-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Cabdi Maxamed Quduuf oo ahaa sugaha koobaad ee liiska xildhibaanimo xisbiga Waddani ee gobolka Sool ayaa shaaciyay inaanu buuxin doonin booska uu baneeyay Cabdirisaaq Khaliif ee xildhibaanimo una soo socon. Waxaana booskaasi hadda buuxin doona sida sharcigu dhigayo sugihii ku soo xigay Yusuf Faarax Warsame . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo uu garab taagnaa Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa abaalmarin lacageed guddoonsiiyay wiil dhalinyaro ah oo soo sheegay qarax la fashiliyay. Muwaadinkan ayaa hay’adda NISA usoo dusiyay xogta Mooto Bajaaj siday qarax ay kooxda Al-Shabaab ay doonaysay inay ku dhibaateeyaan shacabka Sooamaliyeed, waxaana la guddoonsiiyey lacag dhan 20-kun oo dollar. Warbaahinta dowladda ayaa baahisay sawirka wiilkan dhalinyarada ah oo ra’iisul wasaaruhu guddoonsiinayo abaalmarinta lacageed, ayada oo wejigiisa la qariyay oo sawirkiisa ku furtay humaag, si uusan bartilmaameed ugu noqon kooxaha argagixisada. Ra’iisul Wasaaraha oo hadal kooban ka jeediyay munaasabaddaasi oo ka dhacday xarunta Taliska Guud ee NISA ayaa sheegay in tallaabadani ay ku timid wada-shaqeynta iyo kalsoonida ay bulshada Soomaaliyeed ku qabaan hay’adaha ammaanka. Sidoo kale waxa uu ku ammaanay muwaadinkaas dhiiranaanta iyo wadaniyadda uu muujiyey ee uu ku badbaadiyey nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed. Ciidanka hay’adda NISA ayaa horraantii bishii May fashiliyay qaraxaasi, oo kooxda Al-Shabaab la damacsaneyd Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxay xilligaasi ciidanka NISA ay gacanta ku dhigeen jaakado ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa oo la doonayay in la galiyo gudaha Beerta Nabadda iyo Mooto Bajaaj qayb ka ahayd qorshaha weerarkaasi la fashiliyay. Agaasimaha hay’adda NISA Mahad Maxamed Salad ayaa tan iyo markii uu la wareegay hoggaanka hay’adda, ayaa waxa uu dib u habeyn ballaaran ku sameeyay NISA, oo mar si weyn ugu dhex milantay arrimaha siyaasadda, xilli ay hadda safka hore uga jirto dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. The post Xamza oo $20,000 guddoonsiiyay wiil dhalinyaro ah oo soo sheegay qarax la fashiliyay appeared first on Caasimada Online.
-
Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay dil wiil dhalinyaro ahaa loogu geystay degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose. Dilkan oo ka dhacay xaafada Dhagax-tuur, ayaa waxay kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garan ay dileen Cabdiqaadir Cabdi Cismaan oo loo yaqaanay (Jawaari). Cabdiqaadir Jawaari ayaa waxa uu ahaa wiil dhalinyaro ah oo si weyn looga yaqaanay xaafadaha degmadaasi. Wararka ayaa intaas kusii daraya in goobta dilka uu ka dhacay ay gaareen ciidamada Nabad-sugidda iyo Booliska magaalada, kuwaasi oo halkaasi ka sameeyay howl-galo balaaran. Ma jirto illaa hadda cid loo soo qabtay dilkaan ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyada oo aan weli si rasmi loo ogeyn cidda ka dambeeysa dilkaas. Hase ahaatee waxaa la sheegayaa in laamaha amaanka ay ku daba joogaan danbiilayaashii falkaasi geystay, oo ayagu markiiba iskaga baxsaday goobta. Si kastaba, Degmada Afgooye ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilal loo geysto dad shacab ah iyo dad u shaqeeya maamulka, waxaana inta badan baxsada oo la soo qaban ragga fuliya dilalkaasi qorsheysan. The post Faah-faahin ku saabsan dil ka dhacay AFGOOYE appeared first on Caasimada Online.
