-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waa madaxweyne Deni, oo garaacaya al-baabada guryaha Badhan si uu u waydiisto in ay codka siiyaan ururkiisa Kaah doorashada Golaha Deegaanka ee berri la qorsheeyay in ay ka dhacdo deegaamada Puntland. Puntland ayaa noqonaysa maamul gobolleedkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ee ay ka dhacdo Doorasho hal qof iyo hal cod ah. Qaran News
-
Waxaa maanta Hargeysa iman doona safiirka cusub ee dawlada Ingiriis-ku u soo magacowdey Somaliya Safiirkan cusub Mr.Michael Nithavrianakis ayaa kulamo la yeelan Doona madaxweynaha Somaliland , madaxda xisbiyada mucaaridka iyo ururada bulshada rayidka ah . Qaran News
-
Somaliland waxay ku naaloonaysay nabad in muddo ah. Maxaa is bedelay? In ka badan 25 sano oo xasillooni ah ka dib, Somaliland – oo ah gobol ka go’ay waqooyiga Soomaaliya oo doonaya aqoonsi caalami ah – waxaa hareeyay iskahorimaadyo hubeysan. Dagaalladii ugu xumaa ee dhacay Febraayo 2023, ku dhawaad 100 qof ayaa lagu dilay laba toddobaad gudahood. Dagaalkan hubaysan iyo rabshadahan ayaa salka ku haya waqooyiga magaalada Laas Caanood. Halkan, 26-kii Diseembar 2022, Mudaaharaad ka dhashay toogasho lagu dilay Siyaasi da’yar oo caan ka ahaa deegaanka ayaa horseeday 20 dhimasho ah oo ay geysteen ciidamada ammaanka Somaliland. Mudaaharaadku waxa uu markiiba isu bedelay kacdoon dadweyne oo ay dad beesha Sool clan ahi ku doonayeen in ay dib ula midoobaan Soomaaliya. Dagaal khasaare geystay ayaa dhexmaray maleeshiyo beeleedyo ka mar qaata waxgaradka Sool clan iyo ciidamo ka tirsan militaryga Soomaliland. Si ka duwan koonfurta Soomaaliya, Somaliland waxay ku naaloonaysay nabad ilaa dhammaadkii 1990-aadkii. Waa markii ay is-qabqabsi ka dhex aloosnaa beesha ugu weyn Somaliland – Isaaq – ay ku dhammaatay heshiis nabadeed, oo ay garwadeen ka ahaayeen qaar ka mid ah beelaha aan Isaaqa ahayn. Dagaaladii hore ee hubaysnaa ee Isaaqa ka dhex dhacay waxa ay salka ku hayeen cidda maamulaysa dhaqaalaha iyo siyaasadda oo wakhtigaas daciif ahaa. Laakin hadda waxaa halis ku jira guud ahaan dawladnimada nidaamka qaranimada Somaliland oo sumcadda caalamka ku kasbaday balse aan aqoonsi helin. Doorashada Madaxweynaha oo lagu waday inay qabsoonto bisha November ee sanadkii hore ayaa dib loo dhigay, mana jirto waqti cusub oo loo qabtay. Waxaan todobadii sannadood ee u dambeeyey si aan kala go’ lahayn uga shaqaynayey caasimadda Somaliland ee Hargeysa, anigoo markii hore macallin marti ah ka ahaa iyo ugu dambayntii oo aan macallin ka noqday Jaamacadda Hargeysa (2016-2023). Laakiin weligay maan dareemin xasarad beeleed lamid ah midii aan dhawaan u arkay Somaliland. Xiisadaha ka taagan Somaliland ayaa laga dareemayaa waddooyinka caasimadda Hargeysa iyo sidoo kale magaalada Berbera ee xeebta Gacanka Cadmeed iyo magaalooyinka kale. Aragtidayda qawmiyadeed, xididdada colaadda hubaysan ee siyaasadeed waxay ka qoto dheer tahay colaad la xidhiidhta kuwa taageersan midawga –ee raba in inay dib ula midoobaan koonfurta Soomaaliya – iyo kuwa ka soo horjeeda midnimada. Waxa ka mid ah saluug dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo is biirsaday oo dhawr beelood oo darafyada ka soo jeedaan iyo in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu awood ku leeyahay talada dalka, taas oo ka duwan hab-heshiisiineed oo uu ku dhaqmo maamulkii isaga ka horreeyay. Madaxwaynuhu waxa uu xilka sii hayn doonaa wax ka badan mudadiisa dastuuriga ah, iyada oo awooda la kordhiyey uu muran ka dhex abuuray golaha madax dhaqameedka. Yaa door ka caayaaraaha isku dhacyadda? Qabiilku waa aaladaha muhiimka u ah siyaasadda gudaha Soomaalida. Waxay caawiyaan ciyaartoyda siyaasadda doonaya inay ku guuleystaan ama kuwa doonaya in ay sii haystaan kursiga. Tan iyo doorashadii u dambaysay ee dhamaadkii 2017, qabiiladda Darafyada waxa ay si joogto ah farta ugu fiiqeen la’aanta awood-qaybsiga saxda ah ee siyaasiyiinta beesha Sacad Muuse ee fadhigoodu yahay Hargeysa. Madaxweyne Biixi waxa uu ka soo jeedaa beeshan. Xilal wasiirnimo iyo agaasimeyaal sare oo beeshaan lagu taxay ayaa kicisay dareenka beelaha kale ee darafyadda dega Soomaliland. Taariikh ahaan, Sacad Muuse waxay