-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Bardaale ee gobolka Bokool, waxaana ka dhashay khasaare kale duwan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira. inta la xaqiijiyay lix askar ayaa geeriyootay oo Milatariga ah, tiro kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo, sida laga soo xigtay maamulka degmada, mana jirto cid wali kale dhex gashay dhinacyada dagaalamay ee ciidanka ah. Waxaa wali ishorfadhiya labada ciidan, waxaana la sheegayaa in dagaalkooda uu yimid kadib markii muran uu soo kala dhex galay taas oo keentay in ay dagaalamaan , iyaga iska dilay lix askari iyo dhaawaca tiro kale oo jira. Dagaalka degmada Ceelbarde ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dagaal u dhaxeeya ciidanka Milatariga iyo kuwa Daraawiishta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uu ka dhacay magaalada Baraawe, kaas oo khasaare sababay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hoggaamiyaha mucaardka Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in uu dadka Kenyaanka ah u horseedi doono in ay ka soo horjeestaan in la meel mariyo hindise sharciyeedka Maaliyadda 2023 kaas oo uu ku tilmaamay ciqaab iyo dib u dhac ku yimid dadaallada lagu ciribtirayo faqriga dalka kajira. Mr. Odinga, oo booqday Suuqa Toi ee Kibra oo la burburiyay Axadii la soo dhaafay, ayaa dhaliilay arrimaha ugu muhiimsan ee Hindise sharciyeedka oo ay ka mid yihiin canshuurta boqolkiiba 16-ka ah ee batroolka, canshuurta guryaha, iyo magdhowga caymiska. Hogaamiyaha Azimio ayaa ka codsaday dowladda in ay billowdo wada hadal heer qaran ah oo looga hadlayo canshuurta adag iyadoo ujeedadu tahay in kenyaanka lagu qanciyo in ay taageeraan ajendaha halkii ay ku qasbi lahaayeen shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha in ay bixiyaan canshuurta boqolkiiba 1.5 ah. “Sharciga Maaliyadda waxa uu muujinayaa ciqaabtii ugu dambeysay, Hadii uu halkan yimaado sharciga maaliyadda, dadka Kenyaanka ah ayaa noqon doona kuwa kaliya ee bixiya canshuurta, ma jirto cid dowladda ka mamnuucday in ay canshuur qaado, xarumo canshuur qaadis ayaa horay u jirtay, dowladdii Uhuru waxay dadka ka qaadi jirtay canshuur, wayna shaqaynaysay,” ayuu yiri. Hadalkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhowaan ciidamada dowladda hoose ay burburiyeen Toi ee Kibra oo kamid ahaa suuqyada magaalada ka caanka ah, waxaana bannaanbaxaan looga soo horjeedaa hindisaha ay dowladdu damacsan tahay in canshuuro adag lagu saaro dadka Kenyanka ah, iyadoo Mucaaradku ay sheegayaan in arrintaan ay horseedi karto in dowladda ay shacabku ka horyimaadaan sida uu sheegay Raila Odinga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Puntland ayaa sheegaya in ay sii xoogeysatay xiisadda ka taagan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, taas oo ka dhalatay doorashada golaha deegaanka oo aan weli laga qaban gudaha degmadaasi. Garoowe ayaa haatan wajaheysa xaalad hubanti la’aan, waxaana si weyn isku haya madaxweyne Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka ee maamulka Puntland. Shacabka Garoowe, gaar ahaan kuwa dagan aagga xarunta Baarlamaanka ayaa xalay loo daadiyay waraaqado digniin ah, taas oo loogu sheegayo inay ka guuraan halkaasi. Digniinta ayaa si toos ah ugu socotay golaha wakiilada oo looga digay inay furaan dastuurka Puntland, maadaama uu maanta u furmayo kalfadhigooda. Sidoo kale waxaa xalay magaalada ka dhacay weerar qorsheysan oo lagu qaaday guriga xildhibaan C/qani Dhaashane oo ka tirsan baarlamaanka Puntland, kaas oo shalay si adag uga hadlay qabashada doorashada degmooyinka gobolka Nugaal ee aan weli la qaban. Xildhibaanka ayaa ka badbaaday weerarkan, wuxuuna ku eedeeyay inay ka dambeeyaan xubnaha mucaaradka ee maamulkaasi. “Weerar la’igu soo qaaday aniga, gurigeyga iyo gaarigeyga waxaa la’iigu horgooyay baabuur weyn oo daaqadda u furan tahay, waxaana kasoo dagay 5 nin oo wajiga xirtay qoryana wata waxaa la’iigu bilaabay xabad laakiin wax igu dhacay ma leh Alxamdulilaah” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Nimankaas waxay lahaayeen ma adigaa dastuur furi kara oo isku dayi kara inaad beri furtid”. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xaaladda ayaa u muuqata inay faraha kasii baxayso, maadaama labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan Garoowe. Si kastaba, Puntland weli waxa aan xal laga gaarin qabashada doorashada golaha deegaanka Garoowe, Godobjiiraan iyo Dangorayo oo mucaaridka ay diiddan yihiin. The post Daawo: Xiisadda magaalada Garoowe oo ka sii dartay appeared first on Caasimada Online.