-
Maxkamadda Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa xukun ku ridday shan dhallinyaro ah oo lagu helay in qoys danyar ah oo ku nool Magaalada Boosaaso ay dhawaan kula kaceen fal tacadi ah, oo lagula kacay caruur huruda habeenimo. Mid ka mid ah dhallinyarada ayaa maxkamaddu ku xukuntay Lix sano oo xarig ah, Halka Afarta kale lagu xukumay min shan sano oo xabsi ah iyo min afar kun oo Dollar, taas oo maxkamaddu ku sheegtay ganaaxa falkii ay kula kaceen ee loo xiray. Dhalliyadaan ayaa waxaa ciidamada ammaanka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ay u qabteen, kadib markii falal aan dhaqanka iyo ansha ku jirin ay kula kaceen caruur huruda oo ay ay baraha bulshada soogaliyeen iyaga oo madaxa kaga istaagsan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxkamad racfaan ah oo ku taalla dalka Sweden ayaa Isniintii sheegtay, inaanay boolisku awood sharci u lahayn, inay diidaan ama hor-istaagaan mudaharaado la qorsheeyey oo la doonayey in lagu gubo Kitaabka barakaysan ee Quraanka Kariimka ah. Ka dib markii bishii January ee sannadkan lagu gubay Kitaabka Quraanka ah ee barakaysan, barxadda hore ee safaaradda Turkiga ee Stockholm ku taalla, ayaa arrintaasi waxay dhalisay cadho xooggan oo ka timi dunida Muslinka. Arrintaan ayaa horseedday mudaharaaddo lagu dalbanayo inaan la iibsan dhammaan alaabooyinka ay soo saarto Sweden, sidoo kale arrintani waxay cirka ku laashay rajadii dalka Sweden ee ahayd, inay ku biiraan isbahaysiga NATO. Bishii February, waxaa markale codsi gudbistay laba kooxood oo qorsheeyey inay barxadda hore ee safaaradaha Turkiga iyo Ciraaq ku gubaan, kitaabka Quraanka ah, hase ahaatee arrintaas waxaa diiday ciidamada booliska ee dalkaas, iyaga oo sheegay, in tallaabadii bishii January inay Sweden ka dhigtay mid bartilmaameed u ah weerarada. Hase ahaatee arrintaas waxaa racfaan ka qaatay, dhinacyada soo abaabulay labada mudaharaad, iyaga oo maxkamadda geeyey kiiskooda. Maxkamadda ayaa sheegtay in amarka iyo dhibaatada amni ee boolisku sheegay, inaanay lahayn tilmaamo cad oo ku xidhaya, in mudaharaadada la qorsheeyey ay sababi karaan dhibaato degdeg ah. Maxkamadda ayaa sheegtay in go’aankeeda laga qaadan karo racfaan, isla markaana loo qaadan karo maxkamadda sare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The African Union and a unit of Temasek Holdings Pte (SMEC) are considering backing a plan to develop as many as 123 new cities across Africa, as reported (https://apo-opa.info/3Nq2831) by Bloomberg. The plan has been developed by Africa123 (https://apo-opa.info/3NbnXlM). ”The Africa Foresight Fund is proud to be participating in a very exciting multigenerational Pan-African development vision. The company is pleased to have been able to assist in bringing together industry players – Africa123 and SMEC – for this exciting opportunity, with the ultimate goal of leading in green urbanism for African generations to come,” says Jacques NdoutouMvé, co-founder and director of the Africa Foresight Fund (AFF). ”For investors, from institutional funds to family offices, the African continent is globally significant and will be a centre of gravity in the very near future”. SMEC is a global infrastructure advisory firm that’s owned by a unit of Singapore’s Temasek, which holds a portfolio of roughly $300 billion. The Africa Foresight Fund (AFF) is currently presenting investors with Milkwood City (https://apo-opa.info/3N57OOx), just north of Cape Town, a major project in the Africa123 portfolio: ”A green city of the future in beautiful South Africa,” says NdoutouMvé. ‘’The land opportunity underpins an incredible new urban centre.’’ AFF is a South African-based private equity fund company with a representative office in Toronto, Canada. Email jacquesn@africaforesight.fund Source Africa Foresight Fund Qaran News
