Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) - The UN Independent Expert on human rights in Somalia, Isha Dyfan, has expressed alarm at the high number of civilian casualties in Somalia following clashes between Somaliland security forces and clan members in Laas Canood, Sool region since early February. Source: Hiiraan Online
  2. Musharraxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, guddoomiyaha Xisbiga mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xoghayaha Guud mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa kulan la qaatay Safiir ku xigeenka Maraykanka Amb. Tim Trenkle oo magaalada Hargeysa safar hawleed ku jooga. Hoggaanka Xisbiga iyo weftiga Maraykanka ayaa ka wada hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin xal u helidda xaaladda Laascaanood iyo sidii loo dardar gelin lahaa arrimaha doorashada Madaxtooyada si isbedel hoggaamineed dalka uga dhaco. Qaran News
  3. UN chief Antonio Guterres said Wednesday that 2022 was the deadliest year for civilians in Somalia since 2017, largely because of an increase in mass-casualty attacks by the Al-Shabaab jihadist group. Source: Hiiraan Online
  4. Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyaan qaar kamid ah masuuliyiinta xisbiga, ayaa maanta magaalada Hargaysa kulan kula qaatay, safiir ku xigeenka Maraykanka Amb. Tim Trenkle oo safar shaqo ku yimid Somaliland. Kulankan ayaa lagaga wada hadlay, xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrinta Laaacanood, Doorashooyinka, iyo arrimo kale oo ku tacalluqa xidhiidhka labada Dal. Qaran News
  5. (ERGO) – Maryan Isaq Abdirahman and her three children escaped the conflict in Lasanod, Somaliland, on 13 February and are living now in Jilab camp, three kilometres outside Garowe in Puntland, with relatives who barely have enough resources for themselves. Source: Hiiraan Online
  6. Mogadishu (HOL) - Somalia's Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation has denied reports that it contracted a private company to handle visas for Somali citizens traveling to Kenya. In a letter sent to their Kenyan counterparts on Thursday, the Ministry urged the Kenyans to ignore any communication from unauthorized sources. Source: Hiiraan Online
  7. Frank discussions this morning with #Somaliland President @musebiihi about the tragic loss of lives and violence in Lascanood. The United States joins the international community in calling for an immediate, unconditional ceasefire & unhindered humanitarian access. pic.twitter.com/TKs8xumLM0 — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) February 23, 2023 Qaran News
  8. Washington (Caasimada Online) – Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa soo jeediyey xeerar cusub oo ka dhan ah dadka magan-galyo doonka ah, kuwaasi oo uu sheegay inay yareyn doonaan dadka imanaya xuduudda koonfureed ee Mareykanka. Xeerarka cusub ayaa sheegaya in muhaajiriinta imanaya xuduudda ee kadib soo galaya Mareykanka ayaga oo is-dhiibaya aysan xaq u yeelan doonin in magan-galyo la siiyo. Kumanaan qof, oo ay ku jiraan Soomaali, balse badankood ah dad ka iamanaya dalalka Latin America ayaa marka ay Mareykanka kasoo galaan xuduudda Mexico is-dhiiba ayaga oo magan-galyo dalbanaya. Hase yeeshee sharciga cusub ayaa dhigaya in qofka kahor inta aanu iman xuduudda uu marka hore codsi kasoo gudbisto app-ka Waaxda Kastamka iyo Ilaalada Xuduudda ee Customs and Border Patrol (CBP), ama uu kasoo codsado mid ka mid ah dalalka ay soo marayaan kahor inta aanay xuduudda iman. Haddii qofka aanu sidaas soo sameyn, uu iska yimaado xuduudda kadibna dalbado magan-galyo lama siin doono, sida sharciga uu sheegayo. Toddobaadyadii dhowaa waxaa jiray Soomaali badan oo soo hela Visa-ha Mexico ama dalalka kale ee Latin America, kadibna xuduudda iska soo dhiiba, balse sharcigan wuxuu hadda ku qasbayaa inay marka codsi ka sameeyaan online. Si kastaba, arrinta dhibka leh ayaa ah in haddii qofki codsi uu sameeyo, uu sugo illaa ballan-looga qabanayo, taasi oo qaadan karta sanado badan, marka la eego sida ay u badan yihiin dadka doonaya inay soo galaan Mareykanka, oo sanadkii dhan 200,000 oo qof. Tallaabadan ayaa waxaa cambaareeyey hay’adaha u dooda xuquuqda muhaajiriinta oo sheegay inay la mid tahay kuwii madaxweyne Donald Trump ee aadka u adkaa, oo wax aan macquul aheyn ka dhigay in magan-galyo laga codsado Mareykanka. “Mamnuucistan magan-galyo doon waxay albaabka ka xiri doontaa qaxooti aan xisaab laheyn oo badbaado iyo amni ka raadinaya Mareykanka,” waxaa sidaas tiri Abby Maxman oo ah madaxweynaha hay’adda Oxford America. “Siyaasaddan waa sharci-darro aan laheyn dareen oo khasaare cabsi badan gelin doonta caruur, haween iyo rag raadinaya badbaado,” ayey tiri. Si kastaba mamulka Biden ayaa ku dooday inuu ku qasban yahay xeerkan si loo yareeyo qaska ka jira xuduudda, kadib markii Congress-ka uu ku guuldarreystay inuu go’aan ka gaaro arrinta muhaajiriinta. “Waxaan xoojinaynaa helitaanka hab sharci iyo nidaam ah oo ay muhaajiriinta ku iman karaan Mareykanka, annagoo islamarkaana soo jeedinayna cawaaqib cusub oo ay marayaan kuwa ku guuldarreysta inay adeegsadaan hanaanka la heli karo,” waxaa sidaas yiri Xoghayaha Amniga Gudaha Mareykanka Alejandro Mayorkas. Saraakiisha ayaa sheegay in xeerarka cusub ay yihiin kuwa ku-meel gaar ah oo dhici doona 24 bil kadib, balse ma sheegin waxa lagu beddeli doono. The post Mareykanka oo soo saaray sharci ay tahay inay ogaadaan Soomaalida usoo tahriibeysa appeared first on Caasimada Online.
