-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhaqaatiir gudaha UK ayaa bilaabay shaqo joojin ay ku dalbanayaan mushaar kordhin, waxaana ay isugu soo baxeen wadooyin iyaga oo ku cabanaya doonista mushaar sare. UK ayaa dhaqaale xumi caga la gashay tan iyo markii uu dilaacay COVID-19 iyo ka bixitaankii Midowga Yurub. Tobnaan kun oo dhakhatiir ah ayaa Isniinti dalka Britain ka bilaabay shaqo joojin ku meel gaadh ah oo soconaysa muddo saddex maalmood ah. Arrinkan ayaa saameyn ku yeelan doona dadka bukaanka ah, iyada oo dhammaan dhakhaatiirtuna ay ka cabanayso mushaharka ay qataan oo yar. Nolol maalmeedka dadka Britain ayaa aad u adkaaday, sicir bararka ayaa aad sare ugu kacay, waxaana shaqo joojintaan ay saameyn ku yeelan doontaa bukaannada balamada la leh dhaqaatiirta iyo kuwa ku sugan gudaha Isbitaallada, mana muuqato in xaalku sidiisa kusoo laabto dhowaan. ” Waxaa ay culeys aad iyo aad u weyn saareysaa hey’adda caafimaadka bixisa ee dalkaan Ingiriiska ee loo yaqaano NHS, oo markii hore la daalaa dhaceysay qarashka lagu bixiyay adeegga caafimaadka iyo shaqaale faro badan oo caafimaad oo dalkaan ka tagay iyo dhaqaatiir badan iyo Nurse badan oo mihnadda caafimaadka ka baxeen oo shaqooyin kale iska qateen” ayuu yiri Maxamed Ceydiid Hurre oo la hadlayay Laanta VOA-da. Bannaanbaxa dibadbaxayaasha ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli UK ay dhex muquurayso dhaqaale xumi soo wajahday tan iyo markii lasoo laabtay xanuunka COVID-19 iyo ka bixitaan midowga Yurub, taas oo dhalisay in laba Ra’iisulwasaare shaqadooda ku waayaan dhaqaale xumida ka jirta gudaha UK. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Senatorrada golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho, iyaga oo ka doodaya Ajandayaal dhowr ah. Kulanka golaha ayaa waxaa looga hadli doonaa qodobada kala ah: Ajandaha 1. Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Horumarinta Iyo Maareynta Kaluumaysiga Soomaaliyeed. 2. Akhrinta Sedexaad ee Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada. 3. Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta. Sharciga ladagaalanka Argigixisada ayaa horey uga soo gudbay golaha shacabka Baarlamaanka federalka Soonaaliya, iyaga oo sidoo kale horay usoo ansixiyay sharciga Hey’ada Sirdoonka Qaranka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray tallaabadii shalay xiisadda ka abuurtay Muqdisho ee shacabka degan guryaha Bangiga dhexe ee Bangaariyo looga saarayay. Waxa uu sheegay in tallaabadaasi kadib uu si buuxda ula wareegay dhulka iyo guryihii uu lahaa Bangiga Dhexe ee degamada Wadajir. “Maanta oo ay taarikhdu ku astaysantahay 13-ka Maarso, 2023, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxuu si sharci ah ula soo wareeegay dhulka iyo Guryaha Bankiga (Bangaariyo) ee ku yaala Degmada Wadajir gaar ahaan xafadda Buulo-xuubey,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Qoraalka kasoo baxay Bangiga Dhexe ayaa sidoo kale lagu difaacay qaabkii loo maray baneynta guryahaasi ee looga saaray dad shacab ah oo deganaa, “Go’aanka la wareegista dhulka waa mid loo maray si waafaqsan dastuurka, iyo Shuruucda dalka.” Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa waxa kale oo uu sheegay in uu dib ula wareegi doono dhamaan hantidiisa kale ee sida sharci darrada uga maqan, si waafaqsan sharciga. Tallaabada ay shalay ciidamada Booliska sida xoogga ah ugu baneeyeen dhulkaasi ayaa waxay dhalisay xiisad xoogan iyo hadal hayn, waxaana kamid ah dadka falceiyay siyaasiga caanka ee Cali Yare Cali oo si weyn u dhaliilay dowladda federaalka. “Shaqsi ahaan waxaan ku jiray dad badan oo aaminsanaa in maamulka Madaxweyne Xassan Shiikh oo ka leexan doono waddadii hore loogu bartay ee boobka dhulka hantida guud ahaa. Madaxweyne sharaftaada ilaasho oo in magacaaga dalka lagu boobo iska diid shacabkana haloo turo,” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga gobolka Banaadir. Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Bangiga Dhexe War saxafadeed rasmi ah Maanta oo ay taarikhdu ku astaysantahay 13-ka Maarso, 2023, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxuu si sharci ah ula soo wareeegay dhulka iyo Guryaha Bankiga (Bangaariyo) ee ku yaala Degmada Wadajir gaar ahaan xafadda Buulo-xuubey. Go’aanka la wareegista dhulka waa mid loo maray si waafaqsan dastuurka, iyo Shuruucda dalka. Sida uu qabo qodobka 87-aad ee xeerka madaniga Soomaaliyeed oo ka hadlaya hantida garan-ka waxuu si cad u sheegayaa inaan la iibin karin, la rahmi karin ama lawareejin karin hanti Qaran oo ay leedahay dowladdu. Bangiga isagoo tixgaliya mudnaanta iyo baahida uu u qabo ka fai’daysiga dhulkiisa ayuu u maray si waafaqsan hanaanka garsoorka dalka inuu hantidiisa si sharci ah dib ula soo wareego. Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxuu si waafaaqsan sharciga ula soo wareegi doonaa dhamaan hantidiisa kale ee shacabku sida sharcidarada ah ku daganyihiin. The post DF oo war kasoo saartay arrin xiisad xooggan ka abuurtay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Aqalka Sare ayaa maanta ansixiyay hindise-sharciyeedka la-dagaallanka Argagixsada, kadib dood dheer oo maalmihii ugu dambeeyay uu ka yeeshay golaha. Hindise-sharciyaadka la-dagaallanka Argagixisada ayaa waxaa kulankii maanta ee Golaha Aqalka Sare cod aqbaliyad ah ku meel-mariyay 29 Senator oo soo xaadiray kulanka. Xildhibaanada Golaha Shcabka ayaa 8-dii bishan ansixiyay sharcigan, wuxuuna dhaqan galayaa marka uu saxiixo madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Sharcigan ayaa waxa uu muhiim u yahay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda qeybo badan oo dalka. Golaha Aqalka Sare ayaa toddobaadyadii dambe dardar-gelinayay shuruucda loo gudbiyay, isaga oo goluhu shalay ansixiyay xubnaha guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka dalka. Ansixinta guddigaan ayaa waxaa ogolaatay 30 Senator, majirin Senator diiday, sidoo kale wax ka aamusayna majirin, sida uu shaaciyay guddoonka Golaha Aqalka Sare. Guddigan ayaa waxaa Golaha Aqalka Sare horgeeyay wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Dastuurka XFS, waxaana laba maalin kahor meel-mariyay guddigan Xildhibaanada Golaha Shacabka. Xubnahan oo ka kooban shan xubnood ayaa golaha shacabka waxay u qaadeen cod, waxayna ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah, iyadoo aysan jirin mudane diiday ama ka aamusay. The post Aqalka Sare oo ansixiyay sharciga la-dagaallanka argagixisada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddiga gaar-ka ah ee kasoo talabixinta soo jeedinta wax ka bedelka iyo kaabista Dastuurka KMG ah ee horay ay u magacaawday Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka u kordhiyay muddada si ay talabixintooda u soo gabagabeeyaan, markaas oo loo gudbinayo golaha shacabka si ay u meel mariyaan wax ka bedelka ay sameeyeen. Guddiga ayaa waxaa lagu amray in ugu dambeyn ay shaqadoodu kusoo dhameystiraan 15-ka May 2023, wax ka bedelka iyo sidoo kale kaabista lagu sameynayo Dastuurka dalka ayaa waxaa uu yimid, kadib markii 97 xildhibaan guddoonka ay u gudbiyeen 13-kii February 2023, waxka bedelka