ahaayeen ganacsato. Maanta, ma aha oo kaliya ganacsiga ee sidoo kale waa hagayaasha siyaasadda Somaliland. Waxay maamulaan awoodda iyo kheyraadka dowladda si kali ah. Beeshan Muuse Biixi ka sakow waxay leedahay afar wasiir iyo wasiir ku xigeen iyo sidoo kale taliyaha ciidamada qalabka sida iyo xeer ilaaliyaha guud. Waxa kale oo ay gacanta ku hayaan ganacsigii faa’iidada lahaa ee ka jira xuduudka Wajaale oo ah xudunta dhaqaale ee ugu muhiimsan Somaliland. Somaliland waxay cagta saartay jidkii Siyaasad xumida. Hadal haynta gooni goosadka wuxuu ku socdaa isbeddel degdeg ah. Haddaba, Somaliland waxaad mooddaa inay la mid tahay Koonfurta Soomaaliya oo sannado badan ku suntaneed dagaallo iyo colaad joogto ah. Maxaa xiga? Rabitaanka gubanaya ee madaxda Somaliland waa inay xaqiijiyaan xudduudaha u calaamadsan waqooyi-bari Soomaaliya, oo ah xuduud ay sameeyeen maamulladii Ingiriiska iyo Talyaanigu dabayaaqadii qarnigii 19-aad. Colaadda hadda jirta – oo ay halis ugu jirto in dhul la waayo – ayaa khatar ku ah mustaqbalka siyaasadeed ee Somaliland. Haddii Laas Caanood ay u baxdo dhinaca maleeshiyo beeleedka Sool clan, maamulka Somaliland dacwadda aqoonsiga caalamiga ah ayaa sii wiiqmi doonta. Sababtaas awgeed, Muuse Biixi iyo hareerihiisa hoose waxay raadinayaan guul ciidan si ay dib ugu qabsadaan Laas Caanood. Maamulka Somaliland ayaa bilaabay in ay madaafiic ku garaacaan guryaha dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Ciidamadooda ayaa ka howlgala xeryo ciidan oo ku yaala deegaanada ay dadku ku badan yihiin ee dhaca duleedka Laas Caanood, iyagoo halis geliya nolosha dadka rayidka ah. Aqoonsiga caalamiga ah lama siin Somaliland sababtoo ah inta badan beesha caalamka – waxa loogu yeero “saaxiibada Soomaaliya” – waxay u jeedaan inay ilaashadaan midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida ku cad go’aamo isdaba joog ah oo Qaramada Midoobay ka soo saartay Soomaaliya. Sannado badan, sawirka Somaliland ee adduunka oo dhan wuxuu ahaa mid nabadeed. Tani waa inkastoo dadka u ololeeya iyo indheergaradka dimuqraadiyadda iyo matalaadda jamacaha iyo sidoo kale codadka warbaahinta dhaliila la xakameeyey. Ilaa iyo inta nabaddu jirto, waxa soo if baxay rajo ah in riyada dawladnimo ay rumoobi weydo. Colaadda Laas-caanood waxay damin lahayd rajo kasta oo arrintan laga qabo. Iyadoo aanay muuqaan in khilaafka Laascaanood uu dhamaan doono xili dhow, waxa ugu weyn ee guul-darraystay waxa noqon doono Madaxweyne Biixi. sababtoo ah wuxuu ku guuldaraystay in uu si cad u qeexo jadwalka doorashooyinka iyo si uu Somaliland uga badbaadiyo tafaraaruqa in uu la fadhiisto Ugaasyada beelaha Laas-caanood, rajada laga qabo in tan danbe dhacda ayaana u muuqata mid quus ah. Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka. Shirkan ayaa looga arinasanayaa xaaladda amniga dalka gaar ahaan wajiga labaad ee howlgalka dib u xoreynta, dhameystirka deyn cafinta iyo dhaqangelinta heshiisyadii horey ay u gaareen golaha wadatashiga qaran. Shirka ayaa waxaa aan ka qeyb galin madaxweynaha Puntland Siciid Deni. Shirka waxaa ka soo qaybgalay, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe). Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shirka 6-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maanta oo Arbaca ah ka furmay magaalada Muqdisho. Shirkan oo uu guddoominayo Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa qeyb ka ah madaxda maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir. Shirka waxaa ka maqan madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo horay uga baaqday kulankii Golaha Wadatashiga Qaran ee kan ka horreeyay. kulanka ayaa looga hadlayaa xaaladda Amniga dalka gaar ahaan wajiga labaad ee howlgallada lagu soo afjarayo Argagixisada, dhameystirka arrimaha deyn cafinta iyo dhaqan gelinta heshiisyadii horey ay u gaareen Golaha Wadatashiga Qaran. PUNTLAND POST The post Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta ka furmay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa maaanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominaya madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana goobjoog ah madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Madoobe, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, HirShabelle Cali Guudlaaw, Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale. Sidoo kale waxaa shirka ka maqan madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Deni oo weli khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana fashilmay isku dayo lagu doonayay in looga soo geliyo shirka maadaama ergo loo xilsaaray. Saciid Deni ayaa haatan ku jira tartan doorasho oo adag, maadaama ay beri Puntland ka bilaabaneyso doorashada golaha deegaanka ee maamulkaasi. Waxaa sidoo kale mdasha ka maqan ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo isna haatan safar shaqo ku joogo magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar, halkaas oo uu uga qayb-galayo shir Madaxeedka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika oo ka furmay dalkaasi. Shirkaan ayaa waxay madaxda uga arrinsayaan arimaha amniga, dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan wajiga labaad iyo dhammeystirka deyn cafinta, sida lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay Villa Somalia. Madaxtooyada ayaa sidoo kale shaacisay in madaxdu ay shirkaan diirada ku saari doonaan wixii ka dhaqan-galay heshiisyadii ay horey ugu gaareen shirkarkii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran. Shirka ayaa haatan kusoo aaday xilli xasaasi ah, islamarkaana Puntland ku jirto doorasho, dowladddana dhexana ay ku howlan tahay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, gaba-gabada shirkaan ayaa la filayaa in madaxdu ay soo saareen war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadlayaan muddada uu socdo shirkooda. The post Shirka Golaha Wadatashiga oo ka furmay Muqdisho iyo laba mas’uul oo ka maqan appeared first on Caasimada Online.
-
Iyadoo maalinta berri ah lagu wado in Puntland looga dareero doorashada golayaasha deegaanka oo qof iyo cod ah, ayaa waxaa xalay ciidamo diidan doorashada gacantooda galay sanaadiiqdii codeynta ee dagmada buurtinle ee gobolka gobolka Nugaal. Isla gobolkaas qaybo kale oo ka mid ah ayaa la soow warinayaa in aysan gaarin wali qalabka doorashada mana jirto ilaa iyo hadda cid arrimahaan ka hadashay oo ka tirsan gudiga doorashada iyo mamaulka Puntland. Wariye Axmed Cawil ayaa soo werinaya in ay ciddammo fara badan waddooyinka gooyeen, iyada oo ay jiraan degmooyin kale oo aysan qalabkii doorashadu weli gaarin waxaana ka mid ah degmooyinkan, Godobjiraan, Dangoroyo iyo weliba Garowe oo ay hoos tagaan degmoon badan. Doorashada PUntland ayaa waxaa hareeyay khilaafyo iyada oo dhawaan ay soo baxday warqad lagusoo xirayo qaar ka mid ah siyaasinyiinta deegaankaasi walow markii dambe lala laabtay warqaddaas. Qaran News
-
Muwaadiniinta Qurbojoogta dalka Turkiga ayaa maalintii afaraad codadkooda ka dhiibanaya, iyadoo maalinta galinka dambe lasoo gabagabeynayo, codeynta Qurbajoogta ayaa door ku leh doorashada gudaha, Sanaadiiqda ayaa dalka dib loogu celin doonaa, si halkaas loogu tiriyo, xilli gudaha wareegga labaad loo dareerayo 28-ka. Qurbajoogta ayaa ka codeeyay ilaa 167 goobood oo ka mid ah 151 wakiillada Turkiga ee 73 waddan, xilli guddiga doorashada sanaadiiqda ay ku tirin doonaan gudaha dalka marka ay keenaan, xisbiga AK Partty ayaa la sheegayaa inuu taageero xooggan ka heysto Qurbajoogta, marka laga reebo kuwa ku nool Mareykanka iyo dalka Canada. Wareegga labaad ee doorashada gudaha dalka Turkiga oo loo dareerayo asbuuca soo aadan ayaa waxaa siweyn isugu haya musharaxiinta ugu codka badan ee kala hoggaaminaya xisbiga AK Partty iyo Xisbiga mucaaradka ah, waxaa soo sedexaaye Sinan Ogan oo hoggaamiya National Muvement Partty, kaas oo heysta tiro aan badneyn. Sinan Ogen ayaa waxaa lagu tilmaamaa nin ku adadag Diinta Islaamka, taas ayaa keenaysa inuu ka weecdo Kemal Kılıçdaroğlu, kaas oo sheegay inuu doonayo inuu kala saaro Diinta iyo Dowladnimada Turkiga, sidii uu hore uu u sameeyay ninkii dhidibada u taagay Jamhuuridda dalka Turkiga Mustafa Kemal Ataturk oo aasaasay Jamhuuriga. Doorashadaayaa waxaa wareegga labaad la saadaalinayaa ay macquul tahay in lagu kala baxo, kadib midowga AK Partty iyo National Muvement Partty ooo madaxtoodu ay ku kulantay