Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta howlgallo amniga lagu xaqiijinaayo waxaa ka wada dhulka miyiga ah ee dhaca hareeraha deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud oo maalin ka hor laga saaray dagaalamayaasha Al-shabaab. Taliyaha guutada 4-aad, qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Kornayl Saney Cabdulle ayaa shacabka deegaankaas ka xog-wareystay xaaladooda, isagoo ka balan-qaaday in ciidanku ay sii xajisa doonaan gacan ku heynta deegaannada ay ciidanku la wareegeen. Taliyaha ayaa shacabka ka dalbaday inay ciidanka la shaqeeyaan ciidanka, isagoo kula dardaarmay inay iska saaraan hadii ay ku jirto cabsi ay ka qabaan inay deegaanka dib ugu soo laabtaan Al-shabaab, waxaana uu sheegay in ciidanku ay ku sugnaan doonaan deegaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Ciidamada dowladda federalka oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ayaa dagaalamayaasha Al-shabaab kala wareegay deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud oo hore uga soo baxeen ciidanka horaantii sanadkaan 2022 Kadib markii howlgalka uu soo idlaaday ayaa waxaa gaaray deegaanka xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federalka, iyagoo bulshada deegaanka u sheegay in ciidanka dowladda aysan dib uga laaban doonin Galcad. Ciidanka dowladda oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ayaa Galcad hore uga baxay, kadib weerar ka dhacay oo lagu dilay taliye ku-xigeenkii ciidanka Danab, waxaana markaan ay noqonaysaa markii labaad ay galaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaq-dhaqaaqyo ciidan ayaa ka bilowday gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Ciidanka dowladda federaalka ayaa Al-Shabaab ka saaray deegaano horleh oo ka tirsan gobolka Galgaduud. Bartilmaameedka ugu weyn ee ciidanka dowladda waa qabsashada degmada Ceelbuur oo ah xudunta ugu weyn ee Al-Shabaab-ku xilligaan ku leeyihiin gobollada dhexe ee Soomaaliya. Deegaanka caanka ah ee Budbud iyo tuulooyin kale ayaa laga saaray gacanta kooxda maalmihii lasoo dhaafay, laakiin gulufkan cinwaankiisa ugu weyn waa Ceelbuur. Al-Shabaab waxaa la sheegay inay isku aruursatay Ceelbuur, waxaana kooxda u bilaabatay dood ku saabsan in Ceelbuur ku dagaalamaan iyo inay ka baxaan. Wararka gudaha Al-Shabaab laga soo dusiyay waxay sheegayaan in xubnaha deegaanada kale kasoo jeeda qaar ku doodayaan in Ceelbuur lagu dagaalamo, halka kuwa deegaankaasi ka soo jeeda ay xooggooda qabaan in la baneeyo magaalada oo xeelad kale laga fikiro. Kooxda Al-Shabaab ayaa halkan ka talineysay tobankii sano ee udambeysay. Kooxda ayaa dagaal la’aan iskaga baxday magaalooyin badan dhowrkii billood ee lasoo dhaafay, waxaana dad badan u laqmi’la sababta ay qaarkood u rabaan in magaaladan u gubaan oo dagaal u galiyaan. Khilaaf ayaa lasoo wariyay inuu ku dhamaaday kulankii ay kooxdu rabtay inay go’aan uga gaarto sida laga yeelayo magaalada Ceelbuur, oo ay ciidanka dowladda dhowr jiho kaga soo socdaan. Al-Shabaab ayaa miinooyin badan galisay jihooyinka ay fileyso in laga soo weerari doono Ceelbuur, halka ciidanka dowladda ay maalmahan ku mashquulsan yihiin inay miinooyinkaas bixiyaan. Dib u dhac weyn ayay la kulantay degmada taariikhiga ah ee Ceelbuur tobankii sano ee ugu dambeysay oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab. Xilligaan waa bartilmaameedka ugu weyn wejiga labaad ee dagaalka ay dowladda Soomaaliya ku wajaheyso gobollada dhexe ee dalka. Dadka ku dhaqan degmada Ceelbuur iyo deegaanada ku teedsan ee aan kooxda qeybta ka aheyn, balse marhore khiyaarkii laga qaaday waxay rajeynayaan in kooxdu dagaal la’aan ka bixi doonto degmada Ceelbuur. Waxa kale oo niyad-jabineysa Al-Shabaab guuxa dadka deegaanka oo la sheegay inay ka gaabsadeen in kooxda la fal-galaan waayahan dambe ama siiyaan ballan-qaad ah in dagaalka ay la gali doonaan. Sidoo kale, beelaha deegaanka qaarkood iyo kooxda Al-Shabaab ayaa la xaqiijiyay in cilaaqaadkooda uu maalmihii dambe xumaaday kadib markii ay kooxda si xun ula dhaqantay odayaashii deegaanka. The post Ceelbuur oo dood xooggan ka dhex abuurtay Al-Shabab appeared first on Caasimada Online.