Dastuurka ayaa dhaliyay doosd ka timid dhinaca mucaaradka oo sheegay in madaxweyne Xasan iyo xukuumaddiisa ay muddo kordhin doonayaan sida ay ku sheegeen war-saxaafadeed kasoo baxay. Qodobada qaar ee la sheegayo in wax ka bedelka lagu sameynayo ayaa waxaa ka mid ah kala sareynta awoodaha labada heer dowlad iyo muddo xileedkka hey’adaha dowladda oo la sheegayo in laga dhigayo 5 sano sida uu ku qornaa Dastuur 1960-kii, marka laga tago hadallada mucaaradka majiro wax war acad ah oo ku aadan muddo kororsiga oo kasoo baxday madaxda sare ee dowladda iyo sidoo kale xukuumadda iyo labada gole ee Baarlamaanka 11-aada Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya . Goobjoog Newsa Source: goobjoog.com
-
Despite continued pressure from the west, Eritrea has emerged as a key actor in the Horn of Africa – something many tend to see as a failure of western policy to the Horn of an African country. Source: Hiiraan Online
-
Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa qarax ismiidaamin ah oo saaka lagu qaaday Guriga Martida degmada Baardheere ee Gobolla Gedo halkaas oo ay ku degan yihiin mas’uuliyiin kala duwan. Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa lagu beegsaday mas’uuliyiin uu kamid yahay Guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed iyo saraakiil ciidan oo ku sugnaa Guriga Martida degmada Baardheere. Guddoomiyaha Gobolka Gedo iyo saraakiisha qaarkood ayaa sida la xaqiijinayo dhaawacyo culus ka soo gaareen Qaraxa waxaana loola cararay Xarumaha Caafimaadka magaalada. Degmada Baardheere waxaa maalmihii la soo dhaafay kusii qul qulayay mas’uuliyiin iyo Odayaal dhaqan waxaana halkaasi ka socday qaban qaabada shir looga tashanayo aayaha Gobolka Gedo. PUNTLAND POST The post Gudoomiyaha Gobolka Gedo iyo saraakiil ciidan oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay degmada Baardheere appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay furay shirweynaha qaran ee waxbarashada dalka ayaa shaaciyay qorshaha waxbarasho ee dowladda uu hoggaamiyo. Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka waxbarasho ee dalka. Waxa uu shaaciyay in la shaqaaleysiin doono toban kun oo Macallimiin Soomaaliyeed ah, si kor loogu qaado fursadaha waxbarasho ee ay heli karaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. “Waa in aan hubino barid tayo sare leh oo ay hormuud u yihiin xirfadlayaal iyo Macallimiin lagu xulay tartan daah-furan inaga oo shaqaaleysiin doona ugu yaraan 10,000 oo Macallimiin ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu istaagay qorshaha dowladda ee baahinta adeeg waxbarasho oo tayo leh iyo xaqiijinta Manhaj mid ah oo Qaran oo wax lagu baro ubadka Soomaaliyeed. “Qorshaheennu waa in aan kordhinno tirada ardayda xaadirta iskoolada oo ay ku jiraan kuwa ku dhaqan miyiga iyo bulshooyinka nugul, sidoo kale waa in aan dhaqan-galinno manhaj mid ah oo Qaran.” Xasan Sheekh ayaa ka marqaati kacay in fursadaha waxbarasho ee xilligaan ay helaan dhallinyarada Soomaaliyeed ay aad u hooseeyaan, taasi oo caqabad ku ah dhisidda mustaqbal wanaagsan iyo xaqiijinta yoolasha horumarineed ee dalka. Waxa uu ka dalbaday aqoon-yahanka, qurbe-joogta iyo kaadiriinta waxbarashada dalka in ay gacan ka gaystaan hirgalinta natiijooyin waxbarasho oo u dan ah jiilka soo koraya, si loo xaqiijiyo degenaasho siyaasadeed, horumar dhaqan-dhaqaale iyo barwaaqo baahsan oo ka hanaqaadda dalkeenna. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay qorshe cusub appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Mucaaridka Puntlnad ayaa ka horyimid waqtiga uu madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni u asteeyay qabsoomida doorashada goleyaasha deegaanka ee Puntland. Guddoomiyihii hore ee guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa go’aanka kasoo baxay Saciid Deni ku tilmaamay mid aan suurta-gal aheyn, islamarkaana ay ku dhici karin doorashada goleyaasha deegaanka ee qof iyo codka ah. “Wax badan ayaa ka dhiman hawlaha diiwaan-gelinta iyo diyaarinta doorashada, suurta-gal ma ahan mudeynta uu iclaamiyay madaxweynaha,” ayuu yiri Guuleed Saalax Barre. Guuleed oo haatan kamid ah mucaaridka madaxweyne Saciid Deni ayaa waxa uu hore iskaga casilay xilkii Guddoomiyenimo iyo xubinimadii guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, oo cadaadis badan uga imaanayay dhanka Madaxtooyada. Madaxweynaha Puntland ayaa Axaddii soo saaray wareegto uu ku asteeyay xilliga ay dhaceyso doorashada goleyaasha deegaanka ee Puntland, taasi oo laga dhigay maalin Khamiis ah oo ah 25-05-2023-ka. Go’aanka Deni ayaa daba socday warqad dhawaan ka soo baxday guddiga KMG ah ee doorashooyinka maamulkaasi, ujeedadeeduna aheyd mudeynta maalinta doorashada goleyaasha deegaanka ee dowlad goboleedka Puntland. “Xeerkani wuxuu dhaqan-galayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada maamulka Puntland. Si kastaba, waxaa muddooyinkii dambe ka taagna maamulka Puntland khilaaf xooggan oo la xiriira doorashooyinka qof iyo codka ah, ayada oo mucaaridka uu ka horyimid hanaanka ay u wado xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Deni. The post Mucaaradka Puntland oo ka horyimid go’aankii Deni appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Asmara, the capital of Eritrea, on Monday for an official visit. This marks President Mohamud's third visit to Eritrea since taking office in May 2022. President Isaias Afwerki of Eritrea welcomed President Mohamud, and they are expected to discuss bilateral relations and regional developments of mutual interest. Source: Hiiraan Online
-
Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa Isniintii ku dhawaaqday in hoggaamiyaha sare ee dalkaasi uu cafis u fidiyey in ka badan 22,000 oo qof oo loo xidhay mudaharaadadii dawladda looga soo horjeeday ee dalkaas ka dhacay, hase ahaatee ma jiro cid si rasmi ah u xagiijin karta warka sii daynta ee ka soo baxay xukuumadda dalkaas. Bayaan ka soo baxay madaxa garsoorka ee dalka Iran ayaa markii ugu horraysay si weyn loogaga hadlay baaxadda ay le’eg tahay hawlgallada ay dawladda ee ka dhanka ahaa mudaharaadayaasha ka soo horjeeday xukuumadda, kuwaas oo soo bilaabmay, kadib geeridii Mahsa Amini oo 22 jir ahayd. Waxaa illaa haatan dalkaas ka jirta cadhada ka dhalatay geerida gabadhaas yar iyo weliba habka ay laamaha ammaanka ee dalkaasi ula macaamileen, mudaharaadada, arrintaas ayaa taabatay guud ahaan, xasiloonida dalka iyo dhaqaalahaba. Wakaaladda wararka ee dalka Iran ayaa ka soo xigatay madaxa garsoorka ee dalkaas inuu hore u sheegay in hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei inuu cafis u fidin doono qaar badan oo ka mida maxaabiista la qab-qabtay intii ay socdeen mudaharaadadu. Waxay intaas sii raacisay “in lagu soo beegayo bisha barakaysan ee Ramadaanta, taasi oo bilaabanaysa dhammaadka toddobaadka soo socda.” Madaxa garsoorka ee dalka Iran ayaa sheegay in illaa 82,656 oo qof in la xabsiga la dhigay, halkaas oo qaar ka mida haatan cafis loo fidiyey. 