Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Pleading ‘guilty’, iyo Pleading ‘not guelty’, waa laba kalmadood oo luqadda garsoorka aasaasi u ah dhinaca ingirisiga oo mararka qaarkood la gu tilmaami karo laangaab. Marka koowaad ee dembiga loo haysto la gu soo oogo eedaysanaha, waxa u furan in uu eedda loo jeediyay aqbalo amaba diido. Afsoomaaliga kalmadda ‘qiraal’ baa ogolaansho ah, ‘deedifayn’ na waa diidmo. Ingiriisiga erey is ku mid ah uun baa la adeegsadaa labada jeerba – qiraal diidmo ah buu sameeyay iyo qiraal ogolaansho ah. Saaka wariyaha VOA oo Donald Trumb ka waramaysay waxa ay tidhi – wuxu sameeyay qiraal diidmo ah. Afsoomaaliga qiraal iyo diidmo is ma raaci karaan, laakiin inantu waxa ay ku hadlaysay ingiriisi ay kalmado Soomaali ah u adeegsatay, in badan baanay taasi dhacdaa. “Hargab baan maalmahaba haystay”, wax badan baan maqlay. “Hebel kursi buu u ordayaa amma u cararayaa” iyadana in badan baan maqlay. Afkeena cudurku wuu inagu dhacaa ee ma haysanno. Afkeena kursi loo ma ordo ee waa loo tartamaa. Saw maaha? Abidkiin hadal ajnebi ha u adeegsanina ereyo Soomaali ah, sababtoo ah hadal jilicsan buu kaa noqonayaa! Dadka ku dhegaysanayaa waa ku gu qoslayaan iyaka oo aan ku maqashiin, waa hadii ay kuu tudhaan, hadii kale na waaba sida kale. Qolyaha idaacadaha ka hadla waajib dheeraad ah baa saaran. Qaran News
  2. Wasiirka Caddaaladda Puntland ayaa shaqa joojin ku sameeyay saddex agaasime waaxeed oo ka tirsan wasaaradda. Warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka Caddaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab Axmed ayaa shaqada looga joojiyay saddex agaasime waaxeed oo ku eedaysan shaqa gudasho la’aan. Warqadda ayaa lagu caddeeyay in shaqada laga joojiyay agaasimaha waaxda arrimaha Diinta Axmed Maxamed Cali, agaasimaha waaxda arrimaha Anshaxa Maxamuud Xasan Xirsi iyo agaasimaha waaxda Dastuurka Yuusuf Ibraahim Saalax. Saddexda agaasime waaxeed ayaa ku eedaysan in aysan shaqada imaan mudda ka badan sannad sabab la’aan sidoo kale u hoggaansami waayeen digniintii loo jeediyay. PUNTLAND POST The post Wasiirka Caddaaladda Puntland oo shaqa-joojin ku sameeyay saddex agaasime waaxeed appeared first on Puntland Post.
  3. PRESS RELEASE African Hidden Champions hosts first regional reception for 2023 in Nairobi The Nairobi reception marked the African Development Bank’s first official engagement with AHC, as new co-partner in the initiative with Africa Foresight Group (AFG) and DEG, Germany’s Investment and Development Corporation ABIDJAN, Ivory Coast, June 13, 2023/ — African Hidden Champions (AHC), an initiative that promotes dynamic African companies and helps them on their path to global leadership, held its first regional event of 2023 in Nairobi, Kenya. The event provided a platform for AHC to share its vision with business executives from the region. The Nairobi reception marked the African Development Bank’s first official engagement with AHC, as new co-partner in the initiative with Africa Foresight Group (AFG) and DEG, Germany’s Investment and Development Corporation. Founded in 2020, AHC has so far selected more than 20 high-performing Hidden Champions across Africa, operating in various sectors, from services, manufacturing, energy and retail, to pharmaceuticals, automobiles and education. AHC founders share an intense commitment to growth through performance, innovation and a solid foundation. “We are excited to kick off our regional engagements in Nairobi. Having selected some of our Hidden Champions from Kenya, it was only fitting for us to begin our 2023 engagements here. With these engagements, our intention is to exchange ideas and network with key stakeholders as we explore ways in which we can contribute to the growth of African businesses. We believe that by creating an atmosphere where different business leaders meet, we will be able to create lasting solutions and partnerships, said Yasmin Kumi, AHC Co – Founder and CEO Africa Foresight Group. The AHC initiative seeks to raise awareness, through various media, case studies, regional events and its annual summit, of the unique role that AHC companies have