-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garowe (HOL) – Police officers in Somalia's semi-autonomous Puntland region staged a mutiny over unpaid salaries on Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
“Mudanayaasha soo xaadiray Golaha Wakiilada waxaa ka badnaa Dadka Basaska lagu soo guray ee soo buux-dhaafiyay Golaha Baarlamanka. Sacabkii Iyo mushxaradii shalay Golaha Baarlamanka ka baxaysay waxay cadayn u tahay in laga bay-dhay ama la soo gabo-gabeeyay isla xisaabtankii iyo nidaamkii Dimuqraadiyadda Iyo Doorashooyinka xorta ah loona baydhay guul-wadayn iyo wado dhuxuleed natiijadeeduna inoo soo muuqato” Xoghaye Yuusuf Kayse. Qaran News
-
Qaran News
-
Balanballe (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo xanuun badan oo ka dhacday agagaarka degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, kadib uu dil ka dhacay goob ay xilligaas ka socotay xaflad aroos ah. Arooska ayaa isku beddalay tacsi, waxayna goobta oo ay ku sugnaayeen dadweyne fara badan oo faraxsan, balse goobta ayaa hal mar isku bedashay meel ay murugo taallo. Dhacdada ayaa ka dhalatay dagaal dhex-maray laba wiil oo dhalinyaro ah oo ku sugnaa xafladda, kuwaas oo murmay, kadibna uu dhex-maray dagaal gacan ka hadal ah. Wariye ku sugan degmada Balanballe oo la socday dhacdadaasi ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, waxaana uu sheegay in mid kamid ah wiilasha ay murmeen kadibna uu midkoo doontay qoray, sidaasina ku dilay wiilkii kale oo ay ku wada dagaalameen arooska. “Meel u dhow degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud waxaa xalay ka dhacday in laba wiil oo dhalinyaro ah oo ku sugnayd goob ay ka socotay xaflad aroos in dagaal uu dhex-maray, taasina ay keentay in wiil kamid ah uu halkaasi ku geeriyoodo,” ayuu yiri wariyuhu. Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyay “Muran kadib mid kamid ah wiilasha ayaa hub doontay, kadibna uu soo qaatay qoray AK47 ah oo uu adeegsaday dilka”. Dhanka kale waxaa deegaanka ay mashaqada ka dhacday gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Galmudug, kuwaas oo ugu dambeyn gacanta kusoo dhigay eedeysanaha oo haatan ku xiran saldhigga degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka. Dilkan ayaa argagax ku reebay dadka deegaanka, madaama ay si lama filaan ah tacsi isugu beddashay xafladdii arooska ee ka socotay halkaasi. Si kastaba, deegaanada Galmudug ayaa si weyn looga bartay dilalka la xariira aanooyinka qabiil, balse dhacdadaan ayaa ka bedalan, taas oo argagax ku reebtay dadka deegaanka. The post Balanballe: Xaflad aroos oo isku bedashay Tacsi kadib markii la dilay.. appeared first on Caasimada Online.
