-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dagaal u dhexeeya ciidamada SSC-Khaatumo iyo kuwa Somaliland ayaa ka socda jiidda bari ee Laascaanood. Dagaalka ayaa bilowday saacado yar kadib markii ciidamada Somaliland duqaymo xooggan la beegsadeen gudaha magaalada Laascaanood. Dhawaq hubka noocyada kala duwan ee hubka ayaa laga maqlayaa jiidda dagaalka inkastoo aan weli faahfaahin laga helin khasaaraha ka dhashay. Jihada galbeed ee Laascaanood ayaa sidoo kale duqaymo ka socdaan waxaana wararku sheegayaan in labada dhinac is weydaarsanayaan. PUNTLAND POST The post Dagaal culus oo hadda ka socda ka jiidda Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay dab xoogan xalay ka kacay suuqa weyn ee magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka. Dabka ayaa geystay khasaare hantiyeed oo baaxad leh, ayada oo ugu dambeyn gurmad ay sameeyeen dadka deegaanka iyo maamulka deegaanka lagu guuleystay in la damiyo. Farmaajo oo ka hadlay dhacdadaas ayaa marka hore shaaca ka qaaday inuu murugada la qaybsanayo ganacsatada iyo shacabka reer Jigjiga ee dhibaatada kasoo gaartay dabkaasi. Sidoo kale wuxuu Alle uga baryey inuu beddal khayr qaba siyo ganacsada ku hanti beeshay dabka ka kacay suuqa Taywaan ee magaalada Jigjiga. “Waxaan murugada la qaybsanayaa, si weyna u garab taaganahay walaalaha reer Jigjiga ee xilligan adag ku jira. Waxaan Allaah beddel khayr qaba iyo caafimaad degdeg ah u weydiinayaa ganacsatada ku hanti beeshay iyo shacabka ay waxyeelladu ka soo gaartay dabka ka kacay suuqa ganacsiga ee magaalada Jigjiga” ayuu qoraalka ku yiri Farmaajo. Dhanka kale wuxuu farriin culus u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay u gurmadaan walaalahooda reer Jigjiga. “Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee caanka ku ah is caawinta iyo isu damqashada xilliyada adag waxaan ugu baaqayaa in ay si weyn ugu gurmadaan oo ay gacan walaalnimo u fidiyaan ganacsatada iyo shacabka ay waxyeellada hantiyeed iyo midda nafeed ka soo gaartey masiibadaas” ayuu warsaxaafadeedka ku yiri madaxweynihii hore ee dalka. Farmaajo ayaa noqonaya mas’uulkii ugu horreeyay ee war kasoo saara dabka ka kacay Jigjiga, waxaana weli ka aamusan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Si kastaba, waxaa haatan soconaya gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay, ayadoo meelaha uu gurmadka ka socda ay ka mid tahay Somaliland, gaar ahaan Hargeysa. The post FARMAAJO oo baaq culus kasoo saaray xaaladda…. appeared first on Caasimada Online.