22,628 ka mida maxaabiistaas ee la cafiyey ayaa iyaga la xidhay iyaga oo ka qaybgelaya mudaharaadada. Wuxuu sheegay in tirada la cafiyey ay ahaayeen, maxaabiis aan ku kicin tuuganimo ama falal qalalaase ah. The post IRAN oo sii deynaysa 22 kun oo maxaabiis ah kadib cafis u fidiyay Ayatollah Ali Khamenei appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaan ka Baqayaa inay somaliland ku burburto gacanta xisbiga kulmiye Cabdiraxmaan ciiro ayaa Qoray 21 Nov 2017 Waxaan goaan saday inaan Natiijada gacan ku samayska ah ee la dhoob dhoobay aan aqbalo. Umaan tanaasulin Muuse iyo Kulmiyetoona waxaan u tanaasulay Nabada iyo Wadajirka Ummada Somaliland Siduu hore u yidhi Madaxwayne Riyaale “gacantayda Somaliland ku burburi mayso, Aniguna waxan leyay Dalkayga damacayga u burburin maayo, dadkaygana dhiigooda u daadin maayo waxaanse ka baqayaa inay ‘Gacanta Kulmiye ku burburto “ ” Waxaan shacbiga Somalilan kula dardaarmayaa isku duubnaada shacbigaygaw, una Adkaysta waayaha adag ee aynu galnay “ Murashax Cabdiraxmaan Cirro Qaran News
-
Waxa la yidhi; rag waxa ugu liita nin aan talo lahayn talona aan qaadan. Wax aan jab iyo hoog ahayn lagama dhaxlo. Waa ta Somaliland maanta haysata Allah ha u sahlo eh. Muuse Biixi waa ninkaa. Talo ma laha talona ma qaato Waxa Qoray:-Ali Yussuf Qaran News
-
Shalay waxa social media ha iyo saxaafadda kale ba la gu arkay gabadh la gu magacaabo Sahra Ismaaciil Haaruun, oo niman ay ka afduubteen gurigeeda banaankiisa oo Hargeysa ah. Shalmadeeda ayay madaxa ka ga duubeen si aanay u garan Meesha ay u wadaan, markii ay meel gaar ah la tageen na, waa ay garaaceen kuwii kaxaystay iyo kuwo kale oo ay u la tageen, oo rag iyo haween ba isugu jira. Xukuumadda ayaad wax ka sheegtay ayay ku yidhaahdeen oo Facebook account keeda fariin ku qoran soo hor dhigeen. Marka la ga yimaaddo in ay gabadhu ka mid tahay masuuliyiinta xisbiga Waddani, oo weliba garabka haweenka ay afkooda ku hadasho, hadana xataa qof aan xisbi ba ahayn oo shicib ah ayaa dhaliil iyo maagid ba qori kara, amma sheegi kara, waa se markee? Dabcan waa marka la miyir qabo, nidaamka Somaliland namiyirqab iyo caqli waah ore ayay ka la dhaqaaqeen. Magaalada Hargeysa, oo weliba u badan xaafadda Waqooyiga iyo Galbeedka magaalada, todobaad kasta waxa aynu nmaqalnaa dad shicib ah oo wiil yar oo badraan ah, oo Muuse Biixi uu dhalay uu ku dhibaateeyay. Mid la xidhay, mid la xabadeeyay, mid guri loo gu dhacay iwm. Marka dawladnimo la ga hadlaayo, oo dabcan aan ahayn waxa SL ka socda, cidda cid ka cabanaysaa bilays ayay u tagtaa, ka dib na maxkamad ayay amuurtu u gudubtaa. Muuse iyo ciyaalkiisu intaas ma samayn kari waayin, laakiin sababo u diidaaya ayaa jira. Waxyaabaha ay dadka ku eryanayaan ayaan ahayn wax maxkamad la geyn karo oo la difaaci karo, sidaas darted, sharciga waa hore ayaa la is ka baal maray. Hadana waxa yaab leh, kaas sidaas u dhaqmaaya iyo kuwa taageersan ayaa inta u badan la ga maqlaa ‘qaranka’ iyo ‘qaranka’, taas oo ah uun ilmo yaxaas. Is ku soo wada ururi, hadal gun buu leeyahay, biyo na meel godan ayay ku gororaan. Dhaqamada shuftonimada ah ee aan mar walba maqalno, ee falka Sahra la gu la kacay na u dambeeyay, keliya waxa ay soo dedejinayaan dumitaanka buulkii xumaa. Waa buulkii uraayay ee Muuse iyo ciyaalkiisa, waxaanay bogaga taariikhda ka gelayaan meel uraysa. Eeg hadda, afduub, iyo jidhdil, iyo khaarajin, iyo wax kasta oo xun hore ayaa loo soo sameeyay, waxaana hubaal ah in ay kuwii samaynaayay uuni taariikhda ka baxeen. Waa hubaa in kuwani ay buuxiyeen shuruudihii dulinimada iyo taariikh ka bixitaanka foolxumada leh, waxaanan se hubin in ay Somaliland na raacayso iyo in kale. Waxaa Qoray:Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
