Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. M/weyne Biixi oo Xil u magacaabay Mid ka mida Ganacsatadii Qaadka ee Dagaalka Laascaanood Sababtiisa lahaa Badhasaabka Cusub ee maanta Madaxwayne Biixi u magacaabay gobolka Sool Cabdikariin Siciid Aw Cabdi waxa uu kamid ahaa Saddexdii ganacsade ee horey loogu xidhay soo dejinta qaadka Miirooga. Qaran News
  2. Kenya will transition Dadaab and Kakuma refugee camps into integrated settlements in which refugees are expected to co-exist with host communities and benefit from government services as the state starts the planned closure of the two camps over security concerns. Source: Hiiraan Online
  3. The East Africa Community (EAC) Secretary General has revealed that the process to admit Somalia into the region is on course. Source: Hiiraan Online
  4. Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka aynu ka heleyno gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta sarkaal sare iyo ciidamo uu wato oo kasoo goostay Somaliland lagu soo dhaweeyay nmagaalada Laascaanood oo ay haatan gacanta ku hayaan ciidanka SSC. Sarkaalkan ayaa lagu sheegay inuu hadda ahaa Abbaan-duulihii Qeybta 7-aad ee ciidamada Somaliland, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay. Sidoo kale waxaa la socday ciidamo wata gaadiid dagaal, kuwaas oo toos ugu biiray SSC-Khaatumo oo haatan dagaal kula jirta milatariga Somaliland. Wararka ayaa sheegaya in sarkaalka is dhiibay uu ka mid ahaa ciidamadii uu hogaaminayay Mahad Cambaashe ee bilo kahor laga saaray gudaha magaalada Laascaanood. Sida aan xogta ku helnay waxa ay sarkaalkan iyo ciidamadiisa ay haatan kasoo baxeen xero ay ku lahaateen deegaanada Samakaab iyo Yagoori oo ay muddo dheer joogeen. Ciidamadan usoo goostay dhanka SSC ayaa ka mid noqonaya askar maalmihii u dambeeyay ku biireysay ciidanka dadka degaanka, ayaga oo kasoo baxay Somaliland. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Somaliland oo ku aadan arrinta ciidamadaas uga soo goostay dhanka SSC oo dagaal kula jirta maamulkaasi. Ma’aha ciidamo oo kaliya waxa isa soo dhiibaya, waxaana kamid ah mas’uuliyiin sar sare oo uu ugu dambeeyay Daahir Maxamed Axmed oo ahaa madaxa waxbarashada gobolka Sool ee Somaliland, kaas oo shalay ku biiray SSC-Khaatumo. Ninkan ayaa sidoo kale lasoo goostay gaadiid dagaal oo ay lahayd Somaliland, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay gudaha magaalada Laascaanood. Xaaladda ayaa weli cakiran, waxaana wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo gobolka Sool ay sheegayaan in ciidanka labada dhinac ay weli isku horfadhiyaan duleedka magaaladaas. The post Sarkaal sare iyo CIIDAMO kasoo goostay Somaliland oo ku biiray SSC-Khaatumo appeared first on Caasimada Online.
