-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS ayaa si wada-jir ah howl-gallo uga bilaabay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Booliska Soomaaliyeed iyo kuwa ATMIS ayaa waxay magaalada ka sameeyeen howl-gallo baaritaanno ah oo isugu jiray baro kontarool deg deg ah oo la dhigay waddooyinka waaweyn iyo kuwa gala xarumaha dowladda iyo xafiisyada. Howl-galladan oo uu horkacayeen koox saraakiil ah oo uu hoggaaminayay taliye ku-xigeenka Booliska, Madaxa kooxda ATMIS Joint iyo Cali Maxamed Cusmaan oo ah madaxa howl-galinta saldhigga Booliska degmada Wadajir, ayaa ahaa mid looga hortagayo falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka inta lagu guda jiro bisha Ramadaan. “Muhiimada kormeerkan wadajirka ah ayaa ah in dadka deegaanka ay ogaadaan in ATMIS ay ka garab shaqeyneyso habeen walba si loo hagaajiyo ammaanka,” ayuu yiri Taliye ku-xigeenka Booliska. Sidoo kale waxa uu ku tilmaamay in wada-shaqayntu ay muhiimad gaar ah u yeelan doonto xaqiijinta in Muqdisho nabad noqoto inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaanka iyo kadib. Waxaa uu intaasi kusii daray “in ATMIS iyo Booliska Soomaaliya looga baahan yahay inay feejignaadaan,” si ay u fashiliyaan ama uga hortagaan weerar kasta oo ay qorsheynayso Al-Shabaab, xilli uu dalka ka socda dagaal ka dhan ah kooxda. Howl-gallada wadajirka ah ee caasimada ayaa imanaya xilli ay Booliska ATMIS iyo kuwa Soomaaliya ayaa sidoo kale deegaanada maamul-goboleedyada ka wadaan howl-gallo wada-jir ah, midaasi oo qeyb ka ah dadaallada lagu dhisayo tayada ciidamada ammaanka iyo kuwa deegaanka. Si kastaban, ATMIS ayaa hadda kadib door muhiim ka qaadan doonta qorshaha sugida amniga caasimada, ayada oo la dardar-gelinayo howlaha wada-shaqeynta Booliska ATMIS iyo taliska Booliska Soomaaliyeed. The post Ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS oo howlgal ka billaabay Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Bosaso (HOL) - The Puntland Police Force arrested several men on Thursday after finding a substantial amount of counterfeit money in their possession. The individuals are suspected of having ties to an organized crime network and were apprehended while attempting to enter Bosaso, the bustling commercial center of the Puntland regional state. Puntland regional police said that the men travelled from Hafun, a coastal town in the Bari region known for its thriving fishing industry. During a search, officers discovered bundles of "blackened Euro notes" that had been ingeniously concealed to evade detection. The fake currency was meant for circulation in the local market, potentially jeopardizing the region's fragile economy. This incident is not the first instance of counterfeit money scandals in Somalia. In August 2016, a bank teller at Somalia's central bank reportedly stole USD$530,000, substituting legitimate US dollar notes with counterfeit bills. In February 2021, Somaliland's Central Bank identified counterfeit currency notes in circulation, primarily $50 bills. Most recently, in September 2021, authorities in Somaliland arrested a criminal network of six men, including five Nigerians, involved in producing counterfeit money. Source: Hiiraan Online
-
Dagaal xooggan ayaa sida la soo werinayo ka socda jihooyin kala duwan oo kamid ah jiidda Laascaanood. Ciidamada Somaliland ayaa la xaqiijinayaa in ay weerarka soo qaadeen si ay dib ugu qabsadaan magaalada Laascaanood. Waxaase weerarkaas si adag isaga difaacay Daraawiishta SSC-Khaatumo oo sii hayay xogta dhaq dhaqaaqa ciidamada Somaliland. Ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale masaafo durugsan ka soo ridaya madaafiic ay la dhacayaan gudaha Laascaanood. Taliska Somaliland ayaa in ka badan 50 maalmood dagaal ku haya Laascaanood si uu dib ugu qabsado waxaase mar kasta iska difaaca dadka degaanka. PUNTLAND POST The post Dagaal ka socda jihooyin kamid ah jiidda Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Bangiga Adduunka oo war kasoo saaray hanaanka deynta Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay in ay u qalanto deyn cafinta Dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu Bangiga Adduunka ku bogaadiyay inay gaartay horumar si dalka uu unoqdo mid u qalma in si buuxda looga cafiyo deymaha, iyada oo la raacayo hindisaha waddamada deymaha badan lagu leeyahay (HIPC). Bangiga Adduunka ayaa waxa uu sheegay in dhowrka bilood ee soo socda uu si dhow ula shaqeyn doono dowladda iyo hay’adda IMF, si ay Soomaaliya uga taageeraan sidii ay u gaari laheyd heerka HIPC ee dhameystirka hanaanka deyn cafinta. “Deyn cafintu waxay noqon doonto mid muhiim u ah Muqdisho oo gacan ka geysan doonta in dalka loo furo fursado cusub oo maaliyadeed,” ayuu sidoo kale tilmaamay Bangiga Adduunka. Keith Hansen, oo ah agaasimaha Bangiga Adduunka ee dalalka Soomaaliya, Kenya, Rwanda iyo Ugand oo hadal ka jeedisay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in Word Bank-ga iyo Soomaaliya ay soo wada mareen waddo dheer, islamarkaan xilligaan la gaaray natiijooyin wax ku ool ah. “Waxaan soo wada marnay waddo dheer, waxaana la gaaray natiijooyin horumarineed oo muhiim