood, ka helay madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta. Qodobadii kasoo baxay heshiis ay kulankaas gaareen waxaa ka mid ahaa: in Soomaaliya ay ogolaato in ay dib u billawdo keenista qaadka, iyadoo heshiiska lagu xusay in qodobkaan uu ku hirgelayo sida ugu dhaqsaha badan. Kenya dhankeeda waxay ogolaatay in dadka haysta baasaboorada caadiga ah ee Soomaaliga la siin doono fiisaha dal-ku-galka sida ugu dhaqsaha badan, iyagoo ballanqaaday in waqtiga lagu helayo fiisaha uusan ka badnaan doonin toban maalmood gudahood. Heshiiska waxaa lagu sheegay in labada wasaaradood, ee arima dibadeed, ee labada dal, ay mudo laba usbuuc gudahood ah ku xaqiijin doonaan dhaqangalka heshiiskaan. Hirgalka heshiiska Arinka ugu weyn ee Soomaaliya laga doonayay oo ahaa in ay dib u billawdo keenista qaadka markiiba waa hirgalay. Wasiirkii hore ee beeraha ee Kenya, Peter Munya ayaa xaqiijiyay in diyaarad sidda qaad ay Xamar ka degtay hal isbuuc kaliya kadib heshiiskii labada dal. Hase ahaatee, arinta Soomaalidu ay ugu baahida badnayd ee helista dal-ku-galyada Kenya ayaan weli hirgelin. Dowladda Soomaaliya oon arintaan wax ka weydiinay ayaysan noo suurogelin in aan jawaab ka helno. Qaran News
  4. Waxaa billaabatay gurashada mirihii laga dhaxlay magacaabista xilalka, oo ay dowladdu ku saleysay daacadnimo shakhsiyadeed, balse aan lagu saleyn aqoon, karti, waxqabad iyo awood hoggaamineed. Waxaa maalmahan la arkayey isku dhex yaac maamul, eexo magacaabiseed iyo muuqaallo cabsi leh oo kasoo muuqday dowladnimada iyo baahiyaha faraha badan ee loo qabo dowlad wax ka beddeli karta xaaladaha murugsan ee dalka ka jira. Musuq-maasuqa: Qeexidda musuq-maasuqa ayaa Soomaalida inta badan waxay ka haysataa mid aan sax ahayn, oo waxay u taaqaannaa lacago la xaday ama si khaldan la isu weydaarsaday, laakiin musuq-maasuqa intaas waa ka weyn yahay. Qeexidda musuq-maasuqa mid mid ahi waxay leedahay: Musuq-maasuqu waa nooc ka mid ah daacad-darro ama fal-dambiyeed uu ku kaco qof ama hay’ad loo dhiibo mansab, si uu u helo faa’iidooyin xaaraan ah ama ku takri-fala awoodda, islamarkaana dano gaar ahaaneed u adeegsada. Haddaba adiga oo qeexiddaan ka duulaya waxaad eegtaa wixii dhacayey toddobaadyadan. Waraaqo isburinaya oo ay wasiiro soo kala saarayeen; Guddoomiyihhi maamulka Gobolka Banaadir oo hanti umaddeed inta xoog ku qaatay kadibna dhegta dhiigga u daray, taliyaha NISA oo xilalkii hay’ad loo sharciyeeyey hadda inay dadka sidey rabto ka yeesho ku taxay caruur iyo mas’uuliyiin reerkiisa ah, iyo baarlamaanno aan fahamsaneyn inay dowladda ka mid yihiin oo ay mas’uuliyada ka saaran tahay. Waxa ay hay’adaha dowladda walaaqayaan ayaa ahaa wararka xiisaha leh ee labadii toddobaad ee tagtay ee bal saar qeedxidda musuq-maasuaqa ee sare. Magacaabista jagooyin, ka aamusidda ku takri-falalka awoodda xafiisyada, isburrinta wasiirada iyo wasaaradaha laftooda waa musuq-maasuq ay ogoshahay cidda awoodda u leh oo ku daawaneysa tallaabana aan ka qaadeyn. Khalad kastaa waa inuu meel yeeshaa, oo uu qof ku muteystaa ciqaabta u qalanta, haddii ay tahay luminta jagada, magdhow dhaqaale ama xabsi si looga gooyo falalkii uu ku kacay ee baal marsanaa sharciga, iyadoo madaxdana ay tahay in mas’uuliyaddooda ay qaataan, oo haddii dhibta aysan waxba ka qaban karin iska tagaan. Dalka waxaa dhibweyn ku haya waa: 1- In si musuq-maasuq ah jagooyinka loo magacaabo, iyadoon loo eegin aqoonta iyo hoggaaminta qofka la magacaabayo, sida xilalka aysan qaadi karin, iyagana sii magacaaba qaraabo iyo kuwa iyaga ka sii liita. 2- Si musuq-maasuq ah hay’ado ama shirkado loogu xero qandaraasyo aysan tartan furan ku helin, hawshiina aysan fulin oo dhaqaale laga gurto. 3- In si musuq-maasuq ah loo siiyo qandaraasyo hay’ado hoose oo heshiis lagula galo saaxibtinimo iyo qaraabanimo ama saami lagu darsado. 4- In si musuq-maasuq ah aan loo dabagalin fulinta hawlaha dowladda, aqoondarri ama rabitaan la’aan midda ay doonto ha noqotee. Hadal iyo dhammaantii xataa dagaalkii Al-Shabaab waa joogsaday, oo waxaa muuqata habacsanaan soo kordheysa oo keeneysa inay dib u qabsadaan meelo horay looga saaray. Madaxdweynaha dalka iyo golihiisa fulinta waxaa laga rabaa inay dalka qaabka uu hadda ku socdo oo u muuqata naasnuujin ay u beddalaan mid ku dhisan aqoon, waxqabad iyo isla xisaabtan ku dhisan wax soo saar (maxsuul), shaqadana ka qaadaan wasiiradda, agaasimayasha iyo maareeyayaasha fadhiidka ah ee ay ku yimid u daacadsanaanta madaxda. W/Q: Cumar Niagra – Muqdisisho niagaraletting@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid. The post DF oo guraneysa mirihii ay beeratay ee maamul xumo appeared first on Caasimada Online.