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya howl-gal qorsheysan oo xalay ciidamada Booliska Puntland ay ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso. Booliska ayaa howl-galkaas ku burburiyay warshad Khamriga samaysa oo ku taallay xaafad ka tirsan magaalada Boosaaso. Qoraal kasoo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in howl-galka lagu baabi’iyay warshadda Khamriga ay fuliyeen ciidamo uu hoggaaminayo taliyaha saldhiga bartamaha Boosaaso Dhamme Cabdullaahi Faras. “Taliyaha Saldhiga Bartamaha Bosaso Dhamme Cabdilaahi Faras iyo ciidamo uu hogaaminayay ayaa caawa sameeyay Howlgalo ka dhan ah Maandooriyaha waxaana inta ay howlgaladu socday lagu burburiyay Warshad khamriga lagu sameeynayay oo ku taalay mid ka mid ah xaafadaha Bosaso,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska Puntland. Taliye Cabdilaahi Faras ayaa dhankiisa sheegay inay sii wadayaan howl-galada ka dhanka ah maandooriyaha, “Waxaan had iyo jeer xoojin doonaa howlgaladan anagoo dabar goyn doona Maandooriyaha si loo helo deegaan xasiloon oo amni ah” Ciidamada Booliska Puntland ayaa muddooyinkii dambe xoojiyay dagaalka ka dhanka ah maandooriyaha, kuwaasi oo si gaar ah loogu beegsanayo kooxaha ka ganacsada maandooriyaha, oo dhibaato badan ku haya bulshada maamulkaasi. Dhawaan ayay aheyd markii magaalada Garoowe uu iska hor-imaad khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay ku dhexmaray ciidanka Booliska iyo rag hubaysan oo lala xiriirinayo maandooriyaha Khamriga. Kooxaha isticmaala maandooriyaha Khamriga oo horseeday falal amni-darro ayaa muddooyinkii danbe ku soo badanaya magaalooyinka maamulkaasi. The post Booliska Puntland oo burburiyay warshad lagu sameeyo Khamriga + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Ghana ayaa dib u heshay maqaamkeeda ahaa in ay hormuud ka tahay wax soo saarka dahabka ee Afrika ka dib markii 32% sare u kac ku yimid wax soo saarka dahabka sanadkii hore. Rugta Macdanta ee Ghana ayaa u sababaeysay horumarkan kororka wax soo saarka ee macdanta yaryar iyo kuwa waaweyn labadaba. Inta badan kaymaha dalka, webiyada iyo biyaha kale, ayaa waxaa waxyeello u geystay qodista dahabka ee sharci darrada ah, taasoo keentay walaac caafimaad darro ah oo soo food saartay bulshooyinka macdan qodista. Caan ka ah magaca galamsey, macdanta yar yar ayaa isha nololeed u ahayd dhalinyaro badan oo shaqo la’aan ah koonfurta Ghana. Source
-
Qaxooti magangalyo doonka ah oo tiradoodu gaareyso 134 ruux ayaa waxaa laga soo daadgureeyay dalka Liibiya waxaana ay si nabad ah ku gaareen dalka Ruwanda, iyadoo halkaas oo si daaran loogu soo dhoweeyay. Qoxootigaan ayaa waxaa ay isugu jiraan wadamo dhowr ah waxaana kamid ah Soomaalilay, 64 ayaa u dhashay Eritrea, 35 Sudan, 15 Soomaali ah, 17 Itoobiyan ah, 2 Cameroon iyo 1 Mali u dhashay. Qoxootigaan ayaa waxaa la qorsheeyay in la dejiyo Xarunta Gaadiidka Gashora, halkaas oo ah oo la dajiyo Qaxootiga dalkaan dib loogu soo celiyo in dib looga celiyo dalalkii ay u kala dhasheen. Xaruntaan oo gacanta ku heyso UNHCR ayaa tan iyo 2019, Ruwanda waxay ku martigelisay in ka badan 1,600 magangalyo doon ah. Muddadaas, waxay ka shaqaynaysay sidii ay xal ugu heli lahayd dadkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa gargaar Beni’aadannimo waxa ay gaarsiisay degmada Af-madow ee gobolka