ah. Dowladda Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka waxaa looga baahan yahay inay sii wadan wada-shaqeynta, si loo xaqiijiyo in si deg deg ah loo fuliyo deyn cafinta,” ayuu yiri Keith Hansen. Wasaaradda maaliyadda aya dhawaan marti-galisay shirka dib-u-eegista waxqabadka shaqo ee dalka oo socday muddo labo maalmood ah, kaasi oo wada-hadallo miro dhal ah ay ku yeesheen Bangiga, madaxda dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah DF oo ay ku jiraan qeybaha fulinta mashaariicda. Kulankaan ayaa kusoo aaday waqti munaasib ah oo dalka uu udhaqaaqay dhanka dhameystirka deyn cafinta, sida laga soo xigtay Bangiga Adduunka. Soomaaliya ayaa sanado badan dadaal ugu jirtay deyn cafinta dalka, waxaana barbar socda qorshe ay dowladda ku qaadaneyso deyn kale oo balaayiin doollar ah, si uu dalka u gaaro isku filnaasho dhaqaale. The post Bangiga Adduunka oo war farxad leh kasoo saaray deyn cafinta Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Belgrade (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Serbia Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa saacadihii la soo dhaafay kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda ee dowladda Serbia Dr. Siniša Mali. Kulankan gaar ah oo ay labada Mas’uul yeesheen ayay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Serbia. Inta kulanku socday waxaa looga hadlay arrimaha deyn cafinta ee Soomaaliya ay hardanka ugu jirto iyo hanaan casri ah oo canshuur uruurinta ka saacidi kara in dowladda Soomaaliya loo helo. Sidoo kale wasiirka ayaa r/wasaraha ahna wasiirka maaliyadda Serbia kala hadlay sida ay wadashaqeyn dhow u yeelan karaan Bankiyada labada dal, wadashaqeynta ka dhexeysa wasaaradaha maaliyadda labada dal iyo isku xirka rugaha ganacsi ee Soomaaliya iyo Serbia. Arbacadii ayay aheyd markii uu xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade uu soo booqday Wasiirka Hormarinta Serbia Dr. Edin Đjerlek, halkaas oo uu kulan miro dhal ah kula qaatay Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed. Kulankii Arbacadii ayaa gogol xaar u ahaa kulanka maanta dhexmaray Safiirka Soomaaliya u fadhiya Serbia Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Serbia Dr. Siniš Mali. Dalalka Soomaaliya iyo Serbia ayaa leh xiriir aad u qota dheer oo Diploomaasiyadeed, una muuqda mid sii xoogeysanaya waayadan dambe. The post Sawirro: Danjire Maxamed C/llaahi oo arrimo muhiim ah kala hadlay dowladda Serbia appeared first on Caasimada Online.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in uu saaka markale dib uga qarxay dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC. Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka socdo duleedka magaalada Laascaanood oo maalmihii lasoo dhaafay ay isku horfadhiyeen ciidamada labada dhinac. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaalka saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood, waxaana qaarkood sheegayaan in ciidamada Somaliland ay weerar ku qaadeen xooggaga SSC. Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka socda uu xoogiisu yahay mid madafiic la is-weydaarsanayo, sida ay sheegeen goobjoogayaal. Waxaa jira khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka saaka, iyada oo xaafadaha qaar ee magaalada ay ku dhaceen tiro madaafiic ah, inkasta oo si rasmi ah loo ogeyn baaxadda khasaaraha. Ciidamada Somaliland maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka waday duleedka bari ee magaalada, kadib markii uu milateriga ku dhawaaqay inuu Laascaanood ku qaadayo dagaal qorsheysan. Dagaalka saaka markale ka qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxa uu imanaya xilli uu Mareykanka soo saaray digniintii ugu cusleyd ee dagaalka u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in dagaalka Laascaanood uu cawaaqib uga iman karo mas’uuliyiinta maamulka Somaliland, ayada oo ugu baaqday Somaliland inay ciidamadeeda kala soo baxdo magaalada. “Dowladda Mareykanka waxay aad uga walaacsan tahay rabshadaha weli ka socda Laascaanood, waxayna saaxiibadeeda caalamka iyo deriska kula biireysaa baaqa ku aadan in xiisadda la qaboojiyo, loo hoggaansamo xabad-joojinta la isku raacay, la ogolaado gargaarka bani’aadannimo, islamarkaana dib loo billaabo wada-hadallo wax ku ool ah oo ku wajahan xal nabadeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda. Mareykanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in rabshadaha sii socda ay kordhin doonaan suurta-galnimada ah in kooxaha xagjirka ah ay abuuraan xasillooni darro ballaaran, oo uga sii dari doonta dhibaatada bani’aadannimo ee hadda jirta. “Waxaan ugu baaqeynaa Somaliland inay ciidamadeeda amniga dib ula soo baxdo si ay u caddeyso inay ka go’an yihiin mabaadi’dan. Waxaan sidoo kale ugu baaqeynaa maleeshiyada Laascaanoood inay ka feejignaadaan ficil kasta oo weerar ah oo ka dhan ah ciidamada Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka. The post DAGAAL markale ka qarxay Laascaanood xilli uu Mareykanka soo saaray digniin culus appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Maraykanka ayaa ugu baaqday Taliska Muuse Biixi in uu Ciidamadiisa dib uga la baxo nawaaxiga magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Bayaan ka soo baxay waaxda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa loogu baaqay maamulka Somaliland in uu ciidamadiisa dib ula baxo si loo dhaqan-geliyo xabbad-joojin. ” Waxaan ugu baaqaynaa Somaliland in ay dib u soo celiso ciidamadeeda. Waxaana sidoo kale ciidanka ku sugan Laascaanood ugu baaqaynaa in aysan weerarin kuwa Somaliland” ayaa lagu yiri bayaankaas. Maraykanka ayaa sidoo kale soo dhaweeyay doorka dowladda Soomaaliya iyo imaatinka ergada odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee nabad-raadinta colaadda magaalada Laascaanood. Bayaanka uu soo saaray Maraykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu aqbalay in uu Hargeysa kula kulmo ergada nabad-raadinta odayaasha dhaqanka. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo maamulka Somaliland ugu baaqay in uu ciidamadiisa kala baxo jiidda Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Amsterdam (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka dalladda FSAN C/qaadir Cali Nuune, ayaa sheegay in guddigoodu wadaan dedaalo dib boorka looga jafayo waxqabadka guddiga FSAN, si fursad loogu abuuro ururada xubnaha ka ah dalladda & guud ahaan mushtamaca Soomaalida. “Waxaa wadnaa dedaalo lagu balaarinayo waxqabadka iyo wada-shaqeynta ururada ku bahoobay FSAN. Waxaan ka shaqeyn doonaa guddigeena Soomaali middeysan, hadafkeeduna yahay in ay isku faa’iideeyaan, kana faa’ideystaan fursadaha dalkan ka jira,” ayuu yiri C/qaadir Nuune, isaga oo intaasi raaciyay in FSAN ay safiir u tahay mushtamaca Soomaalida, loogana baahan yahay guddigooda in ay qaataan kaalintaas. Nuune, oo wareysi siiyay Somali Nederland TV, waxaa kale oo uu ku nuuxnuuxsaday in kalsoonida & codka ay siiyeen guddigooda ururada xubnaha ka ah FSAN in aanu baylah noqon doonin Insha ALLAAH sida uu hadalka u dhigay, ayna ka shaqeyn doonaan sidii FSAN oo middeysan u gaari laheyd hadafkii loo aasaasay. “Aniga aragtideyda, ururada xubnaha ka aha FSAN waxaan rabnaa qudhooda in ay na la xisaabtamaan guddi ahaan, oo halkii doorashada 4-ta sanno la isugu imaan jiray in la soo yareeyo oo sannad ama 2 sanno kasta la isugu yimaado shir is xog-wareysi ah, si loo dhiraan-dhiriyo waxqabadkeena, haddii aydnaan nala xisaabtamin waa iska seexan karnaa, waxaan ku kalsoonahay guddiga hadda shaqeynaya in ay yihiin guddi xul ah, oo ka soo dhalaali kara waajibaadka loo igmaday,” ayuu yiri C/qaadir Nuune. Isaga oo ka hadlayay midnimada Soomaalida dhexdeeda ah, wuxuu tilmaamay Nuune, in midnimadu ka wanaagsan tahay tafaraaruqa. “Guddigeena, mar walba oo ay Dowladdu u baahan tahay in ay Soomaalida ku wargeliso farrimaha muhiimka ah ee quseeya waa la inoo yeeraa, marka aan tagno xafiisyada wax lagu go’aamiyo urur & dan qaas ah kama hadalnee, waxaan ku hadalnaa codka Soomaalida,” ayuu yiri C/qaadir, wuxuuna intaasi ku daray isla xisaabtanku iyaga guddi ahaan in ay dhiiragelin u noqoneyso. “FSAN waa dallad ay ku middeysan yihiin ururada Soomaalida ugu badan ee dalkan Holland ka dhisan, waxaan qaadanay mas’uuliyad. Dalkan aan ku noolnahay nidaamka lagaga dhaqmaa waxay tahay; koox kasta oo la siiyo kalsoonida inta badan, in xaq loogu leeyahay in mas’uuliyadaas lagula xisaabtamo,” ayuu yiri C/qaadir Nuune. Guddoomiyaha Jaaliyadaha Soomaalida Zwolle C/qaadir Nuune, isaga oo sii faahfaahinaya hadalkiisa, waxaa uu intaa ku daray in nidaamka dimuqoraadiyadu yahay mid kalsoonida & miisaanku ay wada socdaan, si qofka xilka loo dhiibay xilli kasta oo loo baahdo loo soo gole-fadhiisiyo si loola xisaabtamo. C/qaadir Nuune, mar uu ka hadlayay muddadii sannadka aheyd ee guddigoodu shaqeynayay, wuxuu sheegay in ay qaadeen tillaabooyin dhiiragelin u noqon kara qorshooyinkooda mustaqbalka. “Ka sokow in dalkan ay ka jiraan fursado bulshada lagaga faa’ideyn karo, haddana dhinac kale FSAN mar walba oo nala weydiiyo su’aalo dalkeena ku saabsan waxaan ka bixinaa sawir qurxoon oo aan ku dhiiragelineyno in Dowladda NL & hay’adaha samafalka in ay la shaqeeyaa Soomaaliyada cusub ee uu horkacayo Madaxweyne Xassan Shiikh,” Ayuu yiri C/qaadir Nuune. “Waxaan dhiiragelineynaa mar walba in Dowladda NL aan kala shaqeyno sidii ay kaga qeybqaadan laheyd dedaaladda ay wado Dowladda Soomaaliya ee ku aadan xasilinta & nabadeynta dalkeena,” ayuu yiri C/qaadir Nuune. The post Nuune: “FSAN ahaan waxa aan u baahannahay in na lala xisaabtamo, waana waajib” appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga tartanka adeega Xajka sanadka 1444/2023 ayaa shaaciyay in 75 shirkadood ay ku guuleysteen tartanka adeega Xajka, kuwaasi oo kasoo dhex baxay 142 shirkad oo wareega koowaad u gudbay. Liiska shirkadaha ee uu soo saaray guddiga ayaa waxaa safka hore kaga jiray shirkadaha kala ah Al-Qurdubah Travel Agency Haj & Omrah, Hami Travel, Al-Tawafuq Hajj & Umrah Travel Agency, Hage Travel Agency, Anfal Tours & Travel Limited, Laanjo Air Travel Agency, Best Fly Travel Agency, Safari Travel Agency iyo Ritaj Al-Hayat Travel & Tourism Agency Guddiga ayaa meesha ka saaray eedeymo loo jeediyay oo la xiriiray xulista shirkadaha soo xareystay tartanka adeegga Xajka ee sanadkaan, iyaga oo sheegay in guddiga