-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cabdi Maareeye ayaa u jawaabay Xildhibaan Cabdullahi Bidhaan Warsame oo maanta sheegay inay ka guuleysteen ciidamada Somaliland oo dhowr bilood ay kula dagaalamayeen Laascaanood ilaa saldhigga weyn ee Goojacadde oo shalay soo galay gacanta xoogagga SSC Khaatumo. Maareeye la hadlay Universal TV ayaa sheegay in dagaalka Somaliland iyo SSC uu ku dhisan yahay cadiifad iyo qabyaalad, isagoo ku tilmaamay nasiib darro weyn. Sidoo kale wuxuu sheegay in maanta uu aad ula yaabay hadalkii Xildhibaan Bidhaan Warsame oo ku faanay in lasoo xiray xuduuda dalka, isla markaana ay ciidamada SSC ka guuleysteen ciidamadii Soomaali diidka ahaa sida uu hadalka u dhigay. “Saaxiibkey Bidhaan maanta waan la yaabay, waa intee xuduuda lasoo xirayo, yaase qabiil gaar ah u xil saaray ilaalinta xuduudaha dalka, xuduuda Soomaaliya intey ku egtahay, waxaan waxay kuu cadeynayaan in dagaalkaan uu yahay qiyaali,” ayuu yiri Maareeye. Wuxuu intaas ku sii daray in midnimada dadka Soomaaliyeed ay masuul ka tahay dowladda federaalka, “Midnimada dalkaan anaga ayaa u taagan, waana keeni karnaa, waxaan ahay xildhibaan heer federaal ah, waana aaminsanahay midnimada Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Sidoo kale Maareeye ayaa soo jeediyey in la wadahadlo, “Waxaan aad u dhaliilayaa waxgaradka Somaliland iyo Puntland, kuwaas oo doorkoodii aan qaadan, in colaadaas ay wax ka abaabulaan ama ka aamusaan maahane,” ayuu yiri. Xildhibaan Maareeye ayaa aad u amaanay Ugaaska Beelaha Mudullood Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo dhaqankii Mogadishu Clan ee uu hoggaaminayey ee isku dayey inay colaada Laascaanood demiyaan, laakiin lagu gacan seyray. “Heshiis iyo wadahadal ayaa wax lagu dhisi karaa, walaalahey uu Bidhaan ku jiro waxaan qabaa waxa ay rabaan in loo yeelo, waa inay xuquuqdooda helaan oo aan la qasbin, midnimadu waa imaaneysaa markaas, halkaas dadka ku dagaalamaya anigaa xildhibaan u wada ah,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdi Maareeye The post Maareeye oo si adag uga hadlay dagaalkii Goojacadde una jawaabay Xildhibaan Bidhaan appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – High-level talks aimed at Somalia’s potential integration into the East African Community (EAC) are in their final stages. Held at the Kenya School of Government in Nairobi, these nine-day negotiations involve representatives from the EAC Secretariat, the East African Legislative Assembly, the East African Court of Justice, and their Somali counterparts. “Incorporating Somalia into the EAC is not just another tick on the agenda; it’s about enhancing our collective wealth and security,” says Cabinet Secretary for East African Community Rebecca Miano. She emphasized that the negotiation complies with directives from the 22nd Extraordinary Summit and falls within the legal framework governing the EAC. Importance of Somalia’s entry Somalia’s Minister for Planning, Mohamud Farah, framed his country’s possible admission as an opportunity to elevate the EAC’s overall integration efforts. “Our entry doesn’t just symbolize unity; it’s a practical way to address the Horn of Africa’s security challenges and bring tangible benefits such as expanded markets and investment,” he said. He also pointed out Somalia’s unique offerings: a youthful population, abundant natural resources, and untapped agricultural potential. “We’re not just beneficiaries; we are contributors. Our integration would be mutually beneficial,” Farah added. Rebecca Miano, Cabinet Secretary for the East African Community, cited economic imperatives as a driving force for the talks. “The EAC aims for a vibrant, expanded bloc that actively trades both internally and with external partners. Somalia’s inclusion can act as a catalyst for private-sector growth, marking a significant milestone in our collective journey,” she said. She also noted the EAC’s existing engagement in Somalia, where partner states have committed troops to the African Union Mission. “The people of East Africa are eager to welcome their Somali brothers and sisters into the community. It’s a continuation of our peace-building initiatives,” Miano highlighted. The logistics of integration According to EAC Secretary-General Dr. Peter Mathuki, the negotiations will cover various topics, from political and legal issues to social sectors and economic and trade affairs. “Our objective is to present a well-thought-out report to the next summit,” he stated, adding that the summit’s heads of state would then decide on Somalia’s admission. Mathuki was particularly optimistic about leveraging Somalia’s blue economy, specifically its extensive 3,000-kilometer coastline linking Africa to the Arabian Peninsula. “This is not just a coastal advantage; it’s an economic multiplier for the entire EAC, potentially uplifting the lives of East Africans through increased trade and fishing opportunities,” he noted. What is next? Mr. Tiri Marie Rose leads the EAC verification mission from Burundi. At the same time, Dr. Adbusalam Omer serves as the Lead Negotiator for Somalia. Also present were other Somali dignitaries, including the Minister of State for Commerce and Industry, Abdisalam Sharif. While the outcomes of these discussions are yet to be finalized, both sides have expressed optimism. “We want to ensure that both parties understand the benefits, obligations, and commitments under the treaty,” Mathuki said, affirming that the goal is a mutually beneficial partnership. The stakes are high, but the optimism is palpable. As leaders from both sides converge on the details, the broader East African community watches closely. A favorable decision could be pivotal for regional integration, economic advancement, and long-lasting peace. The post Somalia on verge of joining East African Community appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidanka Qaranka oo taageero ka helaya ciidamada cirka Mareykanka ayaa howlgal milateri ka fuliyay Gobolka Jubbada Hoose. War hordhac oo aan ka helnay hawlgalka waxaa uu xaqiijinayaa in lagu dilay 13 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab. Sidoo kale howlgalka waxaa lagu burburiyey shabakad qorsheynaysay dhagar lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay warkaan oo ay tebisay warbaahinta dowladda Soomaaliya. Howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka ayaa sii xoogeysanaya, waxayna kooxdaan ku jirtaa waayeheedii ugu adkaa. Howlgalka maanta lagu dilay xubnahaan ee ka dhacay Jubbada Hoose, wuxuu ku soo aaday iyadoo maanta dagaal xoogan uu ka dhacay degaanka Cawsweyne ee gobolka Galgaduud. Kooxda oo weerarkaas ku soo qaaday ciidankii deganaa Cawsweyne ayaa khasaare badan lagu gaarsiiyey, halka ciidamada qaranka uu soo gaaray khasaare badan. Mid ka mid ah dagaaladii ugu cuslaa ayaa maanta ka dhacay degaanka Cawsweyne, waxaana ilaa hada la helin xogta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas. Al-Shabaab oo lagu jebiyey dagaalada ka socda dalka, gaar ahaan HirShabeelle iyo Galmudug ayaa hadana wada weerarro geysta khasaare culus oo ciidamada qaranka ay u geystaan. The post Ciidanka DF iyo Mareykanka oo maanta fuliyey howlgal lagu laayey Shabaab badan appeared first on Caasimada Online.
