Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidanka Ruushka ayaa bilaabay dhoolatus ay ku sameynayaan nidaamka gantaalaha isaga gudba qaaradaha, taasoo loo arko isku day kale oo Moscow ay ku muujinayso awoodeeda Nukliyeerka. Dhoolatuskaasi,waxaa ka qeybgalaya in ka badan 3-kun oo militariga iyo ilaa 300 oo qalab ah,sida lagu shaaciyay bayaan maanta oo Arbaco ah ay soo saareen wasaaradda difaaca ee Ruushka . Inta lagu jiro leyliga ciidan, nidaamyada wareegyada ee Yars ayaa sameyn doona dhaqdhaqaaqyo saddex gobol oo Ruush ah, Waxaana jira dhowr astaamood oo sheegaya in qalaka Yars uu leeyahay hawlo shaqo oo gaari kara masaafo dhan 12.000 km,kaas oo sidoo kale qaadi kara madaxyo badan oo nukliyeer ah. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ujeedkiisu yahay in uu soo bandhigo nidaamka gantaalaha Yars,kadib kolkii isbedel lagu sameeyay qayb ka mid ah nidaamka Topol. Tan iyo markii uu bilowday duulaankii Ukraine bishii February ee sanadkii hore, Ruushka ayaa sameeyay dhoolatus militari oo badan oo iskiis ah ,iyadoo sidoo kale dalalka saaaxiibka la ah sida Shiinaha iyo Koonfur Afrika ay sameeyeen tallaabadaasi mid lamid ah. PUNTLAND POST The post Ruushka oo dhoola-tus ku samaynaya Gantaalaha isaga gudba Qaaradaha appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo saaka ka dhacday waaxda Carafaad oo ka tirsan deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kadib markii uu nin mu’adin ah masaajid ku yaalla deegaanka ka geystay fal sababay dhimasho iyo dhaawac. Mu’adinka ayaa la sheegay inuu dilay Imaamkii Masjidka, kadib shaqaaqo ka dhex-dhacday gudaha masjidka, waxaana sidoo kale uu dhaawacay wiil kale oo dhalinyaro ah. Dhacdada ayaa timid kadib muran soo kala dhex-galay wiilka yar oo gacan yare u ahaa imaamka iyo wadaadka mu’adinka ah, waxaana meesha ka dhacay gacan ka hadal. Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in imaamka oo sidoo kale ahaa Macallin Dugsi uu isku dhigay wiilka yar, kadib markii mu’adinka uu soo qaatay baangad, waxayna baagadii ku dhacday marxuumka oo isla goobta ku geeriyooday. Labada nin ayaa saaka saaladdii subax midna uu aqimay, midna uu salaadda tujiyay jamaacada masjidka, sida uu sheegay qofka goobjoogaha ah. “Saaka Garasbaaley shaqaaqo aan la yaabnay ayaa ka dhacday laba nin oo masaajidka midna imaam ka ahaa midna mu’adin ayaa is qoomay oo is dilay. Labaduba salaadda subax mid waa aqimay midna dadkii ayuu tujiyay,” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka. Sidoo kal wuxuu sharraxaad ka bixiyay sida uu falkan u dhacay, maadaama uu wax uu ka dagan yahay xaafadda uu ku yaalla masjidka ay wax ka dhaceen. “Waxa wax dilay waa mu’adinka waxa la dilayne waa imaamkii marka salaadda subax laga kala baxay oo laga kala tegay waxaa ku haray isaga iyo ninka imaamka ahaa oo sidoo kale ahaa Macallin Dugsi Qur’aan iyo gacan yaraha imaamka oo isna kabiir ka ah dugsiga, kadibna wiilka kabiirka iyo ninkaan wax dilaayo ayaa diriray sawir laga qaaday ayaa la’isku qabtay kadib ninkaas canuga ayuu dili rabay imaamkii canuga ayuu isku hordhigay shan baangad ayaa ku dhacday meesha ayuuna ku ruux baxay,” ayuu hadalkiisa kusii daray. Waxa kale oo uu intaasi raaciyay “Canuga dilka ka billowday ee sababta uu ahaana hadda isaga oo labada gacan ay go’an yihiin wuxuu yaallaa isbitaalka, waana dhaawac liito,”. Allaha u naxariistee Imaanka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Macallin Ibraahim Cabdi Cabdulle, halka isna ‘mu’adinka dilka geystay’ magaciisa lagu sheegay Mukhtaar Cali Xuseen, kaas oo la sheegay in dhacdada kadib uu goobta isaga baxsaday. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ee dowladda iyo maamulka degaanka Garasbaaley oo ku aadan falkaas. Si kastaba, dhacdadan ayaa argagax ku reebtay dadka deegaanka, waxaana sidoo kale aad looga hadal hayaa baraha ay bulshada ku wada xiriiraan ee Internet-ka. The post Mu’adin dil argagax leh ka geystay masjid ku yaalla duleedka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  3. Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaanka dhaqanka ee SSC ayaa war cusub kasoo saaray halka ay marayaan dadaallada nabadeed ee la doonayo in lagu joojiyo dagaalka Laascaanood, kuwaas oo ay haatan ku biIreen odayaal dhaqameed ka tegay Muqdisho. Suldaan Mustafe Aw-Seed oo kamida ah isimada dhaqanka ee SSC oo warbaahinta kula Garoowe ayaa marka hore ka hadlay wararka ayaa sheegaya in odayaashaas iyo SSC ay gaareen heshiis ku saabsan xiisadda Laascaanood, isaga oo been abuur ku tilmaamay. Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray in illaa iyo hadda ay wax wada-hadal ah la galeen odayaasha ka socda beelaha Mogadishu Clan iyo Digil iyo Mirifle ee gaaray Laascaanood. Suldaanka ayaa xusay in kaliya odayaasha ay soo dhoweeyeen, una fududeeyeen inay gaaraan magaalada Laascaanood, ayaga oo u maray dhanka magaalada Garoowe. Aw-Seed oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay soo dhaweynayaan doorka ergada nabadeed ee ka tegtay Xamar, isla-markaana ay aqbalauaan xabad joojinta, haddii ay dhankeeda diyaar u tahay xukuumadda Somaliland, ayna la baxayso ciidamadeeda. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray inay rajeynayaan inay ergadu gaaraan dhanka magaalada Hargeysa, si ay farriintooda nabadeed u gaarsiiyaan Somaliland. Hadalkan kasoo baxay ismimada dhaqanka ee SSC ayaa kusoo aadayo, xilli odayaasha ka tegay magaalada Muqdisho ay kasoo laabteen magaalada Laascaanood, isla-markaasna la filayo inay sii amba qaadaan dadaalkooda oo ay gaaran dhinaca maamulka Somaliland. Lama oga sida ay wax noqonaan doonaan, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in Somaliland aysan ogoleyn dhex-dhexaadinta odayaasha kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya. Si kastaba, dagaalka Laascaanood ayaa galay bishii labaad oo xiriir ah, waxaana labada dhinac ay weli isku horfadhiyaan magaaladaasi, taas oo uga sii dareysa xiisadda taagan. The post Maxaa ka jira inay heshiis gaareen odayaashii ka tegay Xamar iyo SSC? appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada qaabilsan ilaalada xarunta ugu weyn ee lagu dhaqan-celiyo xubnaha kasoo goosta Al-Shabaab ee Sarendi, kuna taalla magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa ka cabanaya mushaar la’aan iyo baahi soo wajahday. Mid kamid ah askarta ilaalisa xeradan oo la hadlay VOA ayaa shaaca ka qaaday in saddexdii bilood ay ugu dambeysay aysan qaadan mushaar, sidoo kalena aysan heysan raashin. “Annaga waxaa nahay ciidankii ka howlglayay dhaqan-celinta Soomaaliya, taas oo ah midda Shabaabka dadka kasoo goosta, cabashadaa aan qabno waxaa weeye qodobka koowaad waa mushaar la’aan, qodobka labaad waa garaam la’aan. Mushaarka wuxuu naga maqan yahay muddo saddex bilood ah,” ayuu yiri askariga la xiriiray Idaacadda VOA-da. Sidoo kale waxa uu sheegay inay gaarayaan illaa 86 askari, isla-markaana ay hayaan 250 qof oo kasoo goostay kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay isku soo dhiibeen dowladda. “Waxaa nahay 86 askari oo rag iyo dumar isugu jiro waxaana heynaa 250 kasoo goostay Al-Shabaab oo dhaqan-celin ahaan loo keenay xerada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Askarigan ayaa sababta ugu weyn ku sheegay in hay’adda IOM oo gacanta ku heysay xeradaas ay shaqada joojisay, kadib markii uu dhammaaday heshiiskeedii “Horta sababta waxaa markii hore noogula sheegay qolooyinka deeq-bixiyayaasha ah heshiiskii inuu ka dhammaaday,” ayuu markale yiri. Waxa kale oo uu farriin u diray madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, isaga oo ka codsaday inay soo farageliyaan arrintooda, maadaama ay shaqo adag u hayaan qaranka. Dhinaca kale Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa oo isna la hadlay VOA ayaa shaaca ka qaaday inay jirto cabashadaas, balse waxa uu tilmaamay in arrintaan heshiis laga gaaray bishii hore, IOM-na ay sii wadi doonto shaqada, isla-markaana shaqaalaha xarunta ay heli doonaan mushaaraadkooda, kadib March. “Is jiid-jiid dheer kadib hadda heshiis ayaa laga gaaray oo ah inay hay’adda IOM howsha sii wado, marka heshiiska waa la saxiixay,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cali Xagaa. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka aSoomaaliya ay si tartiib tartiib ah ula wareegi doonto xarumaha dhaqan-celinta Al-Shabaab ee ku yaalla dalka. The post Ciidamo haya 250 kasoo goostay Shabaab oo soo bandhigay arrin lagu sameeyay appeared first on Caasimada Online.
  5. Oslo (HOL) - The Norwegian Police Security Service (PST) announced the arrest of two sisters who returned to Norway from Syria early Wednesday with their children. The Norwegian authorities charged the sisters with participating in the terrorist organization ISIS and stated that child protection services were involved in the care of the children. Source: Hiiraan Online
  6. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka Al-Shabaab ay weerar ku billowday qarax is-miidaamin ku qaaday deegaanka Baarsanguuni oo hoostaga magaallo xeebeedka Kismaayo ee gobolkaasi. Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya kuwa dowladda iyo raggii weerarka ku qaaday Baarsanguuni. Xoogaga weerarka qaaday ayaa si toos u beegsatay saldhig ay ciidamada huwanta ku leeyihiin deegaankaais, waxaana jira khasaare soo kala gaaray labada dhinac. Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay cagta marisay xeradaasi, isla-markaana ay gubtay gaadiid dagaal oo yiilay saldhiggaas. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo madaxda sare ee maamulka Jubbaland oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa agagaarka magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland. Dhowaan ayey ahayd markii weerar toos ah ay Al-Shabaab ay ku galeen saldhigga Janaay Cabdall oo u dhow Kismaayo, kaas oo ay ku dileen askar, kuna furteen hub iyo gaadiid. Muddooyinkii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso saldhigyada ciidamada dowladda ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo inta badan dhaca hal xilli oo ah aroortii hore ee subax. Todobaadkan ayey aheyd markii weerar kan lamid ahaa ay Al-Shabaab ku qaaday xero ku taalla degmada Ruun-nirgood, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac intaba. The post Weerar ku billowday qarax is-miidaamin ah oo lagu qaaday saldhigga Baarsanguuni appeared first on Caasimada Online.