uu ku shaqeeyay habraacii loogu tala-galay tartanka wareegyadiisa kala duwan. “Guddigu waxa uu mid mid u dul istaagay una baaray dhamaan galalkii iyo waraaqihii (Documents) kala duwanaa ee tartamayaashu soo gudbiyeen, arrinkaas oo sababay inay guddigu waqti aad u dheer oo maalin iyo habeenba leh ay shaqeeyaan, taas oo ay ka dhasheen guulo ay mireheeda u aayaan Ummadda Soomaaliyeed.” Sida uu shaaciyay guddigu shirkadaha haray ayaa waxay iskugu jiraan Shirkado, Xamlado aan soo dhameystirin shuruudihii laga rabay iyo Shirkado, Xamlado soo gudbiyay xog iyo waraaqo aan sax ahayn, iyo kuwo ku haray imtixaankii iyo wareysigii tooska ahaa (interview). “Guddiga tartanka adeega Xajka sanadka 1444/2023 shirkadaha guulaystay wuxuu u kala qeybiyay darajooyinka kala ah; A, B, C. Kadib natiijads imtixaanka la hordhigay.” Guddiga ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inuu soo saari doono qiimaha Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan 1444/2023, si meesha looga saaro cabashooyinka soo laab-laabtay. “Qarashka lagu xajin doono sanadkan Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa sameyn doonta daraasad deg deg ah, iyada ayaana wareegto kusoo saari doonta qiimaha sanadkaan lagu xaji doono Inshaa’Allah.” Guddiga ayaa intii uu waday kala xulista shirkadaha soo xareystay tartanka adeega Xajka, waxa uu shaaciyay in qaarkood ay kusoo xareysteen tartanka dukumintiyo been abuur ah, sida Shati aan jirin oo loo eekeysiyay mid shaqeynaya oo sax ah. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sidoo kale bilaabay baaris la xiriirta shirkadahaasi ku eedeysan inay sameysteen dukumintiyo been abuur ah, si ay uga qayb-galaan tartankii loogu jiray Xajka. “Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaa uu baaris ku hayaa shirkado ku eedeysan been abuur dukuminti, kuwaas oo dukumintiyada dowladda si been ah abuur ah u sameystay ayaga oo ujeedadoodu aheyd ka qayb-galka tartanka loogu jiray barnaamijka Xajka,” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa intaasi ku daray in shirkadahaasi laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, ayada oo lagula xisaabtami doono falka ay sameeyeen. Sidoo kale waxa uu diginiin u diray dhamman shirkadaha iyo shaqsiyaadka isku-daya sameynta been abuurka dukunmintiyada noocyadooda kala duwan. Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay guddiga; The post Magacyada 75 shirkad oo ku guuleystay tartanka adeegga Xajka ee sanadkaan appeared first on Caasimada Online.
-
UNITED NATIONS (AP) — The goal of silencing the guns in Africa this decade is being challenged by climate change, terrorism, coups and the continent’s history, the head of the African Union initiative told the U.N. Security Council on Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Ottawa (HOL) - The Ministry of Foreign Affairs in Djibouti announced on Thursday that Hasna Barkat Daoud has been appointed as the new Honorary Consul of Canada in Djibouti. This news comes as the Canadian Consulate in Montreal, Quebec, is anticipated to reopen in the near future. Source: Hiiraan Online
-
The Uganda People’s Defence Forces (UPDF) Wednesday flagged off 5,000 soldiers for a peace mission in the troubled North Kivu province of the Democratic Republic of Congo. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda dalka Mareykanka ayaa shalay Soomaaliya usoo magacowday safiir aan caadi aheyn, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Aqalka Cad. Safiirka cusub oo lagu magacaabo Richard H. Riley, IV ayaa beddelaya Larry André Jr oo xilkan hayey ku dhowaad laba sano. Larry André Jr ayaa waxaa lasoo magacaabay 16-kii April 2021, isaga oo beddelay Donald Yamamoto. Haddaba maxay ka dhigan tahay tallaabada uu qaaday Mareykanka? Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ahaa Baarlamaankii 10-aad ee dalka ayaa sheegay in tallaabadan ay ka tarjumeyso in Mareynkanka uu ahmiyad siinayo Soomaaliya. Dalxa oo wareysi gaar ah siiyay Radio Kulmiye ayaa sheegay in haatan Mareykanka uu sare uu sii qaadayo xiriirka Soomaaliya oo haatan kasoo kabaneyso sidii hore. “Tan waxay ka tarjumeysaa in dowladda Mareykanka ay sare usii qaadeyso, ahmiyadna ay siineyso oo kasii sarreysa tii hore oo ay siin jirtay Soomaaliya” ayuu yiri Prof. Dalxa. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Soomaaliya ay tahay dal leh fursad badan, isla-markaana ay ku loolamayaan dowlado waa weyn, si ay uga faa’iideystaan. “Soomaaliya waxay maanta kamid tahay dalalka meesha ay adduunyada dhacaan aad iyo aad indhaha loogu haayo ee Geeska Afrika,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Si kastaba, Mareykanka ayaa sanadihii u dambeeyey ahmiyad gaar ah siinayey Soomaaliya, ayada oo 2-dii October 2019 dib loo furay safaaradda Muqdisho oo xirneyd 30 sano. Mareykanka ayaa sidoo kale tababara isla-markaana bixiya mushaharka ciidamada Danab ee Xoogga dalka Soomaaliya ee la dagaalama kooxda Al-Shabaab, lana rumeysan yahay inay yihiin ciidamada ugu waxtarka fiican kuwa Soomaaliya ay hadda leedahay. The post Maxay ka dhigan tahay tallaabada Mareykanka u qaaday Somalia ee cusub? appeared first on Caasimada Online.