-
“Arrimihii Khilaafka Siyaasiga ahaa weli wuu taagan yahay, waxase” Murrashax Cirro Hargeysa(Qaran news)-Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in khilaafkii siyaasiga ahaa weli ka taagan yahay Somaliland, hase ahaatee ay xiligan loo baahan yahay in loo midoobo danaha difaaca dalka. Murrashax Cirro iyo Cabdiqaadir Jirde oo maanta madaxweyne Muuse kulan ku wajahan dagaalkii shalay la yeeshay, ayaa ka hadlay waxyaabihii ay isla soo qaadeen. “Waxa aan umadda iyo shacabka reer Somaliland u caddeynayaa in Arrimaha Qaranka aanu mid ka nahay oo aanu meel uga soo wada jeedno wixii khatar amniga ku yimaadda.” Waxaanu intaas ku daray “Balse arrimihii khilaafka siyaasiga ahaa weli way taagan yihiin.” Somaliland ayaa dhaqan siyaasiya u leh inay xiliyada adag u midoobaan mucaarid iyo muxaafidba. Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – At 9:45 pm local time on Friday, the Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) in Nairobi was submerged in darkness, severely impacting its operations and inconveniencing travelers. The incident was part of a broader power outage that swept across Kenya, which Kenya Power, the national electricity distribution company, attributed to a “system disturbance.” In a significant operational failure, one of the standby generators at JKIA, intended to supply power to the main terminal, failed to activate when the blackout struck. “It’s an unforgivable oversight,” declared Transport Minister Kipchumba Murkomen in a televised news conference, adding that generators serving the flight control tower and runway were functional, ensuring “no passengers or airplanes were put in danger by the outage.” Ripple effect on tourism Tourism, one of the pillars of Kenya’s economy, took an immediate hit due to the airport’s power outage. Stranded passengers turned to social media, sharing images of the darkened terminal, which quickly went viral. “Any disruption at JKIA has a ripple effect on tourism and the broader economy,” said Murkomen, underlining the gravity of the situation. Taking swift action, the Kenya Airports Authority (KAA) board terminated the contract of Managing Director Alex Gitari and named Henry Ogoye as the acting head. JKIA’s manager, Abel Gogo, was also replaced by Selina Gor. Murkomen issued an “unreserved apology to all travelers and airport users” affected by the incident. Murkomen announced plans to promptly commission two additional generators that had already been procured to prevent a recurrence. “We are taking this matter extremely seriously. We aim to ensure that this kind of disruption does not happen again,” he stated. Electricity restored, but questions remain Though Kenya Power restored the airport’s electricity supply five hours after the initial blackout, many homes and businesses were left without power for over 15 hours. In a country that predominantly relies on renewable energy but faces ongoing challenges related to infrastructure and alleged mismanagement, the incident raises serious questions. Despite periodic power outages in the country, this is the first time in recent memory that JKIA has suffered a blackout of this magnitude. The incident puts a spotlight on the fragility of essential infrastructure at a time when Kenya seeks to bolster its international reputation as a tourism and business hub. The blackout at JKIA is more than just a passing inconvenience; it reveals serious vulnerabilities in Kenya’s most critical transportation hub. As the government and various agencies scramble to address these issues, there remains a pressing need for a comprehensive review of the country’s infrastructure and emergency preparedness systems, especially at critical installations like airports. With both leadership changes and immediate corrective measures underway, the focus now shifts to the long-term solutions needed to ensure such a disruption does not occur again. The post Blackout grounds Nairobi’s JK International Airport appeared first on Caasimada Online.
