Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya ka furmay shirka hannaanka deyn cafinta Soomaaliya. Shirkan ayaa waxa uu socon doona muddo afar maalmood ah, waxaana goobjoog ka ah qaar kamid ah hey’adaha dowladda Soomaaliya oo hoggaan ay u tahay Wasaaradda Maaliyadda iyo IMF/Bangiga Adduunka. Shirkaan ayaa inta uu socdo ayaa waxaa la sheegay in diiradda lagu saarayo horumarinta soosaarka dakhliga gudaha, hirgalinta nidaamka maamulka maaliyadda guud iyo dib-u-habeynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in ay qaadayaan tallaabo dowladeed oo loo dhan yahay, si loogu guuleysto fulinta qorshayaasha horumarineed ee dib-u-habeynta maaliyadda Soomaaliya iyo dhameystirka barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa muddo soo waday dadaallada looga cafin lahaa deynta lagu leeyahay dalka, iyada oo dowladda Xasan Sheekh ay qaaday tallaabooyin muhiim u ah barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya. Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in heer geba-gabo ah uu marayo barnaamijkan deyn cafinta, xilli uu socdo qorshe ay dowladda ku dalbaneyso deyn horleh marka soo idlaado hanaanka deyn cafin ee socda. Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa hore iskula qaatay in qorshaha deynta cusub looga qaadanayo dalalka deeqaha bixiya iyo hay’addaha caalamiga ah lagu saleeyo mashaariic isbixin kara si dib loogu gudo deyntaasi, taasi oo ay si adag uga hortimid maamulka Puntland. “Goluhu wuxuu isla gartay in deymaha dalka uu mustaqbalka qaadanayo ay noqdaan deymo u adeegayo horumarinta dhaqaalaha dalka oo la gelinaayo mashaariic is bixin kara, loona qoondeeyo si isku dheelitiran, loona maamulo si hufan, isla markaasna aan culeys deymo saari doonin jiilalka Soomaaliyeed ee mustaqbalka,” ayaa xilligaas lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay shirkii Baydhabo ee DF iyo dowlad-goboleedyada. Si kastaba, Arrimahaan ayaa imanaya xilli uu si habsami leh u socdo barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya, ayna ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista shanaad ee barnaamijkan, islamarkaana la qorsheynayo in dowladda ay qaadato deyn boqolaal bilyan oo dollar ah. The post Tallaabo cusub oo loo qaaday hanaanka deyn cafinta Soomaaliya + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  2. London (HOL) - A recent situation has sparked confusion and frustration among British citizens of Somali origin, who are finding their travel plans to their homeland of Somalia unexpectedly complicated. An incident involving a London-based Somali family attempting to travel to Mogadishu has brought these issues to light. The family of six was reportedly denied boarding passes at London Heathrow by Qatar Airways, citing the lack of a proof letter from the Somali embassy in the UK. Source: Hiiraan Online
  3. Barawe (HOL) - A fierce battle is currently underway in Barawe, the administrative capital of the South West regional state, between the federal government military forces and the Darwish troops of the South West state. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta kormeer ku tagey xarunta hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, ayaa daah-furay xafiiska “Garmaqalka Dadweynaha”. Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha, ayaa shaqadiisu tahay qabashada cabashooyinka dadweynaha ee ku saabsan xad-gudubyada ay galaan ciidamada NISA. Xad-gudubyadan ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin kuwa ka dhanka ah xuquuqda iyo xorriyaadka aas’aasiga ah ee muwaadiniinta, waxayna dadweynaha Soomaaliyeed ay si toos ah u soo wici karaan xafiiskan cusub ee lagu soo kordhiyay hay’adda NISA. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ku ammaanay hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirodoonka Qaranka hirgelinta xafiiska Garmaqalka Dadweynaha oo ah mid sii adkaynaya kalsoonida ay shacabka Soomaaliyeed ku qabeen hay’adda. Mudane Xamza ayaa ka marqaati kacay in horumar la taaban karo ay ku tallaabsatay hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirodoonka Qaranka sannadihii dhawaa. Sidoo kale waxa uu kula dardaarmay hoggaannada kala duwan ee hay’adda in ay sii xoojiyaan dadaalkooda ku aaddan kor-u-qaadidda amniga Qaranka. Agaasimaha hay’adda NISA Mahad Maxamed Salad ayaa tan iyo markii uu la wareegay hoggaanka hay’adda, ayaa waxa uu dib u habeyn ballaaran ku sameeyay NISA, oo mar si weyn ugu dhex milantay arrimaha siyaasadda, xilli ay hadda safka hore uga jirto dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirodoonka Qaranka ayaa hadda ah hay’ad sharci leh, kaasi oo soo afjaraya tacadiyadii maxaabiista ay xirto NISA iyo mad-madow oo ku gadaamna hay’addan. The post Mahad Salaad oo xarun cusub kusoo kordhiyay NISA iyo ‘waxa ay qabaneyso’ appeared first on Caasimada Online.
