Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeisa (Caasimada Online) – The Speaker of Somaliland’s parliament, Abdirisaaq Khalif Ahmed, has accused the President of Somaliland, Muse Bihi, of obstructing efforts to bring peace to the troubled city of LasAnod in northern Somalia. The conflict that began in LasAnod, the administrative capital of the Sool region, has escalated, with a group of local leaders, civil society groups, and religious leaders announcing that they no longer recognize the Somaliland government. In a statement, they declared that Mogadishu, the capital of Somalia, would now rule the territory. The Sool region has been a disputed territory between Somaliland and Puntland since the collapse of the Somali government in 1991. While Somaliland regards Sool as part of its territory, Puntland considers it part of its federal state. Reasons for conflict in LasAnod The conflict started on February 6 after the local leaders, civil society groups, and religious leaders announced they no longer recognize the Somaliland government. In response, the Somaliland administration labeled them “terrorists” and blamed them for the violence. For weeks, Somaliland troops have been fighting against local clan fighters who seek to become a federal state, announcing their separation from Hargeisa. However, the government of Muse Bihi rejected the move, stating that the region remains a territory of Somaliland. The conflict escalates Reports indicate that the SSC-Khatumo forces have captured new army positions after the Somaliland administration forces withdrew from army positions. In the Tukaraq area of the Sool region, yet another clash has occurred between the Somaliland army and local clan militia forces, as the conflict in the region shows no signs of abating. The Speaker of Somaliland’s parliament, Abdirisaaq Khalif Ahmed, accused the Somaliland government of escalating the conflict in LasAnod, describing their actions as offensive. Khalif accused Somaliland’s army of committing war crimes in the region, with the town being bombed on the orders of Somaliland President Muse Bihi Abdi. Following intense fighting, the Somaliland military reportedly withdrew from Tukaraq amid calls for a cessation of hostilities from the international community, which has projected catastrophe in the region. Death toll climbs in LasAnod Over the past three weeks, the conflict in LasAnod has resulted in the deaths of nearly 105 people, with the vast majority of victims being innocent civilians, including women and children. The fighting has also left over 600 others critically wounded, who are currently undergoing treatment in hospitals, struggling to cope with the high number of casualties. Somaliland’s Speaker of Representatives House, Abdirisak Khalif, has denied battling against Puntland, Central Government soldiers, and terrorists. Instead, he has argued that the Sool region has the right to defend itself, and he is merely representing the interests of the local population. He stated, “The Sool region has the right to defend itself, and I represent them.” International response The United States embassy in Somalia has released a statement calling for an immediate, unconditional ceasefire and unhindered humanitarian access. The US State Department’s Bureau of African Affairs has condemned the continued indiscriminate attacks that killed scores of civilians in LasAnod and drove more than 185,000 people from their homes. “The United States condemns the continued indiscriminate attacks that have killed scores of civilians in LasAnod and driven more than 185,000 people from their homes. The violence must end, and those responsible must be held accountable,” the US State Department tweeted. The fighting in LasAnod has uprooted more than 185,000 people from their homes, with aid workers struggling to respond to the situation due to inadequate resources. Of those displaced, an estimated 89 percents are women and children, More than 60,000 others have fled to Ethiopia’s Somali region to escape the violence, according to the UN’s refugee agency. This month, UN rights chief Volker Turk called on authorities to conduct a “credible and impartial investigation” into the clashes. He warned that they compounded the already fragile humanitarian situation in the region. The post Somalia: Death toll climbs as fighting escalates in LasAnod appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ay maleeshiyaadkeedu ku dileen mid kamid ah horjoogayaashii ciyaal-weerada. Dilkan ayaa xalay ka dhacay deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim, waxaan ninkan la dilay lagu magacaabi jiray Cabdiqaadir Carab. Kooxda ayaa sheegtay in ninkaan uu ka ganacsan jiray waxyaabaha maanka dooriya. Sida ay baahisay warbaahinta kooxda, ninkan ayaa waxa uu dhalinyarada magaalada Muqdisho ka gadi jiray taanbuuga