-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Journalists urged to report on children's rights in Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Journalists have been urged to focus on reporting on children's rights in Somalia as they are the ones who are heavily affected by the protracted conflict in the Horn of Africa country. Source: Hiiraan Online -
A rapid collapse of state institutions may await Somalia when the African Union Transition Mission in Somalia, or ATMIS, ends at the end of 2024, unless the United Nations' weapons embargo on the country is lifted, security experts warn. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cali Yare Cali ayaa beeniyey inuu ka baxay xisbiga Farmaajo hoggaamiyo ee Nabad iyo Nolol, isagoo ka jawaabaya warqad uu ku saxiixnaa Afhayeenka Farmaajo oo saacadihii lasoo dhaafay lagu faafiyey baraha bulshada iyo warbaahinta. Cali ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in warqadaasi ay tahay is qarxin lagu kala dilayo waxa uu ugu yeeray ‘jamaahiirta’ oo uu kala jeedo taageerayaasha xisbiga Farmaajo ee Nabad iyo Nolol. “Waxaan aqriyay warqad tilmaamo ISTASHHAADEED leh, oo lagu kala dhantaalayo cuddudda shacab iyo taageeradda baaxadda leh ee xisbigeennu leeyahay, laguna sheegay inaan anigu si iskeey ah uga baxay xisbigii aan 14 Sano ka hor wada aasaasannay Hoggaamiyaheenna, Madaxweyne hore Farmaajo iyo aniga [Ali Abdi Wardhere], ee ku soo billowday magicii TAYO, markii dambana aan u bixinnay magaca Nabad iyo Nolol,” ayuu yiri Cali Yare. Sidoo kale Cali wuxuu sheegay in goordhow uu cadeyn doono mowqifkiisa cadeyn doono, “Hadda waxaan ku jiraa safar dheer oo diyaaradeed.” “Marka ugu horreysa ee aan meel gaaro lana tashada rukniyadda xisbiga iyo taageerayaasheenna naftood-hurayaasha ah ayaan mowqifkeyga rasmiga idinla wadaagi doonaa IA,” ayuu yiri Cali Yare oo mar gobolka Banaadir ka soo noqday guddoomiye ku xigeen. Ninkaan ayaa wax badan u dagaalamay qadiyadda Farmaajo, wuxuuna maalmihii lasoo dhaafay sii daayey xogo qarsoonaa oo ka dhan ah xubnihii kale ee la shaqeyn jiray taliskii Farmaajo. Mar kasta wuxuu is xijiyaa Farmaajo, wuxuuna dadka u sheegay in xisbigii Farmaajo kala jabay oo kaligiis uu ku haray garab Farmaajo, balse Afhayeenkii Farmaajo, Cabdirashiid Duqa ayaa soo saaray warqad uu ku sheegayo in Cali Yare uu mar hore ka tegay xisbiga, in kastoo saacado gudahood uu Cali ku beeniyey arrinkaas. Warqadda ka soo baxday kooxda Farmaajo waxaa lagu sheegay in Cali Yare uu mar hore iska casilay xubinimadii xisbiga, isla markaana afkaaraha uu soo qorayo aysan ka turjumeyn aragtida Nabad iyo Nolol, sida loo dhigay qoraalka. The post Cali Yare oo jawaab yaab leh kasoo saaray warqaddii looga saaray kooxda FARMAAJO appeared first on Caasimada Online.
-
Waa dhacdo xanuun badan runtii. ALLE ha u wada naxariisto shantii Hablood ee Minneapolis shilka ku geeriyooday. Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo xubnaha golaha wasiirrada Jubbaland ee ka soo jeeda gobolka Gedo ayaa looga hadlay xiisadaha siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday gobolkaas. Wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland Maxamed Ibraahim Oogle oo bayaanka ka soo baxay Jubaland warbaahinta u akhriyey ayaa sheegay in maamulkaasi uu ka walaacsan yahay hadallada xanafta leh ee ka soo yeera siyaasiyiinta maamusha gobolka Gedo oo diidan maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe. “Shaqsiyaadka hadlay waxay ka been sheegeen xaaladda ka jirta gobolka Gedo, waxaa gobolkaas Jubbaland ku metela 26 xildhibaan, 17 wasiir iyo maxaxweyne ku xigeenka koowaad, halka dowladda dhexe ay ku metelaan 16 xildhibaan iyo laba senator,” ayaa lagu yiri bayaanka. Sidoo kale war-saxaafadeedkaan uu akhriyey wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland waxaa lagu sheegay in 98% masuuliyiin gobolka Gedo ku metesha Jubbaland iyo dowladda federaalka ay taageersan yihiin in Jubbaland ay dib ula wareegto masuuliyadda maamul ee gobolkaas. “Shaqsiyaadka ka faa’iideystay faro-gelintii Farmaajo ee ku howlan inay Gedo ku gaaraan danahooda shakhsiga ah, waxaan u cadeyneynaa in maanta kadib aysan masuuliyadi ka saareyn gobolkaas oo wax dambe aan laga weydii doonin adduun iyo aakhiraba,” ayaa lagu yiri bayaanka cusub ee ka soo baxay Jubbaland. Muddo ka badan saddex sano waxaa xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay gobolka Gedo oo hoostaga maamulka Jubbaland, halkaas oo hadda ay xoog ku maamulaan siyaasiyiin uu geystay Farmaajo, intii uu joogay xukunka, dagaalkana uu kula jiray maamulka Axmed Madoobe. Xiisadda ayaa sare u sii kaceysay tan iyo markii uu talada banneeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna xiisadda gobolkaasi hadba heer soo gaaraysay mudadii sanadka aheyd ee Xasan Sheekh uu xukunka joogay. Toddobaadkan ayey mar kale xiisadda gobolkaasi cirka isku shareertay markii Garbahaarey laga soo celiyay diyaarad sidday maamul cusub oo gobolka Gedo uu u magacaabay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Hoos ka akhriso bayaanka Jubbaland The post JUBBALAND oo war xasaasi ah kasoo saartay xiisadda maamul ee gobolka GEDO appeared first on Caasimada Online.
