-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maalinta Berri ah ee 28-ka May 2023, waxaa Turkiga laga qabanayaa wareeggii labaad ee doorashada Madaxweynennimo. Waxaa ka qeybgelaya dad gaadhaya 60 milyan oo codbixiyaal ah. Siyaasadda arrimaha dibadda Turkiga ayaa la filaa inuu isbedel ku yimaado haddii uu guulaysto Kemal Kilicdaroglu, oo ah ninka la tartamaya Erdogan ee hogaamiya isbahaysiga mucaaradka. Kemal ayaa u janjeedha dhanka Yurub iyo reer galbeedka, waxaana loo badinayaa inuu Afrika mudnaanta siin doonin. Source
-
Raysal wasaaraha UK, Rishi Sunak, ayaa shirkii G7 ee dhawaan ka dhacay dalka Japan ka sheegay in waddankiisa uu dhaqaalo badan ku bixin doono mshaariicda horumarinta. Waxa uu ballanqaaday in dowladdiisa ay ka hor dhammaadka 2027 diyaarin doonto 40 bilyan oo dollar si maalgashi gaar ah iyo mid dowladeedba loogu sameeyo kaabayaasha muhiimka ah balse la dayacay ee waddamada soo koraya. Dalalka G7 ayaa sanadkii 2021 shaaciyay qorshe lagu maalgalinayo kaabayaasha dhaqaalaha ee muhiimka u ah dalalka saboolka ah iyo kuwa heer dhexaadka ah, sida buundooyinka, wadooyinka iyo tamarta aan deegaanka wax u dhimin. “Waan ognahay awoodda isbedal ee uu keeni karo maalgashiga ay sameeyaan shirkadaha gaarka ah. Waxa ay naga caawiyeen in aan dekado ka dhisno Senegal iyo Somaliland, mashaariic quwadda biyaha laga dhaliyo oo aan ka hirgelinay Rwanda iyo tamarta dabeysha oo aan ka dhisnay Hindiya,” ayuu Sunak ka sheegay shirkii G7. Shirkadda maalgashiga ee British International Investment (BII) oo wixii ka horreeyay April 2022 magaceedu ahaa Commonwealth Development Corporation (CDC) ayaa saami 19% ku leh mashruuca lagu casriyeynayo dekadda Berbera. Waa shirkad maalgashi oo hoos tagta wasaaradda arrimaha dibedda, barwaaqa-sooranka iyo horumarinta UK. Guud ahaan qaaradda Afrika waxa ay ku leedahay in ka badan 600 oo ganacsi oo qiimahay ku fadhiyaan lagu qiyaasay 4.2 bilyan dollar. Shirkadda BII oo shuraako la ah DP World ayaa sanadkii 2021 shaaciyay in lacag dhan 1.7 bilyan ku kharash gareyn doonaan saddex dekadood oo ay kamid tahay Berbera. Labada kale ayaa ku yaalla Senegal iyo Masar. Heshiiska casriyeynta dekadda Berbera oo ku kacaya 442 milyan oo dollar ayaa DP World siinaya in dekaddaas ay maamusho muddo 30 sano, iyo toban sano oo loogu dari karo. Waxaa hadda socda wejigii labaad ee ballaarinta dekadda, kaasoo maalgashi cusub iyo shaqo abuur u sameyn doona shacabka ku nool halkaas. DP World ayaa sheegtay in muhiimadda ugu weyn ee ay leedahay dekadda Berbera ay tahay halka ay ku taallo iyo sida ay uga faa’iideysan karto Itoobiya oo aan bad lahayn. Dekadda Berbera ayaa Addis Ababa u jirta masaafo dhan 900 oo kilo mitir, taasoo la siman dekadda Jabuuti, waxaana ay noqon kartaa marin ka caawiya dalkaas ugu dadka badan Bariga Afrika helitaanka badeecadaha uu u baahan yahay. Dekadda Berbera ayaa ah isha dhaqaale ee ugu weyn Somaliland, waxaana lagu qiyaasay in halkaa ay xukuumadda Hargeysa ay ka hesho 63% dakhligeeda. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa weerar afka ah ku qaaday isbitaallada ku yaalla Muqdisho, isaga oo si weyn u dhaliilay, sida ay u shaqeeyaan qaar kamid ah goobaha caafimaadka. Yabooh ayaa shaaciyay inay jiraan isbitaallo lagu baabi’iyo shacabka, isla-markaana ay ka shaqeeyaan dhaqaatiir aan qibrad u laheyn howlaha caafimaadka ee ay ka shaqeynayaan. “Dalkeenna waxaa baabi’iyay dad aan dhaqaatiir aheyn, waxaa baabi’iyay dad aan aqoon u laheyn waxa ay ka shaqeynayaan, waxaa baabi’iyay daawo aan sax aheyn oo sidii la raba in dalka loo soo geliyo dadka lagu baabi’inaayo” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in maamulka gobolka uu bilaabi doonto howlgal nooc cusub ah oo lagu beegsan doono dadkaasi, gaar ahaan dhaqaatiirta aan taqasusiga aheyn ee ka shaqeysa caasimada iyo dadka ka shaqeeya farmashiyeyaasha lagu iibiyo daawooyinka. “Gobolka Banaadir sidaad ogtihiin waayihii lasoo dhaafay wuxuu ka shaqeynayay daroogada inuu la dagaalamo. Wuxuu ka shaqeynayaa oo hadda soo socota isbitaallada inuu koontaroolo iyo farmashiyeyaasha daawooyinka yaalla isbitaallada, dadka gadaaya iyo dhaqaatiirta ka shaqeeya waa kusoo soconaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Yabooh. Dhanka kale, waxa uu digniin u diray shaqsiyaadka ku howlan arrintaan, isaga oo ku ugu baaqay inay ka digtoonaadaan dhibaateynta dadka shacabka ah/ “Mar kale waxaan leeyahay haka digtoonaadee isbitaallada iyo farmashiyeyaasha iyo meel kasta oo ay caafimaad u tegaan dadka waa inuu adeegga ay bixinayana uu noqdo adeeg sax ah, hadii ay noqoto dadka shaqeynaaya iyo haddii ay tahay daawac” ayuu markale yiri. Gobolka Banaadir ayaa horay howlgal lagula dagaalamayo, maadooriyaha, ciyaal-weerada iyo burcadda hubeysan uga sameeyay magaalada caasimada ah ee Muqdisho. The post Daawo: Howlgal nooc cusub ah oo ka bilaabanaya Muqdisho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Labada dhinac ee isku haya Suudaan ayaa laga yaabaa in ay geysteen dambiyo dagaal kadib markii ay weerareen xarumaha caafimaadka iyo shaqaalaha, sida lagu sheegay cadeymo ay aragtay BBC News Arabic. Cisbitaallada ayaa lagu garaacay duqeymo cirka ah iyo madaafiic iyadoo bukaannada ay weli ku sugan yihiin dhismaha waxaana sidoo kale dhakhaatiirta si gaar ah loogu bartilmaamedsaday weerarrada – kuwaas oo dhammaantood ah dembiyo dagaal. Sida ay sheegeen ururka dhakhaatiirta Suudaan,kaliya tiro yar oo ka mid ah 88-ka isbitaal ee ku yaalla caasimadda Khartoum ayaa weli furan ka dib toddobaadyo dagaal socday. BBC-da ayaa adeegsatay xogta dayax-gacmeedka iyo aaladaha khariidadaha, waxayna la hadleen daraasiin dhakhaatiir ah, si ay u dhisaan sawirka sida isbitaallada iyo rugaha caafimaadka dagaalada u saameeyeen. Source
-
Dagaalka ka socda wadan ka Sudan ee u dhaxeeya xoogaga isku haya awoodda dalkaas ayaa waxaa lagu eedeynayaa in ay gaysteen dambiyo dagaal, kadib markii la duqeeyay isbitaallo ku yaalla Khartoum kuwaas oo ay ku sugnaayeen Bukaano, sida laga soo xigtay mas’uuliyiin caafimaad ee ku sugan caasimadda. Weerarada ka dhacay Isbitaallada ayaa isugu jiray Madaafiic lagu garaacay, duqeymo dhanka cirka ah, iyadoo bukaannada ay weli ku sugan yihiin, waxaana sidoo kale la sheegayaa in si gaar ah loogu bartilmaameedsaday dhaqaatiir, waxaana arintaan lagu tilmaamay dambiyo dagaal oo ay galeen dhinacyada. Dhakhaatiirta Suudaan ayaa sheegaya in kaliya tiro yar oo ka mid ah 88-ka isbitaal ee ku yaalla caasimadda Khartoum ay weli furan yihiin,ka dib toddobaadyo dagaal ka socday magaalada, waxaana wali socda barakaca ay sameynayaan dadka shacabka oo ka baxsanaya dagaalka u dhaxeeya dhinacyada ku loolamaya awoodda dalkaas. Duqeymaha loo geystay Isbitaallada ayaa waxaa ay kusoo aadayaan xilli magaalada Jeddah ee Sucuudiga ay ka socdaan Wadahadalo u dhaxeeya dhinayada isku haya dalkaasi, waxaana sidoo kale burburay xabad joojin lagu doonayay in dhinacyadu ay gaaraan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliyaha Qaybta Boliska Gobolka Nugaal ayaa Shir Gudomiyay Shirka Amniga Casimadda. Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Qeybta Nugaal Gaashaanle Dhexe Maxamuud Muuse Bile Ayaa Ka Dhagaystay Warbixinada Amniga Sarakiisha Saldhigyada,Kantarolada Iyo Heeganka Ee Nugaal. Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud Ayaa Sarakiisha Ku Amray Inay Sii Laba Jibaraan Sugida Amniga Casimadda Lana Socdan Dhaq Dhaqaaq Walba. Taliyaha Qaybta Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud Ayaa Ku Amanay Sarakiisha Nugaal Sida Ay Heeganka Ugu Jireen Malmihii La Soo Dhafay Amniga Dhinacooda Uga Qadanayeen. PUNTLAND POST The post Booliska Nugaal oo ka shiray Amniga Caasimada Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
8 Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare ayaa muddo 20 cisho ah u guuray, deegaanadda hoos yimaada Gobolada Saaxil, Togdheer iyo Sanaag, iyagoo bulshada ku dhaqan deegaanadaasi ugu tagaya kambalka reerka, uguna garnaqaya geedka hoostiisa. Ujeedada safarkan shaqo ayaa daaran sidii ay Maxkamadda Sare ugu fududeyn lahayd muwaadiniinta ay dacwadahoodu u soo gudbeen Maxkamadda Sare, ee ku dhaqan deegaanadda ka fog xarunta Maxkamadda Sare. 19-kii bishan ayay kooxda koowaad ee Garsoorayaashu ka amba-baxeen magaaladda Hargeysa, si ay uga soo garnaqaan dacwadaha uga soo gudbay Gobolada bari ee dalka iyo deegaannada baaxada leh ee hoos yimaada. Sidoo kale waxa maalintii shalay ka daba safray labadii kooxood ee kale si ay dhankooda uga soo garnaqaan dacwadaha diwaanka ugu jira ee ka soo gudbay deegaanadaasi. Waxa xusid mudan in Maxkamadda Sare bil kasta u baxdo gobolada, halka sannadkiina ay laba jeer u guurto gobolada bari iyo kuwa galbeed ee dalka si muwaadiniinta ku dhaqan deegaanada durugsan ee dalku ay u helaan xaqa Dastuurku u jideeyay ee Garsoorka. Maxkamadaha guurguura ayaa kaalin mug leh ka qaata fidinta adeega Garsoorka, waxaanay laf-dhabar u tahay sugidda cadaaladda, taasi oo bulshada ku abuurtay kalsooni badan. Wa bilaahi tawfiiq. Ibraahin Maxamed Cali Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare. Source
-
Guddoomiyaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, Csaba Kőrösi, ayaa si adag u cambaareysay weerarradii shalay lala beegsaday ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, saldhiggooda magaalada Buulo Mareer. Wuxuu tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay, sidoo kale shacabka iyo dowladda Uganda iyo Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu u rajeeyay caafimaad deg deg ah dadkii ku dhaawacmay. “Argagixisadu nooc kasta oo ay tahay iyo muuqaalkeeda waxay ka dhigan tahay khatar weyn oo ku wajahan nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.” ayuu yiri Csaba Kőrös. Guddoomiyaha golaha loo dhanyahay ayaa ‘hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in cadaaladda la horkeeno kooxihii ka dambeeyay weeraradaasi. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo si adag u cambaaraysay weerarkii Al-shabaab ee Buulo-mareer appeared first on Puntland Post.