iyo xashiishka. Al-Shabaab ayaa sheegtay in dilka Carab uu bilow u yahay howl-galo ay maleeshiyaadka kooxda ku beegsanayaan ciyaal weerada, islamarkaana uga sifeynaya caasimada dalka oo ay ku hayaan dhib badan, sida ay sheegtay. Dhawaan ayay aheyd markii uu Afhayeenka howl-gallada kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab uu dhawaaqay howl-gal uu sheegay in maleeshiyaadka kooxda ay ka billaabi doonaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Abuu Muscab ayaa waxa uu xilligaasi sheegay in kooxda ay magaalada Muqdisho ka fulin doonto howl-gallo ay ku baacsaneyso kooxaha ciyaal weerada iyo kuwa ka ganacsada daroogada noocyadeeda kala duwan. Waxa uu sheegay in arrintaan ay daba socoto kadib cabashooyin badan oo uu sheegay in dadka Muqdisho u gudbiyeen kooxda, kuwaasi oo la xiriira halista ay kooxahaasi ku hayaan, sida uu hadalka u dhigay. Kooxda ciyaal-weerada ah oo ku hubeysanaa mindiyo ayaa habeen hore wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Abuukar Fiidow ku dilay xaafadda Siliga ee Towfiiq oo ka tirsan degmada Yaaqshiid. Ciyaal-weerada ayaa haatan u muuqda inay markale kusoo laba kacleeyeen magaalada Muqdisho, waxaana dhibaatooyinka ugu badan hadda laga soo warinayaa waqooyiga caasimada. Si kastaba, dhibaatooyinkan ayaa ah kuwa ku soo noq-noqday caasimada, ayada ciidamada ammaanka oo wada howl-gallo culus ay u maara la’yihiin wax ka qabashada amniga iyo ciyaal-weerada. The post Al-Shabaab oo shaacisay inay dishay ninkii daroogada ka gedi jiray dhallinta Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  3. Xukuumada Somaliland ayaa ka bixista ciidamada millateriga ee Laascaanood iyo Tukaraq ku tilmaantay qorshe lagu hirgalinayo xabad joojintii ay ku dhawaaqday 10 kii bishan. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland D.R Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in Somaliland awood u leedahay in ay xal buuxa ka gaadho khilaafaad keeda guddaha, isaga oo ka hadlaya xaalada Laascaanood. “Somaliland waligeedba waxay awood u lahayd, oo ka go’nayd in ay arrimaheeda guddaha iyadu xal ka gaadho, sida oo aanu yeelnay todobanaan sanno, anaga oo nabada iyo dimuquraadiyadayada ilaashanayna, dowladu waxay ku kalsoontahay in xaalada hada ee Laascaanood la xalin doono” ayuu yidhi Wasiir Kayd. Wasiirka oo si gaara u dul istaagay ka bixitaanka Millateriga Somaliland ee magaalada Laascaanood iyo Tukaraq, ayaa sheegay in ay tahay talaabo lagu dhowrayo bad qabka shacabka, kadib baaqyo uga yimid shacabka iyo beesha caalamka. “Si loo yareeyo dhibaatada soo gaadhaysa shacabka, iyo markii aanu garwaaqsanay baaqyada nagaga imanaya shacabkayaga iyo saaxiibadayada caalamiga ah, saaka subixii hore ciidamada Somaliland waxay dib uga gurteen forimihii hore, waxayna iskugu tageen saldhigyo cayiman” ayuu yidhi Wasiir Kayd. Waxa uu sheegay in xukuumada ay ka go’antahay in Laascaanood anay gabaad u noqon kooxaha argagixisada, wuxuuna sheegay in ay ugu baaqayaan ciidamo beeleedka hubaysan ee Laascaanood ku sugani in ay baneeyaan magaalada. Waxa uu sheegay in ciidamada millaterigu ay awood buuxda u leeyihiin in ay ilaaliyaan madaxbannaanida Somaliland, lakiinse, ay sida u sameeyeen si ay u muujiyaan ka go’naanshahooda in xabad joojintu hirgasho. Source
  4. Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ku baaqay in dhinacyada ku dagaalamaya Laascaanood ay ciidamada kala fogeeyaan, wadahadalna layskugu yimaado. Kadib kulan albaabadu u xidhnaayeen oo ay saaka iskugu yimaadan xubnaha goluhu, ayuu goluhu ku baaqay in ciidamada la kala fogeeyo, in salaadiinta Somaliland iyo garaadada Sool ay kulmaan, wuxuuna magaacabay guddi ka shaqaysa arrimaha Laascaanood. Goddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo Laascaanood ku sugan, ayaa dhankiisa xukuumada ku eedeeyay talo xumo iyo in ay gaysatay tacadiyo xuquuqda aadanaha ka dhan ah, wuxuuna sheegay in la fikiryahay garaadada. Khaliif oo markale waraysi siiyay Gaylan Media, ayaa ku baaqay in ciidamada Somaliland laga raro deeganadaas, kadibna Somaliland iyo waxgaradka gobolka Sool ay wadahadal iskugu yimaadaan. Ciidamada Somaliland ayaa xalay xili danbe iskaga guuray fadhiisimadii ay ku lahaayeen magaalada Laascaanood, kadib baaqyo isdaba joog ah oo dhinacyada lagaga codsanayay in ay ciidamada kala qaadaan. Source
