Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo uu ka furmo shirka golaha wadatashiga qaranka ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Qaban-qabadii ugu dambeysay ee shirka ayaa haatan ka socda Dhuusamareeb, ayada oo si weyn loo adkeeyay ammaanka magaaladaasi. Caasimada Galmudug sidoo kale waxaa haatan ku sugan, ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimaacale Madaale, kuwaas oo uu shalay magaalada kusoo dhaweeyay madaxweyne Qoor Qoor. Sidoo kale madaxweynayaasha maamullada HirShabelle iyo Jubbaland, Cali Guudlaawe iyo Axmed Madoobe ayaa iyaguna maanta ka dagay Dhuusamareeb, waxaana si weyn ugu soo dhaweeyay Qoor Qoor, ayaga oo ka qaybgalaga shirweynaha gola wadatashiga qaranka. Dhanka kale, waxaana la ogeyn in shirkaas uu ka qeyb-geli doono madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo shirarkii hore ka maqnaa. Arrimaha looga hadlayo shirkan waxaa kamid ah ammaanka, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, xasilinta deegaanada la xoreeyay iyo arimo quseeya ajandayaasha heer qaran. Dowladda federaalka ayaa xiligaan muhiimad gaar ah siineysa dagaalka Shabaab, waxaana lagu wadaa in shirka Dhuusamareeb lagu go’aami doono qorshaha xiga markii Galmudug laga nadiifiyo Al-Shabaab. Gabagabada sidoo kale waxaa lagu wadaa in shirka laga soo saaro war-murtiyeed ku aadan, waxyaabaha ay isla go’aamiyaan madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed. Si kastaba, Shirka golaha wadatashiga qaranka ee Dhuusamareeb ayaa ku soo aaday, xilli haatan guullo waa weyn laga gaaray dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan deegaanada Galmudug, waxaana shalay oo ugu dambeysay la xoreeyay magaalada Ceelbuur. The post Wararkii ugu dambeeyay furitaanka shirka Dhuusamareeb + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  2. Dhusamareb (HOL) - Somali National Army (SNA) forces repulsed an al Shabab attack on an army base in the central region of Somalia on Saturday morning. Source: Hiiraan Online
  3. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa iminka shir deg deg ah iskugu yeedhay hogaamiyaasha xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID. Shirkan ayaa la filayaa in lagaga wada-hadlo xaaladda dagaal ee ka taagan gobolka Sool iyo duulaankii ay maleeshiyaadka huwanta ku soo qaadeen ciidanka qaranka Somaliland. Source
  4. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar culus oo ay saaka xubnaha kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhiyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ku leeyihiin deegaanka Cowswayne ee Galgaduud. Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ku billowday qaraxyo, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo illaa iyo hadda socda, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Labada dhinac ayaa isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana sidoo kale jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in ciidamada huwanta ay iska difaaceen weerarka lagu qaaday, oo ay sheegtay inay ka war hayeen markii hore. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in la fashiliyay gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo ay deegaanka ku soo weerareen Al-Shabaab. “Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa fashiliyay weerar ay saaka maleeshiyada Khawaarijta ah ku soo qaadeen deegaanka Cowswayne oo dhawaan laga xoreeyay. Ciidanka Qaranka oo hayay xogta Khawaarijta ayaa jilibka udhigay Khawaarijta oo watay gawaari qaraxyo ku rakiban yihiin, Dagaal ayaa wali ka socda nawaaxiga deegaanka” ayaa lagu yiri qoraalka lagu daabacay waraabhinta dowladda Soomaaliya. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri “Ciidamada Qaranka ayaa maleeshiyaadka Khawaarijta ah ka sifeeyay inta badan dhulka Galmudug iyo Hirshabeelle ,waxaana socda dhamaystirka hawlgalka.” Deegaankan ayaa kamid ahaa deegaano ay todobaadkii hore la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee haatan howlgallada ka wada gobolka Galgaduud. Cowswayne ayaa ah deegaan muhiim ah oo dagaal-yahaanada Al-Shabaab u ahayd goob ay ka difaacaan degmada Ceelbuur oo ay sidoo kale shalay la wareegeen ciidanka huwanta. The post Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday Cowswayne appeared first on Caasimada Online.
