Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Tani waa isku day lagu doonayo in lagu iftiimiyo cakirnaanta soo jeedintii dib u eegista dastuurka oo ay dhawaan 27/05/2023 soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) ee ka kooban Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, RW Xamse Bare, Source: Hiiraan Online
  2. Muuse Biixi dunidiisu waa galbeedka Hargaysa, dad Nuux Ismaaciil ayay isugu xigaan, taariikhdooda iyo xadaarada dheer ee ay leeyihiin ayuu neceb yahay libina uma ogala.” Xildhibaan Mahdi Guuleed. Qaran News
  3. Nairobi (Caasimada Online) – Tirada dadka macluusha isku dilay ee Kenya ayaa kor u dhaaftay 300 Talaadadii ka dib markii ay mas’uuliyiintu kasoo saareen meydad horleh meel kayn ah, taas oo ka mid ah masiibooyinka ugu xun ee la xiriira cibaadada ee taariikhda dhaw. Masuuliyiinta Kenya ayaa sheegay in dadka dhintay ay ka tirsanaayeen kaniisada Good News International Church, oo uu hoggaamiyo Paul Mackenzie, kaasoo lagu eedeeyay inuu xertiisa ku amray inay naftooda iyo carruurtooda gaajo isu dilaan, si ay jannada u galaan ka hor dhammaadka adduunka. Wadarta dhimashada ayaa hadda gaartay 303 qof kadib markii 19 mayd laga soo saaray xabaalo wadareedyo ku yaalla keynta Shakahola ee koonfur-bari ee dalkaas. In ka badan 600 oo qof ayaa weli lagu soo waramayaa in la la’yahay, sida ay sheegtay mas’uul ka tirsan gobolka Rhoda Onyancha. Baarayaasha todobaadkii hore waxay balaadhiyeen baaritaankooda si ay u daboolaan aag ballaaran oo gobolka ah si ay isugu dayaan in ay ku xisaabtamaan dhibanayaal badan. Ku dhawaad 65 qof oo taabacsan ninka isku magacaabay wadaadka ayaa lagu eedeeyay inay isku dayeen inay is dilaan Isniintii kadib markii ay diideen inay wax cunaan intii u dhaxaysay June 6 iyo June 10 intii ay ku sugnaayeen xarun samatabbixin ah, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha Kenya. Wasiirka arrimaha gudaha Kithure Kindiki ayaa walaac ka muujiyay bishii hore in qaar ka mid ah xerta Mackenzie ee la badbaadiyay ay diideen cuntada. Mid ka mid ah ayaa dhintay, ayuu yiri. Mackenzie ayaa bishii April isku dhiibay booliiska waxaana loo diiday inuu ku baxo damiin bishii hore. VOA + Reuters. The post Tirada dadkii gaajada isugu dilay KENYA oo dhaaftay 300 appeared first on Caasimada Online.