  9. New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa Arbacadii sheegay in sanadkii 2022 uu ahaa kii ugu dhimashada badnaa shacabka Soomaaliya tan iyo 2017, sababo la xiriira inay kordheen weerarada khasaraaha badan ee kooxda Al-Shabaab. Sanadkii 2022, ayaa sidoo kale ahaa kii ugu horreeyey ee madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna xilka hayey 8 bil iyo bar ka mid ah sanadka. Soomaaliya, oo sidoo kale wajaheysa abaaro darran, ayaa la kulantay koror weeraro ayada oo ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Macawiisleyda ay qaadayaan dagaal “aan waxba loola harin” oo ka dhan ah Al-Shabaab. “Weerarada sii socda ee Al-Shabaab, oo dhaliyey xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, rabshado galmo oo dagaalka la xiriira iyo kororka khasaaraha dhimasho ee shacabka, waa wax aad looga naxo,” ayuu Guterres ku yiri warbixin uu u gudbiyey Golaha Ammaanka QM. Intii lagu guda jiray muddada dib u eegista lagu sameeyey, oo ah dabayaaqadii August 2022 illaa horraanta February 2023, Guterres ayaa sheegay in xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM uu diiwaan-geliyey in khasaaraha shacabka uu sare u kacay 153 boqolkiiba oo uu gaaray 1,059, oo ay ku jiraan 382 dhimasho, kuwaas oo badankood lagu eedeeyey Al-Shabaab. “Kororka khasaaraha ayaa 2022 ka dhigaya kii ugu dhimashada badnaa shacabka Soomaaliya tan iyo 2017,” ayuu yiri Guterres. Bilihii dhowaa, ciidamada Soomaaliya iyo maleeshiyada Macawiisleyda ayaa deegaano badan kula wareegay howlgallo ay taageerayaan duqeymaha Mareykanka. Hase yeeshee kooxda Al-shabaab, oo muddo 15 sano la dagaalameysay dowladda federaalka, ayaa weli maamusha qeybo ka mid ah baadiyaha dalka, waxayna sii wadaan inay qaadaan weeraro aargudasho. Weerarkii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii uu billowday howlgalka dowladda bartamihii sanadkii tegay, wuxuu ahaa mid ay kooxda ka fulisay aagga xarunta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ee Muqdisho bishii October, kaasi oo ay ku dhinteen 121 qof. Hase yeeshee, Guterres ayaa ku booriyey mas’uuliyiinta Soomaaliya inay xaqiijiyaan in tallaabooyinka “ka-hortagga argagixisanimada” aysan ku xadgudbin xoriyadda hadalka, wuxuuna sheegay “inuu aad uga walaacsan yahay” xariga sharci-darrada ah ee suxufiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta. Waxa uu sheegay in dagaalka socda iyo amni-darrada ay guryahooda ka qaxiyeen 600,000 oo qof sanadkii tegay “ayna weli caqabad ku yihiin howlgallada bani’aadaminimo.” Qiyaastii 1.3 milyan oo qof oo kale, oo 80 boqolkiiba ah haween iyo caruur, ayaa ku barakacay gudaha Soomaaliya, sababo la xiriira abaarta ku dhufatay Bariga Afrika. Inkasta oo heerka macluusha aan weli la gaarin, haddana Guterres wuxuu sheegay in 8.3 milyan oo qof – oo ah kala bar shacabka Soomaaliya – ay sanadkan u baahnaan doonaan gargaar bani’aadaminimo. Kadib shan sano oo roobabka aanay u da’in sidii loo baahnaa, abaarta ayaa noqotay tii ugu muddada dheereyd uguna darneyd ee taariikhda dhow ee Soomaaliya. Guterres wuxuu sheegay in isu gaynta heerka dhimashada ay u badnaan karto si la mid ah macluushii ugu dambeysay Soomaaliya oo dhacday 2011, markaasi oo 260,000 oo qof – oo kala bar ay ahaayeen caruur da’doodu ka yar tahay da’da lix jirka – ay gaajo u dhinteen. AFP, VOA The post Maxay QM ku sheegtay sanadkii ugu horreeyey ee madaxweyne Xasan Sheekh? appeared first on Caasimada Online.
