-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo gaaray gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa farageliyay dagaal beeleed haatan kasoo cusboonaaday inta u dhexeyso degmooyinka Raaga-Ceelle & Cadale oo ka tirsan gobolkaas. Shariif ayaa waxaa safarkan ku wehlinaya, mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqan ee kasoo jeeda deegaanka. Ugu horreyn Sheekh Shariif ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaal beedlkan oo u dhexeeyo laba beelood oo walaalo ah, isla-markaana sababay dhimasho iyo dhaawac. “Aad ayaan uga xunahay waxa meesha ka dhacay inta dhimatay Allaha u naxariisto, inta dhaawac ahna Allaha caafiyo” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedka socdaalkooda uu yahay, sidii loo joojin lahaa dagaalkaasi, xalna looga gaari lahaa colaada u dhexeysa labada beelood. “Waxa na keenay waxaa waayay xumaan aan ka xunahay waxa dhacay oo aan rabo oo Ilaaheyna aan ka baryeyno inay meeshaas ku joogsadaan” ayuu sii raaciyay. Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in marka hore la sameeyo xabad-joojin, kadibna la wada-hadalo. “Qodobka koowaad waxaan rabnaa in xabad joojin la sameeyo, ciidankana la kala qaado oo gogol nabadeed la fidiyo, wixii dhacayna xal la gaaro” ayuu mar kale yiri Sheekh Shariif. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Maanta baahi looma qabo dhiig inuu daato inta naga dhacday ayaa ceeb iyo culeys noogu filan”. Dagaal beeleedkan ayaa saameyn ku yeeshay shacabka, wuxuuna ka faafay deegaano horleh, maadaama aysan waxba isku reeban maleeshiyaada diriraya ee labada dhinac. The post Daawo: Sheekh Shariif oo farageliyay dagaalka ka socda SH/DHEXE appeared first on Caasimada Online.
-
Makka (Caasimada Online) – Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo xalay soo xiray moosinka xajka oo lagu qabtay magaalada Makka ee dalka Sucuudiga ayaa ka hadlay Adeegga Xajka ee sanadkan. Roobow ayaa shaaciyay inay jiraan qaar kamid ah shirkadihii ka shaqeynayay Adeegga Xajka ay fulin waayeen adeeggii laga rabay, gaar ahaan basaskii lagu qaadayay Xujeyda. Wasiirka ayaa tilmaamay in shirkaduhu ay basas usoo kireeyeen Xujeydu, balse la waayay, isaga oo sheegay in caqabaddu ay ka timid qoylaha laga soo kireeyay baabuurta. “Sanadkan Xajka waa la dadaalay wax yar oo dhib ah wuxuu kasoo laabtay basaska, kuwaas oo ay innoo soo kireeyeen shirkadaheenna, laakiin xoogaa dhib ah uu kasoo laabtay oo basaskii la waayay” ayuu yiri Sheekh Mukhtar Roobow Cali (Abuu Mansuur). Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan dib looga soo celiyey lacagihii ay qaateen shirkadaha fulin waayay Adeegga Xajka, gaar ahaan basaska, ayna ku jirto lacagtaas gacan aamin ah. “Lacagtii mucdankeeda waa laga soo celiyay qoladii iyaga ahaa sida la sheegayne gacan aamin ah ayey ku jirtaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Waxaa kale oo uu mahad-celiyay dowladda Sacuudiga oo markii dambe gaadiid siisay Xujeyda Soomaaliyeed, inta ay ku guda jireen gudashada acmaasha. “Markii basaska la waayay Xajka uma istaagin oo runtii dowladda Sacuudiga ayaan u mahadcelineynaa wixii aan u baahanay oo gaadiid ah way