Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Geneva: Minister of Labour H E Dr. Ali bin Smaikh Al Marri, who is President of the 111th session of the International Labour Conference, met yesterday with Minister of Labour and Social Affairs at the Federal Republic of Somalia H E Bihi Iman Egeh, on the sidelines of the session in Geneva, Switzerland. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaankanee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Haramcad ayaa ugu dambeyn saaka soo afjaray weerarkii tooska ahaa ee ay Al-Shabaab xalay ku qaadeen nawaaxiga xeebta Liido, kaas oo sababay khasaare xoogleh. Ugu yaraan labo qarax ayaa ka dhacday hotelka la weeraray oo la oran jray Ocean View, balse hadda lagu magacaabo Pearl Beach, kaas oo ay galeen rag ka tirsan Al-Shabaab. Warbaahinta dowladda ayaa tebisay in ciidanka amniga ay gudaha u galeen Hotelka, isla markaana ay soo badbaadiyeen dad badan oo shacab ah oo hotelka ku sugnaa, waxaana dadka laga bixiyey albaab dambe oo dhanka xeebta xiga. Badbaadinta dadka kadib waxaa bilowday howlgal ballaaran oo ay ciidanka amniga ku soo afjareemn kooxdii weerartay Hotelka, waxaana la baahiyay sawirrada ciidanka Haramcad oo ka dagaalamaya gudaha Hotelka. Ciidanka Haramcad ayaa dhamaan toogasho ku dilay 5 kamid ah ragga weerarka ku galay hoteelka, kuwaas meydadkooda goobta lagu soo bandhigay, halka kuwa kalena oo watay jaakadaha qaraxyada ay isku qarxiyeen afaafka hore ee dhismaha hoteelka la weeraray. “Ciidamada ammaanka ayaa soo afjaray maleeshiyaadkii Khawaarijta ee weerarka argagixiso ee naf la caariga ahaa ku soo qaaday hotelka Pearl Beach ee xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Ciidamada ammaanku waxa ay toogteen Khawaarijtii weerarka soo qaaday” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ay sii baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerarkan ay ku dhinteen in ka badan 10 qof oo isugu jiro askar, shacab iyo ragga weerarka qaaday, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay. Xeebta Liido ayaa ah meel habeenada Jimcaha aad u mashquul badan, oo ay tagaan dhallinyarada ku nool caasimadda Muqdisho, waxaana la arkayey kumanaan qof oo markii uu weerarku bilowday ka cararaya xeebta iyo hoteellada ku yaalla. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, balse waxaa raadka weerarkan si weyn looga dareemayaa xeebta Liido, maadaama uu dhaliyay burbur xoogan. Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay xaaladda ammaan ee Muqdisho ay aheyd mid deggan, waxaana howlgallo ka waday ciidamada Booliska iyo kuwa Boolis Milataaro ee lagu soo tababaray magaalada Kampala ee caasimada Uganda. The post Ciidamada Haramcad oo soo afjaray weerarkii hotel Pearl Beach + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  3. Mogadishu (HOL) - Somali security forces concluded a seven-hour operation early Saturday, neutralizing a siege by Al-Shabaab militants on the Pearl Beach Hotel in Mogadishu. The attack resulted in at least 15 fatalities, according to earlier reports. Source: Hiiraan Online
  4. Mogadishu (HOL) - The United Nations on Friday adamantly countered Sudan's attempt to dismiss the UN Special Envoy to Sudan, Volker Perthes, a maneuver evocative of a similar incident in Somalia in 2019. Source: Hiiraan Online
  5. More than 25 people have been killed and at least 468,000 more impacted, with 247,000 displaced by flash flooding in Somalia since March, the UN humanitarian agency said Friday. Source: Hiiraan Online
  6. Trump has been charged with 37 felony counts for keeping and hiding documents with sensitive national security content. Source: Hiiraan Online
