Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dadkii ku Waxyeeloobay Roobabka Hindiya oo la raadinayo Hindiya(Qaran news)-Kooxaha gurmadka deg dega ah ayaa isku dayey suurtagalnimada inay helaan dad nool ka dib markii uu dhul ku dumay dad ku noolaa galbeedka dalka Hindiya. Ugu yaraan 16 ayaa ku dhimatay, waxaana laga shakisan yahay inay 100 qof ku hoos jiraan dhulka hoostiisa. Roobab mahiigaano ah iyo xeeryaan ayaa sii adkeeyey xaalada loogu gurmanaayo dadka weli ku hoos jira dhulka ku dumay, kooxaha gurmadka deg deg ah ayaa ku mashquulsan inay naf ku gaadhaan dadkaasi. Dhul go’a ayaa dhacay wakhti habeen ah oo ay dadku hurdeen waana sababta keentay inay xaaladu sii adkaato. Dadka ku noolaa magaaladan dhul go’u ka dhacay ayaa lagu qiyaasay inay haayeen 225. Badhasaabka gobolka ay taal magaaladani ayaa sheegay inay u suurtagashay 80 qof oo hurday wakhtigii dhul go’u dhacayey inay baxsadaan. Qaran News
  2. Waxgaraadka Reer Awdal oo Muujiyay Taageerada ay u Hayaan Cali Xaamud Hargeysa(Qaran news)-Madaxda dhaqanka iyo waxgaradka Gobolka Awdal ayaa muujiyay siday u garab taagan yihiin Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil oo u sharraxan Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada oo doorashadiisu qabsoomayso Axadda Toddobaadkan. Odayaasha reer Awdal waxay sheegeen inay Somaliland ku kala baran doonaan doorashada Cali Xaamud. Waxaanay bogaadiyeen xildhibaannada taageersan murrashaxa ka soo jeeda gobolkooda. Waxgaradka reer Awdal waxay sheegeen inay ogyihiin guddoomiyeyaasha Ururrada siyaasadda qaarkood oo u diidan reer Awdal inay qabtaan xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda. Sidoo kale, waxay ugu baaqeen xildhibaanada reer Awdal inay u midoobaan doorashada Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil. Sidoo kale waxay sheegeen in Sool aanay ka qaadayn kursiga, haseyeeshee ay iyagu iskaga tageen. Qaran News
  3. Turkiga oo isu keenaya Hoggaamiyayaasha Isreal iyo Falastiiniyiinta Ankara(Qaran news)-Madaxweynaha Turkiga ayaa si kala gaar ah ugu casuumay dalkiisa hoggaamiyeyaasha Falastiin iyo Israa’iil wiiga dambe, sida ay ku warrantay wakaalada wararka ee Turkiga ee Andlou. Labada hoggaamiye ayaa casuumad rasmi ah ku tegi doonaa dalka Turkiga, waxaanay si kala gaar ah kulan ula yeelan doonaan madaxweynaha Turkiga. Labadan hogaamiye ayuu madaxweynaha Turkigu ka dhagaysan doonaa figradahooda ku saaban arrimaha gobolka ka taagan iyo kuwa caalamig ahba. Qaran News
  4. Xoghayaha QM oo Cambaareeyay Falalka Islaam Nacaybka Newyork(Qaran news)-Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay ayaa cambaareeyey dhaqanka Islaam nacaybka ku dhisan ee dalka Iswiidhan loogu gubaayo kitaabka Qur’aanka Kariimka ah. Hadalkan xoghayaha ayaa yimid ka dib markii uu kulan la yeeshay safiirro mataleyey ururka dalalka Islaamka. Kulanka ay la yeesheen xubnaha matalayey dalalka Islaamku ayaa ku soo beegmaya iyada oo uu hore kitaabka Qur’aanka Kariimka ah u gubay nin la yidhaa Salwaan oo asalkiisu yahay Ciraaqi, sidoo kalen uu ku talo jiro inuu sameeyo falka oo noocaasi ah oo ay dawladda Iswiidhana u ogolaatay, iyada oo ay boolisku ilaalinayaan. Qaramada midoobay ayaa sheegtay inay gebi ahaanba ka soo horjeedo fal kasta oo diimaha wax u dhimaya, kaasi oo ku salaysan falal cunsurinimo iyo cuqdad ah. Fal-celin ka dhalatay kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ee la gubay ayaa keentay safaaradii Iswiidhan ee Ciraaq ay cagta mariyaan dad muslimiin ahi. Qaran News
  5. The issue of governance has recently gained significant attention in both local and international conversations. Governments are now reconsidering their governance approaches, past and present, and how they will influence the future of their countries. Development literature increasingly emphasizes the importance of good governance while regarding poor governance as a major cause of societal backwardness, which can be referred to as economic sabotage in this article. International donors and financial institutions now use good governance as a yardstick to determine a country's eligibility for loans and grants. This article aims to explain the effect of good governance on the sustainability of a society's development projects and shed light on the consequences of poor governance. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, sidoo kalena ah ergeyga madaxweynaha ee arrimaha abaaraha ayaa dhawaan qoraal u direy madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Warqaddaas ayaa waxa uu kaga hadley tallooyin ku aadan arrimo dhowra oo ay ka mid yihiin hanaanka doorashada, dastuurka iyo siyaasad loo dhan yahay. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo la hadlay VOA ayaa faah-faahin ka bixiyay waxa ku qornaa warqadaasi, isaga oo sheegay in madaxweynaha uu la wadaagay in nidaamkii kusoo baxay heshiiskii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran uusan waaqici ku dhisneyn. “Madaxweynaha waxaa la wadaagay in nidaamka hadda uusan dalkaan u saalix aheyn, waxaa ka hadlay in laba xisbi iyo dastuurka la beddelo iyo weliba in mashaariicdaas waaweyn oo dhan aan lagu fulin karin afar sano,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sidoo kale waxa uu sheegay in qoraalkaas uu madaxweynaha kula wadaagay in madax goboleedyada oo badankooda uu muddo xileedkooda dhamaaday ama gabaabsi yahay aysan laheyn sharciyad ay uga go’aan gaari karaan masiirka dalka. “Dadka kala heshiinaya arrintaas in iyaga laftooda ee dowlad uu muddo xileedkoodii dhamaaday oo aysan laheyn sharciyad iyo amaanad ay dal masiirkii ku gooyaan aysan laheyn.” Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxaa aaminsanahay in waxaan niyad wanaag ka tahay madaxweynaha oo ay ka tahay in dalkaan hore loo dhaqaajiyo. Arrintaan waxay u baahan tahay dood adag oo furan oo saraaxa ah oo dadka ka baxsan siyaasiyiinta ah ee khubarada ah ee dastuurka iyo sharciga yaqaan la keeno.” Xildhibaanka ayaa ka dhawaajiyay in madaxweynaha uu qaatay qaar kamid ah tallooyinka u jeediyay, taasi oo aheyd in uu la fariisto saamileyda siyaasadda, oo uu dadka talo galiyo oo uu la tashado, taasi oo uu dhawaan sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh. “Tallooyinka qaar ee aan siiyayna waa fuliyay, waa ku mahadsan yahay madaxweynaha,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo wareysi siiyay VOA. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dowladda Xasan ay xoogga saarto oo hirgeliso nidaamka xisbiyada oo kal xukunkiisi hore sharci la xiriira la ansixiyay, lagana dhigo tiro wadar-ogol ah, kadibna la qabto doorasho qof iyo cod ah haddii laga gaaro. “Waa in xisbiyadii la furaa oo waxaa laga dhigi karaa 10 sida Turki oo kale ama waa la kordhin karaa ama laga yareyn karaa, waa in dadkii Baarlamanka ee Xildhibaannada lagu qasbaa in xisbiyada galaan, oo doorasho qof iyo cod ah ama doorasho toos ah waa in la qabtaa middii laga gaari karo.” Hoos ka dhageyso wareysiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhameystiran; https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2023/07/01000000-0a00-0242-9a08-08db89e19e6d_32k.mp3The post Wareysi: Maxaa ku qornaa warqaddii uu CC Shakuur u diray madaxweyne Xasan? appeared first on Caasimada Online.