-
“Shuruudaha lagu xidhay khudbad-jeediyayaasha jimcaha ee ay soo saaraty (wasaaradda diinta iyo awqaaftu) waa kuwo loogu talagalay in aan xaqa laga sheegin guryaha Ilaahay. Waxa xiga un in khudbadda oo diyaarasan oo ay soo diyaarisay ( wasaaraddu) WahatsApp-yada loogu diri doono imaamada masaajidda” Cabdimalik Muuse Coldoon. Qaran News
-
Riyadh (Caasimada Online) – Shirkadda shidaalka Sacuudiga ee Aramco ayaa shaacisay inay diiwaan-gelisay faa’iido dhan $161.1 bilyan sannadkii hore ee 2022, taasi oo ah arrin aan caalamka horey ugu dhicin. Faa’iido $161 bilyan ah, ayaa ah tii ugu badneyd ee abid ay sameyso shirkad ka diiwaan gashan suuqyada saamiyada caalamka. Arrintan ayaa muujinaysa sida qiimaha saliidda ee kor u kacay kadib duullaankii Ruushka ee Ukraine uu kiciyay kobaca dhaqaalaha ugu sarreeya ee dhoofinta shidaalka adduunka. Shirkadda tamarta ee inta badan ay dawladdua Sacuudigu leedahay, oo ah shirkadda labaad ee ugu qiimaha badan adduunka marka laga reebo shirkadda Apple, ayaa warbixin ay kasoo saartay suuqa saamiyada Sacuudiga ku sheegtay in dakhliga saafiga ah ee 2022 uu kor u kacay 46 boqolkiiba, halk sannadkii 2021 uu ahaa $110 bilyan. Waxay sheegtay in natiijooyinkii ugu xoogganaa tan iyo markii Aramco ay noqotay shirkad liiska ku jirta 2019 ay inta badan sabab u tahay saameynta sicirka shidaalka ciiriinka ah ee uu qiimihiisa iibinta uu kor u kacay iyo xoojinta sifeynta xad-dhaafka. Waxa kale oo ay Amco kor u qaaadday kobaca dhaqaalaha guud ee Sucuudiga kaas oo ay saraakiishu sheegeen inuu kobcay 8.7 % sanadkii 2022, waana heerka ugu sareeya ee waddamada G20. Guulaha dhaqaale ee Aramco waxa lagu qiimeeyay dakhliga isku midka ah ee sannadka 2022 ee ay soo tebiyeen shanta ugu waaweyn shirkadaha shidaalka ee – Shell, Chevron, ExxonMobil, BP iyo Total Energy – kuwaas oo kor u dhaafay $150 bilyan. Xarumaha shirkadda Aramco ayaa waxa hore ula kulmay weerarro ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo, kuwaas oo ay sheegteen Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto. Waxaa ugu dambeeyay weeraradaas muddo sannad laga joogo, balse heshiis lama filaan ah oo Jimcihii dhex maray Riyadh iyo Tehran ayaa lagu sheegay in dib loo soo celinayo xiriirkii diblomaasiyadeed ee go’ay sannadkii 2016-kii, kaas oo yarayn kara khatarta bilaha soo socda. The post Shirkadda Saudi Aramco oo sameysay wax aan horey uga dhicin caalamka (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
-
Baardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in magaalada Baardheere ee gobolkaasi uu ka dhacay weerar is-miidaamin ah, kaasi oo lagu qaaday guriga martida ee degmada. Wararka aan ka helayno ayaa sheegay in guriga Martida ee weerarka lagu qaaday ay ku sugnaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka. Dhawaaqa jugta qaraxa is-miidaaminta ah ayaa laga maqlay gudaha magaalada iyo nawaaxigeeda, ayada oo cirka isku shareertay uuro, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerarka qaraxa ay ku dhaawacmeen guddoomiyaha gobalka Gedo Axmed Buule Gareed iyo Abaandulaha Qeybta 43-aad Labaale. Ciidam fara badan ayaa gaaray goobta uu weerarka ka dhacay, waxaana gebi ahaanba la xiray dhamaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhawaaqa rasaasta dhaceysa iyo hoobiyaal weli laga maqlayo aaga guriga martida ee weerarka is-miidaaminta ah lagu qaaday. Weerarka is-miidaaminta ah ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, inkasta oo si rasmi ah loo ogeyn baaxadda khasaarahaasi, maadaama wali ay dhacayso xabaddu, isgaarsiintana ay hawada