Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidamo ka tirsan dowladda Kenya iyo kuwa Mareykanka ayaa howlgal wadajir ah ka fuliyay deegaannada dhaca xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, howlgalkaan ayaa ahaa mid ka dhan ah Al-shabaab oo muddooyinkii dambe weerarka ka geysanayay dhanka xadka. Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa sheegtay in howlgalkan uu ahaa mid looga hortegayay weerarrada ay ka geystan Al-Shabaab deegaannada ku teedsan xadka, iyadoo si gaar ah looga sameeyay deegaannad dhaca dhanka xeebta Lamu oo dheer jeer weerarro ay ka dhaceen. Howlgalkan wadajirka ah ee ay sameeyeen milatariga Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee Africom ee taageera Kenya iyo ciidamada dalkaasi ayaa waxaa ka horreeyay dhoolatus milatari oo ay wadajir u sameeyeen ciidanka, kaas oo ay ka qaybgaleen diyaaradaha dagaalka. Mareykanka ayaa dhankiisa shaaca ka qaaday in ay ka go’an tahay sidii loo xoojin lahaa amniga gobolka Lamu oo saldhig weyn ku leeyihiin ciidamadiisa iyo kuwa Kenya , waxaana uu imaanayaa howlgalkaan xilli Mareykanku uu howlgallo ka wado gudaha dalka Soomaaliya. Howlgalkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Todobaadyadii ugu dambeeyay Al-shabaab ay weerareen gudaha Kenya, waxaana weerarradaas lagu dilay muwaadiniin dalkaas u dhashay, halka kuwa kalena la qafaalay, kuwas oo lala soo aaday dhunaca Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray mid kamid ah la-taliyeyaasha muhiimka ah ee madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, kaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay Aadan Cadde. Ninka oo lagu magacaabo Xamza Warfaa, ayaa asalkiisu yahay Soomaali, wuxuuna horay madaxwyene Biden ugu magacaabay inuu wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka u noqdo la taliyaha sare ee dhinaca dimuquraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha. Xamza ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan labada Gole, xubno ka mid ah wasaaradda arrimaha dibadda iyo maamulka gobolka Banaadir. Sidoo kale waxaa soo dhaweyta qayb ka ahaa qaybo kamid ah bulshada oo ay ugu horreeyaan dhalinyarada Barbaarta Gaashaaman oo ciyaaro ku soo dhaweeyay. Intaas kadib waxaa Xamza Warfaa ayaa loo galiyay gudaha caasimada, gaar ahaan halka loo diyaariyay, halkaas oo ka uu bilaabi doono kulamo kala duwan. Mas’uulkan ka socda dowladda Mareykanka ayaa inta uu joogo Muqdisho la kulmo doono madaxda sare ee dowladda oo uu kala hadli doono iskaashiga labada dal iyo arrimo kale. Wuxuu Xamza kamid yahay Soomaalida xilalka muhiimka ah ka heysa Mareykanka, waxaana lamid ah Ilhaan Cumar oo horay marar kala duwan usoo booqatay dalka. Maalmo kahor ayey aheyd markii uu Muqdisho u yimid kaaliyaha xoghayaha maaliyadda ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha argagixisada iyo sirdoonka, Brian Nelson, kaas oo wadahadal gaar ah la yeeshay madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Si kastaba, Mareykanka ayaa kamid ah dalalka xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna dowladda federaalka ah ka taageeraa dhinacyada howlgallada iyo maaliyadda. The post La-taliyaha madaxweyne BIDEN oo ka soo dagay MUQDISHO + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  3. Beledweyne (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay qaybo kamid ha gobolka Hiiraan ee HirShabelle. Howlgalkan oo ay si wadair ah isaga kaashadeen ciidamada Soomaaliya iyo Saaxibada Caalmiga ah ayaa si gaar aha uga dhacay deegaanka Qoob-Yaxaas ee gobolkaasi, waxaana lagu beegsaday goob ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Dowladda Somalia oo war kasoo saartay howlgalkan ayaa shaacisay in weerarka uu dhacay xilli uu shir uga socday halkaasi xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal. “Howlgalka waxaa lagu beegsaday xarun wayn oo Khawaarijtu ay ku lahayd deegaanka, xilliga uu howlgalku dhacayay goobta