  5. The United States condemns the continued indiscriminate attacks that have killed scores of civilians in Lascanood and driven more than 185,000 people from their homes. The violence must end and those responsible must be held accountable. https://t.co/M3kZ2XNdhD — Bureau of African Affairs (@AsstSecStateAF) February 24, 2023 Qaran News
  6. Nairobi (Caasimada Online) – Urur goboleedka IGAD ayaa shaaciyay in dalal ay ku jirto Soomaaliya ay ka dhici doonto roob yari baahsan, taasi oo ay sheegtay saadaasha cimilada IGAD in laga sii taxadaro. Shir kusoo geba-gaboobay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo looga hadlayay afartii maalmood ee lasoo dhaafay arrimaha isbadalka cimilada waxa lagu gorfeeyay arimaha isbadalka cimilada iyo saameynta ka dhalan karta. Shirkaaas oo ay ka qeyb galeen quburo kala duwan oo ka kala timid inta badan dalalka Caalamka oo qeyb ka ahayd dowladda Soomaaliya ayaa waxa lagu sheegay in dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya ay ka dhici doonto xaalad roob yaraan ah, sidaas darteed loo baahan yahay in laga sii taxadaro xaaladaha nololeed ee ka dhalan kara roob yaraanta la saadaalinayo. Saadaasha cimilada ee IGAD ayaa waxay sheegaysa in bilaha March, April iyo May ee sanadkaan 2023-ka in roobabka la filayo ay ka yaraan karaan boqolkiiba lixdan. Masuuliyiinta ka socotay dowladda Soomaaliya ee qeybta ka ahaa shirkaan ayaa sheegay inay arrintaan sii adkeyn karto abaaraha haatan ka jira inta badan gobolada dalka Soomaaliya. Saadasha IGAD ayaa imaneysa, iyada oo abaarta ka jirta Soomaaliya ay gaartay heerkii ugu sareeyay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, taasi oo saameynta ugu daran ee abaarta ay ku yeelatay dadka xoola dhaqatada iyo beeraleyda ah. Si kastaba, arrintaan ayaa waxay uga sii dari doonta xaaladda Soomaaliya oo dhowrkii sano ee lasoo dhaafay shacabka Soomaaliyeed ay la daala-dhacayeen xaalado nololeed oo is biirsaday oo ka dhashay roobabkii Gu’ga iyo Deyrta oo xiliyadii la filanaayay aan ka da’in gudaha dalka. The post IGAD oo shaacisay XAALAD adag oo kusoo wajahan dalal Soomaaliya ay ku jirto appeared first on Caasimada Online.
  7. Ciidamada dalka Turkiga ayaa hawlgal qorshaysan ka sameeyey woqooyiga dalka Syria, waxayna dileen nin lagu eedaynayey inuu ka dambeeyey qaraxii lagu hoobtay ee ka dhacay magaalada Istanbul, sida ay baahisay warbaahinta Turkigu. Wakaaladda wararka ee Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in hawlgal qorshaysan oo ay Arbacadii fuliyeen ciidamada sirdoonka ee Turkigu inay dileen Halil Menci oo ay ku tilmaameen inuu ahaa maskaxdii ka dambaysay weerarkii lagu qaaday Istanbul bishii November 13-keedii, hawlgalkan qorshaysan ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Qamishli. Ururka dusha kala socda hawlaha xuquuqda aadanaha ee Syria ee fadhigiisu yahay dalka Ingiriiska ayaa sheegay in weerar cirka ah oo ay qaadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkigu inay ku dileen qof rayid ah, isla markaana ay dhaawaceen taliye Kurdish ah. Rami Abdulrahman oo hoggaamisa guddidan kormeerka ayaa sheegtay in qofka rayidka ah ee lagu dilay weerarku inuu ahaa, shakhsi caan ku ah, dhinaca tahriibinta dadka la geeyo Turkiga. Ninkan ayaa hore isaga fogeeyey eedaha uga yimi dalka Turkiga oo ahaa, inuu dalkaas u tahriibiyey Ahlam Albashir oo ahayd haweenaydii lagu eedaynayey inay weerarka ka geysatay Istanbul. PUNTLAND POST The post Turkiga oo sheegay in uu dilay Maskaxdii ka danbaysay weerarkii Istanbul appeared first on Puntland Post.
