-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxwayne Geele oo Wargayska Jeune afrique oo kusoo baxa luuqada Faransiisku uu waydiiyay in Jabuuti ay Somaliland aqoon sanayso ayaa sidan yidhi Su’aal:- Somaliland oo deriskiina ah, waxay Soomaaliya ka go’day laba iyo soddon sannadood ka hor. Ilaa hadda ma jirto cid aqoonsan madax-banaanideeda. Ma qorsheyneysaa inaad tan sameyso? Jawaab:- “Anaga ayaa noqon doona kuwa ugu dambeeya ee sidaas sameeya! Maxaad u rabtaa inaad dhibaatooyin kale noogu abuurto annaga? Madaxda gobolkaan waa saaxiibo, waxaana la leenahay xidhiidh nabadeed, sida kuwa aan la leenahay dowladda Soomaaliya. Iyada oo ay taasi ku kala duwan yihiin in Soomaaliya ay tahay dal federaal ah, oo aan ixtiraamno madax-bannaanida dhuleed.” All reactions: 454Abdirizak Guleid and 453 others Qaran News
-
Maraykanka oo soomaaliya usoo magacaabay safiir aan caadi ahayn oo awood buuxda ku metela Mareykanka ayaa Ambasador Richard H. Riley, usoo magacowday Safiir aan caadi aheyn oo Soomaaliya u fadhindoona, kaas oo haysta awood buuxda oo uu kumatalo dawladda Mareykanka. Safiirka cusub ayaa darajo sare ka gaaray siyaasadda arrimaha dibada ee Maraykanka.Richard H. Riley, waa xubin ka tirsan Adeegga arrimaha dibadda ee sare. Waxa uu noqday La-taliyaha arrimaha dhaqaalaha ee Safaaradda Maraykanka ee Ottawa, Canada. Safiirka cusub wuxuu soo ahaa Qunsulka guud ee Mareykanka ee Peshawar, Pakistan. Waxa kale oo uu ka soo shaqeeyay hawlo hogaamineed oo sare sida safiir ku xigeen (Charge d’Affaire), iyo ku xigeenka madaxa safaaradda Maraykanka ee Oslo, Norway, kaaliyaha madaxa safaarada Maraykanka ee Kabul, Afgaanistaan, ku xigeenka madaxa ergada Safaaradda Mareykanka ee Sanca, Yemen, iyo Wakiilka Sare ee Kooxda Dib u dhiska Gobolka Nangahar, Afgaanistaan. Sidoo kale wuxuu soo ahaa, Agaasime Ku-xigeenka Xafiiska Masar ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Isuduwaha Sare ee Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Insaanka ee Safaaradda Maraykanka ee Baqdaad, Ciraaq. Haddii senate-ka Mareykanka uu meel mariyo waxa uu bedeli doonaa Larry André oo xilka hayay tan iyo Febraayo 2022. Qaran News
-
Madaxweynaha Maraykanka oo cadaadis xoogan kala kulmay Arrin Xasaasiya oo ku saabsan Soomaaliya Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa cadaadis xoogan oo ku aadan Soomaaliya kala kulmaya xisbiga Jamhuuriga ee dalkaasi. Matt Gaetz oo ah xildhibaan ka tirsan xubnaha xisbiga Jamhuuriga ayaa shaaca ka qaaday inay doonayaan in ciidamada Mareykanka dib looga soo saaro gudaha Soomaaliya.Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay qaadayaan tallaabooyin dheeraad ah oo lagu qasbayo madaxweynaha in uu ciidamada kasoo saaro Soomaaliya, si loogu celiyo dalkooda. Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay inay diyaariyeen qaraar ku aadan arrintaas, ayna u gudbinayaan Golaha Wakiilada, si loogu codeeyo, kadibna go’aan looga gaaro.Waxa kale oo uu dalbaday in dowladda ay sharraxaad ka bixiso sababaha loo doortay in ciidamadooda uga howlgalaan Soomaaliya iyo danaha ugu jiro Mareykanka. “Waa inay sharxaan sababta Soomaaliya ay ugu wanaagsan tahay danaha dadka Mareykanka ee gudaha” doodii Matt Gaetz Hadalkan kasoo baxay xildhibaankan ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa kusoo aadayo, xilli uu horay ugu guul-darraystay, in ciidanka Mareykanka laga soo saaro gudaha dalka Syria. Joe Biden ayaa bishii May ee sanadkan 2023-ka 500 oo askari usoo diray Soomaaliya, kuwaas oo dib u bilaabay dhaq-dhaqaaqa Mareykanka ee ka dhanka ah Shabaab, waxaana ciidankaas oo horay Soomaaliya uga saaray madaxweynihii hore ee dalkaasi Donald Trump.Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waaweyn ee Soomaaliya ka taageera dhanka milatariga, wuxuuna qayb ka yahay dagaalka haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, warkan ayaa kusoo beegmaya, ayada oo haatan dowladda federaalka ay ku jiro marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo xoogiisa uu ka socdo gobollada dalka. Qaran News