waxaa shir uga socday Kooxo Khawaarij ah oo ay ku jiraan horjoogayaal” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay sii deysay warbaahinta dowladda. Sidoo kale waxay dowladdu sheegtay in howlgalkan lagu burburiyay xaruntii ay ku shirayeen Al-Shabaab, isla-markaana la laayey xubnihii ku sugnaa halkaasi. Inta uu howlgalka socday waxaa sidoo kale la gubay gaadiid ay lahaayeen xubnaha Al-Shababa ee uu shirka uga socday deegaanka Qoob-Yaxaas ee gobolka Hiiraan. “Ciidanka Xoogga iyo saaxiibadood waxa ay ku guulaysteen in ay burburiyaan goobtii isla markaana halkaas lagu laayo maleeshiyaadkii ku shirayay, waxaana sidoo kale la gubay labo gaari oo ay wataan horjoogayaashii Khawaarijta ee halkaas joogay” ayay raacisay Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri “Tirada dhimashada iyo dhawaaca ee soo gaaray Khawaarijta waxaa ku socota qiimayn waana idinla wadaagaynaa dhawaan insha allaah. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay kooxda, waxaana weli ka socda howlgallo culus oo ay barbar socdaan duqeymo ay geysanayaan diyaarado dagaal. The post Daawo: Goob uu shir uga socday Al-Shabaab oo weerar culus lagu qaaday appeared first on Caasimada Online.
  4. Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya ayaa si wadajir ah howlgal culus maanta uga sameeyay deegaano u dhow xadka Soomaaliya, kaas oo ka dhan ahaa Al-Shabaab. Howlgalkan oo ahaa mid looga hortegayay weerarada Al-Shabaab ayaa waxa ay labada dhinaca ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka xeebta Lamu ee dalkaasi, halkaas oo mararka qaar ay weeraro cuslus iyo qaraxyo miino ay ka geystaan xoogaga Al-Shabaab. Labada dhinac ayaa sheegay inay iska kaashanayaan xaqiijinta amniga deegaanadaasi oo maalmihii dambe ay xaaladdoodu liidatay, kadib markii ay kordheen weerarada Al-Shabaab. Howlgalkan wadajirka ah ee ay sameeyeen milatariga Mareykanka ee taageera Kenya iyo ciidamada dalkaasi ayaa waxaa ka horreeyay dhoolatus milatari oo ay wadajir u sameeyeen labada dhinac, kaas oo ay ka qaybgaleen diyaaradaha gaarka ah ee qumaatiga u kaca. Mareykanka ayaa dhankiisa shaaca ka qaaday in ay ka go’an tahay sidii loo xoojin lahaa amniga gobolka Lamu oo saldhig weyn ku leeyihiin ciidamadiisa iyo kuwa Kenya si ay uga hortagaan dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ee haatan kusii xoogeysanaya xadka Soomaaliya. Sidoo kale waaxda difaaca Mareykanka ayaa intaasi kusii dartay in ay ka go’an tahay sidii ay gacan uga geysan lahayd xoojinta amniga guud ahaa Bariga Afrika si looga adkaado kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka fuliso gudaha Soomaaliya iyo dariskeeda. Arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli ay hadda Kenya wajaheyso xaalad adag oo ka dhalatay weerarada Al-Shabaab, kuwaas oo dib u dhigay qorshihii furitaanka ee xadka labada dal. Kenya iyo Mareykanka ayaa labaduba qayb ka ah dagaalka ka socda Soomaaliya, waxayna ciidamo ka joogaan gudaha dalka, kuwaas oo caawiya ciidamada Xoogga dalka. Waxay sidoo kale weeraro cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgallada lagu burburinayo kooxda. Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso wajiga labaad ee gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay horkaceyso dowladda federaalka. The post Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya oo qaaday howlgal ka dhan ah Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  5. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay xubnaha Golaha Shacabka uga mid noqonaya Baarlamaanada Afrika, Carribean, Pacific iyo Midowga Baarlamaanada Yurub, kaas oo ay xubno ku leedahihiin Baarlamaanka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. The 2023 African Development Bank Outlook reveals that East Africa is poised to be the continent’s economic frontrunner, with growth rates surpassing 5% in 2023 and 2024. The services sector takes the lead in propelling East Africa’s GDP growth, accounting for half of the increase in 2022. The report emphasizes the urgency of embracing eco-friendly transformation in East Africa, highlighting private sector financing as a key driver. According to the recently released African Development Bank 2023 East Africa Economic Outlook, East Africa would have the greatest regional economic performance on the continent in 2023 and 2024, with growth rates of above 5%. Business Insider Africa Markets Leaders Careers Lifestyle Africa Collective Business Insider Africa ADVERTISEMENT Local Markets East Africa’s economy is set to outperform other African regions in 2023 and 2024 CHINEDU OKAFOR August 4, 2023 2:00 PM East African Community East African Community The 2023 African Development Bank Outlook reveals that East Africa is poised to be the continent’s economic frontrunner, with growth rates surpassing 5% in 2023 and 2024. The services sector takes the lead in propelling East Africa’s GDP growth, accounting for half of the increase in 2022. The report emphasizes the urgency of embracing eco-friendly transformation in East Africa, highlighting private sector financing as a key driver. According to the recently released African Development Bank 2023 East Africa Economic Outlook, East Africa would have the greatest regional economic performance on the continent in 2023 and 2024, with growth rates of above 5%. ADVERTISEMENT RECOMMENDED ARTICLES FILE PHOTO: A participant stands near a logo of World Bank at the International Monetary Fund – World Bank Annual Meeting 2018 in Nusa DuaReuters Markets See the project the World Bank is looking to execute in Nigeria Black Sea Grain Initiative Markets The Russia/Ukraine War may cause more food shortages across Africa UN human rights exit Uganda weeks after visa ban restrictions were placed on Ugandan officials Markets UN human rights exit Uganda weeks after visa ban restrictions were placed on Ugandan officials The analysis, which was released on Thursday, July 27, predicts that the region’s mid-term economic growth will increase to 5.8% in 2024 from 5.1% in 2023, outperforming all other African areas. Growth in Rwanda, Uganda, Ethiopia, Kenya, Djibouti, and Tanzania will be a major contributor to this. The paper claims that the services sector in East Africa drove the region’s real GDP growth, accounting for about half of the increase in GDP in 2022. Compared to the average of 2.5 percentage points for the years 2015–2021, the sector’s contribution to GDP growth was just 2.0 percentage points. Due to the region’s natural and cultural features, there is a high demand for services including lodging, dining, and entertainment. However, the East Africa area is exposed to a number of local and international downside risks that might derail the region’s promising economic prospects. These include a slowing in the world economy, rising commodity prices, the Russian invasion of Ukraine continuing, rules governing international commerce, worsening financial conditions worldwide, exchange rate depreciation, and a rise in COVID-19. The domestic risks include gaps in infrastructure, domestic conflicts and political instability, macroeconomic imbalances, and adverse impacts of climate change,” the report states. An evaluation of the recent macroeconomic performance of the area is provided in the annual flagship Africa Economic Report of the African Development Bank. The research provides an in-depth examination of current difficulties that the area is facing and also looks at medium-term predictions and the dangers to the region’s development future. “Mobilizing Private Sector Financing for Climate Change and Green Growth” is the focus of the 2023 study. It explores the necessity of an eco-friendly transformation for Africa as well as the function of private-sector funding. It also makes the case for natural capital as a significant source of funding for climate-friendly economic development in East Africa. The paper lists four problems that the economies in the area frequently encounter and which support a robust, inclusive green growth goal. They consist of dependency on natural resources, energy, and water shortages, as well as reliance on agriculture for a living. It exhorts East African nations to adopt green growth strategies by focusing on important industries including forestry, sustainable agriculture, and infrastructure. Sourc Businessinsider Qaran News
