-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online khilaaf xoog leh ayaa ka dhex qarxay taliska booliska gobolka Banaadir iyo maamulka Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho. Khilaafkaan ayaa ka soo bilowday xarigga Weriye Cabdalla Muumin oo laga soo qabtay Hotel Jazeera, waxaana soo farogeliyey oo ka soo hadlay Xildhibaan Mustafa Dhuxulow. Sida aan xogta ku helnay markii lasoo xiray Cabdalla Muumin, waxaa soo dacwooday maamulka Hotel Jazeera oo booliska ka dalbaday inay ixtiraamaan dadka degan ama jooga Hotelka. Hase yeeshee Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa dalabkaas uga jawaabay in maamulka Hotelka looga baahan yahay inuu saxiixo oo ogolaado in qofkii la doono laga soo xiri karo Hotelka oo mar kasta ay gudaha u geli karaan hey’adaha ammaanka. Dalabka booliska ayaa ku adkaaday maamulka Hotelka Jazeera, waxaana arrintaan ka soo hadlay Xildhibaan Mustafa Dhuxulow oo tallaabada booliska ku macneeyey gardarro sababi karta isku dhac iyo masuuliyad darro. “Shaarka Dowladnimada ma ahan in lagu Handado Goob Ganacsi, Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa qaaday Tallaabooyin aan waafaqsaneyn Shacriga Eey maamulka Hotel Jazeera ku handadayaan una dirayaan ciidamo aan wadan sharci eey gudaha ku galaan,” ayuu yiri Xildhibaan Mustafa Dhuxulow. Xildhibaanka ayaa sheegay in tallaabo walbo oo aan sharciga waafaqsaneyn ay keeni karto kalsooni darro iyo isku dhac, isagoo cadeeyey in masuuliyadda uu qaadi doono Taliska Booliska Gobolka Banaadir. “Hotel Jazeera ma ahan goob ciidan waa bar-kulmisa bulshada qeybaheeda kala duwan, Waa hotel magac weyn ku leh Dalka, Waana sababta dhammaan dadka Soomaaliyeed eey kalsooni ugu qabaan macmiilna ugu yihiin,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Mustafa Dhuxulow. Maanta magaalada Muqdisho waxaa lagu dhex arkay ciidan wata gaadiid dagaal oo beesha Murusade ay leedahay, kuwaas oo xirtay qeybo ka mid ah wadada muhiimka ah ee Maka Al-mukarama. In kastoo la sheegay in ciidankaas ay ilaalo ka hayeen Hotel Dayax oo beesha uu shir uga socday, hadana waayahaan waxaa jirtay cabashooyin dhanka awood qeybsiga ah oo beesha Murusade ay ka tirsaneyso dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh. Hotel Jazeera oo hadda xiisada ugu weyn ay ka taagan tahay waxaa iska leh ganacsade u dhashay beesha Murusade, wixii ka horeeyey 15-kii May 2022, intii aan la dooran Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ahaa fariisinka ugu weyn ee mucaaradka, waxaana siyaasiyiinta deganaa oo isku aaminay ka mid ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. The post Xog: Maxay ka billaabatay xiisadda ka dhex taagan booliska iyo maamulka Hotel Jazeera? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka mid ahaa masuuliyiintii beesha Murusade ee maanta ku shiray magaalada Muqdisho ayaa beeshiisa ku canaantay tashi la’aan dhexdeeda ah iyo tayo xumo uu sheegay inay ka heysato dhanka la shaqeynta dowladda. Xildhibaan Jacfar ayaa beeshiisa Murusade ku eedeeyey in dowladda aysan siin garabkii ay uga baahneyd, isagoo tusaale u soo qaatay doorka beesha ee dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab. Wuxuu sheegay in isaga iyo ciidankiisa ay isku dayeen inay metelaan Murusade oo dhulka beesha xoreyntiisa ay ku garabsiiya maageen dowladda, balse taasi aysan weli suurta gelin. “Dowladdu dagaal ayey ku jirtaa, dhulka la xoreynayo qeyb ayaan ku leenahay, Murusade weli inta shirkaan oo kale isugu yimid ma dhihin sidee dib u xoreynta uga qeyb qaadanaa? Xildhibaano aan ku jiro ayaa wax yar oo door ah ku leh howsha ka socotay dhulka ay beeshu degto, waxa ugu fudud ee beeshaan ay dowladda tari karto waayo, lagama helin,” ayuu yiri Jacfar. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in dowladda ay caay ku bilaabeen xubno ka tirsan beesha, taas oo aan waxaba u soo kordhineyn sida uu sheegay, “Dowladdu hadii ay wax ku siineynso waa inay danteeda kaa dhex aragto,” ayuu yiri. “Dad aan wax tar laheyn ayuu Alle qoorta noo geliyey, anaga ayey na eedayaan hadana, dowladda anaga ayaa noo dirsateen, markii aan wax soo weyno waan idiin soo sheegeynaa, laakiin yaan wax u sheegnaa horta? Dad Facebook ka caaytama, oo calool ka fekeraaya ayaan metelnaahe,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Jacfar. Sidoo kale Xildhibaan Jacfar ayaa xubnihii beeshiiisa ee maanta uu la shiray wuxuu u cadeeyey in dowladdu aysan waxa siineyn cid aan wax tar u laheyn, “Dowladu xilal ama wax kasta oo ay bixiso sadaqo maaha, qof kasta oo maanta dowladda howl u haayana waa mid aan laga maarmin, hadii ay dowladdu kaa maaranto waxaba kugu fali meyso,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jacfar. Ugu dambeyntii xildhibaanka ayaa beeshiisa Murusade ku dhaliilay in aysan tashan, “War beeshu wadatashiga ha badiso, hadda shirkaan xitaa lama wada imaan ‘Hashu ayadaa cunee iyadaana cabaadee ayaan maqli jira’ waxaa la rabaa in beeshu tashato, xaqa idinka la idinku leeyahay hadii aadnaa bixin mid aad leedihiin arki meysaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Jacfar. Hoos ka daawo The post Daawo: Xildhibaan Jacfar oo aad u dhaliilay beeshiisa Murusade kana difaacay DF appeared first on Caasimada Online.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Kumaandooska Daraawiishta dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed oo mudo tababar ku qaadanayey magaaladda Baydhabo ee gobolka Baay. Ciidanka Kumaandooska Daraawiishta ee tababarka loo soo xiray ayaa noqoneysa dufcadii toddobaad ee ka baxda dugsiga, ayada oo tiradoodu tahay ku dhawaaad 300 askari. Cabdicasiis Lafta-gareen oo khudbad ka jeediyay munaasabadda tababarka loogu soo xirayay ciidankaan ayaa waxa uu sheegay in uu ka rajeeynayo in ay wax badan ka qabtaan amniga deegaannada Koofur Galbeed, oo qeybo kamid ah gacanta ugu jiraan kooxda Al-Shabaab. Lafta-gareen ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in shaqada ugu horeysa ee laga doonaya ciidankaan ay tahay isku furidda deegaannada Baay iyo Bakool, “Waxaa rajeeynaya in waajibaadkii, shaqadii iyo rejadii laga lahaa kuwii fuliya inay noqdaan ciidankaan.” “Dagaal ayaa diyaar u nahay, dalka in la xoreeyo ayaa nalaga rabaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Lafta-gareen ayaa ugu dambeyntiina ugu mahad-celiyay saraakiisha tababarka siisay ciidanka Kumaandooska Daraawiishta dowlad-gobaleedka Koonfur Galbeed, wuxuuna ku amaanay doorkii ay ka qaateen soo saarista ciidankaan. Ciidanka maanta loo soo xiray tababarka ayaa kaalin weyn ka qaadan doona xoreynta deegaanada dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, oo ay qeybo dhowr ah kaga sugan yihiin kooxda Al-Shabaab. The post Sawirro: Laftagareen oo Baydhaba tababar ugu soo xiray ciidan qeyb ka noqonaya… appeared first on Caasimada Online.