-
Ugu yaraan 28 ruux ayaa ku dhintay,230 kalena waa laga soo badbaadiyay kadib markii markabka rakaab siday uu ku gubtay dalka Filibiin. Dabka ayaa ka bilowday qolalka qaboojiyaha ee markabka habeenimadii Arbacada ee la soo dhafay iyadoo aysan xaqiijin saraakiisha Amniga Xeebaha Filibiin waxyaabah sababay in dabkaan u ka kaco Markabka. Dadka ku dhintay dabka ayaa waxa ka mid ah saddex carrur ah oo u ku jiray ilmo jiray Lix bilood wallow aan la sheegin tirada sexda ah ee rakaabka la socday markabka,Ilaalada xeebaha Filibiin ayaa sheegay in hawlgalka baadigoobka iyo samatabbixinta ay wadaan. Ilaalada xeebaha dalkaas ayaa sheegay in ay gacan ka geysan doonaan baaritaanka iyo qiimeynta nabad galyada Markabka sidoo kalan ay hubindoonaan in u shidaal ku daadanayo gudaha Markabka dabku ka kacay. PUNTLAND POST . The post Khasaaraha ka dhashay markab rakaab siday oo ku gubtay Filibiin appeared first on Puntland Post.
-
New York (Caasimada Online) – Dacwadda suurta-galka ah in lagu soo oogo madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa qaadan karta dhowr toddobaad oo kale, yada oo xeer-beegtida ay fasax ka qaateen kiiska illaa dhammaadka bisha April, waxaa sidaas Arbacadii weriyey warbaahinta Mareykanka. March 18-keedii, Trump ayaa sheegay in saddex maalin kadib lagu soo oogi doono dacawado la xiriira lacag aamusin ah oo la siiyey gabar jirkeeda ka ganacsata. Hase yeeshee tan iyo xilligaas, guddi uu isku keenay dacwad-oogaha ugu sarreeya degmada Manhattan ee New York, ayaa weli wada dhageysiga marqaati furayaasha. Hadda oo ay jiraan kiisas kale, ayna soo socdaan munaasabado ay ka mid yihiin Easter, Passover iyo Ciidul Fitri, islamarkaana la qorsheeyey fasax laba toddobaad ah oo ka billaabanaya 10-ka April, xeer beegtida ayey suurta-gal tahay inaysan kiiska soo qaadin illaa dhammaadka April, waxaa sidaas weriyey wargeysyada Washington Post iyo Politico oo soo xiganaya ilo-wareedyo. Washington Post ayaa qoray in taariikhda ugu dhow ee xeer beegtida ay dib u billaabi karaan kiiska ay tahay 24-ka April. Baaritaanka kiiskan ayaa waxaa xuddun u ah $130,000 oo toddobaadyo kahor doorashadii 2016 la siiyey gabar jisha aflaanta galmada oo lagu magacaabo Stormy Daniels, si looga joojiyo inay shaaciso galmo ay sheegtay inay la sameysay Trump, toban sano kahor. Qareenkii hore ee Trump, Michael Cohen, oo kahor marqaati furay xeer beegtida ayaa Congress-ka u sheegay 2019-kii inuu bixiyey lacagta isaga oo ka wakiil ah Trump, kadib dib loogu soo celiyey. Dacwad-oogayaasha ayaa sheegaya in jeegagga lacagta aan si sax ah loo diiwaan-gelin, taasi oo keeni karta dambi yar oo la xiriira ka been sheegidda diiwaanka ganacsiga. Hase yeeshee, waxaa taas loo dallacsiin karaa dambi weyn, haddii xeer-ilaaliyaha degmada uu xeer beegtida ka dhaadhiciyo in lacagta la qariyey ay qeyb ka aheyd in Trump uga faa’iideysto ololaha doorashada, isaga oo daboolaya fadeexad. Ma jiro madaxweyne Mareykan ah oo xafiiska jooga ama ka tegay oo abid dacwad lagu soo oogay. Trump ayaa sidoo kale wajahaya baaritaan ku saabsan faro-gelinta doorashadii gobolka Georgia ee 2020 iyo weerarkii ay January 6, 2021 taageerayaashiisa ku qaadeen Congress-ka, kuwaas oo doonayey inuu xafiiska sii joogo kadib markii doorashada looga adkaaday. Trump oo mar kale doonaya inuu noqdo musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada 2024, ayaa dhammaan baaritaanada ku macneeyey “ugaarsi shaqsi” iyo dacwad-oogis siyaasadeed. VOA + AFP The post Wararkii u dambeeyey ee dacwadda Donald Trump appeared first on Caasimada Online.