  7. A mortar shell explosion near Qoryoley town in Somalia's Lower Shabelle region killed about 27 people, mainly children, and injured 53 on Friday, according to the country's state news agency. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay magacyada shan is-miidaamiye ee dhawaan weeraray saldhiga Buulo-Mareer ee ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda. Muuqaal ay baahisay kooxda ayaa waxaa kasoo dhex muuqday maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee fuliyay weerarkaasi, kaasi oo askar badan looga laayay ciidamada Uganda. Maleeshiyaadkan ayaa waxaa khudbad u jeedinaya Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda, kaasi oo kasoo dhex muuqday muuqaalka ay baahisay kooxda, islamarkaana wajigiisa qarisay kooxda sida ay hore u sameysay. Sidoo kale waxaa kasoo muuqday muuqaalka shan is-miidaamiye oo midkooda Ajnabi kasoo jeeda Kenya uu yahay, waxaana qaraxyada lagu beegsaday saldhiga Buulo Mareer ahaayeen kuwii ugu badna ee is-miidamiyayaal ah. Is-miidamiyeyaasha Al-Shabaab ee qeybta ka ahaa weerarkaas ayaa intooda badan watay gawaari, waxaana daah-furay oo ugu horeeyay ninka kasoo jeeda Kenya, sida uu muuqaalka ku sheegay. Weerarka Buulo Mareer ayaa waxaa la sheegay in Uganda looga dilay illaa 54 askari, sida uu shaaciyay madaxweynaha dowladda Uganda Yoweri Museveni. Tiradan ayaa aad uga yar midda horay ee shaaciyeen Al-Shabaab oo gaareysa illaa 137 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda, hase yeeshe ma ahan mid si madax-banaan loo xaqiijiyay. Magacyada is-miidamiyeyaasha ay soo bandhigtay Al-Shabaab ayaa kala ah; Muxumed Nuur Xuseen (Muusaa) Nuur Guhaad Bakar (Muniir) Jacfar Xasan Saciid (Abuu Faatima) oo ah Ajnabiga kaliya ee kamid ah is-miidaamiyeyaasha weerarkii Buulo Mareer Axmed Macallin Cabdi (Diini) Muudey Macallin Xuseen (Qac-qacaa) Si kastaba, Weerarkii Buulo Mareer oo dhacay 26-kii bishii hore ee May ayaa kamid noqday mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee ay kooxda Al-Shabaab kala kulmaan ciidamad ATMIS. The post Al-Shabaab oo shaacisay magacyada raggii weeraray Buulo Mareer + Ajaaniib ku jira appeared first on Caasimada Online.
  9. Garoowe (Caasimada Online) – Ergeyga cusub ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Catriona Laing ayaa maanta booqasho ku tegtay magaalada Garoowe ee xarunta Nugaal, sidoo kalena ah caasimada Puntland. Socdaalkan ayaa waxaa Catriona ku wehlinayay xubno kale oo ka tirsan xafiiska QM ee Soomaaliya, kuwaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay xarunta madaxtooyada Puntland. Marwo Catriona Laing ayaa lagu soo warramayaa inay wadahadallo gaar ah la yeelatay madaxweyne Saciid Deni iyo ku xigeenkiisa, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash). Wararka ayaa sheegay in kulankan diirada lagu saaray doorashooyinka, baahiyaha bini’aadantinimo, dadaallada nabadda iyo dowlad-dhisidda, iyo taageerada QM. Intaas kadib saddexda mas’uul ayaa wadajir ah shir jaraa’id ugu qabtay wariyeyaasha, iayaga oo la wadaagay xogta kulankooda oo ay uhgu muhiimsadneyd wada-shaqeyn wanaagsan oo dhex-marta, maadaama Catriona ay ku cusub tahay xafiiskeeda shaqada. Catriona Laing ayaa sidoo kale dowlad goboiledka Puntland ku amaantay horumarka ay u qaadeen dhanka dimuqraadiyada. “Tani waa horumar weyn oo ay Puntland u qaaday dhinaca dimuqraadiyadda, waxayna sidoo kale muujinaysaa horumarka qaybaha kale ee Soomaaliya” ayey ku tiri shirkeeda jaraa’id. Waa maamul goboleedkii labaad oo ay booqaneyso haweeneydaan oo todobaadkii hore soo gaartay magaalada Muqdisho, waxayna horay u tegay dowlad goboleedka HirShabelle. Waxa kale oo a horay si gooni gooni ula kulantay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka oo ay kala hadashay xaaladda dalka, gaar ahan bani’aadanimada. Ergeyga cusub ee QM ayaa sidoo kale la filayaa inay booqato xarumaha kale ee maamul goboleedyada, si ay wadahadallo ula yeelato hoggaamiyeyaasha kale ee dalka. The post Catriona oo Garoowe kula kulantay Deni iyo Karaash + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  10. Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidanka kumaandooska Danab ee xoogga dalka oo kaashanaya Nabad sugidda Jubbaland ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaano badan oo horay ay u joogtay kooxda Al-Shabaab. Ciidanka ayaa burburiyey fariisimihii ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada uu maanta howlgalkaasi ka dhacay oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose,. Waxaa la sheegay in ciidanku ay ku baxeen deegaanadaas kadib markii ay ka war-heleen in Al-Shabaab ay joogaan oo xoolo uga uruursanayaan shacabkii deganaa deegaanadaas. Deegaanada maanta kooxda lagu weeraray ee laga saaray waxaa ka mid ah Kaamjaroon, Yaaq Xalul, Kaliil, Buriyow, Buulo Xaaji iyo Yaaq-bishaaro oo dhamaantood ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose. Waa howlgalkii labaad oo ciidanka xoogga dalka ay Jimhihii maanta ka fuliyeen gobollada dalka, dhanka Galgaduud, ciidamada dowladda oo kaashanaya xoogagga abaabulan ee dadka deegaanka ayaa Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Geerille oo u dhaxeyea magaalooyinka Ceeldheer iyo Cowsweyne ee bariga gobolkaas. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee howlgalkaas hoggaaminaya ayaa sheegay in bartilmaameedkooda ugu weyn uu yahay deegaanka Cowsweyne oo ay tuhunsan yihiin in kooxda Al-Shabaab ay kasoo abaabuleen weerarkii maalmo ka hor ay ku qaaday Masagawaay. Ciidamada iskaashaanaya ayaa sidoo kale waxaa la sheegay inay ku wajahan yihiin magaalooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo Waxbo, oo dhamaantood ka tirsan gobolka Galgaduud, kuwaas oo weli ku jira gacanta Al-Shabaab. Howlgallada ka socda deegaanadaas ayaa muhiim u ah ka hor tagga weerarrada ay Al-Shabaab ka geystaan deegaanada laga xoreeyey eek a tirsan bariga gobolka Galgaduud, sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale oo qeyb ka ah masuuliyiinta hogaamineysa dagaalka. Abaabul iyo dhaq-dhaqaaq xooggan ayaa ka socda deegaanno ka tirsan gobolka, iyada oo saraakiisha hoggaamibaysa ciidanka iskaashanaya ay sheegeen inay ku wajahan yihiin deegaanada ka maqan gacantooda, ee weli ku harsan yihiin kooxda Al-Shabaab. The post Sawirro: Xogta deegaano ka tirsan Jubada Hoose oo laga xoreeyey kooxda Al-Shabab appeared first on Caasimada Online.
  11. Ankara (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dalka Turkiga ayaa magaalada Istanbul ku qabtay lacag dhan 1 bilyan oo dollar oo faalso ah oo loo soo waday Afrika. Sidoo kale waxaa la xiray lix qof oo ku lug lahaa howlgalkaasi, kuwaasoo mid ka mid ah u dhashay dalka Ghana iyo saddex qof oo Swedish ah, sida uu sheegay xafiiska guddoomiyaha gobolka. Ciidamada koofiya casta ayaa dadkan ku raad-joogay, iyada oo markii dambe ay kasoo qabteen goob bakhaar ah oo ku taalla degmada Kagithane ee magaalada Istanbul, halkaasoo ay ku qabteen lacagta boqob-boqolka dollar ah ee been-abuurka ah ee loogu talagalay in loo diro dalalka Afrika, sida uu sheegay xafiisku. Eedeysanayaasha ayaa la baaray guryihii ay degenaayeen, waxaana laga qaatay lacagihii iyo agabkii ay wateen. Qunsuliyada Iswidishka iyo Ghana aya la ogeysiiyay qabashada xubnahan. Falkan been abuurka ah ayaa ahaa kii ugu weynaa ee taariikhda dalka Turkiga, sida uu sheegay xafiiska guddoomiyaha gobolka. VOA + Reuters. The post Turkiga oo qabtay lacag faalso ah oo loo waday AFRIKA appeared first on Caasimada Online.