  8. London (Caasimada Online) – Waxaa jirta cabsi badan oo laga qabo tartan dhinaca hubka nukliyeerka ah oo caalami ah, kadib markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ku dhawaaqay toddobaadkan inuu joojinayo heshiiskii u dhexeeyey iyaga iyo Mareykanka. Heshiiskan uu joojinayo Ruushka ayaa ku aaddanaa xakamaynta hubka nukliyeerka iyo iska warhaynta labada dal, heshiiskaas oo lagu magcaabo the New START. Heshiiskan ayaa xadidaya tirada madaxyada hubka nukliyeerka ee ay haystaan Ruushka iyo Mareykanku. Heshiiskan oo magaciisa rasmiga ahi yahay, New Strategic Arms Reduction Treaty, ama heshiiska cusub ee si qorshaysan hoos loogu dhigayo hubka, ayay kala saxeexdeen madaxweynihii hore ee Mareykanka Brack Obama iyo madaxweynihii Ruushka ee xilligaas, Dmitry Medvedev. Heshiiskan hubka nukliyeerka ayaa ah kan keliya ee sii hadhsanaa ee u dhexeeyay Mareykanka iyo Ruushka. Madaxweyne Putin ayaa Salaasadii ku dhawaaqay inuu hakinayo ka qaybgalka heshiiskaas ee Ruushka, isaga oo ku doodaya in heshiiskaasi uu yahay “mid aan macquul ahayn” inuu sii shaqeeyo, xilli ay NATO caawinayso Ukraine si ay ula dagaalamaan Ruushka. Madawxweyne Putin ayaa sheegay inuu ku amray saldhigyadiisa hubka nukliyeerku inay heegan galaan. Putin oo habeenimadii Khamiista khudbad jeediyey ayaa sidoo kale waxa uu ballan-qaaday inuu lacago badan gelin doono horumarinta hubka nukliyeerka ee dalka Ruushka. Ruushka iyo Mareykanka ayaa leh 90% hubka nukliyeerka ee dunida yaalla. Sidaas awgeed ayaa heshiiskan la magac baxay the New START wuxuu xaddidayaa in labada dal ay haysan karaan illaa 1,550 madax oo hubka nukliyeerka ah iyo in labada dal uu midba kan kale uu kormeer ku sameeyo xarumihiisa hubka nukliyeerka, 18 jeer sannadkii. Kormeerkan ayaa la hakiyey muddo 3 sannadood ah, xilligii uu dilaacay xanuunka COVID19, illaa haatanna dib looma dhaqan-gelin. Washington ayaa ku eedaysay Moscow inay ka masuul tahay dib-u-dhaca. The post Tartanka hubka nukliyeerka oo laga cabsi qabo inuu mar kale dib uga curto dunida appeared first on Caasimada Online.
  9. Dowladda Maraykanka ayaa mar kale si adag uga hadashay dagaalka iyo duqaymaha ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Maraykanka ayaa lagu canbaareeyay weerarrada aan loo meel dayin ee ka socda Laascaanood oo ay ku dhinteen dadka rayidka ah islamarkaana ay ku bara-kaceen in ka badan 185,000. Dowladda Maraykanka ayaa ku baaqday in la joojiyo dagaalka waxaana ay sheegtay in kuwa ka danbeeya lala xisaabtami doono sida ku cad war-saxaafadeedka. PUNTLAND POST The post Dowladda Maraykanka oo si adag uga hadashay dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  10. Dablay hubaysan ayaa weerar ay ka geysteen badhtamaha dalka Mali, waxay ku dileen ugu yaraan 12 qof oo rayid ah, sida laga soo xigtay laba masuul oo ka tirsan dawladda dalkaas. Weerarkan ayaa sida la sheegayo ahaa kii ugu dambeeyey ee ay kooxaha Islaamiyiintu ay ka geystaan degaankaas. Dalkan ku yaalla galbeedka Afrika ayaa la daala-dhacaya qalalaase gacan ka hadal wata, oo ay wadaan kooxo xidhiidh la leh ururada al-Qaacida iyo Daacish. Kooxahan Islaamiyiinta ayaa sidoo kale hawlgallo ka geysta dalalka deriska la ah Mali, iyaga oo ku dilay kumanaan qof, halka ay barakiciyeen malaayiin qof. PUNTLAND POST The post Dabley hubaysan o dad rayid ah ku dishay dalka Mali appeared first on Puntland Post.
