Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Laascaanood (Caasimada Online) – Danjiraha xafiiska kasii tegaya ee dowladda dalka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Larry André oo wareysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC ayaa si adag uga hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee Sool. Larry André oo habjabaad culus soo saaray ayaa labada dhinac ku eedeeyay inay ka dhagaha fureysten baaqyadii nabadda ee ay horay ugu direen, si loo joojiyo dagaalka. “Aniga saaxibada kale ee caalamka waxaan warsaxaafadeed kasoo saarnay durbadiiba markii uu billowday dagaalka, waxaan ku baaqnay in colaada la joojiyo miiska wadahadalka lagu xalliyo khilaafka” ayuu wareysigan ku yiri safiirka xilka kasii tegaya ee Larry André. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waxaan si toos ah ula hadlay hoggaamiyeyaasha Hargeysa, Laascaanood iyo Garoowe”. Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay inay horay u caddeeyeen mowqifkooda, isla-markaana sii socosha dagaalkan ay ka dhalan cawaaqib xumo, sida uu hadalka u dhigay. “Si cad ayaa u sheegnay halka aan ka taagnahay dagaalkaas, kadib wadahadalkii aan la yeeshay madaxweyne Biixi iyo qoraalkii aan soo dhigay baraha bulshada. Haddaba waxaan ku sheegayaa in sii socoshada dagaalkan ay ka dhalan karto cawaaqib dhanka sharciga ah oo dhankeena ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay safiirka waddanka Mareykanka. Danjiraha ayaa sidoo kale ku goodiyay inuu Mareykanka tallaabo adag ka qaadayo dadka sii hurinayo colaadda, isla-markaana ay miiska u saaran tahay cunaqabateyn uu sheegay in lagu soo rogayo shaqsiyaadka ka dambeeyay dagaalka, balse ma shaacin magacyadooda. “Go’aanadda noocaas waxaa gaara mas’uuliyiin sar sare oo ku sugan Washington, marka la gaaro go’aanadaas lama shaaciyo cidda la saaray cunaqabeynta, balse waxaa la shaaciyaa in aan qaadna tallaabadaas oo ah mid aan jecleyn, balse laga fursan waayay ” ayuu yiri. Laacaanood ayaa waxaa tan horraantii bishii Febraayo ee sanadkan ka socdo dagaallo qaraar oo u dhexeeyo Somaliland iyo SSC, kuwaas oo sababay dhimshada boqolaal qof, dhaawac ka badan kun qof, barakac iyo burbur xoogan oo soo gaaray magaaladaasi. The post Mareykanka oo hanjabaad culus kasoo saaray dagaalka magaalada Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  2. Barasaabka gobolka Florida Ron DeSantis ayaa si rasmi ah Arbacadii ugu dhowaaqay inuu u ordayo loolanka xubnaha Jamhuuriga ee xilka madaxweynaha Mareykanka , isaga oo kulan dadweyne ku qabtay Twitter Space. “Waa inaan soo afjarnaa dhaqanka guuldarrada ee sanadihii dhowaa asiibay Xisbiga Jamhuuriga,” ayuu yiri DeSantis oo kumanaan qof ay dhageysaneyeen, oo uu ka mid yahay milkiilaha Twitter Elon Musk. Intii uu socday kulanka, ayaa Twitter Space-ka waxaa asiibay cilad keentay in kumanaan qof ay ka baxaan khadka, oo uu ka mid yahay DeSantis, waxaana markii dambe barta wareegay hashtag #DeSaster. Ku-biiritaanka loolanka Xisbiga Jamhuuriga ee DeSantis ayaa billaabeysa tartan adag oo dhexmari doono isaga iyo Donald Trump oo mar xulufo ahaa, kaasi oo looga adkaaday doorashadii 2020 ee lagu doortay Joe Biden. Barasaabka Florida ayaa isku calaameeyey inuu yahay hoggaamiye shaqadiisa kasoo baxa oo mar is-hortaagay dowladda federaalka oo ay isku qabteen siyaasaddii COVID-19. PUNTLAND POST The post Ron DeSantis oo si rasmi ah ugu biiray loolanka loogu jiro Aqalka Cad appeared first on Puntland Post.