Jubbada hoose. Gargaarkan ayaa loogu talagalay dadka abaaraha ay ku saameesay degaannada iyo baadiyaha fog ee gobolka, kuwaas oo la daalaa dhacaya xaalado beni’aadannimo. Deeqdan oo Hay’adda SoDMA maanta ka daabushay Muqdisho ayaa waxaa horkacayay Madaxa Qeybta Caafimaadka Xarunta Howlgalka Degdega ee Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Dr. Cabdullaahi Muuse Axmed, kaasi oo ku wareejiyay Maamulka Degmadda Afmadow. Madaxa Qeybta Caafimaadka Hay’adda SoDMA oo ugu horeyn faahfaahin ka bixiyay gargaarkan ayaa sheegay in Hay’addu mar waliba ay ka go’antahay u gurmashada dadka dhibaataysan. Guddoomiyaha Degmade Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose Mudane Maxamed Amiin ayaa u mahadceliyay Hay’adda SoDMA, isaga oo sheegay in gargaarkan uu ku soo aaday xiligii loogu talagalay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
kumannaan kalluun ayaa dhintay kuna soo caariyay xeebta Dhinaca Gacanka ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka, arrintaan ayaa siyaabo kale duwan looga hadlay, waxaana wali aan la shaacin sababta keentay in Kalluuntaas intaas la eg ay dhintaan. Khubarada qaar ee gobolka ayaa sheegay in ay arrintan ay sabab u tahay Ogsajiinta Oxygen oo yaraatay, taas oo ay ugu wacan tahay heerkulka biyaha oo sarreeya, taasna uu xamili waayay in Kalluunka uu ku dhex noolaado, waxaana geeriyootay kumannaan Kalluunka ah. Xilliyadaan oo kale marka la gaaro Xagaayaha waxaa inta badan baddu ay noqotaa mid aad u kulul wadamada qaar, waxaana sidoo kale dhacda in bad xiran uu dhaco oo safarka badaha xitaa uu yaraado, noolaha ku nool gunta badda ayaa dareemay kul daran. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxkamadda Boosaaso, waxaa hadda ka socota dhegeysiga gar-maqalka Shan eedaysan oo loo haysto gabood-fal lagu sameeyay qoys danyar ah. Kooxdan ayaa lagu haystaa in ay qoyska gurigooda ugu dhaceen xilli habeen ah oo la hurday, islamarkaana dil iyo gubis ugu hanjabeen, si ay u cabsi geliyaan. Dhammaan shanta eedaysane ayaa sida la caddeeyay qiraal ku ah kiiskan, kadib baaritaan ay ku samaysay waaxda C.I.D, ka hor inta loo gudbin maxkamadda. PUNTLAND POST The post Boosaaso: Rag ku eedaysan tacaddi lagu sameeyay qoys danyar ah oo maxkamad la soo taagay appeared first on Puntland Post.
-
Toronto (HOL) - In the grand tapestry of urban design, Zanira Ali, an architecture graduate from the University of Toronto, emerges as a beacon of inspiration. Guided by an unwavering determination to lead by example, she embarked on a transformative journey at the university, driven by her passion for community-based architecture and a burning desire to shatter barriers. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa kulan muhiim ah la qaatay safiirka wadanka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mr. Fei Shengchao. Labada masuul ayaa waxay ka wada-hadleen xiriirka labada dal iyo sidii ay la iskaga kaashan, oo kor loogu qaadi lahaa dhinacyada ganacsiga iyo dhaqaalaha. Sidoo kale waxa ay si wada-jir ah u soo dhaweeyeen muhiimadda iskaashi ganacsi oo dhexmara labada dal, dhiiri-gelinta maalgashiga gaar ahaan isku xirka ganacsatada Soomaalida iyo kuwa Shiinaha. Iskaashigan ayaa dhabaha u jeexaya abuurista fursado ganacsi oo labada dhinac ah iyo weliba sidii looga wada-shaqeyn lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ayaa waxa uu safiirka la wadaagay dadaalada ay ka dowlad ahaan sameeyeen ee khuseeya horumarinta iyo fududeynta ganacsiga wadanka. Waxa uu hoosta ka xariiqay in maanta Soomaaliya u diyaarsan tahay inay wadanka ku soo