  5. Golaha Wasiirrada ayaa meel-mariyey Qaraarka Adkaynta Hufnaanta Maaraynta Maaliyadda Dalka oo ka kooban 8 qodob oo saldhiggiisu yahay Maaraynta Maaliyadda Guud ee Dalka, Maaraynta Dakhliga Dalka, Iibka iyo Qandaraaska Qaranka, Maareynta Hantida Guud ee Qaranka iyo Maamulka iyo Maaraynta Shaqaalaha. Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo guddoominayey Shirka Golaha Wasiirrada ayaa tilmaamay in qaraarkani uu yahay mid muhiim u ah ilaalinta hantida guud ee dadweynaha, la-dagaallanka Musuq-maasuqa iyo in hantida qaranka loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud. Shirka ayaa lagu meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda iyo Siyaasadda Howlgabka Shaqaalaha Rayidka. Sharcigani oo ah mid ilaalinaya xuquuqda Shaqaalaha Dowladda ee howl-gabka noqda iyo kuwa ay waxyeelladu soo gaarto iyaga oo gudnaya waajibaadka qaranka ayaa waxaa soo gudbiyey Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada. Shirka Golaha Wasiirrada ayaa Sidoo kale, lagu ansixiyey Heshiis Is-afgarad dhinacyada Caafimaadka iyo Shaqo Abuurka oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo Siyaasadda Qaran ee dhallinyarada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay xarunta Villa Somalia ee Muqdisho. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana goobjoog ahaa ku xigeeniisa Saalax Axmed Jaamac iyo inta badan golaha. Ugu horreyn golaha wasiirada Soomaaliya ayaa meel-mariyey Qaraarka Adkaynta Hufnaanta Maaraynta Maaliyadda Dalka oo ka kooban illaa 8 qodob oo saldhiggiisu yahay Maaraynta Maaliyadda Guud ee Dalka, Maaraynta Dakhliga Dalka, Iibka iyo Qandaraaska Qaranka, Maareynta Hantida Guud ee Qaranka iyo Maamulka iyo Maaraynta Shaqaalaha. Ra’iisul Wasaare Xamza oo ka hadlay qaraarkan ayaa tilmaamay inuu yahay mid muhiim u ah ilaalinta hantida guud ee dadweynaha, la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo in hantida qaranka loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud. Sidoo kale shirka maantra ee golaha wasiirada ayaa waxaa lagu meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda iyo Siyaasadda Howlgabka Shaqaalaha Rayidka. Sharcigani oo ah mid ilaalinaya xuquuqda Shaqaalaha Dowladda ee howl-gabka noqda iyo kuwa ay waxyeelladu soo gaarto iyaga oo gudnaya waajibaadka qaranka ayaa waxaa soo gudbiyey Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada. Waxaa sidoo kale isla maanta shirka golaha lagu ansixiyey heshiis is-afgarad dhinacyada caafimaadka iyo shaqo abuurka oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo siyaasadda qaran ee dhallinyarada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. Dhammaan sharciyadaan ayaa waxaa toos loogu sii gudbin doonaan Baarlamaanka Soomaaliya si uu ugu doodo, kadibna waxaa saxiixi doono madaxweynaha dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Maxaa kasoo baxay shirka golaha wasiirada? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  7. Madaxweynaha Somaliland ayaa xilkii ka qaaday Badhasabkii Gobolka Gabilay Cabdiqani Jiidhe oo ka soo jeeday Gobolka Sool. Cabdiqani ayaa ka mid ahaa Masuuliyiinta Sool ka soo jeeda balse la mowqidka ahaa Somaliland ee ka soo horjeeday Mowqifka Bulshada uu deegan ahaan ka soo jeeday. Qaran News
  8. Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Amniga gudaha ee Maraykanka Alejandro Mayorkas ayaa arbacadii ballanqaaday in “inta badan” kumanaanka muhaajiriinta ah ee doonaya inay maalmaha soo socda ka soo galaan xuduudda Maraykanku la wadaago Mexico, inay kala eryi doonaan. “Tani waa waxa dhici doona, dib ayaa laguu celin doonaa” sidaas waxaa yidhi xoghayaha amniga gudaha ee Maraykanka maalin ka hor, dhammaadka siyaasadda socdaalka ee mamnuucaysay in Maraykanka la soo galo, sababo la xidhiidhay cabsida faafitaanka cudurka COVID19. Sida ku cad siyaasadda cusub oo ah mid ka adag tii hore, ayuu sheegay Mayorkas in muhaajiriinta isku daya inay si sharci darro ah ku soo galaan Maraykanka, in la eryi doono, isla markaana laga mamnuuci doono inay Maraykanka cag soo dhigaan muddo shan sannadood ah. Qaar ka mida khubarada wax falanqeeya ayaa ku qiyaasay inay illaa 150,000 oo qof oo qaxooti ahi inay ku sugan yihiin xuduudda Maraykanka iyo Mexico kuwaas oo doonaya inay si uun u soo galaan gudaha Maraykanka. Soohdinta waddamada Mareykanka iyo Mexico ayaa waxaa xilligaan ku sugan Tahriibayaal dalal kala duwan kasoo jeeda oo doonaya in ay gudaha u galaan Dalkaas kaddib markii is baddel uu ku yimid maamulka diidanaa soogalootiga. Inkasta oo maamulka Madaxweyne Joe Biden aanay qaadin tallaabo ama go’aan adag balse waxaa muuqda in uu qaadi dooni tallaabooyin ka dhan ah qulqulka Tahriibayaasha daneynaya in ay galaan Mareykanka. Si kastaba, wixii ka dambeeyay Febaraayo 2022 waxaa sii kordhayay tahriibayaasha isaga kala gudbaya waddamo dhowr ah oo Qaaradda Ameerika ah si ay ugu dambeyn u tagaan Mareykanka oo ah bartilmaameedka socdaalkooda. The post Mareykanka oo hanjabaad u diray muhaajiriinta ku sugan xuduuda MEXICO appeared first on Caasimada Online.
