Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dawladda Israa’iil ayaa sheegtay inay aqoonsanayso in gobolka Saxaaraha Galbeed oo dadka gobolkaasi u dagaalamayaan inay madaxbannaanaadaan uu ka tirsan yahay dhulweynaha dalka Morocco. Source
  2. Baidoa (HOL) - Somali army forces conducted an operation near the Burhakaba district in the Bay region, resulting in the death of at least ten al-Shabab militants on Thursday night. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa goordhow ka bilaabatay maxkamadeynta mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo loo haysto inay ku kaceen falal la xiriira musuq-maasuq. Maxkamadda gobolka Banaadir oo kiiskan qaadeysa ayaa waxaa saaka la horgeeyay 4 mas’uul oo ka tirsan Hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadda kuwaas oo kala ah:- 1-Cabdullaahi Maxamuud Cosoble, agaasimaha waaxda socdaalka ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. 2-Cumar Macallin Nuur, agaasime ku xigeenka waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. 3-Saabir Xasan Cabdinuur, madaxa hubinta Viso kordhinta ee waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. 4-Aadan Maxamed Cabdi, maamulaha qaadashada Visaha ee waaxda Viso kordhinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. Eedaha loo haysto mas’uuliyiintaan ayaa waxaa kamid ah musuq-maasuq, ku takrifal awoodeed iyo lunsasho hanti dadweyne. Dacwaddan waxaa Maxkamadda Gobolka Banaaditr usoo gudbiyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo ku sugan isna hoolka maxkamadda. Sidoo kale dacwadda oo hadda ka socota ayaa waxaa si toos ah loogala socdaa qaar kamid ah warbaahinta Soomaaliyeed oo ay ku jirto warbaahinta dowladda. Hay’adda socdaalka ayaa xuddun u noqotay baaritaanka kiisaska musuq-maasuq ee ay waddo dowladda federaalka, ayada oo la rumeysan yahay in lacagta ugu badan ee dowladda federaalka, laga lunsaday ay ku maqan tahay shaqaalaha sare ee hay’addaas. Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku guda jirto dagaal ka dhan ah musuqa, kaas oo loo soo xiray mas’uuliyiin dhowr ah, halka kuwa kalena ay ka baxsadeen dalka. The post TOOS: Maxkamadeynta mas’uuliyiin loo haysto musuq oo ka socota Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  4. DADAAB, Kenya -- Abdikadir Omar was trapped in an extremist-controlled town in Somalia for years until May, when he slipped out to make a 12-day journey with his wife and seven children to neighboring Kenya in search of food and safety. Source: Hiiraan Online
  5. Mogadishu (HOL) - Somali security forces killed more than 200 al Shabab militants, including senior leaders, in week-long operations carried out in Jubbaland and Galmudug regional states, military officials said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo ay xalay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab kusoo qaadeen duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku beegsadeen ciidamada dowladda Somalia. Weerarkan oo uu xigay dagaal toos ah ayaa ka dhacay deegaanka Arbacow oo ku yaalla duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha ee dhaca inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye. Xubnaha weerarka soo qaaday ayaa beegsaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda oo ku yaalla Arbacow, ayada oo meesha ay isku fara saareen labada dhinac. Ilo deegaanka ayaa innoo sheegay in dagaalka uu socday saacado, isla-markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay. Xaaladda ayaa saaka deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dagaalkaasi xalay ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho. Saldhigga lasoo weeraray ee Arbacow ayaa kamid ah saldhigyadii ay maamlo kahor wareejiyeen ciidamada ATMIS oo haatan bilaabay qorshahooda ka bixitaan Soomaaliya. Maalmo kahor ayey aheyd markii sidaan oo kale ay Al-Shabaab dagaal ugu soo qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Weerarkaas ayaa waxaa ka dambeeyay xubno watay gaari Hoomey ah oo beegsaday bar koontarool oo ku taalla waaxda Barwaaqo, gaar ahaan xaafada Tiida, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee maamulka degmada Dayniile, ayaga oo meesha ku dilay ugu yaraan 5 askari, waxayna muddo kooban la wareegay koontaroolka. Si kastaba, Al-Shabaab ayaa u muuqata inay culeys soo saartay caasimada, kadib markii ay hakad-galeen inta badan howlgalladii xooganaa ee ka socday gobollada dalka. The post Al-Shabaab iyo ciidamada DF oo xalay ku dagaalamay duleedka MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  7. KYIV, July 19 (Reuters) - Russia warned that from Thursday any ships sailing to Ukraine's Black Sea ports would be seen as potentially carrying military cargoes, as Kyiv accused Moscow of carrying out "hellish" overnight strikes that damaged grain export infrastructure. Source: Hiiraan Online
  8. Baghdad (Caasimada Online) – Boqolaal dibad-baxayaal ah ayaa ku xoomay safaaradda Sweden ee bartamaha Baghdad aroortii hore ee Khamiistan, ayaga oo darbiga ka booday kadibna dab qabadsiisay. Mudaaharaadayaasha ayaa kasoo horjeeda gubitaanka kitaabka qur’aanka kariimka ah oo la filayo in mar kale uu ka dhaco Sweden maanta. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Reuters u sheegay in aanu wax dhaawac ah soo gaarin qof ka mid ah shaqaalaha safaaradda. Saraakiisha safaaradda Sweden ee Baghdad ayaan weli ka hadal dhacdadan. Wasaaradda arrimaha dibedda Ciraaq ayaa bayaan ay soo saartay ku cambaareysay falka, waxayna sheegtay inay dowladda Ciraaq ay amartay ciidamada amniga inay fuliyaan baaritaan deg deg ah, islamarkaana dadka ka mas’uulka ah lasoo xiro. Dibad-baxa ayaa waxaa ku baaqay taageerayaasha wadaadka awoodda badan ee Muqtada Sadr, si ay uga mudaaharaadaan qorshe la filayo in mar kale qu’raanka lagu gubo oo ka dhacaya Sweden. Wakaaladda wararka Sweden ee TT ayaa Arbcadii sheegtay in booliska Sweden ay aqbaleen codsiga isu soo bax ka dhacaya dibedda safaaradda Ciraaq ee Stockholm, Khamiistan. Codsiga ayaa waxaa ku qoran in dadka dalbaday ay doonayaan inay gubaan qur’aanka iyo calanka Ciraaq, sida ay werisay TT. Sida ay sheegtay TT, qorshahan ayaa waxaa wada laba qof oo midkood uu yahay ninkii qu’raanka ku hor gubay Masjid ku yaalla magaalada Stockholm, bishii June. Muuqaallo lagu baahiyey barta Telegram ayaa muujinaya dad ku ururaya safaaradda Sweden ee Baghdad abaare 1-dii am ee saaka, kadibna saacad kadib ku xoomay safaaradda. Muuqaallo ayaa goor dambe muujiyey qiic ka kacaya dhismaha safaaradda. Ma cadda haddii gudaha safaaradda ay dad ku jireen xilligaas. Bishii tagtay Muqtada Sadr ayaa ku baaqay dibadbaxyo ka dhan ah Sweden iyo in la eryo safiirka Sweden kadib markii nin asal ahaan kasoo jeeda Ciraaq uu qur’aanka ku gubay Stockholm. Laba dibadbax oo waa weyn ayaa ka dhacay dibedda safaaradda Sweden ee Baghdad kadib markii qur’aanka la gubay, ayada oo dibad-baxayaasha ay mar jebiyeen xeendaabka safaaradda. The post Sawirro: Safaaradda Sweden ee IRAQ oo ay gubeen dad ka careysan gubista qur’aanka appeared first on Caasimada Online.
