-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareegto soo saaray ayaa xil cusub u magacaabay madaxweynihii hore ee HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare. Sida ku cad wareegtadan oo ay goordhaweyd baahisay Villa Soomaaliya waxaa Waare loogu magacaabay inuu noqdo ergayga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada. Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo talisyadooda faray inay la shaqeeyaan ergeyga cusub, si uu u guto waajibaadka loo igmaday. Ujeedka magacaabistan ayaa waxaa sidoo kale lagu macneeyay sidii loo xakameyn lahaa khasaaraha rayidka, si aysan waxyeelo uga soo gaarin howlgallada iyo duqeymaha lagu beegsado xoogaga hubeysan ee Al-Shabaab. “Madaxweynaha oo mudnaanta koowaad siinaya qorshihiisa xakameynta qasaaraha rayidka si aysan waxyeello uga soo gaarin dadka shacabka ah ee ku sugan goobaha ay ka socdaan howlgallada dalka looga sifeynayo argagixisada Al shabaab ayaa qeybaha kala duwan ee talisyada ciidamada Qalabka Sida ku adkeeyey in ay si dhow ula shaqeeyaan ergayga gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka” ayaa lagu yiri wareegtada. Sidoo kale madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya ayaa kula dardaarmay Ergayga gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka Mudane Maxamed Cabdi Waare in uu xaqiijiyo gudashada waajibaadkiisa Qaran si looga fogaado in dhibaato ay soo gaarto dadka Soomaaliyeed xilliyada dagaallada,. Waxaa kale oo uu ku booriyey in uu ka shaqeeyo sidii ay deegaannada laga xoreeyeyay Al-Shabaab u heli lahaayeen maamul, xasillooni iyo adeegyo bulsho oo dhammeystirin. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda. Si kastaba, Maxamed Cabdi Waare oo kamid ah siyaasiyiinta aan la gamban hadallada ayaa ku biiraya safka uu ku jiro xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo isna horay loogu magacaabay ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaalbilsan arrimaha bani’aadanimada iyo gurmadka abaaraha dalka. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo xil cusub u magacaabay WAARE appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta furay wajiga 3aad ee tartanka Qu’aanka Kariimka oo ay ku tartami doonan 60-tartame oo ka kala socda Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir kuwaas oo isugu jira Gabdho iyo Wiilal. Tartankan oo lagu maamusayo bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa furitaanka wareegiisa 3-aad waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamud Guure, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Xildhibaano katirsan BFS, madax ka socotay wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee XFS iyo qaar kamid Culuma Udiinka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka hadlay ahmiyada ay lee dahay in lagu tartamo Qowlka Alle, isagoo sheegay in abaalmarino ay ku farxaan ay heli doonan tartamayaasha kaalmaha kore ka gala tartanka Qur’aanka Kariimka. Tartankaan ayaa waxaa uu qeyb ka yahay tartannada laga qabanayo gobolka iyada oo lagu maamuusayo bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaana guddoomiyaha uu sheegay, in ay ka qeybgalayaan arday ka kala socota 17-ka degmo ee gobolka Banaadir, isaga oo intaas raaciyay in tartamaha ku guuleysta uu heli doono hedyad uu ku farxidoono sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA ayaa Maanta boqolaal shacab ah waxa ay gargaar ugu qeybisay magaalada Masagawaa ee Gobolka Galgaduud oo bilooyin ka hor laga saaray Al-shabaab. Waxaa lagu guda jiraa Bisha Barakaysan ee Ramadaan, waxayna Hay’addu bilowday in shacabka ku nool deeganada khawaarijta laga saaray ay gaarsiiso gargaar, si looga caawiyo afurka. Bulshada deegaanka ayaa ka mahadceliyay deeqda lasoo gaarsiiyay, xilligaan oo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, deegaanka ayaa dhowaan soo galay gacanta ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Caabudwaaq (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo maanta ka kacay bartamaha degmada Caabudwaaq kaas oo geystay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Dabka ayaa ka dhashay booyad nafta ku shubeysay kaalin shidaal oo ku taalla gudaha magaaladaasi, waxaana gubtay goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in dabkan ay ku dhinteen wiil iyo