-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
PUNTLAND: Soddonka degmo ee doorashadu ka dhacday iyo sida loo kala heley. ~Codadka la kala heley: 1. Kaah – 67,893 2. Mideeye – 48,062 3. Sincad – 28,985 4. Mustaqbal – 15,069 5. Ifiye – 12,864 ~Xildhibaanada la kala heley: 1. Kaah – 286 xildhibaan 2. Mideeye – 211 xildhibaan 3. Sincad – 133 Xildhibaan 4. Ifiye – 78 xildhibaan 5. Mustaqbal – 57 xildhibaan __ Natiijada hordhaca ah, Guddiga Doorashooyinka ka timi. Qaran News
-
Kaahin Waa Nin La Hafraayo! Amuurta Bushaaro waxa ay la mid tahay kuwii badnaa ee la midka ahaa, ee dadka loo xidhan jiray keliya waxa aad ku hadashay raali ka ma nihin. Intaas ayay u xidhantahay, keligeed na ma aha. Dawlad baa haysata oo hadii wax la gu waayo waa la sii deyn ee maxaa lala qaylqalinayaa… kuwa ku doodaa waa kuwa xumaha taageersan oo qaab ay taageeradooda bilaa caqliga ah u dhigaan garan l’a. Yaanay kuu dhuuman. Khamiistii mar maxkamad-ku-sheeg la geeyay, waxa bilayska la siiyay shan maalmood oo kale, oo kibir ah in ay sii haystaan. Wax baanu baadhaynaa bay yidhaahdeen, wax ay baadhayaan baan se jirin. Waxa loo haystaa waa warka facebook page geeda ka buuxa oo intaasi baadhid iyo maalmo toona ma u baahna, laakiin intaas baan u haysanaa in ay yidhaahdaan ma ku dhacaan, wax kale na ma hayaan. Afar maalmood ka hor, waxa ay suuqa soo geliyeen eed ah in ay ciidamada Laascaanood ka dagaalamaaya taageerto, waa wax ay u gu yeedheen ciidamada huwanta, hadana tii na waa is ka tureen oo in aanay soconayn ayay u la muuqatay. Imika wax ay soo malmaluuqaan ayay ku hawlanyihiin, laakiin geerna waa u geli la’yahay. Ilaa shalay waxa ay suuqa soo geliyeen sheeko ah inantu adeerkeed ayay u xidhantahay oo Muuse shaqo ma ku laha, laakiin waa huf iyo hal aan waxba ka jirin. Maxamed Kaahin ma u xidhna, ma na sii deyn karo. Muuse iyo Kaahin dadku faham qaldan ayay inta badan ka haystaan, in yar oo xog ogaal ahi na waa jirtaa. Kaahin Muuse agtiisa halna ka ma aha. Runtii wuu ba ku jeesjeesaa oo dhabarkiisa wax kasta ka yidhaahdaa. Ninkii weynaa ee aynu Wasiir Daakhiliga ka dhignay maalin kasta wuxu la soo taaganyahay gabadh Reer-Daahir dhalay amma bah-ayay u yahay baan madaarka ka soo qaadayaa, amaba la qadaynayaa ee shirkiina is ka wata. Bal ninka aynu wax u diranay eega! Xanta amma dacaayadda u gu badan ee Muuse uu Kaahin dhabarkiisa ka sheegaa waa intaas, sida ay marar badan ii sheegeen dadka Muuse ka agg dhowi. Kaahin amuuro badan oo H/jeclo khuseeya ayuu is ku deyay in uu Muuse ka la hadlo, laakiin marnaba ma yeelin. H/jeclo oo dhan oo isu timid, oo Dahabshiil iyo Saleebaan-gaal ba ku jiraan, oo Kaahin na hor socdo, ayuu ka diiday in uu Fly Dubai fasaxo, oo ka diiday kiiskii Suldaan Siciid ee gurigii Hargeysa Club, oo ka diiday wareejintii xisbiga oo mararka qaar uu Kaahin yar dhaqdhaqaajiyay. Markaa, Kaahin waa la is ka ga raad gadanayaa ee amuurta Bushaaro waxba ka ma galo. Aniga iyo Kaahin is ku meel baan ka joognaa xaajada inantaas. Muuse iyo ciyaalkiisu hadii ay waxoogay pressure ah dareemaan dhakhso ayay isaga sii deyn, hadii Kaahin la gu haleeyo oo loo aamuso na, muddo dheer ayay godka ku jiri ilayn Madaxweynuhu wax aanu jeclayn bay ku hadashee. Waaba intaas uun qofkii si kale moodaayoow. Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa maanta soo saartay war-saxaafadeed ay ku bogaadineyso doorashada shalay ka qabsoomtay deegaanada maamulkaasi. Maamulka ayaa waxa uu si weyn ugu bogaadiyay doorashadii shalay oo aheyd mid taariikhi ah shacabka reer Puntland, beesha caalamka iyo guddiga KMG ee doorashooyinka maamulka, oo iyagu kaalin mug leh ka qaatay hanaanka doorashada iyo inay si hufnaan leh ku qabsoomto. War-saxaafadeedkan oo kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa loogu baaqay dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada kale ee xubnaha ka ah inay sidaas oo kale qaataan nidaam dimuqraadi ah oo toos ah. Puntland ayaa waxay dhinacyadaas ugu baaqday inay ka shaqeeyaan hanaankii deegaanadooda loo gaarsiin lahaa hanaanka doorasho qof iyo cod ah, taasi oo awood u siinaysa shacabka inay soo doortaan madaxdooda metalaysa, islamarkaana kobcineysa dhaqan ballaaran oo isla xisaabtan ah. “Iyadoo la tixraacayo horumarka la wadaago, waxaan ugu baaqaynaa Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya (FMSs) ee Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) inay sidaas oo