  3. Wasiirada Maaliyada ee Somalia,Djibouti & Agasimaha Horumarinta Bariga Africa oo kala saxeexday Heshiiska Dhismaha waddo isku xidhi doonta Lawyacade & Boorama Wasiirada Maaliyada ee Somalia,Djibouti iyo Agasimaha horumarinta Bariga Africa ayaa kala saxextay wajigii koowaad ee wada isku xidhi doonta Lawyacade iyo Borama oo dhawan la bilaabi doono. Today, I signed phase 1 of road infrastructure projects under the Horn of Africa Initiative connecting #Djibouti & #Somalia.Infrastructure is crucial for national economic development & connecting opportunities across the HoA. We are grateful to our partners for their support. pic.twitter.com/dNvkYQ11j8 — Dr. Elmi M.Nur MP (@ElmiNur4) May 24, 2023 Qaran News
  4. Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta 5 maalmood oo rummaan ah ( xabs ku sii hayn ah) u jartay wariye Bushaaro Baanday. Hore waxa ay u soo dhammaysatay 7 maalmood oo rummaan ah. Hassan Gallaydh Source
  5. Safiirka Uk ee Somaliya Amb. Mike Nithavrianakis, iyo wakiilka Uk ee Somaliland Lizzie Walker, ayaa maanta kulan la qaatay komishanka doorashooyinka Somaliland oo ay ku bogaadiyeen diyaar garawga qaybinta kaadhadhka codaynta. Waxaana sidoo kale ay digeen Muddo kordhin dambe oo dhacda, iyaga oo saami layda siyaasada ugu baaqay in ay gaadhaan Heshiis. Qaran News
  6. Garowe (Caasimada Online) – Somalia’s semi-autonomous state of Puntland, a region rich in oil, is currently in the throes of a historic transition toward democracy. Despite ongoing security issues disrupting some areas, Puntland marked a significant milestone by conducting landmark local elections this Thursday. These elections represent a notable departure from the past, as they are the first one-person, one-vote polls to be held in the embattled Horn of Africa nation in more than 50 years. The only exception being the breakaway region of Somaliland. Despite the battles against a devastating Islamist insurgency and the relentless assault of natural calamities, including a severe drought pushing the country to the brink of famine, Somalia continues its struggle to rise from the rubble of decades-long conflict and disorder. ‘Global support’ The country’s International allies have lauded the district council elections of Puntland, terming them as “historic.” “The partners believe that Puntland’s experience with direct elections has the potential to inform and inspire the expansion of democracy across Somalia at all levels of government,” they expressed in a statement before the voting commenced. However, the electoral process hasn’t been without its hurdles. Polling in three of the region’s 33 districts, including the state capital Garowe, has been put on hold due to unspecified security incidents, according to a statement released by the Transitional Puntland Electoral Commission (TPEC) on Wednesday. The TPEC underscored its commitment to ensuring safety and resolving conflicts through dialogue in its statement. They promised to announce the new dates for voting in the affected districts soon. ‘Volatile transition’ A recent report by the UN’s humanitarian agency OCHA elucidates the challenges faced in Puntland’s transition to the new electoral system, describing it as “volatile and fraught with obstacles.” Historically, Puntland has had an uneasy relationship with the central government in Mogadishu since declaring autonomy in 1998. However, Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud, elected by lawmakers a year ago, made a promising declaration this March. He announced that the next national elections would employ universal suffrage, shifting away from the current complex indirect model. This local election precedes a regional parliamentary poll slated for January 2024. As seven parties gear up for the race, some opposition politicians have voiced concerns about the integrity of the process. They have accused state president Said Abdullahi Deni of manipulating the election procedure. ‘Constitutional controversy’ Deni’s term is set to conclude in January, and there are allegations that he might attempt to modify Puntland’s constitution to extend