-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa meelmariyay in taageero dhaqaale oo dheeri ah la siiyo Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa howl-galka ATMIS (ex-AMISOM). Taageerada dhaqaale ee dheeriga ah ayaa waxaa looga dan leeyahay in gacan ka geysato wareejinta masuuliyadda amniga ee ATMIS oo lagu wareejinayo ciidanka xoogga dalka, si ay u gutaan waajibaadkooda qaran iyada oo la xaqiijanayo awooddooda. Midowga Yurub ayaa waxa uu ku dari doonaa €85 milyan taageeradii horey loogu cayimay ATMIS sanadkaan 2023-ka iyo €25 milyan oo loogu tala-galay ciidanka xoogga dalka. Taageeradana ayaa waxay inta badan gacan ka geysan doontaa helitaanka gunnooyinkii ka maqnaa ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, laga soo billaabo 2021-ka. Dhanka Ciidanka Xoogga dalka waxay diiradda saari doontaa bixinta qalabka militari iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Midowga Yurub ayaa dhawaan u ballan-qaaday dowladda federaalka Soomaaliya in kaalin wayn ka qaadan doono barnaamijka xasilinta deegaannada laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab, si hore looga sii socda deegaanadaasi. Tan iyo 2007-dii Midowga Yurub ayaa ah deeq bixiyaha ugu weyn ee si toos ah ATMIS ugu taageeray lacag dhan 2.4 bilyan, wuxuuna xilligaan xaqiiyay sida ay uga go’an tahay ka qayb qaadashada howlaha ATMIS iyo xoojinta guulaha laga gaaray howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda, ayada oo laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda. The post Midowga Yurub oo Somalia u ansixiyay malaayiin dollar appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay sii hayaha Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Danjire Ed Barnett. Kulankaas ayaa looga hadlay sidii Boqortooyada Ingiriiska ay Dowladda Soomaaliya uga taageeri laheyd howl-gallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee ka socda gobollada dalka. Wasiirka Jaamac ayaa Danjiraha kala hadlay inay dowlaadda Soomaaliyeed ka taageeraan sidii looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka muddada fog saran. Wasiirka Difaaca Qaranka Soomaaliya ayaa intii uu kulankaasi socday wuxuu carrabka ku adkeeyey in arrinta cunaqabateynta ay laf-dhabar u tahay dadaalka loogu jiro ciribtirka kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahad celiyey Boqortooyada Ingiriiska kaalinta ay ka qaadato dhismaha ku socda ciidan qaranka Soomaaliya, si ay u hantaan guud ahaan amniga dalka. Sii hayaha Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Danjire Ed Barnett ayaa dhankiisa bogaadiyey howl-gallada ka socda guud ahaan dalka Soomaaliya ee lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab. Dowladda Ingiriiska ayaa ka mid ah dowladaha taageerada muhiimka ah dhanka ciidamada ka siisa Soomaaliya oo halgan adag ugu jirta dib u dhiska ciidankii burburay ee qaranka. Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa dalka saaran cunaqabateyn dhinaca hubka ah, taas oo dowladda Soomaaliya ay marar badan ku celcelisay inay caqabad ku tahay dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada ah. #image_title #image_title #image_title #image_titleThe post Sawirro: DF Soomaaliya oo hal arrin ka codsatay Britain appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa shalay ku dhawaaqay kaalmo cusub oo gargaar milatari ah oo loogu talagalay Ukraine, taasi oo dhan $400 milyan, sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken. Blinken ayaa sheegay in kaalmada militari ay ka koban tahay rasaasta madaafiicda goobta nooca loo yaqaan HIMARS ee uu Mareykanku ugu deeqay Ukraine iyo sidoo kale rasaasta taangiga Bradley, gawaarida gaashaaman, hubka wax bur-buriga iyo qalabka dayactirka. Wuxuu intaas ku daray in kaalmadan ay sidoo kale qeyb ka yihiin taagero dhinaca tababarka ciidamada Ukraine. Blinken ayaa intaas ku daray in madaxweyne Binden aanu oggolaasho uga baahneyn Congress-ka si uu ugu wareejiyo qalabka iyo adeegyada kaydka Mareykanka ee ay Ukraine u baahan tahay inta lagu jiro xaaladda degdeg ah. Marka lagu daro xirmadan ugu dambeysay, Mareykanka ayaa hadda Ukraine siiyay in ka badan $32 bilyan oo gargaar militari. Wadamada Midowga Yurub ayaa sidoo kale ka shaqeynaya sidii ay kumannaan madfac u gaarsiin lahaayeen Ukraine, iyadoo ay ku baxayso barnaamij ku kacaya 1 bilyan oo doolar. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa booqasho lama filaan ah 20-kii Febraayo ee sanadkan ku tegay caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv, kahor sanad-guurada koowaad ee billowga duulaanka Ruushka ee dalkaas. Biden oo booqashadan ay u aheyd tii ugu horreysay ee uu ku tego dalkaas tan iyo billowgii dagaalka ayaa la kulmay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky. Madaxweynaha Mareykanka ayaa xilligaasi wacad ku maray “taageero aan la loodin karin” oo Mareykanka ku difaacayo Ukarine, wuxuuna ku dhowaaqay hub dheeri ah oo dalkaas la gaarsiin doono. “Waxaan ku dhowaaqayaa keenista agab kale oo muhiim ah oo ay ku jiraan rasaasta hubka lidka diyaaradaha, lidka taankiyada iyo agab kale, si shacabka Ukraine looga badbaadiyo duqeynta,” ayuu yiri Biden. The post Mareykanka oo Ukraine ka dejinaya hub militari oo culus appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – The Federal Parliament of Somalia is currently embroiled in a highly contentious proposal to extend the terms of both parliament and the country’s president. The proposal has sparked intense debate among concerned Somalis, who fear such a move could undermine the country’s fragile democratic institutions. The proposal to amend the constitution comes after nearly 100 MPs in the Lower House, and 15 senators in the Upper House submitted the proposal to their councils last month. The primary objective of the proposal is to extend the period of office of members of parliament and the president by one year. Committees to consider constitutional amendment The proposal involves the creation of two special committees, each comprising ten members, with the task of preparing a report proposing an amendment to the constitution to facilitate the extension of the terms of office. The reports will then be submitted to the parliamentary committee for inclusion on the parliament’s agenda. The Lower House and the Upper House of the Somali Parliament have announced the appointment of these two special committees. The proposed amendment of the constitution would extend the term of office of members of parliament and the president from four years to five. Appointments raising concerns in Somalia The appointments of these special committees have generated worries among some Somalis, who fear that the proposals may undermine the country’s fragile democratic institutions. Despite garnering some support, some groups oppose extending the terms of parliament and the president. Among them is the Himilo Qaran Party, led by the former president of Somalia, Sharif Sheikh Ahmed. In a statement, Sharif expressed his strong opposition to the move, emphasizing the importance of respecting the provisions of the constitution that give the federal government and member states of the federal government the power to lead. Similarly, MP Abdirahman Abdishakur Warsame, the special envoy for drought relief of the President of Somalia, has accused the parliamentary committee of working term extension. He has argued that the parliamentary committee should instead focus on how to move away from the indirect election system that has been in place for some time. Minister of Justice and Constitutional Affairs move The Minister of Justice and Constitutional Affairs, Hassan Mo’llim Mohamud, has appointed an independent committee of five members to review the country’s constitution and work on its implementation. The cabinet has approved the committee of the federal government of Somalia. The next step is for the committee to go before the federal parliament to complete the constitutional process of appointing its members. The committee’s mandate will be to review the country’s constitution and