  9. Saraakiil iyo Askar ka goostay Ciidamada Mahad Canbaashe oo Laascaanood lagu soo dhaweeyey. Qaran News
  10. Shacabka magaalada Beledweyne ayaa maalintii saddexaad ka barakacaya xaafadaha magaalada oo Fatahaadda Webigu aad u saameysay. Magaalada Beledweyne ayaa lagu soo waramayaa in hadda Badanaa fatahaadda wabigu saameysay xaafaddaha oo dadku banaanka uga baxeen waxaana jira daruufo badan oo dadkii magaalada ka baxay ay wajahayaan. Barakaca ay sameeynayaan dadka deegaanka ayaa xooggiisa ka socdo Xaawo Taako, Howlwadaag, Kooshin iyo Buundo Weyn, waxa ayna dadkii ku dhaqnaa xaafadahaasi ay u qaxeen duleedka Baladweyne iyo deegaano hoostaga magaaladaas. Biyaha webiga ayaa dhex ceegaaga guryaha ku yaalla Baladweyne, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inay jiraan qoysas badan oo ku go’doodsan gudaha magaalada oo ay la’yihiin meel ay uga baxaan biyaha webiga oo xad-dhaaf u fatahayo. PUNTLAND POST The post Fatahaad xooggan oo saamaysay magaalada Beledweyne appeared first on Puntland Post.
  11. Waxaa maalmihii ugu dambeeyay maraya Ololaha doorashada dalka Turikiga ee madaxtinimada iyo sidoo kale Baarlamaanka, xilli doorashu ay dhici doonto 14-ka May oo muwaadiniinta dalkaas ay soo dooran doonayaan madaxda hoggaaminaysa dalka shanta sano ee soo aadan, waxaana isku haya xisbiga AK iyo kuwa midoobay. Doorashadan ayaa noqonaysa tii ugu adkayd ee uu galo madaxweyne Erdogan, muddadii labaatanka sano ahayd ee uu dalkaas soo maamulayey, xilli uu ahaa Ra’iisulwasaaraha dalkaas iyo laba xilli uu madaxweyne ka noqday, waxaase wali muuqata in mucaaradku ay helayaan guulo, iyada oo aan la dafiri karin taageerada Etdugan heysto. Dhinacyada ayaa waxaa ay taageerashooda goobaha ololaha ay ka sheegayaan waxyaabaha ay qabanayaan haddii la doorto, xisbiga talada haya ayaa ku faanaya waxyaabihii ay ka qabteen Turkiga iyo hormarkii la gaaray 20-kii sano ee ay talada hayeen, sida wax soo saarka dalka kobcinta dhaqaalaha iyo arrimo kale oo la qabtay xilligaas. Xisbiga AK Party uu hoggaamiyo madaxweyne Erduwagaan ayaa sidoo kale shiigaya in ay ka ka badali doonaan siyaasadda arrimaha dibadda dalka Turkiga oo ar wanaajin doonaan xiriirka kala dhexeeyo reer Galbeedka iyo Midoga Yurub iyo xiriirka xumaaday dowladaha Turkiga iyo Mareykanka oo gabi ka raaracay muddooyinkaan. Xisbiga muucarada ah ee Jamhuuriga oo hore usoo aasaasay Mustafa Kemal Ataturk, oo hadda uu u sharaxan yahay Kemal Kilicdaroglu ayaa dhankooda waxaa lagu eedeeyaa in ay u janjeeraan reer Galbeedka iyo sidoo kale Mareykanka, waxaana goob fagaaro ah uu ka sheegay inuu doonaro inuu xiriir wanaagsan la yeesho Mareykanka. Maalinta Axadda ah ee soo aadan ayaa waxaa lagu wadaa in gabi ahaan dalka Turkiga loo dhaqaaqo doorashada madaxweynaha iyo midda Baarlamaanka, waxaana doorshada sanadkaan lagu tilmaamay doorashadii qarniga, xilli Turkiga ay usoo idlaatay ganaaxii lasaaray 1923-kii oo ku eg sanadkaan aan ku guda jirno kadib 100 sano. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay isbeddalka amni ee laga dareemayo degmada Kaaraan oo mar ka mid aheyd degmooyinkii ay ugu badnaayeen ciyaal-weerada. Yabooh oo ka qayb-galay kulan ka dhacay degmada Kaaraan ayaa sheegay in haatan uu aad u wanaagsan yahay amniga degmada, isla-markaana laga qabtay shaqo badan. Sidoo kale waxa uu tilmaamayin isbeddalka amni ee degmada Kaaraan uu ku yimid wada shaqeynta shacabka iyo ciidanka ammaanka ee dowladda Soomaaliya. “Ilaahbaa mahad-leh si fiican ayaa loo wada shaqeeyay maanta Kaaraan, wax badan ayay ka beddalan tahay sidiii hore, amaba waxaa dhihi karaa hadda kama jiraan ciyaal-weero” Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir ayaa u mahad-celiyay ciidamada ammaanka ee ka shaqeeyay inay amni ku naaloodaan reer Kaaraan. “Waxaan uga mahad-celineynaa Ilaahey SWT, waxaan uga mahad-celineynaa ciidamada ammaanka oo shaqo badan qabtay oo is kaashanaayo ciidamada boolis milataaro iyo kuwa booliska iyo nabad sugidda iyo maamulka gobolka Banaadir,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Ugu dambeyn wuxuu ku celiyay mar kale baaqiisa ku aadan wada shaqeynta shacabka iyo laamaha amniga, si looga hortago falalka ammaan dari ee ka dhacay gudaha caasimada. “Haddii aan la wada shaqeyn dhibkaa lagu jiraayaa, bulsho mideysan tuug ma ka dhex shaqeyn karo, khawaarijna kama dhex shaqeyn karto,” ayuu mar kale yiri Yabooh. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan laga dareemayaa deganaasho amni, kadib markii qayb ahaan lagu wareejiyay amniga ciidamo boolis milataaro ah oo dhowaan lagu soo tababaray magaalada Kampala ee waddanka Uganda. The post Daawo: Sidee ayuu ku yimid isbedalka amni ee Kaaraan? appeared first on Caasimada Online.
  13. Xarardheere (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday madaafiic oo xalay kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday gudaha degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug. Hoobiyeyaasha oo gaarayay lix ayaa lagu weeraray xero ciidan oo ku taalla degmadaas, balse waxa ay ku dhaceen xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah. Guddoomiyaha maamulka degmada Xarardheere, Maxamed Yuusuf Kulmiye oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay weerarkaasi, wuxuuna sheegay in la fashliyay. “Kooxaha Khawaarijta ayaa waxa ay isku dayeen inay weerar ku soo qaadaan demada, balse waan fashilinay weerarkaas, tiro hoobiyeyaal ah ayey soo tuureen,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in hoobiyayaasha ay ku dhaceen xerada bannaankeeda, isla-markaana uusan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray dadka shacabka ah. “Shacab waxba kuma gaarin dhammaana waxa ay soo tuureen ilaahey dadka waxba kuma gaarrsiin, illaa 6 hoobiyey ayay soo tuureen waxayna ku dhaceen xerada bannaankeeda” ayuu markale wareysiga ku yiri guddoomiyaha maamulka degmada Xarardheere. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan ay howlgallo ka wadaan agagaarka degmada, isla-markaana ay baacsanayaan kooxihii ka dambeeyay falkaasi. “Kooxaha hadda waa lagu sii daba jiraa ciidamada aad ayay usii baacsanayaan, meesha ay galeen ayaan ka daba gali doonaa,” ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiye Kulmiye. Xarardheere ayaa kamid ah degmooyinkii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay, waxaana haatan si wadajir ah uga howlgala ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka. The post Al-Shabaab oo madaafiic ku garaacday Xarardheere iyo wararkii u dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  14. Mogadishu (HOL) - At least six mortar shells were fired at the recently liberated town of Harardhere on Wednesday night, but no casualties were reported. Source: Hiiraan Online