-
Rugaha ganacsiga dowlad goboleedyada ayaa kasoo horjeedtay warqad dhowaan kasoo baxday Rugta ganacsiga Soomaaliya iyaga oo sheegay in rugta waqtigeedii uu dhammaaday, aysan awood u laheyn in ay soo saarto warqad, waxaana ay ku eedeeyeen maamulka uu gyudan waayay shadii loo idmaday, sida lagu xusay warsaxaafadeed ay wadajir usoo saareen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya,Dr. Cilmi M. Nuur ayaa magaalada Doxa ee dalka Qatar kulan muhiim ah kula yeeshay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Qatar, Ali bin Ahmed Al Kuwari. Shirka ay yeesheen Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Dhiggiisa Dowladda Qatar ayaa looga hadlay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaalada barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa dhiggiisa Qatar warbixin ka siiyay heerka uu marayo hannnaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo dadaalada Deyn Cafinta. Wasiirka Maaliyadda Qatar ayaa soo dhaweeyay dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dadaalada ay ugu jirto in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay. ” Waxa aan maanta magaalada Doha ee xarunta Dalka Qatar kulan miro-dhal ah kula yeeshay dhiggayga Wasiirka Maaliyadda Dowladda Qatar Mudane Ali bin Ahmed Al-Kuwari. Waxa aan ka wada hadalnay arrimo badan oo quseeya Horumarka dhaqaalaha Soomaaliya waxaana ka mid ahaa, qorshaha dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka iskaashiga dhaqaalaha Qatar iyo Soomaaliya”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka guud ee deegaannada SSC ayaa markale ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC. Garaad Jaamac ayaa waxa uu sheegay in xilligaan ay suurta-gal aheyn in dagaalka Laascaanood xal lagala gaaro Somaliland, taasi oo u sababeeyay madaxweynaha xilka haya ee Muuse Biixi Cabdi. “Muuse oo jooga nidaamka oo waxaan geystay, umaleyn maayo in la wada fadhiisan karo. Arrintan waxaa ka baqeyna in saameyn bulsho oo fog inay ka dhalato,” ayuu yiri Garaad Jaamac. Garaad Jaamac ayaa ku eedeeyay Muuse Biixi in uu weerar isir-sifeyn kula kacay Laascaanood, illaa haddana uu ku madax adeygayo, taasi oo gebi ahaanba baalmarsan dhawaaqii kal hore kasoo baxay maamulkiisa, sida uu sheegay. “Waxaa sameyn waddo ay ka baxaan ciidamada Somaliland, ma ahan in la xiri kari waayay oo hadda afarta dhinac ka istaagto wuu dagaalamaya khasaaruhuna waa badanaya. Madax adeygii odayga waxaad mooda in uu qaadan la’yahay, waxaa fareyna tolka (West Burco Clan) in ciidankaas dib loo qaado oo deegaan uu ku nabad gali karo haloo saaro, wadada sidaas ayaa u furmay ee iskama furna,” ayuu yiri. Garaadka ayaa markale ka celiyay inay rabaan midnimada Soomaaliya, islamarkaana ay si adag uga soo horjeedaan gooni isu-taagga Somaliland, “Wax gooni la yiraahdo majiro, Soomaaliya kala go’aysaa majirto.” Mowqifka SSC ee ku aadan wada-hadal ay la galaan madaxweyne Muuse Biixi ayaa sii dheereyn karta in waqti dhow xal laga gaaro xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood, xilli ay dowladda Itoobiya ay billowday dadaalo nabadeed. Dowladda Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyay waday waan-waan labada dhinac la iskugu dhaweynayay si ay xabad joojin uga dhaqan-gasho Laascaanood, waxaana durtaba muuqata in wada-hadalkii hordhaca ahaa ee la yeelatay Somaliland iyo SSC uusan waxba ka tarin xiisadda taagan, ayada oo saaka markale labada dhinac ay ku dagaalameen duleedka magaaladaasi. The post SSC oo shaacisay go’aan lama filaan ah oo la xiriira dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maanta sheegtay inay $5 bilyan ku shubeyso Bankiga Dhexe ee Turkey, taasi oo taageero xooggan u ah dalkaas oo la tacaalaya waxyeelada dhul-gariirkii ku dhuftay bishii tegtay. Wasiirka dalxiiska Sacuudiga, Ahmed Al Khateeb iyo xubin ka tirsan Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga, ayaa heshiis la saxeexay guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Turkey Sahap Kavcioglu si loo sameeyo lacag ku shubistan muhiimka ah ee $5 bilyan, waxaa sidaas bayaan ay soo saartay ku tidhi dowladda Sacuudiga. “Lacag ku shubitsan waxay caddeyn u tahay iskaashiga dhow iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Jamhuuriyadda Turkiga iyo shacabka walaalaha ah,” ayaa lagu yidhi bayaanka. Go’aankan oo xoojin doona kaydka lacagta qalaad ee Turkiga, islamarkaana ka caawin doona inay la dagaalanto sicir-bararka, ayaa lagu sameeyay amarka Boqor Salmaan iyo Dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan, ayuu bayaanka intaas ku daray. Tallaabadan ayaa muujineysa isku soo dhawaanshaha Riyadh iyo Ankara kadib markii xidhiidhkooda uu soo gaadhay dhaawac culus oo ka dhashay dilkii 2018-kii ee saxafiga Sacuudiga Jamaal Khaashuqji, oo lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Source