  7. Taliska Ciidamada Somaliland ayaa mar kale ku celiyay in ay weerar ku qaadayaan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka Ciidamada Somaliland ayay mar kale ku sheegeen in ay qaadayaan hawlgal qorshaysan si ay dib ugu qabsadaan Laascaanood. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarkaas qorshaysan ujeedkiisu yahay in Laascaanood lagu soo celiyo nabad iyo xasilooni. “Taliska Gooja-cadde waxa as aasay Ciidamada Difaaca Somaliland waxaana taageeray Qaramada nabada iyo dimuquraadiyada jecel ee beesha caalamka. Hadda howlgalka nabad soo celinta ee socda u jeedadiisa ugu wayni waxa weeye in nabad iyo xasilooni lagu soo celiyo Laascaanood” ayaa lagu yiri Qoraalkaas. Todobaadkan waa markii labaad oo Somaliland sheegto in ay weerar ku qaadayso Laascaanood iyadoo laba maalin ka hor warkaas ku dhawaaqday. PUNTLAND POST The post Somaliland oo mar kale ku celisay in ay dagaal ku qaadayso Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  8. Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa cambaareeyay mudaaharaadyadii ay mucaaradka ka dhigeen dalka, taas oo horseeday burbur hantiyeed oo u uku jiro dullaan lagu qaaday beer ay leeyihiin qoyska madaxweynihii hore ee dalka, Uhuru Kenyatta, taas oo la gaarsiiyay khasaare, isaga oo sheegay inaan la aqbal karin waxa jira. Mar uu hadal la hadlayay Uhuru Kenyaanka ku nool magaalada Berlin, ayaa madaxweyne Ruto waxaa uu wacad ku maray inuu ilaalin doono, badqabka dhamaan shacabka Kenya iyo ganacsatada isagoo howl gelinaya booliska gaarka ee ka hortaga rabshada, bannaanbaxyada ayaa ah kuwa kusii faafaya gudaha dalkaas oo gaaray Diimaha. Booliska dalka Kenya ayaa booqday beerta ay leeyihiin qoyska madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta, kadib markii maalintii Isniinta qeyb ay gubeen dad soo duulay, kuwaas oo qeyb ka ahaa mudaharaadayaasha mucaaadka ah, Dadkan dhaca geystay ayaa waxay jareen geedo, waxayna ka soo kaxeysteen xoolo joogay goobta. Golaha Diimaha ee Kenya ayaa booqday xaafadda isku raranta Kibra ee gudaha magaalada Nairobi halkaas oo ay habeenimadii Isniinta lagu gubay Kaniisad iyo dhismayaal madarasad oo ku yaallay Masaajid aan ka fogeyn halka ay kaniisadda ku taallo, arrintaan ayaa siweyn loo cambaareeyay lagula kacay goobaha cibaado iyo waxbarasho. Ugu yaraan hal qof ayaa la dilay, waxaana sidoo kale la gubay guryo ku yaalla Kibra, iyadoo laga cabsi qabo in fowdadu ay isu beddesho rabshado qowmiyadeed, taas oo horey uga dhacday Kenya xilli muran uu ka dhashay doorashada sidaan oo kale,Raila Odinga ayaa eedeyey dowladda ku in ay dibaxyada ay u badalayso Rabshado. Waxaa uu si kulul uga hadlay weerarkii lagu qaaday beer uu lahaa madaxwaynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta Raila ayaa carabka ku adkeeyay in dimuqraadiyadda Kenya la soo weeraray, Booliiska Kenya ayaa mamnuucay dibadbaxyadan isla markaana ku tilmaamay kuwo sharci daro ah oo aan la aqbali karin in ay ka sii socdaan dalka. Mudaharaadyada ka dhacaya Kenya ayaa waxaa laga cabsi qabaa in ay isku bedelaan mid qoomiyadeed, taas oo hore u dhacay sanadkii 2017, xilligaas oo mudaharaadyadu isku badeleen in dadku ay isku laayaan si Qoomiyad ah, waxaana ka dhashay khasaare baahsan oo isugu jira mid nafeed iyo mid hantiyadeed sida dhacday xilligaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Shiinaha ayaa ku hanjabay inuu aargoosan doono haddii afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Kevin McCarthy uu la kulmo madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen inta lagu guda jiro safarkeeda Mareykanka ee bisha soo socota, isagoo sheegay in tallaabo kasta oo noocaas ah ay noqon doonto “daandaansi”. Shiinaha oo ku andacoonaya