-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ง๐๐๐ฒ๐๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐๐ก๐๐ C๐๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ซ๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐ ๐ฌ๐ก๐๐ซ๐๐ข๐ ๐ ๐ค๐ก๐ข๐ฅ๐๐๐๐ญ๐ oo ka Qabsoomay Hargeysa
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ง๐๐๐ฒ๐๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐๐ก๐๐ C๐๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ซ๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐ ๐ฌ๐ก๐๐ซ๐๐ข๐ ๐ ๐ค๐ก๐ข๐ฅ๐๐๐๐ญ๐ oo ka Qabsoomay Hargeysa Hargeysa (Qaran news)- Agaasimaha guud ee wasaaradda cadaaladda JSL, Mudane Ismaaciil Saleebaan Maxamed (Bowkax), ayaa furay shirkii bilaha ahaa ee daneeyayaasha bahda caddaaladda carruurta. Ujeedada shirkan ayaa ahayd soo bandhigista xogtii laga soo uruuriyey saldhigyadda booliska iyo Xabsiyadda bishi u danbaysay. Sidoo kale waxa mudadii shirku socday la isla eegay xogta ay hayaan hayโaddaha bahda caddaaladda caruurta ka shaqeeya iyo gudiyadda lixda xafadood ee gobolka Maroodi-jeex. Geesta kale waxa intii uu kulanku socda lagu gorfeeyay xogtii laga soo ururiyay xabsiyadda iyo saldhigyadda lixda gobol ee JSL. Shirkan oo ay bil walba qabato wasaaradda caddaaladda JSL ayaa diiradda lagu saraa sidii loo yarayn lahaa danbiyadda ay galaan carruurta sharciga khilaafta, isla markaana xadhigood loogu badali lahaa xarumo dhaqan celineed oo wax lagu baro si loo helo caruur bad-qabta. Waxana Kulankaa kasoo qaybgalay xubno ka socday wasaarada arrimaha gudaha, horumarinta caafimaadka, wasaaradda Ciyaaraha, booliska, Ciidanka Asluubta, Xeer ilaalinta, Maxkamadaha, Baahi-koob, Hava-yoco, Daladda Nagaad, Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka, BVO iyo gudida xaafadaha 26-juun, Gacan-libaax, Koodbuur, Maxamed Mooge, Axmed Dhagax, 31-ka May iyo ururada bulshada. Qaran News -
Muqdisho (Caasimada Online) โ Ciidamada Soomaaliyeed ee dhowaan lagu soo tababaray gudaha dalka Eritrea ayaa haatan wajahaya xaalad adag, taas oo ka dhalatay mushaar laโaan haysata, tan iyo markii dib loogu soo celiyay dalka, sida uu shaaca ka qaaday Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya. Xildhibaanka oo ka hor hadlayay baarlamaanka ayaa sheegay in ciidamada lagu soo tababaray Eritrea oo qaarkood la keenay aysan weli helin wax xuquuq ah, ah, isla-markaana aysan tabar u heyn dowladdii tababaray iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya. โWaxaan ognahay 4 sanno ciidan ayaa waxay ku maqan yihiin Eritrea qaar waa ka yimaadeen, qaarna way ku maqan yihiin waxaan xogteeda haynaa inayna heysan one Dollar oo dowladdii Eritrea xamuulkaas qaadi karin oo tabarteeda laheyn, โ ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la dayacay ciidamadaasi, isla-markaana loo baahan yahay in dowladdu ay qaado tallaabo deg-deg ah oo looga jawaabayo arrintaasi. Waxaa kale oo uu xusay in sidoo kale ay dhibaateysan yihiin ciidamada Soomaaliyeed ee weli ku maqan waddanka Eritrea, ayna yihiin maxaabiis, sida uu hadalka u dhigay. โKuwii hore lama xallin, kuwii jiray Eritrea warkooda daa oo hadda waa maxaabiis, meelaha ayay ka bax baxsadaan, runtii waxaan aad u adkeynayaa wasiir inaad ciidanka aad haysato horta meel aad saarto oo aad xaqiijisoโ ayuu mar kale yiri xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar. Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo hadalkiisa ayaa sidoo kale intaasi kusii daray โCiidankaas waa dayacan yihiin nidaamka askarta waxaa waayay askariga inta uu tababarka ku jiro saabuun ayuu helaa, cunto ayuu helaa, daryeel iyo daawo ayuu helaa, wixii ka dambeeya haddii tababarkiisa soo dhammeysto mushaarkiisaa horay loo bilaabaaโ. Ciidamadan oo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa markii la keenay ku soo aaday xaalad dagaal, waxaana qaarkood la geeyay furinta hore ee dagaalka Al-Shabaab, halkaas oo ay sidoo kale kasoo gaartay dhimasho iyo dhaawac, gaar ahaan dagaalkii Masagawaa. Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin arrintan, balse waxaa hadalka xildhibaanka goobjoog ahaa wasiirka Gaashaandhiga, Cabdulqaadir Maxamuud Nuur (Jaamac) oo uu toos ugu gudbiyay kiiskan, kadib markii uu shalay hortega xubnaha Golaha Shacabka. The post Xaalad adag oo soo wajahday ciidamadii laga keenay Eritrea appeared first on Caasimada Online.