  5. ADDIS ABABA – Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed held meetings over “shared mutual interests and concerns” with respective leaders of Kenya and Somalia. Source: Hiiraan Online
  6. Khartoum (Caasimada Online) – Maleeshiyaad hubeysan ayaa maanta bililiqeystay gaadiidkii safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan, sida uu xaqiijiyey safiirka Soomaaliya ee dalkaas. Amb. Maxamed Sheekh Isxaaq oo arrintaan si weyn u cambaareeyay ayaa waxa uu sheegay in gaadiidka safaaradda ee la bililiqeystay ay yaaleen guriga uu ka deganaa magaalada Khartoum ee dalka Sudan. “Waxaan cambaareynayaa falkii wuxuushnimada ahaa ee lagu bililiqeystay guriga aan ka deganaa magaalada Khartoum ee dalka Suudaan,” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee dalka Suudaan. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa la qaateyna gawaaridii safaaradda Soomaaliyeed, falkaas wuxuushnimada ah waxaa sameeyey maaleeshiyaad hubeysan oo aan ixtiraameynin qawaaniinta caalamka iyo xurmadaha ay leeyihiin xarumaha diblumasiyiinta.“ Horey waxaa loo dhacay dhismaha safaaradda, ayada loo geystay bililiqo xoogan, waxayna qeyb ka tahay xarumo dowladeed oo tan iyo markii uu billowday dagaalka Suudaan la bililiqeystay, kuwaasi oo ay kamid tahay xarun weyn oo ay Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada Khartoum ee caasimada dalkaasi. Xaaladda dalka Suudaan ayaa weli ah mid cakiran, kadib markii ay si lama filaan ah uga qarxeen dagaallo qaraar oo u dhexeeyo ciidanka milatariga iyo kuwa gaarka ee RSF. Si kastaba, dagaalka labada dhinac ayaa meesha ka saaray qorshihii caalamku taageeray ee loogu guuri lahaa dimuqraadiyad rayid ah afar sano kadib markii xukunka laga tuuray Cumar Al-Bashiir oo ahaa mudaaharaadyo waaweyn iyo laba sano ka dib afgambi militari. The post Sawirro: Safaaradda Somalia ee Sudan oo la bililiqeystay appeared first on Caasimada Online.