  5. Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, in aan isa-saxno oo talo & waano isa-siino waa dhaqan wanaagsan oo Islaamku noo jideeyay. Fariintan waa iga talo iyo waano ku aadan sidii dalkeenu uga bixi lahaa duruufaha adag ee maanta k uxeeran, sidaas aawadeed ugu horayn ogsoonoow, waxa aad masuul ka tahay dad, iyo dal curdin ah oo u baahan inay hogaamiye ku haga danta guud, hormar iyo ictiraaf. Shacabka reer Somaliland Mucaarid & Mucaafid, waa dad gob ah oo qarankooda jecel diyaarna u ah inay difaacaan, u hagar baxaan una hiiliyeen, ee Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi adigu noqo hogaamiye kasbada quluubta dadka, kuna hogaamiya halka ay himiladoodo taalo. Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, mucaaridka u arag muraayad ku hartaal oo aad ka saxdo dhaliilaha uu maamulkaagu leeyahay si ay wax qurux badan u soo baxaan. Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi meesha kasaar magac bixinta xajiinta ku ah bulshadeena ee sida “cadawga gudaha” iyo kuwo kale oo badan, garawsana in aanu jirin wax la yidhaa “cadawga gudaha” balse ay xaqiiqdu tahay mucaarid iyo muxaafid afkaarta iyo sida dalka loo hogaaminayo ku kala duwan. Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, mid kale oo xusid mudana waxa ay tahay ahmiyada ay leeyahay “wada-tashigu” maamulkaagana ka dhig mid dadka talo waydiiya, si ay aad u hesho mid maankaaga ka maqnayd oo maskaxda muwaadin kale oo dalkiisa jecel ka soo maaxatay. Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, wayo arag baad u tahay oo waad ogsoon tahay in “car juuq dheh”, cabudhin, iyo cago juglayn intaba aanay ahayd talaabooyin hormar u horseedi kara dal ay dadkiisu ilbax yihiin, loona baahan yahay in lagu badalo, tanaasul, dulqaad, iyo wada-tashi. Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, maanta dalkeenu waxa uu u baahan yahay hogaamiye ka shaqaysiiya xeerarka iyo nidaamka ay umadu ku heshiisay, taladana dadka ku soo celiya, si looga baxo mushkiladaha is barkan ee maamul-xumada ka dhashay. Muuse Biixi Cabdi, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Talo adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola” sidaas aawadeed, noqo mid la-tashi badan, talo-raadin badan, talo-ku noole ah, taladana ka raadsada meel kasta oo lagama maarmaan ah. Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, talada ugu muhiimsan ee aan ku siinayaa maantana waa noqo mid ku dhiirada in dalka doorasho ka dhacdo oo shacabku ka taliyo xulashada hogaamiyaha ay mustaqbalkooda talo-saaranayaan. W/Q Axmed Muumin Seed Source
  6. Waxaa lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka Galmudug uu ka furmo shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas diiaradda lagu saarayo ‘amniga iyo dardar-galinta hawlgallada dalka looga ciribtirayo maleeshiyada Argagixisada. Madaxweynaha Galmudug oo shirkan martigelinaya ayaa shalay magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay madaxda ka qeybgaleysa, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen R’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, guddoomiyaha gobolka Benaadir, iyo madaxweynaha Koofur Galbeed. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu ka wado abaabulka dagaalka ka dhanka ah kooxaha Nabad-diidka ee ku sugan degaanno ka tirsan Galmudug. Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada degaanka ayaa shalay ayaa la wareegay degmada Ceel-buur oo in muddo ah ku jirtay gacanta maleeshiyaadka Argagixisada ah waxaana weli socda Hawlgallada lagu baacsanayo kooxahaas. The post Shirka Madasha Wada-Tashiga Qaran oo ka furmaya Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  7. (Somaaliya Mar Kale DHiig Waa Loogu Wan Qali!!) DHaqan xun-xun oo ay fidinayaan iyo dhallan rogga Waa barnaamij lagu talo galay! Waxaa shaki la’aan ah inaan ka dheregsanahay dabeecadaha musuqmaasuqa ah ee ay shisheeyuhu bareen mujtamacii gaar ahaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed. Waxaynu ognahay in dhaqankaas uu runtii si baahsan u taabtay guud ahaan nolosha bulshada gaar ahaan intii mas’uulka ahayd ee talada hayay! Laaluushka, hadiyadda, xatooyada, waxaas oo dhan marka sida dadka Soomaaliyeed loogu xalaaleeyay ama loo oggoleysiiyay aad fiiriso waa inaad garataa in dhaqankii ummadda laga dhigay Maandooriye!