-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Soomaaliya oo loogu deeqay lacag dhan $75 Milyan oo Doollar
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Bangiga adduunka ayaa sheegay in Soomaaliya la siiyey kaalmo lacageed oo gaadhaysa illaa $75 million, taas oo ah deeqdii labaad ee la siiyo Soomaaliya, si ay gacan uga geysato koboca awoodda hay’adaha dawliga ah, sida lagu sheegay warsaxafaadeed ka soo baxay Bangiga Adduunka. Lacagtan ayaa qayb ka ah, kaalmooyin xidhiidh ah oo la siinayo Soomaaliya, taas oo Bangiga Adduunku uu sheegay inay ka taageerayso Soomaaliya, inay horumar ka samayso hiigsigeeda ku aaddan, inay noqoto mid si rasmi ah ugu qalanta, deyn cafinta. Bangiga Adduunka ayaa sheegay in Soomaaliya ay waddo hirgelinta barnaamijkeeda dib u habaynta, si loo kobciyo awoodda hay’adaha dawliga ah, loona soo jiito maalgashadayaasha isla markaana loo gaadho koboc dhaqaale oo loo dhan yahay iyo shaqo abuur, kuwaas oo ku lingaxan qorshaha horumarinta qaran ee sagaalaad. Barnaamijka horumarinta qaran ayay ku jiraan qodobo kala duwan oo mudnaan u leh, in Soomaaliya ay horumar samayso, waxaana Bangiga adduunku uu sheegay in qodobadaas qaybo ka mida ay ka taageereen Horumarinta Siyaasadda Maaliyadda ee loosoo gaabiyo DPF. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo loogu deeqay lacag dhan $75 Milyan oo Doollar appeared first on Puntland Post. -
Nairobi (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa soo dhoweeyey dalabka dowladda Kenya ee ku aaddan inay hoggaamiso ciidamo caalami ah oo isku dhaf ah oo la dagaalama kooxaha budhcadda ah ee xasilooni darrada ka wada dalka Haiti, islamarkaana ay dib u soo celiyaan kala dambaynta. Ra’iisal wasaaraha dalka Haiti Ariel Henry ayaa bishii October ee sannadkii hore wuxuu soo jeediyey baaq deg-deg ah oo ku aaddan inuu u baahan yahay ciidamo caalami ah oo gacan ka geysta soo celinta ammaanka iyo kala dambaynta, islamarkaana in la xakameeyo budhcadda. Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Kenya ayaa Sabtidii ku baaqay in dalkiisu uu diri doono 1,000 askari oo boolis ah, kuwaas oo gacan ka geysta tababarida iyo taageerada ciidamada booliska ee Haiti, si ciidankaasi ay awood ugu yeeshaan inay ilaaliyaan xarumaha hay’adda dawladda. MAXAA KA SOCDA HAITI Tan iyo bishii July ee sannadkii 2021, waxaa sii kordhayey awoodda kooxaha budhcadda ah ee dalkaas ka hawlgala, kadib markii la shirqoolay madaxweynihii hore ee Haiti Jovenel Moise, waxaana haatan lagu qiyaasaa inay gacanta ku hayaan 80% caasimadda dalkaas. Waxaa sare u kacay dilalka, kufsiga iyo afduubka loo geysanayo dadka rayidka ah, iyada oo aanay ciidamada dalkaasi lahayn awood ay ku xakameeyaan. Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka inay taageeraan, hawl-gal ka madax-banaan Qaramada Midoobay oo isku dhaf ah, isaga oo ku dhiirigeliyey dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay ka qayb qaataan hawl-galkan. AP + VOA The post QM oo soo dhoweysay in Kenya ay ciidamo u dirto… appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka iyo isimada Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa xukuumadda Muuse Biixi ka dalbaday inay ciidanka ka soo celiso deegaanka Gacan-Libaax, halkaas oo jabhad hubeysan laga aas-aasay. Ciidankii booliska ahaa ee Somaliland ay u dirtay deegaanka Gacan-Libaax ayaa dagaal la galay jabhadii looga dhawaaqay deegaankaas, qaar ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland ayaa hadda billaabay waan-waan labadda dhinac ah. Madax dhaqameedka ayaa xusay inay la kulmayaan kooxdan hubaysan, waxayna xukuumadda ugu baaqeen inay ka soo qaado ciidanka booliska ah ee la geeyey deegaanka Gacan-Libaax. Ugaas Axmed Calimahdi oo ka mid ahaa madax-dhaqameedkii Hargeysa ka qabtay shirka jaraa’id ayaa yiri, “Waxaan u istaagnay in colaada ka jirta deegaanka