aabihiis, halka ay siddeed qof oo kalena ay waxyeelo soo gaartay, kuwaas oo qaarkood neef qabatoobay. Sidoo kale dabka ayaa ku fiday bakhaaro ganacsi oo ku yaalla halkaasi, maadaama la waayay wax gaadiid dab damis ah, taas oo sii kordhisay khasaaraha. Oday kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in mar dambe lagu guuleystay daminta dalkaasi. “Khasaare weyn oo naf iyo maalba leh ayaa ka dhacay meesha tusaale haddii aan kaga soo qaado wiil iyo aabihiis ayaa ku go’ay illaa 8 qof ayaa waxyeelo soo gaartay,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray shacabka iyo ganacsatada Caabudwaaq, isaga oo ugu baaqay inay iska kaashadaan sidii loo heli lahaa gaadiid dab damis ah. “Reer Caabudwaaq waxan dhihi lahaa markii la’isku qabsado boos 20 mitir ah sida aan isku leyno waa naqaanaa ee sida aan gaadiid dab damis ah aan usoo gadan laheyn falkeeda in la galo ayaa haboon,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyay oday kamid ah dadka degaanka. Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay mid kamid ah ganacsatada ku dhaqan halkaasi, kaas oo sharraxay goobaha gubtay iyo waxyaabaha lagu iibanayay. “Bakhaaradaan caalami ayay ahaayeen raashiin, shidaal wax walbaa yaalay way gubteen dadka islaamka ah waxaan ka codsaneynaa in loo gurmado dadkaasi,” ayuu yiri. Magaalada Caabudwaaq oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa waxaa dhowr jeer oo hore sidaan oo kale uga kacay dab khasaare xoogleh geystay, waxaana degmada ay leedahay hal gaari oo dab damis ah, kaas oo aan hadda shaqeyn, sida ay sheegeen dadka degaanka. The post Daawo: Wiil iyo aabihiis oo ku dhintay Caabudwaaq kadib markii maanta… appeared first on Caasimada Online.
-
Somaliland administration President Muse Bihi Abdi knows that the sovereignty of Somalia is vested in the Federal Government of Somalia, but wages a secession war in Northern Somalia. Mogadishu (PP Editorial) — The letter from Somaliland “Foreign Ministry” on the Laascaanood conflict provides a timely insight into the decision-making process of Somaliland administration. It is a piece of incriminating evidence against Somaliland President and his cabinet. “However, those who provoked this conflict have rejected all these efforts. Instead, they have continued to engage in incitement, violence, and misinformation to further destabilize the region and challenge the Republic of Somaliland’s sovereignty” reads the letter. Somaliland administration is waging a war against Laascaanood on the basis of the deluded self-belief that Somaliland is a sovereign republic. It is not only President Muse Bihi Abdi who will be held accountable for shelling Laascaanood and causing massive displacement. Any politician in the breakaway republic who backed the “Somaliland army” to attack Laascaanood will equally face accusations for promoting civil war in politically fragile Somalia. The Foreign Ministry of Somaliland views recognition of Somaliland as the “long-term Somalia”. Why is an entity — Somaliland — that looks upon itself as a sovereign republic seek diplomatic recognition? Political lunacy can plausibly explain why Somaliland in the letter claimed to be a republic, but in the same breath demanded diplomatic recognition. Somaliland raised the stakes in conflict raging in Northern Somalia by making it clear that diplomatic recognition is the goal of its secession war. The United States of America reminded Somaliland administration that “Continued violence will increase the potential for extremist groups to sow broader instability and further exacerbate the ongoing humanitarian crisis” and called on Somaliland to pull back its security forces as a demonstration of its commitment to these principles.” The sovereignty of Somalia is vested in the Federal Government of Somalia. No other entity can claim a separate sovereignty in the Federal Republic of Somalia whose territorial integrity is protected under the International Law. The deluded Somaliland administration leaders misinterpret the silence of the International Community as an evidence that political impunity pays off in the absence of political accountability. © Puntland Post, 2023 The post Somaliland Supplies an incriminating evidence against President Bihi appeared first on Puntland Post.