-
A secessionist entity that hoisted a flag bearing the Islamic Shahada لا إله إلا الله محمد رسول الله banks on a political fatwa. Hargeisa (PP Editorial) — The defeat of Somaliland forces at Gooja’adde base yesterday went down in Somali history as a reminder that hubris and misguided political claims about sovereignty end up in failure no matter how politically self-important an aggressor is. For six months Somaliland was shelling Laascaanood while political leaders and the “civil society” in Hargeisa went about their business without any pangs of conscience about the atrocities Somaliland forces were committing. A secessionist entity that hoisted a flag bearing the Islamic Shahada لا إله إلا الله محمد رسول الله is banking on the political fatwa issued by Sheikhs who have not spoken up against the hatred whipped by Somaliland President Muse Bihi Abdi when he claims that his forces “aim to secure the border between the ex-British Somaliland and ex-Italian Somaliland”. The Federal Government of Somalia has a role to challenge the claim of the secessionist administration that its militias are fighting terrorists and the claim that Somaliland is a sovereign republic. The Federal Government has not spoken up against those claims that resulted in the death and maiming of more than 500 civilians and the destruction of properties since February 2023. By not making its stance on the war against Laascaanood clear to protect the lives of citizens, the Federal Government of Somalia leaders have failed to discharge their duty to vocally defend the Union of Somalia; they emboldened the secessionist forces waging a war in Sool. Muse Bihi Abdi is counting the cost of hubris and megalomania. Visibly shaken President Muse Bihi Abdi of Somaliland administration today said that “the war will not stop.” It is a declaration of a political Jihad and clan war being waged by Isaaq militias against people of Laascaanood. Last week in Bura’o, he claimed that he saw a 22 year soldier in a hospital, who was shot in the back in one of the battles near Laascaanood and whose father was killed during the 1980s against the former military regime of Somalia. That said a lot about Bihi’s state of mind: the wounded soldier was born in 2001 unless Bihi believes a departed man can posthumously become a father. By justifying the killing and the maiming of Laascaanood people Bihi started a civil war far more devastating than the 1990s civil war in Southern Somalia because Bihi has not learned from the follies of the civil war. This is the time Bihi needs a wise counsel from cool heads. Bihi, Saaleebaan, Gaal (Chairman of Elders’ Council), Mohamed Kahin (Interior) and Abdirahman Sayli’i (Vice President) are men whose average age is 74. They will leave a legacy of hatred and destruction if they press on with a political jihad. People of Laascaanood and their allies have a right to defend themselves against aggression. Somalia’s days as a sovereign country may be numbered given the resumption of 1990s-style hostilities. This trend has serious ramifications for the state-building initiative that began 19 years ago under a federal system. Somaliland President refused calls from the International Community to withdraw his forces from on the outskirts of Laascaanood before his forces had been overrun by SSC forces. If he does not return from the brink of the political jihad he declared earlier today, the battlefields will increase. In November 2018 at Tukaraq Bihi was conciliatory. “There is no need to shed a blood over an issue that can be thrashed out by talking to each other. © Puntland Post, 2023 The post Somaliland Declares a Political Jihad After Gooja’adde Defeat appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa(Qaran news)-Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa shacabka ugu baaqay in ay muujiyaan midnimado, oo ay garab istaagaan ciidamada Qaranka JSL. Madax-dhaqameedka ayaa sheegay in ciidanka Qaranka Somaliland ay leeyihiin awoodii ay hore u lahaayeen, isla markaana uu qorshahoodii yahay ka madax-dhaqameed ahaan inay degaanka Oog ugu tagaan, ciidamada Qaranka si ay u dhiirigeliyaan ugana mahadceliyaan difaacad Qarankooda ee ay habeen iyo maalin u soojeedaan. Sidoo kale waxa ay bulshaweynta JSL ugu haaqay in ay midoobaan, oo difaaca Somaliland ay meel uga soo wada jeedsataan, isla markaana laga gudbo far ku fiiqiista hebel iyo hebelowyo, danta guud la wada ilaalinayo, waxaanay intaas ku dareen in wax walba laga horreysiiyo midnimada iyo difaaca Somaliland. Waxa ay bulshaweynata Jamhuuriyadda Somaliland ka codsadeen in ay ka warsugan tallaabada ay qaadayaan ciidamadu. Dhanka kale waxa ay sheegay inay degmada Ceel-Afweyn u tagi doonaan xal u helista shaqaaqo ku dhexmartay beelo walaalo ah oo wada dega, waxaanay ugu baaqeen inay qoriga dhigaan oo nabada qaataan, waxkasta oo lakala tabanayana lagu dhammeeyo miiska wada hadalka. Qaran News
-