kale qaataan nidaam dimuqraadi ah oo toos ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland. “Haddii aan sidaas yeelno, waxaan kobcin karnaa dhaqan ballaaran oo isla xisaabtan ah, horumarinta midnimada, iyo xaqiijinta in qof kasta oo Soomaali ah codkiisa aan si dhab ah u maqalno. Tallaabada wadajirka ah ee noocan oo kale ah waxay si aan la dafiri karin u calaamadinaysaa tallaabo muhiim ah oo hore loo qaaday socdaalkayaga wadaagga ah ee ku aaddan hannaankii dawladnimo ee loo wada dhan yahay, daah-furnaan iyo isla xisaabtan.” Maamulka Puntland ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ka codsaday shacabka reer Puntland inay kala qeyb qaataan dadaaladda lagu dhisayo isla xisaabtanka, “Anagoo ku guda jirna safarkan cusub ee socdaalkeena siyaasadeed, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan shacabka Puntland inay nagala qayb qaataan dadaallada lagu dhisayo dowlad la xisaabtanta shacabkeeda, taasi oo u gogol xaareysa mustaqbal barwaaqo iyo is-waafaqsanaanta dhamaanteen.” War-saxaafadeedkan ay soo saartay Madaxtooyada ayaa imanaya kadib markii uu xalay madaxweyne Saciid Deni uu bogaadiyay sida nabdoon ay u qabsoontay doorashada qof iyo cod ee Puntland, taasi oo illaa 30 degmo ka qabsoomtay maalintii shalay aheyd. Madaxweyne Deni ayaa u mahad-celiyay guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, ciidamada dowladda iyo dhammaan hawl-wadeennadii ka shaqeeyay qabsoomidda doorashada. Sidoo kale wuxuu u mahad-celiyay dhammaan ururrada siyaasadda ee ka qayb qaatay doorashada qof iyo cod, islamarkaana dadaalka geliyay in ay codka weydiistaan bulshada. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dareenka bulshada Puntland u qabto doorashada qof iyo cod uu taagan yahay meel aan laga soo noqon karin oo ay tahay in madaxdooda ay ku doortaan nidaamka qof iyo codka ah. The post Puntland oo baaq u jeedisay DF iyo maamullada kadib doorashadii taariikhiga aheyd appeared first on Caasimada Online.
-
Xaaladda Caafimaad ee Bushaaro Baanday, waa laga dayrinayaa, waxana ay u baahan tahay Dhakhtar la geeyo. Hore Boolisku Cisbitaalka wuu u geeyay laakiin waxa ay u baahan tahay Dhakhtar baadhitaan ku sameeya oo ka gun gaadha Xanuunkeeda. Maxkamadda Maroodi-jeex ayaa shalay markale u jartay Rummaan (Xabsi ku sii hayn). Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay kulankii labaad ee Madasha Maayaradda Soomaaliya, kaasi oo ay garwadeen ka aheyd wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta DFS. Shirkan oo ay ka qeyb-galeen guddoomiyeyaasha iyo guddoomiye ku-xigeenada degmooyinka ka socday dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir, iyo wasiirada iyo agaasimayaasha guud wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad-goboleedyada, ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 15 qodob. Dhinacyadan ayaa isla qaatay la dardar-geliyo dhamaystirka hanaanka dhismaha golayaahsa deegaanka dalka, iyada oo Madasha Maayaradda Soomaaliya ay soo jeedisay in la kobciyo awoodda maamulada KMG ah ee deegaanada hadda la xoreeyay, si loo gaaro nabad waarta, kasbasho dareen shacab iyo adeeg-bixin qaangaar ah. “In kor loo qaado, lana xoojiyo maamul-daadejinta socota si dowladaha hoose u bixiyaan, una joogteeyaan adeegyada bulshada ee ku qeexan xeerarka dowladaha hoose iyo hanaanka adeeg bixinta daadegsan ee dalka.” Sidoo kale waxaa lagu sheegay bayaankan in dhinacyadu isla qaateen in la abuuro nidaamka qorshaynta magaalooyinka dalka, maaraynta dhulka iyo dhismaha guddiyada xallinta khilaafaadka dhulka, si waafaqsan shuruucda, xeerarka, siyaasadaha iyo habraacyada jira. “In la joogteeyo kulamada Madasha Maayaradda Soomaaliya si loo hubiyo in degmooyinka dalku helaan madal u gaar ah oo ay ku falanqeeyaan arrimaha khuseeya shaqadooda, islamarkaasna u noqon karaan kuwa dabooli kara baahiyaha bulshada deegaamadooda.” Madasha Maayiradda ayaa ku baaqday in magaalada Beledweyne loo muujiyo garab istaag walaalnimo iyo Soomaalinimo, xilli ay ka taagan xaalad adag oo ay sababtay fatahaada wabiga Shabeelle. Ugu dambeyntiina waxaa bayaankan lagu sheegay in dowladaha hoose ay dardar-galiyaan howlaha wacyi-galinta bulshada, gaar ahaan la-dagaalanka Khawaarijta iyo ka hortaga fikirka xagjirka ah. Hoos ka aqriso bayaanka oo dhameystiran: The post Aqriso: Shirkii Mayaaradda ee Muqdisho oo laga soo saaray bayaan 15 qodob ah appeared first on Caasimada Online.