naga kaabeen” ayuu sii yiri. Si kastaba, sanadkaan ayaa waxa waajibaadka xajka soo gutay tiradii ugu badnad, taas oo gaaraysa 11,500 oo xujey ah, kuwaas oo ka baxay gobollo kala duwan oo kamid ah dalka. The post DF oo lacagihii kasoo celisay qaar kamid ah shirkadihii Adeegga Xajka + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Awqaafta Xukuumadda Federalka Soomaaliya mudane Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa soo saaray amarro ku sicda Shirkadihii fulin waayay Adeega Xajka sidii loogu tala galay in dib looga soo celiyey lacagihii ay ku qaateen fulinta adeegyadaan. Wasiirka oo ka hadlay munaasabadda soo xiritaanka Moosinka Xajka oo lagu qabtay magaalada Makka ee dalka Sucuudiga ayaa ku dhawaaqay in dib looga soo celiyey lacagihii ay qaateen shirkadaha fulin waayay adeegga xajka ee loo sameynayay muwaadiniinta Soomaaliyeed. Shirkadahan ayaa qaabilsanaa Basaska lagu qaadayey xujayda Soomaaliyeed,munaasabadan ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Awqaafta,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda,Qunsuliyadda Guud iyo shirkadihii fulinayey Adeega Xajka sida uu ka sheegay sirkiisa Ja’raaid. Sannadkaan ayaa waxa waajibaadka xajka soo gutay tiradii ugu badnad oo gaaraysa 11,500 oo xujay Soomaali ah, kuwaas oo fursad u helay ay gaaraan magaaladda Makka Al- Mukarrama, si ay gutaan waajibaadka Xajka, sanadkii tagay ee 1444 oo soo gabagaboobay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gaadiidleyda ku safarta deegaannada Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle ayaa cabasho xooggan waxaa ay ka muujinayaan canshuuro xad dhaaf ah oo looga qaado inta ay ku jiraan safarkooda, waxaana ay arrintaan sabab uga dhigeen khilaafka u dhaxeeya maamulka Hirshabeelle iyo guddioomiyihii hore Caji Jeyte Cismaan. Gaadiidleydaan oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in dhowr meelood oo gudaha Hirshabeelle ah looga qaado canshuuro badan oo aysan awood u laheyn, iyaga oo carabka ku dhuftay in gobollaha Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan looga qaado lacag ka badan $1000, taas oo aysan xamili karin in ay bixiyaan. Gawaaridaan oo ah kuwa xamuul ah oo ka soo baxay magaalada Muqdisho ayaa ku xaniban deegaanno ka mid ah maamulka Hirshabeelle, waxaana ay ugu baaqeen dowladda in arrintaan ay wax ka qabato, waxaana wali taagan khilaafka xooggan ee u dhaxeeya maamulka Hirshabeelle iyo guddoomiyihii hore. Cali Jeyte Cismaan oo dhawaan xil-kaqaadis lagu sameeyay ayaa ka biyo diiday inuu xilka wareejiyo, waxaana taa badelkeeda uu ku dhawaaqay maamulka Hiiraan State, taas oo keentay in Gaadiidleyda lacago kale looga qaado Hiiraan $400 oo lamid ah canshuurta Hirshabeelle oo ah $400, iyagoo cabasho ka keenay. Marka laga tago canshuuraha $800 ee lagu qaado Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, waxaa sidoo kale jira dhowr isbaaro oo taalla qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha dhexe, taas oo ay sheegeen in ay kaga baxdo laxag ku dhow $500,taasna ay keentay in gaadiidka ay ku xanibnaadaan, kadib markii ay bixin waayeen. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Cali Jeyte Cismaan Khilaafka u dhaxeeya ayaa sababay in deegaannada Hirshabeelle ay ka wada shaqeeyaan laba maamul oo lagu midba ka taliyo gobol gaar ah, taas oo culeys ku noqotay Gaadiidleyda ku safarta labada gobol ee la cansuuro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay sii deysay gaadiid xamuul ah oo todobaayadii lasoo dhaafay ay ku xayirtay duleedka magaalada Badhaba ee xarunta KMG ah ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in baabuurtan oo u rarneyd ganacsato ay ugu dambeyn gaareen Baydhaba, kadib markii ay fasaxday Shabaab. Arrintan ayaa ku timid, kadib dadaallo ay sameeyeen odayaasha deegaanka oo wadahadal la furay kooxda, kadibna ku qanciyay inay fasaxaan gaadiidkaas. Ma cadda in sii deynta gawaaridaan inay la xiriirto in gebi ahaan ay kooxdu qaaday go’doominta ay gelisay Baydhaba oo saameyn ku yeelatay dadka deegaanka. Dhank kale, Koonfur Galbeed ayaa xaqiijisay in baabuurta lasii daayay, balse waxa ay ganafka ku dhufatay inay wada-xaajood la gashay kooxda Al-Shabaab. La-taliyaha Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ee Arrimaha Warbaahinta Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Xaayow) oo ka hadlay arrintan ayaa shaaca ka qaaday inay xoogga saari doono sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobolka, si looga fogeeyo aagga Baydhaba. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay go’aan ku gaareen in ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Federaalka laga howlgeliyo deegaannada ay joogaan Shabaab, si looga qabsado. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Baydhaa ka taagnaa xaalad adag oo dhanka nolosha ah, taas oo ka dhalatay go’doominta ay Al-Shabaab galiyaan magaaladaasi. Go’doominta ayaa sababtay sicir barar waxayna maciishadu gaartay labo laab qiimihii horay loo iibin jiray halka caanaha, xoolaha iyo waxyaabaha laga keeno miyiga ay joogsadeen. The post Al-Shabaab oo fasaxday gaadiid ku xayirnaa duleedka BAYDHABA appeared first on Caasimada Online.
-
Wadanka Kenya waxaa wali ka socda dibadxyo rabshado wata, kuwaas oo geystay khasaare kale duwan, waxaa jira in la geystay dhac iyo boob, xilli saacadihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen warar ku aadan in mudahaaraadyada socda ay ku lug leeyihiin madax hore oo ka tirsanaa Kenya. Madaxweynihii hore ee wadanka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in aysan jirin lug uu ku leeyahay xaaladaha murugsan ee ka taagan wadanka Kenya, kuwaas oo ka dhashay Dibadbaxyada ay dhigayaan mucaaradka ee uu hogaamiyo hogaamiyaha Azimio Mr Raila Odinga. Dowladda Kenya ayaa xirtay iskuullada ku yaalla caasimadda iyo labo goob oo kale iyadoo dhaqaalaha Bariga Afrika uu Arbacadii socday saddex maalmood oo mudaaharaad ah oo looga soo horjeedo qiimaha maciishada iyo canshuur kordhinta ay samaeysay dowladda cusub. Mucaaradka Kenya ayaa ku baaqayay dibadbaxyada qeyb ka mid ah ay kaga cabanayaan canshuur kordhin ay sameysay bishii hore dowladda madaxweyne William Ruto, oo la doortay bishii Agoosto ee la soo dhaafay isagoo ballan qaaday inuu u ololeyn doono danaha dadka saboolka ah, laakiin uu baal maray. Dawladdu waxay