… marka bulshada uma baahna in la siiyo mukhaadaraad, Heroin, iyo cocaine, ama xataa khamri! Bal u fiirso dal isku sheega in uu Deeq bixiye yahay baa lacagta uu lahaa dalkaan ugu deeqay haddana waxaa bangigiisa dib ugu shubanaya mas’uulka xaday oo uu ogyahay raalina uga yahay!…Mukhaadareynta DHaqanka! cid diidi karta mukhaadareynta dhaqanka iyo xummaanta noocaas sida laga bartay waaya aragnimmada waxa jir dhallin-yarada, waliba dhallin-yarrada Soomaaliyeed!… dib u fiiri taariikhda halgamayaashii Soomaaliyeed oo iyagu dhammaantooda ama in ka badan 99% dhallin-yaro ayeey ahaayeen, waxaad fiirisaa magac kasta oo halgamaa Soomaaliyeed ahaa, waxaad fiirisaa ma xooleey urursan jireen ama hanti iyo xoolo laga dhaxlay baad maqashay!… haba ka yaabin waxaa qofka dhallin-yarrada ah ee Soomaaliga ah dabeecad ahaan hantidiisu tahay Geesinimo uusan geerida ka baqin, xishood uu ceebta ka cararo, Qab & Han! Sidaa daraadeed halgammayaashii Soomaaliyeed oo inta la ogyahay dhammaantood ahaa dad dhallin-yaro ah waxay hantidooda ahayd in dadkooda sharaf iyo milgo la mid ah midka dadka caalamka ay ku noolyihiin ay ku noolaadaan! Marka yeeysan tallada ku dhaafin, maanta waa adiga maalinkaagii, xil aadan ka leexan kareyn baa ku hor yaal, haddii ay talo tahay iyo hadii ay xoog tahay. Xil u baahan talo laga fikiray iyo dhiiranaan, dalku waa dalkaagii, dadkuna waa dakaagii! Waxaad aragtaa in dad seero dhaaf ah oo aanad keenin, oo idin Soomaaliyeed aan ku soo gelin ama aan ku joogin dalka ay khatar ku yihiin dhaqankii nololeed ee dadka, caafimaadkii dadka, amnigii dadka, iyo wax kasta oo dhowrsanaantii sharafeed ah. Maamul dowladeed iyo mid deegaan labadaba way muuqataa inay gabeen waajibaadkoodii oo waa cabsadeen! Maya! Maya! Maba dhici karto! Ceeb! Ma daawaneysaana?! Sida waajibku yahay waa inaad ugu yaraan maamulka xasuusisaa waajibkiisa, waa inaad ku mudaaharaaddaa hadba xafiisyada mas’uuliyiinta adigoo tilmaamaya dhibaatada kuu muuqatay, khataraha joogitaanka shisheeyaha, si aan kala joogsi lahayn, iyadoo loo naxayo nolosha dadka. Waxaad intaas ku dari kartaa talaabooyin qof ahaan sameyso sida inaadan soo dhoweyn, inaad xil-kasnima si ay ku jirto aad ugu sheegto “dalkaagii ku noqo” taasi waxay yareynaysaa inuu ku dhiirado joogitaankiisa sharci darrada ah. Dhibaatada ugu weyn waxay ka imaaneysaa wacyi gelin la’aanta mujtamaca oo si guuda ahaaneed aan kuba baraarugsaneyn dadkaan Itoobiyaanka ah ee xudduudda iska soo talaabaya waxa ka imaan kara. Waa marka horee dadkaan ma aha dad aan dowlad lahayn, mana aha dad aan laga war hayn inay xadka dal kale oo xor ah ku xad gudbayaan! Taasi waa mid uu qof kasta garanayo, xudduudda dalka Itoobiya waxaa jooga ilaallada xudduudda lana socota dhaqdhaqaaq kasta oo ka jira oo ay ugu muhiimsantahay in aan qof iska socda oo aan haysan Dal-Ku-Gal, oo aan la baarin, oo aan buuxin dhammaan shuruudaha u dhigan gelista dalkooda uusan iska gelin. Sidaas si la eg waxay hubin ku sameeyaan kuwa xudduudda Soomaaliya u soo talaabaya, waana sida laga rabo maamul kasta oo Soomaaliyeed inuu u ilaaliyo xudduudaha uu la wadaago dalalka deriska ah!… Waajibaadka la xiriira in maamullada gobollada Soomaaliyeed ay ilaaliyaan xudduudaha waxaa hor taagan sababo aad u liita iyo kalsooni daro dadkii Soomaaliyeed la dhex dhigay, mar haddii ay sidaas tahayna waxay ka imaan kara khatar ay halis weyn ka dhalan karto. Dadkaan soo galay mushkiladda kale ee ka dhalatay ee qof kasta taabatay ee lala wada aamusanyahay waxay tahay inay qaateen dhammaan shaqooyinkii hoose ee ka shaqaysan jireen dadka dan yarta ee aan xirfadda lahayn iyagoo ku shaqaynaya qiimo aad u jaban oo ka hooseeya kii ay dadkaas dalka u dhashay ay ku shaqaynayeen… waxaa intaas ka daran in ilaa 25-30 qof kasta oo isugu jira wiilal iyo gabdho ay wada kireysanayaan hal qol. Waxaa iyadana marar kala duwan iyo goobo kala duwan aad looga cawday dhaqan xummada iyo nadaafad daro baahsan. Waxaa iyadana aan meesha laga saari karayn, in Orommada soo geleysa dalka ay ku socoto qorshe ay ka war hayso dowladda Itoobiya, oo xaalku uusan ahayn sida dad badan ay u heystaan inay