-
Baidoa (HOL) - Heavy fighting erupted between al-Shabaab and Somali forces on the outskirts of Goofgaduud Burey, a district located 30km west of Baidoa, on Sunday. The battle comes just a week after the Somali army recaptured the district from al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) โ Xildhibaan Faaโizo Jayte oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo la hadashay warbaahinta ayaa faah-faahin ka bixisay dagaalka kala dhexeeya, guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe). Xildhibaanada ayaa shaaca ka qaaday in guddoonka ay isku hayaan kaliya ilaalinta xeer hoosaadka golaha iyo dastuurka dalka, sida ay hadalka u dhigtay. Faaโiza Jayte ayaa guddoonka baarlamaanka ku eedeysay inuu dano gaar ahaaneed u adeegsado shuruucda u degsan, taasina ay kasoo horjeedo. โWax dagaal ah oo gooni ah oo shaqsi ah oo naga dhexeeyo ma jiraan, kaliya waxaan isku haysanaa xeer hoosaadka noo qoran iyo dastuurka aan kusoo dhaaranay aan ka shaqeyno iyo maalin hala jebiyo, maalintii dan gooniya laga arkana hala isticmaaloโ ayey tiri xildhibaam Faaโzo Jayte. Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in guddoomiyaha Golaha Shacabka uu mar kasta ku xadgubo ku dhaqanka xeer hoosaadka golaha, isla-markaana uu jebiyo qodobo muhiim ah, sida ay ku doodday xildhibaamaddu. โMaalin ilaahey keeno qodob, ama labo ayaa la jebiyaa lagama hadlo markii si dan gaar ah looga leeyahay qof waxaa arkee la siinaayo makarafoonka iyo qof gacan taagtay oo guddoonka u arko inuu culeys ku yahay oo laga tegaayoโ ayay mar kale tiri. Waxa kale oo ay sii raacisay โ Waxyaalaha la doonaayo waxaa waayay in xildhibaanada xuuquuqda hadalka ay si isku mid ah u helaan qof kasta oo farta taago haddii jaanis loo helaayana la siiyoโ. Dagaalka xildhibaanaddan iyo Sheekh Aadan Madoobe ayaa soo shaac baxay Khamiistii lasoo dhaafay, kadib markii uu ka xiray makarafoonka, xilli ay ka hadleysay kulankii baarlamaanka, kadib markii ay adeegsatay erayo adag. Guddoomiyaha ayaa markaas shaaca ka qaaday in ay u geftay xildhibaanada golaha, waxaana kadib ay bixisay raalli-gelin, ayada oo sidaas kusii wadatay dooddeeda. The post Daawo: Faaโizo Jayte oo shaacisay arrinta ay isku hayaan Aadan Madoobe appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) โ Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa markii labaad maanta la horgeeyahy 4 maโsuul oo ka tirsan Haโyadda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya. Afartan nin ayaa waxaa loo haystaa lunsashada malaayiin dollar, kadib markii ay xeer ilaalinta qaranka kusoo eedeysay Musuq-maasuq, gaar ahaan xatooyo xoolo dadweyne. Doodda maanta ayaa ka duwaneyd kuwii hore, waxaana xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka uu maxkamadda horgeeyay caddeymaha eedda lagu soo jeediyay afarta masโuul oo kala ah:- Eedeysanaha koowaad Cabdullaahi Maxamuud Cosoble oo ah agaasimaha waaxda socdaalka ajaaniibta ee Hayโadda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inuu lunsaday lacag dhan ($560,500) shan boqol iyo lixdan kun iyo shan boqol oo dollar. Cumar Macalin Nuur oo isna ah agaasime ku xigeenka waaxda ajaaniibta ee Hayโadda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa xeer ilaalinta qaranka kusoo eedeysay inuu lunsaday ku dhawaad 7 milyan oo dollar, taas oo ahayd hanti dadweyne oo uu masโuul ka ahaa. Eedeysanaha 3-aad Saabir Xasan oo ah madaxa hubinta Viso kordhinta ee waaxda ajaaniibta ee