  4. Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa Somaliland ka dalbaday in ay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah ku joojiso dagaalka Laascaanood. Bayaan ka soo baxay Midowga Yurub ayaa hoosta ka xarriiqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda Laascaanood, islamarkaana ciidamada loo kala qaado goobo lagu heshiiyey. ” Saaxiibada ayaa carrabka ku adkeeyay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda, ciidamadana loo kala qaado goobo lagu heshiiyey” ayaa lagu yiri bayaankaas. Bayaanka ayaa intaas ku daray in saaxiibada caalamka ay ku celiyeen muhiimadda xaqiijinta marinada gargaarka bani’aadannimo iyo gaarsiinta caawimaadda ee kuwa u baahan. Saaxiibada bayaanka soo saaray ayaa ka kooban Belgium, Canada, Denmark, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Sweden, Türkiye, UK iyo Mareykanka. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo Somaliland ka dalbatay in ay si deg deg ah oo shuruud la’aana ku joojiso dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa magaalada Muqdisho maanta ku kala saxiixday heshiis cusub oo is-afgarad. Heshiiskan oo ku saabsan mashruuc caafimaad oo lagu horumarinayo adeega caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka ayaa waxaa kala saxiixday wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo Sii-hayaha safiirka safaaradda UM ee Muqdisho Lottie Burrows. Mashruuca Better Lives oo ay fulin doonto UNICEF ayaa waxa uu socon doona muddo saddex sano ah, waxaana laga fulin doonaa sida qorshuhu yahay maamul-goboleedyada Jubbaland, Galmudug iyo gobolka Banaadir. Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada Dr Cali Xaaji Aadan oo munaasibadda ka hadlay ayaa Boqortooyada Ingiriiska uga mahad-celiyay taageerada ay mar walba u muujiyaan dadka Soomaaliyeed. Wasiir Dr. Cali Xaaji ayaa sidoo kale waxa uu xusay in mashruucan uu maanta qalinka ku duugay uu ka qeyb qaadan doono yareynta dhimashada Hooyada iyo dhallaanka. Sii-hayaha safiirka safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya Lottie Burrows ayaa dhankeeda sheegtay in heshiiskan uu muhiim u yahay nidaamka caafimaad ee Soomaaliya. Sidoo kale waxay sheegtay in heshiiskan ku qotoma mashruuc caafimaad ee lagu horumarinayo adeega caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka uu qeyb weyn ka qaadan doono dadaallada ay Wasaaraddu ugu jirto Horumarinta adeegyada Caafimaadka ee dalka. The post Sawirro: Soomaaliya iyo UK oo heshiis cusub saxiixday appeared first on Caasimada Online.
