Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Puntland MPs voting on the constitutional amendment earlier today. Garowe (PP Editorial) — The amendments made to the Constitution of Puntland today has ended the political deadlock over the transformation of a political system based on MPs selected by traditional leaders into a system based on competitive political parties. There was no a way Puntland Parliament could circumvent the decisive verdict delivered in local government elections held on 25 May 2023. Puntland voters voted for political associations that will become political parties and remain so for five years. The duration is short and entails electoral costs to contest for a party status again, but is nevertheless necessary to prevent the political classes from taking the electorate for granted. Puntland political stakeholders are commendable for making the political space conducive to wider participation: any political organisation that won 5% of local government seats will have become a political party. In this respect, we recommend that, out of trust building exercise, President Deni look into giving up the three members he is manaded to appoint to join the soon to be formed electoral commission. The threshold for forming a majority government should be made higher, 60% for example, to allow for coalition governments to emerge. Puntland political system, tradition-bound though it has been, has never metamorphosed into a broad-based clique that conducts periodic elections devoid of political accountability. An independent judiciary and audit regime are among the pillars of the new political system that saw the the light of the day six days before Puntland State of Somalia will celebrate its twenty-fifth anniversary. Amendments made to Puntland Constitution mandate popular representation through political parties as opposed to traditional leaders. Decentralisation — both budgetary and political— is a key component of the the political transformation. Districts will manage their budgets. The local government law that grant the Interior Minister powers to dissolve district councils will have to revised to reflect the political representation based on elected MPs and district councillors. President Said Abdullahi Deni, Vice President Ahmed Elmi and Puntland Parliamentary Speaker Abdirashid Yusuf Jibril have shown single-mindedness of purpose to ensure a peaceful transformation of a moribund and heavily centralised political system that paid lip service to the federal system. Puntland Founding Fathers and Mothers deserve a credit for crafting a constitution based the rights of the Somali citizen to vote regardless of his/her clan identity. Several newly electdistrict councillors belong to the internally displaced people, although the phrase implies a disingenuous use of a label that can apply to more that 50% of Puntland population who migrated to Mudug, Nugaal, Bari, Sool and Sanaag due to civil war and forced displacement. Any political aspirant in Puntland will have to prove his/ mettle at the district level. Voters will elect a President and Vice President. Candidates’ ideologies and political programmes will be scrutinised. Political associations that supported the transformation half-heartedly to the point of attempting to block the constitutional amendments risk poor performance at the polls. Puntland State of Somalia has set an example about a gradual, timely political transformation. © Puntland Post, 2023 The post A Timely Political Transformation in Puntland State of Somalia appeared first on Puntland Post.
  2. Garoowe (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay tallaabadii uu maanta qaaday Baarlamaanka Puntland, ee uu ku ansixiyay wax-ka-bedelka Dastuurka dowlad-goboleedka Puntland. Waxaa oggol ugu codeeyay 54 mudane, halka ay diideen 6 mudane oo kale, cid ka aamustayna ma jirin, sida uu sheegay guddoonka Baarlamaanka Puntland. Fadhigii maanta ee Golaha ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 60 Xildhibaan. Sidoo kale, waxay mudaneyaasha isku raaceen in Madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada ay ku yimaaddaan doorasho qof iyo cod ah. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan? Xaliye Yuusuf Maxamed: “Berina muddo kordhin laba sano ah amaa samaysataan mudanayaal?!.” Cali Ibraahim Cali Mire ayaa isna yiri “Dastuurka waa furan yahay miyaa, wixii maanta laga bilaabo guddoomiye wado halis ah ayaad u bareertay saaka ku soco.” “Waxaan baarlamaan ma ahane waa ilma Deni oo meel layskugu keenay,” ayuu yiri Subeer oo kamid ah dadka sida weyn u dhaliilsan tallaabada uu qaaday maanta Baarlamaanka Puntland. Cabdi Maxamuud ayaa yiri: “Waaba soo wada xaadirteene, War annagaa balo aragnay, diintiinu waa lacag.” Islaam Maxamed Xaaji: “Shimbirayahow heesa lab sanno Farmaajo iyo waxaan aad dhoob-dhoobteenba waa isku mid xaggee ka dhaqan-galayaan waayahee.” “Waxaas yaa idinka yeelaya Deni baa idin so laalushaye,” ayuu yiri Shaakir Maxamuud. Saki Saalax ayaa isna yiri: “Deni hadda siduu rabo maa loo yeelayaa?.” The post Sidee looga fal-celiyay tallaabadii uu maanta qaaday baarlamaanka PUNTLAND? appeared first on Caasimada Online.