  9. In a landmark ruling given on Wednesday, a Kenyan court ordered the deportation of British terrorist Jermaine John Grant back to the UK upon completion of his prison sentence. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmahan baraha bulshada ee ay Soomaalida ku wada xiriirto qabsaday hadal uu dhahay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji kaas oo tibaaxay in uu reerkiisa shaqaaleysiinayo haddii uu fursad u helo. Wasiirka oo hortagay Guddiga Dhaqaalaha, Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hor sheegay in uu reerkiisa shaqaaleysiinayo haddii uu fursad u helo. Wasiir Jibriil oo ka jawaabaya su’aal uu guddiga Golaha Shacabka ka weydiiyay shaqaale cusub oo uu qortay, kuwaasi oo ku beel ah wasiir Jibriil, ayaa waxa uu yiri: “Shaqaalaha dowladda Soomaaliya ee 4.5 lagu saleeyay, mab’da aad qabtid ee ah walaasha iyo walaalka ama nin kugu qaraabada ayaa qortay ma qabi, hadda kuu sheegaa ninka u sokeeya ee wax siinayo waa ninka qaraabadeyda hadda u heli karo meel, waxaa rabaa in si saraaxa iskaga hadlo,” ayuu yiri wasiir Jibriil Cabdirashiid. Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxa aad adigu sameyn laheyd ha igu eedeyn marka talada qabsatid. Tobanka la magacaabay kuwa kale oo qaraabadeyda ah haddaa boos u helo waa siinaa, laakiin qof u dulmin maayo. Haddaa bajad u helo waxaa iska fujinaa kuwii isoo doortay ee iga daba-qeylin jiray.” Hase yeeshee wasiirka ayaa raalli gelin ka bixiyay hadalkaas waxa uuna qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri: “Waxa aan umadda Soomaaliyeed u bayaamiyey hadalkii shalay ee doodda badan dhaliyey, oo aan u caddaynayo in Wasaaradda Ganacsigu tahay hay’ad dawladdeed oo loogu adeego shacabka Soomaaliyeed isla mar ahaantaana aanay ahayn meel shaqaalaheeda lagu dulmiyo kuwo kalena si reernimo ah loo qorto.” Haddaba waa kuma wasiir Jibriil Cabdirashiid? Wasiir Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa hadda ah Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xilkaas oo loo magacaabay bishii August ee sanadkii hore. Wasaaraddan ayaa Soomaaliya u qaabilsan dhanka ganacsiga iyo warshadaha. Horay Jibriil waxa uu xildhibaan soo noqday intii u dhaxaysay 2016 iyo 2022, haddana mar kale ayaa loo doortay inuu xildhibaan noqdo inta u dhaxeysa dhaxeysa 2022-2026. Ka hor inta aan loo magacaabin xilka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, waxa uu ahaa Xoghayaha Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu horay xilal kala duwan uga soo qabtay dowladda Soomaaliya sida Agaasimihii Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Caddaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi waxa uu bare ka ahaa Kulliyadda Maamulka Ganacsiga ee Jaamacadda Soomaaliya. Dhinaca kale, Wasiir Cabdirashiid ayaa la soo shaqeeyay dallada Towfiiq oo ka qayb ka ah hawlaha samafalka ee diiradda saaraya gargaarka, nabadda, iyo horumarinta Soomaaliya. Aqoon ahaan Jibriil waxa uu shahaadada koowaad ee cilmiga (Business Management) ka qaatay Jaamacadda Nairobi, Kenya. Sidoo kale waxa uu shahaada Xisaabta iyo Maamulka ka qaatay machadka ACCA. Waa shakhsi si faseexa ugu hadlo luuqado dhowr ah oo kala ah afafka Soomaaliga, Ingiriisiga iyo Carabiga. The post Jabriil C/rashiid: Waa kuma wasiirka sheegay in reerkiisa kaliya uu shaqaaleysiinayo? appeared first on Caasimada Online.