  11. Hargeisa (Caasimada Online) – The United States has called for an immediate and unconditional ceasefire in the northern town of LasAnod in Somalia after a delegation led by Chargé d’Affaires Tim Trenkle arrived in the Somaliland capital of Hargeisa. The delegation held a series of political and civil society discussions, where they met with Somaliland President Muse Bihi Abdi to discuss the violence in LasAnod. The United States embassy in Somalia released a statement saying, “The United States joins the international community in calling for an immediate, unconditional ceasefire and unhindered humanitarian access.” The situation in LasAnod, Somalia The fighting in LasAnod has been ongoing for the past three weeks, resulting in over 100 deaths, including women and children, according to the director of the main hospital in the contested town of Las Anod. Ahmed Mohamed Hassan stated on Thursday that the hospital had received 560 wounded individuals as well. However, a senior clan chief, Garaad Jama Garaad Ali, claimed on Wednesday that the death toll was higher, with 150 people killed and 500 wounded. The situation remains volatile, and the number of casualties is expected to rise if the conflict persists. The violence started after a group of traditional leaders declared that they would no longer recognize the Somaliland government and declared the territory of the Sool and Sanaag region to be ruled by Mogadishu. US Chargé d’Affaires for Somalia, Tim Trenkle with Somaliland President in Hargeisa. The call for a ceasefire The United States embassy in Somalia released a statement calling for an immediate, unconditional ceasefire and unhindered humanitarian access. The Bureau of African Affairs of the US State Department has also condemned the continued indiscriminate attacks that have killed scores of civilians in LasAnod and driven more than 185,000 people from their homes. “The United States condemns the continued indiscriminate attacks that have killed scores of civilians in LasAnod and driven more than 185,000 people from their homes. The violence must end, and those responsible must be held accountable,” it tweeted. Calls for investigation The fighting in LasAnod has uprooted more than 185,000 people from their homes, with aid workers struggling to respond to the situation due to inadequate resources. Women and children accounted for an estimated 89 percent of the displaced population, seeking shelter under trees or inside schools, which have been forced to shut. More than 60,000 others have fled to Ethiopia’s Somali region to escape the violence, according to the UN’s refugee agency. UN rights chief Volker Turk this month called on authorities to conduct a “credible and impartial investigation” into the clashes and warned that they compounded the already fragile humanitarian situation in the region. The post Somalia: US urges ceasefire in LasAnod appeared first on Caasimada Online.
  12. New York (Caasimada Online) – The ongoing clashes in LasAnod, Sool region in Somalia, have resulted in a dire humanitarian situation, with over 185,000 people displaced, according to an inter-agency assessment mission conducted by humanitarian partners. The UN’s Independent Expert on Human Rights in Somalia, Isha Dyfan, has voiced her deep concern over the number of civilian casualties resulting from these clashes. Ms. Dyfan has expressed alarm at the indiscriminate and deliberate attacks against civilians and civilian infrastructure, resulting in the deaths of at least 63 people and over 363 injured. She has called for those responsible to be held accountable and for impartial, effective, and independent investigations to be conducted into the deaths and injuries. The responsibility of all parties in Somalia Ms. Dyfan has called on all parties involved in the clashes to respect their obligations under international law, particularly regarding protecting civilians. She has urged them to agree to an immediate cessation of hostilities and to resolve their disputes through dialogue. The UN expert stressed that failure to do so would be equivalent to denying access to justice and perpetuating impunity. The responsibility of all parties involved in the clashes is to prioritize protecting civilians and respect their obligations under international law. Dire humanitarian situation in Somalia The ongoing clashes in LasAnod, Sool region, have resulted in a dire humanitarian situation, with over 185,000 people displaced, and women and children accounting for 89% of the figure, according to an inter-agency assessment mission conducted by humanitarian partners. The situation will likely worsen if the clashes continue, exacerbating the plight of those affected by the violence. Ms. Dyfan has reiterated the call made by international partners for unhindered humanitarian access to urgently address the needs of those displaced and impacted by the violence. Providing humanitarian assistance is a fundamental right and an essential element of protecting civilians in armed conflicts. The lack of access to humanitarian aid can exacerbate the already dire humanitarian situation, leading to further suffering and loss of life. The Role of Independent Experts Ms. Dyfan is part of the Special Procedures of the Human Rights Council, the largest body of independent UN Human Rights system experts. The independent experts work voluntarily and are independent of any government or organization. Their role is to address either specific country situations or thematic issues in all parts of the world, and they do not receive a salary for their work. Independent experts play a critical role in monitoring and reporting human rights violations and providing recommendations to address them. Ms. Dyfan’s experience in human rights Ms. Dyfan brings extensive experience in the field of human rights, having served as the Chief of the Human Rights Section in the UN Hybrid Operation in Darfur, Sudan (UNAMID) for four and a half years before retiring at the level of director. She studied History and Law in Sierra Leone and the UK. Ms. Dyfan was appointed the Independent Expert on Human Rights in Somalia by the Human Rights Council in May 2020. The post Somalia: UN concerned over civilian casualties appeared first on Caasimada Online.