-
Is Somalia finally on the road to democracy? Can one state’s local election serve as a turning point for an entire nation? Puntland, a region that has faced its share of Somalia’s civil war, conflict and piracy held a landmark local election that sparked hope for a brighter democratic future. With a history marred by conflict and instability, the prospect of citizens electing their representatives through the ballot box seems like a distant dream. Source: Hiiraan Online
-
Is Somalia finally on the road to democracy? Can one state’s local election serve as a turning point for an entire nation? Puntland, a region that has faced its share of Somalia’s civil war, conflict and piracy held a landmark local election that sparked hope for a brighter democratic future. With a history marred by conflict and instability, the prospect of citizens electing their representatives through the ballot box seems like a distant dream. Source: Hiiraan Online
-
New York (Caasimada Online) – War kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa si adag loogu cambaareeya weerarkii xoogan ee ay shalay Al-Shabaab ku qaadeen magaalada Buul-Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose kaas oo lagu beegsaday xarada ciidanka ATMIS. Csaba Kőrösi oo ah guddoomiyaha golaha loo dhan yahay ee QM ayaa sheegay inay ka xun yihiin weerarkaas oo askar badan looga dilay ATMIS, gaar ahaan Uganda. Sidoo kale waxa uu tacsi u diray ehellada, shacabka iyo dowladda Uganda oo ay kasoo jeedeen askarta ku dhintay weerarkaasi oo qaraxyo ku billowday. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in weerarkani uu muujinayo sida ay weli halis u tahay kooxda Al-Shabaab oo haatan dagaal adag kula jirta dowladda iyo howlgalka ATMIS/. “Argagixisadu nooc kasta oo ay tahay iyo muuqaalkeeda waxay ka dhigan tahay khatar weyn oo ku wajahan nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.” ayuu yiri Csaba Kőrös. Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in cadaaladda la horkeeno kooxihii ka dambeeyay weeraradaasi, si tallaabo adag looga qaado. Ugu dambeyn wuxuu shaaciyay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada dhinaca ammaanka ee ay siiso dowladda federaalka Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarka saldhiga Buulo Mareer ay ku dileen in ka badan illaa 137 askari oo ka tirsan howl-gaka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo ku sugnaa iyagu saldhiga ay weerarka ku qaadeen dagaal-yahaanada kooxda. Sheegashada kooxda si madax-banaan looma xaqiijin karo. Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhisay weerarada waaberiga hore ee subaxdii ay ku sameynayso rogaal celinta, kuwaasi oo khasaare kasoo gaaro inta badan ciidanka huwanta ee howl-galada ka wada dalka. The post QM oo war kasoo saartay weerarkii lagu qaaday xerada ATMIS ee Buulo-Mareer appeared first on Caasimada Online.
-
Moscow (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruse wuxuu booqasho ku tegay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, isagoo kula kulmay dhiggiisa dalkaasi Sergey Lavrov. Booqashadaasi ayaa la isweydiinayaa maxay u dhimi kartaa xiriirka Somalia kala dhaxeeya wadamada Yurub iyo Mareykanka maadaama wadamadaasi ay caddow ku yihiin Ruushka dalalka kale ee dunidana ku cadaadiya in xiriirka loo jaro Moscow laguna cambaareeyo weerarka Ukraine. Mareykanka ma jecla Ruushka iyo dal walbo oo xiriir la leh, waxayna isku dayaan in dalkii xiriir la leh ay cadaadis ku saaraan in ay kala fogeeyaan dal kasta Moscow macaamil dhex mara, haddii ay ku guuleysan waayaana Washington waxay iska fogeysaa dalka xiriirkiisa adag la yeesho Ruushka. Sidaasi si la mid ah wadamada reer Yurub ee sida weyn ugu soo horjeeda Ruushka waxay la mid yihiin Mareykanka. Tusaale, Dagaalkii Ruushka iyo Ukraine, dalalka qaar ee Mareykanka iyo midowga Yurub waxay ku mideysnaayeen in dowladdaha dunida ay wada cambaareeyaan dagaalkaasi, dowladdii ka diidana loo arkayay dhinaca Moscow, waxaa dowladdihii ka horyimid ka mid ahaa Turkiga oo siyaasad dhex dhexaadnimo ah muujisay, hase ahaatee waxay colaad xooggan kala kulantay Mareykanka iyo Midowga Yurub oo halis u arka Ruushka. Bal ka waran, adigoo ah dowlad hadda saan qaadeyso, hadaad booqato caddowga dowladdihii aad ku tiirsaneyd ee miisaaniyadaada bxinayay, maxaa arrintaasi ka dhalan kara?. Mareykanka iyo Midowga Yurub oo miisaaniyada ugu badan ee dowladda hadda bixiya, waxay xiriirka ugu jarteen dalalka qaarkood siyaasadda dabacsan iyo dhex dhexaadnimada ay ka muujiyeen dagaalka Ruushka iyo Ukraine, bal maxay noqon doontaa xiriirka idin kala dhaxeeya dalalkaasi iyo idinka oo dhaqaalahiina uu ku xeran yahay?. Waa siyaasad arrime dibadeed “Qar isku tuurnimo ah” waxaase xaqiiq ah inaysan Reer Yurub iyo Mareykanka dhaliilsan yihiin booqashada wasiirka arrimaha dibada Somalia ee Ruushka. Cali Muxiyaddiin Caasimada Online The post Mareykanka iyo Midowga Yurub sidee u arkaan booqashadii Wasiir Huruse ee Ruushka? appeared first on Caasimada Online.
