-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay qorshe cusub oo qeyb ka ah sugida ammaanka magaalada Muqdisho iyo dib u habeynta askarta ka howl-gasha magaalada Muqdisho. S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa sheegay in xubin kasta oo ciidanka Booliska ka tirsan ee isticmaasha waxyaabaha Maandooriyaha in ciidanka Booliska laga saarayo, sidaasna ay isku raaceen madaxda sare ee dalka. “Waxa la dagaalameyna maandooriye oo ogtihiin dhibta uu ku hayo dadka iyo dalkeena, waxaa go’aansanay in aan ka suulino ciidanka dhexdiisa. Xubin kasta oo Booliska ka tirsan oo isticmaasha maandooriye nooca uu dooni ha ahaado in ciidanka kamid ahaan ayaa go’aansanay oo banaanka uga saarno,” ayuu yiri S/Guuto Sulub Axmed Firin. Sidoo kale waxa uu sheegay in si adag ula-dagaalamayaan cidkasta oo ka ganacsata waxyaabaha maanka dooriya, “Cid kasta oo waxaas ku lug leh oo gada, beerta, dibada ka keenta in tallaabo waafaqsan sharciga ka qaadno.” “Waxaa la dagaalameyna nolosha qofka muwaadinka ah ee u adeegno iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed oo inagu ku jirno in aan ka hortagno waxa khatarta ku ah,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed. S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa waxa kale oo uu xusay in taliska Booliska ay ka go’an tahay inuu soo celiyo sharafka iyo qiimaha uu leeyahay ciidanka Booliska, oo sanadihii dambe si weyn u lumay kadib ficillada askarta ka howl-gasha magaalada Muqdisho. Dowladda ayaa wada qorshe dib u habeyn loogu sameeynayo ciidanka ka howl-galla gudaha magaalada Muqdisho, iyada oo hore u ballan-qaaday in askari kasta oo gabood fal ku sameeya shacabka la marin doono ciqaabta ugu adag ee sharciga. Si kastaba, Amaanka magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa muddooyinkii dambe sii xumaanayey, ayada oo ay ka dhaceen dilal, dhac iyo iska hor-imaadyo ciidamada dhexdooda ah, kuwaasi oo sababay dhimashada shacab badan. The post Madaxda DF oo isku raacay qorshe ka dhan ah qaar ka mid ah askarta Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kamid ah garaadada SSC ayaa markii u horeysay ka hadlay qorshaha milateriga Somaliland uu shaaciyay inuu dagaal ugu qaadi doono magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Garaad Jaamac ayaa waxa uu sheegay in qorshaha dagaal ee Somaliland uusan hadda bilaabaneyn, balse ay hore u ahaayeen ciidamadeedu weerar, kuwaasi oo burbur horleh gaarsiiyay magaalada. Garaadka oo la hadlay BBC-da ayaa waxa uu sheegay in Somaliland ay iska dhicinayaan dadka deegaanka, oo aan cid kale u kaashaneyna, xilli ay xukuumadda Somaliland dhowr jeer ku eedeysay dhinacyo kale oo Puntland kamid tahay inay qeyb ka yihiin dagaalka Laascaanood. “Waxan reer Sool ahayn anagu ma aragno, dadka joogaa waa dadkii deegaanka u dhashay, haday weerar soo qaadayaan awalba way soo qaadi jireen wax u dhimana ma jiraan,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil. Hadalka Garaadka ayaa imanaya xilli ay SSC sheegtay in dhawaaqa kasoo yeeray Somaliland uu banaanka usoo saaray wajigooda dhabta ah, islamarkaana ay diyaar u yihiin dagaal ay dhulkooda kaga xoreystaan. “Caalamka ayay qaldayaan qorshaha ay ku socdaan in ay maati dooxyihiin, in dal iyo dad anay lahayn burburinayaan, in ay awood sheeganayaan, way is bideen laakiin u suurtoobi mayso,” ayuu yiri Taliyaha ciidamada deegaanka SSC ee dagaalka kula jira Somaliland “Haddii ay dhacdo xabad joojin inay dhaqan-gasho waa haddii Somaliland ay Caynaba geyso ciidamadeeda,” ayuu yiri Jeneraal Saciid Shoodhe, oo xusay sida kaliya ee ku qaboobi karto xiisadda dagaal ee ka taagan xarunta gobolka Sool. Milateriga Somaliland ay dhawaan ku dhawaaqay in dagaal qorsheysan oo milateri ku qaadi doonaan xooggaga kasoo horjeeda ee SSC, ayada oo dhawaaqaas kadib uusan weli wax dagaal ah ka dhicin magaalada, islamarkaana ay halkaasi gaareen madax-dhaqameed kasoo kicitimay magaalada Muqdisho. “Somaliland intii ay dulqaadanaysay way dulqaadatay, anagu warqad yar oo la xar-xariiqay soo dhigi mayno websteyada, balse dagaal qorshaysan oo millateri ayaan qaadi doonaa, wax badan ayaan gacmaha laabanaynay, hadda dagaal ayaan diyaar u nahay,” ayuu yiri Cabdi Dheere oo ah Afhayeenka ciidanka militeriga Somaliland. Si kastaba, Somaliland ayaa ku doodeysa in wixii dagaal dhacay aysan ciidamadeedu qaadin hal weerar oo ayaga un lasoo weerarayey, sidaas darteed ay hadda wixii ka dambeeya aysan gacmaha laaban doonin oo weerarro culus ay qaadi doonaan. The post SSC oo war cusub kasoo saartay qorshaha cusub ee Somaliland ee dagaalka appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (HOL) - As anti-government protests intensify in Kenya's capital, Nairobi, the African Union Commission (AUC) Chairperson, H.E. Moussa Faki Mahamat, has urged calm and dialogue to resolve the ongoing crisis. Thousands of protesters, led by opposition leader Raila Odinga and his party, Azimio la Umoja-One Kenya Coalition, are demanding electoral justice, lower food prices, and the resignation of President William Ruto. The government has declared the protests illegal, but Odinga asserts that Kenyans have a right to demonstrate. Source: Hiiraan Online