  13. Why has no government been able to find a solution for the security of Somalia's capital? How is it possible that armed forces are still engaged in fighting in the heart of the city? Source: Hiiraan Online
  14. Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in lala xisaabtami doona kuwa mas’uulka ka dadka shacabka ah ee lagu dilay magaalada Laascaanood oo saddex toddobaad uu dagaal ka socdo. Dagaalka oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo shacabka magaalada oo kasoo horjeeda joogitaankooda ayaa waxaa illaa hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen 96 qof, ayada oo in ka badan 500 ay ku dhaawacmeen. “Dowladda Mareykanka waxay cambaareyneysaa sii socoshada weerarada aan kala sooca laheyn oo daraasiin shacab ah ku dilay Laascaanood, islamarkaana in ka badan 185,000 oo qof ka barakiciyey guryahooda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka. Qoraalka ayaa intaas ku daray “Rabshadaha waa in la joojiyaa, islamarkaana kuwa mas’uulka ka ah lala xisaabtamaa.” Maamulka Somaliland ayaa horey loogu eedeeyey inay madaafiic ku garaacayaan goobaha shacabka ee magaalada, kuwaasi oo dad badan oo rayid ah ay ku dhinteen. Somaliland waa ay beenisay eedeymahaas. Dowladda Mareykanka ayaa waxay Somaliland ku cadaadineysa in ay ka dhabeyso xabad joojintii ay kal hore ku dhawaaqday, islamarkaana xiisadda taagan xal looga gaaro miiska wada-hadalka. Safiir ku-xigeenka Mareykanka ee Soomaaliya oo booqasho aan hore loo sii shaacin ku tegay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu shalay madaxtooyada Somaliland kulan kula yeeshay madaxweyne Muuse Biixi. “Waxaanu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka wada-hadalnay khasaaraha nafeed ee naxdinta leh iyo qalalaasaha Laascaanood, Mareykanku wuxuu beesha caalamka kala mid yahay in la sameeyo xabad joojin bilaa shuruuda, iyo gargaar aadaminimo oo aan la carqaladayn,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho. Somaliland oo iyaduna qoraal kasoo saartay kulanka Muuse Biixi iyo Amb. Tim Trenkle ayaa waxa lagu sheegay in kulankaasi uu ku dhammaaday is afgarad buuxa. Xukuumadda Somalinad ayaa hore u sheegtay dhankeeda inay diyaar u tahay in miiska wada-hadalka xal looga gaaro xiisadda dagaal ee Laascaanood, taasi oo timid kadib cadaadisyo horleh oo beesha caalamka ku saareen dagaalka socda. Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in uu ergo dhaqameed u dirayo gobolka Sool, si ay ula soo fariistan Isimida ku sugan Laascaanood, wallow ay arrintaas ku gacan sayreen garaadada SSC oo ayagu sheegay in aysan jirin cid xiriir kala soo sameysay wada-hadal iyo waan-waan laga galayo xiisadda taagan. The post Mareykanka oo shaaciyey in lala xisaabtamayo cidda mas’uulka ka ah shacabka lagu dilay Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab iyo Dowladda Soomaaliya waxay wadagaan hal cadow oo la dagaalankiisa ay ka siman yihiin, cadowgaas waa ururka Daacish ee ka dagaalama qeyb ka mid ah Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa ku dila meeshii ay ku arkaan xubin ka tirsan Daacish-ta ka dagaalanta Soomaaliya. Puntland oo garab ka helaysa ciidamada Maraykanka ayaa marar badan Daacish kula dagaalantay qeybo ka mid ah gobolka Bari. Inkastoo Daacish aysan ku awood badneyn koonfurta Soomaaliya ku laheyn, hadana waxay xarumo la ogyahay ku leeyihiin buuraha Calmis ee gobolka Bari oo Puntland ay ka arrimiso. Sanadkii 2015-kii ayaa kooxdaan faraceeda laga aas-aasay Soomaaliya, islamarkii laga yagleelay Soomaaliya, waxay billaabeen howlgalladoodii ugu horreeyay, markaas ayaa lagu baraarugay halista kooxda. Sida ay xustay taariikhdu, Waxaa ururkaan oo mararka qaar lagu magacaabo Abnaa ul-Khilaafa (wiilasha Khilaafa) la aasaasay dabayaaqadii 2015, waxaana urur weynaha Daacish uu aqoonsaday December 2017-kii, markaas oo loo bixiyay magaca “Wilaayada Soomaaliya.” Dagaallamayaasha u diyaarsan ururka Daacish faraciisa Soomaaliya waxaa lagu qiyaasay ilaa 300 oo askari oo rag badan, dagaalyahanada kooxdaan badankood horay waxay uga tirsanaayeen ururka Al-Shabaab. Kooxda Al-Shabaab oo diidan jiritaanka Daacish-ta Soomaaliya ayaa markiiba bilowday inay aragti ku dilaan xubnaha ku jira Daacish iyo qof kasta oo ay uga shakiyaan inay ku biiri rabto, gaar ahaan dagaalyahanadii Al-Shabaab ee doonayey inay ku biiraan Daacish. Kooxda Daacish bilowgeedii Soomaaliya waxaa soo hoggaamiyay nin lagu magacaabo Cabdulqaadir Muumin oo Maraykanku markii dambe uu ka saaray liiska madow ee la cunaqabateeyey, lana doon-doonayo bishii August ee sanadkii 2016-kii, Muumin waxaa markii dambe deganaasho laga siiyey dalka Qatar. Inta badan Puntland dagaal toos ah kuma qaado Daacish-ta ku jirta buuraha gobolka Bari, balse Mareykanka duqeyn ku bilaabay bishii November 2017-kii, taas oo ugu dambeyntii sababtay in Mareykanku dilo hoggaamiyihii ugu sareeyey Bilaal Al-Sudani. Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa kooxda Daacish si isku mid ah uga ugaarsada koonfurta dalka, taas oo u suurta geli weysay inay dagaalyahano ka qortaan oo awood ku yeeshaan koonfurta Soomaaliya. The post Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab oo ka mideysan dagaalka cadow kale appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – 275-ta kursi ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya in kursi walba loo asteeyo deegaan doorasho gaar ah waa turjumida qabiil walba iyo halka uu dego deegaan ahaan, degmo ahaan ama gobol ahaan. 