  10. Mr. Abdiaziz Hassan Mohamed, also known as "Laftagareen," is a 53-year-old veteran politician, technocrat, and father of four who has been striving for decades to bring about change among his people Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo aad ugu jabtay dagaalkii wajiyada kala duwan lahaa ee dowladda Soomaaliya u qorsheysay kal hore ayaa ku jirta rafashadii ugu dambeysay ee dagaalka dhaqaale kadib tallaabooyinkii is-xigxigay ee dowladda federaalka Soomaaliya. Dagaalka dhinaca dhaqaalaha ayaa ahaa kii ugu darnaa ee kooxda naafeeyay tan iyo markii uu billowday howl-galka dib u xoreynta dalka, maadama dhowrkii billood ee lasoo dhaafay laga xanibay malaayiin doollar oo markii hore ay si xoog ah uga qaadeen shacabka Soomaaliyeed Kooxda Al-Shabaab oo ku jirta rafashadii ugu dambeysay ee dhanka dhaqaalaha ayaa waxay bilaabeen in ganacsatada ugu yeeraan deegaanka Kuuya-Barow oo dhaca cirifka Koonfureed ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo ah xad ay wadaagan gobolka Jubbada Dhexe, sida ay ogaatay Caasimada Online. Farriimo cabasho u badan oo ay la wadaageen qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed, farriimaha ka yimid Shabaab oo aan helnay ayaa sidoo kale waxaa ganacsatada waaweyn looga dalbanayay inay tagaan degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, taasi oo masaafo ahaan uga fog halka ay markii hore kooxda ugu yeeri jirtay ganacsatada oo aheyd deegaano aan ka fogeyn caasimada. Balse jabka gaaray bilihii lasoo dhaafay darteed ayaa keentay in Jilib iyo Jubbada Dhexe ku uruurto, sida ay sheegeen dadka sida dhow ula socda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda qeybo badan oo dalka. Xubno ka tirsan ganacsatada helay fariimaha kooxda Al-Shabaab ayaa la wadaagay laamaha amaanka ee dowladda federaalka, maadaama ay dowladda hore usoo saartay digniino la xiriira la-macaamilka Shabaab, gaar ahaan dhanka maaliyada. Sida ay ogaatay Caasimada Online, xubnaha ganacsatada ee farriimaha kooxda Al-Shabaab la wadaagay dowladda ayaa kooxda ka dansaday telefoonadii ay hore ugala soo xiriireen, si ay u yareeyaan cadaadiska uga imaanaya kooxda, oo farriimaheeda ku ladhnaayeen hanjabaado horleh. Tan iyo markii uu si rasmi ah u billowday dagaalka Al-Shabaab ee dhanka dhaqaalaha ayaa waxaa kooxda laga xanibay in ka badan 250 akoono bangi iyo malaayiin dollar oo ku jirtay akoonadaasi, taasi oo kooxda gaarsiisay jab ka daran kan millatari ahaan u gaaray. Kooxda Al-Shabaab ayaa sidoo kale dagaalka ka dhanka ah ee tooska ah ku weyday kumanaan maleeshiyaad iyo horjoogayaal iskugu jira iyo weliba magaalooyin ka badan 50, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya. The post Shabaab oo ku jirta rafashadii ugu dambeysay ee dhaqaale iyo tallaabooyin ay qaaday appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Xassan Aadan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Bangiga Adduunka. Wafdiga ka socda Bangiga Adduunka ayaa kala ah Julien Million iyo Miguel Angel Jorge, kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay u joogay magaalada Muqdisho mashaariicda uu Bangiga ka fuliyo Soomaaliya. Wafdinga ka socda Bangiga Adduunka ayaa wasiirka la wadaagay warbixin ku saabsan mashaariicda horumarineed, gaar haan kuwa la xiriira Kalluumeysiga ee Bangiga uu qorsheynayo in ay ka fuliyaan dalka. Waxay si gaar ah wafdigan faah-faahin uga siiyeen wasiirka qorsheyaasha socda ee la xiriira mashaariicda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah lagu horumarinayo ee Banhiga Adduunka iyo wasaaradda, sida lagu yiri qoraal laga soo saaray kulankaan. Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ayaa wafdigan uga mahad-celiyey imaatinkooda caasimadda dalka ee Muqdisho iyo warbixinta ay la wadaageen. Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in ay wasaaraddu si hufan ugala shaqeyn doonto hirgalinta mashaariicda ay qorsheynayaan in ay ka fuliyaan dalka, gaar ahan kuwa la xiriira horumarinta Kalluumeysiga. Mashaariicda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ee ay ka wada-shaqeynayaan DF iyo Bangiga Adduunka ayaa ujeedkiisu yahay sidii loo horumarin lahaa Kalluumeysiga gudaha si loo gaaro isku filnaasho dhaqaale oo waara. The post DF iyo Bangiga Adduunka oo wada-hadal cusub ku yeeshay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  13. Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia’s Daallo Airlines has selected ACC Aviation to assist in acquiring Boeing 737-800 and De Havilland DHC8-300 aircraft to expand its current fleet and route network. With a wealth of industry relationships and experience, ACC Aviation will search for offers for the necessary aircraft and present Daallo Airlines with recommended options. The DHC8-300 is the most suitable aircraft for Daallo’s current route network while adding a 737-800 aligns with the airline’s plans for expansion. ACC Aviation will also provide further assistance to the East African airline with a desktop technical evaluation of the aircraft. It will guide the carrier through the commercial stage of the aircraft procurement process to ensure the terms are equitable and in compliance with industry norms. In a statement, ACC Senior Manager of Asset Management Tristan Brouard expressed his anticipation of working with Daallo Airlines. The company will utilize its industry network to help the airline acquire the aircraft required for its expanding fleet. Daallo Airlines, the flagship airline of the Daallo Group, is well-known in Somalia and Djibouti and operates as the national carrier for the Republic of Djibouti. The airline has over 27 years of experience providing scheduled passenger, cargo, and charter flights to Africa, the Middle East, and Europe. Although Somali-owned, Daallo Airlines is headquartered in the Dubai Airport Free Zone in Al Garhoud, UAE. It has its main hub at Djibouti’s Ambouli International Airport. Its CEO, Mohamed Ibrahim Yassin, has affirmed its commitment to remaining “the airline of the Horn of Africa” and will continue enhancing its services. Daallo Airlines serves regional flights to Jomo Kenyatta Airport, Somalia’s Bosaso and Aden Adde International airports, and Djibouti’s Ambouli International Airport. Beyond Africa, the airline operates flights to Dubai International Airport and King Abdulaziz Airport in Jeddah. Previously, Daallo Airlines provided flights to Europe, with services to Gatwick and Charles de Gaulle airports. With the assistance of ACC Aviation, Daallo Airlines can broaden its route network and enhance its services. ACC Aviation strives to deliver goal-oriented solutions to a varied and growing client base by investing in developing and maintaining partnerships. The collaboration with the Somali-based airline will contribute significantly to the development of regional air travel. The success of Somalia’s development plans is dependent on aviation. This month, the International Air Transport Association (IATA) signed a cooperation agreement with the Somali government to enhance the social and economic advantages of aviation in the country. This agreement enables IATA to expand its activities in Somalia in line with its African aviation objectives. The Somali Transport and Civil Aviation Minister, Fardowsa Osma Egal, signed the agreement and stated that the Somali government is devoted to advancing the air transport sector to promote the country’s long-term social and economic growth. The accord will facilitate closer collaboration on aviation priorities in the country. IATA seeks to develop a secure, efficient, sustainable, cost-effective air transport industry that generates job opportunities, promotes sustainable growth, and encourages international trade and tourism. Promoting African aviation will support the United Nations’ Sustainable Development Goals. The post Daallo Airlines taps ACC Aviation to expand fleet appeared first on Caasimada Online.
  14. Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa been abuur ku tilmaamtay warqad lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida iyo baraha bulshada oo ku saabsanayd in dowladdu codsiga dalka ku galka (Visa) Kenya u xirtay shirkad gaar loo leeyahay. Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in warqadaas oo gaartay dowladda Kenya ay tahay mid been abuur ah oo aan ka turjumayn mowqifka dowladda Soomaaliya. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu xusay in ay dowladda Soomaaliya ka rajeyneyso dowladda Kenya fulinta heshiiskii July 15, 2022 ee wada gaareen labada dal, kaas oo ay ku caddayd qaabka dadka wata baasaboorka Soomaaliya ay ku codsan karaan dal ku galka Kenya. Waa markii labaad oo maalmo gudahood ay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya beeniso warar laga faafiyay, sidaan oo kale maalintii talaadada ee todobaadkan, wasiir Huruuse wuxuu beeniyay in gaari ay leedahay wasaaradda arrimaha dibada uu u gacan galay Al-shabaab. The post Maxaa ka jira in shirkad gaar ah loo xiray codsiga dal ku galka Kenya? appeared first on Puntland Post.