  7. Baydhabo (Caasimada Online) – Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland, Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa si weyn loogu weeraray kulamada wadatashi ee uu ka wado maamulka Koonfur Galbeed. Ergey Guuleed ayaa maanta kulamo wadatashi ah la qaatay qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka iyo odayaasha dhaqanka dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Kulankaas ayaa ergeyga madaxeynaha waxa uu dhinacyadaas uga dhageystay arragtiyooyinka iyo fikradaha ay ka qabaan dib u billaabidda hanaanka wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Ergeyga ayaa xubnaha ka qeyb-galay kulanka uga warbixiyay sooyaalka wada-hadallada iyo muhiimadda ay ugu fadhiyaan umadda Soomaaliyeed, waxaana intaasi kadib uu ka dhageystay arragtiyadooda, iyagoona soo gudbiyay tallooyin wax tar u leh qorshaha wada-hadallada, sida uu sheegay xafiiska ergeyga gaarka ah ee mdaxweynaha u qaabilsan arrimaha Somaliland. Haddaba, Sidee ayaa tallaabadan loogu weeraray ergey Guuleed? Bashiir Ibraahim Xasan: “Hantidii reer Koonfur Galbeed looga dhacay Somaliland kasoo celi haddaa ergey loo magacaabay Soomaaliya aad tahay.” Cabdi Cali Raage ayaa isna waxa uu yiri: “Shaqo la’aan badanaa awalba mushaar ayaa lala rabay ee ergey ma aheyn.” Sharmaarke oo kamid ah dadka sida weyn u weeraray ergey Guuleed ayaa waxa uu yiri “– Soomaalidu ninkay waxaraha kala quusato ayay geela raacsataa.” “Ergey beela nin mushaar si loogu qoro la waayey dheh,” ayuu yiri Cabdirisaaq Ibraahim Camoow oo isagu dhaliilsan hanaanka uu wax u wado ergeyga. Maxamed Shaale ayaa isna yiri: “Wax aan loo baahneyn ha ku daba wareeganin awalba si mushaar lagugu qora unbaa la rabey tiiba dhacdey in lagu magacaabo xilkaas. Aad Somaliland koley waxba kama qabaneysee, Koonfur Galbeed Soomaaliya dagaal kalama dhaxeeyo.” Axmed Maxamed Dakare: “Koofur Galbeed maxaa ka yaal war orod Burco iyo Hargeysa tag ayaagaa laguu diree. Magac uyaal lama rabee.” “Konfur Galbeed ha ku meereysan ee SSC aad ku dhaha,” ayuu yiri Maxamed Cali oo kamid ah dadka ka fal-celiyay tallaabada uu maanta qaaday Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan arrimaha Somaliland. The post Ergey Guuleed oo si weyn loogu weeraray tallaabo uu maanta qaaday appeared first on Caasimada Online.
  8. Nairobi (Caasimada Online) – “Bal waxaad is weydiisaan dowladda Soomaaliya iyo Soomaali, meesha ‘sex’ maxay uga guureen oo ay ‘Gender’ u qaateen,” su’aashan waxaa dad uu ka hor hadlayey usoo bandhigay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo dood ka qaba eray bixinta ‘gender’ oo ku qoran baasaboorka Soomaaliga. Baasaboorrada ay dowladuhu u sameeyaan muwaadiniintooda si ay ugu safraan iyo aqoonsiyada ayaa waxaa ku qoran eray bixinno lagu aqoonsado xogta qofka wata, sida taariikhda dhalashada iyo halka uu ku dhashay qofku. Xogtu waxay gaar u tahay qofka wata aqoonsiga lamana turjumo, balse tusmooyinka sida erayada ‘magaca’, “taariikhda dhalashada’ iyo ‘halka laga bixiyey’ aqoonsiga ayaa lagu turjumaa luuqad kale oo badanaa ah mid ama qaar ka mid ah kuwa caalamiga ah sida Carabiga iyo Ingiriiska. Baasaboorka Soomaaligu wuxuu ka mid yahay kuwa eray bixintooda lagu turjumo laba luuqadood oo aan af Soomaaliga ahayn, kuwaas oo kala ah Carabi iyo Ingiriis. Haddaba waxaa muran dhaliyey turjumada afka Ingiriiska ee lagu turjumay eray ka mid ah kuwa ku qoran baasaboorka soomaaliga, waana erayga “jinsiga” oo loola jeedo lab ama dheddig midka uu yahay qofka wata aqoonsiga. Sheekha ayaa ku tilmaamay wax laga fiican yahay xulushada ereygaan marka loo dhaqan ahaa. Aqoonsiyada la midka ah kan Soomaaliga ee lagu turjumo afka Ingiriiska iyo xitaa kuwa asal ahaan Ingiriisku u yahay afkooda hooyo, waxaa erayga jinsiga qofka ku qoran baasabooro badan oo Afrikan, Yurub iyo wadamo muslim ah ereyga ‘sex’ halka kan Soomaaliga uu ku qoran yahay ‘gender’. Muxuu yahay farqiga u dhexeeya labada eray? Sida ku cad qaamuusyada afka Ingiriiska iyo sidoo kale eray bixinnada dowladda ingiriiska, erayga ‘sex’ wuxuu tusmeynayaa kala duwanaanshaha jinsiga abuurka alle oo ku salaysan xubnaha taranka ee qofka iyo tusmada hidde sidaha oo afka sayniska loogu yeero (Chromosomes) taas oo ka dhigan in qofka uu noqon karo oo kaliya laba ama dheddig, inkasta oo ay jirto xaalad kale oo qofka laga wada helayo xubiniha jirka ee u gaarka ahaa labka iyo sidoo kale kuwii dheddigga. Halka erayga ‘Gender’ uusan ku koobnayn jinsiga abuurka alle oo kaliya ee sidoo kale uu fursad siinayo qofku siduu isku arko, laba, dhadiga ma intaa wax dhaafsiisan, waana tan halka doodu ka dhalatay. Qeexitaankan waxaan kasoo xigannay qaamuusyada afka Ingiriiska iyo sidoo kale eray bixinnada dowladda Ingiriiska oo iyadu muhiimad gooni ah siisay kala soocidda micnaha labada eray maadaama erayga ‘gender’ uu aqoonsanayo jinsiyo dheeri ka ah lab iyo dheddig ama waxa uu qofku isu aqoon sanayahy iyo sidoo kale waxa bulshadu u aqoonsan tahay. Waxaa