  6. Mogadishu (HOL) - International partners of Somalia have expressed grave concern over the ongoing violence and conflict in Las Anod, which has now entered its tenth week. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa digniin kama dambeys ah kasoo saartay gaadiidka dowladda ee weli ku maqan gacanta madaxda dowladda iyo siyaasiyiinta kale. Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa soo saaray warqad wargelin ah oo ku farayo in madaxda iyo siyaasiyiinta aan illaa iyo hadda dib isaga soo celin gaadiidka ee ku maqan ay si deg deg ah ugu wareejiyaan hay’addaha dowladda ee asal ahaan leh gaadiidkaas. Hantidhawrka ayaa waxa uu sheegay in maalinta berri ah ay ku egtahay mudadii loo qabtay in masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta kale ee weli ku maqan yihiin gaadiidka dowladda inay kusoo celiyaan, wixii intaas ka dambeeyana ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan. “Xafiiska Hantidhawrka Guud waxa uu ku wargelinaya madaxda iyo siyaasiyiinta kale in muddada xafiiska uu u qabtay dib usoo celinta gaadiidka dowladda oo aheyd 15 maalmood ay ku egtahay 18/04/2023. Sidaas darteed, waxaa lagu wargelinayaa cid walba oo gacanta ku haysa gaadiid dowladeed ee aan dib ugu celin hay’addaha asal ahaan u leh milkiyadda gaadiidkaas in wixii waqtigaas loo qabtay ka dambeeya laga qaadayo tallaabo sharci ah.” Sidoo kale waxa uu xafiiska hantidhawrka guud u mahad-celiyay madaxda iyo siyaasiyiinta dib isaga soo celiyay gaadiidka dowladda ee ay gacanta ku hayeen, iyaga oo fulinaya wargelintii hore uga soo baxday xafiiska, ee ku saabsaneyd dib u soo celinta iyo diiwaan-gelinta gaadiidka dowladda. Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa 6-dii March soo saaray awaamiir uu hay’addaha dowladda federaalka ku farayo in ay diiwaan-geliyaan hantida dowladda ee gacantooda ku jirta muddo soddan cisho gudahood ah. Hantidhawrka Guud ayaa xilligaasi ka digay in hantida guurtada iyo ma-guurtada ee dowladda uusan jirin shakhsi ama cid shakhsiyad qaanuuneed leh oo si gaar ah u yeelan karta, xataa bixin karta ama iibin karta, islamarkaana hantida Qaranka aan loo isticmaali karin wax ka baxsan danta guud. “Hay’addaha dowladda waa in dhamaan hantida guurtada iyo ma-guurtada ay hay’ad kasta ku darto liiska hantida, iyada oo hantidaas lagu diiwaan-gelinayo magaca hay’ad kasta,” ayaa lagu yiri qoraalka xafiiska Hantidhawrka Guud. The post DF oo digniin kama dambeys ah u dirtay madaxda iyo siyaasiyiinta + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  8. HARGEISA, Caasimada Online) – A group of 15 International Partners held a joint call with the President of Somaliland, Muse Bihi Abdi, on April 15, 2023, to discuss the ongoing conflict in LasAnod and the delays in Somaliland elections. The group make up Belgium, Canada, Denmark, European Union, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Sweden, Türkiye, United Kingdom, and the United States of America. The conflict between security forces and clan fighters in LasAnod has resulted in more than 200 deaths within a month. The fighting, which began on February 6, has caused significant damage to infrastructure and homes. The mayor of LasAnod, Abdirahim Ali Ismail, reported that “210 civilians were killed, and 680 others were wounded” in the clashes. The conflict was triggered by the assassination of Abdifatah Abdullahi Abdi (Hadrawi), the local chairman of Wadani, Somaliland’s opposition party, and the subsequent murder of local entrepreneur Mohamed Ali Saadle. The conflict triggers On February 5, local leaders, clan elders, and notable figures convened in LasAnod to discuss resolving the conflict. They issued a 13-point declaration reinstating the rule of the SSC-Khatumo regions, denouncing Somaliland as a separatist state, and reaffirming their commitment to being part of federal Somalia. They also urged Somaliland authorities to withdraw their soldiers from the area. This declaration led to violent clashes, with both sides accusing the other of aggression. Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has not been recognized internationally. The unresolved status has further complicated the situation in the region as various parties continue to vie for power and influence. LasAnod, which straddles a key trade route, is claimed by both Somaliland and neighboring Puntland, a semi-autonomous state of northeastern Somalia. The ongoing conflict over this strategic location has intensified tensions between the two sides, further complicating prospects for a peaceful resolution. International partners’ concerns The partners voiced their grave concerns regarding the continued violence in LasAnod, now in its tenth week, and its severe impact on the population. One representative stated, “There must be an immediate and unconditional cessation of hostilities and separation of forces to agreed locations.” The group also emphasized the importance of ensuring humanitarian access and delivering assistance to those in need. Despite repeated public commitments to a ceasefire and dialogue from the main parties involved in the conflict, these commitments have yet to be implemented. The international partners called for “flexibility and a willingness to compromise” to allow space for dialogue. They offered their support in identifying paths towards sustainable peace, including facilitating such dialogue. Somaliland elections In addition to addressing the conflict, the partners stressed the importance of urgent progress on elections in Somaliland. They invited President Abdi to publish a roadmap for elections and clarify the sequencing and timing of elections to enable technical preparations. The partners appreciated President Abdi’s assurances that he is willing to pursue peace and dialogue and allow for unhindered humanitarian access to LasAnod. However, they expressed disappointment in his lack of commitment to withdrawing Somaliland forces centered around the area. The international community will closely monitor the situation in LasAnod and the progress of Somaliland’s elections, hoping for a swift resolution and a return to the democratic process. Partners welcomed the efforts and initiatives by local and regional actors to secure a ceasefire and facilitate a dialogue. They expressed hope that the security and well-being of the population would be put at the center of all political decisions. The ongoing conflict and delayed elections seriously impact the international community’s engagement with Somaliland. The partners urged President Abdi and other involved parties to take tangible steps to ensure elections occur as soon as possible. They reiterated their commitment to supporting a peaceful resolution to the conflict. The post Somaliland president, partners discuss crisis appeared first on Caasimada Online.