  11. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan lagu wado in uu gaaro Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa la filayaa in uu si hoose u eego xaalka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe. Madaxweynaha ayaa qorsheynaya in uu saldhig ka dhigto Magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu kala socon doono abaabulka iyo dardargelinta gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa la filayaa in magaaladaasi uu ku qaabilo Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, si uu uga la hadlo arrimaha gobolka, waxna uga weydiiyo damacooda siyaasadeed ee mustaqbalka. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu Madaxda Ahlu Sunna la wadaagi doono barnaamijkiisa ah in dowladda laga taageero dagaalka ay tahay in xididada loogu siibo maleeshiyada Shabaabka. Madaxweynaha ayaa waxaa la leeyahay waxa uu daneynaya in cududooda uu kaga faa’iideysto wejiga labaad ee hawlgalka la qorsheeyay in aagag badan dagaalka lagaga furo kooxaha argagixisada. Madaxii Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa dhawaan sheegay in uu wada hadal u socdo iyaga iyo Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si toos ahna ay uga qayb qaadan doonaan dagaalka bartamaha dalka looga ciribtirayo Khawaarijta, sida uu yiri. Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa dibadjoog ka ahaa siyaasadda Galmudug, tan iyo markii xoogagooda dagaalka looga saaray Dhuusamareeb, dhammaadkii bishii February ee sanadkii 2020. Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Sheekh, Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo lafdhabar u ah Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa bartamihii bishii September ee sanadkii 2021 dib ugu soo laabtay gobolka, markaas oo Siyaarada Sheekh Yuusuf Direed ay kaga qaybgelayeen deegaanka Huurshe. Xoogaga Ahlu Sunna ayaa xilligaas dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabay gobolka, ka dib markii hoggaankooda ay iclaamiyeen dagaal ka dhan ah Shabaabka hubeysan ee carqaladda ku ah amniga dalka, waxaana xigay weerarkii 1-dii bishii October ee sanadkaasi kula wareegeen gacan ku haynta Magaalada Guriceel, inkastoo dagaalo lagu riiqmay oo wada hadal uu ka dambeeyay ay daba-yaaqadii bishaasi dib uga baxeen Guriceel oo mar ahayd Xarunta Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe. Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka ayaa xilligaasi ku guuleystay in ay waan-waan ka dhex bilaabaan Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Maamulka Galmudug oo dhinac ah iyo dhanka kale oo Ahlu Sunna ahayd. Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa wixii xilligaasi ka dambeeyay saldhig ka sameystay deegaanka Bohol, oo dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Dhuusmaareeb. Hoggaanka Ahlu Sunna oo marar badan gobolka kula kulmay odayaasha, waxgaradka iyo ganacsatada deegaanka ayaa kala hadlay, sidii dib loogu soo noolleen lahaa doorkii siyaasiga ee Ahlu Sunnada Galmudug. Ahlu Sunna waa cudud xoog leh oo ka jirta Gobolada Dhexe, iyadoona xertii ay wax soo bareen ku kala daadsan min Guriceel illaa Wisil. Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa la sheegaya in ay walaac dhanka amniga ka qabto xoogaga hubeysan ee duldegan Magaalada Dhuusamareeb, walow illaa hadda aanay Ahlu Sunna muujin falal ka dhan ah amniga magaaladaasi, marka laga soo taggo weerarkii bishii May 13-keedii ku ekeysay magaalada, qaybo ka mida magaaladana ay muddo saacado ah ku sugneyd. Ilo ku dhow dhow Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cali Kaariye (Qoorqoor) ayaa ku waramaya in uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud weydiistay bal in Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug laga dulqaado xoogagan, taas oo keentay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu wada hadal hoose la bilaabo hoggaankooda. Ahlu Sunna oo dhowr iyo toban sano ka arrimineysay Gobolada Dhexe ayaa dhulkii ay maamuleysay ka dhigtay mid ka caagan weerarada Al-Shabaab. Ahlu Sunna ayaana lagu ammaanaa in ay ummadda Soomaaliyeed bartay in lala dagaalami karo mintdiintaasi. Ahlu Sunna ayaa lagu tilmaamaa mid fahamsan xeeladda dagaalka ee Shabaab, tani oo loo maleynayo inay Madaxweyne Xasan Sheekh ku riixday in uu garwaaqsado, sidii uu hoos ugu eegi lahaa damacooda siyaasiga ah, wada hadalo qarsoodi ahna uu la bilaabo. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka, Axmed Macalin Fiqi ayaa laga warqabaa in uu yahay xiriiriyaha Villa Somalia iyo Hoggaanka Ahlu Sunna, tan iyo intii dib loo soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh. Muddadaasi ayaa waxaa la leeyahay Ahlu Sunna wax qalqal amni ah kama samayn Galmudug, taasi bedelkeedana ay xoogageeda u babac-dhigeen weeraradii qaraxyada ku bilowday ee kala dambeeyay, isla-markaana ay Shabaabku ka gayseen Degmada Baxdo iyo deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud. Waxa kaloo ka sii horreysay in Xerta Ahlu Sunna ay Shabaab ka hor istaageen in ay la wareegaan gacan ku haynta Degmada Wisil ee Gobolka Mudug. Xerta Ahlu Sunna oo qaab beeleed u abaabulan ayaana noqday cidda qura ee ay Shabaabku ka qabsan kari waayeen Wisil. Si kastaba ha-ahaatee Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Madaxda Ahlu Sunna la kulmi doono, muddada uu ku sugan yahay Galmudug, haddii aanu qorshihiisu waxba iska bedelin. The post Madaxweyne Xasan iyo Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe oo markan loo kala bixi doono appeared first on Caasimada Online.