  4. Gudoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka ee SoDMA mudane Maxamuud Macallim Cabdulle oo ay wheliyaan agaasimaha waaxda maareynta musiibooyinka mudane Khadar Maxamed Sh Nuur iyo la-taliye sare Maxamed Macallim (Wayaaka) ayaa maanta kulan la yeeshay madax ka socotay hay’adda Start Network. kulanka oo ka dhacay xarunta hay’adda SoDMA ayaa looga wada hadlay xoojinta xariirka labada hayádood, wada shaqeynta iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa qabsoomidda shirka ka hortogga aafooyinka oo ka dhici doona Muqdsiho 18 iyo 19 June 2023. Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaday sidii loo dar dar galin lahaa istraatiijyadda maaliyadda ee ka hortgga aafooyinka, waxaana ugu dambayn gudoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinku u mahadceliyey madaxda ka socotay hay’adda Start Network, booqashada ay ku yimadeen xatunta hay’adda iyo wada shaqaynta ka dhalatay kulanka maanta Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada iyo senatorrada ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ee ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan deg deg ah ka yeeshay xiisadda ka taagan magaalada Baraawe ee caasimadda maamulkaas. Baraawe, waxaa ka taagan xiisad culus oo qaraxday gelinkii dambe ee shalay, kadib markii ay gudaha magaalada ku dagaalameen ciidamo ka kala tirsan militeriga Soomaaliya iyo daraawiishta Koonfur Galbeed. Xildhibaanada laga soo doorto deegaanada K/Galbeed ayaa eedeyn culus u jeediyey ciidanka xoogga dalka ee ka howlgala magaaladaas, iyagoo sheegay in 10-kii sano ee lasoo dhaafay ay shacabka reer Baraawe dhibane u yihiin ciidankaas militeriga ah. “Weerarkii shalay ay madaxtooyada K/Galbeed ku qaadeen ciidanka SNA, waxaa masuuliyadiisa qaadaya taliyaha ciidankaas Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale, wuxuu qalqal geliyey xasilloonida degmada Baraawe, wuxuuna caqabad ku yahay jiritaanka maamulka K/Galbeed,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay xildhibaanada. Eedeynta ay xildhibaanadu u jeediyeen sarkaalkaas ayaa lagu yiri, “Cabdiraxmaan isagoo huwan shaarka dowladda wuxuu 10-kii sano ee lasoo dhaafay dhibaato ku hayey shacabka degmada Baraawe, wuxuuna sarkaalkaan ka soo hor jeedaa jiritaanka dowladnimada K/Galbeed.” Sidoo kale xildhibaanadaan waxay bayaankooda ku sheegeen in guud ahaan gobolka Shabeellada Hoose lagu dhibaateeyo shacabka, maadaama saraakiisha hoggaamisa ciidanka SNA ee gobolkaas joogay ay isku heyb yihiin, sida ay sheegeen xildhibaanada K/Galbeed ku metela BFS. “Waxaan cambaareyneynaa ciidanka ATMIS ee ka howlgala degmada Baraawe, waxay garoonka diyaaradaha ee degmadaas ku wareejiyeen maleeshiyaad qabiil oo sheegta SNA,” ayuu yiri Xildhibaankii akhriyey bayaanka Xildhibaanada. Sidoo kale war-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in ciidanka ATMIS ay askari dhaawac ah ku wareejiyeen ciidanka militeriga ah ee jooga Baraawe, kaas oo goobta lagu toogtay, sida lagu cadeeyey bayaankaan. “Dowladda federaalka waxaan ugu baaqeynaa in ciidanka militeriga ah ee jooga Baraawe lasoo qaado, kadibna laga qaado tallaabo waafaqsan dunuubta ay geysteen,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka xildhibaanada. Hoos ka daawo The post Daawo: Xildhibaano ka soo jeeda KG oo war culus ka soo saaray dagaalkii Baraawe appeared first on Caasimada Online.
  6. Shir madaxdeedka dalalka ku midaysan urur goboleedka IGAD oo dalka Jabuuti ka furmay 12-June ayaa gabangabadiisa laga soo saaray war-murtiyeed taageero siinaya dowladda Soomaaliya, kaas oo nuxurkiisu ahaa: 1. In Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD uu noqdo Soomaali ay soo magacawdo Dowladda Federaalka Soomaaliya, halka muddo 4 sano ahna xilka loo kordhiyey Mudane Workneh Gebeyehu oo ah Xoghayaha haatan ee IGAD. 2. In dib u habeyn lagu sameeyo hannaanka maamul ee dallada IGAD, iyadoo si siman ay u shir guddoomin doonaan sannad kasta mid ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah. 3. Madaxda IGAD ayaa bogaadiyay guulaha laga soo hooyay dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, iyagoo sidoo kalena ku baaqay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka, taas oo caqabad ku ah dagaalka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay kula jiraan argagixisada Al-Shabaab. 4. Madaxda ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba lagu siiyo meelmarinta go’aammadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka ee Soomaaliya. 