in Taiwan ay tahay gobol ay iyadu leedahay, iyada oo marar badan uga digtay saraakiisha Maraykanka inay la kulmaan Tsai, iyagoo u arkay inay taageerayaan rabitaanka jasiiraddan in loo arko waddan gaar ah. “Haddii ay la xiriirto afhayeenka Aqalka Congress-ka Mareykanka McCarthy, waxay noqon doontaa daandaansi kale oo si dhab u jebiya mabda’a Shiinaha ee one-China, kaas oo sidoo kale dhaawacaya madax-bannaanida Shiinaha iyo midnimada dhuleed, burburinaya nabadda iyo xasilloonida marin biyoodka Taiwan,” ayay tidhi Zhou Fenglian, oo ah afhayeenka xafiiska arrimaha Taiwan ee Shiinaha, oo warbaahinta kula hadasahay magaalada Beijing. “Waxaan si adag uga soo horjeednaa arrintan, waxaana hubaal ah inaan qaadi doono tillaabooyin dhab ah,” ayay Zhu raacisay iyada oo aan bixin faahfaahin dheeri ah. Maraykanka ayaa sheegay in safarada transit ka ah ee hoggaamiyeyaasha Taiwan ay yihiin kuwo joogto ah, isla markaana aanay Shiinuhu ka faa’iidaysan safarka Tsai, si ay tallaabo kasta oo gardarro ah uga qaado Taiwan. Tsai ayaa la filayaa in ay ka hadasho arrintan kahor inta aysan ka duulin gegida dayuuradaha iyada oo ku hakan doonta magaalada New York. Shiinaha ayaa hareereeyay Taiwan bishii Agoosto ee sannadkii hore, xilligaas oo Afhayeenka Aqalka Wakiilada Nancy Pelosi ay booqaneysay caasimadda Taiwan ee Taipei, iyada oo ciidamada qalabka sida ee Taiwan ay sheegeen inay isha ku hayaan dhaq dhaqaaq kasta oo Shiinahu uu sameeyo inta Tsai ay dibadda ku maqan tahay. Source
  10. Xamsa Yuusuf ayaa noqday muslimkii ugu horreeyey ee abid raysalwasaare ka noqda Scotland, kaddib markii uu xisbiga talada haya ee uu ka tirsan yahay xilkaas u doortay shalay isniintii 27 March 2023. Xamse oo ah 37 jir hore wasiir u soo noqday, waxa uu ku dhashay Scotland, laakiin aabihii waxa uu ahaa soogalayti ka yimid dalka Pakistan, halka ay hooyadiina ahayd Aasiyaan ku dhalatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Kooxaha mucaaradka ayaa muran badan ku abuuray raysalwasaarenimada Yuusuf oo la sheegay in uu ku wanaagsanyahay ku dhaqan diinta Islaamka, laakiin waa ay ka hor istaagi kari waayeen xilkaas ugu mudan gobalka. Lix bilood ka hor ayaa raysalwasaaraha dalka Ingiriiska loo doortay Rishi Sunak oo ka soo jeeda dalka Hindiya, isaga oo noqday Aasiyaankii ugu horreeyey ee xilkaas qabta. Scotland waa maamul gobaleed awood badan oo ka tirsan boqortooyada Ingiriiska, waxaana ka jira dhaqdhaqaaqyo gooni goosad ah oo xoog badan. sannadkii 2014 kii waxaa gobalka ka dhacday afti dadka la weydiiyey madaxbannaani iyo midow midka ay doonayaan, boqolkiiba 55 ayaana midnimada doortay, halka 45 ay dawlad u gaar ah dalbadeen. Source
  11. Garaadada SSC ayaa sheegay in Isimada Dhaqanka ee ka yimid Muqdisho ay ka dalbadeen xabad joojin si loo joojiyo dagaalka Sool arrintaasi ayay sheegeen in ay aqbaleen. Suldaan Mustafe Aw-seed, ayaa shaaciyay in dhinacooda ay si rasmiya u aqbaleen codsiga xabad joojinta ee madaxda Dhaqanka ee Muqdisho. Waxa uu intaasi ku sii daray in dhinaca kalena (Somaliland) ay ka rajaynayaan in ay xabad joojin ku dhawaaqaan. Odayaashan oo shalay yimid Laascaanood ayaa maanta dib ugu laabtay Garoowe iyagoo haddana qorshaynaya in ay ku dedaalaan in ay yimaadaan Hargeysa inkasta oo aan weli xukuumadda Somaliland ka hadal socdaalka Odayaasha Muqdisho. Xukuumadda Somaliland ayaa hore u shaacisay xabad joojin balse dorraad ayay shaacisay in ay qaadi doonto weeraro qorshaysan iyadoo intaasi raacisay in hore Ciidamadeedu u ahaayeen difaac keliya. Source