-
Hoggaanka sare ee SSC-khaatumo ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay dagaalka maanta ka socda duleedka Laascaanood War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Somaliland ay saaka weerar dhawr jiho ah ku soo qaadeen magaalada Laascaanood islamarkaana ay iska difaaceen xoogaga SSC. “Ciidamada Xag-u-dirirka Shacabka SSC oo mar walba diyaar u ah difaaca deegaanka, nafta iyo maalka shacabkooda ayaa dharbaaxo kulul ku dhuftay iskana caabbiyey weerarrada Maleeshiyadu ay soo qaadeen” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka. Hoggaanka SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Somaliland ay caadaysteen duqayma aan kala sooc lahayn oo ay la dhacayaan gudaha Laascaanood kuwaas oo lagu beegsanayo goobaha dadweynaha. “Weerarrada is maqiiqa ah ee ay marwalba soo qaadaan iyo duqaymaha aan kala sooca lahayn ee ay caadaysteen in ay guud ahaan magaalada iyo goobaha dadweynaha la dhacaan waxa ay caddayn u yihiin sida uu maamulka Hargeysa diyaar ugu ahayn in uu dagaalku joogsado” ayuu sii raaciyay War-saxaafadeedka. Hoggaanka SSC-Khaatumo ayaa sidoo kape Beesha Calaamka iyo Bulshada Soomaaliyeed u caddaynayay in aanay marna weerar ku ahayn cid kale iyo degaan kale toonna, balse ay u taagan yihiin ina ay duulaanka gardarrada ah ee Malayshiyada Somaliland ka difaacaan naftooda iyo deegaankooda. PUNTLAND POST The post SSC-Khaatumo oo ka hadlay dagaalka maanta ka socda duleedka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News
-
Las Anod (HOL) - Heavy fighting erupted for the second consecutive day in northern and western Las Anod on Saturday morning, with both sides accusing one another of instigating the latest confrontation. As the clashes escalate, there are growing concerns about regional stability, the potential for further violence, and the impact on healthcare services for displaced individuals. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal qorsheysan ka sameeyay degmada Dayniile ee gobolka Baanadir, kaas oo lagu baacsanayay kooxaha ciyaal-weerada iyo kuwa dhaca u geysta dadka shacabka ah. Howlgalkan oo ahaa mid culus, islamarkaana saacado badan qaatay ayaa waxaa sameeyay ciidamada Booliska Dayniile, ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee RRT ee Booliska Soomaaliya iyo kuwa Chekh Point-yada guur guura, kuwaas oo isku fidiyay degmadaasi. Ciidamada ayaa sidoo kale gudaha galay waaxaha ay ka kooban tahay Dayniile, halkaas oo ay ku arkeen kooxo kamid ah ciyaal-weerada, kuwaas oo qaarkood lasoo qabtay. Taliyaha saldhigga Dayniile Axmed Cali Yalaxow oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay howlgalladaasi, isaga oo shaaciyay ujeedka ay ka lahaayeen. “Waxaan sameynay howlgallo aan ku kormeereyno guud ahaan waaxyaha ay ka kooban tahay degmada Dayniile annaga oo rabna inay dadka nabad ku afuraan,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu farriin u diray shacabka ku dhaqan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, isaga oo ugu baaqay inay la shaqeeyaan Booliska Soomaliyeed. “Dadka ku nool degmada Dayniile waxaan ugu baqayaa inay la shaqeeyaan Booliska Soomaaliyeed har iyo habeen cabashadooda waan ka jawaabeynaa,” ayuu raaciyay. Dayniile ayaa kamid ah degmooyinka ay ku badan yihiin ciyaal-weerada iyo kooxaha burcadda ee dhibaatada ku haya shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho. Si kastaba, ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa habeenadii lasoo dhaafay kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga, si looga hortaga falalka liddiga ku ah nabad-gelyada. The post Daawo: Ciidamo ka kooban saddex qeyb oo howlgal culus ka sameeyey Dayniile + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Somaliland oo soo bandhigtay Maxaabiis lagu qabtay Dagaalka
