Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday qiimaha xajka sannadka, $4,484.539 doollar, waa kan ugu qaalisan Geeska Afrika. Dadka waxa la dejinayaa guryo ilaa 7KM u jira Xaramka taasi oo ah masaafo ka durugsan marka loo eego sannadihii hore. Qaran News
  2. Madaxweynaha Kenya ayaa shaaca ka qaadey in uu bilaabayo in uu ciidamadiisa kala baxo Soomaaliya sannadka soo socda. Ciidamada Kenya ayaa sugan inta badan Jubbaland. Qaran News
  3. I learned Musa is pressuring Hassan Sh. to hold meeting with him (One-to-one). He is playing with fire! If SL Somalia talks ever would resume it can only resume after free and fair Presidential elections and should be guided by legally elected President who enjoys legitimacy — Faysal Ali Warabe (@FaisalAliWarabe) May 2, 2023 Qaran News
  4. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqay in xujeyda Soomaaliyeed loo baajiyey lacag ka badan 8 Milyan oo dollar sanadkan, kaddib markii meesha laga saaray musuq maasuqii ka jiray adeegga Xajka, hoosna loo dhigay qiimaha. Mudane, Xamse Cabdi Barre ayaa arrintan kaga dhawaqey qiimaha Xajka sanadkan 1444/2023 munaasabad ka dhacdey Xarunta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee magaalada Muqdisho, kaasi oo laga dhigay 4,484.539 Dollar. Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku sharfey inuu asaga si rasmi ugu dhawaaqo qiimaha xajka ee sanadkan iyo shirkadda diyaaradaha ee ku guuleysatey daabulka xujeyda Soomaaliyeed. Iyadoo munaasabadaasi ay goob joog ka ahaayeen, xubno ka socdey Guddiga Awqaafta iyo Cadaalada BFS, Wakiilada xamladaha shirkadaha adeega xajka iyo qaar kamid ah xubnaha guddiga adeega xajka ee Wasaaradda. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xamse oo ku dhawaaqay qiimaha Xajka ee sannadkan appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Jeneral Maxamed Tahliil Biixi ayaa faah-faahin ka bixiyay howl-gal qorsheysan oo ciidamada dowladda ay ka fuliyeen agagaarka degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug, kaasi oo lagu laayay Shabaab badan. Jeneral Biixi ayaa waxa uu sheegay in howl-galkan uu yimid kadib markii ay heleen xog lagu kalsoon yahay, ayna fuliyeen ciidamo si gaar ah loogu soo xulay howl-galkaan, kaasi oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda oo xilligaasi doon kala soo degay hub iyo agab kale oo ubadan waxlaha qarxa. “Waxaa halkaasi loo qorsheeyay ciidan naftood hurayaal ah, xogtana waxaan ka helnay rag aan ku leenahay cadowga gudihiisa. 140 jirkaan oo kiimakada walxaha qarxo lagu sameeyo ah ayaa laga soo dejiyay doontaas, waxaana lasoo saaray baabuur oo waxaa korka ka fuulay ciidan 50 nin kor u dhaafaya, baabuur qooqana oo cusub oo isagana bacdiisa ah oo la socotay 9 qof.” Waxa uu sheegay in ciidamada howl-galkaan fuliyay ay baasuke ku dhufteen gaariga lagu soo qaaday walxaha qarxa ee laga soo dejiyay doontaas, “baabuurkaas waxaa ka dhashay qarax laba jeer ka weyn kii Zoobe ka dhashay, oo baabuurkii hal bir oo kamid ah lama helin, dhamaantii waa bas beelay.” Sidoo kale waxa uu sheegay in halkaasi lagu dilay ku dhawaad 67 dagaal-yahan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, iyada oo gacanta lagu dhigay xubno kale oo kamid ahaa kooxda. “Waa ku daba jirnaa doontaas oo waa heli doona xogteeda, laakiin hadda kama sii hordhacayo oo waa ku raadjoogna. Doon dambe oo Khawaarijta wax u keenta waxaa ula dagaalameyna sidooda oo kale, doonta waa ka gubeyna oo wax alaala waxa saaran waa dileyan, waa amar aan dowladda ka haysano weeyi.” Jeneral Biixi ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in gaadiid lagu soo furtay howl-galkaan, kaasi oo ay gacanta ku hayaan ciidamada huwanta, uuna yaallo degmada Xarardheere, sida uu sheegay. Ugu dambeyntiina waxa uu ka dhawaajiyay