soo baxay dad su’aal geliyey haboonaanta eraygaas ee in uu ku qornaado baasaboorka Soomaaliga ah isaga oo leh micno ka duwan kan ‘sex’, waxaana u dambeeyay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo baraha bulshada lagu arkay isaga oo dhaleecaynaya dowladda Soomaaliya kuna eedeynaya in ay u gogol xaareyso aqbalaadda wax ay diideen “dalal aan muslimiin ahayn”. Xulashada eray bixinta Maxaa loogu doortay eraygan in lagu qoro baasaboorka Soomaaliga ah? Waxaa sannadkii 2016 goob fagaare ah lagu weydiiyay su’aashan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo markaasna ahaa madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuse ku jawaabay, “aniga labadooda kee dooranaysaa haddii lay oran lahaa kalmadda gender-ka ayaan dooran laha kalmadda kale maba doorteen,” ayuu yiri madaxweyne xasan Sheekh oo qoslaya. Waxaa xusid mudan in aysan eraygan baasaboorkooda u isticmaalin qaar kamid ah dalalka afka Ingiriisku u yahay kan kowaad sida Boqortooyada Ingiriiska, Maraykanka Canada Autralia iyo Newzealnd, waxayna dhamaan baasaboorradooda u isticmaalaan erayga ‘sex’. Sidoo kale dalalka Islaamka iyo kuwa Afrika ayaa iyaguna isticmaala erayga ‘sex’ oo aan isticmaalin ‘gender’ sida soomaalida marka ay eray bixinnada ku turjumayaan afka Ingiriiska. Si kastaba ha ahatee baasaboorka Soomaaliga ayaa sameynayey kor u kac dhanka dalalka lagu safri karo dal-kugal la’aan iyo sidoo kale isaga oo hantay dalal cusub oo aqoonsada. Soomaaliya ayaa qiimeyntii u dambeysay ee awoodda baasaboorada kaga jirta kaalinta sagaashan iyo sagaalad taas oo muujineysa in baasaboor Soomaaliga uu sare uga soo kacay maaddaamaa uu sannadkii hore ku jiray kaalinta 103. Dhanka kale Baasaboor Soomaaliga ayaa waxaa lagu booqan karaa 35 dal oo uu qofka baasaboor Soomaaliga wata uu Visa ku qaadanayo garoonkooda halka markii hore ahayd 25 dal. Waxaa ka hooseeya shan waddan oo kala ah Yemen, Pakistan, Suuriya, Ciraaq iyo Afghanistan. Si guud baasaboor Soomaaliga ayaa ka mid ah kuwa ugu daciifsan caalamka, sida lagu muujiyay xogta sanadlaha ah ee ay soo saareen Passport Index iyo Henley oo ah shirkad kale oo qiimeysa sharciyada socdaalka. Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay xoojisay dadaalka ay ugu jirto ku biiritaanka waddamada xubnaha ka ah ururka Bariga Afrika ee magaciisa loo soo gaabiyo EAC, arrintaas oo haddii ay hirgasho suurtagal ka dhigi kara inuu xoogeysto baasaboorka Soomaaliya. Waxaa jira dalal kale oo ay Soomaalida si fudud uga heli karaan oggolaanshaha gelitaanka, ka hor inta aysan safrin, kuwaasoo ay ka mid yihiin Angola iyo Sri Lanka. Isha: BBC The post Muxuu yahay erayga ku qoran baasaboorka Soomaaliya ee Sheekh Umal uu doodda ka keenay? appeared first on Caasimada Online.
  9. Doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Wakiillada oo la muddeeyay Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee aqalka Wakiillada ahna ku-simaha Guddoomiyaha Md. Siciid Faarax Mire ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in doirashada Guddoomiyaha cusubi ay qabsoomi doonto maalinta Axadda. Waxa uu faray Xildhibaannada danaynaya inay isu soo sharraxaan jagadaas banaanaatay inay CV-yadooda iyo codsiyadooda u soo gudbiyaan xafiiska Xoghayaha guud. Dhinaca kale waxa ugu cadcad murrashaxiinta kala ah Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Cali Xaamud Jibriil oo ka soo kala jeeda gobollada Sool iyo Awdal. Xisbiyada mucaaridka ah ayaa sheegay inay dhisayaan Cali Xaamyd Jibriil oo ka soo jeeda Awdal, maadaama io gobolka Sool ay ka tageen Somaliland isla markaana aanay wax macno ah sameynayn in loo doorto guddoomiye Baarlamaan oo aan saameyn iyo metelaad ku lahayn deegaankiisii. Sidoo kale Ururka KAAH ee Maxamuud Xaashi oo xildhibaano badani ay ku biireen ayaa wada oo ay dawladda Muuse Biixi iska kaashanayaan sidii ay u dooran lahaayeen Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon). Waxgaradka reer Awdal ayaa Maxamuud Xaashi ku eedeeyay inay la socdaaan dagaalka uu kula jiro in la doorto xildhibaan ka soo jeeda gobolkooda guddoomiyaha cusub ee Wakiillada. Qaran News
  10. Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland ayaa lagu soo gaba-gabeeyay dacwad u dhexaysay shaqaale loo shaqeeyahoodii. In ka badan 74 shaqaale ah ayaa lagu siiyay xuquuqdii ay ku shaqaynayeen gudaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland. Guddoomiyaha guddida dacwada ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland Cabdiqani Dacwi ayaa ka hadlay shaqaalaha xaqooda u dhiciyeen.Waxaanu yidhi. “Waxa aanu halkan xuquuqaadkoodii ku siinayna shaqaale u shaqayn jiray, kuwana wali u shaqeeyaan mid ka mida shirkaddaha dalka, shaqaalahaasi oo tiradoodu dhan tahay 74, ILLAAHEY mahadii kiiskaasi wuu soo dhammaaday, maanta ayaanay xuquuqdoodii qaadanayaan haddii ILLAAHEY yidhaahdo, iyada oo dhex-dhexaadin iyo sulux lagu dhammeeyay. Waxa ay noqonaysa kiisaskii ugu badnaa ee wasaaradda soo mara ee Kodlada ee isku xidhan ayay diwaankooda gali doonaan, sidaasi ayaa inta shaqaysa shirkadoodii ugu sii shaqaynaysa inta kalena xuquuqaadkoodii loo siindoona. Waxaanu halkan ku afmeernay qoraalka iyo heshiiska dacwadoodii, si hufan oo qurux badana xaggayaga uga dhammaatay. Xafiiskayagani nuxurka uu utaagan yahay waa xalinta khilaafka shaqeeyaha iyo loo shaqeeyaha, khilaafka 74-ta qof iyo shirkada u dhaxeeyay maanta sidaasi ayuu ku dhammaaday,” Aaabo Aadan Cabdillaahi Cilmi, oo ka mida shaqaalihii xaqooda ka waayay shirkadii ay u shaqaynayeen ayaa si dareen tabasho leh uga hadlay helitaanka xaqiisa iyo xuquuqdiisa. Waxaanu yidhi.