-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Saddex qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen dagaal shalay ka dhacay magaalada Laascaanood, nin nabaddoon caan ahaa, oo lagu magacaabi jiray Amiir Jaamac uu isna ku dhintay madfac ku dhacay goob uu joogay. Waa kumaa Amiir Jaamac Maxamed Mire? Amiir Jaamac maxamed Mire oo lagu naanaysi jirey Digaale, wuxuu ku dhashay magaalada Laascaanood sanadkii 1942. Yaraantiisii wuxuu ku koray miyiga magaalada, kadibna wuxuu u soo wareegey magaalada Laascaanood oo aabbihii Maxamed Mire ka mid ahaa dadkii aasaasay magaalada ganacsina ku haystey. Noloshiisu waxay u badnayd dhinaca ganacsiga iyo nabadaynta bulshada Soomalida. Ganacsigii ugu ballaadhnaa wuxuu ku lahaa magaalada Burco, wuxuu ahaa milkiilaha Hotel Daalo, dhanka kale wuxuu ka ganacsan jiray xoolaha. Amiir Jaamac muddadii burburkii dawladdii Soomaaliya wuxuu door laxaad leh ka qaatay dadaalladii nabadeed ee lagu heshiisiinayey beelaha reer woqooyiga gaar aha shirarkii Ceerigaabo oo ah meesha uu ka raacay magaca Amiirku. Amiir Jaamac wuxuu soo qabtay xilka guddoomiyaha gobolka Sool sannadihii 1999-2001. Sanadihii la soo dhaafay wuxuu ahaa nin oday ah oo laasimay masaajidka, muxtarimna ka ah magaalada, sida uu noo sheegay qof qaraabadiisa ah. Amiir wuxuu aabbe u ahaa 13 carruur ah oo kala ha 7 wiil iyo 6 gabdhood. Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddoo ka badan toddobaad jooga deegaanada Galmudug ayaa wali wada abaabulka howgallada iyo xoreynta deegaannada maamulka goboleedka Galmudug. Madaxweynaha oo arrintaas ka duuliya muhiimadda ay leedahay ayaa wali wada kulamada wadatashiga ah uu la yelanayo bulshada qeybaheeda kale duwan, isaga oo kala hadlaya sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada maamulka ay kaga sugan yihiin. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo kulan gaar ah la qaatay dhaqanka iyo waxgaradka ayaa wuxuu si gaar ah kala hadlay sidii ay doorkooda hoggaamineed uga qaadan lahaayeen qorshaha dib loogu xoreynayo deegaannada ay la isku yiraahdo Galmudug. Madaxweynaha ayaa ku booriyay in ay ka hortagaan qorshekasta oo kala qeybinayso bulshada ku nool Galmudug, waxaana kulamadaan ay kusoo aadayaan xilli dowladdu ay wado qorshe ay kula wareegeyso deegaanno dhaca bariga gobolka Galgaduud. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Urur siyaasadeedka Mideeye ayaa jawaab ka bixiyay baaq uu dhawaan jeediyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni kaas oo ahaa in Mideeye ku soo noqdo hannaanka doorashooyinka qof iyo cod. War-saxaafadeed ka soo baxay urur siyaasadeedka Mideeye ayuu ku caddeeyay in aysan diiddanayn doorashooyinka hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod islamarkaana ku kalsoon yihiin codka shacabka. Waxaase Mideeye u soo jeediyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni in uu aqbalo wada-hadal ay isugu yimaadaan dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah si looga wada-hadlo khilaafaadka ka taagan hannaanka doorashooyinka qof iyo cod. Ururka ayaa sidoo kale madaxweyne Deni u soo jeediyay in uu gebi ahaanba ka laabto wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Puntland kaas oo uu ku tilmaamay mid sharciga baal-marsan. PUNTLAND POST The post Urur siyaasadeedka Mideeye oo si adag ugu jawaabay madaxweynaha Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaanka sare e SSC-Khaatumo ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray wuxuu kaga hadlay weerar loo adeegasaday madaafiic culus oo shalay lagu duqeeyay aagga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. SSC ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaas oo ka yimid dhanka Somaliland lagu duqeeyay magaalada, isla-markaana uu ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur. Qoraallka ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in duqeynta ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 6 qof, ayna ku dhaawcmeen 19 kale oo dhammaan ah dad shacab. Sidoo kale waxaa SSC sheegtay in weerarkan lagu burburiyay guryo iyo xarumo ganacsi oo ay lahaayeen dad shacab ah. “Maleeshiyaadka Somaliland duqayn ayay nagu wadeen ilaa saaka, duqayntu waxay dishay 6 qof 19 kalena way dhaawacday, guryo iyo ganacsiyana way burburisay, hogaanka fulinta ee Khaatumo waxay markale ku celinayaan in ay dadkooda difaaci doonaan” ayaa lagu yidhi warbixinta. Dadka ku dhintan duqeynta waxaa kamid ah miir Jaamac Maxamed Mire oo ahaa Nabadoon caan ah oo kasoo jeeda gobolk Sool, kaas oo ku ku geeriyooday madfac ku dhacay goob uu joogay. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Somaliland oo ku aadan eedeyntaas uga timid dhinaca Khaatuma ee ku aadan duqeyntii shalay. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada labada dhinac ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan aagga xerada Goojacadde, halkaas oo laga dareemayo xaalad adag. Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid deggan, inkastoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay hanjabaadyo isku marinayeen warbaahinta. The post SSC-Khaatumo war kasoo saaray duqeyntii Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Jubbaland, gaar ahaan kuwa Nabad-Sugidda ee maamulkaasi ayaa ka hortegay weerar qarax ah oo Al-Shabaab ay doonayeen inay ka geysteen gudaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Ciidamada NISA ee Jubbaland oo howlgal ka sameeyay Kismaayo ayaa ku guuleystay inay soo saaraan qarax miino oo lagu aasay mid kamid ah waddooyinka magaaladaasi. Qoraal kooban oo taliska kasoo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxaan laga dhibaateyn rabay shacabka, balse ka hortageen ciidamada ammaanka. Hay’adda Nabad-Sguddiga Jubbaland ayaa sidoo kale u mahadcelisay dadka deegaanka oo ay sheegtay inay lasoo wadaageen xogta qaraxaasi, taas oo keentay in la fashiliyo “Waxaan u mahadcelineynaa bulshada magaalada Kismaayo ee sida joogtada ah usoo wargelinaya ulana shaqeynaya laamaha amniga” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed. Sidoo kale wuxuu talisku intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socda halkaas, si looga hortago falalka amni darrada ah. Kismaayo ayaa waxa inta badan weerar xoogan ka fulisa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo isugu jir weeraro toos ah, qaraxyo iyo sidoo kale dilal qorsheysan. Kooxda ayaa sidoo kale howlgallo ka fulisa deegaanada u dhow magaalada Kismaayo, ayada oo inta badan beegsaday xarumaha ciidamada huwanta ee ku yaalla halkaasi. Si kastaba, Jubbooyinka oo ah halka ugu xoogan badan yihiin xoogaga Al-Shabaab ayaa la filayaa in dhowaan uu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab. The post JUBBALAND oo ka hortegtay qarax lagu diyaariyay KISMAAYO appeared first on Caasimada Online.
-
Qarax weyn ayaa laga maqlay keydka gantaallada maleeshiyaad taabacsan Iiraan ay ku leeyihiin bariga caasimadda Suuriya ee Dimishiq sida laga soo xigtay koox la socota xaaladda Suuriya. Dadka deggan gobolka Dimishiq ayaa maqlay qaraxyada oo ka soo yeerayay kaydadka maleeshiyaad taageersan Iiraan ay ku leeyihiin dhul buuraley ah oo bariga ka xiga caasimadda, sida ay sheegtay kooxda la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya ee fadhigeedu yahay Britain, taasi oo xogta ka hesha dad ku sugan gudaha dalkaasi. Rami Abdel Rahman oo ka tirsan kooxda ayaa u sheegay AFP in aysan garaneyn in qaraxa uu sababay duqeyn dhinaca cirka ah oo lala beegsaday ama ay qarxeen walxo goobta yaalla. In ka badan toban sano oo uu socday dagaalka Suuriya, dalka ay dariska yihiin ee Israa’iil ayaa boqolaal duqeymo ah ku qaaday dhulka Suuriya, iyadoo ay ugu horreyso weerarada ay la beegsato ciidamada taageerada ka hela Iiraan iyo Xisbullah. Afar askari oo Suuriyaan ah iyo laba dagaalyahan oo ay Iran taageerto ayaa Isniintii la soo dhaafay lagu dilay duqeymo ay Israa’iil ka geysatay meel u dhow magaalada Dimishiq, waana duqeymihii ugu dambeeyay ee diyaaradaha dagaalka Israa’iil ay ka fuliyeen caasimadda dalkaas. PUNTLAND POST The post Qarax weyn oo gilgilay xarun lagu keydiyo gantaalaha oo ku taalla Suuriya appeared first on Puntland Post.