inuu bilaabanayo wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo uu tilmaamay inay ku sifeynayaan cadowga go’doonsan, “ee laga xiray baddii iyo barigii,” ayna ku xoroobi doonaan gobolladaasi. Si kastaba, Mudug ayaa kamid ah gobollada ay haatan ka socdaan howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay dhul ballaaran ku qabsadeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka. Hoos ka dhageyso The post Dhageyso: Jeneral Biixi ‘oo xog cusub ka bixiyay’ howl-gal lagu laayey Shabaab badan appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay iibisay kaluun si sharci darro ah doomo ajnabi uga kalluumeysteen xeebaha Soomaaliya, oo ay gacanta kusoo dhigtay. Maxkamadda gobolka Banaadir oo hore u baahisay iibinta kaluunkan ayaa waxay ugu dambeyn caawa shaacisay inay iibisay kaluunkaasi oo ahaa ku dhawaad 30 tan, kaasi oo dhawaan lagu soo qabtay doomo si sharci daro ah uga kaluumeysanayay xeebaha dalka. “Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ayaa maxkamadda gobolka Banadir 16-04-2023 horkeenay 36 eedaysane, oo lagu eedeeyay kalluumaysi sharci darro ah, eedaysaneyaasha ayaa watay 2 doon oo ay saarnaayeen kalluun lagu qiyaasay xilligaas ku dhawaad 30 tan,” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxay Maxkamadda gobolka Banaadir. Maxkamadda ayaa sheegtay in eedaysanayaasha ajaanibta ah ay u dirtay xabsi, si waafaqsan qoddobka 39 xeerka habka ciqaabta. Sidoo kale waxa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maxkamadda “Halka kalluunkii lagu qabtay eedeysanayaasha oo noqday markii la miisaamay 24.850 tan (Labaatan iyo Afar Tan siddeed Boqol iyo konton kiilo) oo ah hanti u nugul isbeddel ku yimaado ay maxkamaddu ku iibisay TR.24-04-2023 habka maadada waafaqsan qoddobka 131 (B) ee Xeerka Lr.84 ee soo baxay 12-12-1972, Xeerka wax ka beddelka xeerka habka ciqaabta oo lala akhriyay qoddobada 373,374 iyo 375 ee xeerka habka madaniga.” Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa hore u sameysay sharuudo iyo hanaan loo marayay iibinta kalluunkaas, waxaana shirkadaha kala ah; Fatwo Fiish iyo Sardiin Fish ay buuxin waayeen sharuudaha, sidaasi darteed Somali Seafood ayaa ku guuleystay in laga iibiyo kalluunka kadib markii ay buuxisay dhammaan hannaankii loo qabtay, sida lagu yiri warqad kasoo baxay maxkamadda. “Kalluunkaas halkii kiilo oo kamid ah waxaa lagu iibiyay 0.4 USD, qarashkii kasoo baxay ayay maxkamaddu hayn doontaa inta dacwadaasi kama dambays noqoneyso, waxaana looga go’aan gaari doonaa si waafaqsan qoddobka 131/C ee xeerka wax ka beddelka habka ciqaabta iyo qoddobka 183 ee xeerka ciqaabta.” Kaluunkan ay iibisay dowladda ee sida sharci darada ah looga kaluumeystay xeebaha Soomaaliya ayaa kala ah; nooca loo yaqaano White Tuna iyo Daamberi, sida kal hore lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay Maxkamadda kaasi oo ujeedkiisu ahaa iibin Kaluun. Waa markii u horeysay ee maxkamadda gobolka Banaadir ay si shaacsan u iibiso kaluun si sharci daro ah looga kaluumeystay xeebaha Soomaaliyada, ayada oo dhawaan ay dowladda gacanta kusoo dhigtay doomo si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha dalka. Doomahaasi oo tiradoodu dhameys laba, ayaa waxay dowladdu sheegtay in ka badan 30 sano inay si sharci darro ah ay uga kalluumeysanayeen badda Soomaaliya, kuwaasi oo laga lahaa dalka Iiraan. Si kastaba, Ciidanka badda ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howl-gallada ay ku raadinayaan maraakiibta iyo doomaha sida sharci darrada ah uga kalluumeysta biyaha Soomaaliya, xilli ay digniin culus kasoo saartay dowladda federaalka ah kaluumeysiga sharci darada. The post Dowladda oo shaacisay inay iibisay kalluun lagu soo qabtay shirkado ajnabi ah appeared first on Caasimada Online.