Gacan-Libaax aan demino, waxaan ugu baaqeynaa xukuumadda inay askarta ka soo celiso deegaankaas, anaga ayaa guda doona waajibka naga saaran xalinta arrintaan.” Ugaaska ayaa intaas ku sii daray, “Anaga ayaa askar ah oo nabadda raadinteeda u istaagnay, anaga ayaa dadkooda dib ugu soo celi doona wiilasha gadooday ee jabhadda sameystay, sidaan meel laguma gaarayo.” Suldaan Xasan Suldaan Cabdullaahi ayaa sidoo kale ka hadlay madashaas, isagoo dhalinyarada gadooday ka dalbaday in aysan sameyn wax dhaqdhaqaaq ah, inta ay uga tegayaan odayaasha dhaqanka ee deegaanka Gacan-Libaax tegi doona. Boqor Axmed Iimaan Warsame oo shirkaas ka hadlay ayaa yiri “Xukuumadda waxaan leeyahay idinkaa ka masuul ah wixii xumaada iyo wixii hagaagaba, waxaana leenahay xabad xal ma noqotee ciidanka aad buurta Gacan-Libaax geyseen dib ula noqda oo ku celiya xeryahooda. “Dhalinyarada gadooday waxay naga balan qaadeen in aysan xabad ridi doonin, damaanad adag ayey nasiiyeen, waxayna dareensan yihiin in anaku aan masuul ka nahay, waana u soconaa ee ciidanka haka soo celiso xukuumaddu,” ayuu yiri Boqor Axmed Iimaan Warsame. The post Arrin cusub oo kusoo korortay xiisadda Somaliland iyo Jabhadda Gacan-Libaax appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Nin ay si hoose u wadashaqeyn jireen sarkaalkii booliska Soomaaliya ka tirsanaa ee u goostay Al-Shabaab ayaa ka mid noqday dad lagu qabtay iyagoo isticmaalaya aqoonsiyada qaar ka mid ah hey’adaha dowladda. Ayaanle Maxamed Cali oo ahaa sarkaal ka soo shaqeeyey hey’adda NISA, hadana ka tirsanaa booliska ayaa dhawaan la ogaaday inuu u goostay Al-Shabaab oo muddo dheer uu si hoose ula shaqeynayey, isagoo ku dhex jiray hey’adaha ammaanka. Hadda ciidamada amniga ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku qabtay nin saaxiib la ahaa sarkaalkaas oo marar badan la isku ag arkay. Markii baaritaano hordhac ah lagu sameeyey ninkaas waxaa laga helay aqoonsiga muujinaya inuu yahay sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka, balse weli waxaan la kala xaqiijin in ninkaas uu ka tirsan yahay ciidanka iyo in si kale uu ku helay ID card-ka. Sidoo kale waxaa la ogaaday in ninka lagu qabtay aqoonsiga sarkaalnimo ee saaxiibka la ahaa sarkaalkii booliska ahaa ee Al-Shabaab u baxsaday uu ka shaqeynayey shirkad kuwa biyaha sifeeya ah oo ka shaqeysa magaalada Muqdisho. Qabashada ninkaan ayaa timid iyadoo hey’adaha ammaanka ay Muqdisho ka bilaabeen uruurinta dhalinyaro isticmaaleysay aqoonsiyada wasaarado iyo qaar ka mid ah hey’ada dowladda oo aysan u shaqeyn. Qaarkood waxaa la sheegay in markii la qabtay ay hey’adaha ammaanka u sheegeen inay u qaateen inay ku maraan wadooyinka magaalada, isla markaana lacag loogu sameeyey aqoonsiyada ay wateen. Weli waxaa socda baaritaano ay wadaan hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya, waxaana jira tuhun xoog leh oo hareeyey qaar ka mid ah hey’adaha dowladda, markii dadkaan lagu qabtay aqoonsiyada xarumo aysan u shaqeyn. The post Xog: Nin sita aqoonsi sarkaal oo saaxiib la ahaa sarkaalkii u goostay Al-Shabaab oo la qabtay appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Xabad-joojintii dhawaan ay Isimida dhaqanka ee Puntland ka hirgeliyeen magaalada Garoowe ayaa gebi ahaanba burburtay, sida uu shaaciyay taliska ciidanka kumaandooska Puntland ee Danab. War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Kumaandooska Puntland ee Danab ayaa lagu sheegay in hoggaanka taliska oo si weyn isku hayaan madaxweyne Saciid Deni in uu ku taagan yahay mowqifkiisii uu kaga soo horjeeday furista dastuurka. “Taliska wuxuu bulshada Puntland la wadaagayaa in uu ku taagan yahay mowqifkiisii uu kaga soo horjeeday ku xadgudubka dastuurka iyo qawaaniinta Puntland, sidaa la wada socoteen 25-kii July baarlamaanka oo fulinaya rabitaanka madaxweyne Deni wuxuu sifo aan