identify areas that need to be amended or updated. Its work will also extend to implementing the constitution, particularly concerning elections and other key democratic processes. The committee comprises five nominated members, including Mohammed Hassan Idriss, Ahmed Mohamud Jama, Mohamed Abdall Salah, Farhia Mumin Ali, and Burhan Adan Omar, as well as five other members from the regional governments that are members of the federal government of Somalia. The post Somalia: Parliament proposes controversial term extension appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia has recalled its ambassador to Qatar, Abdirisaq Farah Ali Taano, for undisclosed consultation matters, according to the letter obtained by Caasimada Online In the letter dated March 2, 2023, The Ministry of Foreign Affairs of Somalia informed the Qatari embassy that Run Said Korshel would take over as the Chargé d’affaires ad interim to the Somali Embassy Doha. “The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia presents its compliments to the Embassy of the State of Qatar in Somalia and has the honor to inform the latter that H.E. Abdirizaq Farah Ali, Somali Ambassador to the State of Qatar has been recalled home for a consultation and Ms. Run Said Korshel has been appointed as the Chargé d’affaires ad interim to the Somali Embassy in Doha,” the letter said. “In that connection, the Ministry would appreciate if the esteemed Ministry of Foreign Affairs of the State of Qatar could assist the Chargé d’affaires a.i to carry out her entrusted duties at the Somali Embassy.” The decision to recall Ambassador Abdirisaq is seen as a passive sacking due to his close ties with former Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo and former intelligence chief Fahad Yassin Haji Dahir. It also coincided with President Hassan Sheikh Mohamud’s visit to the country on Saturday to participate in a conference on Somalia and hold meetings with Qatari leaders. Removing Farmajo’s loyalists Caasimada Online understands that the president intends to replace all ambassadors close to Farmajo with his loyalists to balance his political power in the region. Among the ambassadors set to be replaced are those in other Arab countries, including the United Arab Emirates, Saudi Arabia, and Egypt. The ambassador to Egypt, Ilyas Sheikh Omar, appointed in February 2021 to replace Abdiqani Mohamed Wa’ay, who died of COVID-19 in 2020, is expected to be removed due to his closeness to Fahad Yassin. The ambassador of Saudi Arabia, Salim Haji Macow, appointed by President Farmajo, will also be replaced. Hassan Sheikh visited Riyadh late last year for talks with Saudi officials. The ambassador to the United Arab Emirates will also be replaced. Importance of ambassadors to Gulf countries Gulf ambassadors are crucial to Somalia due to their economic support and the federal government’s efforts to seek international investment. This development comes at a time when Somalia is grappling with a range of security and political challenges, including the threat of al-Shabab militant group. President Hassan Sheikh Mohamud, who took office in 2022, has been working to consolidate his power and strengthen the federal government’s authority. Nevertheless, His administration has faced criticism over allegations of corruption and mismanagement. There have been calls for greater transparency and accountability. The recall of Ambassador Abdirisaq may be part of President Hassan Sheikh’s efforts to reshape Somalia’s diplomatic corps and assert greater control over the country’s foreign policy. However, it remains to be seen how this move will impact Somalia’s relations with Qatar and other Gulf countries. The post Somalia recalls ambassador to Qatar in a diplomatic shift appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia is facing a potentially catastrophic food crisis due to a prolonged drought, increased conflict, and rising food prices, according to The Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO). The Integrated Food Security Phase (IPC) Acute Food Insecurity analysis warns that the situation is dire, and the most vulnerable areas in the country are experiencing elevated mortality levels. Up to 727,000 people are expected to face catastrophic food insecurity by June 2023, leading to starvation and death. Rural farming, pastoralist, and displaced communities, predominantly from rural areas, are at the greatest risk of famine. Their survival depends on the health and productivity of their animals, which have been severely affected by the drought. The Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) urges the international community to take swift action to address the immediate needs of rural communities to prevent famine. Addressing immediate needs in Somalia The FAO emphasizes that immediate action is necessary to avert famine. However, it warns that this is insufficient, and increased investment in resilience and livelihood support is crucial. FAO Representative in Somalia, Etienne Peterschmitt, notes that “real action needs to be taken not only to help communities meet their immediate needs but also so they can adapt their livelihoods and build resilience in the face of climate crises and economic shocks, preparing them for whatever the future may bring.” To prevent famine, sustained levels of at-scale support will be required well into mid- to late-2023. Somalia rural communities most affected The prolonged drought conditions have left pastoral, agro-pastoral, and farming communities unable to cope. Rural agriculture, pastoralist communities, and displaced communities, overwhelmingly from rural areas, are among those most at risk of famine. The FAO emphasizes that saving livestock is crucial since they are the only source of food and income for many rural communities. The FAO will continue providing range cubes and animal vaccines, restoring water holes, and cash assistance to help people meet their basic needs. Underfunded livelihoods support Rural livelihoods assistance saves lives, helping people remain in their homes when it is safe for them to do so and paving the way for future recovery. However, a lack of large-scale funding for livelihood support, climate‑resilient food production, and development priorities pose significant challenges. This leaves livelihoods and the productive sectors they depend on weak and vulnerable to climate and economic shocks. The FAO has been assisting rural communities through cash and agricultural inputs, such as seeds, animal feed, and fertilizers. From May to December 2022, the FAO reached over 700,000 individuals across 35 districts, treated 11 million animals to support their survival, and trucked 27 million liters of water to remote areas. Over $24 million in cash and livelihood assistance has been provided to rural communities most exposed to famine. The FAO plans to reach over a million more people in the coming months. Additional funding is urgently needed Although FAO’s appeal is expected to be 70% funded within the year, additional funds are needed to provide life-saving support through cash transfers in hard-to-reach and inaccessible rural areas. The FAO emphasizes that sustained funding is necessary to support livelihoods, including agricultural inputs, cash transfers, and access to water and veterinary care, to help communities withstand the effects of future shocks. The situation in Somalia is dire, and the international community must act swiftly to avert a humanitarian catastrophe. The FAO has called on donors to provide urgent and sustained funding to support Somalia’s most vulnerable populations. Peterschmitt notes, “if we want to make a lasting difference, we need to help build resilience among rural communities in Somalia.” Without timely and sustained action, the risk of famine and acute malnutrition will continue to threaten the lives of millions of people. The post Somalia: FAO urges action to prevent catastrophic famine appeared first on Caasimada Online.