  7. Somalia is in a post-conflict era, which entails fragile peace, political instability, and socioeconomic challenges. To transition from conflict to peace, the full participation of all segments of society and stakeholders is crucial. Addressing the root causes of conflict, promoting dialogue, and understanding between different clan groups, and establishing a shared vision for the future is key to achieving peace. Additionally, rebuilding infrastructure, restoring basic services, and creating employment opportunities are crucial to economic recovery. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa maanta daah-furay Geeddi-socod wada-shaqayneed oo dhabaha u furaya iskaashi cusub oo dhex-mara labada sano ee soo socota. Geeddi-socodkan oo ka dhashay dadaallo heerkoodu sarreeyo iyo wadaxaajood farsamo oo bilihii la soo dhaafay dhex marayey Muqdisho iyo Brussels, ayaa waxaa looga gol leeyahay in dhidibada loogu aaso xiriir ku dhisan iskaashi iyo wax wada-qabsi dhex-mara labada dhinac. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo hadal ka jeediyey daah-furka ayaa bogaadiyay tallaabadan taariikhiga ah, isaga oo muujiyay ahmiyadda uu ku fadhiyo dadaalkan lagu xoojinayo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub. “Qorshahan wada-shaqaynta ah ee maanta la daahfuray wuxuu jidka u falayaa xiriir cusub, wuxuuna caddeyn u yahay sida ay inooga go’an tahay inaan iskaashigan uga faa’iideysano si waxtar u leh shacabkeenna, islamarkaana la xaqiijiyo in faa’iidadiisu gaarto dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.” “Midowga Yurub waa saaxiib la isku halleyn karo oo aan la leenahay iskaashi dhow, waxaana hubaa in Geeddisocodkan wada-shaqayneed uu horseedi doono horumar ballaaran oo laga gaaro arrimaha muhiimka u ah dowlad dhiska, amniga, nabadgelyada, koboca dhaqaalaha iyo daadajinta adeegyada dowladda”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. Mr. Josep Borrell Fontelles oo ah Wakiilka Madaxweyne Ku-Xigeenka Midowga Yurub, ayaa dhankiisa soo dhoweeyay saxiixa Geeddi-socodka wada-shaqaynta ee dhex-maray Soomaaliya iyo Midowga Yurub, wuxuuna dowladda federaalka ku ammaanay guulaha ay ka gaartey nabaddeynta iyo horumarinta dalka, si shacabka Soomaaliyeed ugu tallaabsado nabad waarta iyo baraaro. “Midowga Yurub iyo Soomaaliya waxay jaal ahaayeen muddo dheer iyada oo hannaankan loo dhan yahay ee lagu qeexay arrimaha hortabinta u leh labada dhinac uu tusaale u yahay in iskaashigeennu miradhal noqonayo. Midowga Yurub iyo Soomaaliya waxay iska kaashanayaan suurtogelinta nabad waarta, amni iyo horumar iyada oo la raacayo nidaam ku saleysan qawaaniinta caalamiga ah”, ayuu yiri Mr. Fontelles. Haddaba, Geeddi-socodka maanta la daah-furay ayaa qeexaya saddex aag oo ay dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ka wada-shaqeynayaan labada sano ee soo socota, waxaana gundhig u ah; 1- Hirgelinta siyaasad loo dhan yahay iyo hannaan dimuqraadi ah: a) Hannaanka dowlad-dhiska iyo taabbagelinta degenaansho siyaasadeed b) Hufista iyo heshiis laga gaaro hannaanka garsoorka dalka c) Qaybsiga awooddaha iyo khayraadka d) Hirgelinta hannaanka federaalka iyo doorashooyinka e) Qabyotirka dastuurka, si waafaqsan muddada dowladdu u qabsatay ee 2024 f) Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah oo ah meesha loogu laabanayo xallinta khilaafaadka. 2. Sugidda amniga iyo xasillinta dalka: a) In Soomaaliya ay hanato mas’uuliyadda amnigeeda( bad iyo berri) si waafaqsan xeerarka iyo dastuurka dalka, taas oo suurtagelin karta maalgelin toos ah. b) Dhammeystirka hannaanka dib-u-dhiska ciidammada qalabka sida, iyada oo loo marayo heshiisyadii dhexmaray Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. c) Xoojinta kaalinta Midowga Yurub ee tayeynta iyo qalabeynta Ciidamada Qalabka Sida. d) Meelmarinta qaraarka Golaha Ammaanka 2628 (2022) iyo xaqiijinta in xilliga kala guurka ay si habsami leh amniga dalka ula kala wareegayaan Ciidamada ATMIS iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed. 3- Horumarinta dhaqaalaha bulshada: a) Soo afjarista go’doonka dhaqaale ee Soomaaliya muddada ku jirtey b) Kordhinta dakhliga gudaha dalka ka soo xarooda c) Ka caawinta Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada sidii adeegga hufan loo gaarsiin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed d) Abuurista jawi iyo sharuuc dhiirrigelinaya in maalgashi lagu sameysto dalka e) Xoojinta xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub f) Xoojinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, si loo fududeeyo isku-xirka hawlaha ganacsi ee dalka iyo dibedda. The post DF Somalia iyo Midowga Yurub oo maanta qoray taariikh cusub appeared first on Caasimada Online.