sharciga waafaqsanayn wax uga badalay dastuurka,” ayaa lagu yiri. Taliska Danab-ta Puntland ayaa tallaabadii uu dhawaan baarlamaanka qaaday tilmaamay mid looga gol leeyahay muddo kororsi uu xafiiska ku sii joogo madaxweyne Saciid Deni, wuxuuna ka divay ficilada ka dhalan kara damaca guracan ee Deni. “Ciidanka Danab wuxuu u taagan tahay una taagnaan doonaa ilalainta sharciha iyo in aan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadka yahay Puntland u horseedin khilaaf dastuuri ah oo sababa xasilooni darro amni iyo mid siyaasadeed. Guutada Danab marna ma aqbali doonto in xukunka la iska sii haysto.” Ururrada Puntland ee laga dhigay Xisbiyada ayuu ugu baaqay in aysan noqon kuwo loo adeegsado gaarista danaha siyaasadda ee madaxweyne Deni, taasi oo dhaawacaysa xasiloonida iyo wada-jirka Puntland. “Tallaabooyinka sharci darada ah haddii aysan joojin ma noqon doonto mid ay ku waxyeeloobaan ciidanka iyo shacabka ee waxay saamayn doonta kuwa sababta u ah,” ayaa lagu yiri digniinta Taliska Danab. Ugu dambeyntiina waxa lagu yiri war-saxaafadeedka “Isimadda dhaqanka waxay ku guul-dareysteen in ay go’aamo ka soo saaraan nabad-galyada iyo jiritaanka Puntland. Ciidanka Danab wuxuu ka jawaabi doonaa dhaq-dhaqaaq kasta uu sameeyo maamulka waqtigiisu dhamaaday. The post Xabad-joojintii Garowe oo burburtay iyo taliska Danab oo digniin culus soo saaray appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah kasoo saartay dhinac uu toddobaadyadii dambe u batay howl-galladii ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf (Al-Cadaala) oo ka qeyb-galayay barnaamij dood ah oo ka baxayay Twitter Space-ka ee warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in jab xooggan la gaarsiiyay kooxda. Al-Cadaala ayaa sheegay in ciidamada Qaranka ay guullo waaweyn ka soo hoyeen howl-gallada socda, ayada oo la xoojiyay howl-gallada toddobaadyadii ugu dambeeyay lagu beegsanayay goobaha muhiimka u ah kooxda Al-Shabaab. “Khawaarijta jab xoogan ayaa la gaarsiiyay oo waxaa looga dilay tira aad u fara badan oo isugu jira uorjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta,” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala. Sidoo kale waxa uu xusay in howl-galadii toddobaadyadaan ciidamada ay fuliyeen ahaa kuwa lagu bur-buriyay saanad ciidan iyo gaadiid iyo weliba goobo ay kooxda ku dhuumaaleysanayeen, kuwaasi oo lagu laayay Shabaab badan. “Howl-galladii ugu dambeeyay maalmahaan waxay ahaayeen in la burburiyo saanadooda iyo hubkooda iyo in la joojiyo isku socodka Khawaarijta,”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Al-Cadaala Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dowladda ay guul badan ka gaartay howl-galka wejiga 1-aad, laguna bur-buriyay isbaarooyin kooxda ay ku qaadan jirtay lacago baad ah, islamarkaana todobaadyada soo socdo ay dhici doonaan howl-gallo xooggan oo ka dhan ah Al-Shabaab. The post DF oo shaacisay ‘dhinaca loo leexiyay’ weeraradii tooska ahaa ee Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa(Qaran news)-Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ah suldaanka guud ee beesha Gabiley Clan ayaa ku eedeeyay Wasiir Maxamwd Kaahin inuu ciidamadda RRU-da isagu geliyay deegaanka Buurta Gacan Libaax ee ay ku sugan yihiin inamada buurtaas galay. Hadal dheer oo warbaahinta ay u jeediyeen Suldaan Xasan iyo madax dhaqameed kale oo reer Somaliland ah, ayuu ku eedeeyay xukuumadda xaaladda adag ee dalka ka jirta. Suldaan Xasan hadalkiisii oo aanu soo qornay wuxuu u dhignaa sidan:- “Maanta halkan waxaan u soo istaagnay oo bulshada u sheegaynaa inaan nabadgelyada buurta Gacan-libaax kow ka noqono, oo ergo islaameed ka noqono. Waxaan maanta caddeynaynaa ragga buurta gacan-libaax galay waa innamadayadii aanu odeyaasha iyo salaadiinta u ahayn, oo badidoodu markii shirkii nabada Burco socday nala