-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The African Union (AU) and its regional economic communities have deployed about 27 peace support operations in Africa since the 2000s. These missions have faced various challenges, including the absence of a guiding political strategy, an over-reliance on military-heavy deployments and a lack of multidimensional capabilities and skills. Source: Hiiraan Online
-
It must have been a pretty difficult conversation for Mike Nithavrianakis to have. Source: Hiiraan Online
-
TANZANIA – The United States announced at a U.N. conference on Wednesday nearly $524 million in additional humanitarian aid for the Horn of Africa that aims to put a spotlight on the extreme effects of climate change and the worst drought in the region in 40 years — and the need for more than $5 billion. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa goordhoweyd ku dhawaaqay in xaalad amni oo soo korodhay darteed loo hakiyay doorashada degmada Garoowe, ee qorshuhu ahaa inay ka qabsoomto maalinta berri ah. Sidoo kale waxaa la hakiyay doorashada dowladaha Hoose ee degmooyinka Dangorayo iyo Godobjiraan, sida lagu shaaciyay war-saxaafadeed kasoo baxay guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland. “Guddiga markuu arkay xaalada amni iyo dhacdooyinka amniga la xiriiray ee ka dhacay degmada Garoowe, islamarkaana uu guddiga uu qiimeyn ku sameeyay xaalka guud ee shaqada doorashada degmooyinkan waxa uu hakiyay doorashada 25-ka May ee degmooyinka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiraan,” ayaa lagu yiri qoraalka. Guddiga ayaa waxa uu qiray muhiimada ay leedahay deganaanshaha iyo in wada-hadal lagu xaliyo waxkasta lagu kala duwan yahay oo la xiriira doorashada dowladdaha Hoose ee saddexdaasi degmo. “Guddiga wuxuu awood u leeyahay joojinta qeyb ahaan ama dhamaan doorasho degmo ama gobol markasta oo ay dhacaan dhacdooyin lama filaan ah ama ay dhacaan isbedelo la xiriira nidaamka guud oo sababa in la hirgalin waayo.” Sidoo kale waxa uu sheegay inuu go’aaminayo maalinta sii wadida howlihii doorashada ee hakaday kadib marka uu la tashado hay’addaha dowladda ee ay khusayso iyo ururada siyaasadda. Doorashada golaha deegaanka ayaa waxay maalinta berri ah ka dhaceysa degmooyinka kale ee horey loo qorsheeyay kuwaasi oo gaaraya illaa 30 degmo, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay guddiga doorashooyinka Puntland. Arrintan ayaa imaneysa kadib markii ciidamo maleeshiyaad ah oo ka amar qaata siyaasiinta mucaaradka ay ka hor yimaadeen qabsoomida doorashada ee saddexdaasi degmo. Si kastaba, Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa doorashada saddexda degmo ee ku jirto Garoowe u hakiyay, si aanay saamayn ugu yeelan doorashooyinka kale ee ka dhacaya degmooyinka kale ee Puntland, kuwaasi oo loo dareerayo maalinta berri ah. The post DEG DEG: Puntland oo hakisay doorashada Garoowe iyo laba degmo kale appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga doorashooyinka KMG ah ee Puntland ayaa hakiyay doorashada saddex degmo oo ka tirsan Gobolka Nugaal. War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga ayaa lagu go’aamiyay in la hakiyo doorashada saddexda degmo ee kala ah; Garoowe, Godobjiraan iyo Dangoroyo oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Nugaal. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in doorashada saddexdaas degmo loo hakiyay sababa amni kadib dhacdooyin amni-darro oo ka dhacay Garoowe. Doorashada golayaasha degaanka Puntland oo ku salaysan qof iyo cod ayaa lagu wadaa in ay maalinta berri ah oo ku beegan 25 May ka qabsoonto 30 degmo oo ka tirsan Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo hakisay doorashada saddex degmo oo ka tirsan Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabiley safiirka cusub ee dowladda UK ee arrimaha Soomaaliya Amb. Mike Nithavrianakis, oo howl shaqo ku yimid caasimada Somaliland ee Hargeysa. Kulankan ayaa waxaa lagaga wada-hadlay qodobbo dhowr ah oo ay kamid yihiin sidii dowladda Ingiriiska iyo Somaliland sannadkan gudihiisa ay u daah-furi lahaayeen mashaariicda labada dhinac iska kaashadeen ee Berbera Corridor iyo horumarinta dekedda Berbera. Sidoo kale, waxa shirka lagu lafo-guray mashaariicdii hore u socday ee la xidhiidhay arrimaha bulshada ee dowladda Ingiriisku ka taageeri jirtay Somaliland in la sii dardar-geliyo kuwii socday iyo kuwa cusubba. Kulankan ayaa waxa kale oo lagaga hadlay arrinta dagaalka ka taagan xarunta gobolka Sool ee Laascaanood iyo sidii xal loogu heli lahaa colaadda sii daba dheeraaneysa ee halkaasi ka taagan. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa uu safiirka la wadaagay in marwalba ay ka go’an tahay xukuumadda uu hoggaamiyo xabbad-joojin, diyaarna ay dowladdu u tahay nabad. Ugu dambeyntiina waxaa kulankaan looga hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland ku soo fool leh, oo muddooyinkii dambe uu ka dhashay khilaaf la xiriira qorshaha xukuumadda ee doorashooyinka. Muuse Biixi ayaa safiirka wuxuu u sheegay inay si habsi leh u socdaan hawlaha u diyaar garowga doorashooyinku, sida shaqada daabacaadda iyo qaybinta kaadhadhka codbixiyayaasha. Kulankan ayaa waxaa madaxweynaha ku wehlinaayey wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, ahna ku simaha wasiirka Cabdinaasir Cumar Jaamac. Dhinaca wefdigana waxa safiirka ku wehlinaayey masuuliyiin kale oo ka socday xafiiska horumarinta UK ee Somaliland. The post Muuse Biixi oo safiirka UK la wadaagay go’aan cusub oo la xiriira DAGAALKA appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn waxaa ay kusoo rogtay 26 ruux oo Soomaali ah, kuwaasoo lagu soo eedeeyay in xiriir iyo wada shaqeyn la leeyihiin Kooxda Al-Shabaab. Dadka la beegsaday waxaa ku jira 15 qof oo ka shaqeeya lacagta iyo afar ruux oo dhoofisa dhuxusha, sidoo kale waxaa ku jira todobo shirkadood oo la shaqeeya Al-Shabaab. Waxaa sidoo kale dadka cunaqabateynta lagu soo rogay ka mid ah hoggaamiyeyaal gobol, kuwo soo uruuriya canshuuraha sida lagu sheegay warbixin ay baahisay waaxad Maaliyadda ee xafiiska arrimaha bulshada dalka Mareykanka. Waxaa kale oo warbixinta lagu sheegay in dadkan la beegsaday ay liddi ku yihiin xasiloonida iyo Nabadda Soomaaliya. Halkaan Ka Akhriso Liiska dadka xayiraadda la saaray Hasaan Abshir Xuuroow (Xuuroow) Aadan Yusuf Saciid Ibrahim (Ibrahim) Muumin Dheere (Dheere) Macalin Burhan (Burhan) Cali Axmed Xuseen (Hussein) Maxamed Cali (Cali) Axmed Kabadhe (Kabadhe) Siyaad Ayuuto (Ayuuto) Maxamed Cabdullaahi Xiireey. Cabdi Roobow (Roobow) Xasan Yariisow Aadan Siciid Cabdullahi Aadan (Aadan) Shiikh Aadan Abuukar Malayle Aadan Jiis (Jiis) Cumar Guhaad Cali Axmed Naaji (Naaji) Bashir Khalif Musse (Musse) Maryan Barre. Cabdulwahaab Nuur Cabdi. Treasury Designates Terror Operatives and Illicit Charcoal Smugglers in Somalia Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (Caasimada Online) – The most recent U.S. airstrike against the militant group, al-Shabab in Somalia, targeted its chief of external operations, according to two informed sources, one of whom is a defector from the extremist organization. Moallim Osman, the veteran military commander known for coordinating the influx of foreign fighters into Somalia, was confirmed as the intended target by former al-Shabab official Omar Mohamed Abu Ayan and substantiated by the Somali Ministry of Information. According to a Tuesday statement from the Ministry, Osman has played a significant role in fortifying al-Shabab’s ranks by managing foreign fighters’ entry into the war-torn country. A resilient target Despite the U.S. mission’s explicit intent, the strike did not achieve its ultimate goal. Lieutenant Commander Timothy S. Pietrack, a U.S. Africa Command (AFRICOM) spokesperson, indicated that the al-Shabab leader had survived the attack. “U.S.