  9. Mogadishu (HOL) -Somalia's Armed Forces Commander, General Odawaa Yusuf Rage, announced that government forces conducted an operation in the Eel Qabobe area, killing a foreign fighter who was fighting alongside the Al-Shabaab group, and capturing several others alive. Source: Hiiraan Online
  10. WASHINGTON – When she was ousted from the House Foreign Affairs Committee in February, Rep. Ilhan Omar vowed to continue her work on international issues and promote diplomacy – all with the expectation she would return to that panel again. Source: Hiiraan Online
  11. The four police reservists who were on Sunday arrested while carrying four rifles, 19 magazines and 500 bullets were Monday released after grilling. Source: Hiiraan Online
  12. DOLLOW, Somalia May 2 (Reuters) - New patches of young, bright green growth dot the sandy terrain of Dollow but for the 150,000 Somalis who have left home to seek help in this southern town, the small recent rains are not enough. Source: Hiiraan Online
  13. The flag of Somalia under the feet of President Hassan Sheikh Mohamud. Mogadishu (PP News Desk) — At the Town Hall Meeting held in Mogadishu yesterday, the President of Somalia President Hassan Sheikh Mohamud and the host Mohamed Harare were seated in middle of the venuewith their legs stomping on the flag of Somalia. No country has ever allowed to have its flag used as a doormat. “President Hassan Sheikh Mohamud kept treading on the flag of Somalia during the Town Hall Meeting in Mogadishu. It is disheartening to see the Head of the State disrespecting the flag he took the oath to protect and respect. The flag is the symbol of our sovereignty. President Mohamud owes Somali citizens an apology” said a Somali Senator who spoke to Puntland Post anonymously. Students of girls’ college in the United States refused to walk on the Stars and Stripes. Many Somali citizens have expressed dismay over indifference to the degradation of the Somalia flag under President Hassan Sheikh Mohamud’s watch. Several years ago a college in the United States put the Stars and Stripes on the ground of a girls’ college to see if any of students walked on the flag. No student walked over the American flag. “They showed respect to the American flag.” “If students can understand the significance of their national flag why did President Mohamud or his Villa Somalia aides fail to prevent the Somalia flag from being turned into a doormat?” wondered the Senator. “This shameless practice must be stopped once and for all”. © Puntland Post, 2023 The post Villa Somalia Turns the National Flag into a Doormat appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in xujeyda Soomaaliyeed loo baajiyey lacag ka badan 8 Milyan oo dollar sanadkan, kadib markii meesha laga saaray musuq-maasuqii ka jiray adeegga Xajka, hoosna loo dhigay qiimaha. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo arrintaan shaaciyay, ayaa waxa uu sheegay in meesha laga saaray lacago badan oo si musuq-maasuq ah loo dul saaran jiray xujeyda Soomaalida. “Wuxu marka uu yahay cadaalada iyo itus oo itaabsi damiirka dadku waa ku qancaya, waxaa rejaynayaa in raali la noqday. Waxaa isku deynay in shaqadaan cibaadada ah Ilaahay uga baqno oo dadka Soomaaliyeed aan u fududeyno in alaala inta u fududeyn karno, maadama aan ka bixin karin aan inay wax iska bixin karaan u fududeyno intii nooga aadaneyd,” ayuu yiri. “Waxaa ogaanay in dadkeenu beylaha badan soo mareen oo dhibaato badan soo mareen oo aan isku naxariisan jirin inagu laftigeenu oo meel walba isku istaagnay, qof walba meeshu wax ka goosan karayay ka goosto, qofkii ganacsato ahaa uu wax kasii goosto, oo ugu dambeyntana qofkii miskiinka ahaa la dul-saarayo.” Waxa uu shaaciyay inay meesha ka saareen calaa qof oo ay usoo hareysa hadda qof walba oo Xaaji Soomaaliyeed $745 iyo sintiyaal, taasi oo markii hore qaab musuq-maasuq ah looga qaadi jirey Xujeyda Soomaaliyeed. Qiimaha sanadkaan lagu xajin doono ayaa dhan $4,484, waxaana hoos loo dhigay lacagihii awal xujeyda laga qaadi jiray oo kor u dhaafayay shan kun oo doollar. Sidoo kale waxa uu sheegay inay dowladda ka daba tagtay oo hal hal usoo eegtay adeegyada ay helaan xujeyda Soomaaliyeed iyo qiimayaasha markii hore la iska dul dhigan jiray, kuwaasi oo meesha laga saaray. “Waa guul weyn oo la gaaray iyo meel fog oo laga keenay waxayna ku timid in musuqii laga saaray meesha oo la isku daalac naasiliyay isaga oo isha lagu hayo qofka muwaadinka ee Xaajiga ah.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay dadaal badan ku bixiyeen in qofka Soomaaliyeed ee Xaajiga ah uu helo adeeg wanaagsan, kaasi oo ka bilaabanaya duulista illaa soo celinta. Hoos ka daawo muuqaalka The post Musuq-maasuqii adeegga Xajka oo meesha laga saaray iyo qiimaha oo hoos loo dhigay appeared first on Caasimada Online.