-
Sanadihii 2015 iyo 2016 xukuumaddi Axmed Siilaanyo waxa ay xidhay suxufiyiin iyo dad reer Berbera ah oo dood ka keenay heshiiska dekedda Berbera lagu siiyay DP World. Waxa ay dalbadeen daah furnaan iyo in la faah faahiyo heshiiska iyo sababta loo siiyay DP World ee aan loogu tartamin, haddii cid gaar ah oo shisheeye ah gacanta loo gelinayo. Xukuumaddu waxa ay u adeegstay awood xad dhaaf ah inay codadkaas cabudhiso. Codadkaas oo ahaa badankoodu shacabka Berbera. Somaliland inteeda kale sidii oo ay tahay arin ka fog ayay ku daawatay culayskaas, inkasta oo arinku khuseeyey dekedda qudha ee ay Somaliland leedahay ee u ah naf dalka oo dhan. Golaha Wakiiladdu si degdeg ah ayuu ugu codeeyey isaga oo aan arag heshiiska uu u codeeyey. Fadeexad iyo ceeb wayn ayay ahayd. Qof codkiisa siiyay wax aanu arag. Jeeg madhan ayay saxeexeen. Markii ay xukuumadda Siilaanyo u ololaynaysay waxtarka DP World ay u leedahay Somaliland waxa ay ku dooday dhawr arimood: 1. In dekedda loo dhisi dooni si casri ah oo ay faa’iido badan u tahay Somaliland. Sideed sanadood kadib taasi ma hirgashay? Tayada waxa la dhisay ma la yaqaan? Lacagta ku baxday intee ayay leeg tahay? Lacagta dekedda ka soo gasha DP World intee ayay leeg tahay? Waa su’aalo jawaabtoodu fure u tahay in deked casri ah la dhisay iyo in kale. 2. In DP World ay suuq wayn soo jiidi doonto oo dekedu la tartami doonto gobolka iyo adduunka. Waxa ka soo dega Berbera miyay kordheen tan iyo intii ay DP World timi? Suuq cusub ma soo kordhisay DP World? 3. In shaqooyin badan ay dadku ka dheefi doonaan, gaar ahaan Berbera. Shaqooyin dheeraad ah miyay soo kordhisay DP World? Intee in leeg ayay soo kordhisay? Ma shaqo abuur ka badan baa ka ay dekeddu soo kordhin kari lahayd iyada oo aan DP World maamulin? 4. In la dhisi doono marin casri ah oo la yidhaahdo marinka/wadada Berbera (Berbera Corridor) oo isku xidhi doonta Berbera iyo Wajaale si alaabta dekeddu ay si degdeg ah oo aan raagid lahayn ay u gaadhaan Itoobiya. Waxa la inoo sheegay waagaas inay noqonayso wado afar haad ah si gaadiidka alaabta sida iyo gaadiidka kale ay u helaan meelo kala duwan oo ay u maraan. Markii la dhagax dhigay se waxa la yidhi: mayee tii hore ayuun baa la qaadayaa oo mid cusub oo laba haad ah laga dhisayaa. Dad badan baa is waydiiyay waxa ay taasi faa’iido leedahay iyo bal waxa ay soo kordhisay haddii ay isla wadadii hore tahay oo aan wax cusubi soo kordhin. Haseyeeshee, waxa nidayadda dhistay dood hor leh oo ahayd: wadada si heer sare ah oo sidii hore ka tayo saraysa ayaa loo dhisayaa, waxa lagu kaabayaa buundooyin dul mara togagga rogmada xili roobaadka ee isku socodka xaniba, islamarkaana keena geerida iyo khasaaraha hantiyeed. Wax ka yar sanad oo ay buundooyinkaasi shaqaynayeen, laba ka mid ah waxyeello ayuu roobku u gaystay. Tayada wadadani ma ka saraysaa kuwii hore? Lacagta gashay wadarteedu waa imisa? Shirkadaha qaatay maxay ahaayeen? Sidee ayay ugu tartameen? Yaa korjoogtaynayay? Yaa leh shirkadaha? Ma lagu samaynayaa baadhitaan ciqaabeed? Ma lala wadaagayaa shacabka iyo baarlamaanka xogta wadada ee aan la ogayn? Guuleed Dafac Qaran News
-
Source
-
Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen, ayaa booqasho ku tegtay Maraykanka iyadoo halkaasi kaga qayb-galaysa shir Caalamiya sidoo kalena la kulmaysa madax ka tirsan Maraykanka. Shiinaha ayaa ka digay safarka madaxweynaha Taiwan ee Maraykanka oo uu ku sheegay in la farogeliyay madaxnaanidiisa balse afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in ay xaq u leeyihiin casuumadda hoggaamiyaha Taiwan. Source