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Dood xooggan iyo hadal hayn ayaa ka dhalatay booqasho uu Danjire Ciid Beddel Maxamed ku tegay Israel, halkaasi oo uu kaga qeyb-galay shir ku saabsan Iskaashiga Israel, Carabta iyo Afrika. Ciid Beddel oo mar soo noqday ergeyga Soomaaliya ee QM, ayaa ka qeyb-galay kulan ay soo qaban-qaabisay Xarunta Arrimaha Dadweynaha ee Jerusalem (Jerusalem Center for Public Affairs), kulankaas oo halku dhiggiisu ahaa Shirka Caalamiga ah ee Israel, Carabta iyo Afrika. Danjire Ciid Beddel, ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay sawirro muujinaya ka qeyb-galkiisa shirka, wuxuuna amaanay heshiiska Abraham Accord ee Israel iyo dalal Carbeed oo dhowr ah sida Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Morocco ay ku aas-aasteen xiriir diblomaasi. Sida ay ogtahay Caasimada Online, Ciid Beddel wax xil ah iminka kama hayo dowladda federaalka Soomaaliya. Hase yeeshee, xildhibaan Cali Saciid Fiqi, oo horey usoo noqday danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub, ayaa xukuumadda ka dalbaday sharaxaad ku saabsan booqashada Ciid ee Israel, iyo haddii ay wax ka ogtahay. “Booqashadii Danjire Ciid Beddel uu ku tagay Jerusalem waxa ay shaki galisay xildhibaanada Soomaaliya. Waxay jeclaan lahaayeen inay ogaadaan inuu ku tagay Israel heer shakhsi ah ama ogolaanshaha wasaaradda arrimaha dibedda, Ra’iisul wasaaraha ama madaxweynaha. In la dhiso xiriirka dalalka shisheeye waxay u baahan tahay daah-furnaan,” ayuu yiri Cali Saciid Fiqi. Dhinaca kale, xukuumadda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin booqashada Ciid Beddel ee Israel. Bishan horraanteeda, wargeyska Israel Hayom ayaa qoray in Tel Aviv ay isku dayeyso inay ballaariso heshiiska Abraham Accord, islamarkaana ay kusoo darto dalal ay ka mid tahay Soomaaliya. Wargeyska ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibedda Israel Eli Cohen uu wada-hadallo kula jiro dalalka Soomaaliya, Mauritania iyo Indonesia. Waxa uu xusay in Soomaaliya ay marar badan muujisay inay daneyneyso inay xiriir diblomaasi la yeelato Israel, inkasta oo labada dal aysan weligood xiriir yeelan. Dowladda federaalka ayaan ka jawaabin warbixinta wargeyska, hase yeeshee sanaddii tagtay, mar ay soo baxeen warbixino noocan ah waxaa beenisay Villa Somalia. The post Sawirro: Danjire Soomaali ah oo booqasho ku tegay Israel appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - The Central Bank of Somalia (CBS) has successfully integrated International Bank Account Numbers (IBAN) into all transactions within the National Payment System (NPS), marking a significant step in reviving the nation's financial sector. As of March 27, 2023, all banks in Somalia have adopted IBAN, which is anticipated to enhance payment processing efficiency, reduce operational risks, and minimize delays in international transfers between Somalia and IBAN-compliant countries. Source: Hiiraan Online
-
Ankara (Caasimada Online) – Carro xooggan ayaa ka dhalatay fal ay kooxda midig-fog ee dalka Denmarka ay ku gubeen nuqul kamid ah kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, sida ay dhawaan muujiyeen muuqaalo aad ugu faafay baraha bulshada. Xubno ka tirsan kooxdan oo loo yaqaano Patrioterne Gar Live (The Patriots Go Live) ayaa waxay falkaan ku baahiyeen Facebook Live, iyaga oo sidoo kale soo bandhigay boorar ay ku qoran yihiin Islaam naceyb. Falkan Islaam naceybka ayaa waxaa si weyn uga carooday dalal badan oo Muslimiin ah, oo iyagu muujiyay sida ay uga xun yihiin falkaan, ayna tahay in wax laga qabto ficilada noocaan ah ee daan-daansiga ah. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Jordan ayaa cambaareysay arrintaas, oo ay ku tilmaamtay “fal aan la aqbali karin oo cunsuriyad ah oo kicinaya Muslimiinta, gaar ahaan xilli lagu guda-jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.” Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa sidoo kale oo ka hadashay dhacdadaan waxay ku tilmaamtay “dambi naceyb”, iyada oo sheegtay in Ankara aysan marnaba aqbali doonin tallaabooyinkan noocaan ah. Qatar oo iyaduna kamid ah dalalka Muslimka ah ee arrintaan ka dhiidhiyay ayaa waxay falalka kooxdan xagjirka ah ku qeexday fal kicin halis ah oo lagu kicinayo dareenka balaayiin Muslimiin ah oo ku nool dunida, xilli lagu guda-jiro bisha barakeysan ee Ramadaan. Horraantii sanadkaan ayay aheyd markii Rasmus Paludan oo haysta dhalashada dalalka Denmark iyo Sweden uu nuqul kamid ah Qur’aanka Kariimka ah uu ku gubay afaafka hore ee safaaradda Turkiga ee Stocholm, isaga oo mar kalena masaajid hortiisa ku gubay, falalkaasi oo si weyn uga careysiiyay Muslimiinta. The post Caro xooggan oo ka dhalatay fal lagu gubay kitaabka Qur’aanka appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (PP Editorial) — In Northern Somalia a civil war is raging. The Somaliland administration claims to have seceded from Somalia in 1991. Unlike Eritrea and South Sudan, two countries that did not unilaterally secede from Ethiopia and Sudan respectively, Somaliland opted for a war and rejectionist position on the sovereignty of Somalia over negotiation and persuasion. The Laascaanood conflict began 51 days ago, making it the second, longest conflict after the three-month war in Mogadishu of November 1991-February 1992. Laascaanood is now a ghost town. People had to flee because of shelling by Somaliland forces. The UN Security Council addressed the conflict in a session on Somalia. Calls for political accountability for the conflict fell on deaf ears. The International Community, a major funder of Somaliland administration institutions fell short of its role to remind Somali political stakeholders to respect the consent of the people. 32 years after the collapse of the state in Somalia, Northern Somalia is going through a civil war whose repercussions could be felt for a long time due of breakdown of cohesion based on peaceful co-existence and mutual respect for political goals of unionists and secessionists. The International Community could have exerted pressure on Somaliland whose decision to wage a secessionist war is based on the 1991 unilateral secession and 2001 unilateral referendum. The conflict in Northern Somalia is now correctly being framed as a civil war. Somaliland administration claimed that its forces were fighting terrorists before calling for a unilateral ceasefire. Laascaanood is federally represented by Puntland State of Somalia. The claim of Somaliland administration that Laascaanood is not a part of the Federal Republic of Somalia turns the a political problem into a securitisation agenda through which Somaliland falsely labels Laascaanood a haven for terrorists. The Federal Government of Somalia called on Somaliland administration to adhere to the principle of governance by consent, not rule by oppression. The indifference of the International Community to the Laascaanood conflict sends wrong messages to forces bent destabilisation of Somalia, a country grappling the impact of homegrown militant and extremist outfit linked with the transnational terrorism. It is time the International Community reined in Somaliland administration leaders. © Puntland Post, 2023 The post Laascaanood Conflict and the Indifference of the International Community in Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka da’een Roobab lixaad leh ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay qeybaha kale duwan ee nolosha bulshada degada, iyadoo ay isugu darsameen Fatahaad ka dhalatay Roobabka iyo sidoo kale Wabiga Jubba oo karkaarada jabsaday oo ku fatahay inta badan magaalada. Roobabka ayaa gaystay khasaare dhimasho iyo burbur xooggan oo hantiyeed waxaana ku xirmay gebi ahanaba suuqii weeynaa ee degmada kadib marki daadadku ay kusoo rogmadeen gudaha suuqaas, oo ay taalay Hanti ay lahaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed, waxaana ka dhashay burbur xooggan oo soo gaaray suuqa Baardheere. Ganacsatada Baardheera ayaa sheegaya in boqolkiiba sagaashan khasaaraha daadadku ay sababeen uu geystay saameen ganacsatada ku noolaa degmada, waxaa sidoo kale ka dhashay khasaare dhimasho gaaray ilaa 20 ruux, waxaana sidoo kale ku barakacay boqolaal qoys oo degnaa xaafadaha qaar ee degmada Baardheere ee Gobolka. Cabdulqaadir Maxamed Cabdi (Cabdulqaadir Caseeye) oo ka mid ah ganacsatada suuqa magaalada Baardheere ayaa arrimahaan uga warramay wariye Aden Maxamed Cabdi Saalamiin ayaa BBC-da u sheegay”Khasaaraha Suuqa lama soo koobi karo 90% ayuu gaaray dabaqada ugu sareysa iyo midda ugu hooseysa wuu saameeyay” Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxaa inta badan saameyn u geysta roobabka ka da’a degmada iyadoo mararka qaar ay daadad xooggan ay kusoo rogmadaan, halka mararka qaar uu karkaarrada jabsado Wabiga Jubba, kaas oo Fatahaad baaxad leh ka geystay, Fatahaadii ugu dambeysay waxaa ku geeyooday tiro dad ah. Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo dhowaan safar ku tagay degmada ayaa sheegay in Baardheere ay u baahan tahay gurmad xooggan, kaas oo lagu samatabixinayo dadka khasaaraha uu kasoo gaaray fatahaadaha ka dhacay, waxaa sidoo kale burbur soo gaaray Buundada la isaga gubdbo labada dhimac. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya saameynta ka dhalatay weerarkii qaraxyada ku billowday ee ay todobaadkan Al-Shabaab ku qaadeen xerada deegaanka Daaru Nimca oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee Shabeelaha Dhexe. Weerarkan ayaa geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askar iyo dad shacab ah oo ku noolaa deegaankaasi. Dadka weerarka ku dhintay waxaa kamid ahayd Hooyo Xaawo Maxamuud Calasow (Xaawo Sagale) oo caan ka ahayd deegaanka Daaru Nimca, taas oo si arxan darro ah loo dilay. Axmed Nuur oo ah wiil 13 sanno jir ah oo ay dhashay marxuumadda ayaa ka sheekeeyay sida loo dilay hooyadiis, wuxuuna sheegay in marka hore la dhaawacay, kadibna la dilay. “Marka hore lugtaa xabad looga dhuftay garabka ayaan kasoo qabtay guriga ayaan keenay, kadib guriga ayay soo garaaceen waa laga furi waayay waa soo jabsheen meel ayaan ka hoos galay xabadihii ayay ku fureen waana ku dhammeystireen,” ayuu yiri Axmed Yare. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Madaxa ayay shan uga dhufteen waa ku wadeen illaa ay ka dhimato aniga haddii ay guriga ka baxeen ayaa ka orday”. Wiilkan yar ee Hooyadiisa lagu hordilay ayaa sidoo kale wacad ku maray inuu u aargudan doono, isla-markaana uu la dagaalami doono kooxda Al-Shabaab. “Ninkii Hooyaday dilay aniga ma dhaafayo haddii aan arko xittaa wixii Shabaab ah waan dilaa, inta aan wax heysatana waan iska celinayaa,” ayuu markale yiri Axmed Nuur. Dhankiisa Cabdi Taakow ah oo nin hoggaamiya ciidanka Macawiisleyda ee ku sugan Daaru Nimca ayaa sidoo kale sheegay in kooxda ay dishay gabar yar oo saddex sano jir aheyd, taas oo uu tilmaamay in dhaawac ahaa loo qaaday, balse mar dambe ay geeriyootay. “Canug saqiir ah oo saddex sano jirta ayey dileen dhaawaceeda inta la qaaday ayay dhex ku dhimatay waa lasoo celiyay intan ku aasnay,” ayuu isna yiri Cabdi Taakow. The post Axmed Nuur “Al-Shabaab Hooyaday ayay si arxan darro ah horteyda ugu dileen” appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, ahna Madaxa howlgalka (ATMIS) ee ciidanka Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya Danjire Maxamed Al-Amiin Souef. Kulanka dhex maray Duqa Magaalada Muqdisho iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa loogu hadlay xoojinta wada shaqeynta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Howlgalka ATMIS, sidoo kale fulinta Qorshaha sugida Amniga Caasimadda iyo guud ahaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha Al-shabaab ee ka socda dalka. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku ammaanay Midowga Afrika (ATMIS) doorka ay ka qaateen horumarka iyo Ammaanka Soomaaliya, iyagoo u huray dhiigooda iyo Naftooda. Danjire Souef ayaa xusay in ATMIS ay sii wadi doonto taageeradooda ku aadan ciribtirka Argagixisada iyo dardargalinta howlgalada ka socdo dalka, asigoona shacabka Soomaaliyeed ku amaanay garab istaaga howlgalada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ee ka socda dalka, taasi oo keentay in Ciidamada Xooga dalka ay guulo waaweyn gaaraan. Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka (ATMIS) ayaa sheegay in ka hor December 2024 oo xilliga u qorsheesan in ay soo gaba-gabeeyaan howlgalkooda Soomaaliya, ay ka go’an tahay in Bulshada Soomaaliyeed ee kala shaqeeyaan Amniga iyo Barnaamijyada horumarinta. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Booliska Kenya ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday si ay u kala eryaan mudaaharaadyo ay ku baaqeen mucaaradka, kaasoo socday ku dhawaad laba toddobaad, kaasoo looga soo horjeeday qiimaha maciishada. Waxaa magaalada caasimadda ah ee Nairobi ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay dibadbaxayaal iyo ciidamo ka tirsan booliska, waxaana Dhacdooyinkan lagu arkay falal rabshado wata iyadoo la arkayay taayaro gubanaya. Kevin Onyango, oo ka mid ah dibadbaxayaasha, ayaa u sheegay wakaalada Anadolu: “Waxaan xaq u leenahay inaan mudaharaad salmi ah sameyno, mana joojin doono ilaa codkeena la maqlo.” Dad badan oo reer Kenya ah ayaa la daalaa dhacaya nolol maalmeedkooda iyadoo qiimaha maciishada uu sare u sii kacayo, isla markaana uu kor u sii kacayo qiimaha badeecadaha aasaasiga ah. Dhanka kale, warbaahinta maxalliga