his mandate. An opposition forum convened in mid-May strongly condemned any such attempt, especially at this crucial stage of the transition period, when the mandate of both parliament and government is nearing expiration. In spite of these challenges, more than 387,000 voters have registered for the Puntland elections. They will be choosing from a field of 3,775 candidates, including a significant 28 percent representation of women, according to the TPEC. The post Somalia’s Puntland holds historic local elections appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, kaas oo lagu soo bandhigay laba warbixin oo muhiim ah. Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, maadaama uu weli ra’iisul wasaaruhu safar ugu maqan-yahay dalka Masar. Labada warbixin ee shirka diiradda lagu saaray midood waxaa lagu gorfeeyay xaaladda bani’aadanimo ee ka taagan Beleweyne oo ay dhowaan ku dhufatay fatahaad xoogan. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaana golaha u soo bandhigtay warbixin la xiriirta Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka sameeyey Gobolka Hiiraan, taas oo saameyn xoog leh ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada ku nool deegaannada uu wabigu ku fatahay. Sidoo kale warbixinta labaad ayaa looga hadlay imtixaanka shahaadiga ah ee ay sanadkan qaadeyso dowladda federaalka, kaas oo haatan aad loogu diyaar garoobayo. Dhankeeda wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ayaa shirka kusoo bandhigtay warbixin ku aaddan u diyaar garowga imtixaanka qaran ee dugsiga sare, gaar ahaan fasalka 4aad ee sannad dugsiyeedka 2022-2023. Golaha wasiirada ayaa sidoo kale kulankooda kusoo hadal qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee weli ka socda gobollada dalka, kaas oo guul weyn laga gaaray. Golaha ayaa boggaadiyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka, gaar ahaan guulihuu u dambeeyay ee ay ka soo hoyeen howlgallada xoreynta ee ka socda dalka. “Golaha ayaa bogaadiyey guulaha ay ciidammadu ka gaareen dagaalka looga sifeynayo dalka kooxaha Khawaarijta iyo hirgelinta qaraarkii Golaha Wasiirrada ee nidaaminta Bajaajta caasimadda oo dhaqan galay maanta oo khamiis ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay shirka golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya. The post Shirka Golaha Wasiirada ee maanta oo laba warbixin lagu soo bandhigay + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  8. Waxaa deegaanada Puntland si rasmi ah uga bilaabatay doorashada qof iyo cod ee golaha deegaanka ee Puntland. Waxay doorashada ka dhaceysaa soddon degmo oo ku kala yaalla Mudug, Bari, iyo Sanaag iyo deegaano kale oo Puntland ah marka laga reebo gobolka Nugaal oo ay xarun u tahay Garoowe. Guddiga doorashada ayaa codeyntii halkaas ka dhici laheyd dib u dhigay khilaaf hubeysan iyo rabshado gobolka ka dhacay, iyadoo ciidamo hubeysan oo doorashada kasoo horjeeda ay meelaha qaar la wareegeen sanduuqda codbixinta. Ilaa 319,000 oo qof ayaa la filayaa in ay codkooda dhiibtaan, inkastoo dadka kaadhadhka qaatay ay intaa ka badan yihiin. Bulshada reer Puntland ayaa safaf dheer ugu jira in ay codkooda dhiibtaan waxaana si nabad gelyo ah ku socota codaynta doorashada qof iyo cod, sida ay Somalilandtoday u xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ahi. Source
  9. Safaaradda Shiinaha ee Kenya ayaa beenisay warbixin ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters oo ku saabsan in burcadda u dhalatay qaaradda Aasiya ay weerareen hay’ado muhiim ah oo ku yaalla magaalada Nairobi oo ay ku jirto madaxtooyada, si ay u qiimeeyaan in dalka uu bixin karo balaayiin doollar oo ay Beijing ku leedahay. Laakiin bayaan ay soo saartay Arbacadii, safaaradda Shiinaha waxay ku sheegtay in warbixintu ay tahay “mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin”. “Weerarada dhanka internetka ayaa ah khatar guud oo soo wajahda dhammaan dalalka.Shiinaha sidoo kale waa dhibane weerarada dhanka internetka ah,” ayay safaarada sii raacisay. Source