-
Ugu yaraan 28 ruux ayaa ku dhintay,230 kalena waa laga soo badbaadiyay kadib markii markabka rakaab siday u ku gubtay dalka Filibiin,dabka ayaa ka bilowday qolalka qaboojiyaha ee markabka habeenimadii Arbacada ee la soo dhafay iyadoo aysan xaqiijin saraakiisha Amniga Xeebaha Filibiin waxyaabah sababay in dabkaan u ka kaco Markabka. Dadka ku dhintay dabka ayaa waxa ka mid ah saddex carrur ah oo u ku jiray ilmo jiray Lix bilood wallow aan la sheegin tirada sexda ah ee rakaabka la socday markabka,Ilaalada xeebaha Filibiin ayaa sheegay in hawlgalka baadigoobka iyo samatabbixinta ay wadaan. Duqa magaalada Arsina Kahing-Nanoh ayaa warbaahinta u sheegay in mid ka mid ah rakaabkii la badbaadiyay uu sheegay in qaraxa la maqlay ka hor inta uusan dabka kicin,waxay intaas ku dartay in qaraxyo kale la maqlay markii markabka uu dhulka ku dhacay, taas oo dhlisay dab xooggan Ilaalada xeebaha ayaa sheegay in ay gacan ka geysan doonaan baaritaanka iyo qiimeynta nabad galyada Markabka sidoo kalan ay hubindoonaan in u shidaal ku daadanayo gudaha Markabka dabku ka kacay, taas oo sheegeen in ay sii kordhin karto khasaaraha guud ee ka dhashay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa Arbacadii sheegay in dhigiisa Ruushka Vladimir Putin laga yaabo inuu booqdo Turkiga 27-ka bisha soo socota ee Abriil, si uu u daah-furayo koronto-dhaliyaha tamarta Nukliyeerka ee ugu horreeyay ee ay dhisto shirkadda tamarta Nukliyeerka ee Ruushka ee Rosatom. “Waxaa laga yaabaa inay jirto suurtagalnimada in Mr Putin uu yimaado 27-ka Abriil, ama waxaa laga yaabaa inaan ka dhigno xafladda caleema-saarka mid online ah” ayuu Erdogan ku yiri faallooyin laga sii daayay telefishinka ATV ee dalkaas Turkiga, Putin ayaa Turkiga booqday, kadib dagaalkii uu ku qaaday Ukrine. Horraantii bishaan, maxkamada caalamiga ah ee dambiyada (ICC) ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Putin, maadaama lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ka dhacay Ukraine, taasoo keentay caro ka timid Aqalka madaxtooyada Ruushka ee Kremlin. Laakiin Turkigu qayb kama aha heshiiskii Rome, ee lagu dhisay maxkamadda caaslamiga ah ee dambiyada dagaalka. Turkiga ayaa shidaalkii ugu horeeyay ee Nukliyeer ah ku shubi doona qeybta ugu horeysa ee tamarta Nukliyeerka ee magaalada Akkuyu, labada dowladood ayaa waxaa ka dhaxeeya iskaashi dhanka Milatariga ah, tan iyo markii cunaqabateynta lagu soo rogay dalka Turkiga ee 100 sano, kaas oo ku eg sanadkaan 2023. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Mareykanka oo markale war cusub kasoo saaray xaaladda Somaliland ayaa qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka magaalada Laascaanood. Safiirka Mareykanka ee xafiiska kasii tagaya Larry Andre oo xiriir la sameeyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa kala hadlay arrinta Laascaanood iyo doorashada Somaliland. Larry Andre ayaa ugu baaqay madaxweynaha Somaliland inuu ciidamada ka saaro aagga Laascaanood, si marka hore loo dhaqan-geliyo xabad joojinta. Sidoo kale wuxuu sheegay in Muuse Biixi uu awoodo in xaaladda uu dajiyo, si ay u billowdaan wadahadallada xal loogu raadinayo colaadda ka jirta halkaasi