“Waxa aanu dhammaantayo dadka halkan jooga uga mahadcelinaynaa wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada sida hagar la’aanta ah ee ay mudada dheer noogala shaqaynayeen sidii aanu xaqayaga u helilahayn. Xuquuqdaydii oo afar sano iga maqnayd ayaan maanta qaadanaya ILLAAHEY ayaa mahad oo dhan iska leh, aad iyo aad ayaan u faraxsanahay.” “Waxaan ka hawlgalayay mid ka mida shaqaalaha Ajaanibta ah ee dalka jooga, waxa aanu maanta xuquuqdayadii ka helayna wasaaradda oo noo dhammaysay, aad iyo aad ayaanu wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ugu mahadnaynaa, si hufan oo hawlkarnimo leh ayay noogu dhammeysay arrinkaas,”Ayuu yidhi mid ka mida shaqaalihii la siiyay xuquuqdiisi ka maqnayd. Midka mida shaqaalihii xaqiisa iyo xuquuqdiisa wasaaradda shaqadu uga dhicisay shirkadii uu mudada badan u shaqanayay ayaa wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ku boggaadiyay dadaalka dheer ay ka gashay sidii ay xaqoodii u heli lahaayeen. Waxaanu yidhi.“Dadkan qaar waa xoogsato, kuwa waa dirawaliin, kuwa waa farsamayaqaano, ILLAAHEY ayaa mahad iska leh, mudada intaas le’eg anigu waan shaqaynayay mar kaliyana shaqadayda kamaan bixin, waajibaadkaygii shaqana waan gudanayay, mar labaad iyo mar saddexaadba waxaan u mahadcelinaya wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, oo si sharafleh, qadarinleh, muwaadinimo ku jirto noogu qabatay wixii aanu xaqa u lahayn, kuwa horena u qaaday imikana anaga noo qaaday, waxaanan u mahadcelinaya shirkadii aanu u shaqaynay oo sihufan xaqayagii noo siisay” Qaran News
  11. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Cumar (Jubba) oo kamid ahaa xubnaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS. Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Cumar uu ahaa nin dhallinyara oo door firfircoon ku dhex lahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka dhigo jannatul fardowsa Samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Laascaanood (Caasimada Online) – Afhayeenka Isimada dhaqanka SSC-Khataumo Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed ayaa si rasmi ah u caddeeyay in dhammaan Isimada SSC-khaatumo ay ku midaysan yihiin raali-gelinta la siiyey dowladda Federaalka Soomaaliya. War-saxaafadeed shalay ka soo baxay SSC-Khaatumo ayay dowladda Soomaaliya raali-gelin ka siiyey hadalkii uu Gaaraadka guud ee SSC, Garaad Jaamac Garaad Cali ku sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay Somaliland ku garab siisay dagaalka Laascaanood, sidoo kale caalamka ay isaga aadisay dagaalka lagu hayo Laascaanood. War-murtiyeed kasoo baxay shirka Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa waxaa sidoo kale dowladda federaalka looga codsaday in aanay simin SSC iyo kuwa dalka kala goynaya, sida la fahmi karo loola jeedo Somaliland, oo ay si weyn isku hayaan. Hase yeeshee, waxaa saacado kadib soo baxay warar sheegaya in qaar ka mid ah Isimada ay diideen raali-gelinta, islaamrkaana ku kala jabeen arrintaas. Balse Garaad Cabdisalaan ayaa arrintaas beeniyey. Garaad Cabdisalaan ayaa sheegay in warqadda raali-gelinta ay saxiixeen dhammaan 14-ka Garaad ee Golaha Khaatumo ka hor inta aan la baahin. “Marka hore waxaan u caddaynaynaa umaddeena meel kasta oo ay joogaan in aysan Isimadu is khilaafsanayn. Warqaddana dhammaan way wada akhriyeen oo ishay mariyeen waana ku wada qanacsan yihiin,” ayuu yiri Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed. “Waxaan u soo jeedinayaa shacabka SSC-Khaatumo iyo Soomaalida kale ee taageersan kacdoonka SSC-Khaatumo in aysan ku dhicin dacaayadda cadowga. Ma jiro wax khilaaf ah oo u dhexeeya golaha guurtida ee SSC-Khaatumo,” ayuu yiri. Garaadka ayaa sidoo kale sheegay in aysan marna dagaal siyaasadeed la geli doonin dowladda Federaalka Soomaaliya balse dagaalkoodu ku jihaysan yahay dhinaca Somaliland oo keliya. BREAKING FROM SSC-KHAATUMO COUNCIL OF ELDERS Garaad Abdisalam Hassan Mohamed the spokesperson of the SSC-Khaatumo council of elders has just confirmed that the letter which was released yesterday is legitimate and that all 14 Garaads have co-signed to it’s release. I urge… pic.twitter.com/3lmviXc7Lf — Supreme Garaad JR. (@Supreme_Garaad) July 21, 2023 The post Maxaa ka jira in Garaadada Khaatumo ay ku kala jabeen raali-gelintii la siiyey DF? appeared first on Caasimada Online.