-
Muuse Biixi, waa madaxweynihii ugu fashilsanaa ee soo mara Somaliland 32 sanno ee ay jirtay Fashilka Muuse Biixi qodobadan, ayaa markhaati ka ah, waana waxyaabaha ay isku casilaan hoggaamiyeyaasha damiirkoodu nool yahay ee garanaya masuuliyadii loo doortay in ay ku fashilmeen. 1. Dalkii iyo dadkii loo dhiibay oo kala irdhoobay, oo ay dagaalo ka soconayaan kuwana maamul kale doorasho ka qabanayaan. oo ah fashilkii ugu weynaa ee ay Somaliland wajahayso. 2. Wuxuu ku fashilay inuu xal u helo xaaladda Laascaanood, oo maanta calaankii Somalia ka babanayo, wuxuu fogeeyey shacabkii Gobolkaas oo siyaasadda xumadiisu keentay xaaladda maanta taagan 3. Midnimadii shacabka Somaliland oo uu dhaawacay, nidaamkiisu markii hoggaamintiisu keentay kala qaybin bulsho oo gaadhay heerkii ugu sareeyay 4. Wuxuu ku fashilmay inuu dalka doorasho ka qabto wuxuna doorashadii laga sugayey ka doorbiday muddo kordhin. 5. Maamul xumada Muuse Biixi waxay keentay dhaqaale xumo baahsan oo soo wajahday dalka, sida uu isagu ka hor qiray Barlamaanka. Si kastaba ha ahaatee Muuse Biixi, madaxweynaha muddo kordhinta ku fadhiya kursiga waxa uu god dheer ku riday nabadii Somaliland adduunka ka iibin jirtay, dimuqraadiyaddii lagu majeeran jiray, xasiiloonidii siyaasaddeed ee ay caanka ku ahayd, dhaqankii isu tanaasulka, iyo ku dhaqanka sharciga oo uu ku beddelay doonistiisa gaarka ah. Xog-hayaha Cadaaladda Xisbiga waddani Yoonis Axmed Yoonis. Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga doorashada Puntland ayaa soo saaray natiijada hordhaca ah ee deegaano iyo degmooyin kamid ah kuwa ay shalay ka qabsoomtay doorashada golaha deegaanka, isaga oo illaa hadda ku soo saaray natiijada hordhaca ah deegaano kamid ah gobollada Nugaal, Bari, Haylan, Karkaar iyo Gardafuu. Natiijada hordhaca ah ee lasii daayay ayaa waxay muujinaysa in ururada qaarkood aad isugu dhow yihiin codadka, gaar ahaan Kaah iyo Mideeye oo la sheegay inay yihiin labada urur siyaasadeed ee codadka ugu badan ka helay doorashooyinkii shalay dhacay, sida ay muujinayaan natiijooyinka hordhaca ah. Hoos ka arag: Natiijada Doorashada gobolka Nugaal – Burtinle Ururka Runcad = 1%: 131 cod Ururka Shaqaalaha = 0.4%: 51 cod Ururka Sincad = 27.2%: 3,433 cod Ururka Kaah = 41.3%: 5,225 cod Ururka Mideeye = 19%: 2,387 cod Ururka Mustaqbal = 4.3%: 547 cod Ururka Ifiye = 6.8%: 862 cod Burtinle/Nugaal waxaa hoggaaminaya ururka KAAH Natiijada Doorashada gobolka Bari – Balidhiin Ururka Runcad = 0%: 0 cod Ururka Shaqaalaha = 0.3% 3 cod Ururka Sincad = 9.8% 119 cod Ururka Kaah = 54.6% : 661 cod Ururka Mideeye = 18% : 218 cod Ururka Mustaqbal = 17% : 206 cod Ururka Ifiye = 0.3% : cod Balidhiin/Bari waxaa hoggaaminaya ururka KAAH Natiijada Doorashada gobolka Haylaan – Buraan Ururka Runcad = 0% : 0 cod Ururka Shaqaalaha = 0.2% : 3 cod Ururka Sincad = 18% 245 cod Ururka Kaah = 26.7% 365 cod Ururka Mideeye = 43.2% 591 cod Ururka Mustaqbal = 5.2% 71 cod Ururka Ifiye = 6.7% 91 cod Buraan/Haylaan waxaa hoggaaminaya ururka MIDEEYE Natiijada Doorashada gobolka Haylaan – Dhahar Ururka Runcad = 0% 2 cod Ururka Shaqaalaha = 4.8% 216 cod Ururka Sincad = 26.7% 1,196 cod Ururka Kaah = 28% : 1,254 cod Ururka Mideeye = 23.7% : 1,060 cod Ururka Mustaqbal = 4.4% : 198 cod Ururka Ifiye = 12.4% : 554 cod Dhahar/Haylaan waxaa hoggaaminaya ururka KAAH Natiijada Doorashada gobolka Karkaar – Shaxda Ururka Runcad = 0.2% 3 cod Ururka Shaqaalaha = 0.1% 1 cod Ururka Sincad = 26.1% 317 cod Ururka Kaah = 39.4% 479 cod Ururka Mideeye = 24% 291 cod Ururka Mustaqbal = 0% 1 cod Ururka Ifiye = 10.1% 123 cod Shaxda/Karkaar waxaa hoggaaminaya ururka KAAH Natiijada Doorashada gobolka Karkaar – Dhudhub Ururka Runcad = 0% 0 cod Ururka Shaqaalaha = 0% 1 cod Ururka Sincad = 0% 1 cod Ururka Kaah = 21.3% 263 cod Ururka Mideeye = 78.6% 969 cod Ururka Mustaqbal = 0% 1 cod Ururka Ifiye = 0% 1 cod Dhudhub/Karkaar waxaa hoggaaminaya ururka KAAH Natiijada Doorashada gobolka Karkaar – Rako-raaxo Ururka Runcad = 0.4% 9 cod Ururka Shaqaalaha = 1% 21 cod Ururka Sincad = 15.1% 338 cod Ururka Kaah = 33% 740 cod Ururka Mideeye = 41.4% 929 cod Ururka Mustaqbal = 1.7% 39 cod Ururka Ifiye = 7.4% 165 cod Raako-raaxo/Karkaar waxaa hoggaaminaya ururka MIDEEYE Natiijada Doorashada gobolka Karkaar – Bandarbayla Ururka Runcad = 0.1% 2 cod Ururka Shaqaalaha = 0.3% 10 cod Ururka Sincad = 15.8% 525 cod Ururka Kaah = 48.1% 1,599 cod Ururka Mideeye = 29.2% 970 cod Ururka Mustaqbal = 6% 197 cod Ururka Ifiye = 0.5% 18 cod Bandarbayla/Karkaar waxaa hoggaaminaya ururka KAAH Natiijada Doorashada gobolka Karkaar – Waaciye Ururka Runcad = 5.7% 288 cod Ururka Shaqaalaha = 0.3% 16 cod Ururka Sincad = 25.2% 1,248 cod Ururka Kaah = 30.1% 1,488 cod Ururka Mideeye = 22.4% 1,107 cod Ururka Mustaqbal = 5.1% 252 cod Ururka Ifiye = 11% 547 cod Waaciye/Karkaar waxaa hoggaaminaya ururka KAAH Natiijada Doorashada gobolka Gardafuu – Gumbax Ururka Runcad = 0% 0 cod Ururka Shaqaalaha = 0.9% 6 cod Ururka Sincad = 9% 56 cod Ururka Kaah = 17.3% 108 cod Ururka Mideeye = 72.5% 453 cod Ururka Mustaqbal = 0.3% 2 cod Ururka Ifiye = 0% 0 cod Gumbax/Gardafuu waxaa hoggaaminaya ururka MIDEEYE Natiijada Doorashada gobolka Gardafuu – Gumbax Ururka Runcad = 0.2% 5 cod Ururka Shaqaalaha = 0.7% 14 cod Ururka Sincad = 7.7% 154 cod Ururka Kaah = 38.8% 776 cod Ururka Mideeye = 12.6% 253 cod Ururka Mustaqbal = 0.4% 9 cod Ururka Ifiye = 39.5% 791 cod Gumbax/Gardafuu waxaa hoggaaminaya ururka KAAH Natiijada Doorashada gobolka Gardafuu – Murcanyo Ururka Runcad = 0.3% 11 cod Ururka Shaqaalaha = 0.5% 16 cod Ururka Sincad = 6.8% 219 cod Ururka Kaah = 36.5% 1,167 cod Ururka Mideeye = 26% 832 cod Ururka Mustaqbal = 0.2% 8 cod Ururka Ifiye = 29.5% 945 cod Murcanyo/Gardafuu waxaa hoggaaminaya ururka KAAH Natiijada Doorashada gobolka Gardafuu – Baargal Ururka Runcad = 0.3% 7 cod Ururka Shaqaalaha = 0.8% 19 cod Ururka Sincad = 29.2% 657 cod Ururka Kaah = 32% 721 cod Ururka Mideeye = 12% 267 cod Ururka Mustaqbal = 0.2% 5 cod Ururka Ifiye = 25.5% 574 cod Baargal/Gardafuu waxaa hoggaaminaya ururka KAAH Natiijada Doorashada gobolka Gardafuu – Caluul Ururka Runcad = 0% 0 cod Ururka Shaqaalaha =0.3% 7 cod Ururka Sincad =0.4% 9 cpd Ururka Kaah = 39.3% 823 cod Ururka Mideeye = 9.3% 194 cod Ururka Mustaqbal = 0.1% 2 cod Ururka Ifiye = 50.6% 1,061 Caluul/Gardafuu waxaa hoggaaminaya ururka KAAH The post DEG DEG: Guddiga doorashada Puntland oo shaaciyay natiijada hordhaca ah appeared first on Caasimada Online.