  15. Hassan Sheikh Mohamud, who won a second term last year, has declared total war on the jihadists and believes he can finally end the seemingly chronic insecurity that has dogged his country for years, Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Somaaliya ayaa beenisay in shirkad gaar ah loo xiray dal-ku-galka Kenya kadib caro ka dhalatay warqad ay waraabinta heshay oo 15-kii Febraayo kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibedda. Warqaddaas oo shalay ay daabacday Caasimada Online ayaa tilmaameysay in dowladda Soomaaliya ay u ruqsad ku siisay hal shirkad oo uu magaceedu yahay Global Tour and Travel Services inay loo maro codsiyada dal-ku-galka Kenya. Hase yeeshee, warqad ay caawa soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu beeniyay in dowlada Somaaliya ay shirkad gaar ah u xil saartay dal ku galka Kenya. “Waxaan dooneynaa in aan adkeyno in dowladda Soomaaliya aysan ruqsad ku siin hay’ado ama shaqsiyaad fududeeya codsiyada dal-ku-galka Kenya iyaga oo matalaya muwaadiniinta Soomaaliyeed,” ayaa lagu qoray warqadda wasaaradda. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Villa Somalia ay culeys ku saartay wasaaradda arrimaha dibada inay ka shaqeyso fulinta heshiis-kii Soomaaliya iyo Kenya ee ahaa in dadka Soomaaliyeed dal-ku-galka ay ka qaataan xuduuddaha iyo garoomada diyaaradaha Kenya dhib la’aan. Madaxtooyada ayaa la sheegay inay aad uga carootay arrintan oo ay u aragtay mid sumcad dil ah, sidoo kalena dhibaato ku ah shacabka doonaya dal-ku-galka Kenya. Wasaaradda arrimaha dibedda sidoo kale warqadda ay soo saartay ku sheegtay inay ka rajeynayso dowladda Kenya inay fuliso heshiiskii ku saabsanaa fududeynta isku socodka muwaadiniita kaasoo Soomaaliya iyo Kenya ay wada saiixdeen 15-kii July, 2022. “Waxaan caddeyneynaa in dowladda Soomaaliya ay ka rajeyneyso dowladda Kenya in ay dhaqangeliso heshiiskii ahaa in dal-ku-galka la siiyo dadka baasaboorka Soomaaliga ah sita marka ay soo gaaraan dalka Kenya, sida ku cad war-murtiyeedkii wadajirka ahaa ee 15-kii July, 2022” ayaa lagu sheegey warqadda. Hoos ka aqriso warqadda The post Wasaaradda A/Dibedda oo ka daba tagtay warqaddii fadeexadda dhalisay kadib cadaadiska Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga sare ee maamulka hay’adda duulista rayidka hawada Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xiisadda ka taagan garoonka Aadan Cadde ee u dhexeyso wasaaradda gaadiidka iyo hay’adda duulista rayidka. Qoraalkan ayaa waxaa lagu faray maareeyaha hay’adda duulista rayidka in uu joojiyo isku day uu guddigu sheegay in lagu burburinayo jiritaanka hay’adda iyo madax bannaanideeda, isla-markaana lagu beddalayo shuruucda iyo qaab dhismeedka hay’addaasi. Maamulka guddigan ayaa shaaca ka qaaday in wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Fardowso Cismaan Cigaaleay u magacawday nin lagu magacaabo Zakariye Axmed Faarah, oo ay isku beel yihiin, agaasimaha maamulka maaliyadda iyo adeegyada guud ee hay’adda duulista rayidka. Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay tallaabadan uu arkay mid ka hor imaaneyso shuruucda hey’adda iyo qaab dhismeedkeeda, sida lagu caddeeyay qoraalka. “Hey’adda Duulista Rayidka oo ah Hey’ad ka madax bannaan Wasaradda oo xilalkeeda uu magacaabi karo Mareeyaha guud oo kaliya arrintan ayaa waxaa arkay iyo awoodda qaldan ee ay Wasiirada isticmaaleyso Guddiga Maamulka (Board of directors), waana mid ka mid ah arrimihii uu isku casilay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan. Waxaa kale oo uu guddigu intaasi ku daray inuu la socdo in maareeyaha hay’adda uu awoodiisa ku wareejiyay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda, kadib markii loogu hanjabay in xilka laga qaadayo, arrintaas oo ay sheegeen in wasaaradda ay si xowli ah dano gaar ah uga leedahay hay’adda duulista oo ah hay’ad ka madax banaan wasaaradda. Wasiirka ayaa toddobaadyadii dhowaa, sida aan xog ku helnay shaqada ka cayrisay shaqaale ka mid ah kuwa hay’adda duulista, ayada oo ku beddeshay kuwa ku beel ah. Tallaabooyinka wasiirka ayaa saameyn xooggan ku yeeshay shaqada garoonka Aadan Cadde oo maanta muddo kooban uu hakad ku yimid, kadib shidaal la’aan ku dhacday, taasi oo fadeexad weyn dhex joojisay dowladda federaalka Shidaal la’aanta ayaa timid, kadib markii wasiirka gaadiidka iyo duulista Soomaaliya Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal ay soo saartay amar ay shaqada uga joojisay shirkadii shidaalka geyn jirtay garoonka Aadan Cadde, ayada oo qorshuhu yahay inay ku beddesho shirka ayada ku xiran Arrintan ayaa hoggaamisay inuu is-casilo wasiiru dowladihii Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug), kaas oo shaaciyay in musuq-maasuq baahsan iyo sidoo kae u takrifal awoodeed uu ka jiro wasaaraddaasi. The post Hay’adda duulista oo war kasoo saartay tallaabooyinka wasiir Fowsiya xilli ay fadeexad hareysay DF appeared first on Caasimada Online.