ah ayaa tibaaxday in saxafiyiinteeda loo geystay tacadiyo xilliyada ay soo tebinayeen mudaaharaadyada, oo ay ka mid tahay inay weerareen kooxo burcad ah oo ka dhacay qalabkooda. Dowladda Kenya ayaa dhowr jeer soo saartay digniino ay ku sheegtay in dibadbaxyada ay yihiin kuwo sharci darro ah. Dhanka kale, wasiirka arrimaha gudaha Keithuri Kindiki ayaa ku dhawaaqay in dowladda ay cadaadis ku saari doonto sharciyo cusub oo lagu xakameynayo mudaaharaadyada, tallaabadaas oo ay dhaleeceeyeen mucaaradka. Dhankeeda, Wasiirkii hore ee Cadaaladda, Martha Karua, ayaa uga digtay Madaxweynaha Kenya William Ruto inuu ku xad gudbo dastuurka. Dowladda Kenya ayaa dibadbaxayaasha ku eedeysay in ay isticmaaleen awood xad-dhaaf ah, iyadoo dhanka kale hay’adaha xuquuqul insaanka ay dalbadeen in baaritaan lagu sameeyo weerarrada ka dhanka ah suxufiyiinta. Waxaa xusid mudan in 20-kii Maarso, qof qeyb ka ahaa mudaaharaadyada la dilay, iyadoo ay xusid nudan tahay in dalka ay wali ka socdaan qalalaasaha ay wadaan taageerayaasha ninka mucaaradka ah Raila Odinga Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Wasaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah Mudane, Axmed Xasan Aadan oo intii u dhaxeysay 22 ilaa 24 bishan magaalada Copenhagen ee Dalka Denmark uga qeybgalay shirka Blue Justice Conference 2023 ayaa saxiixay baaqa caalamiga ah ee Copenhagen, kaas oo kamid ah dedaallada looga hortagayo dambiyada badaha oo ugu horreeyo la dagaalanka Kalluumeysiga sharci darrada ah. Wasiir Axmed Xasan ayaa intii uu ku sugnaa Copenhagen waxa uu kulamo doceed muhiim ah la yeeshay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Norway Marwo, Anne Beathe Tvinnereim, iyada oo ballan qaadday inay Soomaliya kala shaqayn doonto sidii loo horumarin lahaa dhqaalaha kalluumeysiga iyo tayeynta shaqaalaha iyo kalluumeysiga. Waxa uu la wadaagay dib u habaynta uu wasaaradda Kallumaysiga ku sameeyay, shuruucda la dhaqan geliyay iyo sida anay Soomaaliya u doonayn gargaar ee ay diyaar uga tahay maalgashi dhanka kalluumeysiga ah , iyadoo Norwayna ay tahay waddamada sida weyn ugu horumaray dhanka Kalluumeysiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
EU Statement – UN Security Council Private Meeting: Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
27.03.2023 New York Press and information team of the Delegation to the UN in New York 27 March 2023, New York – Statement on behalf of the European Union by Dr. Annette Weber, EU Special Representative for the Horn of Africa, at the UN Security Council Private Meeting on Somalia – Check against delivery – Thank you very much, Mr. President, and let me thank you for the opportunity to brief the Security Council on Somalia. I address you on behalf of the European Union. Mr. President, Let me begin by commending the bravery of the Somali people and forces who are leading the current operations against al-Shabaab. They are sending a strong signal to the world that they seek a different trajectory for Somalia, one where al-Shabaab has no future. Some have paid the ultimate price and I want to offer my sincere condolences to the families of fallen soldiers and to the Somali people who have suffered and lived in conflict for more than 30 years. Let me also send condolences to the families of fallen AMISOM and ATMIS soldiers, their sacrifice will not be forgotten. We all owe them our gratitude and respect. Mr. President, Security operations in Somalia continue and are reaching a crucial phase, putting increasing pressure put on al-Shabaab. Several countries in the region have committed to training forces. We welcome the Frontline State Summit held in February and President Hassan Sheikh Mahmoud’s appeal for regional engagement on what continues be a threat to regional peace and security. We are encouraged by the commitments by Somalia’s neighbours to support the next phase of operations. The EU also continues to train and equip the Somali National Army, and build defence and security institutions, through our CSDP Missions. We have recently allocated 85 million euro for the military component ATMIS for 2023 and an additional 33 million euro for its civilian and police components for 2023 and 2024, bringing our total support to the UN mandated mission so far to more than 2.5 billion euro since its inception. We urge other partners to also contribute to the mission and stand ready to engage in a discussion on how best ATMIS can support current operations. This year, we have also increased our support to the Somali National Army to 25 million euro and contributed 16 million euro to stabilisation, adding to our significant