sheegtay in kordhinta cashuuraha shidaalka iyo guryaha la filayo inay soo ururiyaan 200 oo bilyan oo shilin ($1.4bn) oo dheeraad ah sannadkii, ayaa loo baahan yahay si ay gacan uga geystaan bixinta deynta sii kordheysa iyo in la maalgeliyo dadaallada shaqo-abuurista. Ruto oo sheegay in uusan ogolaan doonin in mudaaharaadyada ay dhacaan, waxa uu dhaxlay deyn aad u badan oo dowladda lagu leeyahay. Markii Madaxweynihii isaga ka horreeyay Uhuru Kenyatta uu xilka la wareegay sanadkii 2013-kii, waxa ay ahayd 1.79 trillion oo shilin ($13bn). Markii uu Kenyatta xafiiska ka tagayay, waxa ay kor u dhaaftay 8.7 trillion oo shilin ($61bn). Mudaharaadyada ka dhacaya Kenya ayaa saameyn xooggan ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka Nairobi iyo sidoo kale laba gobol oo dalkaasi ah, waxaa sidoo kale la xiray goobaha waxbarashada, dibadbaxyada ayaa dhac iyo boob ka geystay goobaha qaar ee ku yaalla Nairobi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa u safri doona Turkey 28-ka July, si u wada-hadallo ula yeesho madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, waxaa sidaas xaqiijiyey xafiisyada labada hogaamiye. Netanyahu ayaa la qaabili doonaa maalmo kadib hoggaamiyaha Falastiniyiinta Mahmoud Abbas, oo la filayo 25-ka July, ayey sheegtay madaxtooyada Turkey. “Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan waxa uu soo dhoweyn doonaa madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu toddobaad gudihiis,” ayey madaxtooyada ku tidhi war-saxaafadeed. Hogaamiyayaasha ayaa ka wada hadli doona “Xidhiidhka Turkiga iyo Falastiin iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee dagaalka Israel iyo Falastiin, iyo sidoo kale arrimo kale oo caalami ah,”, ayay raacisay. Xafiiska Netanyahu ayaa xaqiijiyey booqashada oo noqoneysa tii ugu horreysay ee ra’iisul wasaare Israeli ah, tan iyo Ehud Olmert oo booqday Turkey 2008. Dadaallada diblamaasiyadeed ee Turkiga ayaa ku soo beegmaya xilli geeddi-socodkii nabadda ee Israel iyo Falastiin uu hakad ku jiro, ayada oo ay jiraan rabshadihii ugu xumaa ee sanado ka dhaca Daanta Galbeed ee la haysto. Bishii April, isku dhacyo ayaa ka dhacay gudaha Masjidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus, halkaasi oo booliska Israel ay kula dagaalameen Falastiiniyiinta. Erdogan ayaa sheegay in Israel ay ka gudubtay “khadka cas”. Hase yeeshee kadib dhowr sano oo xurguf ay dhaxeysay labada dal, xidhiidhka Turkiga iyo Israel ayaa soo hagaagayay sanadkii la soo dhaafay, iyadoo dhowr jeer ay dhaceen booqashooyin heer sare ah, oo ay ku jirto mid madaxweynaha Israel Isaac Herzog ku tegay Turkey. Xidhiidhka ayaa xumaaday sanadkii 2010 kadib markii ciidamada Israel ay weerar culus ku qaadeen markabka Turkiga laga leeyahay ee Mavi Marmara, kaasi oo doonayay in uu gargaar gaarsiiyo marinka Gaza oo ay Israel go’doomisay ayna maamusho kooxda Xamas. Bishii May 2018, Turkiga ayaa u yeeray safiirkii u joogay Tel Aviv, wuxuuna eryay safiirkii Israel ee Ankara kadib markii ciidammada Israel ay Gaza ku dileen ilaa 50 Falastiiniyiin ah. Israel ayaa ku aargudatay inay cayrisay qunsulkii guud ee Turkiga u joogay Qudus. Source