  9. Statement by 15 international partners, including the UK. We call on Somaliland President @musebiihi 2 ensure there is an immediate and unconditional cessation of hostilities, & separation of forces to agreed locations in Las Anod.https://t.co/pGxLvAGiVz — UK in Somalia (@UKinSomalia) April 17, 2023 Qaran News
  10. Dalalka Midowga Yurub & Mareykanka ayaa war cusub ka soo saarey doorashooyinka Somaliland iyo dagaalka Laascaanood . Waxay ka war bixiyeen kulan ay dhawaan madaxweyne Biixi kula yeesheen khadka Internet-ka 1. Waa in Madaxweyne Biixi uu si deg deg ah ugu dhawaaqo jadwalka Doorashooyinka oo ay raali iskaga yihiin dhinacyada ay khuseyso si loo helo diyaar garow farsamo 2. In ciidamada ku dagaalamaya Laascaanood la kala durkiyo oo la geeyo goob heshiis lagu yahay Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dalbaday madaxda dalalka urur goboleedka IGAD inay qaataan mowqif adag oo la xiriira dagaalka maalintii saddexaad ka socda dalka Suudaan. Xasan oo shalay ka qeyb-galay wada-hadallo deg-deg ah oo ay yeesheen madaxda dalalka urur goboleedka IGAD, ayaa waxa uu ka sheegay in Soomaaliya ay codkeeda heer gobol iyo heer qaaradeedba ku garab istaagi doonto nabadda, midnimada iyo dowladnimada Suudaan. “Xaaladdu (Sudan) waa mid cakiran oo xilli kasta isbedeli karta, fara-gelin deg-deg ah oo lagu soo celinayo xasilloonida iyo amniga waa inay noqota mudnaanteena koowaad,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. “Dawladda Soomaaliya, iyadoo aad uga wal-walsan xaaladda isa soo taraysa ee Sudan, waxay si dhab ah u rumeysan tahay in ay jirto fursad xaaladda sidii caadiga ahayd loogu soo celin karo haddii si togan oo bartilmaameed leh ay dhinacyada ku lugta leh xaaladda Sudan u falan-qeeyaan baahida nabadeed ee ay Sudan qabto.” Shirka IGAD oo ahaa mid Madaxdu ay ku yeesheen habka fogaan aragga ah ayaa waxay madaxdu iskugu raacday in si deg-deg loogu diro dalka Suudaan wafdi ka shaqeeya joojinta colaadda kasoo cusboonatay dalkaasi. Wafdigan ayaa sidoo kale ka shaqeyn doona billaabidda wada-hadallo lagu dhammeynayo caqabadaha jira, si loo celiyo nabadda iyo xasilloonida dalka Suudaan. Dagaal sokeeye ayaa ka qarxay dalka Suudaan, ayada oo madaafiicda culus ay labada dhinac isku weydaarsanayaa Khartuum iyo magaalo kale oo lagu magacaabo Omdurman. Ku dhawaad 100 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen iska hor-imaadka culus ee ka socda dalkaas, una dhaxeeya ciidamada Sudan iyo ciidamada RSF ah, kaas oo ka dhacay caasimadda Suudan ee Khartoum, kuna sii fidaya magaalooyin kale oo horleh. Labada dhinac ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan xarumo muhiim ah oo ku yaalla caasimadda Khartoum, sida garoonka diyaaradaha. Diyaaradaha milateriga ayaa duqeeyay xarumo ay ku sugan yihiin xooggaga la dagaallamaya. Dagaalka Sudan ayaa bilowday xilli aan laga fileyn oo dadka ay si caadi ah u wataan hawl-maalmeedkooda. Si kastaba, waxaa isa-soo taraya baaqyada nabadeed ee lagu dalbanayo in la dejiyo xiisadda dagaal ee ka aloosan gudaha dalka Sudan, taasi oo gashay maalintii saddexaad oo xiriir ah. The post Madaxweyne Xasan oo madaxda IGAD ka dalbaday mowqif adag oo ku aadan… appeared first on Caasimada Online.
