-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo dejiyo xiisadda magaalada Garoowe laguna soo dabbaalo xasilooni. Bayaan ka soo baxay saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa ku baaqay in dhammaan dhimacyadu yeeshaan wada-hadal si loo xalliyo xiisadda taagan. ” Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, laguna soo dabbaalo xasillooni”ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saartay Beesha Caalamka. ” Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha siyaasadda inay yeeshaan wadahadal, kaas oo ah tubta kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka ” ayuu sii raaciyay bayaanka. Wakiilada Beesha Caalamka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay saamaynta dagaalkii Garoowe ku yeeshay dadka rayidka ah. ” Saaxiibada beesha caalamka waxay ka walaacsanyihiin dirirta ka socota Garowe iyo saamaynta ay ku leedahay dadka rayidka ah ” ayay ku dartay bayaanka. Beesha Caalamka ayaa sidoo kale tilmaantay in xasilooni-darrada Garoowe ay khatar galinayso natiijadii wanaagsanayd ee doorashadii qof iyo cod ee Puntland ka qabsoontay. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo ku baaqday in deg deg lagu xalliyo xiisadda Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
If HONESTY had a face . In the Iranian city of Zanjan, a person had left his bicycle with Haji Hasan as a deposit and then, for some reason, did not come back. Haji Hasan kept that cycle outside the shop every morning and inside the shop at night. This cycle went on like this for 45 years, waiting for the cycle’s owner to come back. Finally, one-day Haji Hasan died, but the cycle’s owner did not return. After his death, the government made a statue of Haji Hasan and installed that bicycle at an important crossroads of the city so that it remains an example of “honesty and integrity”. Qaran News
-
Xaaladda guud ee caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa maanta kala deggen ka dib dagaalkii shalay ee dhimashada iyo dhaawaca sababay. Ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan mucaaridka ayaa saaka la kala geeyey xeryahooda sida ay xaqiijiyeen isimmada dhaqanka Nugaal oo xalay dhex dhigey xabbad-joojin. Isimmada guud ee Puntland ayaa la filayaa in ay saacadaha soo socda soo gaadhaan Garoowe, kol kaas oo la bilaabi doono wada-hadallo dhexmaraya dowladda iyo mucaaridka – iskuhaya furista dastuurka iyo doorashooyinka 2024. Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in maanta xaaladda ay dagan tahay, kadib markii shalay illaa xalay ay ku dagaalameen ciidamada ammaanka Puntland iyo kuwa taabacsan xubnaha mucaaradka. Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in saaka jawiga uu xasilan yahay, isla-markaana uu istaagay dagaalkii ka socday xaafadaha qaar ee magaalada Garoowe. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in la kala qaaday ciidamadii ku dagaalamay gudaha magaalada, kadib markii ay dadaallo sameeyeen isimimada dhaqanka Puntland. Sidoo kale waxaa haatan soconayo dadaallo ay wadaan waxgaradka deegaanka iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Puntland, si xal looga gaaro dagaalkii ka dhacay Garoowe. Dagaalkan ayaa sababay dhimashada in ka badan 20 qof, halka 30 kalena ay ku dhaawacmeen, dadka dhintay ayaa isugu jira askar iyo shacab. Dhinaca kale, waxaa dagaalkan siyaabo kala duwan uga hadlay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedka oo baaq u diray dhinacyada isku haya Puntland. Beesha Caalamka ayaa sidoo kale bayaan kasoo saartay dagaalka ka qarxay Puntland, ayada oo dalbatay in la dajiyo xiisadda, wax welibana lagu dhammeeyo wada-hadal. “Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, laguna soo dabbaalo xasillooni. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha siyaasadda inay yeeshaan wadahadal, kaas oo ah tubta kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen xubnaha Beesha Caalamka. Si kastaba, dagaalka Garoowe ayaa ka bilowday muddo kororsi uu qorsheynayo Deni, kaas oo xildhibaanada baarlamaanka Puntland ay u codeeyeen in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka, waxaana ka soo hor keestay xubnaha mucaaradka oo soo abaabulay dagaalkaas The post Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Garoowe appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Officials in Somalia have condemned a violent confrontation between Puntland state security forces and militias allied to opposition groups that erupted on Tuesday in Garowe, the state's capital. The clash, which broke out amid a local parliamentary debate over changes to the voting system, resulted in at least 26 deaths and 30 injuries. Source: Hiiraan Online