-
Source
-
Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa qorsheynaya in safar naadir ah uu ku tago dalka Turkiga bisha soo socota, sida uu shaaca ka qaaday madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. Mr Erdogan ayaa hadalkan ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kaddib wadahadal uu kula yeeshay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy. Madaxweynaha Turkiga ma uusan shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waqtiga booqashada Putin, laakiin wuxuu sheegay suurtagalnimada heshiiska maxaabiis is-dhaafsiga ee Ruushka iyo Ukraine ay ka mid yihiin arrimaha laga wada hadli doono. “Waxaan rajeynayaa inaan dhawaan natiijo ka heli doono arrintan,” ayuu Mr Erdogan u sheegay suxufiyiinta saacadihii hore ee Sabtida. Putin iyo Mr Erdogan ayaa hore wadahadal ugu yeeshay dalka Kazakhstan bishii Oktoobar ee sannadkii hore. Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy waxa uu sheegay in uu sugi doono natiijada ka soo baxda heshiis kasta oo maxaabiis isdhaafsi ah ka hor inta aanu faallo ka bixin, laakiin waxa uu intaa ku daray: “Waxa aanu ka shaqaynaynaa soo celinta maxaabiisteena, maxaabiista siyaasadeed.” Madaxweynaha Ruushka ayaan booqanin dalalka NATO tan iyo markii uu billaabay duulaanka uu ku qaaday Ukraine bishii Febraayo 2022. Balse waxuu booqashooyin gaaban oo ku tagay Iran bishii July ee la soo dhaafay iyo dalka ay saaxiibka dhow yihiin Belarus bishii December. Dalalka reer-galbeedka ayaa cunaqabateyn saaray dalka Ruushka, halka maxkamada caalamiga ah ee dambiyada (ICC) ay soo saartay warqad lagu soo xirayo Putin oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal ee ah in Ruushka uu si sharci darro ah u tarxiilay caruur u dhalatay Ukraine intii uu socday dagaalka. Laakiin inkasta oo ay jiraan xiisado, iyo xubinnimada Turkiga ee NATO, Mr Erdogan wuxuu ku dadaalay inuu sii wado xiriirka labada dal ee Ukraine iyo Ruushka inta lagu jiro khilaafka. Turkiga kuma biirin cunaqabataynta dhaqaale ee reer galbeedka, balse waxa uu hub siiyay Ukrain waxa uuna diiday isku daygii Ruushka uu ku doonayay in uu ku qabsado dhulkiisa. ICC-da ma lahan ciidamo booliis ah oo u gaar ah, khubarada ayaa hoos u dhigay rajada laga qabi lahaa in Putin la xiro mar dhow. Mr Erdogan waxa uu aad u danaynayay in uu sii wado dhex-dhexaadinta labada dal, isaga oo ku guuleystay heshiis sannadkii hore lagu oggolaaday in si nabad leh haruurka looga dhoofiyo dakadaha Ukraine, kaddibna la soo sii mariyo badda madow. Nuqulka heshiiska ayaa ku eg 17-ka July, balse hoggaamiyaha Turkiga ayaa sheegay in ay socdaan dadaallo lagu kordhinayo heshiiska. Madaxweyne Erdogan ayaa intii uu socday shirka jaraa’id waxa uu sidoo kale taageeray in Ukraine ay ku biirto NATO marka uu dagaalku dhammaado, wuxuuna sheegay inuu sii wadi doono dadaallada uu ku doonayo in wada xaajoodka lagu dhammeeynayo colaadda. Booqashada Putin ee Turkiga ma aysan xaqiijin Kremlin-ka. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo haatan kulankoodii 6-aad ee Kafadhigga 3-aad ku leh xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa la horgeeyay mooshin deg deg ah oo ay keeneen 30 mudane oo ka tirsan Golaha Shacabka. Mooshinkan oo loo gudbiyay Afhayeenka Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku saabsanaa in ajendaha kulanka maanta lagu kordhiyo mooshin ku aadan la xisaabtanka iyo habsami u socodka howlaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Sheekh Aadan Madoobe oo furay kulanka ayaa ka hadlay mooshinkan, isaga oo la wadaagay xildhibaanada, si ay cod ugu qaadaan in ajendaha lagu daro ama laga tego. “Xildhibaano tiradooda gaareyso illaa 30 xildhibaan ayaa