  15. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa markale ka hadashay colaadda sii daba-dheeraneysa ee ka tagaan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyada oo meel adag iska taagtay midnimada ay raadinayaan reer Laascaanood. Afhayeenka xisbiga tallada Somaliland haya ee Kulmiye Cabdinaasir Buuni ayaa sheegay in dadka reer Laascaanood aysan laheyn dookh, islamarkaana ay yihiin reer Somaliland, sida uu sheegay. “Shacbiga Somaliland, doc ahaana shacbiga Laascaanood malaha dookh oo waxay rabitaan qaateen 1991-kii, oo waata maanta 32 guuradii u dabaal-dageyno, taas ayay qaateen oo ku suntan yihiin,” ayuu yiri Afhayeenka xisbiga tallada Somaliland haya ee Kulmiye Cabdinaasir Buuni. Afhayeen Buuni oo wareysi siiyaya warbaahinta gudaha ayaa waxa uu sidoo kale si adag uga jawaabay hadal kasoo yeeray Xilhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo uu ku sheegay in dadka reer Laascaanood aan lagu qasbi karin rabitaanka gooni-goosad ee Somaliland. “Cabdiraxmaan Cabdishakuur haddii aduu markii aad wasiirka ahayd aad ku iibisay badii Soomaaliya dookh aad leedahay, Shacbiga Somaliland doc ahaana shacbiga Laascaanood malaha dookh, waxay qaateen rabitaan 1991,” ayuu yiri Buuni. Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland gees illaa gees waxa uu dookhooda, rabitaankooda iyo aaminsanaantooda ay tahay waa Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, taana waxaa leeyahay umadda ku daba qaaday ee maanta xasuusan taariikhda baalka madow ee kaga jirto waa tan aad maanta waxba u noqon weyday.” Afhayeen Buuni ayaa waxa kale oo uu dowladda federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay in aanay Cabdiraxamaan Cabdishakuur xil wasiir siinin, isaga oo ku eedeeyay in Mudane Shakuur uu iibiyay badda Soomaaliya mar uu wasiir noqday. Hadalkan kasoo yeeray Afhayeenka ayaa waxa la qabta xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo isagu kal hore sheegay in colaadda ka taagan Laascaanood ay tahay mid gudaha Somaliland ka jirta, ayna dhinacyada daneynayna in xal laga gaaro arrintaasi ay taasi kasii amba-qaadan si miiska wada-hadalka la iskugu imaado. Si kastaba, Somaliland ayaa si weyn u dhibsatay qoraal uu dhawaan bartiisa Facebook ku baahiyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kaasi oo uu ku dhaliilay habka ay Somaliland u wajahday colaadda ka taagan Laascaanood, wuxuuna sheegay “in reer Laascaanood aan lagu qasbi karin rabitaanka Somaliland, sida aan iyada loogu qasbin midnimada.” The post Somaliland: Dadka reer Laascaanood dookh malaha hal arrin darteed appeared first on Caasimada Online.