  10. Wabiga Shabeelle ayaa Fatahaado hor leh waxaa uu ka sameeyay magaalada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan, xilli ay wali taagan tahay saameynta ka dhalatay Fatahaadii magaalada Baladweyne, waxaana magalada ka bilowday barakac ay sameynayaan shacabka ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaalada. Xaafadaha Indhoceel, Bog Abeeso, Xaaji Buubey iyo Wadajir ayaa ah xaafada ugu badan ee ka dhacay Fatahaadda, Wabiga ayaa ah mid dhex mara magaalada, waxaana sidoo kale laga cabsi qabaa inuu saameeyo Buundada la isaga gudbo xaafadaha magaalada , waxaana sii kordhaya walaaca Bulshada. Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada degamada Jaliil Ciise Foodey ayaa dowladda federalka ka codsaday in gargaar Bani’adnimo lala soo gaaro dadka ku dhaqan Buulo Burde ee Wabiga uu ku fatahay, isaga oo sheegay in Wabiga uu sanadkaan sameeyay biyo baxo aad uga duwan kii hore looga arki jiray. Magaalooyinka Baladweyne, Jowhar, Mahadaay iyo Buulo Burde ayaa xilligaan si isku mid ah u wajahaya sameyn ka dhalatay Wabiga Shabeelle , waxaana jira walaac iyo cabsi ka taagan magaalooyinka Balcad iyo Afgooye oo laga cabsi qabo inuu ka geysto Fatahaado Wabiga Shabeelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Mogadishu (HOL) - At least two people were injured in a landmine explosion that occurred in Mogadishu's Kahda district on Thursday. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo ay xalay ciidamada dowladda Sfederaalka oomaaliya ay ka sameeyeen qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir iyo sidoo kale duleedka magaalada Muqdisho. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa laga sameeyay degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Heliwaa, waxaana fuliyay ciidamada Boolis Milataaro ee ku sugan caasimada. Sidoo kale ciidamada ayaa howlgalkooda ku gaaray deegaanka Daarusalaam ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo ay sidoo kale ka sameeyeen baaritaano dheeraad ah. Inta uu howlgalka socday ayaa waxaa ciidamada ay ku soo qabteen koox burcad ah oo bistoolad caag ku dhaceysay dadka deegaanka, kuwaas oo haatan lasoo xiray. Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo kormeer sameeyay ayaa ka warbixiyay howlgalladaas, wuxuuna sheegay in ujeedka uu ahaa in uu soo indha-indheeyo qaabka ay u howlgalayaan ciidanka. “Waxaan kormeer ku tegnay dhowr degmo oo kala ah, Heliwaa, Yaaqshiid, deegaanka Daarusalaam iyo Kaaraan oo aan hadda joogno waxaan u kuur-galeynay sida degmooyinkaas aan soo marnay ay ciidamada ammaanka uga howlgalaayeen,” ayuu yiri. Yabooh ayaa intaasi kusii daray in ciidamadu ay si wanaagsan u gudanayeen waajibaadkooda, isla-markaana ay baarayeen gaadiidka iyo dadweynahaba, “Si qurux badan oo aad iyo aad aan ula dhacnay oo dhameystiran ayaa loo baaraayay gaadiidka,” ayuu sii raaciyay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada G/Banaadir. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa indhowaanahan ka socday howlgallo culus oo amni xaqiijin ah, kuwaas oo deganaasho nay ku dareemeen reer Muqdisho, maadaama ay yaraadeen falalkii ammaan darrida, sida weerarada qaraxyada, dilalka iyo falalka dhaca ah. The post Daawo: Ciidanka ammaanka oo howlgal culus ka sameeyay saddex degmo appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka xarunta maamulka degmada, kaas oo sababay khasaare u badan dhaawac. Wararka ayaa sheegaya in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa bar ay gaadiidka ku baaraan ciidanka Boolis Milataaro oo ku taalla halkaasi, taas oo uu qaraxu ka dhacay. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhaawacmay ugu yaraan illaa laba qof oo maray waddada dhinaceeda, kuwaas oo loola cararay mid kamid ah goobaha caafimaadka. Sidoo kale waxaa goobta isla markii tegay ciidamada ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyay xaafadaha u dhow halka uu qaraxu ka dhacay, balse ma jirto wax hadal ah oo ay illaa iyo hadda saraakiisha laamaha amniga kasoo saareen qaraxaas iyo howlgalka xigay. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa guud meesha ay wax ka dhaceen, sida ay soo warinayaan dadka deegaanka. Waa qaraxii saddexaad ee magaalada Muqdisho lagula beegsanayo ciidamada booliska ee sida milatariga u tababaran ee lagu wareejiyay qaybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana horay loogu qarxiyay isla degmada Kaxda iyo sidoo kale Dayniile. Weerarkan ayaa kusoo aadaya, ayada oo maalmihii lasoo dhaafay ay daganeyd xaaladda magaalada Muqdisho marka loo eego xilliyadii hore oo ay ka dhici jireen weeraro joogta ah. Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa caasmada ka socday howlgallo ballaaran oo amni xaqiijin ah, kuwaas oo lagu fashiliyay weeraro, laguna qabtay hub loo waday Al-Shabaab. The post Faahfaahin ku saabsan QARAX ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  14. Waxaa maanta siweyn caasimadda uga hirgalay go’aankii kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir ee ku aadanaa Midabeyn Mooto Bajaajyada iyo sida ay u kala shaqeynayaan, 25-ka bisha May oo maanta ku beegan Muqdisho ayaa waxaa ay dadweynuhu raacayaan Bajaajta ku midabeysan A, halka maalinta xigta ay shaqeynayso B. Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa hore sheegay in looga golleeyahay xakameynta Jaamka badan ee waddooyinka caasimadda iyo sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka magaalada Muqdisho, Wareegtada maamulka ayaa sidoo kale lagu xusay in tallaabo laga qaadi doono ciddii ku xad gudubta. Arrintaan ayaa haddii ay si sax ah u dhaqangasho waxaa la saadaalinayaa in ay wax badan ka tari doono Jaamka faraha badan ee wadooyinka caasimadda, taas oo bulshadu ay dhibaatooyin badan ku qabaan, waxaa mararka qaar ka dhasha shilal kuwaas oo ay wax ku noqdaan wadayaasha gaadiidka Mootada iyo kuwa rakaabka ah intaba. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Guddoomiyaha guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa ka warbixiyay doorashooyinka qof iyo cod oo saaka si nabdoon uga bilowday 30 degmo oo ka tirsan Puntland. Guddoomiyaha TPEC ayaa sheegay in dhammaan goobaha cod-bixinta doorashooyinka ay saaka ku furmeen si nabad ah guud ahaan degmooyinka Puntland ee laga codaynayo. Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa sidoo kale u mahadceliyay shaqaalaha guddiga doorashooyinka ee TPEC iyo ciidamada amniga ee ka shaqaynaya doorashooyinkankan taariikhiga ah. PUNTLAND POST The post Doorashooyinka taariikhiga ah ee qof iyo cod oo saaka si nabdoon uga bilowday Puntland appeared first on Puntland Post.
  16. Garoowe (Caasimada Online) – Deegaanada Puntland waxaa maanta oo ku beegan 25 May ee 2023 loo dareeray doorashooyin qof iyo cod ah oo lagu soo dooranayo goleyaasha deegaanka, taas oo ay si weyn ugu loolamayaan ururada siyaasadda ee ka jira Puntland. Illaa 30 degmo ayay ka qabsoomayaan doorashooyinka, kuwaas oo ay saaka dadweynuhu safaf dhaadheer ugu jiraan goobaha cod-bixinta, si ay codadkooda u dhiibtaan. Sida la filayo waxaa codadkooda dhiiban doonto qiyaastii illaa 319,000 oo qof (Sadex boqol 19 kun oo qof), inkastoo dadka is-diiwaangeliyay ay intaasi ka badan yihiin. Sidoo kale waxaa doorashada loo diyaariyay 395 goobood oo la dhigay sanaadiiqda doorashada maanta ka bilaabatay Puntland oo ay ku tartamayaan illaa todobo urur. Dhanka kale, waxaa la hakiyay doorashada saddex degmo oo kala ah Garoowe, Godobjiiraan iyo Dangorayo, sababo la xiriira amniga, sida uu shaaciyay guddiga doorashooyinka Puntland, waxaana weli xiisad ay ka taagan tahay gobolka Nugaal. Waxaa sidoo kale aad loo adkeeyay ammaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka oo la geeyay ciidamo dheeraad ah, waxaana bandow lagu soo rogay guud ahaan Puntland. Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa dhanka kale soo dhoweeyay bulshada rayidka Puntland oo warsaxaafadeed kasoo saaray hannaanka wax ku socdaan. Bulshada rayidka ayaa si weyn doorashadan waxa ay ugu bogaadisay maamulka, maadaama tallaabada horumarleh uu uu qaaday dhanka dimuquraadiyadda. S kastaba, Puntland oo ah hooyada federaalka ayaa markii ugu horreysay qabaneysa doorasho qof iyo cod ah oo ay si weyn isha ugu hayaan dadweynaha Soomaaliyeed, waxaana ay xujo kale ku noqon doontaa maamullada kale iyo xitta dowladda dhexe. The post Sawirro: Doorasho taariikhi ah oo ka bilaabatay maanta PUNTLAND appeared first on Caasimada Online.