5. IGAD ayaa dhinacyada dagaalka Laascaanood ugu baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dirirta, iyo in wadahadal lagu xalliyo kala aragti duwan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil argagax leh oo saldhigga Dharkenley loogu geystay marxuum Xasan Cabdulle Maxamuud (Giriig) oo 60 jir ahaa, kaas oo sidoo kale caan ka ahaa ka ahaa xaafadda Kaawa Godey. Wararka ayaa sheegaya in marxuumka lagu dhex-dilay saldhigga Booliska ee degmadaasi, kadib markii ay goobtiisa ganacsi kasoo wateen ciidamo ka tirsan booliska degmada. Marxuumka ayaa dukaan yar ku lahaa xaafadda Kaawo Godey, halkaas oo ay ugu tageen askarta lagu eedeeyay dilkiisa, waxaana la sheegay in marka hore ay lacag weydiiyeen, markii uu ka dhaga adeegana ay jir dileen, sidoo kalena ay horay u kaxeysteen Aabahaasi. Nin la dhashay marxuumka oo la hadlay Somali Cable ayaa sheegay in walaalkiis ay dileen ciidamo ka tirsan kuwa booliska ee saldhigga degmada Dharkenley, wuxuuna tilmaamay in markii ay wateen kadib ay soo waceen, ayna u sheegeen in walaalkiis uu dhintay. “Walaalkey sandaqadaan ayuu baraf iyo cabitaan ku iibinaayay meeshaan ayay ugu yimaadeen way wateen, kadibna cimaamadii uu watay ayay indhaha uga xireen wayna jir dileen nus saac kadib ay isoo waceen waxayna i dheheen walaalkaa waa dhintay” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Taliyaha ciidamada Dharkenley ayaa dilay, laakiin waxay igu dheheen maxaabiis ayaa dishay anne waa ka diiday waxaas, waayo maxaabiista bir ma heystaan nin xabsi ku jiro maanta muxuu dili karaa?”. Dhankeeda gabar yar oo uu dhalay marxuumka ayaa si dareen leh uga hadashay dilka Aabaheed oo ay si weyn uga argagaxeen dadka deegaanka. “Qof muslim ah oo Aabihiis sidaas loo gelaayo ma fiirsan karo anne waan ka xumahay, maadaama aan aabahey wax u qaban karin” ayay iyaduna tiri marxuumka gabadhiisa. Ugu dambeyn xaaska marxuumka oo iyaduna wareysi siisay Telefishinka Somali Cable ayaa sheegtay inuu ifka uga tegay afar carruur ah, waxayna sidoo kale baaq u diray dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan laamaha amniga oo ka dalbatay cadaalad. “Cadaalad ayaan u baahanahay ilmaheyga Aabahood afar carruur ah ayuu igaaga tegay, hadda qaboojiye ayuu ku jiraa, iyagana inkiraad ayay wadaan” ayey tiri xaaska. The post Daawo: Aabe 60 sano jir ah oo lagu dhex dilay saldhigga degmada Dharkenley appeared first on Caasimada Online.
  8. Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre rewarded a local citizen with $20,000 for aiding security agencies in thwarting a planned terrorist attack on Mogadishu's peace garden last month. The individual, Galbed Hussein Adan, alerted the authorities about an auto-rickshaw motorcycle filled with explosives. Source: Hiiraan Online
  9. Djbouti (Caasimada Online) – Waxaa la soo gabagabeeyey shirkii Jabuuti uga socday madaxda urur goboleedka IGAD, kaas oo laga soo saaray war-saaxadeed, ilaa shan qodob oo ku jirta is-afgarad madaxda IGAD ayaa toos u quseeya Soomaaliya. Qodobka 1-aad ayaa dhigaya in ku xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD laga dhigo qof Soomaali ah, iyadoo xubintaas ay soo magacaabi doonto dowladda Soomaaliya. Sidoo kale isla qodobkaas waxaa lagu xusay in afar sano oo kale muddo xileedkiisa Xoghayaha Guud ee IGAD loogu kordhiyey Workneh Gebeyehu oo u dhashay dalka Itoobiya. Madaxda IGAD waxay bogaadisay guulaha ciidanka xoogga Soomaaliya ay ka gaarayaan dagaalka, waxayna caalamka ka codsadeen in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, si argagixisada ay uga adkaato. Hoos ka akhriso nuxurka qodobada quseeya Soomaaliya ee shirkii IGAD ka soo baxay: In Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD uu noqdo Soomaali ay soo magacawdo Dowladda Federaalka Soomaaliya, halka muddo 4 sano ahna xilka loo kordhiyey Mudane Workneh Gebeyehu oo ah Xoghayaha haatan ee IGAD. In dib u habeyn lagu sameeyo hannaanka maamul ee dallada IGAD, iyadoo si siman ay u shir guddoomin doonaan sannad kasta mid ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah. Madaxda IGAD ayaa bogaadiyay guulaha laga soo hooyay dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, iyagoo sidoo kalena ku baaqay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka, taas oo caqabad ku ah dagaalka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay kula jiraan argagixisada Al-Shabaab. Madaxda ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba lagu siiyo meelmarinta go’aammadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka ee Soomaaliya. IGAD ayaa dhinacyada dagaalka Laascaanood ugu baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dirirta, iyo in wadahadal lagu xalliyo kala aragti duwanaanshaha jira. The post Soomaaliya oo xil sare iyo taageero culus ka heshay IGAD (Aqriso shan qodob) appeared first on Caasimada Online.