  7. Dhusamareeb (HOL) - A delegation led by the Somali President has arrived in Dhusamareeb, the administrative capital of Galmudug State, on Saturday afternoon to announce the resumption of the military operation against al-Shabaab, aiming to complete phase one. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Somali Cable wuxuu kaga hadlay arrintii shalay ka dhacday gudaha xarunta baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kadib markii wasiirka cadaaladda & dastuurka laga saaray kulan ay ku lahaayeen Villa Hargeysa. Wasiirka ayaa kasoo daahay kulankaasi, oo ay su’aallo ku weydiin lahaayeen xildhibaanada, maadaama uu u gudubiyay hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka federaalka, waxayna maqnaashihiisa buuq ka dhalisay golaha, kadib markii ay xildhibaadu dood ka keeneen. Khaliif Cabdi Cumar oo fasiraad ka bixiyay arrintaas ayaa sheegay in wasiirka lagala dul dhacay caro loo qabay ra’iisul wasaare Xamza iyo golihiisa wasiirada. “Caradaas waxaa rumeysanahay in ay tahay dhangad loo waday rag kale inay ku dhacday wasiirka cadaaladda, waxaa loo waday ra’iisul wasaaraha iyo golaha wasiirada dhamaan waa u careysan yihiin xubnaha baarlamaanka” ayuu yiri xildhibaan Khaliif Cabid Cumar. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay in golaha wasiirada loo haysto shaqadooda, maadaama ay yihiin golaha fulinta ee dowladda Soomaaliya. “Xukuumadda waxaa lagu heystaa waa howlwadeenadii dalka, annagu waxaa nahay sharci dajiye, xiriirkeenu wa inuu furan yahay” ayuu hadalkiisa kusii daray. Ugu dambeyn waxa uu hoosta ka xariiqay in xildhibaanadu ay metalaan guud ahaan shacabka, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in la shaqeeyaan xukuumadda, si ay xog u helaan kadibna ay ugu celiyaan dadkooda, si ay ula socdaan wax kasta oo dhacaya. “Xildhibaanada waxa ay metalaan shacab waxay rabaan xog ay kula noqdaan dadkooda oo haddii ay su’aallo weydiiyaan aqbaar ay rabaan inay kula noqdaan” ayuu mar kale yiri. Maalmihii la soo dhaafay baaralamaanka federaalka Soomaaliya ayaa waday qorshe uu kula xisaabtamayo xubnaha Golaha Wasiirada, taas oo si weyn looga dareemay dalka. The post Daawo: Arrintii shalay ka dhacday BF oo fasiraad laga bixiyay – Yaa loo socday? appeared first on Caasimada Online.
  9. Las Anod (HOL) - The SCC-Khatumo delegates have elected Abdukhadir Ahmed Aw-Ali (Firdhiye) as the leader of SCC-Khatumo, and Dr. Mohamed Abdi Ismael as his deputy. Source: Hiiraan Online
  10. The Kenya Women Parliamentary Association (KEWOPA) has challenged women in Wajir to seek leadership positions. Source: Hiiraan Online
  11. A total of 130 irregular migrants pushed back into Turkish territorial waters by Greek forces were rescued on Saturday by the Turkish Coast Guard off the coasts of western Izmir province's Menderes, Karaburun, Foca and Cesme districts. Source: Hiiraan Online
  12. Groups say move could worsen country’s security crisis given police force’s poor human rights record Source: Hiiraan Online
  13. African countries emerged from the second Russia-Africa Summit in St Petersburg with a mixed bag of goodies. For the vulnerable ones such as Somalia, Burkina Faso, Eritrea, Mali and the Central African Republic, 50,000 tonnes of free grain will be hitting their shores soon. Source: Hiiraan Online