-
Al-Shabab fighters have attacked a military base housing Ugandan forces of the African Union peacekeeping mission in Somalia, according to the East African country’s contingent and a Somali captain. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in maanta howl-gal qorshaysan lagu laayay in ka badan 30 ka tirsan kooxda Al-Shabaab, laguna bur-buriyay gaadiid waday saanad ciidan. Howl-galkan oo ay iska kaashadeen ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah oo isugu jiray cirka iyo dhulka ayaa laga sameeyay ilaa iyo afar deegaan oo hoostaga degmada Kuntuwaaray ee gobolka Shabeellaha Hoose. Bayaan kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in saanad ciidan ee la burburiyay ay qeyb ka ahaayeen qoryo culus oo ah kuwa dagaalka ee duqaymaha loo isticmaalo. Howl-galkan ayaa waxa uu daba socday weerar “naf la-caarinimo ah” oo ay saaka kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhiga ciidanka ATMIS ku leeyihiin magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida lagu yiri bayaankan. Bayaankan ayaa sidoo kale waxaa lagu yiri “Uruurinta xogta howlgalkaan oo wali socota awgeed, waxaan dib ka soo gudbin doonaa faah-faahinka howlgalka oo dhamaytiran.” Howl-galkan ayaa imanaya kadib weerarkii saaka waaberigii ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga ciidanka ATMIS ee magaalada Buulo Mareer, kaasi oo uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo mid hanti. ATMIS aya dhankeeda sheegtay in hadda xaalada la dajiyey, islamarkaana ay hadda hawluhu ay sidii caadiga ahaa ku soo laabteen, taasi oo ka dhigan in saldhiga ay gacanta ku hayaan ciidamada ATMIS. Si kastaba, Weerarkan ayaa imanaya xilli dhawaan la qorsheynayo in uu si rasmi ah u billowdo wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post DEG DEG: DF oo shaacisay in la laayay Al-Shabab badan, lana burburiyay saanad ciidan appeared first on Caasimada Online.
-
Buulo Mareer (Caasimada Online) – Ciidamada Hawl-galka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa war kasoo saaray weerarkii saaka waaberigii ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhigooda magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose. ATMIS ayaa sheegtay in weerarkaas kadib ay iska caabin xooggan kala hortageen, kadibna uu soo xoojiyay waaxda ciidamada cirka ee ATMIS iyo saaxiibada caalamiga ah, kuwaasi oo burburiyay dhamaan hubkii ay wateen maleeshiyada soo weerartay, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay hawl-galka Midowga Afrika ee ATMIS. “Saaka abaarihii 5ta subaxnimo ayaa Saldhiga Ciidanka ATMIS ee Buulo mareer oo dhinaca koonfur Galbeed kaxiga 120km magaalada Muqdisho kana tirsan Gobolka Shabeelada Hoose ay soo weerareen maleeshiyaadka AL-Shabaab iyagoo Adeeg sanayo baabur Qarax laga soo buuxiyey iyo ismiidaamin.” Hawl-galka Midowga Afrika ee ATMIS aya waxa uu caddeeyay dhamaan bulshada iyo hay’adaha kale ee waddanka jooga in xaalada ladajiyey, islamarkaana ay hadda hawluhu ay sidii caadiga ahaa ku soo laabteen, taasi oo ka dhigan in saldhiga ay gacanta ku hayaan ciidamada ATMIS. Bayaanka ATMIS ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay inay ka go’an tahay la-dagaalanka argagixisada iyo inuu sii wado la-shaqeynta dowlada fadaraalka ah ee Soomaaliya, maamul-goboleedyada dalka iyo saaxibada caalamiga ah, si loola dagaalamo Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan ee ku sugan Soomaaliya. Bayaankan si faah-faahsan loogama hadlin khasaaraha ka dhashay weerarka iyo dagaalkii xigay, marka laga imaado in ciidanka ATMIS ay gacanta ku hayaan saldhigii lagu dagaalamay. Khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo mid hanti ayaa ka dhashay weerarkan, ayada illaa hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen lix ruux oo ah kala ah rayid iyo dhinacyada dagaalamay, halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay. Sida ay Caasimada Online u sheegeen illo-wareedyo deegaanka ah, illaa saddex qof oo dadka deegaanka ah ay ku dhaawacmeen rasaas ku haleeshay goobo kala duwan. Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegatay in weerarka saldhiga Buulo Mareer ay ku dileen in ka badan 137 askari oo ka tirsan howl-gaka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo ku sugnaa iyagu saldhiga ay weerarka ku qaadeen dagaal-yahaanada kooxda. Sheegashada kooxda si madax-banaan looma xaqiijin karo. Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhisay weerarada waaberiga hore ee subaxdii ay ku sameynayso rogaal celinta, kuwaasi oo khasaare kasoo gaaro inta badan ciidanka huwanta ee howl-galada ka wada dalka. The post ATMIS oo war kasoo saartay weerarkii BUULO-MAREER appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya , Abshir Cumar Jaamac Huruse ayaa gaaray magaalada Moscow ee dalka Ruushka, halkaa oo uu wada-hadallo kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov. Lavrov ayaa sheegay in ayada oo la isku haleynayo guulihii la gaaray tobbankii sanno ee uu tegay, ay labada dal si firfricoon u horumarinayaan una xoojinayaan iskaashigooda dhinacyo badan. Wuxuu intaa ku daray inay marinno laba geesood ah uga shaqeynayaan ajendayaasha gobolka, kuwa Qaramada Midoobe iyo masraxyada caalamiga ah. Sidoo kale , labada dhinac ayaa ka wada-hadlay u diyaar garowga shir madaxeedka Ruushka iyo Afrika oo dabayaaqada bisha Luulyo ka dhici doona magaalada St. Petersburg. PUNTLAND POST The post Wasiirada Arrimaha Dibada Soomaaliya iyo Ruushka oo shir gaar ah yeeshay appeared first on Puntland Post.