  12. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo muddooyinkii danbe safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa maanta dib ugu laabtay Garoowe. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar ugu maqnaa dalalka Ethiopia, Kenya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta, ayaa soo dhawayn loogu sameeyay Garoowe. Madaxweynaha Puntland waxaa kusoo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda Puntland ee Garoowe General Maxamed Abshir, Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Karaash iyo Masuuliyiinta kala duwan oo ka tirsan Goleyaasha dowladda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo maanta dib ugu laabtay Garoowe appeared first on Puntland Post.
  13. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa kulan la qaatay Kauko Aaitoma madaxa Bari Afrika ee EUCAP Mission, kaasoo dhowaan la soo magcaabay. Kulankan ayaa ku saabsana wada shaqaynta ka dhexaysa Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL iyo EUCAP, iyadoo EUCAP si toosa ula shaqayso Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo hoos yimaada Wasaaradda Arimaha Gudaha. Kulankan ayaa ahaa isbarasho Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Madaxa Bariga Afrika ee EUCAP Mission. Waxaa kale oo kulankan lagaga wadahadlay xoojinta wada shaqaynta Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Xafiiska EUCAP Mission, gaar ahaana taageerada Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo ilaaliya badda Jamhuuriyadda Somaliland oo aad u dheer, iyadoo Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland ay ku guulaysteen ammaanka Badda dheer ee Somaliland. Kulankan Wasiirka waxaa ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Admiral Axmed Hurre Haariye iyo Masuuliin kale oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha Gudaha. Dhinaca kale Madaxa Bari Afrika ee EUCAP Mission waxaa kulankan ku wehelinayey 1. Kenneth NEIJNESS Madaxa Xafiiska EUCAP Somaliland 2. Mahad Ahmed Xidhiidhiyaha EUCAP iyo Somaliland 3. Mohamed Ibrahim Latiyaha Siyaasad ee EUCAP. Source
  14. Waxa dalka Suudaan maalintii saddexaad ka socda dagaalkii oo u dhexeeyay ciidanka mileteriga dalkaasi iyo ka ciidamada birmadka magacooda loo sio gaabiyo RSF. Dagaalkan u dhaxeeya labada ciidan ayaa lasoo sheegayaa inuu ku fiday magaalooyin hor leh. Dad ka badan 100 qof ayaa ku qudh baxay dagaalkan maalintii saddexaad galay waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan. Qaybo badan oo ka mida magaalada caasimadda ah ee Khartuum waxa ka maqan adeegyadii Korontada iyo biyaha, sidoo kale waxa joogsaday diyaaradihi halkaas ka degi jirey iyo duulimaayadii adeegsan jirey hawada waddankaasi. Ciidamada dirirtu ku dhex marayso dalkani ayaan ilaa hadda dheg u dhigin baaqyada caalamiga ah ee ku aaddan sidii wadahadal loogu dhamayn lahaa colaaddan sii baahaysa. Source
  15. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shuruudo horleh ku xiray dalab uga yimid wakiiladda beesha caalamka, kaasi oo ku qotoma in ciidamada Somaliland ka baxaan guud ahaan gobolka Sool. Muuse Biixi ayaa maalin kahor kulan xasaasi ah oo habka fogaan arag ah la qaatay safiiro, safiir ku-xigeeno iyo diblumaasiyiin kala duwan oo dalalka Yurub u badan, kuwaasi oo kala hadlay colaadda sii daba-dheeraaneysa ee ka taagan magaalada Laascaanood. Madaxweynaha Somaliland ayaa dalabka ay u jeediyeen wakiiladda caalamka waxa uu dhaqan-galkooda ku xiray in maamulka Puntland uu magaalada Laascaanood kala baxo ciidanka, hubka iyo taangiyada, kuwaasi oo kusoo daabulay tan iyo markii uu billowday dagaalka, sida ay baahisay Madaxtooyada Somaliland. “Maamulka Puntland iyaga oo caadifad qabiil ku beer laxawsanaya ayay ku dhex-milmeen shacbigii reer Somaliland ee Laascaanood,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Waxa kale oo uu ku dooday in ciidamadiisa ay inta badan is-difaac ku jireen, ayna weerar ku qaadin magaalada iyaga oo ilaalinaya shacabka aan waxba galabsan, “Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland illaa maanta wax weerar ah kuma qaadin magaalada Laascaanood.” Muuse Biixi ayaa waxa uu sheegay in marka uu maamulka Puntland uu ka baxo xadka Somaliland ee ay isku soo hadhaan xukuumadda Somaliland iyo shacabka reer Laascaanood ay ka xukuumad ahaan diyaar u tahay inay wada-hadlaan iyo waxkasta oo xal ah. “Madaxweynuhu waxa uu ku wargeliyey Safiirrada in ciidamada maamul-gobolleedka Puntland ee Soomaaliya ee Laascaanood soo buux dhaafiyey ay ujeedadoodu tahay inay jeexaan xuduud qabyaaladeed saamayn-doona waddamo kale oo ka mida Afrika,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland, oo ku saabsana kulanka wakiiladda caalamka iyo madaxweyne Biixi. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay inay difaacdo dalkeeda iyo xuduudihiisa, sida waddamada kale ee Adduunka ay waajibka ugu tahay inay difaacdaan xuduudahooda, sida uu hadalka u dhigay. Si kastaba, Dagaalka magaalada Laascaanood ayaa galay bishii saddexaad, waxaana gebi ahaanba burburay waan-waan iyo dhex-dhexaadin lagu rabay in xal looga gaaro xiisadda dagaal ee halkaasi ka taagan, waxaana weli duleedka magaalada isku horfadhiya ciidamada labada dhinac. The post Muuse Biixi oo shuruud yaab leh ku xiray dalab culus oo beesha caalamka uga yimid appeared first on Caasimada Online.
  16. April 16 (Reuters) - At least four people were killed and 28 wounded in a shooting that erupted during a late-night "Sweet 16" birthday celebration at a dance studio in the small town of Dadeville, Alabama, state police and local news media said on Sunday. Source: Hiiraan Online
  17. INNAA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL Aadam Xaaji Cali Axmed, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehellada, qaraabada, culimo-awdiinka, aqoonyahanka, asxaabta iyo Shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay, AHN Wasiirkii hore ee Wasaaaradda Diinta iyo Aw-qaafta JSL, marxuum Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed, oo xalay 16/04/2023-ka ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyay Sheekh caalim ah oo wakhtigiisii intii ugu badnayd Diinta galiyay isla markaana kamid ah, culimada waaweyn ee casrigan soo gaadhay, kaasi oo ay ka aflaxeen culimo badan oo kamid ah Bulshada Soomaalida, kuwaasi oo ku kala sugan deegaanada Soomaalida isla markaana cilmigii xambaaray oo dadka sii bara. Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Ilaahay uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehellada, qaraabada, culimo-awdiinka, aqoonyahanka, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo. AAMIIN AAMIIN AAMIIN Qaran News
  18. KHARTOUM (Caasimada Online) – Khartoum, Sudan’s capital, experienced intense explosions and gunfire on Monday as the struggle between the national army and paramilitary forces, led by opposing generals, entered its third day. The death toll has now exceeded 100, marking unparalleled hostilities in the nation’s heart. Sudanese analyst Kholood Khair stated, “Never before in Sudan’s history, particularly since gaining independence, has such extreme violence occurred in the center of the capital.” The strife stems from an ongoing power struggle between Sudan’s army chief Abdel Fattah al-Burhan and his deputy, Mohamed Hamdan Daglo, who leads the influential paramilitary Rapid Support Forces (RSF). The two generals, who took control in a 2021 coup, have been at odds over the RSF’s proposed integration into the regular army – a crucial requirement for a conclusive agreement to resolve the crisis following the coup. Worsening humanitarian conditions The escalating hostilities have forced Sudanese civilians to seek refuge in their homes, with many concerned that a protracted conflict could plunge the country into further chaos and hinder the return to civilian governance. The World Health Organization cautioned that multiple hospitals in Khartoum currently treating injured civilians “have run out of blood, transfusion equipment, intravenous fluids, and other essential supplies.” UN Special Representative Volker Perthes, who is in Khartoum, expressed dismay over both sides’ failure to adhere to a humanitarian pause. The Central Committee of Sudan Doctors, a pro-democracy group, reported dozens of security force fatalities and approximately 942 injuries. Despite widespread appeals for a ceasefire and safe ambulance corridors, the streets remain too hazardous for transporting the injured to hospitals. International calls for ceasefire ignored Global leaders and organizations, including the African Union, Arab League, and East African Bloc IGAD, have been vocal in their demands for an immediate ceasefire. UN Secretary-General Antonio Guterres warned that intensifying hostilities would “further exacerbate the already fragile humanitarian situation.” At the same time, US Secretary of State Antony Blinken urged the feuding generals to agree on an “immediate cessation of violence” and initiate negotiations. However, both generals have shown no willingness to engage in dialogue, with each labeling the other as a “criminal.” Each side blames the other for instigating the conflict and claims control of essential sites, such as the airport and presidential palace. However, these assertions cannot be independently verified. The ongoing violence has significantly impacted crucial aid efforts in Sudan. Three UN staff members from the World Food Programme lost their lives in fighting in the western region of Darfur, prompting a “temporary halt” to all operations in a country where one-third of the population requires assistance. In Khartoum, power outages have affected large areas, and the few remaining open grocery stores have warned that they will only last a few days if supplies cannot reach the city. From coup to widespread conflict The 2021 coup, orchestrated by the generals, disrupted the transition to civilian rule following the 2019 removal of former autocratic president Omar al-Bashir. The RSF, under Daglo’s command, was established under al-Bashir in 2013, evolving from the Janjaweed militia that the government deployed against non-Arab ethnic minorities in Darfur, leading to accusations of war crimes. The coup resulted in international aid cuts and sparked frequent protests met with lethal force. General Burhan, who ascended the ranks under al-Bashir’s three-decade rule, justified the coup as “necessary” to involve more factions in the political process. Conversely, General Daglo later described the coup as a “mistake” that failed to effect change and inadvertently revitalized remnants of al-Bashir’s regime, which the army overthrew in 2019 following mass demonstrations. As tensions between the rival generals intensify, fighting has also flared up in other areas of Sudan, including the western Darfur region and the eastern border state of Kassala. Analyst Kholood Khair pointed out that the RSF forces had “strategically” established bases in “densely populated areas” as a deterrent to potential conflicts, knowing that the high civilian toll would be a significant factor. “However, it is now evident that their relentless pursuit of total domination has caused them to disregard civilian protection,” Khair added. Sudan’s future remains uncertain With no resolution in sight for the violent power struggle between the two generals, Sudan’s future appears increasingly uncertain. The ongoing conflict threatens to derail progress toward a stable, civilian-led government and exacerbate a precarious humanitarian situation. The international community’s calls for an immediate ceasefire and dialogue between the warring parties have been ignored, leaving Sudanese civilians trapped in the crossfire and fearing for their lives. In a country with a long history of brutal civil wars, coups, and uprisings, the current violence in Khartoum is a stark reminder of the challenges ahead for Sudan. As the conflict between al-Burhan and Daglo escalates, the prospects for peace and stability seem increasingly remote. The humanitarian crisis continues to worsen, prompting urgent calls for action from the international community. The post Khartoum chaos: Over 100 dead amid rival generals’ strife appeared first on Caasimada Online.
  19. Kismaayo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday madaafiic oo ay maanta xubno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa jawaab ka bixiyay ciidamada Jubbaland oo ku sugnaa sladhigga la weeraray, kuwaas oo iyaguna madaafiic xoogan riday. Dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacday saldhigga, halka kuwa kalena ay ku hoobteen xaafado ay dagan yihiin shacab. Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaaca ka qaaday in khasaare ay ku gaarsiisay dhismaha xerada iyo ciidankii ku sugnaa, sida ay hadalka u dhigtay. Dhinaca kale saraakiil u hadashay dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen, isla-markaana ay ka hortgeen xubnaha Shabaab ee soo weeraray. Sidoo kale waxa ay tilmaamay in haatan ay wadaan howlgallo ay ku baacsanayaan raggii weerarka soo qaaday oo goobta isaga baxsaday. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaalada xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay sare u qaaday weerarada ku beegsaneyso saldhigyada ciidamada huwanta ee howlgallada ka wada gobollada dalka. Weerarkan cusub ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Jubbooyinka uu ka socdo diyaar garow ku aadan wajiga labaad ee dagaalka Shabaab oo ka bilaabanaya gobolladaasi The post Al-Shabaab oo madaafiic xooggan ku garaacday saldhigga Baarsanguuni appeared first on Caasimada Online.