Danjiraha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Biixi looga baahan yahay inuu caddeeyo xilliga ay dhacayso doorashada guud ee hoggaanka Somaliland oo horay dib ugu dhacday. “Madaxweynaha Somaliland Biixi wuxuu awoodaa inuu abuuro jawi lagu kala qaado Ciidanka isku horfadhiya Laascaanood, sidoo kale oo ku dhawaaqo habraaca doorashada mustaqbalka Somaliland, waxaana ku dhiirageliyay isaga inuu labada sameeyo,” ayuu yiri. Dhanka kale Somaliland oo jawaab ka bixisay arrintan, kadib war qoraal ah oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Twitter-ka Telefishinka Somaliland. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu kula dar daarmay ciidamada maamulkaaasn inay sii laba jibaaraan dedaalkooda, sidoo kalea ay ka feejignaadaan weerarada uga imaan kar kooxaha kasoo horjeedo ee ku sugan Sool. Tallaabadan ayaa u muuqata in weli Somaliland ay ku adkeysaneyso in qaab milatari oo kaliua ay u marto xalka Laascaanood, si ay usoo ceshasho gacan ku heynta magaaladaasi. The post Mareykanka oo qaaday tallaabo la xiriirta Laascaanood iyo jawaabta S/LAND appeared first on Caasimada Online.
-
China has just completed its first trade of liquefied natural gas (LNG) settled in yuan, the Shanghai Petroleum and Natural Gas Exchange said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
The first DNA recovered from members of the medieval Swahili civilisation has revealed that Africans and Asians were intermingling along the East African coast more than a thousand years ago, a study said Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
The Central Bank of Somalia (CBS) has begun enforcing the use of international bank account numbers (IBAN) by commercial lenders, effective March 27, as part of a series of financial sector reforms aimed at integrating the nation into the global payments system. Source: Hiiraan Online
-
Johannesburg (HOL) - A court in Mpumalanga has sentenced a man to prison after he pleaded guilty to attempted business robbery. The Somali shop owner courageously defended his business against the failed armed robbery, during which one of the robbers was killed and the other was sentenced to 15 years in prison. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ee gobolka Banaadir ayaa maanta gacanta kusoo dhigay nin shalay dil arxan darro ahaa ka geystay masjid ku yaal deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho. Eedeysanaha oo lagu magacaabo Mukhtaar Cali Xuseen ayaa loo heystaa dilka marxuum Macallin Ibraahim Cabdi Cabdulle oo Imaam ka ahaa masjidka uu dilka ka dhacay. Sidoo kale eedeysanaha ayaa dhaawac halis ah u geystay wiil dhalinyaro ah isna Mu’adin ka ahaa masjidkaasi, sida uu shaaciyay Taliska Booliska ee Gobolka Banaadir. Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in eedeysanaha uu ku sugnaa degmada Warta Nabadda, isla-markaana uu hataan soo galay gacanta dowladda. “Ciidanka Boliiska Saldhigga degmada Warta nabadda ayaa saaka gacanta ku soo dhigay nin lagu eedeeyay in uu dil ugaystay imaamka masaajid ku yaala deegaanka Garasbaaleey, halka uu dhaawacay mu’adinkii masaajidka Shalay oo bishu ahayd 29 bisha March,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay taliska Booliska ee Gobolka Banaadir Sidoo kale Booliska ayaa shaaca ka qaaday in eedeysanaha uu ahaa Tabliiq, isla-markaana uu dilka iyo dhaawac uu u adeegsaday baangad. “Eedaysanaha ayaa dilka u adeegsaday