Hayโadda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa isaguna loo haystaa lunsashada dakhli dowladeed oo gaarayay ($482, 730) Afar boqol siddeetan iyo labo kun, todobo boqol iyo soddon dollar, taas oo ay maxkamaddu sheegtay inuu u maray warqado been abuur ah. Ninka afaraad waa Aadan Maxamed Cabdi oo isna ah maamulaha qaadashada Visaha ee waaxda Viso kordhinta Hayโadda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaa lagu soo eedeeyay inuu qaatay lacag dhan ($88,640) siddeedan iyo siddeed kun iyo lix boqol iyo afartan dollar, isag aoo isticmaalayay warqado lacag qabasho iyo shaabado been abuur ah, sida lagu sheegay eedda. Maxkamadeynta raggan ayaa weli sii socota, waxaana la filayaa in kama dambeyn ay goโaan rasmi ah soo saarto Maxkamadda Gobolka oo qaadeysa dacwaddan xasaasiga ah. Dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku guda jirto dagaal ka dhan ah musuqa, kaas oo loo soo xiray masโuuliyiin dhowr ah, halka kuwa kalena ay ka baxsadeen dalka. The post Afar masโuul oo markii labaad la horgeeyay Maxkamadda gobolka + Lacagta loo haysto appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Kenya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sameeyo guddi si hoose ugu xalliya khilaafaadkooda, kaddib toddobaadyo ay socdeen dibad baxyo rabshado wata. War saxaafadeed ka soo baxay labada isbahaysi ee siyaasadda ayaa lagu sheegay in guddiga isku dhafka ah uu ka koobnaan doono toban qof oo dhinac walba ay shan qof ka imaanayaan. Waxay ka wada hadli doonaan dib u habeyn lagu sameeyo guddiga doorashada, iyo in xafiis rasmi ah loo sameeyo hoggaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga. Wuxuu diiday inuu aqbalo sharcinimada madaxweyne William Ruto, isagoo ku andacoonaya in doorashadii ugu dambeysay la xaday. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) โ Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay xiisadda kasii dareysay ee maamulkaas ee ka dhalatay muranka hareeyay doorashooyinka Somaliland. Biixi ayaa soo hadal qaaday jabhadda hubeysan ee haatan looga dhowaaqay buurta Gacan-Libaax ee gobolka Saaxil, taas oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka billowday halkaasi. Madaxweynaha ayaa hoos u dhigay saameynta jabhaddaas oo shalay dagaal la gashay ciidanka Somaliland, wuxuuna tilmaamay in aaney aheyn sida loo buun buuninayo. Sidoo kale wuxuu arrintan ku macneeyay xifaaltan siyaasadeed oo ku aadan doorashooyinka la galayo, sida uu hadalka u dhigay. โAnigu waxaan aaminsanahay in anay wax dhibaato ahi dhacayn, oo aaney ka badneyn xifaaltan siyaasadeed oo marka doorasho la galayo isla lehโ ayuu yiri madaxweyne Biixi oo ka hadlay madal lagu soo bandhigayay buug laga qoray Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Muuse Biixi Cabdi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi kusii daray inay ku dadaalayaan sidii loo qancin lahaa dableyda isku uruursaneysa buurta Gacan Libaax ee gobolka Saaxil. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadkii hore ay jabhaddani ay afduub u geysatay illaa siddeed qof oo laba kamid ah ay ahaayeen saraakiil ciidan, walow markii dambe laga daba-tegay, lana soo daayay dadkaas, kadib dadaalo ballaaran oo la sameeyay. Si kastaba, Somaliland ayaa wajaheysa xaalado is biirsaday, sida dagaalka Laascaanood iyo sidoo kale muran ka dhashay doorashooyinka kusoo foodka leh maamulkaasi. The post Muxuu Muuse Biixi ka yiri jabhadda looga dhowaaqay buurta Gacan-Libaax? appeared first on Caasimada Online.