  12. Ceelwaaq (Caasimada Online) – Maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ayaa dhowaan dib u qabsaday deegaanka Geriley ee Gedo, halkaas oo kamid ah saldhigyadii ay wareejiyeen ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa dalka Kenya ee ka howlgala deegaanada Jubbaland. Arrintan ayaa durbo si weyn looga falceliyay, maadaama uu hadda billow yahay qorshaha bixitaanka ATMIS, Al-Shabaabna ay billowday dib u gurasho deg deg ah. Xildhibaan Mursal Khaliif oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena ka mid ah Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka ayaa si adag uga hadlay joogitaanka magaalada Geriley ee kooxda Al-Shabaab, isagoo tilmaamay inay tahay arrin niyad jab ah. Mursal ayaa sidoo kale walaac xoogan ka muujiyay la wareegidda deegaankaasi, isaga oo intaasi ku daray in aysan gurmad helin ciidamada Soomaaliya ee ku sugan halkaasi. “Shan maalmood ka dib markii Al-Shabaab waxay soo galeen magaalada Geriley, ma jirto wax gurmad ah oo soo gaaray ciidamada Soomaaliya ee markii hore ku sugnaa,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qabsashada Al-Shabaab ee Geriley ay muujineyso in kaalmo degdeg ah ay beesha caalamka uga baahan yihiin ciidamada Soomaaliya, si ay u xoojiyaan ammaanka iyo sidoo kale dagaalka adag ee ay kula jiraan kooxda. Waxaa kale uu xusay haddii aan la garab istaagin ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka dhalan karto halis horleh oo dib soo nooleen karto kooxda Al-Shabaab. Xildhibaanka ayaa xusay inay Al-Shabaab ay mar kale kordhin karto weeraradeeda, sidoo kalena ay isku ballaari doonto dhul ballaaran oo horleh, haddii aan laga hortegin. “Haddii ciidamadan dowladda Soomaaliya aysan si deg deg ah u xoojin beesha caalamka, waxaa hubaal ah in Al-shabaab ay kordhin doonaan saldhigyada ay ku leeyihiin xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana dhici doonta in magaalooyin badan ay hoos yimaadaan gacantooda, taas oo khatar gelineysa amniga iyo wanaagga bulshooyinka labada dhinac. ee xuduudda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan kooxda Al-Shabaab ay beegsi ku billowday saldhigyadii ay ka baxeen ciidamada ATMIS, waxaana ugu dambeeyay saldhigga deegaanka Arbacow oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho oo ay xalay ku qaaday dagaal toos ah. The post Qabsashada Al-Shabaab ee Geriley oo muujisay hal arrin appeared first on Caasimada Online.
  13. Caabudwaaq (Caasimada Online) – Nimco Jamaal Axmed ayaa lagu dilay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxayna sababsatay isticmaalka aaladda Tiktok, halkaas oo ay ku baahisay muuqaalo ay ka caroodeen ehelkeeda. Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen xubno ka mid ah ehelka gabadhaas waxay Nimco u geeriyootay jir-dil ay u geysteen ugu yaraan 5 qof oo ka tirsanaa qoyskeeda. Dadkaan, ayaa gabadha ku jir-dilay duleedka magaalada, kadib markii ay ku qaateen gaari, waxaana la sheegay inay soo gaareen dhaawacyo culus oo sababay inay u geeriyooto jir-dilkii loo geystay. Xubnaha dilay gabadhaas oo u badnaa walaalaheed ayaa ka carooday muuqaalo ay ku baahisay baraha bulshada, gaar ahaan Tiktok, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey gabadha la dilay Abtigeed. Wiilal iyo gabdho ayey isugu jireen xubnaha geystay jir-dilka, kuwaas oo hadda ku xiran saldhigga booliska magaalada Caabudwaaq oo falkaasi uu ka dhacay. Sheekh Ibraahim Faarax Cabdulle oo soo korsaday gabadha la dilay, isla markaana Abti u ahaa ayaa warbaahinta u sheegay in Nimco oo loo geystay dhaawacyo culus uu ka soo qaaday goobtii lagu jir-dilay, isla markaana ay ku geeriyootay isbitaalka. Sidoo kale Sheekh Ibraahim oo ka cudur-daartay inuu wareysi bixiyo ayaa sheegay inay socdaan baaritaano uu wado booliska magaalada Caabudwaaq oo ku saabsan sababtii loo dilay gabadha oo hadda wararka hordhaca ah ay sheegayaan inay sababsatay muuqaalo ay iska duubtay. Allaha u naxariistee Nimco waxay aheyd Hooyo heystay carruur aan la shaacin tiradooda – seddax gabdhood iyo laba wiil ayaa loo heystaa dilka Nimco Jamaal Axmed. Maamulka degmada iyo taliska booliska Caabudwaaq ayaa ka gaabsaday inay faahfaahiyaan dhacdadaan oo argagax ku abuurtay bulshada magaalada, waxaana la xaqiijiyey in lasoo xiray xubnihii dhibka geystay oo baaritaano ay ku socdaan. The post Dhacdo Naxdin leh: Hooyo isticmaalka Tiktok dartiis loogu dilay degmada Caabudwaaq appeared first on Caasimada Online.
  14. Buurhakaba (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxay howlgal gaar ah oo ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen duleedka degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, halkaas oo isbaaro ay u taallay kooxda Al-Shabaab. War ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay ugu yaraan 10 Shabaab ah oo isbaarada ku sugnaa, kuwaas oo go’doomin ku haayey gobolka Bay. “Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal Qorshaysan ka fuliyay Xarun ay ku sugnaayeen Khawaarijta oo ku taalla deegaanka Ceel-bashiir oo ku yaalla wadada xiriirisa Deegaanka Jameeco iyo Degmada Buur-hakaba,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda. Hawlgalkaas ayaa dhacay salaadii maqrib ee xalay, waxaana lagu dilay 10 ka mid ah maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee goobtaas lagu weeraray. “Goobta hawlgalku ka dhacay waxay ahayd Isbaaro ay Khawaarijtu ku qaadanaysay Lacago Baad ah, iyaga oo maalmihii danbe u isticmaalayay in ay ku cuna-qabateeyaan Shacabka ku nool Gobalka Baay,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda ka soo baxay. Ugu dambeyntii waxaa qoraalkaan lagu yiri, “Hawgalku waxa uu kusoo dhamaaday sidii ay u qorsheeyeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.” Warkaan ayaa imaanaya iyadoo shalay Al-Shabaab lagu laayey howlgal kale oo dhacay degaanada Gal-Libaax iyo Ceel Qurac oo dhaca xadka gobolada Galgaduud iyo Sh/Dhexe, halkaas oo lagu dilay ku dhawaad 100 Shabaab ah, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya. Sidoo kale howlgalka ka dhacay Buurhakaba wuxuu imaanaya xilli cunaqabateyn adag ay Al-Shabaab ku soo rogeen gobolka Bay, taas oo dhalisay qeylo dhaan iyo sicir-barar ka taagan magaalooyin ay ugu horeyso Baydhaba. Dowladda Soomaaliya iyo K/Galbeed ayaa loogu baaqay inay deg deg cunaqabateynta uga saaraan dadka reer Baydhaba, waxaana muuqata in K/Galbeed uu bilowday qorshe looga hor tegayo cunaqabateynta kooxda. The post Ciidamada DF oo howlgal ku dilay 10 ka mid ah Shabaab-kii go’doomiyey gobolka Bay appeared first on Caasimada Online.