  15. Mogadishu (HOL) - Veteran Somali journalist, Ismail Sheikh Khalifa, passed away in Mogadishu on Wednesday night, the family announced. Source: Hiiraan Online
  16. Waxaa lagu daahfurey Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Dalka Kenya, Mashruuc wayn oo ay Dowlada Japan kacaawineysay Maamulka Gobolka Banaadir Khariidadeynta habka Dijital-ka ah ee dhamanaan Degmoiyinka Muqdisho. Mashruucaan furitaankiisa waxaa kasoo qayb galay Masuuliyiin uu hogaaminayo Gudoomiye kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhanka Howlaha Guud, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Maaliyada, Agaasimaha Xafiiska Duqa, Agaasimaha Mashaariicda iyo Xiriirka Hay’adaha, Safiir Kuxigeenka Safaarada Japan ee Kenya, Howl wadeeno iyo Qubaro Japanese ah, waxaana shirka Martigaliyay Safiirka Safaarada Soomaaliya ee Dalka Kenya. Faaidada Mashruucan iyo ujeedooyinkaasa waxaa kamid noqon doona. 1- Sawirida Magaalada dhanka Satellite-ka, 2-Aasaaska Barta Xakamaynta Dhulka (GCP), 3-Soosaarka Khariidadda Magaalada Topographic, 4-Horumarinta Nidaamka GIS Web, 5-Tababarka Shaqaalaha Dowlada Hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Kumannaan muhaajiriin ah ayaa lagu qabtay xuduudda Maraykanka uu la wadaago Mexico, iyadoo saacado uun ay ka harsan yihiin waqtiga uu dhacayo xeerka soogalootiga ee muranka dhaliyay. Xaalad jahawareer ah ayaa ka taagan magaalada El Paso ee gobolka Texas, halkaas ooay buux dhaafiyeen muhaajiriin ka soo tallaabay xuduudda. Intooda badan waxa ay ka walaacsan yihiin sida uu xaalka noqon doono. Dadkaas ayaa ku nool hareeraha wadooyinka, waxaana dhowr kun oo kamid ah ay maalmihiii la soo dhaafay ku sugnaayeen kaniisad ku taalla magaalada El Paso. “Weli ma aan arag waxan oo kale. Waa in la helo isbedal. Ka bulsho ahaan, sidan kuma sii jiri karno,” ayuu yiri maayarka magaaladaas, Oscar Leeser oo Arbacadii la hadlayay laamaha amniga. Madaxweyne Joe Biden ayaa horraantii todobaadkan qiray in “jahawareer muddo socon doono” uu ka dhici doono xuduudda, hase yeeshee ay dowladdiisu ku dedaalayso wax ka qabashada xaaladda. Waxaa saqda dhexe ee 11-ka May [xilliga Maraykanka] dhici doona xeerka Title 42 oo uu sanadkii 2020 dhaqangeliyay Madaxweynihii hore, Donald Trump. Xeerka ayaa dhigaya in Maraykanka uu xuduudda Mexico ku celin karo soogalootiga ay kamidka yihiin kuwa doonaya magangelyada bani’aadannimo, iyadoo lagu marmarsiyoonayo xanuunka Covid-19. Leeser ayaa ka digay in qiyaastii 10,000 oo muhaajiriin ah ay doonayaan in ay ka soo gudbaan xuduudda magaaladiisa. Muhaajiriintaas iyo kuwa ku sugan gudaha Maraykanka ayaa wajahaya mustaqbal hubanti la’aan ah Source