-
A delegation from the African Union (AU) Military Staff Committee which form part of the AU Peace and Security Council has concluded a fact-finding mission to Somalia to assess the security situation ahead of the planned reduction of ATMIS troops at the end of this month and in September 2023. Source: Hiiraan Online
-
Xukuumadda Puntland ayaa digniin ka soo saartay imtixaanka shahaadiga ah ee Somaliland oo lagu wado in uu bilowdo maalmaha soo socda. Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa digniin u jeedisay dhammaan dugsiyada Waxbarashada Gobolka Sanaag in aysan geli karin imtixaanka Somaliland. Wasaaradda ayaa sheegtay in guud ahaan ardayda ku sugan Gobolka Sanaag ay galeen imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland sidaas darteedna aan loo baahnayn imtixaan kale. PUNTLAND POST The post Puntland oo digniin ka soo saartay imtixaanka shahaadiga ah ee Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
38 liters “Human Urine” found in “oud perfume factory” Jeddah Police have caught ten 38 liters of human urine 🧴 in a perfume-making company. The municipality team raided the warehouse, which was allocated for keeping material for forming perfume and fragrances. The team was shocked to see gallons filled with human urine, which was present on the premises of the warehouse. It was evident that the warehouse material is used in perfumes, later sold in the market. Civil Defense For the first instance, the team sealed the warehouse and disposed of the urine stock. This was not the only stinging material present in the warehouse; there were also many drums of perfumed oil that had to be sold in the market as Oud. The raiding team took custody of oils, raw materials, and perfume bottles. The team handed over the matter to Civil Defense and let the Ministry of Commerce and Industry be involved in the matter immediately. Arrest of Expats The warehouse has been shut down until foreign workers who are running this perfume factory are arrested. The Ministry of Commerce and Industry has taken immediate action, and arrest warrants for these foreign workers have been issued. The operator of the warehouse has been fined for the presence of illegal raw material, including human urine. The investigation has been started The warehouse had no license for perfume making and has also been found committing other health violations. The police and civil security department have started investigating why such a huge quantity of stinging human urine was accumulated and its purpose. It is suspected that these illegal workers were using human urine in the making of local perfumes and later sold them in the market. The municipality team extended its raids after this incident. Qaran News
-
Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawda XFS qaybta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), waxay ku wargelinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo cidda ay quseyso; inan wax fiiso ah looga baahneyn inuu horay usoo qaato qof kasta oo Soomaali ah ee sita Baasaboor kasta iyo goob walba oo ka soo dhoofayo, waxaana fiisaha lagu siinaya garoommada Dalka (visas on arrival). Qaran News
-