magaalada Ankara, xilligaas Sinan Ogen uu taageero u muujiyay xisbiga uu hoggaaminayo madaxweyne Egdogan, taas ayaa keenaysa inaan 3-aad la aadin. Doorashada Turkiga sanadkaan ayaa waxaa lagu tilmaamay doorashadii Qarniga, maadaama Turkiga uu galayo qarni cusub, 2023, kadib markii ay u soo idlaatay cunaqabateyntii la saaray dhicitaankii dowladdii Cismaaniyiinta oo laga joogo muddo 100 sano ah Turkiga ayaa muddada Qarnigaasa ku tallaabsaday hormarro dhinac waliba ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddida caalamiga Suxufiyiinta, ayaa ugu baaqay Xukuumadda Somaliland in ay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah oo aan dib u dhac lahayn u sii daayaan Suxufiyad Bishaaro Baanday oo ku xidhan magaalada Hargeysa. Qoraal ay guddidani soo saartay, ayaa waxa ay ku sheegeen in xoriyadeeda loo soo celiyo Weriye Bushaaro Baanday, oo ay sheegeen in markii la qabanayey ay Boolisku dhaawacyo gaadhsiiyeen. wakiilka CPJ ee Afrikada Saxaraha ka hooseeya, Muthoki Mumo. “Lahaanshaha fikrad diidmo ama dhaleeceyn waa inaan weriye kasta loo gelin xabsiga. Xukuumaduhu waa inay dhiirigeliyaan aragti kala duwanaanta, halkii ay cabudhin lahaayeen aragtiyaha kala duwan ee bulshada dhexdeeda.” Ayey tidhi Muthoki Mumo oo ah Wakiilka CPJ ee Afrika Source
-
Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Deni oo Albaabada ku garaacaya Shacabka Badhan, isaga oo waydiisanaya codka inay siiyaan ururkiisa xili maalinta berri ah la filayo inay ka qabsoonto deegaanada maamulkaas doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka. “Waxaa sharaf ii ah inaan qaraacay Albaabada xaafadaha Degmada Badhan, si aan dadkeyga u weydiisto codka in ay na siiyaan, oo u codeeyaan Ururka KAAH Doorashada Goleyaasha deegaanka ee 25 May 2023, KAAH waa ururka ay kasoo maaxatay aragtida iyo hirgelinta in awooda Shacabka loo dhoweeyo. In aniga oo Madaxweynihii ah aan cod ka raadinayo Bulshada, tegayo xaafadaha oo codsanayo cod, waa guulaha ugu weyn ee Shacabku helayo waayo waxay awood u yeesheen in ay wax doortaan, dadkaygow waxaa inaga go’an in aynu wadajir taariikh u sameyno Inshallah (Berito) 25 May 2023. Waxaynu suntaynaa taariikh cusub oo soo noolaysay Rajada Shacabka Soomaaliyeed oo dhan, waayo Rajada u weyn ee dalkeenu waa in dadku codeeyo .” Madaxweyne Deni Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Saleebaan Maxamed Maxamuud oo qoraal soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in xafiiskiisa uu Maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay ganacsato iyo shirkado loo haysto kiis xasaasi ah, kuwaas oo maalmo kahor lagu soo qabtay howlgal qorsheysan uu ka dhacay Bakaare. Ganacsatadan ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inay iibanayeen raashin iyo cabitaano dhacay, kuwaas oo halis ku ah bulshadeena. Sidoo kale xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in ganacsatadan iyo shirakadaha ay jawaano iyo taariikh cusub siiyeen cunooyinka iyo cabitaanada dhacay. “Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaaditr 9 eedeysane iyo shirkado lagu soo xiray ka ganacsiga cunnooyin iyo cabitaanno dhacay, ayaga oo jawaano iyo taariikh cusub siinaya,” ayaa lagu yiri qoraalka Xeer-ilaalinta. Qoraalka ayaa intaasi kusii daray “Marka ay baarista soo dhammaato waxa uu xafiiska eedooda u gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh”. Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sidoo kale digniin culus u diray cid kasta oo ku howlan kaydinta iyo ka ganacsiga raashinka dhacay oo halis ku ah bulshada. Dhanka kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa farriin gaar ah u diray dadweynaha Soomaaliyeed, isaga oo ku booriyay inay arrintaan kala shaqeeyaan hay’adaha ammaanka. ‘Wuxuu xafiisku ku boorinayaa bulshada Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, si loo soo afjaro falalka khatarta ku ah bulshada,” ayaa markale yiri qoraalka. Ugu dambeyn Xeer Ilaalinta ayaa boggaadisay dadaalka hay’adaha ammaanka ee dowladda oo howlgal ay ka sameeyeen Bakaaraha kusoo qabtay ganacsatada la geeyay maxkamada. The post Ganacsato loo haysto kiis xasaasi ah oo la horgeeyay maxkamadda G/Banaadir appeared first on Caasimada Online.