  13. Xildhibaan Sheegay in loogu Hanjabay in Golaha Wakiillada laga saari doono Hargeysa(Qaran news)- Xildhibaan mubaarig Xuseen Maxamed (Xeel-dheere) oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee laga soo doortay gobolka Saaxil, ayaa caddeeyay mowqifkiisa iyo cidda uu u codeynayo doorashada Guddoomiyaha Wakiillada. Mubaarig Xeeldheere wuxuu tilmaamay in rag taageersan murrashax Faratoon ay ugu hanjabeen inay golaha ka saari doonaan haddii ay guulaysteen taasi oo uu ku tilmaamay wax lala yaabo oo laga xisaabtami doono. Xildhibaanku wuxuu sheegay inuu taageersan yahay Xildhibaan Cali Xaamud oo uu u arko in reer Awdal xaq h leeyihiin maadaama oo ay tabasho ku tageen reer Awdal. Mubaarig Xeel-dheere wuxuu sheegay in reer Sool aanay ku soo noqonaynin Somaliland inta ay joogaan ragga ay wax ka tabanayaan. Xildhibaanku wuxuu taageeray xildhibaan Maydhane oo u tanaasulay saaxiibkii Cali Xaamud oo ay ka soo wada jeedaan gobolka Awdal. Qaran News
  14. Jowhar (Caasimada Online) – Dood xooggan oo la xiriirta xaaladda amni, dhaqaale, horumar iyo midnimo ee maamulka HirShabeelle ayaa qabsatay warbaahinta saacadihii lasoo dhaafay kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kasoo laabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar, sababo amni lala xiriiriyay. Inkasta oo aanay cadeyn in qorshaha madaxweynaha uu ahaa in uu magaalada galo ama inuu garoonka kula soo kulmo madaxda maamulka iyo saraakiil ciidan, haddana waxaa deg deg u billowday guux ku saabsan in Cali Guudlaawe uu la lumay hoggaankii maamulka. Dadka HirShabeelle kasoo jeeda waxay dareemayaan in loolankii maamul-goboleedyada looga adkaaday oo ay yihiin maamulka hadda ugu dambeeya dalka. HirShabeelle waxaa la aas-aasay 2016-kii, inkasta oo xagga jiritaanka uu HirShabeelle yahay maamul-goboleedkii u dambeeyay ee la dhisay, haddana wax badan kama uusan dambeynin Galmudugtii Cadaado lagu aas-aasay 2015. Haddaba, Maxaa lagu haysta Cali Guudlaawe? Cali ayaa waxaa lagu qiimeynaya waxa uu ka qabtay afartaan arrimood; 1. Amniga In madaxweyne Xasan Sheekh uu Jowhar diyaarad ku tago, in uusan gudaha magaalada aadin sababo la xijinayo dhanka amniga iyo isbaarooyinka daadsan deegaanada HirShabeelle, waxay dhamaan bixinayaan in uusan jirin amni, ciidan mideysan iyo shaqo uu maamulka dhankaas ka qabtay mudaddii uu xilka hayay Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe. 2. Isku haynta maamulka Midnimada HirShabeelle ayaa geed ka laad laada, Hiiraan ayaa weli buuq ka taagan yahay, inkasta oo buuqa reer Hiiraan jiray Cali Guudlaawe kahor, haddana hadda waxay gaartay in la isku dayo in maamulkii mid kale laga agdhiso. Heerkaan oo kale xaalka midnimadu ma gaarin intii ay jirtay xurguftaan ayay leeyihiin dadka ku doodaya in uusan Cali waxba ka qaban midnimada iyo isku haynta maamulka HirShabeelle. 3. Horumarka maamulka iyo mashaariicda Midda saddexaad ee Cali Guudlaawe lagu haysto waa horumarinta hay’adaha dowladda, dhismayaasha iyo mashaariicda. Dadka waxay ku doodayaan in uusan Cali ka tageyn wax weyn oo laga dhaxlo. HirShabeelle waxaa deris la ah Galmudug iyo Koonfur Galbeed. Dadka kasoo jeeda HirShabeelle waxay cabir ka qaadanayaan xaaladda Galmudug iyo Koonfur Galbeed, halkaasi oo laga hirgeliyay mashaariic badan labadii sano ee u dambeysay. Cali Guudlaawe arrintaana si weyn ayaa loogu haysta, welina dadkiisa uma sharaxin sababta uu wax mashaariic horumarineed ah iyo dhismayaal u heli waayay maamulku. 4. Heerka siyaasadda federaalka iyo wada-shaqeynta Siyaasiyiinta heer federaal ee kasoo jeeda HirShabeelle ayaa cilaaqaad weyn iyo kaalin talo wadaag ah la laheyn hoggaanka maamulkooda. Is-diidid aan sababteedu cadeyn ayaa muuqata, meesha Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland siyaasiyiinta heer federaal ay safka hore ka taagan yihiin u adeegida maamulkooda, wax ku leeyihiin tallada, sidoo kalena ay u ololeeyaan horumarinta maamulladooda. Afartaan arrimood ayaa kamid ah waxyaabaha lagu haysto hoggaamiyaha HirShabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe. The post Arrimaha Guudlaawe lagu haysto kadib safarkii Xasan Sheekh (Afar qodob xasaasi ah) appeared first on Caasimada Online.
  15. Nairobi (HOL) - Somalia's Lower House Lawmaker, Abdirahman Mohamed Omar Jubba, passed away in Nairobi on Friday after an illness. Source: Hiiraan Online
  16. Ankara (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa u safri doona Turkey 28-ka July, si u wada-hadallo ula yeesho madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, waxaa sidaas Khamiistii xaqiijiyey xafiisyada labada hogaamiye. Netanyahu ayaa la qaabili doonaa maalmo kadib hoggaamiyaha Falastiniyiinta Mahmoud Abbas, oo la filayo 25-ka July, ayey sheegtay madaxtooyada Turkey. “Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan waxa uu soo dhoweyn doonaa madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu toddobaad gudihiis,” ayey madaxtooyada ku tiri war-saxaafadeed. Hogaamiyayaasha ayaa ka wada hadli doona “Xiriirka Turkiga iyo Falastiin iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee dagaalka Israel iyo Falastiin, iyo sidoo kale arrimo kale oo caalami ah,”, ayay raacisay. Xafiiska Netanyahu ayaa xaqiijiyey booqashada oo noqoneysa tii ugu horreysay ee ra’iisul wasaare Israeli ah, tan iyo Ehud Olmert oo booqday Turkey 2008. Dadaallada diblamaasiyadeed ee Turkiga ayaa ku soo beegmaya xilli geeddi-socodkii nabadda ee Israel iyo Falastiin uu hakad ku jiro, ayada oo ay jiraan rabshadihii ugu xumaa ee sanado ka dhaca Daanta Galbeed ee la haysto. Bishii April, isku dhacyo ayaa ka dhacay gudaha Masjidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus, halkaasi oo booliska Israel ay kula dagaalameen Falastiiniyiinta. Erdogan ayaa sheegay in Israel ay ka gudubtay “khadka cas”. Hase yeeshee kadib dhowr sano oo xurguf ay dhaxeysay labada dal, xiriirka Turkiga iyo Israel ayaa soo hagaagayay sanadkii la soo dhaafay, iyadoo dhowr jeer ay dhaceen booqashooyin heer sare ah, oo ay ku jirto mid madaxweynaha Israel Isaac Herzog ku tegay Turkey. Xiriirka ayaa xumaaday sanadkii 2010 kadib markii ciidamada Israel ay weerar culus ku qaadeen markabka Turkiga laga leeyahay ee Mavi Marmara, kaasi oo doonayay in uu gargaar gaarsiiyo marinka Gaza oo ay Israel go’doomisay ayna maamusho kooxda Xamas. Bishii May 2018, Turkiga ayaa u yeeray safiirkii u joogay Tel Aviv, wuxuuna eryay safiirkii Israel ee Ankara kadib markii ciidammada Israel ay Gaza ku dileen ilaa 50 Falastiiniyiin ah. Israel ayaa ku aargudatay inay cayrisay qunsulkii guud ee Turkiga u joogay Qudus. © AFP, VOA The post Mowqifkii ERDOGAN ee Netanyahu oo is-beddelay – Maxaa dhacaya 28-ka July? appeared first on Caasimada Online.