-
Qofka ugu da’da weyn ee Sanadkan 2023 Muslimiinta Xajka Gudanaya ee Boqortooyada Sacuudigu Fiisaha Xajka siisay ayaa noqday Haweenay Magaceeda la yidhaahdo Rabi Ali oo ka timi Kurdistan ,Da’da ayaa ah 103 Jir caafimaad qabta. N.B:Sawiradan hoose waa Hoygeeda ay ku nooshahay ee ay ka soo ambabaxday Qaran News
-
TALO KU SOCOTA DARAWAL KASTA ===–===—===—=== Qore : Kamaal Marjaan Qaraxa taayirku waa mid ka mid ah sababaha ugu badan ee shilalka gaadiidka, gaar ahaan marka safarrada lagu jiro oo uu keeno isku dhac gaadiid ama in gaadhigu uu qallibmo (Gaddoomo). Qaddar lama baajiyo, waxa se muhiim ah in qofka darawalka ahi uu barto dhammaan hababka badbaado ee uu kaga hortegi karo khatartaas, waxaa ka mid ah in uu barto habka ugu badqabsan ee uu gaadhiga u joojin karo, haddii uu taayir u qarxo isaga oo ku socda xawaare ka sarreeya 100 km/saacaddii. 1. Marka uu taayirku qarxo ku dadaal in intii suurtagal ah aad deggenaato nafsad ahaan. Shookaantana labada gacmoodba ku qabo si aad uga ilaaliso in ay dhinac isu dhufato. 2. Cagtaada ka fogee joojiyaha (Bireegga). Ha isku dayin in aad gaadhiga degdeg u joojiso, iyo xitaa in aad si uun joojiyaha (bireegga) u qabato. 3. Ku taagnoow haadkaaga / laynka jidka ee aad ku socotay. Marnaba ha isku dayin in aad leexiso gaadhiga ama ka baxdo waddada, intii suurtagal ay tahay toos ugu sii soco jidka aad haysatay. 4. Haddii gaadhigaagu uu yahay kuwa geerka gacanta leh, bilow in aad si tartiib, tartiib ah xawaaraha hoos u soo celiso. Adiga geerba midka uu ka hooseeya ku soo noqonaya, laakiin aan bireegga qabanayn. Haddii uu gaadhigu yahay kuwa geerka iyagu isku gura / Is wada (Automatic) marka aad saliidda (Sheelaraha / Laawarka) cagta ka qaaddo, isaga ayaa bilaabaya in uu xawaarihiisa hoos isu soo celiyo, sidaas awgeed adigu wax hawl ah ha ku darsan, oo aan ahayn in aad shookaanta si buuxda gacmaha ugu hayso iyo in aad ka fogaato bireegga taabashadiisa. 5. Qabashada bireegga ee laguu diiday yaanay cabsi iyo warwar kugu abuurin, adiga oo ka baqa qaba in gaadhigu uu istaagi waayo. Wasladaha iyo goballada ka dillaacay shaagga qarxay ayaa iyagu gelaya kaalinta bireegga / joojiyaha. Wareegga ayaa ay culays ku keenayaan, sidaas awgeed xawaaruhu si iskii ah ayaa uu hoos ugu soo dhacayaa. 6. Marka uu xawaaraha gaadhigu hoos ugu soo dhaco 50km/saacaddii, waa aad qaban kartaa joojiyaha (Birregga) . FG: Tallaabooyinka aynu soo sheegnay waxa ay waxtarayaan keliya marka aad deggenaanshiyo ku dhaqangeliso, tallaabo kasta oo aad qaadaysana aad marka hore hubiso in maamulka gaadhigu uu si buuxda gacantaada ugu jiro . Qaran News
-
Amsterdam (Caasimada Online) – Tartan sannadle ah oo loo qabto ururada ku shaqeeya waxa loo yaqaan “iskaa wax u qabso” oo ka dhacay Magaalada Denhaag ee waddanka Netherland, ayna ka qeybgaleen 346 ururo ayaa waxaa kaalinta 2-aad ka galay ururka Himilo oo ah urur Soomaaliyeed oo fadhigiisu yahay Amsterdam. Ururka Himilo, ayaa ah urur ay ku mideysan yihiin Jaaliyada Galmudug ee ka dhisan dalka Netherland, wuxuuna ururkaasi ka caawiyaa dadka Soomaalida ee ku dhaqan Amsterdam iyo nawaaxigeeda barashada luqada Soomaaliga, Dutch-ka, arrimaha la xiriira isdhexgalka, sidoo kale wuxuu dhiirageliyaa isku xirnaanta iyo wada-shaqeynta Soomaalida dhexdeeda. Himilo, waxqabadkeedu kuma koobna Netherlands keliya waxeey sidoo kale mashaariic dhinaca horumarinta ah ka fulisaa gudaha dalka, waxaanna hadda ay gacanta ku haysaa mushruuc Degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ay ka hirgelineyso [Guriga martida] oo noqonaya dhismo ballaaran oo loogu talogalay in ay ku shiraan dadka cuqaasha ah, dhismahaasi oo la filayo in sannadkan gudihiisa uu soo dhammaado. Guddoomiyaha Himilo Cali Hassan [Cali Istiila] iyo Cabdikariin Maxamuud oo ah madaxa mashaariicda ayaa ka hadlay waxqabadka Himilo waxeyna sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin horumarka ay tiigsaneyso Himilo, iyaga oo u mahadceliyay dadka xubnaha ka ah. The post Urur Soomaali ah oo kaalinta labaad ka galay tartan loo qabtay 346 urur (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
-