  5. Khalif:”President Bihi undermined all peace efforts to resolve the Laascaanood conflict.” Laascaanood — (PP News Desk) The Speaker of Somaliland House of Representatives Abdirisaq Khalif Ahmed today accused Somaliland Administration President Muse Bihi Abdi of undermining peace efforts to resolve the Laascaanood conflict. “It all began on 27 December 2022, when the former regional governor and the commander of the area Ali Barre, used the military force to quell people demonstrating peacefully in Laasanood. The indiscriminate shelling of Laascaanood on the second day of the war while I was in the district along with the Somaliland Interior Minister [ Mohamed Kahin] and his delegation including the Commander of the Somaliland Army ensued. President Muse Bihi Abdi who is the commander of Somaliland Forces authorised the indiscriminate shelling of Laascaanood [by Somaliland forces]” said Khalif at a press conference held in Laascaanood earlier today. “I would like to make it clear that President Bihi undermined all peace efforts to resolve the Laascaanood conflict. When the first peace initiative had failed, we shared details of another peace effort with the European Union to arrange talks via the telephone between Laascaanod traditional leaders and traditional leaders from Western regions. President Bihi held a meeting in the presidency and unilaterally declared a peace summit to be held in Yagoori” he added. The remarks of the Somaliland Parliamentary Speaker could be used as a basis for accountability called for by Ms. Isha Dyfan, the United Nations Independent Expert on the Situation of Human Rights in Somalia. © Puntland Post, 2023 The post Somaliland Parliamentary Speaker Accuses Muse Bihi of Authorising “War Crimes Against Laascaanood” appeared first on Puntland Post.
  6. Laamiga dheer ee Laascaanood iyo Garoowe oo qiyaastii dhan in ka badan 130km ayaa maanta si rasmi ah u furmay. Laamigan oo ku xirmay dagaallada Laascaanood ka socday 20-kii cisho ee u danbaysay ayaa caqabad weyn ku ahaa gudbinta dhaawacyada loo qaado dhinaca Garoowe. Kadib markii saaka Ciidamada Somaliland laga qabsaday Tukaraq iyo Gabadhe ayaa waxa dib u furmay Laamiga dheer ee dhanka Garoowe. Dhaawacyada kala duwan ee Garoowe loo wado ayaa intii dagaalku socday la marin jiray jidadka rafka ah ee hawdka mara islamarkaana masaafo dheer ah. Dagaallada Laascaanood ayaa sababay dhimashada dad badan oo rayid ah iyo dhaawaca boqollaal kale oo qaarkood culus magaalada Muqdisho loo qaaday. PUNTLAND POST The post Laamiga Garowe iyo Laascaanood oo dagaallada ku xirmay ayaa maanta dib u furmay appeared first on Puntland Post.
  7. GENEVA/NEW YORK/WASHINGTON, 26 February 2023 — Every two minutes, a woman dies during pregnancy or childbirth, according to the latest estimates released in a report by United Nations agencies today. This report, Trends in maternal mortality, reveals alarming setbacks for women’s health over recent years, as maternal deaths either increased or stagnated in nearly all regions of the world. “While pregnancy should be a time of immense hope and a positive experience for all women, it is tragically still a shockingly dangerous experience for millions around the world who lack access to high quality, respectful health care,” said Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus, Director-General of the World Health Organization (WHO). “These new statistics reveal the urgent need to ensure every woman and girl has access to critical health services before, during and after childbirth, and that they can fully exercise their reproductive rights.” The report, which tracks maternal deaths nationally, regionally and globally from 2000 to 2020, shows there were an estimated 287 000 maternal deaths worldwide in 2020. This marks only a slight decrease from 309 000 in 2016 when the Sustainable Development Goals (SDGs) came into effect. While the report presents some significant progress in reducing maternal deaths between 2000 and 2015, gains largely stalled, or in some cases even reversed, after 2015. In two of the eight UN regions – Europe and Northern America, and Latin America and the Caribbean – the maternal mortality rate increased from 2016 to 2020, by 17% and 15% respectively. Elsewhere, the rate stagnated. The report notes, however, that progress is possible. For example, two regions – Australia and New Zealand, and Central and Southern Asia – experienced significant declines (by 35% and 16% respectively) in their maternal mortality rates during the same period, as did 31 countries across the world. “For millions of families, the miracle of childbirth is marred by the tragedy of maternal deaths,” said UNICEF Executive Director Catherine Russell. “No mother should have to fear for her life while bringing a baby into the world, especially when the knowledge and tools to treat common complications exist. Equity in healthcare gives every mother, no matter who they are or where they are, a fair chance at a safe delivery and a healthy future with their family.” In total numbers, maternal deaths continue to be largely concentrated in the poorest parts of the world and in countries affected by conflict. In 2020, about 70% of all maternal deaths were in sub-Saharan Africa. In nine countries facing severe humanitarian crises, maternal mortality rates were more than double the world average (551 maternal deaths per 100 000 live births, compared to 223 globally). “This