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo mar kale war cusub soo saaray ayaa ka hadlay xiisadda kala dhexeysay hoggaanka HirShabelle, isaga oo xog ka bixiyay arrinta ay isku qatbeen ee ay kula tageen. Cali Jayte oo weji cusub u yeelatay khilaafka kala dhexeeya madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa shaaca ka qaday inay isku qabeen arrin ku aadan horumarka shacabka HirShabelle. ‘Waxaan isku qabanay horumarka ummadda wax kale isku meynaan qaban waxyaalaha Soomaalidu hadal heyso isku-maan qaban” ayuu yiro Cali Jayte Cismaan. Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in arrintaas ay tahay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo uu isugu hoggaaminayay, wuxuuna tilmaaay in madaxweyne Cali Guudlaawe uusan raali ka aheyn dagaalkaasi, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in taasi caddeynta uu hayo, isla-markaana maalina uusan ka hadlin guulaha laga gaaray dagaalka , balse mar dambe ay ku qasbeen. “HirShabelle raalli kama aheyn inaan cadowga ka saarno dalka waxaana caddeyn kuu ah dhowr dhacdo oo ay sameeyeen hal maalin Cali Guudlaawe kama hadlin guulaha aan ka gaarnay dagaalka illaa aan ka gaarno degmada Aadan Yabaal” ayuu sii raaciyay. Cali Jayte ayaa horay uga horyimid xilka qaadistii lagu sameeyay, taas oo xiisad horleh ka dhalisay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, wuxuuna gooni isaga taagay HirShabelle, isaga oo sidoo kale ku dhaawaqay maamul la magac baxay ‘Hiiraan State’. Guddoomiyihii hore ee Hiiraan ayaa sidoo kale ku gacan seeray inuu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub ee Cabdullaahi Sufurow, waxayna labaduba haatan ku sugan yihiin gobolka Hiiraan, gaar ahaan Beledweyne, halkaas oo uu ka jiro is barbar yaac maamul. The post Cali Jayte oo weji cusub u yeelay KHILAAFKA kala dhexeeya Cali Guudlaawe appeared first on Caasimada Online.
-
Israa’iil ayaa sheegtay inay u oggolaanayso dhammaan muwaadiniinta Maraykanka ah, oo ay ku jiraan Falastiiniyiinta haysta dhalashada Maraykanku inay si fudud ugu safri karaan Israa’iil iyaga oo adeegsanaya garoomada caalamiga ah. Arrintan ayaa daba socota, dedaalka ay Israa’iil ku doonayso sidii muwaadiniinta dalkeedu ay u heli lahaayeen adeega Visa la’aanta ee Maraykanka. Illaa 40 dal ayaa Maraykanku u ogolyahay inay dalkiisa ugu safraan Visa la’aan, kuwaas oo ay ku jiraan dalal ku yaalla Yurub iyo qaaradda Asia. Hase ahaatee codsiga Israa’iil ayaa si weyn loo hor-istaagayey iyada oo dawladda Maraykanku ay ka dalbanaysay in Israa’iil ay si siman ula dhaqanto muwaadiniinta haysta dhalashada Maraykanka, oo ay ku jiraan kuwa asal ahaan ka soo jeeda Falastiin. Xubnaha doonaya inay u safraan Daanta Galbeed ee la haysto iyo marinka Qaza ayaa ka soo gala xuduudaha Jordan iyo Masar. Muwaadiniinta kale ee Maraykanka ah ee asal ahaan ka soo jeeda dalalka carabta ama dalalka Muslinka ah ama kuwa sida weyn u dhaleeceeya siyaasadaha Israa’iil ayaa sheegay in ay la kulmaan xannibaado kala duwan. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo go’aan cusub ka soo saartay Falastiiniyiinta haysta dhalashada Maraykanka appeared first on Puntland Post.