Warqaddani waa mid kusocota Madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka, Golaha Wakiillada, Isimada, Aqoonyahanka, Ururrada Bulshada, Dhallinyarada, iyo Bulshaweynta reer Puntland oo idil. Walaalayaal, guud ahaan ummadda Soomaaliyeed waxaa haysata dhib weyn oo dhaawacday sharaf ku noolaanshaheeda kaddib markii ay dalkoodii shaqo, caafimaad, waxbarasho iyo amni intaba ka waayeen, dabadeedna ay dani u qaxisay dhulal ay ku waayeen dhaqankoodii, diintoodii iyo magacoodiiba. Walaalayaal, annagoo ogsoon inaanay jiri doonin Somali si gaar ah u badbaadday iyo mid si gaar ah u duntay ee Koofur, Waqooyi, iyo Bari hal doon lawada saaranyahay, ayaa haddana waxaa nala gudboon inaan tusaale ku dayasho mudan u noqonno guud ahaan ummadda Somaliyeed iyo gaar ahaan intii ku midowday dhisitaankii Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed. Walaalayaal, su’aasha is weydiinta mudani waa inaan meel u helno sababta 24 sano Puntland looga hirgelin waayey hannaan fur-furan oo ay dadka dhulkaan ku dhaqani ku doortaan madaxdooda iyo wakiiladooda. Ma dhinaca dadkii mas’uuliyaddu saarnayd bay ka suuroobi weyday mise dhinaca shacabka? Shacabka reer Puntland waxay May 25, 2023 si cad u beeniyeen doodihii muddada dheer lugu hanjabin jiray ee lahaa dadku diyaar uma aha doorashooyinka ay shucuubta caadiga ah ee adduunka ku dhaqani qabsadaan. Xaqiiqdu waxay ahayd inaan shacabka reer Puntland ka liidan shucuubta kale ee dhiggooda ah, laakiin madaxdoodu ay ka liidatay madaxda kale ee dhiggooda adduunka. Dad diyaar u ah inay nolol fiican u baratamaan oo haddana ku dhaqan dhul ballaaran oo nabad ah inay 24 sano u gudbi waayaan doorasho xor iyo xalaal ah oo ay madaxdooda ku doortaan waa gal dacwadeed sugaya ciddii furi lahayd. Xaggee Puntland loo wadaa 8 Jannaayo, 2024 iyo wixii ka dambeeya? 1. Sharciyeynta saddex ama shan Urur-siyasadeed oo kusoo baxay doorashadii Golaha Deegaanka ee 25ka May, 2023. Waxaa doorashadaas isku diiwaan geliyey, una codeeyey dad aad u yar marka loo eego bulshaweynta reer Puntland, waxaana jira degmooyin uu wali muran ka taagan yahay oo aan laga codayn si kastaba sababtu ha ahaatee. Saddexdaan urur waxay kusoo bexeen dadaal iyo dhaqaale dheeraad ah oo ay geliyeen hawshaan waxayna qabaan inay si dastuurka waafaqsan ula wareegi doonaan talada Puntland 10ka sano ee soo socota. Aan is weydiinee xaggeebay ka jabantahay dooddoodu? Waxay doodu ka jabantahay inay tartan ku galeen xeer doorasho oo khiyaano lugu dhisay markiisii horaba oo muwaadiniinta lugu marin habaabinayey. Xeerkaas doorasho, ma aha mid ay shacabku madaxdooda ku dooranayaan oo looga gudbayo 66 kii xildhibaan oo ay intooda badani habeenka doorashadu dhacayso sida foosha xun u diiran jireen inta tartanka madaxtinimada ku jirta. Ma aha mid oggolaanaya in ay koox muwaadiniinta kamid ahi ra’yi ku midoobi karaan oo ay urur ula magac bixi karaan waqti walba oo ay sidaas jeclaadaan. Ma aha mid qofka dhallinyarada ah oo waxqabadka dalkiisa diyaarka u ah siinaya fursad uu ku doorto meeshii uu siyaasadda uga biiri lahaa ee waa mid marti uga dhigaya Urur-siyaasadeedyada tirada yari inay siday doonaan ka yeelaan. Xaqiiqadiisu waa mid siyaasadda u xiraya dad kooban oo la imaan kara dhaqaale xad dhaaf ah, kaas oo laga yaabo inay kusoo helaan u adeegidda dano shisheeye. Lagama yaabo, suurtagalna ma aha in Ururro kusoo baxay shirqoolkaas siyaasadeed oo la maleegay 2012 kii ay dalka taladiisa si nabad ah kula wareegaan, kuna maamushaan 10 ka sano ee soo socota iyo wixii ka dambeeyaba. Isku dayga noocaas ahi wuxuu dhalin doonaa dagaal dhex mara hoggaamiyeyaasha Urur-siyaasadeedyadaas iyo ummadda inteeda garan karta godka madow ee Puntland dowladnimadeedii lala damacsanyahay. Eelka uu isku daygaan gurracani reebo dartiis, waxaa laga rajo dhigi doonaa iskuday labaad oo qof iyo cod fasaxan lugu gaarsiiyo shacabka reer Puntland. 2. In lagu socda jidkii 24ka sano lagu socday: Waxaa jira dad ku arriminaya in loo noqdo qaabkii hore ee xulashada golaha wakiillada, kaasoo ay xildhibaanadu ku imaan jireen qaab jifaysan dabadeedna ay xasaanadooda ku shaqo tegi jireen. Qaabkii ay u shaqo tegi jireen intaas u dhaafimaayo. Dadka qaabkaan u fakarayaa dhammaantood waa kuwo talada Puntland ay soo martay, soona qabtay xilal waaweyn oo ay ummadda si hufan ugu khidmayn kareen. Qaabkii ay usoo shaqeeyeen iyo inay waajibaadkoodii guteen dadweynaha ayaan u deynayaa, waxaanse hadda u jeednaa meesha ay dalka la rabaan inuu aado horay ma aha ee waa gadaal. Haddii tooda la qaato waxaan fili karnaa waa inay adkaan doonto sidii 66 ka qabaa’ilka loogu qaybin lahaa, waayo jifooyinlii 24 sano soo haystay xubnahaas waxay u arkaan kuwo ay ayagu leeyihiin, jifooyinka aan waligood qabanna waxay sugayaan inay usoo wareegaan. Haddii ay doorashada soo socotaa noqon weydo mid qof iyo cod ah oo lifaaqii qabaa’ilka loo noqdo, waxaa jira jifooyin doonaya in dastuurka loo furo si xubno dheeraad ah