  3. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania kaga qayb galaya Shir madaxeedka horumarinta Karaanka Aadanaha ee Afrika, ayaa kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey Jaaliyadda guulaha Xukuumadda DANQARAN ee ku aadden dowlad-dhiska Soomaaliya, dib-u-xoreynta dalka, deyn cafinta, kobcinta dhaqaalaha, arrimaha horumarinta bulshada, shaqo abuurka dhallinyarada iyo la dagaallanka Musuq-maasuqa, isaga oo ku bogaadiyey doorkooda ku aadden horumarka dalka. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka dhageystay xubnaha Jaaliyadda, xaaladda guud ee Soomaalida ku nool dalka Tanzania iyo doorkooda muhiimka ah ee ay ka qaataan dib-u-dhiska dalka. Dhankooda, Xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Tanzania oo kulanka ka hadlay ayaa soo bandhigay sida ay isugu duuban yihiin, islamarkaana ay wada-shaqeynta dhow ula leeyihiin Safiirka Soomaaliya u fadhida dalkaas Marwo Sahra Cali Xasan iyo guud ahaan Safaaradda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Dar Es Salaam (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Tanzania ayaa kulamo muhiim ah ka wada gudaha dalkaasi, kuwaas oo uu la qaadanayo madaxda ka qayb-galeysa Shir Madaxeedka Afrika ee Horumarinta Awoodda Aadanaha ee ka socda magaalada Dar Es Salaam. Xamza ayaa maanta kulan doceed la yeeshay madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria, ayaga oo ka wadahadlay arrimo dhowr ah. Xafiiska ra’iisul wasaaraha oo war kasoo saaray kulanka ayaa shaaciyay in looga wada hadlay xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka,. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale ka mahad-celiyay taageerada dhinacyada kala duwan iyo mashaariicda uu Bangigu ku taageero dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Dhankeeda madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka ayaa ku ammaantay dowladda Soomaaliya horumarka ay ka sameysay dhinaca amniga iyo la dagaallanka musuq-maasuqa. Sidoo kale waxa ay sheegtay in Bangigu diyaar u yahay in Soomaaliya uu ka taageero mowduuca hadda looga hadlayo Shir Madaxeedka ee horumarinta karaanka bulshada ee dhinacyada waxbarashada iyo sidii fursado loogu abuuri lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed. “Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horumar la taaban karo ka sameysay nidaamka dhaqaalaha waddanka oo hadda cagta ku haya in Soomaaliya ay soo gabagabeyso hannaanka deyn cafinta dhammaadka sanadkan” ayaa lagu yiri qoraalka. Ra’iisul wasaare Xamza ayaa shalay gaaray magaalada Dar Es Salaam ee dalka Tanzania, wuxuuna u tegay ka qayb-galka Shirka horumarinta Karaanka Aadanaha ee Afrika. Xubnaha wafdiga ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Waxbrashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo masuuuliyiin kale. The post Wararkii ugu dambeeyay safarka R/W Xamza ee dalka Tanzania + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  5. Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) iyo Xoghayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir mudane Feysal Caraale Afrax ayaa soo soo xiray tababar socday mudda afar cisho oo ay ka faa’ideysteen 60 xubnood kamid ah hawlwadeenada qaybaha Maamulka Dawladda Hoose, kaas oo socday muda 4-cisho. Aggaasimaha qorsheynta Dowladda hoose Xamar ayaa tilmaamay in tababarkan si gaar ah diiradda lagu saaray casriyeenta iyo Qorshaynta Caasimadda, sida deegaamaynta, goobaha warshadaha, Ganacsiga iyo guud ahaan horumarinta adeegyada bulshada, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) iyo Xoghayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir mudane Feysal Caraale Afrax ayaa si wadajir ah ula dardaarmay howl wadeenada tababarka loo soo xiray in wax yaabihii ay ka faaideyn ay ugu adeegaan bulshada iyo horumarinta Caasimadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa maanta magacaabay agaasimaha cusub ee waaxda canshuuraha bariga, kadib markii agaasimihii hore Muxudiin Saabey oo lagu soo eedeeyay musuq uu dalka ka baxay. Agaasimaha cusub ee waaxda canshuuraha bariga ee wasaaradda maaliyadda ayaa waxaa loo magacaabay Cabdullaahi Maxamuud Nuur, sida lagu sheegay digreeto uu soo saaray wasiir Biixi. “Waxaa u magacaabay Cabdullaahi Nuur Maxamed, Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Bariga ee Wasaaradda Maaliyadda” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday wasiirka. Sidoo kale madaxda wasaaradda iyo hay’adaha kale ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa la faray inay la shaqeeyaan mas’uulka cusub ee la magacaabay. “Dhammaan waaxyaha, xafiisyada iyo hay’adaha kale ee dowladda waxaa la farayaa in ku gacan siiyaan Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Bariga ee la magacaabay gudasha waajibaadkiisa shaqo” ayaa la sii raaciyay qoraalka kasoo baxay wasaaradda maaliyadda. Wareegtadan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in magacaabistan ay ku timid baahi loo qabo in la kobciyo dakhliga bariga ee wasaaradda maaliyadda Soomaaliya. “Baahida loo qabo kobcinta dakhliga bariga, kaas oo muhiim u ah dadaalka ay dowladdu ugu jirto sidii loo heli lahaa isku filnaasho miisaaniyadeed, si muwaadiniinta Soomaaliyeed loo gaarsiiyo adeegyada aas aasiga ah” ayaa mar kale lagu yiri wareegtada wasiir Biixi. Cabdulaahi Nuur Maxamed ayaa beddalaya Muxudiin Saabey oo kamid noqday mas’uuliyiin lagu soo eedeeyay, kaas oo ka cararay dalka, kadib markii ay ku soo baxday fadeexadan. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ninkan u jartay waaran soo qabasho ah, si loo horgeeyo maxkamadda gobolka Banaadir oo iyadu qaado dacwadaha nuucaan oo kale ah. Si kastaba, waa tallaabadii labaad ee ay qaadeyso dowladda Soomaaliya, si loo soo buuxiyo boosaskii ay banneeyeen agaasimeyaal dhowr ah oo loo haysto musuq, waxayna aheyd dhowaan markii agaasime cusub loo magacaabay hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda, kadib markii uu xilkaasi iska casilay Cabduqaadir Cilmi Cali oo loo yaqaano (Cabdul) oo kamid ah ragga u eedeysan dowladda federaalka Soomaaliya, isla-markaana ka baxsaday waddanka The post Wasiirka Maaliyadda oo magacaabay beddalka xilkii Saabey appeared first on Caasimada Online.