Former DPP Noordin Haji was on Wednesday sworn in as the NIS director-general at State House, Nairobi a day after House Intelligence Committee gave nod to his nomination as the country’s next spymaster and got Parliament’s approval. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal ka kala socday beelaha Irir-samaale ee Dir iyo Mogadishu Clan ayaa ku shiray magaalada Muqdisho, waxayna soo saareen bayaan ay digniin u dirayaan beelaha Digil iyo Mirifle. Sidoo kale madaxweynaha Koonfur Galbeed ayey uga digeen qorshe dagaal oo ay sheegeen inuu ka hurinayo Baraawe, sibey yiraahdee uu u barakiciyo dadka ka soo jeeda beelaha Irir-samaale. “In Koonfur Galbeed aysan dooneyn in Baraawe lagu wada noolaado waxaan daliil u ah, Dir ama Mogadishu Clan waxay maamulkaas ku leeyihiin madaxweyne ku xigeen, maamul aan madaxweyne ku xigeen laheyn ma jiro, balse kan waxaa loogu diiday in Irir-samaale uu wax ku yeesho,” ayuu yiri Suldaan Cabdullahi Cali Geedi. Suldaan Cabdullahi oo sii hadlaayey ayaa Madaxweyne Laftagareen ugu baaqay in ciidanka uu keenay Baraawe uu ka saaro inta aan lagu leyn, sida uu ku goodiyey. Odayaashaan ayaa sidoo kale ku hanjabay in gobolka Shabeellada Hoose ay ka jari doonaan K/Galbeed oo Banaadir ay ku soo dari doonaan, hadaan laga siin saamiga ay beelaha Irir-samaale ku leeyihiin hoggaanka maamulkaas. Dhankiisa Caaqil Cabdullaahi Xalane Dhuxulow ayaa yiri “Ciidan meel daggan oo ciidan la dul-dajiyey wali lama arag, waxaan caddeyneynaa haddii xurmo la waayey oo xishood dhamaaday, waxaan ku dhameyneynaa ninba tabartii, ninba taagti.” Caaqil Cabdullaahi Xalane ayaa madaxweynaha K/Galbeed ku eedeeyey inuu xoog uga saarayo magaalada Baraawe ciidankii ka xoreeyey Al-Shabaab oo joogay 10-kii sano ee lasoo dhaafay. “Waa nasiib darro in maanta nala yiraahdo waxaa la idinka saarayaa Sh/Hoose, xukuumadda Muqdisho waxaan u sheegeynaa in Siinkadheer ilaa Kuunyabarow wixii ka dhacay ay masuuliyadooda qaadi doonto K/Galbeed. Hoos ka daawo The post Daawo: Beelaha Irir-Samaale oo u midoobey xiisadda ka taagan degmada Baraawe appeared first on Caasimada Online.
-
Eight Kenyan police officers were killed when their vehicle was destroyed by an improvised explosive device in a suspected attack by Somalia-based rebel group al-Shabab, police said. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa weerar culus ku qaaday Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kullane oo ka tirsan golaha shacabka. Cali Yare ayaa ka fal-celiyay qoraal uu Kullane soo dhigay bartiisa Facebook, kaasi oo uu ku sheegay in gobolka Gedo aysan suurtagal aheyn in loo gacan geliyo Jubbaland. “Nin kasta iyo koox kasta oo ku hamineysa ama haatan ku hawlan in ay gobol weynaha Gedo, ku dirqiyaan, ku jajuubaan ama tooda mutuxan u meeriyaan; waxaan leeyahay hays lugoynina,” ayuu Kullane ku yiri qoraalka. “Sina Suurtagal uma aha umana noqon doonto in Gedo la muquuniyo. Shalay bay ahayd oo lasoo tijaabiyey iyadoo la wato dawladdo shisheeye oo cudud ciidan ka joogto Jubbaland sidoo kale xadka ugu dheer la wadaaga Gedo, waana socon wayday.” Cali Yare ayaa Kullane ku eedeeyay inuu isagu qeyb ka yahay heerka ay Gedo taagan tahay maanta, isaga oo usoo jeediyay “inuu cafis waydiisto reer Gedo,” uuna qaddiyadeeda ugala sinaaddo Soomaalida kale. Hoos ka aqriso qoraalka Cali Yare Cali oo dhameystiran; Ruuxkasta oo indheergaradka Gedo ka tirsan oon kulannay waxay si aan kala qeybsanaan laheyn oo tiiraanyo laga