-
Raysal Wasaaraha Somalia Xamse Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay Somaliland in ay la fadhiisato oo la Odayaasha reer Sool oo kala hadasho nabad gelyada Laascaanood, waxaanu sidoo kale u soo jeediyey in ay Somaliland oo celiso nabad gelyadii ay ku soo caano maashay. “Laascaanood, uma baahna in la isku habarwacdo iyo Tolaayeey hala xishoodo, Maamulka iyo Dawladda Somaliland waxaa saaran xil gaar ah oo ka saaran Nabadgalyada, wax axil ka saaran yahay haddii la yidhi Ciidanka meesha ka qaada, waxa xil kasaaran yahay in ay dadka iyo Odayaasha la fadhiistaan, waxa uu xil ka saaran yahay in nabad gelyada in ay ilaaliyaan.” Ayuu yidhi Raysal Wasaare Barre oo xalay Muqdisho ka hadlay, waxaanu intaasi raaciyey “Nabad gelyo ayaad ku soo caano maasheen, waayahan dambe waxa la moodaa in nabadgalyada juuc-juuc baa galay Nabadgalyada dib u soo celiya” “Calanka Buluugga ah Hargaysa calan buu u yahay, Laascanood calan buu u yahay.Borama iyo Berbarana calan ayuu u yahay.Iyaguuna ka yimid.Wiil Soomaliyed inuu dhinto ma ogolin, in la wadda hadlaan rabnaa.” “Siyaasadda waa laga heshiinaa, hal Dowladda ayaan nahay.Yaan laysku foggaan” Raysal wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Bare Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi gaar ah siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadalkii shalay kasoo yeeray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Biixi oo la hadlayay labada gole ee baarlamaanka Somaliland ayaa ku eedeeyay Puntland inay qayb ka tahay colaadda weli ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Wasiir Dirir oo ka jawaabay eedeyntaasi ayaa sheegay in dadka la dagaallamaya Somaliland ay yihiin kuwii uu horay u dul dulmiyay Muuse Biixi, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaanu ku leenahay cod dheer iyo cod gaaban Muuse isaga ayay ku kooban tahay dadkii uu dulmiyaybaa iska celiyayoo hubka qaatay,” ayuu yiri wasiirku. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Puntland aaney qayb ka aheyn dagaalkaasi, isla-markaana ciidamo ka socda aysan joogin aagga lagu dagaalamayo ee Laascaanood. “Annaga Puntland kuma jirno, ciidamadeenana qayb kama ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka warfaafinta Puntland,” Sidoo kale wasiirka warfaafinta Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa caddeeyay mowqifka Puntland ee ku aadan arinta gobolka Sool, waxuuna tilmaamay inay qabaan in masiirkooda iyo rabitaankooda loo daayo dadka degan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ee SSC. “Mowqifka Puntland ee dagaalkaas ku aadan waxaa weeye dadkaa in aayo ka talintooda loo ogolaado, taladooda inay leeyihiin, in laga daayo xabadda lala dhacayo” ayuu mar kale yiri. Si kastaba, ma’ahan markii ugu horreysay oo labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland ay hadallo caynkaan kale ah isku mariyaan warbaahinta, tan iyo markii uu billowday dagaalka muddada dheer ka socda gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. The post PUNTLAND oo jawaab kulul ka bixisay hadalkii BIIXI appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaarayo magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in habeenkii Xalay xaafado kamid ah magaalada uu ku fatahay Wabiga Shabeelle, kuwaas oo geystay khasaare kale duwan iyo barakac ay sameynayaan bulshada ku dhaqan xaafadaha uu ka faahay Wabiga. Wabiga ayaa ka fatahay Sagaal goobood oo kale duwan, waxaana ugu wacan kadib markii Wabiga uu keenayo biyo badan, qoysas badan ayaa ilaa shalay galinkii dambe barakacay, halka kuwa kalena ay rajo kaqabeen inuu hakado, waxaana dhacday in habeenkii xalay ay la kulmaan fatahaado ka yimid Wabiga. Maamulka