2021-kii kursiga HOP#124 ayaa la isku dayay in laga wareejiyo deegaan doorashadiisa magaalada Kismaayo, iyada oo la eegay danta shaqsiga ah ee xildhibaankii ku fadhiyay oo ahaa Cabdiraxmaan Dheere, kaas oo aaminsanaa in Axmed Madoobe kursi soo siineyn. Gobolka Gedo ayaa lagu qoray xilligii lagu jiray asteynta kuraasta. Waxaa ka dhashay buuq xoog leh, beesha leh kursigaas waxgaradkooda, dhaqalinyaradooda iyo siyaasiyiintooda waxay tallaabadaasi ku tilmaameen raad-tir lagu sameynayo deegaan ahaanshahooda gobollada Jubbooyinka. Diidmadii ugu adkeyd ayay kala hor-tageen, qaar ayaa ku tilmaamay isir sifeyn. Ugu dambeyn kursigii waxaa lagu soo celiyay magaalada Kismaayo, halkaas oo lagu doortay horraantii 2022. Xaallad middaan lamid ah waxaa hadda ku sugan kursiga HOP#086. Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Soomaaliya ee uu dhawaan magacaabay ra’iisul wasaare Xamza, kuwaas oo shaqadooda ay tahay inay qabtaan doorashada kuraasta banaan ee Golaha Shacabka ayaa habeen hore ku dhawaaqay in magaalada Muqdisho loo soo wareejiyay doorashada kursiga HOP#086. Deegaan doorashada kursigan waxay aheyd magaalada Beledweyne. In kursigaan laga soo wareejiyo deegaan doorashadiisa waxay dadka qaarkii ku tilmaamayaan baneynta in berri meeshii la rabo la iska geysan karo kursigaan. Sidoo kale waxay tallaabadan dhaawac mustaqbalka ah ku noqon kartaa metalaadda ay beeshan ku leedahay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, xilli loo socdo in dalka u gudbo wax ku qeybsiga gobollo iyo degmooyin. Iyada oo ay muuqato in kursiga HOP#086 loo boobayo musharaxa ay dowladda wadato ee Dr Maxamed Xaaji, haddana in dad dhan metalaadooddii deegaan loo burburiyo damac hal qof waa diiwaan aad u foolxun oo berri si taban u saameyn doona qofkii arrintaas ka dambeeyay. Waxaa kale oo su’aal ah cidda berri xal sahlan u haysa haddii ay tallaabadan toos u wiiqdo metelaadda beeshan ee magaalada Beledweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan. Damaca noocaan ah waxa laga faa’iido karo waxa ka badan waxa uu si guud iyo si gaar ah-ba ugu dhimi karo dadka hadda ka shaqeynaya iyo guud ahaan beesha, ayay leeyihiin xubno beesha kursigaan leh ka tirsan oo aan la hadalnay. Musharaxiinta u taagan kursigan marka laga reebo musharaxa ay dowladda wadato ayaa si weyn u cambaareeyay dhaawaca loo geystay asalka deegaan doorashada beesha iska leh kursiga HOP#086. Sida uu sheegay guddiga KMG ah ee doorashooyinka waxaa kursigaan doorashadiisa la qabanaya 25-ka bishaan. Musharaxiinta u taagan kursigan waxay sheegeen in aanay ka hari doonin dhaqanka boobka ah ee loo geysanayo kursigaan. The post Maxaa ka dhalan kara wareejinta lagu sameeyay deegaan doorashada kursigii loo diiday Fahad? appeared first on Caasimada Online.
  17. LAsAnod (Caasimada Online) – The conflict between security forces and clan members in the Somaliland region of Somalia has claimed the lives of at least 96 people in the past two weeks, as reported by the director of the main hospital in LasAnod. The hospital has also treated 560 wounded individuals. The senior clan chief had earlier claimed that the number of dead was 150, with 500 injured. S omaliland declared independence from Somalia in 1991 but has not been acknowledged internationally. Despite being perceived as a stable region in an otherwise tumultuous area, Somaliland has recently seen a surge in political tensions. The unrest has caused violence between government forces and pro-Somalia militias, resulting in the current conflict. The fighting began on February 6 in LasAnod, a town that both Somaliland and Puntland, a semi-autonomous state of northeastern Somalia, claim. The UN reports that more than 185,000 individuals have been displaced due to the violence. On Thursday, eyewitnesses and clan leaders reported heavy fighting in LasAnod, with the town being bombarded by artillery and mortar shells. Hospitals have also been targeted, with the main hospital in LasAnod sustaining severe damage. Women and children comprise an estimated 89% of the displaced population, with many forced to seek shelter under trees or inside schools that have been forced to shut. The UN’s refugee agency also revealed that over 60,000 individuals have fled to Ethiopia’s Somali region to escape the violence. In response to the situation, the UN has called on authorities to conduct a “credible and impartial investigation” into the clashes, warning that the humanitarian crisis in the region is already fragile. Somaliland, with a population of 4.5 million, is a former British protectorate that prints its own currency issues its own passports, and elects its own government. However, the lack of international recognition has left it impoverished and isolated. Despite this, it has been comparatively more stable than Somalia, which has been marred by civil war and Islamist insurgency for several decades. The post Nearly 100 killed in three weeks of fighting in LasAnod appeared first on Caasimada Online.