-
Khudbadda Ciro. Maanta Waxaan u arkaa. Mid umadena Badbaadin karta. Madaxweynaha dabar lagu xidho u noqon karta. Dhiigana joojin karta. Dalka lagu egimayo Madaxweyne ku fashilmey hogaamintii qaran. Nin walba oo wax u sheegi lahaa iska fogeeyey, Waar markii ugu horeysey ee dalkeenu laga wayay. Rag madaxweynaha ku gudda iyo ragu u yeedho. Waayo markey adkaato. Somalidda waxeynu dheereyn. Waayeel guureynaya. Iyo Madaxweyne dhageysanaya. Saqdda dhexa xaaladda dalka laga talin jirey. Taladiisu waxey noqotey ciidanka amniga sugaya. Awood ciidan baa lagu xalinaya. Waa laga adkaanaya. QARANKA QARANKA. Asbuuc markuu dagaalku socdey ayuu arkey in aanu siduu moodayay aheyn. Sidaas daradeed umaddana lagu sii deyn maayo. Askari aan caqli iyo talo midna heyn. Muusow xabadi xal maaha. Madaxddii dalka soo martey daruufo ka adag kuwaad martey bey kala kulmeen goboladda bariga. Qaarkood waxey kugula taliyeen. Gobolka Sool iyo Sanaag bari. Gacan ciiddan ka ilaali. Halka Askari Somaliland ah iyo Qof muwaadina oo gadoodsan ku dhimanayaan. 1million dollars ku bixi. Umadda isku hey. Quwadda ciidan aad aaminsan tahey. Ha u isticmaalin shacabkooda. Waxaad ugu jawaabtey, Ma baad-baan bixiya. Hantida qaranka iyo dowladdnimadda sidda loo maamulo umaad dhalan. Waxaan xasuusta kelmadd uu kugu yidhi sidaan faq ku maley, oo ka midda ragga aadka kugu dhow. Nin kugu yidhi waar dowladdnimadda dhaqaalaheeda iyadda lagu maamula khasnadda dowladda ma (Xarshin Baad kala Timi). Nuxurka aan soo koobe. Dagaalka Laascaanood Taladiisa Somaliland u daa. Dib u fadhiiso. Waxii lagu xalinayana rag baa u jooga. Jooji xabadda ciidankana ka soo durki meelaha lagu weerarayo. Qaranka iyo dowladdnimadda waxa lagu ilaalin karaa. Adoo taladda miiska dhiga. Ragga kaa aragtida duwan u yeedha. Mucarad iyo waxgaradka aad albaabka ka xidhatey dhehaha u fura. Inta kula joogta haddey caqli hayaan, dagaalku muu sii socdeen. Quwad ciidana wax kumaad xalin. Siyaasadda iyo afkaar iyo aragti wanaagsana wax kumaad xalin. Fashil baad tihiin adiga iyo kuwa kula jooga. Markaa kuwaas waxba ha weydiine, dadka ehlu caqliga ee ganacsato leh, dhaqan leh, culimo leh, wax garad leh, dhageyso. Ninka runta ku sheega waxaad u taqaan waa Mucarad. Ama asxaabta Mucaradku ku xidhan yahey. Caqliga bedel. Waxaad ku bedeshaa. Dalkan iyo dakani in aaney burburin. Hanbadiisa la dabaqabto. Sidii la isugu heyn lahaa talaadeedd dadka u daa. Hadba afar guulwadde oo aan runta ku sheegi karin. Madaxtoyadda qado aad ugu sameysa nabadda Laascaanood ma keeni karaan. Hadaad diido. Nuclear, walaahi hadaad laascaanood ku garaacddo. In aanad awood ciidan waxba kaga keeneyn. Waa bilaahi Towfiiq Hon-Envoy Abdirizak Diinaari Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Toddobaadkii dhamaaday laba beelood ayaa siyaabo kala duwan ugu shiray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaasi oo labaduba qaba tabashooyin la xiriira xilalkooda dowladda dhexe. Mid kamid ah labadan beelood waa mid iyada lagu eedeynayay maalmihii lasoo dhaafay inuu u roonaaday madaxweyne Xasan Sheekh. Xildhibaanada labada Aqal iyo wasiirada beesha hoggaamisa maamulka Galmudug ayaa dhawaan ku shiray magaalada Muqdisho. Iyada oo ay beeshaas muddo la kulmeysay eed ah in wax walba oo dowladda dhexe ah inuu Xasan Sheekh iyaga siiyay, ayay dhinaca kale keeneen dood ah in iyaguba dulmisan yihiin. Waxay miiska soo saareen illaa 7 xil oo iyaga uu madaxweyne Xasan Sheekh ka qaaday oo uu beelo kale siiyay iyo 2 xil oo uu soo kordhiyay. Doodda tirsiga waxaa laga saaray kuraasta ay hore ugu fadhiyeen ee isla qof iyaga ah lagu soo celiyay, tusaale; Hanti-dhowraha Qaranka oo qof iyaga ah laga qaaday oo isla qof iyaga ah lagu bedelay. Xubnaha kulanka ka qeyb-galay ee aan la hadalnay waxay sheegeen in dowladda Xasan Sheekh ay ka qaaday; Xoghayihii joogtada ahaa ee wasaaradda arrimaah dibadda, Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka Qaranka, Guddoomiyihii maxkamadda gobolka Banaadir, Madaxii furdada dekedda Muqdisho, Guddoomiyaha degmada Waaberi iyo Agaasimayaal heer gobolka Banaadir iyo heer dowladda dhexe ah. Dhinaca kale waxay isku sheegeen inuu Xasan Sheekh usoo kordhiyay hal Wasiiru-dowle iyo Taliyaha NISA oo kaliya. Doodoodda waxaa kasoo baxday in iyaga wax ka maqan yihiin oo ay tahay inay madaxda sare kala fadhiistan. Waxaa naloo xaqiijiyay inay ballamo ka qabsadeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad, si looga doodo waxyaabaha dowladda uga maqan reerkaas. Xilalkii ay xilligii Farmaajo haysteen wax ka yar inay hadda haystaan oo xilal badan laga wareejiyay, ayna dhinaca kale haysato eedeyn been abuur ah, haddana ay tahay inay doodoodda furaan ayuu kulankaas kusoo dhamaaday. Shir kale oo muhiim ah oo Muqdisho ka dhacay, isagana waxaa yeeshay Xildhibaanada labada Aqal ee beesha hoggaamisa maamulka Koonfur Galbeed. Shir laba maalin qaatay kadib waxay xildhibaanada labada Aqal ee reer Koonfur Galbeed ay sheegeen inay ku qadsan yihiin dowladda dhexe, lana qalday saami-qeybsiga. Waxay madaxda sare ee dalka ugu baaqeen in deg deg loogu laabto hanaanka loo qaabeeyay xilalka dhexe, kuwa hoose iyo taliyayaasha ciidamada, haddii kale ay tallaabo qaadi doonaan. Balse madaxweyne Xasan Sheekh oo Kismaayo ka hadlay ayaa duray shirarka beeluhu ku yeesheen Muqdisho iyo Nairobi ee ka dhanka ah sida ay wax u qeybineyso dowladdiisu. The post Beesha Habar-gidir oo ka cabaneysa 7 xil oo uga maqan DF appeared first on Caasimada Online.
-
Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka degay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, safarkaan uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay Doxa ayaa ah mid aan horay loo sii shaacin. Madaxweynaha ayaa dalka Qatar uga qeyb-galaya shir ay hoggaaminayso Qaramada Midoobey oo u gaar ah dalalka soo koraya. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ka qeyb galayaan Madasha 5-aad ee dalalka soo koraya, ayaa waxay kulammo la qaadan doonaan madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya madashan. Shirkaan ayaa muhiim u ah Soomaaliya, maadaama ay baahan tahay garab, si loo xoojiyo danaha iskaashi ee dunida kala dhexeeya iyo in garab ay ku hesho dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah. “Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dul istaagaya xaaladda jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qatar, isagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal,” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah qoraal ay baahisay Villa Somalia. Madaxweyne Xasan Sheekh inta uusan ka dhoofin dalka wuxuu socdaal ku joogay deegaanada Jubbaland, gaar ahaan gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo madaxda maamulkaas uu kulamo kula yeeshay, isagoo booqday deegaano fog-fog oo ka tirsan gobolkaas. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa lagu waday inuu u safro gobolka Gedo oo jaha-wareer maamul uu ka jiro, isagoo Jimcihii balan qaaday inuu Gedo tegayo oo dadka gobolkaas ku nool uu soo dhageysanayo tabashooyinka ay qabaan. Gobolka Gedo ayaa Jubbaland ka go’an ku dhawaad 3-dii sano ee lasoom dhaafay , waxaana hadda rajo badan laga qabaa in meesha laga saaro madmadowga ka dhex jira siyaasiyiinta gobolkaas iyo maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa safar ku gaaray dalka… appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo Shirka ay hoggaaminayso Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ka qeyb galayaan Madasha 5-aad ee dalalka soo koraya, waxa ay kulammo la qaadan doonaan madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya madashan, si loo xoojiyo danaha iskaashi ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dul istaagaya xaaladda jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qatar, isagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoog leh ayaa caawa ka dhacay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, kaas oo jugtiisu ay aad u xooganeyd oo laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir. In kastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin bartilmaameedka qaraxaas, hadana warar hordhac ah ayaa sheegaya inuu ka dhacay gudaha xarunta waaxda Halgan ee degmada Deyniile. Waaxda Halgan ayaa ku taalla xaafadda caanka ah ee Raadeerka, lama oga cidda wax ku noqotay ama la bartilmaameedsaday. Sidoo kale warar kala duwan ayaa ka soo baxa nooca uu ahaa qaraxaas ama waxa loo adeegsaday, maadaama uu aad u xooganaa oo jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo Muqdisho ka mid ah. Inta badan qaraxyadu kama dhacaan degmada Deyniile, markii laga reebo dilal ka dhaca meelaha qaar, hadana waxay ka mid tahay degmooyinka ugu xasiloon caasimadda Muqdisho. Kooxda Al-Shabaab ayaa Muqdisho ka geysata dilal iyo qaraxyo u badan miinooyin, sidoo kale hey’adaha ammaanka ayaa caasimadda joogto uga sameeya howlgallo ka dhan ah kooxda. Hadda Al-Shabaab gudaha Muqdisho wax ku dila waxaa loo bixiyey magaca ‘Garanwaa’ waxaana caasimadda ka socda howlgallo lagu baadi goobo ‘Garanwaaga.’ Hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xakamey la’ dilalka iyo qaraxyada ay Muqdisho ka fuliso kooxda Al-Shabaab, hadana waxay ku faanaan inay yareeyeen, iyagoo muujiya in dhawaan laga bixi doono amni darada. The post Qarax xoog leh oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Ankara (Caasimada Online) – Turkey’s President Tayyip Erdogan declared that his ruling AK Party and its nationalist partner would stick to their plans for the upcoming national election, despite the opposition bloc’s split over who should run against him. Erdogan said, “Whatever they do, we continue to work on our plan, on our roadmap,” adding that the split was expected. The opposition alliance’s division, which occurred on Friday, is considered a major setback for opposition efforts to oust Erdogan, who has held power for 20 years. Erdogan: 20 years in power Turkey is a parliamentary democracy with a president as its head of state. Erdogan has been the country’s leader since 2014, serving as prime minister and president. He has led his party to a majority in parliamentary elections. His leadership has been marked by controversy, including allegations of authoritarianism and corruption. Erdogan’s popularity has decreased in recent years due to rising living costs. He has been criticized for his government’s handling of natural disasters, such as the recent earthquakes that killed over 45,000 people. Opposition alliance’s split The opposition alliance comprises five political parties and has been plagued by internal disagreements for months. The coalition includes The center-left Republican People’s Party (CHP). The center-right Good Party (IYI). The Islamist Felicity Party (SP). The Democrat Party (DP). The conservative Democrat Party of the Centre (DCP). The alliance was formed in 2018 to challenge Erdogan’s parliament dominance and unseat him in the upcoming presidential election. Meral Aksener, the leader of the IYI Party, announced on Friday that her party was leaving the opposition alliance due to disagreements over who should run against Erdogan. Aksener accused the other parties of pressuring her party and disregarding the people’s