dheehan karay iigu sheegayeen mahadhooyinka iyo fashilkii uu saaxiibkeeyga qoraalkaan qoray u horseeday reer Gedo iyo siyaasaddii dowladdii Madaxweyne Farmaajo ee wajahneeyd gedo. Waaba amakaage saakay waxaan aqrinayaa isagii oo ku baroor darsanaya dadkii uu heerka ugu hooseeya oo uu gaarsiiyay. Tan ugu sahlan ee tusaalaha loogu soo qaadan karo ay aheyd; in kuraastoodii uu nin Axmed Madoobe la dhaho oo reer kale ah uu ku soo qorto Teendho xuduudka Kenya ku taalla. Inta xog-ogaalka ah waxay iiga marqaati-furi doonaan in sababta 16-kaas Kursi loo dhaafsaday ay aheyd helitaanka hal kursi oo aanay reer Gedo laheyn, kuna abtirsan. Waana isla kursigii sababay inuu burburo shirkii Dhuusamareeb oo hadana nasiib darro markale sii sababay inuu dhinto xiriirkii xariirta ahaa ee Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne QoorQoor, heer uu Madaxweyne QoorQoor u diido Madaxweyne Farmaajo musharixii uu kursigii beeshiisa hoose ee reer Dalal xildhibaannimada la jeclaa oo ahaa ruug caddaa siyaasadeed oo heer ku-sime Ra’isalwasaare gaaray Si kale haddaan u dhigo, waa kursigii dartiis uu Madaxweyne Farmaajo ku waayay kursigiisii madaxweynennimo waxaana tusaale u ah inuu kursigaas dartiis ku waayay 16 kursi oo Gedo ah iyo 31 Kursi oo Galmudug ah (47 COD). Hal talo ayaan xildhibaanka siin lahaa, taas oo ah “Intii horana cafis waydiiso reer Gedo, hadana ha uga sii darin ee adiga iyo xildhibaanka Seylac matala u sinnaada qadiyadda Gedo.” The post Cali Yare oo weerar culus ku qaaday Kulane Jiis – “Cafis weydiiso dadka reer GEDO” appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa shalay magaalada Kismaayo ku qaabilay Taliyaha Howl-galka Mareykanka ee AFRICOM General Michael E. Langley. General Michael E. Langley ayaa booqasho ku jooga magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad-goboleedka Jubbaland. Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa saraakiisha howl-galka AFRICOM, ATMIS, saraakiisha hay’adaha amniga Jubbaland iyo ciidamada xooga dalka. Waxaa shir-guddoomiyay kulankaan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa guddoomiyay madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana lagaga hadlay xaalada guud ee amniga. Sidoo kale waxaa diirada lagu saaray kulankaan bilowga wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ee dalka looga xoraynayo kooxda. Kulankaan ayaa imanaya, ayada oo haatan Jubbaland u diyaar garoweyso howl-gallo lagu xoreynayo deegaanada ay weli maamulkaas ka joogaan xoogaga Al-Shabaab. Ujeedka ayaa ah in la qabto degmada Jilib oo ah xarunta gobolka Jubbada Dhexe, isla-markaana uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee kooxda Al-Shabaab. Guud ahaan dalka waxaa ka socda diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ee looga xoreynayo goobaha ay ka joogaan Soomaaliya. Si kastaba, Wejigii hore ee howl-galka ayaa Al-Shabaab lagaga saaray inta badan deegaanadii ay kaga sugnaayeen dowlad-goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya, sidii dowladdiisu ay dalka kaga cirib-tiri laheyd mintidiinta Al-Shabaab, waxayna dhawaan kooxda wajihi doonta wejigii ugu adkaa ee dagaalka ka dhanka ah oo ay qeyb ka noqonayaan dalalka deriska. The post Jeneral Michael Langley oo la kulmay Axmed Madoobe xilli la qorsheynayo in Jilib… appeared first on Caasimada Online.