ka maqan tahay. The post Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay degmada Baardheere appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa shalay magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Isu-tagga Imaaraatka Carabta Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi. Kulanka oo ka dhacay xarunta safaaradda Imaaraadka Carabta ee magaalada Mogadishu ayey Gudoomiyaha iyo Danjiraha kaga wada-hadleen doorka dowlada Imaaraadka ee la tacaalida arimaha abaaraha iyo mashaariicda horumarinta. Labada masuul ayaa sidoo kale waxay diirada saareen sidii loo xoojin lahaa xiriika guud ee hay’addaha UAE ee ka shaqeeya Arrimaha Gargaarka, yareenta musiibooyinka iyo gurmadka deg-dega. Gudoomiyaha ayaa ugu horeyn dowlada iyo Shacabka imaaraad-ka kaga mahadceliyay garab istaag shacabka Soomaaliyeed, waxaa uuna ka codsaday in ay sii wadaan dadaalkooda iyo garab istaagooda shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu ka dalbaday dowlada Imaaraadka in ay kala shaqeeyso sidii wax loogu qaban lahaa dadka ku nool goobaha laga xoreeyay kooxaha khawaarij-ta iyo taageerida Arrimaha Saadka si loo gaarsiiyo gargaarka. Safiirka Imaaraadka Axmed Jumca Al-rumeysi ayaa dhankiisa ballan-qaaday in ay la shaqeyn doonaan dowlada federaalka Soomaaliya, si dhawna u la shaqeynayaan hay’adda Maareynta Masiibooiyinka Qaranka ee SODMA. Dowladda federaalka ayaa wada dadaallo gargaar ballaaran lagu gaarsiinayo deegaannadii laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, ayada oo dhawan ay SODMA u dirtay shixnad hordhac ah. The post Sawirro: Imaaraadka Carabta oo ballan-qaad cusub u sameeyey Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Muqdisho kulan miro dhal ah kula qaatay danjiraha Shiinaha u fadhiya Somaaliya Mudane Fei Shengchao. Kulankan ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka, horumarinta nabada & amniga gobolka iyo weliba dagaalka Al-Shabaab ee ka socda dalka. Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada-hadlay ajandayaasha dowladda ee la-dagaalanka argagixisada iyo muhiimadda ay leedahay qaadista cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya. Sidoo kale waxay labada masuul isla meel dhigeen in Soomaaliya iyo Shiinaha ay iska kaashadaan la-dagaalanka argagixisada, ayada oo xukuumadda Beijin ay garab taagan tahay howl-galada ka socda dalka. Shiinaha ayaa taageeradiisa kusoo biiriyay dalal dhowr ah oo Soomaaliya ku garab istaagay dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab, kaasi oo bilihii dambe ka socday qeybo badan oo dalka. Dagaalkan ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda Al-Shabaab laga saaray deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda. Guusha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ah weerarada diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada Soomaaliya, kuwaasi oo badi lagu beegsado xubnaha iyo saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab. The post Sawirro: Shiinaha ma kusoo biirayaa dagaalka Somalia? appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU, Somalia (Caasimada online) – Rival factions of the Somali extremist group Al-Shabab engaged in violent clashes in Puntland State over the weekend as the quest for territorial supremacy continued to fuel conflict. According to sources, the fighting began on Saturday night. It continued until early Sunday between militants affiliated with al-Qaeda and those linked to the Islamic State (ISIS) in the Bari region of eastern Somalia. The confrontations took place at wadi, or dry