dadkaan gaajo iyo nabad gelyo daro ay ka soo carareen. Waa wax dhici kara inay tiro iyaga ka mid ah ay dhibaato iyo nabad xumo ay ka soo baxsadeen waaba haddii ay jiraanee. Gobolka Baay, ee maamulka Koonfur Galbeed, aad bay u dageen cid la hadashay iyo cid daneysay midna ma jirto, dadka ugu badan ee Bara-Kacayaasha loo yaqaan ee magaallada Muqdisho looga sameeyay xeryaha ee inta badan ka yimid gobolka Baay waxaa inta badan la sheegaa inay ku jiraan Oromo fara badan, waxaana waayadaan dambe, magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Boosaaso, waxaa ku nool tiro wali si xawli ku jiro kor u sii kacaysa oo lagu qiyaasay ilaa 300-470 kun oo Itoobiyaan ah in kastoo aysan jirin tiro koob lagu sameeyay. Waxaana jira in dhammaan maamullada dalka ka jira ay dowladda Itoobiya uga furanyihiin xafiisyo sida dhaqankooda muuqda laga fahmi karo shaqada ay u joogaan ay tahay caburin iyo inay cadaadiyaan madaxda maamullada, taasoo sabab u noqota inta badan inaan laba soo hadal qaadin dhibaatooyinka faraha badan ee xag caafimaad, dhaqan, iyo nadaafadeed ay bulshada ku hayaan dadkaas Itoobiyaanka ah!… Dhibaatada dhaqanka xaggiisa ah ee ay keenayaan dadka Itoobiya ka soo yaacay ee xudduudda ka soo goynaya, waa mid dhibaatadiisa haddaan laga hor tegin ay ka dhallan karaan dhaqamo xun-xun oo iyaga naftooda sii xumeyn xaaladaha amniga, caafimaadka, dhaqanka iyo dhaqaalaha iyo si caam ah nolosha bulshada. Iyada oo sidaas xaalku yahay ayaa haddana dadka badankiisa aysan u muuqan xaqiiqda arrimaha socda, waxayna ka fekerayaan sidii ay dadkaas gargaar bini-aadanimo ugu fidin lahaayeen, qaar kale ayaa Alle ugu dhowaansho ugu kaalmeynaya, iyadoo aan la aqoon dadkaas Orommada u badan xaqiiqdooda, dhibaatada ay sheeganayaan inay jirto iyo in kale. Arrin kale ayaa waxay tahay in 70% in ka badan ay dadkaas yihiin dad aan aqoon lahayn ama dhaqanka mujtamaca horay u fahmeyn, waxaase kuwo badan oo iyaga ka mid ah laga garanayaa inay u dhaqmayaan sidii inay joogaan meel aan maamul iyo dowlad midna uusan ka jirin, sidaa aawadeedna aysan jirin cid la socota waxa ay dalka ku joogaan iyo waxa ay ka hayaan, sida ay ugu noolyihiin, oo aan lays weydiineyn; maxay dhimmeen? Maxaase laga dheefay? Qaar kale ayaa iyagana la oran karaa inay rumeysanyihiin in xafiiska Itoobiya ku leedahay maamullada ay joogaan ay yihiin kuwa maamula gobolladaas, markaas ay taas siinayso fursad ah inay siday rabaan ugu noolaadaan!… La Soco Beri The post Dhallin-yarada yeey ka sugayaan inay xudduudaha dalkooda u ilaaliyaan?! –Qaybta 5aad appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska qaybta booliska ee gobolka Banaadir oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa shacabka ku dhaqan ku dhaqan gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho uga digay inay dhigaan dibad-bax aan loo marin habraac saxan, Booliska gobolka Banaadir ayaa go’aankan uu sababeeyay sababo, ammaan dartood, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay, “Dadweynaha Soomaaliyeed, ee ku dhaqan Caasimada iyo nawaaxigeeda, waxaa lagu wargalinayaa, sababo amaan dartood, in aan la abaabulikarin, la qaban karin banaan-bax aan loo marin habraac saxan, sida ku cad Xeerka Nabadgalyada Guud” ayaa lagu yiri. Sidoo kale wuxuu taliska intaasi ku daray in ciddii lagu helo abaabulka dibad-bax laga qaadi doono tallaabo adag, ayna muteysan doono xarig. “Cidii ku kacda ama lagu helo iyada oo abaabulaysa, waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan” ayaa mar kale lagu yiri go’aanka uu soo saaray taliska booliska. Waxaa kale uu booliska ka codsaday shacabka inay kala shaqeeyaan amniga, si looga hortago wax kasta oo halis ku ah xasiloonida caasimada. “Muwaadin qofkii arkaa wax amniga iyo xasiloonida lid ku ah, nagala soo xariir lambarka Gurmad 991” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka. Digniintan ayaa timid maalmo uun kadib markii ay dibad-baxyo rabshada wata ka dhasheen xarigga Jeneraal Sheegow oo weli u xiran dowladda Soomaaliya, waxaana arrintaas ka carootay beesha uu ka soo jeedo oo kacdoon ka dhigtay gudaha caasimada. The post Booliska oo digniin culus soo saaray kadib arrintii ka dhalatay xarigga Sheegow appeared first on Caasimada Online.