Dhuusmareeb (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo war soo saartay ayaa faah-faahin ka bixisay weerar ay saaka dagaalyahanadeeda ku qaadeen saldhigyo ciidan oo ku yaalla deegaanka Cowswayne oo 20 KM u jira magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo is-miidaamin ah, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo xubnaha Al-Shabaab ee weerarka qaaday. Kooxda ayaa sheegtay inay weerarkan kula wareegtay saddex saldhig oo ku yaalla halkaasi, isla-markaana ay qabsadeen hubkii iyo gaadiidkii yaalay halkaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay dishay illaa 178 askari, sida ay ku sheegtay bayaanka ay soo saartay oo lagu baahiyay internet-ka. Dhanka kale dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda guul ka sheegatay dagaalka, waxayna shaacisay in ciidamada huwanta ay ka hortageen weerar uga yimid Al-Shabaab, sida ay baahisay Warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga. Sidoo kale warbaahinta qaranka ayaa intaasi kusii dartay in la fashiliyay gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kadib markii ay ciidamadu ka war heleen xogta weerarkaasi. “Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa fashiliyay weerar ay saaka maleeshiyada Khawaarijta ah ku soo qaadeen deegaanka Cowswayne oo dhawaan laga xoreeyay. Ciidanka Qaranka oo hayay xogta Khawaarijta ayaa jilibka udhigay Khawaarijta oo watay gawaari qaraxyo ku rakiban yihiin, Dagaal ayaa wali ka socda nawaaxiga deegaanka” ayaa lagu yiri qoraalka lagu daabacay waraabhinta dowladda Soomaaliya. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri “Ciidamada Qaranka ayaa maleeshiyaadka Khawaarijta ah ka sifeeyay inta badan dhulka Galmudug iyo Hirshabeelle ,waxaana socda dhamaystirka hawlgalka.” Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara sheegashada labada dhinac, balse xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, ayadoo weli dhaq-dhaqaaqyo ay ka jiraan halkaasi. Deegaankan ayaa kamid ahaa deegaano ay todobaadkii hore la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee haatan howlgallada ka wada gobolka Galgaduud. Cowswayne ayaa ah deegaan muhiim ah oo dagaal-yahaanada Al-Shabaab u ahayd goob ay ka difaacaan degmada Ceelbuur oo ay sidoo kale shalay la wareegeen ciidanka huwanta. The post Al-Shabaab oo sheegasho culus kasoo saartay weerarkii Cowswayne appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Qowdhan Warsame oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalkii xooganaa ee shalay ka dhacay bariga magaalada Laascaanood, kaas oo lagu jabiyay ciidamada milatariga Somaliland. Xildhibaanka oo hadal siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa soo dhaweeyay guusha ay gaartay SSC-Khaatuma, wuxuuna u diray hambalyo ku aadan guusha dagaalkii shalay. Cabdi Qowdhan ayaa tilmaamay in maamulka cusub ee SSC uu cagta saaray waddadii horumarka, isla-markaana uu durbo soo ceshaday xuduudihiisa, sida uu hadalka u dhigay. “Maamulka halkaa ka dhisay ee SSC-Khaatuma waxaan idin leeyahay hambalyo muddo yarbaa dhisneydeen waxaa alle idin ku guuleeyay in aad dhammaan xuduudihiinii aad hanataan, mas’uuliyad adag ayaa idin taal allahana idinku guuleeyo” ayuu yiri Qowdhan. Sidoo kale wuxuu kusii daray in Somaliland ay tacaddiyo ka geystay Laascaanood, balse ugu dambeyntee shalay iyadaga khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay dagaalka. “Meeshaa waxaa ka dhacay in maamulkii tacaddiga ku haayay laga guuleystay agabkoodii milatariga la burburiyay, maxaabiis badana laga qabtay” ayuu mar kale yiri. Dhanka kale, wuxuu farriin culus u diray dowladda Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay inay garab istaago maamulka iyo shacabka SSC-Khaatuma ee la dagaalamaya Somaliland. Hay’adaha dowladda federaalka ayuu si gaar ah uga codsaday inay adeegyadooda iyo gurmadba gaarsiiyaan xarunta gobolka Sool ee Laascaanood. “Waxaan dowladda Soomaaliya iyo hay’adaheena kala duwan ugu baaqayaa, gaar ahaan kuwa amniga iyo arrimaha bulshada inay si buuxda uga howlgalaan deegaanadaas, gaarsiiyaan waxyaabaha looga baahan” ayuu mar kale hadalkiisa raaciyay xildhibaanku. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. The post Xildhibaan ka tirsan BF Soomaaliya oo hambalyeeyay guusha SSC-Khaatumo appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay xubno ka mid ah mucaaradka, kuwaas oo oo ku jiro musharraxa xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu go’aamiyay in si midnimo leh loo wajaho dagaalka Laascaanood, lana garab istaago ciidanka milatariga. Ugu horreyn madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo hadalka qaatay ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadooda ay jawaab rasmi ah ka bixin doonaan dagaalkii shalay oo uu jab xoogan kasoo gaaray Somaliland kadib markii laga qabsaday taliskii weynaa ee Goojacade. Biixi ayaa sidoo kale tilmaamay in ay ka aargudan doonaan ciidamada huwanta ah ee ku sugan Laascaanood oo uu sheegay in dhibaato ay kasoo gaartay ciidankooda. “Waxan u sheegayaa shacabka Somaliland in ciidanku sidiisii yahay, dhibaato way soo gaadhay lakiin xoogiisii iyo fikirkiisii, geesinimadiisii iyo dal jacaylkiisii intiiba waa sidii, inshallana dhibaatada deg deg ayaynu uga soo waaqsan doonaa oo aynu uga soo aargudan doonaa cadawga huwanta ah ee dhibaatadaasi inaga soo gaadhay” ayuu yiri Muuse Biixi. Sidoo kale wuxuu shacabka ugu haaqay in ay u midoobaan difaaca Somaliland, ayna meel uga soo wada jeedstaan wax uu ugu yeeray cadow. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray inay baaris ku sameyn doonaan waxa keenay guul darrada iyo khaladka dhacay, ayna guddi wasiiro iyo xildhibaano ah u saarayaan falkaas. Dhankiisa Cabdiraxmaan Waddani oo madasha ka hadlay ayaa xoojiyay hadalka Biixi ee ku aadan in loo midoobo dagaalka ka socda Laascaanood, si loo garab istaago milatarigooda. “Waxaan u caddaynaya shacabka Somaliland in xisbiga Waddani oo aan afkiisa ku hadlayo, uu qaranka kala midaysanyahay dhamaan hawlaha qaranka iyo difaaca qaranka” ayuu yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Somaliland ay lumisay xero muhiim u aheyd ciidankeeda, taas oo ah Goojacdde, waxaana si buuxda u maamulaya ciidamada deegaanka SSC-Khaatuma oo shalay hub iyo gaadiid dagaal kusoo bandhigay xeradaas.. The post Muuse Biixi iyo mucaaradka Somaliland oo hal go’aan gaaray kadib dagaalkii shalay appeared first on Caasimada Online.