  15. Dawladaha caalamka ee taageera doorashooyinka iyo dimuquraadiyada Somaliland ayaa ku qaybsamay in qoraal midaysan laga soo saaro mudayntii doorashooyinka Somaliland ee ay ku qaybsameen gudiga doorashooyinka Somaliland. Beesha caalamka ee taageeri jirtay Somaliland ayaa doodo dheer oo ay yeesheen waxa ay ku kala jabeen laba qoraal oo ay soo saareen gudiga doorashooyinku oo midna uu ku saxeexnaa gudoomiyahu, iyo mid saqdii dhexe laga daba keenay oo ay ku saxeexnaayeen shan xubnood halka ay ka maqnaayeen laba xubnood taasi oo badka keentay khilaafka jira iyo dhibka meesha yaala. Dalalka ka diiday ee arinka gudiga doorashooyinka diiday in ay saxeexaan ee horana u saxeexi jiray waxa ka mid ah. Weliba in ay muddo qaadatay oo dood adag laga yeeshay dowlado badanina aanay qayb ka ahayn oo ay taxaddir ka muujiyeen waxaana kamida: Maraykanka UAE Qatar Turkey Kenya Djibouti IGAD UN Iyo dowlado kale oo ku jiri jiray baaqyadii hore Dalalka ee shalay baaqa soo saaray waxa ay sheegeen oo nuxurkoodu uu ahaa in ay ogaadeen oo uu soo gaadhay go’aankii gudiga doorashadu oo aanu ahayn taageero ay arintaasi lagu qaybsanyahay ay taageersanyihiin. Qaran News
  16. Duqeyn Laxaadle oo Ruushku ku Qaaday Ukraine Ukraine(Qaran)-Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ayaa duqeyn culus u geystay magaalo xeebeeda Odhesa, waxaana duqeyntaasi lagu burburiyey xarun ay taalay qamdi iyo gallay, sida ay sheegtay wasaaradda beeraha ee dalka Yukreyn. Wasaaradda beeraha Yukreyn ayaa sheegtay in duqeyntaasi lagu burburiyey bakhaar weyn oo ay ku jireen 60,000 oo tan oo Qamdi iyo gallay ah. Duqeyntaasi waxa kale oo ku dhaawacmay 12 qof oo ku sugnaa magaallo xeebeeda Odhesa. Duqeytan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo madaxweynaha Ruushku uu ka baxay heshiiskii ay ku wada jireen Qaramada midoobay, Turkiga iyo Yukreyn ee dhoofinta qamadiga iyo gallayda dalka Yukreyn. Wasaaradda Beeraha Yukreyn ayaa sheegtay inay muddo sannad ah qaadan doonto dib u dhisidda xarumaha la duqeeyey. Lix Qof oo Ku Dhintay Shil Baabuur Austarlia Austarlia(Qaran)- Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhaawacmay ka dib markii ay isku dhaceen laba baabuur oo rakaab ah iyo gaadhi weyn oo siday Kaare ay leeyihiin ciidanka Maraykanka dalka Ustaleeriya. Shilkan ayaa ka dhacay bartamaha gobolka Queensland, sida ay tebisay waraabhinta ABC ee dalka Usteraaliya. Isku dhacan baabuurtan ayaa ka dhacay waddo ah nooca Highway oo ay baabuurta si xawli ah ku marayeen. Booliska gobolka Queensland ee dalka Ustareeliya ayaa sheegay in saddex baabuur uu dab ka kacay shilka ka dib, halka baabuur kalena uu khasaare weyni soo gaadhay. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in khaasare weyni soo gaadhay baabuur ay leeyihiin oo siday Kaare nooca Abrams ee Maraykanku sameeyo. Maraykanka oo indhaha ku Haya Gantaalo ay Tijaabisay Waqooyiga Kuuriya Kuuriya(Qaran)-Millatariga Waqooyiga Kuuriya ayaa bariga dalkaasi u tijaabiyey laba gantaal oo ah nooca Balastiga saaka salaadii hore wakhiga Kuuriya. Tijaabadan ayaa ka dambaysay markii uu dalka Koofurta Kuuriya uu gaadhay markab gujis ah oo ah nooca xambaara gantaalaha Balaastiga oo uu Maraykanku leeyahay. Markabkan Maraykanka ayaa markii ugu horraysay gaadhay dalka Koonfurta Kuuriya in badan 40 sanno. Markabkan ayey dawladda Maraykanka tegitaankiisa ku micnaysay mid loogu talogalay inuu ka qaybqaato sidii looga jawaabi lahaa haddiiba ay Waqooyiga Kuuriya weerar ku soo qaado Koofnurta Kuuriya. War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga ee Japan ayaa lagu sheegay in labada gantaal ee ay tijaabisay Waqooyiga Kuuriy ay ku dhaceen meel ka baxsan xarunta gaarka ah ee ganacsiga Japan. Qaran News
  17. Trump oo Sheegay in Lagu soo Oogayo Dacwado USA(Qarannews)-Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu filayo in lagu soo oogo dacwado la xidhiidha weerarkii Jeenawari 6 lagu qaaday xarunta Congress-ka ee Capitol Hill. Dacwaddaas ayaa sii xoojin doonta dhibaatooyinka sharci ee haysta Trump xilli uu mar kale isku dayayo inuu u ordo Aqalka Cad. Tramp ayaa sheegay in waaxda cadaaladdu noqotay hubka Dimoqraadiyiinta, waxaanu intaas ku daray in ay rabaan inay hoos u dhigaan, wiiqaan isla markaana ay cabsi geliyaan dadka. Trump oo la hadlay Fox News goor dambe Salaadadii ayaa ku eedeeyey Xisbiga Dimoqraadiga inay Waaxda Cadaaladda u adeegsanayaan inay dilaan mustaqbalkiisa siyaasadeed. Trump, oo ah musharaxa ugu cad cad musharaxiinta madaxweyne ee Jamhuuriga, ayaa waxa uu horey u wajahayey dacwado dambi oo kaga yimid dambi baadhaha gaarka ah ee Jack Smith, kuwaas oo la xidhiidha inuu si khaldan u maareeyey dukumentiyo dowladeed oo sir ah. Trump ayaa sheegay inuu Axaddii warqad ka helay Smith, taasi oo sheegeysa inuu bartilmaameed u yahay baadhitaanka lagu sameynayo dhacdadii January 6, 2021, markaasi oo taageerayaasha Trump ay ku xoomeen Congress-ka, si ay uga hortagaan sharciyeynta guushii madaxweyne Joe Biden ee doorashadii 2020. Qaran News