  9. KYIV: Turkiye’s foreign minister on Friday met with Ukrainian leader Volodymyr Zelensky for talks aimed at reviving a deal with Russia allowing the safe passage of grain across the Black Sea. Source: Hiiraan Online
  10. The emphasis is on the jah, says Zainab Farah, as she looked up from behind the deli counter of her African grocery store that bears the word across its large front windows. Source: Hiiraan Online
  11. UNITED NATIONS, United States: The United States on Friday accused China and Russia of blocking a unified UN Security Council response to North Korea’s missile launches, including Thursday’s attempt by Pyongyang to put a spy satellite in space. Source: Hiiraan Online
  12. WASHINGTON — The Somali government said its army captured a major al-Shabab base in central Somalia, marking a significant victory in its military offensive against the al-Qaida linked group. Source: Hiiraan Online
  13. Somali community leaders in Portland said a judge's decision this week to vacate a manslaughter conviction in a high profile case is reopening old wounds. Mark Cardilli Jr., who is white, had been serving 7.5 years in prison for the 2019 killing of Isahak Muse, a young Somali-American man. Cardilli could now receive a new trial, pending an appeal from the state. Source: Hiiraan Online
  14. Talks between the East African Community (EAC) and the Federal Republic of Somalia for the latter to join the bloc have entered the home stretch. Source: Hiiraan Online
  15. Ubtan Dahir Mohamed, 48, has been driven to begging to scrape together a meal a day for her eight children and says she is facing the most difficult point in her life. Source: Hiiraan Online
  16. Somali National Army (SNA) said Friday its forces killed 27 al-Shabab militants in a military operation conducted near Awdheegle district in southern Somalia's Lower Shabelle region. Source: Hiiraan Online
  17. In a dusty military compound in Somalia’s coastal town of Adale, soldiers from the African Union peacekeeping force and the Somali National Army gathered in a makeshift building. Source: Hiiraan Online
  18. Ceelbuur (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale oo la hadlay warbaahinta ayaa warbixiyay xaaladda degmadaas oo uu muddo dibad joog ka ahaa, kadib markii ay shalay laga saaray xubnaha kooxda Shabaab. Guutaale ayaa shaaca ka qaaday in degmada ay burbursan tahay, isla-markaana uusan ka jirin wax horumar ah, isaga oo sheegay inay Al-Shabaab u dhigeen magaaladaasi. Sidoo kale wuxuu kooxda ku eedeeyay inay inta badan afduubteen dadkii shacabka ahaa ee ku dhaqnaa Ceelbuur, kahor inta aysan ka bixin degmadaas oo ay ku sugnaayeen 15 sano, “Waxaan u tegnay magaallo ay cadodwga dadkii daganaa ka afduubteen oo ay afduub u heystaan ilaa iyo hada wax dhaqdhaqaaq ah ama hormar ah kama jiraan halkan” ayuu yiri. Guddoomiyaha degmada Ceelbuur ayaa sidoo kale xusay in haatan ay wadaan howlgallo ay ku baacsanayaan kooxda Al-Shabaab, ayna kasoo deyn doonaan dadka ay qafaalatay. “Insha allah waan ka daba tegi doonaan, waana kasoo furan doonaa dadkaas” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Xaaladda degmada ayaa weli ah mid kacsan, waxaana haatan howlgallo amni xaqiijin ah ka wada ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda. Dhanka kale, dadka ka faallooda arrimaha ammaanka waxay ku macneeyeen qabashada Ceelbuur in awoodii kooxda iyo niyadii dagaalyahada Al-Shabaab ay hadda wiiqantay. Magaalooyin kale oo ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud oo Galhareeri, Caad, Camaara, Bacaadweyn iyo Jowle ay ku jiraan ayaa weli ku maqan gacanta Al-Shabaab, kuwaas oo la qorsheynayo in saacadaha soo socda laga saaro gacanta kooxda Shabaab. The post Al-Shabaab oo afduubtay shacabka CEELBUUR appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xiisadda ka dhalatay weerarkii Jeneraal Sheegow Axmed Cali oo weli u xiran dowladda federaalka Soomaaliya. Shariif ayaa qoraal uu maanta soo saaray ku muujiyay sida uga walwalsan yahay qaddiyada beesha Jareer Weyne iyo kiiska Jeneraal Sheegow siday isku dhex-galeen, xilli dhawaan Muqdisho ka dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeeday xariga Sheegow. “Jeneraalka dambi wuu gali karaa waa insaan laakiin habka so xiristiisa uma muuqanin hab ka fiirsasho leh! Taas waxay sababtay khatar xooggan iyo inay kiciso caadifadda beesha oo idil,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed. Sidoo kale waxa uu sheegay in cabashada beesha Jareer Weyne ay walwal xooggan ku dhalisay, isaga oo tilmaamay inay dhaawac wayn ku tahay wada-jirka bulshada Soomaaliyeed, taasi oo uu ku baaqay in fiiro gaar ah loo yeesho. Hoos ka aqriso qoraalka Waxaan aad uga walwalsanahay qadiyadda Beesha Jareer Weyne iyo kiiska Janaral Sheegow siday isku dhaxgaleen. Janaraalka Dambi wuu gali karaa waa insaan laakin habka so xiristiisa uma muuqanin hab ka fiirsasho leh! Taas waxay sababtay khatar xooggan iyo inay kiciso caadifadda beesha oo idil. Odayaasha iyo waxgaradka beesha Jareer weyne oo ila soo xariiray waxay ii sheegeen in aysan isku imaan karin, gaari raaci karin xitaa aroos dhigan karin oo askarta dowladda kala dirayso si faquuq lehna ula dhaqmaayan! Loona diidan yahay xuquuqdooda asaasiga ah ee muwaadinnimo. Cabashada Beesha Jareer Weyne walwal xooggan ayay igu dhalisay waxayna dhawac wayn ku tahay wadajirka bulshada Soomaaliyeed waxaan rajaynayaa in fiiro gaar ah loo yeelan doono. The post Sheekh Shariif oo shaaciyay arrin wal-wal xooggan ku dhalisay oo lagu hayo beesha… appeared first on Caasimada Online.