  12. Wararka naga soo gaaraya gobolka Siti ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxaa uu sheegayaa in markale uu dib uga qarxay magaalada Asbuli dagaal xooggan oo u dhaxeeya Soomaalida iyo xoogagga kale ee Canfarta ah. Dagaalka ayaa waxaa la sheegayaa in uu yimid kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Cafarta ay soo weerareen magalaada oo ay ku sugnaayeen Soomaali, uu halkaas ka qarxay dagaal xooggan oo u dhaxeeya labada dhinac. Magaalada Asbuli ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo ka tirsan dowlad deegaanka Soomalaida ee Liyuu Booliiska, dagaalka ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray dhinacyada. Dagaalkan maanta ayaan wali la ogaan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay, iyadoo ay adag tahay in ilo madax banaan, maadama ay aad u adag tahay helista xogaha dhabta ah ee ku aadan dagaalka ka dhacaygobolka Siti. Ciidamada dowladda Federalka Itoobiya ayaa marweliba waxaa lagu eedeeyaa in ay qeyb ka yihiin dagaalka iyaga oo inta badan la sheego in ay la saftaan ciidanka Liyuu Booliis sida dhowr jeer uu sheegay Ugaas Beesha Ciisaha. Dagaalka u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta ayaa inta badan ka dhaca gobolka Siti, ayaa waxaa ka dhasha khasaare badan oo soo kala gaara labada dhinac, dagaalka ayaa imaanaya xilli la guda galay xilliga Gu’ga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay saaka Al-Shabaab ka geysteen duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu ekeeyay saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanka Baardheere oo hoos yimaada magaalada Beledweyne. Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib uu xigay dagaal u dhexeeyay Al-Shabaab oo kasoo gudbay wabiga Shabelle iyo ciidamadii ku sugnaa saldhigga la beegsaday Dagaalkana ayaa waxaa sidoo lale ka qayb qaadanaya ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda, kuwaas oo garabsiinaya ciidamada dowladda ee lagu weeraray halkaas. Saraakiisha ciidamada dowladda oo ka hadlay dagaalkan waxa ay shaaciyeen inay iska difaaceen weerarka uga timid kooxda Al-Shabaab, islamarkaana uu weli socdo dagaalka. Xaaladdda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in ciidamo gurmad ah ay ka baxeen Beledweyne, kuwaas oo kusii jeeda deegaanka lagu dagaalamayo ee gobolka Hiiraan. Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalin ka hor guddoomiye Cali Jayte Cismaan uu ku dhawaaqay in galbeedka Hiiraan ay ka bilaabi doonaan wajiga labaad ee howlgallada la dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Si kastaba Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay sare u qaaday weerarada & qaraxyada ay la beegsaneyso saldhigyada ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee gobollada dalka. The post Shabaab ka gudbay wabiga Shabelle oo WEERAR iyo dagaal ka geystay Hiiraan appeared first on Caasimada Online.
  14. Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka oo maalmahaan howgallo ka waday xadka gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanno hor, kuwaas oo ay hore ugu sugnaayeen dagaalamayaasha kooxda dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay. Deegaannada laga saaray ayaa waxaa ay hoostagaan degmada Galcad ee ka tirsan gobolka Galgaduud, kuwaas oo kala ah: Baraag Sheekh Caamir, Caliheele iyo Cali Axmed oo dhammaantood hoos taga degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud, saaraakiisha ciidanka ayaa sheegay in howlgalkaas lagu jabiyay kooxda. Wararka la helayo ayaa sheegaya in Alshabaab ay burburiyeen xarumihii Isgaarsiinta degmada Galcad, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay dowladda federalka, ciidanka dowladda ayaa hore isaga soo baxay Galcad iyo kadib weerar khasaare dhaliyay oo halkaas ka dhacay, howlgalkaan ayaa qeyb ka ah wajiga labaad. Ciidamada dowladda federalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa bilaabay