report provides yet another stark reminder of the urgent need to double down on our commitment to women and adolescent health,” said Juan Pablo Uribe, Global Director for Health, Nutrition and Population at the World Bank, and Director of the Global Financing Facility. “With immediate action, more investments in primary health care and stronger, more resilient health systems, we can save lives, improve health and well-being, and advance the rights of and opportunities for women and adolescents.” Severe bleeding, high blood pressure, pregnancy-related infections, complications from unsafe abortion, and underlying conditions that can be aggravated by pregnancy (such as HIV/AIDS and malaria) are the leading causes of maternal deaths. These are all largely preventable and treatable with access to high-quality and respectful healthcare. Community-centered primary health care can meet the needs of women, children and adolescents and enable equitable access to critical services such as assisted births and pre- and postnatal care, childhood vaccinations, nutrition and family planning. However, underfunding of primary health care systems, a lack of trained health care workers, and weak supply chains for medical products are threatening progress. Roughly a third of women do not have even four of a recommended eight antenatal checks or receive essential postnatal care, while some 270 million women lack access to modern family planning methods. Exercising control over their reproductive health – particularly decisions about if and when to have children – is critical to ensure that women can plan and space childbearing and protect their health. Inequities related to income, education, race or ethnicity further increase risks for marginalized pregnant women, who have the least access to essential maternity care but are most likely to experience underlying health problems in pregnancy. “It is unacceptable that so many women continue to die needlessly in pregnancy and childbirth. Over 280,000 fatalities in a single year is unconscionable,” said UNFPA Executive Director Dr. Natalia Kanem. “We can and must do better by urgently investing in family planning and filling the global shortage of 900,000 midwives so that every woman can get the lifesaving care she needs. We have the tools, knowledge and resources to end preventable maternal deaths; what we need now is the political will.” The COVID-19 pandemic may have further held back progress on maternal health. Noting the current data series ends in 2020, more data will be needed to show the true impacts of the pandemic on maternal deaths. However, COVID-19 infections can increase risks during pregnancy, so countries should take action to ensure pregnant women and those planning pregnancies have access to COVID-19 vaccines and effective antenatal care. “Reducing maternal mortality remains one of the most pressing global health challenges,” said John Wilmoth, Director of the Population Division of the Department of Economic and Social Affairs. “Ending preventable maternal deaths and providing universal access to quality maternal health care require sustained national and international efforts and unwavering commitments, particularly for the most vulnerable populations. It is our collective responsibility to ensure that every mother, everywhere, survives childbirth, so that she and her children can thrive.” The report reveals that the world must significantly accelerate progress to meet global targets for reducing maternal deaths, or else risk the lives of over 1 million more women by 2030. ### Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ay u dirtay dooni sida sahay gargaar, xilli xaalad adag laga soo sheegayo dadkii uu saameeyay dagaalka socda. Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa dekedda magaalada Muqdisho ka dirtay doontan, oo ay sheegtay inay sido shixnad isugu jirta raashinka qeybihiisa kala duwan. Sidoo kale waxaa qeyb ka ah gargaarkan ay dirtay SODMA gaari nooca gurmadka degdeg ah (Ambulance) oo loogu tala-galay in dhaawacyada rayidka lagu gaarsiiyo goobaha caafimaadka. Hay’adda ayaa waxa kale oo ay sheegtay in gargaarkan qeyb kamid ah uu ku wajahan yahay deegaannadii dhawaan laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab ee gobolka Mudug ee maamulka Galmudug. SODMA ayaa sidan oo kale dhawaan diyaarado wada shixnado iskugu jira raashin iyo daawo u dirtay markale magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay ka socdaan dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC. Gurmadkan ayaa kadib waxaa loo sii gudbin doono magaalada Laascaanood iyo deegaanada ku dhow, oo bulshadii ku nooleyd uu si weyn u saameeyay dagaalkan. Hay’adda maareynta masiiboyinka qaranka ayaa sheegtay in dowladda federaalka ay ka go’antahay in gurmad la gaarsiiyo dadka reer Laascaanood oo dagaal kula jira