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Maxaabiis dagaal saka laga qabtay Huwanta Laascaanood ka dagaalamaysa. Qaran News -
Magaalada Nairobi ee dalka Kenya gaar ahaan xaafadaha isku raranka ah, waxaa wali kasii soconaya mudaharaad ay dhigayaan xoogagga mucaarad iyo sidoo kale qeybo bulshada ah oo ka cabanaya sare ukaca sicirka, iyaga oo ka dalbanaya dowladda in wax laga qabto sida ay wax u socdaan, xaaladda ayaa ah mid sii adkaanaysay malmahaan. Wax ka badan 20 Saxafi la weeraray, labadii toddobaad ee ay socdeen mudaharaadadii lagaga soo horjeeday xukuumadda Kenya. Sida laga soo xigtay xarunta warbaahinta ee Kenya, weeraradan ayaa sare u kacay tan iyo markii ay kuwa muuqaalada duuba iyo kuwa sawirrada qaadaba ay bartilmaameed u noqdeen, debedbaxayaasha . Waxaa laga soo xigtay Njeri Gathumbi, oo ah sawirqaade u shaqeeya telefiishanka Nation TV ee dalka Kenya, oo ka mida saxafiyiinta soo tebiya debedbaxyada, ayaa sheegtay in toddobaadkii ugu dambeeyey uu ka sii adkaa toddobaadkii ka horreeyey, waxaana uu susay in ay la kulmeen weerarro kaga imaanayay dhinaca kooxaha kale. “Haddii aad aaddo dhinaca ciidamada booliska, waxaad khatar ugu sugan tahay dhagxaantu inay kugu dhacaan, haddii aad tagto dhinaca debedbaxayaashana, waxaa ku garaacaya dadweynaha, sidoo kale ciidamada booliska ayaa kugu qarqinaya sunta dadka kaga ilmaysiisa” ayay sheegtay xilli uu bixinayay Wareysi lala yeeshay Njeri. Waxaa sidoo kale uu ka sheekeeyay in ay aheyd xaalad adag in ay qaadaan sawirro xilliga ay dibaxyaashu ay isu soo baxa ay dhigayeen, xilligaas oo lagu gubay goobo ay ku jiraan kuwa lagu cibaadeysto, goobo waxbarasho iyo beer uu lahaa madaxweynihii hore ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta , taas oo qeyb ka mid ah dab la qabadsiiyay. “Mararka qaarkood inaad sawiradaas qaaddo, waa arrin aad u adag, waa inaad isku qarisaa meel aad kaga dhuuman karto booliska iyo shacabkaba, khaasatan marka ay isweydaarsanayaan dhagxaanta iyo sunta dadka kaga ilmaysiisa” ayay sii raacisay hadalkiisa sawirqaadaha kairsanaa telefiishanka Nation TV ee dalka Keny. Saxafiyiinta lama bartilmaameedsanayn illaa taliyaha booliska ee Japhet Koone uu ka sheegay in dadka ka mid debedbaxayaasha la maxkamadayn doono, iyada oo la isticmaalayo sawirada la qaaday, taas ayaa keentay in ay ka xanaaqaan sidaasna lagu baetilmaameedsado kooxaha wariyeyaasha oo ilaa iyo hadda la weerar in ka badan 20. Debedbaxyadan ayaa bilaabmay ka dib markii hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga uu ku dhawaaqay in laga mudaharaado qiimaha nolosha ee cirka isku shareeray iyo dulduleelooyinka hannaanka doorashada uu sheegay in ay tahay in mudahaadyo laga sameeyo, taas oo gaartay in xaaladdu ay faraha ka baxdo oo la xakameyn waayo. Dibadbaxayaasha ka dhacaya wadanka Kenya ayaa waxaa laga muujinayaa walaac ku aadan in ay isku bedesho dagaal Qoomiyadeed oo dhexmara bulshada dalkaas oo sidaan oo kale doorashadii Uhuru Kenyatta sidaan oo kale ay u dhaceen dibaxyo gaaray heer gacan ka hadal ah oo dad badan galaafatay iyo kadib la xasiyay arrinta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) - The small town of Abudwak in Galgaduud was rocked by a devastating fire on Friday evening, as an oil truck burst into flames at a petrol station, resulting in two deaths and ten injuries. While the cause of the fire is still unknown, it is not believed to have been intentional. Source: Hiiraan Online