ayaga loogu kordhiyo, haddii ay taas waayaanna aan ka qayb qaadandoonin hawshaas. Waxaa iyana jira jifooyin kale oo ayaguna kordhis doonaya, laakiin dacwaddooda la sugaya inta kuwa ka horreeyaa ay kordhiska soo helayaan. Waxay noqon doontaa waddo furantay oo aan meel ay ku dhammaato lahayn. Waxaa muddo 24 sano ah sir iyo caadba looga hadlayey in uu xilka madaxtinimadu ku dhex wareegayey dad kooban, haddana waxaa muuqata in uu samirkii kasoo idlaaday bulshada inteedii kale taasina ay Puntland wajigeeda ku qori doonto far aan qurux badnayn oo aan la mahdin doonin iyo in lakala tashado oo ay beeliba meel u jahaysato. Xalku xaggee buu ka dhowyahay? Xalku wuxuu ka dhowyahay inaynaan dib u noqon ee aan horay u soconno, laakiin waddada aan horay u raacaynaa ahaataa mid toosan oo meel dheer lugu gaarikaro. In dib loo turxaan bixiyo Xeerkii Doorashooyinka ee la meel mariyey sanadkii 2012, kaas oo ah midka sababay in ay dadka intooda badani ku kalsoonaan waayaan xeerkaas, kana cududaartaan ka qayb qaadashada doorashooyinkii dhacay sannadkaan iyo ururradii u tartamayba. Taas macneheedu waa in dastuurka la furo, lagana saaro qodobbada qallooca dastuuriga ahi uu salka ku hayo. Qodobadaas waxaa kamid ah; 1. In unkidda Ururrada siyaasadda laga dhigo mid u furan muwaadiniinta danaynaya ka qaybgalka siyaasadda. Taasi waxay keeni doontaa in intii talo hoggaamineed oo ay isku ra’yi ka yihiin helaaba ay aragtidooda ku meel mariyaan urur siyaasadeed cusub oo ay samaystaan. Haddii ururrada lugusoo koobo tiro yar, waxaa dhici doonta in dalka talo loo waayo oo sidii Somaliland ka dhacday uu hoggaamiye Xisbi aqoonyahanba maalin diirto, ummaddana la hor taagnaado waxtar xumo aan lahayn meel looga irkado. 2. In isdiiwaangelintu noqoto mid u furan oo dadka doonahaya inay doorashada ka qeybqaataana aan albaabada laga soo xiran. Dadkaasi waxay ku biiri doonaan intii horay isku diiwaan gelisay oo Golayaasha Degaanka dooratay. Ma aha in dib loogu noqdo doorashadii Golayaasha Degaanka, waxaase muhiim ah in horay loo wada dhaqaaqo hadda iyo wixii ka danbeeya, isla markaana lasoo wada dhisto dowlad cusub oo ku timaadda qof iyo cod aan xeeladaysnayn. 3. In loo oggolaado shacabka reer Puntland inay toos u doortaan Madaxweynahooda iyo Kuxigeenkiisa iyo waliba madaxda kale ee dalka intii ay tahay inay doorasho ku yimaadaan. Taas macnaheedu waa in aanay dib danbe u dhicin xildhibaanno ka baayac mushtaraya codadka lagu dooranayo Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen. 4. In la dabciyo shuruudaha ku xeeran liistada xiran ee dul saaran ka qayb galayaasha siyaasadda ee dhallinyarada u badan, liistaduna ay noqoto mid furan. Ugu dambeyntii, dadka ku doodaya in doorashooyinka qof iyo cod la laalo oo dib loogu noqdo lifaaqii caalwaaga ahaa ee habka qabiileysan ku dhisnaa waa kuwii sida dulmiga ah u meel mariyey is diiwaan gelintii hor dhaca ahayd ee saddexda degmo, waxaana habboon in aan wax ka baranno 24kii sano ee lasoo dhaafay wixii inaga xumaaday. Walaalayaal, waxaan horay u socon karnaa markii aan danta naga wada dhaxaysa ee guud siyaasadda ku dhisno. Ma aha inaan hoggaanka ummadda u jiidno kolba meeshii aan danahayaga gaarka ah ka aragno. Dhex-dhexaadnimada ayaa dantu inoogu jirtaa ee aan labada daraf kasoo kala durugno, wax ummadda danteeda u adeegayana aan ku dhaqaaqno. Haddii aanan isku dhan u dhaqaaqin, taladuna aysan noqon mid bulshada loogu danaynayo, waxaa hubaal ah inaan ku sifoobi doonno kuwa hagraday halganka haatan ka socdo SSC-Khaatumo, kana shaqeynaya Puntland kala dhantaalan iyo Soomaali kala irdhawday. Horaa loo yiri, wixii hooyada u roon baa ilmahana u roon, aniguna waxaan leeyahay wixii shacabka in awoodooda dib loogu celiyo lagu gaari karo ayaa Puntland iyo Soomaaliba u roon ee aan u wada dhaqaaqno sidii loo xaqiijin lahaa. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed (Gablax) Musharax hore ee Madaxtinnimada Puntland, Ganacsade iyo Samafale AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid. The post Faallo: Doorashooyinka PUNTLAND iyo xal u helista caqabadaha ku xeeran appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa xilka ka qaaday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan, oo hormuud u ahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Wareegtada xilka looga qaaday Cali Jeyte, ayuu madaxweyne Guudlaawe wuxuu sidoo kale xilka guddoomiyaha gobolka ugu magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin (Surufow). Guudlaawe ayaa sheegay inuu tallaabadan qaaday