  18. Musharraxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, guddoomiyaha Xisbiga mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xoghayaha Guud mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa kulan la qaatay Safiir ku xigeenka Maraykanka Amb. Tim Trenkle oo magaalada Hargeysa safar hawleed ku jooga. Hoggaanka Xisbiga iyo weftiga Maraykanka ayaa ka wada hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin xal u helidda xaaladda Laascaanood iyo sidii loo dardar gelin lahaa arrimaha doorashada Madaxtooyada si isbedel hoggaamineed dalka uga dhaco. Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Somali Journalists Syndicate (SJS) Cabdalla Axmed Muumin ayaa maanta waxaa mar kale xiray ciidamada dowladda Soomaaliya. Qareenkiisa Cabdiraxman Xassan, oo goobjoog ahaa xilliga la xirayay Cabdalla Muumin, ayaa sheegay in markii hore ay u yimaadeen gaashaanle ka tirsan booliska Soomaaliya iyo nin dhar cad oo u sheegay Cabdalla Muumin inuu xiranyahay. Xilliga la xirayay Wariye Cabdalla Muumin waxa uu ku sugnaa Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ugu qeyb galayay kullan uu soo agaasimay Aqalka Sare oo looga hadlayay Hindise Sharciyeedka cunaqabateynta maaliyadda ee cayiman ee ay dhawaan Golaha Wasiirada ee dowladda Somaliya ansixiyeen. Qareenka Cabdalla ayaa sheegay inuu halkaasi ka dhacay buuq iyo murran muddo socday, kadib markii ay iyaga iyo ilaaladii hotelka ka codsadeen ciidamada in la tuso waaranka ama warqadda Maxkamadeed ee xiritaankiisa, markii danbana ay xoog ku ka-xeysteen. Cabdalla Muumin ayaa sidan oo kale waxaa 11-kii bishii October ee sanadkii hore Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kasoo xiray ciidamada dowladda, iyadoo lagu eedeeyay eedo ay ka mid ahaayeen sumcad dil iyo amar diido. Kadib dhageysiga dacwadiisa oo soo martay 4 wareeg, ayaa 13-kii bishan Febaraayo waxay Maxkamadda Gobolka Banaadir ku xukuntay Cabdalla Muunim laba bilood oo xabsi ah. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud ayaa xilligaas sheegay in go’aankan loo cuksaday hal qodob oo ka mid ah saddex eed oo markii hore loo soo jeediyay Cabdalla iyadda oo labada kale lagu waayey. Sida uu Qareenkiisa Cabdiraxman Xassan u sheegay VOA-da, Celcelis ahaan waxa uu xabsi toos ah ku jiray Cabdalla Muumin muddo 10 maalmood ah oo kala duduwan. VOA The post DF oo mar kale xirtay Cabdalla Muumin – Xagee laga qabtay? appeared first on Caasimada Online.