howlgallo ay ku doonayaan in ay kula degmada Ceelbuur iyo deegaanno hoostaga oo ka tirsan gobolka Galgaduud, howlgalkaan ayaa imaanaya xilli dhowaan madaxweynaha Jamhuuriyadda uu sheegay in ay la wareegayaan deeganno ka tirsan Galgaduud. Gobollada dalka ayaa inta badan waxaa laga dareemayaa bilaabashada wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oo laga fulinayo deegaanno ka tirsan Hirshabeelle Galmudug iyo Koonfur Galbeed, iyadoo lagu wado in ay qeyb ka noqdaan ciidamo ka socda dowladaha safka hore oo ballan qaaday taageeridda dagaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Jigjiga (HOL) - Heavy fighting erupted between rival armed forces from the Somali and Afar ethnic groups in Asbuli town, located in the Sitti region of the Somali regional state in Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  16. RIYADH: Saudi Arabia is planning to relax its property ownership laws for foreigners as the Kingdom eyes attracting investments into the real estate sector as part of its strategy to diversify its economy. Source: Hiiraan Online
  17. Mogadishu (HOL) - United Nations leaders and African ambassadors gathered at the Security Council Chamber on Tuesday for a high-level discussion on combating terrorism and preventing violent extremism in Africa. The debate aimed to foster increased cooperation between the UN, the African Union (AU), and regional organizations and comes on the heels of a recent UN report that highlights the rapid proliferation of terrorism in Africa, causing widespread concern. President Filipe Nyusi of Mozambique, a nation grappling with a deadly insurgency in its northern region for over five years, chaired the debate Source: Hiiraan Online
  18. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamud Cabdikariin Gabeyre ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiis ay wada gaareen labada dhinac, kadib kulamo ay yeesheen. Kulanka ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray heshiiis is afgarad ah oo la xariira dib u qaabeynta ilaha dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarrinta magaalada Muqdisho, maadaama caasimaddu ay tahay mid soo koreysa una baahan maalgashi gudaha ah iyo caalami ah si dib loogu dhiso kaabayaasheeda. Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamud Guure, Guddoomiye Ku-xigeenka howlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale iyo xubnaha kala duwan ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed. Heshiiska u dhaxeeya maamulka gobolka Banaadir iyo Rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa waxaa uu kusoo aadaya xilli dhowaan guddoomiyaha gobolka Banaadir uu booqasho ku tagay magaalada Riyaad ee dalka Boqortooyada Sucuudiga, isaga oo kala hadlay si loo maalgan lahaa caasimadda dalka ee Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga ayaa u yeertay safiirka Faransiiska si ay “si xooggan ugu cambaareyso” go’aanka uu Senate-ka dalkaas ku marti-geliyey koox Kurdish ah oo ka dhisan Syria, oo Ankara ay u aragto argagixiso. Pierre Laurent, madaxweyne ku-xigeenka Senate-ka Faransiiska, aya Axaddii twitter kusoo qoray inuu marti-geliyey wafdi ka socday waqooyi bari Syria, toddobaadkii tegay, si uu ugala hadlo xaaladda gobolka. Warbixino ayaa sheegay in Senate-ka uu billado ku abaal-mariyey xubnaha kooxda YPG, iyo faraceeda haweenka, si loo aqoonsado dagaalkooda kooxda Daacish ee Syria. Mareykanka iyo dalal kale, ayaa si kastaba, u arka kooxaha Kurdish-ka ee Syria, inay xulufo muhiim ah u yihiin dagaalka ka dhanka ah Daacish, waxayna siiyeen taageero, ayaga oo ka careysiiyey Turkey. PUNTLAND POST The post Dowladda Turkiga oo u yeertay Safiirka Faransiiska appeared first on Puntland Post.