  17. Hargeisa (HOL) - Somaliland President Muse Bihi Abdi held talks with the newly appointed British Ambassador to Somalia, Ambassador Mike Nithavrianakis, at the Presidential Palace in Hargeisa on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  18. Beledweyne (HOL) - Somali security forces successfully thwarted a terrorist attack in the central town of Beledweyne on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  19. Garowe (HOL) - Thursday will mark a historic milestone for Somalia's Puntland region: its first democratic local elections since 1967. Source: Hiiraan Online
  20. Washington (Caasimada Online) – Barasaabka gobolka Florida Ron DeSantis ayaa si rasmi ah Arbacadii ugu dhowaaqay inuu u ordayo loolanka xubnaha Jamhuuriga ee xilka madaxweynaha Mareykanka , isaga oo kulan dadweyne ku qabtay Twitter Space. “Waa inaan soo afjarnaa dhaqanka guuldarrada ee sanadihii dhowaa asiibay Xisbiga Jamhuuriga,” ayuu yiri DeSantis oo kumanaan qof ay dhageysaneyeen, oo uu ka mid yahay milkiilaha Twitter Elon Musk. Intii uu socday kulanka, ayaa Twitter Space-ka waxaa asiibay cilad keentay in kumanaan qof ay ka baxaan khadka, oo uu ka mid yahay DeSantis, waxaana markii dambe barta wareegay hashtag #DeSaster. Ku-biiritaanka loolanka Xisbiga Jamhuuriga ee DeSantis ayaa billaabeysa tartan adag oo dhexmari doono isaga iyo Donald Trump oo mar xulufo ahaa, kaasi oo looga adkaaday doorashadii 2020 ee lagu doortay Joe Biden. Barasaabka Florida ayaa isku calaameeyey inuu yahay hoggaamiye shaqadiisa kasoo baxa oo mar is-hortaagay dowladda federaalka oo ay isku qabteen siyaasaddii COVID-19. Waxa uu difaacay dadaalladii uu Florida uga mamnuucay in iskuullada lagu dhigo casharo ku saabsan aqoonsiga jinsiga qofka iyo cunsuriyad wadareedka, isaga oo sheegay inuu ka ilaaliyey caruurta siyaasadda bidixda fog. Ayada oo magaciisa qaranka uu sare usii kacayo, islamarkaana haysta taageero dhaqaale oo xooggan, DeSantis oo 44 jir ah ayaa durba noqonaya ninka uu Trump kala kulmi doono loolanka ugu xooggan. “Dowladdu ma ahan madadaalo ama inaad dhisto magacaaga,” ayuu yiri DeSantis oo u muuqda mid duraya Trump. Hase yeeshee marnaba ma xusin magaca Trump. Trump oo 76 jir ah ayaanse ka gaban inuu ku jeesjeeso DeSantis, isaga oo duraya ololihiisa ku billowday ciladda qabsatay Twitter Space-ka. Codadka ra’yiga ayaa muujinaya in Trump uu aad uga horreeyo DeSantis, ayada oo taageeradiisa Jamhuuriga ay laba mar ka badan tahay tan DeSantis. VOA + REUTERS The post Wararkii ugu dambeeyay ee loolanka loogu jiro Aqalka Cad appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta si rasmi ah uga dhaqan-galay go’aankii kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir ee ahaa jadwalka Mooto Bajaajyada ee A iyo B, kaas oo qorshihiisu in mudo ah soo socday. Maanta oo ah 25 bisha May ee sanadka 2023 ayaa waxaa shaqeynaya Bajaajyada wata sumadda A, taas oo haatan si weyn loogu arkayo waddooyinka waa weyn ee caasimada, halka B ay iyaduna shaqo bilaabi