shaqeynayey, nabadana guntayey ee gacmahayaga ahaa. Maanta waxaan aad uuga xunnahay xukuumada Somaliland oon caqli ku darin, oo ciidan geysay meeshii. Buurtii ciidan geysay, halkii caqli laga gelin lahaa, halkii looga yeedhi lahaa odeyaasha, waxgaradka, goleyaasha, lana isweydiin lahaa maxay arrintani ku dhacday, ee la xallin lahaa waxii khilaafku ka dhacay, ayey geeyeen ciidammo RRU ah oo tiradoodu gaadhso laba boqol. Sabtidii, 29 July, anniga iyo wefti salaadiin aan hoggaaminayo waxaan la kulanay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, waxaan ula tagnay kow inaan arrinka u soo tafo-xeydanay, annagoo salaadiinta Somaliland oo tiradoodu gaadhayso 21 ka wakiil ah. Waxaan ula tagnay in xukuumaddu ciidamada ka soo saarto inamada buurta galay ee khilaafka dalku saamaysay, in dib loo soo celiyo ciidamada, si aanu uugu madaxbanaano hawsha, oon u tagno ulana soo xaajoono inamadayada, umaanu talo waayin, umaanu taag waayin, maadaama arrinku mid dhaqan yahay. Wasiiirka dood badan ayaaanu yeelanay, aakhirkii waxuu nagu yidhi caawa Sideeda ayaan idiinku soo warcelinayaa. Laakiin wax war ah naguma soo celin wasiir Kaahin. Halkii aanu eegaynay in goobta ciidan looga baahnay ee caqli looga baahan yahay, laakiin isla maalintii dambe ciidan dambe ayuu geeyey oo goobtii ku waabariistay. Waa ciidankii shalay khasaarahu ka yimi. Xaaladu hadday halkaa dhaafto waxaan uuga dignay in taladu faraha ka baxayso, in wadahadal laga galo, balaayo daaman la qabto ayey leedahay, dabo la qabto ma laha. Waa dad muwaadiniin ah, kacdoonku meel walba wuu ka dhacaa, arrintaa waxaanu doonaynay, imikana xukuumada uuga fadhinaa, in xukuumadu dib u soo celiso ciidankaa guryahooda, oo annagoo dhaqan ah uga madaxbanaanaano, waxaan diyaar u nahay inaan xaalada nabadgelyo ugu soo dhamayno, kana nixino cadowga jamhuuriyadda Somaliland. Waxaan ogsoon nahay in dhamaan cadowga Somaliland ku farxeen arrinka halkaa ka bilaabmay, laakiin wada hadal ayeynu ku soo afjaraynaa, wax walba miiska wadahadalka ayey ku dhamaadaan. Somaliland waxay halkan ku soo gaadhay hanaanka dimuqraadiyadeed iyo tabasho kastoo dhacda in wadahadal lagu dhameeyo, oo 32 sannadood ku soo caano-maalnay wada hadal. Markaa waxaan uugu baaqanyaa dhinaca dhalinyarada gadooday ee buurta gacan-libaax gashay inaanay wax dhaqdhaqaaq samaynin, halkooda joogaan intaan tallada isku soo gaadhayno. Hadaanu salaadiintiini nahay waanu idiin imannaynaa, waanu soo baxaynaa Idam Alle. Xukuumada waxaan u soo jeedinaynaa marlabaad iyo mar saddexaad maadama codsigii horena idiin keenay waa inaad si dhakso ah ciidanka uuga soo celisaan. Salaadiintii Boorama iyo Burco waanu sugeynaa, waxaan diyaar u nahay nabada, ilaahay SW ayaan uga mahadcelinaynaa nabadii hore ee Burco noo dhameeyey. Waxaan warbaahinta iyo bulshada isticmaasha baraha bulshada ka dalbanayaa hadaan salaadiintii nahay uuguna duceynayaa inay nabada iyo adkeynteeda dhiirigelinyaan. Waxaan ka codsanaynaa inay joojiyaan wax kasta oo colaada hurinaya. Dadka maanta xumaanta ka shaqeynaya warbaahinta iyo baraha bulshada ee meel walba taagan waxii maanta xumaanta Somaliland ku wada Ilaahay SW ayaa nagaga filan, bulshadu dhamana nabada adkeynteeda ha u hawlgasho. Xaajada khilaafka keentay iyo duruufaha siyaasadeed ee dalka ka taagan wadahadal ayaan ku dhamaynaynaa.” Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir ayaa maanta go’aan kasoo saartay dhageysiga dacwad ka dhan ah 36 kalluumeysato ajaaniib ah oo ay dhowaan xukun kusoo ridday maxkamadda gobolka, kadibna kasoo qaatay racfaan. Ajaanibtaan oo u kala dhalatay dalalka Iran iyo Pakistan ayaa lagu helay inay si sharci darro ah uga kaluumeysanayeen xeebaha dalka waxaana laga soo qabtay dhanka degmada Hobyo ee gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Maxkamadda racfaanka ayaa wax ka beddashay xukunka maxkamadda gobolka Banaadir ayada oo sii adkeysay ganaaca lacageed ee lagu ridday ajaaniibtan. Midkiiba waxay maxkamadda racfaanka ku xukuntay $12,000, halka uu markii hore ahaa ganaaxaasi 11,000 oo dollarka Mareykanka ah. “Maxkamaddu waxay ku xukuntay mid kasta oo kamid ah eedeysanayaasha ganaax lacageed oo dhan 326,400 oo kun oo shilin Soomaali ah, una dhiganta $12,000, wadarta lacagtaas waxay noqoneysaa $432,000” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda racfaanka. Sidoo kale waxay maxkamaddu xukuntay in dowladda Soomaaliya ay la wareegto doomaha ay wateen raggan iyo kalluunka ay soo qabsadeen oo ay horay u iibisay dowladdu. “Waxay sidoo kale ku xukuntay in dowladda Soomaaliya ay la wareegto labada doomood iyo qalabka saaran iyo qarashkii kalluunkii saarnaa oo horay loo iibiyay” ayuu mar kale yiri. Maxkamadda sidoo kale waxa ay xukuntay in qarashka ku baxay labada tarjumaan ee maxkamadda gobolka Banaadir iyo tarjumaanka kale ee maxkamadda racfaanka in lacagihii ku baxay laga jaro qarashaadka ay maxkamaddu xukuntay in lala wareegay. “Xukunkan waxaa lagu dhawaaqay maanta oo ay tahay 31-07, 2023-ka, ciddii aan ku qancin waxaa u furan cabasho waafaqsan sharciga,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay. The post Daawo: Maxkamadda racfaanka oo sii adkeysay xukunka 36 ajaaniib ah appeared first on Caasimada Online.
-
This week, a diplomat at the North Atlantic Treaty Organisation (Nato), the collective defence alliance between Europe and North America, hinted the organisation will raise its engagement with Africa, ostensibly to ward off the growing influence on the continent of China and Russia. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Qaran news)-Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegay in xisbigoodu cambaaraynayo dagaalkii shalay ka dhacay tuulada Diri-maraa ee deegaanka Gacan-libaax, waxaanu xukuumadda ugu baaqay inay caqli xal ku jiro la timaado. Xoghayaha guud wuxuu sidaasi ku sheegay mar uu maanta Hargeysa kula hadlay warbaahinta, waxaanu ka hadlay dagaalkii Diri-maraa, wuxuu yidhi “Maanta waxaynu ka hadlaynaa nabaddii oo ah dawladuhu markay burburayaan halka ay cago-dhigtaan. waanu ka xun nahay waanan cambaareynaynaa dagaal kasta oo ka dhaca Somaliland waxaanan ku baaqaynaa nabad iyo wadajir mar kastaba. waxaan aad iyo aad uga xun nahay dagaalka shalay ka dhacay deegaanka Diri-maraa dagaalkaa waanu cambaareynaynaa waxaanan ku baaqaynaa in nabad lagu dhammeeyo.” “Nabadda dalkeenu waxaad moodaysay inay muddooyinkii u dambaysay ay ka sii daraysay. waxaanan shacbiga ugu baaqaynaa inay nabadda ilaashadaan oo ah waxa kaliya ee aynu ku fadhino. waxa ilaalinta nabaddu saaran tahay madaxweynaha. nabadgelyo darrada ka dhacday Laascaanood iyo tii shalayba waxay ku imanaysaa talo-xumo. waxaan leenahay talo xumadaas waa in la joojiyaa. dalka waa in caddaalad lagu dhaqo oo doorashooyinkii iyo hawlihii dimuqraadiyadii dalkana waa in la soo celiyaa.”ayuu yidhi Xoghaye Khadar Xuseen. Xoghayuhu wuxuu balan qaaday inay xisbi ahaan diyaar u yihiin inay kaalintooda ka qaataan xisbi ahaan adkeynta nabadgelyada Somaliland. waxa kaloo uu tilmaamay in aan qori xal lagu gaadhin, waxaanu xukuumadda ku booriyay inay caqli la timaado xal dhaliya. Xoghayaha WADDANI wuxuu u soo jeediyay madaxweynaha inuu aakhiradiisa u tudho oo uu dalka ka daayo wixii hagar daamo ku ah siyaasiyan iyo nabadgelyo ahaanba. Qaran News
-