dalbaday in ajendaha lagu kordhiyo ajenda kale oo ay ku sheegeen isla xisaabtan iyo habsami u socodka Golaha” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe). Sidoo kale waxaa kulanka laga aqriyay warqad ay soo qoreen 30 xildhibaan ee mooshinka keenay, ayada oo Goluhu soo hor istaagay Cabdirashiid Xidig oo sharaxay mooshinkooda. “Mudane guddoomiye habsami u socodka maamulka Golaha waa ka jira tabasho xoogan oo ay xildhibaanadu qabaan sidaas darteed waxaa noo muuqato inay lagama maarmaan ay tahay in maamulka Golaha lagu soo celiyo u hoggaansanka Dastuurka iyo Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka” ayuu yiri xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo kasoo jeeda Jubbaland. Waxaa kale oo uu kusii daray “Waxaa rajeynayaa inaad naga aqbashid soo jeeditaan oo waafaqsan Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka” Dhankiisa xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xubnaha saxiixay mooshinka ayaa madasha ka hadlay, wuxuuna eed u jeediyay guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka. “Baarlamaanka sharafta leh warqadda uu halkan ka aqriyay walaalkey Cabdirashiid Xidig annaga ayaa soo qornay waxaa naloo keenay warqad ay guddiga joogtada ah iyo xukuumadda ay isku shubteen shaki weyn ayay taas na gelisay” ayuu isna yiri Jeesow. Intaas kadib ayaa waxaa mooshinkan ka dhashay buuq xoogan, ayada oo la’isku qabtay in cod loo qaado iyo in kale, waxaaa isku dhacay guddoonka iyo xildhibaanada. Dood dheer oo sababtay in kulanka uu istaago kadib ayaa waxaa mar kale cod la geliyay in mooshinka ajendaha wax ka beddalka dib loo dhigo ama isla maanta laga doodo, waxayna xildhibaanada u codeeyeen in kulanka dambe laga dhigo dooddan, si la’isugu soo laabto. Si kastaba kulanka maanta ayaa ajendihiisa wuxuu ahaa la xisaabtanka xukuumadda, waxaana kulanka ku sugnaa wasiirka amniga, Maxamed Sheekh Doodishe oo la filayay inay su’aallo weydiiyaan xildhibaanada Baarlamaanka, walow taas xittaa la’isku khilaafay. The post Mooshin buuq dhaliyay oo la horgeeyay BF + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Maanta oo sabti ah waxaa gabi ahaanba xiran suuqa ugu wayn ee ganacsiga degmada Afgooye ee Shabeellaha hoose , halkaas oo la sheegay in aan wax ganacsi ah aysan ka socon. Sid ay sheegeen dad halkaas ku sugan goobaha ganacsiga ee maanta xiran ayaa saamayn waxa ay ku yeelatay ganacsatada halkaas ku sugan kuwaas oo sheegay in wax ganacsi ah maanta aysan samayn. Suuqa Afgooye ayaa sababta uu u xiran yahay lagu sheegay in halkaasi tageen rag sheeganaya in ay leeyihiin milkiyadda dhulka uu kuyaallo suuqa ,taa oo xiisad dhalisay sababna u noqday in saakay xirmo. Maamulka degmada Afgooye wali wax war ah ma uusan ka soo saarin xaaladda maanta oo sabti ah ka taagan suuqa way nee degmada Afgooye oo gabi ahaanba albaabada loo laabay. Sawiro laga helay suuqa oo baraha bulshada la soo dhigay ayaa muujiyanaya goobo badan oo ganacsi oo gabi ahaanba maanta la furan waxaana waddooyinka is taag taagan ganacsatada. Ciidamo hubeysan ayaana wararku sheegayaan in lagu arkayo Suuqa Afgooye, ganacsatada Suuqa ayaana lasoo daristay xaalad cabsi iyo jahwareer isugu jirta. Dhawr jeer ayaa sidan oo kal waxa albaabada loo laabay goobaha ganacsiga ee suuqa degmada Afgooye sabab la xiriirta , sheegashada shaqsiyaad ee lahaanshaha dhulka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa lagu guuleystay in saaka lasoo afjaro dab xalay ka kacay suuq weyn oo ku yaal magaalada Jigjiga ee xarunta Dawlad Deegaanka Soomaalida kaas oo geystay khasaara badan oo aan weli la tira koobin. Madaxweynaha DDS, Mustafe Muxummed Cumar oo ay weheliyaan masuuliyiin heer fadaraal iyo