-
Moscow (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruse ayaa booqasho ku tegay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, halkaasi oo uu wada-hadallo kula yeeshay dhiggiisa Sergey Lavrov. Lavrov ayaa hadal kooban, oo uu jeediyey markii uu soo dhoweynayey Abshir, wuxuu ku sheegay in ayada oo la isku haleynayo guulihii la gaaray tobanaankii sano ee tegay, ay labada dal si firfricoon u horumarinayaan una xoojinayaan iskaashigooda dhinacyo badan. Waxa uu sheegay inay marinno laba geesood ah uga shaqeynayaan ajendayaasha gobolka, kuwa Qaramada Midoobe iyo masraxyada caalamiga ah. “Maanta waxaan aragnaa fursad wanaagsan oo aan dib ugu eegno ajendaha iskaashiga, oo aan ka wada hadalno halka ay lagama maarmaan tahay inaan kor u qaadno dadaalkeenna iyo in mowduucyo dheeri ah lagu soo dari karo,” ayuu yiri Lavrov. “Waxaan sidoo kale ka wada hadli doonnaa u diyaar garowga shir madaxeedka Ruushka iyo Afrika oo dabayaaqada bisha Luulyo ka dhici doona magaalada St. Petersburg,” ayuu yiri. Labada mas’uul ayaa kadib guda galay wada-hadallo, balse weli wax qoraal ah lagam soo saarin natiijadooda. The post DEG DEG: Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo ku sugan Moscow + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Saddex Dal oo Lacag gaadhaysa Malaayiin Dollar ugu deeqay Somalia Dowladda Mareykanka (iyadoo u sii marinaysa Hay’adda Mareykanka ee Horumarinta Caalamiga (USAID), Safaaradda Dowladda Ingiriiska ee Muqdisho iyo Sanduuqa Horumarinta ee Qatar (QFFD) ayaa maanta Muqdisho ku soo bandhigay heshiis iskaashi horumarineed si ay u daahfuraan barnaamijka gargaarka abaaraha iyo adkeysiga oo ay ku baxeyso $10.5 milyan oo uu dhaqan-galinayo barnaamijka Dhisidda Adkeysiga Bulshooyinka ee Soomaaliya (BRCiS). Iskaashigan saddex geesoodka ah ayaa lagu sheegay in uu xoojinaya maalgashiga ka-hortagga macluusha iyo dhisidda adkeysiga ee ay horaan u sameeyeen USAID, UKAID, iyo QFFD sanadihii 2021/22 wuxuuna awood u siin doonaa BRCiS inay joogteyso bixinta adeegyada naf-badbaadinta ah iyadoo la dardargelinayo dadaallada soo kabashada lixda bilood ee soo socota. Mike Nithavrianakis, Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa yiri: “Xaaladda Soomaaliya weli waa halis. Waxaan bogaadinaynaa bixinta gargaarka bini’aadannimo ee joogtada ah ee ay bahwadaagteena ku bixiyeen ka hortagga macluusha dalka oo dhan sanadkan. Tani waa mid muhiim ah, laakiin gargaarka bini’aadannimo oo keliya ma xallin karto dhibaatada. Taasi waa sababta UK ay u xoojineyso ka jawaabidda BRciS ee abaaraha iyadoo loo marayo wadashaqeynta Mareykanka iyo Qatar.” Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Mudane Dr. Abdullah bin Salim Al-Naciimi, ayaa yiri: “Dhibaatada abaaruhu waxay mugdi gelisay xaaladda bini’aadannimo ee Soomaaliya oo markii horeba ka sii dareysay sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee Coronavirus, taasi waxay saameysay malaayiin qof, waxayna kordhisay khatarta macluusha, barakaca, cunto yarida, iyo nafaqo-xumada ba’an ee soo wajahda carruurta. Mudane Dr. Abdullah bin Salim Al-Naciimi ayaa sheegay in bixinta taageerada bini’aadannimo iyo gargaarka ay yaraynayso malaayiinta ay saameeyeen xaaladaha bini’aadannimo, isagoo tilmaamay inay ka shaqayneyso ka hortagga xaaladaha abaaraha ee ka jira Soomaaliya. Qaran News
-
Mogadishu (Caasimada Online) – The Al-Qaeda-affiliated jihadist group, Al-Shabab staged another offensive against the African Union’s military base in Bulo Marer, a town approximately 120 kilometers southwest of the capital, Mogadishu, the African Union force ATMIS confirmed on social media platforms. “The base came under Al-Shabaab attack,” ATMIS issued on its official Facebook and Twitter handles, leaving the specifics about casualties or damages undisclosed. Presently, they are assessing the security situation, as per the report. The battle over claims Al-Shabaab promptly claimed responsibility for the assault via its communication networks, alleging it had successfully overrun the base. However, Somali military commander Mohamed Yerow Hassan countered this claim. “A suicide bomber drove a vehicle with explosives targeting the ATMIS base, and then gunfire broke