Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa la xiray Sabtidii kadib markii garsoore uu ku helay dambi ah in uu galay la xiriira musuqmaasuq. Garsooraha ayaa Imran Khan ku xukumay saddex sano oo xarig ah, sida ay xaqiijiyeen booliska iyo saraakiisha dalkaasi Pakistan. “Waxaan hadda helay xogta ku saabsan in Imran Khan la xiray,” ayuu yiri Attaullah Tarar, oo ah kaaliyaha gaarka ah ee Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif, oo la hadlay warbaahinta. Booliska Lahore ayaa sheegay in Khan ay xireen saraakiil ka tirsan ciidamada Islamabad. Khan, oo hadda ah hoggaamiyaha xisbiga PTI, ayaa tan iyo markii xilka laga tuuray la kulmay in ka badan 150 dacwadood iyo eedeymo uu sheegay in ay salka ku hayaan arrimo siyaasadeed. “Waxaan racfaan ka qaadan doonnaa xukunka,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP Intezar Hussain Panjutha, oo ka mid ah qareennada difaacaya Imran Khan. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan oo lagu riday xukun xarig ah appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online)- Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre ayaa faray hey’adaha amniga ee magaalada Muqdisho inay aad u feejignaadaan, maadaama kooxda Al-Shabaab ay ku soo jebeyso dagaalada ka socda gobollada dalka. R/Wasaare Xamza oo hadalkaan galabta ka sheegay goobtii lagu shaaciyey natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee dowladda ayaa farriintiisa ku xoojiyey in Muqdisho ay tahay magaalada dadka ku nool ay ku dhex dhuuma karaan dagaalyahanada ku soo jebaya dagaallada xoreynta ah ee dalka ka socda. “Hey’adaha amniga ee Muqdisho waxaa la farayaa inay feejignaadaan oo ilaaliyaan amniga magaaladaan, markii la duulo ee cadowgu jabo, wuxuu u cararayaa magaalooyinka lagu badan yahay, marka Muqdisho waxay ugu horeysaa magaalooyinka dadka ku nool lagu dhex dhuuma karo,” ayuu yiri R/W Xamza. R/Wasaare Xamza Barre ayaa baarlamaanka ka dalbaday inay gobollada aadaan oo dadkooda abaabulaan, kana qeyb qaataan dagaalka dalka looga xoreynayo argagixisada. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ciidamada amniga ku amaanay sida ay u sugeen amniga Muqdisho oo kooxihii dadka dili jiray ay uga sifeeyeen. “Hey’adaha amniga waxaan farayaa habeenada soo socda in aysan seexan, amniga aad ku soo daasheen sii xajiya inta lasoo afjarayo Khawaarijta,” ayuu yiri Xamza Cabdi Barre oo aad ula dardaarmay laamaha amniga Muqdisho. Sidoo kale shacabka Magaalada Muqdisho ayuu Xamza kula dardaarmay inay ciidamada sii garab taagnaadaan oo ‘Garanwaaga’ ay guryahooda ka soo saaraan, isagoo ku amaanay sida ay kaalintooda uga qaateen sugida amniga caasimada. Farriinta Ra’iisul Wasaaraha ee ku socota hey’adaha amniga Muqdisho ayaa ku soo aadeysa iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u safray Dhuusamareeb, si dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo Galmudug uu u hoggaamiyo. The post Xamza oo shaaciyey arrin xasaasi ah, hey’adaha amnigana amray inay fashiliyaan appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee madaxtooyada Somalia, Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa maanta is-casilay, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Sida ay ogaatay Caasimada Online agaasimaha ayaa is-casilaadiisa u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in is-casilaadiisa ay la xiriirto arrin shakhsi ah iyo damac siyaasadeed oo uu ka leeyahy xilka madaxweynaha ee maamulka Koonfur Galbeed Xuseen Sheekh Maxamuud oo ay saaxibo dhow yihiin madaxweynaha ayaa xilkan soo hayay tan iyo 23-kii May ee sanadkii ee 2022-kii. Haddaba sidee looga falceliyay is-casilaadiisa? Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay go’aanka agaasimaha is-casilay. Farxaan Nuur oo kamid ah dadka ka fal-celiyay ayaa yiri “Waxuu isku casilay taas ma aha ee Hinda Calasow ayey isku dhaceen oo madaxtooyada kala wareegtay”. Cabdifitaax Cali ayaa isna yiri “Dr Hussein Sheikh Mohamud nin ka mudan ma jiro madaxweynaha Koofur Galbeed, waana ninkii maamulka ka dhigi lahaa mid hormarsan” Cali Haruuse ayaa isaguna ku jawaabay “Madaxweynaha soo socda ee Koonfur Galbeed ma jirto khilaaf ama shaqa xumo uu ku baxay balse hankiisa ayuu soo tijaabinayaa Agaasime Xuseen insha’allah guul ayaan u rajenayaa”. Yuusuf Cabdi ayaa isna u rajeeyay guul, wuxuuna yiri “Madaxweynaha dhaarta u dhiman ee Koonfur Galbeed” Ubax Isaaq ayaa iyaduna tiri “Agaasimaha wax ka wayn ayaan kuu rajeynaa shaqo fican ayaad madaxtoiyo ka qabatay” Maxamed Cabdullaahi isaguna wuxuu ku jawaabay “In doorasho ay dhacayso ayaa ii muuqato” The post Sidee looga fal-celiyey is-casilaadda agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