  20. Ceelbuur (Caasimada Online) – Degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur ee gobolka Galagaduud waxa qabsaday ciidamada dawladda oo ay taageerayaan miliishiyooyinka qabaa’ilka iyo saaxiibada caalamiga ah kaddib markii muddo todobaadyo ah ay ku sii dhawaanayeen. Xooggaga Alshabaab oo magaalada maamulayay tan iyo 2017-kii ayaa isaga cararray. Degmada Ceelbuur waa degmo qadiimi ah, waxay taariikhyahanadu rumeysan yihiin in la aasaasay qarnigii 13-aad, waxayna mar xarun ganacsi u ahayd saldanadii Ajuuraan ee xukumaysay dhul ballaaran oo Soomaaliya ah. Haddaba aan eegno afar waxyaabood oo ay caan ku noqotay Ceelbuur. Kacdoonkii gumeysi diidka Ceelbuur waxay mar saldhig wayn u ahayd gumeysigii taliyaaniga ee gacanta ku hayay koonfurta Soomaaliya dhammaadkii qarnigii 18-aad iyo horraantii qarnigii 19-aad, markaas oo degmo ahaan loo aqoonsaday, waxana dhawr jeer ku dagaalamay ciidamadii gumeysiga iyo kuwii gobanimo doonka ee uu hoggaaminayay Sheekh Xasan Barsane. Kacdoonnada gumeysi diidka ah ee ay caanka ku noqotay Ceelbuur, waxay markii dambe keeneen in lagu dilo gudoomiyihii isticmaarka taliyaaniga u qaabilsanaa degmada Franco Carolei, kaas oo dilkiisa lagu eedeeyay dhalinyaro kamid ahayd kuwii kacdoonka waday. Maxamed Xaaji Ingiriis oo ah aqoonyahan daraaseeya taariikhda Soomaalida ayaa sheegaya in taariikhda gumeysi diidka ee Ceelbuur la wada maqlay markii la dilay ninkii taliyaaniga wakiilka uga ahaa. “Magaaladu waxay taariikh weyn yeelatay oo magaceeduna shaacay, gumeysiga taliyaanigana ay aad u gashay markii la dilay nin gudoomiye ka ahaa degmada markii uu kacdoon taliyaani diid ahaa uu ka dhacay, labaatameeyadii bilowgeedii, taliyaaniga waxay u ahayd magaalo muhima oo xitaa duulaan kii uu Itoobiya ku qaaday meelihii uu ka abuulay ayay kamid ahayd” ayuu yiri Ingiriis. Degmadii ugu horreysay ee gabadh ay iska sharaxdo Doorashooyinkii Soomaaliya 1969 kii degmada Ceelbuur waxay noqotay magaaladii ugu horreysay ee taariikhda Soomaalida ay gabadh iska sharaxdo, iyadoo u tartamaysa kursi Barlamaan. Gabadhaas oo la oran jiray Allaha u naxariistee Xaawo Cawaale Abtidoon (Xaawo Yareey), waana looga adkaaday tartankii doorashada, waxaysa taariikh u dhigtay dalal badan oo afrikaana oo xiligaa aanay gabdhuhu siyaasadda gali jirin ama aan loo ogoleyn. Xildhibaan hore Caasha Xaaji Cilmi una ol’oleysa arimaha haweenka ayaa rumeysan in is sharixidii Xaawo Cawaale Abtidoon, iska sharaxday Ceelbuur uu ahaa kacaan horseeday in dumarka Soomaalidu ay ku dhiiradaan in ay siyaasadda galaan. “Dhagax bay jabisay, wax laga baqayo oo ah dhaqankii jiray ayay jabisay, waxay noo ahayd oo aan oran karaa, wuxuu ahaa kacaan cusub oo u curtay haweenka, xiliguna wuxuu ahaa mid tacliintu yar tahay, dhaqan kuna aad u adag yahay, sidaas oo ay tahayna way ku dhiiratay in ay is sharaxdo wallow looga adkaaday doorashada”. Ayay tiri Caasho Caaji Cilmi Degmada Ceelbuur waxa kaloo gudoomiyayaal ka soo noqday rag caana oo uu kamid ahaa safiirkii hore ee Soomaaliya u joogi jiray Ugandha iyo Kenya todobaatanaad kii Xuseen Cali Ducaale. Ceelbuur waxay mar saldhig siyaasadeed u ahayd xisbigii leegada ee SYL. Dhagax dhoobada cad ee laga sameeyo burjikada Ceelbuur waxay hodan ku tahay dhagaxa dhoobada cad ee laga farsameeyo burjikada wax lagu karsado iyo idinka fooxa lagu shito. In kastoo aanay yeelan warshad lagu farsameeyo dhagax dhoobada, haddana farsamada gacanta ee dadka deegaanka ayaa keentay in alaabbaha laga sameeyo dhagax dhoobada cad loo iib geeyo deegaannada kale ee dhulka Soomaalida. Khubarada dhaqaalaha iyo ganacsiga ayaa rumeysan haddii si saxa looga faa’ideysan lahaa farsamada dhagaxaas in dalal badan suuq looga heli lahaa si loogu dhoofiyo. Dhagax dhoobada cad oo si farshaxan leh loo farsameeyay loona xardhay ayaa illaa maanta suuqyada qaar lagu iibiyaa, in kastoo sidii uu bari ahaan jiran aan loo soo saarin ama aan loo iibsan, oo ay suuqyada soo galeen qalab kale oo wax lagu karsado ama fooxa iyo uunsiga lagu shito. Sidoo oo kale