deegaan isugu jira ayaa sida lagu sheegay warbaahinta dowlad deegaanka waxay gaareen suuqa magaalada Jigjiga ee xalay gubtay. Masiibaddan dabiiciga ah oo keentay khasaare hantiyeed oo badan ayaysan cidina ku dhiman sida ya dowladdu xaqiijisay, waxa uuna madaxweynuhu sheegay in ay dowlad ahaan taageeri doonaan dadka ku hanti waayey suuqa. Waxaa xalay suuqa usoo gurmaday dadweynaha magaalada Jigjiga iyo sidoo kale gurmad kasoo gaaray magaalooyinka soomaalida ee deegaanka iyo meela kale. Duqa magaalada Hargeysa ayaa keenay ciidan iyo gaadiid gurmad ah isaga oo Jidjiga yimid xalay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xukuumadda Deegaanka Soomaalida ayaa shaaca ka qaaday in 932 Dukaan iyo dhammaan hantidii yaallay ay ku gubteen suuqii xalay ku gubtay magaalada Jigjiga. Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida ayaa goobtay tegay, iyadoo xukuumaddiisu sheegtay in ay baadhitaan ku samayn doonaan sababta keentay gubashada suuqa. Source
-
Xujayda Soomaaliyeed ee soo gutay waajibka Xajka ayaa dalka dib ugu soo laabanaya sida uu Warbaahinta qaranka u xaqiijiyey Madaxa hawlgelinta Gudidda Arrimaha Xajka Soomaaliya Mudane Yoonis Cismaan Axmed. In ka badan 18 duullimaad ayaa ka soo degay Garoomada Diyaaradaha Soomaaliya kuwaas oo siday 2000, laba kun oo xujay Soomaaliyeed ah,iyadoo sida qorshaha yahay maalmaha fooda nagu soo hayo la soo dhamaystiri doono soo guryo noqoshada xujayda. Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sh Mukhtaar Roobow ayaa dhowaan amray in si deg deg ah loo soo amba bixiyo Xujayda Soomaaliyeed ee soo gutay waajibka Acmaasha Xajka kuna soo guryo noqonaya guryahooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa Maanta oo Sabti ah Imtixaanka Fasalka 12-aad ee dugsiga sare u fariistay ardyada ku nool magaalada Baledweyne oo uu horay kaga baaqday Imtixaanka, kadib Fatahaadii uu dhawaan ka sameeyay wabiga Shabeelle gudaha magaalada Baledweyne. Ardayda Maanta u fariisatay Imtixaanka Shahaadiga dugsiyada sare ee ku yaala magaalada Baledweyne ayaa tiradooda lagu sheegay 1,535 arday oo wax ka barata dugsiyada sare ee ku yaala Baledweyne, sida laga soo xigray bahda waxbarashada ee gobolka. “Waxaan ogeysiineynaa ardayda magaalada Baledweyne ee imtixaankoodi uu u baaqday fatahaaddii uu sameeyey webiga shabeelle in ay galayaan Imtixaanka 8-da Luulyo 2023. Waxaan rajeyneynaa in aad la shaqeysaan kor meerayaasha, saraakiisha iyo ilaaliyeyaasha imtixaanka, una hoggaansanaataan shuruucda loo dajiyey” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare. Si kastaba Imtixaanka sanad dugsiyeedka 2022/2023 ayay dowladdu qaaday 27-kii bishii May ee sanadkaan 2023 ayaa dugsiyada magaalada Baladweyne waxaa ay galayaan laba bil kadib, sababo la iriiray fatahaadihii dhowaan ka dhacay magaalada uu sameeyay Wabiga Shabeelle. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas oo ka amba-baxay Garoowe ayaa gaaray magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar. Ra’iisul wasaarayaashii hore Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ayaa Hoygiisa magaalada Qardho ku booqday, boqor Burhaan boqor Muuse, halkaas oo ay shir gaar ah kula leeyihiin Boqorka. Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa ku wajahan Qardho, ka hor inta aanu u bixin safarkiisa dibadda ee dalka Imaaraadka Carabta. Arrimahan ayaa imaanaya, xilli aan weli xal loo helin khilaafka siyaasadeed ee ka taagan furista dastuurka iyo doorashada 2024, kaas oo sababay dagaalkii dhawaan ka dhacay Garoowe. PUNTLAND POST The post Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas oo maanta Qardho kula shirsan boqor Burhaan boqor Muuse appeared first on Puntland Post.