  18. Laascaanood (Caasimada Online) – Ugu yaraan 96 qof ayaa ku dhintay in ka badan laba toddobaad oo iska hor-imaadyo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka magaalada Laascaanood, sida uu sheegay agaasimaha Isbitaalka Laascaanood. “Waxaan haynaa 96 dhimasho ah iyo 560 dhaawac ah,” ayuu Axmed Maxamed Xasan, oo ah maamulaha Isbitaalka weyn ee magaalada Laascaanood khadka telefoonka ugu sheegay wakaaladda wararka ee AFP. Garaad Jaamac Garaad Cali, oo ah hoggaamiye beeleed caan ah, ayaa Arbacadii sheegay in 150 qof la dilay, 500 oo kalena lagu dhaawacay dagaalka Laascaanood. Si kastaba ha ahaatee, bilihii ugu dambeeyay waxaa cirka isku shareeray xiisado siyaasadeed oo sababay rabshado ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac. Xafiiska QM ee Isku Xirka Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA), ayaa sheegay in 185,000 oo qof ay ka barakaceen magaalada Laascaanood. Bayaan kasoo baxay xafiiska OCHA ee Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in weli ay jiraan warbixino ku saabsan dagaallo socda inkasta oo xabad-joojin lagu dhowaaqay. “In ka badan 185,000 oo qof ayaa la barakiciyey,” ayaa lagu yiri bayaanka, ayada oo shaqaalaha gargaarka ay la xarbinayaan inay ka jawaabaan xaaladda sababo la xiriira agabka oo aan ku filneyn. Sida ay sheegtay OCHA, haweenka iyo caruurta ayaa ah 89 boqolkiiba shacabka la barakiciyey, ayada oo in badan ay gabbaad ka raadiyeen geedaha iyo iskuullada u xirmay dagaalka dartiis. Ka sokow in tobanaan kun oo qof ay ku barakaceen gudaha Somaliland, in ka badan 60,000 oo qof ayaa u qaxay gobolka Soomaalida ee Itoobiya si ay uga baxsadaan rabshadaha, waxaa sidaas sheegtay hay’adda QM ee qaxootiga UNCHR. The post Dhimashada dagaalka Laascaanood oo gaartay 96 qof iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
  19. Maxamed Aadan: “Mowqifka UCID waa in dagaal sokeeye uu Laascaanood ka socdo oo ay dowladda Somaliland mas’uul ka tahay”. Hargeysa (Wararka PP) — Guddoomiyaha Maroodi Jeeex ee UCID Maxamed Aadan Axmed ayaa telefishinka SAAB siisay faahfaahin ku saabsan kulan shalay dhexmaray diblomaasi Maraykan ah iyo iyo labada xisbi UCID iyo Waddani. “Waxay labada xisbi la wadaageen diblomaasiga xaaladda dalka. Waannu ka xunnahay dadka barakacaya iyo dadka Laascaanood ay dowladda Somaliland ku tilmaantay argagixiso. Waxaannu dagaaalka u aragnaa dagaal sokeeye” ayuu guddoomiyahu yiri. Hadalka sarkaalka sare ee UCID wuxuu taageerayaa hadalkii uu Nicolas Delaunay, oo ka tirsan International Crisis Group, uu u sheegay wargeyska The Guardian. Nicolas ayaa ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray Somaliland ee ah in ay argagixiso joogto Laascaanood mid “ay Somaliland ay ku magac-dilayso dadka ka soo horjeeda”. Wuxuu intaas ku daray inaysan jirin caddayn la taaban karo in Somaliland ay argagixiso kula dagaallamayso Laascaanood. Mowqifka xisbiga UCID wuxuu dunida tusay in Somaliland ay aloostay colaad sokeeye si ay beesha caalamka uga dhaadhiciso in argagixiso aan Laascaanood joogin ay la dagaallamayso. Duqaynta ciidammada Somaliland ku wadaan Laascaanood ayaa sababtay burbur baahsan, dhimasho, dhaawac iyo qax. Guddoomiya xisiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay Muuse Biixi Cabdi inuu iscasilo. © Puntland Post, 2023 The post Xisbiga UCID oo ku eedeeyay Muuse Biixi inuu been ka sheegay dadka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  20. BAAQ NABADEED …ENG.MAXAMED XAASHI CILMI February 24, 2023 Anigoo aad uga xun Colaadda iyo Dagaalka ka taagagan magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood, waxa aan ugu baaqayaa Dowladda Soomaaliland iyo Odayaasha Dhaqanka ee Sool, in si degdeg ah loo joojiyo dagaallada iyo colaaddaasi deegaanka Laascaanod, islamarkaana si dhakhsi ah ay dhinacyadu u billaabaan wadahadal NABADEED. Maxamed Xaashi Cilmi