will. She proposed Mansur Yavas and Ekrem Imamoglu, the CHP mayors of Ankara and Istanbul, respectively, as candidates. In contrast, five parties in the alliance suggested Kemal Kilicdaroglu, the CHP leader, as their candidate. The CHP has the largest voter base in the alliance, followed by the IYI Party. Kilicdaroglu stated there was no room for political games in the alliance and suggested that other parties could join the bloc. Erdem Aydin, the founder of the London-based RDM Advisory, remarked that the best hope for the opposition is to keep Erdogan below 50% in the first round of voting and display unity in the second round. Turkey’s pro-Kurdish People’s Democratic Party (HDP), a significant participant in the effort to defeat Erdogan, urged the opposition to unite around democratic values such as justice and freedom. Erdogan’s waning popularity Erdogan’s declining popularity has been exacerbated by a rising cost of living crisis and his government’s handling of natural disasters. Despite previous attempts by the opposition to unseat him, Erdogan has remained in power. The opposition has grown more cohesive since winning major cities, including Istanbul and Ankara, from the AK Party in 2019’s local elections. The post Erdogan ‘remains unfazed’ by opposition alliance’s split appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho laga fuliyo howlgallo lagula dagaalamayay waxyaabaha Maanka-dooriya iyo dadka ka ganacsada, sida uu shaaciyey booliska Soomaaliya. Howlagalladaas ayaa laga fuliyay degmooyinka qeybaha Waliyow-Cadde iyo Galbeed ee Gobolka Banaadir, waxaana gacanta lagu soo dhigay dad lagu raad-joogay oo ka ganacsada maan-dooriyaha. Afhayeenka booliska Soomaaya Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in dadkaan lagu soo qabtay howlgallada la hor-geyn doono maxkamadaha dalka. “Howlgalladaan oo xalay la qaaday ayaa socday ilaa maanta, waxaana barbar socda holwgallo gaar ah oo lagula dagaalamayo Khawaarijta iyo kooxaha ciyaal-weerada oo khatar ku ah amniga caasimadda Muqdisho,” ayuu yiri Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan oo qoraal soo saaray. Dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya ayaa ku badan magaalada Muqdisho, waxaana dadkaas maalmahaan soo wajahday cabsi xoog leh, kadib markii ay beegsi ku bilowday kooxda Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa Muqdisho ku dishay dhowr qof oo ay ku eedeeyeen inay ka ganacsanayeen ama isticmaalayeen waxyaabaha maanka dooriya, waxaana meelaha qaar isaga cararay kooxihii ka ganacsa jiray ama isticmaali jiray daraagiska. Dowladda Soomaaliya oo horay u baacsa jirtay kooxdaan ayaa hadda u muuqata inay sii laba jibaartay howlgalkaan, kadib markii lagu dhaleeceeyey in Al-Shabaab ay qabanayaan howl looga baahnaa dowladda. Muqdisho waxaa la xiray inta badan goobihii lagu iibi jiray waxyaabaha maanka dooriya, kadib markii ay kooxahaan Al-Shabaab ka dileen dhowr qof, sidoo kale meelaha qaar waxaa laga nastay kooxihii ciyaal-weerada oo khatar badan ku haayey bulshada. Dowladda iyo Al-Shabaab ayaa hadda si adag u baacsanaya ciyaal-weerada iyo dadka isticmaala ama ka ganacsada maan-dooriyaha, taas oo aad u farax-gelineysa dadka reer Muqdisho. #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_titleThe post Sawirro: Booliska Muqdisho oo soo bandhigay rag lagu soo qabtay… appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Laascaanood Odayaasha iyo Waxgaradka mid ka mid ah beelaha Gobolka Sool. Kulanka uu Guddoomiye Khaliif la yeeshay Waxgaradkan iyo Odayaashan, ayaa la xidhiidhay dedaallada nabadeynta ee Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu u joogo Laascaanood, waxaanay si guud uga wada hadleen xaaladda nabad gelyo ee Magaalada iyo sidii loo xoojin lahaa, nabadeynteeda la iskaga kaashan lahaa. Source
-
Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo guddoomiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali X Xasan oo ay weheliyaan guddoomiye Kuxigeenka xisbiga mudane Axmed Cumar X Cabdillaahi Xamarje, Xoghayaha Caddaaladda mudane Yoonis Axmed Yoonis, mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse iyo Masuuliyiin kale ayaa kulan la qaatay Guddida Golaha Wakiillada JSL u xilsaaray xaaladda gobolka Sool. Masuuliyiinta Xisbiga ayaa Guddida la wadaagay talo iyo tusaale wixii ay u arkaan in gobolka Sool gaar ahaana magaalada Laascaanood nabad loogu soo dabaali karo. Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa markale ku celisay in aysan qeyb ka aheyn dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, iyada oo waxba kama jiraan ku sheegtay eedeymaha uga imaanaya Somaliland. Somaliland ayaa shalay beesha caalamka la wadaagtay in maamulka Puntland uu qorsheynayo weerar ka dhan ah ciidamada Somaliland, islamarkaana ay duulaan kusoo yihiin ciidamadooda ku sugan deegaanada iyo degmooyinka gobolka Sool. War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Puntlland marwalba ay qadarinayso in Soomaalida dhexdeeda iyo gobolkuba kuwada noolaadaan nabadgelyo, xasilooni iyo daris wanaag, wixii khilaaf ahna lagu xaliyo miiska wada-hadalka. “Dowladda Puntland waxay markale cadaynaysaa mowqifkeedi ahaa in aanay qayb ka ahayn, ciidamadeeduna ku jirin dagaalka ka socda Laascaanood iyo Deegaanada ku xeeran.” Puntland ayaa waxay sheegtay in dagaalka socda mudada ku dhow hal bil uu udhaxeeyo oo kali ah dadka deegaanka oo naftooda iyo aayahooda difaacaya iyo Somaliland oo rabta in ay xoog ku haysato, qori caaraddiisna ku hirgeliso mashruuceeda gooni-goosadka ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka kasoo baxay