-
Xilli maalinta barri oo taariikhdu tahay 25-ka May deegaannada dowlad goboleedka Puntland looga dareerayo doorashooyinka golaha deegaanka ee qof iyo cod, ayaa wararku waxaa ay sheegayaan in ciidamo diidan sida ay ku socoto doorashada ay dhaceen sanaadiiq ku socotay deegaanno kamid ah gobolka Nugaal oo aad la isugu hayo. Sanaadiiqdaan oo ku sii jeedayay magaaalada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa habeenimadii xalay waxaa jidgooyo u dhigtay ciidan diidanaa doorashada, waxaana la soo warinayaa in ay dhaceen, iyadoo sidoo kale ay taagan tahay xiisad ka dhalatay arrintaas, doorashada Puntlanad ayaa ah mid dhinacyadu ku muransan yihiin. Isla gobolkaas qaybo kale oo ka mid ah ayaa la soo warinayaa in aysan gaarin wali qalabka doorashada mana jirto ilaa iyo hadda cid arrimahaan ka hadashay oo ka tirsan guddiga doorashada iyo mamaalka Puntland intaba. Waddooyinka qaar ayaa waxaa gooyey ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa diidan doorashooyinka goleyaasha. Doorashada Puntland ayaa waxaa hareeyay khilaafyo, iyada oo dhawaan ay soo baxday warqad lagu soo xirayo qaar ka mid ah siyaasinyiinta deegaankaasi inkastoo markii dambe lala laabtay warqaddaas, waxaana siweyn dadka u diidan kamid ah wasiirkii hore maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal iyo mas’uuliyiin ay isku xulufo yihiin. Dowladda Federalka Soomaaliya madaxda ugu sareysa, madaxdii hore ee Puntland iyo siyaasiyiinta ayaa wadajir madaxweyne Deni ugu baaqay inuusan qaadin tallaabo aan raali la isaga aheyn, waxaana hore Siciid Deni u sheegay inuu doonayo inuu furo dastuurka maamulka si qodobada qaarkood ee Dastuurka wax looga bedelo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kumanaan kun oo qof oo ku nool gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa dhigay mudaaharaad ay ku dalbanayaan in dib u deji loo oggolaado dadkii ka qaxay dagaalkii labadii sano ee la soo dhaafay. Heshiis nabadeed bishii Nofembar ayaa soo afjaray dagaalkii u dhexeeyay ciidamada dawladda iyo fallaagada Tigrayga. Hase yeeshee muran dhuleed oo in muddo ah soo jiitamayay isla markaana u dhexeeyay Tigreega iyo Axmaarada, kaas oo ay colaadda uga sii dartay, ayaa la xalin waayay. Qoomiyada Tigreega ayaa sheegay in joogitaanka saraakiisha Axmaarada ay ka hor istaagayso in ay ku laabtaan guryahoodii. Source
-
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo shir kaga qeyb galay magaalada Sharma Shiikh ee dalka Masar ayaa kulan dooceed la qaatay Wasiirka Horumarinta caalamiga ee dowladda Canada Mr. Harjit Sajjan iyo masuuliyiintii la socotay, kuwaas oo ka qayb galay shirka Sharma Shiikh. Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saarnay Hannaanka Isbadalka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhameystirka arrimaha deyn-cafinta, iyadoo sidoo kale looga wadlay taageerada ay ka geysan karaan sidii looga saameyta bixi lahaa dhaqaale xumida iyo isbadalka cimilada oo saameyn xooggan ku yeeshay Soomaaliya. “Kulanka waxa aan diiradda ku saarnay Hannaanka Isbadalka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhameystirka arrimaha deyn-cafinta. Sidoo kale waxa aan kala hadlay taageerada ay ka geysan karaan saameynta dhaqaalle ee isbadalka cimilada oo saameyn xooggan ku yeeshay Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal uusoo saaray Wasiir Cilmi. Magaalada Sharma Shiikh ee dalka Masar waxaa ka soconaya shir madaxeedka wadamada Afrika, kaas uu soo qabanqaabiyay Bangiga Hormarinta Afrika, waxaana sidoo kale ka soo qeyb galay mas’uuliiin lagu casuumay shirka oo kala socotay dowladaha Mareykanka, Canada iyo Midowga reer Yurub oo daneynaya Qaaradda Afrika. Dowladda Soomaaliya shirka waxaa ku matalayay Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, waxaana sidoo kale wehlinayay wasiirka maaliyadda iyo safiirka Soomaaliya ee Midowga Afrika, Xamse oo Khudbad ka jeediyay ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay arrimo dhowr iyo saameynta isbedelka cimilada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobollka Nugaal ayaa sheegaya in ciidamo hubeysan ay dhaceen qaar kamid ah sanaadiiqda cod-bixinta doorashada Puntland oo la filayo inay beri ka dhacdo deegaanada maamulkaasi. Ciidamadan oo ka gadoodsan qaabka loo wado doorashada ayaa lagu soo warramaya inay waddada u galeen gaadiid sanaadiiqda u waday degmada Burtinle iyo hareeraheeda. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadan oo taageersan xubno kamida mucaaradka ay qabsadeen sanaadiiqda, isla-markaana ay la wareegeen kahor inta aan la geynin goobaha loo waday, si ay codadkooda ugu ridaan dadweynaha ka qaybgalaya doorashada degaanka. Sidoo kale muuqaal ay soo duubeen ciidamada dhacay sanaadiiqda ayaa waxa ay ku sheegeen in syan aqbali doonin doorashooin boob ah, sida ay hadalka u dhigeen. Sarkaal u hadlay ciidamadan ayaa sidoo kale xusay inay ka tirsan yihiin ciidamada gaarka ee Danab, wuxuuna ku dooday inay u istaageen ka hortagga doorasho aan lagu wada qanacsaneyn oo ka dhacda Puntland, oo sababi karta rabshado iyo gacan ka hadal. “Waxa aan u sheegeynaa Bulshada Reer Puntland innaga oo katirsan Ciidanka Kumaandooska Danab horayna uga soo horjeesanay doorashada lagu muransan yahay ee boobka ah ee qof iyo goriga ah ee ciidanka lagu gelinayo, waxaa caawa gacanta ku dhignay in badan oo kamid ah sanaadiiqdii Codbixiyaasha iyo warqadihii codbixiyaasha ee deegaanka burtinle & tuulooyinka hoos yimaada” ayuu yiri sarkaalka. Dhanka kale, ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Puntland oo ku aadan dhacdadaasi, waxaana haatan ah xaaladdu ay tahay mid kacsan. Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalada oo ka dhalatay muranka doorashooyinka qof codka ah ee maamulkaasi oo ay isku hayaan Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa la filayaa inay beri dhacdo doorashada, waxaana Booliska Puntland uu bandow kusoo rogay guud ahaan maamulkaasi. The post Sanaadiiqda doorashada PUNTLAND oo la dhacay appeared first on Caasimada Online.