-
Kenyan opposition leader Raila Odinga says “bad flu” has kept him from taking part in the three-day street protests that he called for over the cost of living and tax hikes. Source: Hiiraan Online
-
Defence Cabinet Secretary Aden Duale has applauded the Kenya Defence Forces for dealing with external threats and maintaining peace and security in the country. Source: Hiiraan Online
-
Addis Abeba – Ukrainian President Volodymyr Zelenskyy held a telephone conversation with Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed days after Russia announced its withdrawal from the Black Sea Grain Initiative. President Zelenskyy also extended an invitation to Prime Minister Abiy to visit Ukraine. Ethiopia was one of the eight African countries who abstained from submitting a vote on a UN resolution to condemn Russia’s invasion of Ukraine in March 2022. Source: Hiiraan Online
-
In Kenya's Dadaab refugee camp, the thousands of new Somali refugees are struggling as food insecurity worsens. Source: Hiiraan Online
-
AU lauds Somali forces for foiling attack on military bases
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) on Friday lauded the Somali National Army (SNA) forces for thwarting an al-Shabab attack on a military base in the country's Southwest State. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu u safro magaalada St. Petersburg ee dalka Ruushka, sida ay ogaatay Caasimada Online. Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu ka qeyb-galo shir madaxeedka Ruushka iyo Afrika ee dhacaya daba-yaaqada bishan ka dhacaya St. Petersburg. Socdaalka madaxweynaha ayaa waxaa horey xaqiijiyey wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Abshir Cumar Huruse oo bishii May booqday Moscow. Ka sokow shir madaxeedka, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, isaga oo kala hadli doona xiriirka labada dal. Madaxweyne Xasan ayaa la filayaa inuu Putin kala hadlo sidii Ruushka uu Soomaaliya u siin lahaa hub iyo rasaas lagu xoojiyo ciidamada dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab. Bishii May, diblomaasiyiinta Soomaaliya ayaa shaaciyey in Ruushka uu taageero u yaboohay ciidamada Soomaaliya, si uu uga caawiyo dagaalka ay kula jiraan maleeshiyada Al-Shabaab. Waxa sido kale la isla dhex marayaa in Ruushku calooshood u shaqeystayaasha Wagner keeni doono Soomaaliya, si ay u tababaraan ciidamada Soomaaliya, hase yeeshee ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa beeniyey arrintaas. Dowladda Ruushka ayaa uga mahad-celisay Soomaaliya go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu shaqsi ahaan uga qeyb galayo shir madaxeedka Ruushka iyo Afrika. “Waxaan uga mahad-celineynaa saaxiibadeenaa Soomaaliyeed go’aanka uu qaatay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee ah inuu si shaqsi ah uga qeyb galo munaasabaddan,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Ruushka Sergey Lavrov oo hadlayey bishii May. Sidoo kale, Lavrov waxa uu tilmaamay in Ruushku uu bogaadinayo mawqifka dheeli-tiran ee ay Soomaaliya ka qaadatay dagaalka Ukraine. Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayeysa inay isku miisaanto ilaalinta xiriirka ay la leedahay dalalka Reer Galbeedka, sidoo kalena la macaamisho Ruushka oo Reer Galbeedka ay isku dayayaan inay go’doomiyaan. The post Xog: Xasan Sheekh oo ku wajahan Ruushka + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Wakiillada oo Axada Barri Dooranaya Guddoomiye Cusub
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ko Source -