maamulka. “Cid kasta oo kale oo ay Somaliland dagaalka ku eedayso waa marin habaabin iyo marmarsiiyo kale oo ay rabto in ay ku sii waddo xasuuqa dadka shacabka ah.” Sii socoshada dagaalka Laascaanood ayaa waxa uu maamulka sheegay in waxaa kaliya oo ka dhalan kara yihiin masiibo bini’aadantinimo iyo mid amni oo saamaysa gobolka oo dhan iyo Soomaalida dhexdeeda. “Colaadda gobolka Sool ee keentay dhimashada, dhaawaca iyo burburka xad-dhaafka ah masuuliyaddeeda waxaa iska leh Somaliland, nabadduna waxay ku imaan kartaa iyadoo ciidamadeeda gobolka kala baxda, dadka deegaankana u ogolaata in ay iyagoo xor ah oo nabad ah ayaahooda ka tashadaan.” Somaliland ayaa beesha caalamka ku wargelisay haddii uu weerar dhaco in masuuliyadeed qaadan doonaan maamulka Puntland, kadib markii ay sheegeen in maamulkooda uu helay xog ku saabsan in ciidamada gaarka ah ee Puntland ay duulaan kusoo yihiin ciidamadooda. “Waxaan u soo jeedinaynaa beesha caalamka iyo QM inay arrintaas cambaareeyaan gardaro aan cudur daar lahayn, laguna taageerayo xaqa ay Somaliland u leedahay difaaca. Haddii weerar dhaco waxaa masuuliyadeeda qaadi doona maamulka Puntland, lagulana xisaabtamayo falalkooda.” Si kastaba, Dowlad-goboleedka Puntland ayaa dhowr jeer beeniyay sheegashooyin kasoo baxay xukuumadda Somaliland oo ay kula xiriirineyso dagaalka ka socda Laascaanood iyo inay qorshe ay uga faa’iideysaneyso xiisadda taagan. The post Puntland oo ka jawaabtay qorshihii ay Somaliland ku wargelisay caalamka appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tegay xerada ay ku sugan yihiin ciidanka gaarka u tababaran ee Kumaandooska Danab ee dowlad-goboleedka Jubbaland. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay wehliyeen madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya ayaa waxaa xerada kusoo dhaweeyay ururka 5-aad ee ciidamada gaarka ah u tababaran ee Danab. Madaxweynaha iyo madaxdii la socotay ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidamada Danab ee Jubbaland, taasi oo ku aadan xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada iyo howl-galada ay ka wadaan maamulkaasi. Xasan Sheekh ayaa dhankiisa u mahad-celiyay ciidamada Danab, isaga oo bogaadiyay howl-gallada ay ka wadaan dowlad-goboleedka Jubbaland, kaasi oo ay qeyb ka yihiin ciidamada Daraawiishta. “Waxa aan bogaadinayaa ciidamada qalabka sida haddii ay yihiin federaalka, Daraawiishta Jubbaland, ilaalada Madaxtooyada, Danab iyo dhammaan ciidamada kale,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Xasan ayaa soo gaba-gabeeyay booqashadiisa dowlad-goboleedka Jubbaland, isaga oo ku amaanay dadka deegaanka sida ay ugu diyaar garoobeen howlgallada Al-Shabaab looga saaro deegaanadaas, islamarkaana ugu hambalyeeyay. “Maanta waxaa inoo soo gaba-gabowday booqashadii gaabneed aan ku nimad dowlad-goboleedka Jubbaland, dadka reer Jubbaland iyo masuuliyiintoodaba waxa aan uga mahad-celinayaa sida ay noo soo dhaweeyeen, intaas kaddib caasimadda KMG ah ee Jubbaland waxa aan kusoo aragnay wax aad iyo aad loogu farxo,” ayuu yiri. “Deegaankaan dib u xorreyntiisa si fiican ayay u socotaa, waa deegaan dadkiisa ay si fiican isugu tashadeen waan bogaadinayaa, sida ay wax u wadaan haddii ay kusii wadaan ilaahey idinkiis mardhow Khawaariijtu way ka dhammaan doontaa.” Dowlad-gobleedka Jubbaland ayaa waxaa ka billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo shalay ciidamada huwanta ay howl-gal ka sameeyeen deegaannada ku teedsan jiinka Wabiga Jubba, kaasi oo lagu dilay in ka badan 10 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, uuna ku jiray sarkaal sare. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo tegay xerada ciidanka Danab ee Jubbaland iyo arrin uu kala hadlay appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Afreximbank’s Pushes African Energy Investment in London During International Energy (IE) Week During a networking event in London on Thursday, Afreximbank unpacked investment opportunities across Africa’s oil and gas landscape, with a focus on leveraging key drivers of African and global gas demand Access Multimedia Content JOHANNESBURG, South Africa, March 4, 2023/ — With Africa home to some of the world’s largest oil and gas reserves – boasting over 125 billion barrels of proven crude oil reserves and 220 trillion cubic feet of proven gas reserves – major investment opportunities have arisen across gas exploration and monetization, gas-to-power, energy storage, infrastructure development. During a presentation by Afreximbank and its executives in London on March 2, Rene Awambeng, Global Head and Director for Client Relations, Eric Monchu Intong, Regional Chief Operating Officer for Anglophone West Africa, and Babajide Bode-Harrison, Senior Manager for Syndications, unpacked Africa’s hydrocarbon investment prospects and the key drivers of global oil and gas demand growth. “Energy demand in Africa is expected to grow by 50% over the next two decades. This growing demand will create opportunities for decarbonized energy infrastructure projects, logistics, storage notably natural gas and LPG, that enable regional trade, and will create opportunities for renewable energy projects which will, in turn, increase energy security for Afreximbank member states,” noted Mr Rene Awambeng, Global Head & Director Client Relations African Export Import Bank adding that, in order to ensure bankability, energy infrastructure projects will need to account for the energy transition. Major gas finds in Mozambique, Uganda, Tanzania, Egypt and Senegal – alongside flaring reduction activities across the