played in their home markets and how they are building the muscle for success across the continent and beyond. “We are committed in our support for the growth of African businesses as they expand beyond their borders and into the global marketplace. In supporting these businesses, we acknowledge the direct link between successful home-grown companies and the rise of a country’s GDP, “said Franziska Hollmann, Director Industries & Services Africa & EMECA – DEG. “The African Development Bank has consistently committed funds and technical expertise to African companies and governments in order to fast track the continent’s industrialization. Our experience lends to this worthwhile AHC initiative the opportunity to expand to more markets, Thomas Viot, Chief Investment Officer at the Bank Group, noted. The AHC intends to hold regional receptions in other key African cities as it continues selecting and sharing new Hidden Champions. Qaran News
  4. Waxaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho Shirwaynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo arrimaha la xiriira sare u qaadista shaqaalaha Caafimaadka dalka. Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr, Cali Xaaji Aadam, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr, Maryama Maxamed Xuseen, Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xubno ka socda Hay’addaha Caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya, Agaasimayaasha Wasaaradda Caafimaadka, bahwaynta Caafimaadka Soomaaliya, Xubno ka socda xarumaha Caafimaadka dalka xirfadlayaasha caafimaadka, siyaasad-dejiyeyaasha iyo daneeyayaasha dalka oo dhan. Shirka ayaa ah mid muhiim u ah bulsho waynta Soomaaliyeed, maaddaama uu qorshuhu yahay sidii loo heli lahaa Shaqaale Caafimaad oo tayo leh, taas oo kor u qaadeysa horumarinta Caafimaadka guud ee Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa 5 milyan oo dollar dul-dhigtay madaxa sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaas oo magaciisa lagu sheegay, Cabdullaahi Cusmaan Maxamed oo loo yaqaan Injineer Ismaaciil. Barnaamijka abaal-marinta Cadaaladda, Rewards for Justice (RFJ) ee Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in $5 milyan la siin doono cid kasta oo keenta akhbaar hoggaamin karta aqoonsiga ama halka uu ku sugan yahay ninkan. Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in Cabdullaahi Cusmaan Maxamed uu yahay Injineer khabiir sare oo Al-shabaab u sameeya qaraxyada. Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in sidoo kale uu yahay la-taliyaha hoggaamiyaha guud ee kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda Mareykanka. Mareykanka ayaa sidoo kale intaas ku daray in Cabdullaahi Cusmaan Maxamed uu sidoo kale yahay madaxa waaxda warbaahinta Al-shabaab ee Al-kaib. “Ma heysaa macluumaad ku saabsan Cabdullaahi Cusmaan Maxamed?” ayuu lagu yiri warbixinta uu soo saaray Mareykanka. Waxa kale oo uu Mareykanku ballan-qaaday in qof kasta oo keena xogtiisa la qarin doono, isla-markaana lagu wareejin doono lacagta abaal-marinta ah ee la dul-dhigay Cabdullaahi. Mareykanka ayaa horay sidaan oo kale lacag u dul-dhigay hoggaamiyeyaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay oo $ 5 milyan la dul-dhigay Cali Maxamuud Raage oo loo yaqaan Cali Dheere, isla-markaana ka tirsan madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab. Cali Dheere ayaa ahaa afhayeenka Al-Shabaab tan iyo bishii May ee 2009, sidoo kalena waa hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda. 5-tii Janaayo 2023 dowladda Mareykanka ayaa waxay 10 milyan oo dollar ugu yabooday inay siin doonto cid kasta oo keenta xog hoggaamin karta in lasoo xiro ama dambi lagu helo Macallin Ayman, oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Mareykanka ayaa sidoo kale 13-kii Janaayo 2023 ku dhawaaqay abaal-marin lacageed oo gaareysa 10-milyan oo dollar oo la siinayo ciddii keenta xog ku saabsan Maxamuud Cabdi Aadan iyo dadkii kale ee mas’uulka ka ahaa weerarkii Hotel DusitD2 ee 2019-kii ka dhacay magaalada Nairobi. The post Mareykanka oo $5 milyan dul-dhigay Cabdullaahi Cusmaan Maxamed (Injineer Ismaaciil) appeared first on Caasimada Online.