-
“Kursigu waa tartan iyo dadaal cid la iska saarayaa ma jiro Hadduu isagu wax u hayo haw doonto.” Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir. Qaran News
-
Dooddii Cabdirisaaq Khaliif: Duntii Go’day! “Allow yaa wixii hore tagee, taliya oo yeela”, Abwaan baa la ga hayay. “Runtu daahir yaa shamis, ha ku deeqdo weeyaan”, Taas na abwaan kale ayaa la ga qoray! 72 saacadood ayaa ka soo wareegtay hadalkii garnaqsiga ahaa ee Khaliif, ilaa hadda na hadalhayntiisii waa socotaa. Ninkaasi sida dad badani sameeyaan muu is ka hadlin, wuu se hadlay. Hadalkii Jabuutaawi kii soo labeeya ee u gu xoogga iyo saamaynta badnaa buu ahaa marka la eego doodda reer-Laascaanood. Waxa aan eegaayay jawaabta ka timaadda dhinaca warku u socday, sidii aan malaynaayay na jawaab micno lehi ka ma iman. Khaliif waxa uu sheegay sababta uu u tegay intii aanu dagaalku ba qarxin, iyo in uu taliska jira, khaasatan Muuse oo wax aan dagaal ahayn aan doonayn, ka quustay. Hadaba, in kasta oo mawqifkiisa kan ah la fili karaayay marka la eego waxa dhacay, hadana marka la qiimeeyo waxa la gu tilmaami karaa duntii u dambaysay ee Somaliland iyo dadkaas isu haysay oo go’day. Sida la wada ogyahay, beesha Sool clan Somaliland aragtiyo ka la duwan ayay ka haysteen, dabcan qadiyadaha kale na aragtiyo ka la duwan ayay ka lahaayeen, weli na ka leeyihiin. Sool clan fikir ahaan Somalilandaysan oo weliba tiradoodu soo kordayso, kuwo Puntlandaysan, iyo kuwo Muqdishaysan ayay isugu jireen, imika se kooxda u horaysa ayaa gebi ahaanba Meesha ka baxday waxa Laascaanood ka dhacay awgeed. Is la sababtaas darteed, ayay dadkii deegaankaas ee fikirka Somaliland xambaarsanaa oo dhami u dhigeen. Khaliif waxa ka horeeyay golihii deegaanka ee siyaasadda Somaliland iyo xisbiyada Somaliland ku tartamay, ee ku qanacsanaa, ee la gu doortay. Waxa ka mid ah cutubyadii ciidanka ee deegaamadaas ka soo jeeday oo dhan, oo dhinaca kale ka soo jeedsaday. Waxa ka mid ah shaqaalihii rayidka ahaa ee dawladda Somaliland halkaas u joogay. Waxa ka mid ah hogaamiyayaashii ururada siyaasadda – Cataash iyo Saleebaan – oo sidaas Khaliif oo kale go’aamo aanay dhawr bilood hortood ku fikirayn qaatay. Waxa ka huleelay ganacsatadii Jabuutaawi ka mid ahaa, ee Somaliland iyo xisbiga Kulmiye taageersanaa; waxaa la mid ah odayaashii Garaad Jaamac ka mid ahaa. Imika, su’aashu waxa ay tahay, dadkaas oo dhan, ee Khaliif u dambeeyay maxay Somaliland u ga tageen? Muuse iyo inta la fikirka ahi weydiintaas waxa ay u hayaan jawaab fudud, oo aad u fudud, oo toos ah. Waxa ay leeyihiin dadkaas Somaliland afka uun bay ka ahayd ee uurka ma jirin, hadii ay tageen na, waa khaayimiin tagtay uun. Jawaabtoodu taas weeye, waa se ogyihiin in aanay ahayn tii saxda ahayd. Waa jawaab dani badday, oo ay is leeyihiin taas baa loo gu qaatay, runta se aad ayay u ga fogtahay. Runeey la gu neceb, lagaama se raysto. Haba qadhaadhaato hadii ay doonto, waa se in run la isu sheego. Sababta dadkaas oo bilo yar hortood Somaliland ahaa, oo doorashooyinkeeda ka qayb galay, oo ganacsiyadooda Hargeysa ka furtay, oo reerahoodu deganaayeen, ay si aan ka la hadh lahayn jihada kale u gu kaceen, wax mugdi ahi ma ku jiro. Waa siyaasad xumada Hargeysa taallaa, taas oo Laascaanood si aan soo