Waa in loo tudhaa shacabka iyo maatida, lana joojiyaa dhiigga Muslimka ee qubanaya, burburka hantiyeed iyo barkaca shacabka. Waxa aan aad u xoojinaya in Dowladda Soomaaliland, Odayaasha Dhaqanka, Ganacsatada iyo dhammaan wax garadku ay xil iska saaraan una istaagaan in wadahadal iyo nabad, xal waara lagu raadiyo, In Shaa Allah. Waa In loo gurmado dadka ay waxyeeladu ka soo gaadhay dagaaladaasi. Waxaan rajaynayaa in nabadda iyo wada hadalka la xoojiyo, dagaalka iyo colaaddana si degdeg ah loo joojiyo. Waxan idin xusuusinayaa inaynu ku jirno bilihii xurmadda lahaa. Wa Bilaah Towfiiq. Qaran News
  21. Jabuuti (Caasimada Online) – Cod-bixiyayaasha Jabuuti ayaa maanta dooranaya baarlaman cusub ayada oo ay dhaceyso doorasho ay qaadaceen xisbiyada mucaaradka ee ugu weyn. Xisbiga madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ee talada haya ee Union for Presidential Majority (UMP), ayaa ah mid ka mid ah kaliya laba xisbi oo ka qeyb-galaya doorashada, islamarkaana ay huban tahay inuu ku guuleysan doono. Qiyaastii 230,000, oo ah dad sharci u leh inay codeeyaan, ayaa dooranaya 65 xildhibaan oo baarlamanka fadhin doona muddo shan sano ah, ayada oo sharciga uu dhigayo in 25 boqolkiiba kuraasta ay helaan haweenka. Isu soo-baxa ayaa u muuqday mid aad u hooseeya, sida ay werisay warbaahinta gudaha. “Weligey ma codeyn, maantana ma codeyn doono. Ma xiiseynayo doorashada. Qoyskeyga oo idil ma codeyn doonaan sidoo kale,” waxaa sidaas yiri Moktar Abdi oo ah Injineer 30 jir ah. Souad Elmi Siyad oo ah 64 jir howlgab ah ayaa tiri “doorasho kasta waxaan u codeeyaa isla dowladdii.” Inkasta oo Jabuuti ay tahay dal aad u yar, haddana waxay ku taalla goob muhiim oo ah marinka Badda Cad, taasi oo ay u adeegsato inay kusoo jiidato maal-gashtayaasha iyo quwadaha militari ee shisheeye. Codbixinta ayaa daba socota doorasho madaxweyne oo dhacday April 2021, taasi oo madaxweyne Geelle uu helay 97 boqolkiiba codadka, si uu markii 5-aad madaxweye u noqdo. Labada xisbi ee ugu weyn mucaaradka ee MRD iyo ARD ayaa qaadacay doorashada maanta. “Doorashada dalkeena weli ma ahan mid xor ah. Ma jirto daah-furnaan iyo dimoqraadiyad,” waxaa sidaas war-saxaafadeed ku yiri bishii Janaayo xisbiga MRD. Doorashadii ugu dambeysay ee sharci-dejinta ee 2018, xisbiga UMP – oo ka dhashay xisbi Jabuuti xukumayey tan iyo xoriyaddii ay ka heshay Faransiiska 1977-kii – ayaa ku guuleystay 58 kursi. Xisbiga UDJ, oo kuraas faro ku tiris ah ku guuleystay doorashadii 2018, ayaa ah midka kale ee ka qeyb-qaadanaya doorashada maanta. “Wax kasta waa la sameeyey si loo xaqiijiyo in doorashada ay ku dhacdo jawi wanaagsan,,” waxaa sidaas maanta yiri wasiirka Arrimaha Gudaha Said Nouh Hassan. Doorashada ayaa dhaceysa ayada oo ay jirto hadal hayn ku saabsan qofka ay suurtagal-ka tahay inuu beddelo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo ka mid ah hoggaamiyayaasha ugu xukunka dheer Afrika, kaasi oo dalka xukumayey tan iyo 1999-kii. Benedikt Kamski, oo ah cilmi-baare ku takhasusay Geeska Afrika, oo ka tirsan machadka Arnold Bergstraesser ee Jarmalka, ayaa sheegay in xiisaha shacabka ee doorashada ay aad u yareyd. Waxaa sidoo kale jirta hadal hayn ku saabsan cidda noqon doonta madaxweynaha xiga ee Jabuuti, oo ka iman kara labada qabiil ee Ciise iyo Cafar midkood, kuwaas oo ah labada qowmiyad ee ugu dadka badan. “Dadka waxay is-weydiinayaan cidda beddelysa madaxweyne Ismaaciil Cumar,” ayuu yiri Kamski, oo soo jeediyey inay suurta-gal tahay in la doorto kahor 2026. Geelle, oo ah kaliya madaxweynihii labaad ee Jabuuti ee tan iyo xoriyaddii, ayaan mar kale tartami karin, sababtoo ah waxaa xaddidaya dastuurki 2010, oo dhigaya inaanu madaxweyne u tartami karin qof ka weyn da’da 75 jirka. VOA, AFP The post Doorasho maata ka socota dalka Jabuuti xilli la hadal-hayo cidda beddeleysa Geelle appeared first on Caasimada Online.