  12. Guutooyin ka tirsan Ciidanka Kaydka ah ee SSC-khaatumo ayaa lagu wadaa in ay ku biiraan dagaalka Laascaanood. Ciidankan oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka oo ay ku jiraan hubka culus ayaa sida la xaqiijinayo dhawaan u ruqaansan doona jiidda Gobolka Sool. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada kaydka SSC ee dagaalka ku biiraya ay ku jiraan cutubyo si gaar ah u tababaran oo ku hubaysan qoryaha diiradda leh. Ciidankan xooggan ee ku wajahan jiidda Sool ayaa u muuqda mid dhinac u ridi doonta dagaalka Laascaanood oo socda in ku dhow lix bilood. PUNTLAND POST The post Ciidamada Kaydka ah ee SSC oo ku biiraya dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar ku billowday qaraxyo ayaa caawa lagu qaaday Hotel ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, ayada oo la maqlay dhowr qarax oo is-xigxigay iyo rasaas xooggan, kadibna waxaa gudaha hotelka galay dagaalyahano hubeysan. Ugu yaraan labo qarax ayaa ka dhacday hotelkaas oo la dhihi jiray Ocean View, hadana lagu magacaabo Pearl Beach. Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in rasaas xoogan ay ka socoto goobta. Warbaahinta dowladda ayaa tebisay in ciidanka amniga ay gudaha u galeen Hotelka, isla markaana ay soo badbaadiyeen dad badan oo shacab ah oo hotelka ku sugnaa, waxaana dadka laga bixiyey albaab dambe oo dhanka xeebta xiga. Badbaadinta dadka kadib waxaa bilowday howlgal weli socda oo ciidanka amnigu ay ku soo afjarayaan kooxdii weerartay Hotelka, waxaana lasoo bandhigay sawirrada ciidanka Haramcad oo ka dagaalamaya gudaha Hotelka. Weli ma jirto cid xog ka bixisay khasaaraha ka dhashay weerarkaas, dowladduna weli kama hadlin, waxaana socda dadaallo ay lagu badbaadinayo dadka. Warar horudhac ah ayaa sheegaya in weerarka ay bilaabeen rag soo xirtay jaakadaha qarxa, kadibna ay koox hubeysan ku xigsatay, kuwaasi oo hadda gudaha ka dhex dagaalamaya. Xeebta Liido ayaa ah meel habeenada Jimcaha aad u mashquul badan, oo ay tagaan dhallinyarada ku nool caasimadda Muqdisho, waxaana la arkayey kumanaan qof oo markii uu weerarku bilowday ka cararaya xeebta iyo hoteellada ku yaalla. Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse weli xog rasmi ah lagama helin heerka uu gaarsiisan yahay. Kala soco Caasimada Online, wixii kasoo kordha weerarkaas The post Sawirro: Wararkii u dambeeyey weerar culus oo ka socda hotel ku yaalla xeebta Liido appeared first on Caasimada Online.