out,” Hassan told AFP by telephone. “The terrorists were forced to retreat and flee. The situation is back to normal now.” In such remote corners of Somalia, it’s challenging to corroborate these assertions about army base attacks independently. Al-Shabaab often inflates battlefield successes in its propaganda, while the AU force member nations seldom verify their casualties. ATMIS: An offensive force Distinguished from its predecessor, AMISOM, by a more aggressive mandate, the 20,000-strong ATMIS force draws its strength from five countries – Uganda, Burundi, Djibouti, Ethiopia, and Kenya. Their soldiers are deployed across southern and central Somalia, with a mission to pass on security to Somalia’s army and police by 2024. In the latest assault, the primary targets were Ugandan soldiers serving as part of the ATMIS, confirmed Uganda Peoples’ Defence Forces spokesman Felix Kulayigye, adding that they were still “cross-checking” the details. The war on Al-Shabab Last year, President Hassan Sheikh Mohamud of Somalia declared an “all-out war” on Al-Shabaab, rallying Somalis to aid in eradicating these jihadist “bedbugs.” This initiative, reinforced by ATMIS and US airstrikes, has empowered the army and the local militias known as “macawisley” to reclaim significant territory in the country’s central region. Yet, Al-Shabaab’s lethality hasn’t waned. They have carried out potent strikes against civilian and military targets, resulting in high casualties. The deadliest incident occurred in October when two car bombings orchestrated by Al-Shabaab hit the education ministry in Mogadishu, causing 121 fatalities. This made 2022 the deadliest year for Somali civilians since 2017, primarily due to Al-Shabaab’s actions, according to a report submitted to the UN Security Council by UN Chief Antonio Guterres. Meanwhile, the US Africa Command announced on Monday that it had conducted an airstrike the previous weekend in Jilib, in Somalia’s south, noting that initial assessments indicated no civilians were harmed. Despite progress by pro-government forces, the militants’ ability to cause significant harm remains a grave concern. The post Al-Shabab strikes AU base in escalating Somalia conflict appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda UK ayaa gaaray iskaashi cusub oo ku qotoma arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada. Iskaashiga cusub ayaa lagu gaaray kulan ay Muqdisho ku yeesheen Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS Khadiijo Maxamed Al-Makhzoumi iyo Safiirka Cusub ee dowladda UK u qaabilsan Soomaaliya Michael Nithavrianakis. Kulanka Wasiirka iyo Safiirka ayaa waxaa diiradda waxaa lagu saaray xoojinka xiriirka ay Boqortooyada Ingiriiska ay la leedahay dowladda federaalka, iyo weliba sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada. Wasiir Khadiijo Al-Makhzoumi ayaa qoraal ay kasoo saartay kulankaan ku sheegtay in iskaashigan cusub uu qeyb ka yahay dadaal ay dowladda ugu jirto sidii wax looga qaban lahaa, si looga gun-gaarno hadafka wasaaradda ee Soomaaliya Cagaaran. “Waxaan kulan la yeeshay safiirka dalka UK, Mudane Michael Nithavrianakis, annaga oo ka wada-hadalnay xiriirka qotoda dheer ee labada dalka iyo sidii aan isaga kaashan lahayn arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada oo aan dadaal ugu jirno sidii wax looga qaban lahaa si aan uga gun-gaarno hadafkeenna ah SoomaaliyaCagaaran,” ayey ku tiri qoraalka Khadiijo Al-Makhzoumi. Wasiir Al-Makhzoumi ayaa dadaal xooggan ku bixinaysa shaqada Qaranka u igmaday, ayada oo dhawaana heshiis is-afgarad ah la saxiixatay dalka Finland, kaas oo door muhiim ah ka qaadanaya ka jawaabista arrimaha deegaanka yo Isbeddelka cimilada ee ka jira dalkeenna. Heshiiskaaas ayaa waxa uu xoojinayaa ka go’aanshaheenna iyo sida ay wasaaraddu diyaar ugu tahay iskaashi calami ah, si loo gaaro hadafka guud ee ah yareynta dhibaatada deegaanka iyo cimilada. “Heshiiskaani wuxuu nooga dhigan yahay mid waxtar u leh wasaaradda iyo guud ahaan Soomaaliya. Waxaan ka shaqayn doonnaa heshiiskaan si loo dhaqangeliyo, loona gaaro yoolkiisa.” The post Sawirro: DF Soomaaliya iyo UK oo gaaray iskaashi cusub appeared first on Caasimada Online.