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidanka milatariga Somaliland oo maanta markale dagaal culus la galay ciidamada deegaanka Laascaanood ayaa soo bandhigay ku dhowaad 10 maxaabiis ah oo ay ku qabteen dagaal maanta ka dhacay duleedka magaaladaasi. Somaliland ayaa soo bandhigtay illaa 6 maxaabiis ah oo uu ku jiro Faarax Dalmar oo horay uga tirsanaa golaha wakiilada Puntland, kana soo jeeda magaalada Laascaanood. Dalmar ayaa horraantii sanadkan iska casilay xubinimadii baarlamaanka Puntland, wuxuuna toos uga biiray dagaalka ay dadka deegaanka kula jiraan xukuumadda Hargeysa. Sawirrada ragga la qabtay oo uu kamid yahay Faarax Dalmar ayay sii baahiyeen ciidanka Somaliland, waxaana lagu daabacay baraha bulshada ee Internet-ka. Sidoo kale Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka maanta dhacay ay ku qasatay gaadiid dagaal iyo hub culus, sida ay hadalka u dhigtay. Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland oo ka hadashay dagaalkan waxa ay sheegtay in weerarka saaka ay soo qaadeen kooxo argagixiso ah iyo ciidanka Puntland, balse ciidanka milatariga Somaliland ay iska difaaceen, sida ay hadalka u dhigtay. “Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa fashiliyey isku day weerar oo ay soo qaadeen kooxaha argagixisada ah iyo huwanta kale ee uu hoggaamiyo maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Dagaalka maanta waxa uu Ciidanka Qaranku JSL ka soo hooyay guullo waawayn.,” ayaa lagu yiri waraxaafadeedka kasoo baxay maamulka Somaliland Dhinaca kale hoggaanka SSC ee ku sugan Laascaanood ayaa iyaguna guul ka sheegtay dagaalka ay maanta la galeen Somaliland, waxayna tilmaameen inay hayaan maxaabiis. Si kastaba, xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyada ugu xoogan ay ka socdaan aagga xerada Goojacadde oo ay gacanta ku hayaan milatariga Somaliland. The post Somaliland oo qabatay maxaabiis uu ku jiro xildhibaan ka tirsanaa Puntland appeared first on Caasimada Online.
-
Hal qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen, ka dib markii duufaan sababtay in saqafka sare ee tiyaatarka, uu ku soo dumo dadweyne wax daawanayeymagaalada Illinois ee dalka Mareykanka. Ku dhawaad 260 qof, ayaa ku sugnaa Tiyaatarka Apollo, Belvidere, markii saqafku uu soo dhacay 19:55 wakhtiga maxaliga ah, waaxda dab damiska ee deegaanka, ayaa sidaasi sheegtay. Madaxa dab damiska Shawn Schadle, ayaa sheegay in shan qof ay ku jiraan xaalad halis ah. Duufaano xooggan, ayaa Jimcihii ku dhuftay gobollo badan oo dalka Mareykanka ah, kuwaasoo dilay ugu yaraan saddex qof. Khasaare baaxad leh, ayaa laga soo sheegay qaybo kamid ah Koonfurta iyo Galbeedka – iyadoo gobollada Arkansas iyo Missouri ay ku dhawaaqeen xaalad degdeg ah. Tobanaan kun oo qof, ayay ka tagtay korontadii. Duufaan weyn ayaa ku rogmatay caasimadda gobolka Arkansas ee Little Rock, baabuur rogantay, saqafyo duulay, iyo geedo ksaoo ruqay dhulka. Ugu yaraan 24 qof, ayaa ku dhaawacantay, sida uu sheegay duqa magaalada. Barasaabka gobolka, Sarah Huckabee Sanders, ayaa xaqiijisay dhimashada laba qof oo ka dhacday magaalada Wynne, oo qiyaastii 100 mayl (170km) u jirta Little Rock. In ka badan 40 warbixin oo la xiriira duufaata, ayaa laga sameeyay lix gobol habeenkii Jimcaha, sida ay sheegtay Xarunta Saadaasha Duufaanta ee dowladda Mareykanka. Duulimaadyo dhowr ah oo tagi lahaa garoonka caalamiga ah ee Chicago O’Hare, ayaa dib u dhacay ama la baajiyay, iyadoo rakaabka loo sheegay inay ku hoydaan halka ay joogaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