  14. Weerarro loo adeersaday Qaraxyo ayaa lagu qaaday maqaayadda Real Beach ee ku taalla Xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, waxaana laga helayaa faahfaahinno dheeraad ah. Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in koox hubeysan ay gudaha u galeen dhismaha maqaayadda, iyaga oo ka dhex dagaalamaya, waxaana durba goobta gaaray ciidamo ka tirsan Police Militaire. Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Banaadir Macalin Mahdi iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidan ammaanka ayaa gaaray goobta, majiro wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha amniga. Magaalada caasimadda ah ee Muqdiasho ayaa muddooyinkii dambe ka rooneyd qaraxuada nuucaan oo kale ah, tan iyo markii amniga caasimadda lagu wareejiyay ciidamada Police Militaire. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. ⁸Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax iyo weerar lala eegtey makhaayadda Pearl Beach ee xeebta Liido, Muqdisho – rasaas iyo jugo kale ayaa laga maqlayaa makhaayadda oo lagu soo warramayo in ay kooxo hubaysan galeen, mase jiro weli macluumaad ka soo baxay dowladda. Dad badan ayaa u jimcaysi taga xeebta Liido. Qaran News
  16. Qaraxyo iyo weerar toos ayaa caawa ka dhacday maqaayad ku taal xeebta Liido oo lagu magacaabo Pearl Beach, iyadoo koox hubaysan ay gudaha u galeen maqaaxidaas oo ku taalla agagaarka xeebta Liida. Ciidamada Booliska Soomaaliya oo gaaray goobta qaraxu ka dhacay iyo kooxdii weerarka soo qaaday ayaa ku dhex dagaalamaya gudaha maqaaxida, waxaana jira dad halkaas ku go’doonsanaa oo la soo badbaadiyay. Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerarkaas inkastoo aan weli tirakoob sugan la hayn. Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka maqaaxidda Pearl Beach, sida ay ku sheegeen qoraal ay ku baahiyeen baraha ay ku leeyihiin internet-ka. PUNTLAND POST The post Qaraxyo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  17. Mogadishu (HOL) - An upscale beachfront hotel in Mogadishu came under attack on Friday evening by suspected Al-Shabaab militants. The ongoing operation by security forces aims to neutralize the attackers and rescue the remaining trapped guests inside the Pearl Beach Hotel, formerly known as the Ocean View, located in the Abdiaziz district of Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  18. Twenty-two people, including two children, died in southern Somalia when mortar shells exploded, a local district official said on Friday. Source: Hiiraan Online
  19. On a hot day in late May, Abdifatah Ali walks through a community health and wellness fair at Currie Park in the Cedar-Riverside area of Minneapolis. As kids run in the fountains and play in the bounce house, Ali, an assistant professor at the University of Minnesota, is searching for someone who might be willing to leave the festivities and go across the street to fill out a survey about cancer. Source: Hiiraan Online
  20. MOGADISHU, June 9 (Xinhua) -- The Somali government said Friday that it is ready to take over security responsibilities from the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) as 2,000 troops will withdraw from the country by the end of June. Source: Hiiraan Online
  21. Xil. Ilhaan Cumar ayaa loo magacaabay ku xigeenka Hoggaanka xubnaha xisbiga dimoqraadiga ee guddiga Miisaaniyadda Aqalka Wakiilada Mareykanka. Guddigan ayaa mas’uul ka ah dejinta heerarka kharashka guud ee dowladda Maraykanka. “Aad ayaan ugu faraxsanahay in asxaabteyda dimoqraadiga ay iigu codeeyaan ku-xigeenka xubinta ugu sarreysa Dimoqraadiga ee guddiga miisaaniyadda,” ayey tiri xildhibaan Cumar oo bayaan soo saartay. Marwo Ilhaan ayaa kamid ah xubnaha ugu saamaynta badan Xildhibaannada Golaha Wakiilada dowladda Maraykanka. PUNTLAND POST The post Ilhaan Cumar oo xil sare looga magacaabay Aqalka Wakiilada Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar ku billowday qaraxyo ayaa caawa lagu qaaday xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, ayada oo la maqlay dhowr qarax oo is-xigxigay iyo rasaas xooggan. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay galeen hotel Pearl Beach oo ku yaalla xeebta Liido, ayaga oo adeegsanaya weerar qaraxyo ku billowday. Wararka soo gaaraya Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegaya in la maqlayo rasaas xooggan oo dhaceysa, waxaana loo maleynayaa inay u dhaxeyso Al-Shabaabka iyo ciidamada dowladda. Warar horudhac ah ayaa sheegaya in weerarka ay fuliyeen rag soo xirtay jaakadaha qarxa, kadibna ay koox hubeysan ku xigsatay, kuwaasi oo hadda gudaha ka dhex dagaalamaya. Xeebta Liido ayaa ah meel habeenada Jimcaha aad u mashquul badan, oo ay tagaan dhallinyarada, waxaana la arkayey dad ka kala cararaya goobta, balse waxaa sidoo kale jira dad ku go’doonsan aagga. Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse weli xog rasmi ah lagama helin heerka uu gaarsiisan yahay. Faah-faahin naga filo dhowaan, Inshaa’Allah. The post Xog cusub: Al-Shabaab oo galay hotel ku yaalla xeebta Liido appeared first on Caasimada Online.