  17. Af-hayeenka Isimada dhaqanka SSC Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed ayaa si rasmi ah u caddeeyay in dhammaan Isimada SSC-khaatumo ay ku midaysan yihiin raalli-gelinta dowladda Federaalka Soomaaliya. War-saxaafadeed shalay ka soo baxay SSC-Khaatumo ayay dowladda Soomaaliya raalli-gelin ku siiyeen islamarkaana uga mahadceliyeen gurmadka ay u samaysay dadkii ku dhaawacmay colaadda Laascaanood. ” Marka hore waxaan u caddaynaynaa umaddeena meel kasta oo ay joogaan in aysan Isimadu is khilaafsanayn. Warqaddana dhammaan way wada akhriyeen oo ishay mariyeen waana ku wada qanacsan yihiin” ayuu yiri Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed. Garaadka ayaa sidoo kale sheegay in aysan marna dagaal siyaasadeed la geli doonin dowladda Federaalka Soomaaliya balse dagaalkoodu ku jihaysan yahay dhinaca Somaliland oo keliya. PUNTLAND POST The post Garaad Cabdisalaan: Dhammaan isimada SSC waa ku midaysan yihiin raalli-gelinta dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay cadaadis xooggan ku hayso hoggaanka SSC, si ay ula heshiiyaan Somaliland. Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir oo eedeyntaasi u jeediyay dowladda federaalka ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay garab taagan yihiin hadalkii uu dhawaan Nairobi ka jeediyay Garaad Jaamac Garaad Cali, kaasi oo uu raali-gelin ka bixiyay hoggaanka sare ee SSC. Garaad Jaamac ayaa xilligaas sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay Somaliland ku garab siisay dagaalka Laascaanood, sidoo kalena caalamka ay isaga aadisay dagaalka lagu hayo Laascaanood. “Dowladda federaalka Soomaaliya waxay hay’adaha gargaarka u diiday inay mucaawino geeyaan gobolka Sool. Taasi waxa weeyi ujeeddadu in reer SSC cadaadis lagu saaro inay la heshiiyaan maamulka Somaliland.” Wasiir Maxamuud Ceydiid ayaa sidoo kale waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay in uu indhaha caalamka kasii jeedinayo xaaladda cakiran ee ka taagan magaalada Laascaanood, taasi beddelkeedana uu ku mashquulsan yahay dano-siyaasadeed. “Xasan Sheekh waaka ku mashquulsan inuu wada-hadallo la billowdo Somaliland, oo duullaan gardaro ah ku haysa dhulka SSC,” ayuu yiri wasiirka oo weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Xasan. Waxa uu intaas sii raaciyay“Barnaamijka Xasan Sheekh uu wato, waa in gaar loo jaro SSC. Senatoradii yimid magaalada Garowe waxay sheegeen in barasaab loo soo magacaabi doono marka la xoreeyo SSC.” Hadalkaan ayaa imaanaya saacado kadib markii Golaha sare ee Khaatumo uu dowladda federaalka Soomaaliya raali-gelin ka siiyay eedeyntii cusleyd ee Garaadka Guud ujeediyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. War-murtiyeed kasoo baxay shir ay shalay magaalada Laascaanood ku yeesheen Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa waxaa dowladda federaalka looga codsaday in aanay simin SSC iyo kuwa dalka kala goynaya, sida la fahmi karo loola jeedo Somaliland, oo ay si weyn isku hayaan. Dhawaan ayay aheyd markii Gaaraadka guud ee SSC, Garaad Jaamac Garaad Cali uu meel fagaare ah ka sheegay in uu raali ka yahay maamulka Xamar duqeynta magaalada Laascaanood ay ka wado Somaliland, sidoo kale caalamka ay isaga aadisay dagaalka lagu hayo Laascaanood. Garaadka ayaa sheegay in caalamkii ay uga dacwoon lahaayeen Somaliland ay ka hor taagan tahay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku doodeysa inay xal u keeneyso xiisadda Laascaanood, sida uu shegay Garaadka. Si kastaba, raali-gelinta uu hoggaanka sare ee SSC-Khaatumo uu siiyay dowladda federaalka ayaa meesha ka saareysa eedeymihii hore iyo soo jeedintii BF ee ka dhanka aheyd madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. The post PUNTLAND oo shaacisay arrin xasaasi ah oo DF ay ku cadaadineyso SSC-Khaatumo appeared first on Caasimada Online.