-
In the past year, the MSGBC region has been driving an ambitious energy expansion agenda backed by energy security, affordability and energy independence targets. While large-scale oil and gas developments are set to come online this year – such as the 100,000 barrel per day Sangomar oil development and the 2.5 million tons per annum Greater Tortue Ahmeyim gas project – promise advances in fuel security, progress across the renewable sector has opened new opportunities for widespread electrification on the back of solar. New Projects Improve Energy Access Eager to capitalize on the significant solar potential available across the region, MSGBC nations have been driving a series of solar projects over the recent year. In 2022, Senegal launched a 23 MW solar plant 40km outside of the capital city of Dakar, which is expected to save state utility, Senelec approximately $2.7 million per annum in fuel costs over the project’s 25-year lifespan. In Mauritania, British energy major bp signed a Memorandum of Understanding with the government for the research and development of the rollout of green hydrogen, including the assessment of the country’s solar resources to produce green hydrogen. The year 2022 also saw Mauritania inking a Framework Agreement for the $40 billion AMAN green hydrogen project – targeting 12 GW of solar and 18 GW of wind – as well as the completion of the pre-feasibility study for the Project Nour green hydrogen facility, which includes 3 GW of solar. Advancements in Local Content Local content has been made a priority across the MSGBC region’s solar space, with nations pushing for the training of technicians and scaling up of the local workforce in this industry. In August 2022, Senegalese subsidiary of German consulting group, Gauff Engineering, saw 247 Senegalese students graduate a five-day intensive solar operations, maintenance and remote supervision course. These qualified trainees are to lead in the delivery of stand-alone solar power mini-grids to 300 rural villages, bringing electricity to 20,000 households. Integrating Solar Across Sectors In addition to power generation projects, the MSGBC region has been integrating solar systems with other sectors of the economy. On the agriculture front, both Senegal and Guinea-Conakry introduced solar irrigation pumping systems (SIPS) to replace traditional diesel generators. Projects launched last year include GreenTec’s 50kWp solar facility – powering treatment and desalination for a 2,000 liter per hour drinking water supply in Senegal – Enda Tiers Monde’s community SIPS installations, supplying 400 market gardeners with water in Senegal; the Bonergie irrigation project, comprising 2,000 pumps and 500 drip irrigation systems, among others. On the mining side, Canadian gold mining company Kinross invested $55 million in the solar to power its Tasiast mine in Mauritania. As the mining industry expands regionally, players are expected to turn their attention to solar to power operations. Despite representing a relatively new sector, the MSGBC solar market is set to witness significant growth as new players flock to the region, governments intensify electrification efforts and new investment flows into the market due to energy transition-related capital trends. Yet, while the world expects up to 600 GW of new solar capacity to be added in the next five years, Africa continues to receive merely 2% of global investments. As such, the upcoming MSGBC Oil, Gas & Power conference and exhibition (https://apo-opa.info/41ZJ550) – taking place in Mauritania from November 21-22 – will position the region as the destination of choice for foreign investment, while subsequently, inviting new players to connect with regional energy opportunities. With the region celebrating first oil and gas production this year, the conference will drive the conversation on what happens next, and how the region can better position itself as a global renewable energy hub with the adoption of technologies such as solar. SOURCE Energy Capital & Power Qaran News