  4. siyaasiga Cismaan Cumar Dool oo ka tirsan xisbiga WADDANI ayaa taladii maanta u bixiyay Madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale ku tilmaamay aargoosi siyaasadeed. Sidaasna wuxuu ku sheegay qoraal uu ku baahiyay facebookgiisa, wuxuuna u qornaa sidan: “Talada Madaxwaynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin waxay ahayd aarsi Siyaasadeed oo weliba aan garawshiiyo lahayn!!! Siyaasiga Soomaaliga ah waxa jira hal cudur oo uu kaga duwan yahay Siyaasiyiinta Adduunka kale. Cudurkaasi waxa weeye in aan weligii ilaawin ama aanu saamixin Siyaasi kale oo maalin jalaafo u dhigay ama ka raacay cid ay is hayaan. Daahir Rayaale Kaahin waxaanu weligii ka hadhaynin arintii Baarlamaanka ee Cabdiraxman Cirro berigii la saftay Axmed Siilaanyo. Laakiin Daahir Rayaale Kaahin mid baa seegtay taas oo ah in uu ilaaway in Degaanka Cabdiraxman Cirro uu ilaa maanta bixinayo godabtii lagu shaambadeeyay in ay iyagu ka hiiliyeen Mujaahid Axmed Siilaanyo berigii uu 80 cod ku waayay kursigii uu u soo halgamay.” Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay fal-celintii uu maanta golaha shacabka kala kulmay wasiirka cadaaladda iyo dastuurka Soomaaliya Xasan Macalin. Xamse oo galabta ka hadlay goobtii lagu shaaciyey natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee dowladda ayaa sheegay in wasiirku uu maanta ku daahay shirkii amniga qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh uu shir guddoomiyey. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse wuxuu sheegay in Wasiir Xasan Macalin uu ka shaqeynayey sidii loo diri lahaa ciidan ka qeyb qaata xoreynta Ceelbuur oo uu ka soo jeedo. “Baarlamaanka waxaan u sheegayaa Wasiirka Cadaaladda Xasan Macalin shaqo adag ayuu ku maqnaa maanta iyo waayahaan oo dhan, waxa uu ku jiray shirkii amniga Qaranka, markii uu naga soo tegay wuxuu u tegay xildhibaanada oo u xanaaqsan, marka waxaan ka codsanayaa inay xildhibaanadu xaaladda dejiyaan,” Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre. Xamse Barre ayaa baarlamaanka u sheegay in wasiirku shaqo adag uu ku maqnaa, isagoo xildhibaanada ka dalbaday inay baxaan oo deegaanadoodii aadaan oo dadka abaabulaan, kana qeyb qaataan xoreynta dalka. Wuxuu intaas ku sii daray, “Wasiirka waxaan saakay kula xisaabtameynay deegaankiisii inuu howl-geliyo oo ciidan diro, inuu dadka abaabulo oo awood uusan laheyn uu ka shaqeeyo ayaan kula xisaabtameynay, markii uu baarlamaanka tegay wax uu ku soo daahay ma aysan weydiin ee waxaa lagu qabsaday waa naga soo daahday.” Kulankii maanta ee baarlamaanka federaalka Somalia oo la filayay inuu hortago Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Xasan Macallin ayaa ka daahay kulankii, ayada oo ay taas xildhibaanada Golaha Shacabka si adag uga hadleen maqnaashaha wasiirka oo mar dambe oo doodu adkaatay soo galay hoolka, balse laga saaray. Ajendaha ayaa ahaa akhrinta hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka federaalka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda, kaas oo ay xildhibaanadu usoo diyaar garoobeen, balse halkii laga doodi lahaa, wasiirkana uu uga jawaabi lahaa xildhibaanada uu buuqday. Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka furay ayaa sheegay in ajendahan laga gudbayo, isla-markana waxa laga yeelayo wasiirka laga rabo xildhibaanada. “Kolley wixii waxaas kalifay golaha ayaa is weydiin doona, taladeedana golaha ayay u taalaa iyo sida laga yeelayo wasiirka” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe. The post R/W Xamse oo BF u sheegay sabab yaab leh oo Wasiir Xasan Macalin uu ku soo daahay appeared first on Caasimada Online.