  10. South Africa has never been touched by Islamist attacks. Its three-decade-old democracy is solid, and its financial system is respected. Source: Hiiraan Online
  11. At a summit held in Djibouti on Monday, the East African Inter-Governmental Authority on Development (IGAD) announced it would expand the number of countries tasked with resolving the crisis, with Kenya chairing a quartet including Ethiopia, Somalia and South Sudan. Source: Hiiraan Online
  12. MOGADISHU, June 13 (Xinhua) -- A delegation from the African Union (AU) Military Staff Committee has wrapped up a fact-finding mission in Somalia by reaffirming its resolve to hand over military bases to the Somali security forces by the end of June. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada, ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka ee NISA oo haatan ku tallaabsatay isbeddalo waa weyn. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa warbixintiisa ku sheegay in NISA ay ahaan jirtay meel lagu dhibaateeyo shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, balse haatan taliska hay’adda uu wado qorshe ballaaran oo lagu hagaajinayo sumcadda iyo magaca hay’adda NISA. Sidoo kale wuxuu boggaadiyay xafiiska cusub ee Garmaqalka Dadweynaha oo ay hay’addu soo kordhisay, si ay uga jawaabto cabashadooyinka shacabka iyo eedaha loo jeediyo. “Ma’aha in muwaadinkuna uu cabadashiisa oo qur ah gudbiyo ee waa in uu tebiyaa haddii uu arko xadgudub lagula kacayo muwaadin kale,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Halkan hoose ka aqriso:- Waa mid siloon sooyaalka hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya ee (NISA). Burburkii ka hor iyo ka diba waxay ahaan jirtay hay’ada lagu caburiyo laguna cabsi geliyo shacabka iyo siyaasiyiinta. Taasi waxay dhalisay in dad badan ay sas iyo sumcad xumi la xariiriyaan magaca Hay’adda Haddaba hagaajinta sumcada, magaca iyo waxqabadka hay’adda waa laga maarmaan. In loo sameeyo sharci ay labada Gole ee Baarlamaanka kula xisaabtami karaan Hay’adda iyo hawl-wadeenkeedu waxay ahayd tilaabo wanaagsan. Furitaanka xafiis ay dadwaynuhu toos ugu gudbin karaan tabashada ay ka qabaan xadgudubyada ay galaan saraakiisha ama Ciidamada NISA ee ka dhanka ah xuquuqda iyo xorriyaadka aas’aasiga ah, ku-takrifalka awoodeed, cadaalad-darrada, musuqmaasuqa iyo dhamaan dhaqannada dhaawici kara sumcada Hay’adda ama bani-aadanimada ka baxsan., waa tallaabo shacabka u furaysa ilinka la xisaabtamka NISA. Dalal badan ayaa leh xafiisyo iyo hay’ado madaxbanaan oo looga cawdo xadgudubyada iyo takrifalka ay gaystaan hay’adaha amniga, waase kuwo ka madaxbanaan hay’adahaas. Hayeeshee in uu hoggaanka hay’addu hal abuurkan oo kale la yimaado, iyadoon cidna ku qasbin waa tillaabo boggaadin mudan, waxayna waxna ka tari doonta dagaalka lagula jiro kooxaha argagexisada, sababtoo ah dagaalka lagula jiro argagexisada waxaa lafdhabar u ah sirdoon bulsho (Community Intelligence), kasoo ay lagama maarmaan tahay in shacabku ku kalsoonaado hay’adda sirdoonka, si ay ula