Somaliland. Madaxweyanaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u balan-qaaday in dowladda federaalka Soomaaliya ay qaadan doonto kaalinteeda gurmadka dadka ku waxyeeloobay dagaalka. Ugu yaraan 96 qof ayaa ku dhintay in ka badan laba toddobaad oo iska hor-imaadyo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka magaalada Laascaanood, sida uu sheegay agaasimaha Isbitaalka Laascaanood. “Waxaan haynaa 96 dhimasho ah iyo 560 dhaawac ah,” ayuu Axmed Maxamed Xasan, oo ah maamulaha Isbitaalka weyn ee magaalada Laascaanood khadka telefoonka ugu sheegay wakaaladda wararka ee AFP. Xafiiska QM ee Isku Xirka Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA), ayaa sheegay in 185,000 oo qof ay ka barakaceen magaalada Laascaanood. Bayaan kasoo baxay xafiiska OCHA ee Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in weli ay jiraan warbixino ku saabsan dagaallo socda inkasta oo xabad-joojin lagu dhowaaqay. Ka sokow in tobanaan kun oo qof ay ku barakaceen gudaha Somaliland, in ka badan 60,000 oo qof ayaa u qaxay gobolka Soomaalida ee Itoobiya si ay uga baxsadaan rabshadaha, waxaa sidaas sheegtay hay’adda QM ee qaxootiga UNCHR. The post DF Soomaaliya oo sahay u dirtay magaalada Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  9. “Dadaal kasta oo aan samaynay intii dhibtu dhacday, oo xal la gu gaadhi lahaa Muuse ayaa fashiliyay.” Gudoomiye Khaliif baa manta sidaas ku sheegay waraysi uu bixiyay. Wax kasta oo uu sheegay cadayn iyo marag buu u yeelay. Hadal faaruq ah muu is ka jeedin. Muuse dano yaryar oo gaaban buu ka raadinayaa mashaqada Meesha ka taagan, 21 kii maalmood ee inna dhaafay na, wiilal badan ayaa dhintay. Is ku darka dhimashada ee labada dhinac waa boqolaal, dhaawacu waa kumanaan, khasaaraha dhaqaale ee ka dhashay burburka hantidu na, waa malaayiin hadii aanu balaayiin ba gaadhin. Waxaas yaa masuul ka ah? Dabcan Muuse – foolxumadaasi ninkaas geesna u ma dhaafsana. Maanta waxa la cadeeyay in ciidanka Somaliland ee Sool joogaa ay amar-diiddo baahsan ku dhaqaaqeen, Nuux Taani na uu geed is ka hoos seexday markii cidi waxba ka dhegaysan weyday. Dabcan xaq ayay u leeyihiin, maxaa yeelay si xun baa loo maamulay wiilashaas, si kasta oo dhimashadoodu ku badanayso na waa la sameeyay. Ciidanka waxa aan ku boorrinayaa in ay deegaamada la ga ogolyahay yimaaddaan, maxaa yeelay taas baa xal u gu dhow. Wixii kale ba waa dimasho bilaa micno ah. Waxa Qoray:-Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
  10. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa shalay sheegtay in ciidamo ka tirsan maamulka Puntland uu kusoo weeraray aagga Tukaraq ee gobolka Sool, xilli uu sii xoogeystay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in maleeshiyaadka weeraray ciidanka Somaliland ee ku sugan aagga Tukaraq ay yihiin ciidan maleeshiyo beeleed ah oo halkaasi fariisin ka sameystay. Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka yimaadeen magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, hase yeeshe kama qeyb ahan ciidamada maamulkaasi, illaa haddana si rasmi ah looma oga in maamulka Deni uu gadaal ka joogo. Dagaalkan dhex-maray ciidamada Somaliland iyo kuwa maleeshiyaad beeleedka ah ayaa waxa ka dhashay khasaare labada dhinac, wallow aan la xaqiijin inta uu le’eg yahay. Wararka qaar ayaa sheegay in ciidamada Somaliland laga durkiyay fariisimaha Tukaraq, wuxuuna dagaalkan imanaya xilli qeyb kamid ah ciidamada Somaliland ay u guureen saldhiga Goojacadde oo 7-KM u jira magaalada Laascaanood. Xukuumadda Somaliland ayaa xalay sheegtay in ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay weerar ku soo qaadeen ciidamada Somaliland ee ku sugan aagga Tukaraq ee gobolka Sool. Somaliland ayaa sheegtay inay ciidamadeedu dib u celiyeen oo ay iska difaaceen maleeshiyaadkii weerarka kusoo qaaday ee kasoo duulaan tagay maamulka Puntland, sida ay sheegtay. “Ciidanka Qaranka JSL ee ku sugan Tukaraq waxa maanta weerar ku soo qaaday maleeshiyaad ka soo duulay Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya, Ciidanka Qarankuna waxay dib u celiyeen oo ay iska difaaceen maleeshiiyaadkii weerarka soo qaaday,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Somaliland. Laba toddobaad ka hor unbay aheyd markii ay Somaliland ku eedeysay Puntland inay dhaq-dhaqaaq ciidan ka wado aagga hore ee Tukaraq, ayna doonayaan in dagaalka socda ay ka bilaabaan jihooyin cusub. Deegaanka Tukaraq ayaa waxaa xilligan ku sugan ciidamada Somaliland, waxaana kal hore ka dhacay dagaallo u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland. Arrimahan ayaa imanaya xilli uu shalay sii xoogeystay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, ayada oo ciidamada SSC ay sheegeen inay la wareegeen saldhigii Somaliland ee magaaladaasi. Dagaalkan ayaa galay toddobaadkii saddexaad. The post Xog: Yey yihiin ciidamada Tukaraq ku weeraray Somaliland? appeared first on Caasimada Online.