-
Istanbul (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka soo hadlay xiisadda ka taagan magaalada Garowe, isagoo nasiib darro ku tilmaamay dagaalka ka dhacay magaaladaas. Farmaajo ayaa sheegay in arrimaha sababay dagaalka ka dhacay Garoowe wadahadal lagu dhamey karay, balse weli uu rajo ka qabo in la isugu yimaado miiska wadahadalka. “Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxay astaan u tahay nabadda iyo amniga, sidaas awgeed waxaa nasiib darro ah dagaalka maanta ka dhacay ee salka ku haya arrimo lagu dhammeyn karo isfahan iyo wada-xaajood,” ayuu yiri Farmaajo. Sidoo kale madaxweynihii hore ayaa qoraalkaan ku muujiyey inuu kalsooni badan ku qabo in dadka reer Puntland ay iska xali doonaan tabashooyinka sababay gacan ka hadalkaan. “Waxaan ku kalsoonahay garashada iyo aqoonta dadka Puntland, oo aan ka rajaynayo in ay si deg-deg ah ugu istaagaan daminta dhawaaqa rasaasta, soo celinta amniga iyo adkeynta dowladnimada,” ayuu Farmaajo ku yiri qoraalkiisa. Ugu dambeyntii Farmaajo wuxuu u tacsiyeeyey dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay dagaalka Garowe. “Alle waxaan naxariistiisa u weydiinayaa dadkeenna birmo-geydada ah ee ku geeriyooday dagaalka maanta, aniga oo caafimaad degdeg ah u rajaynaya intii ay waxyeelladu ka soo gaartay,” ayuu yiri Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo qoraalkaan ka soo saaray dagaalkii Garowe. In ka badan 20 qof ayaa ku geeriyootay dagaalka Garowe, halka 30 kalena ay ku dhaawacmeen, dadka dhintay ayaa isugu jira askar iyo shacab. Dagaalkaan ayaa ka bilowday muddo kororsi uu qorsheynayo Saciid Deni, kaas oo xildhibaanada baarlamaanka Puntland ay u codeeyeen in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka, waxaana ka soo hor keestay mucaaradka oo soo abaabulay dagaalkaas. The post Muxuu madaxweyne Farmaajo ka yiri dagaalka Garoowe? appeared first on Caasimada Online.
-
Somali army kills 13 al-Shabab militants in southern region
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somali National Army (SNA)'s elite forces, the Danab, killed 13 al-Shabab militants and wounded others during an operation at the terrorist group's stronghold village in Lower Juba region, southern Somalia, Tuesday. Source: Hiiraan Online -
Garowe (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Garowe iyo xaalada amni ee magaalada. Taliyaha ayaa sheegay in kooxdii dagaalka soo qaaday ka difaaceen oo banaanka ay uga saareen magaalada, isagoo sheegay, in kiiskaas la isku daba joogo oo dowladda lagu soo duulay. “Waxaan masuul ka aheyn amniga goobtii ay xildhibaanadu ku shirayeen, waxaa dhacday in barqadii lasoo weeraray, anaguna waan difaacnay oo waajib ayey nagu aheyd, taasna qalad kuma lihin,” ayuu yiri Taliye Muumin. Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in khasaare culus uu ka dhashay dagaalkaas in kastoo uusan xusin tiro cayiman, wuxuuna ku faanay in ka boolis ahaan ay aad u axadarayeen, si khasaaruhu u yaraado. “Waxaan ku guuleysanay in amniga aan sugno oo magaalada ka saarno kooxihii soo duulay, hal meel ayaan isugu geynay, gaadiid dagaal, maxaabiis iyo hub ayaan ka qabanay, dagaalkaasi waa istaagay xaaladuna waa caadi,” ayuu hadalkiisa ku sii daray taliye Muumin. Wuxuu sheegay in wax eed ah aysan laheyn oo dowladda lagu soo duulay, “Cid kasta oo kiiskaan ku lug leh waan daba joognaa, waxaana difaaci doonaa dowladnimada iyo nidaamka Puntland,” ayuu hadalkiisa ku sii daray taliyaha booliska Puntland. Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inay raadiyeen xal kasta oo dagaalkaas looga hor tegi lahaa, isagoo cadeeyey in wasiirro iyo saraakiil iyagoo ah ay u tageen xubnaha dagaalka wada xalna ay ka diideen. “Wax kasta waa diideen, ayagaa nasoo weeraray, mar kasta waxaan ilaali doonaa dowladnimada iyo amniga, waa nagu ceeb in dagaal uu halkaan ka dhaco, ciidamadu waxay u dhaqmi doonaan si masuuliyadi ku jirto, ka horna waxaan raadinay wax kasta xal ah, balse waa nala fahmi waayeen, waana na soo weerareen,” ayuu yiri. Taliyaha booliska Puntland, wuxuu intaas ku sii daray inaysan hor istaagi karin dastuurka iyo sharciga Puntland, isla markaana ay ku qasbanaayeen inay ilaaliyaan amniga xildhibaanada, taasna ay ku guuleysteen. Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa dagaalkii ka beri-yeelay madaxweyne Deni, isagoo sheegay in wax talo ama lug ah uusan ku laheyn, booliskuna uu ku jiray xaalad is difaac ah. Khasaare culus ayaa ka dhashay dagaalka. Ugu yaraan 26 qof ayaa la sheegay in dagaalkaas lagu dilay, halak 30 kalena ay ku dhawacmeen, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah. 16 ka mid ah dadka ku dhintay dagaalkaas waxaa la sheegay inay askar ahaayeen, halka inta kale ay shacab tahay, dagaalka ayaa qarxay barqadii Talaadada, wuxuuna ka bilowday afaafka hore ee xarunta baarlamaanka Puntland oo weerarku uu ku wajahnaa. Dr. Cabdirsaaq Axmed oo ka hawlgala isbitaalka guud ee Garoowe ayaa warbaahinta la wadaagay xogta dhimashada iyo dhaawacyada ka dhashay dagaalkaas oo markii la isku daro gaareysa 56 qof. Hoos ka daawo The post Maamulka madaxweyne Deni oo si yaab leh uga hadlay dagaalka Garoowe + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Aden Abdulahi overcame many challenges growing up in Kenya's Dadaab refugee camp, where he fled after declining a call to join the al-Shabab militant group in Somalia. Today he is a journalist, working with the UNHCR-supported refugee community radio station Radio Gargaar. As the world marks Refugee Day, Juma Majanga spoke with Abdulahi about his work and his dreams. Source: Hiiraan Online
-
The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) said Tuesday it has started the withdrawal of 2,000 troops from the East African country. Source: Hiiraan Online
-
Dozens killed in Somalia’s Puntland after parliament debate
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
More than two dozen people were killed during heavy fighting in Somalia’s semi-autonomous state of Puntland. Source: Hiiraan Online -
Garoowe (Caasimada Online) – Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa baaq deg deg ah kasoo saaray dagaalka shalay ka qarxay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland oo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan madaxweyne Saciid Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka. “Saaxiibada beesha caalamka waxay ka walaacsanyihiin dirirta ka socota Garowe iyo saamaynta ay ku leedahay dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay saaxiibada beesha caalamka. “Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, laguna soo dabbaalo xasillooni. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha siyaasadda inay yeeshaan wadahadal, kaas oo ah tubta kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka.” Saaxiibada beesha caalamka waxay intaas ku dareen in khatarta isa soo taraysa ee dhawaanahan ay halis gelinayso natiijadii wanaagsanayd ee laga gaaray doorashadii golaha deegaanka ee dhawaan ka dhacday Puntland. Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada Saciid Deni iyo ciidamo taabacsan kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda go’aanka baarlamaanka Puntland uu ku furayo dastuurka, si wax looga beddelo qodobo ka mid ah. Dagaalka ayaa waxaa illaa hadda ku dhintay 26 qof, oo 16 ka mid ah ay yihiin ciidamada dagaalamay, 10 kalena shacab. Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 30 qof oo kale. Isimada, waxgaradka iyo xildhibaano heer federaal ah ayaa billaabay dadaal lagu doonayo in xabadda lagu joojiyo, islamarkaana ay labada dhinac ka aqbaleen in xabadda la joojiyo, si xal loo gaaro. Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ugu baaqay labada dhinac inay dagaalka si shuruud la’aan ah u joojiyaan, una turaan shacabka, xabadna aysan xal noqon, wuxuuna cadeeyay in laga baaqsan karay xabadda. The post Beesha caalamka oo war ka soo saartay dagaalka Garowe appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin kasoo saartay howl-gal qorsheysan oo xalay ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee DANAB ay ka fuliyeen deegaan ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Howl-galkan ayay ciidanka DANAB ku beegsadeen goob ay gabaad ka dhiganayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaasi oo dhaca duleedka tuullo lagu magacaabo Yaaq-dabayl oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee DANAB howl-galkaas qorsheysan ku dilay ugu yaraan 13 dhagarqabe oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay baahisay warbaahinta dowladda. Sidoo kale ciidanka waxay howl-galkaas kooxda Al-Shabaab uga soo furteen hub culus, sida uu warbaahinta qaranka u xaqiijiyay taliyaha guutada 16-aad ee ciidanka Danab G/Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare. Warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale soo bandhigtay qaar kamid ah hubka ay howl-galkaas kusoo furteen ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee DANAB. Howl-galkaan ayaa imanaya xilli dowladda federaalka ay shaacisay in howl-gal qorsheysan oo ka dhacay isla gobolka Jubbada Hoose lagu khaarijiyay laba horjooge iyo maleeshiyaad ka badan 40 ka tirsanaa kooxda oo ku sugnaa halkaasi. Labada horjooge ayaa lagu kala magacaabi jiray Aadan Cabdiraxmaan Aadan oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Baay iyo Idiris Cabdiraxiin Nuur oo kasoo jeeda dalka Kenya. Aadan ayaa ahaa madaxa ilaalada ee degmooyinka Jamaame iyo Jilib, halka Idiris uu ahaa ku xigeenkiisa, sida ay shaaca ka qaaday warbaahinta dowladda Soomaaliya. Si kastaba, maalmihii u dambeeyay ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka, kadib muddo bil ah oo uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda qaadin wax howl-gal ah oo ka dhan ah kooxda. The post Sawirro: Ciidanka Danab oo howlgal ku dilay Shabaab badan, kana furtay hub culus appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Wiilka uu dhalay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo lagu magacaabo Hunter Biden, ayaa heshiis la gaaray waaxda caddaaladda si uu u qirto saddex eedeymo oo la xiriira canshuur iyo mid kale oo hub federaal ah, heshiiskaas oo aysan u badneyn in xabsiga loo taxaabo. Sida ku cad dukumeenti maxkamadeed oo la gudbiyay Talaadadii, wiilka madaxweynaha oo 53 jir ah, oo muddo dheer ay dillootay daroogada nooca cococaine-ta iyo baaritaan la xiriira ganacsigiisa uu la leeyahay ajnabiga, ayaa qiran doona laba eedeymo oo ah inuusan bixin wakhtigii lacaga canshuur ah oo lagu lahaa sannadihii 2017 iyo 2018. Heshiiskan ayaa waxaa ka wadahadlay dhowr bilood qareennada Hunter Biden iyo David Weiss, oo ah xeer ilaaliyaha Mareykanka ee bariga gobolka Delaware, oo uu magacaabay madaxweynihii hore ee Donald Trump. Bayaan uu soo saaray, qareenka Hunter Biden, Christopher Clark wuxuu ku yiri: “Iyadoo lagu dhawaaqayo laba heshiis oo u dhexeeya macmiilkayga, Hunter Biden, iyo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Mareykanka ee Degmada Delaware, waxaan fahamsanahay in baaritaankii shanta sano ee ku saabsan Hunter la xalliyey.” Weiss ayaa markii dambe sheegay in baaritaanku uu “socdo.” Trump iyo xubnaha xisbiga Republicans-ka ee Aqalka Wakiilada ayaa muddo dheer raadinayay inay ku xiraan heshiisyada ganacsiga ee Hunter Biden ee dibedda ee Ukraine iyo Shiinaha eedeymaha dhaqaale ee qoyska Biden. Xigasho: VOA. The post Wiilka Biden oo lagu wado inuu qirto dambiyo lagu soo eedeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa ka tacsiyeeyey muwaadiniinta birmo-geydada ah ee ku nafwaayey dagaalka maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad-goboleedka Puntland. Madaxweynaha ayaa ku celiyey baaqiisa ku aaddanaa in la tixgeliyo rabitaanka dadweynaha, lagana fogaado in xalka lagu raadiyo qori iyo rasaas. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan xamili karin colaad cusub oo laga huriyo deegaannadii ku tilmaamnaa nabadda iyo xasilloonida, xilli dowladdu ay la tacaaleyso dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo nabadeynta deegaannada ay horey u saameeyeen dagaallada sokeeye. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay odeyaasha dhaqanka Puntland in ay u istaagaan xallinta dhibaatada taagan, maadaama ay aas-aas u yihiin dowladnimada iyo xasilloonida Puntland, Waxa uuna sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar la tahay waxii looga baahdo ee fududeynaya nabadenyta iyo xallinta khilaafka ka taagan Puntland. Ku dhowaad 20 ruux ayaa ku geeriyooday in ka badan 30 kalena way ku dhaawacmeen Dagaalo maanta magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ku dhexmaray ciidamada Maamulka iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka. Dagaalka ayaa looga soo horjeeday talaabadii maanta xildhibaannada Baarlamanka Puntland ku ansixiyeen wax ka beddelka dastuurka oo ay ku muransan yihiin Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka. – Qaran News
-
Waxaa maanta markii 6-aad maxkamadda ka soo hor muuqatay wariye Bushaaro Cali Maxamed (Busharo Baanday) oo muddooyinkii u dambeeyay ku xirnayd xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa, iyadoo xeer ilaalintuna si rasmi ah u shaacisay eedaha loo haysto wariyaha. Waxay sidoo kale xeer ilaalintu soo bandhigtay eedo loo haysto wariyeyaal kale oo la sheegay inaysan ku sugnayn gudaha Somaliland. Muddo 36 cisho oo ay xirneyd ayey Bushaaro ku xirantahay Somaliland iyadoo maxkamadda maanta lasoo taagay ay kaga duwaneyd kuwii hore in kiiska lagu haysto uu horyaallay maxkamadda. Qareenkeeda ayaa sheegay in Bushaaro eedaha loo hasyto ay yihiin saddeex eedeedood oo ay kamid yihiin howlo lid ku ah Somaliland iyo faafin warar been abuur ah oo la sheegay in ay Somaliland saameyn ku yeelan karto. Eedaha loosoo jeediyay ayaa qaarkood waxaa kale oo lagusoo oogay wariyeyaal kale oo Somaliland bannaanka uga maqan. Dhageysiga dacwadda ayaa xigi doona soo bandhigista eedaha loo haysto wariye Bushaaro Baanday. Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Garoowe oo maanta dagaal culus uu ka dhacay ayaa waxay sheegayaan in caawa maqribkii uu dagaalka ka istaagay magaalada, hase yeeshee saqdhexe kadib la maqlayey rasaasi. Maqalka rasaasta ayaa imaneysa ayada oo labada dhinacba ay caawa aqbaleen xabad joojin ay ku dhowaaqeen isimada. Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada maamulka Puntland iyo ciidamo taabacsan kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda go’aanka baarlamaanka Puntland ee mudo kordhinta xukuumadda hadda jirta iyo maamulka. Dadka shacabka ayaa billaabay inay isaga cararaan guryahooda, iyadoo magaalada laga dareemayo barakac ballaaran. Ciidamadii dagaalamay ayaa is hor fadhiya, waxaana suuragal ah in dib u qarxo dagaal ka culus rasaasta la maqlayo xili kasta. Warku wuxuu intaa ku darayaa in khasaaraha dagaalku uu kordhay, in kastoo aysan jirin cid faahfaahin rasmi ah ka soo saartay, hadana waxaa la sheegay in ka badan 26 qof inay dhimatay, 30 kalena ay ku dhaawacmeen. Xiligii uu dagaalka qarxayay wuxuu fadhi u socday baarlamaanka Puntland oo go’aanka mudo kororsiga meel marinayey, iyadoo markii dagaalku qarxay ay xilidhibaanadii kulanka fadhiyey oo dhamaa 35 ay doodoodii iska sii wateen ilaa ay ka ansixiyeen in wax laga bedelo dastuurka. Isimada, waxgaradka iyo xildhibaano heer federaal ah ayaa billaabay dadaal lagu doonayo in xabadda lagu joojiyo, isla markaana ay labada dhinac ka aqbaleen in xabadda la joojiyo, si xal loo gaaro. Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ugu baaqay labada dhinac inay dagaalka si shuruud la’aan ah u joojiyaan, una turaan shacabka, xabadna aysan xal noqon, wuxuuna cadeeyay in laga baaqsan karay xabadda. Dowlad goboleedka Puntland madaxdeeda ayuu ugu baaqay Boqorku inay illaahey dartii ugu baqaan oo shacabka ay u turaan. Taliyaha Booliska Puntland Muumin Cabdi Shire ayaa isna sheegay in dagaalku uu ka bilowday fadhigii baarlamaanka furitaankiisa, iyadoo shaqadooda watayna lasoo weeraray, sidaasna ay ciidamada boolisku u difaaceen sharciga. Taliyaha ayaa cadeeyey in dagaalkaas uu istaagay, raggii weerarka soo daaqana ay ka qabteen gaadiid, maxaabiis iyo sanad ciidan, isla markaana ay ka sareen magaalada, iyagoo difaacaya dowladnimada Puntland, sida uu sheegay. The post Maxaa ka socda Garoowe caawa kadib dagaalkii maanta? + Khasaaraha oo kordhay appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka tacsiyeeyey muwaadiniinta birmo-geydada ah ee ku nafwaayey dagaalka maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad-goboleedka Puntland. Madaxweynaha ayaa ku celiyey baaqiisa ku aaddanaa in la tixgeliyo rabitaanka dadwenaha, lagana fogaado in xalka lagu raadiyo qori iyo rasaas. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan xamili karin colaad cusub oo laga huriyo deegaannadii ku tilmaamnaa nabadda iyo xasilloonida, xilli dowladdu ay la tacaaleyso dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo nabadeynta deegaannada ay horey u saameeyeen dagaallada sokeeye. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay odeyaasha dhaqanka Puntland in ay u istaagaan xallinta dhibaatada taagan, maadaama ay aas-aas u yihiin dowladnimada iyo xasilloonida Puntland, Waxa uuna sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar la tahay waxii looga baahdo ee fududeynaya nabadenyta iyo xallinta khilaafka ka taagan Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb gelaya Fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa gaaray magaalada Washington ee dalka Maraykanka. Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeedin doona Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey isagoo la wadaagaya dalalka xubnaha ka ah Golaha xaaladda amniga Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka Alshabaab, waxa uuna Madaxweynuhu xoogga saaraya sidii Soomaaliya looga qaadi ahaa cunaqabateynta hubka islamarkaana taageero ballaaran oo caalami ah loogu heli lahaa wajigaa 2-aad ee dagaalka dalka lagaga sifeynayo argagixisada Alshabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale,kulammo la qaadanaya masuuliyiinta dalka Maraykanka iyo madaxda Hay’adaha caalamiga ah, waxa uuna xoogga saaraya sidii loogu heli lahaa taageero caalami ah dadaalka dowlada ay ku bixineyso xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-shabaab iyo gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb gelaya fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa gaaray magaalada Washington ee dalka Maraykanka. Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeedin doona Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey, isagoo la wadaagaya dalalka xubnaha ka ah Golaha xaaladda amniga Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka argagixisada Alshabaab. Madaxweynuhu wuxuu xooga saari doonaa sidii Soomaaliya looga qaadi ahaa cunaqabateynta hubka, isla markaana taageero ballaaran oo caalami ah loogu heli lahaa wajigaa 2-aad ee dagaalka dalka lagaga sifeynayo argagixisada Alshabaab. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa kulammo la qaada doona masuuliyiinta dalka Maraykanka iyo madaxda hey’adaha caalamiga ah. Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu joogo Mareykanka wuxuu xoogga saari doonaa sidii loogu heli lahaa taageero caalami ah dagaalka dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed argagixisada, xasilinta deegaanada laga xoreeyay iyo gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran. Dhinaca kale, Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre oo uu wehliyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa caawa u ambabaxay wadanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya. Masuuliyiintaan ayaa ka mid ah xujeyda sanadkaan soo gudaneysa waajibaadka Xajka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa umadda Soomaaliyeed Ilaahay uga baryay in dhibaatooyinka ragaadiyey dowladnimadooda uu ka dulqaado, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in la is cafiyo oo laga wada shaqeeyo horumarka dalka. Hoos ka daawo The post Daawo: Xasan Sheekh oo ka degay Washington iyo Xamse oo ka dhoofay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