doonto maalinta Jimcaha ee 26-ka May, taasi oo ka dhigan in mid walba ay shaqeyn doonto 24 saac, sida uu warbaahinta u la wadaagay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Saalax Cumar Xasan (Saalax Dheere). “Waxaa lagu wargelinaya milkiilayaasha mooto bajaajyada ee u hoggaansamay awaamiirta, in laga bilaabo 25-ka May uu dhaqan-galayo jadwalkii loo asteeyay Mooto Bajaajyada Muqdisho ee ahaa A iyo B oo midba maalin uu shaqeynayo.” ayuu yiri afhayeenka gobolka. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Saacaddu marka ay tahay 5-ta arroornimo maalinta berri ah waxaa howl-galaya oo kaliya ama shaqeynaya Mootooyinka ku asteysan A, iyada oo maalinta xigta marka saacaddu tahay 5-ta arroornimo ay shaqeynayaan oo kaliya Mootooyinka ku asteysan B, sidaasna ay ku dhaqan-gashay inay Mootooyinka u kala shaqeeyaan A iyo B midba 24 saac oo ka bilaabaneysa 5-ta arroornimo.” Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale shaaciyay i Bajaajta aan soo marin habraaca diiwaan-gelinta iyo midabeynta ee la qabto la ganaaxayo lacag dhan $100. Halka Mooto Bajaajta diiwaan-gashan balse shaqeynaysa maalin aan loo asteyn la ganaaxayo lacag dhan $100, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka gobolka Banaadir. “Mooto-dii si iskeed ah u midabeysata ee qaadata lambar been abuur ah ee la qabto waxaa loo aqoonsanaya inay khatar ku tahay amniga, waxaana loo gudbinayaa laamaha amaanka si ay uga gutaan waajibaadkooda kaga aadan.” ayuu mar kale yiri Afhayeen Saalax Dheere. Ujeedka ka dambeeya arrintan ayaa ah in lagu xakeemeeyo mootooyinka, isla-markaana la yareeyo ciriiriga ka jira waddooyinka waa weyn ee ku yaalla gudaha caasimada. Si kastaba, amarkan ayaa waxaa markii hore dood weyn ka keenay Bajaajleyda, balse waxaa ku adkeystay maamulka gobolka Banaadir oo ugu dambeyn ka dhabeeyay go’aankii uu horay u soo saaray, kaas oo ka dhaqan-galay magaalada Muqdisho. The post Go’aankii G/Banaadir oo ka dhaqan-galay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii u horeysay taageero u muujiyay isku dayga uu Madaxweyne Saciid Deni ku qabanayo doorasho qof iyo cod ah, taasi oo si weyn looga fal-celiyay. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxa uu ku bogaadiyay maamulka Deni hirgelinta doorashada goleyaasha deegaanka, oo lagu wado inay deegaanada maamulkaasi ka qabsoomto maalinta Khamiista ee ku taariikheysan 25-ka May. “Madaxweynihii Hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Puntland, bulsho iyo maamulba, sida ay ugu istaageen hirgelinta doorashada Goleyaasha Deegaanka, taas oo horseedaysa in dadku ay codkooda ku doortaan hoggaanka deegaannadooda,” ayuu lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska warfaafinta madaxweynihii hore. Farmaajo ayaa waxa uu sheegay in hirgelinta doorashada qof iyo cod ee heer deegaan iyo heer federaalba ay ka mid tahay himilooyinka uu dadaalka ku bixinayey, taasi oo uu ku sheegay inay tahay “dhabbaha kaliya ee xoojin kara isla xisaabtanka iyo maamul