kadib talo soo-jeedin ka timid madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle iyo “markii uu garowsaday inay lagama maarmaan tahay dar-dargelinta howlaha kala duwan ee horyaalla” maamulka gobolka Hiiraan “iyo mideynta bulshada si loo hirgeliyo shuruucda dalka iyo dastuurka” dowladda HirShabeelle. Tallaabada xilka looga qaaday Jeyte ayaa ah mid lama filaan ah maadaama uu kaalin xooggan oo muuqata ku lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo inta badan maleeshiyada looga saaray gobolka Hiiraan. Cali Jeyte ayaa dhowaan sheegay in qorshaha cusub ee wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab uu ka gedisan yahay midkii wejiga koowaad la tijaabiyay ee kacdoonka shacabka, kaasi oo kooxda Al-Shabaab looga xoreeyay deegaano horleh. Jeyte ayaa ka dhawaajiyay in qorshaha dagaalka uga harayo madaxda sare ee dalka, maadaama laga leexday nidaamkii uu hore ugu guuleystay wejiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab, ee ahaa kacdoon dadweyne. “Waxay u baahan tahay aragti qaran aniga masii wadi karo (dagaalka), mar haddii xaduuda Hiiraan laga gudbo ka masuul ahaan ima quseyso. Aragtida aan qabo dagaalkan markii hore kuma bilaaban aragti qaran ee si lama filaan ah ayuu ku bilowday wuuna ku guuleystay,” ayuu yiri Jeyte. Ma cadda haddii ay xiriiraan xil ka qaadista Jeyte iyo hadalladii uu dhowaan jeediyey. Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare oo haatan ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan xasillinta iyo arrimaha rayidka deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab, ayaa mar sii horreysay sheegay in Al-Shabaab ay malaayiin dollar ku bixineyso sidii meesha looga saari lahaa guddoomiye Cali Jayte Cismaan, isla-markaana xilka looga qaadi lahaa, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa sidoo kale xusay in beddalka Cali Jayte ay tahay mid u hiilinaysa Al-Shabaab, isla-markaana ay hoos u dhigeyso howlgallada ka socda gobolka. Sidoo kale wuxuu madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ugu baaqay inuu iska ilaaliyo dhagarta Al-Shabaab, isaga oo ka dalbaday in uusan beddalin Cali Jayte. “Waxaan helnay xog lagu kalsoon yahay oo sheegeysa in Al-shabaab ay malaayiin lacag ah ku bixineyso sidii guddoomiye Cali Jayte loo bedeli lahaa,” ayuu yiri Waare. “Beddalka guddoomiye Jayte ayaa ah mid gurmad iyo nasteexo siinaysa Shabaab. Madaxweyne Guudlaawe Xuseen iska daa Guddoomiye Jeyte!.” The post Cali Guudlaawe oo xilka ka qaaday Jeyte, guddoomiye cusub u magacaabay Hiiraan appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia could face a significant collapse of state institutions when the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) concludes by the end of 2024, security experts warn. Security experts suggest such an outcome may be inevitable unless the United Nations lifts the prevailing weapons embargo on the country. The initial steps toward this outcome are already in motion. Somali authorities and African Union officials announced earlier this week a phased drawdown of ATMIS. By June 30 of this year, the operation intends to withdraw 2,000 soldiers as a prelude to the complete withdrawal of the African Union Mission in Somalia. This mission, initiated in 2007, was subsequently replaced by ATMIS in 2022. Voices of concern Abdisalam Yusuf Guled, founder of Eagle Range Services and former deputy chief of Somalia’s National Security Agency, has expressed significant concerns over the proposed withdrawal. “My concern is that Somalia could become another Afghanistan if the African Union troops withdraw without Somalia possessing strong, well-armed security forces with international funding and backing,” said Guled. He draws a direct comparison to the swift collapse of the Afghan government after U.S. troops withdrew in August 2021. Despite the warnings, the Somali government stated readiness to take over security responsibilities from ATMIS last week. A technical team was appointed with ATMIS and the U.N. Support Office in Somalia to oversee the implementation of the ATMIS drawdown. However, security experts contend that a swift pullout of African Union troops could potentially trigger the collapse of the Somali government. Colonel Abdullahi Ali Maow, a former Somali intelligence official, told VOA, “ATMIS withdrawal will encourage al-Shabab to remobilize and launch more brazen attacks on the Somali government.” Mixed views on militant threat Contrary views exist regarding the potential threat from