  6. Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka oo Kormeeray Jidka Baki illaa Boorame Hargeysa(Qaran news)-Wefti uu hogaaminaayey Maareeyaha wakaaladda Horumarinta waddooyinka Somaliland Eng Mowliid Nuux Ibraahim oo ay wahelinaayeen Agaasimaha guud wasaradda Beeraha Somaliland Maayirka Degmadda Baki iyo masuuliyiin kale ayaa maanta soo kormeeray Dhismaha wadada isku xidha Borama iyo Baki, iyagoo u kuurgalaayey habsami u socodka shaqada wadadaas. Weftigaas ayaa waxaa warbixin kooban ka siiyey habsami u socodka howsha jidkaasi Eng khaddar Gaaxnuug, oo ka mid ah farsamoyaqaanada howsha jidkaas gacanta ku haya iyo Eng Xassan Caateeye oo ka socday hay-adda badbaadinta carruurta Save childrend, waxaanay si wado jir ah uga warameen qaabka howsha wadadaas u socoto, iyagoo xusey howshii wadadaasi in ay dhammaad ku dhowdahay,ayna u hadhsan tahay 3kilomitir oo carro kaawidiiii ka dhimantay ,halka dariiqaasi ay isticmaali doonaan dadweynaha ku dhaqan Baki, Boorama iyo Ruqi, marka jidkaas howshiisa la dhammmeystiro. Maareeyaha Guud wakaaladda Horumarinta jidadka Somaliland Eng Mowliid Nuux ibraahim ayaa ka waramay in wakaaladda horumarinta jidadku jidkaas ka qaadatay door muhiim ah oo 14 kilomitir oo dhul buuraleyda wadadaas martay ka howgaleen oo ay burburiyeen dhagxaantii waa weynaa ee xidheysay jidkaas,iyadoo maareeyuhu xusey in mashruucaas oo u qeybsamayey saddex qeybood oo kala ahaa baneynta buuraha ,carro kaawada iyo daamurka oo la saari doono. Qaran News
  7. Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaainaayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug, iyadoo si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka magaalada Dhuusamareeb, waxaana qeyb ka ahaa xubno dowladda ah wafdiga. Madaxweynaha dowlad Goboleedka Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, madaxweyne ku-xigeenka maamulaka Cali Daahir Ciid, xubno ka tirsan golaha wasiirrada Galmudug iyo qeybaha bulshada caasimadda ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay garoonka Ugaas Nuur ee duleedka magaalada Dhuusamareeb ee Galgaduud. Safarka madaxweynaha ee magaalada Dhuusamreeb ayaa waxaa uu daaran yahay hoggaaminta howlkagal lagu xoreynayo baroga goolka Galgaduud, halkaas oo muddooyinkii u dambeysay dowladdu ay waday diyaar garowga sidiii Al-shabaab looga saari lahaa magaalooyinka Ceelbuur, Waxbo, Diri, Galhareeri iyo deegaannada kale. Madaxweynaha ayaa gaaray Dhuumareeb xilli caasimadda Galmudug lagu soo bandhigay dhallinyaro deegaanka ah iyo Daraawiishta Galmudug oo barbar dagaalami doona ciidan xoogga dalka, kuwaas oo dhawaan tabar ugu soo gabagaboobay duleedka magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu qalabeeyay ciidanka. Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa horey u gaaray wufuud hordhac u ah safarka madaxweynaha, waxaana ka qeyb ahaa taliyaha hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Mahad Maxamed Salaad, kaas oo maalmo ka hor gaaray deegaannada Galmudug iyo mas’uuliyiin kale. Dowladda Soomaaliya ayaa bariga gobolka Galgaduud waxaa ay geysay ciidankii ugu badnaa, kuwaas oo ka kooban Milatariga qeybihiisa kale duwan gaar ahaan guutooyinka Qaali Bin Waliid Iyo Cali Binu Abii Daalib, oo lagu daray Kumaandooska Danab iyo Gorgor, iyadoo uu hoggaamianayo Ismaaciil Cabdi Maalik Maalik Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb waxaa waxaa uu safar ku gaari doonaa magaalada Xarardheere oo dhowaan laga saaray Al-shabaab iyo deegaanno kale oo ka mid ah gobolka sida ay sheegayaan wararka laga helayo Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-goboleedka Galmudug. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Agaasimaha NISA Mahad Salaad, masuuliyiin ka kala tirsan Galmudug iyo DF iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa Dhuusamarreeb ku soo dhaweeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Kadib soo dhaweynta madaxweyne Xasan Sheekh waxaa loo galbiyay Aqalka Madaxtooyada Galmudug, halkaas oo kulamo ay uga bilowdeen. Durbadiiba Madaxweynaha ayaa kulamo ka bilaabay Madaxtooyada Galmudug, wuxuuna kulankii ugu horeeyey la yeeshay Qoor Qoor, ku xigeenkiisa Cali Ciid, Agaasimaha NISA Mahad Salaad iyo wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur. Madaxweynaha ayaa Dhuusamareeb sii joogi doona ugu yaraan 10-ka maalmood ee soo socda, sida ay qorsheysay madaxtooyada Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa halkaas ka hoggaami doona dagaalka Galmudug looga sifeynayo Al-Shabaab oo hadda ku sugan magaalooyin ay ugu waaweyn yihiin Ceelbuur iyo Galhareeri. Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu rabo in hal toddobaad lagu soo afjaro Shabaab-ka ku sugan Galmudug, si loo bilaabo wajiga labaad ee dagaalka. Xasan Sheekh, Inta uu joogo Dhuusamareeb ayaa la xoreynayaa Ceelbuur, waxaana la qorsheeyey inuu tago magaaladaas, si bulshada reer Ceelbuur uu ula hadlo. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo gaaray Dhuusamareeb iyo kulamo u billowday appeared first on Caasimada Online.
  9. Madaxweynihii hore ee Somaliland oo Shaaciyay in Xalka Kaliya ee Khilaafka Lagaga Bixi Karaa Yahay Doorashada Ururrada oo lagu socdo Xeerkeediina la Ansixiyo Madaxweynihii saddexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa sheegay in xalka kaliya ee lagaga bixi karo khilaafka doorashooyinku uu yahay iyadoo cagta la saaro nidaamka doorashada isla markaana la ansixiyo xeerka Doorashada Ururrada. Madaxweynihii hore waxa kaloo uu sheegay in ay talo xumo ay sameeyeen inamada buurta fuulay wax ay soo kordhinaysaana aanu jirin. Daahir Rayaale wuxuu sidaas ku sheegay mar uu maanta khadka Telefoonka ugu warramay Telefishanka SAHAN, isagoo jooga dalka Faransiiska oo uu degan yahay, waxaanu talooyin kala duwan u jeediyay Madaxweynaha, Golaha Wakiillada, Guddida doorashooyinka iyo xisbiyada wakhtigu ka dhacay. Daahir wuxuu talo u jeediyay Madaxweynaha Somaliland waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay Mudane Qarankan adigaa madaxweyne ka ah wanaag iyo haddii dhaliili timaadaba cidda barri lagu qorayaa adiga ayay noqonaysaa. Waxaan jecelaystay waxaan leeyahay ururrada xeerkoodii ma diyaarsana waxaan kugula talinayaa inaad ururrada xeerkoodii adigu curiso oo aad u gudbiso Golaha Xeer-dejinta adigoo tixraacaya go’aankii maxkamadda distuuriga ah ee ahaa in toos loo galo doorashada ururrada maadaama oo aad isku sidigteen labadii doorasho ee Deegaanka iyo Wakiillada oo aanu bishan kula dhaafin. Si ay hawshaasi u soo afjaranto oo looga baxo in la yidhaahdo xeer ma jiro iyo muranka.” Maadaxweynihii hore wuxuu sheegay in dhallinyarada buurta Gacan-libaax jooga ay talo xumo saartay isagoo arrintaas ka hadlayayna wuxuu yidhi “Dhalinyarada buurta Gacan-libaax fuushay talo xumo ayaa saartay wax ay buurta Gacan libaax ka keenayaana ma jirto. Waxaan kugula talinayaa madaxweyne ciidan ha u dirin, haddii aad u dirtayna ciidamadaas xeryahooda ku soo celi, odayaal u dir arrintaas soo furdaamiya.” Mudane Daahir Rayaale wuxuu ugu baaqay Golaha Xeer-dejinta inay masuuliyadda ay hayaan ka soo baxaan, wuxuuna tilmaamay in aanay u shaqeynin xisbiyo iyo kooxo, waxaanu u soo jeediyay inay kolba xeerka muhiimka ah ee taagan ay ansixiyaan si muranka iyo walaahowga looga baxo. Madaxweynihii hore wuxuu u soo jeediyay Komishanka Doorashooyinka inay u hoggaansamaan halka aqlabiyadoodu marto, waxaanu yidhi; “Komishanka waxaan u soo jeedinayaa Guddi garsoor ayaad tihiin uma shaqeysaan xisbiyo iyo ciddii idin soo magacowday. Tiradiinu waa toddoba xubnood, afar xubnood halka ay