-
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dagaal xooggan oo ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo isku dhinac iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Beeroyabaal oo hoostaga degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan. Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii ciidanka huwanta ah ay weerar ku qaadeen deegaanka, halkaas oo la sheegay in ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan Al-shabaab sida saraakiil ka tirsan ciidanka howlgalka fuliyay. Dagaalka ayaa ahaa mid aad u xoogan oo qaatay dhowr saacadood oo xiriir ah, kasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira khasaare soo kale gaaray dhinacyada ku dagaalamay Beero Yabaal. Sarkaal u hadlay ciidamada macawiisleeyda ee weerarka culus ku qaaday deegaanka ayaa sheegay in ay dileen 5 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab , sidoo kale ay ku dhaawaceen tira kale sida uu hadalka u dhigay sarkaalkaasi. Dagaalka ka dhacay deegaanka Beera Yabaal ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli deegaannada Hirshabeelle uu ka socdo abaabulka wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee dowladdu ku dhawaaqday in la qaadayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Sir Gavin Williamson oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa laba maalmood ka hor baarlamaanka dalkiisa hor geeyey sharci uu dalkiisa ku aqoonsanayo Somaliland, ayadoo hadafku yahay in meesha laga saaro caqabaddaha dhanka diblumaasiyadda ee ku horgudbanaa muddo badan aqoonsiga Somaliland. Waxaa Xildhibaan katirsan xisbiga Conservative ee laga soo doorto South Staffordshire wuxuuna xildhibaan ahaa ilaa bishii march 2010. Waxaa uu sheegay xildhibaan Gavin in Somaliland ay wax badan oo horumar ah gaadhay muddadii ay aqoonsiga raadineysay. Sidoo kale waxa uu hadlay dagaalka Laascaanood ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaadka nabad-diid ah. William waxaa sidoo kale sharcigan la riixaya Xildhibaano gaadhaya ilaa 10 waxaana kala yihiin: Ian Paisley Waa Xildhibaanka Xisbiga Midowga Dimuqraadiga ee laga soo doorto Waqooyiga Antrim, wuxuu si joogto ah xildhibaan u ahaa tan iyo 6dii may 2010. Lan ayaa sidoo kale ah Afhayeenka xisbiga ee dhanka Dhaqanka, Warbaahinta, Isboortiga, Bulshooyinka iyo Dowladda Hoose. Waxaa uu ku dhashay magaalada Belfast ee ku taalla Ireland 12 Diseembar 1966, da’diisuna waa 56. Kim Johnson Waa xildhibaanad katirsan xisbiga shaqaalaha lagana soo doorto magaalada Liverpool, waxayna xildhibaana aheyd tan iyo 12 Diseembar 2019. Waxay dhalatay 25 August 1966. Kim waxay hore u aheyd sarkaal ka shaqeeya horumarinta bulshada, ka hor inta aan loo dooran baarlamaanka. Waxay shahaadada Dibloomada ka haysataa Shaqada Dhalinyarada iyo Bulshada. Alexander Paul Thomas Stafford Wuxuu dhashay 19 July 1987, xubin katisan baarlamaanka UK. Waxaa laga soo doortay magaalada Rother Valley, wuxuu xildhibaan ahaa tan iyo sanadkii 2019-ka. Alexander Paul Thomas waa muxaafidkii ugu horeeyay ee loo doorto kursiga. Sidookale waxaa uu ahaa Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga muxaafadka ee dhinaca siyaasadda ilaa bishii Sebtembar 2022. Wuxuu dhashay 1987, Alex Stafford wuxuu wax ku bartay Jaamacadda Oxford, isagoo horay uga soo shaqeeyay qeybta isgaarsiinta ee Shell, iyo World Wide Fund for Nature (WWF) ka hor inta aan loo dooran Baarlamaanka. Source
-