-
“Waa ku Dhaliil Xukuumadda in ilaa shalay aanay u Gurman Shaqaaqada Ceel-afweyn” Maxamuud Xaashi Hargeysa (Qaran news)-Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka KAAH, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay degmada Ceel-afweyn inay walaaloobaan oo ay meel iska dhigaan colaada. Maxamuud Xaashi wuxuu sheegay in labadaas beelood cid isku dhaantaa aanay jirin, islamarkaana ay Habar-lammaan hore ula baxeen. Guddoomiye Maxamuud Xaashi wuxuu intaas ku daray in ilaa shalay loo gurman shaqaaqada labadaas ardaa ay dhaliil ku tahay Xukuumadda Somaliland. Waxa kaloo uu ku booriyay maamulka gobolka Sanaag iyo ka degmada Ceerigaabo inay si mug leh ugu gurmadaan shaqaaqada ka dhacday Ceel Afweyn oo ay iyagu xukumaan. Qaran News
-
Urur Siyaasadeedyada Somaliland oo ku Baaqay in la is Garab Taago Ciidamada Qaranka Hargeysa(Qaran news)-Qaar ka mida guddoomiyayaasha urur-siyaasada Somaliland ayaa bulshada ugu baaqay in Ciidamada Qaranka la garab istaago. Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Barwaaqo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa sheegay in dagaalka Laascaanood ka codsada uu yahay duulaan dibedda lagaga soo qaaday JSL, kaas oo la doonayo in lagu majaxaabiyo jiritaanka Qarannimada Somaliland. Waxaanu dhallinyarada buurta Gacan-libaax gashay ka codsaday in ay nabada qaataan Qarankooda u hiiliyaan, waxaanu xukuumadda Somaliland ka codsaday in baadhitaan qoto dheer lagu sameeyo dhacdadii shalay. Guddoomiyaha urur siyaasadeedka KAAH Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa bulshada JSL, ugu baaqay inay ciidanka Qaranka isgarab taagaan, hilow iyo kalgacal la garab istaagaan oo ay taakuleeyaan, waxa uu intaas ku daray in ka urur ahaan ay jecel yihiin in bulshada horumarkeeda, walaalnimadeena isku duubnideeda la xoojiyo. Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Horseed Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal) ayaa bulshada Somaliland ugu baaqay in loo midoobo xaalada hadda dalku ku jiro. Sidoo kale waxa uu soojeediyay in meel looga soowada jeesto sidii loo difaacilahaa Qarannimada JSL. Qaran News
-
Wasiirka Qorshaynta Somaliland oo ka Hadlay Dagaalkii shalay Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka wasaaradda horumarinta Qorshaynta Qaranka JSL, Mudane Axmed Aadan Buuxane ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay gobolka Sool, waxaanu sheegay in hoggaanka ciidanka Qaranka Somaliland yihiin kuwa kartideeda iyo dadaalkeedaba leh culayskasta oo soowajaha. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in wararka lagu faafiyay baraha bulshada ay been abuur yihiin, waxaanu intaas raaciyay in aanu Qaranka JSL ahayn mid loo baqo. Dhanka kale waxa uu bulshada ka codsaday in la sugo dowladda iyo xukuumadda waxaanu xusay in hadda dib u habayn ciidan socoto, waxaanu soojeediyay in laga waantoobo wararka aan la hubbin ee been abuurka. Qaran News
-
Ceel-afweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maalintii labaad uu xiriir ah dagaal beeleed uu ka socdo aagga degmada Ceel-Afweyne, kaas oo dhaliyay khasaare xoogleh oo isugu jiro dhimash iyo dhaawac intaba. Dagaalka ayaa sii xoogeysanaya marba marka ka dambeysa, isaga oo ku fiday deegaano hoostaga degmadaasi, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka. Jiif Caaqil Ibraahin Ismaaciil Jaamac oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay xaaladda deegaanka, wuxuuna sheegay in weli dagaalka uusii socdo, khasaarahana uu kordhayo. Sida uu xaqiijiyey Caaqilku waxaa dagaalna ku dhintay ugu yaraan 5 qof iyo halka ay ku dhaawacmeen 10 kale oo isugu jiro dhinacyada dagaalamay iyo dad rayid ah. “Shalay khasaaruhu 5 qof ayay ahayd dhaawacuna dhowr iyo toban ayuu ahaa, maanta wali xabadu way socotaa oo lama oga khasaaraha” ayuu yiri Jiif Caaqil Ibraahin. Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana nawaaxiga Ceel-Afweyne ka billowday barakac ay sameynayaan dadka deegaanka, si ay uga fogaan dagaalka ka socda dalkaasi. Sidoo kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Somaliland oo ku aadan dagaalka kasoo cusboonaaday dahlkaasi. Sanaag ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, kuwaas oo saameynta ugu badan ku yeesha dadka shacabka, waxayna salka ku hayaan aano Qabiil. Si kastaba, Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, xilli ay haatan Somaliland ku mashquulsan tahay dagaalka ka socda xarunta gobolka Sool oo shalay jab xoogan lagu gaarsiiyay. The post Dagaal cusub oo ka qarxay gobolka Sanaag + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Somaliland Can No Longer Survive Under A Man of Many Words.
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Today we, S/land people, are socially disorganized and divided. We are weak economically. We are unstable politically. Morally we are confused. Spiritually we are demoralised. Social fracture. The divisions in our society has caused our people and our institutions to disagree with one another and act negatively toward the common good. This caused an atmosphere where every individual dismisses what the other may say and suggest, where two persons cannot share with one blanket when it is cold, until almost all people reached a stage where every clan expects the annihilation of the other. The main cause of social fracture is due to our people’s inability to understand the difference between unity and disunity; probably what people can do when they are united and what they can’t do when they are divided. Proverbially, unity is a mercy, while disunity is a punishment. Economic deterioration. We, S/landers, are incredibly consumers and have no skills that can get us out of being unproductive. We don’t produce our basic needs. The food we eat, the cloth we wear, the cars we drive, the tea and coffee we drink, the cell phones by which we contact with one another, the body lotions that are meant to moisture the skin and keep it soft, smooth and healthy, the guns with which we kill one another, all white goods, etc, are neither our own make, nor our own produce. All of these materials are made and produced by people who don’t look like us; people who may retain their goods for their own needs in hard times, and who may not even be happy to see us and all our likes to survive. Resultantly, the size of S/land economy is decreasing and remarkably shrinking tremendously. The ability to import basic food from the outside is diminishing due to the lack of hard currency that used to be earned from livestock exports to Saudi Arabia. A nation that cannot at least produce its own staple food in this time and age is a parasite nation. The biggest global issues facing humankind today include food insecurity, population growth, climate