humanitarian support. There are no quick wins when it comes to fighting al-Shabaab. We all have to ensure that the operations are sustained through inclusive long-term planning – and that they are supplemented by holding forces and stabilisation efforts led by local authorities. The Somali people continue to risk everything for a better future and the fight against al-Shabaab will not be won without their full support. Mr. President, The operations are taking place in parallel with the transition from ATMIS to Somali-led security as stipulated in UNSCR 2628 and 2670. Timelines are ambitious and linked to significant reform of the Somali security sector. The benchmarks requested in UNSCR 2628 have been formulated jointly by the FGS, UN, AU and EU in the Quartet. Now, almost exactly a year into the ATMIS mandate, very few of these benchmarks have been achieved. We urge implementation by all actors and encourage long-term planning, including with the TCCs and the AU, on a post-ATMIS security architecture. Mr. President, In addition to security operations, the Somali government is pursuing an ambitious reform programme and has reached agreements on power sharing, justice model, fiscal federalism and the National Security Architecture. This is a remarkable achievement. It is crucial that all Federal Member States engage constructively in Somalia’s state-building, including through participation in the National Consultative Council. We are confident that our Somali partners will continue to deliver on political settlements on core issues, including on an electoral model at the next NCC meeting in May. The next step will then be to expand the political participation, move away from ad hoc decision making forums towards institutional and constitutional decision making to take Somalia forward. This would be a significant milestone in the state-building process and the EU remains committed to support. Over the last months, the European Union has had unprecedented engagement with the Federal Government of Somalia We have recently drafted a roadmap for joint priorities within security, politics and state-building and socio-economic development. It is our hope and aim to deliver on these priorities with the current administration, with which Somalia will take a remarkable leap in its state-building process. Mr. President, While the international community is focusing on the fight against al-Shabaab, a conflict is unfolding in Las Anod. Hundreds have been killed and thousands been displaced. I urge the parties to reinstate the cease-fire and engage in negotiations for a long-term settlement and enable humanitarian access. This conflict is a symptom of unaddressed grievances in certain communities and lack of political settlement on the status of Somaliland. A long-term solution has to be identified. Mr. President, The worst drought in four decades is ravaging Somalia and the wider Horn of Africa and after multiple failed rains, one cannot help but wonder whether this is yet another drought or the new normal for the Somali people. More than seven million people, over half the population, are food insecure and millions are displaced. We know that al-Shabaab both exploit vulnerable communities to their advantage; and deteriorates the fragile situation further by destroying water infrastructure and imposing taxation. Since 2017, the EU has committed half a billion euros to humanitarian needs in Somalia. Mr. President, The European Union remains committed to a holistic approach in Somalia and delivery upon our promises remains a high priority. The ongoing operations and the commitment by the Federal Government of Somalia presents a unique opportunity for advancing on the fight against al-Shabaab and strengthening the foundations of the State. Delivery requires strong encouragement by a more unified international community. We appreciate and look forward to the renewed cooperation. Thank you, Mr. President. EEAS Qaran News -