  20. Mogadishu (HOL) - Government forces, in collaboration with local Ma'awisley fighters, successfully gained control of several villages in the Gal'ad district of Galgadud on Tuesday. The villages of Tih, Barag Sheikh Aamir, Alihele, and Ali Ahmed were among those captured. Source: Hiiraan Online
  21. Brussels (Caasimada Online) – Madaxa siyaasadda arrimaha dibdda Midowga Yurub ayaa sheegay in ururka uu hub halis ah u diri doono dalal ka baxsan Ukraine “oo aad u daneynaya taageero hub culus,” kuwaas oo Soomaaliya ay ku jirto. Isaga oo ka hadlayey Madasha Amniga iyo Difaaca ee Schuman ee magaalada Brussels, Josep Borrell ayaa sheegay in jawaabta Midowga Yurub ee dagaalka Ukraine ay beddeshay “sida Yurubta u arkaan amnigooda iyo difaacooda.” Waxa uu xaqiijiyey in tallaabadii ugu horreysay ee taageero ay hub halis ah ku siin doonaan dalalka Soomaaliya iyo Niger dhowaan. “Dalalka aan saaxiibada nahay, sida Soomaaliya oo kale waxay doonayaan taageerada hub halis ah. Sidaas oo kale ayaan u sameynay Ukraine, waana u sameyn karnaa kuwa kale,” ayuu yiri Josep Borrell. Hadalka Borrell ayaa imanaya ayada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay billowday qorshaha wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo hadda hakad ku jira muddo dhowr bil ah. Wejigii koowaad ee dagaalka ayey dowladdu ka gaartay guulo la taaban karo. Wasaarada difaaca ayaa sheegtay in wejiga koowaad lagu dilay in ka badan 3,000 oo Shabaab ah, lagu dhawacay 3,700, islamarkaana lagu xorreeyey 70 deegaan. Lacagta guud ee ururka uu ka fakarayo inuu ciidanka Soomaaliya ku taageero ayaa ah €30 milyan, waxaana la qorsheyn doonaa ayada oo ay qeyb ka tahay mashruuca European Peace Facility (EPF). Hindisaha European Peace Facility (EPF) ayaa ah midka Midowga Yurub uu u adeegsado inuu ku taageero ciidamada Ukraine ee dagaalka kula jira ciidamada kusoo duulay ee Ruushka. Hindisahan ayaa sidoo kale horey loogu taageeray ciidamada dhowr dal oo ka mid ah Afrika, waxaana ugu dambeeyey ciidamada Rwanda oo dabayaaqadii November ku helay €20 milyan, si looga caawiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee ay ka wadaan gobolka Cabo Delgado ee dalka Mozambique. The post Midowga Yurub oo shaaca ka qaaday inuu hub halis ah siinayo Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa sheegay in dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho laga soo dejiyo maandooriyaha, halkaan ayuu guddoomiyuhu ka sheegay degmada Wartanabadda. Howlgal culus oo ciidanka booliska ay ka fuliyeen Muqdisho ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu soo qabtay maan-dooriyihii ugu badnaa, waxaana lagu soo bandhigay dhowr degmo. “Waa u jeediin Xashiishkaan, dhalinyaro badan iyo nin oday ah oo ka ganacsa jiray waa lasoo qabtay, gurigii ay maandooriyahaan ku sameyn jireenna waa lala wareegay.” “Tani waa nasiib darro, wiilal jaamacado dhigta ayaa ku dhex jiray ragga aan soo qabanay,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir oo warbaahinta kula hadlay saldhigga booliska degmada Wartanabadda. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay inay heleen xogta halka lagu beero Xashiishkaas, “Waxaa Xashiishkaan lagu beeraa beero ku yaalla Sh/Dhexe, waxaana xogtaas la wadaagi doonaa cidda ay khuseyso,” ayuu yiri guddoomiye Madaale. Wuxuu intaas ku sii daray, “Sidoo kale waxaan ogaanay in dekedda iyo garoonka Muqdisho laga soo dejiyo maandooriyaha, waxaan leenahay maamullada xaruntaas hubiya waxyaabaha idin soo maraya.” Guddoomiyaha gobolka, ku xigeenkiisa dhinaca amniga iyo taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka ayaa xalay tegay xaruntii ugu weyneed ee Calaqa lagu samey jiray oo ku taalla degmada Heliwaa, halkaas oo loogu tegay 30 fuusto oo Calaq ah iyo raggi ka ganacsanayey. “Sida argagixisada loola dagaalamayo ayaan ula dagaalami doonaa maandooriyaha, si dadkeenu uga badbaadaan maamulka gobolka Banaadir wuxuu xoogiisa isugu geynayaa suulinta maandooriyaha,” ayuu hadalkiisa ku soo daray duqa Muqdisho. Hoos ka daawo The post Daawo: Madaale oo kashifay walxo khatar ah dekedda iyo garoonka laga soo dejiyo appeared first on Caasimada Online.
  23. International Monetary Fund officials are in Ethiopia this week doing technical work to prepare for a potential IMF-supported program for the East African country, an IMF spokesperson said on Monday. Source: Hiiraan Online