colaaddihii sokeeye iyo qabsashadii kooxda Alshabaab ee Ceelbuur waxay hoos u dhigtay wax soosaarka burjikada ee degmada. “Dhagaxii burjidaka wuu shaqaynayay in kastoo kooxdan ay ku dhibaataysay dad kii ka shaqaysan jiray, wax soosaar kiisii waa yaraaday, laakiin dhagixii waa sidiisii, waxana rajaynayaa maadama hadda kooxda Alshabaab laga saaray in la bilaabi doono wax soo saarkiisa” ayuu yiri Nuur Xasan Gutaale oo mar gudoomiye ka soo noqday degmada Ceelbuur. Geedka caanka ah ee Ceelbuur yaale Gumeysigii taliyaaniga ee yimid Ceelbuur waxyaabihii la mahdiyay ee laga dhaxlay waxa kamid ahaa dhirta uu deegaanka ku beeray. Geedka Ceelbuur ku yaal, waa geed harac weyn oo sida yaaqa u balaaran, waxana la sheegaa in uu gaar ku yahay degmada Ceelbuur, waana astaanta dad badan ay ku gartaan marka ay magaalada galayaan. Isha: BBC The post Afar arrin oo magaalada Ceelbuur ay caan ku noqotay appeared first on Caasimada Online.
  21. The Taiwan Representative Office in Somaliland held a scholarship award ceremony for 25 students on Thursday (Aug. 24). The students were awarded the Ministry of Foreign Affairs Taiwan Scholarship, Ministry of Education Taiwan Scholarship, Huayu Enrichment Scholarship, and Taiwan ICDF Scholarship, according to the Taiwan representative office. Taiwan Representative to Somaliland Allen C. Lou (羅震華) said that education is one of the many areas the two countries have cooperated in since deepening ties in 2020. Lou said the goal of offering these scholarships was to “build dreams through education,” and he encouraged the students to achieve their dreams in Taiwan. Lou said he was happy to see seven female scholarship recipients this year. He quoted an African proverb, saying, “If you educate a man, you educate an individual, but if you educate a woman, you educate a family.” The representative said he anticipated more female Taiwan scholarship awardees in the future. “We encourage the Taiwan scholarship awardees to become ‘cornerstones’ that contribute to Somaliland’s national development once they finish their studies in Taiwan,” the Taiwan representative office said. Exchanges between Taiwan and Somaliland have blossomed in recent years. An MOU was signed on July 31 to boost trade and commerce ties. In October, the Taiwan representative office marked the first anniversary of the Somaliland Innovation Zone, which serves as a hub for ICT training of Somaliland government officials. So far, it has hosted 20 workshops for more than 500 officials from Somaliland’s 15 government ministries, including those catering to women, law enforcement officers, and the disabled. Taiwan News Qaran News
  22. Minneapolis (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Isaaq Maxamuud Mursal oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa sheegay inay wax ka qabanayaan cabasho ka soo gaartay Soomaalida ku nool Mareykanka. Soomaalida ku nool dalka Mareykanka markii ay u baahdaan baasaboorka Soomaaliga ah waxaa lagu siiyaa qiime aad u sareeya oo ka badan $400. Wasiir ku xigeenka oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in arrintaas ay si deg deg ah wax uga qaba doonaan, isagoo cadeeyey in wasaaraddu aysan waxaba ka ogeyn qiimahaan badan. “Arrinta baasaboorka cabashada laga qabo waa nagu badatay, safaarada waxaan halkaan uga furnay in Soomaalida halkaan ku nool loo fududeeyo adeegooda, wax dhaqaale ah in laga sameeyana ma dooneyno,” ayuu yiri. Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa wareysigaan ku sheegay in markii loo sheegay qiimaha Soomaalida ku nool Mareykanka lagu siiyo baasaboorka ay aad ula yaabeen. “In baasaboorka lagu bixiyo lacag ka badan $400 la yaab ayey nagu noqotay, waana daba geli doonaa sida ay ku dhacday, hada safiirkii ayaa ka maqan xafiiska, laakiin waa muhiim in arrintaan aan wax ka weydiino,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Isaaq Maxamuud Mursal. Sidoo kale wasiirkaan wuxuu sheegay in qiimaha lagu bixiyo adeega bulshada ay safaaradu jaan goyso, balse qiimahaan badan aysan waxaba ka ogeyn. Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa sheegay inay deg deg u fulinayaan balan-qaadkii madaxweynaha ee ahaa in la furayo qunsuliyadii safaaradda Mareykanka ee magaalada Minneapolis. “Waxaan rabnaa inaan furno qunsuliyadii safaaradda ee magaalada Minneapolis, waxaana hadda socda qorshaha lagu furayo qunsuliyadda oo weli ma aanaan dooran halkii laga furi lahaa, laakiin waxaan heysanaa dhowr goobood oo qunsuliyada laga dhisi karo waana kala dooraneynaa,” ayuu yiri wasiir Isaaq Maxamuud Mursal. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inay wax ka qaba doonaan cabasho ka timid Soomaalida ku nool dalka Mareykanka, taas oo ku saabsan qiimaha baasaboorka iyo wax kasta oo cabasho ah oo loo soo gudbiyo inta ay joogaan Mareykanka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2023/08/baasaa.mp3The post DF oo soo faro-gelisay $430 oo baasaboorka looga qaado Soomaalida Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
  23. Golaha Sare ee dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa si kooban uga hadlay dagaalkii Sool ee lagu jebiyay ciidamada Somaliland. Golaha sare ee SSC waxay ugu horrayn dhambaal bogaadin ah u direen ciidamada iyo shacabka SSC ee ka guulaystay Somaliland. War-saxaafadeed ka soo baxay golaha sare ee SSC ayay sidoo kale ku sheegeen in aysan u socon dhul ka baxsan degaannadooda. “Waxa aan caddaynaynaa in aanan degaan iyo dad kale toona duullaan ku ahayn” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay golaha sare ee dhaqanka SSC. SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale ugu baaqday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha kala duwan in ay gurmad deg deg ah soo gaarsiiyaan shacabka ku tabaalaysan degaannada SSC. PUNTLAND POST The post SSC-Khaatumo: uma socono dhul ka baxsan degaankeenna appeared first on Puntland Post.
  24. MA TII GARAB CASE OO KALE AYAA LA RABAA TALAW? Sidaynu ka war qabno muddo 7 bilood ah, ayuu dagaal ku dhex maraayay gobolka sool ciidamada somaliland iyo ciidamo ka soo jeeda bulshada gobokaas, Dagaal kaasi intii uu socday wuxuu galaaftay nafo badan,hanti badanina way ku burburtay, qof kaste oo wax garad ahina wuu ka soo hor jeeday dagaalkaa, hadaba ilaa maalintii uu bilaabmay iyo ilaa maanta cid kaste oo ku naf wayday waan tacsiyadaynayaa,cid kaste oo ku naafawdayna waan u ducaynayaa! Dagaalkii dhex maray itoobiya iyo somaliya 1977 kii,markii hore waxa ku gacan sareeyay ciidamadii somaliya,lakin markii ay itoobiya u soo gurmadeen midawgii soofiyaadku waa la rogtay,oo waatii hal mar la yidhi:” ka baxaay”! Hadaba ciidamadii Dawladii somaliya markii ay soo gaadheen jigjiga gaar ahaan meesha la yidhaahdo: garab case, waxay gacantooda ku laayeen 84 sarkaal, oo ka mid ahaa ama ahaaba saraakiishii laga yaabay geesinimadooda, arrintaas oo lagu sababeeyay: inay ahaayeen kuwii guul darrada hor seeday! Sida laga wada war qabo,arrintaasina ilaa maanta waa bar madaw oo ku taalla ummadda somaliyeed! Xagga Af carabiga arrintan waxa loo yaqaanaa: {كبش الفداء} Hadaba dawladaha waa u caado,markay dagaal ku fashilmaan inay eedda cid gaar ah dusha u saaraan,si ay u helaan cudur daar, Sidaa darteed waxa jira: dad doonaya inay wixii Maanta ka dhacay aagga maraaga iyo gooja cadde, dusha ka saaraan saraakiil ama beelo gaar ah! taas oo u muuqata in la abuurayo sabab, saraakiishaa ama beelahaa loogu mar marsoodo oo lagu xalaashado Dhiigooda,si la mid ah dhacdadii garab case ee 1978 kii, hadaba waxan halkan uga nasteexaynayaa Ninka aanu ilmaadeerka nahay ee la yidhaahdo: FAYSAL OSMAN, oo ka mid ah: shakhsiyaadka arinkaa ilaa maanta miidhiyaha wareejinaaya, Waxaan leeyay inaadeeraw: maanta oo kale beenta ayaa badane saraakiishan iyo beelahan aad eedaynayso ka fiirso,waayo hadalkaagaasi nafo ayuu galaafan karaa! Gunaanad: hadal hadii uu wax taraayo in badan ayaa la hadlaye,waxan arrin ku soo koobayaa: {CAANO DAATAY DABADOOD LA QABAY AYAA INOO DANA}. By:Garaad sh Axmed Cali Aadan Qaran News