  23. Qoryooley (Caasimada Online) – 25 Carruur ah ayaa ku geeriyootay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose, kadib markii uu ku qarxay mid kamida haraadiga madafiic hore oo ay ku ciyaarayeen. Guddoomiye ku xigeenka degmada Qoryooley oo la hadlay Dalsan TV ayaa sheegay in carruurtaas goobta ku cayaarayeen Banooni, balse qaarkood ay gargaraaceen hub hore oo muddo goobta yaallay. Wuxuu sheegay in 22 ka mid ah ay goobta ku geeriyoodeen, halka seddaxda kalena ay dib ka geeriyoodeen kadib markii goobta laga soo qaaday iyagoo qaba dhaawac culus. “Saakay waxay aheyd Jimco wixii iskuul iyo dugsi lahaaba ciyaalkii waxay aadeen banooni, kadibna waxay garaaceen oo ku qaraxday bir weyn, waxaa halkaas ku geeriyootay 22 ka mid ah, 3-da kale oo mid Xamar loola cararay dib ayey ka geeriyoodeen,” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka degmada Qoryooley. Wuxuu intaas ku sii diray in carruurta geeriyootay ay da’doodu u dhaxeysay 15 ilaa 10 sano, “Hal gabar kuma jirin wiilal kaliya ayey ahaayeen,” ayuu yiri. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in carruurtaan ay ku geeriyoodeen tuulo yar oo 5 KM u jirta magaalada Qoryooley, “Wadankaan wuxuu soo maray dagaal badan, waxa carruurtaan ku qarxay muddo ayey yaaleen halkaas oo hadda dhow wax la riday maaha,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Guddoomiye ku xigeenka degmada Qoryooley. Maamulka degmada Qoryooley ayaa dalbaday in dadka ku nool aagga degmadaas laga badbaadiyo khatarta ka soo wajaheysa qaraxyada ka dhalan kara haraadiga dagaaladii sokeeye iyo kuwii lala galay argagixisada. “Dadkaan wacyi gelin ayey u baahan yihiin waxaan aqoon uma lahan, 2018-kii 8 qof ayaa sidaan oo kale ugu geeriyootay haraadiga waxyaabaha qarxa, waxaan ka codsaneynaa madaxda K/Galbeed inay hey’adaha ka shaqeeya arrimahaan ka dalbadaan inay wacyi gelin u sameeyaan dadkaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Guddoomiye ku xigeenka degmada Qoryooley. Dhankiisa, Gudoomiyaha degmada Qoryooleey Ibraahim Malabow oo la hadlay BBC ayaa sheegay in deegaanka uu qaraxu ka dhacay lagu magacaabo Muraalle, isla markaana dhaca inta u dhaxeysa Qoryooley iyi Jannaale. Gudoomiyaha ayaa ku eedeeyay kooxda Al-shabaab in ay hubka carruurta ku qarxay ay meesha dhigeen “Dowladdu Bam meel ka dhigto, waxaa halkaas Bamka dhigay Khawaarijta,” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Qoryooley. Hoos ka dhageyso wareysiga The post Dhageyso: Dhacdo xanuun badan 25 carruur ah oo maanta qarax ku dilay Qoryooley appeared first on Caasimada Online.