noqosho lahayn u dirtay, Laasqoray oo ka horaysay na dirtay. Taariikhda awgeed, saddex qalad oo is raacay, oo anigu markii hore aan u arkaayay in ay nacasnimo iyo ku talagal la’aan u dheceen, dib se aan ka garowsaday in ay u kas ahaayeen, ayaa wax kasta oo dhacay sabab u ah. (1), Diidmadii hirgelinta heshiiskii Khaatumo ee Cali Khaliif iyo Somaliland is la gaadheen, oo Muuse uu badheedh iyo bilaa sabab u diiday. Qof sheegi kara sabab maangal ah ma jiro. (2), Wax ka qabad la’aanta dilkii ugaadhsiga ahaa ee Laascaanood ka socday, iyo (3), dhacdadii 27 December, 2022, waa maalintii dadka rayidka ah ee aan hubaysnayn la gu dhug bartay, ee hubka nooc walba leh loo nacay. Saddexdas xaqiiqo hadii sidaas si ka duwan loo maamuli lahaa, (waanan hubaa sidaas si ka duwan in la karaayay, aan se la doonayn), waxa maanta jooga oo dhami ma dhaceen. Xaasha. Daarood baa soo duulay iyo shabaab baa soo galay iwm, waa sheeko uu taliska faasidka ah ee Muuse eedda is ka ga duwaayo, ka se baydhi mayso. Dadka soo duulay iyo waxa ay sheegayaan oo dhami waa jiraan, laakiin maxaa keenay waxaas? Taas bay indhaha ka lalinayaan, waxba se u tari mayso. Hadaba, xaqiiqada maanta taallaa maxay tahay, maxaa se xal ah? Xaqiiqadu waa mid keliya. Sool clan Somaliland waa u ga dhamaatay. Qaybihii awalba aan ogolayn mashruuca Somaliland waa la wada ogaa, kuwii ogolaa na, kahsab baa la gu diray, oo albaabka la tusay. East Sanaag Clan iyaka saxaafadda ayaa fariin cad loo mariyay mar hore, waana tii la wada ogaa Nuux Taani fariintii uu TV yada u ga sheegay. Awalba xoolahayaga ayaad is ka cuni jirteen ee is ka taga ayaa la gu yidhi, waanay tageen, sidaas baanay degmooyinkoodii oo dhan u ga dhacday doorashadii Puntland ee dhawayd. Hadaba, kol hadii ay caddahay in siyaasi ahaan dadkaas loo ga samray, oo si kasta oo ay nidaamka siyaasiga ah u ga dhex bixi lahaayeen loo ga shaqeeyay, maxay tahay sababta ciidan ahaan uun loo gu dheganyahay ee wiilashu Goojacadde u gu dhimanayaan? Eeg, mid baan iyadu sinaba u suuroobayn – warka ah dhulku ma tago ee dadka ayaa taga, ilaa aanu xadka gaadhno na waa ku dhimanaynaa, marnaba suurtagal ma aha. Xadkii Tukaraq iyada oo aanay hal xabad ahi ka dicin baa la ga soo yaacay, oo Goojacadde la is ku soo ururiyay. Xaqiiqadii khasabtay in dagaal la’aan meeshaas loo ga soo baxo, ayaa halkan na loo ga baxayaa. Dadka dhulku hadii aanay ku ogolayn, ma joogaysid. Hadii aad maanta joogto na berito ma joogaysid. Markaa sabab wiilasha iyo dhaqaalaha loo gu baabiiyo ma ba jirto, laakiin dan gaaban oo shakhsiyaad leeyihiin baa ku dhex jirta. Is ku soo wada duub, xalku wuxu yahay, ciidankaas in la ga soo qaado meeshaas, caqli ga na la ga shaqaysiiyo. Doodaha ilaa maanta jira ee taas ka hor jeeda, laba ayaa u gu weyn – Goojacadde hadii la ga soo baxo, Sool clan halkaas ma joogayaan ee Burco iyo Ceerigaabo ayay imanayaan, run na ma aha. Doodda kale na, waa mid ka sii jilicsan, oo ah Laascaanood hadii faraha la ga qaado, Somaliland ka dambayn mayso. Labada doodoo dba waa been iyo is yeelyeel. Sool clan meel aan deegaankooda ahayn ma dooni karaan, hadii ay doonaan na ma helayaan. Besba. Ta Somaliland na, iyada oo Laascaanood maqan ayay jirtay, oo weliba caalamku, gaar ahaan Afrika, ay u hadal haysay sida maanta si ka shilis, oo Midowga Afrika warbixino mug leh ka soo saareen waagii Riyaale. Laascaanood Somaliland xoog ma ku qabsan, xoog na ku ma joogi karto, hadii ay is ku daydo na, dagaalkaasi isaga ayaa Laascaanood iyo Somaliland ta kale ba aakhirka burburinaaya. Siyaad Barre ayaa dabshidkii dagaalka Hargeysa iyo Burco u arkay wax aan shuqul ku lahayn oo meelo fog ka holcaaya, isna uu Xamar is ka fadhiyi doono, noqon se weyday. Iga dhan. Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
-
I came to America in June 2012, straight from the Dadaab refugee camp. Dadaab is a camp in northern Kenya, where mainly Somali refugees live. I had been in that refugee camp for 20 years — my family got there when I was a baby — when UNHCR, the UN Refugee Agency, and the US government gave me resettlement. I was in my early 20s. Source: Hiiraan Online
-
London (HOL) - In a significant development regarding the ongoing travel confusion faced by foreign-based Somali travellers, Somalia's Department of Immigration and Naturalization has issued a Notice to Airmen (NOTAM) on Wednesday through the Somali Civil Aviation Authority to clarify its stance. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Seddax ka mid ah ciidamadii macawiisley eek u dhaawacmay dagaaladii gobolka Shabeellada Dhexe looga xoreeyey kooxda Al-Shabaab oo lagu soo daaweeyey dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka. Raggaan ayaa si gaar ah ugu dhaawacmay dagaal muddo todobaad ah ka socday deegaanka Masaajid Cali-gaduud, waxayna nasiib u yeesheen inay helaan caafimaad dibadda ah. Maanta ayaa lagu soo dhaweeyey garoonka Aadan Cadde, iyagoo ka soo kabtay dhaawacyo halis ah oo ka soo gaaray dagaalka, waxaana garoonka ku soo dhaaweeyey masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo waxgarad u badan ehelka raggaan. Xildhibaan Cabdiraxmaan Moobileen oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii garoonka ku soo dhaweysay raggaan, “Maanta waan farxay markii aan arkay raggii iyagoo liita aan halkaan diyaaradda ka saarnay oo soo caafimaaday, waxaan ciidamada macawiisley ugu baaqaa in tani ay dhiiragelin u noqoto, dowladiinu waa idin garab taagan tahay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Moobileen. Cabaas Luunge, oo labadiisa lugood ku waayey dagaalka Al-Shabaab, Cabdi Geedi oo ku waayey Ishiisa iyo Aadan Xuseen oo dhaawac culus uu ka soo gaaray caloosha ayaa hadda warbaahinta u sheegay inay heleen daaweyn iyo daryeel dhameystiray. Sidoo kale raggaan oo heysta niyad aad u sareysa ayaa wacad ku maray inay dib ugu laaba doonaan furimaha dagaalka oo xoreynta dalka ay ka qeyb qaada doonaan. “Shalay markii diyaaradda nala saaray saan u ekeyn iyo saan maanta u egnahay iskuma dhawa, waxaa nala geeyey wadan dadkiisu ay aad noo ciseynayaan, abaalka naloogalay ma gudi karno,” ayuu yiri Cabaas Luunge oo xabadda Al-Shabaab ay ka jartay labada lugood. Cabdi Geedi oo xoreynta dalka ku waayey ishiida midig ayaa yiri, “Waxa nagu dhacay qadar ayey ahaayeen, sidaana ugama niyad jebi doono in dalka aan ka xoreysano Khawaarijta.” Hoos ka daawo The post Daawo: Dhaawacyadii ciidanka Macawiisley oo dib loogu soo celiyey Muqdisho kadib… appeared first on Caasimada Online.