gobolka ayaa dhowaan ku guuleystay hirelinta mashruuc Biyo-xireen, kaas oo laga sameeyay dusha Wabiga, laakiin ma suurto galin inuu joojiyo biyaha badan ee uu soo rogay Wabiga, waxaana xilligaan lagu jiraa Gu’ga oo siweyn kaga da’aya gobollada dalka iyo dhanka kale ee dowlad deegaanka. Wabiga Shabeelle oo Soomaaliya kasoo gala dhanka Itoobiya ayaa waxaa sanadkaan uu keenay biyo aad kaga badan intii lagu arki jiray taas oo ay ugu wacan tahay Roobabka sida weyn kaga da’aya deegaanno kamid ah dowlad deegaanka Soomaalida iyo gobolada kale dowladda federalka Itoobiya. Maamulka gobolka ayaa waxaa uu sheegayaa in 40% biyaha uu fatahay Wabiga ay galeen gudaha magaalada, xilli ay wali taagan tahay cabsida laga qabo fatahaad hor leh oo ka dhacda magaalada, Wabiga ayaa sidoo kale laga cabsi qabaa inuu fatahaado ka geysto gobollada Shabeellooyinka oo uu maro. Wabiyada Jubba iyo Shabeelle oo sanadkaan ay galeen biyo badan ayaa waxaa ay wadaan Fatahaado xooggan oo ay ka sameynayaan magaalooyinka qaar, Wabiga Jubba ayaa hore ugu fatahay magaalada Baardheere oo geystay khasaare xooggan, xilli hadda ay cabsi ka taagan tahay magaalada Baladweyne. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaasaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa hadalkii ugu adkaa kula hadlay maamulka iyo shacabka Puntland, xilli khilaaf xooggan uu ka dhaxeeyo labada dhinac. Xamza, oo hadal ka jeediyey munaasabad ka dhacday degmada Kaaraan ee Muqdisho, ayaa Reer Puntland uga digay in taariikhda Soomaaliyeed aysan baal madow ugu qormin xilligan. Ra’iisul Wasaare Xamza, oo aan looga baran hadallada adag, ayaa sheegay in Puntland aysan dowladnimada Soomaaliyeed meeshii laga filayay ka taagneyn, islamarkaana caqabad ay ku tahay in dalka Soomaaliyeed iyo qarankaba laga cafiyo shan bilyan dollar lacag dhan. Wuxuu kaloo uu sheegay inay hortaagan tahay in 400 macallin oo ka shaqeynaaya waxbarashada Puntland iyo in deegaanadeeda laga soo qoro askarta dowladda federaalka. “Waxaan u sheegayaa dadka Soomaaliyeed ee reer Puntland ee walaalahay ah, ma mudnidiin taariikh madoow in Puntland ku qoranto, in la yiraahdo dayn cafintii Soomaaliya waa fashilantay, yaa fashiliyay Puntland, lama qaadan karo taas, waxaan codsaneynaa horumarka iyo siyaasadda in la kala saaro,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza oo shacabka Puntland ka codsaday inay diidaan wixii ka dhan ah arrinta dayn cafinta, kana hor-imaadaan ciddii ku lug leh. “Dhallinyarada Puntland waxay xaq u leeyihiin inay shaqo ka helaan dowladda dhexe, ka badan 400 macallin ayaan diyaar u nahay inaan mushaar siino oo waxbarashada Puntland micno kusoo kordhiyaan, dhallinyarada haddaan cod ka rabno, waad fiican tihiin dhahno, marka ay shaqo heli lahaayeen, ma shaqadaan ka hor istaageynaa, maya, dhallinyarada waa in loo ogolaadaa inay shaqeystaan, dowladdooda waa inay u ogoladaa shaqooyinka,” ayuu yiri ra”iisul wasaare Xamza. Ra’iisul wasaare Xamza ayaa is weydiiyay cidda mas’uul ka noqon doonta haddii la waayo dayn cafinta Soomaaliya, isagoo sheegay in maamullada kale ee dalka ka jira ay ka shaqeeyeen nidaamkii dayn cafinta marka laga reebo Puntland, oo diiday inay kasoo qeyb gasho shirarkii gogol xaarka u ah arrimaha dayn cafinta. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ugu baaqay shacbaka Puntland inay arrintaasi iska diidaan oo aysan bar madow ku noqon, inkstoo haddii arrintaasi lagu hungoobo mas’uuliyadda u saariyay maamulka jira ee uu hoggaamiyo Saciid Deni. The post Daawo: XAMZA oo weerar culus ku qaaday PUNTLAND ugana digay arrin xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
-