wadaagaan xogta la xariirta argagexisada. Haddaba ma aha in muwaadinkuna uu cabadashiisa oo qur ah gudbiyo ee waa in uu tebiyaa haddii uu arko xadgudub lagula kacayo muwaadin kale, ama habdhaqan aan wanaagsanayn ee ay ku kacayaan ciidanka NISA. Waxaan ku boorinaynaa laamaha kale ee amniga, gaar ahaan Booliska in ay ku daydaan hay’adda Nabadsugidda oo ay furaan xafiisyo looga cawdo xadgudubka ay ku kacaan ciidanka booliska. Waxaan sidoo kale u soo jeedinyaa xukuumadda in ay dhisto xafiiska Gardoonka ee uu dhismihiisa farayo qoddobka 129aad ee dastuurka si ay dadweynuhu u helaan hay’ad madaxbannaan oo looga cawdo xadgudubyada ciidamada iyo hay’adaha kale ee maamulka Dawladda. The post CC Shakuur oo ka falceliyey tallaabooyinka ay qaaday NISA appeared first on Caasimada Online.
  14. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,ayaa maanta oo daah-furay dhoofinta hilibka xoolaha Soomaaliya ee loo iibgeynayo dalka Sacuudiga. Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ku tilmaamay tallaabo guul ah dhoofka hilibka Xoolaha Soomaaliya ee ay oggolaatay Boqortooyada Sacuudigu, waxuuna xusay in dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatada ay ka heli doonaan dhaqaale iyo shaqo abuur ka badan kii laga heli jiray dhoofka xoolaha nool. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saari doonto maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin xoolaha, isagoo ugu baaqay ganacsataduna ay maalgashi ku sameeyaan khayraadka dalka, gaar ahaan dhinacyada Xoolaha, Beeraha, Kalluumeysiga iyo Tamarta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay Wadada Maxamuud Xarbi ee Degmada Warta Nabadda, taasi oo isku xirta Tuulada Cayaaraha ee Muqdisho Stadium iyo Isgoyska Folorensa, taasi oo muddooyinkii ugu danbeeyay aanan helin wax dib-u-dhis ah. Munaasabada dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda, Odayaasha Deegaanka iyo Bulshada Qeybahooda kala duwan. Dib-u-dhiska lagu sameenaayo wadadaan Maxamuud Xarbi ee Degmada Warta Nabadda ayaa waxa uu qeyb ka yahay Mashruuca dalkaaga ku dhiso $1 oo uu dib u howlgaliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), taasi oo lagu hormarinaayo Caasimadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu maalinta berri ah wareegto ku soo saaro isku shaandhayn lagu sameeyay garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyaasha maxkamadaha rafcaanka iyo derejada kowaad ee gobollada Puntland. Guddiga sare ee maamulka garsoorka Puntland ayaa isku shaandhayn ku sameeyay garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyaasha maxkamadaha rafcaanka iyo derejada kowaad ee gobollada, iyadoo qaarkood la isku beddelay halka qaar kalena la dallacsiiyay. Go’aanka guddiga ayaa maanta loo gudbiyay xafiiska madaxweynaha si uu dikreeto magacaabis ugu soo saaro dhammaan xubnaha uu guddiga isku shaandhaynta ku sameeyay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo dikreeto ku soo saaraya isku shaandhaynta xubno kamid ah garsoorka Puntland appeared first on Puntland Post.