-
Somalia and the UN agencies said Sunday they are rolling out a five-day cholera vaccination campaign in five districts targeting 590,803 people aged one year and above including pregnant mothers. Source: Hiiraan Online
-
A group of farmers, development partners, academicians and business people from Somalia has been on a three-day tour of Kenya for an agricultural tour. Source: Hiiraan Online
-
Qatar Charity (QC) continues to organise Umrah trips for the sponsored orphans of numerous countries. Recently, a trip was held for 20 individuals in Somalia as part of the comprehensive care programmes of the ‘Rofaqa’ initiative. Source: Hiiraan Online
-
The Horn of Africa could be on the brink of more severe droughts due to ongoing human-induced global warming. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in walxaha maanka-dooriya uu fara ba’an ku hayo maamulka Puntland. Madaxweyne Saciid Deni ayaa nasiib darro ku tilmaamay in qaar kamid ah ciidamada ay qeyb ka noqdaan dadka isticmaala, xilli maamulka uu si adag ula dagaalamayo noocyada kala duwan ee maandooriyaha. “Waa in la xakameeyaa isticmaalka muqaadaraadka oo ayaamahaan dambe aad usoo kordhay, kuwii la rabay in ay xakameeyaan ee ciidamada ah ayaa ku laban dadka isticmaala, waana nasiib darro,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Sidoo kale waxa uu faray ciidamada, saraakiisha, masuuliyiinta, shacabka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in si wadajir ah loola dagaalamo mukhaadaraadka, si looga hortago dhibaatooyinka ka dhalan kara “isticmaalka walxaha maanka-dooriya.” “Waa nasiib darro waxaana loo baahan yahay in wadajir loola dagaalamo, dadka ay saameynta ku yeelaneyso way sii badaneysaa maalinba maalinta ka dambeysa, dagaalka ka dhanka ah waan wadnaa waana sii kordhin doonnaa.” Deni ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay la-dagaalanka dadka ka ganacsada walxaha maanka-dooriya iyo kuwa isticmaala, isaga oo soo jeediyay in lagu garab istaago howl-galladaasi. Puntland ayaa dagaal adag kula jirta kooxaha ka ganacsada maandooriyaha ee ku sugan magaalooyinka maamulkaas, islamarkaana dhibaatada ku haya bulshada. Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli ay caasimada Puntland ee Garoowe ay ka taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay damaca madaxweyne Saciid Deni ee furista dastuurka Puntland iyo khilaafka doorashooyinka maamulka. The post DENI oo shaaciyay dhibaato weyn ee haysata Puntland appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Sheekh Aadan Madoobe ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Katriona Laing iyo wafdi ay hoggaamineysay. Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay dagaalka Al-Shabaab, wada-shaqeynta Baarlamaanka iyo taageerada Qaramada Midoobe ee dib u dhiska dalka iyo arrimaha horumarinta, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska guddoomiye Aadan Madoobe. Ergeyga oo ayaa guddoomiyaha warbixin ka siisay booqashooyinkii ay ku tagtay maamul gobaleedyada dalka, ayada guddoomiyaha la wadaagtay sida loogu taageeri lahaa arrimaha horumarinta dalka, xoojinta dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab oo meel wanaagsan maraya. Sidoo kale waxay xustay sidii Baarlamaanka kaalin uga qaadan lahaa war-murtiyeedkii Golaha Madasha Wada-tashiga Qaranka, kaasi oo wax loogu sameeyay hanaanka dowliga ah ee dalka iyo doorashooyinka. Marwo Catriona ayaa intii juu socday kulankaan adkeeysay ahmiyadda ay leedahay taageerada Baarlamaanka iyo sidii loogu taageeri lahaa tayaynta khibrada Xildhibaannada iyo howl-wadeennada. Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa gunnaanadka kulanka boggaadiyay shaqada baaxada leh ay u heeyso Qaramada Midoobay taageerada joogtada iyo kor u soo qaadida nabada iyo xasiloonida dalka. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Baarlamaanka Soomaaliya uu ka shaqeyn doono waxkasta oo dan u ah qaranimada iyo horumarka Shacabka Soomaaliyeed. The post QM oo Aadan Madoobe u sheegtay inay doonayaan in baarlamanku qeyb ka noqdo… appeared first on Caasimada Online.
-
Dullucda Kulan Wasiirka Khaarajiga Somaliland la Yeeshay Baarlamaanka Sweden Stockholm (Qaran news)- Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud ayaa kulan la qaatay xildhibaano ka tirsan guddida Arrimaha Dibedda Baarlamaanka dalka Sweden, kulankaasi oo lagaga wada hadalay xidhiidhka iyo iskaashiga Somaliland iyo Sweden ay wadaagaan. Kulanka oo ka dhacay Baarlamaanka Sweden ayaa la sheegay in Wasiir Dr Ciise sharaxaad ka siiyey xildhibaada ka tirsan Guddiga Arrimaha Dibeda xaalada dibedda iyo gudaha Somaliland wakhtigan iyo duulaanka kooxaha huwantu (Argagxisada, Puntland iyo kooxo la marin-habaabiyey ee Sool) ku soo qaadeen Somaliland si loogu dhaawaco nabada iyo xasiloonida dalka. Kulanka oo uu goob-joog ka ahaa Safiirka JSL u fadhiya dalka Sweden Md. Sakariye Xasan Wacays ayaa xubnaha xildhibaanada loo dhiibay qoraalo ka hadlay horumarka Somaliland iyo hadafkeeda aqoonsi ay caalamka ka hesho. Dhinaca kale Xildhibaan Markus Wiechel oo ka tirsan Guddiga Arrimaha Dibedda ee Baarlamaanka Sweden ayaa soo dhoweeyey kulanka Wasiirka Dr Ciise, isla markaana sheegay inuu taageerida qadiyada madaxbanaanida Somaliland bilaabay sagaal sannadood hortood. Fariin uu ku baahiyey bartiisa Twitter Xildhibaan Markus ayaa ku sheegay in xildhibaano xisbiyo kala duwan mooshin la xidhiidha aqoonsiga Somaliland u gudbiyeen baarlamaanka Sweden. “xildhibaano badan ayaa ka qayb qaadanaya taageerida guusha Somaliland. Waxaa jira koox saaxiibtimo baarlamaanka ah, iyo mooshinno ay diyaariyeen xildhibaanno ka kala socda xisbiyo kala duwan. Xildhibaan Markus ayaa nasiibdaro ku tilmaamay in Somaliya oo dal qalalaase ah mucaawinooyin bdan caalamka ka helo, halka Somaliland oo xasilooni ka jirto aanu taageero helin. “Soomaaliya taagero badan ayey heshaa halka Somaliland aanay helin, haddana Somaliland waxa ka jira hay’ad dawladeed oo shaqaynaysa, halka ay Soomaaliya ka jirto dawlad la’aan. Waa murugo.” Ayuu yidhi Xildhibaan Markus. Qaran News