New York (Caasimada Online) – Madaxa Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP ayaa ka digay in haddii aan la helin balaayiin doollar oo lagu quudiyo malaayiin qof oo baahan ay dunidu 12-ka ilaa 18-ka bilood ee soo socda arki doonto tahriib xad-dhaaf ah, xasillooni-darro ka dhacda dalalka, caruur iyo waayeel gaajoonaya. David Beasley ayaa Mareykanka iyo Jarmalka ku ammaanay in ay kordhiyeen lacagaha ay bixiyeen sanadkii hore, waxaana uu ku boorriyay Shiinaha, dalalka Khaliijka, bilyanneerada, iyo dalalka kaleba in ay iyana kor u qaadaan kaalmada ay bixiyaan. Wareysi uu bixiyay ka hor inta uusan xilka hay’addan ugu weyn ee gargaarka toddobaadka soo socda ku wareejin safiirka Mareykanka Cindy McCain, ayuu guddoomiyihii hore ee gobolka South Carolina ku sheegay in uu “si aad ah uga walwalsan yahay” in WFP aysan heli doonin lacag gaareysa 23 bilyan oo doollar oo ay sanadkan u baahan tahay si loo caawiyo 350 milyan oo qof oo si quus ah ugu baahan raashin kuwaasi oo ku kala nool ilaa 49 dal oo caalamka ah. Waxa uu sheegay in haddii ay u badato ay soo xaroon doonto 40 boqolkiiba lacagtaasi marka loo eego sida ay hadda wax ku socdaan. WFP ayaa qalalaasahan oo kale wajahaysay sanadkii hore, balse nasiib wanaag madaxa WFP ayaa awooday in uu ku qanciyo Mareykanka in uu dhaqaalaha uu bixiyo ka badiyo 3.5 bilyan oo uu gaarsiiyo 7.4 bilyan, halka Jarmalkuna uu ka kordhiyay 350 milyan uuna gaarsiiyay 1.7 bilyan uu doollar, laakin waxa uusan hubin in ay sidaasi mar kale sameyn doonaan sanadkan. Waxa uu sheegay in dalalka kale ay u baahan yihiin in ay kordhiyaan kaalmada, iyadoo Shiinaha oo ah dalka labaad ee dunida ugu dhaqaalaha badan uu sanadkii hore siiyay WFP kaliya 11 milyan oo doollar. Beasley ayaa ku ammaanay Shiinaha guusha uu ka gaaray in uu gaajada si aad ah uga yareeyey gudaha dalkiisa, laakin waxa uu sheegay in sanadkii hore uu Shiinuhu bixiyay wax ka yar 20 senti halkii qof, halka Mareykanka oo ah dalka ugu dhaaqalaha weyn caalamka uu isla sanadkaasi bixiyay lacag dhan 22 doollar qofkii. Beasley ayaa sheegay in Shiinuhu uu “shaqqa aad u muhiim ah ka qabtay quudinta dadkiisa, haddana aan u baahannahay caawimaaddiisa qeybaha kale ee dunida” gaar ahaan dalalka saboolka ah ee Afrika. Agaasimaha guud ee WFP ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha looga baahan yahay in ay mudnaanta siiyaan baahiyaha bini’aadantinimo ee saamaynta ugu wayn ku yeelan doona xasilloonida bulshooyinka caalamka. Waxa uu si gaar ah u tilmaamay dhowr goobood oo ay tahay in mudnaanta la siiyo sida gobolka Saaxil ee Afrika iyo bariga Afrika oo ay ku jiraan Soomaaliya, waqooyiga Kenya, Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya; sidoo kale Suuriya oo saamaysay Urdun iyo Lubnaan; iyo Bartamaha iyo Koonfurta Ameerika oo tirada dadka u soo haajiray Mareykanka ay hadda shan jeer ka badan tahay sidii ay ahaan jirtay sanad iyo bar ka hor. VOA + AP The post Saddex arrin oo dunida ka dhici kara oo laga digay appeared first on Caasimada Online.