  20. Hargeisa (HOL) - A delegation from the US Embassy in Mogadishu, led by Chargé d’Affaires Tim Trenkle, arrived in Hargeisa on Thursday to meet with Somaliland government officials, civil society representatives, and youth leaders. Source: Hiiraan Online
  21. Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan dagaal culus iyo duqeymo is barbar socda ay ka socdaan qaybo kamid ah gobolkaasi, kadib markii ciidanka huwanta iyo saaxibada caalamiga ah ay weerar qaadeen. Dagaalka iyo duqeymaha ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ka socdaan howdka u dhexeeya deegaanada Fiidow iyo Show oo ka tirsan gobolka Hiiraan. Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada Xoogga iyo kuwa Macawiisleyda oo ay hawada ka taageerayaan saaxibada caalamiga ay dhowr jiho ka weerareen saldhigyo ay xoogaga kooxda Al-Shabaab ku leeyihiin halkaasi. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu sii xoogeysanayo marba marka ka dambeysa, waxaana uu kusii fidiyaa dhul ballaaran oo ku yaalla Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa shaaciyay nay khasaare xoogan ay gaarsiiyeen Shabaab, welina howlgalka uu socdo. Xaaladda ayaa haatan ad mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in weli rasaas xoogan iyo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo deegaanadaasi. Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada huwanta. Hiiraan ayaa kamid ah gobollada uu ka socdo howlgallada xoreynta, waxaana halkii ugu horreysay ee uu ka billowday kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, tan iyo markii ay billowdeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda, dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay dhul ballaaran oo ku yaalla gobollada dalka. The post Wararkii ugu dambeeyey dagaal iyo duqeymo culus oo ka socda gobolka HIIRAAN appeared first on Caasimada Online.
  22. MadaxweynahaSomaliland waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabiley safiir ku xigeenka Maraykanka u fadhiya Somaliya Amb. Tim Trenkle Arimaha ay ka wada hadleen ayay madaxtooyadu ku sheegtay laba qodob oo kaliya . 1. Arinta dagaalka Laascaanood . 2. Sidii dib loogu bilaabi lahaa Wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya . Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta muddo uu hakad ku yimid shaqadii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taas oo saameyn ku yeelatay duulimaadyada gudaha iyo caalamiga. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in sababta ay tahay shidaal la’aan soo wajahday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, taas oo saameysay shaqada guud. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in arrintan ay timid, kadib markii wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Fardowsa Cusmaan Cigaal ay soo saartay ay shaqada uga joojisay shirkadii shidaalka geyn jirtay garoonka Aadan Cadde, waxaana arrintaas ay keentay in shidaal la’aan ay dhacdo. Fardowsa ayaa lagu warramay inay dooneyso in shirkad ayada ku xiran ay siiso qanadaraaska shidaalka, si ay uga faa’iideysato dakhliga kasoo xaroonaya iibka shidaalka oo boqolaal kun oo dollar ah. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in diyaaradaha ay shaqadooda hakadka gashay ay ka mid yihiin kuwa caalami iyo kuwa gudaha ah oo ku xayiran gudaha garoonka, kadib markii ay saameysay shidaal la’aanta garoonka ka taagan. Arrintan ayaa sidoo kale sawir xun ka bixineysa garoonka Muqdisho oo ay maalin welba kusoo dagaan diyaarado kala duwan oo isaga kala goosha Soomaaliya iyo Caalamka. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kaso baxay dowladda federaalka iyo maamulka hay’adda Duulista Rayidka Hawada oo ku aadan dhacdad ka taagan garoonka. Waxaa sidoo kale arrintaan ay kusoo aadaysaa, ayada oo uu maanta is-casilay wasiiru dowladihii Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug), kaas oo shaaciyay in musuq baahsan iyo ku takrifal awoodeed uu ka jiro wasaaraddaasi. Wuxuu si gaar ah eedeynta ugu jeediyay wasiirka wasaaraddaasi, Fardowsa Cismaan Cigaal, isaga oo tilmaamay in ay xadgudub ku heyso muwaadiniinta Soomaaliyeed, isla-markaana Wasaaradda ay ka dhigtay meel lagu dhibo dad shacabka ah. “In damiirkeygu isiin waayay inaan ka sii tirsanaado xafiis lagu dulminaayo muwaadiniin Soomaaliyeed, laguna fool xumeynaya Adeegga iyo kalsoonida ay umadda Soomaaliyeed ku qabtay wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada” ayuu yiri Wasiir Caana-nuug. The post Sawirro: Duulimaadyadii Garoonka Aadan Cadde oo hakad u galay musuq-maasuq appeared first on Caasimada Online.
