-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa dhawaan deegaan kamid ah gobolka Jubbad Dhexe ku qabsatay shirweyne wada-tashi oo looga hadlayay wax ay kooxdu ugu yeertay Jihaadka ka socda Bariga Afrika. Shirweynahan ayaa waxaa kasoo dhex muuqday qaar kamid ah madaxda sare ee kooxda iyo Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda, sida ay muujinayaan sawiro iyo muuqaalo ay baahisay warbaahinta kooxda. Sidoo kale shirkaan ayaa waxaa kasoo muuqan oo ka maqna Mahad Karataay iyo madax kale oo kamid ah hoggaanka kooxda Al-Shabaab, taasi oo keentay in dad badan isweydiiyaan sababta ka dambeysa inay kasoo muuqan waayan shirweyne intaas le’eg oo ay qabsatay kooxda Al-Shabaab. Arrintan ayaa imaneysa xilli muddooyinkii dambe la hadal hayay inuu jiro khilaaf xooggan oo soo kala dhex-galay hoggaanka sare ee kooxda, una kala jabeen laba garab oo kala taageersan Mahad Karataay iyo Abu Cubeyda. Haddaba, Maxaya tahay sababta ay Mahad Karataay iyo hoggaamiyeyaashii kale ee wajigooda la yaqaanay ay uga soo muuqan waayeen shirkaas? Ibraahim Aadan oo aqoon dheer u leh kooxda Al-Shabaab iyo hoggaankeeda, haatanna la shaqeeyo dowladda ayaa waxa uu sheegay in shirka uu kasoo muuqday Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda oo ah mid aanay badanaa kasoo qayb-gelin madaxdooda sare. Ibraahim ayaa waxa uu sheegay in shirkan noocaas oo kale ah loo qabto kuwa gobollada, oday dhaqameedyo iyo culimada taabacsan kooxda Al-Shabaab, islamarkaana aysan qasab ahayn in lagu arko madaxda kale. Shirweynaha uu dhawaan kasoo muuqday Abu Cubeyda ayaa waxa uu Ibraahim ku sheegay mid sanad leh, kaasi oo ay kooxdu billowday kadib markii hoggaankoodii hore ee Axmed Godane uu baabi’iyay golaha shuurada. Kooxda Al-Shabaab ayaa markii hore ka koobnaan jirtay laba gole oo kala ah golaha shuurada iyo kan fulinta, kadibna uu baabi’iyay midkii shuurada Godane, oo ah hogaamiyiihi hore ee Al Shabaab, kaas oo la dilay sannadkii 2014-kii. “Golihii shuurada waxaa beddalay shir sannadeed oo madaxda gobollada ay isugu yimaadaan oo Afhayeenka guud ee ururku ka soo qayb galo gabagabadana amiirka ururku uu kasoo qayb galo, warmurtiyeedna uu ka soo boxo,” ayuu yiri Ibraahim oo la hadlay BBC. Si kasta, Shirweynahan ayaa ahaa kii labaad ee noociisa ah ee kooxdu yeelato, ayna kooxdu sheegtay inuu ka qabsoomay gobolka Jubbada Dhexe, inkasta oo aan la shaacin goobta uu sida gaar ah uga dhacay. The post Maxaa ka jira in Karatay uu khilaaf uga maqna shirka Abu Cubeyda kasoo muuqday? appeared first on Caasimada Online.
-
Thousands of people have been displaced by flooding in Beledweyne town in Somalia's Hiran region after a river burst its banks following torrential rains. Source: Hiiraan Online
-
Safiirka Mareykanka oo Dhaliilo Culculus u jeediyey Siciid Deni Safiirka xilka ka sii tegaya ee Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Larry André ayaa waraysi uu siiyay laanta af Soomaaliga ee BBC ku sheegay in Madaxweynaha Puntland uu kula taliyay in uu ka qeybgalo shirarka madaxda Soomaaliya oo waxa uu tabanayo uu halkaa ka sheego. Safiirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in siyaasiyiinta Soomaaliya ay heshiis ka gaaraan awoodaha iyo mas’uuliyada ay kala yeelanayaan labada heer ee dowladda. Danjire Andre ayaa sheegay in sannadkii iyo barkii uu Soomaaliya joogay ay wax badan iska beddeleen xaaladaha waddanka. Danjiraha oo ka hadlay khilaafka u dhexeeya Madaxda Federaalka iyo Madaxweynaha Puntland ayaa yiri: “Waxaa aad muhiim u ah in Soomaaliya ay go’aan ka gaarto awoodaha iyo shaqooyinka ay kala yeelanayaan maamullada iyo dowladda dhexe. Si taa loo helo, waxaa muhiim ah in ay dhacaan shirar wadaxaajood, sida kan madasha qaranka oo ay iska dhex arkaan Soomaalida oo dhan. Waxaan jeclaan lahaa in kulamadaas kursi looga banneeyo Somaliland.” Hase yeeshee safiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in marnaba uusan madaxweyne Deni ku raacsanayn inuu ka maqnaado kulamada Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya. “Kuma raacsani oo xitaa waan u sheegay Madaxweyne Deni in kulamadaas ay ka maqnaato Puntland. Maamul goboleedkaas waxa uu ahaa mid Soomaaliya ka tirsan oo si habsami leh u shaqeynayey muddo 25 sano ah. Waxa uu leeyahay qiso muhiim ah oo uu la wadaagi karo Soomaaliya inteeda kale.” Deni ayaanan ka qeyb galin shirkii Golaha ee bishii Maarso ka dhacay magaalada Baydhabo. Madaxweynayaasha afar dawlad goboleed oo uusan ku jirin kan Puntland iyo