-
Rep. Ilhan Omar (D-Minn.) came out against efforts to ban TikTok on Tuesday, raising concerns about censorship and calling for broader conversations about propaganda on social media, as more lawmakers express skepticism about the video sharing app. Source: Hiiraan Online
-
WASHINGTON, U.S (Caasimada Online) – The United States State Department has expressed its growing concern over the ongoing violence in LasAnod, a disputed town in northern Somalia, joining other international partners and neighboring countries in urging a de-escalation of the conflict. In a statement released today, the State Department called for “adherence to the agreed ceasefire, unhindered humanitarian access, and resumption of constructive dialogue towards peaceful resolution.” The statement further warned that “continued violence will increase the potential for extremist groups to sow broader instability and further exacerbate the ongoing humanitarian crisis.” As a show of commitment to peace, the US has called on Somaliland to withdraw its security forces and requested militias in LasAnod to cease any offensive actions against Somaliland forces. LasAnod conflict claims over 200 lives According to authorities, the ongoing conflict between security forces and clan fighters in LasAnod has resulted in more than 200 deaths within a month. The fighting, which began on February 6 and continues sporadically, caused significant damage to infrastructure and homes. The mayor of LasAnod, Abdirahim Ali Ismail, reported that “210 civilians were killed and 680 others were wounded” in the clashes. The conflict was triggered by the assassination of Abdifatah Abdullahi Abdi (Hadrawi), the local chairman of Wadani, Somaliland’s opposition party, and the subsequent murder of local entrepreneur Mohamed Ali Saadle. Local leaders seek separation from Somaliland On February 5, local leaders, clan elders, and notable figures convened in LasAnod to discuss resolving the conflict. They issued a 13-point declaration reinstating the rule of the SSC-Khatumo regions, denouncing Somaliland as a separatist state, and reaffirming their commitment to being part of federal Somalia. They have also urged Somaliland authorities to withdraw their soldiers from the area. This declaration led to violent clashes, with both sides accusing the other of aggression. Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has not been recognized internationally. The unresolved status has further complicated the situation in the region as various parties continue to vie for power and influence. LasAnod, which straddles a key trade route, is claimed by both Somaliland and neighboring Puntland, a semi-autonomous state of northeastern Somalia. Delayed presidential elections and visa restrictions In addition to addressing the violence, the US State Department expressed concern over the delay of Somaliland’s presidential elections, which have been postponed since November 2022. This delay goes against the timeline outlined in Somaliland’s constitution. The State Department urged Somaliland authorities to “set a clear timeline and complete the elections as soon as possible.” The United States has warned that it is prepared to use authorities under Section 212(a)(3)(C) of the Immigration and Nationality Act to restrict visa issuance for “current or former Somali officials or other individuals who are believed to be responsible for, or complicit in, undermining the democratic process in Somalia, including in Somaliland.” The post Deadly LasAnod conflict spurs US State Dept. action appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa diginin culus kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood, oo ay sheegtay inuu cawaaqib uga iman karo mas’uuliyiinta maamulka Somaliland. “Dowladda Mareykanka waxay aad uga walaacsan tahay rabshadaha weli ka socda Laascaanood, waxayna saaxiibadeeda caalamka iyo deriska kula biireysaa baaqa ku aadan in xiisadda la qaboojiyo, loo hoggaansamo xabad-joojinta la isku raacay, la ogolaado gargaarka bani’aadannimo, islamarkaana dib loo billaabo wada-hadallo wax ku ool ah oo ku wajahan xal nabadeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda. “Rabshadaha sii socda waxay kordhin doonaan suurta-galnimada ah in kooxaha xagjirka ah ay abuuraan xasillooni darro ballaaran, oo uga sii dari doonta dhibaatada bani’aadannimo ee hadda jirta.” Washington ayaa sidoo kale ugu baaqday Somaliland inay ciidamadeeda kala soo baxdo magaalada. “Waxaan ugu baaqeynaa Somaliland inay ciidamadeeda amniga dib ula soo baxdo si ay u caddeyso inay ka go’an yihiin mabaadi’dan. Waxaan sidoo kale ugu baaqeynaa maleeshiyada Laascaanoood inay ka feejignaadaan ficil kasta oo weerar ah oo ka dhan ah ciidamada Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka. Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inay taageersan tahay sida wax ku oolka ah ee ay dowladda federaalka Soomaaliya ula tacaaleyso xiisaddan iyo inay odayaal dhaqameed u dirtay, iyo ballan-qaadka madaxweyne Muuse Biixi ee ah inuu wafdigan kusoo dhoweyn doono Hargeysa. Dhinaca kale, dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay dib u dhaca doorashada madaxweynaha Somaliland. “Waxa kale oo aanu ka walaacsannahay in doorashada madaxtooyada Somaliland ay dib u dhacday ilaa November 2022, taas oo aad uga gudubtay wakhtiga ku cad dastuurka Somaliland. Waxaan ugu baaqeynaa mas’uuliyiinta Somaliland inay jadwal cad dejiyaan ayna doorashada ugu dhameystiraan sida ugu dhaqsaha badan,” ayaa lagu yiri bayaanka. Mareykanka ayaa ugu dambeyn madaxda Somaliland uga digay xayiraado inay wajihi karaan xayiraado dal-ku-gal. “Maraykanku waxa uu diyaar u yahay in uu isticmaalo awoodaha ku cad qodobka 212(a)(3)(C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadaha si loo xaddido bixinta fiisaha ee madaxda hadda iyo kuwii hore ee Soomaaliya ama shakhsiyaadka kale ee la aaminsan yahay inay mas’uul ka yihiin, ama ka qayb-qaadanayaan wiiqitaanka geedi-socodka dimoqraadiyadda Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka. The post Mareykanka oo u hanjabay Somaliland, kuna amray inay ciidankeeda lasoo baxdo appeared first on Caasimada Online.