  7. Ibraahim Dhegaweyne oo ku baaqay in ragga Buurta fuulay laga daba-tago oo la qanciyo Hargeysa(Qaran news)- Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhego weyne) ayaa ku baaqay in laga daba tago oo la qanciyo dadka buurta fuulay, si aan dagaal u dhicin. Ibraahin Dhegoweyne oo la weydiiyay inuu marna talo ugu tagay Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu ku gaabsaday inaanu u tagin isla markaana aanay jirin wax talo ah oo uu la leeyahay. “Dalku talo ayuu u baahan yahay iyo in lala hadlo oo laga daba tago ciidankan la urursanayo haddii aan la gaadhin soo dagaal dhici maayo,” ayuu yidhi Mujaahid Ibraahim Dhegoweyne. Waxa uu sheegay in maanta aanay dalka daweynayn Doorashada Faratoon. Qaran News
  8. Xudur (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta howlgallo kala duwan oo khasaarooyin lagu gaarsiiyay Al-Shabaab ay ka dhaceen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaas oo hoostaga Koonfur Gabeed. Howlgalka koowaad oo ka dhacay galbeedka Waajid ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay ku jiraan Ajaaniib, sida ay shaacisay warbaahinta dowladda. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay ugu yaraan 25 xubnood oo isugu jiro Soomaali iyo Ajaaaniib, kuwaas oo isku uruursanayay halkaasi. “Ciidanka Xiogga dalka ayaa 25 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta ku dilay deegaanno dhaca galbeedka degmada Waajid ee gobolka Bakool halka tiro intaasi ka bandanna lagu dhaawacay, xilli ay malleeshiyadu isku diyaarinaysay dhagarta shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (Sonna). Dhankiisa guddoomiyaha maamulka degmada Waajid, Maxamed Macallin Yuusuf oo ka warbixiyay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha la dilay 5 kamid ah ay ahaayeen Ajaaniib halka 20 kale kalena ay ahaayeen Soomaali, ayna ku jiraan saraakiil sar sare. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xubno kale oo dhaawacyo ay goobta kasoo qaadeen, kadib markii ay ka carareen Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo ay Al-Shabaab ku qaadeen garoonka diyaaradha degmad Xudur ee xarunta gobolka Bakool, kaas oo uu xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada ammaanka iyo xoogaga weerarka soo qaaday. Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa shaaca ka qaaday inay iska caabiyeen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay haatan degan tahay xaaladda degmada. Waxaa kale oo ay intaasi raaciyay inay dagaalka ku dileen ugu yaraan illaa 12 ka tirsanaa xubnaha weerarka soo qaaday, sidoo kalena ay hub ka furteen. Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo ka mid ah gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta dalka. The post Sawirro: Xubno isugu jira Soomaali iyo ajaaniib oo lagu dilay howlgallo ka dhacay… appeared first on Caasimada Online.
  9. Xoghayaha WADDANI oo Muuse Biixi ku Eedeeyay inuu dalkii kala Kaxeeyay Hargeysa(Qaran)-Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay inuu dalka ka meel xun ka tuurayo. Waxaanu sheegay in waddankii middaysnaa ee lagu wareejiyay uu maanta ku dambeeyay dagaalo sokeeye, qax iyo barokac qayb ka mid ah shacbiga “Iyada oo bariga Somaliland dagaal ka socdo in maantana Gacan Libaax jabhado ka abuurman waxay ku timid talo xumada Muuse, wakhti dheer baanu ku talinaynay in la raaco sharciga dalka,”ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi. Xoghaye Khadar wuxuu sheegay in Muuse Biixi sharcigii dalka maqluub u rogay oo uu diiday doorashooyinkii isla markaana xalaashaday xadhiga iyo tacadiyada bulshada. Qaran News
  10. Garoowe (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ee Puntland ayaa si adag uga soo horjeestay tallaabadii ay maanta qaadeen xildhibaanada maamulkaasi, kadib markii ay si aqlabiyad leh ugu codeeyeen wax ka beddalka dastuurka dowlad goboleedka Puntland. Xasan Shire Abgaal oo kamid ah xubnaha ugu tunka weyn mucaaradka kasoo horjeeda Saciid Deni oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa marka hore sheegay in arrintan ay lama filaan ku noqotay, isla-markaana ay soo baxday xilli ay isimadu wadeen dhex-dhexaadin, wuxuuna tilmaamay in jawaab laga sugayo odayaasha dhaqanka ee Puntland “Isimada howsha galay qodobka koowaad war baa laga sugayaa” ayuu shirkiisa jaraa’id ku yiri siyaasiga Xasan Shire Abagaal. Siyaasigan ayaa sidoo jale wax lagu qoslo ku tilmaamay go’aanka maanta kasoo baxay golaha wakiilada Puntland oo u codeeyay wax ka beddalka dastuurka maamulkaasi. “Qodobka labaad waxa maanta dhacay waa wax lagu qoslo, waa wax dadka caqliga u saaxibka ah ay u arkaan marka Saciid iyo damaciisa laga reebo waa wax aysan suurtagal aheyn, sidaa ogtihiin saaka waxay dhaheen todobo qodob ayaan furnay” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in maanta xildhibaanada lacag loogu qaybiyay golaha dhexdiisa, uuna waxba kama jiraan yahay go’aankooda, sida uu hadalka u dhigay. “Waxyaalaha kale ee ugubka ah waxaa kamid ah in baarlamaanka dhexdiisa lacag lagu bixiyo oo xildhibaanada saaka golaha dhexdiisa lacag loogu qaybiyo kadibna ay warqaddan gacan u taagaan waxa maanta ay sameeyeen golahaan waa waxba kama jiraan weeye” ayuu mar kale ku yiri shirkiisa jaraa’id Xasan Shire Abgaal. Waxaa kale oo uu raaciyay “Dastuurku waa heshiis bulsho team waqtigoodu dhammaaday sida ay iyagu doonaan uma maamulan karaan, Ummadduna ma daawan karto”. Xaaladda Puntland ayaa u muuqata mid faraha kasii baxaysa, waxaana dhowaan dagaal u dhexeeyay ciidamada ammaanka iyo kuwa mucaaradka uu ka dhacay magaalada Garoowe. The post Daawo: Mucaaradka Puntland oo jawaab culus ka bixiyay go’aankii baarlamaanka appeared first on Caasimada Online.