  11. GARISSA, KENYA — Two police officers have been killed and three others injured in a suspected al-Shabab militant attack on a police vehicle near the Dadaab refugee camp in northeast Kenya. Source: Hiiraan Online
  12. Guddoomiyaha Baarlamanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif ayaa maanta markii u horraysay si adag uga hadlay dagaalka Laascaanood Guddoomiye Cabdirisaaq oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha Laascaanood ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland uu diiday dhammaan wax kasta oo lagu xallin lahaa colaadda Laascaanood. “Waxaan rabaa in aan halkan ka caddeeyo talaabo kasta oo nabadeed oo aanu qaadnay in ay ka socon wayday dhinaca madaxweynaha” ayuu yiri Cabdirisaaq Khaliif. Ciidamada Somaliland ayuu sheegay in ay xasuuq iyo danbiyo dagaal ka geysteen Laascaanood islamarkaana dhibkaas mas’uuliyaddeeda uu leeyahay madaxweyne Muuse Biixi. ” Arrinta waxa soo raacday in magaalada lagu waday duqayn aan loo aabo yeelin, oo la duqeeyay goobihii adeega oo ay mid yihiin isbitaaladii … runtiina aad ayaan uga xumahay, la duqeeyay meelkasta oo dadkan adeeg guud loogu qabanayay” ayuu sii raaciyay. Halkaan ka daawo muuqaalka. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Baarlamanka Somaliland oo si adag uga hadlay dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  13. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha wakiilada maamulka Somaliland, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa si lama filaan ah uga hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kaas oo galay maalintii 21aad oo xiriir ah. Khaliif ayaa shaaca ka qaaday in xasuuq ba’an uu ka dhacay Laascaanood, isaga oo sheegay in awood xad dhaaf ah loo adeegsaday shacabka ku dhaqan magaaladaasi. Guddoomiyaha ayaa eedeynta ugu weyn u jeediyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu tilmaamay inuu kasoo horjeedo in xal rasmi ah laga gaaro colaada Laascaanood. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inuu qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo ku aadan arrintaas, isla-markaana uu kala fur furay xarig kasta oo lagu doonayo in lagu gaaro nabad. Sidoo kae guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in ciidanka malatiga Somaliland laga soo saaro dhulka SSC, si xal loo helo. “Madaxweyne Muuse Biixi, badbaada maanta jirtaa waa in aad ciidamada kala baxdaa deegaanada SSC, maanta berrito maaha, Haddii kale colaad raagta oo kalifaysa in aan dabka la kala qaadan ayaa ka dhalanaysa” ayuu yiri guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif. Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa sidoo kale xusay in mas’uuliyadda wixii halkaas ka dhacay ay qaadayaan madaxweyne Muusae Biixi iyo Taliye Nuux Taani, sida uu hadalka u dhigay. Xaaladda Laascaanood ayaa maalmihii u dambeeyay aheyd mid aad u cakiran, waxaana magaaladaasi shalay ka dhacay dagaalkii ugu xooganaa ee dhex-mara labaa dhinac, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray magaaladaasi. Si kastaba, tirada guud ee dhimashada ayaa kor u dhaaftay illaa 150 qof, halka uu dhaawacana uu ka badan illaa 500 oo kale, kuwaas oo u badan dad rayid ah The post Cabdirisaaq Khaliif oo war lama filaan ah kasoo saaray xaaladda Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  14. Las Anod (HOL) - Somaliland Parliament Speaker Abdirisaaq Khalif Ahmed has accused Somaliland's President Muse Bihi of obstructing all efforts to bring peace to Las Anod. Source: Hiiraan Online
  15. Dowladda Jordan ayaa lagu wadaa in ay martigeliso kulan u dhaxeeya mas’uuliyiinta ugu sareysa Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, si loo hakiyo rabshadaha dhimashada badan ee ka socda Daanta Galbeed ee la heysto. Kulanka maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in uu ka furmo dekedda Caqaba ee badda cas, waxaana ka qeyb galaya wakiilo ka socda Mareykanka iyo Masar. Wadahadalladan la qorsheeyay ayaa imaanaya maalmo kadib markii ciidamada Israa’iil ay weerar ku qaadeen magaalada Nablus ee daanta galbeed ee la haysto, halkaasoo ay ku dileen 11 falastiiniyiin ah. Sarkaal ka tirsan dawladda Urdun, oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP, ayaa sheegay in kulanka la xiriira amniga iyo siyaasadeed ee maanta uu qayb ka yahay dadaallada kor-u-qaadka ah ee ay wadaan Urdun oo kaashanaya maamulka Falastiiniyiinta iyo dhinacyada kale, si loo soo afjaro dhibaatooyinka ka yimaada dhanka Israel. Wadahadallada ayaa looga golleeyahay in lagu heshiisiiyo dhinacyadaasi,isla markaana lagu yareeyo dhibaatooyinka soo gaara dadka reer Falastiin,” ayuu yiri sarkaalka, oo codsaday in aan magaciisa la sheegin. PUNTLAND POST The post Jordan oo marti-gelinaysa wada-xaajood nabadeed oo u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin appeared first on Puntland Post.