-
Belweweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka kacay suuqa Darwiish oo ku yaalla gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo dhaliyay khasaare xoogan. Dabkan oo soo bilowday xalay, soona gaaray illaa saaka ayaa saameeyay goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi, mana cadda illaa iyo hadda waxa dhaliyay. Illaa dhowr iyo 10 goobood oo ganacsi ayaa ku basbeelay dabkan, balse ma geysan wax khasaare nafeed ah, sida laga soo xigtay dadka deegaanka. Mid kamid ah ganacsatada suuqa oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa faah-faahin ka bixiyay dabkaasi, wuxuuna sheegay in bubur xoogan uu soo gaaray suuqaasi. “Meesha waxaa ka kcay dab aad u xoogan khasaare aad u fara badana waa ka dhashay, wuxuuna ka kacay suuqa Daraawiishta, meesha burbur aad u xoogan ayaa ka dhacay dabka xalay ayuu soo billowday, illaa saaka ayaana lala daala dhacayay” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Beledweyne aysan laheyn wax gaadiid dab damis ah, taasina ay keentay in dabka uu qaato saacado fara badan. “Wax dab damis ah oo na soo gaaray ma jiraan, booyado ay soo direen shirkado ganacsi oo magaalada ku yaalla iyo biyo laga soo qaaday xaafidihii dhowaa ayaa lagu damiyay” ayuu sii raaciyay. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariqay in aysan xittaa gurmad ka helin maamulka gobolka iyo kan degmada intaba, maadaama ay qabsatay xaalad adag. The post Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha dab maanta ka kacay suuqa Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
-
Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in isbahaysi argagixiso ah, maleeshiyaad, iyo ciidamada Puntland ay soo weerareen ciidamada Qaranka ee ku sugan gobolka Sool. Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland ayaa lagu sheegay in weerar gardaro ah lagu soo qaaday ciidamada Somaliland ee ku sugan jiida Sool. “Wasaarada Gaashaandhiga JSL, waxay si xoog ah u cambaaraynaysa talaabada gardarada ah ee doqoniimada ah, ee ay saaka ku kaceen maleeshiyaadka Laascaanood, ciidamada Puntland iyo kooxo argagixiso ah oo caan ah”Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeeda. Waxa warbixinta lagu sheegay in Somaliland ay talaabadan u aragto mid khatar ku ah amniga, waxayna sheegtay in ciidamadeedu ay si geesinimo leh iskaga difaaceen weerarka, isla markaana ay burburiyeen ciidamadii weerarka soo qaaday. Somaliland beesha caalamka ayay ugu baaqday in ay kala qaybgasho cambaaraynta weeraro argagixiso, iyada oo sheegtay in dagaalka argagixisadu u baahanyahay iskaashi. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii guud ee madaxtooyada Soomaaliya Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud ee dhawaan aan baahinay xogta is-casilaadiisa ayaa maanta soo saaray qoraal uu uga hadlayo arrimaha ku xeeran xil ka tagistiisa. Xuseen oo xilka agaasimaha guud ee Villa Somalia hayay tan iyo 23 May 2022, ayaa waxa uu sheegay in uu isku casilay damaciisa siyaasadeed ee xilka u sarreeya maamulka Koonfur Galbeed. “Waxaan uga tagey xilkii Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya kaddib markii uu igu xoogeystay dareen i weheshaday oo ah xaaladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo markii aan in badan dhageystay tallooyinka shacab iyo siyaasiin badan gaar ahaan kuwa deegaanka, garowsadayna in ay lama huraan tahay inaan waqti dheeraad ah siiyo ka shaqeynta danaha dadka iyo deegaanka Koonfur Galbeed,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii ay bulshada reer Koonfur Galbeed u heli lahaayeen is-beddel loo aayo si nabad iyo dimuqraadi ahna ku yimaada. “Waxaan sii wadi doonaa oo aan gelin doona dadaal aan kala go’ lahayn guud ahaan ka qaybqaadashada dadaallada dowlad dhiska ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh u taagan yahay,” ayuu sidoo kale ku yiri qoraalka uu soo saaray Xuseen Sheekh Maxamuud. Waxa uu ka codsaday bulshada reer Koonfur Galbeed in ay ku garab istaagan arrintaan, isagoo ballan-qaaday in uu hormuud ka noqon doono sidii reer Koonfur Galbeed ay ku heli lahaayeen hoggaamin leh sinnaan, caddaalad, karti iyo ammaano dhinac kasta ah. Hoos ka aqriso qoraalka Xasan oo dhameystiran; Bismillaah, Marka hore waxaan umadda Soomaaliyeed la wadaagayaa in aan si rasmi ah isaga casilay xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo aan haayay laga soo billaabo 23 May, 2022. Waxaan marka xigta Alle ka sokow u mahadcelinayaa Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo mas’uuliyaddan ii igmaday, fursadna ii siiyay inaan dalka u adeego. Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa mas’uuliyiinta iyo howl-wadeenada kale ee garabka ii ahaa muddadii aan mas’uuliyaddaas haayay. Muddadaas kooban ee aan haayay xilkan, wuxuu Ilaah igu guuleeyay inaan si hufan u guto waajibaadkayga, is-beddel la taaban karana ku soo kordhiyo Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan hufnaanta maamulka ee xafiiska iyo ku gacansiinta Madaxweynaha siyaasadihiisa ku wajahan dawlad-dhiska Soomaaliya. Waxaan uga tagey xilkii Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya kaddib markii uu igu xoogeystay dareen i weheshaday oo ah xaaladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo markii aan in badan dhageystay tallooyinka shacab iyo siyaasiin badan gaar ahaan kuwa deegaanka, garowsadayna in ay lama huraan tahay inaan waqti dheeraad ah siiyo ka shaqeynta danaha dadka iyo deegaanka Koonfur Galbeed, taas oo aan aaminsanahay in ay u baahan tahay hoggaan leh lexejeclo, aqoon, ammaano, waayo-aragnimo iyo damiir ummadeed una horseeda deegaankaas horumar dhanka amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo mid bulshaba leh, si looga faa’ideysto kheyraadka Alle ku manaystay Koonfur Galbeed islamarkaana ay hormuud ugu noqoto dalka intiisa kale. Waxaan sii wadi doonaa oo aan gelin doona dadaal aan kala go’ lahayn guud ahaan ka qaybqaadashada dadaallada dowlad dhiska ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh u taagan yahay, gaar ahaanna sidii ay bulshada Koonfur Galbeed u heli lahaayeen is-beddel loo aayo si nabad iyo dimuqraadi ahna ku yimaada. Ugu dambeyn waxaan si xushmad iyo qadarin leh uga codsanayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Koonfur Galbeed inay garab igu siiyaan xaqiijinta himilooyinkaas aniga oo Alle hortiis ballanqaadaya in aan hormuud ka noqon doono sidii reer Koonfur Galbeed ku heli lahaayeen hoggaamin leh sinnaan, caddaalad, karti iyo ammaano dhinac kasta ah. Wabilaahi Towfiiq The post Agaasimihii Villa Somalia oo shaaciyey sababta uu isku casilay iyo qorshe uu wato appeared first on Caasimada Online.
-
Divided into we and they, S/land will be history. Dictatorship is supposed to be, and of course it is, a system of the earlier centuries that has lost its shine and sheen. Why and how dictatorship has lost its relevance in this time and age is that dictators had been always engaged in doing more harm than doing good for people. Among the worst Dictators some African and Asian countries have seen include Mohamed Siyad Barre, the most talkative and the least educated dictator, who was seen fleeing from Mogadisho with a loot of unaccounted wealth, Mobute Sese Seko of Zaire, who amassed an opulent wealth estimated to be over US$5 billion by selling his nation’s riches, the self-proclaimed Emperor Jean Bedel Bokassa of Central Africa, who was accused of slaughtering his critics and eating their flesh, but In his final days after being deposed from office, was posthumously rehabilitated by President François Bozizé in 2010, Muammar Qaddafi of Libya, who died from injuries sustained in a firefight when loyalist forces attempted to free him, although a video of his last moments shows rebel fighters beating him to death, Ferdinand Marcos from Philippines, who engineered the biggest money laundering in Philippine history, whose wife Imelda Marcos had more than three thousand pairs of Gucci shoes, one of the most expensive shoes of Italian origin and the list goes on and on. Dictators are rulers who wish to see whatever they say goes, regardless of what the majority of their citizens think. How dictators make that dream come true relies on some strategies that dictators share in common. The two Colonels are no exception and their own political strategies include: a) To keep highly educated individuals away from positions of influence and authority within their administration.. They often invite yes-men to their system, rather than to welcome men of wisdom and courage to S/land government. The chief goal of this strategy is to marginalise potential elites to ensure their continued survival in power; b)To use the threat of arbirary arrests as a regular tool to intimidate powerful critics into accepting their ruling system. Character assassination s also a common tool that the Colonels always resort to when they feel that their might and main are at risk; c) To destroy the separation of powers, in order to consolidate their control and undermine checks and balances; d) To consider themselves as exceptional individuals who deserve entitlement and therefore never imagine that they need ideas that can create things that never were. The two Colonels only regurgitate what those before them used to do and think it is new. Remarkably, the two Colonels look at their past history in anger and look at the future in fear. They never even forgive before they pray, if they perform the prescribed daily prayers. Politics is just a mindset, the more you exercise it and improve the definition of how you exercise it, the stronger it becomes and the more it can expand and attract more people. This is how intellectual leaders understand both politics and power. Looking closely at how the two Colonels used and stlll use to behave and exercise power and politics, we appallingly come to realise that political messages are on the rise and that it is important to understand not only what people like me are saying, but the mindset that is motivating the two Colonels’ ruling styles and their reasoning – the way they use the power that is entrusted with them and define the legitimacy of how they execute it. First of all, the faculty of how this country is to be led and ruled aright has just passed the level that the two Colonels could understand. The theory of public policies is basically more complicated than how the two Colonels had at first realised. Here is one good evidence of what inspires Colonels’ leadership behavior. By centralising power within the executive branch and weakening or co-opting