  11. Baarlamaanka Israa’iil ayaa Isniintii meelmariyey qayb ka mid ah, sharci muhiim u ah dib u habaynta garsoorka ee dalkaas, kaas oo uu si weyn dabada uga riixayey ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, hase ahaatee waxaa si weyn uga soo horjeeda sharcigaasi, kumanaan ka mida shacabka dalkaas, kuwaas oo bilihii la soo dhaafay dhigayey debedbaxyo balladhan. Kulanka baarlamaanka ee lagu meelmariyey sharcigan oo Isniintii qabsoomay ayaa xildhibaanada mucaaradka ahi ay siweyn uga soo horjeesteen iyaga oo ku dhawaaqayey, “Waa idinku ceeb”, waxayna markii dambe iskaga dareereen golaha, hase ahaatee xildhibaanada muxaafidka ah oo haystay aqbaliyad ku filan ayaa ansixiyey sharcigan. Sharcigan oo ay ogolaadeen 64 mudane, ayaa markii ugu horraysay taariikhda Israa’iil, wuxuu dhimayaa awoodaha maxkamadaha, gaar ahaan in maxkamadda sare ay awood u yeelan karto inay hor istaagto go’aanada ka soo baxa golaha baarlamaanka, iyo weliba in wax laga bedelo habka loo magcaabo garsoorayaasha. Urur u dhaqdhaqaaqa arrimaha madaniga oo ka dhisan Israa’iil ayaa markiiba sheegay inay dacwad ka dhan ah go’aankan u gudbin doonaan maxkamadda sare, isla markaana ay qorshaynayaan mudaharaado ballaadhan oo dalkaas ka dhaca. Ra’iisal wasaaraha Israa’iil iyo isbahaysigiisa garabka midig ayaa sheegay in loo baahan yahay in la xakameeyo awoodda garsoorayaasha aan la dooran, maadaama aanu dalkaasi lahayn dastuur qoran. Hase ahaatee dib u habayntan garsoorka dalkaas ayaa si weyn u kala qaybisay Israa’iil. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Israa’iil oo meel mariyay sharci muran weyn ka taagan yahay appeared first on Puntland Post.
  12. Kenya's opposition leader, Raila Odinga, says he plans to launch a fund for "families who lost their loved ones and those still in hospital receiving treatment" amid nationwide demonstrations. Source: Hiiraan Online
  13. Xukumadenu waxey Meel walba la taagan tahey. #Fartoon waa ninka rashinka iyo hubka ciidankeena u geyn kara. Caqliyadda noocaasi maxey tahey? Faratoon miyaanu aheyn reer Sool. Ma inuu xal ka keena loo baahan yahey. Mise inuu Noqdo. #Madaxa_Saadka_Iyo_Saanadda_Military. Kelmadaasi isaga cey bey ku tahey. Dowladdnimadda waa ku ceeb. Waxaana sababaya Mangaabbnimadda Hogaaminta dalka iyo raga Wasiiradda ah ee waxaas shaashadaha ila soo taagaya. Reer Sool xabad uma Baahna Xal siyaasadeed bey u baahan yihiin. Tiina maanta xukumada jirta waa ku fashilantey. Caqliga inta dalka lagu waddona ee merfeshyadda Hargeisa laga akhriyayo. Waa riyo Maalmeed. Hon-Envoy Abdirizak Diinaari Qaran News
  14. Somalia says it will not accept mediation over a maritime dispute with Kenya, which the International Court of Justice (ICJ) decided in October 2021. Source: Hiiraan Online
  15. Mucaaradku hadda ayay xukumada la fahmeen laba wajiileyntii…:- “Imikaa la isa soo Gaadhay! Imikay Somaliland isa soo gaadhay; laba wajiile waxa la iskaga celin karaa uun laba wajiilanimo. Mucaaridku markii hore waji kaliya ayuun bay lahaayeen laakiin xukuumadda iyo xisbigeedu laba waji ayay waligood ba ku shaqaynayeen. Runtii waxba may qarsoonayn ee labaduba banaankay yaaleen. Immikaba ha la ogàado mucaaridku shaqo kuma leh dadkaa kacdoonka wada; Muuse na sharciga ayuu ilaaliyaa ee wax shaqo ah kumuu lahayn go’aankii Komishanka!!!!” W/Q: Pro. Cabdi Cali Jaamac Qaran News
  16. Las Anod (HOL) - The Supreme Council of SSC-Khatumo said that the Somaliland attacks in Las Anod town have compelled Doctors Without Borders (MSF) to withdraw all its services from Las Anod General Hospital in the Sool region. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, haatana ku simaha madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ay shalay Al-Shabaab ku qaadeen xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho. Ugu horreyn Sheekh Aadan Madoobe ayaa si adag u cambaareeyay weerarkaasi, isaga oo ku tilmaamay inuu ahaa mid fuleynimo ah oo lagu soo qaaday ciidamada Xoogga dalka. “Waxaan cambaareyneynaa falkii fuleynimada lahaa, naxariis darrada ahaa ee shalay dhibaatadaas lagu gaarsiiyay ciidamada qalabka sida ee Ummadda Soomaaliyeed u shaqeynaayay, waana ka xunahay” ayuu yiri ku simaha madaxweynaha Soomaaliya. Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale shaki weyn ka muujiyay weerarkaan, maadaama lagu beegsaday xero ciidan oo muhiim ah, isaga oo tilmaamay in meesha uu ka dhacay ay tahay meel aan caadi aheyn, balse arrintan ay muujineyso mas’uuliyad darro aad u weyn. “Meesha shalay raggaasi lagu baabi’iyay meel la’iska imaan karo ma’aha, meel caadi ah ma’aha, meeshaas waxaa ka muuqata mas’uuliyad xumo ayaa ka muuqato” ayuu raaciyay. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Laakiin qaa’imiin inay arrintaas fududeeyeen shaki weyn ayaa igaaga muuqda arrintaas aniga, wax loo dulqaadan karana ma’aha,”. Dhanka kale, Sheekh Aadan Madoobe ayaa amray saraakiisha hay’adaha amniga inay saameeyaan baaris degdeg ah, si gacanta lagu soo dhigay kooxdii ka dambeysay qaraxaas iyo kuwii u fududeeyay inay Al-Shabaab gudaha u gasho xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad. “Saraakiisha iyo ciidamada amniga qaabilsan ee daacadda ah waxaan amrayaa arrintaas in baaritaan xoogleh lagu sameeyo, dambiileyaasha isku dhex qarinaya ciidamada qalabka sida oo cadowga u fududeynaayo in gacanta lagu soo dhigo” ayuu markale yiri Madoobe. Weerarkan oo ahaa is-miidaaminta ah ayaa waxaa fuliyay naftii halige Shabaab ah oo galay Kuliyadda Jaalle Siyaad, xilli ay safaf dhaadheer ku jireen ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 14-ka October ee fadhigoodu yahay gudaha magaalada Marka. Si kastaba, weerakan ayaa sababay dhimashada illaa 25 askari, halka 70 kale ay ku dhaawacmeen, sida xogtaan ay ku soo dusiyeen saraakiil ciidan. The post Daawo: Aadan Madoobe oo sheegay kuwa fudeydiyay qaraxii Kuliyadda Jaalle Siyaad appeared first on Caasimada Online.