Mandheera (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa hadda maamusha in ka badan 60% is-maamulka Mandheera ee gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya, waxaa sidaas shaaca ka qaaday barasaabka gobolka. Barasaabka Mandheera Maxamed Aadan Khaliif ayaa dowladda ka codsaday inay qorto oo ay hubeyso dadka deegaanka, si ay gacan uga gaystaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Khaliif ayaa sheegay in kooxda ay si tartiib ah ugu sii xoogeysaneyso gobolka, islamarkaana ay hadda maamulaan in ka badan kala bar dhulka gobolka ee ku teedsan xuduudda Soomaaliya “Al-Shabaab hadda kadib ma ahan koox quus ah, sababtoo ah dhaq-dhaqaaqyadooda gobolka waa ay sii kordhayaan maalin kasta. Waxaan xaqiijinayaa in maleeshiyada ay maamusho dhul baaxad leh oo ka mid ah Waqooyi Bari Kenya,” ayuu yiri Khaliif. Barasaabka ayaa intaas ku daray in Al-Shabaab ay hadda maamusho 60 boqolkiiba dhulka Mandheera, wuxuuna sheegay in xalka kaliya ee looga saari karo ay tahay in shacabka la hubeeyo, si ay ula dagaalamaan. “Waxaan u baahannahay in dadka deegaanka la qoro si aan meesha uga saarno, haddii kale kuma guuleysaneyno dagaalka aan kula jirno kooxdan argagixisada ah,” ayuu yiri barasaabka. Waxa uu ku eedeeyay amni darrada ka sii dareysa ee gobolka in ay sabab u tahay isku xirnaanshaha liita ee hay’adaha kala duwan ee amniga ee gobolka. “Waxaa fiday fal-dambiyeedka Al-Shabaab. Ma awoodo in aan ka dhabeeyo ballan-qaadyadaydii doorashada ee aan u sameeyey dadka deggan degmadayda, amni-darrada darteed. Dawladeydu ma awooddo in ay adeegyo ku bixiso meel ka baxsan xarunta, waxaana sabab u ah waddooyinka aan la mari karin, kuwaas oo xaaladdooda liidata ay si weyn uga qayb qaadatay amni-darrada,” ayuu yiri Khaliif. Waxa uu sheegay in cabsi xooggan ay soo wajahday dadka deegaanka, oo xitaa aysan hadli karin. “Qaarkood waxay ka baqayaan inay wadaagaan macluumaadka ku saabsan joogitaanka al-Shabaab sababtoo ah had iyo jeer waxay la kulmaan cawaaqib xun,” ayuu yiri barasaabka. Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay dowladda in ay dib u furto xadka Soomaaliya. Waxa uu sheegay in sidoo kale ay kooxaha nabad diidka ah ay dhaqaale ka aruurinayaan dadka ku dhaqan gobollada ku dhow xadka. “Ma ahan in aan isku dhiibno Al-Shabaab, sidoo kale yeynan dib u dhigin in aan dib u furno xuduudaheenna, waayo haddii aan sidaas sameyno, waxaan u hoggaansameynaa dalabkooda, wayna sii wadi doonaan lacagihii ay ka ururinayeen dadkeenna,” ayuu yiri Khaliif. The post Al-Shabaab oo la wareegtay 60 boqolkiiba maamulka gobolka Mandhera ee Kenya appeared first on Caasimada Online.
-
Warbaahinta caalamka iyo midda bariga dhexe ayaa mar kale isha ku heysa khilaafka soo cusboonaaday ee u dhexeeya labada nin ee isku heysta awoodda bariga dhexe ee Maxamed Bin Salmaan iyo Madaxweynaha Imaaraadka Carabta , Mohammed bin Zayed Al Nahyan. Dhaxal sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa ku hanjabay inuu cunaqabatayn saari doono Imaaraadka Carabta, isagoo wada-hadal gaar ah la yeeshay saxafiyiinta, markaa waxaa u sheegay in uu Abu Dhabi u soo diray liis dalabaad ah, wuxuuna ka digay in Sacuudigu uu qaado tillaabo ciqaab ah oo ka dhan ah haddii Imaaraadku sii wado xadgudubka uu ku hayo boqortooyada. Xiisadan sii kordheysa ayaa walaac ku beertay mas’uuliyiinta Mareykanka oo ka cabsi qaba in xifaaltanka Khaliijka uu caqabad ku noqdo dadaallada lagu dhisayo isbaheysi amni oo mideysan oo ka dhan ah Iran, xallinta dagaalka Yemen iyo ballaarinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Israa’iil ay la leedahay dalalka Muslimka ah. Riyadh iyo Abu Dhabi ayaa dano kala duwan ka leh Yemen iyo Sudan, halka cadaadiska Sacuudiga uu sare u qaadayo qiimaha saliidda adduunka uu abuuray khilaaf kala dhexeeya Imaaraadka. Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo. Amiirka dhaxalsugaha ah ayaa u sheegay la-taliyayaashiisa in aysan beddelin siyaasad kasta oo ku wajahan Imaaraadka. “Ma aamini karo iyaga,” ayaa laga soo xigtay, isagoo sheegay inuu Sacuudiga joojiyay maalgashiga ay ka wadeen gudaha Imaaraadka. PUNTLAND POST The post Xiisad ka dhex taagan Sacuudiga iyo Imaaraadka appeared first on Puntland Post.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Ninkan oo la sheegay in billo ka hor uu ka yimid deegaanka Buur Eyle ee Gobolka Baay ayaa habeenkii Jimcaha toogasho ka gaystay degmada Buurhakaba ee gobolkaasi. Toogashada ayaa ka dhacday Bartamaha Buurhakaba, iyadoona ay ku dhinteen laba ka mida Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, halka gabar kalena sida la sheegay ay ku dhaawacantay, taas oo xaaladeeda la sheegay inay garaab tahay. Wararka ayaa sheegaya in dembiilaha uu ka baxsaday goobtii uu dilka ka gaystay. Ciidamada amniga oo hawlgalo ka sameeyay magaalada ayaa ku guuldareystay in ay gacanta ku soo dhigaan. Labada askari ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Xaaji Madnuur (Mad-muran) iyo Xasan Cabdi Buulle (Baroor) oo nin da’ ahaa. Sarkaal ka tirsan Nabad Sugidda Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ninkan uu dhowrkii bilood ee ugu dambeysay ka tirsanaa Ciidanka Madaniga Buurhakaba. “Waa nin dhallinyaro ah oo ka yimid deegaanka Buur Eyle, maadaama loo arkay nin firfircoon waxaa lagu daray Ciidamada Madaniga ee degmada, saddex biloodna iyaga ayuu ka mid ahaa, qori AK47 iyo booshkiisna isagaa lacagtiisa kala baxay,” ayuu yiri sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan. Waxa kaloo uu yiri “Markii hore in ciidamada lagu soo daro waxaa ka shaqeeyay askar ay ehel yihiin oo magaalada deganaa, Soomaalida oo iska ah dad is qaraabeysta awgeed ninkan lagama shakin.” Sarkaalkan ayaa intaasi ku daray “Waxay ahayd maadaama uu ka yimid dhul ay Al-Shabaab ka arrimiso in la hubiyo ayay ahayd, laakiin askartan uu dili doono ayaa qaab qaraabeysi ah u soo dhaweeyay, iyagii ayuuna dilay, qoryihiina ka qaatay. Lama marsiin habraacii u yiilay hay’adaha amniga, qaraabeysi ayay ku soo dhoweysteen, naftuuna dhaafiyay.” Saraakiisha Ciidamada ayaa tuhunsan in ninkaasi uu dib ugu laabtay deegaanka Buur Eyle, oo markii horeba uu ka yimid. The post Nin ka yimid deegaan ay maamusho Al-Shabaab oo toogasho ka fuliyey magaalada… appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Iraq ayaa gebi ahaanba dalkeeda ka eriday, danijirihii Sweden u fadhiyay Baghdad sida ay sheegtay warbaahinta dalkaas. Tallabadaasi Ciraaq ayaa ah mid ay ku gudbineyso farriin ay uga cabanayso fal qorsheysan oo lagu rabo in lagu gubo kitaabka Qur’aanka Kariimka ah gudaha magaalada Stocklom ee caasimadda Sweden. Wakaaladda wararka Ciraaq oo soo xigenaysa bayaan rasmi ah oo kasoo baxay dowladda, ayaa ku warrantay in xukuumadda Baghdad ay sidoo kale u yeeratay danjiraha u fadhiya Sweden. Dibad-baxayaal kasoo horjeeda Islaamka oo uu ku jiro nin muhaajir ah oo asal ahaan kasoo jeedo Ciraq ayay ciidanka booliska Sweden u oggolaadeen inay Musxafka Shariifka ah ku gubi karaan bannaanka hore ee Safaaradda Ciraq ee magaalada Stocklom. Ninkan Ciraaqiga ah ayaa bishi June, kitaabka Qur’aanka ku hor gubay masaajid ku yaalla caasimadda Sweden. PUNTLAND POST The post Sweden oo weli cambaareyn kala kulmaysa gubista Qur’aanka appeared first on Puntland Post.