China has expelled Canada's consul in Shanghai in retaliation for Ottawa sending home a Chinese diplomat accused of trying to intimidate a Canadian MP. Source: Hiiraan Online
-
Garaadka guud ee Gobollada SSC-khaatumo Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa jawaab rasmi ah ka bixiyay eedaynta Somaliland ka timid ee ku saabsan in garaadadu aysan diyaar u ahayn wada-hadal iyo nabad “Kii soo duulay ee dadka guryihiisa ku dhex jiray ee duminayay, ee dhiiga daadinayay, ayaa leh nabadgalyadii cid ayaa ku ciyaaraysa, waa nasiib daro nin aad kusoo duushay oo aad dadkiisii laynayso in aad hadana tadhaa wadahadal kii ayuu diiday” ayuu yiri Garaadka. Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa sidoo kale sheegay in aysan wax wada-hadal ah la geli doonin Somaliland, inta ciidamada soo duulay ee Taliskaasi ay ku sugan yihiin duleedka Laascaanood, islamarkaana duqaynta ku hayaan magaalada. Garaadka ayaa hoosta ka xarriiqay in wada-hadal iyo xabbad-joojin ku imaan karto keliya, marka ciidamo beeleed Somaliland ee soo duulay laga dulqaad Laascaanood, oo ay ku noqdaan xuduud beeleedka la yaqaan ee Isaaq iyo Sool clan. PUNTLAND POST The post Garaad Jaamac Garaad Cali oo jawaab rasmi ah ka bixiyay eedayn uga timid Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Maamulka Puntland ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay madaxweynaha Jamhuuriyadda e Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ahaa in Puntland ay qayb ka tahay colaadda muddaba ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Madaxweyne Biixi ayaa hadalkan ka sheegay khudbad sanadeed uu shalay ujeedinayay baarlamaanka Somaliland. Wasiirka warfaafinta maamulkaasi Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa BBC-da u sheegay in Puntland aaney qayb ka aheyn dagaalkaasi waxaana dhankiisa uu ku eedeyay Madaxweyne Biixi in ay dadka la dagaallamaya ay yihiin kuwiii uu dulmiyay waa sida uu hadalka u dhigaye, mana ahan markii ugu horreysay oo labada dhinac waa Puntland iyo Soomaaliland ay hadallo caynkaan oo kale ah warbaahinta isku mariyaan. Source
-
Dadwayanaha Somaliland ayaa si weyn ugu dhag taagayey waxyaabaha uu kaga hadli doono Madaxwayne Biixi khudbadiisa Dastuuriga ah ee uu shalay ka jeediyey Labada Aqal ee Baarlamaanka, khudbada Madaxweynaha ayaa taabanaysay meelo badan oo kala duwan. Madaxwayne Biixi waxa uu ka hadlay Doorashooyinka, Mucaaradka, Laasacanood, Xukuumadiisa, Dhaqaalaha, maamul wanaaga, Shaqo la,aanta, amaanka iyo waxyaabo kale oo badan oo la xidhiidha Xaaladda Somaliland iyo Puntland oo muddooyinkii ugu danbeeyey hadallo coladeed is waydaarsanayay. balse khudbada Madaxwaynaha waxa uu xiiso badan inuu codsaday in Xisbiyada Mucaaradka ahi ay soo bixiyaan lacagta doorashada badhkooda, taasi oo ka dhalisay bulshada dhexdeeda hadal hayn badan oo xambaarsan in doorashaduba ku xidhan tahay inay kharashka doorasahda bixiyaan Xisbiyada Mucaaradka ahi. Madaxwayne Biixi oo hadalkiisu meelaha qaar iska hor imanayay ayaa dhinaca kalena sheegay inaanay sharci ahayn Musharaxnmada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ee Xisbiga Waddani, halka uu Guddoomiyaha Xisbigaasi Xirsi Cali X. Xasan oo uu hore u duray Guddoomiye nimadiisa uu shalay ku sheegay inuu isagu sharci yahay. Baraha Bulshada ayaa waxa qabsaday hadalka Madaxwayane ee Doorashada in lacagteeda ay qaybtooda bixiyaan Xisbiyada Mucaaradka ah, dadwayanaha reer Somaliland ayaa fariimo kala duwan ku wadaagay in Doorashaduba ku xidhan tahay lacagataasi madaxwaynuhu ka dalbday Xisbiya Mucaaradka ah sidaasi darteedna loo baahan yahay in lacagta la isku ururiyo si loo dhamaystiro in doorashadu qabsoonto. Inkastoo khudbada Madaxwayanaha u badnayd canaan bulsho, mid siyasaddeed, mid