  20. Las Anod (HOL) - The SSC-Khatumo's traditional elders have accused Somaliland of spreading misleading reports to the world and the Somali community. The latest accusation comes one day after President Muse Bihi met with Western ambassadors in a video conference. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho iyo howlgallada ay wadaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Yabooh ayaa boggaadiyay howlgallada haatan ka socda caasimada, wuxuuna tilmaamay inay keeneen isbeddal weyn oo haatan muuqdo. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la kordhiyo howlgalladaas, si caasimada Muqdisho looga dhigo goob ka caagan falalka amni darrada ah. Waxa kale oo uu ku dhiirrageliyay ciidamada ammaanka in ay laba laabaan shaqada adag ay hayaan, isla-markaana ay u turaan shacabka. Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diray shacabka, wuxuuna ugu baaqay inay l shaqeeyaan ciidamada ammaanka iyo horumarka caasimada. “Amni marka la yiraahdo, marka dadka wax soo dhacay ama kuwa wax dilay si fudud ayaa loosoo qaban karaa, Adduunyadu meelaha ay ka kobocday waxaa kamid ah Caasimadaha, in la qurxiyo waxa ay ku imaan kartaa in Dadka loo shaqeynayo ay noqdaan kuwo u nugul oo fahmi kar” ayuu yiri Guddoomiye Yabooh. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo culus oo lagu sugayo amniga, kuwaas oo sameynayaan ciidamada ammaanka oo fulinaya qorshaha dowladda. Isbeddalkan ayaaa yimid, kadib markii ciidamo Boolis Milataaro ah oo lagu soo tababaray dalka Uganda lagu wareejiyay inta badan baraha koontarool ee ku yaalla caasimada. Si kastaba, ujeedka ayaa ah sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-Shabaab, sidoo kalena loo soo afjari lahaa kooxaha burcadda iyo kuwa ciyaal-weerada ee dhibaatada ka wada xaafadaha magaalada Muqdisho. The post Howlgallada Muqdisho ka socda oo isbeddal keenay appeared first on Caasimada Online.
  22. Ciidamda dowladda federalka oo garab ka helaya kuwa deegaanka ayaa Todobaadkii labaad oo xiriir ah waxaa ay howlgallo ka wadaan deegaannada u dhaxeeya magaalooyinka Baladweyne iyo Buulo Burde ee gobolka Hiiraan, howlgalkaan ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Saraakiil kale. Howlgalka ayaa guddoomiyaha gobolka waxaa ku wehinaya saraakiil ciidan oo ay kamidyihiin Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay Taliyaha qeybta 27-aad ee Janeraal Tawane Axmed Maxamed iyo Mas’uuliyiin kale, kuwaas oo qeyb ka ah howlgallada dib uga bilowday gobolka Hiiraan. Howlgalkaan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah cutubyo ka tirsan Kumaandooska Gorgor ee guutada 5-aad qeybta 27-aad guutada iyo Danab, guddoomiyaha ayaa sheegay in howlgalkaan ay ku gaareen deegaanno hor leh oo u dhaxeeya labada magaalo, kuwaas oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab ayna sii wadi doonaan. Ciidamadaan oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay howlgallo ka waday deegaanno dhowr ah oo dhaca Koonfurta magaalada Baledweyne, isalamrkaana ay fariisimo ka sameyteen deegaanada kala ah: Baardheere, Beerxaano, Burdaar, Ceel lahela iyo Nuur Fanax. Ciidamada iskaashanaya ayaa lasoo warinaya in haatan ay qarka u saaran yihiin la wareegista deegaanka Booco oo dhaca dhinaca Koonfureed ee jiinka wabiga Shabeelle, waxaana deegaankaan uu ka mid ahaa deegaannadii ugu muhiim sanaa ee Al-Shabaab laga saaray, iyadoo ay ciidanka dowladdu ay dib uga soo laabteen markale. Ciidamada howlgalka ka wada deegaannada dhaca Koonfurta magaalada Baladweyne ayaa waxaa sidoo kale lasoo warinayaa in ay taageerayaan diyaaradaha dagaalka, kuwaas oo duqeymo ka geysanaya goobaha ay Al-shabaabku ay sugan yihiin, howlgalladaan ayaa qeyb ka ah wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shababa ee soconaya. Gobollada Hiiraan, Galgaduud Shabeellaha dhexe iyo qeybo kamid ah Koonfurta gobolka Mudug ayaa waxaa si isku mid ah uga soconaya howlgallo ay wadaan ciidanka dowladda oo taageero ka helaya kuwa deegaanka oo ku wajahan deegaannada ay Al-shabaabku kaga sugan yihiin goboolladaan, iyadoo lagu jiro wajiga labaad ee dagaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com