-
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeyo Gaas Ibraahim Sheikh ayaa sagootiyay guutadii ugu danbaysay ee ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ku wajahan degaanada Galmudug. Ciidamadan ayaa ka qeyb galidoona wajiga labaad howlgallada lagu xoreynayo degaanada Galgaduud Iyo Mudug ee Galmudug. Taliyaha oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciidamada ku wajahan Galmudug ku booqday Xerooyinka General Daaud iyo Gen dhaga Badan ee duleedka Magaalada Muqdisho. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Xerada General Dhaga Badan kula Hadlay Ciidamo cusub oo tababar kusoo qaatay dalka dibadiisa isagoona Ciidanka ku boorriyay inay ka feejignaadaan dhagarta AS. Wuxuuna ku kula dar Daar may inay gacan adag kula dagaallamaan argagixisada. Wuxuu Ciidanka faray in ay u diyaar garoobaan dhawaan dagaalka xoreynta ah ee Dalka looga saarayo Argagixisada. Ciidamadan ku wajahan Galmudug ayaa dhawaan lagusoo tababaray dalka Uganda, waxaana loogu talo galay inay qeyb weyn ka qaataan dagaalka kooxdaas. PUNTLAND POST The post Cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo ku wajahan Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada (AML/CFT) oo uu ka dhageystay warbixin ku saabsan miro-dhalka qorshaha qaran ee curyaaminta awoodda dhaqaale ee argagixisada Alshabaab. Guddigan Qaran ayaa soo bandhigay baraarugga shacabka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah argagixisada, waxa ayna sheegeen in la daciifiyey awooddii khawaarijtu ay u lahaayeen urursiga baadda iyo boobka ay ku hayeen ganacsatada Soomaaliyeed, taas oo aas-aas u ah ciribtirka iyo dabargoynta arxanlaaweyaashan ku naaxay dhiigga dadkeenna. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab uu leeyahay saddex furimood oo isbarbar socda kuwaas oo kala ah; furinta dhaqaalaha, tan fikirka iyo dhanka milatariga, waxa uuna sheegay in aan laga xoreyn karin dalka haddii aan guul wadajir ah laga keenin furimahaas isku sidkan. Dhanka kaale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Raโiisul XFS mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kormeeray xarunta hayโadda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaran, iyaga oo u kuur galay howla shaqo ee ay hayโadda u hayso dalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan sheekh oo la kulmay Guddiga Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada appeared first on Puntland Post.
-
Baydhaba (Caasimada Online) โ Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay mar kale ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen deegaanka Goofgaduud-buurey oo u dhow magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada Koonfur Galbeed oo garab ka helaya kuwa Xoogga dalka iyo dagaalyahanada weerarka qaaday. Ilo dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalka uu socday in ka badan hal saac, isla-markaana laโisku adeegsanayay hubka noocyadiisa. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyay, waxaana lagu soo warramayaa in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo halkaasi. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada huwanta iyo masโuuliyiinta Koonfur Galbeed oo ku aadan weerarka Al-Shabaab ee Goof-gaduud. Maalmo kahor ayey aheyd markii Al-Shabaab oo muddo kooban haysatay laga fara maroojiyay deegaankan oo laga ilaaliyo magaalada Baydhaba ee gobolka Baay. Goofgaduud-buurey waa deegaan istiraatiiji ah oo qiyaastii 30 KM kaliya u jira magaalada Baydhaba oo caasimad u ah maamulka Koonfur Galbeed oo ka mid ah maamullada ay dhibaatooyinka ugu badan ku heyso kooxda Al-Shabaab. Mar kasta waxaa dhacda in deegaanka Goofgaduud-buurey ay isku bed-bedelaan ciidamada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab, waxaana taas u sabab ah goobta istiraatiijiga ah ee deegaankaasi uu ku yaallo, sida ay qabaan quburrada ammaanka. Guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed waxaa culeys daran ku heysa kooxda Al-Shabaab oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay uga soo adkaadeen dagaallo culus oo bilihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollada HirShabeelle iyo Galmudug. The post Al-Shabaab oo mar kale weerartay deegaan laga difaaco Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in hindise ay soo bandhigeen hogaamiyayaasha Afrika uu saldhig u noqon karo xalka dagaalka Moscow ee Ukraine . Hoggaamiyaha Ruushka ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Moscow sabtidii ka dib markii uu hoggaamiyeyaasha Afrika kula kulmay Saint Petersburg ee dalkiisa. Soo jeedinta qodobada madaxda Afrika ee lagu qaboojinaayo colaadda waxaa kamid ah dib-u-celinta ciidamada Ruushka, ka saarista hubka Nukliyeerka ee Ruushka uu geeyay Belarus, hakinta amarka xarigga Maxkamadda Caalamiga ICC ee ka dhanka ah Putin iyo cunaqabataynta. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa diiday fikradda xabbad-joojintaee xilligaan, waxa uuna sheegay in wadahadal nabadeed lagu saleeyo in marka hore Moscow ay ciidamadeeda kala baxdo dhulka Ukraine ee la haysto. Hindisaha Afrika waxay noqon karaan aasaaska habab gaar ah oo ku wajahan xal nabadeed. Horaantii sanadkan Shiinaha ayaa soo bandhigay hindise ama qoraal 12 bog ah oo ku baaqaya in la dejiyo xaaladda oo ugu dambeyntii xabbad-joojin laga sameeyo Ukraine. PUNTLAND POST The post Putin โSoo jeedinta Madaxda Afrika waxay xal u noqon kartaa dagaalka Ukraineโ appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) โ Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee shalay kormeer ku tegay xarunta dhexe ee Taliska Hayโadda Nabad-Sugidda Qaranka, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay hoggaanka sare ee NISA, gaar ahaan Taliye Mahad Salaad. Madaxweynaha ayaa waxaa kormeerkan ku wehlinayay raโiisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaga si wadajir ah ugu guur-galay hannaanka shaqo ee Hayโadda NISA oo kaalin weyn ku leh amniga dalka. Intaas kadib madaxweynaha iyo raโiisul wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha NISA, waxayna la wadaageen shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan dalka. Saraakiisha ayaa si gaar ah warbixintooda uga hadlay amniga guud ee dalka, gaar ahaan kan magaalada Muqdisho iyo guulaha ay kasoo hoysay Hayโadda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA. The post NISA oo warbixin xasaasi ah u gudbisay madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
-
Second half goals from Fermรญn and Ferran Torres seal an important win for the blaugranes in Dallas. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) โ Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusmareeb ayaa sheegaya in magaaladaasi ay gaareen ciidan horudhac u ah wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ku wajahan Galmudug. Ciidamadan oo boqolaal gaaraya, isuguna jira Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Hayโadda Nabad Sugidda ayaa maalmo ka hor laga diray Magaalada Muqdisho, iyagoona safar dhinaca dhulka ku gaaray duleedka magaaladaasi. Ciidamadan ayaa la soo sheegaya in ay fariisimo ka sameysteen goobo uu ka mid yahay Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur. Wafdi horudhaca u ah safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Dhuusamareeb ayaa sidoo kale gaaraya magaaladaasi. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Hayโadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad uu ku wajahan yahay Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka soo laabtay safar uu maalmahaanba ugu maqnaa dalka Talyaaniga ayaa la filayaa in safarkiisa ugu horreya uu ugu ambabaxo Dhuusmaareeb, haddii aanu qorshihiisu waxba iska bedelin. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu saldhig ka dhigto magaaladaasi, si uu halkaasi uga la socdo wejiga labaad ee gulufka ay tahay in maleeshiyada Al-Shabaab lagaga saaro dhulka ay ka maamulaan Gobolada Dhexe. Ilo-wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu Taliska Ciidanka Xoogga Dalka faray in ciidamada loo dhaqaajiyo dhanka Magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri, oo ah kuwooda ugu waaweyn ee ay haatan Shabaabka kaga sugan yihiin Gobolada Dhexe. Saraakiisha sarsare ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la filayaa in sidoo kale ay fariisimo ka sameystaan Magaalooyinka Galcad iyo Ceeldheer midkood, inta uu socdo hawlgalka lagu xoreynayo Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaanada kale ay Shabaabku ka haystaan Bariga Gobolka Galgaduud. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu doonayo in muddo kooban lagu soo afjaro hawlgalada Galmudug iyo HirShabelle, deetaana ciidamadu ay u qalab qaataan, sidii ay Shabaabka kaga saari lahaayeen deegaanada ay ka haystaan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maalin ka hor caasimadda Muqdisho ka diray ciidan xoog leh, oo u badan kuwii lagu soo tababaray dalka Eritrea, kuwaa oo sida la sheegay hawlgal sifeyn ah ka samayn doona deegaanada dhaca xadka Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud. Hawlgalkan ayaa ah mid lagu goโdoominayo Shabaabka ka arrimiya Bariga Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Gobolka Mudug, iyadoona uu yoolku yahay in laga hortaggo gurmadka kaga iman kara dhanka Gobollada Koonfureed. Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya xoogaga deegaanka ee Macawiisleyda ayaa iyana la filayaa in ay hawlgalo ka sameeyaan daanta galbeed labada gobol ee HirShabelle (Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe), oo maleeshiyada Al Shabaab ay weli ka joogaan goboladaasi. Wejigii hore ee hawlgalka ayaa maleeshiyadaasi lagaga saaray deegaanadii ay ka maamulayeen bariga goboladaasi. Inkastoo wejiga labaad ee hawlgalka uu wax badan ka dib dhacay xilligii la filayay in dalka uu bilowdo, haddana Dowladda Federaalka ayaa hadda u muuqato mid si dardar leh ku waddo qorshaha lagu abaabulayo, laguna diyaarinayo ciidamada ka qayb qaadanaya hawlgalkaasi. The post Xog: Ciidan horudhac u ah safarka madaxweyne Xasan oo gaaray magaaladaโฆ. appeared first on Caasimada Online.
-
Atar (Caasimada Online) โ Maamulka dalka Mauritania ayaa arday dhigata dugsiga sare ku soo oogay dacwad dil ah oo suurtagal ah kadib markii ay ku jeesjeesay diinta Islaamka oo ay ku muujisay warqadeeda imtixaanka. Gabadhan ardayada ah ayaa la xiray toddobaad ka hor, waxaana falka ay ku kacday lagu tilmaamay inuu ahaa mid lagu jeesjeesay Nebi Muxamed NNKH. Waxaa la sheegay in haddii ardayga lagu helo dambiga lagu soo eedeeyay, in lagu xukumi karo dil balse ay racfaan ka qaadan karto. Dalka Mauritania ee dhaca galbeedka Afrika ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxa uu xoojiyey sharciyadiisa ku aadan ciqaabta dadka geysta falalka lidka ku ah diinta Islaamka. Sida uu dhigayo sharcigii hore, dadka ku jeesjeesa ama aflagaadeeyay Islaamka, lama siin doono ciqaab dil ah haddii ay qirtaan oo ay toobad keenaan. Balse 30-kii sano ee la soo dhaafay, ma jirto cid dil lagu xukumay oo isla dambigaas lagu helay. Ardayaddan oo lagu eedeeyay inay Nabi Muxamed aflagaadaysay ayaa 10 maalmood ka hor ay ciidamada sharcigu ku xireen magaalo lagu magacaabo Atar oo ku taal gobolka waqooyi galbeed ee dalka Mauritania. Kadib markii la xiray ardayadda, qoyskeeda, ayaa qoraal ay u qoray wargeys, waxay ku sheegeen in gabadhooda ay haysato dhibaato dhanka maskaxda ah, waxayna codsadeen in loo naxariisto. Xariga ardayga ayaa lagu dhawaaqay kadib markii maamulka diinta ee Mauritania ay goโaamiyeen in dadka aflagaadeeya Nebi Muxamed ay mudan yihiin in dil lagu xukumo. Culumada Islaamka ee dalka Mauritania ayaa todobaadkii hore meel mariyay qaraarka diini ah kadib markii madaxweynaha dalkaasi Mohamed Ould Ghazouni uu ka codsaday hogaamiyayaasha caqiidada inay cadeeyaan mowqifkooda ku aadan kuwa aflagaadeynaya diinta Islaamka. The post Gabar โaflagaadeysayโ diinta iyo Nebi Muxamed NKKH oo wajaheysa dacwad dil ah appeared first on Caasimada Online.