  7. Mogadishu (HOL) - Armed men raided the Somali Embassy in Sudan's capital, Khartoum, on Monday, making the second instance of Somali properties being looted in Sudan since the fighting broke out in April between Sudan's military and the country's main paramilitary force. Source: Hiiraan Online
  8. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta hortagay Guddoonka iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliy., Kulanka oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Aadan Maxamed Nuur ( Aadan Madoobe) ayaa looga wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa Hay’adaha Fulinta iyo Sharci dajinta. Ra’iisul Wasaare Xamse, ayaa ku bogaadiyey Golaha, ansixinta shuruucda muhiimka u ah dalka, gaar ahaan arrimaha deyn cafinta iyo amniga dalka, iyagoo guddanaya waajibkooda Dastuuriga ah, waxuuna ka codsaday in ay meel mariyaan shuruucda wali horyaala iyo kuwa la horkeeni doono ee dalka muhiimka u ah. Xukuumadda Dan-Qaran ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in ay diyaar u tahay korjoogteyn iyo la xisaabtan, maadaama hadafkeedu uu yahay dowlad-wanaagga iyo la dagaallanka Musuq-maasuqa. Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyay Guddiga joogtada wada-shaqeyntooda dhow, ayaa hoosta ka xariiqay in heshiis walba oo siyaasadeed oo ay gaaraan Golaha Wadatashiga Qaranka, la horkeeni doono Golaha Shacabka, si waafaqsan Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Musharraxa Madaxweyne Ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Musharraxa Madaxweyne Ku xigeen Maxamed Cali Aw Cabdi, Guddoomiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan, Masuuliyiin ka tirsan hoggaanka Xisbiga iyo masuuliyiinta gobolka Maroodi jeex ayaa kormeer ku maray goobaha ay ka socoto Kaadh qaybintu ee magaalada Hargeysa gaara ahaana degmooyinka Ibraahin koodbuur, 26 June iyo 31 May. Hoggaanka Xisbiga WADDANI oo la hadlay dadweynaha ayaa ugu baaqay inay qaataan kaadhka codbixinta oo ah xaq ay muwaadiniintu leeyihiin. Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta hortagay guddoonka iyo guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka JFS. Kulanka oo uu guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa looga wada-hadlay xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa hay’adaha fulinta iyo sharci dajinta. Ra’iisul Wasaaraha ayaa wax laga weydiiyay hannaanka shaqo ee xukuumadda, iyada oo guddigu uu caddeeyay in la bilaabi doono hannaan lagula xisaabtamo oo mid mid wasiirada loogu yeeri doono. Mudan Xamza ayaa soo dhoweeyay tallaabadan, isaga oo caddeeyay in wasiirada uu ku wargelin doono arrintan, si wasiir kasta oo loo baahdo loola xisaabtamo, heshiis kastana ay horkeeni doonaan Golaha. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa kale oo uu ku bogaadiyay golaha ansixinta shuruucda muhiimka u ah dalka, gaar ahaan arrimaha deyn cafinta iyo amniga dalka, iyaga oo guddanaya waajibkooda Dastuuriga ah. Sidoo kale waxa uu ka codsaday in ay meel-mariyaan shuruucda weli horyaala iyo kuwa la horkeeni doono ee dalka muhiimka u ah. Waxa uu tilmaamay in xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo ay diyaar u tahay korjoogteyn iyo la-xisaabtan, maadaama hadafkeedu uu yahay dowlad-wanaagga iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa. Mudane Xamza ayaa hoosta ka xariiqay in heshiis walba oo siyaasadeed oo ay gaaraan Golaha Wadatashiga Qaranka la horkeeni doono Golaha Shacabka, si waafaqsan Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha. Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ugu dambeyntiina wuxuu uga mahad-celiyay guddiga joogtada wada-shaqeyntooda dhow iyo sida ay u guteen waajibaadkooda dastuuriga ah. Si kastaba, tallaabada maanta ayaa noqoneysa middii ugu horreysay ee uu Golaha Shacabka u qaado arrimaha la xisaabtanka xukuumadda, kadib muddo sanad ah. The post R/W Xamza oo hortagay guddoonka BF kadib markii loo yeeray – Sidee wax u dhaceen? appeared first on Caasimada Online.
  11. Xildhibaan Jaamac Yaasiin Jaamac oo ka tirsanaa Baarlamanka Puntland ayaa maanta oo Isniin ah ku geeriyooday dalka Hindiya. Geerida marxuumka waxaa xaqiijiyay guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ka tacsiyeeyay. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida xildhibaanka. “Alle ha u naxariisto Xildhibaan Jaamac Yaasiin Jaamac oo ku geeriyooday Dalka India, wuxuu ka mid ahaa Golaha Wakiillada Dowladda Puntland” ayuu yiri madaxweyne Deni. “Waxaan Tacsi u diraya Shacabweynaha Puntland, Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, eheladiis iyo qoyskii uu ka geeriyooday” ayuu qoraalkiisa sii raaciyay madaxweynuhu. PUNTLAND POST The post Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka Puntland oo ku geeriyooday dalka Hindiya appeared first on Puntland Post.