-
Ceelbarde (Caasimada Online) – Dagaal kale oo u dhaxeeya ciidanka xoogga dalka iyo dawaariishta Koonfur Galbeed ayaa galabta ka dhacay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool, kaas oo geystay khasaare culus. Sidaan oo kale ciidmaada militeriga dowladda federaalka iyo kuwa daraawiishta K/Galbeed ayaa shalay ugu dagaalamaya magaalada Baraawe, xiisadda Baraawe oo weli taagan ayaa markii hore ka bilaabatay khilaaf askarta dhexdeeda ay, balse wuxuu dagaalkaasi isku bedelay mid qabiil. Dagaalka maanta Ceelbarde ka dhacay ayaa ka bilowday laba askari oo ka kala tirsan Daraawiishta iyo Militeriga oo murmay, kadibna is dilay waxaana la dilay oo xabadda lagala hor maray askarigii militeriga ahaa. Xildhibaan Maxamed Xuseen Geedi oo ka tirsan baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa dagaalkaas uga waramay Universal Tv, wuxuuna sheegay in horay magaalada uu uga taagnaa khilaaf maamul. “Magaalada waxaa ka jiray khilaaf salka ku hayey maamul loo soo magacaabay oo hadana toddoobaad gudihiis lagu bedelay, hadana xiisadda waxaa sii kiciyey dilka askariga,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Xuseen. Sidoo kale xildhibaanka oo sharaxay waxa dhex maray labada askari ee dagaalkaasi uu ka bilowday ayaa shaaciyey in gabar la fara xumeeyey uu ka soo bilowday dagaalka labada askari oo markii dambe mid la toogtay. Intaas kadib ciidanka militeriga ee degan Ceelbarde ayaa weeraray xerada ciidanka daraawiishta K/Galbeed, waxaana galabta maqribadii soo gaaray dagaal soo bilowday maanta duhurkii. Xildhibaanka ka hadlay dagaalkaas ayaa ku eedeeyey madaxweyne Laftagareen inuu hurinaayo dagaalkaas, isagoo u xaglinaaya mid ka mid ah qabaa’ilka dega Ceelbarde, sida uu wareysigaan ku sheegay Xildhibaan Maxamed Xuseen oo baarlamaanka K/Galbeed ka tirsan. Hoos ka dhageyso wareysiga The post DAGAAL culus oo mar kale dhex-maray militariga DF iyo daraawiishta K/Galbeed appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa maanta ku dhawaaqday in aan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee imanaya dalka aan looga baahneyn inuu horay usoo qaato wax fiiso (Visa) ah. Hay’adda ayaa shaacisay in qof kasta oo Soomaali ah ee sita Baasaboor kasta iyo goob walba oo kasoo dhoofayo fiisaha lagu siin doono garoommada dalka (visas on arrival). Wargelintan kasoo baxday Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa sida la fahamsan yahay daba socoto guux badan oo ka dhashay in Soomaalida qurbaha marka ay usoo safrayaan dalka lagu xiro shuruuddo la xiriira dal-ku-galka. Laba maalin kahor ayay aheyd markii hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ay soo saartay war-saxafadeed ay ku cadeysay in amar dhankooda ka yimid oo shuruudo la kordhiyay ah uusan jirin. “Iyada oo la tixraacayo qoraalada baraha bulshada lagu baahiyay ee ku saabsan shuruudaha dal-kugalka Soomaaliya, ma jirto wax ammar cusub oo kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda,” ayaa lagu yiri qoraalka hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya. Sidoo kale waxay ku waxay wargelisay shirkadaha diyaaradaha inay qaadaan xanibaadaha (haddii ay jiraan), islamarkaaja ay qof kasta oo Soomaali ah u oggolaadaan inay soo qaadaan. “Maadaama arrintaan taagani ay la xiriirto bulshada Soomaaliyeed ee ku safraya baasabooro ajnabi ah, dhamaan shirkadaha diyaaradaha ee sameeya duulimaadyada caalamiga ah ee ka yimaada Yurub iyo dhanka Mareykanka waxaa la faray inay qaadaan xanibaadaha (haddii ay jiraan) oo qof kasta oo Soomaali ah – qof weyn iyo mid yar-ba ay u oggolaadaan inay soo qaadaan.” Qoraalka hay’adda ayaa sidoo kale lagu yiri “Dal-ku-galka waxaa la bixiyaa marka la yimaado xadka Soomaaliya sida ay had iyo jeer ahaan jirtay, mana jiraan wax isbedel ah oo lagu sameeyay siyaasaddaas.” The post Hay’adda Duulista oo ku dhawaaqday go’aan cusub oo meesha looga saarayo… appeared first on Caasimada Online.