dhaweeyaan maalgashadayaal caalami ah, si kor looggu qaado wax soo saarka waddanka, si ay Soomaaliya dheelitir ganacsi u la yeelato waddamada caalamka. Dowladda Shiinaha ayaa kamid ah dowladdaha taageerada siiya Soomaaliya, ayada oo dhowr jeerna ay labada dhinac heshiisyo kala duwan kala saxiixdeen, kuwaasi oo qeyb ka ah horumarinta Soomaaliya. The post DF Somalia iyo Shiinaha ‘oo kor u qaadaya’ iskaashiga laba dhinac oo muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - The Rwandan government has welcomed 134 refugees and asylum seekers who were evacuated from unstable conditions in Libya. Source: Hiiraan Online
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay meertada 14-aad ee shirka IGAD, ayaa shaaciyay halka uu marayo heshiiskii dhawaan Golaha Wadatashiga Qaranka uu ku gaaray Muqdisho. Madaxweyne Xasan ayaa marka hore xusay in shirkaasi kasoo baxeen go’aano muhiim ah oo ay ku jirto in doorasho iyo qof cod ah dalka loo diyaariyo. Waxa uu sheegay in heshiiskii lagu gaaray shirkaasi, ay hadda ka shaqeynayaan golayaasha dowladdu hirgalinta heshiiskaas, xilli ay si adag uga soo horjeesteen siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamulka Puntland. Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu khudbadiisa ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay tallaabooyin muhiim u ah qaaday si loo nabadeeyo dalka, oo ay ugu horreyso dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo looga saaray dhul baaxad leh oo ka tirsan gobolada Shabeellooyinka, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug. “Nabad iyo nidaam dowladeed ayay ku naaloonayaan deegaanada iyo degmooyin ay kooxdu cadaadiska ku haysay muddo 15 sano ah.” Waxa uu sheegay in deegaanada iyo degmooyinka laga saaray Al-Shabaab ay ka socdaan mashaariic horumarineed oo lagu dhisayo adeegyada bulshada, lana xoojiyey ammaankooda, taas oo suura galisay inaysan argagixisadu dib ugu soo laaban. Mudane Xasan Sheekh ayaa waxa kale oo uu madaxda IGAD la wadaagay in dowladdu tallaabooyin u qaaday dhinaca horumarinta nidaamka dowladeed, iyada oo la joogteyanayo kulamada golaha Wadatashiga Qaranka, ayna qabsoomeen ilaa lixbkulan tan iyo intii uu xafiiska Villa Somalia dib ugu soo laabtay. Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu garab istaag u muujiyey dalka Suudaan oo ay colaadi ka socoto, wuxuuna madaxda dalalka ku jira urur-goboleedka IGAD ku booriyey inay qaataan doorkooda nabad ku soo dabaalidda dalkaasi iyo meelaha kale ee xasaraduhu ka jiraan. The post XASAN oo shaaciyay ‘marxalada uu marayo’ heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka appeared first on Caasimada Online.
-
Booliska Puntland ayaa xalay shaaciyay in ay hawlgal qorshaysan ku burburiyeen warshad Khamriga samaysa oo ku taalla Boosaaso. War kooban oo uu soo saaray Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in hawlgalkaas lagu burburiyay warshad khamtiga samaysa oo ku taallay xaafad ka tirsan magaalada Boosaaso. Qoraalka ayaa intaas ku daray in hawlgalka lagu baabi’iyay warshadda Khamtiga ay fuliyeen ciidamo uu hoggaaminayo taliyaha saldhiga bartamaha Boosaaso dhamme Cabdullaahi Faras. ” Taliyaha Saldhiga Bartamaha Bosaso dhamme Cabdilaahi Faras iyo ciidamo uu hogaaminayay ayaa caawa sameeyay Howlgalo ka dhan ah Maandooriyaha waxaana inta ay howlgaladu socday lagu burburiyay Warshad khamriga lagu sameeynayay oo ku taalay mid ka mid ah xaafadaha Bosaso ” ayaa lagu yiri warkaas. PUNTLAND POST The post Booliska Puntland oo Boosaaso ku burburiyay warshad samaysa Khamriga appeared first on Puntland Post.