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Somaliland ayaa xukun adag ku riday nin ay sheegtay in lagu helay inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab. Ninkan oo lagu magacaabo Faysal Cali Ibraahin ayaa waxay maxkamaddu sheegtay in kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa in xubno Al-Shabaab ah ka diyaariyo gudaha Somaliland. Maxkamadda ayaa Faysal oo 42 jir ah ku riday xukun 9 sanno oo xabsi milatari, sida lagu shaaciyay warqad kasoo baxday Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee ee Ciidamada Somaliland. “Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada JSL ee goboladda galbeedku waxay xukun 9 (Sagaal Sano) oo ah xabsi milatari ku riday danbiile-Al-Shabaab Faysal Cali Ibraahin Ina Aamina Aadan oo 42 jir ah oo Al Shabaab ka tirsan,” ayaa lagu qoraalka Xeer Ilaalinta. Xukunkan ayaa imanaya xilli Booliska Somaliland uu dhawaan sheegay inuu soo qabtay xubno looga shakiyay Al-Shabaab-nimo, lamana oga in ninka la xukumay uu kamid ahaa kooxdaasi la qabtay iyo inkale. Dhawaan unbay aheyd markii xukuumadda Somaliland ay shaacisay inay fashilisay weerar argagixiso, kaasi oo ay sheegtay inuu ahaa qarax is-miidaamin ah. Si kastaba, Somaliland ayaa sheegtay in aysan ogolaan doonin in falalka argagixisada ay carqaladeeyaan xasiloonida iyo horumarka ay gaadhay, islamarkaana ay ciidamadeedu ay si joogto ah ugu taagan yihiin ilaalinta muwaadiniinta iyo xaqiijinta ammaankooda. The post Somaliland oo xukun adag ku riday nin Al-Shabaab ‘u qaabilsanaa ciidan qorista’ appeared first on Caasimada Online.
  13. Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Musharraxa Madaxweyne Ku xigeen Maxamed Cali Aw Cabdi, Guddoomiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan, Masuuliyiin ka tirsan hoggaanka Xisbiga iyo masuuliyiinta gobolka Maroodi jeex ayaa kormeer ku maray goobaha ay ka socoto Kaadh qaybintu ee magaalada Hargeysa gaara ahaana degmooyinka Ibraahin koodbuur, 26 June iyo 31 May. Hoggaanka Xisbiga WADDANI oo la hadlay dadweynaha ayaa ugu baaqay inay qaataan kaadhka codbixinta oo ah xaq ay muwaadiniintu leeyihiin. Source
  14. ” Marka aynu og nahay xaaladda Bariga Sl. Khilaafkii doorashaduna inoo hadhsan yahay. Somaliland malaha wax sii kala socda mooyee wax isu soo socdaaba ma jiro. ” Siyaasi Cali Guray . Qaran News
  15. Lix sarkaal oo booliis ah ayaa lagu wadaa in maxkamad lagu soo taago dalka Switzerland, kuwaas oo lagu eedeyay in ay dil bareer ah u geysteen nin u dhashay Nigeria shan sano ka hor. Mike Ben Peter ayaa dhintay kadib markii lagu xiray magaalada Lausanne. Booliiska ayaa sheegay in ay adeegsadeen farsamooyin caadi ah si ay gacanta ugu dhigaan ninka lagu eedeeyay in uu ka ganacsanayay daroogada. Ciidamada ayaa dhulka ku qabtay kadib markii uu diiday in la baaro. Difaaca ayaa ah in lagu doodo in Mike Ben Peter dhimashadiisa ay u badan tahay inay ka dhalatay dhibaatooyin caafimaad oo hoose. Qoyska ninka dhintay iyo kooxaha ka soo horjeeda cunsuriyiinta ee Switzerland ayaa barbar socda dilkii George Floyd, oo ay booliiska Maraykanka ku dileen magaalada Minneapolis. Source
  16. Raysal wasaarihii hore ee Talyaaniga, Silvio Berlusconi oo eedaymo kusaabsan fadeexado galmo iyo musuqmaasuq kasoo kacay ayaa ku geeriyooday da’da 86 jir. Wuxuu ku dhintay isbitaalka magaalada Milan ee San Raffaele sida lagasoo xigtay warbaahinta Talyaaniga. Bishii April ee sannadkaan ayaa Silvio laga daweeyay caabuq kaga dhacay sambabka kaas oo ka dhashay nooc ka mid ah kansarka oo aan la shaacin. Ganacsadahan warbaahinta ee horumaray ayaa markii u horrreysay qabtay xafiiska ugu sareeya Talyaaniga sannadkii 1994, wuxuuna soo hogaamiyey afar dawladood tan iyo sannadkii 2011. Wuxuu hogaaminayay xisbiga midigta dhexe ee Forza kaas oo isbahaysi la galay raysal wasaare Giorgia Meloni ka dib doorashooyinkii sebtembar, amrkii loo doortay aqalka sare ee Talyaaniga. Source