  17. Garowe (HOL) - A court in Bosaso on Tuesday sentenced five young men to varying prison terms for their attack on an impoverished family last week. The assault occurred in the family's residence, where they were tortured and threatened. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay mashruuc muhiim ah oo ah dhoofinta hilibka xoolaha Soomaaliya ee loo iibgeynayo Boqortooyada Sacuudiga. Munaaabadda daah-furka oo ka dhacday hotel Jaziira ayaa waxaa ka qayb-galay wasiiro, xildhibaano, safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya, ganacsatao iyo marta sharaf kale. Ra’iisul wasaare Xamza oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa mashruucan ku tilmaamay tallaabo guul ah dhoofka hilibka Xoolaha Soomaaliya, maadaama ay ogolaatay Sacuudiga. Sidoo kale waxa uu xusay in dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatada ay ka heli doonaan dhaqaale iyo shaqo abuur ka badan kii laga heli jiray dhoofka xoolaha nool. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in dowladda ay xoogga saari doonto maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin xoolaha oo caan ku tahay Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale ugu baaqay ganacsatada in ay maalgashi ku sameeyaan khayraadka dalka, gaar ahaan dhinacyada Xoolaha, Beeraha, Kalluumeysiga iyo Tamarta. Dhanka kale, Xamza oo ka hadlayay fursadaha suuqa ganacsiga ee bariga Afrika, ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee dalalka ku mideysan Dallada Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ay u tahay ganacsatada Soomaaliyeed fursad muhiim ah oo ay tahay in ay ka faa’iideystaan, iyagoo leh xuquuq lamid ah kuwa dalalka kale ee ku mideysan dallada. Si kastana Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal galisay in dowladda Sacuudigu ay u oggolaato suuqyada dalkeeda in loo dhoofiyo hilibka xoolaha Soomaaliyeed, kaddib markii ay ku qanceen caafimaadka iyo tayada Hilibka Xoolaha dalkeenna, taas oo qeyb ka ah qorshaha Xukuumadda DanQaran ee horumarinta dhaqaalaha dalka. The post Sawirro: R/W Xamza oo daah-furay mashruuc ay dhaqaale badan ka heleyso Somalia appeared first on Caasimada Online.
  19. Maayirka Degmada Widh-widh ee gobolka Buuhoodle Khadiijia Axmed ayaa iska casishay xilka Maayirno ee degmadaasi sida ay u sheegtay Bulsho Tv. Maayir Khadiija ayaa sheegtay inay dadkeeda la dareen tahay, kuna dayanayso Cabdirisaaq Khaliif. Qaran News
  20. Boosaaso (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta xukun ka soo saartay kiiskii xasaasiga ahaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Boosaaso, kadib markii lix dhalinyaro ah ay dhibaateen qoys degan magaaladaasi, kadibna ay ka duubeen muuqaal si weyn ugu baahay baraha bulshada, isla-markaana dhaliyay caro aad u xoogan. Maxkamadda Darajada 1-aad ee magaalada Boosaaso oo la horgeeyay eedeysanayaasha ayaa ku ridday xukun xabsi ah, ganaax lacageed iyo sidoo kale magdhow. Mid kamid eedeysanayaasha oo lagu magacaabao Yuusuf Axmed Cali, isla-markaana hoggaaminayay dhalinyarada falkan geysatay ayaa lagu xukumay lix sanno oo xarig ah, halka afarta kalena lagu xukumay min shan sanno oo xarig ah, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Maxkaamdda Darajada Koowaad ee magaalada dekedda leh ee Boosaaso. Maxkamadda ayaa sidoo kale raggan ku xukuntay ganaax lacageed oo dhan min 4,000 oo doollar iyo magdhowga muuqaalka ay faafiyeen oo ah min 1,000 doollar oo kale. Guud ahaan lacagta la saaray dhalinyaradaan ayaa noqoneyso 25,000 oo doollar, taas oo ka