other branches of government, such as the useless Guurti, the judiciary and the legislative, the two Colonels have ignorantly eroded the separation of powers. All S/land legal institutions have become workplaces that endorse and enforce whatever Muse Bihi and his administration suggest, resulting in letting all other government branches be their liabilities. The reason why the Colonels do want to keep all branches that constitute the government under their tight control is to hide their abuse of power for their own personal gains. The erosion of separation of powers, which is the division of government responsibilities into different branches to limit any one branch from exercising the functions of another, has accelerated Muse Bihi’s free-riding opportunities to put S/land under one man rule, resulting a form of government in which Muse Bihi and his two helpers, Mohamed Kahin and Saleebaan Geel possess absolute power without S/land’s effective constitutional limitations. Without reflection, Muse Bihi went blindly on his way, creating more ill-planned and ill-articulated moves, and failing to achieve anything useful. The outcome of “I-rule-S/land-as-I-want-and-wish attitide’ is that S/land is now sitting down to the banquet of blood that oozes out of dead bodies, of brothers, causins, nephews and neighbours killing one another The armless teens who were slaughtered indiscriminately in Hargeisa, Burco and Eerigaabo cities by Muse Bihi’s special security secret services during the peaceful demonstration tbat was held by opposition parties on 11 August 2022, the war in Lasanod that affected S/land socially, economically and politically, the rebels that recently climbed Gacan-libaax mountain and the war that happened between them and RRU forces on 11 August 2023, all these events and their grieve casualities and consequences occured as a result of foolish and failing politics engineered by Colonel Muse Bihi, Colonel Mohamed Kahin, who only knows how to level baseless allegations and accusations at Abdirahman Cirro, and Saleebaan Gaal, who in today’s Guurti session openly defined the war that happened between Gacan-libaax dissidents and RRU forces as a war between a particular clan and all other S/land clans. It is a modus operanda that re-enforces the beginning of the phase two of the war in 1994. The question that needs asking is: Can S/land survive under the leadetship of the two Colonels? It is true that attempts by the two Colonels to keep S/land population in a constant seesaw, confusion and uncertainty is not what common sense understands. To see S/land societies divided into four sections is not also what can encourage how this country could be saved from devastation and destruction. Evidently, hereunder is how S/land societies are divided:- a) Clans that tribalism motivates them and just ralliy blindly behind Muse Bihi. b) Sycophants (Guulwadayaal) who just preach that peace is important for all, but don’t really know how to find out exactly what is a threat to S/land peace and stability. These sycophants, if they want peace, must prepare for war. c) Clans that support opposition parties for they have the feeling that the time and the turn in which they should rise to S/land power has come. The fact that presidential election was intentionally postponed by the incumbrnt administration has angered those tribes that support opposition parties and that anxiety enticed them to respond to.Muse Bihi and his administration in revulsion. d) The other division is at lost of what is actually the root cause of the political conflict that only arise during presidential election times. This division is blameless because it consists mainky of poor and powerless people. The majority of S/land people, particularly people who hail from the middle tribe are worrying and frustrated. They are worrying about what the fate of S/land will look like should the confrontation between Gacan-libaax rebels and the current administration’s forces would escalate into an allout war. Of course, S/land population has the right to worry about their destiny because the breakout of civil war is a disaster that has its weight, wariness and worries. But worrying will never shape the outcome of wars. The divide that is visible in S/land population causes the society’s inability to mediate Muse Bihi and opposition parties. Rather, it encourages Muse Bihi to stick to his position to use power and even it enables him to ignore all calls for renewed efforts to enhance peace. If S/land elders, elites and intellectuals are divided on who caused and still continues to create conspiracies that only catalyse further conflicts, where the confidence and courage to make peace prevail will come from? Muse Bihi doesn’t have the ability and intellect to put everything, anything that might add fuel to the standing conflict and clashes of ideas down to the table. He is not born to do that. He believes in obstinancy, thinking that obstinancy is the weapon of the wise. He is just clear at creating enmity and everything else that worsens the present situation. Muse Bihi and his colleagues don’t know that the basics of politics is compromise, especially when political disputes arise between the ruling party and opposition parties. Having said that, division on what is good for all is the weapon of the idiots. Unity founded upon principle, upon shared values, upon truth and morality, law and order is the commitment of the wise. The moment of consciousness that doesn’t