Ciidamada dib u-xoreynta gobolka Hiiraan oo ku sugan inta badan gobolka ayaa bilaabay dhaqdhaqaayo ciidan, kaas oo looga golleeyahay wajiga labaad dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo dhowaan ay ku dhawaaqday dowladda federalka in laga fulinaayo Galbeedka gobolka iyo deegaanno ka tirsan maamulka Galmudug. Dhaqdhaqaaqyadaan ciidan ayaa waxaa ay sigaar ah uga bilowdeen deegaanno hoos yimaada degamada Maxaas, iyadoo kulan looga arrinsanayo lagu qabtay degmada, sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada dhaca xadka gobolka Hiiraan uu la wadaago gobollada Galgaduud iyo sidoo kale Shabeellaha dhexe oo la daris ah. Kulamada ay yeelanayaan cidanka dib u xoreynta gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ay dhaqdhaqaaqyo ciidanka ka bilaabeen gobolka Shabeellaha dhexe deegaanno ka tirsan oo dhowaan dagaalamayaasha Al-shabaab ay weerar iyo dagaallo kusoo qaadeen. Goddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo dhowaan gaaray magaalada Baladweyne ayaa sheegay in ay u diyaar garoobayaan sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaanno dhaca galbeedka gobolka Hiiraan, isaga oo xusay in ay qaadi doonaan Wajiga labaad ee dagaalka dib u xoreynta dalka oo dowladduay ku dhawaaqday. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya oo dhowaan gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ciidanka dib u xoreynta ka dalbaday in ay garab istaagaan ciidanka dowladda si looga adkaado dagaalamayaasha Al-shabaab, kuwaas oo ku sugan deegaanno ka tirsan Galbeedka gobolka Hiiraan. Wajiga labaad deegal ka dhanka Al-shabaab ayaa waxaa ka qeyb ka noqonayo ciidamo ka tirsan dowladaha safka hore, kuwaas oo qaarkood dalka gudaha usoo galeen gaar ahaan deegaannada Hirshabeelle iyo Jubbaland, kuwaas oo ka socda dowladda Itoobiya, waxaana la filayaa in askar ka tirsan Kenya iyo jabuutiay gudaha u soo galaan. Dowladaha safaka hore iyo dowladda federalka ayaa dhowaan go’aan ku gaaray in Al-shabaab si wadajir ah loola dagaalamo, waxaana ay ballan qaadeen in ay gudaha dalka u soo dirayaan ciidamo ka madaxbannaan howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee ATIMIS, oo kala socda dowladaha Itoobiya Kenya iyo Jabutti oo la daris ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Michael Rubin Mohamed Aden Suleiman, a U.S.-trained battalion commander from Somalia’s elite Danab Brigade, died fighting Western-oriented, democratic Somaliland last weekend. The confirmation of his death comes less than a week after the U.S. Embassy bragged about its investment in the Danab Brigade and almost four months after China-backed Somalia attacked one of only two countries in Africa to embrace Taiwan . The Pentagon had trained that unit to fight al Shabaab terrorists. A decade ago, the Benghazi failure loomed large, and critics increasingly asked then-Secretary of State Hillary Clinton what she had accomplished over her four-year tenure. She embraced Somali President Hassan Sheikh Mohamud and declared that Somalia was on the rebound. It was an exaggeration. Then as now, a small handful of appointed elites selected rather than elected the Somali government. It was the world’s most corrupt government. Warlordism remained rife. Clinton’s embrace of Somalia opened the floodgates of both U.S. assistance and international aid. Somalia received tens of billions of dollars to fund both development and a new military. It never worked. Even as Somali elites embezzled aid, the State Department urged debt relief . While Somaliland held repeated one-man, one-vote elections with less than $10 million in external aid, Somalia received $1.5 billion dollars but still has not held real elections. Gov. Ron DeSantis (R-FL) has questioned the value of U.S. assistance to Ukraine. He is wrong. Ukraine has shown bang for the buck. As Russia challenges the liberal order, what happens in Ukraine matters. When it comes to Somalia, however, DeSantis is right. Sending assistance to Somalia absent accountability is always a mistake. Taxpayer money should never be an entitlement. It has been clear for several years that Somalia’s terrorism problem begins in Villa Somalia, the country’s White House. Fahad Yasin, Somalia’s former national security chief who remains in government, is dangerously close to al Qaeda-affiliated terrorists. Mohamud may present a more professional face than his death squad-wielding predecessor did, but the chief difference between the two is style rather than substance. The death of a U.S.-trained military leader fighting to undermine Somaliland is a scandal. The 2023 National Defense Authorization Act demanded the U.S. move closer to Somaliland, not do China’s dirty work. It is now clear Mogadishu misled Washington and that Pentagon quality control is nonexistent. Danab fighters, the flagship of U.S. Horn of Africa security policy, rather act as clan mercenaries than fight terrorists. The State Department may make the same mistake multiple times, and the Pentagon may refuse to recognize its program encourages terrorism rather than counters it. Congress, however, should not be so naive. It is time to cut Somalia off. U.S. money is making Somalia worse. Mohamud and the Danab have been caught red-handed. Enough is enough. Qaran News
-