  18. Ceelbuur (Caasimada Online) – Khilaaf xooggan oo u dhaxeeya kooxda Al-Shabaab iyo odayaasha dhaqanka ee beelaha dega degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa ka taagan gobolkaasi. Sida ay baahisay warbaahinta dowladda, khilaafkan ayaa cirka isku sii shareeray kadib markii kooxda ay siyaabo kala duwan isugu dhaceen qabaa’ilada dega bariga gobolka Galguduud gaar ahaan degmada Ceelbuur. Xiisadda ayaa markii hore kasoo bilaabatay deegaanka Wabxo, halkaasi oo dhallinyaro deegaanka oo ka carooday fal gacan qaad ah oo mid kamid ah xubnaha Al-Shabaab uu u geystay gabar maqaayad ku iibineysay halkaasi, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda. “Arxan-laawihii ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab ayaa garaacis nafta ku dhaafsiiyeen saddex dhalinyaro ahaa oo ka carootay falkaasi gacan qaadka ah,” ayay tibaaxeysa xogta laga helayo sida ay xiisaddaan ku bilaabatay. Kooxda ayaa intaas kadib gacanta kusoo dhigtay saddexda dhalinyaro ah, iyaga oo usoo qafaashay degmada Ceelbuur. Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa go’aamisay in dhalinyaradaasi la toogto. Odayaasha dhaqanka Ceelbuur ayaa arrintaasi ka biyo diiday, iyaga oo is hortaagay in la toogto dhalinyaradaan reer Wabxo, taasi oo keentay in ay isku dhacaan horjoogayaasha Al-Shabaab iyo odayaasha dhaqanka degmada Ceelbuur. Xiisaddan ayaa uga sii dartay khilaaf horay uga dhaxeeyay odayaasha dhaqanka Ceelbuur iyo horjoogayaasha kooxda ee ku sugan halkaasi, taasi oo salka ku haysay kadib markii odayaal dhaqameedyo diiday inay bixiyaan lacago baad ah oo ay Al-Shabaab ku soo rogtay, laga soo qafaashay deegaanka Garable isla gobolka Galguduud ka tirsan. Falkaasi odayaasha reer Garable lagu soo qafaashay ayaa waxaa la sheegay inuu hoggaaminayo oo Ceelbuur ku soo xiray odayaasha dhaqanka horjooge Macallin Salaad Gabeyre oo ka soo jeeda isla deegaanka Garable, sida ay baahisay warbaahinta dowladda. Ninkan ayaa si cad u diiday inuu soo daayo odayaashaas adeeradiis ah ee uu soo xirtay, kadib markii waan-waan ugu tageen odayaal ka tegay deegaanka Ceel-garas oo ugu yimid Ceelbuur. Odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda si adag uga biyo diiday in ay bixiyaan lacagtaasi baadda ah ee kooxda ku soo rogtay odayaasha ugu xiran Ceelbuur. Arrimahan ayaa sii xoojinaya khilaafka horjoogayaasha Al-Shabaab kala dhaxeeya dadka degan bariga gobolka Galguduud, iyada oo xiisaddanina ay gaartay meel aad u sareysa, maaddaama horjoogayaasha ku jira kooxda ee ka soo kala jeeda labada beel ee deegaankaasi dega aanay dooneyn in laga horyimaado amaradooda, taasi oo keentay in dhexdooda isgaad-gaad ka billowdo. Odayaasha dhaqanka ee degmada Ceelbuur ayaa ahayn odayaashii ugu horeeyay ee si cad isaga horyimaadaan kooxda, waxaana sidan oo kale Al-Shabaab uga horyimid odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, taasi oo markii dambe soo dedejisay cimriga joogitaanka kooxda ee gobolkaasi. Si kastaba, marka laga soo tago xogtan ay baahisay dowladda, waxay muddooyinkii dambe baahineysay waxyaabaha ka dhex socda kooxda, ayada oo hore baahisay in horjoogayaasha Al-Shabaab ay dhexdooda is-ugaadhsanayaan kadib markii uu jab xooggan kasoo gaaray dagaalka, ayna wajaheyso culeys dhaqaale oo baahsan. The post Xog: KHILAAF horleh oo ka dhex qarxay Al-Shabaab iyo beelaha deegaannada… appeared first on Caasimada Online.