  19. Allah unaxariistee waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Cumar (Jubba) oo ka tirsanaa golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka. Xildhibaanka ayaa maalmihii dambe ku xanuunsanaa Isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isaga oo ugu dambeyn ku geeriyooday halkaasi, xildhibaanka ayaa golaha kasoo galay deegaannada Koonfur Galbeed. Guddoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed. “Waxaan xanuunka iyo murugada la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Cumar (Jubba) oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe. Guddoomiyaha ayaa Alle uga baryey marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, xildhibaannada Golaha Shacabka iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, marxuumka ayaa muddooyinkii dambe xanuun la jiifay isbitaal ku yalala magaalada Nairobi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Laascaanood (Caasimada Online) – Fal-celin kala duwan ayaa ka dhalatay raali-gelintii uu golaha sare ee dhaqanka SSC-Khaatumo siiyay dowladda federaalka Soomaaliya, kadib shir shalay ay ku yeesheen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Isimida dhaqanka SSC ayaa dowladda federaalka ka raali-galiyey hadalkii uu hoggaankooda dhawaan u jeediyay ee ahaa in uu raali ka yahay maamulka Xamar duqeynta magaalada Laascaanood ay ka wado Somaliland. War-murtiyeed kasoo baxay shirka Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa waxaa sidoo kale dowladda federaalka looga codsaday in aanay simin SSC iyo kuwa dalka kala goynaya, sida la fahmi karo loola jeedo Somaliland, oo ay si weyn isku hayaan. Dhawaan ayay aheyd markii Gaaraadka guud ee SSC, Garaad Jaamac Garaad Cali uu dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay Somaliland ku garab siisay dagaalka Laascaanood, sidoo kale caalamka ay isaga aadisay dagaalka lagu hayo Laascaanood. Garaadka ayaa sheegay in caalamkii ay uga dacwoon lahaayeen Somaliland ay ka hor taagan tahay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku doodeysa inay xal u keeneyso xiisadda Laascaanood, sida uu shegay Garaadka. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay raali-gelinta Khaatumo ka bixisay gefkii Garaadka Guud? Maxamed Cabdillaahi Faarax: “Golaha dhaqan xumeeyayaasha weeye. Waxani siyaasiyiin xun weeyi isimo maaha.” Cabdikhalaaq Khadar ayaa isna waxa uu yiri “Waxaan meesha ku qoran iyo eedeyntii garaadku u jeediyey Xasan Sheekh aad bay u kala duwan yihin.” “Xasan Sheekh haddii uusan raali ka ahyn duqaynta Somalilnd ka geysanyso Laascaanood muxuu ugu so diri wayey guddi soo baadha xaqiiqada mesha ka jirta ogaatana khasaaraha weyn ee loo geystay Laascaanood. Fashil siyaasaded weeyi.” “Gun baad tihiin, wax dhalinyarada ay u dhintaan madaxna ugu ahaataana ma tihidiin. Waa in la idin boor qaadaa,” ayuu yiri Sakariye Suldaan. Saalax Faarax: “Isku xishooda oo Ilaahay ka baqa oo dhalinyarada dhiiggooda aad ka macaashaysan joojiya hadda waxgarad tihiin weeye. Lacag hada rabtaan na waydiiya annaga idin siinayna joojiya waxaan aad wadaan.” Yaasiin Maxamed Faarax ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Waxay taasi la micno tahay in garaadka guud ee reerka aan hadalkiisa la qiimaynayn ama la citiraamayn waa in lakala dambeeyaa adeerayaal bahashu ayey saan idinka noqon.” Daa’uud Cabdi Aarshe oo kamid ah dadka ka fal-celiyay qoraalka kasoo baxay Khaatumo ayaa yiri: “Isku milanka siyaasada iyo dhaqanka intaas ba laga dhaxlaa.” “Dab baa danbas dhala halgankii holeeyadan buu dhalay isimoow nagga xishooda,” ayuu yiri Ismaaciil Xasan. Maxamed Deeq: “Nimankan dadka halaga qabto oo guddidii hawsha haloo dhaariyo. Fadhiid bay noqdeen.” Maxamed Cabdullaahi Daahir ayaa isna waxa uu yiri “Muuse Biixina raali-galin u dira!.” The post FALCELINTA raali-gelintii Khaatumo ee DF kadib gefkii Garaad Jaamac appeared first on Caasimada Online.
  21. Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa u safri doona Turkey 28-ka July, si u wada-hadallo ula yeesho madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, waxaa sidaas Khamiistii xaqiijiyey xafiisyada labada hogaamiye. Netanyahu ayaa la qaabili doonaa maalmo kadib hoggaamiyaha Falastiniyiinta Mahmoud Abbas, oo la filayo 25-ka July, ayey sheegtay madaxtooyada Turkey. “Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan waxa uu soo dhoweyn doonaa madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu toddobaad gudihiis,” ayey madaxtooyada ku tiri war-saxaafadeed. Hogaamiyayaasha ayaa ka wada hadli doona “Xiriirka Turkiga iyo Falastiin iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee dagaalka Israel iyo Falastiin, iyo sidoo kale arrimo kale oo caalami ah,” ayay raacisay. Xafiiska Netanyahu ayaa xaqiijiyey booqashada oo noqoneysa tii ugu horreysay ee ra’iisul wasaare Israeli ah, tan iyo Ehud Olmert oo booqday Turkey 2008. Dadaallada diblamaasiyadeed ee Turkiga ayaa ku soo beegmaya xilli geeddi-socodkii nabadda ee Israel iyo Falastiin uu hakad ku jiro, ayada oo ay jiraan rabshadihii ugu xumaa ee sanado ka dhaca Daanta Galbeed ee la haysto. PUNTLAND POST The post Erdogan oo magaalada Ankara ku casumay Netanyahu appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa markale ka hadlay isku-deyga wax ka bedelka nidaamka madaxweyne iyo ra’iisul wasaare. Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee u dambeeyay ayaa lagu gaaray heshiis wax looga beddelayo nidaamka dalka ee madaxweyne iyo ra’iisul wasaare la beddelo, lagana dhigo madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, kaasi oo buuq badan dhaliyay. Cabdiweli Gaas ayaa waxa uu sheegay in dastuurka dalka uusan hadda u baahneyn in wax ka bedel weyn lagu sameeyo, balse la xoojin karo awoodda madaxweynaha. Gaas ayaa qaba in awoodda madaxweynaha oo xilligaan xadidan la kordhiyo, islamarkaana uu dalka kusii dhaqmo nidaamka madaxweyne iyo ra’iisul wasaare, ayada oo dalka uu aadayo doorasho dadweyne. “Arrintaan ku saabsan in loo guuro madaxweyne iyo ku-xigeen dood badan ayaa ka qabnay, anaga waxaa qabnaa in nidaamka uu sidaan iska ahaado oo madaxweynaha uu yeesho awood dheeraad ah oo fiican, oo sida dastuurka ku qoran ka bedelan loo sameeyo,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas. Waxa uu intaas sii raaciyay “Waa in aan laga guurin hanaanka hadda jira oo ah nidaam ay So⁰omaalida taqaano oo lagu dhaqmayay illaa 60-kii, sideedaba dhisida dowladnimada waqti dheer ayay qaadata.” Gaas ayaa kamid ahaa madaxdii hore ee dhawaan magaalada Muqdisho kula shiray madaxda sare ee dowladda federaalka, kuwaasi oo kala dooday heshiiskii u dambeeyay ee golaha wadatashiga qaran, oo qeyb ka ahaa wax ka beddelka hanaanka dowliga ah ee hadda jira. Marka laga soo tago hadalka Gaas, siyaasiyiin iyo aqoonyahano dhinaca dastuurka ayaa aaminsan in dastuurka dalka uu sal u yahay khilaafyada inta badan u dhaxeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, maadaama madaxweynaha la doorto, ra’iisul wasaarahana uu isagu magacaabo, mararka qaarna ay kala fikir duwanaan karaan. Taas ayaa haddana waxay usii gudubta nidaamka doorashooyinka dalka iyo awood qeybsiga qabiilka ku saleysan oo isna sameeyay hanaanka wada-shaqeynta madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. The post GAAS: Dastuurka dalka uma baahna isbedel weyn, keliya ha la kordhiyo awoodda… appeared first on Caasimada Online.