Saddex carruur ah iyo saddex qof oo waaweyn ayaa la dilay ka dib markii haweeney ay rasaas ku furtay dugsi hoose oo ku yaalla magaalada Nashville ee gobolka Tennessee ee dalka Mareykanka. Toogashada ayaa waxa ay ka dhacday Dugsiga The Covenant, oo ah dugsi gaar loo leeyahay oo ay dhigtaan ilaa 200 oo arday kuwaasoo dhigta dugsiga barbaarinta ilaa fasalka lixaad. Haweeneyda weerarkan ka dambeyay oo la sheegay inay ahayd 28 jir ayaa ku hubeysnayd dhowr qori waxayna hore uga mid ahayd ardayda dugsiga oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Tennessee. Ma jiro war rasmi ah oo degdeg ah oo ku saabsan sababta suurtagalka ah ee weerarkan oo soo baxay iyadoo ciidamada booliskana ay toogasho ku dileen haweeneydii ka dambeysay weerarka. Toogasho wadareedyo lagu hoobtay ayaa sanadihii ugu dambeeyay ka noqotay dalka Mareykanka wax caadi ah, balse in weerarka ay geysatao qof dumar ah ayaa ah mid aan caadi ahayn. Kaliya afar ka mid ah 191 toogasho wadareed oo la diiwaangeliyay ilaa 1966, ayaa waxaa fulisay haweeney. Isagoo ka falcelinaya toogashadii ka dhacday Washington, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu ku booriyay Congress-ka mar kale inay ansixiyaan sharciyo badan oo dib u habeyn ah oo dhinaca hubka ah. Source
-
Booliska Gobolk Banaadir ayaa shaaciyay in ay burburiyeen xaruntii maandooriyaha ee ugu weyneyd Muqdisho. Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir G/sare Mahdi Cumar Muumin ayaa sheegay im hawlgal uu Ciidanka sameeyay lagu burburiyay xaruntaas. G/sare Mahdi ayaa sidoo kale sheegay in gacanta lagu dhigay qaar kamid ah kooxihii mukhaadaraadka ka shaqayn jiray oo joogay xarunta la burburiyay. Taliyaha ayaa wacad ku maray in ay si adag ula dagaallami doonaan dhammaan cid kasta oo ku lug leh maandooriyaha noocyadiisa kala duwan. Halkaan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Booliska Gobolka Banaadir oo burburiyay warshadii Maandooriyaha Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka hadlay qorshaha uu millateriga Somaliland sheegay in uu kula dagaalamayo maleeshiyaadka ka qaska ka wada Laascaanood. Garaad Ismaaciil oo waraysi siiyay idaacada BBC Somali, ayaa ka jawaabay qorshaha uu millaterigu ku sheegay in ay kula dagaalamayaan ciidamada aan reer Sool ahayn, wuxuuna ku andacooday in cid aan reer Sool ahayni anay joogin gobolka. “Waxan reer Sool ahayn anagu ma aragno, dadka joogaa waa dadkii deegaanka u dhashay, haday weerar soo qaadayaan awalba way soo qaadi jireen wax u dhimana ma jiraan” ayuu yidhi Garaad Ismaaciil. Millateriga Somaliland ayaa shalay ku dhawaaqay in ay weerar qorshaysan ku qaadi doonaan maleeshiyaadka kula dagaalamaya Laascaanood, gaar ahaan ciidamo beeleedyada ka yimid deegaanada Puntland. Kadib go’aanka uu millaterigu soo saaray shalay maanta wax dagaal ahi ma dhicin, iyadoo ay magaalada Laascaanood soo gaadheen madaxdhaqameed kasoo kicitimay magaalada Muqdisho oo sheegay in ay gacan ka gaysanayaan daminta colaada. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal culus ka fuliyay qaybo ka mid ah gobolka Banaadir, kaas oo lagu bartilmaameedsaday goobo lagu sameynayay maan-dooriyaha Calaqa iyo Xashiishka. Howlgalkan oo si gaar ah uga dhacay degmada Heliwaa ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo mas’uuliyiin kale. Taliyaha qaybta Booliska gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay howlgalkaasi, wuxuuna sheegay inay ku beegsadeen xaruntii ugu weyneyd ee lagu sameeyayay maan-dooriyaha. “Xuruntii ugu weyneyd ee lagu sameynaayay Mukhaadaraadka iyo Calaqa iyo dadkii sameynayay ayaa halkan ku qabanay,” ayuu yiri Macallin Mahdi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay gacanta kusoo dhigeen illaa 30 haamood oo ay ku jireen Calaq, 10 warshadood oo lagu sameeyo iyo sidoo kale dadkii lahaa. “Cawada halkan waxaan ku qabanay 30 haamood oo 26 ka mid ah ay buuxaan, midna ay bar tahay, saddexna ay faaruq tahay iyo 10 warshadood oo lagu sameynayay” ayuu yiri. Dhankiisa guuddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho,Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in howlgallada ay sii socon doonaan, isla-markaana ay gaari doonaan goobaha kalaabyada ah ee ku dhex yaalla caasimada. “Goobaha kalaabyada ee gabdhaha iyo wiilasha xaaraanta isugu tegaan iyo meelaha Calaqa lagu gado kuligood waa meelaha bartilmaameedka noo ah,” ayuu yiri Duqa Muqdisho. Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa kordhiyay howlgallada lagula dagaalamayo kooxaha ka ganacsada maan-dooriyaha iyo kuwa ciyaal-weerada. The post Daawo: Warshado lagu sameynayay walxo halis ah oo lagu qabtay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