change, heatthcare etc. The questions that need asking are:What do we own? What do we, as a nation, produce? Do we really think about what we will do if global food scarcity will get worsened? Due to population growth and climate changes that caused food insecurity, attempts and initiatives to get rid of unproductive people are already under way, whether you believe it or not. And it is for you to understand who and how that could happen. Peace and stability at risk. Fear of uncertainty arises in S/land as a result of a lack of consensus; a failure to materialize the sense of ‘nationhood’ in the citizenry, occasioning an enviromnment where foolishness doesn’t inhibit ambition and disorderly behavior, where neither the elder nor the intellectual has the gut to challenge when those who are in power violate the constitution (vide Saleebaan Gaal’s irresponsible action in which he openly threw the law for holding the elections together out of the Guurti office), and where the present situation can only be fraught with uncetainty. Gacanlibaax justice movement and the war in Lasanod are examples of the uncertainty and instability in this land. Moral confusion. S/land citizens are morally confused about their leadership’s inability to indentify and clarify exactly where something is right and wrong. For instances,, doing what is good for all and contending with what is bad for all is not totally how the present S/land leaders use to handle the affaits of this country. Conversely, S/land current leadership has the tendency to make the difference between two things less clear so that people have difficullty in seeing or knowing the exact truth about things happining in S/land and why. Spiritually demoralised. Here is how S/land people are demoralised. As they say, “A leader without a clear vision and plans only abuses his power because visions, plans and goals are the fulcrum along which the loads of success will evolve. And where power is abused, there is manipulation instead of inspiration.” As we are aware of, most of our people turned aside or away from what is good, true, lawful or morally right when S/’land incumbent leadership deliberately corrupted the mind and moral of the people, by weakening their faith and trust in governance, and by discouraging and dispiriting them to stand up for what is ethically acceptable and essentially required. The reason why S/land was suffering from political turmoil for the last six years is that when S/land leaders failed to serve their people, they just resorted to create cynical plots that kept the public in constant conflicts. There is nothing that can’t be solved. The struggle for power has evidently been and still continues to be the only major cause of human conflict. Political turmoil is not new to S/land. If so, why we didn’t overcome it? Here is how. Conflicts cannot be solved when conflicting parties accuse or allege that the other side is completely wrong and each side blames the other for doing wrong and blindly violating the country’s constitution. Profoundly, both conflicting parties cannot be wrong, the incumbent administration and opposition parties. One of them is absolutely wrong because, to dimiss and disregard whatever others suggest and assume that your views are always right contributes to pointless animosities that never end. This is not how differences are solved. This is how differences are escalated. The ability to listen, understand and engage in gentle reasoning is always the most effective means to resolution. Recognising and regarding your oppenents’ rights and good intent not only opens hearts, but opens minds as well. How the Colonel behaved and still continues to behave is not exactly what can even hopefully open opposition’s eyes, leave alone their hearts and minds as well. Muse Biihi’s contradictory speeches that he delivers in all occasions prove this point. What he says today, he will never have tomorrow, meaning that Muse Biixi is just a man of many words. Can a nation survive under a man of many words? The answer is a resounding no, and here is how. Generally, people always begin to worry when the government system is not delivering the results that is needed, for people always value governments for their fruits, not just for their roots. Of course, the fruits of any government become ripe and get reaped when governments have to handle three problems: The absence of justice, the absence of accountability, and the manipulation of law for personal gains. A leadership mindset that is against what is lawful, but favors for what is unlawful is a good way to look at how the two Colonels want to handle the problems that S/land is facing this moment. By:Jamafalaag Hargeisa Somaliland jamafalaag@gmail.com As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News -
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa goordhow ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah. Shirkan ayaa waxaa guddoominayo madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo saddex todobaad ah ku sugan caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb. Sidoo kale waxaa ka qayb-galaya Ra’iisul wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axamed Jaamac, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale. Shirkan waxaa ka maqan weli madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, sababo la xiriira khilaafka kala dhexeeya dowlada Soomaaliya oo saameyn ku yeeshay labada dhinac. Sida ay shaacisay Villa Soomaaliya waxaa shirkan looga hadlay amniga, dagaalka Al-Shabaab iyo xasilinta deegaanadii u dambeeyay ee la xoreeyay. “Madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa shirkan kaga arrinasanaya xaaladda amniga dalka, dhameystirka howlgalada dib u xoreynta, xasilinta deegaanada laga saaray Khawaarijta iyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Soomaaliya oo looga hadlay furitaanka shirka magaalada Dhuusamareeb. Dowladda federaalka ayaa xiligaan muhiimad gaar ah siineysa dagaalka Shabaab, waxaana lagu wadaa in shirka Dhuusamareeb lagu go’aamiyo qorshaha xiga markii Galmudug laga nadiifiyo Al-Shabaab. Gabagabada sidoo kale waxaa lagu wadaa in shirka laga soo saaro war-murtiyeed ku aadan, waxyaabaha ay isla go’aamiyaan madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed. Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee manta ka furmay Dhuusamareeb ayaa kusoo aaday xili dowlada Federaalka Soomaaliya ay hormaro balaaran ka sameesay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab marka la eego Galmudug oo degmadii u muhiimsaneed ay kala wareegtay. The post Sawirro: Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo furmay appeared first on Caasimada Online.