wanaagga dalka.” “Hannaankan doorashada tooska ah in ay ka hirgasho Puntland waxay tusaale u tahay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu hamuum-qabaan in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, arrinkaas oo aan horey dadaal ugu bixinnay, lana jecel nahay in ay gaaraan dhammaan deegaannada dalkeenna, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Haddaba, Sidee ayaa looga fal-celiyay tallaabada uu qaaday Farmaajo? Cali Muxiyaddiin: “Waa mid ka mid ah calaamadaha hoggaamineed in la muujiyo dareenka dimoqraadiyada bulsho ku tallaabsatay mahadsanid madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.” “Puntlad waa midii aad shalay madaxa uga taagneyd, shalay ayay garab kaa rabtay. Dalkaan wuu ka reystay qaladkii dhacayna dib ayaa loo saxayaa Insha Allah,” ayuu yiri Diiriye Axmed oo kamid ah dadka ka fal-celiyay qoraalka madaxweynihii hore. Maxamuud Cabdi ayaa isna yiri: “Qofkasta oo afkaarta aad aaminsan tahay fuliya waa saaxiibkaa.” Xasan Xuseen Abuukar: “Farmaajow doorasho adigu ha ka hadlin waxaa tahay ninkii dalka iyo dadka nabadda inta uyimid xabada kagabaxay Puntland’-na waxa ku gal-galanaya waa Deni-gii shalay aad cadka xaaraantaa ku tilmaamaysay waxaase ogaataa inaad ooga dartay xaalad daganayd ood neceb tahay daganaashaha Puntland iyo shacabkeeda.” “Mudane Madaxwayme mahadsanid Puntland wa horseedka umda soomliyeed marksatana waa inay hogaasimsaa hayanka dimuqraadiyadeed,” ayuu yiri Maxamuud Xirsi. Cabdiraxmaan ayaa isna yiri: “Puntland markaad xukunka joogtay waxaad ku aheyd caqabad horumaro badan oo ay sameysayna waxaad isku dayday inaad hor istaagto, hada oo aad wax xukun ahna aad heyn miyaad reer Puntland iskaga dhigeysa qof jecel?!!.” Maxamed Dhagaafe Cilmi: “Waad mahadsan tahay Madaxweyne haddii aadan na cuna-qabatayn ee aad nala shaqayn lahayd hadda madaxweyne ayaad ahaan lahayd mida kale hal jaanis baa kuu haray kaalay Puntland oo tolow waan khaldamay inaad tiraahdo ha ka xishoon, anagu hada waxba kuuma qabno kii kaa danbeeyayna wado silic badan ayaan marin doonaa haka wal-walin.” Maxamuud Khaliif Cali ayaa isna yiri: “Ku xumayn Xasan Sheekh ah baa ku haysa maahane wax faa’iido ah uma haysid umadda reer Puntland mudadii aad xafiiska joogtayna dadka adigaa ugu necbaa.” “Mahadsanid Mudane, waxbadan waa cadaadisan Puntland ugu dambayn maanta ayadii baad bogaadinaysaa, halkaas waxaa ka cad inay saxnayd tubta horumar ee aan haynay,” ayuu yiri Saciid. Khaalid Isaaq Xuseen: “Mudane Madaxweyne waad ku mahadsan tahay dhiirigelintaada wanagsani, haddan nahay shacabka soomaaliyed waxan jeclaan laheyn in talada gacanteyna dib loogu soo celiyo.” Maxamed Qoorsuul: “Garab istaaga Saciid Deni kaama ahan jaceyl aad uqabto iyo Puntland midna kaliya waa hagardaamada aad la rabto Xasan Sheekh Maxamuud, waatii shalay lagaa fujin waayay sidii la ogaay dalka lagaaga saaray.” The post Fal-celin xooggan oo ka dhalatay tallaabada uu qaaday madaxweyne FARMAAJO appeared first on Caasimada Online.