  24. February 23, 2023SL ReporterLeave A CommentOn Somaliland Hard Earned Stability At Risk Due To Political Turmoil According To House Of Commons Library The current political turmoil in Somaliland has placed the country’s hard earned stability at risk according to a report by the International Crisis Gorup. An accusing finger is being pointed at the government’s failure to give a clear road map for the presidential elections. In a report by the United Kingdom House of Commons library released on Wednesday expressed concern at the political developments in the self declared independent nation of Somaliland. “The self-declared Republic of Somaliland has in recent years been lauded for its stability, largely avoiding the violence of Somalia. The UK Government has described Somaliland as a “beacon” for democracy. However, it is currently in political turmoil, and the International Crisis Group think tank says Somaliland’s “hard-earned stability is at risk,” Sid the report. The presidential elections were scheduled to be held in November 2022 but were postponed. As a result political tensions emerged between the Government and opposition parties over the sequencing of the presidential elections and the election to decide which political associations would become the three official political parties (Somaliland has a constitutional limit on the number of political parties, designed to promote inter-clan dialogue). Following the postponement of the presidential election, Somaliland’s Parliament extended President Muse Bihi Abdi’s term of office by two years. The main opposition parties have refused to recognise the extension. The Centre for Policy Analysis, based in Somaliland, says the current political stalemate over the licencing of political parties is the result of the repeated extension of terms and delays to elections The UK Government has urged Somaliland’s political actors to “agree on an electoral roadmap.” The constitution limits the number of political parties to no more than three. The constitution also makes it unlawful for any political party to be based on regionalism or clannism. The selection process for the three political parties eligible to participate in national elections is set in the Law for Regulation of Political Associations and Certification of Political Parties (Law No. 14). Political associations would compete in local council elections, with the three receiving the most votes eligible to stand for subsequent elections. To allow for changes to parties, in 2011 the law was amended to allow for the registration of new parties every ten years. In the 2012 local elections, three parties – UCID (the Justice and Welfare party), Kulmiye and Waddani – received the most votes and were licenced as official parties for the next ten years. The local council election schedule would have had elections in 2017 and again in 2022. The 2017 elections were postponed until 2021, meaning no local council elections in 2022 when the political parties licences expire. In 2021 Somaliland’s Parliament responded to the problem by amending the law to change how new political associations compete to become parties. Parliament removed the linkage with local council elections, instead creating a direct election for political associations and parties. Disagreement between the President and Parliament over the amendment resulted in the Supreme Court ruling in favour of Parliament’s amendment. However, when this election for new political parties should take place is a matter of dispute, as the sequencing of the vote with the Presidential election has become an issue. Crisis Group says, “there is no obvious legal mechanism for extending the soon-to-expire party licences beyond ten years.” During 2022 differences emerged between the Government and opposition parties over the sequencing of the presidential election and the election for political parties. The sequencing matters, International Crisis Group says, because “the ruling party and opposition both see the evolving electoral calendar as central to their political fortunes, and both are trying to control it.”15 Crisis Group says President Bihi and his Kulmiye party are believed to favour holding the party vote first, thinking that their party’s chances will be boosted if newer and potentially lesser experienced parties gained licences. By contrast, the opposition Waddani and UCID parties favour holding the presidential vote first. According to the Centre for Policy Analysis, this is because they fear potentially losing out to new political associations, and therefore it is in their interest to hold the presidential election first. Africa Confidential reports that Bihi supporters have created nine political associations to undermine Waddani and UCID. In August 2022 several people were killed when security forces clashed with protestors demanding presidential elections be held in November. In September, the electoral commission announced the postponement of the presidential election to mid-2023, saying they needed nine months to organise the poll. The commission said the election “is not viable due to time, technical and financial constraints. Source Somalilandreporter. Qaran News
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin ammaanka dalka iyo sidoo kale dagaalka Al-Shabaab. Shirkan ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana goobjoog ahaa ku xigeenkiisa, Saalax Axmed Jaamac iyo inta badan xubnaha Golaha Wasiirada. Ugu horreyn Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha warbixin ka siiyey howlgallada socdo iyo deegaanadii ugu dambeeyey ee laga qabsaday Al-Shabaab. Golaha ayaa si weyn u boggaadiyey guulaha laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo jab xoogan lagu gaarsiiyay HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. “Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka aya gacantana ku dhigay hub iyo deegaanno cusub oo ay Khawaarijtu ku sugnaayeen,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saareen Golaha Xubnaha Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay ammaanka Muqdisho, waxayna cambaareeyeen weerarkii 21 bishan ay Al-Shabaab ku qaadeen guri ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu beegsaday dhaawacyo ka tirsan ciidamada Macawiisleyda. Sidoo kale Golaha Wasiirada Xukuumadda Fdeeraalka ayaa tacsi u direy ehellada dadkii ku dhintay weerarkaas, ayaga oo kuwa dhaawaca ah u rajeeyay caafimaad deg-deg ah. Dhanka kale, Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhulgariirka Turkiga ayaa Golaha Wasiirada Soomaaliya warbixin ka siiyey howlaha gurmad ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kaga qeyb-qaadanayaan Gurmadka walaalaha Turkiga ee masiibadu ay ku habsatay. Ugu dambeyn ra’iisul Wasaare ku-xigeenka daka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo kulanka ka hadlay ayaa Wasiirada la wadaagay barnaamijka xasilinta deegaannada la xoreeyey, isticmaalka nidaamka guud ee dowliga ah ee hay’adaha caalamiga ah, barnaamijka deyn cafinta iyo xaaladda dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyo ku yaalla dalka Niger. The post Maxaa kasoo baxay shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.