  17. Waxaa maanta ka furmaya magaalada Jabuuti shir madaxeedka 14-aad ee caadiga ah ee madaxweynayaasha iyo ra’iisal wasaarayaasha dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD. Waxaa kasoo qayb galay madax ay ka mid yihiin Madaxweynayaasha Kenya, Soomaaliya, Koonfur Suudaan iyo raysal wasaaraha Itoobiya. Shirka waxaa looga hadlayaa arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin colaadda Suudaan iyo ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyada oo shalay ay warbaahinta Kenya werisay in madaxweynayaasha Kenya iyo Jabuuti ay ku baaqeen in dib u eegis lagu sameeyo awoodda Soomaaliya ee ay ku hananayso amaanka dalkeeda ka hor inta aysan ka bixin ciidamada Midowga Afrika. Source
  18. Maxkamada Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa xukun 9 sanadood oo xadhig ah ku riday Faysal Cali Ibraahin ina Aamina Aadan oo da’diisu tahay 42 jir, kaas oo lagu helay inuu ka tirsanaa ururka AS. Maxkamada Ciidamada Somaliland waxay ku sheegtay faafinta xukunka Faysal Cali Ibraahin inuu AS u qaabilsanaa in gudaha Somaliland xubno uga diyaariyo. Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah askarta dhaawacyada ah ee ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, isla-markaana kasoo badbaaday weerarkii Al-Shabaab ee ka dhacay Buulo Mareer ayaa bixiyay xog yaab leh oo ku aadan weerarkaasi. Askartan oo ku jira isbitaalka xerada Xalane ayaa waxaa booqasho ugu tegay la-taliyaha Madaxweynaha Uganda, ahna wiilkiisa Muhoozi Kainerugaba oo xog wareystay xaaladooda. Qaar kamid ah askarta ayaa General Muhoozi uga sheekeeyey sida ay wax u dhaceen, maadaama weerarkaas uu khasaare lixaad leh kasoo gaaray ciidamada Uganda. Waxa ay sheegeen in saldhigooda ay ku agyaalaan beero, isla-markaana xubnaha Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday ay u maleynaayeen dad beeraley ah oo falanaya beerahooda, maadaama subax kasta ay beeraleyd ku kaliihi jireen aaga xeeradooda. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay arkayeen nalalka baabuurta Al-Shabaab, balse ay u heysteen cagafta beeralah lagu falo, balse ay mar qura lagu bilaabay rasaas xoogan. “Waan u jeednay nalalka gawaarida ay wateen Al-Shabaab, waxaan u heysanay beeraleydii oo beerahooda waraabsanaya, cagafta beeralah lagu falo ayaan u maleynay,markii ay hoosta naga soo galeen ayey rasaas billaabatay” ayuu yiri mid ka mid ah askarta. Sidoo kale waxa ay tilmaameen in ay la qabsadeen beeraleyda shaqadooda, isla-markaana aysan fileyn weerarka uga yimid dhanka kooxda Al-Shabaab. Dhankjiisa wiilka Museveni oo dhacdadan ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in ciidanka ku sugnaa xerada ay is dhigteen, taasna sababtay in saldhigga si fudud lagu qabsado. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in qalad sameeyeen laba sarkaal oo ciidanka ka mid ahaa, maadaama ay amreen in difaacyada lasoo baneeyo, taas oo fursad kale siisay Al-Shabaab. Labada sarkaal oo lagu kala magacaabo Oluka iyo Obbomwaa ayaa haatan la xiray, waxaana la saarayaa maxkamad ciidan, si loogula xisaabtamo weerarkii Buulo Mareey. Ugu dambeyn General Muhooz ayaa xusay inay haatan ugu sii daran tahay, maadaama lagu jiro xilli kala guur ah oo ay weerarada kordhin karto kooxda Al-Shabaab, isaga oo ugu baaqay guud ahaan ciidamada howlgalka ATMIS inay muujiyaan feejigaan dheeri ah. Si kastaba, weerarkii Buulo Mareer ayaa Al-Shabaab waxa ay sheegtay inay ku dishay ugu yaraan 137 askari, baske Uganda ayaa qiratay in laga dilay 54 askari oo ku sugnaa xerada. The post Askartii ka badbaaday weerarkii Buulo Mareer oo bixisay xog yaab leh appeared first on Caasimada Online.