Ciidamada howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ATMIS ee ku sugan gobolka Shabeellaha hoose,gaar ahaan magaalada Baladul-Amiin ayaa sheegay iney dileen xubno ka tirsan Al-shabaab. Sarkaal u hadlay ciidanka ayaa xusay in xubnahaan ay doonaayey in ay weerarro gaadmo ah ay ka fuliyaan halkaasi sida uu hadalka u dhigay. Sarkaalka ayaa sidoo kale intaas raaciyay in ay gacanta ku dhigeen hub ay wateen xubnaha la dilay oo uu sheegay iney ahaayeen laba qori. Deegaanka Beledul-Amiin waa dhul beereed ka tirsan Gobolka Sh/Hoose, waxayna 82 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan tahay magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka federalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku leh xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Ajendaha kulanka ayaa ah; 1. Warbixinta iyo Laxisaabtanka Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali ( Dr. Doodisho). Kulanka golaha ayaa waxaa uu qeyb yahay Kalfadhiga sedexaad, waxaa la filayaa in sharciyo dhowr ah la horkeeno, Kalfadhigii labaad ayaa goluhu ku ansixyay sharciyo dhowr ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garbahaarey (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ugu dambeyn isku ballaariyay gobolka Gedo, isaga oo ka adkaaday garabkii kale ee in muddo ahba kasoo horjeeday. Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii uu maamul cusub u magacaabay gobolkaasi, kaas oo hadda ku sugan xarunta gobolka ee Garbahaarey iyo degmooyinka kale. Maamulka cusub ayaa waxaa hoggaaminaya, Cabdullahi Shimbir, kaas oo safar dhulka ah ku gaaray Garbahaarey, kadib markii dhanka hawada laga celiyay. Ninkan iyo xubnaha kale ee la shaqeeya ayaa intaasi kadib dhaq-dhaqaaq xoogan ka bilaabay gobolka intiiisa kale. Abuulka iyo qorshaha ay la yimaadeen xubnaha maamulka cusub ayaa durbo keenay in degmooyinka kale ay taageeraan, isla-markaana ay ku biiraan Jubbaland, taas oo dhabarka jebisay xubnihii kale ee horay ugu sugnaa gobolka, kana soo horjeeday Axmed Madoobe. Degmooyinka laga soo dhaweeyay maamulka cusub ayaa waxaa kamid ah Baardheere, Beledxaawo, Luuq iyo Garbahaarey oo ah meesha uu hadda joogo guddoomiyuhu. Beledxaawo oo shalay lagu qabtay shir jaraa’id oo ay goobjoog ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka cusub ee Gedo iyo saraakiisha laamaha amniga ee gobollka ayaa guddoomiyaha degmadaasi, Cabdirashiid Caroog wuxuu ku dhawaaqay inuu isbeddal ka dhacay gobolka, isla-markaana ay haatan maamul ahaan u wareegeen Jubbaland. “Gobolka waxaa ka dhacay isbeddal waxaa laga gudbay nidaamkiii hore ee ay gacanta ku haysay dowladda federaalka Soomaaliya, haddana loo gudbaayo State uu gacanta ku hayo” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka degmada Beledxaawo Cabdirashiid Caroog. Sidoo kale wuxuu taageeray maamulka cusub ee uu hoggaamiyo Cabdullahi Shimbir, isaga oo shaaca ka qaaday inuu la shaqeyn doono, maadaama uu isbeddal ka dhacay gobolka. “Annaga maamul ahaan waan qaadanay arrintaan, waana soo dhaweynay maanta bulshada reer Beledxaawo waxaan u sheegayaa in maamulka jira uu yahay mid laga xukumo caasimada gobolka ee Garbahaarey oo uu joogo barasaabka cusub ee gobolka, Mudane Cabdullaahi Shimbir, isagana uu hoostago wasaaradda arrimaha gudaha ee Jubbaland, wasaaraddana ay hoostagtagto madaxtooyada Jubbaland” ayuu mar kale yiri Caroog. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Annaga ooka duuleyno masaalixda dadka waxaan go’aansanay inaan hadda la jaan-qaadno maamulka cusub”. The post Daawo: Axmed Madoobe oo ku adkaaday arrinta GEDO kadib arrin soo korortay appeared first on Caasimada Online.