-
Buulo Mareer (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo war cusub kasoo saartay weerarka saaka waaberigii ay ku qaaday saldhigga ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM) ee magaalada Buulo Mareer, kaasi oo ay sheegtay inay ku qabatay askar Yugaandheys ah. Sheegashada kooxda oo ay baahisay warbaahintooda ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in kooxdu ay qabsatay gebi ahaanba saldhiga, inkasta oo sheegashadan si dhab ah loo xaqiijin karin. Kooxda ayaa sheegatay dhimashada in ka badan 137 ka tirsan ciidanka howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo ku sugnaa iyagu saldhiga ay weerarka ku qaadeen dagaal-yahaanada Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa sheegatay in nolosha ay ku qabteen askar Yugaandheys ah, ayna hadda maxaabiis ahaan ay gacanta ugu jiraan maleeshiyada weerartay saldhiga, sida ay ku sheegeen bayaan ay kasoo saartay kooxdu weerarkan. Sheegashada kooxda Al-Shabaab si madax-banaan looma xaqiijin karo. Kooxda ayaa inta badan guulo ka sheegata weerarada ay la beegsato xeryaha ciidanka, xilli uu guluf dagaal oo xooggan uga socdo qeybo kamid ah gobollada dalka, uuna dhawaan billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka, oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. Illaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS iyo dowladda Uganda, oo la xiriira weerarkan iyo inta uu khasaaraha gaarsiisan yahay. The post Al-Shabab oo sheegatay in ciidamo Ugandes ah ay ku qabatay weerarkii Buulo Mareer appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa meel gaba-gabo ah mareysa tirinta codadka doorashada dowladaha hoose ee Puntland, taasi oo bilaabatay kadib markii ay codeynta soo xirantay lixdii fiidnimo ee xalay. Natiijada hordhaca ah ee lasii daayay ayaa waxay muujinaysa in ururada qaarkood aad isugu dhow yihiin codadka, gaar ahaan Kaah iyo Mideeye oo la sheegay inay yihiin labada urur siyaasadeed ee codadka ugu badan ka helay doorashooyinkii shalay dhacay, sida ay muujinayaan natiijooyinka hordhaca ah. Gobolka Bari oo ah meelaha codadka ugu badani yaaleen waxaa natiijada hordhaca ah ay muujinayaan in ururka Mideeye uu yahay ururka helay codadka ugu badan. Natiijooyinkan oo ahayn kuwo rasmi ah ayaa waxay tilmaamayaan in ururka Mideeye uu doorashada Boosaaso ka helay codadka illaa 14 xildhibaan. Tirada Xildhibaanadan uu helay Mideeye, sida ay muujinayaan natiijooyinka hordhaca ah ayaa ah ku dhawaad kala bar aqlabiyada golaha deegaanka ee degmada Boosaaso. Ururada Kaah iyo Mideeya ayaa sidoo kale lasoo warinaya inay hoggaaminayaan codadka ugu badan ee tuulooyinka hoosyimaada degmada Boosaaso. Sidoo kale ururada Sincad iyo Mustaqbal ayaa kamid ah ururada codadka badan helay. Wararka ayaa intaas kusii daraya in gobolka Mudug uu hoggaaminayo urur siyaasadeedka KAAH, wuxuuna helay 15 xildhibaan codadkiisa, sida ay muujinayso natiijada hordhaca ah ee codadka la dhiibtay. Si kastaba, Marka laga imaado natiijada hordhaca ah ee kasoo baxeysa doorashada dowladdaha hoose ee Puntland, waxaa la filayaa in maanta uu guddiga doorashada Puntland ku dhawaaqo natiijada rasmiga ah ee doorashadan, kadib marka la dhameeyo tirinta codadka degaanada qaar oo aan weli la dhamayn. The post Ururada ku horreeya doorashada Puntland iyo xilliga lagu dhawaaqayo natiijada rasmiga ah appeared first on Caasimada Online.
-
Buulo Mareer (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xooggan oo kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM) ee magaalada Buulo Mareer. Khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo mid hanti ayaa ka dhashay weerarkan, ayada illaa hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen lix ruux oo ah kala ah rayid iyo dhinacyada dagaalamay, halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay. Sida ay Caasimada Online u sheegeen illo-wareedyo deegaanka ah, illaa saddex qof oo dadka deegaanka ah ay ku dhaawacmeen rasaas ku haleeshay goobo kala duwan. Sidoo kale diyaarado ayaa la sheegay in hawada magaalada lagu arkay kadib weerarka ay dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga ciidanka ATMIS ee magaaladaasi. Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ay gurmad siiyeen askarta ATMIS ee lagu weeraray saldhigga ciidamada Uganda ee Buulo Mareer. Sidoo kale ciidamo gurmad ah oo ka tirsan howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa iyaguna gaaray magaalada Buulo Mareer, kuwaasi oo la sheegay inay gurmad deg deg ah u fidinayaan ciidamada dhaawaca soo gaaray. Al-Shabaab ayaa sheegtay inay saldhigga cagta mariyeen, sheegashadaas oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin xilligan, mana soo bandhigin warbaahinta kooxda wax khasaare ah. Illaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS iyo dowladda Uganda, oo la xiriira weerarkan iyo inta uu khasaaraha gaarsiisan yahay iyo weliba “waxa ka jira” sheegashada Al-Shabaab. Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhisay weerarada waaberiga hore ee subaxdii ay ku sameynayso rogaal celinta, kuwaasi oo khasaare kasoo gaaro inta badan ciidanka huwanta ee howl-galada ka wada dalka. The post Faah-faahinta khasaaraha weerarkii maanta ee BUULO-MAREER appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - The World Bank's latest Container Port Performance Index (CPPI) report ranks Djibouti and Berbera ports as the leading container ports in the Sub-Saharan Africa (SSA) region, emphasizing their strategic importance in enhancing regional trade and connectivity. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Al-Shabaab militants launched an assault on an African Union peacekeeping military base early Friday morning. The base, situated in Bulo Marer, a town in the Lower Shabelle region, lies 110 kilometres south of Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Deputy Prime Minister Salah Ahmed Jama chaired the weekly Council of Ministers meeting in Mogadishu on Thursday, assuming the role in the absence of Prime Minister Hamza Barre, who is currently in Egypt participating in the annual African Development Bank Group meeting. Source: Hiiraan Online