  6. Kal-fadhiga 52-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa lagu wadaa in uu furmo Khamiista berri ah oo ku beegan 15 June 2023. Wargelin kooban oo loo diray Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa lagu sheegay in Kal-fadhiga oo furmi doono Subaxda Khamiista ah marka ay saacaddu tahay 8:00am Subaxnimo. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa la filayaa in uu si rasmi ah u furo Kal-fadhiga islamarkaana ka jeediyo khudbaddiisa Dastuuriga ah. PUNTLAND POST The post Kal-fadhiga 52-aad ee Baarlamanka Puntland oo Khamiista furmaya appeared first on Puntland Post.
  7. Madaxwayne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlayay khilaafka kala dhexeeya Jubbaland mas’uuliyiinta gobolka Gedo ayaa khilaafka ka taagan Gedo ku eedeeyay inay ka dambeeyaan qaar kamid ah siyaasiin dana gaar ah leh iyo dad uu ku tilmaamay jaaliyado dibadeed. Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlayay laanta Afkasoomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in dadka reer Gedo ay badankood soo dhoweeyeen maamulka cusub ee ay soo magacaabeen isla markaana uu guddoomiyuhu dhowaan halkaa tegi doono sida uu hadalka u dhigay madaxweyne ku-xigeenka. “Gobolka Gedo wax dhibaato ah kama jirto laakiin marka aad fiiriso baraha bulshada iyo waxa dhawaanahan soo baxay cayayaanka baraha bulshada loo bixiyay isma laha, waxaana rabnaa inuu gobolka helo nidaamkii iyo kala dambeyntii dowliga ahaa iyadoon qofna wax loo dhimeynin,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Shalay ayay ahayd markii magaalada Garbahaarey laga hor istaagay inay ka degto diyaarad sidday wafdi uu hogaaminayay gudoomiyihii dhawaan ay Jubaland u soo magacaawday gobolka, kaas oo ay ka hor yimaadeen qaar kamid ah siyaasiyiinta deegaankaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Afgooye (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada ATMIS ay madaafiic ku garaaceen deegaanka Bariire ee gobolkaasi, kuwaas oo ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo ku dhaqan gudaha deegaankaasi. Mid kamid ah madaafiicda ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhacay guri ay daganaayeen dad shacab ah oo ku yaalla halkaasi, waxaana ka dhashay khasaare u badan dhaawac. Sida uu sheegay mid kamid ah ehellada dadka waxyeelada soo gaartay waxaa guriga uu ku dhacay hoobiya ku dhaawacmay hooyo, aabe iyo saddex carruur ah oo ay dhaleen. Shanta qof ee isku qoyska ah ayaa haatan lasoo gaarsiiyay gudaha magaalada Muqdisho, si looga dabiibo xaaladdooda caafimaad. Sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray guriga ay daganaayeen qoyska oo ahaa danyar, taas oo uga sii dareyso dhibaatada soo gaartay dadkaasi. ATMIS ayaa lagu eedeeyay inay marqibadii uurto madaafiic, taas oo ay walaac ka muujinayaan dadka deegaanka oo haatan uu khasaare soo gaaray. “Dhinaca AMISOM ayay ka yimideen madaafiicda, waxbay iska tuur tuuraan Maqribadii,” ayuu yiri mid kamid ah ehellada oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada ATMIS oo ku aadan dhacdadaas lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen iyagu. Ma’aha markii ugu horreyay oo ay ATMIS waxyeelo u geysato dad shacab ah, waxaana marar badan lasoo wariyay dhibaatooyin ay ciidamadooda ka geysteen Soomaaliya. Si kastaba, dhacdadan ayaa kusoo aadeyso, xilli dhowaan magaalada Buulo Mareer lagu laayay ciidanka Uganda, kadib weerar culus oo ay ku qaadeen xoogaga Al-Shabaab. The post Faahfaahin: Hoobiye ku dhacay guri ku yaalla Bariire + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  9. Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye Gaas, Odawaa Yuusuf Raage ayaa kulan laqaatay taliyaha ciidamada Mareeykanka ee howlgalka Africom Gen, Micheal Langley, iyaga oo ka wadahadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Sarreeye Gaas, Odawaa Yuusuf Raage iyo Gen, Micheal Langley ayaa aad isula gorfeeyay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya laba qeybood iyo dar-dar gelinta howlgallada Mareykanku uu ka taageero ciidanka xoogga dalka ee ka socda guud ahaan gobollada dalka. Dowladda Mareykanka ayaa ciidanka xoogga dalka gaara haan DANAB waxaa ay kala shaqeysaa howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, waxaana dhowaan la filayaa in gobollada dalka uu ka bilowdo wajiga labaad ee ka dhanka ah kooxda oo dowladdu ku dhawaaqday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Taliska Millatariga Soomaaliya iyo Hoggaanka Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika ayaa wada-hadal gaar ah ka yeeshay dagaalka Al-shabaab. Taliyaha Ciidamada Millatariga Soomaaliya S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa kulan gaar ah Muqddisho kula yeeshay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM Gen. Micheal Langley. Labada Taliye ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo dardar gelinta dagaalka lagu cirib-tirayo maleeshiyaadka Al-shabaab sida ay sheegtay wakaaladda Wararka ee SONNA. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Maraykanka oo dardar gelinaya iskaashiga La-dagaallanka Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  11. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo wareysi cusub bixiyay ayaa war la yaab leh kasoo saaray is hortaaggii shalay lagu sameeyay diyaaraddii sidday guddoomiyaha cusub ee gobolka Gedo, kadib markii laga soo celiyay garoonka diyaaradaha degmada Garbahaarey. Sayid Aadan ayaa sheegay in diyaaradda aan lasoo celin, balse uu damay gacankii laga hagayay, taas oo ay keentay inay weyso xiriirka garoonka, kadibna ay soo laabatay. “Maanta diyaaraddii baxday gacankii laga hagayay ayaa la damiyay ama ka damay oo batari la’aan ayaa ku dhacday, marka diyaaraddii marka ay weysay xiriir garoonka ah ayay dib u noqotay” ayuu wareysiga ku yiri madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland. Sidoo kale wuxuu farriin u diray siyaasiyiinta Gedo ku sugan oo uu ku eedeeyay inay isbaaro dhigteen gobolka, ayna kasoo horjeedaan horumarka bulshada. Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland oo hadalkiis sii wata ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay sugtaan doorashada, haddii ay rabaab isbeddal. “Siyaasiyiinta roolkooda waa inoo ahaado isbeddalka Jubbaland oo ay raadinayaan, haddii uu xilliga dhammaado doorasho ayaan qabaneynaa waa inay tartamaan, laakiin isbaaro inay gobolkaas dhigtaan oo umadda gobolka lug gooyaan wax macno ah oo ay sameneyso ma jirto” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in guddoomiyaha cusub ee Gedo, Cabdullaahi Cadbi Jaamacuu tegi doono Garbahaarey, ayna diyaar u yihiin bulshada deegaanka. “Guddoomiyaha wa tegaa, bulshada dadka deegaanka, waxgaradka iyo maamulka heer degmo iyo heer gobol diyaar ayay u ahaayeen” ayuu sii raaciyay. Xaaladda Gedo ayaa mar kale soo laba kacleysay, kadib markii uu dhowaan maamul cusub gobolkaasi u magacaabay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). The post Jubbaland oo jawaab yaab leh ka bixisay diyaaraddii laga soo celiyay GEDO appeared first on Caasimada Online.