  18. Somaliland: Tirada Dadka la Nool HIV/AIDS ee Dawada Qaata oo la shaaciyay Hargeysa(Qaran news)- Agaasimaha fulinta Komishanka Qaranka Xakameynta HIV/AIDS Ismaaciil Xaaji Muxumed Aaye, ayaa sheegay in tirada guud ee dadka qaata daawada xannuunka AIDS-ku ay yihiin 1907 qof. “Xogtada dadka imika la haya waxa weeyaan 1907 qof, oo qaata daawada, inta marka daawada qaadata waa inta u baahan in raashin la siiyo,”ayuu yidhi Agaasimuhu. Sidoo kale waxa uu sheegay guddoomiyaha xakameynta HIV/AIDS in 24 qof oo ka mida bulshada la nool xanuunka la barayo xirfado ay ku shaqaystaan, ahna dufcadii ugu horraysay. Waxaanu yidhi “Waxa ugu badan ee aanu imika qabanay waa in dadkani faquuqa ka baxaan oo bulshada soo dhexgalaan, kulamo ayaanu dhawrjeer u qabanay ay ku sheekaystaan. Wixii waxbarankaraya waanu barnaa, imika 24-kii qof ee ugu horreeyay ayaanu waxbarasho u bilowney xirfad ay ku shaqaysan karaan, waxa qorshahayagu yahay haddii 24-kani ay guulaystaan in dad badan oo bulshada xannuunka la noola aanu barno farsamooyin iyo xirfado ay ku shaqaystaan” Geesta kale waxa uu sheegay in uu hoos u dhacay xannuunka AIDS-ku, isla markaana mihiimadu tahay in halka lagu hay “Imika hoos u dhac aad u weyn ayaa jira waxa keentay daawada la qaadanayo iyo wacyigelinta la sameeyay.” Wuxuu daboolka ka qaaday in gacanta lagu hayo xeerkii Hay’adda xakamaynta dadka qaba xanuunka, si loo helo xeer sahlaya in qofkasta laga baadho xannuunka si loo hubbiyo xaaladiisa caafimaad,Waxaanu yidhi “Waxaanu imika gacanta ku hayna xeerki lagu dhaqayay bulshada ee qabta HIV/IADS, kaas oo golaha wasiiradda horyaala, ansixintiina sugaya. Hadda qof isagu ogol in uu isbaadho uunba la baadha, sababto ah xeer uma hayno aynu nidhaahno qof walba hala baadho, dadka ajaanibta ah ee imanaya hala baadho, marka waxaan soojeedinaya in bulshada wacyigelin loo sameeyo si qof kasta fursad ugu helo in la baadho.” Gaba-gabadii waxa uu xusay in qorshuhu yahay in sannadka 2030-ka Caalamka oo dhan laga hirgeliyo. Qaran News
  19. Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu filayo in lagu soo oogo dacwado la xiriirta weerarkii January 6 lagu qaaday xarunta Congress-ka ee Capitol Hill. Dacwaddaas ayaa sii xoojin doonta dhibaatooyinka sharci ee haysta Trump xilli uu mar kale isku dayayo inuu u ordo Aqalka Cad. Trump, oo ah musharaxa ugu cad cad musharaxiinta madaxweyne ee Jamhuuriga, ayaa waxa uu horey u wajahayey dacwado dambi oo kaga yimid dambi baaraha gaarka ah ee Jack Smith, kuwaas oo la xiriira inuu si khaldan u maareeyey dukumentiyo dowladeed oo sir ah. Trump ayaa sheegay inuu Axaddii warqad ka helay Smith, taasi oo sheegeysa inuu bartilmaameed u yahay baaritaanka lagu sameynayo dhacdadii January 6, 2021, markaasi oo taageerayaasha Trump ay ku xoomeen Congress-ka, si ay uga hortagaan sharciyeynta guushii madaxweyne Joe Biden ee doorashadii 2020. “Jack Smith, dacwad oogaha Waaxda Cadaaladda Joe Biden, ayaa soo diray warqad… uu ku sheegayo inaan bartilmaameed u ahay baaritaanka xeerbeegtida January 6,” Trump ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo dhigay barta Truth Social. Trump oo 77 jir ah ayaa sheegay in la siiyay afar maalmood si uu ugu soo wargaliyo xeerbeegtida taas oo mar walba la macno ah xarig iyo dacawd. PUNTLAND POST The post Donald Trump oo shaaciyay in uu filayo in la xiro appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid oo hortagay Guddi Xildhibaano ah ayaa si shaacsan u qirtay inuu qaraabadiisa iyo ehelkiisa kaliya shaqo siinayo. Wasiir Jibriil ayaa sheegay in fursadaha shaqo ee kasoo baxa wasaaraddiisa uu galinayo dadkii soo duurtay oo reerkiisa ah, taasi oo hadal hayn badan dhalisay. “Shaqaalaha dowladda Soomaaliya ee 4.5 lagu saleeyay, mab’da aad qabtid ee ah walaasha iyo walaalka ama nin kugu qaraabada ayaa qortay ma qabi, hadda ku sheegaa ninka u sokeeya ee wax siinayo waa ninka qaraabadeyda hadda u heli karo meel, waxaa rabaa in si saraaxa iskaga hadlo,” ayuu yiri wasiir Jibriil Cabdirashiid. Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxa aad adigu sameyn laheyn ha igu eedeyn marka tallada qabsatid. Tobanka la magacaabay kuwa kale oo qaraabadeyda ah hada boos u helo waa siina, laakiin qof u dulmin maayo. Hadda bajad u helo waxaa iska fujina kuwii isoo doortay ee iga daba-qeylin jiray.” Haddaba, Sidee looga fal-celiyay qirashada wasiirka? Maxamed Xareed Muxumed: “Waan ku taageersanahay aniga wasiirka sababto ah wax qof walba oo siyaasi ah uu si hoose uu u sameeyo maalin walba ayuu isaga muujiyay wax lagu qabsada ma lahan isleeyahay.” Cabdirisaaq Guure ayuu yiri “Wasiirka waa runtii tolkaaga iyo lobtaadaba dhexdaa looga jiraa. Labo bil kahor buu madaxweynaha ka hadlay.” ‘”Wasiirku wuxuu mudan yahay amaan wayo runta ayuu qaatey in uusan cidna kala ganban waayo Soomali ayaa sidaas odhan ka siman mahadsanid wasiir,” ayuu yiri Cabdifataax. Cabdiraxmaan Daahir Yuusuf: “Wasiirka waa runtiisa qofkasta oo dowladda xil ka haayo ayaa sidaas sameeyo waana wax jiro aniga haddii aan xil qabto kuwa ay hooyaday iyo aabahay dhaleen aan siinaa iyo qaraabadayda Soomaalinimo waxba kuma bixinaayo.” “Waan ku raacsanahay, sababtoo ah wasaaradda awood qaybsi buu ku tagay, reerkiisa baana qayb u helay,” ayuu yiri qof kale oo ka fal-celiyay hadalka wasiirka. Ridwaan Cali Axmed: “Kaan asiga halaga qaado ee haloo dhiibo qof qaran ah waaba mid aan caadi aheyn.” Maxamed Jimcaale Cali ayuu isna yiri “Wasiirka waxaa ka dhinaa oo kaliya hadduu u qalmo booska banaan aqoonteedan leeyahay.” “Horta waxaa moodaa dadka Soomaaliyeed marna ma jecla xaqiiqada. Wasiirku wuxuu ka hadlay waa wax qofkasta sameeyo. Anigu hadda wasiirkaas lama yaabin taas iyo mid ka daran waxay ka soocotaa dhamaan xafiisaada dalka madaxtooyo illaa iyo meesha ugu hoosaysa,” ayuu yiri Jaamac Saalim Tooreeye. Ciise Samatar: “Wasiirku waxa uu ka hadlay oo ka run sheegay waaqiciga dalka ka jira iyo qaabka dowladda Xasan ushaqayso. Waana ku mahadsan yahay runta iyo waxa jira inuu la wadaago bulshada Soomaaliyeed.” Bishaar Maxamed Godor ayaa isna yiri “War ninkwan runta ayuu sheegay waa daacad munaafaq ma ahan, waana raganimo in uu ninku wixiisa cadaysto.” “Wasiirku wuxuu ku hadlay afka xukuumadda maanta jirta wax qaldana ma sheegine waxa jira uu sheegay,” ayuu yiri Cabdinuur Aadan. Cabdullahi Sheekh Bashaar: “Wasiirka waa runtiis shaqada dowladda qaab qabiil oo weliba qoys ayaa lagu kala qaataa, shaqo dowladeed oo daah-furan weli ma arag.” Maxamed Muuse Cusman ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Run buu sheegay midkasta dadkiisa buu wax la jecel yahay oo haduu fursad haduu helo garaado u xidhaya . Intaas uu kor u dhahay midkasta hoos buu u leeyahay.” The post Sidee looga fal-celiyay qirashadii wasiir Jabriil ee fadeexadda dhex-joojisay DF? appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda Soomaaliya Jabriil Cabdirashiid ayaa raali gelin iyo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey hadal shalay uu ka hor sheegay guddiga arrimaha bulshada ee golaha shacabka. Wasiirka ayaa shalay sheegay in hadii uu helo boos uu ku shaqaaleysii karo qof uu gelinayo qof qaraabadiisa ah, isla markaana uu muhiimadda koowaad siinayo beesha uu ku metelo kursiga. Wasiir Jabriil oo mar kale galabta shir jaraa’id qabtay ayaa raali gelin ka bixiyey hadalkaas qayaxan, isagoo sheegay in hal qof oo qaraabadiisa ah uusan shaqo ka siin wasaaradda uu joogo ee ganacsiga, balse hadalkaas uu ka ahaa rag iska dhicin. Sidoo kale wasiirka ayaa faahfaahin ka bixiyey hanaanka loo maray shaqaale 10 qof ahaa oo laga ruqseeyey hey’adda Tayodhowrka oo hoos tagta wasaaradda ganacsiga iyo sida lagu qoray 10 qof oo kale oo boosaskaas loo qaatay. Wuxuu sheegay in shaqaalaha la ruqseeyey aysan qibrad u laheyn shaqada laga rabo inay qabato hey’adda Tayodhowrka, sidaasna looga saaray liiska isagoo dalka ka maqan. Sidoo kale wuxuu sheegay in 10 qof kale ay qaadatay hey’addu, kuwaas oo ku yimid tartan ama imtixaan, isla markaana la marsiiyey nidaamka dowladdu ay wax ku shaqaaleysiiso. “Shalay waxaa la ii fahmay in 10-ka qof aan bedelay oo dadkeyga aan ku bedelay, sidaas uma shaqeyno guud ahaan dadka Soomaaliyeed ayaan wasiir u ahay, hal qof kuma lihi dadka la igu heysto,” ayuu yiri wasiir Jabriil. Wuxuu sheegay in halkii sano ee wasaaradda uu joogay uusan wax is bedel ah ku sameyn shaqaalaha wasaaradda ganacsiga, “Aniga saan u imid wasaaradaan hal qof booskiisii kamaana bedelin, xitaa xogheynta waa kuwii uu wasiirkii iga horeeyey uu igu wareejiyey,” ayuu yiri wasiirku. Sidoo kale wasiirka ayaa cadeeyey inuu ogolyahay in lasoo wareysto shaqaalaha, “Warbaahinta waan ku marti qaadi karaa, si loo wareysto hadii ay jiraan shaqaale tabasho naga qaba,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Hoos ka daawo The post Daawo: Wasiirka ganacsiga oo war cusub ka soo saaray hadalkii fadeexadda dhaliyey appeared first on Caasimada Online.