madaxweynaha Dawladda Federaalka ayaa shirkaasi ka qeyb galay. “Si guul buuxda looga gaaro Soomaaliya, waxaa muhiim ah in Puntland ay qeyb ka tahay. Waxaan Deni u sheegay in xitaa haddii uu ka baaqdo kulamada uu muujiyo aragtida uu ka qabo arrimaha masiiriga laga hadlayay. Laba goor ayaan arrintaa kala hadlay, wax jawaab ahna ima uusan siin,” ayuu yiri danjire Andre. Bilowgii sannadkan ayuu soo shaac-baxay khilaaf u dhaxeeya dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Puntland kaddib markii Puntland ay soo saartay bayaan muran dhaliyay kaas oo tibaaxayay in dowladda dhexe in ay “hagardaamo” ku waddo hanaanka dowlad dhiska Soomaaliya. Larry Andre iyo Ra’iisul wasaare Xamse Sida ku cad dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 142-aad, farqaddiisa 1-aad, dowladda Puntland waxay xaq u leedahay in, iyadoo qayb ka ah dowlad dhiska dalka, ay u dhaqanto sidii dowlad u madax bannaan fulinta dhammaan waajibaadyadeeda dowliga ah.” Danjiraha oo ka hadlayay qibradda uu u leeyahay Soomaaliya iyo markii ugu horreysay ee uu Soomaaliya tago ayaa yiri: “Waxaan Soomaaliya markii ugu horreysay booqday sanadkii 2001. Haddii aan isbarbar dhig ku sameeyo sidii ay Soomaaliya ahayd 22 sano ka hor iyo maanta, horumar badan ayay samaysay. Waxaan si weyn ugu kalsoonahay in Soomaaliya ay si buuxda u soo kaban doonto. Waxaase jira dhibaatooyin dhanka dowladnimada ah, amniga ah, bani’aadannimada ah maadaama ay dhacday abaar aan nooceeda horay looga arag Soomaaliya.” Muxyadiin Rooble oo waraysanaya danjire Larry Andre “Dowladda heerarkeeda gobol iyo Federaal ayaa ka shaqeynaya wax ka qabashada arrimahaas, iyadoo gacan ka helaysa saaxiibbadeeda caalamiga ah. Markii aan Soomaaliya tegay January 2022, dalka waxa uu ku jiray xaalad adag, siyaasad xumo awgeed. Bilhii ka horreeyay, waxaa muuqday astaamo u eg kuwii 1990-kii, oo hub urursi iyo rabshado ayaa ka socday wadooyinka.” “Khatarta ugu weyn ee Soomaaliya haysatay waxa ay ahayd qalalaaso siyaasadeed. Tan iyo sanadkii hore, waxaan aragnay hawlo wanaagsan oo laga qabtay dhinaca dowlad dhiska, kulamo joogto ah oo u dhexeeya madaxda Soomaaliya iyo dhanka amniga oo ay ciidamada Soomaaliya madax bannaanida dhuleed ku soo celiyeen 1/3 dhulkii uu haystay ururka Al-Shabaab.” Qaran News
-
NAIROBI, (CAJ News) – A PROBE into corruption in the procurement of mosquito nets and irregular release of 500 tons of imported sugar represent a major step in the fight against corruption by the new government in Kenya. Source: Hiiraan Online
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Iyada oo weli ay taagan tahay xiisadda dagaal u dhexeeyo Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa waxaa haatan ay xukuumaddda Hargeysa wada qorshe ay ku qaadeyso duulaankii ugu weynaa ee ku aadan gudaha Laascaanood. Sida ay ogaatay Caasimada Online, duulankan ayaa Somaliland waxa ay qorsheyneysaa inay kusoo aadiso maalinta doorashada Puntand oo ku beegan 25-ka bishan May, taas oo ah qof iyo cod, isla-markaana lagu dooranayo golahayaasha deegaanada ee maamulkaasi. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sidoo kale sheegaya in haatan ciidamada Somaliland ay dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka wadaan aagga xerada Goojacadda, islamarkaana ujeedkooda uu yahay inay u jiheystaan dhanka magaalada Laascaanood oo ay joogaan ciidanka SSC. Sidoo kale ciidanka deegaanka ayaa dhankooda sii xoojiyay difaaca, waxayna bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ay uga hortagaan weerarka ay qorsheyneyso inay soo qaado Somaliland. Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana mar kasta la filan karaa in dagaalka uu qarxo, maadaama labada dhinac uu mid kasta u diyaar garoobay midka kale. Arrintan ayaa uga sii dareyso xiisadda haatan ka aloolsan duleedka Laascaanood oo maalmihii ugu dambeeyay ay ku dagaalamayeen ciidamada labada dhinac. Horay madaxweyne Biixi ayaa wacad ugu maray in ay si wadi doonaan dagaalka, islamarkaana xukuumaddiisa aysan ka tanaasuli doonin taako kamid ah dhulka Somaliland, Madaxweynaha ayaa sidoo kale hanjabay in dagaalka uusan joogsan dooneyn, inta ay ka hortagayaan cadow uu sheegay inuu ku soo duulay Somaliland. Si kastaba, dagaalka Laascaanood ayaa qaatay dhowr bilood oo xiriir ah, waxaana sidoo kale fashilmay isku dayo la doonayay in la’isugu keeno labada dhinac. The post Xog: Xukuumada Somaliland oo qorsheysanaysa duulaankii ugu weynaa, kuna beegaysa… appeared first on Caasimada Online.