-
Muuse Biixì oo Albaabadii wada tashiga Furay guul-darro dabadeed Hargeysa–(Qàran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shir ballaadhan oo lagaga tashanayo dhibtii iyo khasaarihii ka dhashay degaalladii shalay ka dhacay deegaannada ku hareeraysan magaalada Laascaanood isugu yeedhay madaxda iyo haldoorka qaranka ugu sarreeya. Shirka uu madaxda qaranka ugu sarraysa madaxweynuhu la qaatay waxa ku wehelinayey guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), murrashaxa xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), xubno kamid ah golaha wasiirrada, xubno kamid ah hoggaanka xisbiga KULMIYE, waxana kulanka diiradda lagu saaray sidii shacabka reer Somaliland ugu midoobi lahaayeen wax kasta oo qarankooda kusoo kordha, wada-jirna qarankooda ugu difaaci lahaayeen. Kulankaasi markii uu soo dhammaaday, waxa bulshada si wada jir ah ula hadlay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo murrashaxa xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxana ay bulshada ugu baaqeen wada-jir iyo inay garab istaagaan ciidamada qaranka ee cadowga soo weeraray. Murraxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Cirro oo halkaas ka hadlay, ayaa muujiyey sida qaranka Somaliland ugu midaysan yahay difaaca qarannimada iyo garab istaagga ciidamada qaranka ee difaaca ku jira, waxana uu yidhi,“Shacabka reer Somaliland waxan u caddaynayaa inuu qaranka kala midaysan yahay dhammaan hawlaha qaranka iyo difaaca qaranka, maantana wax walba waxanu ka horraysiinaynaa midnimada shacabka iyo qarannimada.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkasa ka hadlay, ayaa ugu horrayn tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada iyo qaraabada ay ka baxeen ciidamadii ku geeriyooday dagaalkii shalay, isaga oo kuwa dhaawaca ahna eebbe uga baryey inuu u boogo dhayo. Madaxweynuhu waxa uu farriin qalbi-taabasho ah u diray shacabka reer Somaliland, waxana uu caddeeyey inuu ciidanka qaranku sidiisii hore yahay awood ahaan iyo niyad ahaanna uu dhisan yahay, cadowgana uu kasoo Aarsan doono, bulshadana looga baahan yahay inay taageeraan,“Shacabka Somaliland waxa la gudboon inaynaan niyadjab iyo dareen aan tognayn aynaan siinin dagaal maalin dhacay oo aanay u qaadan inuu dhacay dagaal weyn oo laga baqaa ciidankuna sidiisii yahay, xooggiisii, fikirkiisii, geesinimadisii iyo dal jacaylkiisiiba waa sidiisii, haddana wuu habaysan yahay, dhibaatadaasna degdeg baynu uga soo waaqsan doonaa oo aynu uga Aar gudan doonaa cadowga huwanta ah ee dhibaatadaasi inaga soo gaadhay, waxana inala gudboon midnimo gudaheenna ah oo ah markay qaranka tahay inaynu meel uga soo wada jeedsanno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu farriin cad u diray beesha caalamka, waxana uu sheegay inaanay ciidamada qaranku waxba u noqonaynin arrintii shalay dhacday, siina wadi doonto kaalinteedii nabadeed ee ay caalamka ugu jirtay, waxana uu yidhi,“Caalamka waxanu u sheegaynaa inaan dhibtii yarayd ee shalay aanay Somaliland gilgilaynin oo qaranku sidiisii u shaqaynayo oo hay’ad kastaa hawsheedii socoto, dalkastana intan oo kale way ka dhacdaa, intii aannu nabadda mandaqadda ilaalinaynay haddii ay badda cas tahay iyo haddii ay dalalka deriska nabaddii aannu la wadaagaynay tahayba ay halkeedii tahay, qaranka Somaliland-na loo baqan maayo.” Madaxweynuhu waxa uu bulshada uga digay war-xumo-tashiilka cadowga ah ee ku hawllan sidii Somaliland loo burburin lahaa, kana feejignaadaan wax kasta oo midnimadooda iyo wada-jirkooda dhaawacaya. Shirkan qaran ee uu madaxweynuhu la yeeshay madaxda qaranka, ayaa kusoo dhammaaday is afgarad iyo in si buuxda loogu midoobo cadow kasta oo qaranka burburintiisa isu soo bahaystay. Qaran News
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Sooamaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qayb galay shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta ka furmay caasimadda dowlad gobolleedka Galmudug ee Dhuusamareeb. Shirka oo uu guddoominayo Madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa diiradda lagu saarayaa dardar-galinta hawlgallada dalka looga ciribtirayo kooxaha AS iyo xasillinta deegaannada la xoreeyay iyo sidii loo gaarsiin lahaa addeegyada aasaasiga ah ee dowladda. Shirka ayaa waxa sidoo kale ka qaybgalaya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Saalax Axamed Jaamac, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Maddaale. PUNTLAND POST The post Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran oo maanta ka furmay Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Xaaladda guud ee magaalada Laascaanood ayaa lagu soo warramayaa inay maanta dagan tahay, kadib dagaal culus oo shalay jab lagu gaarsiiyay Somaliland, kaas oo ka dhacay bariga magaaladaas, gaar ahaan Goojacadde. Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in jawiga uu xasilan yahay, waxaana magaalada iyo duleedkeeda ku sugan ciidamada SSC oo shalay qabsaday Goojacadde iyo Maraaga. Sidoo kale qaar kamid ah shacabkii horay uga barakacay magaaladaas ayaa dib ugu soo laabtay Laascaanood, kadib guusha ay gaartay SSC-Khaatuma. Soo laabashada shacabka ayaa timid, iyada oo horay ay u jireen digniino ku aadan in magaalada ay weli khatar ka jirto, maadaama ay dhex-yaalaan qumucyo iyo rasas aan qarxin, kuwaas oo saameyn kara dadka shacabka ee ku soo noqonaya guryahooda,. Guusha SSC ayaa sidoo kale si weyn looga dareemayaa gudaha Laascaanood, ayada oo xalay magaalada laga maqlayay rasaas ay dadka ugu dabaal-dagayaan guushaasi. Dhanka kale, Somaliland ayaa haatan wadda abaabul xoogan, ayada oo madaxda sare ay haatan ku howlan yihiin kalamo wadatashi ah oo ay uga arrinsanayaan dagaalkii shalay. Mucaaradka Somaliland ayaa sidoo kale arrinta soo farogeliyay, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay qaataan doorkooda, ayna garab istaagaan ciidamada ku sugan jiidda hore. Muddooyinkii dambe xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid kacsan, waxaana ay dagaallo ku dhexmarayeen ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC, ayada oo fashilmeen isku-dayo