-
The first boat filled with 1000 livestock/goats was sailed today from the newly built Jetty Port of Maydh in the Eastern #Somaliland region of #Sanaag. This is another millstone for Somaliland economy boost, especially it is good news for bussiness community in Eastern regions and expected to create more jobs. Thanks for the United Kingdom for continuing support of Somaliland economy, security, and infrastructure, including the building of this economic Jetty Port in Maydh Saleban Bulaale Qaran News
-
Madaxii hawlgallada dibedda ee ururka al-Shabaab ayaa lagu dhaawacay duqayntii Sabtidii ka dhacday Jilib, sidaas waxaa sheegay dowladda Soomaaliya. Cusmaan Maxamed Cabdi, oo ku magacdheer Macallin Cusmaan ayaa lagu dhaawacay duqayntaas. Ilaa hadda ma cadda nooca dhaawaca soo gaaray. War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Cusmaan uu kooxda u qaabilsanaa arrimaha dibedda, keenista ajaanibta ee dalka iyo fududaynta kala gudbinta fikradaha. Dowladda ayaa sheegtay in marka la bartilmaameedsaday uu guri ku dhuumanayey. Taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa sidoo kale xaqiijiyay in qiimaynta lagu sameeyey hawlgalkaas in mid ka mid ah hoggaamiyayaasha al-Shabaab lagu dhaawacay. AFRICOM ayaa intaas ku daray in hawlgalkan iskaashi lagala sameeyey dowladda federaalka ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxii Hawlgllada Dibadda Al-shabaab oo la dhaawacay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dil ay xalay kooxo hubeysan wiil dhalinyaro ahaa ugu geysteen degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Daahir Xuseen Maxamuud oo ahaa ganacsade si weyn looga yaqaanay degmadaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in kooxo hubeysnaa bistoolada ay marxuumka ku dhex dileen goobtiisa ganacsi oo ku taalla xaafadda Mac-macaanka ee Dharkenley. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Marxuum Daahir Xuseen Maxamuud uu sidoo kale dhowaan ka soo qalin-jebiyay mid kamid ah Jaamacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho. Goobta uu dilka uu dilka ka dhacay ayaa waxaa sidoo kale gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo sameeyay baaritaano kooban sameeyay, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falka dilka ah ee loo geystay wiilkaas dhalinyarada ah. Sidoo kale ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda dilkan oo ku soo aaday, xilli maalmihii lasoo dhaafay amniga caasimada uu ahaa mid xasilan. Arrintan ayaa ku timid, kadib qorshe cusub oo ay la timid dowladda federaalka, kaas oo wax looga qabanayo amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Ammaanka ayaa qayb ahaan waxaa lagu wareejiyay ciidamo Boolis-Milataaro ah oo dhowaan lagu soo tababaray Uganda, kuwaas oo la dhigay Muqdisho iyo duleedkeeda. Waxaa sidoo kale jira guluf kale oo ay dowladdu ku qaaday Al-Shabaab, kaas oo ka socda gobollada dalka, isla-markaana lagu jebiyay kooxda oo laga saaray dhul ballaaran. The post Ganacsade Daahir Xuseen oo lagu dilay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Kenya has foiled a terrorist attack in its east border region with Somalia, police said Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka xilka ka sii tegaya ee Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Larry André ayaa waraysi uu siiyay laanta af Soomaaliga ee BBC ku sheegay in Madaxweynaha Puntland uu kula taliyay in uu ka qeybgalo shirarka madaxda Soomaaliya oo waxa uu tabanayo uu halkaa ka sheego. Safiirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in siyaasiyiinta Soomaaliya ay heshiis ka gaaraan awoodaha iyo mas’uuliyada ay kala yeelanayaan labada heer ee dowladda. Danjire Andre ayaa sheegay in sannadkii iyo barkii uu Soomaaliya joogay ay wax badan iska beddeleen xaaladaha waddanka. Danjiraha oo ka hadlay khilaafka u dhexeeya Madaxda Federaalka iyo Madaxweynaha Puntland ayaa yiri: “Waxaa aad muhiim u ah in Soomaaliya ay go’aan ka gaarto awoodaha iyo shaqooyinka ay kala yeelanayaan maamullada iyo dowladda dhexe. Si taa loo helo, waxaa muhiim ah in ay dhacaan shirar wadaxaajood, sida kan madasha qaranka oo ay iska dhex arkaan Soomaalida oo dhan. Waxaan jeclaan lahaa in kulamadaas kursi looga banneeyo Somaliland.” Hase yeeshee safiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in marnaba uusan madaxweyne Deni ku raacsanayn inuu ka maqnaado kulamada Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya. “Kuma raacsani oo xitaa waan u sheegay Madaxweyne Deni in kulamadaas ay ka maqnaato Puntland. Maamul goboleedkaas waxa uu ahaa mid Soomaaliya ka tirsan oo si habsami leh u shaqeynayey muddo 25 sano ah. Waxa uu leeyahay