-
Somalia warns against Illegal foreign fishing in its waters
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – The Somali Ministry for Fisheries and Blue Economy has issued a stern warning to foreign nations against illegal fishing in Somalia’s waters. The Ministry has underscored the illegal nature of such fishing activities, which deplete the country’s natural resources and impede its critical development objectives. The statement made by the Ministry is in response to foreign fishing vessels operating within Somalia’s Exclusive Economic Zone (EEZ) for the past two months, thereby disrupting the country’s marine ecology. “The Ministry of Fisheries and Blue Economy of Somalia confirms that the evidence gathered from our fisheries monitoring center that there have been several fishing vessels from different foreign countries which were illegally fishing in Somali waters,” the statement read. “Those evidence indicate that these vessels have been operating in the Somali EEZ since January 2023; this constitutes a significant threat to our sustainable fishing regulation and fish stock and a long-standing concern to the food security, economic development, and marine ecology of the country.” Somalia boasts an extensive coastline stretching from Kiunga to Berbera in the north, underscoring its reliance on its marine resources. Regrettably, illegal, unreported, and unregulated (IUU) fishing has been shared along the country’s coastline, resulting in significant losses for Somalia. Illegal fishing licenses The fishing vessels are accessing Somalia’s waters without any agreements or licenses, which can only be issued by the Federal Government’s Ministry of Fisheries and Blue Economy. Despite clear regulations and orders from the government, the Puntland regional administration has been issuing fishing licenses, defying Mogadishu’s directive, which contravenes resource-sharing agreements between the federal government and the regional states. Therefore, the Ministry has clarified that endorsement letters will no longer be considered valid legal permits. “The Ministry of Fisheries and Blue economy of the Federal government confirms that all these fishing vessels are illegal and do not have any access agreement and fishing license from the Federal government,” the Ministry said. “Pursuant to articles 11, 12,13 of the Somali fisheries law and article 54 of the constitution, granting fishing licenses to foreign vessels is a constitutional exclusive power of the Federal government, and foreign fishing permits can only be issued by the Minister of Fisheries and Blue Economy of the Federal government.” Warning to foreign vessels To address this situation, the Ministry has directed that all foreign vessels engaging in illegal fishing immediately cease their activities and comply with existing laws and regulations. The Ministry has also emphasized that Somalia could generate millions of dollars in revenue if the fishing environment is properly regulated, which would significantly contribute to the country’s development. President Hassan Sheikh Mohamud has pledged to increase domestic revenue and reduce the country’s dependence on foreign aid. The country’s budget relies heavily on foreign aid, with little revenue generated domestically. The post Somalia warns against Illegal foreign fishing in its waters appeared first on Caasimada Online. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Fara-cadde oo ah Ugaaska guud ee Beesha Murusade oo hadal ka jeediyay shirka beesha uga furmay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay wadada loo marayo tabashada dowladda. Ugaaska ayaa waxa uu sheegay in tabashada beesha ee dowladda ay u marayaan Xildhibaanada ku metela, taasi oo ka dhigan in beeshan ay qaadatay soo jeedintii madaxweynaha ee dhawaan uu kaga dhawaaqay Kismaayo. “Xuquuqda aan leenahay Xildhibaanada loo daba jooga, cid kale oo wax la leenahay oo wax nooga darsan yihiin majirto. Iyaga ayaa laga raba xisaabtaas, haddii ay bogi waayeen ha nagu soo ceshaan arrinta noo dirteen hore iyo gadaal midna looma ogol qabiilka isagay u taalla