  16. Dagaallo goos goos ah ayaa maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, iyadoo lasoo warinayo in ciidanka Milatariga Somaliland ay isaga baxeen fariisimo dhowr ah oo ay kaga sugnaayeen magaalada aroornimadii hore ee saakay, ciidamada deegaanka ayaa la wareegay guriga guriga guddoomiyaha gobolka Sool, kaas oo ay gudaha u galeen ciidan ka tirsan kuwa deegaanka, sida ay sheegayaan wararka aan helayno. Wararka aan sidoo kale ka helayno deegaanka Tukarraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi uu iska hor imaan ku dhexmaray ciidamada Milatariga Somaliland iyo kuwa maleyshiyo beeleed ah oo halkaas farriisin ku lahaa tododlbaadyadii ugu dambeeyay. Iska hor imaadkan oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa muddo kooban ka socda farriisimaha ciidan ee labada dhinac ee halkaas ku dagaalamaya. Dagaalkii shalay dhacay oo ahaa mid aad u qaraar ayaa waxaa muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ay muujinayeen in ciidanka deegaanka ay gudaha u galeen xero ay muddooyinkaan ku sugnaayeen ciidanka Somaliland, kuwaas oo isaga baxay, waxaana wararku ay sheegay in ciidanka ka baxay magaalada uu hoggaaminayay Korneyl Mahad Canbaashe , xoogagga SSC ayaa shegtay in dagaalkii shalay dhacay ay gaareen la taaban karo. Ciidamada Milatariga Somaliland ayaa dhankooda saraakiil u hadashay waxaa ay sheegeen in ciidankooda lasoo weeraray sida ay hadalka u dhigeen, labada dhinac ayaa isku tuurtuuray mas’uuliyadda ciddii bilowday dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Laascaanood, dagaalka dhacay ayaa ahaa mid la saadaalinaayay inuu dhacay, kadib, kadib markii labada dhnac ay ciidamo badan soo galiyeen magaalada iyo xeryaha ay ku sugaan yihiin. Dagaalka magaalada Laascaanood oo galay maalintii 20-aad ayaa waxaad moodaa in xilligaan uu ku faafay goobo hor leh oo ka baxsan magaalada, waxaana muuqan dadaallo lagu joojinayo iska hor imaadja ka socda magaalada, xoogagga deegaanka ayaa xabad joojintooda shuruud kaga dhinay in Somaliland ay isaga baxaan gobolka Sool iyo deegaannada SSC oo in badan hoostagay maamulka uu hoogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Dagaalka ayaa waxaa intii uu socday ka dhashay khasaare xooggan, kaas oo isugu jira naf iyo maal intaba, wararka laga helayo maagalada ayaa sheegaya in dhinacyada ay soo kala gaarayaan gurmadyo kale duwan, iyadoo dhowr jeer dhinaca Somalilad ay ku dhawaaqday xabadjoojin hal dhinac ah, iyadoo aysan dhaqan gal noqon tallaabadaasi ilaa iyo hadda, dagaalka ayaa ku sii faafaya goobo hor leh oo markii hore nabad ahaa. Qaramada Midoobay ayaa horay u sheegtay in dad badan oo ka barakacay dagaalka magaalada Laascaanood ay wajahayaan xaalada adag oo dhanka nolosha ah, xilli ay ku sugan yihiin deegaanno ka tirsan Puntland iyo dowlad deegaanka, goobahaas oo markii hore ay ka jirtay abaar baahsan, taas oo ka dhalatay Roobyarida iyo abaaraha ka jira wadamada Bariga Afrika, tii oo ay jirto in wax ka badan 80,000 qof ay ka barakaceen Laascaanood. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdinuur Maxamed Axmed oo horey usoo noqday agaasimihii warfaafinta ee madaxtooyada ee dowladdii hore, kana mid ahaa saaxibadii aadka ugu dhowaa Maxamed Farmaajo ayaa ka hadlay doorashadii kursiga loo diiday Fahad Yaasiin ee Hop086, kaas oo shalay doorashadiisa lagu qabtay Muqdisho. Kursigan ayaa waxaa kusoo baxay Dr. Maxamed Sheekh Axmed, kaas oo helay 98 cod oo gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay musharrixii la tartami lahaa. Cabdinuur Maxamed oo ka falceliyay doorashadaas ayaa ugu horreyn u mahadceliyay taageeriyaaashiisa iyo saaxibadii la shaqeynayay inta uu ku jiray ololaha doorashada. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uusan guul-daraysanin, isaga oo sababta ku sheegay in uusan tartan dhicin, isla-markaana doorashada ay aheyd mid lagu shubtay. “Tartankii kursiga kumaaan guul-darraysan oo qoraalkani kama dhigna shaacinta in la igaga adkaaday maxaa yeelay tartanba ma jirin!,” ayuu qoraalkan ku yiri Cabdinuur. Sidoo kale wuxuu ayaan darro ku tilmaamay in isaga iyo musharixiintii kale loo diiday inay u tartamaan kursigaasi oo kamid ahaa kuraastii uu khilaafka ka taagnaa illaa 2022-kii. “Waxa ayaan-darro ah inaan naloo oggolaan u tartamidda kursiga iyada oo aanay sababtu ahayn inaan buuxin waayay shuruudihii” ayuu markale hadalkiisa raaciyay. Halkan hoose ka aqriso:- Musharax Cabdinuur Maxamed Axmed” MAANTA IYO BARRIBA MATALAADDAN WACAN WAA NOO MUHIIM!!!. Waxaan rabaa inaan fursaddan uga faa’idaysto u mahadcelinta qoyskayga, saaxiibbaday, taageerayaashayda iyo dadka deegaan doorashada kursiga Hop086, kuwaasi oo i garab istaagay usbuucyadii la soo dhaafay iyo muddadii aan halganka ugu jiray ka qayb-gelidda tartanka hoggaaminta iyo metelaadda dadkayga. Waxa sharaf ii ah oo i farxad geliyay taageerada weyn ee aad ii muujiseen intii aan ku guda-jiray geeddigan siyaasadeed. Arrintaasi waxa ay dhab ahaan marag u noqotay in aan la hor istaagi karin dhallinyaradeenna doonaysa inay metelaan dadkooda. Qodob baanse rabaa inaan hoosta ka xarriiqo: tartankii kursiga kumaaan guul-darraysan oo qoraalkani kama dhigna shaacinta in la igaga adkaaday maxaa yeelay tartanba ma jirin! Waxaan keliya fursaddan uga faa’idaysanayaa inaan la dabbaal-dego dhammaan dadkii qaybta ka ahaa halganka. Awoodda codkeennu wuxuu inoo suurtageliyay inaan taariikh reebno. Waxa ayaan-darro ah inaan naloo oggolaan u tartamidda kursiga iyada oo aanay sababtu ahayn inaan buuxin waayay shuruudihii, balse taa beddelkeeda waa nala hor istaagay markii la arkay aaminaadda iyo kalsoonida aad ku qabtaan hoggaamintayda oo ahayd mid cad oo muuqatay. Malaayiin ka mid ah dhallinyarada qarankeenna ayaa leh hammi sare oo hoggaamin, waxayna diyaar u yihiin inay isbeddel u horseedaan dalka. Dhallinyarada Soomaaliyeed waa ay awoodaan hoggaaminta dalkooda, inaan arrintaas caddeeyo ayaana u raadinayay kursiga. Hankayga la xiriira in dhabbo iyo dariiq cusub loo jeexo da’yarteennu wuu sii xoogaystay. Waxaaan adeegsan doonnaa dhammaan hababka kala duwan iyo kuwa sharci ee noo furan si aan u xaqiijinno xaqeenna metelaadda dhallinyarada iyo dadka uu ka dhexeeyo kursiga Hop 086. Balse inta ka horraysa, qoraalkani waxaan uga dan lahaa u mahadcelinta qof kasta oo idin kamid ah oo marxaladdan i garab istaagay. Tixgelin, Cabdinuur Maxamed Axmed Musharax Xildhibaan HoP086 The post Cabdinuur oo si la yaab leh uga falceliyay doorashadii Muqdisho ee kursiga Hop086 appeared first on Caasimada Online.