  20. Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha waddamada Kenya iyo Jabuuti oo shir jaraa’id wada qabtay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda ammaan ee Soomaaliya, gaar ahaan qorshaha dhimista ee ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgala Soomaaliya. William Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shirkooda jaraa’id si gaar ah diirada ugu saaray muhiimadda ay leedahay in la is waafajiyo dhimista ciidanka ATMIS iyo awoodda amni ee dalka. Labada madaxweyne ayaa u muuqda inay kasoo horjeedaan qorshaha ay dowladda ku dooneyso in lagu dhimiyo tirada ciidamadaas oo 15 sano ka howlgalaya gudaha dalka. Waxay ku doodeen in muhiim tahay in la ogaado marka hore in Soomaaliya ay awood u leedahay inay si hufan ula dagaallanto kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale waxay ku adkaysteen baahida loo qabo in la ilaaliyo waxay ugu yeereen guulaha ATMIS, maadaama muddo dheer ay Soomaaliya u joogeenm nabad ilaalin. “Annagoo ah dalalka ciidamada ku deeqay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) waxaan ku heshiinnay in shir-madaxeedka IGAD ee soo socda in looga hadlo qorshaha kala guurka Soomaaliya iyadoo la ilaalinayo guulaha ay gaareen AMISOM/ATMIS” ayay shirkooda jaraa’id ku yiraahdeen madaxweynaha waddamada Kenya iyo Jabuuti. Hadalkan waxa uu kusoo aadaya, ayada oo la filayo in dhammaan bishan June la dhimo 2,000 oo askari oo ka mid ah howlgalka AMISOM, si loo bilaabo qorshaha kala guurka. Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa la filayaa inuu dhimo 2,000 oo askari marka la gaaro bishan June 30-keeda, si masuuliyadda amniga loogu wareejiyo ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Dowladda federaalka ayaa horay ugu dhowaaqay in la guda galo dhismista askarta ATMIS, si loo fuliyo qaraarka golaha ammaanka ee tirsigiisu yahay 2670, waxaana arrintaas Jimcihii lasoo dhaafay ku dhowaaqay wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya. Si kastaba, Kenya iyo Jabuuti ayaa kamid ah waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, sidoo kalena laga sugayay inay soo diraan ciidamo dheeraad ah oo ka qayb qaata wajiga labaad ee duulaanka mar kale lagu qaadayo kooxda Al-Shabaab. The post KENYA iyo JABUUTI oo ka horyimid qorshe ay bishan damacsan tahay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  21. Ciidamada Somaliland ee fadhiya Gooja-cadde ayaa sida lagu soo warramayo markii u horraysay lagu hawl-gelinayaa summad-qabiil. Dagaalladii u danbeeyay ee ka dhacay Gobolka Sool ayaa sida la xaqiijinayo is-tuhun iyo kala shaki beelaysan ka dhex abuuray ciidamada Somaliland. Ciidamada qaarkood ayaa marar kala duwan gadood sameeyay islamarkaana ka amar qaadan waayay Taliskooda taas oo kala daadisay haykalkoodii guud. Wararka ayaa sheegaya in Korneyl Muuse Biixi si uu arrintaas u maareeyo uu ciidan kasta oo hal beel ka soo jeeda ku qoray furin gaar kadibna taliye uga dhigay nin ay isku hayb yihiin. Tallaabadaas ayaa muujinaysa xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland xilli aanu weli dhinac u dhicin dagaalka Laascaanood iyadoo labada dhinac abaabul ciidan wadaan. PUNTLAND POST The post Laascaanood: Ciidamada Somaliland oo markii u horraysay lagu dagaal-gelinayo summad-qabiil appeared first on Puntland Post.