sida uu ka yeelayo hana soo dhahaan ka bacdi ayaa ka tashaneyna,” ayuu yiri. Ugaaska guud ee Beesha Murusade ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in beesha aysan duulaan ku aheyn beel kale oo Soomaaliyeed, ayna shirka u qabsadeen aaya ka tashigooda, islamarkaana ay xuquuqda iyo wixii kaga maqan DF ay u daba fadhiyaan Xildhibaanadooda, oo uu sheegay inay yihiin kuwa la xisaabtamaya dowladda “Dadku waa qabiilo, waxba leenahay ee yaan isdaba ordin. Ninka hadla kaligiis ayuu iska hadlay, waxaan ogol nahay haddii uu gar yeesho in aan isaga la safanahay laakiin hadduu gardaran yahay aan gacanta qabano, haddii gar leeyihiin qoladana aan qabano oo ha la isku keeno.” “Cid aan u socono iyo cid aan shirkaas u qabsanay majirto. Dadkaan meesha degan waxay ku degan yihiin qabiilka la yiraahdo Murusade, xaquuq ayaa ku leenahay, xurmad iyo sharaf ayaa ku leenahay magaalada Xamar. ” Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Anaga dadka aan la degno iyo dadka deriska ah in aan dhowrno ayaa la iska raba, cid lagu gardaroon karo majirto. Nin s gaar ah idaacad taga oo ka hadla kaligiis ayaa iska hadlay wax shaqo ah oo aan ku leenahay majirto.” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan waxa uu sheegay in tabasho kasta oo la qabo loo baahan yahay in lagu dhex xaliyo dowladda dhexdeeda, wuxuuna sheegay in cid kaste ay wakiil ku leedahay hay’adaha dowladda, ayna tahay inay isaga usoo marto tabashadeeda iyo wixii xuquuqdeeda ah. “Tabashada beeluhu xal keeni mayso ama idaacad ka qeyliya ama dibadda dalka uga baxa. Waxa ugu dambeeya ee ay dhalayso waa inaan Shabaab ka mashquulno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo xilligaasi sheegay in tabashada beelaha ee kor loo sheegayo curyaamineyso howl-galada ka dhanka kooxda Al-Shabaab. The post Daawo: Beesha Mursade oo shirka Muqdisho kasoo saartay go’aanno culus appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ka furmay shir ay leedahay beesha Murusade (Karinle -Mogadishu Clan), kaasi oo loo xiray wadada Maka Al-Mukarama. Gaadiidka dagaalka ee Tiknikada loo yaqaano oo beeshaani leedahay ayaa la dhigay agagaarka Hotelka Dayax oo ku yaalla inta u dhaxeysa Isgoysyada Sayidka ee laga ilaaliyoa Madaxtooyada iyo Dabka ee wadada Maka Al-Mukarama. Agagaarka Hotelka shirka ka socdo ee Dayax ayaa waxaa laga celinayay gaadiidka, si loo sugo amniga shirka, taasi oo hadal hayn badan dhalisay. Arrinta lama filaanka ku noqotaya shacabka reer Muqdisho iyo bulshada Soomaaliyeed ee sida weyn loo hadal hayay ayaa ah in ciidan u abaabulan hab beeleed ay xirtan wadada ugu mashquulka badan ee caasimada dalka. Wararka ayaa intaas ku daraya in taliska Booliska gobolka Banaadir uu markii dambe la wareegay ammaanka shirka beesha Murusade, kaasi oo looga tashanayay aayaha beesha. Tallaabada taliska ayaa imaneysa kadib markii ay shacabka reer Muqdisho iyo bulshada Soomaaliyeed si weyn uga fal-celiyeen arrintaan, iyaga oo ku tilmaamay mid aan la aqbali karin in beel iska xirato, ayada oo dowladda joogto. Beelo badan oo ka cabanaya hanaanka awood qeybsiga dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa toddobaadyadii dambe shirar ku yeeshay gudaha dalka iyo dibadda, balse waa markii ugu horeysay ee beeluhu iyada oo awood adeegsanaya xirtaan wadooyinka Muqdisho. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan duray shirarka ay beeluhu qabsanayaan ee lagu muujinayo tabashada dowladda uu hoggaamiyo, isaga oo sheegay in arrintaas fursad siinayso kooxda Al-Shabaab, oo howl-galo ka dhan ah ka socdaan dalka. The post Ciidan beeleed xirtay waddo laga galo Villa Somalia iyo DF oo tallaabo qaaday appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale ayaa soo saaray awaamiir cusub oo hay’addaha dowladda federaalka uu ku farayo in ay diiwaan-geliyaan hantida dowladda ee gacantooda ku jirta muddo soddan cisho gudahood ah. Hantidhawrka Guud ayaa waxa uu ka digay in hantida guurtada iyo ma-guurtada ee dowladda uusan jirin shakhsi ama cid shakhsiyad qaanuuneed leh oo si gaar ah u yeelan karta, xataa bixin karta ama iibin karta, islamarkaana hantida Qaranka aan loo isticmaali karin wax ka baxsan danta guud. Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa waxa uu faray hay’addaha dowladda in dhamaan hantida guurtada iyo ma-guurtada ay hay’ad kasta ku darto liiska hantida, iyada oo hantidaas lagu diiwaan-gelinaya magaca hay’adda kasta. “Hay’ad kasta waa inay diyaariso liiska hantida (gaadiidka iyo hantida fudud) ee ka maqan gacanta hay’adda 1-Hantida ogolaansho rasmi ah uga maqan hay’adda iyo cidda haysata iyo 2-Hantida ogolaansho la’aan hay’adda uga maqan iyo cidda ay ku maqan tahay.” Sidoo kale waxa uu hay’addaha dowladda ka dalbaday in ay diyaariso hay’ad kasta dhamaan liiska hantida dowladda ee leedahay iyo xaalka ay ku sugan yihiin, iyada oo loo kala saarayo; Hantida ku jirta gacanta hay’adda, Hantida ka maqan gacanta hay’adda, Hantida kireysan iyo Hantida banaan iyo midda kiro/fasax la’aanta lagu degan yahay. Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa hay’addaha dowladda u qabtay muddo 30 cisho gudahood ah inay ku diiwaan-geliyaan hantida dowladda, ayaga oo weliba kasoo diiwaan-gelinaya Wasaaradda Maaliyada, islamarkaana usoo gudbiyaan xafiiska Hantidhawrka Guud dhamaan macluumaadka hantida. “Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka waa in hay’adduhu kasoo diiwaan-geliyaan dhamaan heshiisyada hantida hay’adda ee la kireeyay,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hantidhawrka Guud. The post Hanti-dhawrka guud ee qaranka oo awaamiir culus dul dhigay hay’adaha dowladda appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxa lagu ansixiyay hindise-sharciyeedka Socdaalka, kaasi oo maalmihii dambe ay doodiisu ka socotay golaha. Sharicgan ayaa waxaa u codeeyay oo ogolaaday 145 Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday, Lix Xildhibaan waa ka aamustay, sida uu shaaciyay guddoonka Golaha Shacabka. Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa marsiinta akhrinta saddexaad iyo u codeynta hindise-sharciyeedka Socdaalka, dhameystirka dooda warbixinta akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka la-dagaalanka argagixisada, ka doodista warbixinta akhrinta labaad ee hindise-sharciyeedka dhowrista xogta. Xildhibaanada ayaa sidoo kale kulankii maanta kaga dooday warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka maareynta deegaanka, kaasi oo ay hore usoo ansixiyeen Golaha Wasiirada. Golaha Shacabka ayaa muddooyinkii dambe dardar ku waday sharciyada loo soo gudbiyay, inkasta oo guddoonka inta badan lagu eedeeyo in uu hab baalmarsan sharciga u maro socod-siinta sharciyada qaarkood. Bishii hore ayay aheyd markii guddoonka Golaha Shacabka la sheegay in uu si sharci darro ah ku ansixiyay hindise-sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman, kaasi oo guddoonka golaha uu xilligaas sheegay in uu ansax-yahay. The post Golaha Shacabka oo maanta ansixiyay sharci muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
-
“Waan iskaga baxay siyaasadii somaliland oo waxaan ku noqday ganacsigaygii “…..Cabdirisaaq Ataash Gudoomiyihii ururka Waaberi. Milateriga Somaliland halagasoo saaro gabi ahaan ba gobolka Sool, dhiigii daatay yaan dhiig dambe laga daba gayn,Waxaan ku talinayaa in Ciidanka Somaliland la geeyo Oog ” Cabdirisaaq Ataash Qaran News
-
Warqaddii dawladda UK ay Somaliland u qortay ee usbuucan uun banaanka u soo baxday, nuxurkeedu waxa uu ku urursanaa hal sadar. “Waa ka xunnahay in aan idinku war gelino in aan 31 March, 2023 joojinayno dhaqaalihii aan ku kabi jirnay barnaamijka amniga ee SSP (Somaliland Security Programme); waxa qalbi-jab na gu riday sidii loo la dhaqmay dadkii rayidka ahaa ee ka qayb qaatay mudaharaadadii June iyo August 2022, iyo kii u dambeeyay ee December 2022 Laascaanood ka dhacay. Hay’ado amni iyo ciidan aan wax is la xisaabtan ahi ka jirin qalad kasta oo ay sameeyaan ma taageeri karno, wixii dambe ee taageero ahi na waxa ay ku xidhnaan doonaan sida amuurtaas wax loo ga bedelo. Sidoo kale, waxa aan dib u eegid buuxda ku samaynaynaa taageerada aan siin jirnay bilayska iyo hay’adaha cadaaladda”. Nuxurkii waraaqdu intaas buu ku ekaa. Intaas waxa dheer oo la wada ogaa, in Ingiriisku ay sidoo kale hore u joojiyeen taageeradii ay siin jireen kuwa shuftada ah ee RRU loo gu yeedho. Waa is ka cadayd dhiigga daahir ka ah ee dhalinyarta dhabarka iyo madaxa la ga wada toogtay in aanu natiijo la’aan noqonayn, in badani na waa dhimantahay. Gidaaradii dulmigu way soo dumayaan. Dawladda UK iyo jaaliyadda Somaliland ee dadaalka sameeyay ba waa mahadsanyihiin Waxaa Qoray:-Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