  16. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Aadam X. Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 02/05/2023-ka, dhaariyay marwo Aamina Cilmi Fariid Badeed, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaysa Xildhibaanada Golaha Wakiilada JSL. Xildhibaan Aamina Cilmi Fariid Badeed ayaa buuxisay jago ka banaanaatay Golaha wakiillada, taasi oo uu baneeyay AHN marxuum xildhibaan Nuur Cismaan Guuleed Warsame, oo ka mid ahaa mudanayaashii xisbiga UCID ee laga soo doortay gobolka Awdal. Guddida Doorashooyinka Qaranka ayaa Maxkamadda Sare ee dalka JSL u soo gudbiyay 30-kii bishii afraad codsi ay ku dalbanayaan, in loo dhaariyo marwo Aamina Cilmi Fariid Badeed jagada ka banaanaatay Golaha Wakiilada, si ay u gudato waajibaadkeeda shaqo. Dhaarinta ka dib Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay xildhibaannada in ay qaranka ugu adeegto si daacad ah, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday. Wa bilaahi tawfiiq Ibraahim Maxamed Cali Madaxa waaxda warbaahinta Maxkamadda Sare ee JSL Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) ayaa soo saaray awaamiir cusub oo ku socota ciidanka asluubta iyo saraakiishooda, oo uu faray in kuwa fasaxa iyo eregta ku maqan ay sida dhaqsaha badan ugu soo laabtan shaqadooda. Taliye Shub ayaa sidoo kale waxa uu faray saraakiisha ciidanka asluubta inay soo gudbiyeen askarta isticmaasha waxyaabaha maanka-dooriya, xilli uu caasimadda ka socdo howl-gal lagula dagaalamayo maandooriyaha iyo askarta isticmaasha, si meesha looga saaro falalka amni darro ee ka dhasha. “Waa dhamaaday waqtigii aan siinay, aniga oo tixgelinaya kuna hadlaya afkii ciidanka asluubta, dadkaasi waxaa ugu darnay shan maalmood oo kale, ninkii shantaas maalmood ku imaan ciidanka asluubta kamid ma ahan, meesha uu joogo hore ha uga dhaqaaqo. Dadka aan u yeerayno qof noogu imaan kara oo aan ka ogolaaneyno ma jirto,” ayuu yiri Taliye Shub. Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in marnaba ciidanka asluubta dhexdiisa aan laga aqbali doonin dad xashaashka caba oo daroogeyste ah, “dad meelaha ku dhac dhacaya noocaas asaga ah askari lagama rabo, ciddii askarnimo dambe usii haysa Qaranka ayuu khiyaamay.” Saraakiisha ciidanka asluubta ayaa waxa uu ku amray in askarta noocaasi ah laga saaro ciidanka, islamarkaana liiskooda sida ugu dhaqsaha badan ugu soo gudbiyeen xafiiska taliyaha ciidanka asluubta. “Waxaa amreyna saraakiisha iyo sareeyaasha in aysan iska qori karin shaqsiyaadka ay rabaan, askari waa kii shaqeeya, in midna uu shaqeeyo mid kalena guriga jiifo oo isku mushaar qaatan waa cadaalad darro, dooni meyno cadaalad daro.” Saraakiisha iyo madaxda hoggaanka ayaa waxa uu sheegay in arrintaan ay dib ugu soo laaban doonto ayaga, haddii aysan u hoggaansamin amarka kasoo baxay, “idinka ayay idinku soo noqoneysa haddii aydaan fulin oo tallaabo ayaa la idinka qaadaya.” Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo dadka qaar (Shub) ayaa muddooyinkii dambe dib u habeyn ku waday ciidanka asluubta, tan iyo markii dib loogu magacaabay xilkaan. Hoos ka daawo The post Taliye SHUB oo awaamir culus dul dhigay ciidanka asluubta iyo saraakiisha appeared first on Caasimada Online.
  18. Askari ka tirsan ciidamada qaranka Uganda ayaa toogasho ku dilay wasiir uu ilaalo u ahaa. Gaashaanle sare Charles Okello Engola oo shaqada ka fadhiistay, oo ahaa wasiir ku xigeenka jinsiga iyo shaqada ayaa lagu toogtay gurigiisa subaxnimadii saaka. Ilaa hadda ma cadda in uu muran dhex maray iyo in kale askariga iyo wasiirka. Goob joogayaal ayaa sheegay in daqiiqado ka dib markii uu toogtay uu askarigu ku wareegay xaafadda isaga oo rasaas hawada u ridayay, waxaana uu ku qeylinayay in aan la siinin mushaaraadkiisa, Kadibna uu is toogtay laftgiisa Wararka ayaa sheegaya in laga yaabo in tiro dad ah ay ku dhaawacmeen weerarka. Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dadka deegaanka oo goobta isugu yimid iyagoo argagaxsan. Colonel Engola ayaa horay u soo noqday wasiir ku xigeenka wasarradda gaashaandhigga. Source