dhaqaale, mid dhaqan iyo mid Amaan ayaan hadana bulshadu is weydiinaysay madaxwaynuhu cida uu canaanayo maadama oo isaga loo doortay kursigii ugu sarreeyey wixii la saxayana ay ahayd inuu isagu hormood ka noqdo balse uu taasi beddelkeeda bulshada canaan badan u jeediyay. Sidoo kale, waxa golaha ka maqnaa in badan 43 Xildhibaan oo Golaha wakiillada u badan, kuwaasi oo ku jiray wakhti fasax ah oo aan ka soo xaadirin fadhiga shalay, balse madaxwayne Biixi khudbadiisa kuma xusan taasi, waxaana buuxay kooramka Baarlamanka ee khudbada Madaxawayne biixi ku ansaxaysay. hadalka Madaxwayne Biixi ee ah Lacagta ha bixiyaan Mucaaradku ayaa ahaa mid aan laga filayn, waxaanay dad badan u arkayeen inuu yahay hadal gole ka fuul ah, balse dhinaca kale badheedhaha uu hawshaasi ka dhiibtay ayaa yaabisay dad badan, oo iyagu aan u arkin in hadalkaasi ahaa mid ku haboon madaxwayne laga sugayo doorasho dhamaystiran oo madaxtooyo taasi oo ka qabsoonta Somaliland oo muddo dheerna la sugayey. khubada Madaxwayne Biixi ayaa ahayd mid muddo dhaaftay oo ka soo dib dhacday wakhtigii sharciga ahaa ee looga baahna inay qabsoonto, waxaanay taasi keentay in su’aallo badan iska weydiiyaan bulshadu, balse Madaxwayne Biixi ayaa ku jira wakhti muddo korodhsi laba sanno ah oo Golaha Guurtida Somaliland, taas oo ay Mucaaridkuna ganafka ku dhuftay Muddo kordhintaasi. Source
-
Israa’iil ayaa weerarro ku dishay saddex hoggaamiye oo ka tirsan kooxda Islamic Jihad kaddib duqeymo dhanka cirka ah oo ay habeen hore ka geysatay marinka Qaza. Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in ugu yaraan sagaal qof oo kale oo ay ku jiraan haween iyo carruur ay sidoo kale dhinteen. Ku dhawaad labaatan kale ayaa ku dhaawacmay. Qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay guud ahaan magaalada Gaza iyo Rafah oo ku taalla koonfurta marinka Qaza, kuwaas oo argagax ku abuuray dadka deegaanka. Bayaan ay soo saareen, guutada Al-Qudus ee garabka militariga ee Jihaad Islaami ayaa lagu sheegay in iska caabinta Israel ay sii socon doonto. Boqollaal Gantaal ayaa dhanka Israa’iil looga soo tuuray Qaza toddobaadkii hore kaddib markii gacanta Israel uu ku dhintay Khader Adnan. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay markii u horeysay caro xooggan oo ka dhalatay askari ay tababar dowladda ugu dirtay dalka Uganda oo la sheegay in xubno kamid ah jirkiisa lagala baxay. Wasiirka Gaashaandhigga ee dowladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa beeniyay in askarigaas lagala baxay qaar kamid ah xubnaha jirkiisa, isaga oo sheegay in qaliin lagu sameeyay jirka askarigaas oo geeriyooday. Waxa uu sheegay in askarigaan uu xanuusansaday isaga oo tababarka ku jira, kadibna la dhigay isbitaal ku yaal Kampala, halkaasi oo markii dambe uu ku geeriyooday. “Waxaa lagu qasban yahay in qofka jirkiisa la jeexo si loo xaqiijiyo waxa geeridiisa sababay. Report-kiisii iyo fayl-kiisii oo ay ku jiraan asbaabta uu ugeeriyooday iyo maydkiisa ayaa la diyaariyay, waxaa kadibna loo soo qaaday dalka,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur. Wasiirka ayaa sheegay in qaliinkiisa si qaldan loo fasiray kadib markii laga soo dejiyay meydka marxuumka magaalada Muqdisho, “Qolo ayaa war xumo tashiilisay markii ay arkeen jirkiisa oo jeexan, meyd la jeexay Soomaalida niman ka dharagsan ma ahan, war xun ayaa loo sheegay oo intaas ayaa deegaanka gaartay.” Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay wasiirka gaashaandhigga in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ka suurtoobin in qof ay masuul ka tahay ama askari ay tababar u dirtay lagula kaco arrintaasi oo kale. “Masuuliyad intaas le’eg anoo haya in askari ciidanka xoogga dalka ka tirsan in waxyaabahaas qaarkood lagu sameeyo, ama raali ka noqon. Soomaaliya horey ciidamo ayay ugu dirtay Uganda iyo dalal kale, mana dhicin waxyaabahaas oo kale. Mana ahan waxaas wax ka suurtowda dowladda Soomaaliya.” Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli ay banaanbaxyo arrintaan uu beeniyay looga soo horjeedo ka dhaceen magaalada Xudur ee gobolka Bakool, oo markii hore laga qaaday askariga tababarka loo geeyay Uganda ee dalkaasi ku geeriyooday, maydkiisana dalka lagu soo celiyay. The post Maxaa ka jira in askari ay tababar u qaaday DF lagala baxay xubnaha jirkiisa? appeared first on Caasimada Online.
-
Diyaarado dagaal oo ay leedahay Israa’iil ayaa ayaa duqeymo ka geystay marinta Qaza, halkaas oo lagu weeraray hoggaamiye oo ka tirsan kooxda Islamic Jihad kaddib duqeymo dhanka cirka ah oo ay habeen hore ka geysatay, sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka reer Falastiin. Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in ugu yaraan sagaal qof oo kale oo ay ku jiraan haween iyo carruur ay sidoo kale dhinteen duqeymahaas marka laga reebo hoggaamiyaha la beegsaday oo halkaas ku geeriyooday, halka ku dhawaad labaatan kale ayaa ku dhaawacmay. Qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay guud ahaan magaalada Gaza iyo Rafah oo ku taalla koonfurta marinka Qaza, kuwaas oo argagax ku abuuray dadka deegaanka, waxaana weerarka lagu qaaday koox Islaami Jihaad ee ku sugan Qaza, sida ay sheegayaan wararka laga helayo. Bayaan ay soo saareen, guutada Al-Qudus ee garabka militariga ee Jihaad Islaami ayaa lagu sheegay in iska caabinta Israel ay sii socon doonto. Boqollaal Gantaal ayaa dhanka Israa’iil looga soo tuuray Qaza toddobaadkii hore kaddib markii gacanta Israel uu ku dhintay Khader Adnan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xukuumadda Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay warka been abuurka ah ee Muuse Biixi ku sheegay in ciidamada Puntland ka dagaallamayaan Laascaanood. Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa wareysi uu siiyay BBC-da ku caddeeyay in aysan marna ciidamada Puntland qayb ka noqon colaadda ka taagan Laascaanood. ” Ciidamada Puntland ka socda dagaalka Laascaanood qayb kama ahan. Muuse Biixi dadkii uu dulmiyay ayaa hubka qaatay oo iska celiyay balse dowladda Puntland kuma jirto” ayuu yiri Wasiirka. Wasiir Dirir oo su’aal laga weydiiyay halka ay hadda ku sugan yihiin ciidamada Puntland ayaa sheegay in ay difaac kaga jiraan buuraleyda Golis iyo Calmis halkaas oo ay kula dagaallamayaan kooxaha Argagixisada ah ee Al-shabaab iyo Daacish. PUNTLAND POST The post Puntland oo caddaysay in aysan marna qayb ka noqon dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb-galayay munaasabad ka qabsoomtay degmada Kaaraan oo kor loogu qaadayey kalsoonida shacabka ee la shaqeynta ciidammada, laguna dhiirri gelinayey Hay’adaha Amniga ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladda dalka xilligaan ku jiro. Ra’iisulwasaaraha ayaa dul istaagay khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka Puntland, kaas oo gaaray meel sare, waxaana muddooyinkii dambe jiray in dhinacyadu warbaahinta isku mariyeen hadallo adag oo badnaa eedeyn, Xamse ayaa xusay in maamulka Puntland madaxdooda looga baahan yahay wadasheyn cad. Ra’iisulwasaare Xamse ayaa shacabka Puntland iyo Maamulka ugu baaqay in aysan dib uga soo laaban halkii ay ka joogeen dowladnimada iyo dowlad dhisidda Soomaaliya, waxaana uu intaas ku daray in ay yihiin bulsho ku suntan in ay qeyb weyn ka qaatay sidii loo heli lahaa dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaamka Federalka ah. ” Maamulka Puntland iyo dowladda Puntland meesha ay ka