continent, with a view to decarbonizing Africa’s E&P sector – are expected to accelerate gas utilization and monetization activities. “These create opportunities for investments in LNG, FLNG trains and LPG for local industry and domestic consumption,” Awambeng continued, referring to Africa’s rapidly growing population associated with heightened industrialization and rising power demand. Monchu Intong, meanwhile, highlighted that Africa’s downstream sector currently requires a significant amount of infrastructure development including pipelines, refineries and storage facilities – presenting an opportunity for investors to develop associated infrastructure and logistics projects. An increase in fossil fuel production and refining is expected over the next two decades. Pipelines to power stations to fertilizer plants, for example, will precipitate significant industrial development. Bode-Harrison pointed out that product import programs, partnership opportunities and trade finance programs were also key to unlocking development in Africa’s hydrocarbons domain and presented strategic areas for collaboration. In response to the increasing refined product import needs of the continent, a more formalized process of aggregating, reorganizing and financing refined product supply has arisen, with Afreximbank working with NOCs to develop product import programs to ensure energy security. At present moment larger financing packages were required to meet Africa’s rising product demand, especially in the current geopolitically-induced price increase environment. “With financing African oil and gas projects representing a point of debate globally, the African Energy Chamber remains resilient in its support for investing in African hydrocarbons, recognizing the role these resources will play in making energy poverty history by 2030. African-based organizations such as Afreximbank have remained committed to African people and African energy, and its support for Africa’s energy future remains unwavering,” stated NJ Ayuk, Executive Chairman of the African Energy Chamber. Investment into Africa’s oil and landscape and its associated trade and partnership opportunities will be discussed at African Energy Week 2023, taking place in Cape Town from October 16-20. The event will unite African energy leaders, global investors, and executives from across the entire energy value chain to discuss the future of the African energy industry. African Energy Chamber Qaran News
-
Xubno Garaado ah oo uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Gaarad Cali, ayaa la sheegay in ay tegeen Magaalada Garoowe ee xarunta Maamul Goboleedka Puntland. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay ujeeddada safarkan Garaadadan ku sugnaa muddooyinkii u dambeeyey Laascaanood ay ku tavern Garoowe, hase yeeshee wararka laga helayo Garoowe ayaa tibaaxaya in Garaaradada ay u yeedheen Wefti Itoobiyaan ah Garoowe gaadhay. Weftigan ka socda Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay in ay wadaan dedaallo ay ku doonayaan in xal loogu raadiyo Colaadda Laascaanood ka wadaan iyaga oo la kulmay dhinacyada arrintani khusayso qaarkood, kuwo kalena la kulmaya. Source
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo toddobadyadii u dambeeyay uu ka socday dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC ayaa waxaa lasoo sheegaya in xaaladda magaalada ay degan tahay shalay iyo maanta. Waxaa furan ganacsiyada qaar ee magaalada, sida; bakhaarada, maqaaxiyaha iyo hotellada, oo iyagu muddooyinkii dambe xirna, sidoo kale waxa furan dhawr kaalimood oo shidaal ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad deegaanka ah. Ciidamada ayaa waxay isku hor fadhiyaan dhinaca waqooyiga ee magaalada Laascaanood, oo ka baxsan dhulka deegaanka, mana jirto waan-waan qeyb ka ah in uu qaboobo dagaalka. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ee ku sugan Dhuxun iyo Gooja-cadde ay halkaas ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul dagaal oo xooggan. Ciidamada Somaliland ayaa lasoo warinaya in maalmahan ka shaqaynayeen dib u abaabulka ciidamadii Somaliland ee ku kala daatay dagaalkii Laascaanood. Dhinaca kale, Ciidamo gurmad u ah kuwa deegaanka ee SSC kana tirsan Puntland, balse la sheegay inay u abaabulan yihiin hab beeleed ayaa gaaray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Ciidamadaan oo wata gaadiidka dagaalka iyo hub fara badan ayaa waxaa la sheegay inay xalay kasoo baxeen magaalada Qardho, si ay uga qeyb noqdaan xoraynta gobolka Sool. Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada gurmadka ay saacadaha soo socda tegi doonaan furimaha dagaalka ee duleedka magaalada, halkaasi oo ay dhaq-dhaqaaq ciidan ka wado Somaliland. Dagaalka Laascaanood oo socda muddo ku dhaw bil ayaa waxaa isa-soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo Somaliland iyo dadka deegaanka ee SSC, si loo qaboojiyo xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood. The post Wararkii ugu dambeeyay DAGAALKA Laascaanood – Maxaa dhacay maanta? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa u yeertay safiirkii dalka u fadhiyey dalka Qatar Cabdirisaaq Faarax Cali Taano, sida ku cad warqad ay heshay Caasimada Online. Warqadda oo ku taariikheysan 2-da March 2023, loona diray safaraadda Qatar ee Muqdisho, ayaa lagu sheegay in Cabdirisaaq Taano loogu yeeray arrimo wada-tashi, oo aan la shaacin waxa ay yihiin. Warqadda ayaa sidoo kale lagu shaaciyey inay xilka safiirka sii hayn doonto Ruun Saciid Qorsheel, waxaana dowladda Qatar looga codsaday inay la shaqeyso, islamarkaana taageerto. Ruun ayaa xilka si ku-meel gaar ah usii hayn doonto, balse waxaa lasoo magacaabi doonaa safiir cusub. Tallaabada ay qaaday dowladda ayaa imaneysa ayada oo maanta uu dalka Qatar tegayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo halkaasi uga qeyb-galay shir ku saabsan arrimaha Soomaaliya, sidoo kalena la filayo inuu la kulmo madax Qatar. Safiir Cabdirisaaq ayaa ka mid ahaa safiirada aadka ugu dhow madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxmaed Cabdullaahi Farmaajo iyo taliyihii sirdoonka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxaana u yeeristan ay tahay xil ka-qaadi dadban, isaga oo aan dib ugu laaban doonin Doha. Caasimada Online ayaa 4-tii Febraayo qortay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu qorsheynayo inuu beddelo safiirada aadka ugu dhow madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Safiirada aan shaacinay in la beddeli doono ayaa waxaa ugu weynaa safiirka Qatar Cabdirisaaq Faarax Cali Taano, oo sida dhacday hadda loo yeeray. Xasan Sheekh ayaa isbeddelkan u adeegsan doono mid uu qof aad ugu dhow uga dhigo safiirka Soomaaliya ee Qatar, taasi oo uu ku miisaamaayo awooddiisa siyaasadeed ee gobolka. Waxaa sidoo kale la rumeysan yahay in madaxweynaha uu dhowaan beddeli doono safiirada Soomaaliya ee dalalka kale ee Carabta, sida Imaaraadka Carabta, Sacuudiga iyo Masar. Safiirka Soomaaliya ee Masar, Ilyaas Sheekh Omar, waxaa la magacaabay bishii Febraayo 2021, si uu u beddelo Cabdiqani Maxamed Wa’ay, oo 2020 u dhintay cudurka COVID-19. Ilyaas, oo aad ugu dhow Fahad Yaasiin, ayaa waxaa salfan doona u dhowaanshihiisa madaxii hore ee sirdoonka, waxaana la filayaa in meesha laga saaro. Xilalka kale ee la filayo in isbeddelka lagu sameeyo waxaa ku jiri kara safiirka Sacuudiga, ayada oo xilka laga qaadi doono Saalim Xaaji Macow, oo uu magacaabay madaxweyne Farmaajo. Xasan Sheekh ayaa horraantii bishii tagtay u safray Riyadh. Waxaa sidoo kale la beddeli doonaa safiirka Soomaaliya ee Qatar. Safiirada Khaliijka ayaa muhiim u ah Soomaaliya sababo la xiriira taageerada dhaqaale ee dalalkaas ay siiyaan Soomaaliya iyo dadaallada ay dowladda federaalka ku raadineyso maal-gashi caalami ah. #image_title The post DF oo dib ugu yeertay safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay ka hadlay tabashooyinka ay beeluhu ka qabaan dowladda federaalka, taasi oo toddobaadyadii dambe si weyn isku soo tareysay. Madaxweynaha ayaa sheegay in shirarka beeluhu qabsanayaan aysan xal u ahayn tabashada ay ka qabaan dowladda, balse ay fursad siinayaan kooxda Al-Shabaab, sida uu sheegay. Xasan Sheekh ayaa waxa uu sheegay in tabasho kasta oo la qabo in loo baahan yahay in lagu dhex xaliyo dowladda dhexdeeda, wuxuuna sheegay in cid kaste ay wakiil ku leedahay hay’adaha dowladda. “Tabashada beeluhu xal keeni mayso ama idaacad ka qeyliya ama dibadda dalka uga baxa. Waxa ugu dambeeya ee ay dhalayso waa inaan Shabaab ka mashquulno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. “Khawaarijtu markii ay waayeen awood ay ku hor istaagaan ciidamada qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed waxa ay qaateen siyaasad ay isaga hor keenayaan qabaa’ilka Soomaaliyeed iyo dowladdooda, waa in ka feejignaanaa dhagaraha cusub ee Khawaarijta.” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caddeeyay in tabashooyinka beelaha ee kor loo sheegayo ay kooxda Al-Shabaab u sahlayso ujeedkooda ah in dowladda laga mashquuliyo dagaalka ka dhanka ah kooxda, sida uu sheegay. “Dad badan oo dadkeena oo Shabaab aheyn oo aan aaminsaneyn fikirkooda ayaa haddana u adeegaya, wixii Shabaab uu rabay dowladda inay daciifto oo buuq ku furmo,ka mashquusho Shabaabka oo ku jeesato yaa na haysta iyo kan naga fujiya waa waxay rabaan.” Ugu dambeyntiina waxa uu qiray madaxweynaha in tabasho ka imaan karto dowladda, laakiin taas aan cudur daar looga dhigan karin in Shabaab fursad la siiyo oo dhexdeena la isku mashquulo, halkii xoogga la wada saari lahaa howl-galada dagaal ee ka socda dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay salaadii Jimcaha wax uga tukaday masjid ku yaalla Madaxtooyada Jubbaland ee Kismaayo ayaa dadka reer Jubbaland ugu baaqay inay u diyaar garoobaan sidii ay isaga xoreyn lahaayeen kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale xiisadda maamul ee ka taagan gobolka Gedo ayuu sheegay madaxweynuhu inuu dadaal kasta ku bixi doono, sidii xal buuxa looga gaari lahaa. “Marka hore soo dhaweyntiina waan idinkaga mahad celineynaa reer Jubbaland, walaalayaal waa la socotiin xaaladaha dalkaana ka jira, waxaa naga go’an in xaaladahaas aan wax ka bedelno, dadka reer Jubbaland waxaan kula dardaarmayaa inay is aqbalaan oo midoobaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Is aqbala walaalayaal, kuma rabo waxay leedahay kuma rabo, taasna looma baahna, waxaan diyaar u nahay in Jubbaland aan wax kasta la qabano, laakiin in howlaha ay madaxda Jubbaland qaba karaan in aan faraha la galno diyaar uma nihin.” “Mashruuca gobolka Gedo waan xalineynaa, waan tegaa Gedo, tabashada ay dadkaasi qabaan waan dhageysanayaa, waxaana xalineynaa, ogaada in aan heshiino waa muhiim.” The post Madaxweyne XASAN oo ‘si lama filaan ah’ uga hadlay tabashada beelaha ee DF appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa maanta Garoowe kula kulmay qaar ka mid ah Isimada Dhaqanka SSC iyagoo ka wadahadlay dagaalka Sool. “ Waxaan maanta kulan la qaatay Isimada dhaqanka SSC oo aan ka wada hadalnay xaalada guud ee deegaanada, si gaar ah xasuuqa baahsan ee Soomaaliland ka wado magaalada Laascaanood.” Axmed Karaash. Qaran News