-AFRICOM has determined that one al-Shabab leader was injured as a result of the operation,” Pietrack said on Tuesday. The operation occurred in Jilib, a recognized al-Shabab stronghold roughly 385 kilometers southwest of the Somali capital, Mogadishu. The U.S. command’s initial appraisal suggested no civilian casualties, according to an official AFRICOM statement. An Infamous track record Moallim Osman, the veteran al-Shabab commander, has held various prominent roles within the extremist group, even serving as defense chief. His active role in orchestrating al-Shabab’s deadliest assault on peacekeepers in Somalia back in January 2016 has been acknowledged by anonymous Somali officials. Reportedly, over 140 Kenyan troops were killed during the assault on an African Union military base in El Adde, a region that coincidentally serves as Osman’s hometown. Following the devastating attack, Kenyan forces vacated the base, an action uncontested by the Kenyan government. In his current capacity, Osman oversees al-Shabab’s attacks in Kenya, where the group has repeatedly struck against security forces over the years. He also directed the group’s strategic incursion into eastern Ethiopia last July. This latest U.S. action against al-Shabab coincides with an important diplomatic event. Mahad Salad, the director of Somalia’s National Intelligence and Security Agency, was reportedly in the United States to engage with Pentagon, CIA, and FBI officials. These crucial discussions, revealed by a source familiar with the visit but wishing to remain anonymous, were centered on strengthening security and counterterrorism cooperation between the two nations. The post U.S. airstrike targets head of Al-Shabab external operations appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga ka talo-bixinta wax ka bedelka mudo-xileedka Labada Aqal ee BF iyo Madaxweynaha ee qodobada 60-aad iyo 91-aad ee dastuurka KMG ah ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa ku yeeshay kulan uu shir-guddoominayay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed. Kulankan ayaa waxa uu guddiga ka talo-bixinta wax ka bedelka mudo-xileedka Labada Aqal ee BF iyo Madaxweynaha la yeeshay guddiga madaxa-banaan ee hirgelinta iyo wax ka bedelka dastuurka KMG ah. Guddigan ayaa xog-wareysi ku saabsan waxqabadkooda la yeeshay guddiga madaxa-banaan ee hirgelinta iyo wax ka bedelka dastuurka KMG, iyada oo intaasi kadibna ay guddiga weydiiyeen su’aalo ku saabsan warbixintooda. Guddiga ka talo-bixinta wax ka bedelka mudo-xileedka Labada Aqal ee BF iyo Madaxweynaha ayaa ugu mahad-celiyey xubnaha ka socday guddiga madaxa-banaan warbixintooda wanaagsaneyd ee ay siiyeen guddigooda. Kulankaan ayaa qeyb ka dadaalka uu guddiga wax bedelka muddo xileedka Labada Aqal ee BF ugu jiro sidii hawlaha guddiga uu u xilsaaray Baarlamaanka uu ugu noqdo dhameystir, maadaama la doonayo in golaha la horgeeyo kalfadhiga 3-aad ee golayaasha. Qorshaha guddigan lagu magacaabay ayaa waxaa hore uga dhashay dood xoogan iyo falcelin, kaasi oo lagu tilmaamay muddo kororsi ay waddo dowladda federaalka, oo lagu karkarinayo Baarlamaanka, si wax ka beddal loogu sameeyo muddo xileedka hay’adaha dowladda. Qodobka ugu weyn ee doodda dhaliyay ayaa ah in muddo xileedka hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya laga dhigo shan sano, halka markii hore uu ahaa afar sano. Si kastaba, Arrintan ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay xubnaha mucaaradka oo ka digay in haatan lagu dhaqaaqo muddo kororsi horleh, ayada oo aysan jirin sababo keeni karo. The post Wararkii ugu dambeeyay qorshaha muddo kororsi ee hay’adaha dowladda federalka appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa si rasmi ah u furay Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho. Bandhiggan oo ah midkii 7-aad ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirro Aqoonyahanno, Macallimiin, Arday, Qorayaal iyo Akhristayaal ka kala yimid guud ahaan dalalka caalamka iyo gobollada dalka. Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay muhiimadda akhriska iyo qoraalku u leeyihiin dalalka soo koraya, isaga oo sheegay in jidka kaliya ee horumar lagu gaari karo uu yahay aqoonta iyo akhriska. Mudane Saalax ayaa tilmaamay in Xukuumadda Dan Qaranay ahmiyad gaar ah siinayso dhiirri-gelinta akhriska iyo qoraalka, waxuuna si wayn ugu mahad celiyay masuuliyiinta iyo qaban-qaabiyayaasha bandhiggan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoonka labada Golee ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federalka Soomalaiya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan ku xigeennada ayaa maanta falanqayn ka yeeshay qaban qaabada iyo hannaanka furitaanka Kalfadhiga saddexaad ee Baarlamaanka oo furmaya 29-ka May 2023. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa labada xoghaye ee Baarlamaanka Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maalmahaan gacanta ku hayay isku dubaridka xafladda furitaanka labada gole ee Baarlamaanka 11-aad, waxaana lagu wadaa inuu Kalfadhiga Baarlamaanka uu furo madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo Khudbad u jeedin doona. Baarlamaanka labadiisa ayaa Kalfadhigii labaad waxaa ay qabteen shaqo culus, iyaga oo meel mariyay dhowr iyo Ton Sharci, kuwaas oo muhiim u ahaa dowladnimada Soomaaliya, waxaana kamid ahaa Sharciga Hey’adda NISA, taas oo sharci yeelatay, kadib dowladdii dhexe iyo kuwa kale oo muhiim ah oo kasoo gudbay golaha xukuumadda oo soo diyaarisay sharciyadaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddiga soo jeedinta wax ka bedelka & kaabista dastuurka kumeel gaarka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay guddiga madaxa banaan ee hirgelinta iyo wax ka bedelka dastuurka, kaas oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa waxaana guddoomiyay guddiga Xil. Mahdi Maxamed Guuleed. Guddiga soo jeedinta wax ka bedelka & kaabista dastuurka kumeel gaarka ah Jamhuuriyadda Federalka ayaa xogwareysi ku saabsan waxqabadkooda la yeeshay guddiga madaxa banaan ee hirgelinta iyo wax ka bedelka dastuurka KMG iyadoo intaasi kadibna ay guddiga weydiiyeen su’aalo ku saabsan warbixintooda. Guddiga soo jeedinta wax ka bedelka & kaabista dastuurka ayaa ugu mahadceliyey xubnaha ka socday guddiga madaxa banaan warbixintooda wanaagsaneyd ee ay siiyeen guddigooda si hawlaha guddiga uu u xilsaaray Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ugu noqdo dhameystir maadaama laga doonayo guddiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta guddoomiyey shir deg-deg ahaa oo heerkiisu sareeyo, kaasi oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho. Kulankaan ayaa waxaa looga hadlaayey xaalada adag ee ka jirta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Kulankaan oo goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka hay’adda Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa waxaa ka qeyb-galay dhamaan hay’addaha deeqaha bixiya ee dowladaha Islaamka, ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii dadka ku barakacay fatahaada gargaar loo garsiin karo. Sidoo kale waxaa kulankaan ay dhinacyadu ku lafa-gureen sida la iskugu duwi karo howlaha gargaarka, ee ku aadan xaalada adag ee ka taagan magaalada Beledweyne. Guddoomiyaha hay’adda ayaa dhamaan masuuliyiinta iyo wakiilada uu la kulmay ee ka socday hay’addahan kaga warbixiyey xaalada magaladaas, madaama uu booqasho dhowr maalin qaadatay uu ku tagay Beledweyne . SODMA ayaa tudabaadkii hore waxa ay magaalada Muqdisho ka dirtay 50 gaari oo sida shixnad mucaawino ah looguna tala-galay shacabka dhibatada ka soo gaartay fatahaada wabiga Shabelle ka sameeyey gudaha Beledweyne iyo deeganada ku xeeran. Arrimahan ayaa imanaya xilli uu barakac horleh ka billowday xaafadaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, uuna madaxweynaha HirShabeelle uu dowladda federaalka ugu baaqay inay si deg deg ah ugu soo gurmadaan shacabka Beledweyne. Si kastaba, Fatahaadda wabiga Shabelle ee Beledweyne ayaa marar badan soo laa laalabatay, mana muuqdan qorshayaal guud oo wax looga qabanayo fatahaadaasi oo saameyn ballaaran ku yeelatay nolosha dadka deegaanka iyo guud ahaan dhismaha magaaladaas aadka u weyn. The post DF oo shir deg deg ah ku qabatay Muqdisho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Uganda Danjire, Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabaruur ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay safiirkaTurkiya ee Uganda Amb. Fatih Ak. Labada safiir ayaa sida warbaahinta dowladda Soomaaliya sheegtay waxay ka wada hadleen xariirka labada dal iyo xoojinta iskaashiga labada dowladood. Safiirka Turkiya ayaa ka mahadceliyay sida