-
Raxan Waraabayaal Ah Oo Halis Galin Kara Nafaha Dadka Ku Dalxiisa Buuraha Naaso Hablood. Waraabayaashan Tirada badan oo lagu arkay Agagaarka buuraha Naaso hablood ee dadwaynaha Hargeysa waayadan danbe ay u dalxiis tagaan, ayaa ahaa kuwo aan dadka ka baqanayn oo wax yeelo gaadhsiin kara sida uu sheegay Xildhibaan Cumar Jaamac Farax. Dadwayanaha waxaan ugu baaqayaa inay foojignadaan oo taxadar dheeriya ay sameeyaan, ubadkana ay ka war hayaan goobaha ay marayaan, xiliga ay ku dal xiisayaan buuraha Naaso hablood madaamo oo ay joogaan bahalaaasi khatarta ku keeni kara,Sidaas waxaa yidhi Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax. Qaran News
-
M/weyne Geelle oo ka hadlay xiligay aqoonsiga siinayaan Somaliland,Cabsi uu ka qabo Eritrea & Arrimo kale oo xasaasi ah Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi ku baxay Afka Faransiiska siiyey Wargeyska Jeune Afrique ayaa wax laga weydiiyey xidhiidhka dalkiisa iyo Eritrea, Dagaalkii Tigrey, Saldhiga milateri ee Ruushku ka dhiseynayo Eritrea, aqoonsiga Somaliland iyo arrimo kale oo xasaasi ah Mar la weydiiyey cabsida ay qabaan ciidanka Eritrea, haddii ay ka baxeen dagaalka Tigrey ayaa sheegay in ciidankaas ay halis ku yihiin amniga dalkiisa. “Xiidhiidh ma lihin Madaxweyne Afewerki, balse arrintan waa khatar. Waayo waa ciidan aad u badan oo mushahar aad u liita qaata oo ku caan baxay kufsiga iyo dilka macno darada ah marka ay fursad u helaan, maaha ciidan isku xidhan, si la mid ah awoodda siyaasadeed ee Eriteriya, waxaa gacanta ku haya masiixiyiin Ortodox ah oo af Tigriyan ah ku hadla. Takoorka muslimiinta lagu hayo ayaana sii kordheya” ayuu yidhi Geelle. Geelle oo la weydiiyey iney aqoonsanayaan Somaliland, wuxuu sheegay inaysan aqoonsan doonin oo xitaa haddii dunida dhan aqoonsato ay ahaan doonaan cida u dambeysa. “Anaga ayaa noqon doona kuwa ugu dambeeya ee sidaas sameeya! Maxaad u rabtaa inaad dhibaatooyin kale ka abuurto xuduudaheena- waxaan xidhiidh wanaagsan la leenahay dawladda Faderaalka Soomaaliya oo aan ixtiraamaynaa” ayuu yidhi Geelle. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Heshiiska TPLF uu la galay ayuu bogaadiyey madaxweyne Geelle, isagoo sheegay inay danta gobolka tahay heshiiska la gaaray, wuxuuse sheegay in ay wali jiraan caqabado oo nabada hor taagan Madaxweyne Geelle ayaa walaac ka muujiyey Saldhiga Milateri ee Ruushka ka dhisanayo dalka Eritrea, isagoo sheegay inay iyagu horey u diideen Saldhigaas, xili dalkiisu martigaliyey Saldhigyada Shiinaha, Jarmalka, Faransiiska iyo Mareykanka oo dano iska horjeeda ka leh gobolka. Geelle oo soo hadal qaaday Mucaaradka dalkiisa ayaa ku sifeeyey kuwa aan awood laheyn oo xiriir laleh Ururka Ikhwaanul Muslimiin ee dalka Masar, wuxuuna ku sifeeyey cadow dalkiisu leeyahay, isagoo Dhinaca Soomaaliya u soo jeediyey inay doorasho xor iyo xalaal ah ka dhacdo. Mar la weydiiyey su’aal u ahayd, “Jabuuti waa mid ka mid ah Wadamada yar oo Afrikaan ah – waana kan keliya ee Bariga Afrika ku yaalla – ee aan dambiga lagu soo oogin khaniisnimada. Maxaa keenay duwanaanshaha? Geelle ayaa ku jawaabay “Ilaa iyo inta ay ku jirto meel gaar ah, ma jirto sabab ay Dawladdu ama maxkamaduhu u soo farageliyaan arrimahas gaar-ka ah”. Jawaabta Geelle ayaa u muuqatay mid uu kaga gaabsanayey inuu ka bixiyo jawaab waafi ah, maadaama mowduucan uu waayahan ahaa mid xasaasi ah oo reer galbeedku ay u ololeynayeen, dalal badana lagu colaadiyey. Qaran News
-
New York (Caasimada Online) – Xeer-beegtida New York ayaa si rasmi ah dacwad ugu soo oogay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, sababo la xiriira lacag aamusin ah oo la siiyey gabar jisha aflaanta galmada, kahor doorashadii 2016. Tallaabada ay qaadeen xeer-beegtida ayaa Trump ka dhigeysa madaxweynihii ugu horreeyey ee hore ee Mareykan ah ee wajaha dacwado dambi. Dacwad-oogistan taariikhiga ah ee 76 jirkan Jamhuuriga – oo beeniyey inuu wax khalad ah sameeyey – ayaa waxaa hubanti ah inay curyaamin doonto isku dayga uu dib ugu hananayo Aqalka Cad. Qareenka Trump Susan Necheles ayaa sheegtay in Trump maxkamadda la horgeyn doono Talaadada toddobaadka soo