militants. Former deputy chief of Somalia’s National Intelligence and Security Agency, Ismail Dahir Osman, believes the militants are on a downward spiral. He posits that they pose no significant danger to Somalia’s government once African troops depart. “I believe the donor countries and the United Nations will direct ATMIS funding to Somalia’s National Army. If so, there will be no chance for al-Shabab to pose a significant threat to Somalia’s institutions,” said Osman. Omar Abdi Jimale, a political science lecturer in Mogadishu, echoes this sentiment. He argues that the Somali National Army can shoulder security responsibilities with genuine international support. Phase two of the operation Under the leadership of Somali President Hassan Sheikh Mohamud, the Somali National Army, with the support of ATMIS and anti-al-Shabab clan militias, dislodged the Islamist insurgency al-Shabab from significant portions of central Somalia in 2022. Despite the successful operation, the counteroffensive against al-Shabab has stalled this year. The militants have used this opportunity to remobilize, culminating in significant attacks, including a May 26 storm on an A.U. base and a siege of a beachside hotel in Mogadishu. In response, a second phase of the offensive is being planned. Troops from neighboring countries, Djibouti, Ethiopia, and Kenya, are prepared for immediate deployment to Somalia. “The new phase aims to flush out al-Shabab from the remaining parts of the country under its control,” said top Somali military commanders on condition of anonymity. In preparation for ATMIS’ full withdrawal, senior ATMIS commanders recently met with top U.S. military officials to discuss the transition. Lt. Gen. Sam Okiding, after the meeting, stated, “We are in the transition process, so as ATM exits, we should be proud of our brothers and sisters who remain behind to take charge of their country’s security.” The long-standing international partnership, particularly with the United States providing security assistance, has been instrumental in Somalia’s journey toward stability and self-reliance. The transition of power from ATMIS to the Somali National Army is a testament to this support and the commitment of the Somali people. The post Somalia’s ticking clock: The ATMIS departure dilemma appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xalay xilka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan. Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Guudlaawe ayaa xilka looga qaaday guddoomiye Jeyte. Madaxweyne Guudlaawe ayaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan u magacaabay Cabdullaahi Axmed Macallin (Sufurow). PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo xilka qaadis lagu sameeyay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa saddex maalmood ka hor dikreeto ku soo saaray isku shaandhayn lagu sameeyay garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyaasha maxkamadaha derejada kowaad iyo rafcaanka gobollada Puntland. Madaxweynaha ayaa ansixiyay isku shaandhayntan oo guddiga sare ee garsoorka Puntland uu ku sameeyay garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyaasha maxkamadaha rafcaanka iyo derejada kowaad ee gobollada, iyadoo qaarkood la isku beddelay halka qaar kalena la dallacsiiyay. Mas’uuliyiinta ku soo baxay liiskan ayaa imtixaan laga qaaday magacaabistooda ka hor, inkastoo wararka qaar sheegayaan in guddoomiyaha loo magacaabay maxkamadda derejada kowaad ee degmada Boosaaso aanu gelin imtixaankaas. Halkaan ka akhriso magacaabista PUNTLAND POST The post Dikreeto: Madaxweyne Deni oo magacaabay 22 mas’uul oo ka tirsan garsoorka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Kampala (Caasimada Online) – Uganda experienced its bloodiest militant attack in over a decade as 41 people were brutally killed in a chilling assault on a school. Sylvester Mapozi, the town council mayor of Mpondwe-Lhubiriha, where the assault occurred, revealed that 39 victims were students at Lhubiriha Secondary School in Mpondwe. The attack also left two community members dead and several students missing or unrecognizable, said Mapozi. The attackers, suspected to be linked to the Islamic State group and reportedly belonging to the Allied Democratic Forces (ADF), stormed into the school late on Friday night. Mumbere Edgar Dido, a 16-year-old survivor, recounted the terrifying moments when the assailants, armed with guns and machetes, opened fire and set dormitories on fire. The