Sidon (Caasimada Online) – Iska hor-imaadyo ayaa maalintii saddexaad maanta ka socda xero qaxooti oo Falastiiniyiinta ay degan yahay oo ku taalla dalka Lubnaan, kuwaas oo u dhaxeeya kooxda Fatax ee madaxweyne Maxamuud Cabaas iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta oo isku dhaanc ah. Khasaaraha dhimashada ee dagaalka ayaa maanta gaaray sagaal, sida ay sheegeen saraakiisha Lubnaan. Afhayeen u hadlay ciidamada Lubnaan ayaa xaqiijiyey tirada khasaarihii ugu dambeeyey ee xerada Cayn Al-Xilwah. Laba askari oo oo ku sugan banaanka xerada ayaa sidoo kale dhaawacmay, sida uu sheegay Col. Fadi Abu Ciid. Inkasta oo Lubnaan iyo kooxaha Falastiiniyiinta qaarkood ay isku dayeen in la gaaro xabad-joojin, “rasaasta iyo hoobiyeyaasha ayaan illaa hadda istaagin,” ayuu yiri Cadnaan Rifaci, oo xubin ka ah guddi maamula xerada. Ciidamada Lubanaan, oo maamula baro kontorool oo banaanka ah, ayaan gelin xerada, oo ay maamulaan kooxaha Falastiiniyiinta. Isku dhacyada ayaa billowday Axaddii kadib markii kooxaha Islaamiyiinta ay toogasho ku dileen jeneraal militari, Abu Ashraf al Armoushi, oo ka tirsan kooxda Fatax, iyo saddex ilaaladiisa ah. Sabtidii, qof hubeysan ayaa isku dayey inuu dilo Maxamuud Khaliil oo ka tirsan kooxaha Islaamiyiinta, hase yeeshee wuxuu taas beddelkeeda rasaasta ku dilay qof la socday. Goor dambe oo Axaddii ah, kooxaha Falastiiniyiinta ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku sheegeen inay gaareen heshiis xabad-joojin oo ay magaalada Sidon ku mart-geliyeen kooxaha Shiicada Lubanaan ee Amal iyo Xizbullah. Hase yeeshee xabad-joojinta ayaan dhaqan-gelin. Qara ka mid ah dadka degan xaafadaha Sidon ee u dhow xerada ayaa ka cararay guryahooda ayada oo xabado wiifto ah ay soo dhacayeen. Sidoo kale isbitaalka Sidon ayaa shaqaalaha iyo bukaanada daadgureeyey. Bayaan kasoo baxay ayey Fatax ku cambaareysay dilka sarkaalka amni, waxayna sheegtay in weerarka uu qeyb ka yahay “shirqool dhiig ku daadanayo oo lagu beegsanayo ammaanka iyo xasilloonida xerada.” Fatax ayaa wacad ku martay “inay la xisaabtami doonto kuwa ka dambeeyey.” Iska hor-imaadyada dhexmara kooxaha iska soo horjeeda ee Falastiiniyiinta ayaa caadi ka ah xerada Cayn Al-Xilwah oo marta-gelisay 54,000 oo qaxooti Falastiiniyiin ah. AP, VOA The post Wararkii ugu dambeeyey ee DAGAAL ka dhex-qarxay kooxaha Falastiiniyiinta appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga Kumeel-gaarka ee doorashooyinka Puntland ayaa maanta kulan xasaasi ah oo ay yeesheen ku ansixiyay Xisbiyada rasmiga ah ee dowlad-goboleedka Puntland. Xubnaha guddiga ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay in siddeed xisbi ay noqdaan kuwa rasmiga ah, xilli dhawaan baarlamaanka Puntland uu meel-mariyay furista dastuurka, kaasi oo qeyb ka ahaayeen Xisbiyada siyaasadda. Warqad ka soo baxday guddiga kumeel-gaarka ee doorashooyinka Puntland ayaa lagu sheegay in guddiga uu qaatay go’aankan kadib markii uu arkay natiijada doorashooyinka hordhaca aheyd ee 25/10/2021 iyo wax ka bedelka dastuurka qodobka 46-aad faqrada 3-aad. “Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, oo ah hay’ada ugu saraysa ee Puntland u qaabilsan qabashada Doorashada golayaasha degaanka, diiwaangelinta ururada siyaasadda, ansixinta iyo sharciyeynta xisbiyada siyaasadeed markii uu arkay dastuurka Puntland qodobka 114-aad farqada sadexaad iyo xeerka doorashooyinka golayaasha degaanka xeer LR3 2013 qodobka 12-aad farqada 7-aad.” Guddiga TPEC ayaa sidoo kale shaaciyay in shahaadada rasmiga ah gudoonsiin doono xisbi kasta, oo kamid ah siddeeda xisbi ee uu maanta ku dhawaaqay. Hoos ka aqriso xisbiyada rasmiga ah ee Puntland; 1. Xisbiga Kaah 2. Xisbiga Mideeye 3. Xisbiga Sincad 4. Xisbiga Ifiye 5. Xisbiga Mustaqbal 6. Xisbiga Shaqaalaha 7. Xisbiga Runcad 8. Xisbiga Horseed Dhinaca kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Puntland Cabdirashid Yuusuf Jibriil ayaa hambalyeeyay dhameystirka nidaamka Xisbiyadda siyaasadda ee Puntland. Sidoo kale waxa guddoomiyaha uu guud ahaan dadweynaha Puntland ugu hambalyeeyay ansixinta 8 Xisbi siyaasadeed ee rasmiga ah ee dowlad-goboleedka Puntland ee maanta ay shaaciyeen Guddiga TPEC. “Waa ku mahadsan yihiin dhammaan dhinacyadii walba kaalin wanaagsan ka