qiso muhiim ah oo uu la wadaagi karo Soomaaliya inteeda kale.” Deni ayaanan ka qeyb galin shirkii Golaha ee bishii Maarso ka dhacay magaalada Baydhabo. Madaxweynayaasha afar dawlad goboleed oo uusan ku jirin kan Puntland iyo madaxweynaha Dawladda Federaalka ayaa shirkaasi ka qeyb galay. “Si guul buuxda looga gaaro Soomaaliya, waxaa muhiim ah in Puntland ay qeyb ka tahay. Waxaan Deni u sheegay in xitaa haddii uu ka baaqdo kulamada uu muujiyo aragtida uu ka qabo arrimaha masiiriga laga hadlayay. Laba goor ayaan arrintaa kala hadlay, wax jawaab ahna ima uusan siin,” ayuu yiri danjire Andre. Bilowgii sannadkan ayuu soo shaac-baxay khilaaf u dhaxeeya dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Puntland kaddib markii Puntland ay soo saartay bayaan muran dhaliyay kaas oo tibaaxayay in dowladda dhexe in ay “hagardaamo” ku waddo hanaanka dowlad dhiska Soomaaliya. Sida ku cad dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 142-aad, farqaddiisa 1-aad, dowladda Puntland waxay xaq u leedahay in, iyadoo qayb ka ah dowlad dhiska dalka, ay u dhaqanto sidii dowlad u madax bannaan fulinta dhammaan waajibaadyadeeda dowliga ah.” Danjiraha oo ka hadlayay qibradda uu u leeyahay Soomaaliya iyo markii ugu horreysay ee uu Soomaaliya tago ayaa yiri: “Waxaan Soomaaliya markii ugu horreysay booqday sanadkii 2001. Haddii aan isbarbar dhig ku sameeyo sidii ay Soomaaliya ahayd 22 sano ka hor iyo maanta, horumar badan ayay samaysay. Waxaan si weyn ugu kalsoonahay in Soomaaliya ay si buuxda u soo kaban doonto. Waxaase jira dhibaatooyin dhanka dowladnimada ah, amniga ah, bani’aadannimada ah maadaama ay dhacday abaar aan nooceeda horay looga arag Soomaaliya.” “Dowladda heerarkeeda gobol iyo Federaal ayaa ka shaqeynaya wax ka qabashada arrimahaas, iyadoo gacan ka helaysa saaxiibbadeeda caalamiga ah. Markii aan Soomaaliya tegay January 2022, dalka waxa uu ku jiray xaalad adag, siyaasad xumo awgeed. Bilhii ka horreeyay, waxaa muuqday astaamo u eg kuwii 1990-kii, oo hub urursi iyo rabshado ayaa ka socday wadooyinka.” “Khatarta ugu weyn ee Soomaaliya haysatay waxa ay ahayd qalalaaso siyaasadeed. Tan iyo sanadkii hore, waxaan aragnay hawlo wanaagsan oo laga qabtay dhinaca dowlad dhiska, kulamo joogto ah oo u dhexeeya madaxda Soomaaliya iyo dhanka amniga oo ay ciidamada Soomaaliya madax bannaanida dhuleed ku soo celiyeen 1/3 dhulkii uu haystay ururka Al-Shabaab.” Isha: BBC The post Safiirka MAREYKANKA oo dhaliil culus u jeediyey DENI appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo war qoraal ah soo saaray ayaa jawaab ka bixiyay qoraalka madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo ka hadlay doorashooyinka maamulkaasi. Jibriil ayaa marka hore qoraalkiisa ugu mahadceliyay Farmaajo oo si weyn u boggaadiyay doorashooyinka qof iyo codka ah ee beri ka bilbaaneysa deegaanada Puntland. “Wuu ku mahadsan yahay bogaadinta iyo hambalayada uu shacabka iyo Dawladda Puntland hawada usoo mariyey Madaxweynihii hore ee Soomaliya Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland. Guddoomiyaha ayaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya ku boggaadiyay teegeerada uu u muujiyay doorashooyinka qof iyo codka ah iyo dimuquraadiyadda Puntland. “Waxaan lee yahay Madaxweyne Waan kugu bogaadinaynaa inaad taageertay barnaamijka Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyada ka hanaqaaday Puntland , Mahadsanid Mudane Madaxweyne guulayso adiguna markale.” ayuu mar kale qoraalka ku yiri guddoomiyihi Farmaajo oo xalay warsaxaafadeed soo saaray ayaa ku bogaadiyey Puntland, bulsho iyo maamulba, sida ay ugu istaageen hirgelinta doorashada Goleyaasha Deegaanka, taas oo horseedaysa in dadku ay codkooda ku doortaan hoggaanka deegaannadooda. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hirgelinta doorashada qof iyo cod ee heer deegaan iyo heer Federaalba ay ka mid tahay himilooyinka uu dadaalka ku bixinayey, maadaama ay tahay dhabbaha kaliya ee xoojin kara isla xisaabtanka iyo maamul wanaagga dalka “Hannaankan doorashada tooska ah in ay ka hirgasho Puntland waxay tusaale u tahay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu hamuum-qabaan in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, arrinkaas oo aan horey dadaal ugu bixinnay, lana jecel nahay in ay gaaraan dhammaan deegaannada dalkeenna, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed” ayuu yiri. Puntland ayaa waxaa la filayaa in beri ay ka bilaabato codeynta doorashada qof iyo codka ah oo lagu soo dooranayo goleyaasha deegaanka taas oo ay ku tartamayaan ururada. The post PUNTLAND oo jawaab ka bixisay qoraalkii Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