  18. Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Goboleedka Hirshabelle Mudane Yusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa Booqday Xarunta Dhexe ee SoDMA,waxaana halkaas ku soodhaweeyey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle iyo Gudoomiye ku xigeenka hay’adda SoDMA Dr Axmed Cabdi Aadan. Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta ayaa kawada hadlay Xaalada Magaalada Baladweyne iyo fatahaada ku dhuftay Magaalada Baladwayne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Madaxda hay’adda SoDMA ayaa ballan qaaday in taageero deg deg ah lala gaari doonaan dadka ka barakacay Fatahaadaha ku dhuftay Baladwayne, Sidoo kale Madaxda ayaa intaas raaciyay in diriyaan guddi horu dhac oo sii qiimeeya xaaladda meesha ka taagan. Madaxwayne Yusuf Dabageed ayaa Madaxda hay’adda Maaraynta kaga mahadceliyay isku hawlidda iyo xal uhelidda dhibaatada ka taagan halkaas iyo soo laablaabashada fataahadaha mar walba ka dhaca magaalada Baladweyne iyo deegaannada kale ee Hishabeelle Magaalooyinka Baladweyne iyo Jowhar ee gonollada Hiiraaan iyo Shabeellaha dhexe waxaa ka dhacay Fatahaado uu sameeyay Wabiga Shabeelle, kuwaas oo khasaare u geystay dadka Shacabka ah iyo sidoo kale dhul beer eedo ay biyuhu la tageen, waxaana jira in ay dad badan ka barakaceen xaafadaha qaar, kuwaas oo wajahay xaalad adag oo dhanka nolosha ah Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Abbaan-duulihii Qeybta 7aad ee ciidamada Somaliland oo dhawaan la magacaabay iyo ciidan uu hogaaminayo ayaa ka goostay Somaliland. Waxa ay ku biireen dhinaca SSC-Khaatumo, iyagoo ka mid ahaa ciidamadii uu hogaaminayay Mahad Cambaashe oo bilo kahor laga saaray gudaha magaalada Laascaanood. Ciidamadan ayaa fariisin ku lahaa degaanka Samakaab iyo Yagoori oo ay joogeen, waxayna qeyb ka yihiin ciidamo kale oo 2dii maalmood ee lasoo dhaafay ku biiray dadka degaanka. PUNTLAND POST The post Saraakiil iyo ciidamo ka goostay Somaliland oo lagu soo dhaweeyay Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  20. Beledweyne (HOL) – A delegation led by the President of Hirshabelle regional state arrived in Beledweyne on Wednesday to inspect the areas affected by flooding. Source: Hiiraan Online
  21. Xoghayaha Amniga gudaha ee Maraykanka Alejandro Mayorkas ayaa arbacadii ballanqaaday in ay kala eryi doonaan inta badan kumanaanka muhaajiriinta ah ee doonaya in ay maalmaha soo socda ka soo galaan xuduudda Maraykanku la wadaago Mexico. “Tani waa waxa dhici doona, dib ayaa laguu celin doonaa” sidaas waxaa yiri xoghayaha amniga gudaha ee Maraykanka maalin ka hor, dhammaadka siyaasadda socdaalka ee mamnuucaysay in Maraykanka la soo galo, sababo la xiriira cabsida faafitaanka xanuunka COVID19. Sida ku cad siyaasadda cusub oo ah mid ka adag tii hore, ayuu sheegay Mayorkas in muhaajiriinta isku daya inay si sharci darro ah ku soo galaan Maraykanka, in la eryi doono, isla markaana laga mamnuuci doono inay Maraykanka cag soo dhigaan muddo shan sannadood ah. Qaar ka mida khubarada wax falanqeeya ayaa ku qiyaasay inay illaa 150,000 oo qof oo qaxooti ahi inay ku sugan yihiin xuduudda Maraykanka iyo Mexico kuwaas oo doonaya inay si uun u soo galaan gudaha Maraykanka. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo u hanjabay Muhaajiriinta ku sugan Xuduudka Maraykanka iyo Mexico appeared first on Puntland Post.
  22. (ERGO) – Jamilo Ishkoow Omar, a mother of seven, pulled her 13-year-old eldest son out of school in January and sent him out to work, as life for their impoverished family living in a camp in the central Somali town of Adado became impossible. Source: Hiiraan Online