riverbeds, known as Dadamale and Qura’da in Ja’ayl, located more than 1,500 kilometers northeast of the capital city, Mogadishu. The disputed area lies in Balli Dhidin, where both Al-Shabab and ISIS are present. Notably, the district of Qandala in Bari, situated between Qandala and Bosaso, the main port town and commercial capital of Puntland, has seen heightened activity from extremist groups. Qandala District Commissioner Ahmed Yusuf confirmed the clashes to Caasimada Online, stating that the mountainous region’s residents had reported the conflict. “The two extremist groups have coexisted in the area, but it seems they are fighting for territorial control,” said Yusuf, adding that the situation remained tense. However, the area’s topography made it challenging to gather information. The mountainous terrain, dry riverbeds, and water streams have traditionally provided cover for the militants, enabling them to coexist. However, the latest outbreak of violence suggests that tensions between the rival factions have escalated, with the two groups seeking to expand their influence and control. How did IS break away from Al-Shabab? In 2015, loyalists of Sheikh Abdulkadir Mumin, a high-ranking Al-Shabab official, declared their allegiance to ISIS, leading to an internal split within Al-Shabab. Since then, the two groups have engaged in sporadic clashes, challenging the Puntland administration and the Somali National Army. Al-Shabab, estimated to have several thousand fighters, is considered the more dangerous of the two groups and has carried out multiple high-profile attacks in Somalia, killing civilians and security personnel. The group has also been responsible for attacks on neighboring countries such as Kenya, where it has targeted civilians, particularly in areas near the border with Somalia. In contrast, ISIS in Somalia is believed to have a relatively small presence, with several hundred militants. It has mainly targeted Al-Shabab and the Somali security forces. The current situation The recent outbreak of violence between the two groups could potentially provide an advantage to the Somali National Army, which has been battling both Al-Shabab and ISIS for several months. The clashes, which reportedly lasted for hours, may have resulted in multiple deaths and injuries. However, the exact number of casualties remains unclear due to the area’s challenging terrain and the limited flow of information. The situation in Somalia has been challenging, with Al-Shabab and ISIS controlling large rural central and southern Somalia swathes. In response, the government has intensified its operations against the militant groups, receiving support from the US Africa Command, the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), and local militia groups. President Hassan Sheikh Mohamud declared total war against the militants on all fronts seven months ago. However, progress has been limited, and extremist groups remain a significant threat. The bottom line The violent clashes between rival factions of Al-Shabab and ISIS in Puntland State represent a concerning escalation in the conflict between these extremist groups. The territorial control dispute highlights Somalia’s complexity, with multiple actors vying for power and influence. While the latest outbreak of violence may allow the Somali National Army to gain ground, the ongoing threat from Al-Shabab and ISIS remains significant. The post Rivalry turns violent: Al-Shabab and ISIS clash in Somalia appeared first on Caasimada Online.