dhingan in qofkiiba lagu ganaaxay lacag gaareysa 5,00 oo doolar. Sidoo kale maxkamadda ayaa intaasi kusii dartay in xukunkan uu ka furan yahay racfaan muddo soddon maalin gudahood ah, kaasi oo ay qaadan karaan dhamaan lixda eedeysane. Kheyriya Maxamed Cali Afweyne oo ah gabadha qoyskeeda la weeraray, arrintuna ay ka bilaabatay ayaa horay u sheegtay inay ku faraxsan tahay in la maxkamadeeyo raggan. “Annaga waxaan ku faraxsanahay in maxkamad la horgeeyo, cadaaladda la marsiiyo, markaas ayaan qanceynaa oo cadaalad baan helnay ayaan dhihi doonaa, waxbaa la qabtay iyo wax baa la xiray cadaalad uma arko.” ayey tiri Kheyriya Maxamed Cali Afweyne. Sida laga arki karo muuqaalka, kooxdaan ragga ah oo aan wajiyadooda loo jeedin ayaa ilmo yar wajiga cagta ka saaraya, kadib handadaya, sidoo kale waxay aad ugu hanjabayaan hooyada iyo aabaha qoyska oo u muuqda kuwa da’ ah, taas oo sii kordhisay carada kiiskan. The post PUNTLAND oo xukun adag ku ridday raggii qoyska ku dhibaateeyay BOOSAASO appeared first on Caasimada Online.
  21. Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta diyaarado ka baxay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliyaa, kuna sii jeeday gobolkaas laga soo celiyay magaalada Garbahaarey oo xarun u ah Gedo. Diyaaradaha oo labo ahaa ayaa mid kamid ah waxa ay waday mas’uuliyiinta maamulka cusub ee uu dhowaan madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe u magacaabay gobolkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay. Wararka ayaa sheegaya in labada diyaaradood ay is hortaag ku sameeyeen mas’uuliyiintii horay ugu sugnaa gobolka oo kaasnahaya dadka deegaanka ee weli diidan Jubbaland. Labada diyaaradood ayaa lagu soo warramayaa inay haatan ku soo laabteen gudaha magaalada Muqdisho oo ay markii hore ka baxeen, maadaama dib loo soo celiyay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qorshaha mas’uuliyiintan lagu geynayay Gedo ay qayb ka aheyd dowladda federaalka, balse haatan lagu guul darreystay. Xaaladda ayaa haatan kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxaya labada dhinac oo ku aadan is hortaagga lagu sameeyay mas’uuliyiinta cusub ee maamulka gobolka Gedo. Dhowaan ayaa Axmed Madoobe maamul cusub u magacaabay Gedo, taas oo uga sii dartay xiisaddi horay uga taagneyd gobolkaasi. Guddoomiyaha gobolka ayaa waxaa loo magacaabay Cabdullaahi Cadbi Jaamac. Sidoo kale xubnaha uu magacaabay Axmed Madoobe ayaa waxaa ku jira Cusmaan Nuur Xaaji Macallimuu oo mar kale loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda. Si kastaba, arrinta gobolka Gedo ayaa u muuqato mid kasii dareysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan, maadaama ay haatan xiisadda sii xoogeysatay. The post Diyaarad sidday maamulka cusub ee GEDO oo laga soo celiyay Garbahaarey appeared first on Caasimada Online.
  22. Maxkamada derejada kowaad ee Boosaaso ayaa maanta xukuntay Shan nin oo gabood-fal ku sameeyay qoys danyar ah. Kooxdan ayaa lagu helay danbi ah in ay qoyska gurigooda ugu dhaceen xilli habeen ah oo la hurday, islamarkaana dil iyo gubis ugu hanjabeen, si ay u cabsi geliyaan. Yuusuf Axmed Cali oo hoggaaminayay kooxda ayaa lagu xukumay lix sano oo xabsi ah halka afarta kale lagu xukumay min shan sano. Waxa dhammaantood sidoo kale lagu xukumay min $4,000 oo doollar oo ah magdhowga muuqaalka ay faafiyeen iyo min $1,000 doollar oo kale oo ganaax guud ah. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Boosaaso oo xukuntay shan nin oo tacaddi ku sameeyay qoys dan yar ah appeared first on Puntland Post.