  12. Minneapolis (Caasimada Online) – Xeer-ilaaliyaha Mareykanka Andrew M. Luger ayaa Talaadadii sheegay in Cabdulqaadir Cawaale oo ka mid ah eedeysaneyaasha kiiskii la xiriiray ‘musuq-maasuqa’ barnaamijkii nafaqeynta carruurta uu qirtay dambigii lagu soo eedeeyay. “Sida ku cad qirashada eedaysanaha iyo dukumentiyada maxkamadda, Cabdulqaadir Cawaale, oo 50-jir ah, ayaa qirtay in laga billaabo Abriil 2020 ilaa 2022, uu si bareer ah uga qaybqaatay qorshe been abuur ah oo uu ku lunsaday malaayiin doollar oo ah barnaamijka nafaqaynta carruurta ee dawladda federaalka ah” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska xeer-ilaalinta Mareykan ee gobolka Minnesota. “Cawaale wuxuu si been abuur ah u sheegay in isaga oo adeegsanaya ganacsigiisa uu qeybiyay in ka badan 3.6 milyan oo cunto ah goobo kala duwan oo ku yaalla Minnesota, taasoo dhan $11.8 milyan oo doollar oo been abuur ah” ayuu raaciyay bayaankan. Xeer-ilaalinta ayaa inta ku dartay inuu shalay kahor qirtay garsoore Nancy E. Brasel hal dambi oo ahaa inuu qeyb ka ahaa ‘musuq-maasuqan’ isaga oo oggolaaday inuu bixiyo lacag dhan $2,126,200, iyada oo dhageysiga xukunkiisa la muddeeyay waqti kale. Toddobaadkii hore, Maxamed Cali Xuseen iyo Luul Bashiir Cali oo ah lammaane deggan magaalada Faribault ayaa qirtey doorkii ay ku lahaayeen mashruucan oo ay dowladda Mareykanku sheegtay in lagu lunsaday $250 milyan intii lagu jiray masiibada COVID-19, sida uu ku dhawaaqay xeer-ilaaliyaha Mareykanka Andrew M. Luger. VOA The post Soomaali horleh oo qirtay ku lug lahaanshaha fadeexada ka taagan gobolka Minnesota appeared first on Caasimada Online.
  13. A delegation from the African Union (AU) Military Staff Committee who form part of the union’s Peace and Security Council has concluded a fact-finding mission to Somalia to assess the security situation ahead of the planned drawdown of ATMIS troops at the end of this month and in September 2023. Source: Hiiraan Online
  14. At least 12 people, including six soldiers, were killed Tuesday in two separate attacks linked to the al-Shabaab terror group in coastal and eastern Kenya. Source: Hiiraan Online
  15. More than 1,200 small boat migrants have arrived in Britain in just three days, marking a return to levels not seen since last year. Source: Hiiraan Online
  16. Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Maxamuud, oo ka qeybgalay meertada 14-aad ee shirka IGAD, ayaa ka hadlay guulaha amni iyo siyaasadeed ee ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya iyo halganka dalka lagaga xoreynayo kooxda Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay si loo nabadeeyo dalka in dowladda Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin muhiim ah, oo lagula dagaalamayo kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab, lagana saaray dhul baaxad leh oo ka tirsan gobolada Shabeellooyinka, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug. Waxa uu intaas ku daray inay nabad iyo nidaam dowladeed ay ku naaloonayaan degmooyin ay kooxdu cadaadis ku haysay muddo 15-sano ah. Madaxweynaha ayaa xusay in deegaanada iyo degmooyinka laga saaray Al-Shabaab ay ka socdaan mashaariic horumarineed oo lagu dhisayo adeegyada bulshada, lana xoojiyey ammaankooda, taas oo suura galisay inaysan argagixisadu dib ugu soo laaban. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinaca kale madaxda IGAD la wadaagay in dowladdu tallaabooyin u qaaday dhinaca horumarinta nidaamka dowladeed, iyadoo la joogteyanayo kulamada golaha wadatashiga qaranka, ayna qabsoomeen ilaa 6-kulan tan iyo intii uu xafiiska Villa Somalia dib ugu soo laabtay. Shirkii u dambeeyey ee golaha oo qabsoomay 24-27-ka May ayuu xusay madaxweynuhu inay ka soo baxeen go’aano muhiim ah, oo ay ku jirto in doorasho qof iyo cod ah dalka loo diyaariyo, islamarkaana golayaasha dowladdu ay ka shaqaynayaan hirgalinta heshiiskaas. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa garab istaag u muujiyey dalka aan walaalaha nahay ee Sudan oo ay colaadi ka socoto, waxaana uu madaxda dalalka ku jira urur goboleedka IGAD ku booriyey inay qaataan doorkooda nabad ku soo dabaalidda dalka Sudan iyo meelaha kale ee xasaraduhu ka jiraan. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo faah-faahin ka bixiyey laba arrin oo muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kullane oo ka tirsan golaha shacabka ayaa soo saaray qoraal adag oo uu kaga hadlayo xaaladda gobolka Gedo oo jahawareer maamul ku jira muddo seddax sano ah. Wuxuu sheegay Xildhibaan Kulane in gobolka Gedo aysan suurtagal aheyn in loo gacan geliyo Jubbaland, “Nin kasta iyo koox kasta oo ku hamineysa ama haatan ku hawlan in ay gobol weynaha Gedo, ku dirqiyaan, ku jajuubaan ama tooda mutuxan u meeriyaan; waxaan leeyahay hays lugoynina,” ayuu yiri Cabdullahi Kulane. Wuxuu intaas ku sii daray in Jubbaland ay horay ugu guul dareysatay isku dayga ay waddo hadda, isagoo sheegay in reer Gedo marar badan loo adeegsaday awood ciidan iyo dowlado shisheeye. “Sina Suurtagal uma aha umana noqon doonto in Gedo la muquuniyo. Shalay bay ahayd oo lasoo tijaabiyey iyadoo la wato dawladdo shisheeye oo cudud ciidan ka joogto Jubbaland sidoo kale xadka ugu dheer la wadaaga Gedo, waana socon wayday,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdullahi Kulane. Ugu dambeyntii wuxuu xildhibaankaan qoraalkiisa ku yiri, “Umadaha liibaanay taariikhda iyo dhacdooyinka tagtada ayey wax ka bartaan. Halka kuwa saaqiday aanay waxba ka baran tagtada. Wax la waayey Xaajoow, Ruuxii waalan baa u duda. Ballanteennu waa Jubbaland loo dhanyahay!” Cabdullahi Kulane oo kursi Xildhibaan ka soo qaatay Galmudug intii ay socotay doorashadii BF ayaa ka mid ahaa saraakiishii NISA ee Farmaajo u adeegsaday in gobolka Gedo ay ka soo jaran Jubbaland-ta uu maamulo Axmed Madoobe. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan maamul cusub u magacaabay gobolka Gedo, taas oo hadda soo cusbooneysiisay hadal-heynta jahawareerka maamul ee sanadihii lasoo dhaafay ka jiray gobolkaas. Sida ay ogaatay Caasimada Online diyaarado ka baxay magaalada Muqdisho oo siday xubno ka tirsan masuuliyiinta cusub ee gobolka Gedo uu u magacaabay Axmed Madoobe ayaa laga soo celiyay oo loo diiday inay ka degaan magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. Diyaaradaha oo labo ahaa ayaa mid kamid ah waxa ay waday mas’uuliyiinta maamulka cusub ee uu dhowaan gobolkaas u magacaabay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana la sheegay in labada diyaaradood ay is hortaag ku sameeyeen mas’uuliyiintii horay ugu sugnaa gobolka oo kaashanaya ciidan ka socda dadka deegaanka oo weli diidan Jubbaland. The post Kulane oo hanjabaad yaab leh ka soo saaray khilaafka ka taagan gobolka Gedo appeared first on Caasimada Online.