isku raacaan ayaa inta kale ku khasban yihiin aniga ayaa ka baxay iyo waxaas looma baahna. Masuuliyadaasna waad u dhaarateen ummadda ee waa inaad masuuliyadaas sideeda u gudataan.” Waxa kaloo uu sheegay in wakhtigii xisbiyadu dhacay oo ay maanta noqdeen ururro, “Xisbiyadda qaranka muddadoodu waxay ku ekayd 13kii December 2022kii, markaa aan ka taliyay ee aan idhi way isfuuli doontaa oo muran baa iman doonee yaan la isku darin labadii doorasho ee Wakiillada iyo deegaanka tii baa halkan idinla soo gaadhay waa inaad ku biyo cabtaan wakhtigiinu wuu dhacay oo urur baad tihiin. Annaga uun baa tartamaynana arrin maaha. Ururradaas la jideeyay ayaad ka mid tihiin ee u diyaar garooba tartankiinna.,”ayuu yidhi Md. Daahir Rayaale isagoo hadalkiisa sii watayna wuxuu yidhi “Madaxweyne waxaad u noqonaysaa ummadda reer Somaliland oo dhan . shaadhka Somaliland gashada shaadh kale ha gashanina ninka madaxweynaha noqonayaa Somaliland oo dhan buu madaxweyne u yahay oo uu cod ka rabaa. Markaa wajaha oo xaqiiqda isku dhiga.” Madaxweynihii hore wuxuu shacbiga Somaliland ku booriyay in laga baxo qabyaalada oo wadajirka reer Somaliland laga shaqeeyo, taasi oo ah sida kaliya ee ay qarannimada Somaliland ku iibsamayso. Md.Daahir Rayaale waxa uu tilmaamay in xalka kaliya ee khilaafka lagaga bixi karaa ay tahay in cagta la saaro doorashada ururrada oo sharcigeediina la ansixiyo Waxa kaloo uu u soo jeediyay dhalinyarada buurta gashay in ay cod ugu hiiliyaan cidda ay taageerayaan,waxaanu yidhi “Inamada buurta fuulay waxaan leeyahay cidna uma hiilinayaan, magaca beeshana way ceebaynayaan ha ka soo dejiyaan beeshu oo cid ha ugu hiiliyaan cidda ay u hiilinayaan.” Qaran News
  10. Mogadishu (HOL) - Somali security forces, backed by international partners, conducted a security operation in a small village in the Hiiraan region, where al-Shabaab militants, including leaders, were reportedly meeting on Saturday. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay dooda baarlamaanka hareysay ee ku aadan in tallaabo xilka qaadis lagu sameeyo Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka oo maanta la filayay inuu hortago, balse ka baaqday, taas oo ay xildhibaanadu ku tilmaameen inay ku tahay gef. Xildhibaan Mustaf Dhuxulow ayaa sheegay inuu metalo Wasiirka, isla-markaana aysan suuragal aheyn in xilka qaadista lagu billaabo Xasan Macalllin. “Wasiirka Dasuurka ayaa lagu bilaabaa in inta xilka looga qaado wax socon karo ma’aha, waxayse ku socon karin annaga maxaan qabaneynaa?” ayuu yiri xildhibaan Dhuxulow. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in baarlamaanka uu u furan yahay in loo yeero wasiirka, kadib wax laga weydiiyo sababta keentay inuu ka baaqdo kulanka loogu yeeray. “Wasiirkaas laba arrin waa lagu sameyn karaa in inta loo yeero hadda raalli-gelin dhiib wixii khaldana sheeg & in maalin kale loo yeero, marka midda xilka dib noogu dhiga” ayuu yiri. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Annaga baarlamaanka wixii qadarin ah oo xildhibaanada naga mudan yihiin diyaar ayaa u nahay” Dhanka kale, xildhibaan Jeeg oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa isugna taageeray hadalka Dhuxulow, wuxuuna soo jeediyay in laga laabto xilka qaadista. “Xildhibaan Mustaf Dhuxulow hadalkiisa in la tixgeliyo waan qabaa reerkaan horaa 7 daqiiqo lagu diraye yaanan loo fiirin mar kale” ayuu isna yiri xildhibaan Jeeg. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Wasiirka Cadaaladda oo mar dambe tegay xarunta baarlamaanka, laga soo saaray kulanka, wuxuuna guddoomiyaha baarlamaanka ku dhawaaqay in arrintiisa ay go’aan kama dambeys ah ka gaarayaan xildhibaanada golaha. The post Daawo: Muxuu Mustaf Dhuxulow ka yiri isku dayga xil ka-qaadista Xasan Macallin? appeared first on Caasimada Online.