  14. Khalif Farah Shuriye, 76, has been given a new lease of life thanks to support from well-wishers, after living for 10 dark years abandoned by family and society because he has HIV/AIDS. Source: Hiiraan Online
  15. Somalia could see more of her people displaced from their homes, a combined result of erratic weather, violence from extremist groups and general poverty. Source: Hiiraan Online
  16. Somalia reopened the National Blood Bank Saturday for the first time in more than 30 years, in a significant move to address the shortage of blood supplies and save lives. Source: Hiiraan Online
  17. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Deegaanada Galmudug ayaa waxaa weli ka socda abaabulka iyo diyaargarowga ciidamada iyo dadka deegaanka ee ku aaddan wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab. Xoogag cusub oo ka qayb qaadanaya hawlgalkan ayaa shalay lagu soo bandhigay duleedka Magaalada Dhuusamareeb. Xoogagan oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka ayuu qorshuhu yahay in ay gacan ka gaystaan hawlgalka ay tahay in lagu wiiqo mintidiinta Al-Shabaab. Taliska Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xoogagan ugu talagalay in ay ka qayb qaataan gulufka Shabaabka lagaga saarayo deegaanada Galmudug. Maamulada degmooyinka iyo odayaasha beelaha ayaa goobo kala duwan ku abaabulay xoogag deegaanka ah, si ay gacan uga gaystaan hawlgalka uu diyaar garowgiisu socdo ee Al-Shabaab looga xoreynayo Gobollada Dhexe. Goobta lagu soo bandhigay xoogagan ayaa waxaa ku sugnaa Xildhibaano, Saraakiil ciidan, Maamulka Gobolka Galgaduud, odayaal iyo waxgarad deegaanka ah. Gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa si firfircoon uga socda diyaargarowga loogu jiro gulufka ay tahay in jiridda loogu siibo Shabaabka hubeysan. Dadka reer Galmudug ayaa muujiyay inay ka go’an tahay in ay wiiqaan kooxaha argagixisada, ka dib sanado badan oo ay duljoogeen. Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Khamiistii sheegay in dadkiisu ay fure u noqon doonaan hawlgalka dalka looga ciribtirayo argagixisada. The post Sawirro: Xoogag la abaabulay oo lagu soo bandhigay magaalada Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.
  18. Hargeysa(Qaran news)-Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Ingiriiska oo Somaliland kala shaqeeya sidii ay ictiraaf uga heli lahayd beesha caalamka Air Gavin Williamson ayaa khudabad u jeediyey mudaneyaasha golaha wakiilada Somaliland khudabadaas ayaa ku saabsanayd dardar gelinta ictiraaf raadinta ee uu xildhibaan Gavin Williamson ugu ololeeye Jamhuuriyadda Somaliland sidii loo aqoonsan lahaa. Xildhibaanka ayaa balan qaaday inuu dedaalka uu ugu jiro sidii ay Somaliland u heli lahayd aqoonsi caalamiya uu sii laba jibaari doono dedaalkaas uu wado ee uu ugu olelaynayo ictiraafka Somaliland. Gaba-gbadii guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Somaliland Mudane Siciid Mire Faarax Giirre, ayaa xildhibaan Gavin Williamson ugu mahad celiyay dadaalka uu ugu jiro sidii Somaliland ay aqoonsi buuxa uga heli lahayd aduunka. Qaran News
  19. Golaga Guurtidda oo ka Dooday Siyaasadda Dibadda Somaliland Hargeysa(Qaran news)-Fadhigii saaka ee golaha Guurtida Somaliland oo uu shir-gudoominayay gudoomiyaha golaha guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayay mudanayaashu waxa ay dood ka yeesheen siyaasadda arrimaha dibedda. Mudanayaasha golaha guurtida JSL, ayaa maanta dood adag ka yeeshay siyaasadda arrimaha dibedda ee dalka, waxa ay awooda saareen xaalka Qurba-joogta dalka, oo ay sheegeen inay wakhtigan ka qayb qaadanayaan xaaladaha taagan, waxaanay ugu baaqeen inay ka waantoobaan iska horkeenka bulshada JSL. Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland waxa ay sheegeen in Siyaasada arrimaha dibeddu ay iibiso siyaasada arrimaha gudaha, waxa ay sheegeen in siyaasadda arrimaha dibeda dalku ay meel fiican marayso, wadanada caalamkuna ay qireen isku tashiga bulshada iyo dawladda ee dalka ka socda. Qaran News