-
Moscow (HOL) - The Russian government has offered to assist Somalia's armed forces in their fight against the al-Shabab terrorist group following a meeting between Somali Minister of Foreign Affairs Abshir Omar Jama and Russian Foreign Minister Sergey Lavrov in Moscow on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Somali-American model Halima Aden is on a personal mission: to prove that modest fashion and playful fashion are not mutually exclusive terms. “In the beginning of my career, I was like, ‘Let’s just pair a black or white turtleneck with everything,’” Aden shared with Vogue last week, from a hotel room in Midtown Manhattan, where she sat on a cream-colored couch whilst clad in a colorful Richard Quinn gown with latex gloves worn underneath. There, among multiple racks of poppy runway pieces, Aden and stylist Jason Rembert strategically combed through potential looks for an approaching trip to Cannes Film Festival. On display: a visual buffet of Gucci, Prozena Schouler, Valentino, and other top brands, with pieces carefully layered with precision and delicacy. There were no throwaway black or white turtlenecks in sight. Source: Hiiraan Online
-
At least seven fire trucks responded to a blaze inside the 24 Somali Mall in Minneapolis’ Phillips neighborhood before it was quickly extinguished Friday evening. The mall reopened just before 7 p.m. Source: Hiiraan Online
-
Waar Dhaqankeena Hadmaa Hablaha Lagu Taagsan Jiray. Sawtii Gobanimadu Ahayd In Aan Loo Fiirsan Ee Lagu Dhaafi Jiray WAASE DUMARE YEELKEED. Hadmaa Sidan Loo Jabay. LAB HAWWEN KU TAAGSADAY LEGDAY OO KU JIIFOO KA LIB DOONAY BA’ANAA WALEE LIB LAGU FAANO AYAAN LAGA HELIN XADHIGGA BUSAARO. WAAR INANTA XORIYADEEDA HA LOO SOO CELIYO IYADA OO DEBEDDA JOOGTA AYAA HADII EED LOO HAYO MAXKAMAD LA HOR GEYN KARAAYE. ILAA HADMA AYAY LAHAYE AAN DEMNI LOO HAYN AHAANAYSAA. Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Hay’adda la-dagaallanka musuq-maasuqa ee Transparency International ayaa dib ugala noqotay abaal-marin ay hore u siisay dacwad oogaha guud ee Kenya ee xilka kasii degaya, sida ay sheegtay Jimcihii, iyadoo ku eedaysay inuu meesha ka saaray kiisas musuqmaasuq oo caan ah. Hay’adda caalamiga ah ee qaybteeda Kenya ayaa sannadkii 2019-kii guddoonsiisay Noordin Haji abaal-marinteeda daacadnimada, isaga oo sheegay in uu xafiiskiisa ku hoggaamiyey dacwado lagu soo oogay tobannaan kiis oo musuqmaasuq ah, taas oo loo arkay guul taariikhi ah oo laga gaaray waddan uu ragaadiyay musuqmaamuqu. Xaaji oo uu madaxweyne William Ruto u magacaabay in uu noqdo madaxa hay’adda sirdoonka, ayaa meesha ka saaray eedeymihii loo haystay dhowr qof oo lagu tuhmay musuqmaasuq kaddib markii Ruto uu la wareegay xaafiiska madaxweynaha bishii September ee la soo dhaafay. Hay’adda Transparency International (TI) ee Kenya ayaa sheegtay inay heleen codsiyo dadweyne oo ka dhan ah go’aanka lagu laalay dacwadaha, oo ay ku jiraan kuwii ka dhanka ahaa madaxweyne ku xigeenka Rigathi Gachagua iyo Aisha Jumwa, oo ah wasiir ka tirsan xukuumadda ee Kenya. “Codsiyadan waxay dhaliyeen eedeymo culus oo la xiriira ka noqoshada kiisas musuqmaasuq oo caan ah, oo ay ku jiraan kuwii hore laguu aqoonsaday, taasoo keentay in aad lumiso kalsoonida dadweynaha,” ayay Agaasimaha Fulinta TI Kenya Sheila Masinde ku sheegtay warqad loo diray Xaaji Jimcihii. Gachagua iyo Jumwa labaduba waxay dafireen inay wax khalad ah sameeyeen markii ay dacwaddu socotay. VOA + Reuters. The post Transparency oo Noordin Haji kala noqotay abaal-marin ay hore u siisay appeared first on Caasimada Online.