militants proceeded from the boys’ dormitory to the girls’ dormitory, leaving behind a trail of fear and death. Global condemnation The horrific attack was met with global outrage and condemnation. UN Secretary-General Antonio Guterres expressed his deep sadness and strongly condemned the attackers. In a statement, his spokesperson, Farhan Haq, demanded that those responsible be held accountable. International responses also poured in from France and the US, denouncing the attack and expressing condolences to the affected families. The Uganda Peoples’ Defence Forces (UPDF), determined to bring the culprits to justice and rescue the abducted victims, launched an operation to pursue the assailants. The perpetrators are believed to have fled towards Virunga National Park, a vast area bordering Uganda, explained UPDF spokesperson Felix Kulayigye. Upon arriving at the school following an alert of a significant attack, the military and police units found the buildings ablaze, with student bodies scattered across the compound and the school’s food store looted. Major General Dick Olum voiced concerns about the attackers’ intricate knowledge of the school’s layout, suggesting they were well-prepared for this barbaric act. An investigation has been initiated to discern any potential intelligence lapses. A History of Violence This isn’t the first time the ADF, a militia group known for violence in eastern DR Congo, has targeted Ugandan schools. In June 1998, the group burnt 80 students to death in their dormitories at Kichwamba Technical Institute, with over 100 students abducted. A joint offensive by Uganda and DR Congo in 2021 to curb the ADF’s violence has been unsuccessful, as the group continues to wreak havoc in the region. Reflecting on the brutality of the attack, Vice President Jessica Alupo expressed her profound grief, describing the incident as “pathetic and regrettable.” This sentiment was echoed by Florence Kabugho, an MP for Kasese, who called for an examination of security measures given the heavy military presence close to the border. These tragic events underscore the urgent need to strengthen security measures and work toward peace in the region. The post Bloody night in Uganda: Militants kill 41 in school massacre appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labo kulan la kala qaatay guddiga la socodka dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka iyo guddiga madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka. Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda dhammeystirka dastuurka KMG uu u leeyahay xasilloonida iyo geeddi-socodka dowlad dhiska Soomaaliya. Xubnaha Labada Guddi ee Dastuurka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey howlaha uga qabsoomay dib-u-eegista iyo latashiyada Dastuurka ay wadaan ee ku qotoma in khubarada sharciga iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed laga qeyb-geliyo. Guddiyada ayaa Madaxweynaha ka balan qaaday inay si degdeg ah u dhameystiri doonaan habraaca loogu gudbinaayo Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si ay waajibaadkooda uga gutaan. Madaxweynaha oo kulammadan uu ku wehlinayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranku gaareen ay xal u yihiin caqabado badan oo ku xeeran dib-u-eegista iyo dhammeystirka dastuurka. Dhankiisa Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa soo bandhigay balanqaadyo ku saabsan sida Xukuumadda Soomaaliya ay u fududeynayso wixii shaqo farsamo ah oo la xiriira dhameystirka dib u eegista dastuurka dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gabagabadii kulamadaan wuxuu ku bogaadiyey xubnaha labada guddi howlaha u qabsoomay. Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay dardar-gelinta qabyo-tirka dastuurka, dadaal dheeri ahna ay ku bixiyaan sidii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u yeelan lahayd dastuur dhammeystiran oo dalka ka saara xasillooni darrada siyaasadeed. The post Sawirro: Xasan iyo Xamsa oo xoojiyey qorshaha wax ka bedelka dastuurka dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Minneapolis (Caasimada Online) – Bloomington’s Dar Al Farooq Mosque now mourns the untimely demise of five of its youthful members, extinguishing the hope these bright stars promised for their community’s future. The victims, Sabiriin Ali, Sahra Gesaade, Salma Abdikadir, Sagal Hersi, and Siham Adam, were revered pillars of their faith. A poignant message appeared on the mosque’s Facebook page early