  20. Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka wasaaradda horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL, Mudane Cabdi Cismaan Dhaga-wayne iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaas Mudane Maxamed Cismaan Siciid ayaa xarunta wasaaradda ku qaabiley wafti ka socda hay’adda UNIDO, oo ka shaqaysa horumarinta wershadaha. Hay’adda UNIDO, oo ka shaqaysa horumarinta warshadaha, ayaa rabta ay door mihiima ka ciyaarto sidii loo horumarinlaha adeeg bixinta warshadaha dalka JSL. Kulanka masuuliyiinta iyo hay’adda oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda maalgashiga ayaa mudadii uu socday lagaga wada hadlay arrimo la xidhiidha horumarinta adeegyada wershadaha dalka. Kulankaas oo muddo qaatay waxa lagaga wada hadlay qodobo dhawra oo ay ka mid yihiin, xaalada warshadaha dalka, xoojinta wada shaqayneyd ee warshada iyo hayadda iyo sidii loo horumarinlahaa warshadaha dalka iyo in ay hay’addu la kulmi doonto ururka warshadleyda dalka, isla markaana ay kala shaqayn doonaan horumarinta Warshadaha dalka. Qaran News
  21. Guddoomiye ku xigeenka Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdillaahi Cali Xirsi Tima-cadde ayaa hambalyo u diray Hoggaanka cusub ee loo doortay Maamulka SSC-Khaatumo. “Waxaan halkaan uga Hambalyeynayaa Hogaanka cusub ee loo doortay Maamulka SSC- Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) iyo Ku-xigeenkiisa Maxamed Cabdi Ismaaciil ” ayuu yiri Sen. Tima-cadde. “Waxaan sidoo kale u Hambalyeynayaa gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka golaha dhexe ee SSC- Khaatumo.Dhsmaan xubnaha kale ee tartamay oo muujiyey in ay u heelan yihiin hogaaminta SSC xiligaan adag” ayuu sii raaciyay. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sidoo kale hambalyo u diray Hoggaanka cusub ee loo doortay Maamulka SSC-Khaatumo. “Madaxweyne Axmed Karaash “Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Hogaamiyaha SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) iyo Ku-xigeenkiisa Maxamed Cabdi Ismaaciil (Shiine) oo galabta lagu doortay magaalada Laascaanood” ayuu yiri Axmed Karaash. “Waxaan u rajaynayaa in hogaanka cusub ay dar-dar geliyaan Arrimaha baaxada leh ee ka jira gobolka oo ay ugu horeeyaan dhamaystirka halganka iyo soo celinta Nolosha bulsho ee deegaan” ayuu ku sii daray Madaxweyne ku xigeenka Puntland. PUNTLAND POST The post Madax ka tirsan Puntland iyo dowladda Soomaaliya oo hambalyo u diray Hoggaanka loo doortay SSC appeared first on Puntland Post.
  22. Guddoomiye ku xigeenka Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdillaahi Cali Xirsi Tima-cadde ayaa hambalyo u diray Hoggaanka cusub ee loo doortay Maamulka SSC-Khaatumo. “Waxaan halkaan uga Hambalyeynayaa Hogaanka cusub ee loo doortay Maamulka SSC- Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) iyo Ku-xigeenkiisa Maxamed Cabdi Ismaaciil ” ayuu yiri Sen. Tima-cadde. “Waxaan sidoo kale u Hambalyeynayaa gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka golaha dhexe ee SSC- Khaatumo.Dhsmaan xubnaha kale ee tartamay oo muujiyey in ay u heelan yihiin hogaaminta SSC xiligaan adag” ayuu sii raaciyay. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sidoo kale hambalyo u diray Hoggaanka cusub ee loo doortay Maamulka SSC-Khaatumo. “Madaxweyne Axmed Karaash “Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Hogaamiyaha SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) iyo Ku-xigeenkiisa Maxamed Cabdi Ismaaciil (Shiine) oo galabta lagu doortay magaalada Laascaanood” ayuu yiri Axmed Karaash. “Waxaan u rajaynayaa in hogaanka cusub ay dar-dar geliyaan Arrimaha baaxada leh ee ka jira gobolka oo ay ugu horeeyaan dhamaystirka halganka iyo soo celinta Nolosha bulsho ee deegaan” ayuu ku sii daray Madaxweyne ku xigeenka Puntland. PUNTLAND POST The post Madax ka tirsan Puntland iyo dowladda Soomaaliya oo hambalyo u diray Hoggaanka loo doortay SSC appeared first on Puntland Post.