jiigaan dowlad dhiska Soomaaliya ma ahan mid u qalanta, hormuudnimo ma ahan, meeshii la rabay in ay istaagaan ma ahan, meel aan u qalmin ayey taagan yihiin waxaan rabnaa iney hormuud ka ahaadaan Qarankaan dhisiddiisa iyo dhisidd socota ee Soomaaliya, maamulka Puntland iyo dowladda Puntland, waxaan rabnaa ineysan shacabkaas kasoo celin taariikhdiisa” ayuu yiri Xamse. Xamse Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in wadashaqeyn la’aanta wasaaradda maaliyadda Puntland iyo dowladda dhexe ay sababi karto inuu burburo barnaamijka Deyn Cafinta, kaas oo soo socday muddo dheer, waxaana uu ku dhuftay carabka inaan arrintaas aan la aqbali karin in Puntland ay sabab u noqoto, sida uu hadalka u dhigay. “Wasaaradaha maaliyadda waa ay wadashaqeeyaan marka laga reebo Puntland, wadasheyn yar oo xafiis la isugu yimaado oo Punland ay ka maqan tahay haddii ay u fashilanto yaa mas’uul ka noqonaaya? Shacabka Puntland Mas’uul kama noqonaayaan ee maamulka ayaa mas’uul ka noqonaaya, ma mudnid taariikh madow in ay ku qoranto Puntland, in la yiraahdo Deyn Cafiskii waa la fashilmay, yaa fashiliyay Puntland lama qaadan karo” Hadalka kasoo baxay Ra’iisulwasaare Xamse ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli khilaafka u dhaxeeya adaxda dowladda dhexe iyo maamulka Punland uu gaaray meel sare oo waxaana, jirta cabsi laga qabo in wadashaqeyn la’aanta dowladda iyo maamullada ay dib u dhigto barnaamijka Deyn Cafinta oo muddo dheer soo socday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane oo loo yaqaano (Kulane Jiis) oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan xoogooda uu ka socdo koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya. Kulane Jiis oo weerar ku qaaday dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday in la haystay fursad weyn oo loo adkaan karay Shabaab, balse dowladdii ay ka gaabiyay. “Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab waxa uu lahaa fursado gaar ah oo waawayn loogana adkaan karo Al-Shabaab. Waxaa jiray kacdoonkii Macawisley iyo ciidan karti leh oo dhisan loogana adkaan karay Alshabaab,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Cabdullahi Kulane. Xidlhibaanka ayaa xusay in haatan dagaalka uu isku beddalay fashil, isaga oo tusaale usoo qaatay khudbaddii guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo shalay sheegay inuu u itaal waayay howlgalkii gobolkaas, isaga oo toos ula wadaagay Cali Guudlaawe. “Dagaalku waxa uu isu beddelay fashil sida ku cad hadalkaan hogaamiyaha Macawisley, Gudoomiye Cali Jayte. Qayla-dhaanta Cali Jayte waxay tilmaan u tahay baaxadda guul-darrada taagan,” ayuu mar kale sii raaciyay. Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray in dowladda federaalka ay beerdareysay fursaddii ay heshay, gaar ahaan halganka maleeshiyaadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleuda. “Dowladda waxay meel cidlaa ku beerdareysay taageerada bulshada iyo halgankii Macawisleey ee dad badani ku shahiiday.Qirashada hogaamiyaha Macawisley oo ah in aysan sii wadi karin dagaalka waa jab weyn oo horseedi kara khatara badan,” ayuu yiri. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaa muuqata in dowladda dhexe ay awalba dagaalka ugu jirtay inay indhaha shacabka kaga jeediso dhaca iyo musuqmaasuqa baaxadda leh ee wadanka ka socda!” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay xildhibaan Cabdullaahi Kulane. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan la filayo inuu billowday wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay kusoo biirayaan waddamada dariska. The post Kulane Jiis oo weerar ku qaaday DF – “Waxay beerdareysay halgankii…” appeared first on Caasimada Online.