dhowr ah oo la rabay in lagu soo afjaro xiisadda ka taagan halkaas. The post Maxaa ka cusub xaaladda magaalada Laascaanood kadib DAGAALKII shalay? appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shir ballaadhan oo lagaga tashanayo dhibtii iyo khasaarihii ka dhashay degaalladii shalay ka dhacay deegaannada ku hareeraysan magaalada Laascaanood isugu yeedhay madaxda iyo haldoorka qaranka ugu sarreeya. Shirka uu madaxda qaranka ugu sarraysa madaxweynuhu la qaatay waxa ku wehelinayey guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), murrashaxa xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), xubno kamid ah golaha wasiirrada, xubno kamid ah hoggaanka xisbiga KULMIYE, waxana kulanka diiradda lagu saaray sidii shacabka reer Somaliland ugu midoobi lahaayeen wax kasta oo qarankooda kusoo kordha, wada-jirna qarankooda ugu difaaci lahaayeen. Kulankaasi markii uu soo dhammaaday, waxa bulshada si wada jir ah ula hadlay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo murrashaxa xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxana ay bulshada ugu baaqeen wada-jir iyo inay garab istaagaan ciidamada qaranka ee cadowga soo weeraray. Murraxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Cirro oo halkaas ka hadlay, ayaa muujiyey sida qaranka Somaliland ugu midaysan yahay difaaca qarannimada iyo garab istaagga ciidamada qaranka ee difaaca ku jira, waxana uu yidhi,“Shacabka reer Somaliland waxan u caddaynayaa inuu qaranka kala midaysan yahay dhammaan hawlaha qaranka iyo difaaca qaranka, maantana wax walba waxanu ka horraysiinaynaa midnimada shacabka iyo qarannimada.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkasa ka hadlay, ayaa ugu horrayn tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada iyo qaraabada ay ka baxeen ciidamadii ku geeriyooday dagaalkii shalay, isaga oo kuwa dhaawaca ahna eebbe uga baryey inuu u boogo dhayo. Madaxweynuhu waxa uu farriin qalbi-taabasho ah u diray shacabka reer Somaliland, waxana uu caddeeyey inuu ciidanka qaranku sidiisii hore yahay awood ahaan iyo niyad ahaanna uu dhisan yahay, cadowgana uu kasoo Aarsan doono, bulshadana looga baahan yahay inay taageeraan,“Shacabka Somaliland waxa la gudboon inaynaan niyadjab iyo dareen aan tognayn aynaan siinin dagaal maalin dhacay oo aanay u qaadan inuu dhacay dagaal weyn oo laga baqaa ciidankuna sidiisii yahay, xooggiisii, fikirkiisii, geesinimadisii iyo dal jacaylkiisiiba waa sidiisii, haddana wuu habaysan yahay, dhibaatadaasna degdeg baynu uga soo waaqsan doonaa oo aynu uga Aar gudan doonaa cadowga huwanta ah ee dhibaatadaasi inaga soo gaadhay, waxana inala gudboon midnimo gudaheenna ah oo ah markay qaranka tahay inaynu meel uga soo wada jeedsanno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu farriin cad u diray beesha caalamka, waxana uu sheegay inaanay ciidamada qaranku waxba u noqonaynin arrintii shalay dhacday, siina wadi doonto kaalinteedii nabadeed ee ay caalamka ugu jirtay, waxana uu yidhi,“Caalamka waxanu u sheegaynaa inaan dhibtii yarayd ee shalay aanay Somaliland gilgilaynin oo qaranku sidiisii u shaqaynayo oo hay’ad kastaa hawsheedii socoto, dalkastana intan oo kale way ka dhacdaa, intii aannu nabadda mandaqadda ilaalinaynay haddii ay badda cas tahay iyo haddii ay dalalka deriska nabaddii aannu la wadaagaynay tahayba ay halkeedii tahay, qaranka Somaliland-na loo baqan maayo.” Madaxweynuhu waxa uu bulshada uga digay war-xumo-tashiilka cadowga ah ee ku hawllan sidii Somaliland loo burburin lahaa, kana feejignaadaan wax kasta oo midnimadooda iyo wada-jirkooda dhaawacaya. Shirkan qaran ee uu madaxweynuhu la yeeshay madaxda qaranka, ayaa kusoo dhammaaday is afgarad iyo in si buuxda loogu midoobo cadow kasta oo qaranka burburintiisa isu soo bahaystay. Wa-bilaahi Tawfiiq Source
-
Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ee Somaliland, gaaar ahaan hoggaanka xisbiyada Wadani iyo UCID ayaa ka hadlay dagaalkii Jimcihii shalay ka dhacay bariga Laascaanood, kaas oo jab xoogan oo khasaare lagu gaarsiiyay ciidanka Somaliland. Musharraxa Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro iyo guddoomiyaha guud ee xisbiga Faysal Cali Waraabe oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa si kulul uga hadlay dagaalkaas, maadaama khasaaraha ugu badan ay kala kulantay Somaliland. Cabdiraxmaan Cirro oo hadalka ku horreeyay ayaa tacsi u diray askarta ka geeriyootay Somaliland, isaga oo kuwa dhaawac ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah. Sidoo kale wuxuu ka hadlay arrinta maxaabiista ay gacanta ku dhigeen ciidamada SSC, isaga oo ka dalbaday inay ula macaamilaan si wanaagsan, maadaamo walaalo la yahay. Cirro ayaa sidoo kale baaq midnimo ah u diray shacabka Somaliland, isaga oo ka dalbaday inay garab istaag u muujiyaan ciidamada ku sugan jiidda hore ee dagaalka. “Waxaan shacabka Somaliland ee xariirta ah usoo jeedinaya in ay mid ahaadaan, oo ay isku duubnaadaan, oo ay ilaashadaan wadajirka qarankooda iyo ilaalinta haybadiisa” ayuu yiri musharraxa xisbiga mucaaradka Wadani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro. Dhankiisa Faysal Cali Waraabi oo isna hadlay ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda looga baahan yahay in jawaab cad ka bixiso falkaasi, ayna qaado tallaabo deg-deg ah. Waraabe ayaa sidoo kale isna farriin u diray shacabka, wuxuuna ka codsaday inay qaataan doorkooda, ayna taageero u muujiyaan ciidamada milatariga Somaliland. “Maanta waxa loo baahanyahay in ciidamadeena la garab istaago, dhacdooyinka baryahan socday waxaynu kaga gudbaynaa midnimo, waa in aynu kala saarnaa calanka iyo ciida iyo maamulka xun” ayuu isaguna yiri guddoomiyaha xisbiga UCID Cali Faysal Waraabe. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Somaliland ay lumisay xero muhiim u aheyd ciidankeeda, taas oo ah Goojacdde, waxaana si buuxda u maamulaya ciidamada deegaanka SSC-Khaatuma oo shalay hub iyo gaadiid dagaal kusoo bandhigay xeradaas.. The post Mucaaradka oo ka falceliyay jabka Somaliland kasoo gaaray dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