-
Wajaale & Xaalad Adag ee ay ku sugan tahay. Gadiidka Ganacsiga ee iskaga Goosha Somaliland iyo Itoobiya ayaa ku xaniban Dhanka Somaliland ee Magaalo Xuduudeedka Wajaale. Gadiidka Ganacsi ee Itoobiya u safrayay shixnadaha ganacsina ka soo qaaday magaalada Berbera ayaa Maalmo ku xaniban magaalada Wajaale dhanka Somaliland. Iyadoo ay sababtay Wadadii Halbowlaha ee Magaaladasi dhex maraysay ee xudunta u ahayd isku xidhka ganacsiga Labbada Dal oo Xidhan iyadoo maamulka Degmadu hore u sheegen inay dhisayaan balse Dhismahaas aan Caratuulka ay dhigeen aan la dhaafin oo muddadaasina laga dheefay dhib ay soo kordhisay. Wajaale oo ah magaalo dhaqaalo badan Somaliland Ganacsigeeda uga soo xaroodo ayaa waajahaysa xaaladan adag, Shacabka Ku dhaqan Magaladaas oo Qaarkood Saxaafada la hadlay ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Somaliland in laga badelo maamulka degmada Wajaale oo ay ku eedeyen inay sabab u yihiin xaaladan adag ee magaalada iyo Ganacsigii labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya ka dhaxeeyay ay waajahayso. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo u warramay warbaahinta ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ka taagan dalka, si xal waara loogu helo. Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in bulshadeenna ay dhibaato ku qabaan wararka been abuurka ah, marin habaabinta iyo sawirka khaldan ee laga gudbinayo dalkeenna. Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa soo heediyay in xal loo helo saddexdan arrimood oo uu sheegay inay muhiim u yihiin xaqiiqada jirta iyo horumarka. “Waa in xal loo helaa been abuurka, marin habaabinta iyo sawirka khaldan ee laga gudbinayo dalkeenna,” ayuu yiri wasiir Al-Cadaala. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in farriimaha khaldan iyo kala hadalka ay dhibaato weyn muddo fog kusoo hayeen dadka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay. “Kala hadalka iyo mideys la’aanta farriimuhu inay ahaayeen mushkilad weyn oo waqti badan soo taagneyd,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in ka wasaarad ahaan ay sameyn doonaan wacyi-gelin ku aadan arrintan, si loo yareeyo been abuurka iyo marin habaabinta shacabka. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliyeed ay kor u qaadeyso fahamka dadka Soomaaliyeed, si aysan saameyn ugu yeelan xogaha khaldan ee la baahiyo. “Wasaarad ahaan waxaan rabnaa in qorshahaan aan ku dhinac billowno wacyi-gelin iyo abaabul ku saabsan sida kor loogu soo qaadi lahaa fahamka dadka Soomaaliyeed ee la xiriira saameynta xog-bixintu leedahay, gaar ahaan xogaha qaldan, been abuurka iyo marin habaabinta” ayuu kusoo gabagabeeyay wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta Somalia.\ The post Daawo: Wasiir Al-Cadaala oo soo jeediyay in xal loo helo saddex arrimood oo taagan appeared first on Caasimada Online.
-
Puntland Ciidamada taabacsan mucaaridka diiddan doorashada qof iyo cod oo waayadanba ku sugnaa duleedka caasimadda ayaa weeraray qaar kamid ah gaadiid sidey sanaadiiqda cod-bixinta ee degmooyinka gobolka Nugaal, iyaga oo la wareegey sanaadiiqda qaar sida ay soo bandhigeen – Tani waxa ay imanaysaa xilli shalay waxgaradka Nugaal ay go’aanno ka soo saareen khilaafla doorashada. Dhinaca kalena Af-hayeen u hadlay ciidamada taabacsan siyaasiyiinta mucaaridka ee diiddan doorashada qof iyo cod ayaa xaqiijiyey in ay qabsadeen ‘qaar kamid’ ah sanaadiiqdii cod-bixinta degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal. “Annaga oo ah ciidanka Kamaandowska Danab, waxa aan shacabka u sheegeynaa in aanay dhici karin doorasho aan heshiis lagu ahayn oo damaceedu yahay muddo kororsi, doorasho aan heshiis lagu ahayn waddan kama dhici karto.” -Ayuu yidhi Af-hayeenka ciidanka u hadlay. Qaran News
-
DAGAALKA LAASCAANOOD Waa Maxay Dabciga Iyo Dhalankiisa (Nature And Characteristics) Runta Ah Ee Dagaalku? Dagaalku wuxu leeyahay dabci iyo dhalan ( nature and characteristics) run ah oo loo baahan yahay in la fahmo si loo wajihi karo dhab ahaan. Hadii kale waa la amban kartaa oo meel daran ayaa laga dhici karaa. Madaxwaynaha muddo-xileeskiisi dhamaaday ma garanayo in ay bes ka tahay, marka uu leeyahay dagaalku joogsan maayo ilaa dhulka la wada xoraynayo. Hadalka Muuse wuxu u dhacayaan in Somaliland shisheeye ku soo duulay oo dhul ka qabsaday tahayna in laga xoreeyo. Laakiin dagaalka Laascaanood dabci ahaan iyo dhalan ahaan maaha ka uu Muuse sheegayo oo waxaynu og nahay in uu yahay dagaal sokeeye oo Somaliland gudihiisa ah uu u dhexeeyo Sool clan iyo Xukuumadda ama Dawladda Somaliland. Way jiraan dad ka soo galay xuduudaha Somaliland kana yimi dhul ka baxsan balse kuwaasi saamayn badan ma laha ee tolaayeey iyo qabyaalad ayuun baa keentay sida ay sheegayaan taasina dhaqanka Somalida maaha wax lala yaabo waxay tareen oo micno lihina ma jiro. Kuwan sheegabaya gurmadada hadii uu Madaxwaynuhu nabad la qaato Sool clan waa qasab in ay dib ugu noqdaan halkii ay ka kala yimaadeen markoodii hore Sool clan ayaana ku filan ee isaga hawl u taal maaha. Sidaa daraadeed Muuse way caddahay in aanu wax talo ah ama istaraatajiyad ah siyaasad ahaan iyo ciidan ahaan midna ka lahayn sidii loo soo afjari lahaa dagaalka sokeeye ee ka qarxay Laascaanood. Hadii mudnaanta koobaad uu sii lahaa joojinta dhiigga daadanaya wixii siyaasad ahna dib loo dhigto taasi suurogal way noqonayaan mar kastana waa suurogal, balse uma jeedo. Hadii caqligiisu yahay in Sool clan reer ahaan uu xoog kaga adkaan karo waa jaahilnimo. Ma jirto cid lagaga adkaan Karo dhulkeeda eh Xisaabta ha ku darsado, oo sidii dhiiggan daadanaya loo joojin lahaa taladeeda ha keeno. Hadii kale diyaar uma aha xal. Laga yaabaa in dagaalkaba aanu doonayn in uu jeegsado waayo wuxu u arkaa caqabahadaha isdabal yeel ee ugu talogalay Doorashada Madaxtooyada, sida doorashada ururada. Xeerka uu hadda wadwado ee Komishanka Doorashada Qaran News