baangad, waxaana la sheegay in uu tabliiq ahaay masjidkana uu moddo joogay,” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka ah ee Booliska. Labada dhibane ayaa saaladdii subax ee shalay midna uu aqimay, midna uu salaadda tujiyay jamaacada masjidka, balse kadib waxaa dhacday arrintaan la yaabka leh. Si kastaba, dhacdadan ayaa argagax ku reebtay dadka deegaanka, waxaana sidoo kale aad looga hadal hayaa baraha ay bulshada ku wada xiriiraan ee Internet-ka. The post Nin dil iyo ka geystay masjid ku yaalla duleedka Muqdisho oo lasoo qabtay appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - The World Bank and the Somali government held a two-day Country Portfolio Performance Review (CPPR) this week to evaluate progress on development projects. The meeting took place as Somalia approaches the Highly Indebted Poor Countries (HIPC) Completion Point, which is a significant milestone that will unlock new financing opportunities for the country. Source: Hiiraan Online
-
Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka dalka Norway ee PST ayaa shaacisay in la xidhay labo gabdhood oo walaalo ah oo Soomaaliya kasoo jeeda, kuwaas oo ka soo laabtay dalka Suuriya horraantii Arbacada, iyaga iyo carruurtooda. Maamulka Norway ayaa gabdhaha walaalaha ah ku soo oogay dacwad ah in ay ka tirsan yihiin ururka ISIS. Norway waxay ku dhawaaqday inay dib u celinayso labada gabdhood ee walaalaha ah, Ayaan iyo Leila Juma, iyo saddex carruur ah oo ay dhaleen oo laga keenay xero qaxooti Suuriyaan ah, iyadoo sabab uga dhigtay xaaladda xun ee xarunta ay ku jireen. Gabdhaha walaalaha ah ee ah Soomaalida Norway ayaa sanadkii 2013-kii ka tagay dalka Norway iyaga oo dhalinyaro ah, si ay ugu biiraan kacdoonka looga soo horjeedo Madaxweyne Bashaar Al-Asad. Haatan da’ahaan waa 29 iyo 25 jir, dumarkan waxay haystaan saddex gabdhood, oo ay aabbe u yihiin dagaalyahannada Daacish, sida uu qoray wargeyska Verdens Gang ee Norway ka soo baxa. Carruurta ayaa lagu soo waramayaa inay da’doodu kala tahay lix, toddobo, iyo siddeed jir. Wasiirka arrimaha dibadda Anniken Huitfeldt ayaa yidhi, “Xaaladda nololeed ee ka jirta xeryaha waa mid aad u xun oo khatar ah, carruurtan waxay muddo dheer ku noolaayeen xeryahaas oo aan ahayn in carruurtu ku noolaadaan.” Huitfeldt ayaa intaa ku daray in gabdhaha walaalaha ah ay dalbadeen in laga caawiyo sidii ay Norway ula soo laaban lahaayeen caruurtooda, iyagoo og inay waajihi doonaan xadhig marka ay yimaadaan. Kurdiyiinta oo gacanta ku haya xerada Al-Roj ee ku taal waqooyi bari Suuriya ayaa salaasadii ku dhawaaqay in gabdhaha walaalaha ah lagu wareejiyay diblumaasi u dhashay dalka Norway. Waxaa la saaray diyaarad loo qorsheeyay inay ka degto garoonka diyaaradaha ee Gardermoen ee magaalada Oslo. Hay’adda nabad sugida Norway ayaa xidhay labada haween markii ay yimaadeen. Kiiskan ayaa u eg kuwa kale oo ay ku lug leeyihiin dhallinyaro reer Yurub ah oo u safray Suuriya, oo ay ku jirto Shamima Begum, oo ah muwaadin British ah oo laga xayuubiyay dhalashadeeda ka dib markii ay ku biirtay ISIS iyada oo dhalinyaro ah. Source
-