  19. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay danjiraha Ruushka u qaabilsan Soomaaliya iyo Jabuuti Amb. Mikhail Golovanov. Guddoomiyaha iyo danjiraha ayaa kawada hadlay xiriirka labada baarlamaan ee dalalka Soomaaliya iyo Ruushka. Safiirka ayaana dhambaal salaan ah oo uu ka siday Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Ruushka Mudane Vyacheslav Volodin soo gaarsiiyay Guddoomiyaha, isagoona sheegay in la xoojiyo cilaaqaadka labada dal. Sidoo kale Danjire Mikhail Golovanov ayaa xusay In xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay ka qeyb galeen Shirka Baarlamaanka Ruushka iyo Afrika, kaas oo looga hadlay xiriirka Saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Dawladaha Afrika iyo Ruushka si loo adkeeyo wada shaqeynta wadamada Afrika iyo Ruushka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyadda Qaranka ku qaabilay wafdi ay hoggaamineyso agaasimaha fulinta ee hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) Marwo Cindy McCain. Madaxweynaha iyo Cindy ayaa kulankaan waxay uga wada-hadleen horumarinta barnaamijyada cunnada Soomaaliya iyo taageerada hay’adda cunnada adduunka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia. Sidoo kale waxay kulankaan diirada ku saareen labada masuul wax ka qabashada caqabadaha ka dhashay saameynta isbedelka cimilada ee ku saaban cunna yarida, taasi oo ay qeyb ka ah waxyaabaha ay la daala dhaceyso Soomaaliya. Agaasimaha fulinta ee hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) Marwo Cindy McCain ayaa dhankeeda bogaadisay dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku bixineyso barnaamijyada tayeynta cunnada. Waxay sidoo kale u ballan-qaaday madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud in WFP ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ka taageeri doonaan in ay gaaran isku fillaansho buuxda. Kulankan ayaa imanaya xilli ay muddooyinkii dambe ay sare u qaaday dowladda federaalka Soomaaliya wada-shaqeynta WFP, gaar ahaan arrimaha bini’aadantimo, iyada oo labada dhinac ay hore u kala saxiixdeen heshiis maaliyadeed oo wax looga qabanayo dadka nugul. Si kastaba, Soomaaliya oo xilligaan ku jirta dagaal ka dhanka ah kooxaha argagixisada, ayaa sidoo kale waxaa ka jirta abaar saameyn taban ku reebtay in ka badan 8 Milyan oo ruux, oo ay kamid yihiin 2.5 Milyan oo xaalad nafaqo darro ku heysato gobolada dalka. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo Villa Somalia ku qaabilay Cindy McCain appeared first on Caasimada Online.
  21. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa maanta daahfuray Geeddi-socod Wadashaqayneed oo dhabaha u furaya iskaashi cusub oo dhex mara labada sano ee soo socota, dowladda federalka iyo Midowga Yurub oo ka mid Ururrada si dhow u taageera Hey’adaha dowladda federalka. Geeddisocodkan oo ka dhashay dadaallo heerkoodu sarreeyo iyo wadaxaajood farsamo oo bilihii la soo dhaafay dhex marayey Muqdisho iyo Brussels, ayaa waxaa looga golleeyahay in dhidibada loogu aaso xiriir ku dhisan iskaashi iyo wax-wada-qabsi dhexmara labada dhinac. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo hadal ka jeediyey daah-furka ayaa bogaadiyay tallaabadan taariikhiga ah, isaga oo muujiyay ahmiyadda uu ku fadhiyo dadaalkan lagu xoojinayo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub. “Qorshahan wadashaqaynta ah ee maanta la daahfuray wuxuu jidka u falayaa xiriir cusub, wuxuuna caddeyn u yahay sida ay inooga go’an tahay inaan iskaashigan uga faa’iideysano si waxtar u leh shacabkeenna, islamarkaana la xaqiijiyo in faa’iidadiisu gaarto dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayuu yiri Xamse Cabdi Barre. “Midowga Yurub waa saaxiib la isku halleyn karo oo aan la leenahay iskaashi dhow, waxaana hubaa in Geeddisocodkan Wadashaqayneed uu horseedi doono horumar ballaaran oo laga gaaro arrimaha muhiimka u ah dowlad dhiska, amniga, nabadgelyada, koboca dhaqaalaha iyo daadajinta adeegyada dowladda”, ayuu yiri. Mr. Josep Borrell Fontelles oo ah Wakiilka Madaxweyne Ku-Xigeenka Midowga Yurub, ayaa dhankiisa soo dhoweeyay saxiixa Geeddisocodka Wadashaqaynta ee dhexmaray Soomaaliya iyo Midowga Yurub, wuxuuna Dowladda Federaalka ku ammaanay guulaha ay ka gaartey nabaddeynta iyo horumarinta dalka, si shacabka Soomaaliyeed ugu tillaabsado nabad waarta iyo baraaro. “Midowga Yurub iyo