-
Xudur (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerar ku bilowday qarax miino oo maanta lagu qaaday kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, kuwaas oo ku sugan gobolka Bakool, Ciidankan oo watay gaadiidka dagaalka ayaa lagu qarxiyay inta u dhexeysa degmooyinka Rabdhuure iyo Waajid, waxaana kadib xiga dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac. Wararka ayaa sheegaya in ku dhowaada dagaal socday hal saac uu dhexmaray Shabaabka weerarka qaaday iyo ciidamada Itoobiya, waxaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Labada dhinac oo siyaabooyin kala duwan uga hadlay dagaalkan ayaa guullo waa weyn ka kala sheegtay, balse ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara khasaaraha soo kala gaaray. Xaaladda ayaa weli cakiran, waxaana howlgallo culus ay ka socdaan agagaarka magaalada Xudur, halkaas oo ay isku ballaariyeen ciidanka dowladda iyo kuwa Itoobiya ee la weeraray. Sidoo kale weeraro kale oo qorsheysan ayaa xoogana Al-Shabab waxa ay ku qaadeen saldhigyo kale oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ku leeyihiin degmooyinka Qoryooley, Baraawe iyo deegaanka Janaale oo ka wada tirsan Shabeelaha Hoose. Waxaa jira weerar kale oo ay ka hortageen ciidamada ATMIS oo isna ka dhacay deegaanka Baladul Amiin oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Afhayeenka ciidamada howlgalka ATMIS Lt Col Abdullahi Hassan Ganale oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday nay uga hortageen weeraro abaabulan oo ay Al-Shabaab la damacsaneyd ciidamadooda. Col Abdullahi Hassan ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan ay ku dileen ugu yaraan laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla-markaana qayb ka ahaa weerarka gaadmada ah. Dhammaan weeraradan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan la filayo inuu billowdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay ka qaybgalayaan dalalka dariska. The post Weerar ku billowday qarax oo lagu qaaday ciidamada Itoobiya ee gobolka Bakool appeared first on Caasimada Online.
-
Dab xoog leh oo wadad qabsaday dhammaan Suuqa Taywaan oo ah suuqa ganacsi ee ugu weyn magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya. Dabkaan ayaa waxay wararku sheegayaa in wada qabsaday dhammaan suuqa oo dhan. Dab-damiskii soo gaadhay ayaa ilaa hadda aan ku guuleysan in ay damiyaan. “Suuqii weynaa ee Taywaan waa dambus. Waxaan ku tilmaami karaa musiibadii ka dhacay Suuqii weynaa ee Waaheen ee magaalada Hargeysa” ayuu yidhi wariye ku sugan DDS ee Itoobiya Gurmad dab-damis ah oo ka kala yimid Hargeysa, Dirdhabe iyo Harar ayaa soo gaadhay goobta uu dabka ka kacay, laakin nasiib daro inta ayna soo gaadhin ayuu dabkaas is-qabsaday. Source
-
The decade-long delay in the completion of the Provisional Federal Constitution (PFC) is major threat to statebuilding in Somalia. Although one of the reasons behind the delay has been attributed to the difficult process of establishing the Federal Member States (FMS), the decade-long delay attests the unwillingness of Somalis to unite as citizens (not as clan members) of the Federal Republic of Somalia (FRS) governed by the rule of law. Any further delay in completing the constitution will lead to total failure of Somalia statebuilding efforts. Source: Hiiraan Online
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Al-Shabaab iyo dadka deegaanka oo xalay ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii ay ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku aadan agagaarka deegaanka Beerayabaal oo hoostaga degmada Buulo-Burte ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib uu xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, waxaana mar dambe dagaalka ku biiray ciidamada Xoogga dalka. Sarkaal u hadlay Macawiisleyda ayaa ka warbixiyay dagaalkan, wuxuuna shaaca ka qaaday inay ku beegsadeen kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay gaarsiiyeen khasaare xoogan. Ninkan ayaa sidoo kale sheegay inay dhimasho iyo dhaawac gaarsiiyeen illaa todobo xubnood oo ka tirsanaa xubnaha kooxda Al-Shabaab ee goobta ku sugnaa. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaas iyo dagaalka ka horreeyay. Hiiraan ayaa kamid ah meelaha sida weyn loogu jabiyay kooxda, waana halka uu ka billowday kacdoonka haatan ka socda inta badan gobollada Soomaaliya. Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli muddooyinkii u dambeeyay ay hakad galeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Al-SHABAAB iyo dadka deegaanka oo HIIRAAN ku dagaalamay + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) – The SRCC and Head of the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), Ambassador Mohamed El-Amine Souef, said that the ATMIS concluded the first part of a phased withdrawal in no way lessened the mission's commitment to peacebuilding, stabilization and reconciliation efforts. Source: Hiiraan Online