  19. Ukraine oo Duqeymo ka Geystay Moscow Moscow(Qaran news)-Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drone) ee Ukraine ayaa weeraray dhismooyin ku yaalla caasimadda Ruushka ee Moscow iyo bakhaar hub oo ku yaalla gobolka Crimea ee Ruushku ka goostay Ukraine, waxaa sidaas maanta sheegay saraakiisha Ruushka. Ruushka ayaa sheegay inay soo rideen laba diyaarad oo soo galay hawada Moscow, iyada oo wax khasaare ah uusan dhicin. Mid ka mid ah diyaaradaha ayaa ku dhacday meel u dhow xarunta wasaaradda difaaca Ruushka ee badhtamaha caasimadda Moscow, halka diyaaradda kale ay ku dhacday dhisme xafiisyo oo ku yaalla koonfurta Moscow. Weerarada ayaa yimid maalin kadib markii Kyiv ay wacad ku martay “inay ka aargudaneyso” weerar gantaal oo Ruushku ay ku qaadeen dekedda Odesa ee Badda Madow. Weriyayaasha wakaaladda wararka AFP oo ku sugnaa meel u dhow goobta weerarku ka dhacay oo ah xarunta wasaaradda difaaca ka dhacay ee Komsomolsky Prospekt, ayaa sheegay inay arkeen laba dhisme oo fooqa uu khasaare soo gaadhay. Dhinaca Crimea, Badhasaabka ay Moscow magacowday Sergei Aksyonov ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay soo rideen 11 diyaaradaha drone-ka Ukraine ah. Waxa uu sheegay in weeraro lagu ekeeyey bakhaar hub yaalay, isla markaana ay guri shacab waxyeelo ka soo gaadhay weerarkaas ay fuliyeen Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drone), inkastoo uu ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraad ah bixiyo. Aksyonov ayaa sheegay in shacabka laga daadgureeyey xaafado u dhow bakhaarka hubka. Crimea, oo uu Ruushku dalkiisa ku darsaday 2014-kii, ayaa waxay bartilmaameed u aheyd Kyiv intii uu socday duulaanka Moscow ee Ukraine, hase yeeshee waxay toddobaadyadii dhowaa ay la kulmeysay weeraro dhanka cirka ah. Kyiv ayaa marar badan sheegtay inay qorsheynayso inay dib u soo ceshato gobolka Crimea. Qaran News
  20. Diyaarad ku Burburtay Suudaan Sudan(Qaran)-Diyaarad rayid ah oo nooceedu ahaa Antonov ayaa ku burburtay garoonka Port Sudan ee Dalka Suudaan, halkaasi oo ay ku dhinteen sagaal qof oo ay ku jiraan afar askari oo mileteri ah. Bayaan ay soo saareen ciidamada Suudaan ayaa lagu sheegay in shilkasi oo ay sababtay cillad farsamo iyadoo oo uu ka badbaaday ilmo yar. Shilkaan diyaaradeed ayaa yimid 100 maalmood ka dib markii 15-kii bishii April ee la soo dhaafay uu dagaal dhexmaray ciidamada dowladda Suudaan iyo kuwa kale ee la magac baxay Gurmadka deg degga ah . Magaalada Port Sudan oo dhacda bariga Bada Cas ayaa kamid ah magaalooyinka ay gacanta ku hayaan ciidamada Sudan tan iyo markii uu dagaalku bilowday. Gegida diyaaradaha ee Port Sudan ayaa ah tan kaliya ee weli ka shaqeysa dalkaasi, waana marin muhiim u ah gargaarka dibadda ee aadka loogu baahan yahay. Maxaa keenay xal la’aanta dagaalka 100 maalmood jirsaday ee Suudaan Sudan(Qaran)Dagaalka ka socda Suudaan waxaa ku dhintay ugu yaraan 3000 oo qof sida lagu sheegay qiyaas maxalli ah inkastoo dawlada Sudan ay tiro taas ka duwan sheegtay.-Boqol maalmood ayaa ka soo wareegtay tan iyo markii uu qarxay dagaalka ka socda waddanka Sudan ee u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa ka soo hor jeeda ee loo yaqaano RSF. Dagaalka ayaa burburiyay caasimadda Khartoum, wuxuuna sidoo kale horseeday barakaca in ka badan sadex milyan oo qof iyo isku dhacyo beeleedyo ka dhacay galbeedka gobolka Darfuur. Dhanka kale, waxaa dhowr mar guul dareystay isku dayo la doonayay in lagu dhaqan geliyo xabad joojin, welina ma muuqato astaan muujinaysa in mid kamid ah dhinacyada dagaallamaya uu diyaar u yahay wada hadal nabadeed. Boqolkaas maalmood ee dagaalku socday waxaa ku dhintay 1,136 qof sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Sudan, in kastoo la rumeysan yahay in tiradu intaa aad uga badan tahay. Labada dhinac ee ku hirdamaya awooda dalka Sudan midkoodna guul muuqata kama gaadhin dagaalkaas. Ukraine oo Duqeymo ka Geystay Moscow Moscow(Qaran)-Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drone) ee Ukraine ayaa weeraray dhismooyin ku yaalla caasimadda Ruushka ee Moscow iyo bakhaar hub oo ku yaalla gobolka Crimea ee Ruushku ka goostay Ukraine, waxaa sidaas maanta sheegay saraakiisha Ruushka. Ruushka ayaa sheegay inay soo rideen laba diyaarad oo soo galay hawada Moscow, iyada oo wax khasaare ah uusan dhicin. Mid ka mid ah diyaaradaha ayaa ku dhacday meel u dhow xarunta wasaaradda difaaca Ruushka ee badhtamaha caasimadda Moscow, halka diyaaradda kale ay ku dhacday dhisme xafiisyo oo ku yaalla koonfurta Moscow. Weerarada ayaa yimid maalin kadib markii Kyiv ay wacad ku martay “inay ka aargudaneyso” weerar gantaal oo Ruushku ay ku qaadeen dekedda Odesa ee Badda Madow. Weriyayaasha wakaaladda wararka AFP oo ku sugnaa meel u dhow goobta weerarku ka dhacay oo ah xarunta wasaaradda difaaca ka dhacay ee Komsomolsky Prospekt, ayaa sheegay inay arkeen laba dhisme oo fooqa uu khasaare soo gaadhay. Dhinaca Crimea, Badhasaabka ay Moscow magacowday Sergei Aksyonov ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay soo rideen 11 diyaaradaha drone-ka Ukraine ah. Waxa uu sheegay in weeraro lagu ekeeyey bakhaar hub yaalay, isla markaana ay guri shacab waxyeelo ka soo gaadhay weerarkaas ay fuliyeen Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drone), inkastoo uu ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraad ah bixiyo. Aksyonov ayaa sheegay in shacabka laga daadgureeyey xaafado u dhow bakhaarka hubka. Crimea, oo uu Ruushku dalkiisa ku darsaday 2014-kii, ayaa waxay bartilmaameed u aheyd Kyiv intii uu socday duulaanka