come up when events happening around us presage bad signs for the future is useless. The first, the second and the last options for resolving political conflicts are disussion and dialogue. That is, there is no other way that is less harmful than resolving differences that arise between public units than negotiation mechanisms. Negotiation is an important tool to have when conflicts do arise because it stretches our thinking and our brain’s ability to compare and contrast opposing views of the conflicting sides and assess and analyse how those views might be compromisable in a different context. Finally, the problem with S/land is not about being led, but it is about leading. And this can only be remedied at this moment if those who are now in power let their intellect, their attention and their imagination invite them to focus on how their weakness, their want, their intention and attitude define and describe their difference and dispute with the opposition parties. Non of us can predict when the two Colonels and Saleebaan Geel will realise that their likes and dislikes cannot be a skill in war at any rate. Divided into we and they, S/land will be history. By :Jamafalaag S/land, Hargeisa. jamafalaag@gmail.com As per usual the opinions expressed in this article are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga XFS Jeneraal Cabdullahi Cali Caanood oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalladii ugu dambeeyey ee ciidamada qaranka ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan dalka iyo qorshaha dagaal ee dalka ka socda. Jeneraal Caanood ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xooga saareyso raadinta iyo beegsiga goobaha ay Al-Shabaab ku sameeyaan qaraxyada ee ku yaalla deegaanada ay dalka ka joogaan. “Waxaa jira oo hadda la beegsanayaa oo cirka iyo dhulkaba laga sahmiyey baraha ay ku diyaariyaan qaraxyada, goobaha laga hoggaamiyo, goobaha lagu soo abaabulo iyo xarumahooda caafimaadka iyo saadka,” ayuu yiri Jeneraal Caanood. Afhayeenka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sameysay sahan dhanka hawada ah, taas oo suurta gelisay in la beegsado xarumihii deegaanada Buulafulaay oo gobolka Bay ka tirsan iyo Galhareeri. “Waxaa beegsigaas lagu baabi’iyey qaraxyo, xarumihii laga soo abaabuli jiray maleeshiyaadka, xarumihii saadka iyo gaadiidka, dhamaan xarumahaas waa la burburiyey, inta kalena waa noo sahansan tahay,” ayuu yiri Jeneraal Caanood. Sidoo kale wasaaradda gaashaandhigga ayaa uga digtay dadka shacabka ah eek u nool deegaanada ay Al-Shabaab joogaan inay sii deganaadaan meel Shabaab joogo ama ay ka showdahay xarun ay leeyihiin. “Qofkii howlgallada socda ay wax ku gaaraan cid uu eedayo ma jirto, howlgalkii dhulka deg deg ayuu u bilaabanayaa maalmahaan, si balaaran ayaa loo qorsheeyey dagaalka, shacabka degan Galmudug iyo HirShabeelle ha isaga fogaadeen Khawaarijta,” ayuu yiri Jeneraal Caanood. Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in markii la eego diyaar-garowga la galay uusan dagaalkaan yeela doonin weji 3-aad, isla markaana rajo badan laga qabo in labadaan weji lagu soo afjaro Al-Shabaab. Hoos ka daawo The post Daawo: DF oo shaacisay beegsi cusub oo Shabaab ay ku heyso, digniina u dirtay dad gaar ah appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Soomaaliya ayaa maanta ku dhowaaqday xarun cusub oo qaabilsan cilmi-baarista iyo ka hortagga fikirka xagjirnimada oo Soomaaliya muhiim u ah, maadaama ay ka dagaalamayaan kooxo argagixiso ah. Xaruntan cusub waxay dawladdu u bixisay Tubsan National Center, waxaana shaaciyey maanta xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u magacaabay inuu xarunta Agaaisme ka noqdo Cabdullahai Maxamed Nuur oo horay u soo noqday Wasiirka Amniga Soomaaliya, xiligii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa Maxamed Xuseen Rooble. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Agaasime ku xigeenka xaruntaas u magacaabay Ibraahim Aadan Nadaarada oo sannadkii 2016-kii kasoo goostay kooxda Al-Shabaab. Ibraahim Nadaarada ayaa mid ahaa la-taliyayaasha gaarka ah ee Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana hadda agaasime ku xigeen looga dhigay xaruntaan ka shaqey doonta ka hortagga fikirka xagjirnimada. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in xaruntan cusub ay ka mid noqon doongto hay’adaha dawladda, ayna mas’uul ka noqon doonto ka hortagga fikradaha xagjirnimada iyo gacan ka hadalka ku salaysan. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sannadkii hore markii xilka loo doortay ku dhowaaqay inuu qaabab hor leh ula dagaalamayo al-Shabaab, taasi oo aan ku koobnayn dagaalka milatariga ah, balse ay ku jiraan dagaalka dhinaca dhaqaalaha iyo fikirka. Hoos ka akhriso dikreetada lagu magacaabay agaasimeyaasha cusub: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa magacaabay Agaasimaha Guud iyo Agaasime Ku Xigeenka Xarunta Qaran ee Tubsan ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikradaha Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata. Ra’iisul Wasaaruhu markuu tixgeliyay baahida loo qabo in la dardargeliyo ka hortagga sababaha aasaasiga ah ee dhaliya ama dhiirigeliya fikirka xagjirka ah ee rabshadaha wata, waxa uu magacaabay. Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur – Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan Mudane Ibraahim Aadan Ibraahim – Agaasime Ku Xigeenka Xarunta Qaran ee Tubsan The post Dowlada oo billowday qorshe cusub iyo C/llaahi Maxamed Nuur oo madax looga dhigay appeared first on Caasimada Online.