-
Amsterdam (Caasimada Online) – Istaahil Cabdullaahi oo ka mid ah gabdhihii xulka Qaranka kubadda koleyga Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay hormuud u tahay olole ku saabsan ka hortagga gudniinka gabdhaha. Istaahil oo ku sugan dalka Netherland, waxey nasiib darro ku tilmaantay in weli wacyiga bulshadu uusan u bisleyn in fagaarayaasha lagaga doodo dhibaatada caafimaad ee ku imaaneysa gabadhaha la gudo. “Gudniinka waxaan u aragnay wax aan laga hadlin, oo haddii aan ka hadalno wuxuu noqday muwduuc [Taboo] ah. Qofkii ka hadlana waxaa la leeyahay waxaasi waa sheeko dumar” Ayeey tiri Istaahil oo wareysi siisay Somali Nederland TV [Youtube]. Istaahil mar ay ka hadleysay doorka aabayaashu ka qaadan karaan joojinta gudniinka gabdhaha waxay tiri: “Waan jeclaan lahaa inaan ogaado in raggu ay mowduucaan isku soo qaadaan, waxaan rabi lahaa inaan ragga weydiiyo haddeey gabar ku tiraah; xanuun ayaa I haya maxaad sameynee.?” HALKAN KA DHAGEYSO VIDEO-GII OO DHAMMEYSTIRAN The post Istaahil: Waxaa nala dhihi jiray haddaad gudniin ka hadasho ma jirto nin ku guursanaya appeared first on Caasimada Online.
-
Israel ayaa saaka duqeyn oo xooggan oo ka dhan ah kooxda Islamic Jihad ku qaaday Marinka Gaza, waxaa sidaas ku dhowaaqay militarigeeda, ayada oo wasaaradda caafimaadka maamulka Xamza ee Gaza ay sheegtay in 12 qof lagu dilay. Wasaaradda ayaa sheegtay in haween iyo caruur ay ka mid ahaayeen dadka dhintay, hase yeeshee ma bixin faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan aqoonsiga dhibbanayaasha. Ciidamada Israel ayaa sheegay inay beegsadeen saddex hoggaamiye oo ka tirsan Islamic Jihad, oo ah koox ay u aragto argagixiso. Bayaan ay soo saareen ayey saddexda hoggaamiye ee la beegsaday ku sheegeen Jihad Ghannam iyo Khalil Al-Bahtani oo lagu beegsaday Marinka Gaza iyo Tareq Ezzdine oo lagu weeraray Daanta Galbeed. Islamic Jihad ayaa xaqiijisay in saddex ka mid ah saraakiisheeda sare la dilay, ayada oo bayaan ay soo saartay magacyadooda ku sheegtay Jihad Ghannam, oo ahaa xoghayaha golaha militariga ee guutada Al-Quds, iyo Khalil al-Bahtini oo taliye sare ka ahaa garabka militari. PUNTLAND POST The post Israel oo duqayn xooggan saaka ku qaaday Gaza appeared first on Puntland Post.
-
Somalia is not alone in facing massive climate-forced displacement and migration. Recent findings show that over the coming decades, the African continent will see an increase in climate-forced migration and displacement, with up to 113 million people projected to become internally displaced by 2050, according to the recently published African Shifts report by the Africa Climate Mobility Initiative. Source: Hiiraan Online