Soomaaliya waxay jaal ahaayeen muddo dheer iyada oo hannaankan loo dhan yahay ee lagu qeexay arrimaha hortabinta u leh labada dhinac uu tusaale u yahay in iskaashigeennu miradhal noqonayo. Midowga Yurub iyo Soomaaliya waxay iska kaashanayaan suurtogelinta nabad waarta, amni iyo horumar iyada oo la raacayo nidaam ku saleysan qawaaniinta caalamiga ah”, ayuu yiri Mr. Fontelles. ; Lifaaqa 1 Geeddi-socodka maanta la daahfuray ayaa qeexaya Saddex aag oo ay dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ka wada-shaqeynayaan Labada sano ee soo socota. Waxaana gundhig u ah; 1. Hirgelinta siyaasad loo dhan yahay iyo hannaan dimuqraadi ah: a) Hannaanka dowlad-dhiska iyo taabbagelinta degenaansho siyaasadeed b) Hufista iyo heshiis laga gaaro hannaanka garsoorka dalka c) Qaybsiga awooddaha iyo khayraadka d) Hirgelinta hannaanka federaalka iyo doorashooyinka e) Qabyotirka dastuurka, si waafaqsan muddada dowladdu u qabsatay ee 2024 f) Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah oo ah meesha loogu laabanayo xallinta khilaafaadka. 2. Sugidda amniga iyo xasillinta dalka, sida: a) In Soomaaliya ay hanato mas’uuliyadda amnigeeda( bad iyo berri) si waafaqsan xeerarka iyo dastuurka dalka, taas oo suurtagelin karta maalgelin toos ah. b) Dhammeystirka hannaanka dib-u-dhiska ciidammada qalabka sida, iyada oo loo marayo heshiisyadii dhexmaray Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. c) Xoojinta kaalinta Midowga Yurub ee tayeynta iyo qalabeynta Ciidamada Qalabka Sida. d) Meelmarinta qaraarka Golaha Ammaanka 2628 (2022) iyo xaqiijinta in xilliga kala guurka ay si habsami leh amniga dalka ula kala wareegayaan Ciidamada ATMIS iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed. 3. Horumarinta Dhaqaalaha Bulshada a) Soo afjarista go’doonka dhaqaale ee Soomaaliya muddada ku jirtey b) Kordhinta dakhliga gudaha dalka ka soo xarooda c) Ka caawinta Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada sidii adeegga hufan loo gaarsiin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed d) Abuurista jawi iyo sharuuc dhiirrigelinaya in maalgashi lagu sameysto dalka e) Xoojinta xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub f) Xoojinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, si loo fududeeyo isku-xirka hawlaha ganacsi ee dalka iyo dibedda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Mogadishu (HOL) - The Federal Government of Somalia and the European Union have on Tuesday launched a Joint Operational Roadmap to deepen their partnership and set the path for a renewed focused engagement for the next two years. Source: Hiiraan Online
  23. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyadda Qaranka ku qaabilay wafti ay hoggaamineyso agaasimaha Fulinta ee hay’adda Cunnada Adduunka Marwo Cindy McCain. Madaxweynaha dalka Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo Marwo Cindy McCain ayaa ka wadahadlay horumarinta barnaamijyada cunnada Soomaaliya, taageerada hay’adda cunnada adduunka iyo wax ka qabashada caqabadaha ka dhashay saameynta isbedelka cimilada ee ku saaban cunna yarida. Marwo Cindy McCain ayaa bogaadisay dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku bixineyso barnaamijyada tayeynta cunnada, iyadoo ballan qaaday in WFP shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ka taageeri doonaan in ay gaaran isku fillaansho buuxda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Guddoomiyaga Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Ruushka u fadhiya Soomaaliya Mikhail Golovanov. Danjire Mikhail Golovanov ayaa ugu horreyn Guddoomiyaha la wadaagagay warbixin ku saabsan halka uu marayao xiriirka labadal, isagoo xusay in dowladda Raashiya Soomaaliya ay u tahay saaxiib dhow oo istaraatiiji ah, kana go’an tahay xoojinta xiriirka labadal iyo iskaashi dhexmara golayaasha Baarlamaanka labada dal. Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhankiisa Danjiraha la wadaagay xiriirkii soo jireenka ah oo ay lahaayeen Soomaaliya Raashiya iyo sida ay uga go’an tahay Soomaaliya inay dalalka caalamka la yeelato iskaashi miradhal ah oo ku dhisan is-qaddarin iyo wax-wada-qabsi aan mugdi ku jirin. Goobjoog News Source: goobjoog.com