diirran ee safaaradda Soomaaliya ee Uganda loogu soo dhaweeyay, taas oo uu ku tilmaamay mid muujinaysa xariirka wanaagsan ee labada dal. Safiirka Soomaaliya Cali Cagabaruur ayaa ka mahad celiyey booqashada uu safaaradda ugu tagay, sidoo kalena ka mahad celiyay taageerada aan kala-go’a lahayn ee dowladda Turkiya la garab taagan tahay dowlada Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Safiirada Soomaaliya iyo Turkiga u fadhiya Uganda oo kulan yeeshay appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta Guddoomiyey Shir deg-deg ahaa oo heerkiisu sareeyo kaas oo looga hadlaayey xaalada adag ee ka jirta Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Kulankaan oo goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa waxaa ka qeybgalay dhamaan hay’addaha deeqaha bixiya ee dowladaha Islaamka,waxaana looga hadlay shirkaan Xaaladda Fatahaada Baladweyn,sida dadka ku barakacay fatahaada gargaar loo gaarsiin karo iyo sida la iskugu duwi karo howlaha gargaarka. Guddoomiyaha Hay’adda ayaa dhamaan masuuliyiinta iyo wakiilada uu la kulmay ee ka socday hay’addahan kaga warbixiyey xaalada magaladaas madaama uu booqasho dhoor maalin ka qaadatay ku tagay Baladweyne . SoDMA ayaa tudabaadkii hore waxa ay magaalada Muqdisho ka dirtay 50 gaari oo sida shixnad mucaawino ah looguna talagalay shacabka dhibatada ka soo gaartay Fatahaada Wabiga Shabelle ka sameeyey gudaha Baladweyn iyo deeganada ku xeeran. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xaafadaha degmada Badhan ka sameeyay olole cajiib ah, oo codka ugu raadinayo Urur Siyaasiyadeedkiisa KAAH. Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Puntland ayaa baahisay madaxweyne Deni oo sidoo kale ah guddoomiyaha urur siyaasadeedka KAAH oo albaabada u garaacaya qaar kamid ah dadka xaafadaha degmadaasi, ee u diiwaan-gashan inay ka qeyb-galaan codbixinta berri ka dhacaysa maamulkaasi. Saciid Deni ayaa weydiistay bulshada uu la kulmay in ay u codeeyaan urur siyaasadeedka KAAH. “Waxaa sharaf ii ah inaan qaraacay Albaabada xaafadaha Badhan, si aan dadkeyga u weydiisto codka in ay na siiyaan, oo u codeeyaan Ururka KAAH Doorashada Goleyaasha deegaanka ee 25 May 2023, KAAH waa ururka ay kasoo maaxatay aragtida iyo hirgelinta in awooda Shacabka loo dhoweeyo,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland ahna guddoomiyaha urur siyaasadeedka KAAH. Tallaabadan uu maanta qaaday ayuu madaxweyne Deni ku tilmaamay “guul weyn oo taariikhi ah,” maadaama isaga oo madaxweynihii maamulka ah uu cod ka raadinayo bulshada, uguna tegayo xaafadaha. “In aniga oo Madaxweynihii ah aan cod ka raadinayo Bulshada, tegayo xaafadaha oo codsanayo cod, waa guulaha ugu weyn ee Shacabku helayo waayo waxay awood u yeesheen in ay wax doortaan, dadkaygow waxaa inaga go’an in aynu wadajir taariikh u sameyno Inshallah (Berito) 25 May 2023.” Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Waxaynu suntaynaa Taariikh cusub oo soo noolaysay Rajada Shacabka Soomaaliyeed oo dhan, waayo Rajada u weyn ee dalkeenu waa in dadku codeeyo. Guul Inshallah.” Si kastaba, Puntland ayaa waxaa la filayaa in beri ay ka bilaabato codeynta doorashada qof iyo codka ah oo lagu soo dooranayo goleyaasha deegaanka, ayada oo mucaaradka lagu qanciyay in doorashada ku dhacdo si nabdoon, kadibna la isugu yimaado shir guud oo looga tashanayo doorashada madaxweynaha ee 2024-ka. The post Sawirro: DENI oo qaaday tallaabo cajiib ah kahor doorashada berri appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Somaliland:Nin Qudha Ka Jaray Haweenay Ay Isku Qabteen Dhul. Alle ha unaxariiste Marxuumad Xaliimo Aw Cabdi Diiriye ayaa gacan ka xaqdarani ku dishay degmada Godawayn ee Gobolka Saaxil , hooyadan ayaa kamid ahayd dadka deeganka ee waayeelka ah balse waxaa lay xaqiijiyey inuu toogtay nin lagu magacaabo Maxamed Cabdi Ismaaciil kadib markii uu soo kala dhexgalay khilaaf dhinaca dhulka ah . Maydka marxuumadan ayaa la keenay cusbitaalka degmada Berbera halka uu baxsaday ninkii dilka gaystay oo aan ilaa hada la hayn . Arintan ayaa xaalad cusub ka abuurtay deeganka Godawayn ee dhinaca koonfur galbeed ee Gobolka saaxil . Qaran News