socda. Xafiiska dacwad-oogaha degmada Manhattan Alvin Bragg ayaa xaqiijiyey inay qareenada Trump la xiriireen Khamiistii “si ay ugala shaqeeyaan isa soo dhiibistiisa” markaasi oo qodobada dacwadda shaaci laga qaadi doono. Trump ayaa dacwadda ugu gacan sayray inay tahay “maxkamadeyn siyaasadeed iyo faro-gelin doorasho,” isaga oo caro kala dul dhacay dacwad-oogayaasha iyo mucaaradkiisa Xisbiga Dimoqraadiga, wuxuuna wacad ku maray in tani ay dib ugu soo laaban doono madaxweyne Joe Biden. Isa soo dhiibista Trump, iyo suurta-galnimada ah in dacwadaha ay noqdaan illaa 30 qodob oo la xiriira wax is-daba marin ganacsi, ayaa ka dhigan in faro laga qaadi doono, loo sawiri doono sida maxaabiista, islamarkaana la jeebeyn doono, sida uu sheegay taleefishinka CNN. Xulufada Trump iyo wiilashiisa ayaa cambaareeyey tallaabadan oo ay sheegeen in looga dan leeyahay in lagu carqaladeeyo ololihiisa 2024, halka la loolamahiisa ugu weyn ee Jmahuuriga, barasaabka Florida Ron DeSantis uu dacwad-oogista ugu yeeray “mid aan Mareykan aheyn.” Afhayeenka Aqalka Wakiilada Kevin McCarthy, oo ah mas’uulka ugu sarreeya xisbiga Jamhuuriga, ayaa sheegay in dacwad-oogista “ay si aan dib loo dayac-tiri karin u waxyeeleysay” dalka. Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka, lana filayo inuu kula tartamo doorashada 2024 Mike Pence ayaa ugu yeeray “mid laga caroordo” oo ka shaqeyn doonto kaliya “inay sii kala qeybsio” Mareykanka. Dacwadda kiiskan ayaa waxaa xuddun u ah $130,000 oo toddobaadyo kahor doorashadii 2016 la siiyey gabar jisha aflaanta galmada oo lagu magacaabo Stormy Daniels, si looga joojiyo inay shaaciso galmo ay sheegtay inay la sameysay Trump, toban sano kahor. Qareenkii hore ee Trump, Michael Cohen, oo kahor marqaati furay xeer beegtida ayaa Congress-ka u sheegay 2019-kii inuu bixiyey lacagta isaga oo ka wakiil ah Trump, kadib dib loogu soo celiyey. The post Trump oo si rasmi dacwad loogu soo oogay iyo goorta maxkamadda la gaynayo appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Guddigii uu dhawaan magacaabay madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ee gurmadka fatahaada degmada Baardheere ayaa hortegay kulankii toddobaadlaha ahaa ee golaha wasiirada ee maamulkaasi. Kulanka golaha oo uu shir-guddoomiyay madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa warbixin lagaga dhagaystay guddiga gurmadka fatahaada degmada Baardheere oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay ka jireen daadad ku fatahay, kuwaasi oo saamayn ku yeeshay dadweynaha deegaanka. Sidoo kale waxaa golaha warbixin la xiriira xaalada amniga guud ee Jubbaland looga dhagaystay Wasaarada Amniga oo ka warbixisay howl-galo ay sameeyeen ciidamada hay’adaha amaanka todobaadkii lasoo dhaafay. Howl-galadaasi ayay sheegtay wasaaradda amniga maamulka Jubbaland in lagu dilay xubno ka tirsan kooxaha argagixisada ah, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab. Dhinaca kale, waxaa golahu uu akhrintii labaad marsiiyay sharciga dhismaha hay’ada wadooyinka Jubaland oo ay soo gudbisay wasaarada howlaha guud iyo dib u dhiska, islamarkana qeybo kamid ah sharcigan wax ka badal ay golahu ku sameeyeen. Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan magacaabay guddiga gurmadka fatahaadda degmada Baardheere, xilli ay halkaasi ka taagan tahay xaalad adag oo dhanka nolosha ah. Baardheere ayaa waxaa ku dhuftay daadad xoogan oo sababay burbur, dhimasho iyo barakac horleh, kadib markii dadka deegaanka deegaankaasi ay soo food-saartay xaalad nololeed oo adag. Guddiga uu magacaabay madaxweyne Axmed Madoobe oo ka kooban shan xubnood ayaa waxaa loo igmaday ka shaqeynta sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka musiibadan ay saamaysay. Waa markii labaad ee fatahaada wabiga Jubba ay saameyn xoogan u geysato dadka ku nool degmada Baardheere iyo deegaanada hoosyimaada. Xaaladda adag ee ka taagan degmada ayaa sidoo kale waxaa ku barakacay kumanaan qoys, ayada oo ay ku geeriyoodeen dad gaaraya 20 qof. The post Sawirro: Guddiga Axmed Madoobe ee Baardheere oo golaha wasiirada horgeeyay… appeared first on Caasimada Online.