  23. Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad-goboleedka Galmudug. Madaxweyanaha ayaa waxaa sii diirran ugu soo dhaweeyey Dhuusamareeb Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Kuxigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, Guddoonka iyo XIldhibaannada Golaha Wakiillada Galmudug, iyadoo qorshaha Madaxweynuhu uu yahay in uu halkaas ugu shaqeeyo si kumeel-gaarka ah. Sidoo kale, Safarka Madaxweynaha ayaa ku saleysan dhammeystirka dagaalka looga xoreynayo AS deegaannada Galmudug, iyadoo uu xoogga saari doona kormeerka furumaha dagaalka, abaabulka bulshada iyo dhiiragelinta ciidamada naftooda u huraya xoreynta Qaranka. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey bulshada iyo maamulka Galmudug sida ay ugu midoobeen garab istaagga ciidamada naftood hureyaasha ah ee u istaagay cirib-tirka Argagixisada, waxa uuna sheegay in la joogo wakhtigii laga miro-dhalin lahaa halganka xoreynta ee ka socda deegaannada Galmudug. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  24. Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad-goboleedka Galmudug. Madaxweyanaha ayaa waxaa sii diirran ugu soo dhaweeyey Dhuusamareeb Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Kuxigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, Guddoonka iyo XIldhibaannada Golaha Wakiillada Galmudug, iyadoo qorshaha Madaxweynuhu uu yahay in uu halkaas ugu shaqeeyo si kumeel-gaarka ah. Sidoo kale, Safarka Madaxweynaha ayaa ku saleysan dhammeystirka dagaalka looga xoreynayo AS deegaannada Galmudug, iyadoo uu xoogga saari doona kormeerka furumaha dagaalka, abaabulka bulshada iyo dhiiragelinta ciidamada naftooda u huraya xoreynta Qaranka. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey bulshada iyo maamulka Galmudug sida ay ugu midoobeen garab istaagga ciidamada naftood hureyaasha ah ee u istaagay cirib-tirka Argagixisada, waxa uuna sheegay in la joogo wakhtigii laga miro-dhalin lahaa halganka xoreynta ee ka socda deegaannada Galmudug. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  25. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa la xiray Sabtidii kadib markii garsoore uu ku helay dambi ah in uu galay la xiriira musuqmaasuq. Garsooraha ayaa Imran Khan ku xukumay saddex sano oo xarig ah, sida ay xaqiijiyeen booliska iyo saraakiisha dalkaasi Pakistan. “Waxaan hadda helay xogta ku saabsan in Imran Khan la xiray,” ayuu yiri Attaullah Tarar, oo ah kaaliyaha gaarka ah ee Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif, oo la hadlay warbaahinta. Booliska Lahore ayaa sheegay in Khan ay xireen saraakiil ka tirsan ciidamada Islamabad. Khan, oo hadda ah hoggaamiyaha xisbiga PTI, ayaa tan iyo markii xilka laga tuuray la kulmay in ka badan 150 dacwadood iyo eedeymo uu sheegay in ay salka ku hayaan arrimo siyaasadeed. “Waxaan racfaan ka qaadan doonnaa xukunka,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP Intezar Hussain Panjutha, oo ka mid ah qareennada difaacaya Imran Khan. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan oo lagu riday xukun xarig ah appeared first on Puntland Post.