Madaxwayne Geele oo Wargayska Jeune afrique oo kusoo baxa luuqada Faransiisku uu waydiiyay in Jabuuti ay Somaliland aqoon sanayso ayaa sidan yidhi Su’aal:- Somaliland oo deriskiina ah, waxay Soomaaliya ka go’day laba iyo soddon sannadood ka hor. Ilaa hadda ma jirto cid aqoonsan madax-banaanideeda. Ma qorsheyneysaa inaad tan sameyso? Jawaab:- “Anaga ayaa noqon doona kuwa ugu dambeeya ee sidaas sameeya! Maxaad u rabtaa inaad dhibaatooyin kale noogu abuurto annaga? Madaxda gobolkaan waa saaxiibo, waxaana la leenahay xidhiidh nabadeed, sida kuwa aan la leenahay dowladda Soomaaliya. Iyada oo ay taasi ku kala duwan yihiin in Soomaaliya ay tahay dal federaal ah, oo aan ixtiraamno madax-bannaanida dhuleed.” Source
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa cadaadis xoogan oo ku aadan Soomaaliya kala kulmaya xisbiga Jamhuuriga ee dalkaasi. Matt Gaetz oo ah xildhibaan ka tirsan xubnaha xisbiga Jamhuuriga ayaa shaaca ka qaaday inay doonayaan in ciidamada Mareykanka dib looga soo saaro gudaha Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay qaadataan tallaabooyin dheeraad ah oo lagu qasbayo madaxweynaha in uu ciidamadaas kasoo saaro Soomaaliya, si loogu celiyo dalkooda. Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay inay diyaariyeen qaraar ku aadan arrintaas, ayna u gudbinayaan Golaha Wakiilada, si loogu codeeyo, kadibna go’aan looga gaaro. Waxa kale oo uu dalbaday in dowladda ay sharraxaad ka bixiso sababaha loo doortay in ciidamadooda uga howlgalaan Soomaaliya iyo danaha ugu jiro Mareykanka, “Waa inay sharxaan sababta Soomaaliya ay ugu wanaagsan tahay danaha dadka Mareykanka ee gudaha” ayaa doodiisa Matt Gaetz Hadalkan kasoo baxay xildhibaankan ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa kusoo aadayo, xilli uu horay ugu guul-darraystay, in ciidanka Mareykanka laga soo saaro gudaha dalka Syria. Joe Biden ayaa bishii May ee sanadkan 2023-ka 500 oo askari usoo diray Soomaaliya, kuwaas oo dib u bilaabay dhaq-dhaqaaqa Mareykanka ee ka dhanka ah Shabaab, waxaana ciidankaas oo horay Soomaaliya uga saaray madaxweynihii hore ee dalkaasi Donald Trump. Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee Soomaaliya ka taageera dhanka milatariga, wuxuuna qayb ka yahay dagaalka haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, warkan ayaa kusoo beegmaya, ayada oo haatan dowladda federaalka ay ku jiro marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo xoogiisa uu ka socdo gobollada dalka. The post Joe Biden oo cadaadis kala kulmay arrin ku saabsan Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in koox hubeysay ay gudaha magaalada ku dishy wiil kamid ah Dhallinyada, dilka ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Kooshin ee magaalada Baladweyne xalay fiidkii. Dilka ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu yimid kadib markii kooxda dilka geystaya ay marxuumka la dikay ay isku dayeen in ay ka dhacaan Mobile uu heystay, taas oo keentay inuu gurigiisa ku dhextuuro kaas uu albaabka ka fadhiyay sida ay sheegayaan wararka. Marxuumka la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay Saadaam, kooxdii dilka geysatay ayaa meesha isga baxsatay, ciidanka ammaanka oo soo gaaray goobta uu dilka ka dhacay ayaa sameeyay baaritaanno walow aan la shaacin loosoo qabtay dilka ka dhacay Baladweyne. Dhaca Taleefanada ayaa inta badan sababa dil dhowr qof, kuwaas oo ay geystaan kooxo hubeysay, kuwaas oo mararka qaar ku labisan dareeska ciidanka dowladda, dilalka nuucaan ah ayaa dhowr jeer hore uga dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo lagu dilay dhowr ruux oo loo dhscayay sida Saadaam. Goobjoog News Source: goobjoog.com