-
The African Energy Chamber (AEC) (www.EnergyChamber.org) is proud to announce that Gillian-Alexandre Huart, CEO of clean energy pioneer, Engie Energy Access, and Kelly Alexander, Managing Partner of consulting group, The Invisible Gorilla Consulting (TIGC), will join African policymakers and energy companies at the Invest in African Energy Forum for its Paris edition on 1 June. Their participation is poised to promote sustainable energy development while showcasing productive solutions to alleviating energy poverty within the African continent. Paving the way for renewable energy to provide sustainable development to sub-Saharan Africa, Engie Energy Access’ participation – under Huart’s leadership – at this year’s event is set to present the company’s life-changing work across the continent. Engie Energy Access offers alternative energy sources to low-income customers that lack reliable and affordable access to electricity through power supply linkages, enterprise development, and customer engagement. Meanwhile, devoted to unlocking Africa’s energy potential, TIGC works with policymakers and energy leaders to promote energy and digital infrastructure, education, and healthcare across the continent’s markets. The company has a broad and diverse network of partners across Africa and the EU and is poised to play an important role in the development of green energy solutions during the Paris edition of this year’s African Energy Forum. “The Chamber looks forward to hosting Gillian-Alexandre Huart and Kelly Alexander at the Invest in African Energy Forum, whose instrumental roles in positioning Africa at the forefront of sustainable development will showcase the continent’s potential to drive the global energy transition while making energy poverty history,” stated NJ Ayuk, Executive Chairman of the AEC, adding, “Their participation will undoubtedly contribute towards driving growth and development in Africa while diversifying the energy sector and attracting crucial investments in the continent’s energy landscape.” Under the mandate of accelerating energy access for sub-Saharan Africa, Engie Energy Access has revolutionized financing methods to support sustainable infrastructure development in some of the world’s most deprived communities. The company has sought to provide solutions for communities in Africa to acquire solar panels and batteries while supporting clean, solidarity-based energy access and electrification. What’s more, striving towards unlocking the full potential of the African energy market, TIGC is devoted towards making a positive impact within the continent while developing green energy production and transmission infrastructure as a catalyst towards improving the lives of Africans. The company recognizes the potential for Africa’s young and ever-expanding workforce to participate in the prosperous future of the continent and has sought to provide solutions in the areas of digitalization, education, finance, and energy expansion. Taking place on 1 June at the Westin Paris Vendome, the Paris edition of the Invest in African Energy Forum will unite African energy stakeholders with French, European, and global investors to discuss and exploit opportunities within Africa’s entire energy value chain. Huart and Alexander will participate in high-level panel discussions, exclusive networking, and deal signing which will shape the growth of Africa’s energy sector for decades to come. Distributed by APO Group on behalf of African Energy Chamber. SOURCE African Energy Chamber Qaran News
-
Nairobi, May 23, 2023—Authorities in the breakaway region of Somaliland should unconditionally release journalist Bushaaro Ali Mohamed and stop detaining members of the press, the Committee to Protect Journalists said Tuesday. On the evening of May 15, Somaliland police arrested Bushaaro shortly after she entered the border town of Wajale from Ethiopia, according to media reports, multiple statements by rights groups, and Mubarik Mohamoud Abdi, the journalist’s lawyer, who spoke to CPJ. That night, authorities transferred her to police custody in the Somaliland capital of Hargeisa. Police officers kicked and slapped Bushaaro during her arrest, leaving her with injuries to her face and leg, according to those sources and other media reports. On the morning of May 17, Bushaaro appeared at the Hargeisa regional court without legal representation, where authorities accused her of several offenses including disseminating propaganda and undermining Somaliland’s national security and unity, but did not formally charge her with a crime. The court ordered her to be held until her next court date on May 25. Bushaaro, who also goes by Bushaaro Baanday, reports on Somaliland politics and posts critical commentary on her Facebook page, where she has about 790,000 followers. “Somaliland journalist Bushaaro Ali Mohamed should be released unconditionally and without delay, and she should be allowed to report on matters of public interest without