  12. SSC-Khaatumo oo Doortay Guddoomiye Maamul Hargeysa(Qaran news)-45 xubnood ee Golaha Dhexe ee maamulka la baxay SSC-Khaatumo ayaa maanta u doortayc Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) inuu noqdo Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee maamulka SSC-Khaatumo. Mr. Firdhiye oo 30 cod,halka murrashixii la tartamayeyna Maxamed Ismaaciil Bulaale uu helay 15 cod. Mr. Firdhiye ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta safka hore kaga jiray dagaalka ka dhanka ah Somaliland, waxaanu diirashadiisa ku tilmaamay mid taariikhi ah. Doorashadan oo SSC-Khaatumo u ah guul iyo horusocod siyaasadeed oo ay ka sameeyeen maamylkooda ayaa ah mid sii hurinaya dagaalka toddobada bilood qaatay ee ka socda Laascaanood. Sidoo kale maamulkan ayaanay aqoonsayn Dawladda federaalka Soomaaliya oo ay sheegtaan inay taageersan yihiin midowgii Soomaaliya, kana soo horjeedaan gooni isutaaga Jamhuuriyadda Somaliland. Qaran News
  13. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagaga arrinsanayey dhammeystirka qorshaha xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida warbixin ku saabsan amniga dalka iyo dadaalada socda ee halganka socda, waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan dalka oo xor ah, si nabad ahna ay ugu kala gooshayaan magaalooyinka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey laamaha ammaanka sida ay u xaqiijiyeen amniga caasimadda uguna heelan yihiin badqabka nololeed iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed waxa uuna ku adkeeyey shacabka in ay si dhow ula shaqeeyaan ciidankooda. Shirkan waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’isulwasaare xigeenka, Wasiirrada Amniga, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Caddaaladda, Diinta iyo Awqaafta iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray Xarunta Bangiga Dhiigga Qaranka oo ay baahi weyn u qabeen bulshada Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay xoogga saareyso horumarinta iyo soo-nooleynta adeegyadii bulshada oo ay ugu horreeyaan Caafimaadka iyo Waxbarashada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada hirgelinta xaruntani oo ka tarjumeysa xaqiijinta yool muhiim ah, maadaama uu dalkeennu kamid yahay waddamada ay ka dhacaan musiibooyinka, taas oo lagama maarmaan ka dhigeysa in la helo xarun keydisa dhiigga. Bangiga Dhiigga Qaranka oo la aas-aasay sannadkii 1976 dii ayaanan hawlgelin muddo ku dhow soddon sanno, waxaana dib-u-howlgelintiisu ay buuxin doontaa baahi weyn oo ay dadka Soomaaliyeed u qabeen in ay helaan keyd loogu hagaago dhiigga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Dr. Xuseen Sheikh Maxamuud oo ahaa agaasimihii madaxtooyada qaranka ayaa iska casilay xilka uu hayay, sida laga soo xigtay ila wareedyo ku dhow, waxaana warqadiisa iscasilaadda uu u gudbiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomalaiya Xuseen ayaa ahaa siyaasi miisaan ku dhex lahaa siyaasadda, waxaana uu si aad ah ugu dhowaa madaxweynaha Jamhuuriyadda, wallow aan wali la ogeyn sababta ka dambeysay iscasilaadiisa iyo inuu ka tago shaqadii agaasimaha guud ee madaxtooyada. Wararka qaar ayaa sheegaya in is casilaadiisa ay tahay arrin shakhsi, iyadoo loo badinayo inuu isu soo sharxo madaxtimnimada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya sida ay sheegayaan wararka laga helayo ku aadan shaqo ka tagista Dr. Xuseen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyay shirka Golaha Amniga Qaranka oo ka qabsoomay xarunta Villa Soomaaliya, ayada oo uu sidoo kale goobjoog ahaa ra’iisul wasaare Xazma. Waxaa sidoo kale shirkan ka qeyb-galay ra’iisul wasaare xigeenka, wasiirrada amniga, gaashaandhigga arrimaha gudaha, maaliyadda, caddaaladda, diinta iyo taliyeyaal. Shirka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin dhammeystirka qorshaha xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Ugu horreyn madaxweynaha ayaa warbixin ka dhageystay taliyeyaasha ciidamada, kuwaas oo ka warbixiyay amniga dalka iyo dadaalada socda ee halganka loogu jiro xoreynta dalka. Madaxweynaha ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan dalka oo xor ah, si nabad ahna ay ugu kala gooshayaan magaalooyinka iyo deegaannada la xoreeyay. Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka hadlay amniga magaalada Muqdisho, isaga oo hay’adaha ammaanka ku ku bogaadiyay sida ay u xaqiijiyeen nabad-geyada. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyey in ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada dowladda Soomaaliya. Shirka ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo dalka uu ku jiro marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab oo qudheeda kordhisay weerarada ay ka fulineyso gudaha dalka. Weerarada ayaa qaarkood waxa ay ku beegsataa xarumaha ciidamada iyo kuwa hay’adaha dowladda, waxaana ugu dambeeyay qaraxii ismdaaminta ee Kuliyadda Jaalle Siyaad. The post Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyaya shir xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  17. Trade association the Mauritanian British Business Council (MBBC) (www.MauritanianBritish.com) has partnered with Energy Capital & Power (ECP) (www.EnergyCapitalPower.com) for the upcoming MSGBC Oil, Gas & Power 2023 conference and exhibition. The event will take place in Nouakchott from November 21-22 under the auspices of Mauritanian President Mohamed Ould Ghazouani. The MBBC was founded with the primary goal of establishing healthy, mutually beneficial partnerships between the United Kingdom and Mauritania. The council’s goal is to promote sustainable development and the exchange of knowledge and best practices. One of its critical duties is to connect UK firms to commercial prospects in Mauritania and to provide guidance and support to UK organizations operating in the country. The strategic partnership between ECP and MBBC is expected to create opportunities for both countries to expand economic connections in a variety of areas. With its major natural gas finds and green hydrogen potential, Mauritania has emerged as a prominent participant in the global energy scene, and as such, the collaboration comes at a critical juncture for both the UK and Mauritania. British-based multinational energy corporation bp is already spearheading UK investment in Mauritania with the firm spearheading developments such as the Birallah and Greater Tortue Ahmeyim projects. The MSGBC Oil, Gas & Power 2023 event seeks to provide a suitable environment for enterprises to explore commercial prospects and investment potential in each other’s markets by participating in conversations with key stakeholders. “With access to leading national and international organizations, as well as influential business leaders in Mauritania, the MBBC’s unparalleled network will play a crucial role in nurturing and strengthening bilateral relationships at the MSGBC Oil Gas & Power 2023 conference and exhibition.” said Sandra Jeque, International Conference Director. Now in its third edition, the MSGBC Oil, Gas & Power 2023 conference takes place under the theme, ‘Scaling Energy Opportunities in Africa’s New Frontiers.’ The event convenes movers and shakers from across the regional and global energy sectors, and represents the premier platform for the MSGBC energy sector. For more information, visit https://apo-opa.info/3YUMr6o. Distributed by APO Group on behalf of Energy Capital & Power. SOURCE Energy Capital & Power Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo ka qayb-galay munaasabad ballaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa xarigga ka jaray xarunta Bangiga Dhiigga Qaranka oo xilligaan muhiim u ah Soomaaliya. Munaasabaddan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa madaxda sare ee wasaaradda caafimaadka, xildhibaano, wasiiro, dhaqaatiir iyo marti-sharaf kale. Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay xoogga saareyso horumarinta iyo soo-nooleynta adeegyadii bulshada oo ay ugu horreeyaan Caafimaadka iyo Waxbarashada. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xaruntan dhiigga ay xilligan baahi weyn u qabeen guud ahaan bulshada Soomaaliyeed. Xamza ayaa sidoo kale ku ammaanay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada hirgelinta xaruntani, isaga oo shaaciyay in tani ay ka tarjumeysa xaqiijinta yool muhiim ah. “Dalkeennu wuxuu kamid yahay waddamada ay ka dhacaan musiibooyinka, taas oo lagama maarmaan ka dhigeysa in la helo xarun keydisa dhiigga” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu. Si kastaba, Bangiga Dhiigga Qaranka oo la aas-aasay sannadkii 1976 dii ayaanan hawlgelin muddo ku dhow soddon sanno, waxaana dib-u-howlgelintiisu ay buuxin doontaa baahi weyn oo ay dadka Soomaaliyeed u qabeen in ay helaan keyd loogu hagaago dhiigga. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Sawirro: R/Wasaare Xamza oo maanta xarigga ka jaray xarun muhiim u ah Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  19. Xildhibaannada beelaha East Burco Clan oo si adag uga Hadlay Xadhiga Bushaaro Baande Hargeysa (Qaran news)- Xildhibaannada beelaha East Burco Clan ee ku jira Golaha Wakiillada ayaa cambaareeyay xadhiga weriye Bushaaro Baande oo ay tilmaameen inay 88 maalmood ah si caddaalad darro ah ugu xidhan tahay Hargeysa. Xilshibaanadu waxay sheegeen in xeer ilaalinta iyo bahda garsoorku ku fashilmeen kiiska suxufiyadaas oo ay ku eedeeyeen inay ku tacadiyeen weriyahaas, waxayna sheegeen in xataa laga hor istaagay inay dhakhtar madaxbannaan oo ay u baahan tahay ay hesho. Xildhibaannadaasi waxay ku baqeen in xeer ilaaliyaha guud iyo Guddoomiyaha maxkamadda sare looga yeedho golaha Wakiilladda si loogala xisaabtamo kiiska suxufiyadaas oo kolba rumaan dheeraad ah loo diray. Waxa kaloo ay xildhibaannadaasi ka dayriyeen caddaaladda dalka oo ay xuseen in ha’yadihii qaabilsanaa ay ku milmeen Xukuumadda. Qaran News
  20. (TİKA) provided seed and fertilizer support to the farmers in Somaliland. Carried out with the cooperation of the Ministry of Agriculture of Somaliland and TİKA, in the scope of the Agricultural Development and Fight Against Drought Project, seed and chemical fertilizer (Sorghum, corn, pea seeds) support was provided to 100 farmers. Increase in the productivity and quality of the agricultural output were aimed at the project With the project put into practice in 2021, motor pumps and agricultural equipment were provided to farmers. The development of the farming areas of the surrounding villages of the city of Hargeisa, increase in the productivity and quality of the agricultural output, taking precautions for the possible shortage considering the region’s geographic and climatic characteristics and fighting against drought were aimed at the project. Minister of Agriculture of Somaliland, Abdulkadir Iman Warsame; Republic of Turkey’s Deputy Consul General, Onuralp Doğan Çakır; TİKA’s Coordinator in Somalia, İlhami Turus and the farmers that will benefit from the project attended the delivery ceremony. Distributed by APO Group on behalf of Turkish Cooperation and Coordination Agency (TIKA). Qaran News
  21. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray Xarunta Bangiga Dhiigga Qaranka oo ay baahi weyn u qabeen bulshada Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda ay xoogga saareyso horumarinta iyo soo-nooleynta adeegyadii bulshada oo ay ugu horreeyaan Caafimaadka iyo Waxbarashada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada hirgelinta xaruntani oo ka tarjumeysa xaqiijinta yool muhiim ah. Bangiga Dhiigga Qaranka oo la aas-aasay sannadkii 1976 dii ayaanan hawlgelin muddo ku dhow soddon sanno, waxaana dib-u-howlgelintiisu ay buuxin doontaa baahi weyn oo ay dadka Soomaaliyeed u qabeen in ay helaan keyd loogu hagaago dhiigga. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xamse oo xarigga ka jaray Xarunta Bangiga Keydka Dhiiga ee Qaranka appeared first on Puntland Post.