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa Axadda maanta ah meesha ka saartay in xafiis dublamaasiyadeed uu magaalada Quddus ku yeesho ergayga cusub ee Sacuudiga u qaabilsan Falastiiniyiinta. Ergeygan cusub ee Sacuudiga ayaa waxay magacaabistiisu ku soo beegantay, iyadoo Washington ay isku dayayso in ay xiriir rasmi ah ka dhex abuurto Israa’iil iyo Sacuudiga. Safiirka Sacuudiga u fadhiya Urdun Nayef Al-Sudairi ayaa Sabtidii kordhiyay meelaha uu ka shaqeyn doono oo ay ku jiri doonto in uu noqonayo ergay qaabilsan Falastiiniyiinta. Waxaa qoraal ay baraha bulshada soo dhigtay safaaradda Sacuudiga ee Cammaan ay ku sheegtay in “Qunsulka guud ee Quddus” ay hadda qeyb ka tahay waajibaadka Al-Sudairi. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil Eli Cohen oo la hadlay idaacad ku taalla Tel Aviv ayaa sheegay in Al-Sudairi uu noqon karo ergay la kulma wakiilada maamulka Falastiin. Laakin waxa uu sheegay in aysan u oggolaan doonin in ay Sacuudigu furtaan xafiis dublumaasiyadeed oo ku yaalla Quddus, kaasi oo saameyn ku yeelan kara qorshaha socda ee la iskugu soo dhaweynayo Israa’iil iyo Sacuudiga. Israa’iil ayaa u aqqoonsan Quddus in ay tahay caasimaddeeda taasi oo uu sidoo kale 2017-kii aqqoonsatay dowladda Mareykanka, laakin aysan aqqoonsan awoodaha kale ee waaweyn ee dunida The post ISREAL oo qaaday tallaabo culus oo Sacuudiga ka dhan ah appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye ayaa maanta si wadajir ah tababar ugu furay 18 xubnood, oo iskugu jira Garsoorayaal, Ku-xigeeno Xeer-ilaaliyayaal guud, Isu-duwayaasha Wasaaradda Deegaanka ee Gobolada dalka, Saraakiil ka socday Ciidanka Booliska iyo xubno ka tirsan Jaamacadda Hargeysa. Furitaanka tababarka waxa ku wehelinayay Garsooraha Maxkamadda Sare Yaxye Cali Idiris oo kamid ah khuburada tababarka bixinaysa, ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ahna Madaxa Xafiiska Xeer-ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex Cabdiraxmaan Iid, Agaasimaha qaybta xidhiidhka Jaamacadda Hargeysa Maxamed Sulub, La taliyaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur, Madaxa Xafiiska Tababarada Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahin iyo saraakiil ka socotay Hay’adda NRCN. Tababarkani oo ku qotoma Xeerka Duur-joogta iyo sidii looga ilaalin lahaa ka ganacsiga sharci-darada ah ee lagula kaco ayaa socon doona muddo 8 cisho ah, waxanna iska kaashaday taaba-gelintiisa Maxkamadda Sare, Wasaaradda Deegaanka iyo Jaamacadda Colorado. Waxanna Tababarka bixin doona khuburo iyo xeel-dheerayaal bartay culuumta la xidhiidha deegaanka iyo shuruucda lagu ilaalinayo bed-qabka deegaanka iyo duur-joogta. Mudada uu tababarkani socdo waxa lagu lafa-guri doonaa siyaabaha looga hortago iyo nidaamka loo soo oogo eedaha la xidhiidha dambiyada laga galo deegaanka iyo duur-joogta. Ugu horayn waxa furitaanka tababarka ka hadlay Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ahna Madaxa Xafiiska Xeer-ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex Cabdiraxmaan Iid, waxaanu xusay in Garsoorku hore dedaal ugu jiray, tababarkanina la xidhiidho shaqada maalinlaha ah ee ay bulshada u hayaan, waxaanu hoosta ka xariiqay in wax lagu farxo ay tahay, in maanta Garsoorkii bixinayo tababaro ay ka faa’iidaysanayaan hay’adihii ay wada shaqaynta lahaayeen. Geesta kale Agaasimaha Qaybta xidhiidhka ee Jaamacadda Hargeysa Maxamed Sulub ayaa is-dul-taagay in ay muhiim tahay wada-shaqaynta Jaamacadaha iyo Hay’adaha dawladda, maadaama dejinta siyaasadaha ay laf-dhabar u tahay daraasadaha ay soo saarayaan jaamacaduhu. Maxamed Sulub ayaa xusay in Jaamacadda Hargeysa hadda diyaar u tahay isla markaana awood u leedahay in ay hagto siyaasadaha Qaran ee lagu waajahayo dhinacyada kala duwan ee nolosha oo ay qayb ka tahay ilaalinta duur-joogtu. Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Jamhuuriyadda Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa dhankeeda tibaaxday in bahda Garsoorku dedaal xoog leh kaga jirto sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa dambiyada laga galo deegaanka iyo duurjoogtaba, waxaanay xustay in gal-daloolooyin dhanka xeerka ilaalinta duur-joogta ahna hadda gebo-la marinayo wax-ka-bedelkii iyo kaabistii, kaasi oo wax badan ka tari doona ilaalinta iyo bed-qabka duurjoogta. Gunnaanadkii Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye ayaa sheegay in sida kaliya ee lagu ilaalin karo duurjoogtu tahay xeerka iyo in ay iska kaashadaan hay’adaha kala duwan ee wada shaqaynta leh. Waxaanu xusay in deegaanka nolosheenu ku xidhan tahay isla markaana ay waajib tahay in la ilaaliyo si jiilasha dambe innooga dhaxlaan. Guddoomiyaha ayaa bogaadiyay wax-ka-bedelka iyo kaabista xeerka, waxaanu kula dardaarmay xubnaha tababarka qaadanayay in ay dedaal badan galiyaan sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen duruusta ay bixinayaan khuburada isla markaana ugu dabaqi lahaayeen hawlahooda shaqo. Ibraahin Maxamed Cali Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare JSL Source
-
Soomaalidu waa dad aad u hal abuur badan. Kuwa badan waxa ay hibadooda iyo kartidooda ku soo bandhigaan goleyaal dhaqan iyo warbaahinno kala duwan. Mid ka mid ah hababka ugu caansan ee isqeexidda qofeed iyo gudbinta farriin waa sawirqaadista. Tani marnaba la yaab malahan maxaa yeelay sare u kaca adeegsiga taleefoonda iyo kaamirooyinka casriga ah waxaa fudeyd noqotay in sawir loo qaado madadaalo ama xirfad ahaan. Source: Hiiraan Online