-
Tobanka dal ee ay shacabkooda heystaan hubka ugu badan caalamka Sannadihii lasoo dhaafay waxaa Mareykanka kusoo batay weerarrada toogashada ah oo dad badan lagu dilay kuwo kalena lagu dhaawacay. Soo noqnoqoshada weerarrada noocan ah ayaa loo sababeeyay tirade hubka ee gacanta shacabka ku jirta oo aad u badan. Sanadkan 2023-ka gudihiisa oo keliya waxaa Mareykanka ka dhacay ilaa 130 weerar oo toogasho ah. Weerarradaas waxaa ka mid ah kii ugu dambeeyay ee Subaxnimadii Isniinta lala beegsaday iskuul ku yaalla magaalada Nashville. Lix qof oo ay ku jireen saddex carruur ah ayaa lagu dilay weerarkaas oo uu geystay nin hubeysan. Waaxda aruurinta xogta ku saabsan qalalaasaha loo adeegsado hubka ku jira gacanta rayidka ayaa sheegtay in sannadihii ugu dambeeyay ay si aad ah u kordheen falalka toogashada ah. Mid kasta oo ka mid ah saddexdii sano ee lasoo dhaafay waxaa Mareykanka ka dhacay in ka badan 600 oo toogasho, taasoo u dhiganta in celcelis ahaan ay maalintiiba dhacayeen labo weerar oo toogasho ah. Muran muddo dheer jiray ayaa ka taagan sida loo xakameyn karo hubka galaya gacanta shacabka, iyadoo weli la isku afgaran la’yahay in la hirgeliyo sharci mamnuucaya hubka. Waa imisa tirada hubka ee ay heystaan shacabka Mareykanka? Inkastoo ay adag tahay in la tiriyo hubka igusu jira qoryaha iyo bastooladaha eek u jira gacanta dadka rayidka ah ee caalamka, haddana tirajoobkii ugu dambeeyay ee ay sameysay hay’adahha daraaseysa hubka fudud ee fadhigeedu yahay Switzerland oo lagu magacaabo Small Arms Survey waxay ku qiyaastay in ilaa 390 milyan oo qori ay ku jiraan gacanta dadweynaha Mareykanka. Hay’addan ayaa qiyaastaas sameysay sanadkii 2018-kii, waxaana suurtagal ah in ay tiradu hadda intaas ka badan tahay. Qiyaasta guud ayaa muujineysa in tiradaas ay ka dhigan tahay in 100-kii qof ee rayid ah ay kusoo aadayaan 120.5 qori. Sanadkii 2011-kii waxay tiradan ahayd 88 qori oo ku soo aadaya 100-kii qof. Tani waxay aad uga badan tahay tirade hubka eek u jirta gacanta shacabka dalalka kale ee caalamka. Waddanka Yemen oo ku xiga Mareykanka ayay shacabkiisa heystaan wax ka yar kala bar tirada hubka ay heystaan shacabka Mareykanka. Tobanka dal ee ay shacabkoodu heystaan hubka ugu badan Dhimasho badan ayuu sababaa hubka ku jira gacanta rayidka Mareykanka: Boqolkii qof ee ka tirsan shacabka Mareykanka waxay heystaan 120.5 qori. Yemen: Boqolkii qof iyo 52.8 qori Serbia: Boqolkii qof iyo 39-1 qori Montenegro: Boqolkii qof iyo 39-1 qori Uruguay: Boqolkii qof iyo 34.7 Canada: Boqolkii qof iyo 34.7 Qubrus: Boqolkii qof iyo 34 Finland: Boqolkii qof iyo 32.4 Lubnaan: Boqolkii qof iyo 31.9 Iceland: Boqolkii qof iyo 31.7 Qaran News
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa laga yaaba inuu booqdo Turkiga 27-ka bisha soo socota ee April, sida uu sheegay madaxweynaha Turkiya Recep Tayyib Erdogan. Socdaalka Putin laga yaabo inuu ku tego Turkiga ayaa la xiriira daah-furka koronto-dhaliyaha tamarta Nukliyeerka ee ugu horreeyay ee ay dhisto shirkadda tamarta Nukliyeerka ee Ruushka ee Rosatom. “Waxaa laga yaabaa inay jirto suurtagalnimada in Mr Putin uu yimaado 27-ka Abriil, ama waxaa laga yaabaa inaan ka dhigno xafladda caleema-saarka mid online ah,” ayuu Erdogan ku yiri faallooyin laga sii daayay telefishinka ATV. Horraantii bishaan, maxkamada caalamiga ah ee dambiyada (ICC) ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Putin, maadaama lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ka dhacay Ukraine, taasi oo keentay caro ka timid Aqalka madaxtooyada Ruushka ee Kremlin. Laakiin Turkigu qayb kama aha heshiiskii Rome, ee lagu dhisay maxkamadda ICC. Turkiga ayaa shidaalkii ugu horeeyay ee Nukliyeer ah ku shubi doona qeybta ugu horeysa ee tamarta Nukliyeerka ee magaalada Akkuyu. Mashruucan oo ku kacaya $20 bilyan ayaa waxay Turkiga u oggolaan doonta inuu ku biiro kooxda yar ee leh tamarta nukliyeerka rayidka ah. Ruushka ayaa Isniintii beeniyey wararka Turkiga ee sheegaya in Putin uu qorsheynayo inuu booqdo Turkiga. The post PUTIN oo laga yaabo inuu booqdo Turkey, xilli ay ICC amartay in lasoo xiro appeared first on Caasimada Online.