interference,” said CPJ’s sub-Saharan Africa representative, Muthoki Mumo. “Having a dissenting or critical opinion should never land any journalist in prison. Authorities should encourage rather than suppress diverse views in the public sphere.” On May 21, officers with the police Criminal Investigation Department in Hargeisa interrogated Bushaaro in the presence of Mubarik. During that interrogation, Bushaaro demanded that the CID officers allow her to access medical treatment for injuries suffered during her arrest as well as for a fever and headache, according to media reports and Mubarik. She also complained about the conditions in which she was detained, including “darkness inside solitary confinement, a lack of exercise, restriction to family visits and the lack of sufficient access to her lawyers,” Mubarik tweeted. Mubarik said that the CID officers allowed Bushaaro to see a doctor on Monday who prescribed her painkillers, and said they promised to take her to a hospital and to allow visits from her lawyers and family. CPJ could not immediately determine what reporting prompted Bushaaro’s arrest. Clips posted to her Facebook page, which CPJ reviewed, include interviews with people about floods in one of Somaliland’s cities and alleged medical negligence. She has also been critical of Somaliland authorities and called for people to demand more accountability from their government. Bushaaro’s Facebook page has continued updating since her detention, with some posts signed by “admin.” CPJ messaged the page for comment but did not receive any reply. Bushaaro was born in Somaliland but lives in the United Kingdom, where she has dual citizenship. In response to a request for comment on Bushaaro, a representative of the British Office in Hargeisa told CPJ in an email that U.K. officials “are supporting the family of a British woman detained in Somaliland and in contact with the local authorities.” CPJ texted Somaliland Information Minister Suleyman Ali Yusuf, Police Commissioner General Mohamed Adan Saqadhi, and Attorney General Hasan Aden for comment but did not receive any replies. CPJ also contacted the Somaliland Ministries of Information, Interior, Foreign Affairs, and Justice via email, Twitter, and their websites, but received error messages or no replies. Source CPJ Qaran News
-
Doha (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war cusub kasoo saaray doorashada Puntland, isaga oo taageero u muujiyay isku dayga uu Madaxweyne Saciid Deni ku qabanayo doorasho qof iyo cod ah. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxa uu ku bogaadiyay maamulka Deni hirgelinta doorashada goleyaasha deegaanka, oo lagu wado inay deegaanada maamulkaasi ka qabsoomto maalinta Khamiista ee ku taariikheysan 25-ka May. “Madaxweynihii Hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Puntland, bulsho iyo maamulba, sida ay ugu istaageen hirgelinta doorashada Goleyaasha Deegaanka, taas oo horseedaysa in dadku ay codkooda ku doortaan hoggaanka deegaannadooda,” ayuu lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska warfaafinta madaxweynihii hore. Farmaajo ayaa waxa uu sheegay in hirgelinta doorashada qof iyo cod ee heer deegaan iyo heer federaalba ay ka mid tahay himilooyinka uu dadaalka ku bixinayey, taasi oo uu ku sheegay inay tahay “dhabbaha kaliya ee xoojin kara isla xisaabtanka iyo maamul wanaagga dalka.” “Hannaankan doorashada tooska ah in ay ka hirgasho Puntland waxay tusaale u tahay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu hamuum-qabaan in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, arrinkaas oo aan horey dadaal ugu bixinnay, lana jecel nahay in ay gaaraan dhammaan deegaannada dalkeenna, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweynihii hore ee dalka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu Allaah uga baryey guud ahaan dadka Soomaaliyeed iyo dalkeennaba in uu siiyo barwaaqo, horumar, nabad iyo nolol wanaagsan. Farmaajo ayaa waxaa la xasuusta in muddo kororsi fashilmay uu ku sameystay qorshaha doorasho qof iyo cod ee heer federaal ah, taasi wax tallaabo oo muuqata uusan u qaadin intii uu joogay xilka u sareeyay dalka, waxaana hadda waddo tii lamid ah lagu eedeynayaan Saciid Deni. Muranka doorashooyinka maamulka Puntland ayaa dhawaan isku rogay gacan ka hadal dhaliyay dhimasho iyo dhaawaca, kaasi oo ka dhacay caasimadda maamulkaasi ee Garoowe. Si kastaba, hadalka Farmaajo ayaa imanaya, xilli mucaaradka Puntland lagu qanciyay in doorashada golaha deegaanka ku dhacdo si nabdoon, kadibna la isugu yimaado shir guud oo looga tashanayo doorashada madaxweynaha ee 2024-ka. The post FARMAAJO oo taageeray qorshaha DENI ee doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd shaacisay magaca horjooge sare oo lagu dhaawacay duqeyntii Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa waxa lagu shaaciyay in horjoogaha lagu dhaawacay duqeynta lagu magacaabo Cusmaan Maxamed Cabdi. Ninkan ayaa waxa uu kooxda Al-Shabaab u qaabisan yahay arrimaha dibadda, sida lagu shaaciyay bayaanka kasoo baxay dowladda. Howl-galkan ayaa waxaa si gaar ah loogu beegsaday guri uu isku qarinayay horjoogahan, kaasi oo ku yaalla magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. “Horjoogahaan waa denbiile mas’uul ka ah in uu dalka soo galiyo Khawaarijta ajaanibta ah, sidaas si la mid ah wuxuu fududeeyaa kala gudbinta fikradaha Khawaarijta,” ayaa lagu yiri bayaankan. Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay in cadaaladda la marsiiyo danbiilayaasha kooxda Al-Shabaab ee doortay in ay daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed. “Beegsiga horjoogeyaasha Khawaarijtu waa fariin ku socota kooxaha Khawaarijta ah taas oo ah in aanay Soomaaliya ku heli doonin gabbaad ay ku dhuuntaan isla markaana si joogto ah ay u daba socdaan Ciidamada Amnigu si cadaaladda loo marsiiyo,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaankan. Duqeyntan oo 20-kii bishaan uu Mareykanka ka fuliyay Jilib, ayaa aheyd mid iskaashi lagala sameeyey dowladda federaalka Soomaaliya. Howl-galkan ayaa imanaya xilli ay dhawaan kooxda Al-Shabaab ay shir qarsoodi ah oo looga hadlayay waxay ugu yeerto Jihaadka ka socda Bariga Afrika, kaasi oo lagu qabtay gobolka Jubbada Dhexe. Shirkaas oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira madaxda, culimada iyo odayaasha kooxda Al-Shabaab, ayaa waxay warbaahinta kooxda ay shaacisay inuu ka qeyb-galay Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abuu Cubeyda. Sidoo kale, waxay kusoo aadeysa xilli Mareykanka uu ku sugan yahay agaasimaha NISA Mahad Salaad, uuna halkaasi wada-hadalo kula yeeshay madaxda Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka iyo hay’adaha Sirdoonka CIA-da iyo FBI-da. The post DEG DEG: DF oo shaacisay magaca horjoogaha lagu dhaawacay duqeyntii JILIB appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda ayaa dhawaan kasoo dhex muuqday muuqaal cusub oo ay baahisay warbaahinta kooxda Al-Shabaab ee Al-Kataa’ib, kaasi oo ku saabsana shirweynihii labaad ee wada-tashiga wax ay kooxdu ugu yeertay Jihaadka ka socda Bariga Afrika, oo ka qabsoomay gobolka Jubbada Dhexe Abu Cubeyda ayaa muuqaalkan cusub kaga soo dhex muuqday wareysi kooban oo uu kaga warbixiyay shirkaas ay kooxda qabatay, kaasi oo ay kasoo qeyb-galeen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira madaxda, culimada iyo odayaasha kooxda Al-Shabaab. Inkasta oo kooxda ay qarisay wejigiisa oo muuqaalkiisa ku furtay humaag, haddana waxaa la dheehan kara inuu yahay mid dheer, sida muuqata, garkiisana timo cirro leh. Muuqaalkas ayaa waxa uu Axmed Cumar Abu Cubeyda uga hadlay arrimo dhowr ah, oo ugu horeyso howl-gallada ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee isgarabsanaya. Halkan guji – oo ka daawo. Haddaba, Maxay tahay arrinta u weyn ee ka dambeysa in Abu Cubeyd kasoo muuqdo muuqaalkaas? Tan iyo markii ay warbaahinta kooxda sii deysay muuqaalkaas cusub ee uu kasoo muuqday Amiirka Al-Shabaab ayaa waxay dad badan isweydiinayaan waxa hadda loogu soo beegay muuqaalkan. Ibraahim Aadan oo aqoon dheer u leh Abu Cubeyda iyo kooxda Al-Shabaab, haatana la shaqeeyo dowladda ayaa sheegay in muuqaalka Amiirka Al-Shabaab xilligaan loogu soo aadiyay si meesho looga saaro warar laga faafiyay muddooyinkii dambe oo la xiriira xaaladiisa caafimaad. “Waxaa is dhihi karaa, maadaama muddooyinkii dambe la isla dhex mari jiray in uu jirran yahay oo xanuun daran hayo oo sariir jiif yahay, si marka ay taas u beeniyaan oo ay u muujiyaan inuu caafimaad qabo oo hawlihiisii wato ayaan is leeyahay waa sababta ugu weyn ee muuqaalka loo soo duubay,” ayuu yiri Ibraahim Aadan. Ibraahim oo la hadlay BBC-da ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in kooxda Al-Shabaab ay si fiican u yaqaanaan adeegsiga warbaahinta, sidaas darteed ay shirka kooxda iyo ka qeyb-galka Abuu Cubeyd u arkeen fursad ay arrintaas ku beeniyanan. Amiirka Al-Shabaab, Axmed Cumar Abuu Cubeyda oo ah nin aan wax badan laga aqoon, marka laga reebo beesha uu kasoo jeedo, ayaa sidoo kale la hayn muuqaallo rasmi ah oo si dhameystiran loogu aqoonsan karo. Sidoo kale, Ninkan ayaa waxaa la rumeysan yahay inuu kamid yahay xubnaha ugu da’da weyn madaxda kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, Muuqaalka cusub ee Amiirka Al-Shabaab iyo shirweynaha kooxda oo ahaa mid qarsoodi ah, ayaa waxa la sheegay inuu ka dhacay deegaan kamid ah Jubbada Dhexe, wuxuuna kusoo aadaya xilli ay kooxda wajaheyso guluf xooggan oo ka dhan ah, kaasi oo looga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda. The post Arrinta ka dambeysa muuqaalka Abu Cubeyda ee ay baahisay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay doorashada cod iyo cod ee goleyaasha deegaanka Puntland oo loo madlan yahay 25 ka bishan May. Farmaajo ayaa sheegay in doorashada tooska ah ee Puntland ay tusaale u tahay sida shacabka Soomaaliyeed ugu hamuum-qabaan in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda. Madaxweyne hore Farmaajo ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri “ugu horreyn waxaan reer Puntland, bulsho iyo maamulba, ku bogaadinayaa sida ay ugu istaageen hirgelinta doorashada Goleyaasha Deegaanka ee dadku ay codkooda ku dooranayaan hoggaanka deegaannadooda”. “Hannaankan doorashada tooska ah in ay ka hirgasho Puntland waxay tusaale u tahay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu hamuum-qabaan in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, arrinkaas oo aan horey dadaal ugu bixinnay, lana jecel nahay in ay gaaraan dhammaan deegaannada dalkeenna, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed” ayuu ku daray. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo ka hadlay doorashada qof iyo cod ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Warbixin uu soo saaray Bangiga Adduunka ayaa lagu sheegay in dekadda magaalada Berbera ay horumar badan sameysay sanooyinkii u dambeeyay. Dekadda Berbera ayaa kaalinta 144 ka gashay xagga maamulka dakadaha caalamka, sida ay tilmaameyso daraasad uu sameeyay Bangiga Adduunka sanadkii 2022-kii, balse sanadkan la daabacay. Warbixinta Baanka Adduunka ayaa lagu sheegay in Dekedda Berbera ay ku taallo goob istaraatiiji ah, isla markaana muddooyinkii u dambeeyay ay dekadda ka socdeen howlo lagu horumarinayo kaabayaasha. Dekaddan ayaa waxaa sidoo kale wax kala soo dega dalka Itoobiya oo deris la ah Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaaida ee Somaliland. Dekadda Jabuuti ayaa sidoo kale kaalimaha hore soo gashay marka la barbar dhigo kuwa dalalka saxaraha ka hooseeya. Dekadda Berbera ayaa sanadkii hore kaalinta 165 ka gashay qiimeyn sidan oo kale ah oo la sameeyay. Warbixinta ayaa waxaa lagu qiimeynayay dekadaha caalamka, islamarkana waxaa ay dekadda Berbera iyo Jabuuti ka hormareen dekadda Mombasa oo horey uga mid ahayd dekadaha ugu saxmadda badan. Maxay Berbera ku muteysatay kaalintan? Maareeyaha Dekadda Berbera saciid Xasan Cabdulaahi oo BBC la hadlay ayaa sheegay in ay filayeen in ay galaan kaalintan maadaama sida uu sheegay sanooyinkii u dambeyay ay dekadda hormarin badan ku sameeyeen. “Waxaanu ku muteysanay shaqada aanu u qabanay maraakiibta iyo adeega aanu u qabano, sida dejinta, rarista, shaqada aanu qabanay ayaan kaalintaa ku gaarnay ,” ayuu yiri Mr Saciid. Maareeyaha ayaa intaa ku daray in “shaqaalaha ka howlgala dekadda ay xirfadooda sare u qaadeen, dadka shaqadan qabanaya oo u diyaar gareysan inay shadan qabtaan” ayuu yiri maareeyaha. Maareeyaha Dekadda Berbera ayaa sheegay in ay dekadda ku soo kordhiyeen qalab cusub sida wiishashka lagu dejiyo maraakiibta sidda xamuulka culus. “Beryaha qaar waxaa jiri jirtay in aan weyno wiishash aanu ku rogno kunteenarada qaar laakiin siyaasadda madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo iskaashiga aanu la galnay shirkadda DP World waxay noo saamaxday inaan keeno qalabkii ugu casrisanaa” ayuu yiri Mr Saciid. Dekadda Barbara waxaa ka horreeya tan Jabuuti oo kaalmaha hore gashay. Jabuuti (26), Dekadda Berbera (144), Dekadda Port Elizabeth (291), Durban (341) iyo Cape Town (344) ayaa ka mid ah dekedaha la qiimeeyay ee dalalka saxaraha ka hooseeya. Dekedda Dar es Salaam ee dalka Tanzaniya ayaa iyaduna soo gashay kaalimaha hore ee dalalka saxaaraha ka hooseeya. Dekadda Mombasa oo horey uga mid ahayd dekadaha kaalimaha hore soo gali jiray ayaa waxaa sanadkan ka hormaray dekadaha Berbera iyo Jabuuti. Warbixinta Baanka Adduunka waxa lagu xusay in sida wax-ku oolka ah ee dekaddu u shaqaynayso ay fure u tahay horumarka ganacsiga ee gobolka. “Dekedaha Afrika waa marin muhiim u ah ganacsiga iyo howlaha ka socda waxa uu gacan ka geystaa sugnaanta cuntada. Hawlo hufan oo ay qabtaan dekadaha ayaa ah kuwa go’aamiya muhiimna u ah in Afrika ay gaarto awooddeeda dhaqaale,” ayaa lagu yiri warbixinta Bangiga Adduunka. Waxaa sidoo kale warbixnta lagu tilmaamay in horumar weyn laga sameeyey dhanka ganacsiga tan iyo sanadkii 2020-kii markaas oo dekadaha caalamka ay diiwaangeliyeen hoos u dhac ku yimid hawlihii shaqo, kadib markii uu faafay cudurka Covid-19. Waxyaabaha uu Bangiga Aduunka eegayay waxaa ka mid ah xagga tayada, maamulka iyo dhanka adeeg bixinta. Dekadda Berbera Dekadda Berbera markii ballaadhinta loo sameeyey ka dib waxay ku jirtaa dakadaha ugu waaweyn ee ku yaalla Geeska Afrika . Wajiga Koowaad ee ballaadhinta waxaa gacanta ku hayay shirkadda laga leeyahay Imaaraadka ee DP World. DP World waa mid ka mid ah shirkadaha xudduudaha ka gudbay oo laga leeyahay dalka Imaaraadka oo ka shaqaysa dekadaha, keenista iyo qaadista badeedcadaha. Heshiiska dekedda Berbera ee DP World ayaa dhaliyey muran fara badan waagii la hirgelinayey. Maxaa lagu kordhiyay dekadda Berbera? Dekeddu waxa ay markiiba xammili kartaa 500 oo koonteenarro cabbirkoodu yahay TEU. Qorshuhu wuxuu yahay in la gaadhsiiyo illaa 2 milyan oo TEU. Waxaa laga dhigayaa goob uu ku soo hirto ganacsiga Geeska Afrika. Waxaa lagu soo kordhiyey siddeed wiish oo kuwo waaweyn ah. Dekedda cusub ayaa iyana diyaar ahaan doonta saddexda sano ee soo socota oo la dhisi doono Qaran News
-
An al-Shabab leader appears to have survived the latest United States military airstrike in Somalia, according to a spokesperson for U.S. Africa Command. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Turkiga u qaabilsan Somaliland mudane Harun Arslan. Kulankan ayay ujeedadiisu ahayd is-xog-waraysi guud oo ku qotoma xidhiidhka guunka ah ee ay waddaagaan labada dal ee Somaliland iyo Turkiga. Waxaana diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xidhiidhkaasi iyo iskaashiga labada dawladood gaar ahaan dhanka Garsoorka, maadaama Dawladda Turkigu tahay dawlad Islaam ah oo aynu wax badan iskaga mid nahay marka ay noqoto nidaamka Garsoorka, geesta kale guddoomiyaha ayaa tibaaxay xidhiidhka taariikheed ee ay wadaagaan labada dal. Wakiilka ayaa guddoomiyaha uga mahad-celiyay soo dhawaynta, waxaanu hoosta ka xarriiqay in ay dhankooda diyaar u yihiin in ay balaadhiyaan wada-shaqaynta ka dhaxaysa Somaliland iyo Turkiga, gaar ahaan iskaashiga la xidhiidha Garsoorka iyo cadaaladda. Waxaanu dhankiisa is-dul-taagay ahmiyada uu ku fadhiyo xidhiidhka taariikheed iyo xadaaradda ay wadaagaan dalalka Somaliland iyo Turkigu. Gunnaanadkii kulanka dhex maray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wakiilka Dawladda Turkiga u qaabilsan Somaliland ayaa ku soo dhammaaday is-fahan buuxa iyo is-af-garad. Allaa