  23. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, ayaa go’aamiyey in xilka Guddoomiyaha xisbigaas ku wareejiyo Wasiirkiisa arrimaha Guddaha ahna Guddoomiye kuxigeenka Maxamed Kaahin. Kulan xalay ka dhacay Magaalada Hargeysa, oo uu guddoominayey Madaxweyne Muuse Biixi, isla markana ay goob joog ka ahaayeen Wasiir Maxamed Kaahin iyo Wasiirro kale oo ka soo jeeda deegaanka Biixi iyo Kaahin, ayaa waxa uu madaxweynuhu ku sheegay inuu go’aan ku gaadhay inuu wareejiyo xilka Guddoomiyaha Kulmiye, kuna wareejiyo guddoomiye kuxigeenkiisa Maxamed Kaahin Madaxweyne Biixi ayaa intaas ku daray in laga bilaabo xalay hawsha wareejinta iyo qabanqaabadeeda iyo shirka Golaha dhexe ee Kulmiye wakhtiga uu qabsoomayo ay ku xidhnaan doono hannaanka uu u qorsheeyo Maxamed Kaahin oo isagu dhaxalka Kulmiye si rasmi ah ula wareegaya, toddobaadyada soo socda. Madaxweyne Muuse Biixi ma xusin inuu saaxiibkiisa siyaasadda uu Murrashaxnimada KULMIYE ugu dari doono Guddoomiyenimada iyo inuu isagu murrashax yahay, inkasta oo dadka siyaasadda odorosaa sheegayaan in aan madaxweynuhu weli go’aankaas aanu qaadan oo marka hore uu doonayo dhamaystirayo qorshaha wareejinta Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo keliya wakhtigan. Maxamed Kaahin, ayaa la filayaa in shirka uu kula wareegayo Guddoomiyaha Kulmiye inuu u qorshaynayo inuu ku qabto Magaalada Burco. Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland ayaa noqonayaa Guddoomiyihii ugu muddada dheeraa ee Xisbiga KULMIYE, isaga oo xilkaas hayey tan iyo 2010-kii. Source
  24. Dowladda Iraq ayaa Khamiistii dalkeeda ka eriday, danijirihii Sweden u fadhiyay Baghdad, tallabadaasi oo ah mid ay ku gudbineyso farriin ay kaga cabaneyso fal qorsheysan oo lagu rabo in lagu gubo kitaabka Qur’aanka Kariimka ah gudaha magaalada Stocklom ee caasimadda Sweden. Wakaaladda wararka Ciraaq oo soo xigenaysa bayaan rasmi ah oo kasoo baxay dowladda, ayaa ku warrantay in xukuumadda Baghdad ay sidoo kale u yeedhatay danjiraha u fadhiya Sweden. Dibad-baxayaal kasoo horjeeda Islaamka oo uu ku jiro nin muhaajir ah oo asal ahaan kasoo jeedo Ciraq ayay ciidanka booliska Sweden u oggolaadeen inay Musxafka Shariifka ah ku gubi karaan bannaanka hore ee Safaaradda Ciraq ee magaalada Stocklom. Ninkan Ciraaqiga ah ayaa bishi June, kitaabka Qur’aanka ku hor gubay masaajid ku yaalla caasimadda Sweden. Dhanka kale dibadbaxayaal ka cadhaysan ficilka lagu gubay looguna xeed-xeedanayo in mar kale lagu gubo Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, ayaa Khamiistii mudaaharaad rabshado watay ka hor dhigay xarunta safaaradda Sweden ee magaalada Baghdad. Wasiirka Arrimaha Dibadda Sweden ayaa sheegay in aysan wax dhibaato ah soo gaadhin howlwadeenka iyo diblamaasiyiinta Sweden ee Baghdad. Source
  25. Nairobi (Caasimada Online) – Ganacsatada Soomaalida ah ee Kenya ayaa walaac xooggan ka muujiyay sii socoshada dibad-baxyada rabshadaha wata ee ka socda dalkaasi. Mucaaradka Kenya ayaa muddooyinkii dambe dibad-baxyadaan dhigayay todobaadkii mar, kaasi oo saameyn taban ku reebay dhanka ganacsigooda. Ganacsatada Soomaalida ayaa sheegay in ay yaraadeen dadkii wax ka iibsanayay, taasi oo ay usii dheer tahay in goobahooda ganacsiga ay hortaagan yihiin saacado badan. Sidoo kale waxay warbaahinta la wadaageen wal-walka ay ka qabaan boob ay u geystaan dad kusoo hoos dhuuman kara dibad-baxayaasha iyo rabshadahaasi ka socda dalka Kenya. Xukuumadda Nairobi ayay ka dalbadeen in ay raadiso xal ka duwan midkaan, iyaga oo ka dhawaajiyay haddii uu sii socdaan dibad-baxyada in albaabada la isugu dhufan doono goobo badan, maadaama canshuur laga qaado iyo kirana ku socoto iyaga oo aanay wax faa’iido ah helayn. “Ciidamo gaar ah waa inay geyso goobaha ay yaallaan hantida dadweynaha sida suuqyada,” ayay u sheegeen warbaahinta si uu u yaraado wel-welka haysta, islamarkaana ay helaan kalsooni muujineysa in hantidooda uga badbaadi karto in la boobo. Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa markii u horreysay dhankiisa qiray in dibad-baxyada mucaardka uu dalkiisa kasoo gaaray dhibaatooyin dhanka dhaqaalaha ah iyo saameyn kale. Ruto ayaa xiligaas ku dhawaaqay in aanay dhici doonin dibadbax iyo rabshado kale oo dalkiisa ka dhiga meel halis ah, islamarkaana ay ka weecdaan dadka dhaqaalaha badan soo gelinaya. Dibad-baxyada sii soconaya ayaa lagu soo waramayo in cabsi weyn ay ku abuureen dadkii u dalxiis tagayay waddankaas, iiyaga oo naftooda ula cabsanaya waxyeello kasoo gaarta rabshadaha kasii soconaya dalkaasi. The post Khasaaraha Soomaalida kasoo gaaray dibad-baxyada Kenya appeared first on Caasimada Online.