qaatay dhammeystirka nidaamka Xisbiyadda 25 sanno kadib aas-aaskii Puntland.” The post Guddiga doorashada Puntland oo qaaday tallaabo xasaasi ah kadib go’aankii baarlamanka appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha oo Qaabiley Xildhibaan Gavin Williamson oo u Ololeeya Qadiyadda Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabiley MP Sir Gavin Williamson oo ka mida Baarlamaanka Dalka Ingiriiska oo muddooyinkii u danbeeyey ku hawlanaa Qadiyadda Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu soo dhaweeyey Sir Gavin Williamson oo ka kamid ah mudaneyaasha aqalka Baarlamaanka dalka Ingiriiska oo si weyn ugu ololeeya qaddiyadda aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, maantana dalka yimi. Kulanka madaxweynuhu la yeeshay xildhibaanka, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta, dardargelinta iyo xidhiidhka u dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ingiriiska. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa uga mahadnaqay xildhibaan Sir Gavin Williamson iyo mudaneyaasha kale ee dedaalka geliyey kor u qaaddida qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland. Ugu dambayntii, xildhibaan Gavi Williamson, ayaa dhankiisa madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland uga mahadnaqay sida diirran ee u soo dhaweeyey. Waxa Madaxweynaha Kulanka ku wehelinaayey wasiirka Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud, Safiirka Somaliland u qaabilsan dalka Uk, Amb. Cabdi Cabdilaahi Diiriye, Ergayga Wadahadalada Somaliland Iyo Soomaaliya Drs Edna Adan iyo Yurub Qaalib Faarax oo ah Madaxa xidhiidhka Dadweynaha iyo arrimaha Jaaliyadaha ee Xafiiska Safaaradda Somaliland ku leedahay dalka Uk. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa markale ka hadlay xaaladda amni ee magaalada Muqdisho iyo howl-gallada ay ciidamada kala duwan ka wadaan caasimadda. Taliye Sulub ayaa waxa uu sheegay in amniga Muqdisho uu reystay kadib markii toos loo abaaray halkii ay aheyd in laga raadiyo, halka markii hore laga raadinayay meel uusan jirin, sida uu hadalka u dhigay. “Sugida amniga caasimadda ee ku guda jirno meesha ay naga jirto ayaa fahanay, waxaa garwaaqsanay in amniga aan raadineyno ay naga jirto in shacabkeena adeegsano,” ayuu yiri Jeneraal Sulub Axmed Firin. “In shacabka ay amniga sugaan oo iyagu iska soo dhex qabtaan ninka xun ee ku dhex jira. Waxaa aad iyo aad ugu mahad-celinayna gabdhaha Soomaaliyeed oo markasta hiil iyo hooba la garab taagan hay’adaha amniga.” Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xilligaan amniga Muqdisho uu marayo meel aad u wanaagsan oo la isku haleyn karo, islamarkaana masuul kasta uu tegi karo meel kasta oo uu ka rabo caasimadda. “Cidkasta oo rabta inay tagto magaalada Muqdisho goob kamid ah hadda uma baahno in culeys amni isa saarto oo soo kireysato dad amnigooda suga ama telefoona u diraan meesha ay u socdaan oo dhahaan xaalka siduu yahay. Maanta waa nabad wuxuuna muwaadin kasta, xildhibaan ama wasiir ay iskood u tegi karaan oo kasoo muraadsan karaan meesha ay rabaan.” Sababta horseedka u ah in amniga Muqdisho uu isbeddel ku yimaado ayuu ku sheegay inay tahay wada-shaqeynta bulshada iyo hay’adaha amniga, “Iskaashiga iyo isxog-weydaarsiga bulshada iyo laamaha amniga ayaa iska leh sababteeda guushaasi.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in howl-gallada caasimadda ay sii kordhin doonaan, islamarkaana ay ka sifeynayaan kooxda Al-Shabaab, isaga oo shacabka ka codsaday inay xoojiyaan wada-shaqeynta kala dhaxeysa hay’adaha amniga, si looga adkaado kooxaha argagixisada. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo Taliye Sulub: Amniga Muqdisho halka laga raadinayay ma uusan jirin ee… appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 31 July 2023, cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xisbiyada rasmiga ah ee Dowladda Puntland. Warqad ka soo baxday Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa lagu ansixiyay 8 Xisbi Siyaasadeed oo si rasmi ah Puntland u yeelatay. Dhinaca kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Cabdirashid Yuusuf Jibriil ayaa Hambalyeeyay dhammeystirka nidaamka Xisbiyadda Siyaasadda ee Puntland. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa guud ahaan dadweynaha Puntland ugu Hambalyeeyay ansixinta 8 Xisbi Siyaasadeed ee Rasmiga ah ee Dawladda Puntland oo ay shaaciyeen Guddiga TPEC. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa u mahadceliyay dhammaan dhinacyadii walba kaalin wanaagsan ka qaatay dhammeystirka Nidaamka Xisbiyadda 25 sanno kadib aas-aaskii Puntland. Halkan ka akhriso Magacyada 8 Xisbi PUNTLAND POST The post Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland oo ansixiyay 8 Xisbi Siyaasadeed oo rasmi ah appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Mp, Sir Gavin Williamson oo ka mida Baarlamaanka Dalka Ingiriiska oo muddooyinkii u danbeeyey ku hawlanaa Qadiyadda Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu soo dhaweeyey Sir Gavin Williamson oo ka kamid ah mudaneyaasha aqalka Baarlamaanka dalka Ingiriiska oo si weyn ugu ololeeya qaddiyadda aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, maantana dalka yimi. Kulanka madaxweynuhu la yeeshay xildhibaanka, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta, dardargelinta iyo xidhiidhka u dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ingiriiska. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa uga mahadnaqay xildhibaan Sir Gavin Williamson iyo mudaneyaasha kale ee dedaalka geliyey kor u qaaddida qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland. Ugu dambayntii, xildhibaan Gavi Williamson, ayaa dhankiisa madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland uga mahadnaqay sida diirran ee u soo dhaweeyey. Waxa Madaxweynaha Kulanka ku wehelinaayey wasiirka Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud, Safiirka Somaliland u qaabilsan dalka Uk, Amb. Cabdi Cabdilaahi Diiriye, Ergayga Wadahadalada Somaliland Iyo Soomaaliya Drs Edna Adan iyo Yurub Qaalib Faarax oo ah Madaxa xidhiidhka Dadweynaha iyo arrimaha Jaaliyadaha ee Xafiiska Safaaradda Somaliland ku leedahay dalka Uk. ALLAA MAHAD LEH Naasir Yuusuf Daahir Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Source
-
Wasiirka Wasaaradda Dhaqaalaha ee dalka Taiwan, Ms. Mei-Hua Wang iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Somaliland Mudane Maxamuud Xasan Sacad “Saajin” ayaa heshiiska u saxeexay labada dawladood iyagoo goob joog ay ka ahaayeen, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Mudane Cabdirashiid Ibrahim, Maareeye Xigeenka Hay’adda Aaga Cashuuraha ka Caagan ee Somaliland Abdikarim Ibrahim,Safiirka Somaliland ee dalka Taiwan Mudane Mohamed Hagi iyo ganacsatada labada wadan wakiilo metelaayay. Labada wasiir waxa ay si weyn u amaaneen xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ay leeyihiin dawladaha Somaliland iyo Taiwan iyagoo ka waramay muhiimadda heshiis kan ganacsi u leeyahay ganacsatada labada waddan iyo gaar ahaan Somaliland oo ah marinka Africa ee ganacsiga Africa ee dalka Taiwan. Source
-
Gudiga iskood isku xilqaamay ee xalinta dagaalka u dhexeeya Jabhada Gacan-libaax iyo ciidanka Booliska ayaa kulamo la yeeshay Madaxwayne Biixi, Murashax Cirro iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ay kala hadleen sida ugu macquulsan ee hawshaa loo dhawayn karo. Gudiga oo markii hore ka koobnaa 7 xildhibaan ayay ku soo biireen Gudoomiyaha golaha wakiilada Faratoon iyo ku xigeenkiisa 1aad Giire, waxaanay goor dhow la kulmayaan wasiirka Arimaha gudaha oo ay isagana kala hadlayaan xalinta dagaalkan u dhexeeya Jabhada iyo Xukuumada. Source