Moscow ee Ukraine, hase yeeshee waxay toddobaadyadii dhowaa ay la kulmeysay weeraro dhanka cirka ah. Kyiv ayaa marar badan sheegtay inay qorsheynayso inay dib u soo ceshato gobolka Crimea. Isreal oo Ansixisay dib u Habeynta Garsoorkeeda Isreal(Qaran)-Baarlamaanka Israa’iil Knesset, ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyey hindise sharciyeedka dib u habeynta garsoorka dalkaas kaas oo xaddidaya Awoodaha Maxakamada sare ay u lahayd ka garnaqa dacwadaha madaxda sare lagu soo oogo. Arrimtan ayaa sababtay inay dhacaan dibad baxyo balaadhan oo lagaga soo hor jeedo hindisahan kaas oo ay abaabuleen xisbiyada mucaaridka Israel. Waxaa guul daraystay wadahadalo lagu doonayay in meel dhexe la isugu yimaado, kuwaas oo uu hogaaminayay madaxweynaha dalkaasi, isla markaana la rabay in laga hor istaago xukuumada midigta fog ee Israel, ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, inay hore u sii riixdo codeynta baarlamanka. Hasa yeeshee aqalka baarlamanka ee dalkaasi ayaa sameeyey codayntii Saddexaad ee ugu dambeysay ee sharcigan kaas oo ku meel maray ogolaanshaha 64 Xildhibaan sidoo kale Xisbiyada Mucaaradka ayaa qaadacay ka qeyb galka fadhigaas. Sharcigan oo qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in dib loogu habeeyo garsoorka dalka Israel, ayaa maxkamadda sare ka hor istaagaya in ay go’aanno ka gaadho dacwadaha lagu soo eedeeyo Madaxda sare ee dalkaas waxayna maxkamadu gacanta ku haysay dacwad musuq maasuq oo lagu soo eedeeyay Raysal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay fadeexad musuq-maasuq oo kusoo baxday maamulka HirShabeelle, taasi oo la xiriirtay hanaanka loo maareeyay macalimiin la siiyay maamulkaasi. Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa meesha looga saaray fadeexaddaasi, ayada oo wasaaraddu sheegtay in aysan jirin macalimiin loo gacan geliyay maamullada, si ay usoo qortaan. “Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda federaalka waxa ay halkaan ku caddeyneysaa in aysan sal iyo raad toona lahayn wararkaas laga faafiyay macallimiinta HirShabeelle. Guddigii waday howsha qaadashadaasi ay ka madax-bannaanaayeen fara-gelin dhanka dowlad-goboleedyada ah.” Wasaaradda ayaa sidoo kale waxay sheegtay in uusan jirin wafdi kormeer ah oo ay u dirtay HirShabelle oo ku saabsanaa arimaha la xiriira macallimiinta, habraaca loo soo xulay macallimiinta HirShabeelle-na uu la mid ahaa kii ay soo mareen macallimiinta gobollada kale. Bayaanka Wasaaradda ayaa imanaya ka gadaal markii ay soo baxday fadeexadda ah in maamulka HirShabeelle uu musuq-maasuqay macallimiinta maamulkaasi la siiyay, ayna leexsatay Madaxtooyada HirShabeelle. Sida horay ay usoo dusiyeen saraakiil HirShabeelle ah, kala bar mushaarkii loo qoray 100-ka macalin waxaa leexsatay Madaxtooyada HirShabeelle, iyadoo lagu qoray shaqaale ka tirsan madaxtooyada, askar, shaqaalaha Nadaafada Madaxtooyada HirShabeelle iyo dhalinyaro Muqdisho Jaamacado ka dhigta. Dad badan ayaa arrintaas ku tilmaamay nasiib darro weyn iyo maareyn la’aan maamul oo ka jirta HirShabeelle, gaar ahaan Jowhar, taasi oo ka dhigan in eedda dhan ay dusha ka fuuleyso Madaxweynaha maamulkaas Cali Guudlaawe oo ku dhawaad 30-kii sano ee lasoo dhaafay ka shaqeynayey magaaladaas. Hoos ka aqriso bayaanka kasoo baxay wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya; War-saxaafadeed Ujeeddo: Caddeyn Habraacii loo maray qaadashada macallimiinta saddexda kun ee Qaranka. Maalmahaan waxaa baraha bulshada lagu faafiyay in Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federaalka ay warbxin ka soo saartay macallimiinta wasaaradda ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, wararkaas oo sheegaya in musuqmaasuq uu ka dhacay howlaha macallimiinta. Haddaba, Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka waxa ay halkaan ku caddeyneysaa in aysan sal iyo raad toona lahayn wararkaas laga faafiyay macallimiinta Hirshabeelle. Habraaca qaadashada macallimiinta saddexda kun ee dhammaan dowlad goboleedyada xubanaha ka ah dowladda federaalka iyo gobolka Banaadir waxaa loo maray hab daahfuran oo loo simman yahay, waxaana gacanta ku hayey guddi si gaar ah loogu xilsaaray oo u madaxbannaanaa arrimaha qaadashada macallimiinta, si hufanna u maareeyay howshooda. Habraacii qaadashada macallimiinta waxa uu maray heerar kala duwan oo ka koobnaa: Codsi online ah, hubin shahaaddooyin, imtixaanno qoraal iyo Af, iyo xallinta cabashooyinka ka imaanayey tallaabo kasta oo la qaaday. Waxaa hadda dhammaan intii ka soo gudubtay habraacaas dhameystiran uu si habsami ah tababar uga socdaa xarumihii loo asteeyay oo kala ah magaalooyinka Dhuusamareeb, Beledwyene, Muqdishu, Baydhabo, iyo Kismaayo. Haddaba waxaan marlabaad halkaan ku caddeyneynaa in guddigii waday howsha qaadashadaasi ay ka madaxbannaanaayeen faragelin dhanka Dowladgoboleedyada ah. Waxaan kaloo halkaan ku caddeyneynaa in uusan jirin wafdi kormeer ah oo ay wasaaraddu u dirtay dowlad goboleedka Hirshabelle oo ku saabsanaa arimaha la xiriira macallimiinta, habraaca loo soo xulay macallimiinta Hirshabellena uu la mid ahaa kii ay soo mareen macallimiinta gobollada kale. Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay si gaar ah ugu mahadcelinaysaa wasiirrada waxbarashada dowlad goboleedyada iyo madaxweynayaashooda oo taageero weyn la garab istaagay habsami u socodka howsha. Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe uu mar walba u taagnaa taageerada howshan. The post Maxay DF ka tiri fadeexaddii kusoo baxday maamulka HirShabeelle? appeared first on Caasimada Online.