  22. Wednesday, July 19, 2024 (HOL) - Colonel Jimcaale Jaamac Takar,self-recognized as the commander of the elite Danab forces, who is also at war with Puntland's President, Siciid Deni, showcased a military display on the outskirts of Garowe city today, Wednesday. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyey in dagaalkii maanta ka dhacay xuduuda Galgaduud iyo Sh/Dhexe kooxda Al-Shabaab looga dilay ku dhawaad boqol dagaalame oo saraakiil sare ay ku jiraan. “Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanayaa hawgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Soomaaliya waxa ay hawlgal qorsheysan oo cirka iyo dhulka ah maanta ka fuliyeen degaanada Gal-Libaax iyo Ceel Qurac oo dhaca xadka gobolada Galgaduud iyo Sh/Dhexe oo ay isku uruursanayeen koox Khawaarij ah,” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalkaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta DF ayaa intaas ku sii daray, “Hawlgalkaasi ayaa waxaa lagu dilay ku dhowaad 100 tirsan Khawaarijta oo ay ku jiraan horjoogayaal, iyadoo isla markaana hawlgalka lagu burburiyay goobtii ay dhagarta ku maleegayeen cadowga.” Hawgalka waxaa gacan fiican ka geystay shacabka deegaanka oo wadashaqeyn wanaagsan la yeeshay ciidanka qaranka ee hawlgalka ku jiray, sida lagu cadeeyey bayaanka. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u mahad celinaysaa hawlgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Qaranka oo gacan ka siisay hawlgalkan lagu burburiyay qowleysatada Khawaarijta ah ee isku uruursanayay dhibaataynta dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warkaan. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa wali wada hawlgal dhinaca dhulka, iyaga oo ku raad jooga firxadka Khawaarijta Naf la caariga ah ee ka cararay dhimbilaha geesiyaasha qaranka, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya. “Hawlgalkaan wuxuu qayb ka yahay hawlgallo joogto ah oo ay ugu dambeeyeen kuwii ka dhacay Budbud iyo Weel-Maarow halkaas oo lagu dilay in ka badan 70 ka tirsan Khawaarijta,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Ugu dambentii bayaanka dowladda waxaa lagu yiri “Dawladda oo kaashaneysa shacabka iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an in ay ciribtirto kooxaha Khawaarijta ah.” The post DF oo shaacisay in maanta Mareykanku ku garabsiiyey dilka 100 Shabaab ah appeared first on Caasimada Online.
  24. Hargeysa(Qarannews)-Waddamada Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageera arrimaha Dimuqraadiya iyo doorashooyinka ayaa sheegay in ay soo gaadhay oo ay ogaadeen go’aankii guddida Doorashooyinka Somaliland ay ku cayimeen jadwalka Doorashooyinka. Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in aan wakhti dambe laysla lumin, islamarkaana daneeyayaasha doorashooyinku fudaydiyaan qabyooyinka farsamo ee jira sida dhammaystirka sharciyada. “Waxa aannu niyadda ku haynaa dareenka dadka Somaliland ee wakhtiga dheer ee ay qaadatay in la soo gaadho halkani. Waxa aan ugu baaqaynaa dhamaan dhinacyadu in ay ka shaqeeyaan sidii loo xaqiijin lahaa jadwalkani loo na raaci lahaa, si loo sugo guulaha dimuqraadiyadda ee ay Somaliland leedahay. Sidoo kale, waxa aanu ugu baaqaynaa Baarlamaanka iyo dhamaan danneeyayaashu in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo xallin lahaa dhamaan caqabadaha farsamo, dhaqaale iyo sharci ee jira sida ay xuseen Komishanku.” Baaqani oo aan dhana taageersanayn ayaa soo beegmay xili ay gudiga doorashooyinku go’aankaasi ayna ku wada so on oo ay ku kala qaybsameen isla markaasna ay waxba kama jiraan ku sheegeen go’aankaasi ka soo baxay garab ka mid ah gudida doorashooyinka. Go’aankani ay soo saareen garab gaar ahi oo ayna ku midaysnayn ayaa waxa qaadacay xisbiyada mucaaridka ah waxana qoraal diidmo ah soo saaray xisbiga Ucid xaga xisbiga Waddani ay sheegeen in ay xisbi ahaan ka shirayaan waxana si weyn dalka oo dhan looga sugayaa waxa ka soo bixi doona oo la filaayo in ay dalka oo dhan saamyayn xoogan ku yeelan doono. Gobolada qaar ayaa dadweyne cadhaysani ay go’aankaasi ka soo baxay garab ka mid ah gudigii doorashada qaranka ay ku sheegeen mid aan sax ahayn oo aan dastuurka waafaqsanayn Qaran News