-
Wabiga Shabeelle oo inta mara magaalooyin dhaca Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa xilligaan waxaa uu keenay biyo badan, iyadoo la gudo galay xilli-roobaadka Gu’ga, bulshada ayaa muujinaysa walaac badan oo ku aadan inuu geysto fatahaado dhaliya khasaare baahsan. Magaalooyinka Badalweyne, Jowhar, Mahadaay iyo Balcad oo kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa inta badan waxaa ka dhaca fataahaado Wabiga uu ka geysto, taas oo dhalisa in ay ku baaba’aan dhul beereedyo iyo sidoo kale daadad laga cabsi qabo in ay magalooyinkaan ay ku rogmadaan. Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa soo saaray digniin ku aadan cabsida laga qabo Wabiga iyo Fatahaadda uu geysan karo, iyada oo bulshada loogu baaqay in ay ka dignoodaan, waxaana looga digay sidoo kale in ay ka aad uga fogaadaan goobaha Jiinka Wabiga ah, halkaas oo uu ku fatihi karo Wabiga Shabeelle. Magaalada Afgooye ayaa Sidoo kale kamid ah goobaha ay ka jirto cabsida laga qabo in biyaha xowliga ah ee uu soo Rogay Wabiga Shabeelle ay ka geystaan Fatahaado , sida hore uga dhacday dhwr jeer, waxaana xilli Gu’ga ee sanadkaan la sheegayaa in Wabiga uu ka biyo badan yahay sidii lagu arki jiray. Wabiga Shabeelle ayaa inta badan waxaa uusan laheyn biyo xireenno, kuwaas oo xadidi kara biyaha badan ee ka imaanaya Wabiga, waxaa sidoo kale Fatahaadaha loo aaneeyaa in gunta hoose ee Wabiga Shabeelle uu noqday meel qashinka lagu qubo, taas oo sababta inuu qaadi karin xadi biyo badan ah. Sanadihii lasoo Dhaafay Wabiga Shabeelle ayaa Fatahaado sababay khasaaro baahsan oo u geystay bulshada ku dhaqan gobollada Hiiraan Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose uu fatahaad ka geystay, gobolka Hiiraan ayaa marweliba halka ugu badan oo musiibada Fahaaduhu khasaaraha badan ka geystaan. Walaaca laga muujinaayo Wabiga Shabeelle ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Wabiga Jubba uu Fatahaad aad u baahsan ka sameeyay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaas oo fatahaaddu ay geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah, iyadoo laga barakacay Baardheere. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
UNITED NATIONS (AP) — Without billions of dollars more to feed millions of hungry people, the world will see mass migration, destabilized countries, and starving children and adults in the next 12 to 18 months, the head of the Nobel prize-winning U.N. World Food Program warned Friday. Source: Hiiraan Online
-
Wanlaweyn (Caasimada Online) – Wararar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kahsaaraha ka dhashay weerar lagu qaaday guddoomiyaha maamulka degmada Wanlaweyn iyo guddoomiye ku xigeenka Maaliyada ee dagmadaas oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa qaaday maleeshiyaad hubeysan oo kadib goobta ka dhaqaaqay. Maleeshiyaadka ayaa la sheegay in mar qura ay rasaas ooda uga qaadeen labada mas’uul, xilli ay dhex socdeen bartamaha degmada Walnaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale waxaa intaasi kadib dagaal kooban uu dhex-maray ragga weerarka geystay iyo sidoo kale ilaalada la socotay guddoomiyaha Wanlaweyn iyo ku xigeenkiisa maaliyadda. Inta la xaqiijiyay waxaa shaqaaqadan ku dhintay ugu yaraan hal qof, halka ay ku dhaawacmeen labo kale oo ku sugnaa goobta ay wax ka dhaceen. Marxuumka geeriyooday oo dhalinyaro ahaa ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Maxamed Ibraahim (Abow), wuxuuna kamid ahaa dhalinyarada caanka ka ah deegaanka. Ma cadda waxa ay yihiin maleeshiyaadka weerarka geystay iyo sababta ay u beegsadeen mas’uuliyiinta maamulka degmadaasi. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo ka baxay mas’uuliyiinta iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi Wanlaweyn ayaa waxaa inta badan kusoo laa laabta khilaafaad dhanka maamulka ah, waxaana haatan taagan xiisad u dhexeyso guddoomiyaha maamulka degmadaasi iyo ku xigeenkiisa arrimaha bulshada, kaas oo ilaa iyo hadda aan laga gaarin xal rasmi ah. The post Weerar lagu beegsaday mas’uuliyiin oo ka dhacay degmada WANLAWEYN appeared first on Caasimada Online.
-
Warsaxaafadeed “Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa fashiliyey isku day weerar oo ay soo qaadeen kooxaha argagixisada ah iyo huwanta kale ee uu hoggaamiyo maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Dagaalka maanta waxa uu Ciidanka Qaranku JSL ka soo hooyay guullo waawayn. Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar kasta ilaalinaysaa xabbad joojintii ay hore ugu dhawaaqday, Ciidanka Qaranka JSL wuxuu mar kasta ka dhawrsanayaa dhibaato soo gaadha Magaalada Laascaanood. Ciidanka Somaliland, isaga oo dhaaddan xurmada bisha barkaysan ee Rabadaan, wuxuu hadana cid walba xasuusinayaa inuu u taagan yahay ilaalinta dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Soomaaliland. Wasaaradda Gaashaan-dhiga JSL” Dhanka kale xukuumada ayaa soo bandhigtay maxaabiis uu ku jiro xildhibaan Farxaan Dalmar oo ka tirsan baarlamaanka Puntland. Source