mahad leh Ibraahin Maxamed Cali Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta shaaciyay in ciidanka Booliska laga rusqeeyay laba askari, kadib markii ay ku kaceen anshax xumo. Labadan askari ayaa lagu kala magacaaba Cabdi-Saaq Aadan Calasoow iyo Cabdullahi Maxamed Axmed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir. Taliska Booliska ayaa sidoo kale waxa uu soo bandhigay sawirada labadan askari, oo uu sheegay inay ku kaceen fal akhlaaq-daro iyo anshax xumo ah. “Waxa ayna jabiyeen (labadan askari) waajib Diini ah kadib markii ay maalin soon ah bulshada dhaxdeeda balwad iyo cuno xaaraam ah ku dhex cuneen, iyaga ooo aysan jirin sabab caafimaad daro,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska. Ruqseynta askartaan ayaa waxa uu taliska ku wargeliyay hay’adaha amaanka caasimadda iyo shacabka ku nool magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Taliska ayaa sidoo kale waxa uu soo bandhigay sawirada labadan askari, si ay u fududaato inay aqoonsadaan bulshada Soomaaliyeed. Tallaabadan ayaa imanaysa xilli ay dowladda dib u habeyn ku wado ciidanka, gaar ahaan kuwa ka howl-gala caasimada, islamarkaana shaqada ciidanka laga saarayo guud ahaan kuwa daroogada isticmaala. Si kastaba, Madaxda sare ee dowladda ayaa hore u qirtay in askarta xoogga u isticmaasha daroogada ay qeyb ka yihiin amni darada, tan iyo markaas oo ay qaaday tallaabooyin wax ka taray amniga caasimada. Hoos ka arag sawirada The post Taliska Booliska oo shaaciyay magacyada iyo sawirada askar uu rusqeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa war cusub kasoo saaray duqeyn 20-ka May uu ka geystay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, isaga oo shaaciyay in lagu dhaawacay hoggaamiye sare oo Al-Shabaab ah. Hawl-galka Militariga Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa shaacisay in mid kamid ah hoggaamiyayaasha Al-Shabaab lagu dhaawacay duqayntaasi ka dhacday xarunta u weyn Shabaab ee Jilib. Taliska AFRICOM ayaa waxa uu sheegay in qiimaynta lagu sameeyey howl-galkaas “in mid kamid ah hoggaamiyayaasha kooxda Al-Shabaab lagu dhaawacay.” AFRICOM ma magacaabin hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab ee ku dhaawacmay duqeynta, oo la fahamsan inuu ahaa bartilmaameedka howl-galkaas, oo ahaa mid iskaashi lagala sameeyey dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu sheegay in qiimaynta ugu horraysa ee taliska ay muujineyso “in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay weerarkan.” “Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaadaya tallaabooyin waaweyn oo looga hortagayo dhaawacyada rayidka. Ilaalinta dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ayaa weli ah qayb muhiim ah oo kamid ah hawl-gallada taliska, si kor loogu qaado Afrika ammaan badan oo xasilloon.” Duqeyntan ayaa sidoo kale waxaa lala beegsaday xarunta ururka Al-Shabaab ee Jilib, iyada oo uu jiro khasaare xooggan, sida ay hore u baahisay warbaahinta dowladda ee SONNA. Howl-galkan ayaa imanaya xilli ay dhawaan kooxda Al-Shabaab ay shir qarsoodi ah oo looga hadlayay waxay ugu yeerto Jihaadka ka socda Bariga Afrika, kaasi oo lagu qabtay gobolka Jubbada Dhexe. Shirkaas oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira madaxda, culimada iyo odayaasha kooxda Al-Shabaab, ayaa waxay warbaahinta kooxda ay shaacisay inuu ka qeyb-galay Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abuu Cubeyda. Sidoo kale, waxay kusoo aadeysa xilli Mareykanka uu ku sugan yahay agaasimaha NISA Mahad Salaad iyo wafdi uu hoggaaminayo. Xogaha aan ka helayno socdaalka agaasimaha NISA ayaa sheegaya in Mahad uu booqasho ku maray magaalooyinka New York iyo Washington DC, halkaasi oo wada-hadalo kula yeeshay madaxda Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka iyo hay’adaha Sirdoonka CIA-da iyo FBI-da. Kulamadan ayaa waxaa diirada lagu saaray dhameystirka dagaalka Al-Shabaab, loona xaqiijiyo xog wadaaga labada dhinac iyo siddii Soomaaliya looga caawin lahaa tayeynta hay’adda sirdoonka. Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo wejigiisi hore guullo wax ku ool ah laga gaaray, uuna dhawaan bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka, oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post Mareykanka oo shaaciyay in la dhawaacay hoggaamiye sare oo Al-Shabaab ah appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlay madasha shirka Sharm El Sheikh ayaa ku nuuxnuuxsaday ahmiyadda ay leedahay in Bangiyada Horumarinta ay noqdaan kuwo ka jawaaba caqabadaha la soo gudboonaada dal. Ra’iisul Wasaaraha oo dood-cilmiyeed kala qaybgalay Ra’iisul Wasaareyaasha Masar, Rwanda, Burundi, Madaxweynayaaha Comoros iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Tanzania, ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay xoogga saartay hirgelinta lix tiir oo ka mira dhalintooda ay u horseedi karto Soomaaliya horumar iyo barwaaqo. Mudane Xamsa oo madaxda kala duwan ee madasha ka soo qaybgashay la wadaagay sida ay dowladdiisu guulo la taaban karo uga soo hoysay horumarinta dhaqaalaha iyo wax ka qabashada isbeddelka cimillada, si looga baaqsado fatahaadaha soo noqnoqda iyo abaaraha dabadheeraaday. Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in wadammada ka soo kabanaya colaadaha ee ku jira dowlad dhiska sida Soomaaliya oo kale ay dhibaatooyin badan kala kulmaan sidii ay dib ula soo qabsan lahaayeen nidaamka dhaqaalaha adduunka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