  18. "Kenya commits to meet the two Sudan generals face to face to find a lasting solution to the crisis," President William Ruto said, according to a statement released by the Kenyan presidency, after a Inter-Governmental Authority on Development summit. Source: Hiiraan Online
  19. A total of 10 people including soldiers were killed and several others injured on Tuesday as a fierce gun battle between Somali National Army (SNA) and regional forces broke out in the port town of Barawe in southern Somalia, local authorities said. Source: Hiiraan Online
  20. Hundreds of thousands of people are stranded in Somalia’s drought-hit countryside after fleeing fighting in the disputed northern city of Las Anod, with cash-strapped aid agencies struggling to reach those in need. Source: Hiiraan Online
  21. Warsaxaafadeed ka soo baxay Shirkii 14aad ee Urur Gobaleedkka IGAD. 1. In Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD uu noqdo Soomaali ay soo magacawdo Dowladda Federaalka Soomaaliya, halka muddo 4 sano ahna xilka loo kordhiyey Mudane Workneh Gebeyehu oo ah Xoghayaha haatan ee IGAD. 2. In dib u habeyn lagu sameeyo hannaanka maamul ee dallada IGAD, iyadoo si siman ay u shir guddoomin doonaan sannad kasta mid ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah. 3. Madaxda IGAD ayaa bogaadiyay guulaha laga soo hooyay dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, iyagoo sidoo kalena ku baaqay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka, taas oo caqabad ku ah dagaalka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay kula jiraan argagixisada Al-Shabaab. 4. Madaxda ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba lagu siiyo meelmarinta go’aammadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka ee Soomaaliya. 5. IGAD ayaa dhinacyada dagaalka Laascaanood ugu baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dirirta, iyo in wadahadal lagu xalliyo kala aragti duwanaanshaha jira. Qaran News
  22. Go’aammadii Shirkii 6aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) ee 27 Maajo 2023 waxaa ka dhashay doodo kulul oo isugu jira soo dhoweyn, taagero iyo dhalliilo baraha bulshada qabsaday. Waa la soo dhoweeyay go’aanka ka guurista doorashada 4.5 loona guurayo doorashada Source: Hiiraan Online
  23. Baydhaba (Caasimada Online) – Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa shalay gaartay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Catriona Laing ayaa waxaa madaxtooyada Koonfur Galbeed ku qaabilay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo uu wehlinaayeen wehlinayeen Wasiiro, La-taliyaal iyo sidoo kale agaasimaha guud ee madaxtooyada maamulkaasi. Ugu horreyn Ergeyga QM ee Soomaaliya, Marwo Catriona Laing ayaa ugu mahad-celisay Laftagareen iyo golaha wasiirada soo dhoweynta ay u sameeyeen, maadaama ay booqashadeedii ugu horreysay ku gaartay maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Baydhaba. Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in socdaalkeeda uu ku qotomo isbarasho iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha shaqo ee ay QM ka wado guud ahaan Koonfur Galbeed. Intaas kadib labada dhinac ayaa yeeshay kulan gaar ah oo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin taageerida wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, xoojinta hirgelinta mashariicda hormarineed ee dalka iyo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ku soo noq-noqday dalka. Dhankiisa madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaabinta ayaa ka warbixiyay ujeedka kulankooda, wuxuuna sheegay inuu daarnaa wada shaqeynta dhex-marta labada dhinac, maadaama haweeneyda ku cusub tahay xafiiska oo mardhow loo soo magacaabay. “Aad ayaa u soo dhaweyneynaa imaatinkeeda, waxaana ku kala tageynaa is faham fiican iyo wada shaqeyn,” ayuu yiri madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen. Waa maamul goboleedkii saddexaad oo ay booqaneyso Catriona Laing oo todobaadkii hore soo gaartay magaalada Muqdisho, waxayna horay u tegay Puntland iyo HirShabelle. Waxaa kale oo a horay si gooni gooni ula kulantay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka oo ay kala hadashay xaaladda dalka, gaar ahan bani’aadanimada. The post Sawirro: Catriona Laing oo saddex qodob kala hadashay madaxweyne Lafta-gareen appeared first on Caasimada Online.
  24. Madaxweyne Biixi oo la sheegay in dawlada Somaliya u cadeeyey in Somaliland diyaar u tahay in markale ay la midowdo Somaliya . Warraysi xaasaasiya oo raysal wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Mahdi Guulleed, siiyay wariye Cabdijibaar Maxamed ayuu ku sheegay in madaxweyne Biixi, u sheegay Farmaajo in Somaliland diyaar u tahay in markale ay la midowdo Soomaaliya. Sidoo kale Mahdi, ayaa warraysiga ku sheegay in madaxweyne Biixi ka codsaday dawladda Federaalka Soomaaliya in Akoon gaar uu u leeyahay loogu soo shubo lacagtii dawladda Soomaaliya ugu talo-gashay gurmadka suuqii gubtay ee Waaheen. Mahdi, ayaa dhinaca kale sheegay in xilli Farmaajo, Abiy iyo Biixi ku kulmeen Addis-Ababa kulanka kadib madaxweyne Biixi, khalkhalay oo uu galay Gaadhigii madaxweyne Farmaajo oo calanka Soomaaliya ka babanayo. Qaran News