  22. Xisbiga Waddani ayaa sheegay in xukuumadda madaxweyne Biixi , sabab u tahay jabhadda cusub ee lagaga dhawaaqay buurta Gacan-libaax ee u dhexaysa Berbera iyo Hargeysa. Khadar Xuseen Cabdi, Xoghahaya guud ee Waddani ayaa sheegay in hore Jabhadi uga aasaasantay galbeedka Somaliland, dagaalka Sool iyo jabhadda cusub ee Gacan-libaax-ba ay tahay tala xumida madaxweyne Biixi, halkan hoose ka daawo Source
  23. Tuesday, July 25, 2023 (HOL) - The Parliament of the Puntland Regional State officially announced that they have unanimously agreed to amend certain provisions of the previous constitution regarding the recognition of political parties in Puntland. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa tiro hoobiyeyaal ah oo saaka lagu garaacay xerrada Maslax ee degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho. Caasimada Online oo la hadashay sarkaal ku sugan xerada ayaa inoo xaqiijiyay in hoobiyayaasha lagu weeraray, ay ku kala dhaceen gudaha iyo banaanka xerrada Maslax. Ciidamada ku sugnaa xerada lagu weeraray hoobiyeyaasha ayaa markiiba sameeyay howl-gal, iyaga oo gacanta kusoo dhigay shaqsiyaad lagu tuhmayo weerarka, sida uu Caasimada Online u sheegay sarkaalka la hadlay. Xerada Maslax ayaa waxa degan ciidamo milatari, gaar ahaan gutooyinka lagu magacaabo Khaalid Bin-Waliid iyo Cumar Bin-Khadaab, kuwaasi oo loo diyaariyay wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab. Weerarkan ayaa imanaya maalin kadib un qaraxii is-miidaaminta ahaa ee naftii halige Shabaab ah uu ka fuliyay Kuliyadda Jaalle Siyaad, kaasi oo uu ka dhashay khasaare xooggan, oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. 25 askari ayaa ku geeriyootay qaraxaas, halka 70 kale ay ku dhaawacmeen, sida xogtaan ay ku soo dusiyeen saraakiil ciidan. Xogtaan waxay sheegeysaa in 24 ka mid ah askarta dhaawaca ah ay ku jiraan xaalad halis ah, waxaana dhaawacyada la dhigay isbitaallada Xoogga iyo Digfeer. Xerada uu qaraxaasi ka dhacay oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay leeyihiin waxay ku taallaa degmada Hodan. Saraakiisha laga helay xogta khasaaraha gaaray ciidanka waxay sheegeen in ninka is-miidaamiyey uu soo dhex-galay ciidanka oo ku jiray safaf dhaadheer, waaberigii hore ee shalay. Ciidanka la qarxiyey oo u badnaa guutada 14-ka October waxaa laga keenay degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana u socday dhibow ay ku gelayeen xerada lagu beegsaday. Kooxda Al-Shabaab ayaa masuuliyadda sheegatay daqiiqado kooban kadib markii uu shalay qaraxaasi dhacay, illaa hadana lama garan sida ninkaas uu ku galay xerada. Guutada ay ka tirsanaayeen ciidankaan la beegsaday ayaa waxaa la aas-aasay sanadkii 2017-kii, xiligaasi oo kooxda Al-Shabaab ay Muqdisho ka geysteen qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee Zoobe oo dhacay 14-kii October. The post Faah-faahinta hoobiyayaal lagu weeraray xero ciidan oo ku taal Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  25. Waxaa maanta la filayaa in la shaaciyo natiijada baadhitaankii lagu sameeyay meydka Allaha u naxriistee Khaalid Xuseen Maxamed, oo loo yaqaannay Beegsi, kaas oo geeriyooday Axaddi la soo dhaafay, kaddib markii uu dhacay xili ciyaar socotay. Wiilkan ayaa fadhiistay kaddibna dhacay iyadoo cayaartu markaa mareysay daqiiqadihii ugu horeeyay ee qeybtii labaad, kaddibna waxaa loola cararay cisbitaalka, halkaas oo uu markiiba ku geeriyooday. Tartanka kubadda cagta ayaa ka socday magaalada Hargeysa, wuxuu u dhaxeeyay jaamacadda New Generation iyo jaamacadda Hargeysa, Khaalidna wuxuu u cayaarayay jaamacadda New Generation. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in ilaa haatan hal wiil loo xidhay geerida Khaalid, kaas oo ay wada ciyaarayeen. Khaalid ayaa sidookale mar ahaa ciyaartooy ka tirsan heerka labaad ee kooxda wasaaradda cadaaladda balse wuxuu markii dambe u gudbay kooxda heerka koowaad ee Goodir ee Hargeysa ka dhisan. Waxa la sugaba waa natiijada baadhitaankaas oo saacadaha soo socda la filayo in xeer ilaalintu shaaciso. Source