Saturday: “We find ourselves in deep sorrow today; our community has experienced a heartbreaking tragedy.” A distressing car accident snuffed out the lives of these promising young women in a brutal twist of fate. The tragedy unfolds Details provided by the Minneapolis Police outline a harrowing series of events leading to the catastrophic crash. On a routine patrol, a State Trooper stationed on northbound Interstate 35W near the 46th Street exit observed the suspect’s vehicle speeding down the interstate. The trooper chose to tail the suspect without engaging the siren or flashing lights, intending to initiate a traffic stop further ahead. However, the suspect, exiting at Lake Street – a mere two miles from the 46th Street exit, beat the stop. He raced through a red light and collided with the vehicle carrying the five women. “This wasn’t a pursuit that led to this,” clarified Adam Kennedy, the Minneapolis police public information officer. “The trooper couldn’t get within a distance to initiate a traffic stop. It all happened very quickly.” The aftermath This devastating incident happened a little after 10 p.m. at Lake Street and 2nd Avenue intersect. The driver involved fled the scene but was subsequently arrested in the vicinity and moved to Hennepin County Medical Center for evaluation. Kennedy described the event as “an immense tragedy,” emphasizing the severity by highlighting the multiple agencies involved in the response. Rescue and law enforcement units from the Minnesota State Patrol, Minneapolis police, Hennepin County EMS, Metro Transit police, and the Minneapolis Fire Department promptly responded to the crash site. According to Kennedy, the initial State Trooper was the first to arrive at the scene. Investigation and support The ongoing investigation is set to probe the suspect’s speed on the interstate and whether intoxication factored into the crash. In the meantime, Dar Al Farooq is stepping up to support the grieving families left behind by this tragedy. In a recent Facebook post, the mosque announced, “We have set up a LaunchGood campaign to raise funds for the affected families. Your generous donation can help ease the burden on these families, no matter how small. Your contributions will be used to cover.” The campaign intends to fill the void left by this tragedy and mitigate the heartache plaguing the community. The post Bloomington tragedy: Fatal crash claims five Somali girls appeared first on Caasimada Online.
-
Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeelaha Dhexe aya waxa ay sheegayaan in xalay kooxda Al-Shabaab ay afduubteen dad badan oo shacab ah, kuwaas oo ku sugnaa agagaarka degmada Ruun-nirgood oo ka tirsan gobolkaasi. Dadkaan ayaa si gaar ah looga watay deegaanada kala ah Ceelbacad iyo Daaru-Nicma oo hoostaga degmadaas oo horay loogala wareegay kooxda Al-Shabaab. Guddoomiyaha degmada Ruun-nirgood oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa shaaca ka qaaday in kooxda maalmihii u dambeeyay ay culeys soo saartay degmadaasi “Dhibaatada wax badan ayay ku haayeen degmada Ruun-nirgood dhowrkii bil ee ugu dambeeyay hadda dhibaatada ugu foolka xumeyd ayay ka geysteen oo ah afduub carruur, haween iyo waayeel” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka degmada Ruun-nirgood. Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in dadka ay kaxeysatay kooxda ay ka badan yihiin illaa 30 qof oo isugu jiro carruur, haween iyo dad da’ ah. “Illaa 30 iyo dhowr qof ayaan heynaa inay wateen Al-Shabaab” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha maamulka degmada Ruun-nirgood. Maleeshiyada afduubka geysatay ayuu tilmaamay inay kasoo tallaabeen xadka kala qaybiya gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe oo ka tirsan Galmudug iyo HirShabelle. “Dhinaca gobolka Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe is qabadka dhulkaas ayay kasoo dusaan waxay si dhuumaaleysi ah ku waxyeeleeyaan degmada Ruun-nirgood guud ahaan, gaar ahaan meeshan Ceelbcad iyo Daaru Nicma” ayuu kusii daray guddoomiyuhu. Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray dowladda federaalka iyo HirShabelle oo uu ugu baaqay inay gurmad ciidan lasoo gaaraan, si wax looga qabto dhibaatada ka taagan halkaasi. Gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelihii lagu jebiyay Shabaab, balse haatan oo ay istaageen howlgallada ayay kooxdu sameyneysa dib usoo kabasho. The post Al-Shabaab oo dad badan ka afduubtay SH/DHEXE appeared first on Caasimada Online.
